-
Content Count
210,036 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jigjiga (Caasimadda Online) – Ciidamada dowladda Federaalka ee Itoobiya ayaa la wareegay dhammaan goobaha muhiimka ah ee ku yaal Magaalada Jigjiga ee Xarunta Maamulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Guud ahaan Magaalada ayaa waxaa saaka laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u badan iyo kuwa siyaasadeed. Baarlamaanka Maamulkaas ayaa Maanta halkaas ku yeelanayo kulan xasaasi ah oo la doonayo in wax looga badalo qodobo ka mid ah dastuurka Maamulkaas u dajisan. Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay is khilaafeen Madaxda Maamulkaas waxayna arrintaas sababtay in Maanta ciidamo lagu soo daadiyo . Meelaha ay la wareegeen ciidamada Itoobiya ayaa waxaa kamid ah xarunta Baarlamaanka iyo Xarunta Telefishinka ESTV. Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa la sheegayaa inuu damacsan yahay inuu ku dhawaaqo madax banaani, inkastoo wararkan uu yahay mid aad isu soo tarayay. Xiisada saaka ka jirta Jigjiga ayaa timid, maalin kaddib markii magaalada Diri-dhaba uu ka dhacay shir ay isugu yimaadeen dhinacyo ka soo horjeeda Maamulka uu hoggaamiyo Cabdi Maxamuud Cumar Tan iyo markii uu is bedelka siyaasadeed ee dhanka awoodda uu ka dhacay Itoobiya ayaa waxaa yaraaday awooddii maamulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya uu hoggaamiyo Cabdi Maxamuud Cumar, gaar ahaan xiriirkii uu la lahaa dowladda Dhexe. Ra’isulwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed ayaa badalay dhammaan qaababkii siyaasadeed oo ay dowladdii hore kula macaami jirtay maamulada ka jiro deegaanadaas, waxaana muuqato in markaas culeys xoog leh lasoo saaray ismaamulka Soomaalida ee uu hoggaamiye Cabdi Iley. Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah
-
Garoowe (CaasimadaOnline)-Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar (Camey), ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay si gaara u ugaarsan doonto Saraakiisha hogaamisa ciidamada Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool. Cameey, waxa uu sheegay in Gobolka Sool uu ka dagi la’ yahay Saraakiisha Somaliland oo uu sheegay inay ka dhigteen goob loo soo dalxiistago. Waxa uu tilmaamay in fidnada ugu badan ay tahay mid kaga imaaneysa Saraakiisha,waxa uuna cadeeyay imay cuuryaamin doonaan kuwa ugu caansan ee caqabada ku ah xasiloonida Gobolka Sool. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar (Camey), waxa uu cadeeyay mar uu magaalada Garoowe shir kula qaadanaayay Saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka in Puntland aysan u kala soocnaan doonin ciidamada rasaasta kusoo ridaaya ee Somaliland, Saraakiishooda iyo madaxdooda usoo dalxiistaga Gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tukaraq. Waxa uu Cameey cadeeyay in dagaalka ka socda Tukaraq aanu ku ekaan doonin ciidamada Somaliland balse uu saameyn doono xitaa Saraakiisha ku sugan Sool ee kasoo jeeda Somaliland, isagoo ugu baaqay inay isaga baxaan deeganka, ka hor inta aysan la kulmin dhibaato. Sidoo kale, waxa uu Cameey Saraakiisha u sheegay in laga doonaayo inay ka mirro dhaliyaan dagaalka ciidamada Somaliland looga saarayo deegank Tukaraq. Haddalka Cameey, ayaa u muuqda mid lagu guubaabinaayo ciidamada Puntland ee iminka ku sugan jiida dagaalka iyo Saraakiisha hogaamisa. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
It starts like this. A Somali “entrepreneur,” often a former pirate who rose in the ranks of his “profession,” decides to attack a ship in the Indian Ocean in the hope that he can get a king’s ransom from the owners, or from the companies that insure the massive vessels, which carry 90 per cent of the world’s shipping. The entrepreneur either uses his own money or gets it from investors. With this money he hires local crews of pirates who are willing to man the small powerboats used to board the larger ships. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo garaya Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu amar ku bixiyay in xabsi la dhigo Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta maamulka. Xogtu waxa ay sheegeysaa in amarkaasi lasiiyay Wasiirka Amniga maamulka Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) oo la faray inuu xiro gaar ahaan kuwa dhaliisha ka qaba soo laabashada Hogaamiye Shariif Xasan. Shariif Xasan ayaa Wasiir Xasan Eelaay awood usiiyay inuu xabsi dhigo cid waliba oo ka hor imaada ololihiisa ama qorshaha uu ku doonaayo in mar kale uu ku hanto maamulka Koonfur Galbeed. Waxa uu sidoo kale, Shariif Xasan, Wasiir Eelaay faray inuu il gaara ku hayo Musharaxiinta la tartameysa iyo Xildhibaano dhowra oo garab u ah musharaxiinta isla markaana ka shaqeynaaya inaanu soo laaban Shariif. Hogaamiye Shariif Xasan ayaa aad uga walaacsan miraha kasoo bixi kara shirar looga soo horjeedo oo ka socda magaalada Muqdisho. Dowlad Somalia qudheeda ayuu Shariif Xasan ka qabaa xasaasi ku aadan inay ka shaqeyso sida ay ku laali laheyd, iyadoo dooneysa in kursigaasi ay geesato mas’uul kale. Si kastaba ha ahaatee, Shariif Xasan ayaa xooga saaraya sida uu kusoo laaban lahaa, waxaana la sheegayaa inuu jiro khilaaf kala dhexeeya Madaxda ugu sareysa ee maamulka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sida ay warbaahinta PUNTLAND POST ay u xaqiijiyeen illo lagu kalsoonaan karo waxaa gabi ahaanba doorashada la filaayo inay dhawaan ka dhacdo magaaladda Garowe laguna dooranaayo Mayorka cusub ee caasimada Puntland isaga haray Axmed-deeq Ayax oo ah duqa ku-meel gaarka ee Garowe. Duqa kumeel gaarka ee Garowe oo kulan gaara la yeeshay qaar kamida taageerayaashiisa ayaa u sheegay inuu ka tanaasulay tartanka duqa caasimada, sidoo kale wuxuu beesha iska leh xubinta gollaha degaanka ee uu ku tartami lahaa u gudbiyey inay xor u yihiin cidii ay siin lahaayeen xubintooda. Lama oga waxa sababay inuu Axmed-deeq Ayax isaga haro tartanka doorashada xili dhawaan Garowe laga hadal hayey inuu wado olole doorasho oo uu ku doonaayo inuu ku noqdo Mayor rasmi ah maadama uu iminka yahay ku-meel gaar. Madaxweynaha Puntland ayaa Axmed-deeq u magacaabay bishii April ee sanadkan inuu noqdo duqa ku-meel gaarka ee caasimadda kadib markii uu tigreeto ku kala diray gollihii degaanka ee degmada Garowe. Dhanka kale waxaa Garowe si aada uga socda xulista gollaha degaanka oo la rajaynaayo inay dhawaan soo dhamaystirmaan kadibna ay doortaan Mayorka cusub. PUNTLAND POST The post Mayorka ku-meel gaarka ee Garowe oo isaga haray tartanka doorashada duqa caasimada appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka haatan u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti. Waare oo la hadlay idaacadda VOA-da ayaa sheegay In uu aad kaga xun yahay khilaafka haatan u dhaxeeya Dowladaha Walaalaha ah ,islamarkaana uu ku baaqayo in si deg deg ah loo xaliyo. Madaxweynaha hir-shabeelle ayaa Dowladda Jabuuti iyo shacabkeeda ku amaanay sida ay u garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna sheegay in aysan marnaba ilaawi doono abaalka ay u galeen. ”Xaqiiqdii sigaar ah ayay noo taabaneysaa cabashada walaalaheena reer Jabuuti oo dhiigeena inoo huray oo noo guday abaalkii aan u galnay xilligii xurnimadii,waxaana rajo ka qabaa in wax walba oo jira sihoose loo xalin doono laakin mar walba ma ahan kuwo naga go’aayo Jabuuti ayuu yiri Madaxweyne Waare. Dowladda jabuuti ayaa si weyn kaga carootay hadalkii madaxweynaha Soomaaliya maxamed C/laahi maxamed (Farmaajo), ee ku aadanaa In cunaqabateynta hubka laga qaado dalka Eretria. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo Ka Hadlay khilaafka Soomaaliya iyo jabuuti appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa kahadlay dagaal uu sheegay in maamulkiisa uu kula jiro maleeshiyaadka Daacishta Somalia. Gaas, waxa uu sheegay in Daacish ay kusii kordhayaan deegaanada Puntland isla markaana ay muhiim tahay in lasoo afmeero. Wax uu Gaas sheegay in Daacish ay gudaha usoo gashay magaalooyinka waaweyn ee Puntland, isagoo tilmaamay in arrintaasi ay cabsi galineyso shacabka. “Sida ay Daacish wax ku wado waa arrin cabsi galineysa shacabka dadkii ay ku hayaan dhibaatooyin joogta ah” Waxa uu tilmaamay in qiimeyn lagu sameeyay weerarada ay geystaan Daacish ay tahay mid sii kordheyso, hase yeeshee ay taasi muujineyso inay awoodeysteen Daacish. Gaas. Waxa uu cadeeyay in dhibaatooyinkii ka dhacay Muqdisho,Buuhoodle iyo Gaalkacyo ay mas’uul ka yihiin. Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin fikir dhab ah oo lagu mideysan yahay in lagula dagaalamo Daacish,waxa uuna ku baaqay in la qabto Shir Caalami ah oo ku saabsan sidii looga hortegi lahaa. “Qaati ayaan ka taaganahay Daacish cid aan uga dacwoono ma jirto iska celin mooyee,waxaanu dooneynaa in dagaal mideysan lagu qaado si loogu laayo halka ay hadda kaga sugan yihiin buuraha” Si kastaba ha ahaatee, C/weli Gaas ayaa hadalkaan ka sheegay Munaasabada Sanad-guuradii 20aad ee ka soo wareegatay Aas-aaska Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Jowhar (Caasimada Online )-Hoggaamiyaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii ugu horeysay ka hadlay carada ay dowlada Jabuuti ka qaaday haddal uu dhawaan Madaxweynaha Somalia ka jeediyay magaalada Asmara ee dalka Eriterea. Hoggaamiye Waare oo hadda ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in dowladda Jabuuti iyo Shacabka Soomaaliyeed ay yihiin walaalo waligoodna ay ahaan doonaan. Waxa uu sheegay Waare in Madaxweyne Farmaajo uu ku degdegay dalabka cunaqabateynta looga qaadayo dalka Eriterea, balse waxa uu sheegay in Somalia ay xor u tahay inay xiriir la sameyso cida ay doonto. Nuqul kamid ah haddalka Waare ayaa ahaa “ Waxaan ognahay wixii aad noo gasheen , garabkiina ayaa nahay walaalaha reer Jabuuti, Ilaa adduunyada laga duubo ayaan walaal nahay oo daris nahay”. Hoggaamiye Waare oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in saameyn weyn ay ku yeelaneyso tabashada ay qabto dowladda Jabuuti oo Ciidamo farabadan ay ka joogan deegaanada Maamulkiisa,iyaga oo ku howlgalla magaca AMISOM. Maxamed Cabdi Waare ayaa ku tilmaamay Isbadelka ka socda Geeska Afrika in uu yahay mid wanaagsan oo u baahan in la xoojiyo, laakiin marwaliba ay jirikaraan Caqabado. Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa waxaa ku yimid gaabis ka dib Markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku dhawaaqay in cunaqabateynta hubka laga qaado dowladda Erateriya. Si kastaba ha ahaatee, dowladda Jabuuti ayaa aad uga carootay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee uu QM uga codsaday in cunaqabateynta looga qaado dowladda Eriterea,iyaga oo jawaab ka bixiyey hadalkaas. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
Pirates. Terrorists. Refugees. There is a long history of negative portrayals of Somalis around the world. Source: Hiiraan Online
-
When Robert Mugabe was forced to resign in November after nearly four decades in power, Zimbabweans hoped for a return to the international community that had ostracized them, led by a new, more legitimate government. Instead, the country’s first election without Mugabe on the ballot has plunged it into a new crisis. Source: Hiiraan Online
-
A 28-year-old woman wearing a niqab on Friday became the first person in Denmark to be fined for violating a new controversial law banning full-face Islamic veils in public places, media reported. Source: Hiiraan Online
-
On Thursday evening, Bilai Aden sat on her hotel bed, rocking her 10-month-old baby. Source: Hiiraan Online
-
The Djibouti presidency on Friday refused to recognize a London court ruling which found the Horn of Africa nation wrongly seized a major port facility in the country from its Dubai-based operator. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dilalka qorsheysan ee mar-walba ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa la sheegay inaysan ka dambeyn kooxda Al-Shabaab oo kaliya, balse ay jiraan dalal shisheeye oo ku lug leh. Afhayeen ku-xigeekii hore ee baarlamanka dalka Kenya Faarax Macallin ayaa qoraal xasaasi ah oo uu soo dhigay twitter shaaca uga qaaday in Imaaraadka Carabta ay yihiin gacan ku dhiigleyaasha dilalka qorsheysan ka fulinaya magaalada Muqdisho, oo boqolaal Soomaali ah lagu dilay bilihii dhowaa. A tiny Principality called UAE thinks it can control the whole of the HOA. They think by leasing all the Somalia , Djibouti &Eritrean ports they can eliminate potential competition to Dubai. They were the principle sponsors of Al Ittihad &AlShabaab then and now. Assassins in Mog. — Farah Maalim (@FarahMaalimM) August 3, 2018 “Imaaraadka Carabta waxa taageeri jireen oo ay illaa iyo hadda taageeraan kooxaha Al-Itixaad iyo Al-Shabaab. Haddana waa dilayaasha magaalada Muqdisho” ayuu Faarax ku yiri qoraalkan culus ee uu soo dhigay Twitter. Waa markii ugu horreysay ee mas’uul sare uu shaaca ka qaado in qaar ka mid ah dalalka shisheeye ay ku lug leeyihiin dilalka qorsheysan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, inkasta oo aan la ogeyn danta Imaaraadka ka leeyahay dilalka dadka Muqdisho. Si kastaba, qaar ka mid ah dadka Muqdisho lagu dilay ayaa ahaa dad maqam sare lahaa, inkasta oo aysan qaarkood ka tirsaneyn dowladda. Soomaali badan ayaa rumeysan in dil kasta oo ka dhaca Muqdisho aysan kaliya Al-Shabaab ka dambeyn, islamarkaana dilalka ka dhaca magaalada qaarkood ay ku lug leeyihiin arrimo qabiil, ganacsi iyo dad dano kale oo aan la ogeyn ay ka dhaxeeyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa su’aal ka keenay liis cusub oo kasoo baxay ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed, kaasi oo u muuqda mid lagu xaqiray Soomaalida ku nool dalka Ethiopia. Liiska cusub ee Abiy Ahmed, ayaa waxaa ku qoran xubnaha guddiga ra’iisul wasaaraha kala talin doona hannaanka qaar ka mid ah shirkadaha waa weyn ee dalka Ethiopia ee dowladdu ay leedahay looga dhigi lahaa kuwa gaar ah. Si kastaba liiskan oo ka kooban 21 xubnood oo ay kasoo muuqdeen shaqsiyaad kasoo jeeda qowmiyadaha kala duwan ee dalka Ethiopia ayaa waxaan ku jirin hal qof oo ka mid ah Soomaalida dalka Ethiopia. Qoraal uu barta twitter soo dhigay ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri “Qof Soomaali ah kuma jiro liiskan. Miyaanay lahayn aqoon ay uga mid noqdaan mise uma qalmaan” Hoos ka aqriso magacyada dhammaan xubnaha liiska ku jira. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Afhayeenkii hore ee baarlamanka dalka Kenya Faarax Macallin ayaa shaaca ka qaaday qorshaha halista ah ee Imaaraadka Carabta uu ka leeyahya Geeska Afrika, iyo sida ay isugu dayayaan inay maamulaan gobolka oo idil. Qoraal uu soo dhigay barta twitter-ka ayuu Faarax Macallin ku sheegay in Imaaraadka Carabta oo uu ugu yeeray dowlad yar oo munishiibiyo ah ay ka dhaadhacsan tahay inay maamuli karaan Geeska Afrika oo dhan. Waxa uu sheegay in Imaaraadka ay rumeysan yihiin in haddii ay gacanta ku dhigaan dhammaan dekadaha Soomaaliya, Jabuuti iyo Eritrea ay Meesha ka saari karaan loolan dekadeed oo ku yimaada dekadda Jabal Cali ee magaalada Dubai. Dekadda Jabal Cali, ayaa ah isha dhaqaale ee ugu weyn dowladda Dubai, waxaana sanad kasta badeecadaha dekaddaas la isku dhaafiyo kasoo gala 80 bilyan oo dollar, taas oo macanaheedu yahay in haddii dekado kale ay kusoo baxaan ay weyn doonto dhaqaalaha. Imaaraadka ayaa horey u iibsaday dekado badan oo ku yaalla gobolka, sida Berbera iyo Boosaaso, inkasta oo baaralamanka Soomaaliya uu laalaay, waxaana sidoo kale laga soo eryey dekadda Doraleh ee dalka Jabuuti, kadib markii Jabuuti ay ogaatay halista uga iman karta. Imaaraadka oo ah dal yar, ayaa aaminsan in iibsashada dekadaha ay u horseedi karto inay hor-istaagaan in dalalka kale ee gobolka ay horumaraan, hase yeeshee siyaasiyiin badan ayaa ayaga oo sidaas wax u og haddana u saxiixay wixii ay rabeeen. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dhaqan gelinta Dhex-dhexaadintii laga dhexwaday Puntland iyo Somaliland Kadib markii dhowaan ay Garoowe iyo Hargeysa tageen Xubno ka socday IGAD Iyo UNSOM. Iyadoo Qoraal kasoo baxay uu Nuxurkiisu ahaa “in deegaanka Tukaraq ee dagaalku ka dhacay ay noqoto meel ka caagan ciidamada labada dhinac” Somaliland waxay oggolaatey in ay dib ugu noqoto halkii ay joogeen ka hor 8 Janaayo 2018, laakiin Puntland oo joogtey 8 Janaayo Tukaraq heshiisku ma dhigaayo inay dib ugu noqon karaan halkaas, waxaana la doonayaa in Tukaraq ay noqoto meel ka caagan ciidamada ama Buffer zone. HADABA INTAASI KADIB , MAXAA KA CUSUB DEEGAANKA ? Qodobadii ay beesha caalamku ku dhexdhexaadisay labada maamul ee Puntland iyo Somaliland ayaa qayb ka mid ah dhinaca Puntland laga fuliyey, ilo xog ogaal u ah jiida labada dhinac isku horfadhiyaan ayaa waxa ay xaqiijiyeen in hubkii cuslaa Puntland dib ugu soo celisay magaalada Garoowe iyada oo todobaadka soo socda arrimaha ugu mihiimsan labada dhinac fulin doonaan. Qodobada ugu horeeya ee la fulin doono ayaa ah in malayshiyaadka labada maamul la kala raro oo mid walba qiyaastii 10-15Km goobaha ay hada kala joogaan laga qaado, si qodobada kale loo fuliyo. Arrinahan ayaa waxaa iska kaashanaya dawlada federaalka, IGAD, Qaramada Midoobay iyo dawladda Ingiriiska oo balan qaaday in ay bixindoonto adeeg kharashaadka lagu fulinayo heshiiska labada dhinac ogolaadeen. Maamulka Puntland ayaa bilihii ugu danbeeyey cadaadis lagu saarayey inaanu wax talaabo ah qaadin iyada oo uu Cabdiwali Gaas artintaasi ku guulaystay, ayna yaraatay abaabulkii iyo hadaladii kululaa ee Maamulka Puntland hawada marin jiray. Ciidamo tiro badan ayaa dib uga soo noqotay goobihii hore loogeeyey iyada ay dib ugu noqdeen magaalooyinkii ay ka yimaadeen, magaalada Garoowena waxaa aad looga dareemayaa ciidankan oo goobaha lagu Qayilo dhooban. Isha: BoramaNews
-
Colaad soo jiitamaysay 20 sannadood, dhimashada 80,000, qaxa boqolaal kun, adeegsiga jabhado la isku afgembiyo, iyo kala qoqobnaanta labada shacab ee isu boholyoobay, Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed waxaa uu, muddo bil gudaheed ah, ku soo afjaray nabaddeyn, oohin kalgacayl, iskaashi iyo gaadada oo uu gaadada u saaro dhiggiisa Madaxweyne Isaias Afawerki. Durbaba waxa soo yeedhay weedho nabaddeed “Waxaa aan ku heshiinnay in dib loo furo safaaradahii labada dal, in la isu furo shacabka iyo xuduudaha dalka, in la isweydaarto duulimaadka ganacsiga ee dayuuradaha labada dal iyo in Ethiopia si xor ah uga adeegato dekadaha Eritrea,”ayuu sheegay Abiy Axmed isagoo ku ladhay. “Jacaylka ayaa ka awood badan hubka casriga ah, taangiga iyo gantaalka. Jacaylka oo keliya ayaa lagu hanan karaa quluubta dadka. Maantana, jacayl ayaa ka adeegay, halkan, Asmara.” Maalin ka dib, safarkiisii taariikhiga ahaa ee uu ku tegay Asmara, weli jidadka iyo farasmagaalaha caasimadda waxaa ka sii babbanaya calanka Ethiopia. Shacabkuna waxaa ay ku luuqaynayaan amaanta madaxda isu soo helowday iyo yididiilada shacabka isu boholyoobay. Haddaba, tan iyo amintii loo dhaariyay xilka, Abril 2018, Ra’iisal Wasaaraha Abiy Axmed Cali, waxaa uu ku dhawaaqay isbedello aad u culus. Isbedello u muuqda dhuxul danbas huwan, horena ay ugu dhici waayeen xukuumadahii ka horreeyay ee xisbigiisa EPRDF. Abiy Axmed ma aha Males Zanawi. Hase ahaateee, waxaa soo ifbaxday in uu maclinkiisii kaga duwan yahay saxidda waxii ka xumaaday iyo ku dhiirrashada waxii uu ka gaabiyay. Intaa waxaa u sii wehelisa in uu yahay hoggaamiye hore u soo qorshaystay jidka u marayo isagoo, mar kasta, dhawaaqiisa ku ladhay ficillo si xawlo ah ku socda. Sidaa awgeed, mar kale, Ra’iisal Wasaare Abiy waxaa uu ku dhiirraday tallaabo ismiidaamin ah markii uu ka degay Asmara, magaalo-madaxda Eritrea. Waxaa ka go’nayd nabadayn kama danbays ah in uu kala xaajoodo Madaxweyne Isaias Afawerk. Waxaana uu kala soo ambabaxay guul iyo amankaag. Dad badan ayaa socdaalkiisa u arka tallabo ay ku dheehan tahay geesinimo taasoo horseedi doonta xasilinta colaaddii ugu ba’nayd ee Geeska Afrika. Balse, xeeldheerayaal kale oo uu kuur gala gobolka ayaa ku micneeyay qar- iska-xoornimo. Waxaana ay tibaaxeen safarkiisa in uu dacar leefsiiyay, ladhna ku kiciyay qaran-raaca (nationalists) ee qaba in aan si fudud loo lumin dhiiggii tobanaan kun oo ku qudh-baxay dagaalladii labada dal. Kuwaasoo, aaminsan Eritrea in ay ka mid tahay Ethiopia. Waxaa ay ahayd 6dii June markii Abiy Axmed uu ku dhawaaqay dalkiisu in uu xurmaynayo go’aankii Komishanka Maxkamadda Hague ee Qaramada Midoobay ku kala xadeysay soohdimaha labada dal 2002. Xukunka iyo Dhexdhexaadintii Jazaa’ir waxaa u hoggaansamay xukuumaddii Madaxweyne Males Zenawi. Hase yeeshee Ethiopia waxaa ay hakad gelisay in ay ka kacdo degaanka Badme oo loo xukumay Eritrea. “20 sannadood oo colaaddu dhex miranaysay labada dal waxaa aan ka dheefnay welwel,” ayuu tibaaxay Abiy Axmed isagoo ku ladhay, “waxaa loo baahan yahay awoodeenna in aan u jeedinno dhanka nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo in aan ka dhex muquuranno colaadda iyo kala qaybsanaanta. Weliba in aan diiradda saarno sidii xididada aan ugu siibi lahayn saboolnimada.”Waxaana uu carrabka ku dhuftay “walaaltinimada” iyo “wada dhalashada” ka dhexaysa labada shacab isagoo hoosta ka xarriiqay in uu u hanweyn yahay iskaashi dhaqaale oo dhex mara Asmara iyo Addis Ababa. Haddaba, 6dii June, isla markii uu soo yeedhay dhawaaqa nabadaynta Eritrea, dibadbaxyo lagaga soo horjeedo sida fudud ee Ra’iisal Wasaarahu u maaraynayo degaanka Badme ayaa laga aloosay Dawladda Degaanka Tegrayga. Waxaana Badme lagu sheegay dhul ka tirsan gobolkooda, ayna ku dhaqmaan dadkoodu. Degaankaas Ethiopia waxa ay ku soo ceshatay gulufkii 1998. Sideedaba, aragtidaa Dawlad Dhexe “Centralist” oo lid ku ah siyaasadda Abiy Axmed waxaa si gaar ah ugu dheggan qoomiyadda labaad ee dalka ugu tirada badan ee Amxaarada. Sidoo kale, waxaa la qaba qoomiyadda ugu tugtugta roon ee Tigrayga oo dalka ka talinaysay waayahii Boqortooyada Axum iyo 27kii sannadood ee u danbeeyay. Qoomiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo ka badan 50% tirada dadweynaha ayaa ahaa kuwa Ra’iisal Wasaaraha u fududeeyay xil aanu tolkiis (Oromo) weligood haweysan. Isbedelka xukuumadda iyo doorashada Abiy Axmed waxaa ka danbeeyay dibadbaxyo is dabajoog ahaa oo dalka ka curtay sannadkii 2015 kuwaas oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo xadhiga kumanyaal kale. Inkastoo 2016 dalka lagu soo rogay toban bilood oo Bendoo ah, waxaa ka gilgishay oo aa u jixinjixin kacdoonkii shacabka iyo dhallinyarada Qeerroo ee Oromiya, Fanno ee Amxaarada iyo Zerma ee Beesha Gurague ilaa, ugu danbeyntii, Feb. 2018 uu iska casilay RW Hailemariam Desalegn markaas oo la soo doortay Abiy Axmed. Abiy Axmed waxaa loo aqoonsaday isbedel-doon, se marnaba laga ma filayn in uu toban toddobbaad ku fuliyo hawshii laga sugayay sannadaha uu xilka hayn doono. Waxaa uu u gogol xaadhay hannaanka xisbiyada badan, dimuqraadiyad dhab ah iyo xorriyadda erayga. Waxaa uu oodda ka qaaday maxaabiistii u xidhnayd siyaasadda iyo aragtidooda. Waxaa uu laalay xukunkii degdega ahaa. Isla markaana, waxaa uu u guntaday xasilinta nabadda gudaha isagoo markii xilka loo dhaariyay, maalmo gudahood, u kicitamay Dawlad Degaanka Somaalida, Jigjiga, taasoo uu u arkay in ay fure u tahay nabadda gudaha. Waxaa uu si degdeg ah iyo sida hillaaca socdaallo ugu kala bixiyay Jabuuti, Sudan, Uganda, Rwanda, Kenya, Masar, Somaaliya iyo meel kastoo danta dalkiisu ku jirto. Waxaa uu heshiisyo ka galay dekedaha Jabuuti, Port Sudan, Mombasa, Somaliya iyo Eritrea oo uu hadda qalinka ku soo duugay. Waxaana uu taageeray heshiiska dalkiisu kula jiro Dekedda Berbera, Somaaliland. Waxaa uu furfuray dhaqaalahii dalka isagoo dalalka deriska ugu yaboohay in ay wadaag ka galaan shirkadaha yahaaburka ah ee dalkiisa sida Ethiopian Airlines. Ethio Telecom, shirkadaha gaadiidka iyo tamarta oo xukuumaddu gacanta ku hayso. Waxaa uu xilka ka qaaday taliyayaashii hay’adaha amniga sida ciidanka, booliska iyo nabadsugidda. Haddaba, xawliga isbedel ee uu ku socdo Raiisal Wasaare Abiy Axmed ma laga yaabaa in uu u horseedo kuf iyo burbur mar haddi uu si toos ah ugu horyimid madaxdii ciidanka, siyaasadahii Qoomiyadaha Amxaarada iyo Tegrayga oo ka soo horjeeda nabadaynta Eritrea iyo weliba furfurka dhaqaalaha oo saamaynaya maalqabeenka dalka ee ku tanaaday kootada iyo nidaamkii dhaqaale oo iyaga u xidhnaa? “Shacabka Eritrea maanta waxaa ay fursad u heleen in ay cabbiraan jacaylka dhabta ah ee ay u hayaan walaalahooda Ethiopia,” sidaa waxaa ku tiraabay Madaxweyne Isaias Afawerk xilligii cashada, waxaana u ballanqaaday in ay si wadajir ah ugu hortegi doonaan ciddii ka hortimaada go’aanka. “Waxaana aan malayn karaa culayska Ra’iisal Wasaarahu ku qaatay go’aankan. Se waxaan u ballan qaadaynaa in aan la wadaagno dhibaato kasta oo soo wajahda.” Dhinaca kala xeeldheerayaasha ka faallooda arrimaha gees ayaa digtooni ka muujiya tallaabooyin Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed. “Tallaabo kasta oo uu si degdeg ah u qaaday shacabku aad ayay ugu naaloodeen,” ayuu sheegay Awol Allo, oo u dhashay dalka sharcigana (law) ka dhiga jaamicadaha Britain. Balse, waxaa uu walaac ka muujiyay degdega uu ku socdo isbedelku. “Waxaa aan ka welwelsan ahay sida degdega ah ee uu isbedelka u boobsiinayo iyadoo dalka aanay ka jirin hay’ado dimuqraadi ah oo difaaca siyaasadiisa iyo waxqabadkiisa horusocodka ah.” “Dadku waxaa ay u barteen nidaam jiitama kasoo wax kastoo dib-u-dhac ah dusha laga huwiyo shacabka,”ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Awol Allo. Haddaba, waxaa hubaal ah shacabku in uu ku diirsaday, kalsooni badanna uga korodhay waxqabadka Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed. Hase ahaatee, waxaa isweydiintu tahay mawqifka xisbiga soo doortay ee EPRDF uu ka qabo talloobooyinka uu ku kacay ilaa maanta. Ogow, Xisbiga EPRDF ee gacanta ku hayay talada dalka 27kii sannadood oo u danbeeyay waxaa xubnahiisa lagu eedaynayaa dhib kasta oo la soo deristay dalka mudadaas. Waxaana ay sharraysan karaan waxqabad kasta oo lid ku ah ama tirtiraya danahooda, awoodooda iyo raadkooda siyaasadeed. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa xisbiga EPRDF in uu shirweynaha Golaha Dhexe isagu yimaado bisha soo socota. August. Halkaas waxaa aan ka dheehan doonno halbeegga inta ay sii socon karo geeddi-socodka nabadeed, horumarineed iyo iskaashi ee Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed Cali. Waxaa kaloo, isweydiin mudan taageerada uu ka heli karo shacabka, deriska iyo bulshada caalamka haddii dabaylo kaga kacaan shirka. Sida aan maalayn karno marnaba shacabka Ethiopia iyo dunidu raalli ka ma noqon doonaan in la dhiciseeyo isbedelka dhabta ah ee Ethiopia kaasoo tilmaam ku dayasho mudan oo ah Qaaradda Afrika. Xasan Cumar Horri ——– Xassan Cumar Horri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidhhassan.horri@gmail.com ama ku tixraac Twitterka @horrimania
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan la bedeli doono lacagta Sh/Soomaaliga ee iminka laga isticmaalo Somalia. Dowladu waxa ay sheegtay in lacagtaasi ay sii dhamaaneyso isla markaana aysan sii shaqeyn Karin muddo badan. Waxa ay dowladu tilmaantay inay muhiimadu siin doonto lacago cusub oo dhawaan ka shaqeysa Somalia si dalka uu u noqdo mid leh lacago lagu aqoonsan karo. Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somalia, ayaa sheegay in lacagta hadda dalka laga isticmaalo ay tahay mid gacanta dadka ku duugowday,isla markaana u baahan in la bedelo. Wasiir Daahir waxa uu sheegay in dhammaan lacagta dadka isticmaalaan hal hal loo bedeli doono,dhammaan maamul goboleedyada dalka ka jira iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ay isla garteen in aan la soo daabicin lacago been abuur ah. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,ayaa dhawaan soo bandhigay naqshada lacagta Shillinka Soomaaliga ah ee dowladda Soomaaliya soo daabici doonto wallow uu sheegay in waqti dheer ay qaadan doonto. Dhinaca kale, waxa uu cadeeyay in lacagta la shaqo galin doono aan lagu sameyn Karin gacan kale, taasi oo uu sheegay inay ka taxadarta dowlada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
12 kii bilood ee lasoo dhaafay waxaa magaalada London lagu dilay 12 dhalinyaro Soomaali ah, waxayna taas ka dhigantahay in bil kasta celcelis ahaan la dilayay hal wiil oo Soomaali ah. Tirada guud ee dhalinyarada labka ah ee lagu dilay London waa 1299 qoowmiyadaha oo dhan, Soomaalida waxa ay tiradaasi ka tahay 10%. Dadka carruurtooda la dilay waxaa ka mid ah Hooyo Fawsiyo Axmed, iyada oo oynaysa ayay BBC-da u sheegtay in ay haleeshay masiibo aysan aqoonin meel ay kaga timid. Dadka qaar ayaaba hadda ka fikiraya sidii ay carruurtooda uga qixin lahaayeen Ingiriiska, islamarkaasna gayn lahaayeen meel bad qabta. Naciimo Xareed oo ah agaasimaha ururka haweenka iyo dhallaanka ayaa sheegtay in dhibka ugu badan uu ku dhoco hooyooyinka, islamarkaasna aabayoowga ay yihiin kuwa maqan. Balse Cabdi Muuse oo ah agaasimaha Ururka saaxiibadda Geeska ayaa qaba in hal qof uusan kaligiis wax qaban karin, wuxuuna yiri “Hal qof iyo hal qof oo inaga dhintaa xanuun weyn weeye, 10 boqolkiina waa wax badan, waxana anaga nala gudboon waxa ay yihiin in aan ogaanaa haddii aanan anaga is caawinin, cidna nama caawin karto”. Waa maxay sababta loo dilo dhalinyarada? Waxaa xusuusin mudan in dadka la dilo aysan ku jirin dumarka dhalinyarada ah, kaliyana ay yihiin dhalinyarada labka ah, haddaba maxay tahay sababta? Cabdi Muuse ayaa sharaxaya “Dhawr arrimood ayaa sabab u ah, koow waa askartii oo la dhimay, meelaha aan degenahay oo meelo faqri ah, dhalinyaradii oo aanan loo samaynin siyaasad arrimaha bulshada, dhalinyaradii oo wax ay qabtaan aanan haynin”. Mid ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ee London oo magaciisa iyo wajihiisa aanan shaacin karin ayaa sheegay in dirir ka dhaxaysa kooxaha is abaabulay ee jinsiyadaha kala duwan iyo Soomaalida ay ugu wacanyihiin dilalka dhaca, wuxuuna yiri “Waxaa dhacda in la dilo wiil Soomaali ah oo aan xitaa ku lug lahayn rabshadaha, Soomaali ahaana loo dilo”. Dadka horey ay dhibaatadan usoo qabsatay waxaa ka mid ah Maxamed Xaashi oo ah xildhibaan golaha deegaanka xaafada London ka tirsan, markii uu 15 jir ahaa ayaa mindi lagu dhaawacay, wuxuuna yiri isaga oo dhacdadaas ka sheekeynaya “Mindida waxa ay igu dhacday ciyaal rabay in ay talefoonkayga qaataan, waxaanan damcay in aan la dagaalamo, kadibna mindida ayay I galiyeen, aniga waan baqay, waxaanan muddo watay kiyaawe, sababtoo ah waxaan is weeydiiyay, iyaga mindiyo ayay wataan, aniga maxaan wataa?”. Isaga xalka waxa uu arkaa in aanan Soomaalida gaar isu soocin, oo iyada oo ka mid ah bulshooyinka kale loo wajoho si wada jir ah. Waxa kale oo uu qabaa in Soomaalida oo ka maqan golayaasha siyaasadda ee Ingiriiska ay ugu wacantahay in aanan la dajinin shuruuc lagu illaalinayo dhalinyarada Soomaalida.
-
The past few weeks have been particularly rich in new developments for the UAE’s foreign policy. In Yemen, the UAE is at the forefront of the current struggle for the seizure of the Houthi-held port of Hodeidah, a critical chokepoint for the arms and humanitarian supplies to the Houthis, and an important access to the Red Sea and strait of Bab el Mandeb, where 4.8 million barrels of oil and 8 percent of global trade transit every day. Source: Hiiraan Online
-
Somali Zakarie Ali came to Finland at the age of three and more than 17 years later he's working as a top model. Source: Hiiraan Online