-
Content Count
206,249 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo horay Puntland uga soo noqday Wasiir ayaa laga dhigay Guddoomiyaha Mu’asasada Khayriga ah ee Jaamacadda Bariga Africa. Xaflad xalay lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa lagu shaaciyay in Gaashaan uu noqdo Guddoomiyaha Mu’asasadaas, waxaana ku wareejiyay oo xilkan horay u hayay Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Africa Aadan Sheekh Doon Cali. “Waxaa isugu nimi xafladdan inaan guddoonkii Mu’asasada Khayriga ah ee Jaamacadda Bariga ku wareejino Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo ah runtii nin horay loo soo tijaabiyay oo buuxin kara booskaas,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Sheekh Doon. Gaashaan ayaa sheegay inuu xilkaas aqbalay islamarkaana si daacad ah ugu adeegi doono shacabka, “Waxaan u mahadcelinayaa ILAAHAY ka sokow Jaamacadda Bariga Africa oo Guddoomiyaheedu Aadan Sheekh Doon oo xilkan culus ii idmaday iguna sharfay waxaana idiin sheegayaa inaan xilkaas Aqbalay.” Qaar kamid ah marti sharaftii kasoo qayb galay oo Culimo, Aqoonyahan, madax dhaqameed iyo culimo isugu jira ayaa sheegay in Jaamacadaha dalka aysan hormar samayn karin ilaa la helo hay’ado taakuleeya, wuxuuna tilmaamay in arrintan wax badan kusoo kordhin doonto Jaamacadda. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Puntland, Saalax Xabiib Xaaji Jaamac oo munaasabaddaas soo xiray ayaa sheegay in Barnaamijkan uu kaabayo Ardayda iyo jaamacadda, isagoona xusay in xarumaha waxbarashada ee caalamka ay leeyihiin mu’asasaat ka shaqeeya taakulaynta Jaamacadda iyo Ardayda. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Gaashaan oo laga dhigay Gudoomiyaha Mu’asasada Khayriga Jaamacadda Bariga Africa appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Magalada Buuhoodle ayaa sheegaya in halkaa galabta lagu wareejiyay Hub, Gaadiid iyo Ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka. Hubka, Gaadiidka iyo Ciidamada ayaa lagu wareejiyay Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar ‘’Camey’’ oo muddo Seddex cisho ah ku sugnaa Magalada Buuhoodle. Ciidamada lagu wareejiyay Camey ayaa tirro ahaan gaaraya 135 Askari iyo Gaaddiidka nooca dagaalka ee Cabdi-Bilaha loo yaqaan. Hubka, Gaadiidka iyo Ciidamada ayaa waxaa wareejiyay mid ka mid ah Beelaha dega Magalada Buuhodle,kadib markii uu ka dalbaday dadka ku nool Buuhoodle in ay ka qeyb qaataan dagaalka ay kula jiraan Somaliland. Camey ayaa Gaadiidka iyo Ciidamada ka gudoomay Oday dhaqmeed matalayey Bulshada ku nool Magalada Buuhoodle kaas oo Magaciisa lagu sheegay Bashiir Osman Waraabe. Hubka,Gaadiidka iyo Ciidamada ayaa lagu biirin doonaa Dagaalka looga soo hosjeedo Somaliland ee ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Camey ayaa sheegay in Puntland aysan joojin doonin dagaalka ay kula jirto Somaliland, waa haddii aan Somaliland dib uga bixin Tukaraq.
-
Muqdisho (PP) ─ Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeymo cirka ah oo ay diyaaradahoodu ka fuliyeen duleedka Muqdisho ay ku dileen 12 dagaal-yahan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh Ururka Al-Qaacida. Duqeyntan oo dhacday Khamiista maanta ah ayaanay Dowladda Somalia ka hadlin weli, sidoo kalena kooxda la beegsaday ee Al-shbaaab ayaan iyaduna ka hadlin duqeyntan, lama oga in xubnaha la dilay ay ku jireen saraakiil iyo in kale. Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika [AFRICOM] ayaa sanadkan lagu jiro ka fuliyay Somalia 15 duqeyn oo cirka ah, kuwaasoo lagu beegsanayay qaar ka mid ah xubnaha Al-shabaab, kuwaasoo intooda badan laga fuliyay qaar ka mid ah deegaannada ay kooxdan ku xooggan tahay. Madaxweynaha Mareykanka ayaa amar ku bixiyay in la kordhiyo duqeymaha lagu bartillmaameesanayo xoogagga Al-shabaab ee Somalia, iyadoo wararku ay sheegayaan in lagu dilay duqeymahan xubno sare oo kooxda ka tirsan. Sidoo kale, Mareykanka ayaa sheegay in duqeymihii ay diyaaradahooda aan cidna wadin ee Drones-ku ka fuliyeen Somalia ay ku dileen in ka badan 500 oo dagaalyahan oo kooxda Al-shabaab ah, inkastoo aan la sheegin inay ku jiraan saraakiil sare. Dhanka kale, Dowladda Mareykanka ayaan sheegin wax khasaare ah oo ka soo gaartay duqeyntii ay maanta ku dileen xubnaha Al-shabaab, shacabka ku nool deegaanka laga fuliyay oo 30-mayl kaga beegan Muqdisho dhanka Koonfur-galbeed. Ugu dambeyn, Xukuumadda Washington ayaa sannadihii u dambeeyay ku beegsanaysay Al-shabaab duqeymo cirka ah, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen kuwo lagu dilay xubno sare oo uu ka mid yahay hoggaamiyihii hore ee ururka Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo sheegay inay tiro Al-shabaab ah ku dileen duqeymo ay ka geysteen Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan shan askari ayaa lagu dilay tiro kalena way ku dhaawcmeen dagaal culus oo gellinkii dambe ee maanta Muqdisho ku dhexmaray ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Somalia oo uu muran soo dhex-galay. Dagaalkan ayaa oo ka dhacay isgoyska Ex-koontarool Afgooye oo ka tirsan degmada Dharkeynley ee Muqdisho ayaa la sheegay inuu daba-socday dilal ay ciidammo ka tirsan kuwa xasillinta Muqdihso maanta u geysteen laba qof oo la sheegay inay ciidamada millateriga Somalia ka tirsanaayeen. Sidoo kale, goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamadu ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, ayna qalqal geliyeen isku socdka dadka iyo gaadiidka oo xilliga dagaalku dhacayay ahaa goob mashquul ahayd. “Ciidamada dagaalamayay waxay kala ahaayeen millateri iyo nabad-sugid, gaar ahaan kuwa xasilinta Muqdisho, waxaana dagaalku uu ahaa mid aad u culus,” ayuu yiri goobjooge la hadlay Puntlandpost oo sheegay in weli ay ka taagan tahay goobtaas xiisad colaadeed. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada millateriga ay weerarka qaadeen ayna ka caroodeen laba askari oo saakay ciidamada xasilinta Muqdisho ay dil ugu geysteen degmada Dharkeynley gaar ahaan xaafadda Xoosh ayna qoryihii ka qaateen. Dhanka kale, Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia iyo saraakiil ayaa goobta uu dagaalku ka dhacay gaaray, kuwaasoo ku guuleystay inay xabada joojiyaan, inkastoo ay weli xiisadi taagan tahay. Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidammo kawada tirsan kuwa Dowladda Somalia ay ku dagaallamaan Muqdisho, waxaana dhawr jeer oo dhacday inay dagaallo khasaare badan geystay ay dhexmaraan ciidammo kawada tirsan dowladda intoosa lagu guuleystay in xal laga gaaro. PUNTLAND POST The post Dagaal dhimasho sababay oo Muqdisho ku dhex-maray Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowlada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal muddo socday oo u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan Dowlada ayaa waxa uu goordhow ka dhacay degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir. Dagaalka oo Hub kala duwan leysu adeegsaday ayaa waxa uu si gaara uga dhacay Xaafada Macalin Nuur, kaa oo yimid kadib markii ciidamada Xasilinta ay isku dayeen inay Hubka ka dhigaan ciidamo kale oo ka tirsan Militeriga. Ciidamada xasilinta ayaa inta uu dagaalka socday dilay 2 Askari oo ka tirsanaa Militeriga kuwaa oo diiday inay dhigaan hubka. Seddex kamid ahaa labada dhinac ayaa sidoo kale ku dhaawacmay dagaalka, kuwaa oo la dhigay Isbitaalka Madiina ee Muqdisho. Ciidamada Xasilinta ee dagaalka ku gadal Degmada ayaa waxaa sidoo kale xoojiyay ilaa Seddex gaari nooca dagaalka ah kuwaa oo ku baxay rasaasta ay is weydaarsanayeen ciidamada xasilinta iyo Militeriga. Wasaarada amniga aya bilowga Bisha Ramadaan ka digtay in ciidamada Militeriga iyo kuwa kale ee aan qeybta ka aheyn Xasilinta ay gudaha magalada iyo daafaheeda ku qaadan Karin Hub. Dhinaca kale, dagaalada u dhexeeya ciidamada Xasilinta iyo kuwa kale ayaa sabab u noqon kara kala shaki joogta ah oo soo kala dhexgala ciidamada Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Puntland Deputy President Abdihakin Abdullahi Omar, who is touring the town of Buuhodle in the disputed region of Sool region, has declared that their administration is committed to sustaining the offensive aimed at liberating the town of Tukaraq from 'occupation by Somaliland forces'. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka nagasoo gaaraya degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal culus uu halkaasi ku dhex maray Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Somalia. Dagaalka ayaa yimaaday kadib markii dagaalyahano aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerarku qaadeen degmada oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Somalia. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay degmada Moqokori isla markaana dagaal culus oo halkaasi ka dhacay ay uga itaal roonaatay ciidamada dowladda Somalia ee degmadaasi ku sugnaa. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu socday ku dhawaad saacad isla markaana la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Al-Shabaab war ay ku qortay bogagga taageera waxa ay sidoo kale ku sheegtay in ay dagaalka ku qabsatay sadex gaari oo laba ay yihiin nooca raaxada halka midka kale uu yahay gaari nooca qaada ciidamada. Al-Shaabab waxa ay sidoo kale sheegtay inay dagaalka ku qabsatay hub farabadan oo ay lahaayeen ciidamada dowladda ee degmada laga qabsaday.
-
Police in Mombasa have arrested two people in a rice syndicate. Source: Hiiraan Online
-
Beesha Guuleed Garaad(Barkad) ayaa maanta gaadiid dagaal iyo ciidan ku wareejisay madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland,Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Cameey). Ciidanka ay beeshu wareejisay oo gaaraya 135 askeri ayaa ku hubaysan gaadiid dagaal oo ka kooban afar gaari Tiknika ah iyo hal gaari oo xamuul ah,waxaana gaadiidka dagaal ku deeqay,Bashiir Cismaan Waraabe oo kamid ah ganacsatada beesha Barkad. Ciidankaan lagu wareejiyay madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa sidoo kale ku hubaysan in ka badan boqol qori oo hubka yar yar ah,kuwaasoo ay kaga qeyb qaadanayaan difaaca xuduudaha Puntland ee lagu soo duulay,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta la kala wareegtay. Dhammaan waxgaradka,cuqaasha,iyo ganacsatada beesha Guuleed Garaad(Barkad) ee wareejisay hubka iyo ciidanka lagu difaacayo xuduudaha Puntland ayaa cod midaysan ku sheegay in ay diyaar u yihiin wax kasta oo looga soo baahdo,markii ay noqoto difaaca Puntland,iyagoo caddeeyay in ay keeni doonaan hub iyo ciidan kale maalmaha soo socda. Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Cameey) ayaa ka mahadceliyay ciidanka iyo gaadiidka dagaal ee ay ku deeqday beesha Barkad,isagoo ku ammaanay sida ay safka hore uga galeen difaaca dowladnimada Puntland. Halkaan ka daawo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo hub iyo ciidan lagu wareejiyay. appeared first on Puntland Post.
-
Somalia Backs Kenya’s Bid To Sit On The UN Security Council
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
President Uhuru Kenyatta today held talks with President Mohamed Abdullahi Farmajo of Somalia who is on an official visit in the country. Source: Hiiraan Online -
A devastated cyclone-hit community in Somaliland is to receive $3-million (R37.5-million) from the UN Assistant Mission in Somalia (UNSOM). Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xasilinta oo howlgallo ka waday xaafado ka tirsan degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, ayaa toogasho ku dilay laba nin uu hubeysnaa. Ciidamada ayaa Xaafada Xoosh ee degamda Dharkenley ka waday howlgalka, waxana intii uu howlgalka socday ay la kulmeen rag hubeysan, kuwaas oo falal amni darro ka waday xaafadda, sida ay goobjoogeyaal sheegeen. Goobjoogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in ragga hubeysnaa lagu amray in ay hubka dhigaan, balse ay diideen, kadibna la toogtay. In kastoo maamulka degmada Dharkenley asyan weli ka hadlin dilkaas, ayaa haddana waxaa jirtay cabasho ka timid dadka shacabka ah oo ah rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda ay xilliyada habeenkii ay dadka dhacayaan. Ciidamada xasilinta ayaa habeen ka hor howlgal waxa ay ka sameeyeen waaxda saddexaad ee degmadai Dharlenley, iyaga oo ku soo qabtay 11 Nin iyo hubkii ay wateen. Maalmihii ugu dambeeyey waxaa Muqdisho ka socday dilal qorsheysan oo ay fulinayaan maleeshiyada Al-Shabaab, oo xalay baahisay muuqaalka dilalka ay gaystaan. Halkan ka arag muuqaalkaas
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa afur u sameeyay qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaankii 8-aad iyo 9-aad. Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid uu Guddoomiyaha kaga mahad celinayay Xildhibaanada howlihii wanaagsanaa oo ay dalka ka soo qabteen iyo iney hada wada shaqeyn dhex marto. Xildhibaanada ayaa guddoomiyaha la wadaagay dhibaatooyinkii laga soo maray golahan iyo tallooyinkooda la xiriira sida hada loo sii horumarin karo golaha shacabka. Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa marka hore xildhibaanada kaga mahad celiyay sida ay usoo ajiibeyn kulanka afurka ee uu u sameeyay. “Waad mahadsan tihiin soo dhawaada, sharaf weyn ayay ii tahay inan isla afurno waqti badana isla qaadano, xaqiiqdii dalkan howlo muhiim ah ayaa ka soo qabateen, waqti adagna wa ku soo shaqeyseen waana idiinkaga mahad celinayaa doorkii aad ka soo qaadateen dib u yegleelida baarlamaanka” ayuu yiri guddoomiyaha. “Waxan joogteyn doonaa kulamadiina iyo inan dhageysto talooyinkiina, waxaa idiin balan qaadaya inan bixin doono xuquuqda iyo tixgelinta aad golaha shacabka ku leedihiin” ayuu mar kale yiri guddoomiye Maxamed Mursal. Kulanka waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaankii 8-aad iyo 9-aad waxa ayna guddoomiyaha ugu mahad celiyeen kulanka afurka ah ee uu u sameeyay. Sidoo kale waxa ay guddoomiyaha ku dhiira geliyeen in uu sii labo jibaaro dadaalka uu wado, iyo inuu ilaaliyo madax banaanida golaha shacabka. Kulankan uu guddoomiyaha la qaatay xildhibaanada baarlamaankii 8-aad iyo 9-aad ayaa qeyb ka ah kulamada isbarashada, xog wareysiga iyo latashiga uu la qaadanayo qeybaha kala duwan ee bulshada, siyaasiyiinta iyo wakiilada beesha caalamka ee muqdisho ku sugan.
-
The World Food Program is calling for stronger international support for hundreds of thousands of Somalis impacted by some of the heaviest rains to hit their country in three decades. The rainfall that began last month has caused widespread flooding and damage in central, south and north Somalia. For much of the last decade, Somalia has struggled with chronic drought. The 2011 drought was especially bad, killing an estimated 260,000 people. Now Somalia has the opposite problem — too much rain. About one month ago, President Mohamed Abdullah Mohamed appealed for international support to help hundreds of thousands of people displaced by heavy flooding. The response has been somewhat tepid. The World Food Program says it is concerned the situation will become even more difficult since the disaster has slipped out of the world’s headlines. The agency reports nearly 300,000 of the 700,000 people affected by the floods are homeless. WFP spokeswoman Bettina Luescher says her agency is doing what it can to support livelihood and safety net activities to build up resilience. “But, we are once again under-funded. We need some $120 million to assist the people in Somalia until the end of October. As you know, last year, we were fighting to avoid a famine in Somalia. We have to keep on pushing to make sure that all the gains that we were able to make last year when we were able to fight off a famine can still be kept,” she said. Earlier in the year, the U.N. appealed for $1.5 billion to provide aid to some five million people affected by drought and conflict. Less than $370 million, or 24 percent, has been received. U.N. officials say that isn’t enough to support a robust flood response. Luescher says WFP is aiming to reach three million people in Somalia this year. She says work is going on in partnership with other agencies to reach the flood victims. She says the WFP is distributing high-energy biscuits and handing out two-month supplies of food rations in some areas. She says many places are inaccessible by road, so aid workers are using boats to reach people cut off by the floods. She says the WFP, which operates the U.N. Humanitarian Air Service, also has added a helicopter to its fleet to transport aid workers to flood-affected areas. Source: VOA
-
Somalia backs Kenya’s bid to sit on the UN Security Council
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
NAIROBI, Kenya–President Uhuru Kenyatta today held talks with President Mohamed Abdullahi Farmajo of Somalia who is on an official visit in the country. The two leaders discussed bilateral issues and security matters including the continued support for African Mission in Somalia (AMISOM) in which Kenyan forces play a big role. The two leaders updated each other on shared security concerns as well as progress in regional efforts to bring peace and stability back to Somalia with the help of Kenya and other nations. President Kenyatta and his guest also discussed multilateral issues including Kenya’s push for a non-permanent seat on the United Nations Security Council. President Mohamed said Somalia fully supports Kenya’s bid to sit on the UNSC. After a lengthy private meeting, the two Presidents later held talks that were attended by Deputy President William Ruto and leader of Majority Aden Duale. President Mohamed jetted into the country this morning accompanied by a high-level delegation of ministers and senior government officials. Source: – BusiWeek -
Al Shabaab terror group on Monday executed two Kenyans it accused of spying for Somalia and Kenyan intelligence services. Shukri Ali, 22, who hails from Garissa, and Farah Godane from Lamu were executed by dagger-wielding militants in the presence of the locals in Fino town, Lower Shabelle region. The executions are mainly by firing squad, throat slitting and stoning. The militants often force locals to gather and witness the brutal executions to discourage anyone who may think of betraying their cause. A source further confirmed that later that evening, five other Kenyans and two Tanzanians were tortured in the same camp over allegations of ISIS connections. The source added that the tortured group was found reading online content that the leader of the camp said was related to ISIS. Ailing Al Shabaab leader Abu Ubeidha released an audio message on May 20 reaffirming the group’s allegiance to Al Qaeda. Analysts believe that by torturing the foreign fighters, the leader was sending a message of reassurance to the militant leader of his loyalty him. Rumour has also been rife within aL Shabaab circles over a hostile take over by Ubeidha’s two deputies Mahata Karate and Maalim Osman. The foreign Al Shabaab fighters, mainly from Kenya, have witnessed rampant executions by the group who accuse them of being moles. So far, more than 20 Kenyans have been killed over such accusations. They include Jared Mokaya Omambia, Faraj Abdulmajid, Ahmed Yusuf Hassan, Ahmed Nur Abdi Osoble, Abdullah Talal Musa, Hashim Othman Selali among many others. Source: The Star
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Ciidamada ka tirsan dowladda ay xireen dhammaan wadooyinka gala Isgoyska Imporotio Ceelgaabta ee Gobolka Banaadir. Ciidamada ayaa Isgooskaasi gaaray kadib markii lagu soo war galiyay Gaari nooca raaxada ah oo looga shakisan yahay in laga soo buuxiyay Qaraxyo oo lasoo dhigay Bartamaha Wadada. Ciidamada ayaa jaray dhammaan waddooyinka waxaana isticmaalka wadada loo diiday gawaarida iyo dadka shacabka ah ee cagahooda maala, waxaana xusid mudan in dadka shacabka ah ay ka kala cararayaan goobta Goobjoogayaal ayaa sheegay in Gaariga uu goobta yiilay muddo ku dhow Saacad waxaana aad looga cabsi qabaa inay ku xiran yihiin Qaraxyo. Ciidamada Ammaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn u adkeeyay Ammaanka Magaalada Muqdisho, waxaana jira digniino la xiriira in maleeshiyaadka al-Shabaab ay qorsheynayaan weeraro lagu baneysanaayo dhiiga shacabka. Si kastaba ha ahaatee, dadka magaalada Muqdisho ayaa aad uga walaacsan falalka amni darro oo ay maleegayaan al-Shabaabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaca ka qaaday inay sii laba jibaarayaan dagaalka ay kula jiraan maamulka Somaliland ee ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Sii wadida dagaalka ayaa waxaa ku dhawaaqay Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar ‘’Camey’’ oo ka hadlaayay dhaqano laga wanaagsan yahay oo uu sheegay inay wadaan ciidamada Somaliland ka jooga Tukaraq. Camey wuxuu sheegay mar kale in dagaalka Tukaraq uusan joogsan doonin, inta maamulka Somaliland ay heystaan taako ka mid ah dhulka Puntland, kadib markii uu booqasho ku tagay magaalada Buuhoodle. Camey wuxuu tilmaamay in tagitaankiisa Buuhoodle uu yahay in shacabka magaalada ay taageeraan ciidanka Puntland iyo in la helo dhalinyaro ciidan ah oo ka qeyb qaata dagaalka Tukaraq. Cameey oo la hadlaayay warbaahinta ayaa yiri “Adeer waxaan cadeynayaa in dagaalka Tukaraq uusan joogsan doonin ma dhaceyso in Somaliland ay nabad ku baaqdo dhibaatooyina kawado Tukaraq’’ Waxa uu intaa raaciyay ‘’Waxa aad la socotaan in laba dagaal uu dhacday, mana joogsan doono dagaalka, waxaan qabaa hadii caalamka uu isku yimaado xaqiiqada marna Puntland kama leexan doonto’’ Waxa uu intaa kusii daray ‘’Xaqiiqadana waxa weeye inta Somaliland ay heysato taako ka mid ah dhulka Puntland dagaalka isma taagi doono,” Sidoo kale, Cameey waxa uu Beesha Caalamka ka dalbaday in si dhex dhexaadnimo ah ay u xaliyaan dagaalka socda, isagoo cod dheer ku sheegay in dagaalka uusan joogsan doonin, haddii aysan Beesha caalamka noqon dhexdhexaad. Si kastaba ha ahaatee, dagaalka ka taagan degaanka Tukaraq ayaa u muuqda mid aan weli laga gaarin natiijo sax ah. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somaila, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maalin ka hor booqday Kenya ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in kooxda Al-shababa aysan ahayn cadowga Somalia oo keliya, balse ay yihiin cadow ay leeyihiin dadyowga ku nool Bariga Afrika. Farmaajo ayaa sheegay in kooxdan ay si aan kala sooc lahayn u laynayaan shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee gobolka, isagoo wax aan jirin ku tilmaamay sheegashadooda ah inay u dagaalamayaan diinta Islaamka. “Al-shabaab oo ka mid ah kooxaha argagaxisada ah waxay wadaan dagaallo ay si aan kala-sooc lahayn ugu laayaan dad aan waxba galabsan. Waxayna weerarradooda naxariis-darrada ah ka fuliyaan Somalia iyo dalalka gobolka oo ay ku jirto Kenya,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa in kooxdan ay cadow ku tahay gabi ahaan dadka nabadda jecel ee ku nool Soomaaliya iyo Waddamada kale ee gobolka Bariga Afrika. “Puntland ayaa ka mid ah goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha argagaxisada ah ee dhibaatada iyo cabsida ku haya shacabka Soomaaliyeed ee halkaas ku nool,” ayuu mar kale yiri Farmaajo. Madaxweynaha Somalia ayaa hadalkiisa ku daray inay ka go’an tahay inay ka shaqeeyaan sidii dalka uu nabad ku noqon lahaa, isagoo intaas ku daray in xasilinta Somalia ay gacan weyn ka geysanayaan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya. “Askarta ka socda Waddamada Soomaaliya la jaarka ah waxay dalkeenna ku bixinayaan wax walba oo ay awoodaan si ay u nabadeeyaan dalkeenna, waana mid aan uga mahad-celinayno,” ayuu hadalkiisa ku daray Farmaajo. Ugu dambeyn, Madaxweynaha DF ayaa sheegay inay ballanqaadayaan inay Somalia nabad kusoo celiyaan, isla markaana ay cagta marin doonaan kuwa cadowga ku ah nabadda iyo xasilloonida Somalia iyo dalalka kale ee gobolka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo: Al-shabaab Cadow kuma aha Shacabka Sooamaliyeed oo keliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) oo la afuray Agoonta Gabdhaha (Xarunta Agoonta Degmada Boondheere) ayaa sheegay in maamulkiisu uu mudnaan sare siinayo gacan qabashada Agoonta, si ay u helaan waxbarasho iyo xanaanada ay rabaan. Mudane Yarisow waxuu xusay in Caruurtaan ay u baahanyihiin taageero iyo garab istaag, isla markaana la qaadi doonno tallaabo kasta oo lagu wanaajinayo daryeelkooda. Isagoo intaas raaciyey in dib loo soo nooleyn doono xarumaha agoonta iyo dhalinta dhaqan-celinta u baahan. Caruurta Soomaaliyeed waa in ay helaan daryeel sidan ka wacan, waana in aan carruurta si gaar ah ula dhaqannaa oo siinaa mudnaanta ay leeyihiin, maalmihii u danbeeyey waxaan booqanayay xarumaha ciyaalka agoonta si aan u ogaano daryeelkooda. Mamulka Gobolka Banaadirna wuxuu siin doonaa daryeelka ay mudan yihiin, si dhowna ayaana ula socon doonaa xaaladahooda”.Ayuu yiri Eng. Yarisow. Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho ayaa todobaadkii ugu danbeeyey booqanayay xarumaha agoonta ee ku yaalla Caasimadda, si uu xaaladdooda u ogaado, isla markaana si dhow ula socdo nolosha Agoonta Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post DUQA MUQDISHO: Waxaan Mudnaan Siinayaan Gacan Qabashada Agoonta Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
-
Ilhan Omar, the public organizer and social activist, who made history in 2016 when she became the first Somali-American Muslim legislator in the United States is on a fight to end child marriages in her state of Minnesota. Source: Hiiraan Online
-
The top need for immigrants residing in Seattle and King County is access to affordable housing, a city of Seattle survey has found. English-language proficiency and the availability of media in their native languages may boost political participation and engagement in their new communities. Source: Hiiraan Online
-
The World Food Program is calling for stronger international support for hundreds of thousands of Somalis impacted by some of the heaviest rains to hit their country in three decades. The rainfall that began last month has caused widespread flooding and damage in central, south and north Somalia. Source: Hiiraan Online