-
Content Count
214,905 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho[Puntland Post] Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaliya ayaa ciidamada uga digtay in qof shacab ah oo aan hubeysnayn ayaa dilaan, Xilli mararka qaarkood dad shacabka ah ay ka cabanayaan dhibaatooyin isugu jira dil iyo dhaawac oo ay u geysanayaan ciidamada Dowladda. Guddoomiyaha Maxkamada darajada 1aad ee ciidamada qalaba sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in askarigii dila qof shacab ah oo aan hebaysnayn oo lagu helo in sharciga la soo taagi doono. Waxa uu sheegay in ciidamada looga baahan yahay in dadaalka ay bixinayaan aysan ku dheelin hal qof iyo laba qof,i sla markaana muhiim ay tahay in dadka ay helaan amni. “Runtii ujeedka aad u dagaalameysaan waxaa la rabaa in uu noqdo in dalkaan uu ahaado mid nabad ah, ma ahan in dadka shacabka ah ay idinka ordaan markii ay idin arkaan, balse laga rabo inay idiin soo ordaan, ha ahaado shacab caadi ah, Ganacsade iyo cid walba” ayuu yiri Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Dageyso_-Maxkamada-Ciidamada-Qalabka-sida-oo-uga-digtay-Ciidamada-dilalka..-1.mp3 Cabdiqani Boos Puntland Post The post Maxkamada Ciidamada Soomaaliya oo u digtay Ciidamada appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ciidamada isku dhafka maamul Goboleedyada ay hogaamin doonaan amniga Gobolada dalka. Shariif Xasan, waxa uu sheegay in ciidamada isku dhafka la sameyn doono ay uga kaaftoomi doonaan kuwa dowlada Somalia ee ka howlgala Gobolada. Waxa uu sheegay in heshiiska rasmiga ah uu yahay in ciidamada ay dhisan doonaan ay xooga saari doonaan danaha maamul Goboleedyada, waxa uuna meesha ka saaray inay ku tashanayan dowlada Somalia. “Sameynta ciidamada cusub waxa ay tijaabo u tahay ka kaaftoomida dowlada Dhexe, amniga gobolada waa mid inaga na khuseeya waxba kama khuseeya dowlada” “Dowladu wey ka jawaabi weysay baahida ku aadan inay naga saarto Al-Shabaab, waxa aanu go’aansanay inaan ka kaaftoono baahida dowlada” Sababta ugu weyn ee Ciidankaasi loo Aasaasayo ayuu ku sheegay in ay tahay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Hoggaamiye Shariif Xasan ayaa wajahaya loolan adag oo dhinaca doorashada ah taas oo la filayo in ay dhacdo 17ka Bish November ee soo socota. Geesta kale, musharrixiin badan ayaa ku qul qulaya Magaalada Baydhaba kuwaas oo doonaya in ay u tartamaan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Magaalada Muqdisho waxaa ka da’ay xalay illaa iyo saakay roobab iyadoo sidoo kalena habeennadii ugu dambeeyey sidan oo kale magaalada uga da’ay roob qabow wata. Hadaba roobabkan ayaa saameyn ku yeeshay dadka barakacayaasha ah ee ku nool xeryaha dadka soo barakacay ee Muqdisho. Nuurto Cali waxa ay ka mid tahay dadka kusoo barakaca Muqdisho, waxay sheegtay in roobkii xalay illaa iyo saakay da’ayey uu dushooda ku dhammaaday, iyadoo aan haysan meel ay gambaad ka dhigtaan. Waxa ay sheegtay Nuurto in ay ka qoyeen dhammaan dharkii, cuntadii iyo meeshii ay seexanayeen, sababtuna waxay tahay guryaha ay deggan yihiin oo ka sameysan cooshado aan biyaha celin karin. Sidoo kale, barakacayaal ku sugan Muqdisho ayaa dhibaatooyin kala kulmay roobabkii da’ay waxayna dhammaantood si mid ah uga codsadeen dowladda federaalka Soomaaliya in gurmad ay lasoo gaarto. Xilli roobeedka ayaa aad u saameeya dadka barakacayaasha ah oo aan jirin gurmad ay ka helaan dowladda iyo hay’adaha samofalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo sabti ah yeeshaan kulankoodii caadiga ahaa, waxaana kulankan looga hadli doonaa Hindise sharciyeedka maamulka iyo maaliyadda. Ajendaha kulankan ayaa ah akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedkan, iyadoo xiuldhibaannada ay dood ka yeelan doonaan. Hindise sharciyeedka maamulka iyo maaliyadda ayaa soo maray Akhrintiisii Koowaad, iyadoo Akhrinta Labaadna maanta uu mari doono. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
An African association is seeking to foster commercial and cultural links between Turkey and seven East African nations. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu-based Premier Bank and Somali business support organisation iRise Hub yesterday launched a $1-million fund aimed at backing the country’s startups. Source: Hiiraan Online
-
Imaam Cabdullaahi Khaliif Rooble oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay khilaafka dowladda Soomaaliya iyo maamullada. Wuxuu soo jeediyay in Labada dhinac ay miiska wada hadalka isugu yimaadaan si loo xalliyo tabashooyinka jira. Imaam Cabdullaahi ayaa dhanka kale soo hadal qaaday dhowr caqabado oo ka dhallan kara khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada haddii uu sii taagnaado. Waxa uu sheegay Imaamka haddii aan xal la gaarin in ay ka dhalan karto dowlad la’aan iyo sidoo kale waxqabad la’aan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/IMAAM-CABDULLAAHI-KHALIIF-26-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaalada Muqdisho maanta oo ay taariikhdu tahay 27-ka October 2018 waxaa ka dhacaya Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo muddo dheer kadib Soomaaliya kulan ku yeelanaya. Madaxda ka socoto Dowladaha 1- Azerbaijan, 2- Brunei, 3- Djibouti, 4- Egypt, 5- Gabon, 6- Iran, 7- Kuwait, 8- Malaysia, 9- Pakistan, 10- Qatar, 11- Saudi Arabia, 12- Sudan, 13- Turkey, 14-UAE iyo 15- Yemen iyo Soomaaliya oo martigelineysa . Wafuud kala duwan ayaa saacado is xig-xigay ku soo gaaray Magaalada Muqdisho, si ay ugu qayb galaan kulankooda Maanta. Xalay waxa ay wararku sheegayaan in Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ay soo caga dhigteen Diyaarado ay saarnaayeen qaar ka mid ah Xubno Shirka ka qayb galaya. Ururka Iskaashiga Islaamka waxaa la aas-aasay 25-kii September sanadkii 1969-kii, waxaana xubno ka ah 57-Dal. Gelinka hore ee maanta waxaa shir gaar ah yeelanaya Wasiirada Arrimaha Dibadda Ururka Iskaashiga Islaamka oo badi kulma ka hor inta aan dhicin shirka guud ee Ururka. Shirkan ayaa noqonaaya kii u horeeyay ee ay marti geliso Soomaaliya, sida lagu go’aamiyay qaraar ka soo baxay shirrkii 44aad iyo 45aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalooyinka Abidjan ee dalka Ivory Coast iyo magaalada Dhaka ee Bangladesh. Shirka ayaa ka dhacaya Xerada Xalane oo ah meel aad loo adkeeyay Ammaankeeda, waxaana la diyaariyay Hoolka kulanka uu ka dhacayo.
-
Kal-fadhigii u dambeeyay ee Baarlamanka Puntland ayaa kooram la’aan u furmi waayay,,sida uu xaqiijiyay guddoonka golaha wakiilada. In ta badan xubnaha Baarlamanka ayaa ku kala maqan degaannada laga soo doorto,si ay mar kale kursiga u helaan,taasi oo sababtay kooram la’aan,sida uu sheegay guddoonku. Dhinaca kale xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka ayaa Puntland Post u sheegay in kooram la’aanta ay qeyb ka yihiin mudanayaal soo diyaariyay mooshin Dastuurka lagu furayo,balse markii guddoonku mooshinkaasi laalay iyguna diiday in soo xaadiran kal-fadhiga. Kal-fadhigan ayaan noqon lahaa kii ugu dambeeyay oo ay yeeshaan xildhibaannada Baarlamanka Puntland ee xil-hayntoodu dhammaatay,waxaana ajandihiisa ugu muhiimsanaa ansixinta miisaanadda saddexda bilood ee u horreeyay sannadka 2019. Miisaaniyaddaas ayaa mudnaan gaar ah u leh Puntland,maadaama ay tahay miisaaniyadda ay dowladdu ku shaqeyso saddexda bilood ee kala guurka ah(labada xukuumadood is-beddelayaan). PUNTLAND POST The post Muxuu u furmi waayay kal-fadhiga Baarlamanka Puntland? appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa guud ahaan xiran wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ee caaasimada Soomaaliya. Wadooyinkaasi waxaa subixii hore ee saakay la soo dhoobay ciidamo katirsan kuwa dowlada iyo AMISOM. Wadooyinka xiran waxa ay kala yihiin Makka Al-Mukarama , Wadnaha , Wadda Sodonka iyo Warshadaha. Gaadiidka ayaa loo diidayaa in ay isticmaalaaan wadooyinkaasi iyaga oo isticmaalaya wadooyin qarda Jeex ah. Sababta loo xiray wadooyinka ayaa ah Muqdisho oo maanta ka furmayo shirka iskaashiga wadamada Islaamka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wadooyinka Muqdisho oo guud ahaan xiran appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho-[Puntland Post] Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa lagu waddaa in saacaddaha soo socda ka furmo magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.. Shirkaan ayaa waxa ka qeybgali doona 15 dal waxana qaarkood ay ku sugan yihiin Muqdisho, halka kuwa kalena saaka lasugayo. Shirkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ay marti geliso Soomaaliya, sida lagu go’aamiyay qaraar ka soo baxay shirrkii 44aad iyo 45aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalooyinka Abidjan ee dalka Ivory Coast iyo magaalada Dhaka ee Bangladesh. Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa nabadgelyada iyo xasiloonida Soomaaliya, waxaana ka qeyb geli doona illaa 15 dal. Dhinaca kale wadooyinka Muqdisho qaarkood ayaa saaka xiran waxaana gaadiidka shacabka loo diiday in ay maraan, kaliya waxaa loo ogal yahay gadiidka dawalada ama ay ciidamadu isticmaalayaan. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Muqdisho oo saaka Marti galinaysa shirka ururka Iskaashiga Islaamka appeared first on Puntland Post.
-
A while ago, I was attending a beginning-of-the-school-year pageant. Several hundred of us were jammed in my daughter’s private granola school gymnasium for the obligatory autumn pontifications. Source: Hiiraan Online
-
Turks and Saudis have been enemies for centuries. Now the Khashoggi investigation has rekindled their fierce rivalry—and may upend the politics of the Middle East Source: Hiiraan Online
-
Recently, the New York Times reported that Donald Trump won't give up his iPhones despite the fact he's been told that Chinese and Russian spies are eavesdropping on him. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa saakay xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha intaba. Waxaa waddooyinka lagu arkayaa ciidamo Booliis ah oo gaadiidka ku wargelinaya inaanay halkaasi mari kari, wallow shacabka si caadi ah u lugeynayaan. Wararka ayaa intaasi ku daraya in meelaha xiran ay ka mid yihiin wadada Makka Al-mukarrama iyo dhammaan jidadka soo gala wadadaasi. Sababta waddooyinka loo xiray ayaa ah shir ballaaran oo dhowr dal ka qeybgalayaan oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho. Shacabka magaalada Muqdisho oo aan la sheekeysannay qaarkood waxay sheegeen in ay kusoo talogaleyn in maanta la lugeynayo kadib markii shalay ay maqleen in shir Muqdisho ka furmi doono. Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa la xiraa inta badan xilliyada ay jiraan shirarka muhiimka ah ay dalka imaanayaan wufuud caalami ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Strasbourg (Caasimada Online) – Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha Yurub, ee fadhigeedu yahay magaalada Strasbourg ee dalka France, ayaa xukuntay in “in la aflagaadeeyo nebi Muxammed SCW aysan qeyb ka ahayn xoriyadda hadalka” “Aflgaadeynta nebiga NNKH waa ay ka baxsan tahay xadka la ogol yahay ee hadalka qofka, sababta oo ah waxa ay dhalin kartaa naceyb, islamarkaana halis gelin kartaa nabadda diimaha” ayay maxkamadda ku tiri xukunkeeda. Go’aankan oo ay gaareen toddoba garsoore ayaa yimid kadib markii haweeney u dhalatay dalka Austria oo magaceeda lagu soo gaabiyey Mrs. S, nacalad ha ku dhacdee, ay sanadii 2009 qabatay laba siminaar, kuwaasi oo ay ku aflgaadeysay suubanaha. Maxkamadda ayaa sheegtay in hadalladii haweeneydan aysan qeyb ka ahayn xoriyadda, islamarkaana hadalkeeda loogu qiil dayey in lagu carro geliyo muslimiinta, ayada oo si guud magacooda loogu dhaawacayo xaqiiq la’aan. Maxkamad ku taalla dalka Austria ayaa sanaddii 2011 haweeneydan ku ridday xukun ah inay aflagaadeysay diin, waxaana ay ku ganaaxday 548 dollar. Haweeneydan ayaa kadib racfaan u qaadatay maxkamadda xuquuqda aadanaha Yurub, ayada oo adeegsanaysa xeerka 10, ee xoriyadda hadalka Yurub, racfaankaas oo hadda ay ku guul-darreysatay. Xukunka Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha Yurub ayaa macnihiisu yahay inuu hadda kadib ka hor-tagayo in aflagaadeynta nebiga NNKH iyo diinta Islaamka, aan loogu soo gabban karin xoriyadda hadalka. Caasimada Online Xafiiska Paris Caasimada@live.com
-
Kooxda xiriirka Soomaaliya( contact group on Somalia) ee ka tirsan ururka Islaamiga OIC ayaa maanta shir lagu sheegay kulan heer wasiirro ah ku qaban doona magaalada Muqdisho. Kulanka oo xoogga lagu saarayo nabadda, dhismaha dowladnimada iyo sidii xasilooni iyo dimoqoraadi looga hirgelin lahaa Soomaaliya ayaa waxaa Villa Somalia u matalaya wasiirka arrimaha dibadda, iyada oo golaha ammaanka loogu baaqi-doono inay cunaqabateynta hubka gebi ahaanba ka qaadaan Soomaaliya. Isu imaatinkan, waa mid ku kooban kooxda(contact group on Somalia) ee dalalka ku jira , kooxdan waa kuwoo daneeya arrimaha Soomaaliya, waxaa ay si joogta ah u kulmi jireen sanadihii tagay. Dalalka urur Islaamka oo ka kooban 57 dal ayaa waxaa ay leeyihiin kooxaha Contact group ee dalalka Mali, Somalia, Yemen, Bosnia Herzegovina iyo dalal kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyey dowladda Turkiga inay abaal-marin siisay “sarkaal Muqdisho ku xasuuqay ciidamo” Qoraal uu soo dhigay facebook ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku sheegay inay la yaab tahay in Turkiga oo ka cabanaya dilka suxufi Jamal Khashoggi ay “ninkii Muqdisho ku xasuuqay ciidan Soomaaliyeed, kabahana ku aasay ay abaal marin siiso” Ninka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka hadlayo ee Turkiga abaal-marinta siiyey ayaa ah taliyihii hore ee nabad-sugidda gobolka Banaadir Saadaq John. Selami Türker, oo ah madaxa ciidamada gaarka ah ee booliska Turkiga oo dhowaan Muqdisho booqday ayaa la kulmay saraakiisha booliska, oo uu ka mid yahay Saadaq John, wuxuuna siiyey abaal-marin aan la shaacin. Saadaq John iyo ciidamadii hubeysnaa ee NISA ayaa dhowaan lagu daray ciidamada booliska. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Saadaq John ku eedeeyey inuu qeyb ka ahaa ciidamadii NISA ee weeraray gurigiisa sanadii tagtey, halkaasi oo lagu dilay qaar ka mid ah ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhameystiran hoos ka aqriso.
