-
Content Count
206,235 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa ugu baaqay Somaliland iyo Puntiland in ay joojiyaan dagaallada, wixii khilaaf ah ee u dhexeeyana ay ku dhammeeyaan wada hadal. “Looma baahna in dhiig dad Soomaaliyeed la daadiyo. Looma baahna in dhiig dad Muslim ah la daadiyo. Maanta waaya arag beynu dhowr iyo labaatan sano u nahay dhibaatada uu dagaal leeyahay. Dagaal waxaa la ogaaday in aan lagu kala adkaan karin. Walaalayaalow hala iska daayo in wax wanaag lagu heli karo lagu raadiyo dagaal iyo cunfi”, ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed. Mudane Mahdi ayaa Odayaasha iyo Salaadiinta ka codsaday in ay u istaagaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen nabadeynta dhincayada dagaalku u dhexeeyo si looga baaqsado dhiig kale oo daata. Sidoo kale, Ra’iisul wasaare xigeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa Somaliland iyo Puntilad ka codsaday in joojiyaan hadalada xanafta leh ee naceybka iyo cunfiga ku abuuraya shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah. Ugu dambeyn, Colaadda u dhexeysa maamullada Puntland iyo Somaliland ee ka taagan deegaanka Tuka-raq ayaa geysatay khasaarooyin nafeed oo aad u fara badan, iyadoo weli ay deegaankaas ka taagan tahay xiisad colaadeed oo u dhexeysa labada maamul. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Somaliland oo lagu booriyay inay soo af-meeraan Colaadaha u dhexeeya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa xalay kormeer ku tegay degmooyinka Xamarweyne, Boondheere, Warta-nabadda, Hodon iyo gooba kale oo roobabkii Muqdisho ka da’ay ay biya dhigeen, isaga oo sidoo kale tegay xarumaha la dejiyay dadka laga soo daad gureeyay goobaha ay biyuhu fariisteen. Ra’iisul wasaaraha oo ay la socdeen Wasiirka amniga, taliyaasha ciidanka iyo maamulka Gobalka Benadir, ayaa waxa uu xog wareestay qaar kamid ah dadkii laga soo badbaadiyay xaafadaha ay biyuhu ku rogmadeen, waxa uuna faray guddiga loo xil saaray gurmadka in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu badbaadinayo qoysaska Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay roobabka. Wasiirka amniga gudaha XFS, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), oo ka war bixiyay Kormeerka ayaa ugu horeyn u tacsiyeeyay Qoysaska dadkii ku dhintay guud ahaan dhibaatada daadadka, waxa uuna sheegay in ujeeda kormeerka uu ahaa in loo gurmado qoysaska roobabku ay dhibaatada u geesteen. Wasiir Ducaale ayaa sheegay in la sameeyay guddi dhibaatada la tacaala oo saldhiggoodu yahay xarunta maamulka Gobalka Banaadir, waxa uuna ka codsaday dadka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan gurmadka. Ugu dambeyn, Wasiir Ducaale waxa uu sheegay in ciidanka qalabka sida ay ka qeyb qaateen badbaadinta Shacabka daadaku kusoo rogmadeen, waxa uuna caddeeyay in ay sii wadayaan howlaha badbaadinta. PUNTLAND POST The post R/W Khayre oo booqday dadkii ka badbaaday roobabkii iyo daadadkii ku dhuftay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
There’s a mom and pop grocery store in Willmar, Minnesota that carries a few items you won’t find in the freezer aisle at any Wal-Mart. Like cubed camel meat. Source: Hiiraan Online
-
The streets of Mogadishu, Somalia, were under water on Sunday, May 20, after days of rainfall triggered severe flooding. The storm, a tropical cyclone, was forecasted to strike the arid region on May 16. Source: Hiiraan Online
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Ciidamada difaaca Cirka ee Sacuudiga ayaa Isniinta Maanta ah ka hor tagay Gentaal nooca Balaatigga ah oo ay ku weerareen dagaal yahannada Xuutiyiinta ee Dalka Yemen, sida laga soo xigtay Ilo ku dhow isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo. Gentaalkan oo laga tuuray Waqooyiga Gobolka Sacda ayaa waxaa Hawada ku bur-buriyay Ciidamada difaaca Cirka ee ku sugan Gobolka Jizaan ee Koofurta Dalka Sacuudi Carabiya. Telefishinka ku hadla Afka Xuutiyiinta Yemen ee Al-Masira ,ayaa xaqiijiyay in Gentaal ay ku tuureen Garoonka Diyaaradaha Jizan ee koonfurta Sacuudi Carabiya uu halkaasi ku dhacay, waloow anan la sheegin wax khasaara ah oo ka dhashay. Gentaalkan ay Sacuudiga ku weerareen Xuutiyiinta ka dagaallama Dalka Yemen ayaa noqonaya kii Saddexaad ee ay ku tuuraan inta lagu gudo jiro Bisha barakaysan ee Ramadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Lone Park Barracks (Caasimadda Online) – Dowladda Australia ayaa u dabaaldagtay sanadguuradii 25-aad ee kasoo wareegatay howgalkii UNISOM ee laga fuliyey dalka Soomaaliya. Xafladda ka dhacday duleedka Magaalada Lone Park Barracks dalka Australia ayaa lagu xusay sanadguuradii kasoo wareegtay howgalkaas oo ay qeyb ka aheyd wadamadii ka qeybgalay. WO1 Hodges oo ahaa afhayeenkii ciidamadii ay Australia u dirtay howgalkii UNISOM ayaa sheegay inay howlgalkaas uga qeybgaleen ilaa 990 qof, wuxuuna sheegay inay Soomaaliya gaareen May 13, 1993.. Afhayeenka ayaa tibaaxay inay Soomaaliya xilligaas ka jirtay abaar iyo gaajo aad u daran oo keentay inay dhintaan ilaa 300,000 qof oo Soomaali ah. Wuxuu tilmaamay inay shaqo fiican kasoo qabteen Soomaaliya isla markaasna ay badbaadiyeen dad badan oo gaajo u dhiman lahaa sidau u hadalka u dhigay. Wuxuu sheegay inay ciidamadooda ka qeyb qaateen sidii hey’adaha gargaarka loogu ogolaan lahaa inay dadka dhibaateysan gaarsiiyaan gargaarka bini’aadanimo oo dhinac walba ah. ” Soomaaliya waxaa u tagnay sidii aan u badbaadin laheyn dad badan oo dhibaateysnaa, Inkastoo ay dad badan gaajo u dhinteen, haddana khibrad badan ayaan kasoo helnay howlgalkaas” ayuu yiri afhayeenka.
-
Cabdalle Cagalule 21 May 2018 shir jaraa’id Garoowe Madaxweyne ku xigeenkii Khaatumo Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) haatanna sheegtay in uu yahay madaxweynaha Khaatumo oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa si buuxda u taageeray dagaalka ay Puntland ku soo celinayso xuduudaha maqan ee gobolka Sool. Mudane Cagalule ayaa shirkiisa jaraa’id ku dhaleeceeyay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo uu ku tilmaamay gacan-ku-dhiigle ku caan baxay gumaadka bulshada reer Khaatumo iyo boobka dhulkooda,isagoo ku hanjabay in Somaliland aysan sii haysan doonin degaannada ay kaga sugantahay gobolka Sool. Dhinaca kale Cagalule ayaa si kulul u canaantay siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ee xilalka ka haya maamulka Somaliland,isagoo si gaar ah carrabka ugu dhuftay in ay jiraan rag aqoonyahanno loo qabay oo Somaliland been ku qancisay,islamarkaana dhuuni dartiisa u taageersan kala go’ynta umadda Soomaaliyeed iyo burburinta jiritaanka iyo qarannimadeeda. Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in siyaasiyiinta reer Khaatumo ee Somaliland xilalka ka haya ay lamid yihiin awr raray ah oo koromo ah (dhufaanan),wuxuuna caddeeyay in aysan matalin bulshada ay magaceeda sheeganayaan,sida uu hadalka u dhigay. Halkaan ka dhegayso dhammaan arrimaha uu ka hadlay. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/05/Cagalule-Khaatumo.mp3 PUNTLAND POST The post Garab kamid ah Khaatumo oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Hoggaanka kooxda ayaa aad uga walaacsan xaaladda amiirkooda Axmed Cumar Abu Cubeydah, oo laba killi aad uga xanuunsanaa muddo lix bilood ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo sirdoon. Halkan ka aqri warkaas. Ilo-wareedyada ayaa sheegay in xaaladdiisa ay aad u liidato, ayna mareyso heer ay ku xigeenadiisa iyo golaha shuurada kooxda ka doodaan cidda beddeli doonta, taasina ay hoggaamisay muran xooggan iyo loolan adag. Golaha shuurada oo qaabilsan go’aan ka gaarista cidda qabaneysa hoggaanka kooxda ayaa ka kooban sideed xubnood, waxaana ku jira rag ay ka mid yihiin; Mahad Karate oo hoggaamiya qeybta sirdoonka kooxda ee Amniyat loo yaqaan, Macallin Cusman oo hoggaamiyaha ciidamada lugta ee kooxda, iyo Cali Dheere oo ah afhayeenka kooxda. Saddexdan nin ayaa la sheegaya in hadda uusan wax hadal ah dhex marin, oo ay ad u kala carreysan yihiin. Musharaxiinta xilka u taagan waxaa ka mid ah: Mahad Karate: Waa madaxa qeybta sirdoonka ama Amniyaatka kooxda, waxa uuna kasoo jeedaa beesha Ceyr ee Habar-gidir. Markii uu dhintay Axmed Godane, ayuu xilkan aad u doonayey, hase yeeshee golaha shuurada kooxda ayaa dhinac maray, una doortay hoggaanka Axmed Cumar Abu-Cubeydah. Cali Dheere: Waa afhayeenka kooxda, waxana uu kasoo jeeda beesha Murusade, gaar ahaan Sabti, Abakar. Cali Dheere markii hore ma lahayn han hoggaan, hase yeeshee kooxda oo sii daciifeysa, islamarkaana lumisay rag badan oo caan ah kana miisaan cuslaa darteed, ayaa ay u muuqata inaysan hotaagneyn dad badan oo la loolami kara. Xuseen Cali Fiidow: Waa madaxa wilaayaadka ama madax maamul goboleedyada kooxda. Waxa uu sidoo kale qaabilsan yahay qeybta maaliyadda kooxda. Waxa uu kasoo jeeda beesha Murusade, gaar ahaan Fool-culus, Habar Maxamed, Hillibi. Wararka ayaa sheegaya inuu isku dayey inuu afgambi ku sameeyo Abu Cubeydah, islamarkaana uu dil u qorsheeyey, hase yeeshee Abu Cubeydah uu dirqi uga baxsaday kana fakaday. Dadka fallanqeeya arrimaha argagixisada ayaa xanuunka Abu Cubeydah iyo khilaafka ku saabsan cidda beddeli lahayd, u arka fursad ay ka faa’iideysan karto dowladda Soomaaliya, oo weeraro iyo dagaal culus ay kooxdan ugu qaadi karto. Warbixintan waxaa dabaacday hay’adda Terrorism Monitor Caasimada Online Xafiiska Naiorobi Caasimada@live.com
-
Biyaha Fataahada Gobolka Hiiraan ayaa xiray Buundada isaga kala gooshta Magaalada Buulo Barde ee xarunta labaad ee Gobolka Hiiraan. Biyaha Wabiga ayaa Buundada Gudaha u soo galay iyaga oo dadkana ay cabsi ka muujinayaan iyaga oo sheegay in ay Ka Cabsanayaan bahalo laga yaabo in ay biyaha soo raacaan. Dhanka kale shacabkii magaalada Buulo Barde ayaa qaarkood ka barakacay guryihii ay ku sugnaayeen kadib markii wabiga uu fatahaad sameeyay. Shacabka ayaa codsanaya in la la soo gaaro gurmad deg deg ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Buundadii Buulo Barde oo Fahaatada Biyaha ay Xireen appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Hey’adda samafalka ee Hormuud Foundation ayaa Raashin iyo lacago caddaan ah waxay ay gaarsiisay Isbitaalada Danta guud (Dowliga ah) ee ku yaala Magaalada Muqdisho. Hormuud Foundation ayaa Isbitaalka Hooyada iyo Dallaanka ee Banaadir gaarsiisay deeqo isugu jirto Shidaal iyo Raashin taasoo lagu wareejiyey Maamulka Isbitaalka. Sidoo kale Hormuud Foundation ayaa deeqo lacageed gaarsiisay Isbitaallada Madiino, Dayniile, Keysaney iyo Laasareeti waxaana bukaan kasta oo Isbitaaladaas ku jiro la siiyey lacag dhan $100 (Boqol Dollar) sida uu saxaafadda u xaqiijiyey Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ah madaxa Hormuud Foundation. ” Sida aad ka arkeysaan gadaasheeda, waxaan Isbitaalka Banaadir soo gaarsiinay raashin isugu jiro Bariis, Bur, Sonkor, Saliid, Caleen Shaah iyo Timir, sidoo kale waxaan soo gaarsiinay Shidaal booyad ah” ayuu yiri Cabdullaahi Nuur Cismaan. Sidoo kale Cabdullaahi Nuur ayaa ka dhawaajiyey in Isbitaalada kala ah Madiino, Dayniile, Keysaney iyo Laasareeti la gaarsiisay gargaar lacageed. ” Waxaan dhammaan bukaanada ku jiro Isbitaaladaan Alle uga baryayaa inuu Caafiyo isla markaasna uu u barakeeyo deeqda aan soo gaarsiinay, waxaana Madaxda Isbitaalada ka rajeeneynaa inay sii laba jibaaraan adeegga ay Bulshada u hayaan” ayuu sii raaciyey Cabdullaahi Nuur. Agaasimaha Isbitaalada Madiino Dr. Maxamed Yuusuf ayaa ka mahad celiyey deeqdaan la gaarsiiyey Bukaannada ku jira Isbitaalka wuxuuna yiri; ” Hormuud waligeed ay sameyn jirtay sidaan, abaal weyna waan u heynaa, Jazaakal Allah, waan idinka guddoonay, mar kasta ayey caawisaa dadka dhibaateysan ee isbitaalada ku jira weliba marka lagu jiro xaaladahaan oo kale” . Deeqdaan ay Hormuud gaarsiisay Isbitaalada Danta Guud ee Magaalada Muqdisho ku yaal ayaa kusoo aadeyso xilli ay asbuucii hore deeq isugu jirta Raashin iyo xoolo nool ay gaarsiisay Xabsiga dhexe iyo isbitaalka Martiini oo ay ku jiraan Naafada ciidamada Xoogga ee dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya. Shirkadda Hormuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed mar kasta garab taagan, waxayna kala qeyb qaadataa xaalad kasta oo soo kororto, waxayna aheyd maalmo ka hor markii ay 100 Kun oo Dollar ay ugu deeqday dadka ay dhibaatada kasoo gaartay fatahaadaha Magaalada Beled Weyne.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida lagu soo daabacay Shabakadda wararka ee Xarunta QM ee UN News Center waxay QM iyo DFS si wadajir ah u soo saareen Codsigaasi, iyagoo ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo soo gaarsiiyo Kharajkaasi oo wax loogu qabanayo dadka Soomaalida ee ku barakacay Daadadkii dhawaan ka dhacay qeybo ka mid ah Bartamaha iyo Koonfurta Somalia. Qaramada Midoobey iyo dowladda Soomaaliya ayaa qeylo-dhaan u diray beesha caalamka, iyaga oo codsaday lacag dhan $80 million oo deg-deg ah, si wax looga qabto fatahaadda ka jira koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. OCHA waxaa ay sheegeysaa in roobab da’ay in ay sababeen fatahaadahii ugu badneyd muddo 30 sano ah. Fatahaadaha waxaa ay geysteen khasaare naf iyo maal leh, barakac, burbur ku yimid kaabayaasha dhaqaale taas oo la sheegayo inay uga sii darday dhibaatada ka jirta Soomaaliya. Dadka wax ku noqday waxaa ay heys’adda OCHA ku qiyaastay 750,000 halka dadka barakacaaysha ay gaarayaan ilaa 229,000 oo qof. Hey’adaha ka shaqeeya arrimaha banii’aadnimada waxaa ay sheegayaan in aaney isku halleyn karin lacagtii $1.5 billion ee laga sugayey beesha caalamka sanadkan. Peter de Clercq, oo UNka u qaabilsan arrimaha banii’aadnimada waxaa uu sheegayaa in loo baahanyahay xal waara iyo u adkeysi la xiriira arrimaha isbadalka hawada iyo cimillada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jassim and Hamad Bin Jassim Charitable Foundation (HBJ Foundation) will implement charity projects worth over QR15.7m in Qatar and other 16 countries worldwide during holy month of Ramadan. Source: Hiiraan Online
-
Ankara (Caasimadda Online) – Warar soo baxay ayaa sheegaya in madaxweynaha dowladda Turkiga uu ka badbaaday isku day dil xilli uu socdaal ku marayay wadanka Boosnia ee dhaca Mandiqadda Albulqaad qaaradda Yurub. Sirdoonka guud ee dowladda Turkiga ayaa sheegay in ay baarayaan wararka laysla dhaxmarayo ee sheegaya in sirdoonno caalami ah ay qorsheeyeen dilka Erdogaan. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kooxo katirsan Mucaaradka Turkiga oo kaashanaya sirdoonka Yahuudda ay maleegeen qorshe lagu khaarijin lahaa Rajeb Erdogaan xilli uu ku sugnaa magaalada Sarajevo oo ah caasimadda wadanka Bosnia. Jaaliyadda Turkiga ee wadanka Maqdooniya ayaa sirdoonka Turkiga gaarsiisay in lamaleegayo isku day dil oo ka dhan ah Erdogaan, war kasoo baxay sirdoonka Turkiga ayaa lagu sheegay in sirdoonno reergalbeedka ay soo gaarsiiyeen in kooxo Turki ah isku diyaariyeen fulinta isku day dil oo ka dhan ah madaxweynaha Turkiga. illaa iyo hadda wardoonka dowladda Turkiga uma suurtagelin in ay xadidaan heybta iyo halka ay ku suganyihiin kooxaha dilka geysan rabay oo katirsan Jamaacada Fataxullaah Gooleyn sida uu faafiyay wargeyska Bin Shafiiq ee kasoo baxa magaalada Ankara. Warbaahinta taageerta xisbiga talada haya ee Turkiga ayaa maamulka Yahuudda (Israa’iil) ku eedeeyay in uu gacan ka geystay qorshaha lagu dili lahaa Erdogaan. Bartamihii sanaddii 2016 wadanka Turkiga waxaa ka dhacay inqilaab melleteri oo ladoonayay in lagu maja xaabiyo Erdogaan oo xilligaas ahaa R/wasaare balse isku daygaas ayaa si lamafilaan ah u fashilmay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha Sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa la sheegay inay dayaceen howlahooda shaqo ee ku aadanaa gudashada waa jibaadka ka saran xilalka ay Qaranka u hayaan. Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Golaha ku dhaliilay inay meel cidla ah ku tuureen shaqooyinkii laga sugaayay, kadib markii ay gudan waayen waajibaadka loo xushay, sida ay dhaliishooda ku sheegen. Xildhibaan Cabdi Cali oo ka mid ah mudanayaasha BFS ayaa sheegay in howlaha gudoonka sare ay isku rogtay nasiino iyo in si ku tallo gal ah loo dayaco shaqooyinkii horyaalay baarlamaanka, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaan Cabdi, ayaa tilmaamay in dayacaada ugu weyn ay heysato xeer hoosaadka Baarlamaanka oo meel cidlo ah looga tegay, isla markaana ajandihii ay isla gartaan la iska tuuro. ‘’Shaqooyinkii laga sugaayay oo la qabto iska daaye waxa ay howshu mareysaa in meel cidla ah lagu tuuro xitaa ajandihii la isla garto in lasii wado, taasi waxaa u sabab ah guddoonka oo u muuqda mid cuuryaaminaaya shaqada’’ Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Xaqiiqdii baarlamaanka waxaa heysato ayaandarro,waxan u imaanaa in aan xeer hoosaadka aan u codeyno si ajandaha maalintaas aan u codeyno balse shaqo kadib meel cidlo ah lagu tuuro oo waxba kama jiraan lagasoo qaado’’ ‘’Ka Xildhibaano ahaan subax waliba wax aanan aqoon ayaa nalagu soo qaadaa, kuwii aan garaneynay waxaa la tuuraa iyadoo aan loo codeyn amaba laga doodin’’ Xildhibaan Cabdi Cali, ayaa sidoo kale, eedeyn u jeediyey guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Soomaaliya,oo uu sheegay in aysan awood u laheyn in ay farageliyaan Shaqooyinka mudanayaasha Baarlamaanka. Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa cadeeyay in Xarunta Golaha Shacabka maalin walba lala yimaado in qof walba wixii uu doono uu sameeyo, waxa uuna taa ku tilmaamay ayaandaro dhibteeda usoo hoyaneyso Guddoonka sare. Haddalka Xildhibaanka ayaa u muuqanaaya mid lagu ifinaayo ciladaha ka dhex jira Baarlamaanka Somalia, wallow Xildhibaanadu ay badi yihiin kuwo dagaal kula jira maamulka hadda shaqeeya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Danjiraha dalka Kenya u fadhiya Somalia Mr Lucas Tumbo ayaa shaaca ka qaaday inay helayaan macluumaad muujinaaya in Kenyaanka ugu badan ee qaxooti ah ku noolyihiin Somalia. Danjire Lucas Tumbo, waxa uu sheegay inay xaqiiqsadeen in Kenyaanka ugu badan ee ku nool dal African ah ay yihiin kuwo ku dhex nool Somalia, kuwaa oo uu cadeeyay inay Somalia u joogan shaqooyin kala duwan. Waxa uu Mr Lucas Tumbo tilmaamay in qurbojoogta ugu badan ee Kenyanka ah ee jooga Somalia ay yihiin kuwo xoogsato ah, halka qaarna ay yihiin Ganacsato. Mr Lucas Tumbo oo ah Danjiraha ayaa sheegay in qurbojoog Kenyaanka ah ee joogta Somalia tirro ahaan ay kor u dhaafeyso 35,000 qof. Danjiraha waxa uu carab ***** in qurbajoogta Kenyaanka ah ee ku nool Somalia ay yihiin kuwo ku kala nool “18,000 waxay ku nool yihiin Hargeysa,10,000 Jubaland iyo 3,000 oo ku nool Muqdisho iyo weliba deegaano kale,” ayuu yiri. Sidoo kale, Mr Lucas Tumbo ayaa cadeeyay in ka Safaarad ahaan ay kawarqabaan dhammaan muwaadiniintaasi, waxa uuna cod dheer ku sheegay inuu kala dhexeeyo xiriir. Si kastaba ha ahaatee, Mr Lucas Tumbo ayaa Dowlada Somalia uga mahad celiyay sida ay usoo dhaweysay Muwaadiniinta Kenyaanka ah, isagoo cadeeyay in Somalia iyo Kenya ay yihiin kuwo uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya, Lucas Tumbo ayaa sheegay in Qurbo-joogta ugu badan ee Kenyaanka ah ee Qaaradda Afrika ku sugan ay joogaan Somalia, halkaasoo intooda badan ay ka shaqeystaan. Danjire Tumbo ayaa sheegay in 35,000 qof oo Keenyaan ah ay xilligaan ku sugan yihiin Somalia ayna qaarkood ku leeyihiin ganacsiyo halka kuwo kalena ay ka xoogsadaan goobo kala duwan. Sidoo kale, safiirka ayaa amaanay hawlaha ay ciidanka AMISOM ka fuliyaan Somalia, isagoo sheegay in haddii ciidamada AMSIOM aysan joogi lahayn dalka Somalia aysan xaaladdu sidan ahaateen. “Ciidamada AMISOM wax badan ayay qabatay isbedel badan ayaana dalka ka muuqda, hadda in kabadan 80% Soomaalida dibada ku maqneyd way soo guryo-laabanayaan, waxaana Somalia naga jooga Qurbo-joogta ugu badan ee Kenya ka jooga Afrika, kuwaasoo gaaraya 35,000 oo qof,” ayuu Lucas Tumbo ku sheegay wareysi uu siiyay wargeys Kenya kasoo baxa. Dhanka kale, Danjiraha oo faahfaahin ka bixinayay Qaybaha ay ku kala nool yihiin Qurbo-joogta Kenyaanka ah ee Spmalia ku sugan ayaa wuxuu sheegay in 18,000 oo ka mid ah ay ku nool yihiin Hargeysa, 10,000 ay Jubbooyinka ku nool yihiin, 3,000 oo Muqdisho ku sugan iyo kuwo ku sugan deegaanno kale oo Soomaaliya ah. Hadalka danjiraha ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo sannado ka hor ay Dowladda Federaalka Somalia ka musaafurisay Muqdisho dhamaadkii 2015-kii 27 Keenyaan ah oo la sheegay inay sharci-darro ku joogeen Soomaaliya. Kenya ayaa waxaa Somalia kaga sugan ciidammo fara badan oo qayb ka ah kuwa AMISOM, waxaana sidoo kale ay ka mid tahay dalalka safaaradaha ku leh Muqdisho, waxaana safaaraddoodu ku taallaa Xalane oo ah xarunta AMISOM. Ugu dambeyn, Waana markii ugu horreysay oo dowladda Kenya ay daboolka ka qaaddo Keenyaanka ku sugan Somalia, kuwaasoo qaarkood shaqaale ka ah Hodheellada iyo goobaha ganacsiga, kuwo kalena la sheegay inay ganacsi madax-bannaan ku leeyihiin Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Keenyaanka Qurbo-joogta ku ah Afrika oo la sheegay inay intooda ku sugan yihiin Somalia appeared first on Puntland Post.
-
China launched a relay satellite early on Monday designed to establish a communication link between earth and a planned lunar probe that will explore the dark side of the moon, the official Xinhua news agency said. Citing the China National Space Administration, Xinhua said the satellite was launched at 5:28 a.m. (2128 GMT Sunday) on a Long March-4C rocket from the Xichang launch center in the southwest of the country. “The launch is a key step for China to realize its goal of being the first country to send a probe to soft-land on and rove the far side of the moon,” Xinhua quoted Zhang Lihua, manager of the relay satellite project, as saying. It said the satellite, known as Queqiao, or Magpie Bridge, will settle in an orbit about 455,000 km (282,555 miles) from earth and will be the world’s first communication satellite operating there. China aims to catch up with Russia and the United States to become a major space power by 2030. It is planning to launch construction of its own manned space station next year. However, while China has insisted its ambitions are purely peaceful, the U.S. Defense Department has accused it of pursuing activities aimed at preventing other nations from using space-based assets during a Source: – Reuters
-
Each morning, fishermen in the northern Somali port city of Bosaso pull in their catch of tuna, marlin, and more. The waters off northern Somalia are some of the richest in Africa. As businessmen and women on the beach haggle over the shining piles of fresh fish, the daily catch looks like a rich haul. But all is not well here for local fishermen. Many of them complain about larger, foreign boats that enter Somali waters, outfishing the locals. “Now there is illegal fishing, fish stealing, and so on,” explains boat captain Mohammed Elias Abdiqadir. He said such foreign fishing boats come from Iran, while others in Bosaso accused Yemenis of fishing in Somali waters. “We don’t have a powerful government who can stop these illegal fishermen who are creating problems,” said Abdiqadir. Foreign boats in Somali waters have been a problem for years. Some of them operate with no license at all. Others buy permits from Somali authorities, though at times under questionable circumstances. From protectors to pirates. Women slice fresh fish in thin strips to dry for eventual sale as part of a Food and Agriculture Organization program to boost Somalia’s fishing industry, in late March 2018. (J. Patinkin/VOA) A decade ago, Somali fishermen took up arms against the foreign boats, hoping to retake their waters from outsiders, but some of the Somali vigilantes then became pirates, hijacking commercial vessels plying the waters off the Horn of Africa. At one point, pirate gangs were seizing more than 40 vessels per year and holding hundreds of sailors hostage for ransom. An international naval effort has mostly stamped out the pirate menace, and Somalia has started to build fledgling local navies, including the Puntland Maritime Police Force, which patrols the waters off Bosaso. But neither has managed to rid the area of foreign boats. Abdiqani says part of the problem is that the foreign vessels are larger and have better technology than the local crafts, which are mostly small, fiberglass skiffs. “They fish in the deep ocean, and they have long nets and better tools than us,” he said. Until the foreign boats are completely gone, many experts say the threat of a return of piracy will remain, as out-of-work young men seek economic opportunities in criminality. Last year, for instance, pirates launched a string of attacks on commercial vessels off Puntland’s long coastline. Puntland Maritime Police Force on patrol off the coast of Bossaso in northern Somalia in late March, 2018. The PMPF has been tasked with fighting piracy, illegal fishing, and other criminal activity. (J. Patinkin/VOA) Somalia’s fledgling fish industry But the challenges for Somalia’s fishing industry do not only lie offshore. Fishermen use old fishing technology. Bosaso’s port needs more modern facilities to prepare fish in a sanitary environment to export. And there’s yet to be a strong supply chain for exporting Somali fish abroad. But a new program by the United Nations Food and Agriculture Organization hopes to give these parts of Somalia’s fledgling fishing industry a boost. On the outskirts of Bosaso, women have been trained to process fish meat into a dried fish product to be sold in inland Somalia. The women, dressed in bright yellow aprons, work on sanitary tables, where they butcher fresh fish steaks and slice them into fine strips to dry. Despite attracting flies, the bright sun naturally cures and disinfects the flesh. All the fish the women process have been caught by local youth, who themselves were trained by the FAO in deep-sea fishing techniques, and given larger, better-equipped boats that can reach the most profitable species. The women receive payment, and also get to take home fresh fish each day to feed their families. They also can stay near home to work, instead of searching for employment in the center of Bosaso town. Bossaso port, the economic hub of northern Somalia, in late March 2018. (J. Patinkin/VOA) “This job works for me fine, because my home is here,” explains Daawo Sheikh Mahamoud, who recently started working at the fish processing station. “Before, my kids were neglected and neighbors used to care for them for me, but now I can take care of them while doing the work in the morning.” Michael Savins, an Australian fisheries and boatbuilding expert who designed the program, says it employs more than 100 people, including fishermen at sea and processors on land. He hopes the number will increase to 500 by the end of this year. The idea, he explains, is to employ local Somalis throughout the entire value chain, and eventually start selling Somali fish internationally. “There would be nothing better than the youth from the community catching the fish with good handling and good quality and so forth on board, and landing those fish back into their community for processing,” Savins explained. “Then we’d have a really good benefit, a real holistic approach, for each community, self sustained you might say, with capture, processing, and marketing.” While Somalia struggles to take control of its waters, programs like this one could help keep Somali youth from going back to piracy. A fisherman comes in with his boat to Bossaso’s fishing beach in northern Somalia in late March 2018. (J. Patinkin/VOA)
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa shaaciyay inay toogasho ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegtay in Sarkaalkaasi ay habbeenimadii xalay ku dileen Xaafadda Taleex ee Degmada Hodon. Maleeshiyada ayaa tilmaantay in Sarkaalkaasi uu howlo muhiima ka hayay Xafiiska Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre, hayeeshee ay khaarijiyeen, sida ay hadalka u dhigeen. Al-shabaab ayaa magaca Sarkaalkan ay dileen ku sheegay Aweys Cabdi Cumar oo ay sheegen in uu ka mid ahaa Xafiiska Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre. Bogga ay al-Shabaab ku qoraan wararka ayaa lagu baahiyay in Kooxda dilka ka geysata xaafadda Taleex ee Degmada Hodon ay isaga baxsadeen goobta kaddib dilkaas. Dhinaca kale al-Shabaab waxaa ay sheegatay weerar ay ku sheegeen in xalay uu ka dhacay degaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeellaha hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Each morning, fishermen in the northern Somali port city of Bosaso pull in their catch of tuna, marlin, and more. Source: Hiiraan Online
-
Afgooye (Caasimada Online)-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa lagu magacaabay Gudoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellaha Hoose. Wareegtada magacaabista oo soo baxday shalay oo Taariikhdu ay ku beegneyd 20-ka May 2018-ka ayaa waxaa Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellaha Hoose loogu magacaabay Maxamed Ibraahim Barre. Hogaamiye Shariif Xasan ayaa sheegay in magacaabistan ay timid kadib markii uu dhageystay talo soo jeedinta Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Koonfur Galbeed. Sheekh Shariif ayaa sidoo kale Guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo laga qaaday xilka u magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.