Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    203,123
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guardian published heartbreaking pictures of Somali women struggling and sleeping in the streets of Indonesian cities. https://www.theguardian.com/world/gallery/2018/apr/02/the-heartbreaking-life-of-somalia-refugee-women-in-indonesia-in-pictures
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ee qoraalka kusoo gudbinay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey ayaa siyaabo kala duwan shir jaraa’id galabta ugu qabtay Magaalada Muqdisho. Shirarkooda oo iska soo horjeeday ayaa waxa ay uga kala hadleen dhacdooyinkii maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka. Guddoomiye Jawaari ayaa ka hadlay Wararka sheegaya in ciidamo taageersan ay qabsadeen xarunta, islamarkaana ay xildhibaanada ay u diideen in galaan xarunta. Waxaa uu sheegay in Saakay loo diiday in uu xarunta ku taggo gaadiidkiisa, islamarkaana uu xarunta Golaha Shacabka ku tagay lug. Jawaari ayaa beeniyay in ciidamo taageersan ay la wareegeen xarunta, waxaana uu sheegay in uu xarunta la galay tiro yar oo ka mid ah Ilaaladiisa. Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka C/wali Ibraahim Muudey ayaa sheegay in Ciidamo Daacad u ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ay maanta saacado kooban la wareegay xarunta Golaha Shacabka, taasi oo sababtay inuu baaqdo kulankii lagu balansanaa. Guddoomiye Muudey ayaa sheegay in maanta xarunta Golaha Shacabka ay dhacday dhacdo fool xun oo ay geysteen Guddoomiye Jawaari iyo kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad. Muudey ayaa sheegay in Jawaari uu ku xadgudbay Dastuurka, kadib markii uu tilmaamay in Ciidamo uu la yimid xaunta, kuna qalqal geliyay xubnaha Baarlamaanka oo waajibaadkooda shaqo gudanayay. HOOS KA DAAWO MUUQAALKA SHIRKA JARAA’ID OO AY KALA QABTEEN JAWAARI IYO MUUDEEY SHIRKA JARAA’ID EE GUD. JAWAARI SHIRKA JARAA’ID EE GUD. MUUDEEY
  3. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Mooshin ka soo gudbiyeen ayaa ka hadlay Shaqaaqadii Maanta ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Gudoomiye Jawaari oo lagu eedeeyay in ciidamo uu kula wareegay xarunta Golaha Shacabka ayaa warkaasi ku sheegay in uu yahay mid wax kama Jiraan ah. Waxa uu sheegay in isaga loo diiday in gaadiidkiisa uu ku soo galo xarunta Golaha Shacabka islamarkaasina uu soo lugeeyay. Waxa uu sheegay in ciidamo 11 Nin ah oo ah istaafka qaaska ah uu la soo galay Baarlamaanka ciidamadaasi uu sheegay in aanay la wareegi karin Xarunta Baarlamaanka. Hoos ka Daawo Muuqaalka. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/04/Gudoomiye-Jawaari-Sax-ah.mp4 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiye Jawaari ” Jawaari oo qabsaday Baarlamaanka waxa ay lamid tahay Madaxweynaha oo madaxtooyada qabsaday” appeared first on Puntland Post.
  4. Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiwali Sh. Ibraahim Muudeey ayaa ka hadlay shaqaaqadii maanta ka dhacday Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Gudoomiye Muudeey ayaa ku eedeeyay Gudoomiye Jawaari iyo Mahad Cawad in Baarlamaanka maanta ay xadgdub ku sameeyeen. “Qof masuuliyad sheeganaya hadana ku xad gudbaya waa arrin aan wanaagsaneyn, shacabka Soomaliyeed waxaan u sheegayaa in arrintaasi ay la socdaan, kana xun nahay sida ay wax u dhaceen, qof sharciga ka weyn ma jirto.” ayuu yiri Muudeey Waxa uu ku eedeeyay Gudoomiye Jawaari in ciidamo badan uu geeyay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Gudoomiye Muudeey ayaa ku baaqay in Tilaabo Sharciga waafaqsan laga qaado Gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa Labaad. Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay in ay soo faragaliso xad gudub uu sheegay in Gudoomiye Jawaari uu ku hayo Baarlamaanka. Hoos ka dhageyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/04/Cabduweli-muudeey.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoomiye Muudeey Maxuu ka yiri Dhacdadii maanta ka dhacday Xarunta Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa tallaabadii Maanta lagu hor istaagay kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay inay aheyd ismiidaamin siyaasadeed oo halis lagu geliyey nolosha Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanada oo Bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo arrintaan ayaa u qornaa sida hoos ku qoran: Waxaa gurigayga ka tagey saacadu markay aheyd sideedii arroornimo si aan uga qeyb galo kulankii gollaha shacabka ee loo balansanaa inuu qabsoomo maanta. Waan filayey markii xildhibaanadu guddaha iskugu tagaan inay ku murmi doonaan arrimo la xiriira sharciyadda motionka iyo qodobo xeer hoosaadka ka mida, sidoo kale waxaa la fili karey in la isku qabto cidda shirka gollaha gudoominaysa, maadama xildhibaanada motion ka keenay aaminsan yihiin in gudoomiye ku xiggeenka koowaad xaq u leeyahay inuu gudoomiye halka kuwa kalena diidan yihiin. Hase ahaatee markaan gaaray xarunta gollaha, gaar ahaan albaabkii loo asteeyey in xildhibaanadu kasoo gallaan ayaa waxaa arkay xildhibaanadii oo banaanka tuuran gudahana aan u gudbeyn, markii aan waydiiyey sida waxa u jiraana waxaa la iigu jawaabey waxaa baarlamaankii guddaha u galay maleeshiyaad iyo ciidamo hubeysan oo la socdey gudoomiye Jawaari iyo ku xiggeenka labaad. Waxaa sidoo kale wacay xildhibaano nasiib u yeeshay inay guddaha gallaan intaan Jawaari iyo Mahad Cawad maleeshiyaadka la galin gudaha waxay ii xaqiijiyeen inay guddaha ku jiraan ciidan hubeysan naftoodana ay u baqayaan. Marna xildhibaanadu ma fileyn in qeyb xildhibaanada kamid ahi ku fakari karto inay baarlamanka hub lasoo galaan khatar amnina ku abuuraan xildhibaanada, waliba waxaa intaas ka daran cidda falkaas ku kacaysa markay tahay hoggaankii baarlamaanka ee sheeganaysay inay doonayso sareynta sharciga. Arrinkaa markaa hubsadey waxaa sii weydiiyey qaar ka mida xildhibaanadii taageerayey gudoomiye jawaari sababta ay tillaabada ismiidaaminta siyaasadeed ah u qaateen, waxey iigu jawaabeen wadada kaliya ee aan ku hor istaagi karney in cod la qaado ayey noqotay inaan hub la galno gudaha. Ugu dambeybtii waxay ila tahay in khilaaf kasta iyo kala arragti duwanaansho kasta aysan marnaba sababi karin in gollaha shacabka maleeshiyaad lala soo galo khatarna la galiyo amniga iyo nolasha xildhibaanadii shalay kuu doortay guddoonka aad u dagaalamaysid hayntiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari,Gudoomiye ku xigeenka Labaad Mahad Cabdala Cawad, iyo Mudanayaal ka tirsan kuwa taageersan ayaa maanta kulan waxa ay la qaateen Taliyaha Ciidamada AMISOM. Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay qalalaashii maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho. Taliyaha Ciidamadda AMISOM Paul Lokech ayaa kulanka ka sheegay in ciidamada AMISOM ay saarantahay Masuuliyad islamarkaasina ay gaashaan u noqonayaan Gudoomiye Jawaari. ” Jawaari waa Gudoomiyaha Baarlamaanka Masuuliyada ayaa naga saaran Gaashaan ayaa u noqoneeynaa maadaama uu yahay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Furumaha Dagaalna waan uga soo baxeeynaa” ayuu yiri Paul Lokech Taliyaha Ciidamada AMISOM. Shaqaaqad sababtay in uu fashil iyo buuq ku dhamaado kulankii Baarlamaanka ee maanta ayaa ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post AMISOM” Furumaha dagaalka waxaan uga soo baxnay sidii aan u difaaci laheyn Jawaari” appeared first on Puntland Post.
  7. NAIROBI, Kenya — A police contingent loyal to a top opposition leader in Somalia took over Parliament for several hours on Wednesday, pushing a growing political rift to the brink of armed confrontation. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo daqiiqado ka hor shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ka hadlay xiisadii Maanta ka dhacay kulankii baarlamaanka Soomaaliya. Prof. Jawaari oo ka hadlayey inuu Ciidamo uu watay ay qabsadeen Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay arrintaas tahay wax kama jiraan isla markaasna uu isaga kaliya watay 11 Askari oo u badnaa dharcad sida uu isaga hadalka u dhigay. ” Aniga 11 askari oo dharcad u badan ayaa watay ma idinla tahay in 11 askari lagu qabsan karo Xarunta baarlamaanka” ayuu yiri Jawaari. Sidoo kale Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in hadalka ah inuu qabsaday Xarunta Baarlamaanka ay la macno tahay iyadoo la dhahay madaxweynaha ayaa qabsaday Xarunta Villa Somalia, wuxuuna xusay inuu Xarunta Baarlamaanka uu isaga u taliyo. Sidoo kale Jawaari ayaa soo hadal qaaday taliyaasha Ciidamada dowladda ee ka hadlay Xiisadda Baarlamaanka isla markaasna isaga ku eedeeyey inuu Xarunta qabsaday, wuxuuna Jawaari sheegay inay Taliyaasha yihiin shakhsiyaad fiican balse uu saaran yahay culeys badan loona baahan yahay in loo dulqaato. Wuxuu tilmaamay inuu dhawr jeer taliyaasha u sheegay inay faraha kala baxaan Xiisadda siyaasadeed ee taagan, wuxuuna sheegay inay xalay ugu dambeysay oo uu kulan la qaatay balse ay ka tageen iyago aan wax jawaab ah siinin. Xildhibaan badan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Guddoomiye Jawaari ku eedeeyey inuu ciidamo lasoo galay Xarunta Baarlamaanka, iyagoo sheegay inuu xoog ku qabsaday midaasna ay tahay sharci darro. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabdiweli Muudey oo isna shir jaraa’id qabtay ayaa jawaari Cawad ku eedeeyey inay Xaruntii baarlaaanka qabsadeen, wuxuuna ku baaqay in sharciga la hor keeno. Xiisadda Baaralmaanka Soomaaliya ee ka dhalatay mooshinka laga keenay Jawaari ayaa cirka isku shareertay, waxayna u muuqataa inay gaareyso heer aan waxba laga qaban karin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Mogadishu (HOL) - The political stand-off in Mogadishu surrounding Jawari's impeachment reached a crescendo on Wednesday afternoon after AMISOM troops have intervened with the security of Parliament. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo bartiisa Facebook soo qoray ayaa kaga hadlay wixii Maanta ka dhacay Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii la sheegay in Ciidamo ka tirsan Ilaalada Jawaari ay la wareegeen Xarunta. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Fiqi soo dhigay bartiisa Facebook: Waxaan kol dhow daawaday shir jaraa’id oo ay qabteen taliyaasha ciidamada qalabka sida, oo u muuqda afhayeenada xukuumadda ama u dhaqmaya sidii rag ciidamadII ay u talinayeen aysan ku lug lahayn khilaafka ka dhexeeya xukuumadda iyo golaha shacabka oo kale. Waxaan saakay ku waabariisanay magaalada Muqdisho oo dhammaan ciidamada ay wada xireen, isu socodkii & hawlihii shaqo ee gaarka ahaa iyo kuwii guudba la cuuryaamiyey, ujeedkuna uu yahay qeyb ka noqoshada qorshe xukuumaddu ay kula wareegaysay sharciyadda iyo awoodda golaha shacabka, ayadoo la baalmarayo dastuurka iyo shuruucda dalka. Gudaha hoolka waxaa la galiyey qiyaastii 100 askari oo boolis ah oo loogu talagalay ama lagu soo amray in ay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ilaaliyaan, kana amarqaataan, ayagoo gacan ka geysanaya mashruuca lagu inqilaabayo golaha shacabka, sida ka muuqata sawirka hoose oo caddeyn buuxda ah. Dhanka kale Ciidamada xoogga dalka oo ay ka mid yihiin kuwa sida gaarka ah u tababaran iyo ciidamada NISA ayaa ayaguna magaalada Muqdisho iyo waddooyinka soo gala xarunta golaha shacabka oo dhan lagu wareejiyey, isla mashruuca sare fulintiisa. Waxaa la isweydiinayaa taliyaasha ku mashquulsan ilaalada Gud. Jawaari ee aan arkaynin ciidamada xarunta golaha la soo dhexgaliyey ee amarka qaldan la soo siiyey iyo ciidamada loogu talagalay cadowga in ay dalka ka xoreeyeen ee loo adeegsanayo in dadka iyo xildhibaanada lagu caburiyo, miyaysan ku haboonayn in ayagii mashruucaan qeybta ka ahaa aysan cid kale ku eedayn wax la xiriira ciidan, haddii ay sidaas samaynayaana ay noqdaan dad ka madaxbanaan arrimaha siyaasadda ee taagan. Guddoomiye Jawaari, ilaaladii la socon jirtay wax badan oo ciidan ma wadan sida la soo xaqiijiyey, dhanka kalena gudaha xarunta ma aysan soo galin ee goobihii mar horeba ay ku ekaan jireen ayaa lagu soo reebay, ee waxaa aaminsanahay in oohintu orgiga ka weyn tahay!! hadaladaan xildhibaanada qaar iyo taliyaashu ay ku hadlayaana ay hordhac u yihiin tallaabooyin sharcidarro ah oo xalaalaynaya mashruucii inqilaabka.
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidanka AMISOM Paul Lokech oo kulan xasaasi ah la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari. Kulankaas oo ujeedkiisa ahaa sidii looga wada hadli lahaa Khilaafka ka dhex jiro Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu taliyaha AMISOM Jawaari usoo jeediyey 3 qodob midkood inuu kala doorto: 1) In isaga iyo Xukuumadda ay ka heshiiyaan Mooshinka haddii la iska dhaafayo iyo la fulinayo, isla markaasna ay ka wada heshiiyaan sida uu dhici karo iyo qaabka uu noqon doono 2) In meel dhex dhexaad ah la isugu keeno xildhibaanada sidaasna mooshinka loogu coddeeyo 3) Iyo inay ciidamada AMISOM isaga guuraan Xarunta Baarlamaanka isla markaasna ay Xalane isaga noqdaan. Taliyaha Ciidamada AMISOM Paul Lokech ayaa qodobka seddexaad ku tilmaamay inuu yahay mid halis ku ah shacabka Soomaaliya isla markaasna uu fulintiisa xoogaa dhib ku noqonayo taliska Ciidamada AMISOM. Ilaa hadda lama ogo qodobka uu qaadan doono Guddoomiye Jawaari iyo haddii uu gebi ahaanba gaashaanka u daruufi doono. Guddoomiyaha baarlamaanka iyo Ilaaladiisa ayaa Maanta baajiyey kulan ay lahaayeen Baarlamaanka Soomaaliya kaasoo ajanadihiisu ahaa laba qodob oo kala duwan iyo laba Koox oo aan isku fikir aheyn. Ciidamada AMISOM ayaa ugu dambeyntii ku guulestay inay Jawaari xarunta Baarlamaanka ka wadaan isla markaasna waxaa la geeyey Xarunta Villa Hargeysa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Cabduweli Ibraahim Muudeey oo shir jaraa’id ku qabtay Goor dhawayd Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay kulankii Baarlamaanka Soomalaiya ee maanta baaqday . Waxa uu Gudoomiye Muudey Jawaari iyo kuxigeenkiisa uu ku eedeeyay in ay jabiyeen Xeer hoosaadka Barlamaanka iyo Dastuurka dalka u yaala. Waxa uu sheegay in ay mudantahay in talaabo laga qaado . Halkan ka dhagayso . Gudoomiye muudey
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la wareegay Amniga xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ka dib markii Maanta uu baaqday kulankii Baarlamaanka ciidamo hubeysan ay la wareegeen xarunta. Taliyaha AMISOM Paul Lokech ayaa sheegay in ay adkeyn doonaan xarunta Amnigeeda inta xal buuxa laga gaarayo Khilaafka Baarlamaanka. Waxaa uu sidoo kale xusay in Jawaari amnigiisa ay ka mas’uul yihiin, qeybna uu ka yahay waajibaadkooda inta uu xilka haayo. Taliyaha ciidamada AMISOM iyo Guddoonka Baarlamaanka ayaa hadda kulan uga socdaa xarunta Villa Hargeysa. Gawaari ay galbinayaan Ciidanka Amisom ee Howlgalka Nabad ilaalinta ujooga Somaliya, ayaa goordhow Xarunta Golaha Shacabka waxey ka wadeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya iyo Kuxigeenkiisa 2-aad Mahad Cabdalla Cawad. Jawaari iyo Cawad ayaa tan iyo Saaka, waxey ku sugnaayeen Xarunta Golaha Shacabka oo maanta ay ku balansanaayeen Xildhibaano laba Ajende Kala wata oo Baarlamaanka ka tirsan. Taliyaha Ciidanka AMisom Paul Lokech oo gaaray Xarunta Baarlamaanka ayaa kulan kooban la yeeshay Jawaari, Wuxuuna usheegay in AMnigiisa ay mas’uul ka yihiin, qeybna uu ka yahay Waajibaadkooda inta uu xilka hayo. Jawaari iyo Paul Lokech, ayaa gaaray Xarunta Villa Hargeysa halkaas oo uu ka qabsoomaayo Kulan balaaran oo ku saabsan xal uhelista Khilaafka iyo sidii Jawaari loogu heyn lahaa meel amnigeeda la isku haleyn karo. Taliyaha Amisom ayaa sheegay in Ciidamada Amisom ay masuuliyad ka saarantahay iney Gaashaan unoqdaan Jawaari maadaama uu yahay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya. Si Kastaba, Taliyayaasha Ciidada; Booliska, Milatariga, Asluubta iyo Nabad Sugida Somaliya oo goor sii horeysay Shir Jaraa’id qabtay ayaa eedeyn kala dul dhacay Jawaari iyo Cawad, waxeyna ku eedeeyeen iney ku xad gudbeen Sharciga oo ay Ciidamo aan laga warqabin la galeen Xarunta Golaha Shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Xildhibaanadii Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maanta laga hor istaagay Xarunta Golaha shacabka Soomaaliya ayaa waxa ay Gudoomiyaha ku eedeeyeen in uu xarunta Golaha shacabka uu xoog ku qabsaday uuna geeyay Ciidamo ka Amar qaata . Halkan ka daawo.
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Sh. Muudey ayaa war saxaafadeed xasaasi ah kasoo saaray shaqaaqadii ka dhacay Xarunta Baarlamaanka. Guddoomiye ku xigeenka ayaa Guddoomiye Jawaari iyo ku xigeenka labaad ee Cawad ku eedeyey inay qabsadeen Xarunta Baarlamaanka kadib markii ay ciidamo lasoo geleen Xarunta. Wuxuu Muudeey codsaday in tallaabo sharci ah laga qaado ciddii ka dambeysay falkaas, wuxuuna Jawaari ku eedeeyey inuu Dastuurka dalka ku tuntay. Haddaba halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Muudeey:
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Faah Faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxday abaabulka ciidan ee maanta uu Guddoomiyaha Baarlmaanka Maxame Cusmaan Jawaari kula wareegay Xarunta Golaha. Xildhibaan Cadow Cali Gees ayaa la tilmaamay in uu ka danbeeyo abaabulka iyo hubka uu Guddoomiye Jawaari ku qabsaday Xarunta, sida aan ka soo xiganay saraakiil ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Qaranka. Saraakiisha Ammaanka ayaa Caasimadda.net u xaqiijiyey in subuxnimadii saaka Ciidamo kor u dhaafaya 50 askari oo aad u hubeysan, 15 ka mid askartaanna ay si gaar ah ugu hubeysnaayeen qoriga daran dooriga u dhaca ee loo yaqaanno PKM, lagu joojiyey bar kaantarool oo ciidamadu ugu talagaleen in ay Xildhibaannada iyo Guddoonka Baarlamaanka ay ku rabaan ilaalada hubeysan. Kolanyadan ayaa ciidamada ammaanku waxa ay ku joojiyeen bar kaantarool oo la dhigay albaabka danbe ee Baarlaanka oo ka soo horjeeda Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. Saraakiisha ku sugnaa goobtaas oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in ay ku wargeliyeen Gudoomiye Jawaari amarka ku saabsanaa in goobtan loogu tala galay in ay ku haraan Ciidanka la socda, balse waa uu ka dhaga adayga arrinkan, taas oo sababtay in ay hubka isula baxaan labada dhinac. Masuuliyiin ayaa xaqiijiyey in Taliska Ciidanka Booliska ay amar ku siiyey askartii Joojisay kolanyada hubseynd ee Guddomiye Jawaari in loo ogaalaado uuna albaabka danbe ka galo Xarunta Golaha Shacabka, isaga iyo ciidankiisa, si looga hortago isku dhac dhex mara Booliska iyo Ilaalada Guddoomiyaha. Dhanka kale, Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame oo ka mid ahayd xildhibaannadii ugu horreeyey ee guda u gala Xarunta Baarlamaanka ayaa Radio Shabeelle u xaqiijisay in ay xarunta ku dhex arkeen markii la furay rag ciidan ah oo hubaysan, kuwaas oo ka mid ahaa askarta Jawaari, lana aaminsanyahay in habeenimadii xalay ay ku hooydeen gudaha xarunta, si ay u xoojiyaan ciidanka la socda Guddoomiyaha mooshinka laga keenay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaasha Ciidamada Nabadsugida,Booliska,Asluubta oo daqiiqado ka hor shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka dhawaajiyey cidda ka dambeysay inuu baaqdo kulankii Baarlamaanka Soomaaliya ee la filayey inuu Maanta dhaco. Taiyayaasha ciidamadan kala duwan ee Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u sheegay inuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari sabab u yahay inuu baaqdo kulankii Baarlamaanka kadib markii uu shaqaaqo ka dhex aburuay Xarunta sida ay hadalka u dhigeen. Taliyaasha ayaa si aan gambad laheyn u shaaciyey in Guddoomiye Jawaari iyo ku xigeenka labaad Cawad ay si ula kac ah ula wareegeen Xarunta Baarlamaanka kadib markii ay gudaha usoo geliyeen ciidamo ay wateen oo ku hubeysnaa qoryaha daran dooriga u dhaco. Waxa ay sheegeen in ciidamada ay wateen labadaasi masuul ay ahaayeen Milateri iyo kuwo dharcad ah oo aan la aqoon halka ay ka yimaadeen,isla markaana aan ka mid aheyn talisyada ciidamada. Taliyaasha ayaa sheegay inay Ciidamada ay wateen labadaan Mas’uul aysan ka tirsaneyn ciidamada dowladda isla markaasna aysan u diiwaan gashaneyn Waxa ay sheegeen in baaritaan dhab ah ku sameyn doonaan halka ay ka tirsanaayeen ciidamadii ay wateen gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuxigeenkiisa 2aad Mahad Cabdala Cawad isla markaasna ay warbixin kasoo saari doonaan. Guddoomiye Jawaari iyo xildhibanaadii taageersanaa ayaa kusoo talagalay Saakay inay baajiyaan kulanka Baarlamaanka lamana ogo sababta ku kalifeyso arrintaas. Guddoomiye Jawaari iyo Ciidamadii uu watay ayaa isaga baxay Xarunta Baarlamaanka, waxayna hadda kulan xasaasi ah la leeyihiin Guddoomiye Jawaari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa ugu dambeyntii isaga baxay Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya oo ay saakay galeen isaga iyo ciidadmo ilaale u ahaa. Guddoomiye Jawaari oo maanta sabab u noqday inuu kulanka Baarlamaanka baaqo kadib markii uu diiday inuu ciidamadiia ka bixiyo xarunta ayaa ugu dambeyntii daqiiqado ka hor isaga baxay kadib markii uu cadaadis badan kala kulmay madax ka tirsan AMISOM. AMISOM ayaa ilaa saakay waday dadaal ay Jawaari kaga dhaadhacsiineyso inuu ciidamada ka bixiyo Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana muuqato inuu Jawaari arrintaas aqbalay markii uu hubsaday inuu baaqday kulankii Baarlamaanka Soomaaliya. Wararka hadda aan heleyno ayaa sheegayo inuu kulan xasaasi ah u socdo isaga iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM si looga wada hadlo xiisadda taagan iyo sidii loo xallin lahaa. kulankaan ayaa ah mid albaabada u xiran yihiiin ilaa hadda xog faahfaahsan lagama helin waxyaabaha la isku soo hadal qaaday. Jawaari iyo Cawad ayaa Maanta nashqad yaab leh la ciyaaray xildhibaanadii mooshinka ka waday Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana markii ugu horeysay dhacday in xildhibaanada ay soo xaadiraan Xarunta baarlamaanka Salaadii subax kadib taasoo ah mid ugub ku ah dhagaha Shacabka Soomaaliya . Kulankii Baarlamaanka ayaa u baaqday nashqadda ay cayaareen Jawaari iyo kooxdiisa, waxaana hadda lasoo sheegayaa inuu kulan Villa Somalia uga socdo xildhibaanadii mooshinka ka waday Jawaari waxaana macquul ah in laga soo saaro in kalsoonidii lagala noqday Guddoomiye Jawaari. Xiisadda Baarlamaanka Soomaliya ayaa gaartay meel halis ah, waxaana Maanta lagu sigtay in la is rasaaseyo. Wixii warar ah ee kusoo kordha xiisadda Baarlamaanka waan idinla wadaagi doonaa Inshaa Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii baarlamanka Soomaaliya maanta ee la filayey inuu ka dhaco xarunta baarlamanka ayaa baaqday kadib markii xarunta ay qabsadeen Jawaari iyo Mahad Cawad oo ciidamo wata. Xukuumadda ayaa go’aan ku gaartay inaan wax ciidamo ah la gayn xarunta baarlamanka, si looga fogaado inaysan isku dhicin ciidamada iyo kuwa taabacsan Jawaari iyo Mahad Cawad ee xarunta haysta. Ciidamada taabacsan Jawaari ayaa sidoo kale jir dil u geystay abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Cabdullaahi Cali Caanood. Ciidamada Jawaari ayaa jir dilay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka kadib markii Xarunta Baarlamaanka kasoo geli rabay dhanka Wasaaradda Warfaafinta waxayna ciidamadaan Taliyaha ku amreen inuu laabto. Jawaari iyo Mahad Cawad ayaa hadda isku dayaya in wixii dhacay ay dusha u saaraan xukuumadda, sida ku cad qoraal Mahad Cawad uu u diray xildhibaanada taageersan. Qoraalkan oo lagu diray Whatsapp, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa Mahad Cawad wuxuu xildhibaannada taageersan ugu sheegayaa inay faafiyaan warar ku saabsan in ciidanka xarunta qabsaday ay yihiin kuwa koofi guduudda, si xukuumadda eeda dusha loogu saaro. Hoos ka arag qoraalka:
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa dhowr mar oo uu saxaafadda la hadlay waxa uu sheegay in Xaruntii Baarlamaanka ay la wareegeen Ciidamo ka amar qaata Xukuumadda, waxa uu eedeyn u jeediyay Ra’iisul wasaaraha dalka oo uu sheegay in uu soo abaabulay weerar lagu soo qaaday Golaha Shacabka. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre marna kama uusan jawaabin eedeymahaas xukuumaddiisa loojeediyey laakiin Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari ayaa beeniyay eedeymaha iyaga oo sheegay in Baarlamaanku xor yahay oo Jawaari uu damacsan yahay dagaal uu rabo in uu ku qariyo Mooshinka laga keenay. Dadka Soomaaliyeed oo uu Jawaari ka codsaday in ay difaacaan Xarunta Baarlamaanka ayaa qaarkood rumeystay eedda Guddoomiyaha Mooshinku ka yaalo ee ah in Xukuumaddu ay dhib xoog leh ku heyso Baarlamaanka. Saaka Maxaa dhacay?! Saaka arooor hore Guddoomiye Maxamed Sheikh Cusmaan iyo Ciidamo uu watay ayaa xoog ku galay Xarunta Golaha Shacabka iyaga oo guud ahaa la wareegay maamulka gudaha hoolka iyo albaabada laga galo, Xildhibaano hoolka kaga horeeyey Jawaari ayay ilaaladu kula kaceen handadaad, sidoo kale waxa ay diideen in ay Xildhibaanada kale ee banaanka jooga ay gudaha galaan. Xildhibaano badan oo isugu jira kuwii Mooshinka ka keenay Jawaari iyo qaar ka mid ah kuwii difaacayay ayay Maleeshiyaadka uu watay Guddoomiye Jawaari u diideen in ay gudbaan kadib wadahadal dheer oo dhexmaray, waxaana amarkaas bixiyay Xildhibaanada hoolka loogu diiday Jawaari, ugu dambayna Xildhibaanada oo aad u careysan ayaa ka laabtay Aqalkii ay ku shiri lahaayeen, Shacabka Soomaaliyeed ayay wax lama filaan ah ku noqotay in Guddoomiyihii Shalay ka cabanayay in awood ciidan lagu maquuninayo uu maanta isagii ku kacay tallaabo ka hor imaaneysa Dastuurka iyo Sharciga dalka, waxaana u xaqiiqoday shacabka in markii horaba qorshaha Jawaari ahaa in uu qaldo aragtida Umadda Soomaaliyeed iyo tan Beesha Caalamka si uu uga badbaado Mooshinka xilka looga qaadayo. Hadda waxaa xaqiiqowday in Jawaari oo ku doodayay in uu u hoggaansan yahay Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka uu qaaday talaabo ka duwan taas, waxaana laga yaabaa in dhibaato siyaasadeed oo fool xun kasoo gaarto talaabadan.
  21. Micheal Keating ayaa baajiyay safar uu maanta ku imaan lahaa magaalada Garowe ee caasimada Puntland. Warar uu Puntlandi helayo ayaa sheegaya in baaqashada Micheal Keating ay sabab u tahay jahwareerka siyaasadeed ee ka taagan barlamaanka Soomaaliya. Micheal Keating, ayaa la filayay inuu kulan gaar ah la qaato madaxweyne Gaas, kadibna warbaahinta ay si wadajir ah ula hadlaan, laakiin goor dambe ayaa saxaafada lagu wargaliyay in kulankaan uu baaqday kadib farriin madaxtooyada kasoo gaartay xafiiska Keating. Lama oga waxa uu ku saabsan yahay socdaalka Keating ku imaan lahaa Puntland, iyadoo la ogyahay in xilligaan aanu wanaagsanayn xidhiidhka Keating iyo dowladda federalka, kadib markii dhawaan dowladda federalka ay dacwad ka dhan xafiiska UNSOM ugudbisay Qaramada Midoobay. Kadib markii ay ku eedeeyeen inuu sii hurinayo siyaasadaha cakiran ee ka jira Soomaaliya. Puntlandi.com
  22. Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya wariyaasha kula hadlay Taliyaasha ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya. Taliyaha ciidamada Milatariga , Booliska iyo Asluubta ayaa wariyaasha u sharaxay sidii ay maanta wax uga dhiceen xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Taliyaasha ayaa sheegay in Amaanka ay si aad ah u adkeeyeen islamarkaasina ay ka hortageen wax kasta oo amni daro keeni karay. Taliyaasha ayaa soo hadal qaaday baaqashadii maanta ee kulankii Baarlamaanka iyaga oo eedeeyn u jeediyay Gudoomiye Jawaari. Waxa ay kuu eedeeyeen in Gudoomiye Jawaari uu ka dhaga adeegay in ciidamo uusan la soo galin xarunta Golaha Shacabka. Waxaana ay sheegeen in Gudoomiye Jawaari iyo Gudoomiye Cawad labadaba ay dhagaha ka fureeysteen baaqa Ha;aydaha amniga hub iyo askar badana xarunta la galeen. Kulankii Baarlamaanka ee maanta ayaa buuq iyo is fahan waa ku dhamaaday. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Taliyaasha Ciidamada Amniga oo eedeeyay Gudoomiye Jawaari appeared first on Puntland Post.
  23. Waxaa guud ahaan hakad uu ku yimid kulankii mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya lagu waday in ay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho. Shirkaasi ayaa ku dhamaaday buuq kadib markii labada dhinac ay isku eedeeyeen in midba midka kale uu joojiyay kulankaasi. Xildhibaanada wada Mooshinka ayaa Gudoomiye Jawaari ku eedeeyay in ay kulankaasi uu isaga baajiyay kadib markii uu hub la soo galay xarunta Baarlamaanka. Dhinaca kale xildhibaanada ka soo horjeedo mooshinkaasi ayaa Xukuumada ku eedeeyay in kulankaasi ay joojisay. Xildhibaanada ayaa isku qilaafsanaa Ajandaha kulankaasi. lama oga xiliga sida rasmiga ah uu dib ugu furmi doono kulankaasi Baarlamaanka . Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Kulankii Baarlamaanka Maanta oo Fashil iyo Buuq ku dhamaaday appeared first on Puntland Post.
  24. 25 Arday ayaa ku sumoobay Jaalato ay cuneeyn Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya. Ardaydaan ayaa waxa ay dhigtaan Schoolka Global oo ku yaala degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho. Maamulka Shcoolka iyo Goobjoogayaal la hadlay Puntland Post ayaa waxa ay sheegeen in ardadaan ay cuneeyn Jalaato Xiligii Bareega aheyd. Ardaydaasi ayaa waxaa la jiifiyay Isbitaalka Keeydsaneey oo duleedka Woqooyi ee Muqdisho. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisoow ayaa sheegay in ay u gurmadeen Ardaydaasi. “Maamulka Benadir oo kaashanaya bulshada ayaa u gurmaday ardeyda Iskuulka Global ee degmada Kaaraan oo Jalaato ay cuneen ku xanuunsaday Booliiska ayaa baaraya shaqsigii gadeyey iyo warshadii ” Ayuu yiri Gudoomiye Yariisoow Dhaqaatiirta ayaa la tacaalaya xaalada Caafimaad ee ardaydaasi oo u badan kuwo dhalinyaro ah. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post 25 Arday oo ku sumoowday Jaalaato ay Cuneeyn Muqdisho appeared first on Puntland Post.