-
Content Count
210,069 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jabuuti oo dadkeeda ka soo daad gureysay Magalada Diridhaba
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Dirir-Dhabe (Caasimadda online) – Muwaadiniinta udhashay dalka Jabuuti oo dhibaato kala kulmay Oromada ayaa maanta dowladoodu waxa ay billowday in ay kasoo saarto Magaalada Diri-dhabe ee Kilinka Shanaad ku taalla. Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay udirtay dadka Jabuutiyaanka ah ee xilligan jooga Diri-dhabe diyaarad gaar ah, oo la doonayo in lagu soo daadgureeyo. Jabuuti ayaa Maanta magaalada Diridhaba ka soo daad guraysay ugu yaraan labo boqol oo ruux oo dalxiis u joogay magaalada Diridhaba, halkaas oo ay ka jiraan rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac. Dhawaan ayay aheyd markii 9-ruux oo jabuuti kasoo jeeda ay kooxaha Oramada ku dileen Diri-dhabe. Rabshadaha Diridhaba ayaa ku salaysan qoymiyado waxaana magaaladaas ku dagaalamay Soomaali iyo Oromo. Caasimada Online Xafiiska Dirir-Dhabe Caasimada@live.com -
Warar aan ka heleeyno dowlad deegaanka gaar ahaan magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in ay wateen Milatariga Itoobiya Madaxweynihii iscasilay Cabdi Maxamuud Cumar. Cabdi ayaa laga qabtay magaalada Jigjiga walina lama oga halka rasmiga ah ee ay la aadeen ciidamadii kaxeeystay. Inta badan Magaalada Jigjiga waxaa gacanta ku haya ciidamada Federaalka Itoobiya, magaaladana maanta xaalad degenaan ah ayaa laga soo sheegayaa, inkasta oo meelaha qaar ay wax ka dhaceen. Wararka qaar ayaa sheegaya in loo kaxeeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, halkaasi oo horey looga yeeray islamarkaana uu ka dhago adeegay inuu tago. Cabdi Maxamuud, ayaa la rumeysan yahay inuu waday qorshe ka dhan ah dowlad federaalka Ethiopia, waxaana uu kasoo horjeeday qeybta qoondo ahaan Soomaalida kaga soo aadayso dhaqaalaha shidaalka laga helay DDSI. Shalay ayay ahayd markii madaxweynahii dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu xilka iska casilay,isla markaana madaxweynaha cusub loo magacaabay Axmed Cabdi Sheikh Maxamed.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) –Siyaasiga sida weyn u dhaliila dowladda Federal-ka ah ee Cabdiraxmaan Cabishakuur Warsame ayaa dhawaan booqasho ku tagay magaalada Soomaalida ku badan tahay ee Mareykanka, Minnesota ee gobolka Minneapolis. Safarka uu Mareykanka ku tagay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qeyb ka socdaalo uu ku marayey wadamada ay Soomaalida Qurba joogta ah ku nooshay halkaas oo kula hadlo kuna dhaliilo dowladda Federal-ka ah. Hase ahaatee, markii uu ka dagay Minnesota waxaa soo dhaweyey qaar ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada kuwaas oo laga duubay muuqaalkan hoose. Dadkii soo dhaweeyey ee loo dhiibay cod baahiyaha ayaa dhammaan ka sinnaa in ay sheegaan halka ay ka soo jeedaan si looga dhandhansado in aysan isku hayb ahayn Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dad badani aaminsan yihiin in ay xafladaha u soo cabiraan reerkiisa. Hadaba muxuu muqaalkaas muujinayaa? Muuqaalkan oo la soo dhigay boggiisa Facebook waxaa soo dhaweyntiisa ka hadlay dhawr qofood oo dhammaantood carabka ku dhuftay in Siyaasiga aysan soo dhaweyn hal reer balse ay Soomaali qeybeheeda kala duwan ka kooban yihiin. Hase ahaatee, inta hadashay oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa isku koobay in ay ka soo kala jeedaan Puntland, Soomaali Galbeed, Jubbaland iyo deegano kale. Maxaa kenay in ay sidaas dhacdo, sawir ceynkee ah ayuu bixinayaa? Waxaa si fudud looga fahmi karaa in Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur walaac ka qabo dadka soo dhaweeya ee agaasimaha xafladaha uu ka khudbadeeyo! Iyo waliba Cuqdad uu ka qaaday eedamaha loogu jeediyo dhigaalada Facebook-ga eek u dhaliila in dadka soo dhaweeya ee uu la hadlo yihiin reerkiisa! https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/08/10000000_2100435943303024_6779780690494881792_n.mp4
-
The United States-backed Special Forces have taken over a strategic base from the Al-Qaeda linked Al-Shabaab in Southern Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Hal maamul Goboleed oo ka tirsan Maamulada ka jiro dalka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Somaaliya Itoobiya. Dowld Goboleedka Jubbaland ayaa hambalyo u dirtay Madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Somaaliya Itoobiya Mudane Axmed Cabdi Maxamed oo ay isku jufo yihiin Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan (Madoobe). Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jubaland Mudane Abshir Coloow ayaa bartiisa Facebook ku qoray hambalyo ku aadan madaxweynaha cusub ee deegaanka Soomaalida Itoobiya loo magacaabay kadib markii uu is casilay Cabdi Iley. “Waxaan soo dhoweynayaa una hambalyaynayaa Madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Axmed Cabdi Maxamed. Sidoo kale, waxaan ugu mahad naqayaa Madaxweynihii hore, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar wanaagii iyo wax-qabadkii weynaa ee uu qabtay mudadii uu xilka hayey.” Waa dowld goboleedkii ugu horreeyay ee soo dhaweeya magacaabista Madaxweynaha cusub mana jiro ilaa hadda Maamul kale oo hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee deegaanka Soomaalida Itoobiya. Magacaabista madaxweynaha cusub ayaa timaaday kadib maalmo Khalalaaso ah oo soo maray qeybo kamid ah deegaanada maamulkaas oo ay ugu horeysay Jigjiga oo dhiig badan lagu daadiyey. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Jigjiga (Caasimadda Online) – Waxaa xilka madaxweynenimada dowlad deegaanka Itoobiya iska casilay Cabdi Maxamuud Cumar oo xilkaas soo hayay 8deedii sano ee lasoo dhaafay, haddaba halkee ayuu ku dambeeyaa Cabdi?. Ninka badalay Cabdi oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Maxamed oo BBC-da la hadalnay ayaan weeydiinay su’aashaasi, wuxuuna sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu weli majaraha u hayo siyaasadda dowlad deegaanka Itoobiya, waxa kaliya ee uu baneeyayna ay tahay xilkii madaxweynenimada si loo abuuro jawi wadahadal. Madaxweynaha cusub ayaa yiri “Waa uu fiicanyahay, waxa uu joogaa Jig Jiga, welina waa guddoomiyaha xisbiga, booskaas isaga ayaa jooga, aniguna waxaan ahay madaxweynihii dowlad deegaanka Itoobiya, ahna guddoomiye ku xigeenka xisbiga,anagu xisbi baan ahayn, weli dowladdii iyo nidaamkii waa sidiisii, booskii madaxweynenimada ayuunbaa is badalay”. Mar aan wax ka weeydiinay waxa laga filan karo Cabdi Maxamuud Cumar iyo meesha uu ku dambeyn doono ayuu madaxweynaha cusub yiri “Madaxweyne hore, ixtiraam badane ay bulshada u hayso, dadkuna wax waa isku qaban karaan, Soomaalida dad anaga wax naga tabanaya waa ay jiraan, waa qof Itoobiyaan ah oo dalkiisa iyo dadkiisa dhex jooga, Addis Ababa ayuu tagi karaa, Jig Jiga ayuu joogi karaa, gobolada ayuu ku noolaan karaa”. Madaxweynaha cusub oo aysan weli baarlamaanka dowlad deegaanka ansixin, balse uu xilka ku wareejiyay madaxweynihii hore iyo xisbiga talada haya, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay bedalaan dhaqan siyaasadeedkii hore ee ay ku shaqaynayeen, wuxuuna yiri “Waqtigan laga bilaabo aniga iyo dowladeyduba waxaan diyaar u nahay in aan ka shaqayno midnimada, iyo isku duubnida shacabka Soomaalida Itoobiya, fariimihii Ra’isulwasaaraha ee ahaa aan is cafino, aan wada shaqayno ayaan hirgalinay”. BBC-du waxa ay fahamsantahay in ay socdaan wadahalo dhinacyo kala duwan ah oo lagu xalinayo xasilooni darada siyaasadeed ee ka jira dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, balse lama oga illaa heerka uu qeyb ka yahay madaxweynihii hore oo ay balse weli muuqato saamayntiisa. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Caasimadda Online Professor Maxamed Cumar Dalxa ayaa Xalay si rasmi ah loogu magacaabay xil uu waligiis heyn jiray balse muddo ka hor laga qaaday. Dalxa ayaa loo magacaabay u qaabilsanaha Baarlamaanka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta waxaana arrintiisa loo adeegsaday nashqad yaab leh. Xil ka qaadistii Jawaari: Intii ay socotay ololihii meesha looga saarayey Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari ayaa xildhibaanadii arrintaa waday waxaa loo ballan qaaday ballanqaadyo kala duwan oo isugu jiray Xilal iyo lacago. Prof. Dalxa wuxuu kamid ahaa XIldhibaanadii loo ballan qaaday in la siin doono xil gaar ahaan xilkii uu waligiis jeclaa isla markaasna uu ka sameyn jiray faa’ido badan oo ahaa u qaabilsan Baarlamaanka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta. Prof. Dalxa ayaa kamid ahaa xildhibaanadii sida weyn uga shaqeeyey in meesha laga saaro guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof. Jawaari, wuxuuna dagaalkaas waqtiga badan qaatay u galayey sidii uu u heli lahaa xilkaas. Yaa horey u hayey Xilkaan ? Xilka loo magacaabay Prof. Dalxa ayaa horey waxaa u hayey Saqar Ibrahim Abdalla oo deegaan ahaan kasoo jeedo Jubbaland. Sidee u dhacday nashqadda? Si Prof. Dalxa loo geeyo xilkaas, dowladda Soomaaliya ayaa adeegsatay nashqadda ah in Saqar xil ka qaadis lagu sameeyo isla markaasna waxaa loo magacaabay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo uu horey u hayey Xil. Cabdicasiis Saalax Carmaan. Maxaa laga fahmayaa arrintaan? Arintaan ay isticmaashay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa laga dareemayaa in magacaabista iyo xil ka qaadista dowladda ay ku dhisan tahay nin jecleysi iyo dan siyaasadeed balse aysan aheyn raadinta danta Guud iyo horumarka dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Siyaasiga reer Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa walaac ka muujiyey xiisad dagaal oo ka dhex qaraxda laba beelood ee Cumar Maxamuud ku wada abtirsada ee Reer Cabdille iyo reer Mahad. Collaadan ayaa daba la gali karta dilkii Gaalkacyo loogu geystay 28-kii bishii hore Korneel Cabdirashiid Xasan Xaashi Gabi-Gabi. Gabi-Gabi ayaa soo noqday taliyihii ciidamada Birmadka ee Gobolka Mudug. Dilka waxaa geystay kooxo hubeysan oo aan haybtooda la aqoo,hase ahaatee, warbixin lagu soo dhigay qeybo kamid ah warbaahinada Puntland ayaa lagu sheegay in dilka Korneel Gabi-Gabi laga soo abaabulay Madaxtooyada Puntland. Warbaahinadaas ayaa ku sheegay in baaris ay sameeyeen ku ogaadeen in dilkaas uu ka dambeeyo Cabdifataax Indha Balac iyo Caano Maraaci oo beelo hoose la kala ah Cabdiwali Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey. Hadaba, durbadiiba waxaa ka falceliyey arintan Cali Xaaji Warsame oo ah murashax Madaxweyne ee Puntland waxa uuna walaac ka muujiyey in arintaas ay walaac dhalin karto. Cali Xaaji ayaa aaminsan in haddii ay arrintaas ku caddaato in Madaxtooyada laga soo abaabulay dilka Korneel Gabi-Gabi ay collaad ka dhex abuuri karto beelaha Cumar Maxamuud ku wada abtirsada ee kala ah reer Mahad iyo reer Cabdille oo uu ka soo jeedo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Maalinimadii shalay waxaa xilka madaxweynenimada dowlad deegaanka Itoobiya iska casilay Cabdi Maxamuud Cumar oo xilkaas soo hayay 8-dii sano ee lasoo dhaafay, haddaba halkee ayuu ku dambeeyaa Cabdi?. Madaxweynaha cusub ee badalay Cabdi Iley oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Maxamed oo u waramaayay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu weli majaraha u hayo siyaasadda dowlad deegaanka Itoobiya, waxa kaliya ee uu baneeyayna ay tahay xilkii madaxweynenimada si loo abuuro jawi wadahadal. Isaga oo Madaxweynaha cusub arrintaasi ka hadlaayay ayaa yiri “Waa uu fiicanyahay, waxa uu joogaa Jig Jiga, welina waa guddoomiyaha xisbiga, booskaas isaga ayaa jooga, aniguna waxaan ahay madaxweynihii dowlad deegaanka Itoobiya, ahna guddoomiye ku xigeenka xisbiga,anagu xisbi baan ahayn, weli dowladdii iyo nidaamkii waa sidiisii, booskii madaxweynenimada ayuunbaa is badalay”. Mar wax laga weeydiiyay Madaxweynaha cusub waxa laga filan karo Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley) iyo meesha uu ku dambeyn doono ayuu yiri “Madaxweyne hore, ixtiraam badan ay bulshada u hayso, dadkuna wax waa isku qaban karaan, Soomaalida dad anaga wax naga tabanaya waa ay jiraan, waa qof Itoobiyaan ah oo dalkiisa iyo dadkiisa dhex jooga, Addis Ababa ayuu tagi karaa, Jig Jiga ayuu joogi karaa, gobolada ayuu ku noolaan karaa”. Madaxweynaha cusub oo aysan weli baarlamaanka dowlad deegaanka ansixin, balse uu xilka ku wareejiyay madaxweynihii hore iyo xisbiga talada haya, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay bedalaan dhaqan siyaasadeedkii hore ee ay ku shaqaynayeen, wuxuuna yiri “Waqtigan laga bilaabo aniga iyo dowladeyduba waxaan diyaar u nahay in aan ka shaqayno midnimada, iyo isku duubnida shacabka Soomaalida Itoobiya, fariimihii Ra’isul wasaaraha ee ahaa aan is cafino, aan wada shaqayno ayaan hirgalinay”. Dhinaca kale, magaalada Jigjiga waxaa ka socda wadahalo dhinacyo kala duwan ah oo lagu xalinayo xasilooni darada siyaasadeed ee ka jira dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, balse lama oga illaa heerka uu qeyb ka yahay madaxweynihii hore oo ay balse weli muuqato saamayntiisa. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in rasaas goos goos ah laga maqlaayo Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia. Rasaasta goos gooska ah ee laga maqlaayo magaalada ayaa u dhaxeysa Ciidamada Milatariga Ethiopia iyo Kooxo careysan oo ah ciidanka Liyuu Boolis oo taageersan dadka aan Soomaalida aheyn ee la dhacay. Rasaasta dhaceysa ayaa qaarkood khasaaro u geysanaaya dadka shacabka iyo dhinacyada ay rasaasta u dhexeyso ee Militeriga iyo kuwa Liyuu Booliska. Xaafaddaha aysan degneyn dadka aan Soomaalida aheyn ee Magaalda Jigjiga ayaa waxaa ka socda Banabaxyo ay kaga soo horjeeddaan Bililiqadii loo geystay Sabtidii. Labada xaafadood ee ay dadka aan Soomaalida ahayn ku badan yihiin ee shanaad iyo lixaad ayaan wali si buuxda u xasilin. Inta badan waddooyinka Magaalada Jigjiga iyo qeybaha kale ayaa wali ah kuwo u xiran ciidamada Miliyeriga Ethiopia. Xarunta Madaxtooyada maamulka ayaa waxaa hadda ka socda shirar ay leeyihiin maamulka iyo cuqaasha magaalada oo ka arrinsanaya sidii loo dajin lahaa xiisadda, waxaana lasoo sheegayaa in shirka socda ay qeyb ka yihiin Saraakiil ka tirsan Militeriga Ethiopia. Dhinaca kale, waxaan la ogeyn sida uu xaalku noqon doono waxaana aad looga cabsi qabaa in rasaasta ka dhaceysa gudaha magaalada ay isku bedesho dagaal toos ah. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Kowdii bishan Agoosto ayay Puntland labaatan jirsatay. Labaatan sanadood waa ammin dheer oo uu maamul ku hanaqaado. Afar maamul baa Puntland soo maray tan iyo 1998-kii. Isku celcelis ahaan maamulkiiba wuxuu talada hayay shan sanadood. Asaasayaashii Puntland waxay hoosta ka xarriiqeen laba ujeeddo: 1) Dhowrista midnimada siyaasadeed iyo Dhuleed ee Soomaaliya, iyo 2) U qareemmidda hab federaaliisam oo noqon kari lahaa, sida ay qabeen, mid Soomaalidu ku baraari karto kaddib guuldarradii taladii siyaasadeed oo hal meel ku urursanayd ( centralised ). In maamulkii doodad federaalisamka soo bandhigay uusan maanta lahayn maamul baahsan iyo dowlad dadku la xisaabtami karo waa guuldarro siyaasadeed oo sahashay lunsiga lacagtii carruurta wax lagu bari kari lahaa, bukaanka lagu dawayn lahaa, ciidammada mushaar loo siin lahaa, deegaanka nabaadguur lagaga dhowri lahaa, tusaale ahaan. Farriinta ka muuqata sooyaalka siyaasadeed ee Puntland waa sidan: Maamul isagaba aan maamul-baahin iyo isla xisaabtan ku salaysnayn uma doodi karo wanaagga habka federaaliisamka iyo maamul suubban toonna. Xasiilloonidii siyaasadeed oo uu Maxamed Abshir Muuse SSDF II kaga soo saaray waayihii adkaa ( 1991-1998) waxay dhabbaha u xaadhay wadatashagii fududeeyay unkiddii Puntland. Laga billaabo 2005tii, markii Cadde Muuse xilka la wareegay, Puntland waxay gashay marxalad lagu tilmaamo hagbad siyaasadeed: marba beel ka mid ah beelaha Puntland buu madaxweynuhu ka soo baxaa. Habka awoodda loola kala wareegayo wuxuu Puntland u nugleeyay maamul-xumo baahsan,wuxuu sahlay in xoogag argaggixiso fadhiisinno ka samaystaan qeybo ka mid ah Puntland Muran Dhuleed Maamul kasta oo Puntland soo maray wuxuu la daalaa-dhacayay dhibaatooyin u gaar ah iyo kuwo uu ka dhaxlay maamulkii ka horreeyay. Maamulkii ugu horreeyay wuxuu la kulmay weerar siyaasadeed lagu wiiqayay sharciyaddiisa kaddib markii Jaamac Cali Jaamac uu sheegtay inuu madaxweynaha Puntland yahay; maamulkii labaad waxaa soo foodsaaray kacdoonno ka billowday gobolka Bari gaar ahaan Galgala oo uu maamulkaasi macdan-baaris ka waday. Maamulki seddexaad waxaa ku soo baxsaday dhibihii dagaallada xagjirku alooseen kuwaas oo keenay laynta indheergaradka Puntland. Wuxuu maamulkaasi aad iskugu howlay sidii ciidanka nabadsugida Puntland oo loo yiqiin PIS u hoostagi lahayd dowladda waayo taliyihii PIS wuxuu isu arkayay inuu ka madaxbannaanaa dowladda Puntland. PIS iyo kuwii ka dambeeyayba waa ciidammo lagu sameeyay wadatashi la’aan. Maamulkii Faroole wuxuu kaloo la kufaa-kacayay budhcadbadeed degtay degmooyin Buntland ka mid ah. Maaamulka afraad, oo waqtigiisu sii dhammaanayo, wuxuu dhaxlay xaalad siyaasadeed oo Puntland u ekeysiiyay sallad qof uu suuqa la tago. Seddexdii arrimood oo uu u banbaxay – dib u habaynta ciidammada; dib u habaynta shaqaalaha rayidka, iyo samaynta wadatashi isu soo celin kara dadkii Puntland wada samaystay 1998kii – midnaba muu ku guulaysanin. Ciidammo beeleedyada mushaarka ku qaata magaca Puntland waxay iskugu jiraan kuwo jira iyo kuwo aan jirin. Way gadoodaan hadduu maamul isku dayo inuu hubiyo tirada dhabta ee ciidammada. Maamulladii hore way sii adkeeyeen dhibaatadan markii ay wax ka qaban waayeen. Waa midda Puntlad u nuglaysay awoodda siyaasiga afku waranlaha ah oo si fudud u kala daadin kara hey’adihii labaatanka sano lagu soo tiir iyo tacab-beelayay. Dhinaca kale Puntland waxay ku guuldarraysatay wax ka qabashada muran dhuleedka u dhexeeya Garoowe iyo Hargeysa. Marnaba Puntland may fahmin sida Hargeysa ay uga go’an tahay in Soomaaliya ay laba dal kala noqoto haddii uu xitaa go’aankaas keenayo in dad dega Sool loo arki doono shisheeye. Maamulkii Cadde Muuse buu ahaa kii fududeeyay in Somaliland ay ku soo fiddo dhul markii hore ay ka talinaysay Puntland. Sanadkii 2005tii markii Puntland iyo Somaliland ay Adhicadeeye maxaabbiis isku dhaafsanayeen wuxuu Jeneraal Carays ku dooday “In labada maamul ay ku dagaallamayaan dhulkan abaarta ah”. Maamulkii Faroole wuxuu dan u arkay in reer Sool ay ka madax-bannaanaadaan Puntland inkastuu seddex xildhibaan ku qabsaday maamulkii Khaatumo oo ku ololeeyay guuldarradii siyaasadeed ee Puntland. Maamulkisii iyo kan Somaliland waxay iska kaashadeen xakamayntii aragtidii Khaatumo oo,qayb ahaan, ku salaysnayd collaysiga Puntland iyo Somaliland, inkastoo Khaatumo iyo Puntland uu wada hadal u socay ka hor doorashadii uu Gaas ku guulaystay Janaayo 2014tii. Maamulka uu hoggaamiyo Cabdiweli Gaas wuxuu ku adkaystay inuu wakiil federaal ka yahay dadka dega dhulka beesha caalamka ugu suntan “Dhul lagu muransan yahay”. Go’aankani wuxuu Puntland siiyay awoodda ay ku soo magacawdo xildhibaannada iyo senatarrada ka imanaya dhulka lagu muransan yahay. Weerarkii Somaliland ku soo qaaadday Tukaraq iyo go’aankii Somaliland ku shaacisay inay Yoocada tagayso ayaa Puntland ku qasbay inay ciidan iskugu keento duleedka Tukaraq. Dadaalladii la waday may keenin ilaa hadda in labada maamul mid uun kan kale u tunaasalo ama miiska keeno wax dagaal baajin kara. La yaab bay ahayd in siyaasiyiinta qaarkood sida Juxaa iyo Cali Xaaji Warsame Somaliland ku eedeeyaan inay colaadda shidday. Nabadi may dhex oollin labada maamul awalba. Mid ka mid ka ah iimaha siyaasadeed ee Puntland ragaadiyay waa u adeegsiga hey’adaha siyaasadda xallinta loollanka siyaasdeed oo dhexmaray beelihii taageeri jiray jabhaddii SSDF. Marnaba may dhicin in loolannada siyaaseed oo dhexmara beelaha kale loo furdaamiyo sida loo dhammeeyay loollankii dhexmaray Cadde Muuse iyo Cabdullaahi Yuusuf. Puntland ma laha xeer lagula dhaqmo dadka ku tunta danaha iyo xuquuqda dadka. Samafaleyaal Inkastoo reer Punland ku hungoobeen siyaasiyiintooda marnaba may noqon dad illooba waxa ay la wadaagaan Soomaalida. Dad tiro badan oo ka kala yimid qeybaha Soomaaliya ay ka kooban tahay ayaa degay gobollaada Puntland ka arrimiso wax baddana ku biiriyay koboca dhaqaalaha gobollada Puntland. Sanadkii 2015tii dadka Puntland waxay si niyadsami leh u soo dhoweeyeen oo wax u tareen dadka ka soo qaxay dagaalka Yemen oo badankood ahaa Soomaali markii hore Yemen u qaxday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya awgiis. Mar kale dadka Buntland waxay intii karaankooda ah yabooh u direen ehelada dadkii ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarkii 14kii Oktoobar 2017kii ka dhacay Muqdisho. Dhaqaalaha Sida uu ku dooday dhaqaaleyahanka Maxamed Dalmar Puntland may laha siyaasad lacageed oo ka madaxbannaan tan Soomaaliya. Ilaa hadda may cadda sida Puntland uga badbaadday sicir-bararka naafeeyay dhaqaalaha gobolka la deriska ah ee Somaliland. Waa suurtogal in farogelin la’aanta suuqa – tusaale ahaan isku day la’aanta goynta sicirka sarrifka – uu ka hortagay sicir-barar. Sidoo kale waa suurtogal in xogta laga ururiyo wax iibsadayaasha (consumers ) aan si joogto ah loola wadaagin dadweynaha, sidaas darteedna ay adag tahay in laga warhayo sicir-bararka. Inkastoo Puntland ay qaado Canshuuraha kala duwan haddana ma aha hab isku dubaridan, marka la eega khaas ahaan canshuuraha Berriga. Dabaqadda siyaasadda Puntland way ogtahay in cashuuruhu keenaan isla xisaabtan. Waxay u eg tahay in deeqaha sandareerada ah ay siyaasiyiintu kaga kaaftoomeen dejinta hab canshuuraha berriga loo ururiyo oo loo dhowro. Inkastoo Puntland ay leedahay xusuus hay’adeed haddana may ku guulaysanin inay hesho hab sida kan Somaliland Compact u ah, kaas oo Puntland u sahli lahaa in si gaar Beesha caalamku uga kaalmayn lahayd dhinaca horumarinta. Kalluumaysatada Buntland waxay ka cawdaan maraakiib ay Puntland shatiyo kalluumaysi siisay. May cadda sida loo maamulo lacagta ka soo xeroota shatiyada kalluumaysata shisheeye la siiyay. Hay’adaha u xilsaaran ururinta iyo kala saafidda xogaha bulshada laga soo ururiyo, sida PDRC, iyo SIDRA, way ka gaabiyeen horumarinta baarisyo ku saabsan siyaasadda dhaqaalaha, ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada iyo barakacayaasha. Buntland waxay hoy u tahay barakacayaal tirobadan – barakacayaasha ugu tirada badan haddii dadkii Muqdisho colaadaha uga soo hayaamay 1991kii aad ku darto. Geddisley siyaasadeed Labaatan sano kaddib aasaaskii Puntland reer Buntland waxay ka welweslan yihiin waxa uu keeni doono isbeddelka dhici doona sanadka dambe haddii xildhibaannada Barlamaanka Puntland ay doortaaan madaxweyne cusub ama kan hadda haya dib loo doorto. Dad badan baa qaba in Puntland ay ku guuldarraystay in xisbiyo siyaasadeed la sameeyo. Waxay moog yihiin in dad beelo iskugu abaabulay siyaasadda aysan marnaba ku dooranaynin siyaasi barnaamij; Heybtiisa beeleed baa ka awood-badan hiraalkiisa siyaasadeed. Dad aan heshiis ku ahayn ilaalinta hantida dadka ka dhexeysa iyo la dagaallanka lunsadeyaasha marnaba ma u u noqon karaan tilmaanta maamul suubban. Waa cashar ka mid ah casharrada ugu waaweyn oo ay reer Puntland barteen tan iyo 1998kii. Dadkii koonfurta ka soo qaxay baa Puntland dhistay marka aad daaraha eegto. Daaraha iyo suuqayadu may ah halbeegyada keliya oo la soo qaadan karo. Ka shaqaynta hay’adaha dowladda, u qareemidda danyarta, la dagaallanka sinnaan-darrada iyo siyaasiyadda dhowrista deegaanka baa ka mid ah halbeegyada ugu waaweyn. Labaatan sano kaddib may cadda meesha Puntland ay u socoto. Puntland may laha xisbiyo gacan-ku-rimis ah oo u dhigma kuwa Muqdisho ka jira oo isu diwaangeliyay isuna diyaarinaya doorashada 2021ka. Puntland waxay la-hayste u noqotay geddisley siyaasadeed ( political entrepreneurs) ku kaltanta hoggaanka siyaasadda maamul-goboleedka. Waa dhibaato ay la wadaagto maamul-goboleedyada kale; waa mid furdaaminteeda laga sugayo dadka Puntland samaystay. Jean Monnet, oo horseed ka ahaa samayntii Midowga Yurub, wuxuu ka tagay ereyadan: “Ma jiro wax suurtooba dad la’aan; ma jiro wax waara hay’ado la’aan.” Buntland may laha hay’ado dhammeeya murannada siyaasadda sida kii dhaliyay inuu Cabdiraxmaan Faroole ka tago samaynta hab siyaasadeed ku salaysan xisbiyada. Puntland kuma sii gurguuran karto hay’ado magac-u-yaal ah. Waa farriinta sanadguurada labaatanaad u siddo dad badan oo aan ku niyadsamayn geeddi-socodka siyaasadeed ee Puntland. W.Q. Liibaan Axmad The post Halkee Bay Puntland U Socotaa? appeared first on Puntland Post.
-
Dubai (Caasimadda Online) – Xaakimka Dubai oo isla markaana ah Madaxweyne Kuxigeenka dalka Imaaraadka ayaa si dadban u dhaliilay siyaasadda arrimaha dibedda maamulka Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka hoggaanka u haya. Qoraallo isdabajoog ah oo uu Sheekh Maxamed Bin Rashid Al-makhtuum soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku caddeeyey sida uu uga xun yahay in uu dalkiisu gacan ku yeesho khilaafyada iyo dagaallada gobolka ka socda, halkii ay ahayd in hoggaanka waddanku uu xoogga saaro arrimaha gudaha ee dalka. Qoraallada uu bartiisa soo geliyey Sheekh Maxamed ayaa dad badani u fasirteen dhalleecayn dadban oo ku wajahan siyaasadaha Abu Dhabi. “Noloshu waxa ay i bartay in lug ku yeelashada siyaasadda caalamka Carabtu tahay wakhti lumis, micno darro iyo hanti lumis…haddii qofku doonayo in uu wax u qabto dadkiisa, waa in uu xoogga saaraa danta dalka…taariikhda ayaa taas ka marag kacaysa. Waana labo mid uun: in qofku sameeyo waxqabad la taaban karo ama in uu la soo taagnaado hadal maran, bogag iyo weedho bilaa qiimo ah,” “Siyaasiyiinta caalamka Carabtu waa buux, waxase yar dadka aqoonta u leh maamulka iyo maaraynta. Dhibaatadeennu waa maamul la’aan ee ma aha khayraad la’aan…u fiirso dalalka Alle ku mannaystay saliidda, gaaska, biyaha iyo dadka laakiin aan fursadda u helin horumarka, isla markaana aan awood u lahayn inay dadkooda u suurtageliyaan adeegyada asaasiga ah sida waddooyinka iyo korontada.” “Caalamkeenna Carbeed, siyaasigu waa kan maamula dhaqaalaha, waxbarashada, warbaahinta iyo ciyaaraha, wallow ay shaqada saxda ah ee siyaasigu tahay in uu dhaqaaleyahanka, aqoonyahanka, ganacsadaha iyo qofka xirfadda warbaahineed leh u suurtageliyo nolol tii hore ka fudud oo dhaanta.” Caasimada Online Xafiiska Dubai Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay wado qorsho ay kursiga uga laaleyso Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo wakhtiga uu kasii dhamaanayo. Dowlada ayaa la sheegayaa in kursigaasi oo dhawaan loo gali doono doorasho ay u wadato musharax cusub oo horay xil uga soo qabtay dowladii hore. Xogtu waxa ay sheegeysaa in musharaxa ay wadato dowlada Somalia uu yahay Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cabdiweli Sheekh Axmed oo xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyo Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia. Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa lasoo warinayaa in lagu cadaadinaayo xukunka maamulka Jubbaland, waxa ayna dowladu wadaa qorsho ay isbedel ugu sameyneyso Hoggaamiyayaasha maamulada oo iyagu caqabad ku ah howlaha dowlada. Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa la filayaa in ololihiisa uu ka bilowdo magaalada Muqdisho oo dhawaan lagu wado inuu soo gaaro, sida aan xogta ku heleyno. Sidoo kale, dowlada Federaalka ayaa gadaal ka riixeysa musharaxiin kale oo iyaguna u taagan tartanka xukunka maamulada Puntland iyo Koonfur galbeed oo iyaguna la filaayo in doorashadoodu ay dhacdo dhawaan. Ma cadda musharaxiinta kale oo dowlada Federaalka ay u wadato maamulada Puntland iyo Koonfur galbeed,inkastoo la xaqiijiyay inay garbineyso mid laba musharax maamulkiiba. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si weyn uga socdo qabanqaabada soo dhaweynta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la filayo inuu Berri kasoo dago garoonka Aadan Cadde. Xasan Shiikh Maxamuud oo muddooyinkii u dambeeyey daganaa Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga ayaa Berri imaan doono Magaalada Muqdisho iyadoo ay soo baxayaan warar kala duwan oo ku aadan ujeedka safarkiisa. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan guddiga qabanqaabada soo dhaweynta, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Muqdisho u imaan doono sidii uu wadatashi ula sameyn lahaa qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale Xasan Shiikh ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya iyagoo iska wareysan doono xaaladaha siyaasadeed ee uu dalku ku jiro. Wararka qaar oo aan la hubin ayaa sheegayo inuu Xasan Shiikh Maxamuud si rasmi ah ugu soo guurayo Magaalada Muqdisho oo u noqon doonto saldhig. Xasan Shiikh ayaa dalka ka tagay markii looga guuleystay doorashadii Soomaaliya ka dhacday 08 February 2017 markaas uu Farmaajo la wareegay xukunka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Shaqaallaha rayidka ah ayaa kasoo horjeestay xilka ka qaadis dhawaan uu ku sameeyay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad xoghayaha Joogtadada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda. Muran badan ayaa ka dhashay xilka ka qaadista Cali Maxamed Cali oo ahaa xoghayaha Joogtadada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda, waxaana ugu dambeyntii soo faragalay Guddiga shaqaallaha rayidka ah. Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka dowladda Federaalka ayaa waraaq u qoray 5-tii bishan Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa lagu sheegay habka xil ka qaadistii uu ku sameeyay Xoghayaha Joogtada taariikhda marka ay aheyd 26-kii bishii July uu si cad uga hor imaaneyso wareegtadii ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha bishii May ee sanadkan oo lagu joojiyay xil ka qaadista iyo shaqo joojinta Agaasimayaasha Guud iyo Xoghayeyaasha Joogtada. Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka dowladda ayaa si rasmi ah uga horyimid xil ka qaadistii lagu sameeyey xogyahaya waxayna arrintaas ku tilmaameyn inay tahay mid ka baxsan sharciga iyo qaanuunka dowladda u yaalo. Wuxuu guddiga sheegay in xoghayaha xilka laga qaaday uu markii hore ku imaaday magacaabis Ra’isulwasaare haddana loo baahan yahay inuu Ra’isulwasaaraha xilka ka qaado. Guddiga ayaa ku dooday inaysan ansax aheyn xil ka qaadistii lagu sameeyey xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Debadda maadaama aan loo marin sida ay sheegeyn wadadii saxneyd isla markaasna aysan jirin sababo kale oo keeni karo inuu xilkiisa ku waayo. Guddiga ayaa ugu dambeyn Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya ka codsaday in sida ugu dhaqsiyaha badan xilkiisa loogu soo celiyo xoghayihii joogatada ahaa ee Wasaaradaas Cali Maxamed Cali. 26-ka Bishii July ayey aheyd markii xilka laga qaaday Cali Maxamed waxyana wasaaradda xilkaas u magacowday Danjire Saciid Xaaji Maxamuud. Sidoo kale xoghayihii xilka laga qaaday ayaa isna loo magacaabay waqtigaas La Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debadda. Akhriso: Warqaddii xilka looga qaaday Xoghayaha Joogtada ah Waraaqda Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka dowladda
-
Laba Maalmood oo rabshado ay ka dhacayeen magaalooyinka ugu waaweyn ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa isbedel lagu sameeyey hogaanka cusub ee dalkasi. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa iska casilay xilka iyodoona loo magaacabaya madaxweyne Cusb dawlad Deegaanka Soomalida itoobiya. Afhayeenka Jabhada ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge (Cadaani) ayaa sheegay in Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya uusan wax isbedel ah ku soo kordhin doonin dhibaatooyinka ka jira dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed uu leeyahay dhaqankii Cabdi Maxamuud Cumar,isla markaana uu sidoo kale ku shaqeeyo fikirka ka yimaada madaxweynihii ka horeeyey ee Cabdi Maxamuud Cumar. Marka laga soo tago hadalka Afhayeenka Jabhada ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge(Cadaani) ayaa hadana waxaa baraha bulshada lagu dhaliilayey Madaxweynaha Cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida,iyada oo lagu tilmaamay in uu yahay nin dhibaateeya Soomaalida. Isaga oo Warbaahinta la hadlayey Madaxweynaha Cusub ayuu sheegay in isbedel weyn uu la imaan doono,isla markaana uu ku Shaqeyn doono aragtida Shacabka Soomaalida Itoobiya. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Ururka ONLF Oo Si Adag Uga Hadley Madaxweynaha Cusub Ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
The August 7 midmorning attack on US embassy in Kenya and Tanzania brought al Qaeda to the limelight. It shaped Kenya’s war on terror and how Kenyans thought about their own security. Source: Hiiraan Online
-
President Uhuru Kenyatta will hold talks with his US counterpart Donald Trump on August 27 in Washington, the White House confirmed on Monday. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Aug. 6 (Xinhua) -- The UN migration agency and the European Union are this week training over 60 migrants who opted to return to Somaliland from Libya instead of continuing their journeys to Europe, the UN agency said on Monday. Source: Hiiraan Online