-
Content Count
210,839 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Afgooye (Caasimada Online)-Al-Shaba ayaa weerar xoogan ku qaaday Magaalada Marka oo dhawaan ay qabsadeen ciidamo ka tirsan Militeriga dowlada oo uu hogaaminaayo Abaanduulihii hore ee CX Jeneraal Caanood. Weerarka ayaa isugu jiray Madaafiic iyo mid toosa oo lagu qaaday xarumo ay ku sugnaayen ciidamada dowlada waxaana lasoo sheegayaa in weerarka uu ka dhashay khasaaro kala duwan. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Marka ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid socday muddo waxa ayna xaqiijiyeen inuu jiro khasaaro kala duwan oo labada dhinac ah. Wararku waxa ay sheegayaan in weerarka uu markiisa hore ka bilowday deegaanka Jilib-marka oo ah wadada laga soo galo Magaalada waxa ayna markii danbe Shabaabka usii gudbeen bartamaha Magaalada Marka oo saacado ay ka dagaalamayeen. Dagaalka ayaa waxaa bar bar socday duqeymo xooggan oo madaafiic ah oo Shabaab ay ridayeen, kuwaa oo inta badan dadka deegaanka qalqal galshay. Meelaha sida wayn dagaalka xoogiisa uu kaga dhacay ayaa ah Kawaanka Malaayga iyo Saldhiga Booliska ee Magaalada Marka iyo meelo isku muuqda oo fariisimo ay ka sameysteen ciidanka Militariga dowladda Somaliya. Khasaaraha ka dhashay weerarka ayaa la soo warinayaa inuu kor u dhaafay dhaawacyada Todobo, halka dhimashaduna ay gaareyso ilaa Seddex, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka. Dhinaca kale, weerarka ayaa kusoo beegmaaya xili inta badan magaalada Marka ay ku jirto gacanta ciidamada Xoogga oo iyagu dhawaan gudaha u galay magaalada. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
-
Malayshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah Koonfurta Soomaaliya ayaa shalay carruurta ku ciidsiiyay caagagga qoryaha loo ekaysiiyay ee lagu ciyaaro,kaasoo hore dalka looga mamnuucay. Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ee Al-shabaab isticmaalan ayaa waxaa ka soo muuqday carruur aad u da’yar oo ku ciyaaraya caagag sida qoryaha iyo bistooladaha u samaysan,islamarkaana mid-mid isugu shiishaya. Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa 13 bishii June ee sanandkaan dalka ka mamnuucday in la soo geliyo caagagga carruurtu ku ciiddo ee u samaysan,sida qoryaha,bistooladaha iyo bombooyinka,waxaana wasaaraddu agabkaasi ku tilmaantay astaan colaadeed. Sidoo kale wasaaraddu waxay ganacsatada ugu baaqday in ay dalka soo geliyaan agab wax dhiiri-gelinaya nabadda,is-jecaylka iyo hal-abuurka,iyadoo hay’adaha amniga dalka la faray in ay fuliyaan amarkaas. Lama oga halka ay Al-shabaab ka soo degsatay caaggan qoryaha u samaysan ee ay shalay carruurta ku ciidsiiyeen iyo cidda u fududaysay in ay helaan. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo carruurta ku ciidsiisay caagag qoryo u samaysan appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in amniga iyo kala danbeynta Somaliland ay dhibeyso mas’uuliyiin dhowra oo ku sugan magaalada Muqdisho. Muuse Biixi, waxa uu sheegay in mas’uuliyiin iminka ku sugan magaalada Muqdisho iyo Garoowe ay ku goodinayaan weerar ay ku qaadan deegaanada maamulka Somaliland. “Waxaan la socnaa in mas’uuliyiin ku sugan Muqdisho iyo Garoowe ay maanta ku dhaaranayaan in weerar ay ku qaadayaan deegaanada Somaliland, taasi waxa ay na tuseysaa inuu badan yahay cadowgeena” Muuse Biixi, wuxuu sheegay in nasiib daro iyo wax laga xumaado ay tahay in xilligan dagaalo hor leh laga soo abaabulo magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, isaga oo intaas raaciyay in dagaal aanan loo baahneyn waqtigan. Muuse Biixi, ayaa sheegay ciidanka Somaliland in waqti walba ay heegan ugu jiraan sidii ay isaga difaaci lahaayeen cid kasta oo ku soo hungawda dhulka Somaliland, midaasina aysan gacmaha ka laaban doonin, sida uu hadalka u dhigay. “Dagaal, khasaare iyo colaad intii hore ayaa Somali ugu filan, masuuliyiin Muqdisho iyo Garowe jooga ayaa ku dhaaranaya inay weerar ku soo qaadaan Somaliland, Soomaali in maanta ay isku dhimato Diin ahaan iyo dadnimo ahaan sax ma ahan, hadii weerar nalagu soo qaado waan iska difaaceynaa”. Sidoo kale, Biixi waxa uu sheegay in Somaliland ay weli ku baaqeyso nabad, balse aanu dhinacyada kale u muuqan nabadda. Hadalka Muuse Biixi, ayaa kusoo aadaya xili wasiirka amniga Puntland ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland, wuxuuna tilmaamay Puntland in aysan joogsan doonin ilaa ay ka soo celiso degaanada gacanteeda ka maqan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa laga soo sheegaya xiisad ka dhalatay laba dhalinyaro ah oo habeen ka hor halkaasi lagu dilay. Labada dhalinyarada ah oo la sheegay in ay saarnaayeen mooto Bajaaj ayaa u dhintay rasaas ay ku rideen ilaalada guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland,Gargaar Xuseen Carab,sida ay xaqiijiyeen eheladooda. Is-faham waa ayaa la sheegayaa in uu ka dhex qarxay ehelada labada qof ee dhintay iyo guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland,kadib markii eheladu diideen in la aaso dadka dhintay ilaa sharciga la marinayo askartii falka geysatay. Laakiin guddoomiye Gargaar ayaa codsaday in la aaso labada qof,isagoo sheegay in baaritaan lagu samaynayo falkaas, ciddii lagu helana sharciga la marinayo,sida ay wararku sheegayaan. Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland,Abukar Cabdi Geelle oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ee Puntland ayaa ku hanjabay in lala xisaabtamayo guddoomiyaha Sool ee Somaliland oo uu ku eedeeyay in uu si bareer ah u amray dilka labadaasi qof. Hase yeeshee wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koorre oo arrintaasi ka jawaabaya ayaa dhankiisa sheegay in xiisadda lagu xallinayo wada-hadal,islamarkaana Somaliland ay diyaar u tahay in ay la fariisato ehelada dadka dhintay,sida uu hadalka u dhigay. PUNTLAND POST The post Is-faham waa ka dhex qarxay Somaliland iyo ehelada dad Laascaanood lagu dilay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa is rasaaseyn xalay ka dhex dhacday show ka dhacaayay magaalada Muqdisho oo ay ka qeybgalyeen ku dhawaad 1000 qof. Showga oo ay dhigayeen Fannaaniinta Suldaan Seeraar iyo Xariir, kaa oo ka dhacaayay Hotelka Royal Plza oo ku dhow xarunta Sirdoonka Somalia. Rasaasta iyo is qabqabsiga ayaa u dhexeysay qolada nabadgelyada iyo dhalinyaro usoo daawasho tagay showga. Xabado aya dhacay wararka waxeey sheegayaan in dhalinyaro loo diiday iney ku ciyaaran tiyaatarka ay xaalada ka bilaabatay kadibna ay rasaasta sidaas ku dhacday Rasaast ayaa waxaa ku dhaawacmay qof kamid ahaa daawadayaasha, waxaana jira warar kaasi khilaafsan oo sheegaya in dhaawaca uu gaarayo ilaa laba qof. Rasaasta iyo buuqa kadib waxaa joogsaday showgii socday, waxaana xusid mudan in Fanaaninta ay ka yimaaden dalka Ethiopia kuwaa oo u yimid bandhig Faneedka. Si kastaba ha ahaatee, qalalaasaha ka dhex dhacay showga Hoteelka ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo halkaa ka dhacay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Representatives of the Taliban will take part in talks in Moscow next month on the future of Afghanistan, Russian Foreign Minister Sergey Lavrov said Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Since 2006, the Africa House has spent a lot of time helping immigrants from African countries as they settle in Portland. A division of the Immigrant and Refugee Community Organization (IRCO), the group primarily focuses on increasing the visibility of Portland’s African community in a variety of different ways. Now the Somali community of Oregon, by which some estimates is more than 12,000, has its own core representative cultural group, the Somali American Council of Oregon (SACOO). This past June 23, the group opened their new headquarters at 1505 S.E. 122nd Ave. with a party featuring speeches by Executive Director Musse Olol and Portland City Commissioner Chloe Eudaly, among others. Source: Hiiraan Online
-
Somaliland responds to Puntland remarks on Tukaraq conflict
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) - The Somaliland administration has responded to recent remarks by the Puntland administration on the Tukaraq conflict. Source: Hiiraan Online -
The government of Somalia is paying a US lobbying firm Sh40 million ($400,000) through the end of this year to help it gain renewed funding for the country's army and to lift the Trump administration's ban on Somalis' travel to the US. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta farxadda munaasabadda ciidda la qaatay Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa salaadda ciidda Guutada kula tukaday Dugisga Tababarka ee Janaraal Goordan, ee magaalada Muqdisho. Salaaddii ciidda keddib, Madaxweynuhu waxa uu u kuurgalay xaaladda dugsiga, isaga oo kormeeray hawlaha tabobarka ciidamada ee ka socda, halkaas oo uu warbixinno kaga dhagaystay saraakiisha tabobarka iyo maamulka dugsiga. Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugnaa Janaraal Goordan waxa uu sidoo kale ka qayb galay xaflad lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan halkaas. Waxaa xafladda ka soo qayb galay cutubyo ka tirsan Guutada 14-ka Oktoobar, Taliyeyaal, Taliye Xigeenno iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Munaasabaddu intii ay socotay waxa goobta lagu soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka oo ay soo bandhigtay kooxda Horseed ee CXDS. Geba gabadii waxaa goobta ka hadlay Taliyahii Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Cabduwali Jaamac Gorod ee xilka laga qaaday oo Madaxweynaha uga warxbiyey dadaallada lagu horumarinayo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynuhu waxa uu ciidanka ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Adxaa, isaga oo si faah faahsan uga hadlay muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya. Madaxweynuhu waxa uu xusay in kooxaha argagaxisada ahi ay yihiin shisheeye ku soo duulay Soomaaliya oo u taagan gumeynta iyo gumaysiga shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo ugu soo gabbanaya diinta Islaamka. Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay salaadda janaasada ee askari ka tirsanaa Guutada 14ka Oktoobar oo ku shahiiday hawlgalladii ay Ciidamada Xoogga Dalka ay Al Shabaab kaga saareen deegaano hoos yimaada Degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – Somali President Mohamed Abudullahi Mohamed has attended a funeral of a soldier, who left dead in military operation against Al-Shabaab President Mohamed, for the first time in 2 years, joined in burial of a soldier, whose name has been released as Abdullahi Mohamed Ibrahim in Somali capital Mogadishu. Ibrahim and other soldiers reportedly lost thier lives to Al-Shabaab during military operation which the country’s army forces captured Marka town, some 91km southwest of Mogadishu. President Mohamed offered his condolence to the family of the victim and wished him to rest in peace. “Ibrahim and his friends were killed, while defending their people and Somalia from the enemy”, Mohamed said. Mohamed expressed his solidary with the the family and the country’s army forces. AU forces and government troops drove al Shabaab rebels out of the coastal town of Marka earleir this week, but militants have kept up guerrilla-style attacks from rural bases. The overthrow of a dictator in 1991 plunged Somalia into two decades of violent turmoil, first at the hands of clan warlords and then Islamist militants, who have steadily lost ground since 2011 under pressure from the AU military offensive Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho[Puntland Post]-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta farxadda munaasabadda ciidda la qaatay Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo salaadda ciidda kula tukaday Dugisga Tabobarka ee Janaraal Goordan. Salaaddii ciidda keddib, Madaxweynuhu waxa uu u kuurgalay xaaladda dugsiga, isaga oo kormeeray hawlaha tabobarka ciidamada ee ka socda, halkaas oo uu warbixinno kaga dhagaystay saraakiisha tabobarka iyo maamulka dugsiga. Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugnaa Janaraal Goordan waxa uu sidoo kale ka qayb galay xaflad lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan halkaas. Xafladda waxa ka soo qayb galay cutubyo ka tirsan Guutada 14-ka Oktoobar, Taliyeyaal, Taliye Xigeenno iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Munaasabaddu intii ay socotay waxa goobta lagu soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado lagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka oo ay soo bandhigtay kooxda Horseed ee CXDS. Gebogabadii waxaa goobta ka hadlay siihayaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Cabduwali Jaamac Gorod oo Madaxweynaha uga warxbiyey dadaallada lagu horumarinayo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynuhu waxa uu ciidanka ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Adxaa, isaga oo si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda uu ciidanku u leeyahay dib u soo noolaynta dawladnimada Soomaaliya. Madaxweynuhu waxa uu xusay in kooxaha argagaxisada ahi ay yihiin shisheeye ku soo duulay Soomaaliya oo u taagan gumeynta iyo gumaysiga shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo ugu soo gabbanaya diinta Islaamka. DHAMAAD Cabdiqani Boos Puntland Post The post Farmaajo”Cadaw Shisheeye Ah Ayaa Ku Soo Duulay Soomaliya appeared first on Puntland Post.
-
Qardho[Puntland Post]-Magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar ayaa si weyn looga oogay munaasabada ciidul Adxaa, oo ah maalin ku weyn Umadda muslimiinta aha . Goobaha salaada lagu tukadaya ayaa waxa ka mid ahaa jaamacada bariga afrika hoolka beenyada iyo garoonka boobe stadium ee magaalada Qardho. waxana shacabka qardho tukashada salaada kala qeyb galaya Maamulka gobalka Karkaar ,kan Degmada Qardho Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo Masuuliyiin kale waxana dhamaantood ay ku dheeraden ah miyada ay lee yihiin malamahan barakaysan iyo sida looga faa,idaysan karo. Gudoomiyaha Gobolka Karkaar iyo Duqa Degmada Qardho waxay dhankooda bulshada Qardho uga mahadceliyeen sida ay ula shaqeeyaan dawlada, sidoo kale waxay bulshada kula dardaarmeen in dawlada lagala shaqeeyo amniga iyo horumarinta gobalka gaar ahan degmada Qardho. Boqor Burhaan Boqor Muuse waxa uu shacabka Islaamka gaar ahaan kuwa soomaaliyeed ugu hambalayeey munaasabada Ciida, sidoo kale waxa uu rabi uga baryay in uu ku amaansado meel kasta oo ay ka joogaan dunida islamka. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Magaalada Qardho ee Xarunta Gobalka Karkaar oo si weyn looga ciiday maanta appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) –Somali PM Hassan Ali Khaire and other senior government officials prayed Eid prayers with major religious men at mosque , amid heavy police and security presence in Somali capital Mogadishu. Somali PM Khaire offered warm wishes to all Somali people across the world, after Eid prayers earlier on Tuesday Hundreds of people crowded mosques and prayer grounds across Mogadishu to offer prayers and sacrifice goats and cows for Eid-Al- Adha for marking the second major religious festival of Islam. Meanwhile, country’s top leader, Mohamed Abdullahi Mohamed joined Eid prayers with Somali army forces in the capital of Mogadishu. “I woud like to offer wishes to all Somali soldiers on occasion of Eid-Al-Adha. May Allah accept our sacrifices”, the president Mohamed said. Mr. Mohamed urged country’s army forces to free Somalia from Al Qaeda linked Al-Shabaab. Mr. Farmajo commended latest joint military offensives against Al-Shabaab in south and central Somalia. The group’s fighters lost key towns to joint military operations carried out by Somali army forces, along with African Union troops in Somalia. Al-Shabaab wants to topple Somalia’s Western-backed central government, expel the African Union-mandated peace keeping force AMISOM and establish a government based on its own strict interpretation of Islamic sharia law. Somalia has been gripped by violence and lawlessness since the toppling of dictator Mohamed Siad Barre in the early 1990s. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
NAIROBI, Kenya (Caasmada Online) – Kenya has started investigating Somalia’s deputy director of National Intelligence and Security Agency (NISA) Ahmed Fahad Dahir alias Fahad Yasin. Fahad Yasin was accused of using multiple Kenyan passports and a national identity card with conflicting dates of birth. Fahad Yasin, a political insider and right-hand-man to President Farmajo, who was named as deputy NISA cheif Kenya’s agencies to probe into Fahad Yasin’s Kenyan passport C024542 as well as an identity card No. 22847167. Yasin claimed to have been born in Mandera, Kenya on July 19, 1978 despite his Somalia identity card showing that he was born in Somalia as the document was issued on July 13, 2017, according to Daily Nation. Daily Nation reported that Yasin’s Kenyan ID card showing that he was born on April 5, 1978 with the document being issued in 2001 in Mandera East Constituency. In Kenya, one is prohibited from holding a senior government position if he or she has dual citizenship. Kenya’s Director of Immigration Services Alexander Muteshi has also confirmed the case, adding that investigation started. Yasin claimed to have been born in Mandera, Kenya on July 19, 1978 This investigation comes a week after Fahad Yasin, a political insider and right-hand-man to President Farmajo was appointed as a new deputy director for NISA in decree announced by Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed aka Farmajo. There was no immediate comment from Yasin’s office over using Kenyan passports and a national identity card with conflicting dates of birth. Caasimada Online Nairobi News Desk Caasimada@live.com
-
Muuse Biixi, Maxdaweynaha Somaliland Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka fal-celiyey hadallo dhawaan ay jeediyeen Guddiga difaaca Puntland, kuwaas oo ku dhaartay dagaalka ka dhaca gobolka Sool. Muuse Biixi oo maanta khudbada munaasibadda ciidal Adxaha shacabka Hargeysa u jeediyey ayaa sheegay inaanay Somaliland marnaba maanka ku haynin dhiig daata iyo colaad la abuuro, isla markaana ay ka go’an tahay nabadda iyo deris-wanaagga. “Haddii aynu Somaliland nahay dhammaanteen waxa aynu raacsannahay sunnaha nebiga naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato’e ee ah dhiigga Islaamku waa xaaraan, gudaheenna, jaarkeena iyo cid walba nabad iyo walaaltinimo ayeynu u haynaa,” ayuu yiri Muuse Biixi. Muuse Biixi ayaa sheegay in maanta Soomaali isku dhimato diiniyan iyo dadnimo midna aysan sax ahayn, wuxuuna caddeeyey inaanay Somaliland marnaba diyaar u ahayn inuu daato dhiig Soomaaliyeed. “Maanta Soomaaliya kama aynnu filaynin oo aynu ognahay wixii Somaliland ku dhacay inaynnu nabad iyo walaaltinimo ka taagannahay oo aynu leenahay dagaal, khasaare iyo colaad intii hore ayaa Soomaali oo dhan ugu filan dadka masuuliyiinta ah ee maanta ku dhaaranaya inay Somaliland soo weerarayaan waa fal-nacuuduka billaahi, annaguna wixii na gaaray ee horena waannu qabnaa, nabadna waanu ka doonaynaa, inay maanta Soomaaliyi isku dhimatona diiniyan iyo dadnimo midna sax ma aha.” ayuu marka kale yiri Muuse Biixi. Hadalka Muuse Biixi ayaa ku soo aaday iyadoo maalin ka hor uu Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdulaahi Tamacade ku dhaartay dagaalka ka dhaca Sool. PUNTLAND POST The post Muuse Biixi “Somaliland marnaba diyaar uma aha inuu daato dhiig Soomaaliyeed” appeared first on Puntland Post.
-
Millions of Muslims across the world are today (Aug. 21) marking Eid al-Adha, an Islamic holiday that commemorates the end of the annual Hajj pilgrimage to Mecca. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Somalia (Caasmada Online) – Somalia’s President Mohamed Abdullahi Farmajo has sent Eid wishes to all Somalis, amid muslims across the world are celebrating the festival of Eid al-Adha. President Farmajo congradulated all Somalis on celebrating the occasion of the Eidul Adha. He wished that Somali children would celebrate with pride and happiness.” The President congradulated and wished all Muslims performing Hajj in Mecca and Medina to complete Hajj performance. “May Allah reward them and accept their prayers”, he said. The President of Somalia called on all Somalis to show mutual respect and tolerance to each other, encouraging them to join forces and rebuild the nation in order to bring peace and stability to Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta boqolaal ka mid ah Shacabka Muqdisho iyo Mas’uuliyiinta dowladda Saaladda ciid ay ku wada tukadeen Masjidka Isbaheysiga Qaranka ee Muqdisho. Salaada ciid kadib mas’uuliyiinta dowladda ayaa hambalyo u diray dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaana ay ugu baaqeen in la adkeeyo Ammaanka Muqdisho maadaama amniga uu yahay mid muhiim u ah nolosha. Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa dadka shacabka ah la wadaagay maalinta farxada ciideed, waxa uuna ku baaqay in laga wada shaqeeyo amniga, midnimada iyo wada jirka. Kheyre waxa uu sidoo kale shacabka ku baraarujiyay in la caawiyo kuwooda liita isla markaana lala qeybsado dhibaatooyinka heysta carruurtooda. Sidoo kale, Inta badan Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa xirnaa Ciidii lasoo dhaafay, balse Ciidaan waxaa furay dhammaan Wadooyinka Magaalada Muqdisho, taasoo dadka Shacabka u sahashay in ay booqdaan qaraabadooda.
-
Bosaso[Puntland Post] Maanta ayaa waxaa siweyn looga Ciidayaa maalinta koowaad ee Ciidul Adxa,iyada oo shalay Ummadda Muslimiinta ah intooda badan ay ahaayeen kuwo Soomaanaa. Bosaso ayaa ka mid ah meelaha sida weyn maanta looga ciidayo,iyadoona garoonka kubada Cagta ee Bosaso ay boqolal shacab ah ay kala qeyb galeen tukashada salaada ciida masuuliyiin ka tirtsan Puntland. Shacabka Bosaso ayaa isugu hambalyeeynaya Maalinta koobaad ee Ciidul Adxaa,iyaga oo qaarkood guryaha isku booqanayaan. Xaafadaha qaar ayaa waxaa lagu qalayaa Xoolo maadaama ciidan ay tahay Ciidul Adxaa dadka intooda badan ay dhigtaan Duco,lana cunayo Hilib iyo Xalwo intaba. Sidoo kale Wadooyinka Waaweyn ee Bosaso ayaa waxaa lagu arkayay carruur yar yar iyo Waalidiintooda oo gacmaha isheysta si ay uga qeyb galaan maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa. Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Sidee looga ciiday maanta Magaaladda Bosaso? appeared first on Puntland Post.