-
Content Count
215,227 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay hub laga daabulayay Suuqa weyn ee Bakaaraha, kaasi oo loo waday gobolka Shabeelaha Hoose, sida ilo xog ogaal ah ay xaqiijiyeen. Hubkaan ayaa sida xogta aan ku heleyno waxaa uu ku wajahnaa mid kamid ah beelaha ku dagaalamay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana waday gudoomiyaha degmadaasi ee maamulka Koonfur Galbeed. Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax (Kaladire) oo kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda degmada Wanlaweyn, kana tirsan maamulka HirShabeelle, ayaa sheegay in ciidamada amaanka dowladda ay ka hortageen in hubkaasi u gacan galaa mid kamid ah maleeshiyaadka ku dagaalama degmadaasi. Xildhibaanka ayaa sheegay in hubkaasi uu gacan ka geysan lahaa hurinta colaad beeleedyada maalmahaan ka taagan deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wuxuu guddoomiyaha degmada ku eedeeyay inuu ka dambeeyo colaada u dhaxeyso labo maleeshiyaad oo wada daga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabelaha Hoose. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Wareysi-kaladire.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa u hanjabay mucaaradka dowladda Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin madax hore iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya. Yariisow oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya anaan laga aqbali doonin in ay xag xagtaan Dowladda sida uu hadalka u dhigay. Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay in Mucaaradka looga baahanyahay in aysan ahaan kaliya Mucaarad buunbuuninaya amni daradda dalka, ee looga baahanyahay in ay ahaaaan mucaarad taladooda ku darsada dowladda si loo saxo meelaha wax ka qaldanyihiin. “Siyaasigii khas wade ah hala soo safto kooxda argagixisada ah ma aqbali doono in dhexdeena uu khaska ka wado oo uu dowladda xagxagto, ha noqon mucaarad kaliya ka hadla dhanka xun iyo amni daraddo in ay dalka ka jirto” ayuu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisoo). Waxa uu ugu dambeyntiina sheegay in Shacabka Soomaaliyeed aynan dhag jalaq u siin hadalada mucaaradka iskana kaashadeyn sidii ay amniga kala shaqeen lahaayeen Ciidamada amaanka. Hadalka Yariisow ayaa dad badan u arkaan inuu ka adkeysanayo xilkiisa, kuna qancinayo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Yariisow ayaa marar badan ku hadlay hadallo u muuqda inaysan isaga kasoo bixin, balse loo soo dhiibay. Yariisow ayaa xilka loo dhiibay kadib markii meesha laga saaray guddoomiye Thaabit, oo diiday inuu noqdo qof loo meeriyo sida uu u shaqeynayo. Si kastaba, Yariisow ayaa xilkaasi qaatay, isaga oo diyaar u ah inuu noqdo guddoomiye magac u yaal ah oo ku shaqeeya maskaxda Xasan Cali Kheyre. Si kastaba, hadalkiisii ugu dambeeyey ayaa u horseedi kara dhibaato siyaasadeed iyo in looga yeero xarunta baarlamanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddiga doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta soo saaray shuruudaha looga baahanyahay musharrixiinta u tartamaya xalka madaxweynaha. Shuruudaha guddigu soo saaray oo ka kooban sagaal qodob ayaa waxaa kamid ah in shakhsiga u tartamaya xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed uusan lahayn xaas ajnebi ah iyo in uusan gelin dembiyo culus oo maxkamdi xukuntay. Sidoo kale shuruudaha waxaa ku xusan in qofka musharrax ah uusan wax xil ah hore u hayn iyo in uu ogolaado una hoggaansamo hab-raaca guddiga doorashada KFG,islamarkaana bixiyo lacagta curaarta ah oo dhan$20 kun oo Dollar musharraxa ragga ah halka musharraxa haweenka ah laga rabo $10 kun oo Dollar. Dhinaca kale guddigu wuxuu soo bandhigay jadwalka doorashada madaxweynaha ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Koonfur Galbeed: Shuruudaha musharraxiinta xilka madaxweynha oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Washington DC (Caasimada Online) – Amiirka dhaxalsuga ah ee dalka Sucuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan, ayaa waxa uu Mareykanka u sheegay in qoraaga la dilay Jamaal Khaashuqji uu u arkayay inuu ahaa Islaami halis ah. Khaashuqji, oo ahaa muwaadin Sucuudiga u dhashay kana shaqeynayay warbaahinta Mareykanka, ayaa waxaa si weyn loogu yaqaanay inuu dhaliilo maamulayaasha dalkiisa. Maxamed bin Salmaan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu arrintaasi taleefoonka ugu sheegay Aqalka Cad kaddib markii Khaashuqji la waayay taas oo ka horraysay inta uusan Sucuudigu qiran inuu ninkaasi dilay. Maydkiisa ayaanan weli gacan lagu hayn, hasayeeshee Turkiga, Mareykanka iyo Sucuudi Carabiya ayaa dhammaantood waxa ay isku raaceen in lagu dilay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul 2-dii bishii Oktoobar. Wicitaanka taleefanka ayaa la sheegayaa inuu ahaa 9-kii bishii Oktoobar, todobaad kaddib markii la waayay Khaashuqji. Sababta uu hadalkaasi u sheegay ayaa lagu sheegay in ay tahay ilaalinta Xulufadda Mareykanka iyo Sacuudiga. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
Baydhaba (Casimada Online) – Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, ayaa ka hadlay cadaadiska maalmihii ugu dambeeyay uu ka dareemayay dhanka dowladda Soomaaliya iyo kalsoonida uu qabo. Shariif Xasan Shiikh Aadan, ayaa sheegay in maalmihii u dambeeyay ay jireen culeesyo kaga imaanayay dhanka dowladda Soomaaliya, islamarkaana musharixiinta qaar ay taageero ka helayaan dhanka dowladda. Shariif Xasan, wuxuu si cad u sheegay inuu ku kalsoon yahay xildhibaanada baarlamaanka Koofur Galbeed, uuna ku rajo weyn yahay in markale xildhibaanada u dhibaan hogaaminta Koofur Galbeed. Xildhibaanada Koofur Galbeed ayuu u diray fariin ah in looga baahan yahay inay badbaadiyaan Koofur Galbeed, isaga oo sheegay inuu ka doonayo in markale isaga ay dib usoo doortaan. Wuxuu sheegay in intii uu hayay xilka madaxweynaha Koofur Galbeed inuu wax badan u qabtay shacabka deegaanada Koofur Galbeed, uuna ka shaqeyn jiray danta shacabka Koofur Galbeed. Shariif Xasan ayaa qarka u saaran in uusan kusoo laaban kursiga Madaxtinimadda Koonfur Galbeed, ka dib markii Magaalada Baydhabo ay tageen Siyaasiyiin taageero ka helaya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwo Shacabku taageersan yihiin. 17 Bishaan ayaa la filayaa in doorashada madaxweynaha ay ka dhacdo magaalada Baydhabo, waxaana dhamaan musharixiinta loo ogolaaday inay tartami karaan, kadib markii kulamo kala duwan ay qaateen xubnaha Guddiga doorashooyinka Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
-
Guddigii isimada Puntland ee loo xil saaray xallinta dhacdadii uu ku dhintay suldaan Xassan Cali Jibriil ayaa maanta shaaciyay in si rasmi ah loo xalliyay arrintaasi. Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag oo ay soo qayb galeen cuqaal,waxgarad,isimo,culimaa’uddiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland ayaa go’aanka looga dhawaaqay. Guddigu waxay sheegeen in beesha Aadan Saciid ee East Sanaag Clan ay dil iyo diya’ba ka cafiyeen Maxamuud Cismaan Sugulle oo ah ninka uu gacantiisa ku dhintay Suldaankii beesha Aadan Siciid suldaan Xassan Cali Jibriil. Halkaan ka akhriso go’aannada guddigu soo saareen PUNTLAND POST The post Dhacdadii uu ku dhintay suldaan Xassan Cali Jibriil oo xal rasmi ah laga gaaray appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wakiilka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Heysom ayaa war qoraal ah kasoo saaray doorashada 15 maalin kadib la filayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo. Qoraalka ayuu ku sheegay in doorashadaasi ay ka filayaan inay u dhacdo si xor ah oo xalaal ah, islamarkaana aysan ku jirin faragelin siyaasadeed oo lagu sameeyo doorashada Koofur Galbeed. Wuxuu Qoraalka ku sheegay in loo baahan yahay in dhamaan musharixiinta ay helaan fursad loo siman yahay oo ay doorashada kaga qeyb gali karaan, islamarkaana aan lala kala safan musharixiinta qaar. Seddex arin ayuu sheegay in loo baahan yahay inaysan ka dhicin doorashada Koofur Galbeed ka dhaceyso 17 Bishan, kuwaasi oo kala ah:- Xad Gudub Dhaqaalo: Wuxuu ka digay in doorashada Koofur Galbeed lagu sameeyo xad gudub dhaqaalo, islamarkaana musharixiinta qaar lagu taageero dhaqaalo ay ku heli karaan codadka xildhibaanada. Arintaan waxaa horey walaac kaga muujiyay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo tagay magaalada Baydhabo, kuwaasi oo sheegay inay jiraan shaqsiyaad dhaqaalo badan lagu bixinayo si ay halkaasi kaga soo baxaan. Cadaadis: Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka digay in cadaadis la saaro musharixiinta tartameyso si aysan u helin codadka xildhibaanada, waxaana taasi horey kaga digay musharixiinta qaar. Rabshado: Ugu dambeyn Nicholas Haysom ayaa ka digay in doorashada Koofur Galbeed ay ka dhacaan rabshado horseedi kara natiijo xumo, waxaana walaacaasi uu xoogeystay waxii ka dambeeyay markii Shariif Xasan uu ciidamo badan geeyay madaxtooyada uuna badalay ciidamadii hore. Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, laakiin musharax walbaa wuxuu wataa ciidamo ku beel ah oo u gaar ah, taasi oo horseedi karta in rabshado ay dhacaan. Waxaa magaalada Baydhabo ka socdo diyaar garowgii u dambeeyay oo ay sameynayan musharixiinta Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo kamid ah baarlamaanka dalka Kenya, ayaa wareysi uu Siiyay BBC-da Wuxuu kaga hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka. Xildhibaan Aadan Barre, ayaa ugu horeyn ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka inay ka shaqeeyaan mideynta dalka iy in la dhameeyo khilaafyada iyo isjiidjiidka siyaasadeed ee dalka. Xildhibaanka ayaa sheegay inuu aad kaga xun yahay khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iy maamul goboleedyada, waxaana uu cadeeyay in xasiloonida iyo nabad galyada Soomaaliya ay dan ugu jiro dhamaan dadka ku nool geeska Africa. Wuxuu kula taliyay madaxda dowladda iyo maamulada dalka inay u dhimriyaan shacabka Soomaaliyeed oo ay heshiiyaan, maadaama Khilaafka dhibaato uu ku keeni karo geedi socodka nabadda Soomaaliya. Khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulada ayaa sababay in labo jeer madaxda maamulada ay ka biyo diidaan gogol nabadeed oo dowladda Soomaaliya ay ugu baaqday. Hadalkiisa ayaa waxa uu imanayaa xildhibaanka xilli kala qeybsanaan baahsan ay ka dhex jirto madaxda dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo madaxda maamul goboledyada dalka, kuwaas oo bilihii ugu dambeeyay hawada isu marinayay hadalo aad u adag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn u mucaaradsan dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay hadalkii madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay magaalada Jubba ee uu ku weeraray madaxda maamul goboleedyada. C/raxmaan Cabdi Shakuur, ayaa si adag kaga jawaabay hadalkaasi, kadib wareysi uu siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, waxaana uu daandaansi ku tilmaamay hadalkii madaxweynaha uu ku weeraray madaxda maamulada. Wuxuu sheegay in ujeedada uu u tagay magaalada Jubba iyo khudbadda xanafta leh aysan is laheyn, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna sheegay in dhawaan madaxweynaha uu soo saaray qoraal uu maamulada ugu dhawaanayo, balse hadda uu sii fogeeyay. “Khudbad daan daansi iyo dagaal uu ka muuqdo , Madaxweynaha asigaa dhowr maalin ka hor sheegay inuu gogol u fidiyay madaxda maamul goboleedyad oo ku baaqayo in shir la isugu yimaado wixii tabasho ah uu garawsan yahay, sida dad badan tuhunsan yahay martiqaadkiisa iyo fariinta xalay uu dirayay wey kala fog yihiin”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale xusay in hadalka Madaxweynaha uusan aheyn mid ku haboon Xaalada ay Soomaaliya Maanta ku jirto. “Waxaa rabaa inaan xusuusiyo Madaxweynaha kulankii ugu dambeeyay ee Brussels ka dhacay Beesha caalamka ayaa isugu yeertay isaga iyo Madaxda Maamul goboleedyad,a wax laga hadlayo waa arrimo Soomaaliya ku saabsan, looma yeerin Madaxweynaha keligiis, ayagana waa loo yeeray wuu ogyahay Madaxweynaha waaqica horyaala in dalkaan ku jiro marxalad dib u heshiisiin, marka aniga hadalka Madaxweynaha ilama ahan mid nabad iyo dib u heshiisiin oo isu soo dhowaansho raadinaya”ayuu yiri”ayuu yiri markale Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Miisaaniyadda cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya u ansixisay sanadka 2019-ka waa US$ 340,060149, ilaa 94 milyan oo dolar ayaa ku siyaaday miisaaniyadda wixii ka dambeeyey doorashada madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee February 8, 2017. In kasta oo ay muhiim tahay halka laga keenayo dakhliga miisaaniyadda hadana inta badan waxaa la fiiriyaa Shaqaalaha iyo mushaarkooda, lacagta loo qoondeeyey horumarka dalka iyo dadka, waana labada meel ee uu aad uga liito maamulka hadda jira. Shaqaalaha rayidka ee dowladda federaalka ah oo ka kooban heerarka A, B, C iyo D, waxaa ay qeyb muhiim ah ka yihiin miisaaniyadaha dowladda Soomaaliya, waxaa la yaab leh in shaqaalaha joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ay tiro ahaan gaarayaan 5,526 oo ah tirada uu ka tagay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud 2016-kii. Xukuumadda nabad iyo nolol 2badii sano oo ay joogtay kuma kordhin shaqaalaha rayidka ah xataa hal qof, waxaa ay qoratay oo keliya shaqaalo KMG ah, oo ku nool gunno ay ka helaan meelaha ay u shaqeeyaan, kuwaas oo qeybo badan oo ka mid ah lagu dhibo, mana laha meel ay u dacwoodaan, mar haddii aysan aheyn shaqaale joogta ah. 2012-kii, Markii uu xafiiska yimid madaxweyne Xasan Sheekh waxaa aad u yaraa shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliya, miisaaniyaddii ugu horeysay ee baarlamaan ansixiyo buburkii kadib waxaa ansixisay dowladda Xasan Sheekh, Miisaaniyadda oo gaareysay 114,355,852 wuxuu shaqaalaha rayidka gaarsiiyey ilaa 3060, oo 2901 ka mid ah ay yihiin shaqaalaha qoran oo rasmi ah, sidaas ayaana sanad walba loogu daray shaqaale cusub ilaa ay gaareen 2016-kii 5,526, tiradaas oo weli sideedii ah. Shaqaalahaas aan tiradooda soo sheegnay ilaa iyo hadda waa sidoodii iyaga oo kala leh heerarkan Garade (A): 2502, (B): 1527, (C): 995, (D) 502, waxaana muuqata in maamulka Farmaajo uu ku guuldareystay qorashada shaqaaleysiinta. Qeybo ka mid ah tiradaas yar ee u diiwaan-geshan shaqaalaha joogtada ah xataa ma helin xuquuqdoodii muddo 9 bil ah, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad. Xaqiiq kale oo aan la inkiri karin ayaa ah in mashruuca ay gunnada ku qaataan shaqaalaha KMG ah ee ay qoratay dowladda Farmaajo laga bixiyo barnaamijka Recurrent Costs and Reform Financing Project, kaas oo ah mashruuc uu bangiga adduunka ogolaaday markii ugu horeysay xiligii dowladdii Xasan Sheekh July 1 ilaa December 31, 2014, waxay aheyd sidoo kale markii ugu horeysay ee bangiga adduunka iyo IMF-ta la shaqeeyaan dowlad Soomaaliyeed, horumarkii la smaeeyey wixii xilligaas ka dambeeyey ayaa keentay in arbacadii ay labada dhinac kala saxiixdaan $80 Million. ilaa hadda xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre waxaa ay jawaab u la’dahay sababta ay u qoran la’dahay shaqaale cusub iyo sababta ay shaqaalaha KMG ah uga biilaan mashruuc loogu talo-galay in lagu shaqaaleeyo khubarada, dadka awood siinta ku shaqada leh, kuwaas oo ay aheyd in dowladda Soomaaliya qaabab kale uga faa’ideysato!! Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
A Japanese Airlines pilot has pleaded guilty to being almost 10 times over the limit just ahead of a flight from London to Tokyo. A bus driver taking him to the plane alerted the authorities. Source: Hiiraan Online
-
The Somali government has signed $80m grant deal with the World Bank (WB). Source: Hiiraan Online
-
SAUDI ARABIA’s dispatch of a 15-member team to Turkey to attack journalist Jamal Khashoggi added to a global trend of autocratic states reaching out to kill or kidnap exiled dissidents. Russia and China have been pioneers of the practice and for the most part have gotten away with it; that has encouraged others. Source: Hiiraan Online
-
Istanbul (Caasimada Online) – Masuuliyiinta dowladda Turkey ayaa baaraya suurta galnimada in meydka Wariye Jamaal Khaashuqji lagu burburiyay Aashito, kadib markii lagu dilay gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, sida Wargeyska Washington Post uu daabacay. Saraakiil sar sare oo ka tirsan Turkiga ayaa wargeyska u sheegay in Cadeymo ay ka heleen beerta ku taala banaanka Qunsuluyadda ay ka taageertay inay ogaadaan in meydka Jamaal la dhigay meel u dhow halka lagu dilay, kadibna aan la aasin oo lagu baabi’iyay aashito. Markii ugu dambeysay ee la arkay Jamaal waxay aheyd 2 October xiligaasi oo uu galayay qunsuliyadda, balse masuuluyiinta Sacuudiga ayaa qiray in Jamaal uu u dhintay murun dhexmaray isaga iyo shaqaalaha, walow markii dambe Turkiga uu xogo kale banaanka keenay. Ilaa iyo hadda lama helin meyd wariyaha oo muddo bil ah la weysan yahay. Dacwad oogaha Turkiga Irfan Fidan ayaa Arbacadii shaaciyay sharaxaad ku aadan waxa baarayasha dambigaasi ka aamisan yihiin waxii ku dhacayKhaashuqji, waxaana la aamisan yahay in wariyaha la ceejiyay markii uu qunsuliyadda galay, iyadoo qorshaha uu ahaa mid horey loosii diyaariyay. Dilka Wariyaha u dhashay Sacuudiga ayaa dhaliyay walaaca caalami ah, waxaana uu aad u dhaleeceyn jiray wariyaha xukunta boqortooyada Sacuudiga. Marka hore Sacuudiga ayaa sheegay in Wariyaha uu kabaxay albaabka dambe ee qunsuliyadda, waxaana 19 bishii October ay Sheegeen war kaasi ka duwan oo ahaa inuu ku dhintay gudaha Qunsuliyadda. Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka ee CIA Gina Haspel ayaa u safray Turkey todobaadkii hore si uu dib ugu eego cadeymaha kiiskaasi la xiriira, waxaana uu xog ka siiyay madaxweyne Trump, waxaana aqalka cad uu shaaciyay in la sugayo Jawaabta Trump Isniinta uu ka bixiyo Kiiskaasi. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@lice.com
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in Shariif Xasan Sheikh Aadan, uu luminayo kalsoonida xildhibaanada Koofur Galbeed. Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii sida xogta aan ku heleyno madaxweyne Shariif Xasan uu ku amray xildhibaanada Koofur Galbeed inaysan la kulmi karin musharixiinta kale ee ku sugan magaalada Baydhabo. Xildhibaanadan ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana taasi ay dhalisay in Shariif Xasan uu Dareemo in culees uu kaga yimaado musharixiinta uu la tartamayo. Xildhibaanada Qaarkood ayaa diiday amarka madaxweyne Shariif Xasan, waxaana 15 kamid ah ay yimaadeen magaalada Muqdisho si ay wadatashi ula sameeyaan xildhibaanada Federalka ee kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed. Xildhibaano badan ayaa ku mideysan in markale aysan dib usoo dooran madaxweyne Shariif Xasan, laakiin waxaa Shariifka lagu yaqaanaa ciyaarta siyaasadda Somalia, taasi oo markale u sahli karta inuu soo laabto. Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan Musharixiin badan oo dooneysa inay ka guuleystaan Shariif Xasan Sheikh Aadan, waxaana fursadda cidda noqoneyso madaxweynaha Koofur Galbeed ay hortaalaa xildhibaanada Koofur Galbeed. Habeen Hore ayaa madaxweyne Shariif Xasan oo dareemay culees waxaa uu badalaad ku sameeyay dhamaan ciidamadii ka howlgalayay madaxtooyada, waxaana uu ku badalay ciidamo ay isku heyb yihiin. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Kadib Khilaaf xoogan oo shalay ka dhashay shaqo joojin lagu sameeyay duqa degmada Beledweyne, ayaa waxaa arintaasi soo kala dhex galay wasiirka arrimaha gudaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle. Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo saaray warsaxaafadeed ayaa xilka ka qaaday duqii degmada Beledweyne oo shalay sheegay in weerar lagu qaaday xafiiskiisa. Wareegto kasoo baxaday Xafiiska Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha ee DG HirShabeelle Waxaa Xilkii looga qaaday Duqii Degmada Baladweyne, Waxaana Xilkaas loo Magacaabay Md Khadar Xasan Afrax. Duqa Degmada Beledweyne Cali C/qaadir Faarax, ayaa ka carooday kadib markii shalay guddoomiyaha gobolka Hiiraan uu ku eedeeyay inuu lunsaday Hanti dadweyne, waxaana uu isaga oo saxaafadda la hadlayay uu sheegay in madaxda Hirshabeelle looga baahan inay arinta ka hadlaan.
-
Halkan ka aqriso qeybihii hore ee qormadan. Faragelin Shisheeye Tan iyo xiligii uu dhacay dagaalkii 1977dii ee dhex maray dowladdii Soomaaliya Iyo Ethiopia, waxaa dalka maalinba maalinta ka dambeeysa ku sii badanaayey faragelin kaga imaanayso dalal shisheeye ee doonaaya inay saameyn ku yeeshaan arrimaha aminga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada. Si dalkasta u gaaro danta iyo ujeedada uu leeyahay, wuxuu sameysta saaxiibbo soomaali ah oo u fuliya danahooda iyo istaraatiijadooda. Faragelinta dalalka shisheeye waxay qeybta ugu weyn ka ahayd burburintii dowladnimada iyo soo bixitaankii hogaamiye kooxyadii iyo ururo diineedyo kala dhantaalay manhajkii Shaaficiyada ee dadka soomaaliyeed haysteen. Haddaba iyadoo la wada ogsoon yahay dhibaatooyinka faragelinta shisheeye u geysteen nabadda iyo dowladnimada soomaaliya, waxaan halkaan si kooban ku soo bandhigeynaa qaar ka mid ah saameeyntii ay ku yeesheen degenaansha iyo dib yagleelidda dowladnimada. Burburin iyo Iska Horkeenid: faragelinta shisheeye waxay keentay in ay soo ay ifbaxaan ururro beeledyo hubeysan oo aan lahayn wax hadaf iyo himillo dowladnimo ah. Si loo burburiyo shacabka soomaaliyeed ee isku isirka, diinta, luuqada iyo inta badan dhaqanka ah, waxay faragelinta shisheeye keentay in beel-beel iyo jilib-jilib laysaga horkeeno dadkii walaalaha ahaa ee danta iyo deegaanku ka dhexeeysay. Arrintaan ayaa keentay fowdo iyo sharci la’aam ku baahday dhamaan dalka iyo in qabyaaladdu gashay meelkasta oo noloshada bulshada ah. Waxaan qofkasta qasab ku noqotay inuu qabiil iyo qabyaalad maciin bido, taasoo meeshii ka saartay dowladnimadii, kala dambeyntii iyo asluubtii bulshada. Dhibaatadaan ayaa waxay keentay cuqdad iyo kala aamin bax soo kala dhexgalay shacabka iyo beelaha soomaaliyeed, waana mid ka mid caqabadaha ugu waa weyn ay dowladda soomaaliyeed manta wajahayso. Qab-qable Beeleedyo: faragelinta shisheeye waxay keentay inay soo baxaan qab-qableyaal arxan laaweyaal ah, kuwaasoo midkasta uu doonaayey inuu awood helo si uu dalka madax ugu noqdo. Qab-qableyaalkii waxay dalka ka dhigeen meel galgalin ah oo aaney ka jirin wax nabad iyo nolol ah. Faragelinta shisheeye waxay keentay in qab-qableyaalkii lagu marti-qaado shirar aan waxba ka soo baxayn, iyadoo shir kasta uu dhali jiray qab-qableyaal hor leh oo taageerro ka helaayo dowlado iyo shirkado shisheeye. Dowladdii ku-meel gaar ahayd ee lagu soo dhisay magaaladda Carta ee dalka Jabuuti oo ahayd dowladdii ugu wanaagsaneyd ee ay ku jireen dadkii ugu aqoonta, waayo-aragnimada iyo wadaniyadda wanaagsanaa, isla markaana shacabka Soomaaliyeed aad u taageersanaayeen, waxaa hor-istaagay qab-qableyaal u adeegaya dowlado iyo dano shisheeye. Federaal Beeleedyo: faragelinta shisheeye waxay keentay in dadka soomaaliyeed loo yeeriyo nooca dowladnimo ee ay u baahan yihiin iyadoo aan la tixgelineyn dhaqankooda iyo duruufahood siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale. Waxaa dadka soomaaliyeed lagu sanduleeyey in ay qaataan nidaamka is-maamul goboleed qabiil ku dhisan. Faragelinta shisheeye waxay keentay in la abuuro dowladdo leh madaxweyneyaal, baarlamaan iyo sharci dejin oo ay xukumaan dad uusan dadweynuhu ama shacabku soo dooran. Nidaamkaan ayaa wuxuu sii kordhiyey kala qeybsanaanta dowladda iyo in hogaamiye maamul-beeledyadu ay ku xirnaadaan dowlado shisheeye oo iyaga taladooda qaata. Dowladaha qaar ayaa waxay si aan qarsoodi lahayn u siiyaan Madaxweyne beeleedyada taageerro dhaqaale, mid milateri iyo siyaasadeed, iyagoo is bareer ah u curyaaminaayo in la helo dowlad leh karti iyo awood ay dalka ku samata-bixiso. Boobka Hantida Qaranka: faragelinta shisheeye waxay keentay in hantidii qaranka la boobo loona qaado dalal kale. Waxaa si aan kala har lahayn loo iibsaday ama loo boobay xoolihii iyo duurjoogtii dalka. Waxaa si aan la qiyaasi karin loo boobaa kheyraadka badda ee dalka iyadoo maraakiib waa weyn oo dalal shisheeye calankooda sita ay jillaabtaan wax kasta, taasoo xaalufin ku keentay meelo badan oo ka mid dhul-badeedka dalka. Waxaa kale oo la boobaa macaadinta iyo kheyraadka kale ee dalka. Sidoo kale, waxaa la lunsaday lana dhoofsaday dhaxal-taariikheedkii dalka iyo astaamihii soo yaalka ahaa ee dhaxalka iyo dhigaalka u ahaa ummadda Soomaaliyeed sida taallooyin, buugaag iyo raadad qaddiim ah. Tartan iyo Handadaad: maadaama dalka Soomaaliyeed uu ka mid yahay dhowrka dal ee dunida ugu qanisan marka la eego halku uu juquraafi ahaan aduunka ugu yaalo oo ah meel istaraateji ah iyo khayraadka dihin ee ceegaaga bad iyo beriba, Soomaaliya waxaa la degey tartan iyo loolan ka dhex jira dowladdo iyo shirkado caalami ah. Dowladaha reer galbeedka iyo shirkadahooda waa weyn ayaa inta badan waxay keenaan ama huriyaa colaada iyo khilaafka aan dhamaad lahayn ee dalka ka jirta. Madaxda soomaaliyeed ayaa markasta la kulma handaad iyo cabsi-gelin aan dhamaad lahayn oo ka imaaneysa dowladdo ilaalsanaayo kheyraadka dalka laakiin aan dan iyo muraad ka lahayn xal u helidda dhibaatooyinka burburiyey/hortaagan dowladnimada. Dowladahaan ayaa sheega inay lacago fara badan u bixiyeen wax loogu yeero kaalmo Bani-aadanimo ama humanitarian Aid, taasoo loo dhiibo hay’adaha UNka iyo NGO caalamiga isla markaana aaney ka soo bixin wax la taaban karo. Xaaladdaan ayaa dowladda soomaaliyeed ka dhigtay mid daciif ah oo ku nool gacmo hoorsi. Deegaan iyo Nolol burburin: faragelinta shisheeye waxay keentay in dowladdo iyo shirkado wakiilka ah dowladooda ama kooxo burcad ay dhulka iyo xeebaha dalka ku aasaan sunta nukleerka iyo dareere-warshadeedyada iyadoo aan la tixgelineyn saameeynta caafimaad iyo deegaan ee suntaas ama kiimikadaasi keeni karto. Waxaa kale oo la baabi’iyey bay’addii iyo degaankii iyadoo dhirtii laga shidaayo dhuxul dibedda loo iib geeyo. Gubidda dhirta qaarkeed u baahan yihiin ugu 50 sano si ay u soo baxaan una koraan ayaa waxay keentay xaalufin iyo isbedelku ku miyid cimiladii iyo noloshii xoolaha iyo xoolo-dhaqatada. Saameynta deegaan burburinta ayaa waxay keeni doona dhibaatooyin ay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed muddo badan la daalaa dhacdaan, isla markaana caqab ku noqota nolosha jiilashada soo socda…la soco qeybta xigta oo ku saabsan jabhado beeleed, insha allah. W/Q: Dr Cabdullaahi Maxamed Xersi (Qorax). Dr. Qorax, waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafyada haystana shahaada PhD da. Wuxuu ku noolyahay magaaladda Nairobi, dalka KenyaEmail: abdullahi.qorah@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa go’doon galaya degmada Dalxiiska gobolka Banaadir oo ah degmada CabdiCasiis oo dadweyne badan ay u dalxiis tagaan maalin kastaa xeebteeda Liido. Waxii ka dambeeyay markii dowladda Imaaraatka Carabta ay xarun safaaradeed iyo mid Caafimaad ka furtay kasoo horjeedka saldhiga degmada Cabdi Casiis, waxaa ciriiri noqday wadaddii loo mari jiray degmada Cabdi Casiis. Dadweynaha iyo gadiidka kale ayaa adeegsan jiray wadada hormarta KM0, balse waxii ka dambeeyay markii qarax uu ka dhacay hotelka Dorbin waxaa gabi ahaanba la xeray wadadaasi. Taasi waxay dhalisay in dadweynaha loo ogolaado inay adeegsadaan wadada ka timaada dhanka degmada Shangaani ee hormarta taliska ciidamada Taraafikada, kadibna ku dhacda kaalinta shidaalka ee ku dhow saldhiga degmada CabdiCasiis, halkaasi oo fariisin ciidan laga sameeyay si loogu hubiyo gaadiidka dowladda ee maraya Laamiga KM0. Iyadoo wadadaasi ay dadweynaha ciriiri badan kala kulmi jireen, maadaama loo adeegsanayay Gelid iyo bixid, burbur xooganna uu kamuuqday ayaa haddana roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho, waxay sababeen inay halkaasi biyo badan Fariistaan. Biyaha Roobka ayaa sababay in gaadiidka Bajaajta iyo kuwa dadweynaha ay adeegsan kari waayay, sabab la xiriirta burburka iyo biyaha oo badan oo waxyeelo sababi kara. Waa wadada kaliya ee la adeegsado marka loo socdo xeebta Liido oo aad ka timaada dhanka degmooyinka Shibis, Xamarweyne,Shangaani ilaa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Gaadiidka halkaasi isticmaala ee dadweynaha waxaa bil walbaa laga qaadaa Canshuur badan, balse lama oga halka lacagtaasi la marsiiyo. Wadayaasha Gaadiidka Bajaajta ayaa bilaabay iney wareeg dheer usoo maraan xeebta Liido, iyaga oo Marka ay yimaadaan Isgoyska Jubba u leexda dhanka Maanabooliyo, kadibna sii mara Nasiib Buundo iyaga oo kasoo dhacaya dhanka Isgoyska Mirinaayo oo ciidamada Fadhiyo ay dhibaato kale kala kulmaan. Waxaana taasi ay horseeday in dhaqaalaha lagu kordhiyo dadweynaha adeegsanaya Bajaajta. Haddii aan Halka waddo ee dadweynaha u furan si xeebta Liido u gaaraan aan wax laga qaban, waxaa istaagi dooni Gabi ahaanha Dalxiiska Xeebta Liido, Caasimada Online Xafiiska Muqdish Caasimada@live.com
