-
Content Count
206,249 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Fighting between forces loyal to Puntland State and the breakaway Somaliland escalated in the disputed region of Sool in northern Somalia. The battle which broke out early Thursday morning in Tukaraq town is reported to be ongoing. Reports say both armed factions from Puntland and Somaliland are engaging in heavy artillery fire as hundreds of the residents started fleeing from their homes. Leaders from both sides have traded accusations over the conflict. The clashes come barely ten days after over 20 combatants from both sides were killed and dozens other sustained injuries in Tukaraq town following fierce fighting. Source Hol
-
Two US military regional combatant commands, CENTCOM and AFRICOM, acknowledged reports of civilian casualties and are reviewing separate recent operations following allegations of civilian deaths. In a press release last week, US Forces Central Command (CENTCOM) acknowledged reports of civilian casualties in a March 29 strike targeting Al-Qaeda in the Arabian Peninsula (AQAP) in Bayda governorate. A “credibility assessment” is currently underway. Separately, US Forces Africa Command (AFRICOM) is reviewing an operation against Shabaab in Somalia following reports of civilians causalities. According to a press release earlier this month, US forces participated in a Somali-led operation near Bulcida on May 9 that resulted in the capture of three Shabaab leaders. The US forces were serving in an advise-and-assist capacity. American forces participated in a raid that captured three Shabaab commanders on that date, according to a Somali intelligence official quoted by the Associated Press. According to the same report, the raid also killed five civilians believed to be banana farmers. An AFRICOM press release acknowledged the reports of civilian casualties: “We take these reports seriously. As with any allegations of civilian casualties we receive, U.S. Africa Command will review any information it has about the incident, including any relevant information provided by third parties,” the AFRICOM statement said. The US did not conduct any air strikes in association with this operation, AFRICOM Media Relations Officer Samantha Reho told FDD’s Long War Journal. The US has conducted a total of thirteen strikes in Somalia in 2018, all of which have targeted Shabaab. Source: – Long War Journal
-
Jabuuti (Caasimada Online)- Kulan magaalada Jabuuti ku dhex maray madaxa shirkadda DP world ee dalka Imaaraadka Carabta Axmed Bin Suleyman iyo agaasimaha dekaddaha ee Jabuuti Abuubakar Cumar Xadi ayaa looga hadlay khilaafka sababay in Jabuuti laalsho heshiiska dekadda Dooraale ee DP World. Kullankaan ayaa ka danbeeyay wada hadalo labada dal dhex mareen oo ay garwadeen ka aheyd dowladdaha Sacuudiga iyo Masar. Xalinta khilaafka Jabuuti iyo Imaaraadka ayaa loo xilsaaray madaxa sirdoonka ee Masar Maxamed Rafaat a inuu isu soo dhaweeyo Djibouti iyo Imaaraadka Carabta, laakiin waxa aan weli muuqan wax isfaham u eg oo soo muuqda. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dooneysa in gebi ahaanba shirkaddaha dalkeeda ay gebi ahaanba ka banaan howlo ganacsi oo Jabuuti ay ku leeyihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin Terminaalka saliidda iyo gaaska ee loo yaqaano Horizon Djibouti Terminals iyo hoteelka caanka ah ee Kembeski oo ay DP world dhistay. Dowladda Jabuuti iyadana mowqifkeeda waxba iskama badalin, waxayna Imaaraadka iyagana sugayaan jawaabta dacwada ay u gudbiyeen maxkamad ku taal Ingiriiska. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxa uu dagaal culus subaxnimadii hore ee maanta oo Khamiis ah ka bilowday deegaano hoostaga magaalada Tukaraq ee gobolka Sool. Dagaalka oo aad u xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyaa ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland, waxaana la maqlayaa Jug iyo rasaas aad u xoogan oo ay is weydaarsanayaan labada dhinac. Goobjoogayaal ayaa soo sheegaya in dagaalka lagu dilay ciidamo dhowr ah, isla markaana geeridu ay iminka kor u dhaaftay 12 oo labada dhinac ah, halka dhaawacyada ay waxyeeladu soo gaartay ay gaarayaan ilaa 14 oo dhammaantooda ay yihiin ciidamo. Inta uu Dagaalka socday maamulka Somaliland ayaa sheegay inay gubeen ilaa 4 gaari nooca dagaalka ah oo ay ku jiraan kuwo saad u waday ciidamada Puntland ee ka dagaalamaaya Jiida. Gaadiidka la gubay ayaa labada kamid ah waxa ay yihiin noocyada Dagaalka oo ay adeegsanayeen ciidamada Puntland, inkastoo ay Puntland beenisay. Nuux Taani oo ah Taliyaha ciidamada Millitariga Somaliland ayaa sheegay in dagaalka ay bilaabeen ciidanka Puntland, Somaliland-na ay iska difaacday. Puntland war ay soo saartay waxay ku sheegtay in Somaliland ay duulaan ku soo qaaday ciidanka Puntland ee ku sugan Tukaraq. 15 Bishan May ayey ahayd markii ay bilowdeen dagaaladan kawaas oo dhaliyey khasaaro labada ciidan kala gaartey. Dhinaca kale, 8 janaayo 2018 ayaa ciidamada Somaliland ku soo duuleen Tukaraq, waxaana ay qabsadeen Tukaraq iyo deegaano u dhaw, Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in ciidankoodu soconayo ilaa ay ka gaaraan Yoocada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online)-Iyadoo uu dagaal culus ka socdo deegaanka Tukaraq, ayaa waxaa warbixin ku saabsan dagaalkaasi goordhow soo saaray Maamulka Puntland. Qoraalka ku saabsan dagaalka ee kasoo baxay maamulka ayaa waxaa lagu sheegay in ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ay Puntland u cadeyneyso in saakay abaare 05:30 ciidamada Somaliland ay weerar ku qaadeen ciidanka Puntland ee ku sugan degaanka Tukaraq. Puntland waxay qoraalkeeda ku sheegtay in masuuliyadda dagaalkaas ay qaadeyso Somaliland, islamarkaana Puntland ay difaaceyso dhulkeeda iyo dadkeeda. Waxa ay Puntland ku sheegtay qoraalka inuu muqadas u yahay dagaalka ay ku difaacaneyso dhulkeeda sidaa aawgeedna ay sii wadi doonaan dagaalka inta ay kasoo ceshanayaan dhulka laga faramaroojiyay. Dadka deegaanka ayaa u martiyey Dagaal leysu adeegsanaayo Hubka culus iyo Dabeylo xoogan oo Duufaano wata.
-
War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay soo weerartay ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan jiidda hore ee degaanka Tukaraq. Xukuumadda Puntland ayaa caddaysay in mas’uuliyadda dagaalkaas ay qaadayso Somaliland oo duullan joogta ah ku haysa degaannada Puntland,sida War-saxaafadeedka lagu xusay. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale dadweynaha ku wargelisay in ay garab istaagan ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Somaliland,waxaana si gaar ah loogu boorriyay shacabka gobolka Sool in ay u diyaar garoban difaaca dalkooda iyo karaamadooda. Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo Somaliland ku eedaysay dagaalka dib uga qarxay Tukaraq. appeared first on Puntland Post.
-
Flooding in Ethiopia's eastern Somali regional state has displaced 188,000 people, the UN said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Dagaal saaka hiraabtii hore ka qarxay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa haatan aad u xoogaystay ,sida ay xaqiijinayan qaar kamid ah dadka ku sugan nawaaxiga degaankaasi. Weli war sugan lagama hayo sida dagaalkan ku bilowday iyo dhinaca bilaabay midna,balse saraakiil ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Puntland oo diiday in magacooda la xigto ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay dagaalka bilowday. Dagaalkaan oo socda in ka badan laba saac oo xiriir ah ayaa la sheegayaa in uu ka dhacayo ilaa saddex aag oo kala duwan,waxaana adag in xog faahfaahsan laga helo khasaaraha kala gaaray labada dhinac,marka laga reebo wararka lagu faafinayo baraha bulshada oo aysan jirin cid xaqiijisay iyo meel laga soo xigtay midna. Faahfaahinta kala soco:PUNTLAND POST The post Dagaalka Tukaraq oo xoogaystay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidanka Somaliland iyo Puntland ayaa waxa uu saakay dib uga qarxay degaanka Tukaraq. Dagaalka ayaa waxaa lasoo sheegayaa in leysu adeegsanaayo Hubka noocyadiisa culus, waxa uuna ka danbeeyay kadib markii ciidamada Somaliland ay rasaaseeyen gaari dagaal oo ay leedahay Puntland. Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay dagaalkan, inkastoo Saraakiisha labada dhan aysan weli faah faahin badan ka bixin dagaalka oo hadda socda. Ciidamada labada dhinac ayaa kala qabsaday gaadiid dagaal, waxaana jiraan khasaare kala duwan oo dhinacyada soo kala gaaray. Dagaalka ayaa khasaarihiisa ugu badan waxa uu soo gaaray ciidamada labada dhinac, waxa ayna dhaawacyada ku kala dabiibayaan goobaha caafimaad ee ku yaalla Gobolka. Sidoo kale, dadka ku sugan gobolka Sool ayaa soo sheegaya in labada dhinac ay gurmadyo kala duwan gaarayaan, iyada oo ay jirto in hub culus lala helay gaadiid Sahay iyo mid Shidaal oo labada maamul ay kala wataan, kuwaasi oo aagga uu dagaalka ka socda ku gubanaya. Waxgaradka gobolka Sool ayaa ku guul darreystay iney Labada dhinac xabad joojin ku qanciyaan, sababtoo ah dhan walbo wuxuu sheeganayaa lahaanshiyaha degaanka Tukaraq. Docda kale, Degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada Somaliland oo goor hore ka qabsaday ciidankii Puntland ee halkaasi ku sugnaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The African Development Bank (AfDB) has yet gained supported hunger stricken countries in East Africa, the Bank has released US$ 34.8m and US$ 43.8m grant for Somalia and South Sudan respectively under the Bank’s ‘Say No To Famine – Short Term Regional Emergency Response Project. Source: Hiiraan Online
-
At least four people were killed and 15 wounded in a suicide attack in Iraq’s capital Baghdad on Thursday, a military spokesman told Reuters. Source: Hiiraan Online
-
Ra’isilwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa dhameeytiray Xubno Wasiiro ahaa oo ka dhimanaa Xukuumadiisa. Xilalka Wasiirada 1- Xasan Macalin Xuseen Wasiirka Ow-qaafta Arrimaha Diinta 2- Xasan Cali Maxamed Wasiirka Gaashanadhigga 3- Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka Warfaafinta 4- C/casiis Xasan Maxamed Wasiirka Tamarta iyo Biyaha 5- Xamza Saciid Xamza Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka 6- C/fataax Maxamed Ibraahim Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Wasiiru dowlayaasha 1- Daahir Cabdi C/llaahi Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha 2- Maxamuud Maxamed Buunow Wasiiru dowlaha Amniga Wasiir kuxigeenada 1- Isxaaq Maxamed Maxamuud Wasiir kuxigeenka arrimaha Gudaha 2- Aadam Isaaq Cali wasiir kuxigeenka Warfaafinta 3- C/raxmaan Iidaan Yoonis Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta 4- Maxamed Saciid C/llaahi Wasiir kuxigeenka Caafimaadka 5- C/rashiid Maxamuud Xasan Wasiir kuxigeenka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka PUNTLAND POST The post Ra’isilwasaare Kheyre oo Magacaabay Wasiiro appeared first on Puntland Post.
-
Wararka soo gaaraya Puntland Post ayaa sheegaya in degaanka Tukaraq uu saaka ka bilowday dagaal laysku adeegsaday madaafiic. Ciidamo ka kala socda Puntland iyo Somaliland ayaa halkaa mudo isku horfadhiyey wuxuuna degaankaasi ahaa mid colaadu saamaysay. Maalmihii ugu dambeeyey labada ciidanba waxa ay ahaayeen kuwo fariisamahooda xoojinayey. Wixii dagaalkas ka soo kordha kala soco wararkayaga dambe. Puntland Post Aaga Tukaraq. The post Dagaal ayaa dib uga bilowday degaanka Tukaraq appeared first on Puntland Post.
-
Dubai (Caasimada Online) – Soomaali badan ayaa aad uga carreysan faro-gelinta siyaasadeed ee Imaaraadka Carabta ay ku hayaan siyaasadda gudaha dalka Soomaaliya, oo ay qas xooggan ka wadaan. Hase yeeshee waxaa hadda soo baxday, in iska daa Soomaaliya, Imaaraadka ay xitaa faro-geliyeen siyaasadda Mareykanka iyo doorashadii dalkaas ka dhacday 2016, ayaga oo taageero siinaya Donald Trump, sida ay baahiyeen warbaahinta Mareykanka. Hase yeeshee, Wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Anwar Gargash ayaa arrintan ku beeniyey qoraal uu soo dhigay barta twitter-ka, kadib markii warbaahinta Mareykanka ay sheegeen in Donald Trump Jr, uu la kulmay safiirada Sacuudiga iyo Imaaraadka, sanaddii 2016. “Waa in dareen lagu bixiyaa xaqiiqda intii la eegi lahaa warar aan jirin. Imaaraadku marna dadaal kuma bixin doorashadii Mareykanka ee 2016” ayuu Gargash ku qoray bartiisa twitter-ka. “Si la mid ah dowldaha kale ee saaxiibka la ah Mareykanka, Imaaraadku waxay xiriir la lahaayeen shaqaalaha iyo la-taliyayaasha labada olole ee madaxweyne, si ay wax uga ogaadaan musharaxiinta iyo mowqifkooda siyaasadda arrimaha dibedda” ayuu yiri. Wargeyska New York Times ayaa toddobaadkii tagey qoray in wiilka madaxweyne Trump ee Trump Jr uu ergada Sacuudiga iyo Imaaraadka la kulmay ayaga oo aad u danaynayey in aabahiis uu ku guuleysto Aqalk Cad. Qareenada Trump Jr, ayaa sheegay in waxba aysan kasoo bixin kulankaas. Su’aasho waxay tahay, haddii Imaaraada Carabta ay faro-geliyeen Mareykanka, oo ah dalka ugu quwadda weyn dunida, ma u daahayaan Soomaaliya? Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay daah-furay Qorshaha midaynta iyo Daadejinta Sugidda amniga Caasimadda iyada oo mas’uuliyadda qorshahan looga fadhiyo maamulka Gobalka Banaadir iyo guddoomiyayaasha degmooyinka kuwaas oo kaashanaya laamaha amaanka. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in wixii hada laga bilaabo ciidan kasta uu ka amar qaadan doono guddoomiyaha degmadda ay ka shaqeynayaan, si ay u fududaato sugidda amniga caasimadda oo uu sheegay in mudda ku eg 90 cesho la doonayo in caasimadda amnigeeda si buuxda gacanta loogu dhigo. “Waxaan rabnaa in aan ka guurno qorsha ah markii ay wax dhacaan in madaxda sar-sare oo kaliya su’aalo la weydiiyo, waydiimuhu waa in ay kasoo bilowdaan meesha ugu hooseysa oo ah guddoomiyaha Waaxda iyo Laanta. Sidoo kale waa in aad qaadataan bogaadinta shaqooyinka wanaagsan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in loo baahan yahay in xaafad kasta ay ku suganyihiin Ciidan ku filan iyo dad is xil-qaamayaal ah oo ka wada shaqeeya sugidda amniga. Waxuuna ballan qaaday in dawladdu ay ku caawineyso maamulka Gobalka Benaadir iyo taliska ciidamada fududeynta dhammaan amkaaniyaadka loo baahanyahay si amaanka loo sugo. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in loo baahan yahay laamaha amniga in ay ogaadaan shaqsi kasta oo ku nool magaaldda Muqdisho iyo shaqada uu qabto, si looga baaqsado in caasimadda ay ku dhex dhuuntaan kooxaha dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna carrabaabay in laga gudbay xilligii cid kasta ay iska dhex joogi jirtay magaalada waxa ay doontana ay sameyn jirtay, iyada oo aan cidna wax iska weydiin.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay wasiiro, wasiiro ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal cusub, oo ka mid noqon doona xukuumadda. Kheyre ayaa soo dhameystiray xubnihii ka banaanaa golaha wasiirada, oo qaarkood la iska casilay, qaarna xilal kale dowladda looga dhiibay. Haddaba hoos ka aqriso liiska oo buuxa. Xilalka Wasiirada 1- Xasan Macalin Xuseen Wasiirka Ow-qaafta Arrimaha Diinta 2- Xasan Cali Maxamed Wasiirka Gaashanadhigga 3- Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka Warfaafinta 4- C/casiis C/llaahi Maxamed Wasiirka Tamarta iyo Biyaha 5- Xamza Saciid Xamza Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka 6- C/fataax Maxamed Ibraahim Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Wasiiru dowlayaasha 1- Daahir Cabdi C/llaahi Wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha 2- Maxamuud Maxamed Buunow Wasiiru dowlaha Amniga Wasiir kuxigeenada 1- Isxaaq Maxamed Maxamuud Wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha 2- Aadam Isaaq Cali wasiir kuxigeenka Warfaafinta 3- C/raxmaan Iidaan Yoonis Wasiir kuxigeenka Boostada iyo Isgaarsiinta 4- Maxamed Saciid C/llaahi Wasiir kuxigeenka Caafimaadka 5- C/rashiid Maxamuud Xasan Wasiir kuxigeenka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa qaaday talaabooyinkii ugu horeeyay oo lagu raadinayo xalka Khilaafka Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka carabta. Dadaalada lagu baadi-goobayo xalka khilaafka labada dal ayaa waxaa horboodaya dowlada Sacuudiga oo Siyaasad ahaan ay aad isugu dhowyihiin Imaaraadka carabta. Shirar gaara oo lagu doonaayo in albaabada loogu furo xalinta Khilaafka ayaa waxa uu arbacadii ka furmat magaalada Jidah kaa oo ay ka qeybqaadanayaan mas’uuliyiin ka socda dalalka u kacay xalinta Khilaafka. Shirka ayaa waxaa lagu doonayaa in lagu dajiyo qorshooyin looga gudbaayo Khilaafka oo u muuqanaaya mid sii kordhaaya. Xal u raadinta Khilaafka ayaa waxaa kusoo biiray dowlado dhowr ah oo aan horay uga mid aheyn waxaana kamid ah: Sacuudiga, Kuwait, Muritania, Masar, Ethiopia, Kenya, Djibouti iyo Turkiga. Dowladahaani ayaa waxaa garbin doona dowlado kale oo dusha kala socon doona shirka lagu xalinaayo Khilaafka labada dal. Talaabada ugu horeysa oo ay qaadi doonaan dowladahaani ayaa ah inay u kala dabqaadan Madaxda dowladaha Somalia iyo Imaaraadka oo aan iminka is horfadhiisan. Si kastaba ha ahaatee, wadahadalka labada dal ayaa waxaa hogaamin doona Dowlada Sacuudiga oo maslaxad u aragta wadahadalka labada dal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Aadan Muxumed (Mataan) oo ka tirsan Golaha Wakiilada maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Somalia ay Puntland ku garabsiineyso dagaalka ay kula jirto Somaliland. Xildhibaan Mataan ayaa sheegay in Dowlada Somalia iyo Puntland ay isku baheysanayaan Somaliland oo uu sheegay inay iminka heysato qeybo kamid ah deegaanka Tukaraq. Waxa uu Xildhibaan Mataan cadeeyay inay heleen macluumaad muujinaaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu Cabdiweli Gaas ku taageeray dagaalka Tukaraq, hase ahaatee dagaalka ceynkaasi ah uusan waxba u dhimi doonin Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. ‘’Farmaajo iyo C/weli Gaas si waliba oo ay isku baheystaan waxba kama qaadi karaan Somaliland waxaan isaga difaaceynaa cududeena’’ ayuu yiri Xildhibaan Mataan oo la hadlaayay Wargeysyada kasoo baxa magaalada Hargeysa. Xildhibaan Mataan ayaa tilmaamay in Somaliland ay weligeeda ka talin jirtay deegaanka Tukaraq iminkana ay dib u qabsan doonto iyadoo aan u babac dhigin ayuu yiri isgarabsiga Dowlada Somalia iyo Puntland. Waxa uu yiri Xildhibaanka ‘’Dowlada Somalia waxaanu ka dooneynaa inay cadeysato mowqifkeeda ama inay gacan ka taagato isgarabtaaga ay ku heyso Puntland’’ Sidoo kale, waxa uu sheegay Xildhibaanka in weerar waliba oo Somaliland kaga imaada Dowlada Somalia iyo Puntland ay iska difaaci doonto, isla markaana aysan wax u qaadan doonin. Haddalka Xildhibaan Mataan ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Dowlada Somalia ay dhawaan ku baaqday in la hakiyo dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Toddobaadyadii u dambeeyay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ka dhacay arrimo naadir ah. Arrimahaas ayaa dabo socday isbadal siyaasadeed oo wayn oo dhawaan ka dhacay dalka Itoobiya ka dib markii uu xilka iska casilay ra’iisulwasaarihii hore Hailemariam Desalegn isaga oo arrintaas ku macneeyay in uu waddada u xaarayo in isbaddallo dhab ah ay ka dhacaan dalka Itoobiya, isla markaasna la dhagaysto dalabka shacabka. Haddaba waxaan halkan ku soo koobaynaa dhacdooyinkii naadirka ahaa ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ka dhacay toddobaadyadii u dambeeyay. Mudaaharaadyo Gobolka Siti ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ka dhacay mudaaharaadyo lagu diidanaa dawladda si gaar ahna loogu dhaliishanaa nidaamka dib u curashada loo yaqaanno, sida ay dad deegaanka ah BBC-da u sheegeen. Nidaamka dib u curashada ayaa ah in shaqaalaha dawladda loo wareejiyo deegaan aan ahayn midka uu ka soo jeeda. Dadka gobolkaas ayaana ka cawday in loo keenay dhallinyaro kale kuwoodii aan shaqo lawada siinin. Dawladda deegaanka ayaase sheegtay in arrintan looga golleeyahay in lagula dagallamo qabyaaladda iyo nin jeclaysiga. Dadka arrintan sida guud u dhaliishanna waxay nidaamkaas ku duraan in shaqaalaha laga baddalo guryahoodii iyo qoysaskooda isla markaasna aan dhaqaale kale lagu kabin oo la siiyo isla mushahaarkoodii oo kali ah. Mudaaharaadyadii ayaa qaboobay wuxuuse si lama filaan ah uga qarxay magalada Wajaale. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay mudaharaadkaas sida ay dadka deegaanku u sheegeen BBC. Xukuumadda Dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la sheegay markaas inay billawday in ay soo abaabusho isu soo baxyo ay ku muujinayso taageeradeeda, waxaana deegaanka oo dhan ka dhacay dibadbaxyo waawayn. Wasiirro, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo fadhigoodu ahaa magaalada Jigjiga ayaana ka soo muuqday dibadbaxyada lagu muujinayay cududda taageerada dawladda oo deegaannada fogfog ka dhacay. Masuul Hay’adda Xuquuqda Insaanka Itoobiya ka tirsan oo Jigjiga lagu jir dilay Waxaa magaalada Jigjiga lagu jir dilay masuulkii hay’adda Xuquuqda Aadanaha Itoobiya u qaabilsanaa Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Jamaal Maxamed Warfaa. Dad badan ayaa baraha bulshada iskula wadaagay sawirka Jamaal oo u muuqda qof dhaawacyo ku yaalaan oo furaash dul jiifa. Masuuliyiinta Dawladda Federaalka ah iyo kuwa Deegaanka midkoodna durba kama uusan hadlin arrintaas. Balse Demisew Benti oo warfaafinta u qaabilsan Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya ayaa BBC u xaqiijiyay in la jir dilay Jamaal wuxuuna intaas ku daray in la diray guddi xaqiiqo raadin ah. “Waa run Jamaal oo ah masuulkii hay’adda u qaabilsanaa Deegaanka Soomaalida ayaa Jigjiga lagu jirdilay, yaa jirdilay, maxaa loo jirdilay, sidayse arrintaasi u dhacday waa arrin qayb ka ah baaritaanka aan wadno ayuu yiri”. Hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa marar badan laamaha ammaanka ee dawlad deegaanka Soomaalida ku dhaliilay in ay tacadiyo gaystaan. Balse arrinta la iswaydiinayo ayaa ah haddii Jigjiga lagu jirdili karo masuulkii loo idmaday ilaalinta xuquuqda aadanaha, waa sidee midda shacabka? Dareen ka dhashay gabadh meydkeeda laga heley Qabri-Dahare Xabsi ku yaala magaalada Qabridahar ayaa laga dhex helay gabadh mayd ah oo la sheegay in halkaas ay ku sugnayd wakhti aad u kooban, arrintaasina waxay dhacday 11 bishii Maarso. Maxamed Xiis Kallane oo gabadha adeerkeed ah oo ku sugnaa magaalada Pretoria ee Koonfur Afrika ayaa BBC-da u xaqiijiyay geerida gabadha, wuxuuna sheegay in gabadha ay qabteen booliiska, saacado markii ay hayeena ay reerka ku wargaliyeen in ay is dishay. Maxamed Xiis waxa uu intaas ku daray in gabadha meydkeeda la geeyay isbitaalka ciidammada federaalka, kadibna lasoo xaqiijiyay in la dilay. Gabadhan oo lagu magacaabo Taysiir Cumar Maxamed Cilmi Salal, waxa ay jirtay 20 sano, wali ma aysan guursanin, waxayna u shaqaynaysay dowladda hoose ee magaalada Qabri-dahare, gaar ahaan xaafadda shanaad. Lama oga sababta loo xirey markii horeba, iyo waxa sababay dhimashadeeda. “Qoladan meesha joogta, kuwa wax maqlaya ma ahan, baaqna looma diri karo, dhibaatadan alle ha naga dulqaado, tii ugu horeysay ma ahan, tii ugu dambeysayna ma ahan, dilkana hala joojiyo, waa ceeb kusoo korortay Soomaalida” ayuu yiri Maxamed Xiis Kallane oo ku hadlay magaca qoyska gabadha ay ka baxday. Balse masuuliyiinta Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in gabadhaasi ay is dishay. Baraha bulshada ayaa aad loogu faafinayaa qoraalo iyo haddalo looga soo horjeeda falka dhacay, waxaana arrintan ka dhashay dareen carol eh iyo mudaaharaad. Demisew Betni oo hay’adda xuquuqda aadanaha ee Itoobiya u qaabilsan warfaafinta ayaa sheegay in dhacdadan iyo kuwo kalaba la soo gaarsiiyay hay’adda ayna baaritaanno ku hayaan. Dad maamulka dhaliishan oo Addis Ababa isku arruursanaya Odayo dhaqameedyo iyo waxgarad u dhashay Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo saluugsan xukuumadda Cabdi Maxamuud Cumar ayaa tagay magaalada Addis Ababa si ay cabasho ugu gudbiyaan dawladda dhexe, sida uu BBC-da u sheegay mid ka mid ah odayadaas. Odayaas ayaa sheegay in cabashadooda gaarsiiyeen Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya, isla markaasna ay la kulmeen xeer ilaaliyaha guud ee faderaalka iyo masuuliyiin kale oo heer faderaal ah. “Anagoon diyaarsanayn ayuu damcay in uu nala kulmo ra’iisul wasaaruhu, waxaana codsanay in aan soo diyaargarawno oo cabashadanada markaas u gudbino” ayuu yiri mid ka mid ah odayada. Markii dhawaan la doortay ra’iisulwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed wuxuu sheegay in shacabka la dhagaysan doono isla markaana uu la hadli doono dhammaan mucaaradka iyo dadka dhaliishan. Arrintaas ayaa horseeday in ay magaalada Addis Ababa iska xaadiriyaan mucaraadkii Itoobiya oo ay ka mid yihiin masuuliyiinta xisbiga Oromada ee Oromo Democratic Front oo dibadjoog ahaa. Kooxihii fursaddaas ka faa’iidaystayna waxaa ka mid noqday dadkii ku kacsanaa xukuumadda Jigjiga. Mucaaradkaas Soomaalida ah ee Addis Ababa ku sugan oo aan magac ku midaysnayn ayaa baraha bulshada ka dhaliila Madaxweynaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo xukuumaddiisa, waana arrin naadir ah. Dad badan ayay layaab la noqotay in dad mucaradsan madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa iyaga oon bareerahooda qarsanaynin. Dhacdooyinkaasi isbadel ma keeni doonaan? Waxaa laga yabaa in haddii arrimahaasi ay sii xoogeystaan ay cadaadis ku keenaan madaxweynaha iyo maamulkiisa. Balse inuu dhaco isbadel siyaasadeed oo la taaban karo waxay u baahan tahay labo arrimood midkood : Midda koobaad: Kala qaybsanaan soo kala dhex gasha Guddiga fulinta ee awoodda badan ee X.D.SH.S.I, kaas oo awood u leh in uu xasaanadda ka qaado madaxweynaha. Midda labaad: Dawladda dhexe ee faderaalka ah oo si cad u sheegta in aysan ku qanacsanayn hoggaanka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya soona bandhigta cadaymo. Labadaas arrimood midkoodna hadda midkoodna ma muuqdaan, sidaas daraadeedna waxay u muuqataa in ay xilka sii hayn doonto xukuumadda uu hogaaminayo madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo looga bartay in uu la jaan qaado isbadalladii sanadihii dambe ka dhacayay dalka Itoobiya. W/Q: Xasan Cabdullahi Haybe Soosaare, BBC Soomaali
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Warbixin Sir ah oo ay lahaayeen Ciiddanka Maraakiibta Quusta Badda ee Yuhuudda ayaa la sheegay inuu ka lumay Flash USB drive ah oo ay ku jireen Macluumaaad Xasaaasi ah. Haweeney Qandaraasle ah ayaa sheegtay inuu ka lumay USB driver-ka oo ay ku jireen Dukumentiyo xasaasi u ah oo u gaar ahaa Nidaamka Difaaca horumarsan ee Shirkadda Rafael Advanced Defense Systems Ltd. Milliteriga iyo Boliska dharka cad ee Yuhuudda ayaana bilaabay baaritaan ku aadan suurto-galnimadda inuu lumay ama la xaday USB drive-kaasi. Warbixin ka soo baxday Ciiddanka Maraakiibta Badda Quusta (Submarine)-ka ayaa lagu sheegay in Haweeney Qandaraasle ka ah Saldhigga ka shaqeysa Rafael Advanced Defense Systems Ltd ee magaalladda Xayfa ayaa sheegtay inuu qalabkaasi kaga lumay gurigeeda. Waxay kaloo sheegtay inuu qalabkaasi ka lumay 2 isbuuc ka hor, mar ay Xafiiska ka qaaday oo ay la aaday gurigeeda. Wax faahfaahin ah lagama bixinin nooca Xogta eek u kaysanaa USB Drive-kaasi, inkastoo la sheegay inay ku jireen Xog dhinaca Ammaanka oo aad khatar u ah. Haweenydaasi ayaa la shegay inay muteysan doonto Tallaabo dhinaca Anshaxa Shaqada ama lagu soo oogi doono Dembiga ahaa inay lumisay Warbixintaasi. Shirkadda Qandaraaslayaasha Rafael Advanced Defense Systems Ltd ee (RAFAEL) waxay mas’uul ka yihiin Xogaha lagu farsameeyey Nidaamka Difaaca Gantaalladda ee Ciiddanka Difaaca Hawada iyo kuwa Gujiska ee Yuhuudda. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com