Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,839
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan C/qaadir Gaafoow Maxamuud oo laga soo doorto deegaanada maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay kursigiisa. Xildhibaanka ayaa sheegay in is casilaadiisa ay tahay mid isaga u gaar ah, waxa uuna tilmaamay in Guddiga Doorashooyinka uu u gudbiyay is casilaadiisa. Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in Xildhibaan C/qaadir Gaafoow Maxamuud uu iska casilay xubinimadiisa baarlamaan oo muddo sanad iyo bar ah uu hayay. Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismail ayaa ku dhawaaqday inay bilaabeen howsha soo buuxinta 3-kursi oo ka bannaan Golaha Shacabka lagu dooranayo Beydhabo iyo Dhuusamareeb. Xaliima Ismail, waxa ay carab dhawday in kuraasta loo tartami doono ay baneeyen Agaasimaha Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Somalia Xuseen Cusmaan, Cabduqaadir Gaafow oo is casilay iyo Marxuum Khaliif Cabdullahi. Ex Xildhibaan C/qaadir ayaa la dhashay Taliyihii hore ee Nabadsugida C/llaahi Gaafoow, waxana doorashadiisa ka dhashay muran badan oo ugu dambeyn sababtay in Cadaado laga soo wareejiyo oo lagu doorto Muqdisho horaanta sanadkii 2017. Sidoo kale, kursiga uu iska casilay Ex Xildhibaan C/qaadir, ayaa la soo sheegayaa inuu u tartami doono C/llaahi Gaafoow oo ah Taliyihii hore ee Nabadsugida. Si kastaba ha ahaatee, inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa xilalka usii haya kuwo ay isku heeb yihiin oo u muuqda inay dhaxal ka dhigteen kuraasta leysku bedbedelaayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Afgooye (Caasimada Online)-War goordhow naga soo garay magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in gudaha magaaladaasi ay galeen Ciidamo uu wato Abaanduulihii CXD ee xilka laga qaaday Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood. Ciidamadan ayaa la sheegay in gaadiidka qaar ay ku wateen sahay iyo fuustooyin shidaal kuwaa oo markii ay galeen magaalada la wareegay dhufeysyo badan oo ay ku sugnaan jireen ciidamo ka tirsan dowlada. Ciidamada ayaa goortii ay galeen magaalada waxa ay bilaabeen rasaas, waxaana ilaa iyo hadda la maqlayaa rasaas goos goosa oo ay ridayaan ciidamada uu wato Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood. Dadka deeganka waxa ay soo sheegayaan in dhammaan jidadka magaalada ay maanta yihiin kuwo xirxiran isla markaana ay waddooyinka intooda badan ay ku sugan yihiin ciidamada Caanood. Abaanduulihii CXD ee xilka laga qaaday Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood iyo ku dhawaad afartan seddex gaadiid dagaal uu wato ayaa shalay ku nastay degmada Shalaalbood ee Gobolka Shabeellaha Hoose,iyaga oo xalay halkaasi ku hoyday,isla markaana saakey ay galeen degmada Marka. Ciidamada ayaa fariisin waxa ay ka sameysteen xaafado ka tirsan Marka,sida Ayuub,Beytu-raas, Owbaale iyo Xarunta Maamulka degmada Marka oo bilihii u dambeysay aheyd mid aan Shaqeyn. Sidoo kale, Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood, ayaa laga soo xigtay inay ku nagaan doonaan magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana shaki xoogan laga muujinayaa qorshaha dhaqdhaqaaq Jeneraal Caanood iyo ciidamadiisa. Si kastaba ha ahaatee, maalmihii ina soo dhaafay ayaa waxaa la hadal hayay in abaanduule Caanood uu ka careysan yahay xilka qaadistii uu kala kulmay Madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxman ayaa xil cusub u magacaabay Taliye kuixgeenkii hore NISA Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo dacwad ay kaga furan tahay Maxkamada. Guddoomiye Mursal ayaa Jaamac u magacaabay la taliye sare oo ka tirsan xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka, waxaana wareegtada magacaabidiisa ku xusneyd inuu leeyahay Khibrad iyo Waayo aragnimo. Jaamac, ayaa xilkaasi loo magacaabay hal maalin kadib markii laga qaaday xilka, waxaana soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Guddoomiye Mursal uu Jaamac u abuuray xil uu isku difaaco. Dadka ku dhow dhow Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa magacaabida Jaamac ku micneeyay arrimo dhowr ah waxa ayna badi isku raaceen in xilka cusub uu yahay mid Jaamac loogu sameynaayo awood uu ku difaacdo Naftiisa iyo Hantidiisa oo dayacmeysa haddii uu yahay xil la’aan. Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac), waxa uu horay usoo ahaa mid lasoo shaqeeyay Al-Shabaab qeybta Amniyaadka, halka afartii sano ee ugu danbeysay uu kasoo shaqeeyay Madaxtooyada Somalia iyo Safaarada Somalia ee dalka Turkiga oo markii danbe lagu eedeeyay inuu ka ganacsado Fiisooyinka, waxa ayna su’aashu tahay halka Jaamac uu ka keenay Khibrada iyo waayo aragnimada uu sheegay Guddoomiye Mursal inuu ku xushay si uu uga mid noqdo La-taliyayaasha sare ee Xafiiskiisa? Illo ku dhow dhow Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa inoo xaqiijiyay in xilka cusub uu Mr Jaamac sii heyn doono muddo aan sidaa usii fogeyn, waxaana lagu wadaa in loo magacaabo xil Safaaradeed inta laga magacaabayana uu sii heyn doono xilka la-taliyenimo. Haddaba Cabdulqadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa la xaqiijiyay in 3 sababood loogu magacaabay xilka la-taliyenimo kuwaa oo kala ah:- 1-In xilkaasi uu uga gaashanto dhinacyada mucaaradka ee uu ka danbeeyay weerarka lagu qaaday Hooyga ay ka degnaayen Muqdisho. 2-In xilka cusub uu kusii sugo xil kale oo la filaayo in dhawaan loo magacaabo, kaa oo noqon doona Safaarad. 3-In xilka cusub uu ku sharciyeysto sii heysashada Gaadiidka aanu xabada kari, Cabdi-bilayaasha iyo ciidamada uu kala tagay Hay’adda NISA. Jaamac ayaa inta uu Taliye ku-xigeenka ka ahaa Hay’adda NISA magaalada Muqdisho ka geystay weeraro badan oo lagu qaaday Hooyga Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin horay xilal uga soo qabtay dowlada, taasi oo sabab looga dhigay in looga faa’iideysan karo xil la’aanta maadaama xilkii uu hayay uu waayay, sidaana xilka la-taliyenimo loogu magacaabay. Si kastaba ha ahaatee, jaamac ayaa xiligan loo arkaa inuu leeyahay mucaarad badan oo ka dhashay weeraradii lagu qaaday Siyaasiyiinta oo kaalin weyn uu ka qaatay abaabulkooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xariga mas’uuliyiin iyo xubno kale oo ka tirsan Dekadda Muqdisho kuwaa oo loo heysto arrimo la xiriira musuq-maasuq. Xubnaha loo xiray musuqa oo ku dhow 10 xubnood ayaa waxaa ku jira Madaxii Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho Axmed Samow oo saacadihii ugu danbeysay isku dhiibay ciidamada xarunta CID-da. Xariga iyo baaritaanka lagu hayo mas’uuliyiinta iyo xubnaha kale ayaa waxaa ka hadlay ku-simaha Taliyaha Hay’adda Dambi baarista ee CID-da Bishaar Abshir Geedi. Bishaar Abshir Geedi, waxa uu sheegay in xeerilaainta ay amartay in lasoo xiro 10 ruux oo ka tirsan Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho oo lagu eedeeyay in ay lunsadeen Xoolo dadweyne, sidaana lagu xiray. Bishaar Abshir Geedi, waxa uu sheegay in ciidamada CID-da oo fulinaaya amarka Xeer ilaalinta ay xireen xubnaha oo uu sheegay in lagu hayo kiisas cadcad oo musuq ah. Bishaar waxaa uu sheegay in ay yihiin dadkaasi eedeysanayaal, islamarkaana hadda ay ku socoto Baaris lagu kala saarayo sida ay u kala danbi badan yihiin. “Xariga mas’uuliyiinta iyo xubnaha waxa uu qeyb ka yahay qorshaha lagula dagaalamaayo musuqa oo ay wado xukuumada Somalia, ma jirto cid la maagayo qofkii lagu helaa musuqa ciqaabteeda ayuu qaadan doonaa” Waxa uu Bishaar Abshir Geedi, tilmaamay in dowlada Somalia aysan khalad ku maagi doonin qof wanaagsan hase yeeshee ay wado keliya baaritaan lagu kala saarayo danbiilayasha iyo kan danbi la’aanta ah. Bishaar Abshir Geedi, waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada CID-da ay habbeenimadii xalay qabteen Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho Axmed C/llaahi Samow, kaddib markii shalay Ciidamada Booliska ay xireen ku-xigeenkiisa iyo shaqaalaha xafiiskiisa. Mas’uuliyiinta Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho oo isugu jira Madaxa Kastamka, kuxigeenkiisa iyo xubno kale ayaa xalay ku hoyday Xarunta dambi baarista CID, waxaana ku socda baaritaano la xiriira kiiska lagu soo eedeeyay ee musuq maasuq ku saabsan. Waxaa sidoo kale la xiray xubno lagu eedeeyay Musuq maasuq oo ka tirsanaa Ciidamada Ilaaladda degaanka Xamar. Talaabadan ayaa imaaneysa xili dowlada Somalia ay dhawaan ku dhawaaqday ciribtirka shaqsiyaadka musuqa ku bahoobay ee cuuryaamiyay horumarka ka jira dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay xarigga ka jaray Xarunta hoggaanka baarista danbiyada (CID) oo dib u dayactir xooggan lagu sameeyay laguna soo kordhiyay qalab casri ah oo ka qayb qaadanaya sugidda amniga iyo ka hor tagga danbiyada abaabulan. Munaasabadda uu Ra’iisul Wasaaruhu ku daah-furay xarunta hoggaanka baarista Danbiyada (CID) oo lagu qabtay gudaha xarunta ayaa waxaa kasoo qayb galay gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Wasiirka Amniga, taliyaha booliiska Soomaaliyeed, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, ku-simaha taliyada hoggaanka baarista danbiyada iyo saraakiil kale. Xarunta hoggaanka baarista danbiyada (CID) ayaa lagu dhisay barnaamijka Is-xilqaan ee uu iclaamiyay Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, kaas oo fududaynaya in bulshadu ay dhisato xarumaha muhiimka u ah horumarka dalka, iyada oo dhammaan masu’uuliyiinta kasoo qayb gashay munaasabadda daah-furka ay soo dhaweeyeen in xaruntu ay noqotay xaruntii ugu horeysay ee lagu dhiso Barnaamijka Is-xilqaan. Xarunta hoggaanka baarista danbiyada waxaa sidoo kale lagu soo kordhiyay qalab casri ah loo adeegsado ka hor tagga qaraxyada iyo fal denbiyeedyada abaabulan kaas oo fududaynaya shaqada hoggaanka baaristu uu uga qayb qaadanayo adkaynta amniga dalka. Hoggaanka baarista danbiyada oo kamid ah hoggaannada ugu muhiimsan sugidda amniga dalka, ayaa ka masuul ah dhammaan qorshayaasha baaritaanka guud oo ay kamid yihiin kiiska gacan ku dhiiglayaasha iyo qiyaanada qaran, waxaana dib u dayactirka xaruntaan iyo qalabanteeduba ay qayb ka yihiin qorshayaasha lagu hagaajinayo hannaanka sugidda amniga dalka si mawaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan nabad buuxda.
  6. Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa soo saaray wareegto ku saabsan Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka maadaam dhawaan lagu wado in la furo sannad dugsiyeedka Waxbarsho. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Xassan Maxamed Cali ayaa saxaafadda u akhriyay wareegtada ka soo baxday Wasaaradda waxaana kamid ah , si looga fogaado jahawareer ku dhaca caruurta Soomaaliyeed ee dhigta dusgiyada waxbarashada dalka islamarkana loo dhaqan geliyo siyaasadda iyo manhajka qaranka ee ay ansixiyeen golaha wasiirada. Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka 1-Manhajka, dhamaan dugsiyadda waxaa lagu dhigayaa buugagta cusub ee ku saleysan manhajka qaran kuwaasoo dhawaan idin soo gaari doona gaar ahaan fasalada hoose, koowaad iyo afraad oo ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada dalka. 2-Wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada dalka ayaa qaadi doona imtixaanka shahaadiga ee fasalka sideedaad ee loogu gudbo dugsiga dhexe, iyaga ayaana bixin doona shahaada loogu gudbayo. T,Imtixaanka fasaladka afraad waxaa qaadaya wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka. J,shahaadda dugsiyada sare waxaa laga qaadan doonaan xafiisyada wasaaradda ee dowlad goboleedyada iyo xafiiska imtixaanaadka iyo shahaadooyinka oo ay ka heli doonaan ardeyda gobolka Banaadir. 3- Sannad dugsiyeedka xiligiisa. Dhamaan dugsiyada waxay galayaan labo xili oo kala ah xiliga koowaad wuxuu bilaaban doonaa bisha Ogosto sabtida ugu horeysay wuxu dhamaan doonaa todobaadka saddexaad ee bisha December ee sannad walba, sannad dugsiyeedka labaad, wuxuu bilaaban doonaan Sabtiga ugu horeeya ee bisha janaayo wuxuuna dhamaan doona todobaadka ugu dambeeya ee bisha maaj. 4-Afafka lagu baranayo manhajka. Dugsiyada hoose dhexe waxay wax ku baran doonaan afka Soomaaliga. Afka carabiga waxaa maado ahaan laga bilaabayaa fasalka koowaad dugsiga hoose. Afka Ingiriiska maado ahaan waxaa lagu bilaabaya fasaladka sadddexaad dugsiyada hoose. Dugsiga sare waxaa wax lagu baranayaan Afafka Soomaaliga, Carabiga iyo ingiriiska iyadoo la raacayo manhajka qaranka. 5- Fasaxyada sannad dugsiyeedka waxaa la raacayaa kalandarka wasaaradda ay soo saartay sannad dugsiyeedka. Dugsiyada sare wuxuu qaadan doonaa 10 maado. Dugsiga dhexe wuxuu qaadan 8 maado. Dugsiga hoose wuxuu qaadan 8 maado. Dugsiga sare wuxuu qaadan doonaa 10 bilood Dugsiga dhexe wuxuu qaadan doonaa 10 bilood. Dugsiga hoose wuxuu qaadan doonaa 10 bilood. DHAMAAD
  7. Hargeysa (Caasimada Online)-Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka isutaga Imaaraadka carabta ayaa muddo dheer kadib qalabkii ugu horeyay geysay Dekadda Berbera oo idinkii lagu bixiyey uu yahay mid weli lagu muransan yahay. Shirkada DP World oo heshiiska ballaarinta Dekadda uu ka dhamaaday ayaa asbuucii hore dalbatay in loogu darro laba sano oo dheeri, taasi oo keentay inay soo dadajiso qalabka lagu hormarin lahaa Dekadda si wakhti dheeri ah loo siiyo. Qalabka ay Shirkada DP World geysay Dekadda Berbera ayaa waxaa ku jira qalab casri ah oo suuragalin kara in Dekadda ay kusoo xirtaan Maraakiib badan, kuwaa oo la filaayo in lagu hormarin doono guud ahaan Dekadda oo aan sanado badan helin dayactir. Qalabka markii ugu horeysay la geeyay Dekadda ayaa waxaa la socda Injineero la wareegi doona dayactirka Dekadda oo wakhti qaadan doonta. Injineerada ayaa xooga saari doona goobaha loogu tallo galay inay ku xirtaan Maraakiibta rarka sida iyo wax ka bedelka muuqaalka guud ee Dekadda. Hoos ka daawo qalabka ay Shirkada DP World geysay Dekadda Berbera iyo qorshooyinka laga damacsan yahay:
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo sanado badan kadib ay heshiis kala saxiixdeen dowladaha Somalia iyo Eriterea ayaa waxaa heshiiskaasi taarikhiga ah markii ugu horeysay ka hadlay Dowladda Ruushka. Dowladda Ruushka,ayaa sheegtay in heshiiska Somalia iyo Eriterea uu muhiim u yahay xasiloonida Gobolk. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Ruushka ayaa lagu sheegay in xiriirka diblumaasiyadeed ee u biloowday dalalka Somalia iyo Eritrea uu muujinaayo in Africa ay indhaha kala qaadey xili laga deyrinaayay xasiloonida ka jirtay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay. Waxaa qoraalka Wasaarada lagu sheegay in dowladda Ruushka ay baqdin ka qabto in dhexda loo galo isku soo dhawaanshaha dowladaha Africa oo iyagu u kala jabay Khaliijka, hase yeeshee ay aad usoo dhaweynayaan isbedelka ay ku talaabeyso Somalia. Waxaa qoraalka lagu sheegay in xiriirka cusub ee labada dal xitaa ay faa’iido u tahay dalalka deriska la ah Somalia iyo Eriterea. Ruushka waxa ay tilmaantay in Heshiiska labada dal uu horseedi karo is dhexgal labada shacab iyo in la hormariyo xiriirka diblumaasi iyo kan Ganacsi. “Isbedelka dhacay waxa uu mustaqbal wanaagsan u yahay labada dal iyo guud ahaan Gobolka, waxa uu horseedi doonaa iskaashi dhan waliba ah” Dowladda Ruushka ayaa farta ku fiiqday sida ay muhiim u tahay in Dalka Eritrea uu dib ugu laabto xubinnimada Urur Goboleedka IGAD,kaas oo ay muddo dheer ka maqneyd. Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhamaadka bishii la soo dhaafay booqasho 3 cesho qaadatay ku tagay Dalka Eritrea,waxaana uu halkaas heshiis ka koobaan afar qodob kula saxiixday dhiggiisa Eritrea. Geesta kale, todobaadkii la soo dhaafay Wafddi uu hoggaaminayay Wasiirka arrimaha dibadda Erittea Cismaan Salax ayaa booqasho labo cesho qaadatay ku yimid Muqdisho, taa oo Ruushka ay ku micneysay mid kamid ah isbedelada Gobolka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. The digital economy has certainly changed the way business is conducted worldwide and how we live our lives. Source: Hiiraan Online
  10. A Yemeni journalist was killed while covering ongoing clashes between government forces and Houthi rebels in the central Al-Bayda province on Saturday. Source: Hiiraan Online
  11. Human Rights Watch called on the government of Ethiopia to address killings in Somali region, the eastern part of the country and in Oromo region of Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  12. World Food Program (WFP)'s Ethiopia Country Director, Steven Were Omamo and United Nations Children's Fund (UNICEF) Representative in Ethiopia, Gillian Mellsop on Saturday called for scaling up of efforts to those affected by unrest in Somali regional state located in eastern part of Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  13. Prices of sacrificial animals were high at Dubai’s main cattle market on Friday, just days ahead of Eid Al Adha, which starts on Tuesday in the UAE. Source: Hiiraan Online
  14. Masuuliyiin katirsan Kastamka Canshuuraha Dekada Weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa xabsiga la dhigay kadib markii lagu eedeeyay Musuq maasuq. Ciidamada amaanka ayaa xabsiga u taxaabay ku dhowaad 6 Nin oo kamid ah masuuliyada Dekada Muqdisho. Masuuliyiinta la xeray waxaa ku jira Axmed C/llaahi Samow oo ah Gudoomiyaha Kastamka Canshuuraha Dekada Muqdisho iyo ku xigeenkiisii. Axmed Soomoow oo la hadlay Warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in lugihiisa uu ku tagay Xarunta dambi baarista ee CID-da. Soomoow ayaa qiray in lagu heeysto Canshuuro la isdaba mariyay oo si qaldana loo isticmaalay. Baaritaano ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah la marsiiyo islamarkaasina wax laga weeydiiyo eedeeyamaha musuq maasuq ee loo soo xeray. Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wado dadaalo ay kaga hortageeyso Musuq maasuqa. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Faah Faahin Masuuliyiintii Canshuuraha Dekada Muqdisho oo La Xeray appeared first on Puntland Post.
  15. Somali President Abdullahi ‘Farmajo’ Mohamed, has appointed Zakia Hussein to the position of general and deputy chief of the Somali Police Force. Source: Hiiraan Online
  16. A man accused of crashing his car into the security barriers surrounding Britain's Houses of Parliament was charged Saturday with attempted murder, police said. Source: Hiiraan Online
  17. Voters in Tuesday’s primary election put Minnesota’s first all-female U.S. Senate contest on the Nov. 6 ballot and increased the odds that the state will for the first time send a woman of color to the U.S. House, two signs of a national “pink wave” of women candidates running this year. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Fahad Yaasiin oo labo maalin ka hor loo magacaabay talige kuxigeenka hay’addda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa sabtidii (18-09-18) kulankii ugu horeeyay la qaatay taliyeyaasha sare ee NISA, saraakiil waaxeedyada iyo shaqaalaha sare ee NISA. Kulankaasi oo ahaa mid isbarasho iyo xog kala qaadasho ayaa saraakiishii kasoo qeybgashay kulankaasi waxaa ka mid ahaa taliyaha guud ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen, iyo taliyeyaasha laamaha kala duwan, wuxuuna Fahad Yaasiin mid mid u bartay saraakiisha iyo shaqaalaha xafiisyada kala duwan ee xarunta NISA. Sidoo kale, wuxuu kormeer ku sameeyay kontoroolada laga soo galo xarunta NISA ee Habar Khadiijo, isla markaana uu si gaar gaar ah ula hadlay taliyeyaasha ku shaqada leh kontoroolada laga ilaaliyo xarunta NISA. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa caasimada u sheegay in waxyaabihii uu kala hadlay taliyeyaasha NISA iyo howlwadeenada NISA in ay ka mid ahaayeen qorshaha uu damacsan yahay in uu kusoo kordhiyo NISA iyo codsi uu hordhigay howlwadeenada isagoo ka dalbaday in lala shaqeeyo. Kulamadaasi kadib,Taliyaha guud ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen iyo kuxigeenkiisa cusub Fahad Yaasiin ayaa kulan gaar ah wada qaatay, iyadoo aan la ogeyn waxyaabihii ay ka wada hadleen. Waxaa la ogsoon yahay in ay jirto fadeexad dhawaan ka dhex dhacday gudaha xarunta NISA, taasoo muujineysay in la jabsaday xafiiskii taliye kuxigeenkii xilka laga qaaday Cabdalla Cabdalla Maxamed, balse baaris la sameeyay kadib lagu ogaaday in uu ka danbeeyay talige kuxigeenkii xilkiisa waayay oo khilaaf uu kala dhaxeeyay taliyaha guud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Whether Mohamed Abdirahman Osman is a refugee who lied about terrorist links to get immigration benefits or if he's been wrongly targeted by a flawed government investigation that matches the Trump administration's rejection of certain refugees is being played out in a Tucson courtroom. Source: Hiiraan Online
  20. Hisham Mostafa briefly forgot the war in Syria and his financial worries as he looked upon Islam’s holiest sites for the first time, standing among hundreds of thousands of white-clad Muslims gathered in Mecca ahead of the haj pilgrimage. Source: Hiiraan Online
  21. The racist white man who was seen in a viral video assaulting a Ugandan worker at Grand Imperial Hotel in Kampala has reportedly been arrested. Source: Hiiraan Online
  22. Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta bilaabay la xisaabtanka wasiirrada ee sannadlaha ah si loo qiimeeyo hawlaha wasaaradaha uga hir-galay qorshayaashii u degsanaa ee ay ahayd in ay fuliyaan. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa shaqsi shaqsi ula fariistay wasiirrada Waxbarashada, Gargaarka, Biyaha iyo korontada, Haweenka iyo Xuquul Insaanka, Caafimaadka, Batroolka iyo Macdanta, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxaana wasiir waliba oo kamid ah lasoo hor-dhigay qorshayaashii lagu ballamay in uu fuliyo, iyada oo wasiirrada ku cusub xukuummadda uu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay diyaarinta qorsha hawleedkooda. Wasiirrada soo gudbiyay qorshayaashii ay ku guulaysteen ayaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxa ay u gudbinayaan qorsha hawleedkooda oo qoran si isla xisaabtanka sannadka xiga loogu qiimeeyo wixii uga qabsooma. La xisaabtanka wasiirrada ee maanta bilaawday waxa uu socnayaa inta dhammaan wasiirrada xukuummadda uu Ra’iisul wasaaruhu ka hubinayo uuna ka qiimaynayo sida mas’uuliyaddii la saaray ay u guteen iyo in la ogaado caqabadaha jira si loo xalliyo. Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka warbixiyay isla xisaabtanka Ra’iisul Wasaaraha ee wasiirrada ayaa yiri, “Waxaa maanta dib noogu billaawday isla xisaabtankii sannadlaha ahaaa, waxa aan dib u eegnay wixii u qabsoomay iyo dadaalkii ay sameeyeen wasiirrada, waxaa kale oo maanta joogay wasiirra cusub oo loogu tala galay in la qabsadaan sifada uu Ra’iisul wasaaruhu ula fal galo si ay u samaystaan qorsha hawleedkooda ku salaysan argatida fog oo ku qotonta wasaaradaha loo dhiibay”. Ra’iisul wasaaraha ayaa sannadkii hore sidaan oo kale mid mid ula fariistay wasiirrada si ay isula ogaadaan qorsha hawleedka wasaarad waliba si loogu korjoogteeyo, waxa uuna isla-xisaabtankaani qayb ka howlaha kor-joogtaynta iyo dabagalka lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha si looga mira dhaliyo qorshaha xukuummadda ee ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Maanta Billaabay La xisaabtanka Sannadlaha Ah Ee Wasiirrada appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in la xiray Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho Axmed C/llaahi Samow kaddib markii maanta Ciidamada Booliska ay xireen kuxigeenkiisa iyo shaqaalaha xafiiskiisa. Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda, ayaa la sheegay inuu isku dhiibay ciidamada Xarunta dambi baarista ee CID, halkaasoo galabta lagu xiray xubnaha kale oo ka tirsan xafiiskiisa kuwaa oo loo xiray musuq ay geesteen. Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho ayaa Xafiiskiisa ka baxsaday ka hor inta aysan ciidamada xirin mas’uuliyiinta kale, waxa uuna markii danbe is geeyay xarunta baarista ee CID-da. Axmed Samow oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in uusan baxsad aheyn, isagoo xusay in xiliga ay Ciidamada Booliska tageen xafiiskiisa uu ku maqnaa arrimo caafimaad, sida uu hadalka u dhigay. Mas’uuliyiinta Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho oo isugu jira Madaxa Kastamka, kuxigeenkiisa iyo lix kale ayaa iminka lagu baarayaa Xarunta dambi baarista CID, waxaana ku socda baaritaano la xiriira kiiska lagu soo eedeeyay ee musuq maasuq ku saabsan. Si kastaba ha ahaatee, Dekedda Muqdisho ayaa ka mid ah ilaha dhaqaale ee dowladda, waxaana waayadii ugu danbeeysay musuqa ka dhex socday isha ku hayay xafiiska Hanti dhowraha oo howlahaasi qaabilsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa howlwadeeno ka tirsan Dekadda Xamar oo maanta lagu xiray xarunta dambi baarista ee CID-da kuwaa oo lagu eedeeyay inay geesteen musuq. Mas’uuliyiinta iyo Xubnaha la xiray ayaa caawa ku baryaaya xarunta dambi baarista ee CID-day waxaana halkaa caawa ka jira mashquul badan. Xubnahaani oo lix ah kana tirsan waaxda Canshuuraha ee dekadda Muqdisho ayaa su’aalo lagu weydiinayaa xarunta waxaana halkaa ku sugan Taliyayaal iyo Saraakiil ciidan oo qeyb ka ah baarista lagu hayo mas’uuliyiinta iyo xubnaha u xirsan musuqa. Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali kheyre ayaa sidoo kale caawa ku sugan xarunta dambi baarista ee CID-da oo halkaa kulamo kula qaadanaaya Taliyayaasha iyo Saraakiisha wada baarista. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sidoo kale dhageysanaaya mas’uuliyiinta iyo xubnaha maanta loo xiray musuqa kuwaa oo lagu su’aalayo isla xarunta. Wadooyinka gala Xarunta dambi baarista ee CID-da ayaa waxaa Caawa la dhigay Ciidamo ka kala tirsan Booliska iyo Koofi casta ilaalada u ah Ra’isul wasaare Xasan Kheyre. Sidoo kale, Gawaari farabadan oo ay leeyihiin madax ka tirsan dowlada ayaa ku sii qul qulaya xarunta CIDA-da, iyada oo loo sababeynayo arrinta la xiriirta mas’uuliyiinta Gabaldhicii Caawa xaruntaas lagu xirey. Geesta kale, mas’uuliyiinta la xirey ay maalmahaani waxaa baaris ku hayey xafiiska hanti dhowrka qaranka, balse maanta loo xiray musuqa kadib markii uu soo idlaaday dabagalka lagu hayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Doha (Caasimada Online)-Xukuumada dalka Qatar ayaa markii ugu horeysay ku eedeysay dowlada sacuudiga in muwaadiniin badan oo ka soo jeeda dalkeeda ay si cad uga mamnuucday inay xajiyaan sanadan. Xukuumada Qadar, waxa ay tilmaantay in Sacuudiga uu weli siyaasadeynayo cibaadada, iyagoo sanadkan 2018 ogolaaday in 1,200 xujey ay gutaan waajibaadkooda xajka. Xukuumada Qatar waxa ay sheegtay in aysan suura gal aheyn in la koobo dadka ka qeyb galaya munasabadan diimeed. Dowlada Sacuudiga waxa ay sidoo kale Muwaadiniinta Qatar ee Xajka u taga dalkaas u diiday inay u kala gooshan magaalooyinka dalkaas, balse dowlada sacuudiga ayaa ku andacootay in arimahan aysan shaqo isku laheyn Xujeyda oo tahay wax iska caadi ah. Boqortooyada sacuudiga dowlada imaaratka Bahreyn iyo Masar ayaa xiriirkii ay la lahaayeen Qadar Jaray Bishii June,kadib markii uu fashilmay weerar la doonayay in lagu qaado Maamulka Dooxa. Bishii June ayaa wasaarada Xajka sacuudiga waxay ku dhawaaqday in ay Furtay website ay iska diiwaan galiyaan xujeyda dalkaas waxaana Arintaan mid aan suura gal aheyn ku tilmaamay mas,uuliyiinra Qatar. Dhinaca kale, Abdullah al-Kaabi oo u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa waxa uu sheegay in dowlada sacuudiga ay albaabada isugu dhufatay shirkadihii ka shaqeyn Jiray Xajka ee dalka Qatar. Caasimada Online Xafiiska Doha Caasimada@live.com