-
Content Count
206,236 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somaliland ayaa amarro adag ku soo rogay shacabka gobolka Sool, gaar ahaanna magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaaasi. Wareegto ka soo baxday guddiga Golayaasha Somaliland oo lagu socod-siiyay laamaha Amniga ee Somaliland ugu magacaaban gobolka Sool ayaa gebi ahaanba lagu mamnuucay in wax hub ah lagu dhex qaato magaalada Laascaanood,marka laga reebo ciidamada Somaliland ee halkaasi ku sugan,sidoo kale shacabka degmadaasi ku dhaqan ayaa lagu wargeliyay in aysan qabsan Karin wax shirar ah oo aan la soo ogaysiin mas’uuliyiinta Somaliland ee gobolka. Awaamiir ka kooban lix qodob ee uu soo saaray guddigaan ayaa dhinaca kale shacabka degmada Laascaanood looga digay in ay sameeyaan wax kacdoon ah oo lagu diiddanyahay maamulka Somaliland,waxaana amar lagu siiyay in ay gawaarida ku xidhan taarikada Somaliland,iyadoo tallaabo adag loogu hanjabay cid kasta oo jebisa qodobada warqaddaan ku xusan. Go’aannada ay soo saartay Somaliland ayaa ku soo beegmay maalmo uun kadib markii qaar kamid ah cuqaasha gobolka Sool ee ku sugan magaaalada Laascaanood ay maamulkaas ugu baaqeen in uu ka baxdo degaannada uu ka joogo gobolka,islamarkaana ay madaxweyne Biixi ku eedeeyeen in uu colaad ka hurinayo magaalada Laascaanood iyo guud ahaanba gobolka Sool. Dhinaca kale go’aannadan ayaa ku soo aaday xilli maanta dowladda Puntland ay awaamiir adag ka soo saartay mas’uuliyiinta iyo ciidamada u dhashay gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ee ka tirsan Somaliland,iyadoo Puntland ay sheegtay in dil-toogasho ah lagu fulinayo,hantidiisana ay dowladdu la wareegayso qofkasta oo lagu helo in uu gacan-siiyay Somaliland. Halkaan ka daawo muuqaalka. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Somaliland oo amarro adag ku soo rogtay shacabka gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
-
The UAE is the safest country for women in the Middle East region, which will help in the growth of the country's wealth in the next 10 years, reveals a new report released on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Khilaaf cusub oo ka dhex taagan maamulka Galmudug ayaa soo shaac baxay iyadoo ay magaalada Muqdisho ka sheegeen in midowgii Ahlu suna iyo Galmudug la isku mari la’ yahay. Kulan ay xalay Magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka mida madaxda Galmudug iyo xildhibannada maamulkaasi ayaa lagu caddeeyay inuu taagan yahay khilaaf ka dhex taagan Maamulka Galmudug, sida uu shaaciyey madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey. Khilaafka cusub ee Galmudug ayaa ka taagan qaabka isku darka Baarlamaanada Ahlu suna iyo Galmudug, waxaana mar kale kala taagan Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha baarlamaanka oo dhinac ah iyo Madaxweyne Xaaf iyo madaxda xukuumada Sheekh Axmed Shaakir oo dhinac kale ah. Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku doodaya in ay sharci darro tahay, lana dhinac maray Dastuurka Galmudug markii la isku daray Galmudug iyo Ahlusunna, iyadoo Madaxweyne Xaaf u iskiisa u bedelay Dastuurkii, waqtiga uu kororsaday. Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay inay wadaan dadaallo lagu soo xalinayo khilaafka cusub ee ka taagan ee maamulka Galmudug. Wuxuuna intaas ku daray in Galmudug ay heystaan dhibaatooyin kala duwan. Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo muddo 4 sano ah kororsaday markii la sheegay in baarlamaanka Galmudug uu ansixiyey dastuur cusub ayaan wax hadal ah ka soo saarin arrintan, waxayna xaaladda u muuqataa in Galmudug ay mar kale cagta saartay khilaaf cusub. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Seven years after Kenya invaded Somalia to tame terror attacks in the Coast and Northeastern by al Shabaab, the army is still lodged in the country. The Kenya Defence Forces have had some ups and downs, but any plans to retreat are pegged back by unending volatility. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir oo ku sugan Mareykanka ayaa sheegay in dacwadda badda ee u dhexeysa Somalia iyo Kenya aysan waxba iska bedelin, aysanna jirin wax wadahadal ah oo labada dal ay ka leeyihiin arrinta badda. Wasiirka Gaashaadhigga Kenya, Moinca Juma oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay inay socdaan wadahadallo hoose oo Somaia iyo Kenya ay ka leeyihiin dacwadda u dhexeysa ee ku aaddan badda. Iyadoo sheegtay inay doonayaan inay si hoose ku dhameeyaan arrintan. Balse, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay Garsoorayaasha Soomaaliya ku metelaya dacwaddaas ay wadaan diyaarinta warbixin maxkamadda ICJ ay ka sugayso inay 18-ka bisha Juun ee soo socota hor-geeyaan, isla markaana wadahadal arrintan ay ka galayaan aysan jirin. “Dacwada Badda weli waa sideedii, wax iska bedelayna ma jiraan… Waxaana ku hawlahanay diyaarinta qoraal Somalia kaga sugayo, kaasoo maxkamadda aan horgeyn doonno 18-ka bisha soo socota,” ayuu Xeer-ilaaliyuhu ku yiri wareysi uu siiyay VOA-da isagoo ku sugan Gobolka Arizona ee Mareykanka. Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha Qaranka ayaa la wedyiiyay go’aanka dacwaddan ee Dowladda hadda jirta, maadaama dacwaddan markii la gubdiyay ay jirtay dowladdii Xasan Sheekh uu hoggaaminayay, wuxuuna ku jawaabay. “Xukuumadda hadda jirta qorshaheeda waa uun midkii dowladdii hore, mana jiro wax isbedel ah oo arrinta badda ka yimid… waayo qareennadu waa kuwii hore, garsoorayaashu waa kuwii hore, wax walbana waa sidii hore, aniguna ma qabo in isbedel uu ka imaan doono dowladda hadda jirta.” Dhanka kale, Dowladda Kenya oo iyaduna dhinac ka ah dacwadda ayaa lagu wadaa inay qoraal horgeyso maxkamadda bisha December ee sannadka aan ku jirno, iyadoo markaas kaddibna maxkamaddu ICJ ay go’aan ka qaadan doonto dacwadda badda ee u dhexeysa Somalia iyo Kenya. Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Somalia ayaa ku dacwoonaysa in Kenya ay doonayso inay qaadato qayb ka mid ah badda Somalia, iyadoo Kenya ay dhankeeda ku dacwoonayso inay iyadu leedahay badda mar la eego dhanka xuduudda barriga iyo badda; balse waxaa arrintan go’aan kama dambeys ah ka gaari doonta maxkamadda cadaaladda dunida ee xarunteedu tahay dalka Netherlands. PUNTLAND POST The post Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo sheegay inaysan waxba iska beddelin Dacwadii Badda appeared first on Puntland Post.
-
Dhibaatada ugu weyn ee Soomaaliya haysata ayaa ah halka ay dunida kaga taal, oo ah meel aad iyo aad muhiim ugu ah isu socodka gaadiidka badda. Ka sokow taas, Soomaaliya waxay leedahay xeeb aad u dheer oo kheyraad alle uu ku maneystay. Soomaaliya oo qaran ahaan dib u hana-qaadda, waxay dhibaato ku tahay dalal badan. Kuwa deriska, waxay ka baqayaan inay dib ugu sheegato dhulalka ka maqan, qaarkoodna waxayba hadda hamiyeen baddii. Kuwa kale ee aan xuduudda la lahayn Soomaaliya, sida Imaaraadka Carabta, waxay u arkaan in Soomaaliya ku tahay halis dhaqaale. Maxay ka cabsanayaan Imaaraadka? Inkasta oo Imaaraadka lagu tiriyo dalalka hodanka ku ah saliidda, haddana xaqiiqda ayaa ah in kaliya 5% dakhliga dalkaas uu ku tiirsan yahay saliidda. 95% dhaqaalaha Imaaraadka wuxuu kasoo galaa ganacsiga, gaar ahaan dekadaha, oo xarun ama marin ay kasii gudbaan u ah alaabta la geeyo dalal badan oo Carbeed iyo kuwa Afrikan ah oo u dhow. Haddii Soomaaliya ay noqoto dal dhisan, oo dekadihiisu shaqeynayaan, waxay halis ku tahay Imaaraadka, maadaama Soomaaliya ay ku taal meel ka muhiimsan Imaaraadka Carabta, dhul ahaanna aad ay ugu weyn tahay Imaraaadka. Goorma ayay billaabatay cabsida Imaaraadka? Kuwa sheegta inay caawiyaan Soomaaliya ee reer galbeedka, marna daacad kama ahayn, sidaas darteed Imaaraadku marna kama wel-welin in Soomaaliya ay dib qaran ay u noqoto. Hase yeeshee taasi waxa ay is-beddeshay markii Turkiga uu yimid Soomaaliya. Turkiga wuxuu muujiyey wax qabad dhab ah. Wuxuu dhisay iskuulo, garoomo diyaaradeed, iyo tan ugu walaaca badan Imaaraadka oo ah dekado. Markaas kadib Imaaraadku waxay dareemeen in Soomaaliya ay rajo leedahay, waxayna durba billaabeen faro-gelin. Sidee Imaaraadka ku yimid Soomaaliya? Imaaraadku waxa uu Soomaaliya kasoo galay halka ay ugu baylahan tahay, oo ah inuu ka taageerayo dhanka amniga, tababarka ciidamada iyo mushaharkooda. Intaas kadib wuxuu si tartiib ah ugu milmay siyaasaddii, kadibna ciidankiisa waxay noqdeen calooshood u shaqeystayaal ayaga un ka amar qaata. Waxaa xusid mudan in Turkiga marna uusan faro-gelin arrimaha siyaasadda Soomaaliya, uuna si isku mid ah ula dhaqmo qof kasta oo madax ka noqda dalka, tusaale Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Markii uu Imaaraadka faro-geliyey siyaasadda Soomaaliya, wuxuu isku dayaye inuu fuliyo laba qorshe, oo midka kowoaad yahay in la helo madax maamul goboleed, oo isaga hoos-taga, iyo madaxweyne guud oo magac u yaal un ah. Qorshaha koowaad waa hir-galay, kii labaadse weli waa lagu guuleysan la’yahay. Taas waa tan siyaasadda, balse waxa uu Imaaraadka sidoo kale isku dayay inuu dalka qabsado awood ahaan. Tusaale, wuxuu qorsheeyey inuu 8,000 oo askari oo ka kooban afar guuto ay u joogaan Muqdisho, si haddii siyaasadda shaqeyn weyso awood uu ugu maquuniyo. Ogow, ciidamada waxay wataan magacyo badan, qaarkood waxay ku magacaaban yihiin milatariga Soomaaliya, haddii xal kale la waayana waxaa loo rogi karaa hab qabiil, sababtoo ah odayaal qabaa’il oo badan oo Imaaraadka biil ka qaata ayaa jooga. Wuxuu sidoo kale xarumo ciidan ka sameystay Jubaland iyo Puntland, halkaasi oo uu ciidamo ku tababarayo. Dhinaca Koonfur Galbeed, wuxuu usoo diray nin Mareykan ah oo ayaga xiriir la leh oo lagu magacaabo Eric Prince, oo madax ka ahaa shirkadda Blackwater, kaasi oo ciidamo calooshood u shqeytayaal ahu diyaarinaya Imaaraadka iyo Shariif xasan. Muxuu yahay qorshaha guud? Qorshaha guud ee Imaaradka ayaa ah in marnaba Soomaaliya aysan noqon qaran isku filan, balse ay ka jiraan maamullo ayaga hoos-taga iyo dowlad dhexe oo aan dhaafsiisneyn Xamar, siyaasad iyo ciidan ahaan, inataba, dalkuna ku jiro sidaas muddo fog. Heshiisyada ay la galeen maamullada, waxay sidoo kale ka gacan siineysa inay gacanta ku hayaan dekedaha dalka illaa 30 sano, sida Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo, taasi oo meesha ka saaraysa helistii uga iman lahayd dekedaha Soomaaliya. Si dhibaatada dalka usii socoto, waxay sidoo kale dhanka dhaqaalaha si dadban uga taageerayaan Al-Shabaab, ayaga oo iibsanaya dhuxusha, oo ah halka kaliya ee Shabaab dhaqaalaha ka hesho, inkasta oo QM ay mamnuucday dhoofka dhuxusha Soomaaliya. Yaa fulinaya qorshaha Imaaraadka? Qorshaha dhanka maamulo goboleedyada, Imaaraadku wax dhibaato ah kalama kulmin, oo waxay madaxdoodu noqden kuwa ay ku filan tahay lacagta, oo aan wax dan ah ka lahay aayaha dalkooda, iyo mustabalka jiilka soo koraya. Marka ay noqoto dowladda dhexe, Imaaraadka waxay qarash badan ku bixiyeen xilligii doorashada in Cumar Cabdirashiid ama Cabdiraxmaan Cabdishakuur midkood uu noqdo madaxweyne. Labadan siyaasi, oo horey u iibsaday badda Soomaaliya, ayay ogyihiin inaysan lahayn wax damiir iyo dadnimo ah, oo dollar-ka uu uga weyn yahay wax kasta. Inkasta oo qorshahaas fashilmay, haddana Imaaraadka weli lacag ay ku bixiyaan labadan siyaasi, si gaar ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo madax ka ah olole xooggan oo malaayiin dollar lagu bixinayo, oo ka dhan ah dowladda hadda jirta. Maxaa fashiliyey qorshihii Imaaraadka. Guushii doorashada ee madaxweyne Farmaajo, waxay fashilisay qorshihii Imaaraadka qeyb ahaan, waayo marnaba ma aysan fileyn inuu madax noqon doono. Waxay rumeysnaayeen haddii Cumar Cabdirashiid ama Cabdiraxmaan Cabdishakuur la waayo, inuu soo laaban doono Xasan Sheekh, oo ay la macaamili karaan. Markii taas ay dhici weysay, waxay aamineyn in Farmaajo yahay Soomaali kale, oo lacagta ay ka adag tahay, ayna siyaasad ahaan beddeli karaan. Waa ay ku guul-darreystaan hamigaas, waxaana khilaafka labadada dhinac gaaray inay dalka ka baxaan, oo ciidamadii ay ku haysteen Muqdisho la kala diro, ama lagu daro ciidamada kale ee dowladda. Maxaa hadda yahay xaalka Imaaraadka? Imaaraadku weli kama quusan inay Soomaaliya kusii jirto xaaladda hadda ay ku sugan tahay. Inkasta oo qorshihii weynaa ee ahaa inay gacanta ku dhigaan hoggaanka dalka uu fashilmay, haddana weli waxaa hoos taga dhammaan maamul goboleedyada Soomaaliya. Ayaga oo ka gudbaya xeerarka caalamiga ah, ayay heshiisyo been ah kula wareegeen dhowr dekeadood, iskana dhego tireen dowladda federaalka, inkasta oo dastuurka dalka uu qorayo in dowladda dhexe ay maamusho dekedaha, garoomada diyaaradeed iyo dhammaan xuduudaha dalka. Waxay adeegsanayaan lacag aad u tiro badan, oo ay ku abuureen mucaarad badan, oo isugu jiro xildhibaano iyo siyaasiyiin uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kaasi oo isna qortay dhallinyaro baraha bulshada ka jahwareeriya shacabka, oo dhowr kun oo dollar bishii loo qoray. Maxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed? Shacabka Soomaalida, waa inay ogaadaan in sida kaliya ee dalka lagu bad-baadin karo ay tahay isku duubnaan. Waa inay fahmaan in qabiilku yahay wax aan jirin oo ay ku adeegtaan siyaasiyiinta xil doonka ah iyo kuwa u adeega danaha dalalka kale. Waa inay fahmaan in mucaaradnimada dowladda iyo bad-baadinta dalka a kala tahay laba arrrin. Dowlad waa la mucaaradi karaa, balse ma ahan inaad dalkaada mucaaraddo. Waa in dadku ogaadaan in dowladda hadda jirta ay tahay mid joogaysa waqti kooban, balse dalku weligiis jirayo, sidaas darteedna ay dalkooda bad-baadsadaan. Waxaa macquul ah in kuwa badan ay taageersan yihiin Imaaraadka, ayaga oo aan fahamsaneyn waxa socda, ama ay marin habaabiyeen siyaasiyiin lacag la siiyey. Haddaad rabto inaad ogaato in Imaaraadka daacad ka yahay taageeridda Soomaaliya, waxaad la bar-bar dhigtaa Turkiga. Tukriga ma faro-geliyo arrimaha siyaasadda dalka, lama wareegin dekado, ma sameysan ciidan u gaar ah oo aan dowladd hoos iman, lamana macaamilin oo dalkooda uguma yeerin madaxda maamul goboleedyada. Maxaa intaas looga heli waayey Imaaraadka? Faalladii Caasimada Online
-
Garoowe (Caasimadda Onlin) – Duufaan ka kacday waqooyiga badda Hindiya ayaa lagu wadaa inay ku dhufato xeebaha dalka Cumaan illa 3 iyo 4 maalmood, duufaanta ayaa halis gelinaysaa maraakiibta iskaga kala goosho dalka Soomaaliya iyo dalalka gacanka , waxayna saamayn ku yeelan doontaa gobolka Bari ee maamulka Puntland 24-ta saac illa 48-ka saac ee nagu soo aadan. Roobab dabaylo wata ayaa sidoo kale lagu wadaa inay ka da’aan gobolka Bari ee maamulka Puntland. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in khaasaraha ka dhalan kara duufaanta la filaayo inay ka dhacdo xeebaha gobolka Bari ay noqon karto mid aan badnayn marka loo barbardhigo khasaarihii ka dhashay dufaantii Sagar ee dhawaan la wareegtay qaybo kamid ah gobolka geeska Afrika. Dadka deegannadaasi ku dhaqan ayaa lagula taliyay inay feejignaadaan islamarkaasna la sheegay in duufaanta ay dhalin karto burbur gaar ahaan goobaha u nugul roobabka, Qaramada Midoobay waxay sido kale sheegtay in deegannada digniinta hor leh laga soo saaray oo horraan ay ka jireen daadad saameeyay dadka. Khasarahii dhawaan ka dhashay duufaanta Somaliland Jamhuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland waxay sheegtay in 31 qof ay ku dhinteen roobabka dabaylaha watay halka afar ruux la la’yahay halka ay jiraan. Waxaa jiraa khaasare badan oo isugu jira xoolo ku dhintay, beero iyo dhismayaal ay burburiyeen duufaanta. Waxaana la sheegay in khasaaraha uu sii kordhayo. Wuxuuna sheegay in gurmad loo fidiyay dadka deegannada ay saameeyeen daadadka oo ka tirsan gobolka Awdal,Saaxiiil iyo magaalada Selel oo ka tirsan Saylac Waxaana gargaar la gaarsiiyay dadka ay fataahadaha ay saameeyeen halka kuwa ku xayiranaa halkaasi laga daadgureeyay. Qaramada Midooobay waxay sheegtay in ilaa iyo hadda aan la garanaynin baaxadda ay gaarsiisantahay khaasahara ka dhashay fataahadaha ka dhashay roobabka dabaylaha watay ee Somaliland sababtoo ah dhuufaanta waxay burubur u gaysatay waddooyinka iyo isgaarsiinta deegannadaasi. Muqdisho Roobabka mahiigaanka ah oo maalmihii lasoo soo dhaafay ka da’ayay magaalada Muqdisho iyo naawixigeeda ayaa sababay dhimashada inta la xaqiijiyay lix qof iyo burburka boqolaal guri. Roobaabka ayaa dhaliyay faatahado guud ahaan gobolka, magaalada Muqdishu waxay fataahadaha saameeyeen xaafado dhowr ah wuxuuna sababay barakac ballaaran. Jabuuti Barnaamijka Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka ee UN-OCHA ayaa sheegay in 2 qof ay duufaanta ku dishay dalka Jabuuti halka illaa 30,000 qof ay guryahooda ka barakaceen kaddib markii ay daadadka ay saameeyeen. Agaasimaha Hay’adda NRC, Nigel Tricks wuxuu sheegay in duufaantani ay tahay tii ugu xooganayd ee abid gobolka ku dhufata. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidanka sugidda Amaanka Caasimadda ee SAMA ayaa Maanta Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku khaarijiyay labo ka mid ah Maleeshiyaadka Kooxda Nabadiidka ee Al-shabaab oo ku hubeysanaa Bistoolado. Warku waxa uu intaasi ku darayaa in inta Ciidamadda aysan tooganin Maleeshiyaadka ay isku dayeen inay gacanta ku dhigaan, balse Maleeshiyadii oo bastoolada ku habeysanaay ayaa dagaalamay, ugu dambeyntiina la toogtay, kuwaasi oo qorsheynayay in ay waxyeello u geystaan Dadka shacabka ah. Wasiirka Amniga Qaranka ayaa sheegay in Ciidamada SAMA ee Amniga Caasimadda qeybta Suuqa Bakaaraha ay howlgal ku dileen shar-wadayaal nabad-diid ah oo falal amni darro ah faraha kula jiray, wuxuuna aad ugu mahadceliyay Ciidanka howshaasi fuliyay. Ciidamada amniga oo mar walba ku howlan inay ka hortagaaan kooxaha caadeystay inay dhibaateeyaan Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo kuwoodii ugu dambeeyay ay ka mid tahay dhacdadii Ciidamada Sugidda Amniga Casimadda SAMA qeybtooda Afgooye ay ku fashiliyeen gaari NOHA ah oo laga soo buuxiyey waxyabaha Qaraxa, kaasi oo Maleeshiyaadka Nabad-diidka Alshabab ay doonayeen in ay ku Gumadaan Shacabka Soomaaliyeed.
-
London (PP) ─ Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah u yeelatay tababare cusub, kaddib markii uu ka tagay tababarahoodii hore Arsene Wengar oo soo laylinayay kooxda muddo 22-sano ah. Tababarihii hore ee Kooxda PSG iyo Sevilla oo ka kala dhisan dalalka Spain iyo Faransiiska, Unai Emery ayaa si rasmi loogu magacaabay tababbaraha cusub ee Kooxda Kubadda Cagta ee Arsenal. Twitter-ka Kooxda Arsenal ayaa lagu shaaciyay in Tababare Unai Emery uu yahay macallinka cusub ee Kooxda, isla markaana uu hormar weyn kusoo kordhin doono kooxda oo muddooyinkii dambe uu ku yimid hoos-u-dhac. Macallin Unai Emery ayaa laga dhex-xushay tababarayaashii u sharaxanaa inay layliyaan kooxda Arsenal, waxaana saacadihii u dambeeyay uu ahaa ninka loogu hadal heynta badnaa. Sidoo kale, Mikel Arteta oo horay ugu soo cayaaray Kooxda Arsenal ayaa markii hore loo waday in loo magacaabay, balse khibraddiisa shaqo ayaa waxaa ka hor-yimid maamulka sare ee Kooxda The Gunners. Dhanka kale, Tababare Unai Emery ayaa horay u soo Tababbaray Sevilla, isagoo saddex jeer isku xiga u qaaday koobka Europe League, sidoo kale wuxuu soo tababaray oo uu dhawaan kasoo tagay Kooxda PSG oo uu kula guuleystay Horyaalka League 1 iyo labo Koobka Faransiiska iyo kan Super Copa. Ugu dambeyn, Kooxda Arsenal oo muddooyinkii dambe hoos u dhac dhanka cayaaraha ah uu lasoo darsay, ayaa waxaa la filayaa inuu isbedel weyn ku yimaado xilli cayaareedka soo socda, inkastoo sannadkan aysan ka qayb-geli doonin koobka kooxaha Yurub ay ku hardamaan ee UEFA Champions League oo sidoo kale ay sannadkan aysan ka qayb-gelin. PUNTLAND POST The post Kooxda K/Cagta Arsenal oo Tababare cusub yeelatay kaddib markii uu ka tagay Wenger appeared first on Puntland Post.
-
ve years ago, Yusuf Shegow visited the ruins of the once-grand Al-Uruba hotel overlooking the Indian Ocean on Mogadishu’s waterfront. His grandfather had worked at a nearby hotel in the 1970s, and shared stories with Shegow of the diplomats and dignitaries who stayed there on frequent visits to the country then known as the “Switzerland of Africa”. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Barqanimadii Maanta ayaa gudaha Suuqa Weyn ee Bakaaraha Magalada Muqdisho waxaa lagu toogtay laba Nin oo la sheegay in ay bustoolado ku hubeysnaayeen. Dad Goobjoogayaal ah ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Ciidanka dharcadka ah ee ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya ay toogteen labo wiil,kuwaas oo markii hore lagu qabtay gudaha Suuqa. Mid ka mid ah Goobjoogayaasha ayaa sheegay in labada wiil laga shakiyay kaddibna ay ka xeeyeen Ciidanka Nabad sugidda ee dhar cadka ah. Intaas kaddib ayey labada wiil la baxeen Baskoolado iyada oo sidaas lagu toogtay labada will,waxaana intaas kaddib goobta gaaray saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya. In kastoo aan sidhab ah loo ogeyn waxa ay ahaayeen ragga la toogtay ayaa hadana warar ay heshay Dalsan waxa ay sheegayaan in raggaas ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab. Shalay ayey ahayd markii suuqa Bakaraaha lagu dilay Askari ka tirsan Ciidanka Taraafikada kaas oo ay dilkiisa sheegatay kooxda Daacish. Waxa sidoo kale Habeen hore la toogtay Askari lagu magacaabi jiray Xasan Sulub oo ka tirsanaa Ciidanka Minishiibiyada ee Magaalada Muqdisho. Bishan Ramadaan waxaa Magaalada Muqdisho ku batay dilalka iyada oo Malainkasta Muqdisho ay ka dhacaan dilalka loo geysanayo dad kala duwan. Laamaha amniga Soomaaliya iyo maamulka degmada Howl-wadaag weli wax faah faahin ah kama bixin ragga bustooladaha ku hubeysnaa ee Maanta lagu dilay Suuqa Bakaaraha. Laamaha amniga Soomaaliya iyo maamulka degmada Howl-wadaag weli wax faah faahin ah kama bixin ragga bustooladaha ku hubeysnaa ee Maanta lagu dilay Suuqa Bakaaraha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay ka go’antahay in guud ahaan Gobolka Sool ay dib ugala wareegaan Maamulka Somaliland ee degaannada ugu badan ee Gobolka maamula. War-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga difaaca Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ay ka go’antahay xoreynta Gobolka Sool. Maalmihii ugu dambeeyay ayaa guddiga difaaca waxaa ay joojiyeen in shidaal loo gudbiyo dhinaca Soomaaliland, waxaa kale oo ay joojiyeen isku socodka shacabka deegaanka ay colaadu ka taagan tahay ee Tukeraq ee gobalka Sool Deegaankaan ayaa waxaa isku hor fadhiya ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Soomaaliland. Haddaba halkaan hoose ka akhriso go’aanka culus ee kasoo baxay guddiga amniga ee Puntland
-
Guddiga difaaca dowladda Puntland ayaa go’aanno cusub ka soo saaray mas’uuliyiinta ka soo jeeda degaannada Sool,Sanaag,iyo Cayn ee xilalka ka haya maamulka Somaliland iyo sidoo kale ciidamada u dhashay goboladaasi ee ka tirsan Somaliland. Go’aannadaan oo u badan xukunnada ay mutaysanayso ciddii lagu qabto,gacan-siinta Somaliland ayaa sidoo kale lagu sheegay in abaal-marin la guddoonsiinayo cid kasta oo Puntland isu soo dhiibta muddada uu socdo dagaalka u dhexeeya labada dhinac. Xukunnada uu guddigu soo rogay ayaa waxaa kamid ah in dil-toogasho ah lagu fulinayo qof kasta oo lagu helo isagoo sir u gudbinaya maamulka Somaliland,ama jaajuusnimo ula shaqeeya,sida ku xusan qoraalka. Qoraalka uu soo saaray guddiga difaaca Puntland ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in dowladda Puntland ay la wareegayso dhammaan hantida uu leeyahay qofkii maamulka Somaliland ku gacan-siiya dagaalka kala dhexeeya Puntland . Guddoomiyaha guddigaan ahna,Wasiirka Amniga dowladda Puntland,Axmed Cabdullaahi Yuusuf(Dowlad) oo ay garab taagan yihiin xubnaha kale ee guddiga ayaa saxaafadda u akhriyay go’aannadan. Sidoo kale Wasiirada Warfaafinta iyo Arrimaha Gudaha oo dhankooda Warbaahinta la hadlay ayaa xoojiyay go’aannadan iyo xukunnada ay xambaarsan yihiin ee lagu soo rogay ciddii lagu helo in ay Somaliland ka gacan-siisay dagaalka. Halkaan ka daawo Muuqaalka oo dhammaystiran. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland oo xukunno adag ku soo rogtay ciddii gacan-siisa Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kazoo baxaya weerar madaafiic loo adeegsaday oo xalay lagu qaaday fariisin Ciidamada AMISOM ku leeyihiin duleedka Muqdisho. Xalay ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada AMISOM ee deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho. Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in madaafiic kale oo culus ay ku jawaabeen, gaar ahaan jihooyinkii looga soo riday. Dadka ku nool deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya inay xalay maqlayeen madaafiic culus oo la isku ridayay, kaasoo cabsi badan ku reebay dadka deegaanka. Al-Shabaab ayaa xilliyada qaar saldhigyada ciidan ee AMISOM iyo kuwa ciidamada dowladda ku weerara madaafiic hoobiyeyaal ah. Dadka ku nool Ceelasha Biyaha ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in xalay ay siweyn u maqlayeen dhawaqa madaafiicda la isku ridayay,isla markaana ay cabsi soo wajahday,waxana lagu soo waramayaa in xaalada ay iminka tahay mid degan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waalid Maraykan ah oo wiilkoodu ka diiday in uu ka guuro si uu noloshiisa u dabaro ayaa tallaabo adag ka qaaday, maxkamad ayayna ka dacweeyeen. Macluumaad ay maxkamadda la wadaageen ayay waalidkii ku sheegeen in Michael Rotondo uusan bixinin lacag kiro ah, hawsha gurigana uusan wax ka qabanin, isla markaasna uu diiday qorshe ay u soo bandhigeen oo ay ku siin lahaayeen lacag uu magaalada kula qabsado. Inkastoo Christina iyo Mark Rotondo ay shan ogaysiis qoreen haddana waxay sheegeen in wiilkoodu uu wali diidan yahay in uu guuro. Michael ayaa ku doodaya sharci ahaan in aan la siinin ogaysiis ku filan oo uu ku guuro. Hooyada iyo aabahan ayaa dacwadooda ka furay maxkamadda ugu sarraysa deegaanka Onondaga oo u dhaw Syracuse, New York taariikhdu markay ahayd toddobadii May. Qareen Anthony Adorante ayaa Syracuse.com u sheegay in lamaanuhu aysan aqoonin si kale oo ay guriga uga saari karaan wiilkoodan qaangaarka ah. “Waxaan go’aansanay in aad sida ugu dhakhso badan uga guurto gurigan” ayaa ku qoran waraaqdan oo ku taariikhaysan 2 Feebaraayo, sida waraaqaha maxkamadda la geeyay ku cad. Markii Michael uu iska dhago tiray warqaddaas, waalidkii ayaa u qoray waraaq rasmi ah oo uu ka caawiyay qareenkoodu. “Gurigan waa in aad ka guurtaa” ayaa lagu qoray ogaysiiska oo ay sixiixday hooyadii Rotondo 13kii Feebaraayo. “Hab qasab ah oo sharciga waafaqsan ayaa si degdeg ah loo adeegsan doonaa haddii aadan guurin meesha lagu gaaro 15 Maarso 2018. Intaas ka dibna lamaanaha ayaa wiilkooda u soo bandhigay 1,100 oo doolar si uu magaalada ugula qabsado, iyaga oo si cadna u faahfaahiyay dabcigiisa. “Waxaa jira shaqooyin wali u bannaan dadka taariikh xumada shaqo leh sidaada oo kale, mid ka mid ah qabo, waa in aad shaqaysataa” ayay dheheen. Bishii Maarso markii ay 30 maraysayna waxaa u caddaatay in wiilkoodu uusan u jeedin in uu guuro. Bishii Abriil markii la gaarayna waxay tageen maxkamadda magaalada si guriga looga saaro wiilkooda. Laakiin waxaa loo sheegay maadaama uu Michael qoyska ka mid yahay in ay u baahan yihiin amarka maxkamadda sare si guriga looga raro. Michael ayaa dacwadda waalidkii ku tilmaamay “aargudasho” wuxuuna maxkamadda ka codsaday in ay tuurto kiiskaas.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyay lacag aan ahayn Mushaar iyo Gunada ay sharci ahaanta u leeyihiin. Xogta ayaa sheegeysa in dhammaan xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka la siiyay min $5000 (Shan Kun oo Doolar), waxaana la sheegay inay tahay lacag ay madaxda dowladda ugu talogaleen xildhibaannada, basle markii danbe magacyo badan yeelatay. Xildhibaannada qaarkood ayaa sheegaya in lacagtan loo siiyey xildhibaannada inay u isticmaalaan Ramadaanka iyo Ciidul firtiga (Xagal Ciid), halka xildhibaannada qaarkood ay sheegeen inay tahay mahadcelin doorashadii guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka. Warar kale ayaa la sheegaya in lacagtan oo marka la isku daro noqoneysa ku dhow 1.5 Milyan oo Doolar loo talogalay inay xildhibaannada fududeeyaan sharciyo muhiim u ah xukuumadda Soomaaliya oo Baarlamaanka horyaalla. Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ka mida mucaaradka dowlada Soomaaliya ayaa bixinta lacagtan ku xiray safarkii uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uga yimid dalka Qatar, wuxuuna si weyn u cambaareeyay in sidaasi ay dhacdo xilligan oo xaalad ba’an iyo fatahaad ka jirto dalka. Dowladda Soomaaliya ayaan weli bixin inta badan dhaqaale ay ugu yahoohday dadka ku waxyeeloobay fatahaadda Gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Weli lama soo werin xildhibaanno diiday lacagta oo su’aal ka keenay waxa ay tahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Accusing Israel of systematic crimes, including apartheid in the occupied territories, Palestinians on Tuesday urged the International Criminal Court to open an investigation that could ultimately lead to charges against Israeli leaders. Israel immediately slammed the Palestinian move as “legally invalid.” The referral seeks an investigation into Israeli policies in the West Bank, east Jerusalem and Gaza Strip since Palestine accepted the ICC’s jurisdiction in 2014, Palestinian Foreign Minister Riad Malki told reporters in The Hague. This includes Israeli settlement policies in the West Bank and east Jerusalem, as well as bloodshed in the Gaza Strip. Israel and Gaza’s ruling Hamas militant group fought a 50-day war in 2014, and in recent weeks, Israeli fire has killed over 100 Palestinians during mass protests along the Gaza border since March. By ratcheting up tensions with Israel, the referral to the ICC would seem to further diminish prospects of success for an expected U.S. peace plan. U.S. officials have said President Donald Trump is to unveil the plan in the coming weeks.The last round of peace talks broke down four years ago without any visible process, and mistrust between Israel and the Palestinians is running high.The Palestinians have repeatedly accused the U.S. of siding with Israel, especially after the Trump administration recognized Jerusalem as Israel’s capital in December, followed by last week’s embassy move. The Palestinians, who claim east Jerusalem as their capital, have severed most ties with the Americans and said the White House is unfit to serve as a mediator.Still, Malki insisted that going to the ICC could become a building block for peace.“Justice is the cornerstone of peace,” he said. “As such we view this step as advancing the prospects of peace.”The United States disagreed.“We have made clear that we oppose actions against Israel at the ICC as counterproductive to the cause of peace,” said Edgar Vasquez, spokesman for the U.S. State Department’s Bureau of Near Eastern Affairs.The State Department declined to say whether the move would trigger a closure of the PLO office in Washington under a provision in U.S. law that requires it to be closed if the Palestinians seek prosecution of Israelis at the ICC.Israel, which is not a member of the ICC, argues that the court does not have jurisdiction.“The purported Palestinian referral is legally invalid and the ICC lacks jurisdiction over the Israeli-Palestinian issue, since Israel is not a member of the court and because the Palestinian Authority is not a state,” an Israeli Foreign Ministry statement said.In 2012, Palestine won upgraded status to a nonmember observer state at the U.N., which allows membership in many world bodies, including the ICC.Although Israel is not an ICC member, its citizens can be charged by the court if they are suspected of committing grave crimes on the territory or against a national of a country that is a member. The ICC has recognized “Palestine” as a member.The ICC is a court of last resort — authorized to take on cases where national authorities cannot or will not launch prosecutions.Israel said it expects the ICC and its prosecutor “not to yield to Palestinian pressure, and stand firm against continued Palestinian efforts to politicize the court and to derail it from its mandate.”It also hinted at retaliation.“The Palestinian Authority needs our cooperation in many fields,” said Michael Oren, Israel’s deputy minister for diplomacy. “Israel will look very critically at whether such cooperation can continue.”The ICC has been conducting a preliminary inquiry since 2015 in the Palestinian territories, including Israel’s settlement policy and crimes allegedly committed by both sides in the 2014 Gaza conflict. Tuesday’s referral could speed up a decision on whether to open a full-blown investigation that could ultimately lead to the indictment of high-ranking Israelis. The investigation is also looking at Hamas rocket attacks aimed at Israeli civilian population centers.Prosecutor Fatou Bensouda said in a statement that the preliminary probe “has seen important progress and will continue to follow its normal course.”She said she must consider “issues of jurisdiction, admissibility and the interests of justice.”In a summary of its referral, the Palestinian Foreign Ministry alleged that Israel maintains and protects its settlements “by committing war crimes, crimes against humanity and the crime of apartheid against the Palestinian people.”Apartheid was the name given to the racist policies of South Africa’s former white rulers. It is considered a crime against humanity by the ICC and defined by the court as inhumane acts “committed in the context of an institutionalized regime of systematic oppression and domination by one racial group over any other racial group or groups and committed with the intention of maintaining that regime.”Palestinian Assistant Minister for Multilateral Affairs Ammar Hijazi said the recent Gaza violence pushed the Palestinians into going to the court, adding that it “requires that we take action and this is why we moved in this regard.”Human rights groups say Israel’s open-fire orders are unlawful because they allow the use of potentially lethal force against unarmed protesters at times when soldiers face no imminent threat to their lives.Israel has said it was defending its border and accused Gaza’s ruling Hamas militant group of using the unrest to carry out attempted attacks and of using civilians as human shields. Israel also has blamed Hamas for the heavy civilian death toll during the 2014 war.Israel says it has investigated actions by its forces in the Gaza conflict and has opened a number of investigations into the latest Gaza violence as well. But critics say the probes rarely lead anywhere.“Israel acts in accordance with independent and thorough judicial review mechanisms, befitting a democratic state, and in accordance with international law,” the Israeli statement said.While the ICC can indict suspects, it has no police force and has to rely on cooperation from member states to enforce arrest warrants.Israel says the criticism of its settlements is unfounded. It says east Jerusalem is an inseparable part of its capital, and considers the West Bank to be disputed territory whose fate should be decided in negotiations. The international community, however, overwhelmingly considers the settlements illegal.In 2004, the U.N.’s highest judicial organ, the International Court of Justice, ruled in an advisory opinion that the settlements breached international law. In late 2016, the U.N. Security Council also declared the settlements to be illegal.Over 600,000 Israelis live in the West Bank and east Jerusalem — territories sought by the Palestinians as parts of a future state. Israel captured both territories from Jordan in the 1967 Mideast war.Under international law, it is illegal to transfer populations out of or into occupied territory.Malki said it was time for the Palestinians to seek redress in court.“We will not allow injustice to be Palestine’s destiny,” he said. Source: – AP
-
LONG-time campaigner for national self-determination, Kidderminster MEP James Carver took part in Somaliland’s 27th anniversary of independence this week. He travelled to the small African nation’s capital, Hargeisa, as a guest of vice president Abdirahman Saylici where he attended a celebratory parade and had informal talks with government leaders. Mr Carver, Kidderminster-based UKIP MEP for the West Midlands, who has visited Somaliland on three previous occasions, is a staunch supporter of its bid to be internationally recognised as an independent country again. He said: “All peoples have the right to self-determination. Given the historical injustices suffered by Somalilanders, the preservation of this right is all the more important. “I have long been a supporter of Somaliland re-recognition. The massive loss of life suffered during the civil war within Somalia means that no Somalilander could ever contemplate placing the lives of his family, friends and countrymen in the hands of a potentially hostile neighbour. “For Somaliland to prosper, both economically and politically, it is imperative that the international community recognise Somaliland’s sovereignty. “It is my hope that in turn, this would lead to even greater prosperity and freedom across the Horn of Africa.” Though not internationally recognised, Somaliland has a working political system, government institutions, a police force and its own currency. Source: – The Shuttle
-
A citizen of Somalia living in Mombasa has been charged with illegal gun and ammunition possession. Ahmed Abdiweli Dahir (pictured), was charged yesterday before Senior Resident Magistrate Martin Rabera with being in possession of a gun and ammunition illegally, and forging a police stamp and firearm certificate. Mr Dahir, who was arrested on April 18, denied all the charges and was released on a Sh50,000 police bond. He was accused of having a Ceska S No B633776 pistol without a firearm certificate in Bondeni on the date of arrest. Without certificate He also denied illegal possession of 25 9mm calibre ammunition without a certificate.Dahir also denied making a firearm certificate book purporting to have been issued by a firearms licensing officer. The suspect, who was not represented, also denied forging a stamp purporting to be a genuine certificate from the Kenya Police Service. He also denied forging a civilian firearm identification card number 9213 and a receipt serial number 538178 purportedly from the Firearms Bureau. He was released on a Sh200,000 bond or cash bail of Sh200,000 pending mention of the case on May 28. Source: – The Standard
-
The twin cities of the Androscoggin can be a haven for immigrants and refugees. Many of these individuals are carving out a life for themselves, and boosting Maine’s economy. Food is a universal language that brings people together, and a food truck in Lewiston will soon serve up success. Somali farmers are celebrating a victory. They crowdfunded enough start-up money on Kickstarter to take their business on the road. They’ve been working tirelessly to create a farm to table food truck, with recipes from their Somali roots. They are growing the vegetables they’ll use, at their farm in Lisbon. All they need now is some water, the sun, and the actual truck. “Most of the crops we are used to growing back home,” says farm manager, Ghali Farah. She and director, Isnino Ipraham, moved to Maine more than a decade ago. “I want to thank the United States. Thank you very much, thank you very much, thank you very much.” To say they appreciate their new life, would be an understatement. They fled the civil war in Somalia. Mohamed Dekow translates so language is no barrier for them. Dekow is the executive director of Sustainable Livelihood Relief Organization, which helps immigrants find jobs. He wants to make sure these farmers don’t feel hopeless anymore. “We want the community to have a connection through food,” he says. That’s the mission of the Isuken Co-Op Food Truck: use family recipes to connect life-long Mainers and new Mainers. It’s all in the name, Isuken, which means unity and together. They hope to have the food truck ready to roll out by late July. It will be parked on Sabattus Street in Lewiston.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa wajahaaya culeyso kala duwan oo kaga imaanaya dhanka Dowlada Somalia, Mareykanka iyo AMISOM. Culeyska ugu badan oo ay la kulmayaan maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa ah mid weeraro iyo Howlgalo maleeshiyaadka looga sifeynaayo boholada iyo Aqalada ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho iyo daafaheeda. Caqabadaha ay wajahayaan maleeshiyaadka ayaa waxaa kamid ah Dhaqaale la’aan kasoo foodsaatay al-Qaacida oo ah Hogaanka kaliya oo ay ku tiirsan yihiin. Hoos u dhaca maleeshiyada ayaa soo degdegay tan iyo markii uu wadaadka Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur isku soo dhiibay Dowlada Somalia taa oo dhabar jab ku noqotay al-Shabaab. Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo garab u noqday Dowlada Somalia ayaa banaanka soo dhigay Sirta Maleeshiyaadka, taa oo kordhisay Duqeymaha lagu hayo Saldhigyadooda. Roobow waxa uu si toosa xiriir ula wadaagaa Maleeshiyaad isaga daacad u ah oo ku dhex jira al-Shabaab kuwaa oo ku midoobay dhabar jabinta al-Shabaab iyo in loo maleego dhagar waliba oo ay ku burburikaraan. Dhibaatooyinka uu Mukhtaar Roobow u maleegay maleeshiyaadka tan iyo markii uu isa soo dhiibay ayaa waxaa kamid ah:- 1-Kala firxasho ku dhacday Hoagaanka iyo Dagaalamayaasha al-Shabaab. 2-Al-Shabaab oo saaxiib u noqotay Saldhig la’aan iyo inay galaan Jawi barakac, sababo la xiriira duqeymo joogta ah oo lagu hayo. 3-Duqeymo aan horay u dhicin oo lagu hayo Xarumaha maleeshiyada, kadib isdhiibida Mukhtaar Roobow. 4-Dagaalamayaasha Shabaab oo intooda badan usoo goostay Mukhtaar Roobow. 5-Roobow oo maamulka Koonfur Galbeed u gacan galiyay ku dhawaad 11 Horjooge oo uu isaga ka shaqeeyay goosashadooda. 6-Al-Shabaab oo ku dhiiraday inay isaga baxaan Saldhigyada ku dhawaan goobaha MKG iyo Ciidamada Dowlada oo intooda badan qabsaday. 7-Al-Shabaab oo hoos uga dhacday halkii ay horay u taagneyd, kadib markii Roobow uu banaanka soo dhigay khaladaadkooda. Mukhtaar Roobow aya horay u sheegay in maleeshiyada al-Shabaab ay heystaan diin aan aheyn tan saxda ah, waxa uuna cadeeyay inay yihiin kuwo ahmiyada koowaad siiya Xasuuqa shacabka. Roobow waxa uu tilmaamay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay garab ka helaan dhinacyo badan oo uu ka gaabsaday, hase ahaatee uu mar waliba ka digay dhagartooda. Si kastaba ha ahaatee, Is dhiibida Mukhtaar Roobow ayaa fashil ugu horeeyay maleeshiyaadka, waxaana xusid mudan in Hogaankooda uu xiligaan yahay mid uu Khilaaf hareereeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah Taariiqduna ay ku beegantahay 23-ka May kulan ku leh xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Kulankaan ayaa sida qorshaha uu yahay waxaa shir gudoomin doona Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Ajendaha kulanka maanta Xildhibaanada kulankooda ay uga hadlayaan ayaa ah ka doodista hindise sharciyeedka xaqsiinta ciidamada dowlada Soomaaliya. Guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horgeeyn doono Sharcigaan fadhiga Baarlamaanka ee Maanta. Hindise sharciyeedka xaqsiinta ciidamada dowlada Soomaaliya oo guddiga uu wax ka badal uu ku sameeyay, ayaa kulanka xiga waxaa la marsiin doonaa akhrinta Seddexaad. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Kulan Ku Leh Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia C/laahi Maxamed Cali ‘’Sanbaloolshe’’ ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii laga qaaday xilka ka hadlay sida ugu sahlan ee amniga looga dhigi lahaa magaalada Muqdisho. Sanbaloolshe, oo u waramaayay Idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in dowlada Somalia uu ka caawinayo tallooyinka wax tarka leh ee dhanka amniga. Sanbaloolshe, waxa uu sheegay inay muhiim tahay in magaalada Muqdisho oo ay ka dhacaan dilal qorsheysan loo helo amni leysku haleynkaro. Sanbaloolshe, waxa uu tilmaamay in magaalada Muqdisho ay tahay mid baaxadweyn oo aan lagu sugikarin qorsho aan wakhti laheyn, sidaa aawgeed la doonaayo in la helo qorshooyin dhanka amaanka ah oo ka fog kan iminka ay hiigsaneyso dowlada. Waxa uu sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay wakhti waliba yihiin kuwo u jooga fulinta talaabo waliba oo keeni karta amni darro, maadaama Shabaab ay xilli kasta isku dayaan fulinta falal lidi ku ah ammaanka. Sanbaloolshe waxa uu yiri ‘’Amniga magaalada Muqdisho ma sahlanaa waayo Muqdisho uma koobna sidii hore wey baaxad weyntaha xiligaan waa in lahelaa amni iyo qorshayaal cusub’’ “Waxaa la doonayaa sugida amniga in laga soo bilaabo Shabellada hoose, qaasatan Afgooye, Lafoole Siinka dheer iyo dhinacaan Jazeera in la dhigo Koontaroolo badan’’ Waxa uu intaa raaciyay ‘’Goobaha aan kor kusoo sheegay waa in la geeyo qalab sahlaayo gaadiidka qaraxyada wada in lagu ogaado’’. Sanbaloolshe waxa uu sheegay in Dowlada Somalia laga doonaayo inay kordhiso Koontaroolada Muqdisho iyo duleedkeeda, oo uu sheegay inay yihiin ciladaha ugu badan maadaama ay maleeshiyaadka halkaa kasoo rawaxaan. Sidoo kale, waxa uu Sanbaloolshe intaa raaciyay inay muhiim tahay in Dowlada Somalia ay sameyso dhiiragelinta iyo abaalmarin lasiiyo ciidamada qabta shaqooyinka adag inay door ka qaadanayso qorshaha suggida ammaanka Magaalada Muqdisho. Haddalka Sanbaloolshe waxa uu kusoo beegmayaa iyadoo magaalada Muqdisho ay marti galineyso dilal ay si siman u geystaan maleeshiyaadka al-Shabaab iyo Daacish. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com