Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,249
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaannada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa shalay galay fasax gaaban oo ay qaadanayaan inta ka dhiman Bisha Barakeysan ee Ramadaan. Saddexdii Bilood ee la soo dhaafay, waxaa ay Xildhibaannada Golaha shacabka yeesheen 11; kulan oo kaliya iyada oo inta bandanna XIldhibaannada ay kulamada ka maqnaayeen. Kulankii ay tirada ugu badan xaadireen waxaa uu ahaa kii dhacay 30kii April 2018,kaas oo lagu dooranayay Guddoomiyaha Golaha shacabka. Kulankaas waxaa xaadirtay 266; XIldhibaan oo ka mid ah Golaha shacabka,waxana ka maqnaa kaliya 9; xildhibaan oo aan ka qeybgelin doorashada Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan. Golaha shacabka ayey tahay in ay Todobaadkiiba kulmaan saddex maalmood oo kala ah, Sabti,Isniin iyo Arboco,haddii aanay jirin kulamo deg deg ah,waxaana ay Bishii noqoneysaa 12 Kulan. Taas waxaa ay ka dhigan tahay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay aanay xitaa gaarin kulamadii laga rabay bil kaliya,waxaana mooshin billowday 13kii March uu dhamaaday Dhamaadkii April. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Police in Somalia’s breakaway Somaliland region arrested more than 40 protesters and two journalists at a demonstration in a town whose ownership is disputed by a neighbouring region, a police officer said. Source: Hiiraan Online
  3. Stockholm (Caasimada Online) – Wargeyska Aftonbladet ee ka soo baxa dalka Sweden, ahna wargeyska ugu afka dheer dalkaas, ayaa horey uga hadlay dagaalka u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland waxa uu lugta ku hayo…. Arrintaan Sannadkii 2014-kii ayuu qoray wargeyska la yiraahdo Aftonbladet waxaana uu sheegay in shirkada Lundin-oil oo dalka Swedan laga leeyahay iyo mid iyaduna laga leeyahay dalka Norwey ah oo la yiraahdo DNO International ay heshiisyo la saxiixdeen maamulada Somaliland iyo Puntland. Waxeyna doonayaan in ay dadka bara kiciyaan sidii horey loogu sameeyay shacabka u dhashay dalka Suudaanta Koonfureed. Lundin-Oil waxaa saami weyn ku leh Ra’iisul wasaarihii hore ee Sweden Carl Bildt. Waxaana horay loo shaaciyay in shirkadaasi ay shidaal ka baareysay Killilka shanaad oo dad badani ay ka qaxeen kuna guryo beeleen. Hada waxaa loo socdaa waa Ceelka weyn ee HOLHOL. Labadaan shirkadood oo dhaqaale xoogan ku bixiyay sidii ay ceelkaasi iyo kuwo kaleba u heli lahaayeen ayaa waxaa hada soo baxeysa in dadkii ay dagaalo dartood degaankoodii ka qaxayaan waana sida ay rabaan shirkadahaasi. Halkan ka akhriso maqaalkii Ku soo baxay Jariirada Aftonbladet Xigasho: Sheiknor Abucar Qassim
  4. After days of heavy fighting, Yemeni forces say they have advanced within 20km of the Houthi rebel-held port city of Hodeidah, a vital lifeline where millions of Yemenis get their food and medicine. Source: Hiiraan Online
  5. Fadumo Nur Abdukadir, a 52 year mother, wakes up every morning and takes long walks along Hamar-Weyne coastline in Benadir region in search of her son, who has been missing for more than a month. Source: Hiiraan Online
  6. A former Somali refugee who came to Nova Scotia as a child will be in federal court Tuesday, as his lawyers continue to fight his deportation. Source: Hiiraan Online
  7. Renewed border conflict between Oromia and Somali Ethiopian regional states have been reported, according to media reports. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Meelo badan oo dalka ah waxaa ka jira xasarado kala duwan, kuwaas oo saameyn ku leh nolosha dadka iyo dalka, caqabadna ku ah horumarka iyo dowladnimada la hiigsanayo. Caasimadda Online waxaa ay akhristayaasheeda u soo dul-mareysaa xasaradaha taagan iyo dhibaatooyinka jira, haddii horumar laga gaaray iyo in kale, kuwaas oo haddii aan wax laga qaban ay dhici kato inay uga sii daraan xaaladda. Puntland: Dowlad goboleedka Puntland, marka laga soo tago khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha maamulka Cabdiweli Gaas iyo ku-xigeenkiisa Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey, Khatarta Daacish, Duufaanta ku dhufatay gobollada xeebta iyo burcad badeedda, waxaa xasaradda weyn ka jirtaa oo kale deegaanka Tukaraq, Sool. Dagaalka sokeeye ee Tukaraq waxaa uu u dhaxeeyaa Puntland iyo Somaliland, muddo bil ah ayuu socdaa, inkasta oo aan laheyn tirakoob sax ah hadana waxaa jira khasaare naf iyo maal leh, dagaalka waxaa uu socdaa weliba iyada oo lagu jiro Ramadanaan, dowladda federaalka ah waxaa ay sheegtay in aaney waxba ka qaban karin, mana jirto cid kale oo dhex-dhexaadin ku howlan. Galmudug: Dowlad goboleedka Galmudug waxaa horay uga jirtay dhibaatada abaarta, deegaanno badan oo Al-shabaab heystaan iyo horumar la’aan dhinac walbo, laakin hadda waxaa ka jira khilaaf hareeyay madaxda, kuwaas oo kala fariistay Dhuusa-mareeb iyo Cadaado, arrintaas oo gaartay heer ay qoraal ka soo saaraan Xildhibaannada gobolka ka soo jeeda ee ku jira baarlamaanka 10aad ee federaalka ah. Inkasta oo arrimaha khilaafka aad u badan yihiin hadana waxaa ka soo qaadan karnaa in si cad loo hareer maray qodobbada heshiiska Djibouti oo ahaa si simman loo qeysado baarlamaanka, lana tixgeliyo awood-qeysiga beelaha, laakin taasi iska indho-tireen Alhu-sunna iyaga oo keenay baarlamaan ka kooban 118 Xildhibaan halkii laga rabay 89 Xildhibaan. Arrinta kale oo Ahlus-sunna lagu heysto waa in aaney tixgelin awood qeybsiga beelaha dega Galmudug, waxaa intaas dheer, waxaa baarlamaanka Ahlu sunna ku jira dadka ka soo jeeda Puntland iyo Hirshabeelle, oo beelahooda aaney degin Galmudug. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku baaqday dhex-dhexaadinta labada dhinac, waxaaa arrintan soo dhoweeyay madaxda Galmudug, tani waa fursadda keliya ee maamulkaas uu ku midoobi karo. Hirshabeelle: Dowlad goboleedka Hirshabeelle waxaa ka jira kooxeysi u dhaxeeya maamulka dhexdiisa, waxaa uu mooshin ka yaal madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, in kasta oo uu baarlamaanka fasax ku jiro, laakin arrintaas weli lama xalin, oo xilli kasta waxaa la filan karaa qas iyo xasarad cusub. Xataa ammarada madaxweyne Waare kama socdaan meelaha qaar, oo guddoomiyaha Baladweyn waxaa uu iska diiday shaqo ka fariisin lagu sammeeyay! Hirshabeelle labo dhibaato ayaa u sii dheer, mid waa fatahaadda webi Shabeelle, kaas oo barakiciyay inta badan dadkii reer Baladweyn, Buula-burte iyo magaalooyin kale, waxaa kale oo jira dadkaasi dhibaato heysato magaalooyinka waaweyn oo ay xarakada Al-shabaab go’doomiyeen. Hadda, in kasta oo gargaar ka heleen qeybo kala duwan hadana dhibaatada waa mid taagan, oo xal u baahan. Koonfur Galbeed: Dowlad goboleedka Koonfur galbeed waxaa jiro qalalaaso maamul, dhaliilo ku saabsan maamulka, shaqada iyo mushaaraadka iyo qaar kale, laakin hadda waxaa ugu daran isbaarada ay dhigtaan ciidamada dowladda federaalka ah. Xildhibaan Idris Cabdi Dhakhtar oo ka hadlay arrinka waxaa uu sheegay in dhibaatada isbaarooyinka ay soo jirtay tan iyo 2002-dii, dhac iyo kufsi ayaa ka mid ah waxyaabaha dadka lagula kac, oo sanadkii la soo dhaafay keliya waxaa la dilay 1717 qof, oo u dhiganta maalintii in 5 qof la dilo. Xildhibaanka waxaa uu eedeeyay ciidamada militariga ee la dajiyay Ex- cotrol ilaa Leego. Dhibaatada waxaa ay ka jirtaa Jidka Baraaer ilaa Xamar iyo Baydhabo ilaa Xamar. Jubbaland: Dowlad goboleedka Jubbaland waxaa dhibaato ku haya fatahaadda webiga Jubba, magaalooyinka ay dadkeeda waxyeellada saameysay waxaa ka mid ah: Baardheere, Buur-dhuubo, Luuq, Doolow iyo Ceel-waaq, webiga waxaa uu wax u geystay guryo, beero iyo xoolo. Jubbaland waxaa kale oo heysata xasarad kala dhaxeysa dowladda federaalka ah, oo ma fiicna xiriirka uu Madoobe la leeyahay Villa Somalia taas oo dib u dhigi karta horumarka nidaamka federalism-ka. Ugu dambeyntii, dowladd federaalka ah oo mas’uul ah dalka iyo dadka waxaa la gudboon inay waqti ku bixiso sidii ay uga tallaabi laheyd Banaadir, isla markaana ay qeyb uga noqoto daadejinta federalism-ka dalka, si shacabka u dareemaan jiritaanka dowladnimo. Xigasho: Idaacadda Goobjoog Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Abaahay waa reer Garoowe, Hooyaday waa reer Laascaanood, Saaxiibaday waa reer Hargaisa, Xamar ayaan ku koray, Sinjigaygu waa Soomaali , Diintayduna waa Islaam….. Sidaa awgeed, dagaalka Tukaraq ka socda dhinac kasta saamayn toos ah ayuu aniga iyo maalaayiin kale ee Soomaaliyeedba ku leeyahay oo durba waxaaba la iisoo sheegay inaadayrkay oo aad u d’a yar in lagu dilay dagaalkii shalay dhacay. Runtii aad ayay ii xanuujisay iyadoo bil Ramadaan ah oo Alle uu xidhxidhay shayaandiitii waaweynayd , albaabada raxmada iyo toobadana furay in ummadii Soomaaliyeed (gaar ahaan Puntland iyo Somaliland) oo labaduba ah dad soo arkay xanuunka iyo cawaqib-xumada ka dhalan karta colaad inay maanta isugu goodiyaan colaad iyo dhiig cusub oo la daadsho… Shayaadiinta insi ee colaadaas huriyay , waxaa ka sii xun wax-magaratada Social Media ugu kala difoosaynaya (kala taageeraya) labada garab, ku soo bandhigaya dad dhintay, sii hurinayana colaad aan cidina ku xamdinayn iyo walaalo isdilaya. Hadaba bal si aan idiin dareensiiyo aragtidayda shaqsi, Soomalinimo iyo Islaanimo ee ku aaday colaadaan waxaan rabaa inaan idin la wadaago qodobo dhowr ah kuwaas oon uga gonleeyahay inaan ku soo bandhigo aragti ka duwan mida social media ay dadka wax-magaratada ahi ku soo bandhigaan, bal si codka kuwa weli caqligoodu shaqaynayo, nabada, wada jirta iyo walaalnimaduna uga weyn tahay hurinta colaada iyo burburka loo maqlo loona dhiirigeliyo. Safarkaygii Puntland iyo Somaliland: Laba sanno ka hor ayaan safar ku tagay Soomaaliya. Waxaan labo asbuuc ku sugnaa Garoowe, kadib ayaa aniga iyo koox aan saaxiibo nahay oo ila socotay ku heshiinay inaan Hargeisa tagno. Gobolada Waqooyi waxaa iigu danbaysay beri hore oo aan Warshada Sibirka ee Berbera ka shaqayn jiray. Safar dhulka ah ayaanan ku marnay inta u dhaxaysa Garoowe ilaa Hargaisa. Xiligu wuxuu ahaa G’u , roobab mahiigaan ahina ay ka da’ayeen inta u dhaxaysa Sool iyo Hargaysa. Intii aan jidka ku sii jirnay kolba tuulo ayaan istaagaynay anagoo la sheekaysanaynay dadka deegaamadaasi, kafta iyo qosol si walaalnimo ay ku jirto ayayna sheeko iswaydaarsigu u dhacayeen. Waxaan Hargaisa tagnay xili galabnimo ah oo barje loo fadhiyo, qofkii aan barjaynina nasasho (ama qayluulo yar qaadanayo), isku socodka magaaladuna ay aad u yareyd. Waxaan Hargaisa joognay asbuuc, si gobanimo iyo hospitality gii ama soo dhawayntii Duriyada Sheekh Isxaaq lagu yiqiinay ayayna axsaab iyo ehel badan oon halkaas ku lahaa igu soo dhaweeyeen. Casumaadaha magaalada dhexdeeda waxaa ii dheeraa dalxiis iyo buuro fuulis (Hiking) la ii geeyay deegaanka Abaarsay (Abaarso) iyo Xeebta Batalaale oo la igu casumay balse wakhtigu ii saamixi waayay inaan tago, Waxaa airport nagu sii sagootiyay xubin Baarlamaanka Somaliland ku jira oo aan ehel hoose nahay, waxaanan kasoo tegay halkaasi anigoo weli xiiso u qaba inaan sii joogo, saaxiibadii aan horay ugu lahaa iyo kuwo aan ku soo bartayna ilaa maanta ayaan is wacnaa iyagoo ileh “goormaad nasoo gaadhi?”. Dagaalka Tukaraq kolkaan maqlay, waxaa iga daadagi weyday sababta goobtaasi loogu dagaalamo loona burburinayo wanaaga iyo walaalnimada labada bulsho ka dhexeeya, iyadoo weliba bil Ramadaan ahna loo banaysanayo daadinta dhiig walaalo Muslim ah. Waxaan dib u milicsaday waxyaalihii aan ku soo arkay safarkaygii 2016 bal si aan asbaab ugu helo ama u garowsado waxa kelifi kara in dagaal halkaasi ka dhaco. Waxyaalihii aan soo arkay: Puntland iyo Somaliland: In dadka Puntland iyo Somaliland labaduba isku taariikh yihiin, dhibaatooyin gaar ahna ay soo wada arkeen. In waxa ka dhexeeya labadaasi bulsho iyo deegaan ay ka badan yihiin waxa kala qaybiya, In xiriir bulsho, mid dhaqaale iyo mid deegaanba ka dhexeeyo labada bulsho, In labadaas deegaan ay ka jirto maamul iyo xasilooni la isku halayn karo, In dadka deegaamadaasi ay ka gudbeed marxaladihii dagaalada Sokeeye una gudbeen mid horumarineed iyo maamul wanaag. Sool (Khaatumo): In deegaamadaani ay ka jirto horumar daro baahsan iyo maqnaansho maamul oo ay dadka deegaanku raalina isaga yihiin, In laga bilaabo Tukaraq ilaa Oog aan ku soo arkay rag wada hubaysan oo nin iyo qori ah, halka Puntland iyo Somaliland dhulka ay ka taliyaana aadan ku arkay qof qori wata ciidan mooyee. In kantaroolada Gobolka Sool askarta iyo saraakhiisha joogta ay u badnaayeen dad aan deegaamada u dhalan, Iyo in deegaamadaani ay hardinayaan (front) goob dagaalna ay u tahay labada maamul ee hareeraha ka xiga. Maqaalkani maaha mid aan ku soo koobi karo dhamaan xaqiiqada iyo arimaha halkaasi ka jira, sidaa awgeed , waxaan diirada saaraynaa waxyaalaha aan isleenahay way kelifeen ama kelifi kara in halkaasi colaadi kasoo cusboonaayo iyo xalku waxa uu ku jiro. Qodobada la isla wada qirsan yahay inay aasaas u yihiin colaada Tukaraq waa: Somaliland oo istustay hadii Sool iyo Sanaag loo aqoonsado inay ka mid yihiin Puntland, aysan gaari doonin hadafkooda goosasho, sidaa awgeed maadaama shacabka reer Sool, Cayn iyo Sanaag aysan kalsooni ka haysan inay awood ciidan u adeegsato. Puntland oo aaminsan in Masuuliyad ay ka saaran tahay difaaca deegaamadan maadaama dadka deegaamadaani ay wax ka dhisteen Puntland kuna hayb yihiin, dhulka la qabsadayna aan laga qabsan beel balse laga qabsaday Maamulka Puntland. Shidaalka Ceelka Hol-Hol oo Somaliland ay heshiisyo kula gashay shirkado Scandinavian ah, taasina ay ku keliftay inay bixin dhaqaale iyo adeegsi ciidanba u isticmaasho sidii uu gacantooda u soo geli lahaa Muuse Biixi oo isku arka Hogaamiye adag oo gaari kara wixii madaxdii ka horaysay ay ka gaabiyeen taas oo ah inuu soo xiro xuduudihii guumaysigu dhigay, dagaalkana u isticmaalo inuu ku mideeyo beeshiisa maadaama ay jiraan beelo uusan kalsooni ka haysan sida West Burco Clan (Habar Yoonis) oo kale. (war instigated by a country’s leader in order to distract its population from their own domestic strife). Puntland oo u arkay ihaano in ciidan la soo duldhigo Caasimadoodii, aaminsana inay dulqaad badan muujiyeen kadib markii Provocations (daandaansi) badan oo hore lagu sameeyay, qabsashada Tukaraqna ay ka dhigan tahay khadkii casaaso in la soo dhaafay. Waxaa kale oo jira qodoba dhashay dagaalka ka hor iyo ka dib oo iyaguna sii huriyay colaada sida: Reer Sool oo aaminsanaa in maamulka Puntland ay gabtay difaacii iyo hiilkii ay ka filayeen, laakiin kadib markii dagaalkii bilowdayna si aan kala har lahayn u taageeray colaadaasi kuna soo biiray dhinaca Puntland. Hadalada dareenka qabyaaladeed xanbaarsan, goodinta iyo xusuusinta taariikh hore ee ka soo baxayay Muuse Biixi iyo Faisal Cali Waraabe afkooda oo (rally point) ama wax ay ka dhiidhiyeen ama mideeyay Reer Puntland iyo inta dareenka wada dhalasho la qabta noqday. Dilal loo gaystay dad reer Sool ah sida Nabadoonkii Jaamac Siyaad ee gaadhiga lagu marsiiyay Hargaisa oo iyaduna sii hurisay colaada. Cabdiweli Gaas oo mudo lix bilood ah diidadanaa inuu ciidanka Puntland u ogolaado dagaal oo aakhrikii si cadho iyo caadifad leh u oglaaday una arka in dagaalkani mid xaq ah yahay. (lagana yaabee in latayiyaashiisu ku qanciyaan inuu sii wado colaada si dalka uu xaalad degdeg ah ugeliyo, taasina kalifto doorashadii Puntland inay dib u dhacdo sidaana uu mudo korarsi ku helo). Maxaa xal ah: Waxaa hubaal ah in dagaalkaani uusan noqonayn mid sahal lagu kala adkaado maadaama aysan Soomaalidu dhaqan iyo taariikhba u lahayn in qolo gaar ah laga adkaado, walow dagaalkani xiiso iyo xamaasad gaar ah uu dadka qaar u leeyahay oo hadii beesha Sool clan gebi ahaanba taageerto dhinac Puntland uu dagaalkani waji kale yeelan doono. Sidoo kale dagaalkani masii socon doono maadaama aysan labada maamul heli karin saad, sahay iyo saanad ay kusii wadi karaan colaadaa daba dheeraata, (walow ay jiraan qolooyin labada dhinacba isku soo hubeeyay oo midkasta saanad soo siiya , saaxiibna ay u haystaan balse ula jeedadodu tahay Soomaali isku jebi)….! Duruufaha dhaqaale ee ka jira labada maamul oo aan iyaduna u saamixi doonin sii hurinta colaadan. Dagaal waa marshuuc lagalo kan ugu qaalisan nimaan aqoon ayaana ku degdega: (bal eeg Saudi Arabia iyo Imaaraadka, dagaalkii Yemen dhibaatada dhaqaale xumo oo uu dhaxalsiiyay, waataa maanta ay canshuur ku soo rogeen shacabkodii, dadkii investment (maalgashiga) ku samaysan jirayna ka yaaceen). Labada maamul oo midba midka kale uusan ka maarmin, isku socodka dadka iyo hantida ka helo dhaqaale badan oo hadii uu Meesha ka baxo labada dekadood ee Boosaaso iyo Berbera dhib u soo jiidi kara. (Bagaashka, Qudaarta, iyo Xoolaha Puntland ka yimaadaan ama soo maraan waxay tagaan Somaliland, halka Raashinka iyo badeecadaha kale ee Somaliland ka yimaadana loo iib geeyo Puntland ama ay maraan Puntland una sii gudbaan Koonfurta dalka). Sidaa awgeed, waxaa loo baahan yahay in codka saliimka ee saaxiga ah (voice of reason) la maqlo, si loo caburiyo codka caadifada, caqli xumada iyo colaada xambaarsan, waxaa loo baahan yahay in la helo dadka taliya maslaxada, nabada iyo wada noolaanshaha si looga hortago kuwa saacadahoodu istaageen ee ku qafilan colaadihii sokeeye ee (1981,1988, 1991 and 2006) kuwaasoo markii wax dhacaanba usugu goodiya taariikhahaasi xusuusintooda. Talo-gelinta reer Sool iyo u saamixida inay masiirkooda ka tashadaan. Dagaaladu kolkay ka dheceen Muqdishu 1991 ayaa islaan waayeel ah waxay ehelkeedii ku tiri “Maandhooyinow anigu waayeel baan ahay oo cidi wax ugu falimayso cidina dhib iima gaysanaysee idinku naftiina badbaadiya, gurigana anigaa sii joogaya oo ilaalinayee, markii dagaalku dhamaado oo la isku soo noqdanba meesha iigu imaada” …. Islaantii mudo kadib markii dagaalkii joogsan waayay weji qabiilna yeeshay ayaa maalin aqalkii waxaa ugu soo dhacay labo kooxood oo midba rabaan gurigaan weyn oo iska xidhan inay bililiqaystaan… Qoladii daaqada ka soo gashay iyo kuwii derbiga ka soo booday ayaa isku qabsaday “Wadaayoow anagaa idinka hor taabsanahaye naga qaleeye, iyo mayee anagaa idinka soo horaynay ee Meesha isaga huleeya yaynaan isku ceeboobine!. Dood dheer kadib ayay arkeen islaan waayeel ah oo sali ku fadhina iskana wardinaysa, waxaa lagu heshiiyay in islaanta markhaanti loo qabsado si u kala saarto. Waxaa ladhahay “Eedo ilaahaan kugu dhaarinee labadayada yaa soo horeeyay”… Duqdii xariifad ayay ahayd doodana way maqlaysay, filinkana way la fahamtay labada kooxood, markaas ayay tiri “Maandhooyinow, hadii soo kala horayn wax lagu kala helayo labadiinaba anigaa idinka soo horeeyay”. Haatan iyo dan, hadii la rabo in maslaxo waarta laga gaaro colaadaan Sool, waxaan laga fursanayn in talada wax laga siiyo dadka labada kooxood ee meesha isku hardinaya uga soo horeeyay dhulkana leh, waa in loo saamaxo reer Sool, Sanaag iyo Cayn inay masiirkooda ka tashadaan, ciday wax ku darsanayaan iyo haday gooni istaagayaana go’aan ka qaadashadeena loo madax baneeyo faragelinta sandareerto iyo ciidana laga daayo. Nin ayaa la waydiiyay war hebel colaada Tukaraq ka waran maxayse salka ku haysaa? Kolkaa ayuu yiri: “Colaada Tukaraq waxay la mid tahay labo nin oo bidaar leh oo shanlo ku dagaalamaysa, kii ku guulaystaa muxuu ku samayn, xaguuse gayn ilayn timoba malahe”. Somaliland waa inay isticmaashaa caqli, oo dhibkii ay ka cabanayeen in loo gaystay mid la mid ah aysan kudayin reer Sool iyagoo u dowladaynaya, ogaadaana in dadka reer Sool aysan ka raali ahayn gooni isutaag. Puntandna waa inaysan uga dhaganaan Dhulbahantaa Puntland wax ka dhistay waana nala haybe, waa inay garowsadaan in Sool clan saluugay Maamulka Puntland, magac mooyee wax mashaariic horumarineed ee lataabankarona aysan ka helin kuna haysan Puntland. Waxaan mahad gaar ah u soo jeedinayaa Culimadda, aqoonyahanka iyo Cuqaasha Somaliland iyo Puntland ee arintaan ka hadlay kuna baaqay nabad, dadkana hoga-tusaaleeyay waxa labada umadood isku yihiin inay ka weyn tahay kana muhiimsan tahay waxa kala qaybiya. W/Q: Farah Aw-Osman awosman@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. A man has shot dead two police officers in the eastern Belgian city of Liège, Belgian media report. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa la soo Gabagabeeyey Imitixaanaadkii Sannad Dugsiyeedka 2017-2018 ee Shahaadada Dugsiyada Dhexe ee Dallada Waxbarashada ee SAFE, waxaana Sannadkaan Imtixaanaadkii u Fariistey Ardeydii ugu Badneyd oo isugu jirta Wiilal iyo Gabadho sida uu noo sheegey Agaasimaha Fulinta ee Dallada SAFE Keyse Mayow Abuu Xuseen “Tirada Guud ee ardeyda Imtixaanka u Fariisatey waa 15,770 oo Kun, waxaa Wiilal ah 9,305 Kun, Gabdhaha waa 6.485 oo Kun Waana Fasalka Sideedaad , waxayna Imtixaanadaan ay ahaayeen kuwa lagu qaadayey Muqdisho iyo Gobolada dalka” sidaa Waxaa yiri Agaasimaha Fulinta ee Dallada Keyse Mayow Abuu Xuseen oo sheegey in Dallada ay Hoos yimaadaan ilaa 297 Dugsi wuxuu intaa Raaciyey “Dhamaan Goobaha imtixaanada ka dhacayeen waxaan u Diyaariney Wixii Tashiilaad ahaa oo ay u baahnaayeen sida Macalimiin, Kormeerayaal iyo Dhaqaale, waxayna Imtixaanadaas ay Bilaabeen 26 waxayna ku ekaayeen 29 Bishaan May 2018 waxaa uu sheegey Agaasimaha in Muddo ku dhow 18 Sannoo oo Xiriir ay qadayeen Imtixaanada Dugsiyada Shahaadada Dugsiga Dhexe” Agaasimaha Fulinta ee Dallada Mudane Keyse oo Warbixintaan nagu siinayey Xafiiska Dallada SAFE ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegey in ardeyda Dhameysatey Dugsiyada Dhexe ay u Diyaariyeen habkii ay u sii Wadan lahaayeen Waxbarashadooda ee Dugsiyada Sare “Ardeyda Kaalimaha Koowaad, Labaad iyo Sadexaad galey ee Dugsiyada Dhexe in ay Dallada gu talagashey in ay si lacag la’aan ugu dhigtaan Dugsiyada Sare ee Dallada Hoos yimaada sidoo kale waxaa sheegey in Ardeydaas Dallada SAFE ugu talagashey in ay siiyaan Abaalmarino ku aadan Darajada sare ay keeneen ” sidaa waxaa sheegey Agaasimaha Fulinta ee Dallada Keyse Mayow Dalada SAFE waxay ka mid tahay Daladaha Waxbarashada ee ka jira Dalka waxayna Mudadii dheereyd ee ay jirtey ay ku soo shaqeysey Xaalad adag sidoo kale Dallada SAFE waxaa wax ka barta in in ka badan Saddex Boqol Kun oo ardey kuwaa oo ku sugan Dhamaan Gobolada Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho.
  12. Hay’adda sirdoonka dalka Pakistan ayaa baaritaan ku furtay madixii hore ee hay’addan awoodda badan ninka lagu magacaabo Jeneraal Asad Durrani, kadib markii uu buug la qoray ninkii dhiggiisa ahaa ee dalka Hindiya. Sheeko taxane ah oo dhexmartay labada nin ayaa waxaa buug ka qoray wariye u dhashay dalka Hindiya, waxaana ka mid ah moowduucyo aad xasaasi u ah. Jeneraal Asad ayaa waxa uu buugga ku sheegay in sirdoonka Pakistan ay Maraykanka gacan ka siiyeen sidii loo dilli lahaa ama loo dhiibi lahaa hoggaamiyihii Alqaacidda Usama Bin Laden, kaas oo la sheegay in hawlgal ciidan lagu dilay. Dowladda Pakistan ayaa carro ka muujisay hawlgalkaas, waxayna sheegtaa in aysan waxbo kala soconin dilkii Usama Bin Laden. Jeneraalka hawlgabka ayaa hadda xitaa laga mamnuucay in uu dalkaas dibedda uga boxo, waxaana ku socda baaritaan. Haddii buugga uu qori lahaa hoggaamiye rayid ah, waxa ay ahaan lahayd qiyaamo qaran. Tusaale dhawaan markii Ra’isulwasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif uu sheegay in militariga dalkaas ay gabbaad siiyaan kooxo xagjir ah, kuwaas oo ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday hotel Taj Mahal ee magaalada Mumbai ee dalka Hindiya sanadkii 2008-dii. Hadalkaas kadib ayaa waxaa Shariif looga yeeray xarunta guddiga amniga qaranka, halkaas oo su’aalo lagu weeydiiyay, welina lagu heysto hadaladaas. Haatan Shariif waxa uu codsanayaa in sidii isaga looga falceliyay hadalkiisa oo kale la yeelo hadalka Jeneraal Asad. Buugga la qoray ayaa lagu magacaabaa Spy Chronicles, waxayna wada qoreen madaxii hore ee sirdoonka Hindiya Jeneraal AS Dulat.
  13. Marka laga yimaado kacdoonka xoogan iyo mudaharaadyada ka soconaaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool lagagana soo horjeedo kusii sugnaashaha gobalkaas ee maamulka Soomaaliland, dhanka kale waxay dadka reer Laascaanood kacdoon xoogan kawadaan baraha internetka ee ay bulshadu ku kulanto sida Facebook iyo twitter . Baraha Internetka waxaa ka socda kacdoon loogu magac daray Laascaanood way hadashay(Lasanod speaks) taas oo ay dadweynaha ku nool magaalada Laascaanood iyo dadka kasoo jeeda gobalkaas ay ku muujinayaan dareenkooda ku aadan xaaladaha ka taagan magaalada Laascaanood. Dadka ayaa sheegaya inay si xoogan u aaminsan yihiin midnimada Soomaaliya ayna kasoo horjeedaan fikir walba oo lagu kala goynaayo Dalka, iyagoo qoraalkooda gadaal ka raacinaaya Hash-tag marka lagu dhufto la helaayo dhamaan dadkii afkaartan ka hadlay. Sioo kale qoraaladan waxaa lagu muujinayaa inay reer Laascaanood ku noolaan karin caburin iyo caga-juglayn. Qoraaladan oo ay in kooban soo qaadatay warbaahinta PUNTLAND POST waxaa lagu qoray afafka Soomaliga, Ingiriis iyo Carabi. The post Laascaanood way hadashay oo qabsatay baraha bulshada appeared first on Puntland Post.
  14. Cadaado (PP) ─ Maamulka Galmudug ayaa weli waxaa ka dhex-taagan muran ku aaddan dhanka awoodda, kaasoo soo if-baxay maalmihii lasoo dhaafay, waxaana xaaladdu ay isku sii shareeraysaa cirka. Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo hoggaaminaya garab ka mid ah garabyada uu u kala jabay maamulkaan oo fariisintoodu tahay degmada Cadaado ayaa walaac ka muujiyay in madaxda maamul-goboleedyada dalka ay la saftaan Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf). Carrabey ayaa ka codsaday hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada dalka in haddii ay arrintan soo fara-gelinayaan ay tahay inay si dhex-dhexaadnimo ah u soo galaan, haddii kale ay dibadda ka joogaan. “Waxaan rabaa inaan u digo madaxda dowlad-goboleedyada oo maalmahan laga dhiganayay garab, Galmudug hal nin malahan, mana ahan inaad garab ka mid ah taageertaan, waxaan adinka codsaneynaa Madaxda maamullada ka jira dalka inaad dhammaantiina taageertaan Mowqifka Galmudug, haddii aad arrintan soo fara-gelinaysaanna si dhex-dhexaadnimo ah aad kusoo gashaan,”aAyuu yiri Madaxweyne Carabey. Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan qof walba oo dhex-dhexaadinaya Xaaladda Galmudug, wuxuuna Dowladda Federaalka Somalia iyo Beesha Caalamka ka dalbaday in ay arrintan soo fara-geliyaan, si looga gudbo mad-madowga jira. Dhanka kale, Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xildhibaannada golaha shacabka iyo aqalka Sare ee laga soo doortay dowlad-goboleedka Galmudug ay soo saareen bayaan ay ku sheegeen in la ilaaliyo nidaamka awood-qaybsi iyo dastuurka Galmudug uu leeyahay. Hoose ka dhageyso Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/05/DHAGEYSOMaxamed-Xaashi-Carabey.mp3 PUNTLAND POST The post Madaxda Maamul-goboleedyada oo looga Digay inay Fara-geliyaan Xiisadda Galmudug appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (PP) ─ Kooxo aan haybtooda la garanayn ayaa laba ruux saakay aroortii hore ku toogtay degmada Wadajir, gaar ahaan waaxda Tima-cadde, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan degmada Wadajir. Dilalkan oo ahaa kuwo qorsheysna ayaa lagu dilay macallin dursi Qur’aan ku dhiga xaafaddaas iyo nin hilible ah, iyadoo kooxaha dilkaas geystay ay goobta ka baxsadeen. “Rag hubeysan oo aan la garanayn ayaa toogasho ku dilay laba ruux oo ka mid ah dadka deegaanka, waxaana macallinka lagu dilay gurigiisa, iyadoo la dilay nin hilibka iibiya oo lagu magacaabi jiray Muxyadiin Cosoble,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay. Sidoo kale, Goobjoogayaasha ayaa sheegay in kooxaha dilka geystay aan la garanayn, sidoo kalena aan la ogeyn sababta keentay inay dilaan macallinka iyo ganacsadahan hilibka iibiya. Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilkan, waxaana uu noqonayaa dilal 24-kii saac ee lasoo dhaafay siyaabo kala duwna uga dhacay Muqdisho, kuwaasoo ay geysteen kooxo hubeysna oo aan haybtooda la garanayn. Shalay gellinkii dambe ayay ahayd markii kooxo hubeysan ay Muqdisho ku dileen madaxii Maaliyadda Baarlamaanka Federaalka Somalia iyo askari ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu kala dilay degmooynka Hodan iyo Boon-dheere. Hay’adaha ammaanka Dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin dilalka aad u soo kordhaya ee Muqdisho ka dhacaya, iyadoo aysan jirin cid loo qab-qabtay marka la reebo laba ruux oo loo qabtay dil askari ka tirsan taraafiko ah oo lagu dilay isgoyska bakaaraha ee Muqdisho. Ugu dambeyn, Kooxaha Daacish iyo Al-shabaab oo dagaal kula jira dowladda Somalia ayaa kordhiyay dilalka ay kooxaha hubeysna ka geysanayaan Xamar, xilli Dowladda Somalia ay sheegtay inay xoojinayso amniga guud ee Muqdisho inta lagu jiro bisha Ramadaan. PUNTLAND POST The post Kooxo hubeysan oo aroornimadii saaka dilal qorsheysan ka geystay Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdillahi Farmaajo uu Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee dalka u magacaabay Baashe Yuusuf Axmed, ayaa waxaa magacaabidaasi ka hadlay Proff Cabdi Ismaaciil Samatar. Proff Cabdi Ismaaciil Samatar, oo ka hadlaayay aragtidiisa ku aadan magacaabida ayaa sheegay in magacaabidaasi ay tahay Jariimo laga galay Garsoorka Somalia. Proff Cabdi Ismaaciil Samatar, waxa uu tilmaamay in lagu tuntay Garsoorka Somalia, isla markaana aan magacaabida Guddoomiyaha cusub loo cuskan sharciyada loo maro magacaabida Guddoomiyaha cusub. Wuxuu sheegay in magacaabida Guddoomiyaha Maxkamada ay aad uga duwan tahay magacaabid kale, sidaa aawgeed waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan taageersaneen hanaanka magacaabida loo maray. Proff Cabdi Ismaaciil Samatar, waxa uu dhaliilo badan oo dhinaca Garsoorka ah u jeediyay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare, waxa uuna cadeeyay in Guddoomiyaha magacaaban uusan waligii ka shaqeyn Maxkamad. Waxa uu Proff Cabdi Ismaaciil yiri ‘’Anigu garan mayo halka Baashe Yuusuf uu uga soo shaqeeyay Maxkamad ama uu ka keenay khibrada, wey ii dhiman tahay Garsoor ceynkiisu yahay kan maanta ka jira Somalia, waxaanu leeyahay ha lagu labto magacaabida Baashe’’ ‘’Ma arag halka uu uga soo shaqeeyay howlo Maxkamadeed, xitaa waxaan ku sameeyay baaritaan iima soo muuqan khibrada uu arrimaha Garsoorka u leeyahay Baashe’’ Proff Cabdi Ismaaciil Samatar, oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in lagu tuntay Garsoorka Somalia, isla markaana Garsoorka laga galay khaladweyn oo sii kordhin doona cabashooyinka iminka laga qabo cadaalada ka jirta Somalia. ‘’Nin aan waligii maxkamada kasoo shaqeyn kasoo booti oo dusha kaga tuur Maxkamada Qaran waaye arrintaan loomana fiirin dhinacyo latashi iyo mid aragtiba’’ Sidoo kale, Proff Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ugu baaqay inuu dib u sameeyo la tashi si buu yiri loo saxo khaladaadka jira. Haddalka Proff Cabdi Ismaaciil Samatar, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Garsoorayaasha Maxkamada ay aad usoo dhaweeyen Xil ka qaadista lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Ibraahim Iidle Suleymaan Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) oo horboodaya garab ka mid ah madaxda maamulka ee uu Khilaafka ka dhexeeyo ayaa sheegay in Khilaafka maamulka uusan waxba ka khuseyn maamul Goboleedyada kale. Carabeey oo ku sugan magaalada Cadaado ayaa sheegay in xaaraan ay tahay in Hogaamiyayaasha maamulada ka jira dalk ay faragalin kusoo sameeyan Khilaafka Galmudug. Waxa uu Carabeey, tilmaamay haddii ay dhacdo in Hogaamiyayaasha ay ka maarmi waayan faragalin inay noqdaan kuwo dhexdhexaad ah, haddii la waayo ay iminkaba muhiim tahay inay banaanka ka joogan khilaafka. Waxa uu cadeeyay Carabeey in Hogaamiyayaasha qaar ay isku dayayaan inay la saftaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf, hase ahaatee Deegaanada maamulka ay ka mamnuuci doonaan Maamul Goboleedyada waa haddii ay Khilaafka kusoo sameeyan faragalin aan dhexdhexaadnimo laheyn. Carabeey ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan u digo Madaxda dowlad goboleedyada oo maalmahan laga dhiganayay garab, Galmudug hal nin malahan, mana ahan inaad garab ka mid ah taageertaan’’ Waxa uu intaa ku daray ‘’Waxaan idinka codsaneynaa Madaxda dowlad goboleedyada inaad dhammaantiina taageertaan mowqifka Galmudug, hadii aad arrintan soo faragelineysaan si dhexdhexaadnimo ah ku soo gala.” Waxa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan qof walba oo dhexdhexaadinaya xaalada Galmudug, wuxuuna dowladda federaalka iyo Beesha Caalamka ka dalbaday in ay arrintan soo farageliyaan, si daaqada looga saaro mad madowga jira. Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga cabsi qabaa inuu sii xoogeysto Khilaafka oo weli taagan waxa ayna Madaxda maamulka u kala jabeen laba garab oo ay kala hogaaminayaan Xaaf iyo Carabeey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Inj.Yarisow) oo ka hadlayay shir lagu falan-qeynayay amniga guud ee dalka oo ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha lagu sugayo Amiga caasimada. Inj. Yarisow ayaa ka hadlay Qorshaha maamulkiisa ee ku aaddan ammaanka caasimadda ee xiligan ku soconaya dar-darta, isagoo tilmaamay in waqtigan ay jirto rajo iyo ifafaalo weyn oo laga qabo ammaanka caasimaddu inuu soo hagaago, isla markaana la diyaariyey qorshe sal-ballaaran kana qeyb qaadanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ciidamadda oo lagu xasilinayo caasimadda si horumarka la hiigsanayo loo gaaro. Sidoo kale, Mudane Yarisow ayaa soo bandhigay horumarradii laga sameeyey afartii bilood ee la soo dhaafay dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda, daadajinta maamulka, u-diyaar garowga golleyaasha deegaanka iyo soo celinta bilicda magaalada si ay ula tartanto caasimadaha kale ee gobolka iyo adduun kaba, iyadoo degmooyinka Muqdisho ay ka bilowdeen bixinta adeegyada bulshada oo qeyb muhiim ah ka qaadanaya isku xirka shacabka iyo maamulka. “Shirkan oo looga hadlayay xasillinta amniga guud ee dalka, anagu waxaan soo hordhignay qorshaha sugidda amniga Caasimadda iyo xaaladaha guud ee magaalada, gaar ahaan guulihii la sameeyey afartii bilood ee la soo dhaafay, sidoo kale waxaan soo bandhignay muhiimadda ay leedahay xal-u-helidda arrimaha Barakacayaasha iyo wax-u-qabashada dadkii ay sameeyeen roobabkii dhowaan da’ayey”. Ayuu yiri Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo intaas raaciyey in aragtida maamulkiisu ay tahay sidii dib loogu soo celin lahaa magaalada Muqdisho maqaamkii ay ku lahayd adduunka. Yarisow ayaa hoosta ka xariiqay hadafkooda ku aadan in dib loo howlgeliyo garoonka Stadium Muqdisho, maadaama uu weli deegaan u yahay ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, si uu u buuxiyo kaalintii muhiimka ahayd ee uu ka qaadan jiray isdhexgalka iyo isku xirka bulshada. Ugu dambeyn, Kulankan oo Shir guddoomineyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayay ku soo bandhigeen maamul Gobolleeyada dalka qorshahooda ku aadan sidii xal-maangal loogu heli lahaa xasilinta deegaanadooda, dalkana looga sifeyn lahaa argagixisada. PUNTLAND POST The post Duqa Magaalada Muqdisho oo ka Warbixiyey Qorshaha Xasillinta Ammaanka Caasimadda appeared first on Puntland Post.
  19. Kenya will demand more compensation in the year starting July from the United Nations (UN) for its troops fighting Al-Shabaab militants in Somalia. Treasury documents show that Kenya expects reimbursement of Sh7.05 billion in the next financial year starting July, up from the current Sh6.1 billion — which has remained static for the past four years. newsnowThe refund is set to drop to Sh5 billion and Sh3.5 billion in the next two years, signalling gradual reduction of troops in Somalia. The UN eased Kenya’s cash crunch after it refunded Sh4.68 billion in the 10 months to April. In the past, delay in reimbursement of the funds has been linked to the UN’s insistence on verification of claims. About 4,000 Kenyan soldiers are part of Amisom. The international community pays $1,028 (Sh103,828) for each soldier per month; their respective governments then deduct about $200 (Sh20,200) for administrative costs meaning the soldiers take home about $800 (Sh83,628). The soldiers receive the funds through the government. Kenya formally sent 4,660 soldiers to Somalia in October 2011 after incessant attacks and kidnapping of civilians by Al-Shabaab militants within its territory. A year later, the UN Security Council gave Kenya the green light to join the African Union Mission to Somalia, a decision that meant the Treasury would not bear the full costs of the incursion. Amisom’s soldiers are drawn from Uganda, Burundi, Djibouti, Sierra Leone and Kenya. Source: – Business Daily
  20. A trader in a Dharkeynley district market was gunned down on Tuesday morning, witnesses said. Muhudin Osoble, who a butcher, working at Sukyare market in Darkeynley district was shot dead by unidentified gunmen shortly after dawn prayer. Osman Abdi Ali, a resident said Osoble was killed in Wadajir district after two armed men approached him near a Mosque in Wadajir district. “We prayed in same mosque, he was heading to his butchery when two men armed with pistols accosted and shot him in the head several. He died on the spot,” Ali told hiiraan Online. The assailants managed to escape from the crime scene before the law enforcement reached the area. No group has immediately claimed the responsibility for the murder.
  21. Maamulka Somaliland ayaa xalay ciidamo militari ah dhoobay inta badan xaafadaha magaalada Laascaanood oo shalay uu ka dhacay muddaharaad looga soo horjeedo joogitaanka Somaliland ee degmadaasi iyo guud ahaanba gobolka Sool. Wararka saaka halkaasi ka imaaanaya ayaa sheegaya in ciidamo ku lebbisan tuutaha militariga Somaliland lagu arkayo xaafadaha kala duwan ee ay ka koobantahay degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Qaar kamid ah dadweynaha magaalada ayaa sheegay in ciidamadan militariga ah loo keenay si ay u xakameeyaan muddaharaadyada rabshadaha wata ee maalmihii u dambeeyay ka socday degmada Laascaanood,kadib markii Booliisku ay xakameyn waayeen. Muddaharaadyo lagu taageerayo dagaalka ay Puntland ku dhawaaqday ee lagu soo celinayo degaannada maqan ee gobolka Sool ayaa maalmahan ka socday degmadaasi,waxaana ka dhashay khasaare dhaawac iyo burbur hantiyeed,sidoo kale Booliiska Somaliland ayaa muddaharaadkii shalay ku xiray dad gaaraya 100 ruux oo u badan dumar iyo carruur. Dadka lagu xiray Laascaanood ayaa waxaa sidoo kale ku jira weriyaal ka hawlgala Warbaahinta madaxa-bannaan iyo waxgarad ay Somaliland ku eedaysay in ay kicinayaan shacabka. Xaaladda degmada Laascaanood ayaa maanta deggan,waxaana aad u yar isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaalada dhexdeeda,iyadoo shacabka lagu amray in aysan isu imaan karin,sida ay sheegeen dad ku sugan halkaas oo aan la hadalnay. PUNTLAND POST The post Somaliland oo ciidamo militari ah duldhigtay shacabka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  22. Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay inay xakameeyeen kacdoon dadweyne oo maalmihii u danbeeyey ka jiray magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, ayna xir-xireen qaar kamida dadkii soo abaabulay iyo kuwii ka qayb qaatay. Taliyaha qaybta booliska Gobalka Sool ee Somaliland ayaa sheegay inay xireen 59-qof oo kamid ahaa dadkii ka qayb qaatay mudaharaadyo xoogan oo ka dhacay magaaladaas lagagana soo hor jeeday maamulka Soomaliland iyo caburin la sheegay inuu ku hayo dadweynaha magaalada Laascaanood. Dadka la xiray waxaa kamida haween iyo caruur, sidoo kale waxaa kamida labba wariye oo uu taliyuhu ku tilmaamay fidmo wadayaal soo abaabulay mudaharaadkan, wuxuuna tilmaamay inay ku raad jiraan saxafiyiin kale oo ay dhawaan soo xiri doonaan. Boqolaal qof oo wata calamada Puntland iyo Soomaaliya ayaa shalay isugu soo baxay magaalada Laascaanood iyagoo dalbanaaya inay Soomaaliland isaga baxda guud ahaan degaanada ay ka joogto gobalka Sool, waxaana halkaas ku dhaawacmay illaa 10-qof oo ay qaarkood qabaan dhaawacyo culus kadib markii ay rasaas xoogan ku fureen dadkii mudaharaadaayey ciidamo boolis ah oo la sheegay in intooda badan laga keenay magaalada Burco. Xaalada Magaalada Laascaanood ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoo Soomaaliland kusoo daabushay ciidamo xoogan oo laga keenay magaalada Burco. PUNTLAND POST The post Soomaaliland oo sheegatay inay Laascaanood ku xirtay ku dhawaad 60-qof appeared first on Puntland Post.
  23. Abdifatah Osman loved his family and his two children. And to some of his friends, he was like family. They called him “Upti.” Somali for uncle. Source: Hiiraan Online
  24. A well-known trader in a Dharkeynley district market was gunned down on Tuesday morning, witnesses said. Source: Hiiraan Online
  25. A well-known trader in a Dharkeynley district market was gunned down on Tuesday morning, witnesses said. Source: Hiiraan Online