-
Content Count
206,225 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Hey’adda samafalka ee Hormuud Foundation ayaa Raashin iyo lacago caddaan ah waxay ay gaarsiisay Isbitaalada Danta guud (Dowliga ah) ee ku yaala Magaalada Muqdisho. Hormuud Foundation ayaa Isbitaalka Hooyada iyo Dallaanka ee Banaadir gaarsiisay deeqo isugu jirto Shidaal iyo Raashin taasoo lagu wareejiyey Maamulka Isbitaalka. Sidoo kale Hormuud Foundation ayaa deeqo lacageed gaarsiisay Isbitaallada Madiino, Dayniile, Keysaney iyo Laasareeti waxaana bukaan kasta oo Isbitaaladaas ku jiro la siiyey lacag dhan $100 (Boqol Dollar) sida uu saxaafadda u xaqiijiyey Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ah madaxa Hormuud Foundation. ” Sida aad ka arkeysaan gadaasheeda, waxaan Isbitaalka Banaadir soo gaarsiinay raashin isugu jiro Bariis, Bur, Sonkor, Saliid, Caleen Shaah iyo Timir, sidoo kale waxaan soo gaarsiinay Shidaal booyad ah” ayuu yiri Cabdullaahi Nuur Cismaan. Sidoo kale Cabdullaahi Nuur ayaa ka dhawaajiyey in Isbitaalada kala ah Madiino, Dayniile, Keysaney iyo Laasareeti la gaarsiisay gargaar lacageed. ” Waxaan dhammaan bukaanada ku jiro Isbitaaladaan Alle uga baryayaa inuu Caafiyo isla markaasna uu u barakeeyo deeqda aan soo gaarsiinay, waxaana Madaxda Isbitaalada ka rajeeneynaa inay sii laba jibaaraan adeegga ay Bulshada u hayaan” ayuu sii raaciyey Cabdullaahi Nuur. Agaasimaha Isbitaalada Madiino Dr. Maxamed Yuusuf ayaa ka mahad celiyey deeqdaan la gaarsiiyey Bukaannada ku jira Isbitaalka wuxuuna yiri; ” Hormuud waligeed ay sameyn jirtay sidaan, abaal weyna waan u heynaa, Jazaakal Allah, waan idinka guddoonay, mar kasta ayey caawisaa dadka dhibaateysan ee isbitaalada ku jira weliba marka lagu jiro xaaladahaan oo kale” . Deeqdaan ay Hormuud gaarsiisay Isbitaalada Danta Guud ee Magaalada Muqdisho ku yaal ayaa kusoo aadeyso xilli ay asbuucii hore deeq isugu jirta Raashin iyo xoolo nool ay gaarsiisay Xabsiga dhexe iyo isbitaalka Martiini oo ay ku jiraan Naafada ciidamada Xoogga ee dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya. Shirkadda Hormuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed mar kasta garab taagan, waxayna kala qeyb qaadataa xaalad kasta oo soo kororto, waxayna aheyd maalmo ka hor markii ay 100 Kun oo Dollar ay ugu deeqday dadka ay dhibaatada kasoo gaartay fatahaadaha Magaalada Beled Weyne.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida lagu soo daabacay Shabakadda wararka ee Xarunta QM ee UN News Center waxay QM iyo DFS si wadajir ah u soo saareen Codsigaasi, iyagoo ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo soo gaarsiiyo Kharajkaasi oo wax loogu qabanayo dadka Soomaalida ee ku barakacay Daadadkii dhawaan ka dhacay qeybo ka mid ah Bartamaha iyo Koonfurta Somalia. Qaramada Midoobey iyo dowladda Soomaaliya ayaa qeylo-dhaan u diray beesha caalamka, iyaga oo codsaday lacag dhan $80 million oo deg-deg ah, si wax looga qabto fatahaadda ka jira koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. OCHA waxaa ay sheegeysaa in roobab da’ay in ay sababeen fatahaadahii ugu badneyd muddo 30 sano ah. Fatahaadaha waxaa ay geysteen khasaare naf iyo maal leh, barakac, burbur ku yimid kaabayaasha dhaqaale taas oo la sheegayo inay uga sii darday dhibaatada ka jirta Soomaaliya. Dadka wax ku noqday waxaa ay heys’adda OCHA ku qiyaastay 750,000 halka dadka barakacaaysha ay gaarayaan ilaa 229,000 oo qof. Hey’adaha ka shaqeeya arrimaha banii’aadnimada waxaa ay sheegayaan in aaney isku halleyn karin lacagtii $1.5 billion ee laga sugayey beesha caalamka sanadkan. Peter de Clercq, oo UNka u qaabilsan arrimaha banii’aadnimada waxaa uu sheegayaa in loo baahanyahay xal waara iyo u adkeysi la xiriira arrimaha isbadalka hawada iyo cimillada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jassim and Hamad Bin Jassim Charitable Foundation (HBJ Foundation) will implement charity projects worth over QR15.7m in Qatar and other 16 countries worldwide during holy month of Ramadan. Source: Hiiraan Online
-
Ankara (Caasimadda Online) – Warar soo baxay ayaa sheegaya in madaxweynaha dowladda Turkiga uu ka badbaaday isku day dil xilli uu socdaal ku marayay wadanka Boosnia ee dhaca Mandiqadda Albulqaad qaaradda Yurub. Sirdoonka guud ee dowladda Turkiga ayaa sheegay in ay baarayaan wararka laysla dhaxmarayo ee sheegaya in sirdoonno caalami ah ay qorsheeyeen dilka Erdogaan. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kooxo katirsan Mucaaradka Turkiga oo kaashanaya sirdoonka Yahuudda ay maleegeen qorshe lagu khaarijin lahaa Rajeb Erdogaan xilli uu ku sugnaa magaalada Sarajevo oo ah caasimadda wadanka Bosnia. Jaaliyadda Turkiga ee wadanka Maqdooniya ayaa sirdoonka Turkiga gaarsiisay in lamaleegayo isku day dil oo ka dhan ah Erdogaan, war kasoo baxay sirdoonka Turkiga ayaa lagu sheegay in sirdoonno reergalbeedka ay soo gaarsiiyeen in kooxo Turki ah isku diyaariyeen fulinta isku day dil oo ka dhan ah madaxweynaha Turkiga. illaa iyo hadda wardoonka dowladda Turkiga uma suurtagelin in ay xadidaan heybta iyo halka ay ku suganyihiin kooxaha dilka geysan rabay oo katirsan Jamaacada Fataxullaah Gooleyn sida uu faafiyay wargeyska Bin Shafiiq ee kasoo baxa magaalada Ankara. Warbaahinta taageerta xisbiga talada haya ee Turkiga ayaa maamulka Yahuudda (Israa’iil) ku eedeeyay in uu gacan ka geystay qorshaha lagu dili lahaa Erdogaan. Bartamihii sanaddii 2016 wadanka Turkiga waxaa ka dhacay inqilaab melleteri oo ladoonayay in lagu maja xaabiyo Erdogaan oo xilligaas ahaa R/wasaare balse isku daygaas ayaa si lamafilaan ah u fashilmay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha Sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa la sheegay inay dayaceen howlahooda shaqo ee ku aadanaa gudashada waa jibaadka ka saran xilalka ay Qaranka u hayaan. Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Golaha ku dhaliilay inay meel cidla ah ku tuureen shaqooyinkii laga sugaayay, kadib markii ay gudan waayen waajibaadka loo xushay, sida ay dhaliishooda ku sheegen. Xildhibaan Cabdi Cali oo ka mid ah mudanayaasha BFS ayaa sheegay in howlaha gudoonka sare ay isku rogtay nasiino iyo in si ku tallo gal ah loo dayaco shaqooyinkii horyaalay baarlamaanka, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaan Cabdi, ayaa tilmaamay in dayacaada ugu weyn ay heysato xeer hoosaadka Baarlamaanka oo meel cidlo ah looga tegay, isla markaana ajandihii ay isla gartaan la iska tuuro. ‘’Shaqooyinkii laga sugaayay oo la qabto iska daaye waxa ay howshu mareysaa in meel cidla ah lagu tuuro xitaa ajandihii la isla garto in lasii wado, taasi waxaa u sabab ah guddoonka oo u muuqda mid cuuryaaminaaya shaqada’’ Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Xaqiiqdii baarlamaanka waxaa heysato ayaandarro,waxan u imaanaa in aan xeer hoosaadka aan u codeyno si ajandaha maalintaas aan u codeyno balse shaqo kadib meel cidlo ah lagu tuuro oo waxba kama jiraan lagasoo qaado’’ ‘’Ka Xildhibaano ahaan subax waliba wax aanan aqoon ayaa nalagu soo qaadaa, kuwii aan garaneynay waxaa la tuuraa iyadoo aan loo codeyn amaba laga doodin’’ Xildhibaan Cabdi Cali, ayaa sidoo kale, eedeyn u jeediyey guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Soomaaliya,oo uu sheegay in aysan awood u laheyn in ay farageliyaan Shaqooyinka mudanayaasha Baarlamaanka. Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa cadeeyay in Xarunta Golaha Shacabka maalin walba lala yimaado in qof walba wixii uu doono uu sameeyo, waxa uuna taa ku tilmaamay ayaandaro dhibteeda usoo hoyaneyso Guddoonka sare. Haddalka Xildhibaanka ayaa u muuqanaaya mid lagu ifinaayo ciladaha ka dhex jira Baarlamaanka Somalia, wallow Xildhibaanadu ay badi yihiin kuwo dagaal kula jira maamulka hadda shaqeeya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Danjiraha dalka Kenya u fadhiya Somalia Mr Lucas Tumbo ayaa shaaca ka qaaday inay helayaan macluumaad muujinaaya in Kenyaanka ugu badan ee qaxooti ah ku noolyihiin Somalia. Danjire Lucas Tumbo, waxa uu sheegay inay xaqiiqsadeen in Kenyaanka ugu badan ee ku nool dal African ah ay yihiin kuwo ku dhex nool Somalia, kuwaa oo uu cadeeyay inay Somalia u joogan shaqooyin kala duwan. Waxa uu Mr Lucas Tumbo tilmaamay in qurbojoogta ugu badan ee Kenyanka ah ee jooga Somalia ay yihiin kuwo xoogsato ah, halka qaarna ay yihiin Ganacsato. Mr Lucas Tumbo oo ah Danjiraha ayaa sheegay in qurbojoog Kenyaanka ah ee joogta Somalia tirro ahaan ay kor u dhaafeyso 35,000 qof. Danjiraha waxa uu carab ***** in qurbajoogta Kenyaanka ah ee ku nool Somalia ay yihiin kuwo ku kala nool “18,000 waxay ku nool yihiin Hargeysa,10,000 Jubaland iyo 3,000 oo ku nool Muqdisho iyo weliba deegaano kale,” ayuu yiri. Sidoo kale, Mr Lucas Tumbo ayaa cadeeyay in ka Safaarad ahaan ay kawarqabaan dhammaan muwaadiniintaasi, waxa uuna cod dheer ku sheegay inuu kala dhexeeyo xiriir. Si kastaba ha ahaatee, Mr Lucas Tumbo ayaa Dowlada Somalia uga mahad celiyay sida ay usoo dhaweysay Muwaadiniinta Kenyaanka ah, isagoo cadeeyay in Somalia iyo Kenya ay yihiin kuwo uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya, Lucas Tumbo ayaa sheegay in Qurbo-joogta ugu badan ee Kenyaanka ah ee Qaaradda Afrika ku sugan ay joogaan Somalia, halkaasoo intooda badan ay ka shaqeystaan. Danjire Tumbo ayaa sheegay in 35,000 qof oo Keenyaan ah ay xilligaan ku sugan yihiin Somalia ayna qaarkood ku leeyihiin ganacsiyo halka kuwo kalena ay ka xoogsadaan goobo kala duwan. Sidoo kale, safiirka ayaa amaanay hawlaha ay ciidanka AMISOM ka fuliyaan Somalia, isagoo sheegay in haddii ciidamada AMSIOM aysan joogi lahayn dalka Somalia aysan xaaladdu sidan ahaateen. “Ciidamada AMISOM wax badan ayay qabatay isbedel badan ayaana dalka ka muuqda, hadda in kabadan 80% Soomaalida dibada ku maqneyd way soo guryo-laabanayaan, waxaana Somalia naga jooga Qurbo-joogta ugu badan ee Kenya ka jooga Afrika, kuwaasoo gaaraya 35,000 oo qof,” ayuu Lucas Tumbo ku sheegay wareysi uu siiyay wargeys Kenya kasoo baxa. Dhanka kale, Danjiraha oo faahfaahin ka bixinayay Qaybaha ay ku kala nool yihiin Qurbo-joogta Kenyaanka ah ee Spmalia ku sugan ayaa wuxuu sheegay in 18,000 oo ka mid ah ay ku nool yihiin Hargeysa, 10,000 ay Jubbooyinka ku nool yihiin, 3,000 oo Muqdisho ku sugan iyo kuwo ku sugan deegaanno kale oo Soomaaliya ah. Hadalka danjiraha ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo sannado ka hor ay Dowladda Federaalka Somalia ka musaafurisay Muqdisho dhamaadkii 2015-kii 27 Keenyaan ah oo la sheegay inay sharci-darro ku joogeen Soomaaliya. Kenya ayaa waxaa Somalia kaga sugan ciidammo fara badan oo qayb ka ah kuwa AMISOM, waxaana sidoo kale ay ka mid tahay dalalka safaaradaha ku leh Muqdisho, waxaana safaaraddoodu ku taallaa Xalane oo ah xarunta AMISOM. Ugu dambeyn, Waana markii ugu horreysay oo dowladda Kenya ay daboolka ka qaaddo Keenyaanka ku sugan Somalia, kuwaasoo qaarkood shaqaale ka ah Hodheellada iyo goobaha ganacsiga, kuwo kalena la sheegay inay ganacsi madax-bannaan ku leeyihiin Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Keenyaanka Qurbo-joogta ku ah Afrika oo la sheegay inay intooda ku sugan yihiin Somalia appeared first on Puntland Post.
-
China launched a relay satellite early on Monday designed to establish a communication link between earth and a planned lunar probe that will explore the dark side of the moon, the official Xinhua news agency said. Citing the China National Space Administration, Xinhua said the satellite was launched at 5:28 a.m. (2128 GMT Sunday) on a Long March-4C rocket from the Xichang launch center in the southwest of the country. “The launch is a key step for China to realize its goal of being the first country to send a probe to soft-land on and rove the far side of the moon,” Xinhua quoted Zhang Lihua, manager of the relay satellite project, as saying. It said the satellite, known as Queqiao, or Magpie Bridge, will settle in an orbit about 455,000 km (282,555 miles) from earth and will be the world’s first communication satellite operating there. China aims to catch up with Russia and the United States to become a major space power by 2030. It is planning to launch construction of its own manned space station next year. However, while China has insisted its ambitions are purely peaceful, the U.S. Defense Department has accused it of pursuing activities aimed at preventing other nations from using space-based assets during a Source: – Reuters
-
Each morning, fishermen in the northern Somali port city of Bosaso pull in their catch of tuna, marlin, and more. The waters off northern Somalia are some of the richest in Africa. As businessmen and women on the beach haggle over the shining piles of fresh fish, the daily catch looks like a rich haul. But all is not well here for local fishermen. Many of them complain about larger, foreign boats that enter Somali waters, outfishing the locals. “Now there is illegal fishing, fish stealing, and so on,” explains boat captain Mohammed Elias Abdiqadir. He said such foreign fishing boats come from Iran, while others in Bosaso accused Yemenis of fishing in Somali waters. “We don’t have a powerful government who can stop these illegal fishermen who are creating problems,” said Abdiqadir. Foreign boats in Somali waters have been a problem for years. Some of them operate with no license at all. Others buy permits from Somali authorities, though at times under questionable circumstances. From protectors to pirates. Women slice fresh fish in thin strips to dry for eventual sale as part of a Food and Agriculture Organization program to boost Somalia’s fishing industry, in late March 2018. (J. Patinkin/VOA) A decade ago, Somali fishermen took up arms against the foreign boats, hoping to retake their waters from outsiders, but some of the Somali vigilantes then became pirates, hijacking commercial vessels plying the waters off the Horn of Africa. At one point, pirate gangs were seizing more than 40 vessels per year and holding hundreds of sailors hostage for ransom. An international naval effort has mostly stamped out the pirate menace, and Somalia has started to build fledgling local navies, including the Puntland Maritime Police Force, which patrols the waters off Bosaso. But neither has managed to rid the area of foreign boats. Abdiqani says part of the problem is that the foreign vessels are larger and have better technology than the local crafts, which are mostly small, fiberglass skiffs. “They fish in the deep ocean, and they have long nets and better tools than us,” he said. Until the foreign boats are completely gone, many experts say the threat of a return of piracy will remain, as out-of-work young men seek economic opportunities in criminality. Last year, for instance, pirates launched a string of attacks on commercial vessels off Puntland’s long coastline. Puntland Maritime Police Force on patrol off the coast of Bossaso in northern Somalia in late March, 2018. The PMPF has been tasked with fighting piracy, illegal fishing, and other criminal activity. (J. Patinkin/VOA) Somalia’s fledgling fish industry But the challenges for Somalia’s fishing industry do not only lie offshore. Fishermen use old fishing technology. Bosaso’s port needs more modern facilities to prepare fish in a sanitary environment to export. And there’s yet to be a strong supply chain for exporting Somali fish abroad. But a new program by the United Nations Food and Agriculture Organization hopes to give these parts of Somalia’s fledgling fishing industry a boost. On the outskirts of Bosaso, women have been trained to process fish meat into a dried fish product to be sold in inland Somalia. The women, dressed in bright yellow aprons, work on sanitary tables, where they butcher fresh fish steaks and slice them into fine strips to dry. Despite attracting flies, the bright sun naturally cures and disinfects the flesh. All the fish the women process have been caught by local youth, who themselves were trained by the FAO in deep-sea fishing techniques, and given larger, better-equipped boats that can reach the most profitable species. The women receive payment, and also get to take home fresh fish each day to feed their families. They also can stay near home to work, instead of searching for employment in the center of Bosaso town. Bossaso port, the economic hub of northern Somalia, in late March 2018. (J. Patinkin/VOA) “This job works for me fine, because my home is here,” explains Daawo Sheikh Mahamoud, who recently started working at the fish processing station. “Before, my kids were neglected and neighbors used to care for them for me, but now I can take care of them while doing the work in the morning.” Michael Savins, an Australian fisheries and boatbuilding expert who designed the program, says it employs more than 100 people, including fishermen at sea and processors on land. He hopes the number will increase to 500 by the end of this year. The idea, he explains, is to employ local Somalis throughout the entire value chain, and eventually start selling Somali fish internationally. “There would be nothing better than the youth from the community catching the fish with good handling and good quality and so forth on board, and landing those fish back into their community for processing,” Savins explained. “Then we’d have a really good benefit, a real holistic approach, for each community, self sustained you might say, with capture, processing, and marketing.” While Somalia struggles to take control of its waters, programs like this one could help keep Somali youth from going back to piracy. A fisherman comes in with his boat to Bossaso’s fishing beach in northern Somalia in late March 2018. (J. Patinkin/VOA)
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa shaaciyay inay toogasho ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegtay in Sarkaalkaasi ay habbeenimadii xalay ku dileen Xaafadda Taleex ee Degmada Hodon. Maleeshiyada ayaa tilmaantay in Sarkaalkaasi uu howlo muhiima ka hayay Xafiiska Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre, hayeeshee ay khaarijiyeen, sida ay hadalka u dhigeen. Al-shabaab ayaa magaca Sarkaalkan ay dileen ku sheegay Aweys Cabdi Cumar oo ay sheegen in uu ka mid ahaa Xafiiska Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre. Bogga ay al-Shabaab ku qoraan wararka ayaa lagu baahiyay in Kooxda dilka ka geysata xaafadda Taleex ee Degmada Hodon ay isaga baxsadeen goobta kaddib dilkaas. Dhinaca kale al-Shabaab waxaa ay sheegatay weerar ay ku sheegeen in xalay uu ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeellaha hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Each morning, fishermen in the northern Somali port city of Bosaso pull in their catch of tuna, marlin, and more. Source: Hiiraan Online
-
Afgooye (Caasimada Online)-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa lagu magacaabay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellaha Hoose. Wareegtada magacaabista oo soo baxday shalay oo Taariikhdu ay ku beegneyd 20-ka May 2018-ka ayaa waxaa Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellaha Hoose loogu magacaabay Maxamed Ibraahim Barre. Hogaamiye Shariif Xasan ayaa sheegay in magacaabistan ay timid kadib markii uu dhageystay talo soo jeedinta Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Koonfur Galbeed. Sheekh Shariif ayaa sidoo kale Guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo laga qaaday xilka u magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaa, Axmed Cumar oo loo yaqaan Abu Cubeydah ayaa aad u xanuunsanaya, taasi oo kooxda ka dhex dhalisay loolan ku saabsan cidda qabaneysa hoggaanka. Sida ay sheegeen ilo-sirdoon oo lagu kalsoon yahay, Abu Cubeydah oo hoggaanka kooxan qabtay 2014, ayaa hadda sariir saaran oo tacbaan ah, inkasta oo ay jirto in kooxda ay shalay baahisay cod la sheegay inuu soo duubay, oo aan la ogeyn waqtiga dhab ahaan loo duubay. Inkasta oo wararka qaara y sheegaya in si xun loogu dhaawacay weerar qorsheysan, ayaa haddana ilo lagu kalsoon yahay ay xaqiijinayaan in uu ka xannuunsan yahay kilyaha. Abu Cubeydah oo markii hore ka jiranaa hal killi, ayaa hadda la sheegayaa in laba killi ay aad uga liitaan, uuna la xarbinayo noloshiisa. Ilo-wareedyada ayaa sheegaya in Abu Cubeydah uu xanuunsanaa lixdii bilood ee ugu dambeysay, balse kooxda ay aad ugu dadaaleyso inay muujiyaan inuu wax dhibaato ah qabin. Lama yaqaan halka uu Axmed Cumar hadda ku sugan yahay. Wararka qaar ayaa sheegaya inuun joogo degmada Jilib, halka kuwa kale ay ku warramayaan inuu gobolka Gedo ku dhex dhuumanayo. Kooxda al-Shabaab ayaa lagu warramay in qarash badan uu uga baxayo dawada hoggaamiyahooda, taasi oo kooxda wiiqday awood ahaan inay fuliso howlgallo badan billihii ugu dambeeyey xilli ay dhaqaale ahaan liidato. Ilo-wareedyada ayaa sheegay in xaaladdiisa ay aad u liidato, ayna mareyso heer ay ku xigeenadiisa iyo golaha shuurada kooxda ka doodaan cidda beddeli doonta, taasina ay hoggaamisay muran xooggan iyo loolan adag. Waxaa dhowaan idiin soo gudbin doonaa Insha Allah, magacyada saddexda nin ee isku haysata hoggaanka kooxda. Warbixintan waxaa dabaacday hay’adda Terrorism Monitor Caasimada Online Xafiiska Naiorobi Caasimada@live.com
-
Gaarisa (Caasimadda Online) – Wargeyska The Istandard ee kasoo baxa wadanka Kenya ayaa sheegay in mid ka mid ah saraakiisha booliska wadankaas uu istoogtay kadib markii ay Dowladu ka diiday codsiyo dhowr ah oo ku aadanaa in laga wareegiyo gobolka Gaarisa oo kamid ah dhulka NFD ee ay Kenya ka taliso. Wargeyska ayaa sheegay in sarkaalka istoogtay uu muddo 3 sano ah ka shaqaynayay gobolka NFD, kadibna uu ka codsaday dowlada Kenya in loo wareejiyo gobol aanan Gaarisa ahayn, balse dowlada ayaa codsigiisii diiday, waxaana mar kale lagu soo qoray inuu ka hawgalo saldhig boolis oo ku yaalla Magaalada Ijaara ee isla Gaarisa, saldhigaas oo hada kahor ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen. Sarkaalka Booliska ah oo ka naxay shaqada cusub ee lagu soo qoray ayuu wargeysku sheegay inuu xabad afka iskaga dhuftay maalintii Talaadada ahayd ee lasoo dhaafay, isla goobtiina uu ku nafbaxay. Inta aanu isdilin ayuu Sarkaalka Kenyaatiga ah waxaa uu reebay warqad qoraal ah oo uu ku sheegayo inuu aad uga xumaaday in halkii uu ka sugaayay in laga wareejiyo gobolka Gaarisa ee ay weerarada Al-Shabaab ku batteen, taas badalkeeda loosoo wareejiyay saldhig muddo dhowr biloow kahor weerar lagu soo qaaday. Saraakiisha booliska Kenya ee gobolka NFD oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaan sababaha keenay in sarkaalkani uu naftiisa dilo. Wargeyska The Istaandar ee qoray warbixinta ayaa sheegay in arintaan ay qayb ka tahay dhacdooyin dhowr ah oo xilliyadii dambe kusoo noq-noqonayay gobolka. Dhawaan ayay ahayd markii 12 katirsan milatariga wadanka Kenya ay ku dhinteen qarax culus oo lagula beegsaday duleedka Magaalada Dhoobleey, xilli ay ka yimaadeen dhanka deegaanka Libooyo ee gobolka NFD ayna kusoo wajahnaayeen gudaha Soomaaliya, waxaana dhimashadaan u dambeysey ay walaac iyo buuq badan ka dhalisay gudaha wadanka Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah Siyaasi ay siyaasadiisa ku dhisan tahay wax eedeyn ayaa siyaasadeeyey roobabkii iyo raxmaddii Alle ka timid ee habeen hore ka da’ay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dowladda ku eedeeyey inaysan lacagtii canshuurta aheyd ee laga qaaday dadka Muqdisho loogu adeegin, isagoo xusay inay Muqdisho u baahan tahay in Bulaacado biyaha qaado loo sameeyo. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hadalkaan ku sheegay qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook oo u qornaa sidaan: Siyaasigaan oo inta badan ka fiiriyo tallaabooyinka dowladda dhanka Negative-ka ayaan ku fakarin inay Soomaaliya weli tahay wadan soo korayo isla markaasna aan awood u laheyn inuu sameysto Bulaacado, maadaama aysan dowladda heysan Dhaqaale ku filan isla markaasna ay ku tiirsan tahay kaalmada dowladaha Shisheeye. Waxaa xusid mudan in Wadamo Soomaaliya ka hormarsan ay marar badan ka dhaceen roobab iyo fatahaad qaado Guryo iyo Baabuur isla markaasna ay dowladda xakameyn weyso. Dalka Soomaaliya ayaa ku jiro dowladaha ugu awoodda yar adduunka, maadaama ay hadda kasoo kabaneyso dagaalo Sokeeye, Abaar iyo Khilaaf Siyaasadeed oo soo jiitamayey muddo aad u badan. Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa heysto culeys ka weyn arrintaan sida amniga iyo dadka oo u dhimanayo Gaajo. Sidoo kale dowladda ayaa ku mashquulsan sidii Al-Shabaab looga badbaadin lahaa Dhiigga Ummadda Soomaaliya. Nolosha Bulshada waxa ugu horreeyo ee haddana ugu muhiimsan ah ayaa ah in la helo amni, Soomaaliyana weli ma aysan helin amni buuxda oo la isku haleyn karo. Halkii ay aheyd inuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur u tacsiyeeyo dadka Dhibaatada ku dhacday isla markaasna uu ku baaqo in wax loo qabto ayuu bilaabay inuu uga faa’ideysto loolankiisa siyaasadeed ee ka dhanka ah dowladda Soomaaliya taasoo ay dad badan ku tilmaameyn inay tahay tallaabo aan laga fiirsan. Caasimada Online Xafiiska Naiorobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Shiikh Xasan Daahir aweys oo hore u ahaan jiray hoggaamiyihii xisbul Islaam ayaa ka hadlay fikirka uu ka qabo dadka labada Baasaboor leh. Shiikh Xasan Daahir oo hadda Xabsi guri ugu jiro dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay barnaamij yar kasoo duubay dadka Soomaaliyeed ee labada Baasaboor leh. Shiikh Xasan ayaa si gaar ah usoo qaatay Amiino Muuse Wehliye oo uu sheegay inay Assey u qaaday dalka Soomaaliya iyo sidii nabadgalyo iyo dowlad looga heli lahaa. Farriin cod ah oo uu soo diray ayuu Sheekh Xasan Aweys ayuu ku sheegay in qofka labada baasaboor leh ee u dhaartay maslaxadda dalal kale inay fulin karaan oo kaliya maslaxadda dalalka ay dhaarteen. Waa farriintii labaad oo uu Xasan Daahir aweys soo duubo muddo hal bil gudahood, wuxuuna farriintii middaan ka horeysay kaga hadlay Xarakada Al-Shabaab. Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka kasoo yeeray Xasan Daahir. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/05/pmLqXREP7t2z.128.mp3
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyaatta ayaa lagu wadaa inuu magacaabo Guddi ka shaqeyn doona sida ciidamadiisa looga saari lahaa dalka Somalia. Guddiga uu magacaabi doono Madaxweyne Kenyatta ayaa ka koobnaan doona Khubaro ciidan iyo caawiyayaal laga soo dhex xuli doono aqalka looga arrimiyo dalkaas. Khubarada dhanka ciidan ee qeybta ka noqon doona Guddiga ayaa waxaa ka dhex muuqan doona Saraakiil iminka qeyb ka ah Taliska AMISOM qeybtiisa Somalia. Madaxweyne Uhurro Kenyatta ayaa sheegay inay aqbali doonaan talaabo waliba oo laga maarmi waayo, waxa uuna carab ***** inay ixtiraami doonaan go’aan kasoo baxay Golaha Amaanka QM ee soo saaray xiliga ciidamada Kenya laga saarayo Somalia. Qaramadda Midoobey ayaa shaacisay in Ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya in ay dalkooda dib ugu laaban doonaan,islamarkaana arintaasi ay qeyb ka tahay qorshaha dhimista Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgalla Gudaha Soomaaliya. Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa qorsheynaya in ay ka baxaan Soomaaliya muddo laba sano ah ka dib sida ku cad wakhtiyada ay soo diyaarisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Sida laga soo xigtay Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2372 (2017), ciidamada Kenya ayaa Soomaaliya ka baxaya bisha Disembar 2020-ka. Si kastaba ha ahaatee, Taliyaha Guud ee ciidamada Kenya ayaa sheegay in lagu wargeliyay in laba sano gudahood ay kaga baxaan Gudaha Soomaaliya, islamarkaana ay dalkooda iyo Xuduudooda ay dib ugu laabtaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, Maxamad Ducaale Isloow, ayaa ku baaqay in ciidamada Xasilinta Muqdisho ay si wanaagsan ula dhaqmaan dadka shacabka ah. Wasiir Ducaale, waxa uu sheegay inay jiraan shaqsiyaad doonaaya inay ku dheelan sumcada ciidamada iyo shacabka ee wada shaqeynta ka dhexeyso, hase ahaatee waxa uu ku baaqay in ciidamada ay mar waliba sii wanaajiyaan la dhaqanka shacabka. ‘’Ciidamadu waa inay ogaadan wanaaga shacabka Askarigu ma shaqeynkaro haddii uusan ku dhex nooleyn shacab wanaagsan’’ Wasiir Ducaale, waxa uu tilmaamay in xiliyada qaar ay dhacdo in ciidamada ay si xun ula dhaqmaan dadka shacabka ah, hase ahaatee ay diyaar u yihiin inay la xisaabtamaan askari waliba oo fal danbiyeed geysta. Wasiir Ducaale, waxa uu sheegay in dhibaato waliba oo ay geystaan ciidamada ay kula xisaabtami doonaan Taliyayaasha iyo Saraakiisha maamusha ciidamada falka geysta. ‘’Sharciga ayaa ka sareeya cid waliba dhacdo waliba oo uu geysto askari waxa uu u mari doonaa sharciga, waxaana kala xisaabtami doonaa Saraakiisha nooga mas’uulka ah’’ Sidoo kale, Wasiir Ducaale, ayaa dadka shacabka ah ka codsaday inay la shaqeeyan ciidamada amaanka si looga hortago dhibaatooyinka ay maleegayaan maleeshiyaadka al-Shabaab. Haddalka Wasiir Ducaale, ayaa kusoo beegmaaya xili magaalada Muqdisho ay ka jiraan cabsiyo ku aadan in maleeshiyaadka al-Shabaab ay geystaan weeraro ay ku daadinayaan dhiiga dadka sooman ee ku jira maalmaha cibaadada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa(Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa shaaca ka qaaday inuu fashil kusii si qaayo Hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi. Cirro, ayaa sheegay in Muuse Biixi uu saaxada Somaliland lasoo galay colaad abuur waxa uuna ku baaqay inuu ka fiirsado talaabooyinka uu qaadayo. Guddoomiye Cirro, waxa uu tilmaamay in waayadaani ay la fajacsanaayen go’aanka uu maamulka talada hayo ilaha dhaqaale ugu gacan galiyay Dowlada Imaaraadka, iyadoo taa ay iminka usii raacday in dhalinyarada dhiigooda lagu daadiyo dagaal. Maamulka uu horboodayo Muuse Biixi ayuu sheegay inaanu laheyn muuqaal dhameysankara mudada uga harsan wakhtiga, sababo la xiriira ad adeeg iyo in culeysyo aan horay u jirin lasaaro shacabka oo marba mid la dhigaayo Jeelka. “Anigu waxa muuqda un’baan sheegayaa waxaan oran lahaa Biixi haka shaqeeyo danaha guud, Somaliland uma baahna colaad iyo in ilaha dhaqaale la hoos geeyo dalal shisheeye” Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay inaanu arag latashiyada maamulka Muuse Biixi, waxa uuna cadeeyay in xiligan Somaliland ay u baahan tahay keliya in masiirka lagala tashto waxgaradka. Sidoo kale, Cirro ayaa ku taliyay in maamulka Muuse Biixi uu la imaado isbedel dhanka habdhaqanka ah, waxa uuna carab ***** inaanu awood lagu maamuli Karin Somaliland. Haddalka Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo maamulka Somaliland uu dagaal kula jiro maamulka Puntland, halka waxgaradka deegaanada Somaliland loo xiro xoriyatul qoolka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
AWDAL — At least 22 people have been killed, and others are still missing after heavy rains from tropical cyclone hit the Horn of Africa. At least 15 were killed in Awdal region in the self-declared republic of Somaliland, according to regional governor Abdirahman Ahmed Ali, while another person was killed in the town of Berbera in Sahil region. Ali said the report is still preliminary and the death toll could rise as they try to reach remote areas of the region affected by the rains. Most of the victims are believed to be swept away by the flash floods, residents said. Residents in Baki town of Awdal region say they recorded four deaths, three of them swept away by floods while the fourth person died after a house collapsed. Mohamed Aw Ahmed Ateye is the head of the district council in Baki town. “There is a huge loss of lives and destruction of properties,” he told VOA Somali. Ateye reported the collapse of 41 homes in the town, while another 30 homes were destroyed in Harirad town. He also said 140 farms were destroyed. “The floods destroyed the crop, farm equipment and bridges were swept away after 17 hours of rains,” he said. In Mogadishu, officials confirmed the death of at least six people and more than 300 homes are underwater in the capital. According to United Nations, heavy rains continue to fall across Somalia and the Ethiopian highlands. It says 772,500 people have been affected by flooding in Somalia with more than 229,000 displaced. Hashim Omar Goth contributed to this report from Awdal.
-
Wararka laga helayo Aaga Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo Puntland oo maalmo ka hor halkaas dagaal culus ku dhexmarey ayaa sheegaya galinkii dambe ee maanta cutub ka tirsan ciidamada Puntland inay ku qabteen gaari booyad ah iyo saddex askari oo ka tirsan ciidanka Somailand. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Puntland oo telefonka kula hadlay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegay inay qeyb ka mid ah ciidamadoodu gacanta ku dhigeen baabuur nooca biyaha lagu dhaansado iyo askartii la socdey. Qabashada maxaabiistan iyo gaariga ay la socdeen ayaa timid ka gadaal markey si khalad ah uga soo dul dhaceen mid ka mid ah fariisimaha ciidanka Puntland ka samaystay agagaarka tuuladda Tukaraq ee gobolka Sool. Dhinaca kale ma jiro war kasoo baxay saraakiisha ciidanka Somaliland wallow aysan ahayn markii ugu horeysay oo ciidanka Puntland qabto gadiid ay leeyihiin ciidamada Somaliland ee ku sugan aaga Tukaraq. Jawiga Tukoraq ayaa u muuqda mid ku jira xaalad dagaal oo xilli kasta la filan karo dagaal labaad oo ka dhex qarxa labada ciidan ee isku horfadhiya. Aaga Tukaraq PUNTLAND POST The post Tukaraq: Puntland oo qabatay gaari iyo askar ka tirsan Somaliland appeared first on Puntland Post.