Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,839
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A big business in Somalia, the emerging e-commerce is generating thousands of jobs every year. Source: Hiiraan Online
  2. Mandera South MP Adan Kullow has claimed that security personnel on the Kenya-Somalia border accept bribes to allow terrorists into the country. Source: Hiiraan Online
  3. Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali, ayaa ku hanjabay inuu Gacan bir ah ku qaban doono xaaladaha amni darro ee ka taagan qaybo ka mid ah Dalkaasi, markii ay dhawaan hay’adaha u dooda xuquuqul Insaanka u soo jeediyeen inuu wax ka qabto qul-qulatooyinka jira. Maria Burnett, oo ah Agaasimaha hay’adda u doodda xuquql Insaanka (HRW) ee Bariga Afrika, ayaa sheegtay in dilalka Qowmiyadaha, gaar ahaan is ugaarsiga ka dhexeeya Soomaalida iyo Oromadu in ay ku beertay walaac aad u weyn. War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in marxaladdan ay ku hayso walaac xooggan, wuxuuna ballan qaadan Abiy Axmed, inuu samayn doono dib u habayn xagga ammaanka ah. Human Rights Watch, ayaa faah-faahin ka bixisay rabshadihii u dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Jig-jiga, halkaas oo lagu dilay Dad Shacab ah, laguna boobay hanti, iyadoo Deb la qabadsiiyay Macbadyo iyo goobo kale, taasoo sabab u ahayd markii ay Ciidamada Federaalku xoog ku galeen xarumahii Dowlad degaanka. Tallaabadaas ayaa ka caraysiisay Ciidanka Liyuu Boolis oo daacad u ah Madaxweynihii hore ee DDSI, iyo Bar-baarta Heego, oo ah Dhallin yaro taabacsan Cabdi Maxamuud Cumar, kaas oo haatan ku jira Xabsi ku yaalla Addis ababa. Hay’adda ayaa sidoo kale ka hadashay rabshado ka dhacay Magaalada Dire-dhaba oo ay ku dhinteen 15 Qof oo Soomaali ah iyo dilal ka dhacay Shashabane, Tabe, Adama iyo degaanno kale, kuwaasoo intooda badan dhacay Bishan Augost. Dhinaca kale, waxaa haatan yaraaday xasaradihii ka dhex aloosnayd Soomaalida Itoobiya iyo Oromada, waxaana imminka billoowday in Kumanaan Qof oo kasoo cararay rabshadaha kuna sugnaa Waqooyiga Soomaaliya iyo jabuuti ay dib ugu laabtaan degaannadoodii hore. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa Caasimada@live.com
  4. Work is due to start this autumn and the total contract value is anticipated over US$30mln Source: Hiiraan Online
  5. Insecurity has once again gripped Somalia after recent attacks perpetrated by Islamist militant group al-Shabaab. Source: Hiiraan Online
  6. Jabuuti (Caasimadda Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf aya ka hadlay xiriirka dalalka Soomaaliya ee Jabuuti, kadib booqasho uu dalkaasi ku tegay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Wasiirka ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti uu ahaan doono mid xoog leh ka sokow dib u dhicii dhowaan soo wajahay, wuxuuna intaas ku daray in socdaalka madaxweyne Farmaajo ku joogo Jabuuti iyo wadahadallada uu la leeyahay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay xaqiijinayaan xiriirka qotoda dheer ee labada dal. Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo ay maalintii labaad ku sugan yihiin dalka Jabuuti si xal loogu helo madmadow soo dhex galay labada dal oo yimid kadib socdaalkii Farmaajo ee dalka Eritrea iyo baaqiisii ahaa in Q/Midoobay ay cunaqabateynta ka qaado dalka Eritrea. Wararka laga helayo Jabuuti ayaa sheegaya in wadahadal toos ah u socdo madaxda labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya iyadoo lagu wado in maanta gelinka danbe laga soo saaro War-murtiyeed. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
  7. Mogadishu (HOL) - An Ethiopian based private airline has announced that it plans to start regular scheduled commercial flights to Mogadishu, Somalia as early as next week, according to the airline's management. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) - An Ethiopian based private airline has announced that it plans to start regular scheduled commercial flights to Mogadishu, Somalia as early as next week, according to the airline's management. The route would be the first of its kind between Somalia and Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Inta badan madaxda maamulada Somalia waxaa kusoo wajahan doorashooyin waxaana jirta walaac xooggan oo ku aaddan in Dowladda dhexe ay la timaado xubno ay gadaal ka riixeyso. Madaxda shanta maamul goboleed ee Somlia ayaa ku heshiiyay iney Hagbad ama Ayuuto sameystaan taas oo lagu caawinayo musharax kasta oo iyaga ka mid ah oo doorasho galaya. Maamul walba wuxuu bixin doonaa hal milyan oo dollar waxaana la siin doonaa musharaxa markaas doorashada galaya si uu ugu guuleysto inuu dib usoo noqdo. Shariif Xasan Shiikh Aadan oo Koonfur Galbeed maamula wuxuu noqon doonaa midka koowaad ee lacagtaa la siiyo madaama ay doorashadiisu soo dhowdahay. Arrintaan waxaa ka shaqeeyay xoghayaha guud ee golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Cabdi Cali Rage, wararka ayaa sheegayaan in dhammaan madaxda maamuladu ay aqbaleen qorshahaan iskaashiga dhaqaale ee u sahalaya inuu mid walba dib usoo laabto markii la gaaro xiligiisa doorashada. Xogtu waxey intaaa ku dareysa in sidoo kale lagu heshiiyay in madaxweyne goboleedkii mooshin laga keenno la isugu dari doono min shan boqol oo kun oo dollar si uu mooshinka isaga difaaco. Arrintaan waxey muujineysa ayaa la lee yahay culeeska heysta madaxda maamulada Soomaaliya ka jira. Dadka deegaanka yo odayaasha dhaqanka ayaa badi damacsan is badalo laakiin waxaa ragga talada haya ka go`an iney boosaskooda kusoo laabtan. Hagbadda ay sameysteen shanta maamul goboleed ee ka jirta Somalia ayaa dhanka kale cules ku noqon karta qorshaha ay Dowlada federaalka ah ku raadineyso is badalo ka dhaca maamul goboleedyada, waxaana laga yaabaa inuu khilaaf dhasho hadii ay doorashooyinka qaar fara galiyaan. Sido kale talaabadan waxey muujineysa in dowlada dhexe aaney wali kala fur furin midnimada madaxda maamul goboleeyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Sudan and Ethiopia agreed to deploy a joint force along their common border during a Thursday meeting held in capital Khartoum attended by the military chiefs-of-staff of both countries. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay hay`adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA waxaa ay ku jirtay xaalad kacsan iyadoo ay adkaatay iney wada shaqeeyaan xubnihii loo dhiibay hoggaanka NISA. Hay`adddani waa mida ugu badan ee caalamku lacago ku bixiyaan. Wax badan ayey amnig Xamar ka badaleen muddadii ay jireen inkastoo dhinaca kalana ay dhib badan lee yihiin. Taniyo markii maamulkeeda loo mgacaabay Xuseen Cusmaan Xuseen waxaa dhalatay dood ah qaabka ay u shaqeyso hay`adda sirdoonka Somalia. Dadka caasimaddu waxa ay arki jireen ciidamada NISA oo leh dhar lagu yaqaano, hub xoogan wadooyinka la taagan ,oo dadkana u sheegaya iney sirdoon yihiin, taas oo fashil badan abuurtay. Sida uu qoray Wargeyska Muqdisho Evening News , taliyaha cusub ee NISA Xuseen wuxuu soo jeediyay in la badalo guud ahaan hannaanka sirdoonka Somalia oo loo badalo qaab dharcad u badan iyo xog aruurin , oo la joojiyo ciidamadan jidadka dhooban balse arrintaas la iskuma waafaqin, oo waxaa ka dhashay kala aragti duwanaan isaga iyo kuxigeenkiisa ah, sidoo kale waxaa jiray doodo ka abuurmay maamulka dhaqaalaha, hubka iyo amarrada oo is garab yaac badan uu ka jiray waxaana ay taasi keentay inuu khilaafkoodu bannaanka yimado. Xuseen oo la aaminsanaa inuu awood iyo garab buuxa ka heystay xafiiska madaxweynaha ayaa shaqo joojin ku sameeyay ku xigeenadiisa, laakiin Jaamac iyo Cabadala Cabadala oo iyaguna ku tiirsanaa xafiika Ra`iisul wasaare Kheyrre ayaa isku dayay iney arrintaas ka biyo diidaan iyadoo ay doodo ka dhasheen sharciga arrintaa la xiriira. Si walbaba madaxweyne Farmaajo ayaa maanta soo afjaray dagaalkii Nisa markii uu xilalkii ka qaaday labadii kuxigeen ee Cabadala Cabdala iyo Jaamac waxaana uu soo magacaabay Fahad Yaasiin oo laga dhigay taliye kuxigeenka NISA. Hada waxaa la hadal hayaa iney NISA dhinac isu raaci doonto, waxaa loo baahan doonaa in dib loo helo ciidamo gaar ah oo fuliya howlgalada, oo sidoo kalana la tacalaali kara amniga caasimadda. Waxaa dood la galin kara qibrada Amni ee Fahad Yaasiin iyo Xuseen oo hadda ah labbada nin ee ugu sareysa sirdoonka Somalia balse dadka yaqaana Fahad Yaasiin waxey sheegeen inuu yahay nin u saldhigi kara NISA. Waxa ugu weyn ee la filanaayo waa inuu taliyaha NISA dhaqan galin doono falsafaddiisa cusub ee sirdoon ka oo aheyd mid uu ka dhaadhicin waayay kuxigeenadiisii hore, sidoo kale waxa laga cabsi qabaa iney dhacaan jilaafooyin amni oo ka yimaada NISA madaaama la isku qabsaday xukunka sirdoonka. NISA oo ciidan muhim ah u aheyd taliskii madxweyne Xasan Shiikh ayaa hada ahmiyadeedii hoos u dhacday base waxaa laga yaabaa in dib boorka looga jafo. Waxaa kaloo la hadal hayaa iney hada si fiican ugu milmi doonaan siyaasada. Tobankii bilood ee lasoo dhaafay waxaan NISA ay ku eedeyeen xoogaga mucaaradka ee Somalia iney NISA ku milantay siyaasadda iyadoo Soomaalidu ku heshiisay inaan ciidanka lagu lifaaqin is jiid jiidka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda, taasoo haddii ay dhacdo keeni karta iska hor imaad bulsho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (PP) ─ Xukuummadda Somalia, ayaa soo saartay amar faraya dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladeed in ay ixtiraamaan, raacaan kuna dhaqmaan sharciga iibaka qaranka ee dalka u yaalla si qandaraasyada la bixinayo iyo heshiisyada lala gelayo hay’adaha caalamiga ah ay u noqdaan kuwa sharciyaysan oo loo maray hannnaanka saxda ah. Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa tilmaamay in dhaqan-gelinta sharciga iibka qaranka oo qabyo u ah wasaaradda maaliyadda looga dooday kulankii golaha wasiirrada ee maanta kaas uu uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. “Kulnka golaha wasiirrada waxaa looga hadlay arrimaha iibka qaranka iyo habsami u raaca sharicga ka yaalla iibka qaranka si ay hay’adaha dawliga ah iyo wasaarahuba ay ugu dhaqmaan. Sharcigaas waxa uu qabyo u yahay wasaaradda maaliyadda hase yeeshee waxaa jirta in lagu amray in wasaaruhu ay dhawraan habsami u raaca qandaraasyada iyo heshiisyada la gelayaan hay’adaha caalamiga ah”, ayuu yiri wasiir Xaamud. Wasaaradda maaliyadda ayaa marka ay soo dhamaystirto Sharciga iika qaranka waxa ay usoo gudbinaysaa golaha wasiirrada si ay u meel mariyaan kadibna loo hor-geeeyo Baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyn, Kulanka golaha wasiirrada ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay qabyo qoraalka hannaanka cadaalada iyo arrimaha amniga iyada oo warbixnno laga dhagaystay wasiirrada difaaca iyo amniga gudaha kuwaas oo ka hadlay isbedeladii ugu danbeeyay ee dhanka amniga iyo qorshaha horumarinta guud ahaan amniga dalka si mawaadiniinta Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan amni la isku halayn karo. PUNTLAND POST The post Hay’adaha Dawlada Somalia oo lagu amray in ay dhaqan-geliyaan sharciga iibka Qaranka appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar kula kulmay Madaxweyne Kuxigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey. Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Madaxweyne Kuxigeenka xaaladda guud ee Gobolka Banaadir, guulaha lagu tallaabsaday muddadii la soo dhaafay iyo qorsheyaasha horumarineed ee Caasimadda. Eng.Yarisow ayaa ku bogaadiyey bulshada iyo maamulka Puntland dadaalka ay ku bixiyeen midnimada iyo wadajirka, isagoona tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo wada istaago sidii loo rumeyn lahaa himilooyinka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Kuxigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta sare ee ay u sameeyeen, muddada uu ku sugnaa Caasimadda. Sidoo kale, Mudane Camey waxa uu dhiirrigeliyey horumarka muuqda ee laga gaaray amniga Muqdisho, daadajinta adeegyada asaasiga ah iyo qorsheyaasha ku saabsan hirgelinta hannaanka dimuqraadiyeynta. Ugu dmabeyn, Kulankan waxaa ka qeyb-galay Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Tuulax, Xoghayaha Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen Iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Xafiisyada Maamulka Gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Injineer Yarisow oo Xarunta Dowladda Hoose kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka PL appeared first on Puntland Post.
  14. Ciidanka difaaca Puntland ee PSF oo mudooyinkii dambe socdaalo howlgalo ka sameynayay deegaano kamid ah Puntland gaar ahaan gobolka Bari ayaa agab waxbarasho gaarsiiyay deegaanka Ceelaayo oo ka tirsan Gobolka Bari. Agabkan waxbarasho oo ciidanka kumaandooska Puntland ay gaarsiiyeen deegaanka Ceelaayo e gobolka Bari ayaa timid kadib markii kulan is xog wareysi ah ay saraakiisha hogaaminaysay ciidanka PSF-ta la qaateen qeybaha kala duwan ee bulsho kunool deegaanka Ceelaayo kuwaasoo sheegay inay baahiyo xoogan u qabaan helida adeegyo la xiriira waxbarashada taasoo markii dambe ay ka dhabeeyeen ciidanka difaaca Puntland ee PSF kuna wareejiyeen agabkaasi masuuliyiinta waxbarashada deegaanka Ceelaayo. Nabadoon Mursal oo kamid nabadoonada deegaanka Ceelaayo ayaa uga mahadceliyay saraakiisha iyo ciidanka difaaca Puntland sida ay uga jawaabeen baahiyaha ka jira deegaanka iyo qalabeynta ay ku sameeyeen iskuulka hoose dhexe ee deegaanka Ceelaayo. Saraakiisha iyo ciidanka difaaca Puntalnd ee PSF oo ugu dambeyntii ka hadlay madasha wareejinta agabka waxbarasho ayaa tilmaamay in ay diyaar u yihin ka qeyb qaadashada haqabtirka baahiyaha asaasiga ee nolasha iyagoona tilmaamay in ay sii wadayaan horumarada xaga amaanka iyo nolosha dadka deegaankaasi. Ciidanka xooga Puntland ee PSF ayaa had iyo jeer u taagan ka shaqeynta amaanka,waxayna taas ku kasbadeen taageero badan oo dhinaca shacabka. Bosaso PUNTLAND POST The post Ciidanka PSF Puntland oo deeq waxbarasho gaarsiiyay bulshada deegaanka Ceelaayo appeared first on Puntland Post.
  15. The UN Refugee Agency (UNCHR) said it has facilitated the voluntary return of more than 2,000 Somali refugees from Yemen, through a program called Assisted Spontaneous Returns (ASR) it started in 2017. Source: Hiiraan Online
  16. Minnesota state lawmaker Ilhan Omar, who has labeled Israel as an “apartheid regime” that has “hypnotized the world,” is favored to take a seat in Congress after winning her Democratic primary on Tuesday in a heavily Democratic district in her state. Source: Hiiraan Online
  17. Minnesota state lawmaker Ilhan Omar, who has labeled Israel as an “apartheid regime” that has “hypnotized the world,” is favored to take a seat in Congress after winning her Democratic primary on Tuesday in a heavily Democratic district in her state. Source: Hiiraan Online
  18. Minnesota state lawmaker Ilhan Omar, who has labeled Israel as an “apartheid regime” that has “hypnotized the world,” is favored to take a seat in Congress after winning her Democratic primary on Tuesday in a heavily Democratic district in her state. Source: Hiiraan Online
  19. Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay cunna qabateynta kusii adkeyn doonaan dalka Turkiga oo uu ku eedeeyey inay muddo badan ka faa’ideysaneysay Mareykanka, wuxuuna hadalkaan kusoo aaday xilli Wasiirka Maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin uu ku hanjabay inay cunaqabateynta kusii adkeyn doonaan dalka Turkiga haddii aysan si deg deg ah usoo deyn Baadariga dalkeeda u dhashay ee lagu magacaabay Andrew Brunson kaasoo muddo u xiran. Taas badalkeeda Wasiirka Arrimaha Debadda Dalka Turkiga ayaa sheegay inaan khilaafka labada dal lagu xallin karin sida ay wax u wado Mareykanka isla markaasna aysan u arkin inay tahay saaxiib dhow oo aan laga maarmi karin. Madaxweyne Trump oo farriin soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sheegay inay dowladda Turkiga xiratay nin aan dambi laheyn isla markaasna ay arrintaas tahay afduub, wuxuuna xusay inaysan Mareykanka wax ku badalan karin shakhsi uu ku tilmaamay inuu yahay mid aan dambi gelin isagoo ku hanjabay inay ceejin doonaan. Trump oo inta uusan qoraalkaas soo dhigin bartiisa Twitterka kulan xasaasi ah la qaatay xubnaha ugu sareeyo dalkiisa ayaa u sheegay in Turkiga uusan weli kala caddeyn haddii uu Mareykanka u yahay saaxiib fiican. Kulankaas ayuu Trump sidoo kale ku xusay inay dowladda Mareykanka ka caawisay Turkiga sii deynta muwaadin uga xirnaa wadan uusan magacaabin, wuxuuna tilmaamay in wadanka ay iskala tirsan yihiin NATO uusan abaal uga heyn arrintaas. Wasiirka Maaliyadda Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay inay Turkiga u qorsheeyeen cunna qabateyn dheeraad ah haddii aan si deg deg ah loo soo deyn Baadariga laga heysto. Dowladda Turkiga ayaa Jawaab kulul ka bixisay hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka kadib hadal uu jeediyey wasiirka Arirmaha Debadda Turkiga Hakan Çavuşoğlu. Hakan Çavuşoğlu ayaa aaminsan in khilaafka labada dowladood lagu xallin karo qaab fudud balse aysan waxba ku socon karin qaabka uu Mareykanka hadda wado isagoo si cad u sheegay inaysan Mareykanka u arkin Saaxiib xaqiiq ah. Wasiirka oo la hadlayey xubnaha Safaaradaha dowladaha shisheeye ee ku yaal Ankara gelinkii dambe ee Khamiistii Shalay ayaa sheegay in Turkiga uusan rabin inay sii jirto dhibaatada kala dhaxeyso Mareykanka , isagoo tilmaamay in Ankara ay dhawr jeer Washington u gudbisay xallinta khilaafkaan sidoo kalana ay ku wargeliyeen in cunna qabateyn aysan waxba soo kordhineyn. “ Waxaa Waajib ku ah Mareykanka inoo ogaado in arrinta aysan aheyn filimka Cowboy, anaga ma jileyn mana diiwaan gelineyno Filimka Cowboy, waxaana nahay laba dowladood oo awood leh waxaana haboon xiriirka inuu noqdo mid wanaagsan, isla markaasna ay noqdaan kuwa yaqaan sidii la isku qadarin lahaa, is ixtiraamka kuma imaado cadaadis balse wuxuu ku imaadaa isku soo dhawaansho” ayuu yiri Hakan Çavuşoğlu. Ugu dambeyntii wasiirka ayaa carabka ku dhuftay inaysan jirin wax dambi ah oo ay Turkiga ka gashay Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Washington Caasimada@live.com
  20. National Airways (Ethiopia) (NAE, Addis Ababa) has announced plans to start scheduled passenger services to Mogadishu, Somalia by the end of this month. Source: Hiiraan Online
  21. In a speech some compared to Hitler’s rants against the Jews, an Australian parliamentarian proposed a ban on Muslim immigration to the island nation, calling it the “final solution” to the problem of the decline of its “predominately European identity.” Source: Hiiraan Online
  22. Defense attorneys want charges dismissed against a former Minneapolis police officer who shot and killed an Australian woman last year. Source: Hiiraan Online
  23. The recent rapprochement between Ethiopia and Eritrea is a welcome development in a region beset by calamities of wars, draught and man-made disasters. Reconciliation between these two blood and ethnic related neighbors and ending 20 year of hostilities was long overdue. Source: Hiiraan Online
  24. Around 3,000 families fleeing violence in Ethiopia’s Somali region have crossed the border into Somaliland, where they are mostly seeking refuge with extended family relatives in Somaliland. Source: Hiiraan Online
  25. William H. McRaven, a retired Navy admiral, was commander of the U.S. Joint Special Operations Command from 2011 to 2014. He oversaw the 2011 Navy SEAL raid in Pakistan that killed al-Qaeda leader Osama bin Laden. Source: Hiiraan Online