-
Content Count
210,839 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
A doctor was stabbed to death in his own practice on Thursday in a seemingly unprovoked attack in the south-western German city of Offenburg. Source: Hiiraan Online
-
Washington (AFP) - Former CIA directors and another half dozen of America's most senior spies have issued an unprecedented condemnation of President Donald Trump, after his decision to blacklist their colleague John Brennan. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu -- The United States Agency for International Development (USAID) has sponsored the Mogadishu Book Fair (#MBF2018) for three years in a row in support of a Somali-driven campaign for literacy. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxaa goordhow oo caawa ah laga maqlay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay, ayaa waxa uu si gaara uga dhacay aaga wadada Taleex. Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay hal ruux, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ilaa Saddex qof oo shacab ah, kuwaasi oo la dhigay isbitaalada ku dhow Taleex. Qaraxa kadib ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaao lagu xaqiijinaayo Qaraxa iyo cidii ka danbeysay. Si kastaba ha ahaatee, Qaraxan ayaa imaanaya xili magaalada Muqdisho ay maalmahaani ka caaganeyd Qaraxyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Afgooye (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in Qarax lala eegtay gaadiid dagaal oo uu la socday Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Gen. Cabdullaahi Cali Caanood oo shalay uu xilka ka qaaday Madaxweynaha. Caanood, ayaa Qaraxa lagula eegtay Jiiro Gaaljecel oo u dhaxeysa Lambar 60 iyo Shalambood, waxaana lasoo sheegayaa in Qaraxa uu la kacay ku dhawaad laba gaari oo kamid ahaa gaadiid dagaal oo uu galbinaayay Abaanduulihii hore ee ciidanka xoogga dalka Gen. Caanood. Gaadiidka uu galbinaayay Caanood ayaa la sheegay in guud ahaan ay ahaayen 46 Cabdi Bille kuwaa oo dib ugu soo laabanaayay magaalada Muqdisho oo markii horaba ay ka tageen. Qaar kamid ah Saraakiisha wehlineysay Abaanduulaha ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi uu burburiyay hal gaari, halka gaari kale uu soo gaaray burbur aan sidaa u buurneyn, islamarkaana waxyeelo uu ka soo gaaray ciidankii gaariga saarnaa. Waxa ay sheegen in Qaraxa uu ka badbaaday Gen. Caanood, hase yeeshee ay waxyeelada ugu badan aheyd mid soo gaartay ciidamada. Si kastaba ha ahaatee, waxaan Ilaa hadda la ogayn khasaaraha guud ee ciidamada kasoo gaaray Qaraxa waxaana arrintaasi ka gaabsaday Saraakiisha xaqiijisay burburka labada gaari oo dab ka dhashay Qaraxa qabsaday. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
-
Head of AU visits soldiers injured in attacks by Al-Shabaab
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
NAIROBI, Kenya (Caasimada Online) -Head of African Union peacekeeping mission in Somalia, Francisco Madeira, has visited soldiers injured in attacks by Al Shabaab, who were hospitized in Kenya’s capital Nairobi. Madeira was welcomed by Brigadier George Ejalan after visiting to Kenya Defence Forces Memorial Hospital (DFMH) in Nairobi. He was later taken on a tour of various facilities in the hospital, including the laboratory, the renal unit, the Intensive Care Unit, the radiology department and the male casualty wards. Amb Madeira encouraged all servicemen who served in Somalia, while at the same time expressing his gratitude for their service and wished them quick recovery. He also awarded them gifts and presented cards with messages of quick recovery. Madeira termed his visit as part of his third quarter visit that he regularly makes to referral hospitals where African Union (AMISOM) soldiers are hospitalized after facing challenges on fighting against Al Shabaab. “I would like to commend the equipment upgrade at Kenyan Defence Forces Memorial Hospital (DFMH) in Nairobi”, he said He also urged Kenyan government to continue to invest and improve the capacity and quality of services. Meanwhile, he said African Union soldiers from Kenya are improving ways of how handling Al Shabaab fighters in the battlefields in Somalia. “We are not just exposing the peace enforcers to danger anymore, but we make sure that when they go to face the enemy, they have proper gear that makes them come out in one piece and that’s why there are not many here,” he noted. The head of African Union has, however, reiterated its support to weak-western backed government of Somalia in fighting against Al Shabaab. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government fight the al-Qaeda-linked militants. Somalia has been gripped by violence and lawlessness since the toppling of dictator Mohamed Siad Barre in the early 1990s. Caasimada Online Nairobi News Desk Caasimada@live.com -
Garoowe (Caasimada Online )-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ay ciidamada Puntland ku qaaden deegaanka Af-urur oo muddo bil ku dhow ay gacanta ku hayeen al-Shabaab. Ciidamada maamulka oo wata hubka noocyadiisa kala duwan ayaa dib u qabsaday Af-urur waxaana halkaasi ka huleelay maleeshiyada Al-Shabaab oo muddo heystay. Taliye ku-xigeenka ciidanka Daraawiishta maamulka Puntland General Cabdi Axmed Xaashi oo lahadlay idaacada VOA ayaa sheegay in ciidanka Maamulka Puntland ay dib ula wareegen deegaanka Af-Urur iyagoo aney la kulmin wax iska caabin ah, waxa ayna halkaa ciidamada ku arkeen alaabo ay uga tageen Shabaabka. General Cabdi Axmed Xaashi oo sii hadlaayey ayaa tilmaamay intii ay hawlgalka ku jireen in aysan la kulmin wax iska caabin ah, isla markaana ciidamada ay hada ku sugan yihiin jiidaha Af-Urur. Waxa uu sheegay in sinabad ah ay deegaankaas kula wareegeen ka dib howlgal ay sameeyeen sida uu sheegay. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhufeysyada ay ka baxeen Al-Shabaabka laga helay Kitaabo iyo darees ciidan oo laga cararay kuwaa oo ay goobta ka qaaden ciidamada. Waxa ay sidoo kale halkaa uga tageen bustooyin iyo joodariyaal ay isticmaali jireen Al-Shabaabka mudada ay halkaa heysteen. Waxa ay intaa ku dareen in bixitaankooda kadib la helay dhalinyaro iyaga u xirnaa kuwaa oo markii ay Shabaabka qabsadeen ku jiray dhismooyin ay xabsiyo kasii dhigteen. Si kastaba ha ahaatee, Ciidamadii La wareegay Degaanka ayaa Wada Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan Oo lagu baadi goobaya dagaalamayaashii ka tirsanaa Al-shabaab ee Maamulaye deegaanka Af-Urur ee Maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Sawir hore – Miyiga Nugaal Xiisad sababtay gacan ka hadal ayaa ka taagan miyiga gobolka Nugaal, taas oo u dhexaysa ganacsato iyo dadka miyiga. Xiisadan ayaa hadda ka taagan deegaanka Shinbiraalay oo qiyaastii 45 killo mitir u jirta magaalada Garowe, waxayna ka dhalatay dhul xirmeysi ay sameeyeen ganacsato, taas oo sababtay in reer miyi isa soo abaabulay ay weeraraan meel laga qodayay ceel biyood loogu talagalay dhulkaas. Weerarka reer miyiga ayaa sababay khsaare hantiyeed, kadib markii waxyeello soo gaartay Riigii qodayay ceelka oo ay ku dhacday rasaas. Deegaankaas waxaa hadda isku hor-fadhiga reer miyi hubaysan oo meelo badan isaga yimi iyo maleeshiyo ay la yimaadeen ganacsatadii dhulka xirmeysatay, waxaana laga cabsi qabaa dagaal dhexmara labada dhinac, sida uu PUNTLAND POST u xaqiijiyay mid kamid waxgaradka deegaanka. Maamulka Puntland ayaa ilaa hadda wax talaabo ah ka qaadin arrintan, waxaana ku jira odayaal dhaqameed aan wali xal ka gaarin. Dhul daaqsimeedka gobalka Nugaal, gaar ahaan dooxada Nugaal waxaa sanadihii dambe fara ba’an ku hayay siyaasiyiin, ganacsato iyo qaar kamida dadka ugu jeebka roon magaalada Garowe, kuwaas oo xirtay dhul daaqsimeed aad u baaxad weyn oo la sheego in ay ka sameeyaan dhaqaale. Dadkan ayaa qaarkood sheegaan in dhulkan ka hirgelin doonaan mashaariic muhiim ah sida maxjaro iyo beero, balse dadka deegaanka ayaa u arka arin beena oo qiil looga dhigayo xalaalaysiga dhul daaqsimeeka xooluhu daaqaan oo larabo in dhaqaale laga sameeyo, sida ay sanadkii hore PUNTLAND POST u sheegeen odayaasha miyiga. Dhul xirmeysiga ayaa carqabad ku ah xoolaha oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn oo ay umadda Soomaaliyeed ku tiirsan tahay. PUNTLAND POST The post Xiisad ka taagan miyiga Nugaal appeared first on Puntland Post.
-
Turkey is not in competition with any other country in trying to resolve the conflicts in Somalia, according to the Turkish ambassador to Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online)—Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has departed from Djibouti to Turkey’s capital Ankara, after receiving an official invitation from his Turkish counterpart, Recep Tayyip Erdoğan. President Farmajo was invited by Turkish president Erdoğan to attend the AK party’s 6th Ordinary Congress that will be held on Saturday in Ankara capital. The two presidents will discuss bilateral relations, cooperation on economy, security and promote trade and investment. Somali president and other heads of states have been invited to attend congress of Turkey’s ruling Justice and Development (AK) Party in Ankara. The close ties between Erdogan and Somalia’s leadership were also on display straight after a failed coup attempt in Turkey last year, blamed by Ankara on Fethullah Gulen, an exiled religious leader and businessman based in the US. Turkey’s pivot towards Somalia was signalled in 2011 when President Recep Tayyip Erdogan, who was a prime minister at the time, visited the Horn of Africa country at a time when Somalis were experiencing one of the worst famines of the region. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online)—Islamist group Al-Shabaab fighters carried out an attack on hotel in Barawe town, about 180 km (110 miles) south of of Somalia’s capital Mogadishu. The group’s fighters armed with rocket-propelled grenades (RPGs) and machine-guns clashed with guards at the hotel after the ambush attack, a witness said. He says the security forces had repulsed the attack launched by Al-Shabaab, adding that heavy bursts of weaponries could be heard near the hotel, he said. The attack was immediately claimed by Al Qaeda linked Al Shabaab group. The group says it has killed several soldiers in the assault. “We have targeted Somali and African Union officials, who were at the hotel”, the group said. It is unclear the exact figure of casualty of the attack. Somali military officials were unavailable to reach on the phone for comments on the latest raid in Barawe town. The attack comes days after African Union peacekeeping forces’ army chief visited to army camps in the town, urging all troops to launch joint military offensive against Al Shabaab. The Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government fight the al-Qaeda-linked militants. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however, it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Mac-hadka cilmi-baarista siyaasadda ee Heritage ee ku yaala Muqdisho ayaa daraasad cusub kasoo saaray wax uu ku tilmaamay ‘gebi-dhaclaynta’ siyaasadda arrimaha dibedda ee dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna mac-hadka soo jeediyay tallooyin ‘wax-ku-ool ah’. Gefafkii Taariikhda Daraasadda waxaa lagu bilaabay gefafkii waaweynaa ee xagga dublamaasiyadda ee taariikhda ka dhacay Soomaaliya, waxaana tusaale loosoo qaatay in markii uu dhacay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya sanadkii 1977-dii. Waxaa daraasadda lagu sheegay in waraaqo sir ah oo uu faafiyay bogga seeri-afuufka ee Wiki Leaks uu soo bandhigay caddeymo ku saabsan in xulufadii Soomaaliya ee Sucuudiga, Liibiya iyo Yemen iyo xitaa Maraykanka ay la safteen Itoobiya, taasna ugu wacnayd gefkii dublamaasiyadeed ee ay gashay. “Taas waxa ay jabisay qabkii ama isla qabweyninkii Soomaalida, xukunkii kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre kama uusan soo kabsan dhibaatadii kasoo gaartay dagaalkii Itoobiya” ayaa lagu yiri daraasadda. QM oo loogu baaqay inay farageliso Suuriya Waddamada khaliijka oo iska kaashanaya la dagaalanka argagixisada Britain oo doonaysa inay bilawdo ‘bog cusub’ xiriirka dalalka Khaliijka “Qudha 40 sano kadib xilligaas, taariikhda ayaa u muuqata in ay markale dib ugu laabanaysa halkii, balse markan waa ay kasii walwal badantahay” ayay daraasadda intaas ku dartay. Khilaafka Khaliijka Daraasadda ayaa aad loogu lafo gurey in go’aankii dhexdhexaadnimada ee ay Soomaaliya ka qaadatay khilaafka dalalka Carabta ee xulufada Sucuudiga oo dhinac ah iyo Qatar oo dhinac. Waxaa lagu sheegay in ay dowladda Soomaaliya loo arkay in ay u janjeerto dalka Qatar, balse ay dad badan la yaabeen, waxa ay ugu xilatay Qatar, kuna lumisay kalsoonida dalalkii xulufada soo jireenka ahaa sida Sucuudiga, Imaaraatka iyo Masar. “Xitaa booqashooyinkii madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre ay ku tageen Riyadh iyo Dubai ma aysan soo hagaajin xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo dalalkaas” ayaa lagu yiri daraasadda Heritage, oo intaas ku dartay in Sucuudiga uu Soomaaliya dib ugu soo celiyay 27 kun oo ari ah, xilli lagu dhowyahay munaasabadda Ciidda Carafada oo xoolaha la qalo. Waxaa xusid mudan in tallaabada Sucuudiga ay kusoo hagaagtay maalmo uun kadib markii dowladda Soomaaliya ay la safatay Sucuudiga markii ay is qabteen Canada, go’aankaas oo daraasadda ay ku tilmaamtay mid uu degdeg badan ka muuqday. Tallooyin Daraasadda waxaa lagu soo jeediyay tallooyin dhawr ah, waxaase ugu muhiimsan labo talo. Tan koowaad waa in siyaasadda arrimaha dibedda lagu dhiso wax loogu yeeray ‘dublamaasiyadda ganacsiga’ taas oo ah in go’aamada lagu saleeyo hadba danaha ganacsi ee Soomaaliya. Sucuudiga waxa ay dhoofsadaan inta badan xoolaha Soomaaliya, halka Imaaraatka uu yahay dalka ganacsiga ugu badan ay la leedahay Soomaaliya dalalka adduunka oo dhan. Daraasadda ayaa waxaa lagu sheegay in dhanka kale Qatar aysan jirin wax la taaban karo oo ka dhaxeeya, sidaasi oo ay tahay saamayn badan ay ku yeelatay dowladda Soomaaliya. Tallada labaad ayaa ah in inkasta oo dastuur ahaan dowladda dhexe xaq u leedahay dajinta siyaasadda arrimaha dibedda, haddane ay wanaagsanaan lahayd haddii ay la tashan lahayd dowlad goboleedyada iyo dadka kale ee saamiilayaasha dalka ah.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku suganaa Magaalada Jabuuti ayaa Goordhow u duulay Dalka Turkiga. Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumad rasmi ah ka helay Dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu ka qayb geli doonaa kullanka Lixaad ee ay yeelanayaan golaha wakiillada ee Xisbiga haatan talada Dalka haya ee AK Part, shirkaasi oo dhici doono Bari 18-ka Augost. Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeya Xiriir aad u wanaagsan waxaana uu Madaxweyne Farmaajo kulan la qaadan Doonaa Madaxweyne Erdoğan. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale la kulmi doono Madax kala duwan kuwaasi oo ka qeeybgali doono shirkaasi. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo u duulay Dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame iyo xisbigisii ayaa lasoo warinaya in aaney weli aqbalin qorshaha socda ee la doonayo in lagu mideeyo xubnaha mucaaradka ku ah Dowlada hada jirta, sababaha uu uga gaabsaday ayaa lagu sheegay iney la xiriirto cida hogaamineya isbaheysiga. CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame wuxuu doonayay in isaga uu noqdo ninka hogaamiaya isbaheysiga mucaaradka, laakiin xubnaha Daljir iyo kooxdii Qabyo ayaa soo jeediyay inuusan Warsame hada boqolkiiba boqol ka gadmi karin bulshada Soomaaliyeed. Waxaa la sheegaya in Cadikariin Guuleed uu ku dadaalayay in mudo ah in CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame uu noqdo hogaamiyaha isbaheysiga mucaaradka. Xubnaha wada hadalada ku galay Nairobi iyo Ankara ayaa codkoodu u batay in Xasan Shiikh uu noqdo hogaamiyaha isbaheysiga si ku meel gaar ah inta laga dhameystiraayo dhismaha ururkaan. Wadajir iyo CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame ayaa la sheegay iney ka gaabsadeen qorshihii wax isku darsiga. Waxyaabaha ay xubnaha Daljir iyo Qabyo ku doodayaan waxaa ka mid ah in xisbiga WADAJIR uusan hal xildhibaan ku laheyn labbada Aqal ee Baarlamanka Somalia, sidaa darteed uusan u furneyn gor gortan weyn. CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame waxaa lagu tilmaamaa nin inta badan jcel inuu isagu kaligii wax maamulo. Caasimadda Online ayaa ogaatay in xisbiga WADAJIR uu ku qanacsanyahay qorshaha mucaaradka balse uu ka gaabsaday isbaheysiga hadii aan dalabkooda loo fulin karin. CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR Warsame ayaa mudooyinkaan is balaarin ku waday xisbigiisa isagoo xarumo uga furay dhowr wadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (HOL) - The Somali government has announced on Friday that it plans to conduct a register all foreign nationals in the country. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (HOL) - The Somali government plans to conduct a registration exercise of all foreign nationals in the country. Source: Hiiraan Online
-
Ankara (Caasimadda Online)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socdo gaari doono Magaalada Ankara ee Caasimadda Dalka Turkiga. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa casuumaad ka helay dhigiisa Dalka Turkiga Erdogan. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doono xaana iskaashiga dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga. Sidoo kale waxaa laga casuumay shirka 6-aad ee caadiga ah ee Xisbiga talada Turkey haya AK Part. Madaxweyne Farmaaji iyo wafdigiisa oo hadda ku sugan Dalka Jabuuti ayaa halkaas kasoo duuli doono Saacadaha soo socdo. Madaxweyne Farmaajo ayaa safar uu ku joogo Jabuuti kulami kula qaatay madaxda ugu sareyso dalkaas iyadoo laga wada haay xiriirka labada dowladood.
-
A public service vehicle travelling from Elwak to Mandera town has been attacked by gunmen, eyewitnesses said on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha ciidanka hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed General C/laahi Xasan Bariise, ayaa daboolka ka qaaday in Somalia ay ka xoroobeyso dhaqanka isku dhexyaaca ciidamada. General C/laahi Xasan Bariise oo la hadlay TV-ga Somali Cable ayaa sheegay in isku darka ciidamada labisan ee NISA iyo kuwa Booliska ay waxbadan ka bedeshay hanaanka amni ee magaalada Muqdisho. Waxa uu tilmaamay in laga gudbay isku dhexyaaca ciidamada xiliyada ay dhacayaan howlgalada, waxa uuna carab ***** in xiligaani uu wanaagsan yahay howlgalka maadaama la mideeyay labada ciidan. General C/laahi Xasan Bariise, waxa uu tilmaamay in markii magaalada gudaheeda ay ka wada shaqeyn jireen ciidanka Nabad Sugidda iyo kuwa Booliska uu imaan jiray isku dhac ciidanka dhexdooda ah, hase yeeshee iminka laga gudbay ciidankuna uu yahay hal ciidan oo qura. “Waxaan ka gudubnay isku dhacyada ciidamada NISA iyo kuwa Booliska ee gudaha magaalada, hadda ciidamadu waa hal jiho qura waxa ayna ku shaqeyn doonaan hal amar oo kaliya” Wuxuu sheegay ciidankii Nabad Sugidda ee magaalada ka hawlgali jiray qaarkood in la hoos geeyay Booliska, kana amar qaadanayaan Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Bashiir Cabdi Maxamed, arrintana ay keentay in la helo wada shaqeyn dhab ah oo ciidamda ay yeeshaan. “Shalay laba amar hadii ay bixi jirtay, maanta Hal amar ayuu ku soo wareegay amnigii oo Taliyaha ciidanka Booliska ayay ka amar qaadanayaan ciidankii Nabad Sugidda ee lagau biiriyay Booliska, hada waxaa u socda tababar xirfadeed, waxaan rajeynaa in amniga aan ku guuleysano, shacabka waxaan ka codsanayaa inay nagala shaqeeyaan sugidda amniga”. Waxa uu sheegay in dhibaatada ugu badneyd ee heysatay ciidamada ay aheyd isku dhaca, balse iminka leyskala gudbay, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, General C/laahi Xasan Bariise, waxa uu sheegay in dowlada Somalia talaabadani laga doonaayay xili hore, hase yeeshee xiligan la doonaayo in la dhaqan galiyo keliya nidaamka loo bareeray. Haddalka General C/laahi Xasan Bariise,ayaa imaanaya xili ciidamada dowlada ay ku dagaalami jireen magaalada Muqdisho kuwaa oo kala taabacsanaa Hay’ado kala duwan oo is midab faquuqayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
HORDHAC/GOGOL-DHIG Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay. Nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Intaa kabacdi aqristoow, kahor dhamaadkii bishii shanaad ee Maajo 2017-ka xiligii Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka loomagacaabay mudane: Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Soomaaliduse usoo gaabsato “Fahad Yaasiin”, ayaa agaasimihii hore ee xafiiska warfaafinta Raysalwasaarihii hore: C.C.C. Sharmaarke: Diraac Salaad Fagaase, wuxuu maqaal ciwaan uga dhigay: “Ar Fahad Yaasiin iigeeya!”. Ciwaankaa wuxuu dabayaallay ereyadii caan-baxay ee C/llaahi Maxamuud Cismaan (Daanyeeroow) ee ahaa: “Ar Farmaajo iigeeya!”. Waxaa ereyadaa lagucabirayey, awooda uu dowladan kudhex leeyahay Fahad Yaasiin. Mararka qaar waxaa lagu tilmaamaa, ninka ugu awooda badan dowladan, ama ugu yaraan mid ka mid ah, labada mas’uul ee ugu awooda badan dowladan, marka Madaxweynaha lagasoo taga, waa: Isaga iyo RW Kheyro’e. Sida muuqata wuxuu maamulka hadda jira iyo Madaxweyne Farmaajaba ujoogaa, meeshii uu mudane Faarax C/Qaadir ujoogay MD Xasan Sheekh Maxamuud iyo maamulkiisii. Rag badanoo xilal waayey oo afka furtay, waxeey si dadban ugu tilmaameen erayo yaab leh, sida:”Faraantiga Jinni ee Madaxweeynaha ugu jira!”. Qaar kale waxeey dheheen “Milkiilayaasha Dowlada”… iwm. Marka aad tilmaamahaa iskusoo wada duubto, waxaa nuxurkoodu yahay, inuu yahay nin awood badan ku dhexleh xukuumada maanta jirta. Dhanka kale qofka wanaagiisa waa looqiraa, oo lagama xasdo kartidiisa Allaah siiyey. Fahad Yaasiin waa nin aad siyaasada ugu galgal badan.Waxaa lagu sheegaa inuu qeyb aad uweyn kulahaa, inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud jagadaa kusooboxo, illaa magaciisa lagusoo qaatay warbixintii Qaramada Midoobay, ee lagu sheegayey inuu dhaqaale malaayiin Doollar ah, ugakeenay MD Xasan Sheekh Maxamuud dalka Qatar, si uu tartanka ugu galo. Sababtu waxeey ahaataba, waa lakala booday isaga iyo MD. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo kooxdiisii Damjadiid. Waxaa sidoo kale uu kaalin libaax ku lahaa, inuu mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) noqdo Madaxweynaha dalka. Madaxweeynaha hadda jirase ma noqon sidii MD Xasan Sheekh Maxamuud, oo lama kalaboodine weey isfahmeen. Madaxweynuhu aad ayuu usoo dhaweeyey, una magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya. Waxaa Fahad lagu sheegaa inuu yahay nin maamul-yaqaan ah, waana tan ugu muhiimsan tilmaamaha uu leeyahay. Waxaa mucaarad iyo muxaafidba wada qirayaan, inuu Madaxtooyada oo inta aan loo magacaabin aheyd meel isku dhexyaacsan, kadhigay meel leh maqaam Madaxtooyo. Tusaale ahaan; inta aan Fahad Yaasiin loomagacaabin Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, dadbaa iska dhexdaganaa qeybo badanoo Madaxtooyada kamid ah, markuu yimidse Madaxtooyada waxeey noqotey, meel eey Madaxweynaha iyo Qoyskiisa oo kaliya daganyihiin. Dhismayaashii shalay la iska daganaana, wuxuu kawada dhigay xafiisyo qalabeeysanoo lagu shaqeeyo, gaar ahaan Lataliyeyaasha Madaxweynaha oo xafiisyo loowaayey, ayaa xafiisyo kufilan una qalma loowada helay. Tusaalaha labaad; Waxaa sidoo kale jirtay, in Madaxweyneyaasha eey ballan la’aan isaga imaan jireen, loona galinjiray marka eey madaxda beesha caalamka, kuwa AMISOM, Odey-Dhaqameedyo, ganacsato, iyo Xildhibaano doonaya uyimaadaan, taa waxaa ugu dambeeysey maalintii Fahad Yaasiin lamagacaabay. Qurxinta bilicda, iyo qalabeynta madaxtooyadana weey usii dheereeyd. Intaa waa qeeybo kamid ah, waxa loogu qiray isbadalka lataabankaro ee uu Madaxtooyada kasameeyey. SAXAAFAD-AQOON AAN SAXAAFADA LAGU ARAG! “Saxaafada qofka yaqaan, kuma degdego” maxaayeelay iyadaa markeey doonto dadka iskiin tusta. Fahad Yaasiin waa xeel-dheele dhanka saxaafada ah. Wuxuu madax-sare ka ahaa taleefishinka caanka ah ee Al-Jazeera, oo uu madax uga ahaa xafiiskeeda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale lawada ogyahay, sidii uu xilka uqabtay, waliba isagoo awood badan lagu xanto, hadana ma aha nin saxaafada kasoo dhex muuqda, iyadoo eey kuusii dheertahay, in dowladan si aan sax iyo cadaalad toona aheyn loogu dacaayadeeyo “Igusawir”. Fahad Yaasiin waa dadka daaha gadaashiisa wax kamaamuloo kashaqeeya, oo waxqabadkiisa uu uhadlo. Horaa Soomaalida waxeey utiri, “Dhurwaaga/Waraabaha kiisa qeeyliya, iyo kiisa aamusan, waxaa daran kiisa aamusan!”. Waa waxa ninkan aan la aragba, oo saxaafada aan kasoo dhexmuuqan, rag badan uga qeeyliyeen. XILKA KU-XIGEENKA AGAASIMAHA GUUD EE NISA! Wuxuu Shalaly oo ay taariikhdu ku began tahay 16-da August, 2018-ka Madaxweynaha u magacaabay Fahad Yaasiin kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabada-Sugidda Qaranka (NISA). Waxaa laga fahmayaa in hey’adan oo qas badan, iyo isqabqabsi uu kadhexjiro, Madaxweynuhu rabo in la isku toosiyo. Madaxweynaha oo la dhacsan qaab-maamulkii Fahad Yaasiin ee Madaxtooyada, uu sidaa ugu dhiibay xilkan. Waxaa laga rajo qabaa inuu si hufan umaamulidoono, isuguna dubadhiridoono. Waxa loobaahan yahay waa maamul xufan. Xirfada sirdoon saraakiisha aqoonta uleh ayaa qabanaya. Howshiisu waa maamul, hagid iyo hogaamin. Waxaa sidoo kale loobadinayaa inuu noqondoono Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka (NISA). Waa marka uu isaga diyaar unoqdo’e. Hadase wuxuu ubaahan yahay waa waqti uu kukala fahmo waxbadanoo NISA kusaabsan, malaha waana meesha uu sucdo. Waa hubaal inuu uqalmo xilka loo magacaabay.Hambalyo iyo guul ayaanu leenahay. Mahadsanidiin. Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor). Maamule-Kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka Iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin/Bare ka ahaa. Al-Madinah International University abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA.
-
Thousands of book enthusiasts have thronged the annual Mogadishu Book Fair, which opened its doors to the public on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday inay dib ula soo baxeyso ciidamadii ka joogay xadka kala dhexeeya dowlada Eriterea. Dowladu waxa ay sheegtay in xal waara loo helay colaadii kala dhexeysay wadanka Eriterea isla markaana laga gaaray go’aan la xiriira in dib loo soo saaro ciidamada. Ciidamada Ethiopia ayaa xadka Eriterea ku sugnaa muddo 20 sana ah, kadib markii ay fogaatay colaada labada dal oo gaartay heer la kala qabsado dhulal baaxad leh. Go’aankan dawladda Ethiopia ay gaartay ayaa waxa uu ka dambeyay kadib marki ay Ethiopia iyo Eriterea colaaddi u dhaxeysay ay heshiis nabad galyo ku soo afjareen. Ciidamada Ethiopia ayaa ku sugnaa jiidaha hore ee deegaanada Buree, Zaalambass, Shiraaro iyo Baadme. Ciidamada Ethiopia ee laga soo saarayo xadka Eriterea ayaa tiradoodu kor u dhaafeysay 100,000 iyada oo ay tirada ciidamada marar badan isbeddeleysay. Sidoo kale, dowlada Eriterea waxa ay iyaduna dhankeeda ka sheegtay iney qaadeyso tallaabbo la mid ah tan ay Ethiopia qaadday oo ay ciidamadeeda ka qaadeyso xadka labada dal ay wadaagaan. Si kastaba ha ahaatee, shacabka labada dal ayaa aad usoo dhaweeyay go’aanka lagu kala qaadayo labad ciidan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Afgooye (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaarayo Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay markii ugu horeysay weerar ku qaaden Hoteel ku yaala degmada Baraawe. Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa mid gaadmo ah isla markaana ay maleeshiyada ku qaaden Hoteel aad u saxmad badnaa. Maleeshiyada ayaa la tilmaamay in Hoteelka ay ku garaacen Hubka noocyadiisa kala duwan, waxa ayna dadka deegaanka sheegen inay maqlayeen rasaasta ka dhaceysay gudaha degmada Baraawe iyo hareeraha Hoteelka. Dadka deegaanka waxa ay sheegen inaysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay weerarkaas maadaama ay aheyd xilli habeen ah. War kasoo baxay dhanka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in xiliga weerarka ay Hoteelka degnaayen mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed. Maleeshiyada waxa ay intaa raacisay in Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan dowlada iyo kuwa AMISOM ay qeyb ka degan yihiin Hoteelka oo ay ku sifeeyen mid aad u mashquul badan. Sidoo kale, shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku dishay ciidamo ku sugnaa Hoteelka oo xiliga weerarka uu dhacaayay tamashleynaayay. Dhinaca kale, dowlada Somalia iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaan wali ka hadal weerarka oo noqonaaya kii ugu horeeyay oo Shabaab ay ku qaado Hoteel ku yaala G/Sh/Hoose. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com