-
Content Count
210,839 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – Somali military says its especial forces, along with US troops launched joint military offensive against Al-Shabaab. A Somali military captain, Aden Hassan says the coalition forces carried out joint operation in Basra and other villages near Bal’ad town, some 31km northeast of Mogadishu. Hassan said that Somalia, US forces managed to arrest a cell composed of 10 Al-Shabaab militants who had sneaked into Basra area during the operation. “We came under an ambush attack by Al-Shabaab fighters, but our repulsed the surprise assault and arrested 10 of the group’s fighters”, he said. He accused the group’s fighters of destabilizing the security in the region. “The joint forces destroyed Al-Shabaab camps and seized ammunitions and weapons during the Tuesday’s military operation”, he added. US helicopters reportedly pounded targets held by Al Qaeda inspired group of Al –Shabaab, causing untold number of casualty. The U.S. military has carried out dozens of airstrikes against al-Shabab and Islamic State militants in support of federal government of Somalia. Washington deployed dozens of its troops into Somalia in an advise-and-assist capacity, and U.S. security advisers regularly call in airstrikes on Al-Shabab leaders and training camps in Somalia. However, Al-Shabaab, which once controlled much of Somalia, wants to topple the western-backed government in Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online)– Eritrea’s delegation led by Foreign Minister, Osman Saleh has flown back to Asmara capital, after concluding 3-day visit to Somali capital Mogadishu. The Eritrea’s Minister of Information, Yemane G. Meskel says its FM Osman Saleha, Presidential Adviser Yeman e G/ab and others senior officails had departed from Mogadishu. Meskel says the Joint High Level Committee of Eritrea and Somalia that was established during the historic visit of President Mohammed Abdulahhi Mohammed to Eritrea from 28 to 30 July held its first meeting in Mogadishu. The meeting was chaired by the Eritrean Foreign Minister, Osman Saleh and his Somali counterpart, Ahmed Isse Awad, He said Somalia and Eritrea discussed on the implementation of the joint declaration in economic, diplomatic, defense and security sectors during the meeting. For his part, Somali President explained to the delegation the progress that Somalia has made as well as domestic and external challenges it continues to face, according to Meskel. President Farmajo reaffirmed Somalia’s commitment to the Joint Declaration signed by both countries and outlined priorities for its implementation. Last month, the presidents of Eritrea and Somalia signed an agreement to restore their countries’ relations after years of animosity. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane G. Meskel ayaa xaqiijiyey in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu marti qaad u fidiyey dhiggiisa Eritrea Isias Afwerki. Arintan ayaa imaneysa kaddib markii ay booqasho saddex maalmood ah ay dalka ku joogeen wafti ka socday Eritrea oo uu hoggaaminayey wasiirka arimaha dibedda ee dalkaas iyo la taliyaha gaarka ah ee madaxweyne Aferki. Wasiirka Warfaafinta Eritrea ayaa boggiisa Twitter-ka ku xaqiijiyey cusummaadka uu madaxweyne Farmaajo u fidiyey Isias Afwerki. “Waftiga Eritrea waxa ay soo gunaanadeen booqasho guul ah oo ay saddex maalmood ku joogeen Soomaliya. Waxa ay la kulmeen madaxweynaha, Raisul Wasaaraha, afhayeenka barlamaanka, wasiirka arimaha dibadda iyo saraakiil kale. Duqa magaalada Muqdisho ayaa ku martiqaaday xaflad dhaqan oo lagu weynaye wafdiga. Waxa ay booqdeen xeebta Muqdisho. Madaxweyne Maxamed waxa ay casumaad u fidiyey Madaxweyne Isias.” Dhacdooyinkan ayaa imaanaya kaddib markii uu madaxweynaha Soomaaliya booqasho rasmi ah ku tagay dalka Eritrea iyaga dib u soo celiyey xiriirkii wanaagsanaa ee labada dal ka dhexeeyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
JIG-JIGA (Caasimadda Online) – Wararka ka imanaya Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in magaalada Addis Ababa looga yeeray wasiiradda, ku xigennadoodii, maareerayayaasha wakaaladaha, gudoomiyayaasha 11-ka gobol ee uu deegaanka ka kooban yahay iyo dhammaan dadka uu xilalka u magacaabay maamulkii hore ee aan shaqaalaha caadiga ahayn. Waxaa caasimadda horay usii joogay xubnaha golaha dhexe ee xisbiga dimuqraadiga ee shacabka Soomaalida Itoobiya oo 45 xubnood ka kooban ayna ku jiraan madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka. Dadka qaar ayaa sheegaya in sababta mas’uuliyiintaasi la isugu geeyay Addis Ababa ay tahay qiimeyn lagu sameynayo shaqadooda iyo isla xisaabtan. Dhanka kale, taliye sare oo ka tirsan ciidammada Itoobiya ayaa BBC u sheegay in aanu hadda jirin qorshe lagu kala dirayo ciidanka deegaanka Soomaalida ee Liyu Booliiska, sida uu BBC-da u xaqiijiyay Sareeye gaas Maxamed Tesema oo ah agaasimaha xiriirka bulshada ee wasaaradda gaashaandhigga ee Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com
-
Guddoonka baarlamaanka Puntland Baarlamaanka Puntland ayaa maanta soo saaray Lifaaqa 4-aad ee dastuurka Puntland, kadib markii shalay ay caddeeyeen in aysan xilligaan Puntland ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah. Golaha Wakiillada Puntland oo cuskanaya qodobada 7-aad, 60-aad, 64-aad iyo 68-aad ee dastuurka Puntland waxay soo saareen Lifaaga 4-aad ee dastuurka Puntland oo ka kooban 8 qodob oo u qoran sidatan. 1- In la soo xulo xubnihii Golaha Wakiillada ee bedeli lahaa Golaha hadda jira ka hor dhammaadka xil-hayntooda oo ku eg 31/12/2018. 2- Xubnaha Golaha Wakiilladu waxay ku imaanayaan hab-beeleedkii lagu soo xuli jiray Golaha Wakiillada mudadii ay Puntland jirtay. 3- Shuruudaha ka mid noqoshada xubnaha Golaha Wakiillada ee la soo xulayo waa kuwa ku xusan qodobka 61-aad ee dastuurka Puntland. 4- Golaha Wakiillada ee cusub ee ku xusan qodobka 3-aad ee lifaagan waxay iska dhex dooranayaan Guddoomiyaha iyo labada ku xigeen, sidoo kale waxay dooranayaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland 08/01/2019, waxay kaloo fulinayaan waajibaadka kale ee dastuurku farayo. 5- Haddii xubin ama ka badan oo ka mid ah Golaha Wakiillada banayso/baneeyaan xilkooda ka hor dhammaadka mudada xil-hayntooda, waxaa soo bedelaysa beeshii soo xushay muddo 30 (soddan) maalmood gudahood ah, iyadoo la raacayo habka lagu soo xulay xubnaha Golaha 6- Barnaamijka geedi-socodka ee Puntand waxaa sii wadaya Guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland ee’hadda jira si aanay u dhicin hakad gala geedi-socodka dimugraadiyeynta ee socda. 7- Golayaasha deegaanka ee DPL waxaa lagu soo xulayaa hab la mid ah kan baarlamaanka oo heer degmo ah, waxaana lagu dhaqayaa qodobada dastuurka ee khuseeya iyo xeerka Golayaasha deegaanka inta laga hirgalinayo doorashada Golayaasha deegaanka nidaamka asxaabta badan ee soo socda. 8- Waxaa si ku meel gaar ah loo laalay qawaaniinta iyo xeerarka ka hor-imanaya ama aan la socon karin Lifaaqan oo aysan suuragal ahayn in hadda la fuliyo. Qodobka kowaad ee Lifaaqa 4-aad ee dastuurka Puntland ayaa dhigaya in baarlamaanka hadda jira xil-hayntooda ku eg 31/12/2018, wuxuuna ka hor-imanayaa kuwii 2008 iyo 2013 oo baaralamaankii xiliyadaas la kala diray 31 Oktoobar. Hoos ka akhriso Lifaaqa 4-aad ee dastuurka Puntland PUNTLAND POST The post Akhriso: Baarlamaanka Puntland oo soo saaray Lifaaqa 4-aad ee dastuurka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta dowladda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay hadal kasoo yeeray Xisbiga Wadajir oo ku aadanaa Dacwada Kiiska Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Xisbiga Wadajir ayaa tilmaamay inaan weli la xallin oo aan waxba laga qaban kiiska dacwadii ku saabsaneyd weerarkii lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur kaasoo ay ku dhinteyn ilaa lix qof oo ahaa ilaaladiisa gaarka ah. Wasiirka Arrimaha Gudaha Eng. Sabriye ayaa tilmaamay in kiiska dacwadii Cabdiraxmaan Cabdishakuur la xaliyey iyadoo arrintaas loo maray qaab dhaqanka Soomaaliga ah. Wasiirka ayaa tilmaamay inuu isaga qaaday mas’uuliyadda Kiiskaas iyo sidii xal loogu heli lahaa isagoo tilmaamay inay arrintaas hadda dhamaatay. “Waxa aan la kulmay qoysaskii dhibka gaaray iyo madaxada dalka waxaana la isla gartay in lacag magdhaw ah la siiyo qoysaska ay ka soo jeedeen dadkii ku dhintay weerarkii ka dhacay guriga Cabdiraxmaan Cabdishakur” ayuu yiri Sabriye. Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in xallinta kiiskaan ay gacan weyn ka geysteen ganacsato iyo odayaal dhaqmeedyo beesha kasoo jeedo idaasna si isagarad ah loogu xaliyey dhibaatadii taagneyd. Wasiirka ayaa sheegay in uusan isaga dhex galin ama uusan isku dayin in uu dhex galo dowlada iyo siyaasiga oo arimo gaarka ah isku haystaan. Dhawaan ayaan xisbiga Wadajir ay ku doodeen in uu burburay wadahadalkii iyaga iyo dowladda ka dhaxeeyay. Waxa is waydiin mudan waa maxay arimaha laga wada hadlayo marba hadii uu Cabdiraxman Cabdishakur raali ku noqday magta lacageed oo ay dowladda bixisay? Ma dowladda ayuu ka sugaayay in ay lacag isaga siiso ama raali galin ka siiso wixii dhacay? Dadka qaar ayaa la yaabay sida ay suuragal ku tahay in C/raxaman Cabdishakur sheegto in wadahadal isaga iyo dowladda u socday isaga oo habeen iyo maalin ka dhaleeceeya warbaahinta hogaanka dowladda? Waxaa muuqato in Kiiskaan mar hor la xaliyey iyadoo ay taas caddeyn u tahay inaysan jirin dood iyo qeylo dhaan ka imaaneyso Odayaasha kasoo jeedo Beesha Ceyr oo arrintaan ka aamusay maadaama diyo la kala qaatay. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hadda ah debad joog aan dalka ka sameyn karin wax dhaqaaq ah kadib cadaadis xoog leh oo kaga imaaday dowladda dhexe kaasoo keenay in xataa loo diido shirar uu ku qabsan lahaa dalka Kenya. Siyaasigaan ayaa hadda ku sugan dalka Mareykanka wuxuuna weerarkii lagu qaaday kadib cagta soo mariyey wadamo badan oo uu kula kulmayey dadka Soomaaliyeed si uu uga gado siyaasadiisa uu ku doonayo inuu dalka Madaxweynaha uga noqdo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay, kana danbeyso amni darrada dalka ka jirta. Isagoo maanta ku laabtay magaalada Kismaayo kadib socdaal in muddo ah ugu maqnaa dalalka Kenya iyo Itoobiya wuxuuna saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaayo isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax wada shaqen ah kala dhaxeyn ayna sabab u tahay amni darrada dalka ka jirta. Hogaamiyaha Jubbaland ayaa carabka ku dhuftay in dowlad goboleedyadda dalka ka jira aysan kala dhaxayn dowladda Federaalka wax wadashaqayn ah, taasoo uu shaaciyay inay sababi karto amni xumo baahsan oo dalka lasoo darista. Axmed Madoobe ayaa ka hadlay saraakiil ay magacawday dowladda Federaalka oo ka tirsan NISA oo laga soo celiyay magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay inaysan dowladda Federaalka wax xiriir ah iyo wadatashi kala sameyn magacaabista saraakiishaasi. “Dowladda Federaalka iyadda ayaa amni xumadda dalka ka jirta qayb ka ah, maxaa yeelay hadii ay jiri lahayd wadashaqayn ay la yeelato dowladda goboleedyadda amniga wuxuu noqon lahaa mid hagaagsan,” ayuu Axmed Madoobe saxaafada u sheegay. Warar hore u soo baxaya ayaa sheegayay in Axmed Madoobe uu Addis ababa u tegay si uu madaxda Itoobiya ugala hadlo arrinta madaxweynaha DDSI ee xilka laga qaaday Cabdi Iley, balse laga diiday dalabkiisii. Hadalka Ahmed Madoobe ayaa imaanaya xili xiriirka u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo Jubbaland uu ahaa mudooyinkii dambe mid hoos u dhacay, taasoo sababtay in tiro labo jeer ah laga soo celiyay Kismaayo taliye-yaal ay magacowday Dowladda dhexe. Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Axmed Madoobe dhaliilo culus ujeediyo dowladda, waxaana la xasuustaa in shirkii Brussels uu ku karbaashay maamulka Farmaajo, isagoo ku eedeeyay inay ka gaabisay la shaqaynta maamuladda iyo inay fara-gelin toos ah ku sameyso arrimahooda gudaha. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa soo saaray wareegto uu shaqada kaga joojiyey Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar (Minishiibiyo) oo lagu soo eedeeyey masuq-maasuq. Guddoomiyaha oo tix-raacaya soo jeedinta Agaasimaha Waaxda Maamulka Dhulka Dawladda Hoose ee Xamar ayaa u gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Qaranka waraaqda shaqo joojinta saraakiishan, isagoona ka codsaday in baaritaan furan lagu sameeyo eedaymaha loo soo jeediyey saraakiishan oo ay ka mid tahay in ay lacago sharci darro ah ka qaateen qaar ka mid ah bulshada Gobolka Banaadir. Saraakiisha shaqo joojinta lagu sameeyey ayaa kala ah, Taliyeyaasha Ciidanka Illaalada Deegaanka ee degmooyinka Hodan, Warta-Nabadda iyo Shibis, iyadoona Maamulka Gobolka ay u sii igmadeen shaqada ay hayeen saraakiisha shaqada laga joojiyey Kuxigeennadooda. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ka go’an tahay la dagaallanka Musuq maasuqa, waxaana horrey tallaabooyinka sharciga waafaqsan looga qaaday masuuliyiin iyo shaqaale ka tirsanaa maamulka Gobolka oo lagu helay masuq-maasuq iyo wax is-daba-marin. PUNTLAND POST The post Maamulka Banaadir oo shaqadii ka joojiiyay Saraakiil lagu eedeeyey Musuq-maasuq appeared first on Puntland Post.
-
Axmed Madoobe, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Jubbaland oo maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar uu ugu maqnaa dalka Itoobiya ayaa ka hadlay Taliyeyaashii NISA ee Dowladda Soomaaliya u soo magacowday deegaanada Jubbaland ee lagu xiray Kismaayo. Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay nasiib daro weyn tahay in Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka noqoto amni darada dalka ka jirta, isagoo intaas ku daray in Taliyeyaasha aan lagala tashan Jubbaland taasina ay ka hor-imaanayso heshiiskii ay horay u wada gaareen Dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe wuxuu aad u dhaliilay hanaanka shaqo ee Dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in aysan xiriir laheyn maamul goboleedyadda dalka ka jira. Jubbaland ayaa shalay gelinkii dambe garoonka diyaaradah Kismaayo ku xirtay Cali Mire Ducaale iyo Maxamed Ibraahim oo kala ah Taliye iyo kuxigeen Dowladda Soomaaliya u soo magacowday hay’adda NISA qeybteeda Jubbaland, waxayna maanta dib ugu celisay Muqdisho. Waa markii labaad oo Saraakiil Dowladda Soomaaliya u soo magacowdo deegaanada Jubbaland laga diido, waxaana sidaan oo kale 13-kii July ee sanadkan garoonka Kismaayo laga celiyay diyaarad siday Gen. Cali Bogmadow oo ay Dowladda Soomaaliya u soo magacowday qeybta 43-aad ee Ciidanka xooga dalka. Wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ahaa mid sii xumaanaya. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe oo ka hadlay Taliyeyaal Federaalka ah oo lagu xiray Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Duullimaadkan oo noqon doona mid ganacsi (Commerical Flights) ayaa sida ay Caasimadda Online xog hoose ku heshay ay diyaaradda Itoobiya toddobaadka dambe ku imaan doontaa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde. Diyaaradda Itoobiya waxa ay saddex maalin toddobaadkii isaga kala gooshi doontaa Addis Ababa iyo Muqdisgo sida uu sheegay Xuseen Xoosh oo ah maamulaha diyaaradda. Soomaaliya waxa ay joojisay duullimaadyadii ganacsi ee isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo Addis Ababa markii uu qarxay dagaalkii 1977 ee ay labada dal foodda isugu dareen Soomaali Galbeed. Diyaaradda Itoobiya sidoo kale waxa ay Soomaalida u fududeyn doontaa safarashada ay wadamada kale ku tagayaan. Hadda, safarleyda Soomaalida waxa ay ku xiran yihiin diyaaradda Turkish Airline iyo duulimaadyada Nairobi si ay ugu gudbaan Europe iyo waqooyiga America. “Go’aankan ayaa yimi kaddib markii ay ganacsata Soomaaliyeed ka codsadeen dowladda Itoobiya,” ayaa Xoosh laga soo xigtay. 2015kii, Diyaarad laga leeyahay Itoobiya ayaa duullimaadyo ka bilowday maamul gobolleedka Puntland.f
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee arrimaa gudaha iyo Federal-ka Soomaalia Cabi Siciid Juxa ayaa xaflad lagu qabtay Garowe uga dhawaaqay murashaxnimadiisa xilka madaxweyne ee M/Gobolleedka Puntland. Ma aha murashixii ugu horreeyey ee u soo tafa xayta in uu la loolamo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isna la filayo in uu shanta sano ee soo socota sii hoggaamiyo maamulkaas balse rag badan ayaa ka horreeyey dabcan waxaa ka dambeyn doona kuwa kale. Hase ahaatee, Juxa oo ah murashaxa ugu tunga weyn ee u tartamaya beesha awoodda ku leh caasimadda Puntland, Garowe waxaa caqabadda ugu weyn ku noqonaya siyaasadda sumeysan ee ka jirtay 20kii sano ee ay dhisneyd P/land. Puntland waxaa sida giraantii/giraangirtii isugu bedelayey xilka madaxweyne mudaddii ay jirtay saddexda jifo ee ku wada abtirsada Maxamuud Saleebaan. Juxa waxa uu ka soo jeeda Ciise Maxamuud oo iyagu ugu dambeysay hoggaaminta P/land 2014kii markaas oo doorasho cod kaliya ah looga adkaaday Cabdiraxman Shiekh Maxamed Maxamuud Faroole. Haddii aan si kale u dhigno, doorkan ma aha waqtigii Ciise Maxamuud! AQRI SHAXDAN HOOSE Madaxweyneyaashii soo maray Puntland tan iyo markii dhidhibadda loo aasay 1998. 1998 -2002, Cabdullaahi Yusuf Axmed (AUN) (Cumar Maxamuud) 2002 –waxaa la doortay Jaamac Cali Jaamac, laakiin waxaa xoog uga qaatay Cabdullaahi Yusuf Axmed oo sii ahaa madaxweyne ilaa iyo 2004. 2004 muddo sadde bilood ah waxaa madaxweyne noqday Maxamed Cabdi Xaashi (Sool clan) oo ku xigeen u ahaa Cabdullahi Yusuf oo loo doortay madaxweynaha dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya. 2005-2009 – Cadde Muuse (AUN) –Cismaan Maxamuud 2009 -2014 – Cabdiraxmaan Shikh Maxamed Maxamuud Faroole – Ciise Maxamuud 2014 -2019 – Cabdiweli Maxamed Cali Gaas –Cumar Maxamuud Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaa uu ka taagan yahay musuq maasuq baahsan. Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in musuqa ugu badan xiligani uu yahay mid ka jira Kastamka Wasaarada Maaliyada qeybta Garoonka iyo Magareeshinka. Qeybtani Kastamka ayaa waxaa dhaqaale xoogan looga qaada dadka inta badan ka imaada dibadda, waxaana xusid mudan in dhaqaalaha badankii aysan ku dhicin qasnada Wasaarada. Dhaqaalaha ugu badan ayaa ku dhaca jeebka labada mas’uul ee ugu sareysa Xafiiska Kastamka maaliyada, halka lacag aad u yar loo wareejiyo Wasaarada, taasi oo muujineysa in wali musuqa uu yahay mid ku baahsan xarumaha dowlada. Cabashada ugu badan ayaa waxa ay ka imaaneysaa qeybaha la dhigo boorsooyinka dadka kusoo laabtay dalka, halkaa oo lagu qaato lacago u dhexeysa 15 ilaa 20$ oo ku dhacda jeebka haween Boolis ah, kuwaa oo hanta ka tabcaday. Illo wareedyo ka tirsan maamulka Garoonka ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in musuq kaa ka xoogan uu ka jiro qeybta Magareeshinka oo dhaqaale xoogan looga furto dadka kasoo laabta qurbaha. Shaqaalaha qeybta magareeshinka ayaa dhaqaale aan ku dhicin qasnada dowlada ka qaada dadka qurbaha ka imaada, taasi oo lagu kala qaato waddo sharci daro ah. Dad badan oo dalka dib ugu soo laabtay isla markaana soo maray qeybta magareeshinka ayaa inoo sheegay in laga qaado dhaqaale xoogan oo sharci darro ah. Mid kamid ah dadkaasi oo aan wareysanay ayaa inoo sheegay in laga qaaday lacag dhan 150 $ oo lagu sheegay howl fududeyn. Waxa uu niyad jab ka muujiyay howlaha xiligan ka dhex socda Garoonka oo meel ka dhac ku ah Dowlada federaalka ah ee Somalia. Mas’uuliyiin badan ayaa iminka u xiran arrinta musuqa kuwaasi oo lagu helay kiisas cad, halka qaarna ay cadeemo u keeneen shaqsiyaad ay kula kaceen musuqa. Dhawan ayay aheyd goortii Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ay magaalada Muqdisho kaga dhawaaqen barnaamijka la dagaalanka Musuqa waxa ayna labaduba cadeeyen in mas’uulkii arrintaasi loo qabto uu xilkiisa weyn doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas ayaa mar kale ku celshay in maamulkiisa uu xiliga loogu tallo galay qaban doono doorashada. Cabdiwali Gaas, waxa uu sheegay inay muhiim tahay in wakhti hore loosii diyaar garoobo doorashada waxa uuna cadeeyay in dhankooda ay ka diyaar garooben. Cabdiwali Gaas, waxa uu sheegay in wakhti hore uu kasii digaayo in la carqaladeeyo arrimaha khuseeya doorashooyinka Puntland, isagoo faragalin dhacdaa cagsigeeda ku sheegay iska celin. Waxa uu tilmaamay in si gaara ay ugu digayan Dowlada Somalia oo uu sheegay inay u caaboon tahay faragalin dhanka doorashada Puntland ah. Waxa uu Cabdiwali Gaas sheegay inuu aad uga walaacsan yahay laba qodob oo wakhti hore uu uga sii digaayo dowlada kuwaa oo kala ah:- 1-In Puntland ay ka digeyso in dowlada Somalia ay faragalin ku sameyso doorashada Puntland oo uu tilmaamay inay muqadas tahay in loo madax-baneeyo maamulka. 2-In Puntland ay dowlada Somalia uga sii digeyso inay is garabtaagto musharaxiin gaara, xili uu jiray heshiis dhigaya in maamulada loo madaxbaneeyo howlahooda dhismo. Cabdiwali Gaas, waxa uu cadeeyay in Puntland ay diyaar u tahay la shaqeynta dowlada Somalia, hase yeeshee aysan marnaba aqbali doonin in lagu xadgudbo hanaanka doorashada. Hogaamiye Cabdiwali Gaas ayaa cod dheer ku sheegay inaanu dhici doonin dib u dhac ku imaada xiliga doorashada. Haddalkan ayaa kusoo beegmaya xili Xildhibaanada Puntland ay isla garteen in doorashada Puntland ay dhacdo 8-da January ee sanada 2019-ka, halka Xildhibaanada baarlamaanka la kala diri doono 31 Decembar ee 2018 ee sanadkan 2018. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Waxaa 5 bilood laga joogaa markii uu Baarlamanka Somalia diiday heshiiskii Berbera. Waxaa heshiiska diidmadiisa la daba dhigay inuu saxiixo madaxweyne Farmaajo kadibna ay xukuumada Kheyre gaarsiiso Dowlada Imaaratka. Arrintaas wali ma fulin. Waxaa loo arkaa inuu amarkaasi ahaa dagaalkii sababay inuu is casilo gudoomiyihii Baarlamanka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari. Xafiiska Farmaajo waxaa yaala waraaqo badan oo u baahan inuu madaxweynuhu saxiixo si loo fuliyo. Dadka isha ku hayay arrintaan ayaa sabab uga dhigaya saddex arimood oo is biirsaday dartood in loo saxiixi diiday go’aankii Baarlamanka. Mowqifka Somalia ee dhanka Imaaratka ayaa is badalay waxaan arrintaan loo arkaa mida ugu weyn ee sababtay in aan la dhaqan galin mowqifka Baarlamanka, mida labaadna waxaa lagu micneeyay in madaxda sare aaney muhiim u arag xiligaan fulinta go’aankan. Siyaasiyiinta reer waqooyiga ah ee ka tirsan Dowlada federaalka ah ayaa la sheegay iney iyaguna diideen in Somaliland gooni loo beegsado iyadoo aan wali waxba laga qaban dekada Boosaaso oo iyaduna ay maamusho shirkada DP world. Saddexdaas arimood ayaa loo arkaa iney sababtay in go’aankii Baarlamanka ee bishii March uu dhaafi waayo xafiiska madaxweynaha. Baarlamanka ayaa dib u furmi doona bisha soo aadan waxaana laga yaabaa in xildhibaanadu dib u keenan dood la xiriirta sababta uusan madaxweyne Farmaajo wali u saxiixin go’aankii Baarlamanka ee shirkada DP world. Xigasho: Muqdisho Evening Post Muqdisho Evening Post waa wargeys madax banaan oo fiid walba kasoo baxa Muqdisho.
-
Shalay galinkii dambe waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo lagu xiray Taliyaal Dowlada Soomaaliya ay ku soo magacowday deegaanada Jubbaland. Jubbaland ayaa xertay Taliye Cali Mire Ducaale oo ah Taliyaha nabadsugida oo Dowlada Soomaaliya u magacoday Jubbaland iyo ku xigeenkiisa Maxamed Ibraahim. Jubbaland ayaa sheegtay in magacaabista saraakiishaasi aan lagala tashan iyada oo ku xeray xabsiga garoonka diyaaradaha Kismaayo. Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in maanta oo Arbaco ah ay dib ugu celin doonaan saraakiishaan magaalada Muqdisho. 13-kii July ee isla sanadkaan ayey aheyd markii Jubbaland ay garoonka Kismaayo ka cilisay Taliyihii guutada 43-aad ee ciidamada Xooga dalka Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Jubbaland oo soo Musaafurineyso Saraakiil ciidan appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimadda Online) – Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo lagu magacaabo Heather Neuert ayaa muujisay walaaca Washington ee ku aaddan xiritaanka dadka u doodo xuquuqul Insaanka ee lagu xiray Sacuudi Carabiya. Wasaaradda Arrimaha Debadda ayaa Maamulka Riyadh ku boorisay hubinta in dacwad sharci ah loo heysto dadka la xiray iyo in loo cadaalad sameeyo. Wasaaradda Arrimaha Debadda ayaa tiri “ Waxaan mar kasta tixgelineynaa xuquuqda Xuriyadda hadalka, waana arrin aan ka hadalno mar kasta oo lagu xadgudbo, waxaana hadda Sacuudiga kala hadalnay xariga loo geystay dadka u doodo xuquuqul Insaanka ,waana sii wadaynaa” . Wasaaradda Arrimaha Debadda Mareykanka ayaa tilmaamtay inay si kasta iyo qaab kasta diyaar u tahay difaacidda Xuriyadda hadalka mar wax laga waydiiyey hadalkii Trump kasoo yeeray oo ahaa inaysan dowladiisa muhiimada koowaad u aheyn difaacidda Xuquuqul Insaanka. Wariyaha Al-Jazeera uga soo hadlo Magaalada Washington Mohamed Ahmed ayaa sheegay arrinta ay soo faragelisay Wasaaradda Arrimaha Debadda inay tahay middii keentay inuu xumaado xiriirka dowladaha Sacuudiga iyo Canada. Wariyaha Al-Jazeer ayaa sidoo kale sheegay inaysan Afhayeenka ka jawaabin su’aal ay saxaafadda waydiiyeen oo aheyd haddii uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Mike Pompeo uu Boqorka Sacuudiga u sheegay in USA ay taageersan tahay mowqifka dowladda Canada. Wariyaha ayaa sidoo kale sheegay inaysan muuqan cadaadis xoog leh oo ay dowladda Mareykanka ku sareyso Sacuudiga inay sii deyso dadka ay xir xirtay ay u doodi jiray Xuquul Insaanka. Afhayeenka ayaa sidoo kale meesha ka saartay in Dowladda Mareykanka wado dhex dhexaadin ay u sameeneyso dowladaha Sacuudiga iyo Canada. Waxaa shaki la gelinayaa mowqifka Sacuudiga ee ku aadan Xiriirka xumaaday u dhaxeeyo dowladaha Canada iyo Sacuudiga waxayna warar aan la hubin sheegayaan inay Mareykanka garab taagan tahay Canada. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
-
Mogadishu (HOL) - Thousands of voracious readers are converging in Mogadishu on Wednesday for the fourth annual Mogadishu Book Fair which has attracted participants both locally and internationally. Source: Hiiraan Online
-
Araare (Caasimadda Online) – Howlgallo ay Ciidamada xoogga dalka ka sameyeen deegaanno hoostaga Gobolka Jubbada Hoose ayaa la sheegay in lagu khaarijiyay 4 horjooge iyo 7 maleyshiyaad oo ka tirsan Al-shabaab. Deegaanada laga fuliyay howlgalka ayaa la sheegay in ay ahayeen Muuse xaaji iyo deegaanka Araare oo Al-shabaab ay ku lahayeen saldhigyo kooban. Abaandullaha qeybta 43Aad ee ciidanka xoogga dalka G/sare Maxamed Buule oo la hadlay Idaacada ciidamada ayaa sheegay in howlgaladan ay ciidamadu xoogga dalka ka fuliyeen degaanada Araare iyo Muuse Xaaji lagu dilay Afar Horjooge iyo 7 maleyshiyaad ah. G/sare Maxamed Buule ayaa intaa Ku daray in gacanta lagu dhigay labo ka mid ah gaadiidkii dagaalka ee ay isticmaalayeen Nabadiidka Al-shabaab , iyagoo burburiyay Saldhigyadii halkaas ay kulahaayeen Argagixisada. Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegaya in howlgalkan ay ka qeyb qaateen Ciidamo Mareykan ah oo taageero ka helaya diyaaradaha qumaatiga u kaca. Dhinaca kale howl galkii Ciidamada kumaandooska Soomaaliya, AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ka sameeyeen deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan. Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta afka Ciidamada ku hadasha u sheegay in howl galka ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab. Ciidamada dowladda iyo kuwa Caddaan ah ayaa maalmihii dambe joogta ka dhigay weeraro ka dhan Al-shabaab oo lagu qaadayo saldhigyo iyo xarumo ay kooxdaan leeyihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Doorasho ka dhacday xalay Dalka Mareykanka ayaa waxaa ku guuleeystay muwaadiniin Soomaaliyeed. Ilhaan Cumar ayaa ku soo baxday is reeb reebka Xisbiga golaha Congress-ka ama Aqalka Dalka Mareykanka, halka Hodan Xasan iyana ay ku guuleysatay golaha Congress-ka gobolka Minnesota iyo Maxamuud Nuur oo isna ku guuleystay kursigii ay horey u baneysay Ilhaan Cumar. Ilhaan Cumar ayaa doorashada waxa ay ka heshay codad gaaraya 59,322 oo ka dhigan 48.1%, sida ay shaaciyeen Guddiga Doorashada. Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay guushaan ay gaartay iyada oo boqolaal Soomaaliya la hadashay ayey sheegtay in guusheeda ay sabab u yihiin Soomaalida Mareykanka. Ilhaan Cumar ayaa Doorashada ugu dambeeysay ee Senator-nimada ah waxa ay gali doontaa 6-Bisha November ee sanadkaan waxaana ay la tartami doontaa cidii ka soo baxda Xisbiga Republican-ka dalka Mareykanka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Ilhaan Cumar, Hodan Maxamed iyo Maxamuud Nuur oo Ku Guuleeystay Doorasho ka dhacday Mareykanka appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa lagu wadaa inay burburiso dhismooyin badan oo ay leeyihiin Soomaalida Kenya kuwaa oo lagu tilmaamay sharci darro. Dhismooyinkaan oo guryo waaweyn ay ku jiraan ayaa intooda badan ku yaalla magaalada caasimada ah ee Nairobi ee dalka Kenya. Burburinta guryaha Soomaalida ee laga soo saaray go’aanka ayaa sidoo kale ku yaalla Degmada Strarehe oo daris la ah degmada kamakunji oo Somalida ay degantahay. Milkiilayaasha Soomaalida ee leh guryahaasi ayaa waxaa soo food saaray walaac aad u balaaran oo ku aadan burburinta guryaha oo ay dowlada kenya ka bilowday caasimada dalkaasi. Dowlada Kenya ayaa dhismayaashan ku calaamadeysay istalaabka waxaana ay sheegen in uu shaki ku jiro dhismayaashaas sharci ahaan shahooda. Xaafada burhan State oo iyada qeyb ka ah degmada Starehe ayaa milkiilayaasha leh guryahay waxay sheegeen in ay qaarkood ka cabsi qabaan in la burburiyo. Soomaalida ku nool Xaafada burhan State ayaa isla dhexmarayan maalmihii la soo dhaafay in dhammaan guryahooda la burburin doono. Sidoo kale, dowlada Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay waday burburinta dhismayaasha sharci darada oo ay leeyihiin qaarkood xubno ka tirsan dowlada kenya. Si kastaba ha ahaatee, dhulalkaan la burburinayo ayaa markii hore la sheegay in dhisashadooda loo maray hab aan waafaqsaneyn sharciga lahaan shiyaha dhulka ee Kenya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Boosaaso (Caasimadda Online) – Kooxda Daacish garabka Soomaaliya ayaa lacago kusoo rogtay ganacsatada Magaalada Boosaaso oo ah Xarunta ganacsiga Maamulka Puntland. Kooxda Daacish ayaa ganacsatada Magaalada ku amartay inay bixiyaan lacago haddii kale laga qaadi doono tallaabo adag. Kooxdaan ayaa ganacstada ugu hanjabtay in la dili doono ciddii aan lacagtaas bixin ama ka hor timaado amarkaan iyo in sidoo kale la cuuryaamin doono ganacsigooda. Kooxdaan oo ku dhuumaaleysta saldhigyo ku yaal Barriga Puntland ayaa waxay bilaabeen bilihii ugu dambeeyey qorshe xowli ku socda oo ay dhaqaale kaga urur-sanayaan ganacsatada iyo guud ahaan shirkadaha dagan magaalada Boosaso. ” Waxaa jirta baqdin aad u badan oo lasoo gudboonaatey ganacsatada iyo shirkadaha kuwaas oo la waydiinayo lacag xad-dhaaf ah,” sidaas waxaa Saxaafadda gudaha Puntlnad u sheegay ganacsade diiday in la magaciisa la. Sidoo kale Kooxda Al-Shabaab oo muddo ku sugan deegaanada Puntland ayaa iyadana lacago ka qaadato ganacsatada balse hadda waxaa olole xooggan wado kooxda Daacish oo aan maamul ahaan hoos tagin Al-Shabaab. “ Al shabaab iyadu muddo ayey ka qaadaanayeen lacago ganacsata Boosaaso, uma baahna hadda iney Dad ku laayaan balse qolada ololaha cusub la soo baxdey waa Daacish, “ sidaas waxaa sheegey qof ku sugan magalada Boosaaso oo diidey magaciisa. 7 August,2018 ayaa Boosaaso waxaa lagu diley Maaareeye ku xigeenkii shirkada Isgaarsiinta Golis Cabdulahi Cali Cumar kadib markii dabley hubeysan rasaas la begsadeen isaga oo kasoo baxaya Masjid Salaada Cisho uu ku tukanayey. Dilkaan ayaa la aaminsan yahay inay fuliyeen ururka Daacish wuxuuna salka ku hayaa arrin la xiriirta lacagaha lagu soo rogay ganacsatada. Arrinta muujineyso inay dilkaan ka dambeyso Daacish ayaa ah: Birta anteenada taleefanada Shirkadda Golis ay ku leedahay degmada Qandala ayaa waxaa damiyey Kooxda maalmihii la soo dhaafey Kooxda Al-Shabaab oo sheegtay inaysan wax lug ah ku laheyn dilka loo geystay ganacsadahaas. Sida ilo xogogaal ah oo ka tirsan saraakiisha amniga Puntland sheegeen kooxda Daacish ayaa bil walba magaalada Boosaaso ka hesha dhaqaale gaaraya 72000 dollar. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
Minnesota (Caasimadda Online) – Ilhan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa u muuqata in ay noqon doonto gabadhii ugu horreeysay oo Muslin ah oo loo doorto aqalka Congress-ka Mareykanka kaddib markii ay ku guuleysatay doorashada horudhaca ahayd ee xisbiga Dimuqraadiga ee kursiga shanaad ee Minnesota talaadadii. Ilhaan Cumar oo ay da’deedu tahay 36 ayaa ah Soomaali Mareykanka ku soo gashay qaqaxootinimo iyada oo da’yar, waxa ay ka adkaatay lix musharax si ay u buuxiso booska uu hadda ugu jiro xisbiga Jamhuuriga Keith Ellison. Ellison waxa uu go’aansaday in uu u tartamo xeer ilaaliyaha guud ee Minnesota halkii uu ku soo laaban lahaa Congress-ka; waxa uu la kulmay eedeemo la xiriira tacadiyo maxali ah maalmihii ugu dambeeyey ee ol’olihiisa. Ilhaan Cumar waxa ay u muuqataa in ay hadda iyada cid aan ahayn ku soo bixi doonin kursigaas bisha November doorashada dhici doonta. Waxa ay ku biiri doontaa Rashida Tlaib oo noqotay gabadhii ugu horreeysay oo Muslin ah oo loo doorto aqalka Congress-ka. Tlaib waxa ay doorashooyinka horudhaca ah ku guuleysatay toddobaadkii hore si ay u bedesho Jogn Conyers oo Jamhuuri ah kaas oo fadeexado lagu helay kaddibna is casilay. Congress-ka waxa ay hadda leeyihiin laba xildhibaan oo Muslim ah – labada oo uu ka mid yahay Ellison waa rag. Ilhaan Cumar waa gabadhii ugu horreeysay oo Soomaali American ah oo loo doorto kursiga xildhibaannimo ee gobolla Minnesota ama kursi dhan oo loo tartamo oo Mareykan ah. Dhanka kale, Maxamuud Nuur, oo isna ah Muwaadin Soomaali-Mareykanka ah ayaa ku guuleystay Kursigii Ilhan Cumar baneysay ee [60B district], ee Gollaha Sharci-dejinta gobolka Minnesota. Sidoo kale, Hodan Xasan, oo ah Gabar Soomaali-Mareykanka ah ayaa ku guuleystay kursiga [62A district] ee Gollaha Sharci dejinta Minneapolis, waxaana saddexda qof ay noqdeen kuwa guushooda aad u farxad gelisay jaaliyadda Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Minnesota Caasimada@live.com
-
Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in dalkiisa uu cunaqabatayn kusoo rogi doono badeecooyinka elektronica ah ee Maraykanka. “Haddii ay heystaan iPhone, waxaa dhanka kale yaala Sansung” ayuu yiri Erdigan oo ka hadlaya shirkadda Apple ee Maraykanka iyo tan tartanka uu kala dhaxeeyo ee Kuuriyada Koonfureed. Erdogan ayaa waxa uu sheegay in ay qaadayaan tallaabooyin ay ku adkaynayaan dhaqaalaha dalkaas, isaga oo intaas ku daray in aysan u jabi doonin wax uu ku tilmaamay ‘hagardaamooyinka cadawga’. Wasiirka arrimaha dibeda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa cunaqabatayntii Maraykanka uu kusoo rogey Turkiga ku tilmaamay mid aan sharci ahayn. Waxa kale oo uu Maraykanka ku eedeeyay in ay adduunyada ka waddaan tartan ganacsi oo aan xaq iyo xalaal ahayn. Tallaabadan uu Erdigan qaaday ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii lacagta Liiraha ee dalkaas ay hoos u dhacday boqolkiiba 34%, waxaana ka dhashay in qiimaha badeecooyinka oo dhan ay sare u kacaan. Bangiga dhexe ee Turkiga ayaa ballanqaaday in uu kaabayo lacagta Liiraha,Wasiirka Maaliyada Turkiga oo ah wiil uu soddog u yahay Erdogan ayaa lagu wadaa in maalinta Khamiista ee soo socota inuu u xaqiijiyo illaa boqol maalgeliyaal caalami ah in dowladu ay ka go’an tahay in ay gacan ka geysato sidii qiimaha Liiraha uusan hoos ugu dhici lahayn. Caasimada Online Xafiiska Ankara Caasimada@live.com
-
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho ayaa xalay Muqdisho Casharaf ugu sameeyay Wafdigii Dowlada Eritrea. Casho sharaftaan ayaa waxa ay ka dhacday xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Muqdisho waxaana loogu sameeyay wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arimaha Dibada Eritrea Cismaan. Xafdladaasi waxaa ka soo qeeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Guuleed, Wasiiro Gudoomiyaal iyo xubno kale. Gudoomiye Yariisoow oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in Muqdisho ay caan ku tahay soo dhoweeynta Madaxda ka socoto Wadamada Caalamka. “Magaalada Muqdisho waxa ay astaan u tahay dawladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaiyeed. Dhammaanteen waxaan xasuusannahay sida ay ugu soo hiran jireen Madaxda Afrika iyo guud ahaan caalamka, maantana waxaa muuqata ifafaallo ku saabsan in maqaamkaasi uu u soo laabanayo caasimadda.” Ayuu Yiri Eng Yariisoow Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Eritrea Mudane Cismaan Maxamed Saalax ayaa uga mahad celiyey Duqa Caasimadda soo dhaweynta sare ee ay u sameeyeen . Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Duqa Muqdisho oo Casho sharaf u sameeyay Wafdigii Eritrea appeared first on Puntland Post.
-
In Somalia, poverty is forcing women into sexual exploitation as men from the country who’ve emigrated to the west return to take advantage of them. Many of the women are refugees who are lured by the offer of a better life abroad. Source: Hiiraan Online