-
Content Count
210,839 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Fahad Yaasiin Xaaji Daahir waxaa dhawaan loo magacaabay agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka ee (NISA), ku xigeenimadiia waxaa loo arkaa iney ka xoog badan tahay kuwii ka horreeyay, dadka qaar waxey qabaan inuu isaga yahay qofka ugu sarreeya NISA waxaana la is weydiinayaa waxa isbadali doona. Mudooyinkii lasoo dhaafay NISA waxey laheyd dul-duleelo badan waxaana hadda loo fadhiyaa inuu FAHAD daboolo godadka hay’adda, arrimaha aadka loo hadal hayo ee la is leeyahay wax ayuu ka badali doonaa waxaa ka mid ah: 1-Dilalka Sharci darrada ah: Waxa dhawr jeer dhacday in ciidamada NISA ay si sharci darro ah u dileen dad shacab ah, wax badan lagama qaban arrintaan waxaana looga fadhiyaa inuu Fahad arrintaan soo afjaro. 2-Laaluushka: Hay’adda NISA waxaa lagu eedeeyaa in ciidamadeeda jooga wadooyinka iney qaataan lacago laaluush ah kadibna ay fasaxaan gaadiidka sida qaraxyada taasoo u baahan in lasoo afjaro. 3-Xariga Sharci darrada ah: Hay’adda nabad sugidda soomaaliya waxaa la sheegaa iney u xiran yahiin dad badan oo shacab ah kuwaas oo laga doonayo madax furasho hadii ay dhiibi waayanna dusha loo saaro dambiyo aaney laheyn, taasoo u baahan in lasoo afjaro. 4-Amarada is barbar yaaca ah: Hay’adda NISA waxey leedahay hogaan la yaqaan, hadana sidaas oo ay tahay waxaa jira wiilal yaryar oo dhibaato ku haya shacabka isla markaana mid walba iska gaaro go’aanka uu doono iyo amar ku taagleyn guud oo shacabka dhexdiisa ah taasoo abuurtay jahawareer ku saabsan cidda hagta NISA. 5-Caburinta Siyaasiyiinta: Hay’ada NISA waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay loo isticmaalay caburinta siyaasiyiin iyo dad ka aragti duwan dowladda Soomaaliya, sida la xasuusan yahay Soomaalida waxey ku heshiisay inaan ciidanku ku dhex milmin isqab-qabsiga siyaasiyiinta, sidaas darteed FAHAD waxaa laga rabaa iney NISA noqoto mid ka madax banaan raga siyaasadda isku haya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilladda Puntland ayaa 18 Augsto 2018 u gudbisay Gollaha Baarlamanka gal dacwadeed ka dhan ah Hay,adda biyaha iyo Tamarta ee PSAWEN ka dib markey sheegtay inay si sharci daro ah faraha ula soo gashay mashaariicda iyo hawlaha ay u xilsaaran tahay Wasaaraddu. Waxaa lagu xusay qoraal madaxda Wasaaraddu u gudbisay Baarlamanka mudadii ay jirtey Hay,adda PSAWEN inaysan habayaraatee wax door ah iyo kaalin ka geysan arrimaha la xiriira hakinta,leexinta iyo ka faa,iideysiga biyaha roobka oo sanad kasta in ka badan labaatan trillion mitir kuyuubic ay ku dhamaadaan badda Islamarkaana qulqulka ay samaynayaan dhibaato u geysan jiray dhirta iyo ciida nafaqada leh ka dib markey dhulka u keeneen nabaad guur tiro badan. Warbaahinta PUNTLAND POST oo samaysay baaritaan kooban ka dib markii uu soo shaac baxay maalmo ka hor khilaaf cusub oo u dhaxeeya Wasaaradda Deegaanka iyo Hay,adda Biyaha Puntland PSAWEN waxaa lagu ogaadey baaritaanka xogo la xidhiidha in loo weeciyay dhinaca arrimaha bulshada Gaar ahaan ka faa,iideysiga daadka roobka iyo ka hortaga nabaad guurka deeqda mashruuc balaaran oo horey qorshuhu u ahaa inay uga faa,iideysato Puntland dayactirka jidka laamiga burbursan ee isku xira magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo. Mashruucaan oo markii la shaaciyay sanado badan laga joogo, kana mid ahaa mashaariicdii Xukuumadda Cabdiweli Gaas ka dhaxashay Madaxweynihii horre ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ma jirto natiijo laga gaarey hadafkii loogu deeqay asalkiisii horre oo ahaa dhismaha wadada Gaalkacyo iyo Garoowe, waxaana hakad galiyay fulintiisa eedeymo soo noqnoqday oo la xidhiidha musuq maasuq iyo hanaankiisa oo ay hareeyeen caqabado iyo dhaliilo sababay mudadii loogu talagalay mashruuca inaan looga faa,iideysan. Akhri Dacwadda Wasaaradda Deegaanka Hay,adda GIZ oo laga leeyahay dalka Jarmalka oo kaalin weyn ka ah dalalkii bixiyay deeqda mashruuca ayaa wararku sheegayaan inay mar kale isu diyaarinayso fursad ay boorka uga jafeyso sidii mashruucaas loogu weecin lahaa dhinaca arrimaha bulshada gaar ahaan ka faa,iideysiga biyaha roobka iyo ka hortaga nabaadguurka deegaanka. Sarkaal ka tirsan GIZ iyo Wasiiro PL Xogta PUNTLAND POST ku heshay baaritaanka waxay tilmaamaysa talaabaddan dib usoo nooleynta mashruuca inay ka dambeysay ka dib markey ku qanceen madaxda hay,addu,talo bixin dhexmartey hay,addaha UN-ka iyo nidaam xisaabeedka iyo daahfurnaanta ka jirta Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilladda Puntand. Hadafka mashruucani xambaarsan yahay oo ku qotomo siduu ula hawlgali lahaa wasaarad ama xafiis ka hufan musuq maasuq iyo wax isdaba marin, ayaa si looga miro dhaliyo amase loo gaaro ujeedada la xidhiidha in Puntland lagu tijaabiyo mashaariic waaweyn si la mid ah maamulka Somaliland,waxay tani ka dhigan tahay fursad markii 2aad muddo tar oo kooban gudaheed soo garaacda albaabka. Dacwada Wasaaradda Deegaanka Puntland maalmo ka hor ay u gudbisay Baarlamanka Puntland oo xilligaan ku guddo jira kalfadhigoodii u dambeeyay ayaa iyana xambaarsan fariin cabsi leh oo tilmaamaysa jiritaanka weerar durba uga yimid gudaha dowladda hirgalinta iyo ka miro dhalinta mashruucaas, waxaana lagu xusay qoraalka Wasaaradda hawlihii loo igmadey inay weerar qaawan kusoo qaaday Hay,adda PSAWEN oo haatan ka dhursugaysa fulinta shaqooyin aan horey loogu baran, sida dhisida dhaamamka ka faa,iideysiga biyaha roobka, kuwaas oo sida la ogyahay 7-kii sano ee lasoo dhaafey waxqabad la taaban karo ay ka samaysay Wasaaradda Deegaanka Puntland oo la asaasay sanadkii 2009-kii. Sidoo kale intii uu socdey Baaritaanka PUNTLAND POST waxaa lagu helay nuqul qoraaleedyo kasoo baxay sanadihii 2013 iyo 2017 xafiiska Madaxweynihii horre Puntland Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed (FAROOLE) iyo Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo lagu wargaliyay hay,addaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka gaar ahaan mashaariicda quseysa ka faa,iideysiga biyaha roobka,biyo xireenadda,ka hortaga nabaad guurka,ilaalinta duurjoogta IWM inay kala shaqeyn karaan oo kaliya Wasaaradda Deegaanka Puntland. Dhinaca kale waxaa jira warar hoose oo sheegaya isbedel mowqifeed oo burinaya digreetadii kal horre Madaxweyne Cabdiweli Gaas uu ku taageeray masuuliyadda shaqada Wasaaradda Deegaanka,ka dib markey gollihiisa xukuumaddu ku dhaqaaqeen todobaadkii lasoo dhaafey talaabo loogu ansixiyay Hay,adda PSAWEN inay wakiil uga noqonayso mashaariicda usoo socota Arrimaha Deegaanka iyo Isbedelka Cimilladda. Horey uma jirin door ama kaalin ay ku lahayd PSAWEN hawlahaan ku taxaluuqa faa,iideysiga biyaha roobka iyo dhismaha biyo xireenadda laga soo bilaabo tan markii la asaasay 17 sano ka hor ilaa 2018,Iyadoona inta badan hawsheedu ahaan jidhey qandaraasyadda lku saabsan qodida ceelasha dhaadheer ee Riigaga. Qaar ka mid ah dadka la socda khilaafkan, waxay ku fasireen walaaca Wasaaradda Deegaanku qabto mid u gogol xaaraya sidii dhabaha looga leexin lahaa mashaariic waaweyn oo ka taabagashay dalka, waxayna ku sifeeyeen hanaankii uu ku bilowday Asaaskii wakaaladda biyaha,tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Puntland inuu ahaa. “Hay,addaan waxaa la asaasay sanadkii 2000,waxayna la midowday dhaxalkii hantidii qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan mashruucii xooga korontada ee la oran jirey EENEEYE oo ka shaqo bilaabay degmooyinka Bosaso iyo Qardho dabayaaqadii 1980-kii, waxaana Maareeye looga dhigay A.U.N Abshir Muuse” Ayuu yiri Injineer Mowliid Khaliif oo ah khabiir horey uga soo shaqeeyay dhismaha mashaariicda dhaamamka iyo biyo xireenada laga sameeyay deegaano badan oo ka tirsan Gobolladda Puntland. Balse sida ku cad nidaamka shaqada PSAWEN waxaa la asaasay sanadkii 2001, waxayna golloyaasha dowladdu meelmariyeen shuruucda iyo siyaasada ay ku shaqeyso sanadkii 2007,Iyadoona lagu qeexay ujeedada ama hadafka loo abuurey horumarinta biyaha iyo korontada oo dhamaan gacanta ugu jirta shirkaddo gaar loo leeyahay oo ka madax banaan dowladda , mana cada ilaa iyo hadda inay guulo ka gaadhey hawlihii loo igmadey iyo in kale. Mareeyihii horre ee mashruucii Eeneeye Marxuum Abshir Muuse ayaa fursad u helay mar kale inuu madax ka noqdo markii la bilaabay PSAWEN, wallow muddo dheer ka dib uu digreeto ku bedelay Madaxweynihii horre ee Puntland Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole, balse laguma guulaysan buuq badan oo ka dhashay bedelka A.U.N Abshir Muuse inuu kala lug baxo PSAWEN oo uu hadda madax ka yahay wiil uu dhalay marxuumku. Inta badan shacabka iyo Warbaahinta si daahfurnaan ah looguma soo gudbiyo qaababka ay isu bedelaan Madaxda sarre ee Xafiiska PSAWEN, waxaana jira shaki weyn oo ku xeeran mudadii dheerayd oo Marxuum Abshir Muuse madaxda ka ahaa xafiiskaas iyo sida wiilkiisu ku yimid shaqada oo aan faahfaahin laga hayn. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Deegaanka Puntland oo qarka u saaran in laga xoogo mashaariic muhiim ah appeared first on Puntland Post.
-
Midowga Yurub ayaa xaqiijiyay in dalka Giriigga uu ku guulaystay in uu ka soo baxo barnaamijkii samatabixinta dhaqaalaha oo socday muddo saddex sano ah si uu dalkaasi uga soo kabto dhibaatadii dhanka deymaha ee haysatay. Mashruuca lacagaha uu Midowga Yurub ugu talagalay xasilinta dhaqaalaha dalalka isticmaala lacagta Yuuro ayaa waxa uu samatabixinta dhaqaalaha Giriigga u qoondeeyeen 61.9 bilyan oo Yuuro oo dowladda dalkaasi looga taageerayay dhaqaalaha dalkeed uu u soo kaban lahaa. Tan iyo markii dhibaatooyinka dhaqaale ay ku habsadeen Giriiga sanadkii 2010, Giriiga ayaa waxaa soo gaaray samatabixintii ugu weyneyd ee dhaqaalaha taariikhda, balse xuriyada maamul ee dhaqaalahiisa gaarka ayaa yareyn doonto kormeerida adag ee gudiga Yurub. Si dalalkaasi u xaqiijiyaan in Athens aysan ka bixin heshiisyadii ay isku afgarteen dalalka lacagaha amaahiyay, si ugu dambeyntii Giriigu u bixiyo amaahdaasi. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Gariiga oo ka soo kabtay dhibaatadii dhaqaale ee mudada dheer haysatay appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo mooshin ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, kaas oo waqti kooban haya xilka madaxweynanimada Hirshabeelle. Guux xoogan ayaa ka jira gudaha xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle, sidey wararka sheegayaan waxaa jira mudanayaal badan oo masuugsan qaabka uu u shaqeeyo madaxweyne waare, waxeyna ka fakarayaan iney badalaan. Ilaa hadda 34 mudane ayaa la sheegayaa iney saxiixeen mooshin ka dhan ah madaxweyne Waare, sida uu dhigaayo sharciga Hirshabeelle mooshinka madaxweynaha waxaa soo jeedin kara 33 mudane, waxaana xilka ka qaadi kara 66 mudane. Si dhab ah looma hubo cidda ka dambeysa mooshinkaan cusub ee ka dhanka ah madaxweyne Waare, laakiin wararka qaar waxey sheegayaan iney ka dambeeyaan siyaasiyiintii la tartantay Maxamed Cabdi Waare oo ay ka mid yahiin Madaxweynahii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble. Mudane ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle oo aan la xiriirnayaa si aan uga wareysano arrinta mooshinka wuxuu inoo sheegay inuu maqlay inuu jiro mooshinkaas balse uusan isagu saxiixin, wuxuuna intaas ku daray inuu masuugsan yahay shaqada madaxweynaha. Xildhibaanada mooshinka wada ee Hirshabeelle qaarkood waxey u sababeynayaan arrintaan inuu madaxweynuhu sameeyay musuq-maasuq iyo inaan wax laga qaban amniga oo ay sheegeen in loo helay lacag hal malyan ah. Lama yaqaanno goorta la keeni doono mooshinka ay diyaarinayaan xildhibaanada, laakiin mar walba waxaa ku biiraya xildhibaano cusub sidaan xogta ku helnay. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
Muqdisho [Puntland Post]-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay, kadib safar dhowr maalmood qaatay oo uu dalka kaga maqnaa. Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisa waxa uu ku tagay wadamada Jabuuti iyo Turkiga, waxa uuna la kulmay madaxda ugu sareysa dowladahaa, oo ay kawada hadleen arrimaha ka dhaxeeya. Wadada isku xirta madaxtooyada ilaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa la xiray, xilligiii uu madaxweynuhu uu soo gaarayay caasimadda. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Marka-[Puntland Post]Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa shalay la wareegeen Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya halkaas oo inta badan ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab. Ciidamada ka tirsan Dawladda soomaliya ee la wareegay Marka ayaa waxaa hoggaaminaya Abaanduulihii xilka laga qaaday ee Ciiddanka xoogga dalka Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood,waxana haatan la qorsheynayaa isbedelo dhinac walba ah oo laga sameeyo degmadaas. Guddoomiyaha degmada Marka ee maamulka koonfur Galbeed Cumar Macalin oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Al-Shabaab inta badan kala wareegeen xaafadaha Magalada Marka,isla markaana aysan jirin ilaa iyo hadda goobo ay ka taliyaan. Waxa uu sheegay in maamulku uusan aqbaleyn in maalin walba lagu dul dagaalamo Shacabka dushiisa,isla markaana isbedel dhanka Maamulka ah ay sameyn doonaan si amniga Magalada uu u noqdo mid hagaaga. waararkii ugu danbeyey ay helayso Warbaahinta Puntland Post ayaa sheegaya in ay saaka dagan tahaya xaalada magaaladu waxana jira hawlagalo ay ciidamada dawaldu ay ka wadan xafadaha Magaalada Marka. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Hawlgalo Saaka ka socda Magalada Marka ee gobalka shabeelada Hoose appeared first on Puntland Post.
-
Maanta oo ku beegan 9-ka Carafo ayaa Malaayiin Muslimiin ah oo isaga kala timid dunida daafaheeda waxa ay taaganyihiin Buurta Carafo. Xujeeyda Ayaa gudanaya Mid kamid ah argaanta ugu muhiimsan ee xajka oo ah rugniga labadaad istaaga buurta Carafo. Muslimiinta ayaa saaka Subixii hore Gadaadiidka basaska ah looga soo qaaday Magaalada Mina. Xujeeyda sanadkaan alle uu u suurtagaliyay in ay xajka gutaan ayaa taagnaan doona Buurta Carafo ilaa Gabaldhaca caawa. Dhinaca kale Muslimiinta kale ee aan sanadkaan xajineeynin ayaa sooman Maanta Maadaama Nabiga Csw uu ku sheegay in Soomka Carafo lagu dhaafo dunuubta Sanadkii hore iyo kan Soo socdo. Maalinta bari ah oo ay Bisha Hijriyada Islaamka ku beegantahay 10-ka Carafo ayaa Muslimiinta dunida waxa ay u dabaaldagi doonaan maalinta 1-aad ee ciidul Adxaa. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Malaayiin Muslimiin ah oo Maanta Taagan Buurta Carafo appeared first on Puntland Post.
-
Ankara (Caasimada Online)-Waxaa mar kale magaalada Ankara ee dalka Turkiga kulan uu ku dhexmaray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Kulanka oo muddo socday kadib Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh ayaa bartiisa Facebooka ku soo qoray in Madaxweyne Farmaajo ay kawada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo isbedelada jira. “Maanta waxaan magaalada Anakara kula kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaan ka wada hadalnay arrimo ku saabsan caqabadaha iyo guulaha Soomaaliya iyo qaabka dowladda Soomaaliya ay u sameyn karto horumaro balaaran”. Ayuu yiri Xasan Sheekh. Labada mas’uul waxa ay sidoo kale ka wada hadleen xaalada gobolka geeska iyo is bedelada ka dhacaya, gaar ahaan nidaamka siyaasadda juquraafiga ee gobolka oo xilligan Soomaaliya saameyn ku yeelaneyso. Waxa ay isla soo qaaden mas’uuliyiintan muhiimada ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeyn dhexmarta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda shacabka Soomaaliyeed. Waxa ay labada mas’uul isku raaceen in si wada jira looga wada shaqeeyo danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana kulankooda labaad kasoo baxay in culeyska lawada saaro wadatashi iyo isla shaqeyn joogta ah si indho loogu noqdo Umadda Soomaaliyeed ee aanu dhowr sano helin nidaam rasmi ah. Kulankan ayaa noqonaya kii labaad oo labada Madaxweyne yeesheen, iyadoo bishii hore ee July ay ku kulmeen magaalada Ankara, xilli Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galayay caleema saarka Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan oo dib loo doortay. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana uu u degan yahay dalka Turkiga. Dhinaca kale, kulanka Ankara ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay la hadal haayey in uu ku soo wajahan yahay Magalada Muqdisho si uu u sameeyo Xisbi Weyn oo uu hoggaamin doono. Caasimada Online Xafiiska Ankara Caasimada@live.com
-
Qardho [Puntland Post]-Dhallinyarada gobolka Karkaar gaar ahaan degmada Qardho ayaa munaasabad ay ku taageerayeen musharax Siciid Cabdullaahi Deni ku qabtay magaalada Qardho, waxaana xafladdaasi ka qayb galay qayabaha kala duwan ee dhallinyarada gobolkaas. Kalmado kala duwan oo munaasabadda laga soo jeediyay ayaa lagu tilmaamay taariikhda Siciid Deni iyo tallaabooyinkii uu qaaday xilliyadii uu kamid ah bahda tacliinta Puntland iyo bahda ganacsiga, waxaa sidoo kale la ceddeeyay inuu masuuliyado kala duwan kasoo qabtay DFS. Dhallinyarada munaasabada soo agaasimay ee gobolka Karkaar waxaa ay sheegeen inay diyaar u yihiin garab istaaga iyo la shaqaynta Musharaxa Siciid Deni, iyagoo tilmaamay inay ku raja weyn yihiin inuu guulo la taaban karo kasoo hooyo doorashada Madaxtinimo ee Puntland 08 Jan, 2019. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Musharax Siciid Deni oo laga taageeray Qardho appeared first on Puntland Post.
-
Newly appointed Northeastern regional commissioner Mohamed Birik has warned bus companies and transporters against ferrying aliens from Somalia to Nairobi. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Wararka nasoo garaya ayaa sheegaya in isbaheysi cusub looga dhawaaqay Ethiopia kaa oo ay ku mideysan yihiin ururrada ONLF iyo SRDA. Ururadan oo muddo fog shaqeynaayay ayaa ku dhawaaqay isbageysi cusub oo ay ku sheegeen in uu ka shaqeynayo horumarinta iyo danaha dadka Soomaalida ah ee ku hoos nool dowladda Ethiopia. Isbaheysiga oo loogu wanqalay “Xoreynta Soomaalida ee Somali Coalition for Freedom (SCF)”, ayaa waxaa ka dhex muuqda mas’uuliyiin miisaan ku leh Siyaasada dalka Ethiopia, waxaana lasoo sheegayaa inuu ka shaqeyn doono dhammaan dalka Ethiopia. Sida lagu muujiyay qoraal lagu daabacay boga Twitter-ka ee ONLF ayaa waxaa lagu sheegay in labada urur ay ku heshiiyen in si wada jira looga shaqeeyo aayaha dadka iyo dhulka Soomaalida. Waxaa lagu sheegay in labada urur ay isla garteen dhismaha Isbaheysiga Xoreynta Soomaalida ee Somali Coalition for Freedom (SCF) oo saldhig u noqon doona xasilinta iyo hormarinta dhulka Soomaalida. Waxaa la sheegay in Isbahaysiga cusub xoogiisa uu yahay mid ka shaqeyn doona xoriyadda iyo caddaaladda Soomaalida dalka Ethiopia, si loo helo jawi xasiloon oo saldhig u noqon doona cadaalada. Sidoo kale, qorshooyinka ugu waaweyn ee isbaheysiga ayaa waxaa kamid ah sidii Soomaalida ku hoos nool dowladda Ethiopia ay u heli lahaayen Garowsi gaar ah, maadaama isbedel Siyaasadeed laga dareemayo Ethiopia. Si kastaba ha ahaatee, ONLF oo fac weyn isla markaana muddo dheer u dagaalamayay madaxabanaanida Ismaamulka Somalida Ethiopia ayaa iminka u muuqda inuu ku talaabayo isbedelo iyo siyaasado la dhaqan u ah dowlada Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online)-Waxa ay saaka xiisad colaadeed ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, oo ay isku horfadhiyaan ciidamo kala taabacsan maamulada Somaliland iyo Puntland. Xiisa laga dareemayo deegaanka Tukaraq ayaa waxa ay timid kadib markii Gaadiid dagaal oo ay leedahay Puntland saaka ay gudaha u galeen deegaanka Tukaraq. Ciidamada Puntland ee saaka galay deegaanka ayaa durba bilaabay dhaq-dhaqaaqyo ciidan waxa ayna saaka gaaren jiida hore ee dagaalka taa oo sababtay xiisadda halkaa ka taagan. Dadka deeganka waxa ay soo sheegayaan in rasaas goosgoosa ay xalay ilaa saaka ka dul dhaceysay taa oo ay ridayeen ciidamada maamulka Somaliland oo difaac ku jiray. Sidoo kale, waxaa shalay deegaanka gaaray ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland iyo saanad ay wateen kuwaa oo sabab u noqday dhaqdhaqaaqa sii xoogeysanaaya ee saaka laga dareemayo Tukaraq. Docda kale, Xiisadan ayaa imaaneysa iyada oo maalinimadii shalay aheyd, guddiga difaaca Puntland ay sheegeen in dagaal uu ka dhici doono, deegaanka Tukuraq, nabadna aysan jiri doonin inta gobollada Sool iyo Sanaag ay Somaliland ku sugantahay. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Kenya is demanding more compensation this year from the United Nations (UN) for its troops fighting Al-Shabaab in Somalia as it signalled to start withdrawing the soldiers from next July. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre oo ku guda jira barnaamijka la dagaalanka musuqa ayaa sheegay inaanu xiriir kala dhexeyn mas’uulkii musuqa hantida Qaranka. Kheyre waxa uu sheegay inay ka go’an tahay inay la dagaalaman cid waliba oo isku daydaa inay musuqdo hanta Qaran, waxa uun cadeeyay in mowqifkiisa dhanka musuqa uu yahay ciqaab iyo fadeexeyn. Waxa uu Ra’isul wasaare Kheyre tilmaamay inaysan calaaqo kala dhexeyn cid waliba oo musuqda hantida, waxa uuna ku goodiyay in cid waliba oo loo xiro arrinta musuqa ay mari doonto 3 ciqaab oo kala ah:- 1-Mas’uulka lagu helaa musuqa inuu weyn doono xilka ama shaqada uu u hayo Qaranka. 2-In dowlada Somalia ay la wareegi doonto hantida uu mas’uulkaasi ka tacbay musuqa Qaranka, maadaama lacagtaasi ay tahay mid laga dhacay shacabka. 3-Inay shacabka la wadaagi doonaan ceebta mas’uulkii lagu helaa musuqa hanta Qaran, waxa uuna ballanqaaday inay la dagaalami doonaan cid walba oo ku kacdaa musuq. Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu cadeeyay inay ku adkaan doonto inay qariyaan ama difaacan shaqsiga u bareeray musuqa, waxa uuna si gaara ugu digay mas’uuliyiinta Golayaasha iyo kuwa dowlada Hoose. Dhinaca kale, Kheyre ayaa dadka shacabka iyo kuwa ka shaqeeya xafiiisyada dowlada ugu baaqay inay faramuuqan kuwa is qarinaaya ee dhaca u geystay Hantida Qaranka, waxa uuna hadalkaan ka sheegay kulan uu la qaatay Saraakiisha Hay’adaha amaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The Turkish Aerospace Industries (TAI) has built the country’s first prototype of a new generation, twin-engine multi-purpose helicopter that will perform its test flight later this year. Source: Hiiraan Online
-
Afgooye (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa howlgalo ay ciidamada uu hoggaaminaayo Abaanduulihii hore ee ciidanka milateriga ee Soomaaliya Jeneraal Cabdulaahi Cali Caanood ay kawadaan magaalada Marko ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamada ay burburiyeen Saldhigyo ay lahaayen Alshabaab kuwaa oo isugu jira kuwa lagu tababaro dhalinyarada iyo kuwo kale oo laga qaadi jiray duulaanka. Ciidamada oo howlgalada gaarsiiyay duleedka magaalada Marko ayaa sidoo kale banaanka usoo saaray Qaraxyo ay maleeshiyada ku aaseen dhulka kuwaa oo loogu tallo galay in lagu qarxiyo gaadiidka dagaalka oo ay isticmaalayaan ciidamada. Saraakiisha hogaamineysa ciidamada ayaa sheegay inay nolosha ku qabteen Alshabaab farabadan oo ay ku jiraan Saraakiil iyo dagaalamayaal baxsad ka ahaa howlgalada ay wadaan ciidamada. Waxa ay sheegen inay gacanta ku dhigeen hub ay isticmaalayeen maleeshiyaadka ka cararay Saldhigyada ay burburiyeen ciidamada dowlada. Sidoo kale, Saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgalada ay gaarsiin doonaan deegaano dhowr ah oo la sheegay inay ku dhuumaleysanayaan Alshabaabka ka cararay magaalada Marko. Geesta kale, Alshabaabka ka baxay qeybo kamid ah magaalada Marko ayaa saldhigtay deegaano duleedka ah magaalada Marko oo aan wali gaarin howlgalka. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaalida ayaa sheegaya in la xiray ciidamo ka tirsan Liyuu Boolis oo isku dayay boob hantiyadeed. Ciidamadan ayaa la sheegay in lagu helay danbiyo la xiriira in mudada ay shaqaaqada ka soctay deegaanada maamulka ay isku dayeen inay la goostan Booyado iyo Gaadiid ciidan. Saraakiil ka tirsan ciidamada ayaa faramuuqay askarta la xiray kadib markii ay kusii dhiiradeen inay la baxsadaan Hub. Ciidamadan oo qeyb ka ahaa garabka Madaxweynihii hore ee maamulka Cabdi Cumar ayaa iminka la dhigay xabsi, waxaana lagu wadaa in lasoo taago maxkamad. Sidoo kale, waxaa la soo sheegayaa inay qirteen falka loo xiray, wallow ay ku cudur daaranayaan inay badbaadin ahaan u wateen gaadiidkaasi. Arrintaan ayaa imaaneysa xili dhawaan maamulka uu kiisas noocaasi ah u xiray shaqsiyaad ka tirsanaa maamulka oo lagu eedeeyay kicin dadweyne. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Ethiopia on Sunday inaugurated a power plant which converts waste into energy, next to a filthy open-air dump in Addis Ababa where a landslide last year killed more than 110 people. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa ka hadlay wararka sheegaya in dalkiisa uu qafiifinaayo ku dhaqanka sharciyada adkaa ee dalkaasi u degsan. Abiy Axmed, ayaa sheegay in dowladiisa marka hore aysan dooneynin inay ku dhaqanto sharci caburis ah, hase yeeshee haddii ay dhacno in laga maarmi waayo ay ku dhaqmi doonaan. Waxa uu sheegay in maamuladii ka horeeyay ay ku dhaqmi jireen sharciyo adag oo xitaa dadka shacabka qaarkood ku qasbi jiray inay ku nooladan dalka dibadiisa, balse ay iyagu inbadan ka duwanaan doonaan, sida uu hadalka u dhigay. Sharciyada adag ayuu tilmaamay in dalka ay u horseedi karto dhibaatooyin iska kacdoono, sidaa aawgeed aysan diyaar u aheyn inay ku dhaqmaan shaci adag oo cadaawad ka dhex abuuri kara dowlada iyo shacabka. Sharciyada adag ayuu tilmaamay keliya inay u adeegsan doonaan isla markaana ku ciqaabi doonaan kuwa halista ku ah dalka, waxa uuna yiri “Sharciga cidna ugama baqan doono cidii halis nagu ah ayuu maareyn doonaa sharciga adag” “Ethiopia uma baahna caburin iyo in la dhibaateeyo shacabka, waa inaan garanaa waxa wanaagsan iyo waxa xun ee dhibaatada noo horseedi kara” Sidoo kale, Abiy ayaa ku goodiyay in dhibaatooyin kala duwan ay marin doonan cid waliba oo halis ku ah dowladiisa, waxa uuna ku baaqay in lagu wada noolaado xoriyada ay siiyeen shacabka iyo dhinacyada mucaaradka. Haddalkan ayuu ka sheegay kulan uu Xafiiskiisa kula qaatay xubno Siyaasiyiin ah kuwaa oo dhawaan dalka dib ugu laabtay sanado badan kadib. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Madaxwaynaha dalka, Ashraf Ghani ayaa ku ayaa ku dhawaaqay xabbad joojin ay shuruud ku xiran tahay oo lala galo kooxda Taliban. Xabad joojintani ayaa madaxwaynaha sheegay in ay billaabanayso Isniinta ka hor dabaaldaga ciidda ee maalinta Talaadada. Mr Ghani ayaa sheegay in xabbad joojinta ay socon doonto muddo saddex billood ah waa haddii kooxda Taliban xushmeeyaan. Ma jirto wax war ah oo ilaa iyo imika ka soo baxay kooxda Taliban oo ku saabsan xabbad joojinta uu ku dhawaaqay madaxwaynaha Afqanistan. Balse Talibaan ayaa munaasabadda ciidda darteed siideyn doonta dhowr maxaabiis ah. Xoghayaha guud ee gaashaanbuurta NATO Janaraal Jens Stoltenberg ayaa soo dhaweeyay xabbad joojinta uu soo bandhigay Mr Ghani. Mr Stoltenberg ayaa sidoo kale ugu baqay kooxda Taliban in ay xushmeeyaan xabbad joojinta. Xabad joojinta ayaa imanaya ka dib maalmo uu dagaal qaraar ka socday magaalada Ghazni iyo meela kale oo dalkaasi ka tirsan. Labada dhinac ayaa fuliyay saddex maalmood oo xabbad joojin ahayd oo ay wada gaareen bishii June xilligaasi oo sidoo kale loo dabaaldagayay ciidda ciiddul Fitriga. ISHA BBC
-
Somalia's Minister of Foreign Affairs Ahmed Eissa Awad and Qatar's ambassador Hassan bin Hamza Hashim on Sunday placed the cornerstone of the project to build the diplomatic institute, which is financed by Qatar Fund for Development. Source: Hiiraan Online
-
President Donald Trump's lawyer Rudy Giuliani said Sunday that the June 2016 Trump Tower meeting between senior Trump campaign officials and Russians "was originally for the purpose of getting information about (Hillary) Clinton," but denied any collusion between Russia and the Trump campaign. Source: Hiiraan Online