Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,499
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Magaalooyinka Bosaaso iyo Qardho inta udhaxaysa waxaa todobaadyadii aynu soo dhaafnay ka dhacay ilaa iyo ku dhaad 25 shil oo kala duwan ,kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. shilal kaasi dhacay ayaa kii ugu darnaa waxa uu haa shir gaari oo ka dhacay gudaha magaalada Bosaaso kaas oo oo uu gaystay gaari waaraad ah oo qof shacab ah ku jiiray bartamah magaalada Bosaaso kadibna darawalkii wadaha ka ahaa garigaasi uu goobta ka baxsaday . Taliyaha laanta taraafikada gobolada bari, karkaar, haylaan iyo garda fu Maxamed Faniin yuusuf ayaa Puntlandi uga warbixinayay shilalkaasi dhacay iyo khasaarihii ay gaysteen. faniin
  2. Madaxweynihii dalka koonfur Afrika Jacob Zuma, ayaa saaka iska casilay xilkii uu hayay mudo dheer kadib markii uu Zuma cadaadis xoogleh uu kala kulmay xubno badan oo kamid ah xisbigiisa ANC , kuwaas oo maalmahanba waday olole ka dhan ahaa sidii uu xilka uga dagilahaa. Baarlamaanka koonfur Afrika ayaa ku balansanaa maanta oo Qamiis ah hadii uusan Jacob Zuma kadagi lahayn xilka in ay Baarlamaanku uu ka keeni lahayeen mooshin xilka looga xayuubinayo. Madaxweyne kuxigeenka dalka koonfur Afrikac ninka lagu magacaabo Cyril Ramaphosa, ahna hogaamiyaha Xisbiga cusub ee ANC-da. ayaa lafilayaa in Zuuma uu xilka ku wareejiyo sida uu sharciga dalkaasi uu dhigayo. Jacob Zuma oo ah 75 jir ayaa koonfur Afrika soo xukumayay tan iyo wixii ka dambeeyay sanadii 2009kii, waxaana soo wajahay caqabado ay kamid yihiin in xukuumadiisa lagu so eedeeyay musuq maasuq ku baahay Ha,adaha dowlada .
  3. Over meals of traditional food and tea, five Somali mothers and their children gathered in their NewHolly neighborhood this past year to create a children’s book. Source: Hiiraan Online
  4. Mogadishu – Shamsa Abdullahi Bybook was a young nurse in her twenties when she fled the mounting chaos and tensions of Mogadishu in 1989 to start a new life in the United Kingdom. She became an experienced midwife at a North London hospital with a master’s degree from Middlesex University and raised a family. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxaweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa xilkii madaxtinmo ee dalkaasi iska casiley kadib buuq maalmihii dhowaa hareeyey xukunkiisa. Madaxweyne Zuma ayaa loo soo jeediyey eedo la xiriira musuq-maasuq, eedahaas oo ka imanayey badi xubnaha xisbigiisa. Jacob Zuma oo markii hore dhagaha ka fureystay baaqyadan kaga imaanaayay xubnaha xisbigiisa ayaa ugu dambeyn Tv-ga dowlada ka sheegay in xilkii madaxtinimo ee Koonfur Afrika uu ka degay xili uu jeedinaayay Khudbad. Goor sii horraysay xisbiga ANC ayaa Zuma u sheegay inuu xilka banneeyo haddii kale uu wajahi doono in baarlamaanka uu maalinta Khamiista ah u qaado in lagala laabto codka kalsoonida. Jacob Zuma oo ah 75-jir ayaa waxaa saarnaa caddaadis ballaaran oo ah inuu xilka ku wareejiyo Madaxweyne ku xigeenka Cyril Ramaphosa, kaas oo ah hogaamiyaha cusub ee xisbiga ANC-da. Dhinaca kale, Jacob Zuma ayaa xilka Madaxweynaha Koonfur Afrika soo hayay tan iyo 2009, waxa uuna wajahayaa eedo dhowr ah oo musuq maasuq. Waxa ay is casilaadan kusoo beegmeysaa xili ay saaxiibada caalamka qudhooda soo jeediyeen is casilaad ka hor inta uusan dalka galin xaalad adag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Madaxweynaha Koonfur Afrika oo si kadis ah xilka isaga casilay appeared first on Caasimada Online.
  6. LONDON, Feb 15 (Thomson Reuters Foundation) - More children than ever before are living in conflict areas and are at risk of death and violence, the charity Save the Children said on Thursday, with Syria, Afghanistan and Somalia the worst countries for young people. Source: Hiiraan Online
  7. Shirkii Nabadaynta Beelaha Cumar Maxamuud iyo Baharsame ayaa lasoo gabagabeeyey is afgarad Colaadii ka dhexaysay labada beelood. Qodobadii lagasoo saaray waxaa kamid ah:- 1:In Colaadii La Joojiyo. 2:In Qolo Kasta Joogto Deegaankeeda Laysku Soo Gudbin Inta Magta La Kala Qaadanayo. 3:In Qolo Kasta Saddex Sano Ku Bixiso Magta. 4:In Dowlada Itoobiya la shaqeyso Gudiyada Nabadeenta. Iyo qodobo kale. Halkaan aqiso qaar kamid ah qodobadii kasoo baxay.
  8. The ethical case to fight the deportation of former child refugee Abdoul Abdi from Canada is a straightforward one with no visible shades of grey. Source: Hiiraan Online
  9. LAMU, Kenya, Feb. 14 (Xinhua) -- Kenyan soldiers on Wednesday killed three Al-Shabaab terrorists during a security operation in the vast Boni forest in the coastal Lamu region. Source: Hiiraan Online
  10. East Africa’s security landscape is currently confronted by a significant increase in the activities of violent extremist groups, chief among them being the Al Shabaab, Al Qaeda and the so called Islamic State of Iraq and the Levant. Source: Hiiraan Online
  11. ST. LOUIS • The number of refugees coming into St. Louis is expected to drop by about two-thirds from two years ago, resulting in layoffs at the region’s largest resettlement agency. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkadda Tabaarak ICT Solutions oo ah shirkad si weyn looga yaqaan dalka Soomaaliya ayaa soo kordhisay adeeg cusub oo ay kugu magac dartay Beeciye kaasoo wax badan u tari doono macaamiisha shirka iyo dhammaan Soomaalida. Waa maxay adeega Beeciye? Beeciye market waa adeeg casri ah oo ah website iyo mobile APP oo ay kuu keentay shirkadda Tabaarak ICT Solutions. Waa suuq ay ku kulmayaan dadka wax iibinaya iyo macaamiisha ka iibsanaysaaba. Qofkasta oo wax iibinaya, sida guryaha, gawaadhida, dahabka IWM waxa uu galin karaa oo ku iibin karaa alaabtiisa Beeciye Market. Supermarket-yada, hotel-lada, dahablayaasha, shirkaddaha dhismaha iyo qof kasta oo ganacsi leh waxa uu alaabtiisa ku iibin karaa oo isticmaali karaa waa suuqa Beeciye Market. Waa isku xidhaha dalka iyo debbeda iyo soo dhoweeyaha alaab aad in badan raadin lahayd. Faaiidooyinka oo u leeyahay bulshada  Waa lacag la,aan  Waqtiga ayuu kuu beekhaaminaa  Si fudud ayaad u arkeysaa alaab raqiis ah oo waliba tayo leh  Si fudud ayaa isaga iibin kartaa alaabahaada.  Macaamiil badan oo meela kala gadisan joogta ayaad ku xirmeeysaa  Toos ayaad ula hadli kartaa iska iibiyaha alaabta.  Waad la gorgortami kartaa qofka leh alaabta hadii aad ku qanacdo Sidee loo isticmaalaa?  Kala soo deg play store ama apple store adiga oo ku qoraaya Beeciye  Sameeyso username and password ama ku gal Facebook account ama Google account  Markii soo gasho waxaad awood u leedahay inaad badeecadaada ku soo bandhigto adiga oo sawir kaqaadaya ama sawir hore soo galinaya sidoo kale waxaa awood u leedahay inaad aragto badeecado horay loo soo galiyay adiga toos ula xariiri kara qofka iska leh  Waxaa arki doona badeecada aad soo galisay malaayin qof oo macaamiil ah. The post Shirkadda Tabaarak ICT Solutions oo dalka Somalia kusoo kordhisay adeeg casri ah appeared first on Caasimada Online.
  13. NAIROBI (HOL) - Two Kenya Defence Force (KDF) soldiers were Wednesday evening killed in Mandera County during a brief gun battle with police officers. Source: Hiiraan Online
  14. Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda cadaaladda adduunka(The International Court of Justice) ayaa ogolaatay in Soomaaliya ay jawaab ka bixiso dacwada ay ka gudbisay Kenya ee la xiriirta xadka badda. Sida muuqata, waxaa bilaabanaya wareeg cusub oo dal weliba ku soo bandhigi-doono dacwadiisa iyo xujo waxa uu haayo, si go’aan kama dambeys ah looga gaaro xariiqda xadka biyaha ee labada dal. Maxkamadda ICJ ayaa isniintii sheegtay in Kenya dalbatay in xadka biyaha labada dal aan la taaban ee uu sidan sii ahaado illaa June 18, kadibna Kenya u baahan tahay 6 bil si ay kiiskan uga jawaabto. Qoraal ka soo baxay maxkamadda ICJ, waxaa lagu sheegay in ay go’aankan gaartay kadib markii ay tixgelisay aragtiga labada dal iyo duruufaha ku xeeran kiiskan. Codsiga Kenya: February 2, 2018-kii, waxaa uu garsooraha maxkamadda ee Ronny Abraham aqbalay codsiga Kenya ee ahaa in labada dhinac loo furo wareeg cusub oo dood ah, taas oo Nairobi ay sheegtay in ay sidoo kale u baahan tahay waqti badan oo ay isku diyaariso. Tani micnaheedu waxaa uu noqonayaa in labada dal ay maxkamadda horteeda ku galaan wareeg cusub oo dood ah oo la xiriirta xadeynta badda. Soomaaliya oo dacwaddan gudbisay 2014-kii, waxaa ay ku doodeysaa in xadka hadda jira aanu sax aheyn, xadkan oo ku yaallo dhanka bari ee Kenya, Nairobi waxaa ay qabtaa in haddii la taabto ay xitaa saameyn karto Tanzania. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Arrin cusub oo kusoo korortay kiiska dacawada badda Somalia iyo ICJ oo ogolaatay in… appeared first on Caasimada Online.
  15. Shirkii maamulada Soomaalida iyo Dowlada Federalka u dhexeeyey oo ku soo dhamaadey magalada Muqdisho 11/02/2018 ayaa waxaa kasoo baxay go’aamo Khuseeya arimaha Dastuurka, doorashooyinka Soomaaliya sanadka 2020 iyo heshiis laga gaarey qaybsiga khayraadka Kalumeysiga. Madaxweynayaasha maamulada Soomaalida oo kulankaas qayb ka ahaa ayaa madaxdooda inteeda badan waxaa aysan kaxaysan ama aan wehelin hay’adihii dowliga ahaa ee ku shaqo lahaa go’aamada ay gaareen. Madaxweyne Gaas oo kulankaas ka qayb galay ayaa waxaan kulankaas gabi ahaanba aan la socon wasiirada gaar ahaan kuwo howlaha laga wada hadlayey ku shaqo leh. Gaas oo inta badan u kexeysta kulamada noocaan ah shaqsiyaad uu ku kalsoon yahay kuwasoo aan dood iyo wadaxaajood ka gali karin qodobada maaiiriga ah ee laga hadlayo ayaa Muqdisho waxaa u jooga xubno isaga Wakiil ugu ah iney kamid noqdaan guddiyada socidsiinaya qodobada lagu heshiiyo iyadoo wasaradaha iyo hay’adaha loogu talagaley in lagala xisaabtamo hehsiisyadaan gaar ahaan kuwooda Dastuuriga ah aysan soo dhaafi karin magalaada Garowe. “Cabdiweli Gaas markii hore ayuu xilalka u dhiibey dad aan wax ka waydiin karin howlaha loo igmadey, waxayna u badan yihiin shaqsiyaad aan horey u soo shaqeyn oo aan laheyn waaya-aragnimo xafiiseed iyo siyaasadeed.” sidaas waxaa sheegey qof aad uga warqaba kulamada Muqdisho madaxda Soomaalidu ku qabsadaan. Kulanka madaxda Soomaalida Muqdisho uga socdey 6-11 Feb, ayaa waxaa Madaxweynayaasha mamaulada gudiyadii la howl-gali lahaa kuwa Federaalka ay ku darsadeen shaqsiyaad aad ugu dhow kuwasoo ama isku beel hoose yihiin ama jooga xafiisyadooda sida agaasimyaasha madaxtooyada. Dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu maraya kala guur ah oo go’aamo masiiri ah laga gaarayo mustaqbalka shacbaka Soomaaliyeed kuwasoo loo baahan yahay iney noqdaan kuwa aan qarsoodi aheyn (Transparent). Maamulada Soomaalida waxaa ku jira kuwo hay’adahooda dowliga ah dhisan yihiin muddo 20 sano ah kuwasoo ay tahay iney ogaadaan heshiis walba oo g’aan ka gaaraya masiirka shucuubta ku nool. Doorashadii ka dhacdey Soomaaliya 2017 ayaa waxaa dib loogu noqdey nidamakii 4.5 kadib markii Madaxdii markaas joogtey oo ay kamid yihiin kuwa hadda xillalka ka haya maamul goboleedyada danahooda siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale ka eegeen iney sida ay rabaan ka yeelan masiirkii ummadaha ay u matalayeen kulamadaas. Xigasho: Garowe Online The post Madaxda maamul goboleedyada oo curyaamiyey shaqooyinkii hay’adihii dowliga ahaa appeared first on Caasimada Online.
  16. Paris Saint-Germain were caught cold by Real Madrid's ability to find an extra gear in their thrilling Champions League last-16 tie, says Guillem Balague. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa mar kale ka hadlay qorshaha ay Xukuumada ku dooneyso in lagu qaado Canshuuraha dalka. Kheyre oo la hadlaayay qaar kamid ah Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumada Somalia ay marka hore dooneyso kamiro dhalinta bixinta Canshuurta laga doonaayo Ganacsatada. Kheyre waxa uu tilmaamay in nasiib darro ay tahay in Ganacsatada ay dhaqaalaha Canshuurta ah ku bixiyaan dalalka shisheeye, balse aysan ku bixin dalkooda. ‘’Waxaa maskaxdeena kaweyn sida ay u dhaqmaan Ganacsatada waa in Canshuurta dalka ay u bixiyaan si lamida canshuurta ay uga bixiyaan dalalka ay alaabaha kala soo dagaan, waa inay nala gartaan in dalka uu ku dhismayo keliya lacagaha canshuurta ee aan ka qaadno Ganacsatada’’ ‘’Anagu ma diidanin inaan isla jideyno wixii ku xeeran cabashooyinka Ganacsatada waxaase nooga dhib badan inaan isla fahmi weyno in dalkeena uu u burbursan yahay bixin la’aanta canshuuraha, sidaa aawgeed waxaan dooneynaa in lacagaha aan ka qaadno Ganacsatada ku dhisno dalka’’ Kheyre waxa uu sheegay in Somalia ay dhexda ugu jirto cadow Shisheeye iyo mid Ganacsi, waxa uuna Ganacsatada ugu baaqay inaysan eegin keliya Canshuurta laga qaado, balse ay eegaan halka ay Canshuurtaas ku baxeyso. ‘’Waa inaan eegnaa halka ay canshuurta ku baxeyso anagu dooni meyno dal ay wadooyinkiisa haleysan yihiin waxaan dhaqaalaha aan idinka qaadno ku hormarineynaa dalkiina’’ Ra’isul wasaaraha iyo Ganacsatada waxa ay isla garteen in la qafiifiyo Canshuurta, taa bedelkeeda ay Ganacsatadu si joogta ah uga qeybqaataan kor u kaca dhaqaallaha dalka. Waxaa kamid ahaa qodobada ay isku fahmeen Ra’iisul wasaaraha iyo Ganacsatada: 1-In si wada jira looga wada shaqeeyo Dhaqaalaha iyo Horumarka dalka. 2-In dowlada laga caawiyo dhinacyada Canshuurta iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka. 3-Horumarinta bilicda dalka iyo in xooga la saaro sida ay Somalia kusoo ceshan laheyn Ganacsigii ay caanka ku ahaan jirtay. Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa ballanqaaday inuu xooga saarayo wado waliba oo ay kuwada shaqeyn karaan Dowlada iyo Ganacsatada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Kheyre: “Gorgortan kama gali doono hirgalinta hanaanka lagu bixinayo canshuurta” appeared first on Caasimada Online.
  18. Isniinti ina dhaaftay waxaa Xamar lagu qabtay shir wadatashi oo ku saabsanaa sida lagu suuragalin karo helidda isu-socod furan oo ay helaan dadka dagan Bariga Afrika. Shirkaan ayaa wuxuu ku koobnaa kaliya waddamada IGAD ku midaysan oo ay Soomaaliya ku jirto. Inta badan dadka soomaaliyeed iyo idaacadahaba sawir madow ayay ka bixiyeen qorshaha la wado. Waxaa aad looga dhawaajiyay in la midaynayo baasaborrada soomaaliya iyo Itoobiya. Taasoo ah cabsi na haysay tobanki sano ee lasoo dhaafay. Haddaba maxaa ka suura gal ah in la helo waddamada Bariga Afrika oo xuduudaha isu furo? Haddiise ay dhacdo yay dan ugu jirtaa? Sodanki sano ee lasoo dhaafay waxaa si xowli ah ku socday dhisamaha xulufo goboleed. Qaarad walba waxaa laga dhisay urur ay waddamo koox ah ku middaysan yihiin. Afrika waxaa ka jiro IGAD, SADC, ECOWAS iyo kuwa kale. Aasiya waxaa ka jiro kuwa badan sida AFTA, Yurub iyo Amerikana waa la mid. Dhammaan ururadaan waxaa loo sameeyay dano siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale, waxaana ugu badan helidda suuq dhaqaale oo xor u ah hadba intaa ururkas ku midaysan. Tusaale, suuqa Midowga Yurub, waxaa u siman dhammaan 28 dal ee ku jiro ururkaas. Mid walba meesha uu rabo oo midowga ka mid ah ayuu u suuq gaysan karaa alaabtiisa isagoon wax canshuur ah la saarin. Gaariga Jarmal lagu sameeyo canshuur la’aan ayaa laga soo dajiyaa Ingiriis iyo Faransiis. Waxaa sidoo kale, loo dhisaa ururadaas in la yareeyo xorriyad la’aanta shucuubta ku jirto ururkaas. Sida in la baabi’iyo shuruudaha fiisaha ama la yereeyo. Si loo sahlo ganacsiga iyo waxbarashada la is dhaafsanayo. Dhib ugu weyn ee xorriyada safarka waxay haysataa dadka Afrikaan ah xataa haddii ay isaga gooshayaan qaradda dhexdeeda. 54-ta dal ee Afrika ka kooban tahay 13 kaliya ayaa fiise la’aan la tagaa ama fiisaha garoonka laga qaataa. Inta kale, waxaa la maraa jid dheer iyo shuruudo adag. Waxa Kenya naga haysto ayaa tusaale kuugu filan. Maxaa faaido ku jiro xorriyada isu-socodka? Faaiidooyin badan ayaa dadka iyo dalalkaba ugu jiro xorriyadda safarka. Dadku waxay abuuraan dhaqaale. Haddii aad safarto dalka aad tagto waxaad geyn lacag tiro badan. Xorriyada isu-socodka ayaa sahasho inay waddamadu helaan shaqaalaha ay u baahanyihiin. Ingiriiska, matalan, 10% daqaatiirta ka shaqayso waxay ka yimaadeen Yurub. Waxaa sidoo kale kordho dal xiisayaasha oo ah kuwa lagacaha ugu badan geeyo waddamada kale. Dadku waxay faaiidi inay si xor ah u aadi araan oogana shaqaysan karaan waddanki ay doonaan. Tusaale, haddi ay suura gasho in Bariga Afrika sida Yurub laga dhigo, qofka Soomaaliga ah wuxuu kala dooran karaa inuu ku noolaado Kenya, Itoobiya ama waddanki kale ee heshiiska ku jiro. Waxaa meesha ka bixi raadinta waraqaaha ogalaanshaha shaqooyin oo ah kuwo dhib badan laga maro, fiisaha waxbarashada loo dalbado, canshuuraha dheeriga ah ee laga qaado dadka yimaado waddamo kale ee ka shaqeeyo dal aysan dhalasho ka haysan iyo shuruudo kale oo tirabadan. Maxaa dhib ah oo ka imaan karo? Fikradda suuqa xorta ah waa mid muddo badan soo jiray. Asalkiisuna wuxuu kasoo jeedaa reer Galbeedka. Gaar ahaan waxaa addunka la marsiiyay 80aadki. Meel marinta suuqa xorta ah waxaa hormuud ka ahaa Maraykanka iyo Ingiriiska. Waqtigaas waxaa meel fiican gaaray dhaqaalahdooda. Waxay rabeen in helaan suuqyo ay ku iibiyaan alabaahooda iyagoon la kulmin shuroodo badan. Qasab iyo juujuub ayay ku marsiiyeen adduunka oo dhan. Addunka intiisa badan waa uu ku qasaaray fikaraddaas Afrikaba ha ugu darnaatee. Laakiin waxaa ka faaiiday quwadihii soo baxay sida Shiinaha. Manta waxaa caddaatay inaysan dan ugu jirin waddamadii keenay fikirka. Taas ayaa keentay inay labadii adduunka bartay sheekada suuqa xorta ah ay billaabaan suuqa xiran. Ingiriiska waa kan u codeeyay inuu Yurub ka baxo. Maraykanka waxa Taraam loo doortay inuu albaabada u xiro si aysan Shiine iyo Kuuriya ugu soo galin. Sababta ay gadaal ugu baxeen ayaa ah inay fahmeen inay wax faaiido ah u qabin. Suuqa Yurub cidda ugu badan ee ka faaiiddo waa Jarmalka oo leh warshado badan oo wax soo saaro. Haddii aadan lahayn wax soo saar suuqa maxaad ku iibin? Maraykanka waxaa suuqa ka saaray Shiinaha oo badeeco jaban keeno dalkiisa. Sida kaliya ee uu uga bixi karo ayaa noqotay inuu ganjeelka xirto. Innagoo taas ka cabbir qaadanayno, maxaan haysannaa oo aan geyn doonnaa suuqa Bariga Afrika? Sideen ula tartami karnaa waddamada Kenya iyo Itoobiya oo xirfad dhaqaale iyo wax soosaar ahaanba innaga horreeyo? Soo noqon mayno suuq wax loo soo iibgaysto kaliya ee aan waxba iibin? Midda labaad ayaa ah xakamaynta dadka. Waxaan wada ognahay xaaladda uu dalkeennu ku jiro. War kama hayno cidda soo gasho iyo midda ka baxdo iyo kuwa ku nool shaqooyinka ay qabtaan. Waxaan kaloo ognahay in waddamada dariska nala ah ay damaaci weyn ka qabaan qaadashada qaar ka mid ah dhulkeenna. Side lagu koontarooli karaa dadka soo galayo dalka? Qalab yo nidaam toona lama hayo. Aqoon iyo xirfad midna uma lihin, dhaqaale lagu maamulana ma hayno. Marka soo daaftaa ka gal iyo waa danbe aan kugu qabsado noqon mayso? Sababta ugu weyn ee Ingiriiska ku qasabtay inuu Yurub ka baxo ayaa ah in dad tiro dhaafay ay usoo guureen dalkiisa. Marki hore shuruudo ma uusan xiran sida Noorway. Dhaqaalihiisa fiican iyo dhaqanka dadka dagan oo ka furfuran Yurubta kale ayaa ka dhigtay meel qof walba ku noolaan karo. Taasi waxay keenaty in midki fahmi waayo waddankiisaba uu boorsada soo qaato. Ka dib, iskoolladi, isbitaalladi iyo dhammaan adeegyadi bulshada ayaa laga isu yimid. Markaas ayaa lagu baruurugay dhibka jiro lana fahmay in dalku buux dhaafay. Dhibka sadexaad ayaa ah, in aanan hadda lahayn awood aan ku galno heshiis noocaan ah. Midowga Yurub muddo dheer ayaa laga shaqaynayay dhisiddiisa. Tobonnaan sano oo dhib ah ayuu qaatay in laga sal gaaro. Saas oo ay tahay ilaa hadda waxaa la wadaa sixiddii qaladaadki horay ooga dhacay. Heshiisyada noocaan ah dood badan, indha-faro iska galis iyo hujuum badan ayay rabaan. Arrintaas waxay dhex mari kartaa dad siman awood ahaan ama isu dhow. Laakiin waqtiga lagu jiro waxaan la tacaalaynaa dhisadda dowlad iyo maamul. Waxaa dalkeenna u joogo inay na ilaaliyaan, sida ay sheegtaan, ciidamada waddamada aan heshiisyada la galayno. Sided ugu afcelin kartaa qof naftiisa u hurayo inuu ku difaaco? Sideed ula xisaabtami dal ciidamadiisu joogaan madaxtooyadaada? Wax ma diidi karnaa oo mayaba ma awoodnaa horta? Waxaa hubaal ah in baahi weyn loo qabo fududaynta isu-socodka iyo suuq-geynta. Soomaalida qaas ahaan baahi weyn ayaan u qabnaa in lanoo fududeeyo dal ku gallada waddamada dariska ah oo aan wax badan ooga baahanahay. Laakiin, isu-socod furan oo u eg midka Yurub marnaba suuragal ma noqon karo. Duruufaha dhaqaale, kuwa siyaasadeed, kuwa dhaqan iyo diimeed ayaa intaba ka dhigayo mid suura gal ahayn inaan Kenya yeelano hal baasaboor oo meshi aan donno aan u dagi karno. Yurub oo nooga horraysay ayaa hadda fahantay inay kuqaldantay midowgi noocaas ahaa. Saas oo ay tahay waxaan aaminsanahay, in soomaalidu tahay kuwa ku dhex noolaal karo dadyowga kale. Laakiin dadyowga kasoo jeeda Kiinya iyo Itoobiya uma sahlana inay nagu dhex noolaadaan. Iyadoo laga yaabo inaan nahay dadka ugu badan ee ka faaiidi lahaa isu darmashada, ayaan haddana waxaan qabaa innaan aqbalin waayo ma joogno waqti aan taas ka fakerno mana lihin awood aan ku xisaabtanno ama aan isaga eegno shuruudaha wax wadaaga. W/Q: Ibrahim Aden Shire Ishire86@gmail.com Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/ The post Maxaa ka suura gal ah in dadka Bariga Afrika uu yeesha isu-socod furan? appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-ICRC waxay Geneva ka soo magacowday 1987 Richard Anderegg oo ah Madaxa ICRC ee Soomaaliya. Waa nin firfircoon, howsha samafalkana sida diin oo kale u aamminsan. Cidna aan ka gabban marka ay baahi samafal u muuqto. Annagana sidoo kale nagu dhiiri geliya. Malahyga taasi waa waxa uu eeday markii uu dagaalku ka qarxay Hargeysa iyo Burco sannadkii 1988. Beatrix Attinger oo ah gabar dhallin yar oo aan is da’ aaddan nahay laakiin khibradda shaqo ee ICRC iga badan ayaa ku wehlisa ajnebiga Xafiiska. Labaduba waa Swiss. Xafiiska waxaa iiga soo horreysay Faadumo Shiikh Cabdi oo howsha baadi-goobka ka shaqeysa howsheeduna ay u badan tahay xafiiska. Axmed Tifow iyo Cali Adan ayaa ayguna ka mid ah howlwadeennada Xafiiska u fuliya shaqooyin kala duwan. Beatrix Attinger iyo anigu waxaan qaban qaabinnay safar dhulka ah oo aan ku tegeyno toban gobol oo dalka ka mid ah. Waxay soo jeedisay in aan labadeenna oo keliyihi aan is raacno, baabuurka Madaxa Xafiiska aan qaadanno oo ah Land Cruiser yara cusub. Buurta Shiikh iyo Waddooyinka miliqsan ee Boosaaso Markii aan soo xog wareystay darawaliinta gobollada u baxa waxay iiga digeen laba marin. Waa Waddada isku xirta Garowe iyo Boosaaso oo aan markaa laami ahayn. Waa waddooyin badan oo kala leexleexda qaarkood ay dib isugu soo dhacaan, summadna aan lahayn. Waxay iigu dareen inta badan in ay tahay dhul aad u weyn gaadiidka iyo tuulooyinkuna ay ku yar yihiin. Taas oo macnaheedu yahay in haddii aad waddo aan tii saxda ahayn raacdo ay suurta gal tahay in aad muddo socota adiga oo aan arag cid aad ka hubsato in jihada Boosaaso aad ku joogto iyo in kale. Darawaliinta qaar waxay iiga digeen Buurta Shiikh oo ay ku tilmaameen in ay tahay mid u baahan khibrad darawalnimo oo sarreysa. Buuraha bacaadka ah ee Muqdisho marka laga tago, Buurta keliya oo aan markaas khibrad u leeyahay waa Yasoomman oo ku taal waddada Ceel Buur meel u dhaxeysa Buulo Burte iyo Maxaas oo aan ogahay in ay tahay khatar. Markii aan la barbardhigay darawaliinta labadaba yaqaanna waxay ii sheegeen buuraha Shiikh in ay ka khatar badan yihiin Yasoomman. Ugu dambeyn waxaa la ii sheegay in haddii ay dhacdo in gaarigu uu hallaabo aan u baahan doonno qof makaanik ah oo waddada naga badbaadiya. Sidaa darteed waxaan fasiraad badan ka dib, Beatrix ku qanciyay in aan kireysanno darawal makaanik ah, yaqaannana waddada Boosaaso iyo sida loo maro buuraleyda Shiikh. Nin hadda Xildhibaan ah ayaa naga kaxeeyay Muqdisho. Waxaan sidannaa caag weyn oo biyo nadiif ah oo la cabo ay noogu jiraan iyo darmuus weyn oo biyaha u keydiya qabowga. Waxaa noo raran barmiil shidaal ah iyo sanduuq bir ah oo uu noogu jiro agabka baabuurta lagu cilladtiro xag makaanik iyo xag koronto. Caag saliidda baabuurta ah iyo laba taayar oo dhigaal ah. Maaddaama berigaas xasaasiyad laga qabay magaca iyo wax kasta oo Ethiopia ku saabsan, annaguna aan wadno liiska ciidan Soomaaliyeed oo u xiran Ethiopia iyo waraaqo ay ku shaabbadeysan yihiin hey’adaha amniga Ethiopia, waxaan sidannaa waraaq ay na siisay Wasaaradda Arrimaha Guduhu oo fasireysa howsheenna. Waxaa kale oo aan sidannaa waraaq Wasaaradda Arrimaha Dibadda ah oo oggolaashadii kow ay he’addu dalka ku timid. Billowga Waddada Dheer Goor subax ah ayaan Xamar ka shiraacannay. Magaalo kasta oo aan tagno waxaa noo qorsheysan in aan booqanno Saldhigga Booliiska, Guddoomiyaha Degmada ama kan Gobolka haddii ay Xarun Gobleed tahay. Meelaha qaarna waxaan la heshiin doonnaa qof aan u dhiibno waraaqaha si uu qoysaska maxaabbiista ee degaankaas u raadiyo ilaa aan ku soo marno soo laabadkeenna. Balcad markii aan ka baxnay ayaa darawalku billaabay in marka dhinaca midig ee waddada uu ku arko god, uu gaariga u weeciyo dhinka bidix. Beatrix waxay ku adkeysatay in uu mar kasta ku joogo seedkiisa xataa haddii uu god ku yaallo. Waxaan xusuustaa in uu u sheegay sannado badan oo uu darawal ahaa, weligiinna aanuu shil gelin. Waxay ugu jawaabtay in aanay diyaar u ahayn in ay ku dhimato shilka ugu horreeya ee uu geli doono. Waddada Jowhar waa mid aan dayactir helin tan iyo markii gumeysiga aan ka xorownay. Qaddar yar ka dib waxaan tagnay Jowhar. Waxaan ka cunteynay Dalxiiska meel loo yaqaan oo Geedo aad u waaweyn leh oo ay Wasaaradda Dalxiisku leedahay. Waxaan u gudubnay Buulo Burte. Waxaa Jowhar nooga billowday waddo wanaagsan oo ay Dowladda Kacaanku dhistay. Waxaan gaarnay Buulo Burte. Waa magaalada aan ka dhigtay Dugsiga Hoose. Waa magaalo aan guri guri u aqaan. Waxaan ku lahaa xiriirro fara badan oo ah ciidanka ay aabbahay wada shaqeynayeen, macallimiinta oo hadda qaarkood ay yihiin ardaydii aan isku fasalka ahayn sida Axmednuur Shiikh Cilmi oo gacan na siiyay, bahda Sportiga oo ay magaaladu caan ku tahay iyo dad kale oo badan. Waxaan u gudubnay Tuulada Halgan oo ay ku eg tahay waddada wanaagsan ee uu Kacaanku dhisay. Waxaa dib u billaabata waddo codsaneysa dayactir oo Gumeystuhu dhisay. Tuulada Garziani oo ku taal buur fiiqeed ayaa noo xigtay. Intaba waxaan shir kula yeelannay qof mas’uuliyad degaanka ah haya iyo ugu yaraan hal qof oo macallin, dhakhtar, ama ganacsade ah. Waxaan kala hadalnay arrinka maxaabbiista qaarkoodna waxaan uga tagnay koobbi waraaqaha Maxaabbiista ee u socda qof degaankaas cinwaankiisu yahay. Beled Weyne Waxaan u gudubnay Beled Weyne oo aan isla habeenkaas shir la yeelannay Isuduwaha Caafimaadka, Dr. Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal ajnebi ah oo ka socday Italian Medical Team. Mar kale arrinta maxaabbiista ayaan u fasirnay, koobbiyaal waraaqaha Beled Weyne u socda-na waan uga tagnay. Beatrix waxay jiif ka heshay xerada Italian Medical team. Aniga iyo darawalkii waa nagu adkaatay in aan helno Hotel haya laba qol oo uu naga kireeyo caawa. Waan ogaa magaalada in ay joogaan qaar ka mid ah qaxooti ka badan nus malyuun qof oo Ethiopia ka soo qaxay xilligii dagaalka. Laakiin ma garan sababta ay hoteelladeedu sidaa ugu cammiran yihiin. Markii dambe ayaan helnay hotel ay laba sariirood ka bannaan yihiin mid saddexaadna uu nin aynaan garaneyn jiifo oo markaa hurda. Korontadu waxay tagtay oo la demiyay xilli habeen barkii ku dhow. Aniguna maaddaama aan yara daallanaa hurdo culus ayaan la dhacay. Goor dambe ayaan soo baraarugay. Waa mugdi. Waxaa ka daran in qolka dhexdiisa looga hadlayo af aanan waxba ka fahmeyn marka laga reebo in aan gartay in uu yahay af Xabashi. Wax aan ku fasiro ama aan uga talo galo ayaan garan waayay. Waxoogaa markii aan dhegeystay waxaan gartay in codku yahay hal qof oo cid la hadleysaa aanay jirin. Waxaan garan waayay ninka qolka nooga soo horreeyay in uu xabashi yahay iyo in uu Soomaali yahay. In uu waalan yahay iyo in kale. In uu qarwayo iyo in ay ulakac tahay oo uu howl kale ku jiro. Ma garan, laakiin iftiinka waagu wuxuu soo bikaacay aniga oo sugi la’. Marka aan arkay in wax waliba ay caadi u muuqdaan, waxaan mar ku shakiyay in aan codkaas maqlay iyo in aan ku riyooday. Laakiin darawalkii ayaan si hoose u weydiiyay oo isaguna ii xaqiijiyay. Waxaa lagu fasiray in ninku uu qarwayay. Waa laga yaabaa in ay run tahay. W/Q. Yuusuf Garaad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Beled Weyne – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Toddobaad appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Golaha Wakiillada baarlamaanka Libya Mr Aguila Saleh Issa, ayaa shaaca ka qaaday in doorashada Libya uu u tartami karo Saif al-Islam Kadhafi, oo ah wiilkii hoggaamiyihii hore ee Liibiya Muammar Gaddafi. Mr Aguila Saleh Issa, ayaa sheegay inaanu jirin sharci Saif al-Islam Kadhafi ka mamnuucaaya inuu u tartamo doorashada la filaayo inay dhacdo dhawaan. Afhayeenku waxa uu sheegay in dhammaan qodobada Dastuurka Libya ay fasaxayaan in Saif al-Islam Kadhafi uu shuruud la’aan isugu soo taagi karo doorashada, iyadoo la eegaayo xuquuqdiisa muwaadinimo. Afhayeenku waxa uu intaa raaciyay in doorashada dhicitaankeeda uusan dhaafi doonin sanadkan gudihiisa, sida uu xaqiijiyay hogaamiyaha barlamaanka dalkaasi. Afhayeenka Golaha Wakiillada Aguila Saleh Issa, ayaa u sheegay wargeyska Sputnik in xeerka cusub ee cafiska oo la meel mariyay , Saif iyo qofkasta oo kale ay u tartami karaan inay hoggaamiyaan waddanka waqooyiga Afrika. Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Waxaannu hirgelinay sharciyo cafis iyo sharciyo ku saabsan joojinta go’doonka siyaasadeed. Hadda muwaadin kasta oo Liibiya, oo aan sharci ahaan lagu xukumin, wuxuu xaq u leeyahay inuu u tartamo madaxweynaha. Codeyntana waxa ay muujin doonta in Saif uu dadku caan ku yahay, “. Sidoo kale, Afhayeen u hadlay qoyska Qadaafi ayaa bishii December 2017 xaqiijiyay in Saif uu haysto taageerada iyo aqoonta si uu usoo afjaro rabshadaha waddanka tan iyo markii aabihii xukunka laga tuuray. Si kastaba ha ahaatee, dhamaadkii kacdoonkii ka dhanka ahaa aabihiis, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ayaa soo saartay amar ah in la xiro Saif bishii Juunyo 2011 iyada oo lagu tuhunsan yahay dilka iyo dibad baxa rabshadaha watay, wallow baaritaano daba dheeraaday kadib Saif al-Islam Kadhafi lagu waayay kiiskii loo xiray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Golaha wakiillada Libya oo go’aan ka gaaray musharaxnimada wiilka Gaddafi appeared first on Caasimada Online.
  21. Garoowe (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland, C/weli Cali Gaas ayaa si kulul ugu fal celiyay eedeymo loo jeediyay iyo baaq mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Puntland ay ku dalbanayeen in Puntland u baahan tahay isbadal kow ka yahay in gacanta Puntland lagu soo celiyo Tukaraq. C/weli Gaas oo garoonka Garowe kula hadlayay warbaahinta xili uu kasoo laabtay magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in xukuumaddiisa aysan ku shaqeyn hadalka shacabka. “Dastuurka Puntland ayaa na-faraya in dalka la difaaco, annagana dadka shacabka ah warkiisa kuma shaqeyno, dowladuna kuma shaqeyso.” ayuu si carro ku jirto u yiri C/weli Gaas. Hadalka kulul ee C/weli Gaas ayaa kusoo beegmay xili mudane ka tirsan baarlamaanka Puntland oo kasoo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag uu ku eedeeyay Gaas inuu ka gaabiyay wax ka qabashada xaalada Tukara, isla markaana uu iska safro xili walbo oo xaalada Puntland kacsan tahay, wuxuuna mudanahasi ku baaqay isbadal ka dhaca Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com The post C/weli Gaas “Annaga dadka shacabka ah warkooda kuma shaqeyno” appeared first on Caasimada Online.
  22. The post Akhriso: Duqa Muqdisho oo go’aan adag kasoo saaray dhulalka la kala haysto iyo kuwa danta guud ee horay loo bixiyay appeared first on Caasimada Online.
  23. It would be tempting to focus mostly on the stagecraft of "A Crack in the Sky," the often absorbing and humorous play about a young man's journey from rural Somalia to urban America that premiered Saturday at the History Theatre in St. Paul. Source: Hiiraan Online
  24. Kooxda Real Madrid ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda PSG oo ay isku arkeen lugta hore ee wareega 16-ka tartanka kooxaha Yurub ee Champions League-ga. Real Madrid oo difaacanaysa tartankan garoonkeeda Santiago Bernabeu ugu awood sheegatay PSG 3-1 oo ay labo kamid ah yimaadeen dhamaadkii ciyaarta, wuxuuna ahaa kulanku mid aad u xiiso badan, madaama labada kooxood ay joogaan xidigaha ugu wanaagsan kubada cagta xiligan. Kooxda PSG ayaa goolka la hormartay waxaana daqiiqadii 33-aad u dhaliyay Adrien Rabiot, balse Cristiano Ronaldo ayaa kubbad gool kulaad ah ku barbareeyay dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta, wuxuuna ahaa goolkii 100-aad uu Real Madrid u dhaliyo tartanka Champions League-ga. Dhamaadkii ciyaarta Daqiiqadihii 83-aad iyo 86-aad Real Madrid ayaa la timd labada gool ee ay guusha ku gaartay, waxaana u kala saxiixay Cristiano Ronaldo iyo Marcelo, waxayna ciyaartu ku soo gabagabowday 3-1 oo ay guushu ku raacday kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid. Real Madrid ayaa kulanka lugta labaad ee wageegan booqan doonta guriga kooxda reer Faransiis ee PSG, iyadoo kalsooni dheeraad ah ku qabta in ay u soo bixi karto wareega Sideed dhamaadka tartankan, madaama ay lugtan ku badisay 3-0, waxaana kulankaas koooxda martida loo yahay ee PSG u yaala shoqo culus oo ah in ay la timaado natiijo midaan oo kale ah ama ka badan. Real Madrid ayaa tartanka Champions League-ga ku soo guuleysatay labadii sano ee ugu danbeeyay, waxayna wali u muuqataa mid sii difaacan karta. PUNTLAND POST The post Real Madrid oo guul ka gaartay PSG tartanka Champions League-ga appeared first on Puntland Post.