-
Content Count
210,839 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Maamulka Hir Shabelle ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka Hir Shabelle Maxamed Cabdi Waare in uu ku guul dareeystay Hogaaminta Maamulka Hir Shabelle. Xildhibaanadaan oo kulan ku yeeshay Magaalada Jowhar ayaa dhaliilay Madaxweyne Waare. Xildhibaadana ayaa waxa ay sheegeen in Madaxweyne Waare aanu waxba ka qaban dhibaatooyin ka taagan Hir Shabelle. Maxamuud Siyaad Barqadle oo kamid ah Xildhibaanada Hir Shabelle ayaa sheegay in sanadka uu madaxweynaha yahay Mudane Waar aynan mooqan Waxqabad Muuqda. Xildhibaanadka ayaa sheegay in Golaha wasiirada Hir Shabelle tan iyo markii la magacaabay aanay waxba qaban isaga oo ku eedeeyay Madaxweyne Waare in uu joojiyay in ay kulmadaan Xildhibaanada. Ugu Dambeeyntii xildhibaanka ayaa ugu baaqay in Madaxweynaha uu is Casilo. Qilaaf ayaa ka taagnaa baryihii ugu dambeeysay Maamulka Hir Shabelle. Hoos ka Dhageyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/08/Xildhibaan-Hir-Shabelle.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Xildhibaanada Hirshabelle” Ha is Casilo Madaxweyne Waare” appeared first on Puntland Post.
-
War kasoo baxay Golaha Xuquuqda aadanaha ee hay’adda qaramada midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay ay Alshabaab sare u qaadeen dilalka ay ka geesanayaan magaalada muqdisho islamarkana in ka badan 44 qofood lagu dilay siyaabo kala duwan. Hay’adu ayaa waxaa ay sheegtay in dadka la dilay ay u badnaayeen ergooyinkii soo doortay qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo odayaal dhaqameedyo iyadoona bishii February ee sanadkii hore la bartilmaameedsaday 29 ruux oo qeyb ka ahaa doorashadii madaxtinimo ee dalka ka dhacday. Dhinaca kale hay’adu ayaa carabaawday in inka badan 14,000 oo kamid ahaa ergooyinkii soo dooranayay xildhibaanada ay la kulmeen handadaad oo sida la sheegay ay kala kulmayeen Xarakada Alshabaab. Tobankun oo ruux ayaa ku geeriyooday sanadihii ugu dambeeyay guud ahaan soomaaliya iyo dalka Kenya iyadoona tiro intaas kabadana ay isaga barakaceen. Tan iyo sanadii 2011-kii dalka Kenya ayaa wajahaya dagaalo xoogan kadib markii ciidamada difaaca Kenya ay usoo talaabeen soomaaliya kuwaa oo qeybka ah howlgalka midowga Africa Amisom ee dowlada kataageeraya ladagaalanka al-shabaab halkaa oo ay intii ay kusugnaayeen cidamadooda gudaha somaliya uu dalka Kenya kadhacay weeraro xoogan oo uu kamid ahaa weerarkii sanadii 2013kii lagu qaaday xarunta laga dukaameysto ee Westigate Mall iyadoona ay kugeeriyoodeen inka badan 67 qofood oo kusugnaa xaruntaasi. PUNTLAND POST The post Qaramad Midoobay oo War Kasoo Saartay Beegsiga Shabaab ay Ku Hayaan Dhaqanka iyo Ergada appeared first on Puntland Post.
-
Ankara (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Turkiga Rajap Dayib Erdogan ayaa markii ugu horeysay dhigiisa Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku marti galiyay Shirka Golaha Guud ee xisbiga Taladda Haya ee dalka Turkiga. Madaxweyne Erdogan ayaa dhigiisa Somalia oo ku sugan dalka Turkiga usoo jeediyay inuu ka qeybgalo Shirka Golaha Guud ee xisbiga isagoo ka dalbaday inuu jeediyo Khudbad taariikhi ah. Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo aqbalay ka qeybgalka Shirka Golaha Guud ee xisbiga Taladda Haya ayaa lagu wadaa inuu jeediyo khudbad. Kulanka uu Madaxweyne Farmaajo ka jeedin doono khudbada ayaa noqon doona kulanka Lixaad oo ay yeelanayaan golaha wakiilada ee Xisbiga haatan talada Dalka haya ee AK Part. Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doona Madaxda dalka Turkiga iyo Ganacsatadda dalkaasi. Geesta kale, Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xili ay xoogeysatay Xiisadda u dhaxeysa Turkiga iyo waliba Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Ankara Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan 12-qof oo dhinacyadii dagaalamay isugu jira ayaa ku dhintay iska-hori-maadyo dhawr ah oo gobolka Shabeellaha Hoose ku dhexmaray ciidamada millateriga Somalia iyo xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab. Dagaalladan oo ahaa kuwo is-xig-xigay ayaa waxay ka dhaceen inta u dhexeysa deegaannada Lambar 50 iyo Shalaanbood oo kawada tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ugu dambeyn ku itaal roonaaday ciidamadii millateriga Somalia. Millateriga Somalia ee dagaalka la galay Al-shabaab ayaa waxay ahaayeen kuwo uu watay abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga dalka Somalia, Jen. C/llaahi Cali Caanood oo haatan gaaray deegaanka Shalaanbood, halkaas oo la sheegay inay fariisimo ciidan ka sameysteen. Sidoo kale, Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamadan ay doonayaan in ay weerarro ku qaadaan xoogag ka tirsan Al-shabaab, inkastoo warar aanan xaqiijin karin ay sheegayaan inay yihiin ciidammo uu la gadooday Jen. Caanood oo xilka laga qaaday dhawaan. Dhanka kale, Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Somalia oo qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada millateriga Somalia ay dagaalladan uga geeeriyoodeen illaa shan askari, ayna iyagu dhankooda dileen tobaneeyo Al-shabaab ah. Balse, Shacabka ku nool deegaanada ay dagaalladu ka dhaceen ayaa laga soo xigtay inay arkeen geerida 12-ruux oo isguu jira millateriga Somalia iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab ee ay dagaalladu dhexmareen. Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in kolonyo gaadiid ah oo ka tirsan kwua AMISOM oo iyaguna deegaannada ay dagaalladu ka dhaceen marayay lala beegsaday qarax miino oo waxyeello gaarsiiyay mid ka mid ah gadiidkii ay wateen, inkastoo aysan khasaare soo gaartay ciidamadii gaadiidkan la socday. Dadka rayidk ah ee deegaannadaas ku nool ayaa la sheegay inay soo gareen dhaawacyo kala duwan, inkastoo aysan jirin dhimasho, waxaana dagaalladan ay imaanayaan xilli isbedel lagu sameeyay taliska ciiadmada DF si loo xoojiyo baa la yiri sugidda amniga dalka. Ugu dambeyn, Ururka Al-shabaab ayaa sheegay dhankiisa inay weerarro is-daba-jooga ah ku qaadeen ciidammo ka tirsan kuwa dowaldda Somalia ayna gubeen gaadiid dagaal askar badanna ku laayeen, inkastoo aysan sheegin tirada askarta ay dileen iyo khasaaraha dhankooda soo gaaray. PUNTLAND POST The post Dagaalo dhex-maray Milateriga Somalia iyo Xoogag daacad u ah Ururka Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Three people were on Friday injured after their vehicle was sprayed with bullets by unknown militants between Elwak and Wargadud. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa soo xiray carwada bandhigga buugaagta Muqdisho oo lagu soo bandhigay buugaag ay leeyihiin qorayaal Soomaaliyeed oo dhallinyaro u badan kuwaas oo fikir, maskax, hanti iyo waqti geliyay sidii ay u qori lahaayeen buugaag waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khare ayaa ugu horayn u mahadceliyay qabanqaabiyayaasha bandhigga, dhallinyarada Soomaaliyeed ee qoraalka buugaagta isku hawlay, maskaxdoodana u shiilay si rajadaii dalka loosoo celiyo, waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyay dadka aan Soomaalida ahayn ee kasoo qayb galay carwada bandhigga buugagta Muqdisho si ay goob joog uga ahaadaan is-bedelka muuqda ee dalku ku tilaabsanayo. Ra’iisul Wasaare Khaye ayaa sheegay in carwada bandhigga Buugaata Muqdisho ay ka tarjumayso dawladnimada dhabta ah, dhismaha mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed iyo in Soomaalidu hurdada ka kacday, sidoo kale bandhiggu uu dhiiri gelinayo aqriska iyo qoraalka arinraas oo qayb muhiim ah ka qaadanaysa dhismaha dawladnimada iyo dagaalka loogu jiro yaranta Musuqa iyo qabyaaladda. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khaye ayaa sheegay in uu muuqdo horumar wayn oo dalkeennu uu sameeyay iyo tilaabo muhiim u ah kobaca wax curinta, dib u yagleelidda mustaqbalka, waxa uuna ugu baaqay qorayaasha Soomaaliyeed in ay sii wadaan qoraallada ayna taageeraan dhallinayrada da’da yar si maskaxdooda ay u shiilaan ummadda Soomaaliyeedna ugu faa’iideeyaan korna loogu qaado is-dhexgalka bulshada iyo aqoonyahannada, si ugu dambayn dhallinyaradu ay ula wareegaan mustqablaka ummadda Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhallinyada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sameeyaan qoraallo dadka Soomaaliyeed oo dhan ay aqarin karaan ayna sidoo kale ka shaqeeyaan in qof waliba oo Soomaali ah uu wax qori karo si looga soo kabto soddonkii sano oo qoraalku hakadka galay, maadaama dal waliba uu ka fursad badanyahay dalalka kale ee dadkiisu uga wanaagsanyihiin aqriska iyo qoraalka. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa si uu uga qayb qaato dhiirri gelinta aqriska iyo qoraalka bulshada Soomaaliyeed waxa uu maktabadaha magaalooyinka Cadaado iyo Garbahaarey ugu deeqay min boqol buug oo uu ka iibiyay qorayaal Soomaaliyeed oo kusoo bandhigay carwada bandhigga buugaagta Muqdisho. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo xiray Carwada Bandhigga Buugaagta Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Turkiga wax tartan ah kulama jiro dalalka ka howlgala Soomaaliya ee doonaya iney xasiliyan, sidaasi waxaa wakaalada wararka Turkish-ka ee Anadolu u shegay safiirka Soomaaliya u fadhiya Dowladda Turkiga Olgan Bekar. “ Waligeen tartan lama gelin dalalka ka howlgala Soomaaliya, Turkiga wuxuu kasbaday jaceelka iyo kalsoonida shacabka Soomaalida tan iyo sanadii 2011-kii” ayuu yiri Safiirka, isagoo dafiray wararka sheegaya in tartan siyaasadeed uu kala dhaxeeyo wadamada qaar ee Soomaaliya u jooga taageerada Dowladda. “ Turkiga waxaa sharaf u ah booska uu Soomaaliya ka taagan tahay ” wuxuuna intaa ku daray in ujeedka Turkiga uu yahay sidii loo caawin lahaa shacabka Soomaaliyeed, si dalka uu ugu soo kabsado dagaaladii sokeeye ee ka qarxay 1991-kii. Oglan Bekar ayaa hoosta ka xariiqay in wax walba oo dib loogu dhisayo Soomaaliya iney door weyn ka qaadan doonaan, waxaana uu tilmaamay in wadamo kale ay jiraan oo dadaal ku bixinaya Soomaaliya si markale dib ugu soo laabato maqaamkii ay caalamka ka joogtay. Oglan Bekar ayaa ku nuux nuuxsaday “ Ma dooneyno in la farageliyo arimaha Siyaasadda dibadda Soomaaliya, waxaan rabnaa kaliya door wax tar leh. Mar uu ka hadlayay saldhigga tabarada Turkiga ee duleedka Muqdisho ka dhisan waxa uu sheegay in qorshaha yahay dhisidda ciidan gaar ah oo ka howlaga Soomaaliya. Safiirka ayaa sidoo kale ka hadlay kabixitaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya waxaana uu yiri” Si amni loo helo AMISOM la’aan Soomaaliya dhibaato ayaa ka dhici karta” Ugu dambeyntii wareysiga lala yeeshay safiirka ayaa waxa uu ku soo hadal qaaday Hay’adda Horumarinta Turkiga ee TIKA oo mashaariic kala duwan ka fulisa Soomaaliya in ay gabo gabo u mareyso mashruuc lagu dhisayo Kanaal isku xera labada webi ee Shabelle iyo Jubba si qulqulka biyaha u noqdo mid nadiif ah. Falanqeyn: Hadalka safiirka waxa uu ku soo aadayaa iyadoo la hadal hayo in Imaaradka Carabta uu dib ugu howlgali doono Soomaaliya kadib markii isfahan uu dhexmaray Dowladda Federalka iyo Imaaradka, Turkigana waxa uu ka xun yahay siyaasadda Imaaradka Carabta ee dib uga bilaabaneysa Soomaaliya maadama labada Dowladood xeriirkoodu xun yahay. Waxaana sidoo kale xusid mudan in Turkiga xiligan uu wajahayo dagaal ba’an oo dhanka dhaqaalaha ah oo Mareykanka kaga imaanaya, Dowladda Soomaaliyana wali ma aysan u muujin Turkiga garab istaag, maadama DF ay la safatay dowladda Boqortooyada Sacuudiga oo khilaaf kala dhaxeeyo Canada. Waxaa iska cad in Turkiga uu waayay garab istaag uu mudnaa in loo muujiyo, maamada uu yahay dalka kaliya ee sida dhabta ah u taageera horumarka iyo dib u dhiska Dalka. Soomaaliya waxey dhexda kaga jirtaa siyaasado isdiidan balse aan dalka isku heysan oo sababi kara saameyn aan wanaagsaneyn, sidoo kale xiligan la joogo wey ku adagtahay Dowladda Federalka iney go’aan cad ka gaarto siyaasadeeda arimaha dibadda ee ku qotonta Xulufada Khaleejka ama reer Galbeed walow mararka qaar ay Soomaaliya qaadato go’aano siyaasadeed oo reeba saameyn wanaagsan iyo kuwo aan waxbo laga dheefin. W/Q: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) Gmail: Abdiazizh99@gmail.com
-
Shalambood (Caasimadda Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya halka ay ku sii jeeday Ciidamo uu wato Abaandulihii ciidamada xoogga dalka ee xilka laga qaaday Jen. C/llaahi Cali Caanood oo gaaray deegaanka Shalambood ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada ayaa ku hubeysan afartameeyo baabuurta dagaalka oo ay ku jiraan gawaarida loo yaqaano Beebayaasha, waxaana inta aanay gaarin Shalambood lagula eegtay Qarax miino agagaarka deegaanka Nambar 60. Wararka is khilaafsan ayaa ka soo baxaya ujeedka Ciidamada uu wato Jen. Caanood u gaareen Shalambood, waxaana warar hal dhinac ay sheegayaan inay duulaan ku yihiin deegaano ku dhow dhow magaalada Marka, halka warar kale oo aan la xaqiijin sheegayaan in Jeneraalka uu ka gadoodsan yahay xil ka qaadistii lagu sameeyay, kuna sii jeedo Gobolka Gedo. Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa ka gaabsaday wararka ku saabsan Jen. Caanood iyo ciidamada uu watay ee gaaray Shalambood, iyagoo xaqiijinaya inuu jiray howlgal lagu qaadi lahaa jidka Xeebta ee ka baxa deegaanka Jazeera ee aada Gandarshe illaa Jilib Marka, balse aan qorshaha ku jirin in dhanka Shalambood laga qaado howl galka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
At least 324 people have been killed in flooding in the southern Indian state of Kerala in what local officials say is the worst flooding in 100 years. Source: Hiiraan Online
-
Abu Dabai (Caasimada Online)-Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka isutaga Imaaraadka carabta ayaa sheegtay in mustaqbalka dhow ay hanta doonto dhammaan dekadaha Somalia kuwa gacanteeda ku jira iyo kuwa aan gacanta ugu jirin. Shirkada ayaa tilmaantay inay muhiim u tahay in sharciyadeeda laga hirgaliyo dekadaha si ay u hantiso dhammaan dekadaha Africa, gaar ahaan kuwa Somalia. Agaasimaha Shirkadda DP World Suldaan Ahmed Bin Suleymaan oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ayaa sheegay inuu wali jiro muran kala dhexeeya dowlada Somalia, hase yeeshee ay mar waliba ka go’an tahay inay hantiyaan Dekadaha ugu muhiimsan ee Somalia. Waxa uu Mr Suldaan Ahmed Bin Suleymaan carab ***** in qorshahooda uu ku xeran yahay keliya wadahadal dhexmara Somalia iyo Imaaraadka, waxa uuna meesha ka saaray in Heshiisyada lagu galay maalgashiga Dekadaha Somalia ay ka maran yihiin. Suldaan Ahmed Bin Suleymaan, waxa uu tilmaamay in Heshiisyada Somalia iyo Ethiopia ee arrimaha maalgashiga Dekadaha ay qeyb ka yihiin hase yeeshee ay muhiim tahay in loo aqoon sado dadaalada ay kawado Somalia. “Mustaqbalka dhow wey naga go’an tahay inaanu soo gacan galino maamulka Dekadaha Somalia, waayo waa dhif dal ama Shirkad xiligan Somalia ka caawin karta arrimaha Dekadaha” Suldaan Ahmed Bin Suleymaan, waxa uu tilmaamay in Somalia qudheeda ay garwaaqsan tahay in Shirkada DP World ay ku wanaagsan tahay arrimaha Dekadaha, balse uu jiro khilaafyo mugdi galiyay awooda shirkada ee dhanka Somalia. Waxa uu agaasimuhu carab ***** in xal waara ay u heli doonaan khilaafka iyo tabashooyinka Somalia, iyadoo laga duuli doono baahida taagan ee dhinacyada Dekadaha iyo maalgashigooda. Sidoo kale, Suldaan Ahmed Bin Suleymaan waxa uu shaki galiyay in Ethiopia ay si buuxda isku waafajin karto Heshiiskaiyo howlaha Dekadaha, isla markaana ay u muuqan doonto in DP World loo madaxbaneen doono fursada. Haddalka Agaasimaha DP World ayaa kusoo beegmaaya xili uu shirkada ka dhamaaday Heshiiska dib loogu dayactiraayay Dekadda Berbera. Caasimada Online Xafiiska Abu Dabai Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Iyadoo ay sii kordhayaan eedeymaha isdabajooga ah ee loo jeedinaayo dowlada Kenya, ayaa waxaa eedey taa lamid ah jeediyay Hoggaamiyihii hore Aqlabiyadda Baarlamaanka Dalka Kenya Faarax Macallin. Faarax Macallin, ayaa dowlada Kenya ku eedeeyay inaysan ka adkeyn ciidankeeda jooga Koofurta Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in ay qabtaan howlo ka duwan howshii loo diray ee nabad ilaalinta ah. Faarax Macallin, oo qoraal kooban kusoo daabacay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay gabood fallo ka geystaan Gobolak Gedo, balse aanu jirin cid kula xisaabtanta dhibaatooyinkaasi. Waxa uu sheegay Faarax Macallin in dhibaatooyinka ay geystaan ciidamada Kenya ay ka mid yihiin Kufsiga Haweenka,Dilka Dadka rayidka ah iyo leynta xoolaha. Faarax Macallin, waxa uu tilmaamay in dhacdooyinkaasi oo idil ay indhaha ka qabsato dowlada Kenya iyo Saraakiisha horboodeysa ciidamada geysta dhibaatooyinka foosha xun. Faarax Macallin, waxa uu Saraakiisha amaanka ee Kenya ka codsaday in baaritaan lagu sameeyo Ciidamada ka dambeeya dhibaatada joogtada ah ee loo geysto dadka rayidka ah. “Kenya waa inay ciqaabtaa saraakiisha lagu helo in ay ka dambeeyaan arrintaas, waayo waxaanu suuragal ahey in indhaha laga qabsado dhibaato lagu hayo Umad jirta”. Taliyaha Ciidanka Kenyan,Gen. Mwathethe, ayuu ku yiri “waa inaad si xawaaro leh u baartaa, tallaabana uga qaaddaa Ciidamada falkaas geystay”. Ciidamada Kenya ayaa Bishii la soo dhaafay kaliya la sheegayaa in lix Haween ah ay ku kufsadeen Gobolka Gedo. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu arrimahaani isbiirsaday ku sheegay mid ay Kenya ka indha qabsaneyso isagoo ku baaqay inay muhiim tahay in Kenya aysan dhaawicin derisnimada kala dhexeysa Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isal wasaaraha xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay ballanqaaday in dhismo degdeg ah lagu sameyn doono tiyaatarka iyo maktabada Qaranka. Ra’isal wasaaraha xukuumadda ayaa sheegay in dhismaha tiyaatarka iyo maktabada ay muhiim u tahay dalka, waxa uuna ku celcelshay in si dhaqsi ah lagu dhisi doono. Wax uu Kheyre tilmaamay in dowladiisu ay ka dhabeyn doonto furida iyo yagleelida xarumaha muhiimka u ah shacabka. “Mar waliba waxaa naga go’an inaan dib usoo celino xarumaha muhiimka ah waxaanu dooneynaa in shacabkeena aysan tabin xarun tiyaatar iyo maktabad Qaran” “Waad la soctaan waxyaabihii aan horay idinkugu ballanqaadnay waan sameynay intooda badan kuwa harsan ayaanu u gudbi doona sida ugu dhaqsiyaha badan ayaanu ku dhisi doona” Mr kheyre ayaa carabaabay dhismaha lagu sameyn doono tiyaatarka iyo maktabadda Qaranka ay iska kaashan doonaan xukuumadda Somalia iyo waliba maamulka gobalka Banaadir si loogu wacyigeliyo buu yiri dhalinyarada Soomaaliyeed. Xasan Cali Kheyre, Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku wareejin doonaan khibradahooda marka ay majaraha ay u qabtaan dowladnimada dalkeena Soomaliya arintaasina ay hadda ka fekerayaan qaabka ay u marayaan maadaama aynaan la joogin. Hadalkaan ayuu ka sheeegay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Somalia Xasan Cali kheyre munaasabad lagu soo xerayay carwada bandhiga buugaagta ee sanadkiiba mar lagu qabto gudaha magaaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Eric Sevareid (1912-1992), the author and broadcaster, said he was a pessimist about tomorrow but an optimist about the day after tomorrow. Regarding America’s economy, prudent people should reverse that. Source: Hiiraan Online
-
The crisis between the United States and Turkey, a NATO ally and traditional bulwark of American policy in the Middle East, is serious. While the relationship between them has often been fraught, the two countries have generally managed to keep difficulties within acceptable limits. No longer. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dadbadan waxaa ay qabaan in ay adagtahay in ciidamada Somalia ay ku guuleystaan sugida amniga, taas oo ka dhigan inaan sanadaha soo aadan laga maarmi karin ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom. Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo aya maanta isbadal xoogan ku sameeyay ciidamada xooga, booliska iyo sirdoonka waana markisii labaad iyo sadexaad ee uu sidaa sameeyo. Maxamed Cali oo ka tirsanaan jiray siroonka Somalia oo hada ku nool London ayaan weydiinay sida uu arko is babadalada ciidan ee uu sameeyay Farmaajo iyo hadii uu aaminsan yahay inuu isbadal ku imaan karo ciidamada Somalia. Wuxuu aad u dhaliilay sida deg degta ah ee xilalka looga qaado madaxda ciidanka Somalia iyo nooca dadka loo dooranaayo ciidanka isagoo sheegay iney taasi dhali doonto in ciidanka Soomaaliya aaney waligood hanan amniga dalka. “In miltariga 8dii biloodba masuul cusub loo dhiibo, si la mid ah Nabad Sugida iyo Booliska waxaa ay muujineysa hogaan xumo, waxey dileysa qorshooyinkii ciidanka , waxa mar walba ka dhalan doonta habacsani iyo dib u dhac ayuu yiri. “Waxyaabaha aan la yaabnay waxaa nooca dadka la rabo iney amni keenaan ee madaxda looga dhigaayo ciidamada,waa dad aan waligood fagaaro ciidan tagin oo aan barran shaqada ciidanka, Somalia umbaa ka jirta meel xilalka ciidanka dad caadi ah lagu tijaabiyo ayuu hadalkiisa ku daray. Wuxuu sheegay inuusan ciidanku guuleysan karin hadii aan shaqada loo dhiibin dad mudan oo aan sidoo kale la siinin waqti dheer oo ay ugu saldhigaan amniga dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay garaneyso waajibaadka ka saran difaacashada Gobolka Sool oo taabacsan Somaliland. Biixi waxa uu sheegay in Gobolka Sool uu leeyahay taariikh fog isla markaana adduunka uu la socdo cida xaqa u leh Gobolkaasi Somaliland iyo Puntland. Waxa uu tilmaamay in Somaliland ay garaneyso sida ay u xoreysan laheyd Gobolka Sool, balse aysan diyaar u aheyn in rasaas ay ridaan ciidamadooda ay waxyeelo u geysato dad shacab ah. Waxa uu tilmaamay in aamusnaanta Somaliland ay ka turjumeyso lahaanshiyaha Gobolka Sool, waxa uuna cod dheer ku sheegay in ciidamada maamulka ay xor u yihiin ku noolanshiyaha Gobolka iyo difaaciisa. “Waxa aan ka hadlaayo waa wax aan anagu leenahay Sool taariikhdeeda cidna kama qarsana anigu waxa aan leeyahay difaaca Gobolka waa mid ay qeyb ka yihiin shacabka” Waxa uu tilmaamay in ciidamada Somaliland ay kusii nagaan doonaan dhammaan difaacyada deegaanka Tukaraq, waxa uuna meesha ka saaray in deegaankaasi uu ka baxaayo gacanta maamulka. Sidoo kale, Muuse Biixi, ayaa dadka Gobolka ugu baaqay inay ilaashadan dhulkooda, isaga oo awood sheegashada Puntland ku si feeyay mid aan meel fog gaarsiisneyn. Haddalka Muuse Biixi ayaa u muuqanaaya mid lagu burburinaayo rajadii laga lahaa xalinta Khilaafka labada maamul ee sababay dagaalka ka taagan Gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tukaraq. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday in amniga magaalada Muqdisho ay la wareegi doonaan ciidamo cusub oo ka duwan kuwa hadda shaqeeya. Dowladu waxa ay tilmaantay in ciidamadan ay yihiin kuwo da’yar isla markaana ka dhisan dhan waliba si ay ula dhaqmaan dadka shacabka ah. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ammaanka caasimadda ay la wareegi doonaan ciidamada aan kor kusoo sheegnay. Waxa uu tilmaamay in afartii bil ee la soo dhafay uu ammaanka Caasimaddu ahaa mid ka wanaasan sidoo hore, haatanna ay qorsheynayaan in ay nabad gelyada gobolka Banaadir ka qayb qaataan wajiga Labaad 2,000 oo ciidamo Boolis ah. Waxa uu tilmaamay in dowladu ay qorsheysay in amniga loo gacan galsho ciidamo aan wax balwad ah lahayn aadna u tababaran si ay bulshadu u hesho nabadgelyo buuxda. Waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay tallaabooyinkaasi u mareyso ka gun gaaridda ammaanka caasimadda, waxa uuna cadeeyay inay dib u habayn ku sameeyen maamulka iyo maaliyadda gobolka, isagoo sheegay in ay daadejiyeen maamulka lana gaarsiiyo degmooyinka Caasimadda. Dhinaca kale, ciidamadan oo ku jira xiliga gabagabada tababarka ayaa waxaa ay howlgalintooda ka danbeysay kadib amar kasoobaxay Ra’isul wasaare Kheyre kaa oo lagu qoraayo ciidamo cusub. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayyip Erdogan, ayaa daboolka ka qaaday in dowladiisa ay cashar lama ilaaban ah u dhigeyso dalka Mareykanka. Erdogan, waxa uu sheegay inay sii fogaan doonto rajada sanadihii danbe laga qabay xiriir dib danbe u dhexmara dowladaha Turkiga iyo Mareykanka. Erdogan, oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ah ayaa tilmaamay in Turkiga ay ka maarmi karto Mareykanka, hase yeeshee ay la socdaan in Mareykanka uusan ka maarmi Karin Turkiga. “Ka turki ahaan weynu ka maaranaa Mareykanka balse iyagu nagama maarman, weyna adkaan doontaa inaan dib xiriir ula sameyno” Waxa uu intaa raaciyay inaysan u nixi doonin Mareykanka isla markaana ay ku jawaabi doonaan mid u dhigma ficilka ay sameeyan. Erdogan, ayaa shacabka Turkiga u ballanqaaday inuusan u duleyn doonin Mareykanka, maadaama ay ku kala duwan yihiin dhaqan iyo diinba, sida uu hadalka u dhigay. Mar uu ka hadlaayay dhanka quwada ayuu sheegay inuu aaminsan yahay in dowlada Turkiga ay ka quwad badan tahay Mareykanka, balse aysan diyaar u aheyn inay banaanka soo dhigaan awoodooda. “Sida uu Trump moodo maaha arrinku waxaanu rumeysanahay in Turkiga ay ka quwad badan tahay Mareykanka” Sidoo kale, Erdogan waxa uu ku goodiyay in dowladiisa ay cashar lama ilaaban ah u dhigi doonto Trump iyo dowladiisa, waxa uuna ka digay inay kasoo gudbaan xadka loogu tallo galay, maadaama uusan jirin xiriir. Geesta kale, Erdogan ayaa shacabkiisa ku booriyay inay is baraan ka maarmida dhammaan waxyaabaha uu soo saaro Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com