Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,507
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Alshabaab ayaa muddo 30 daqiiqadood ah ka fuliyey Muqdisho saddex qarax iyo weerar toos ah oo bartilmaameedkiisu ahaa Madaxtooyada Soomaaliya. Weerarka ayaa lagu soo beegay xilli Maqrib ah oo salaad lagu jiro, sida ay u badan yihiin weerarrada Alshabaab, laakiin waxaa xusid mudan in weerarkii shalay aanu ku bilaaban qarax, bale ay dhacday in ciidamo lugta ah oo Alshabaab ka tirsan weerar toos ah ku qaadaan Dhagaxtuur iyo dhismooyin u dhow Iridka laga ilaaliyo Madaxtooyada. Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay KM 0, afaafka hore ee Hotelka cusub ee Doorbin oo dhinaca ku haya xarunta dhexe ee NISA, halkaasoo qasaaraha ugu badani ka dhacay, iyadoo gaari is-miidaamin ah uu dad gaaraya 20 qof ku laayey halkaasi, kuwaasoo u badnaa istaaf iyo ciidamada dowladda. Qaraxii labaad ayaa ka dhacay iridka laga galo Madaxtooyada ee u dhow Hotelka SYL, halkaasoo ay dhinaca kale ka socotay Rasaas xoog leh oo dhex mareysa maleeshiyada Alshabaab iyo ciidamada ilaalada madaxtooyada, iyadoo markaas kadibna uu qarax kale ka dhacay Taallada Sayidka oo ay taallo jidgooyo ay ciidamada ka ilaaliyaan madaxtooyada Soomaaliya. Ciiiamada madaxtooyada ayaa dilay afar ka mida dableydii weerarka soo qaaday oo ku lebisnaa dareyska cusub ee ciidamada Booliska Soomaaliya, waxaana magaalada oo dhan saameyn ku yeeshay rasaasta socota, kadib markii ay ciidmada dowladda xireen isu socodkii magaalada oo dhan. Qasaaraha weerarkii Alshabaab ee saddexda jiho ayaa sare u dhaafay 30 dhimasho ah iyo dhaawac ka badan, iyadoo ay jirto dhimashada kale ee dableyda Alshabaab oo ahaa lix maleeshiyo. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in meydadka shan qof lagu arkay inta udhaxeysa Isgosyka Sayidka iyo Taalada Dhagaxtuur oo dagaal ku dhex maray labada dhinac. Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu qaraxyo badnaa ee mar qura loo adeegsado saddex gaari oo miineysan, waxaana ka sokow qasaaraha faraha badan ee ka dhashay ay ciidamada amniga ku guuleysteen inay ka hortagaan maleeshiyadii Alshabaa, inkastoo in weerar heerkaas gaarsiisan uu ahaa fashil weyn oo dhinaca amniga ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Weerarka Saddexda Jiho & Saddexda Qarax ee Alshabaab: Warbixin ku saabsan sidii Alshabaab u qorsheysay appeared first on Caasimada Online.
  2. An 18-year-old has been arrested on suspicion of murdering two young men who were stabbed to death within two hours of each other in north London. Source: Hiiraan Online
  3. A Federal Court judge has ruled against an emergency request to pause the deportation hearing of former Somali child refugee Abdoul Abdi. Source: Hiiraan Online
  4. At least 27 are dead in two car bomb blasts, claimed by al-Shabab, reported near presidential palace in Somali capital. Source: Hiiraan Online
  5. Francisco Madeira, oo ah ergayga gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan Somaliya, ayaa sheegay in aanan lajoogin waqtigii ciidamada midowga Africa ay iskaga bixi lahaayeen Somaliya asagoona codsaday in loo kordhiyo waqtiga ay ka sii hawl gali karaan Somalia. ergayga gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan Somalia ayaa dalbaday in waqtiga hawl-gal kooda Somalia lagaarsiiyo sanadka 2021, si ay caawinaad uga gaystaan ladagaalanka iyo cirib tirka Al-Shabaab. Madeira, ayaa sidoo kale sheegay in u jeedada ay Somalia u imaadeen ay tahay sugida iyo horumarinta amaanka, asagoona intaasi sii raaciyay in ay rajo wayn ka qabaan in ay Somalia soo hagaagto ka hor 2021. Ergayga gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan Somalia ayaa ka dhawaajiyay in horumaro farabadan ay ka sameeyeen gudaha Somalia, asagoona sidoo kale sheegay in ay jireen caqabado farabadan oo soo wajahay 11 sano oo ay AMISOM ka hawl galaysay Somalia. Bishii August 2017’dii ayay ahayd markii golaha amaanka Qaramada midoobe ay ansaxiyeen Qaraar ay AMISOM uga sii hawl gali karto Somalia, inkastoo dhimis lagu sameeyay ciidamada Amisom ayadoona masuuliyada inteeda badan dusha laga saaray ciidamada qaranka Somalia. ergayga gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan Somalia Francisco Madeira, ayaa hoosta ka xariiqay in ay sii wadi doonaan taageerida iyo garab istaaga dowlada Faderalka inta lagu guda jiro xaaladda kala guurka. “Dhamaanteen waxaan isku raac sannahay, in aan wajahno qatarta Al-Shabaab, taas oo haddii aanan ka hortagin saamayn ku yeelan karto dhamaan qaaradda oo idil, ” ayuu yiri Mandera. Mandera ayaa sido kale difaacay eedeemo loo soo jeediyay, ciidamada AMISOM asagoona soo dhaweeyay in Somalia ay ka dhici karto doorasho hal qof iyo hal cod ah. Ciidamada midowga Africa ayaa Somalia waxa ay ka wadeen how galo ay ku baacsanayaan Al-shabaab in kabadan 10 sano, ayagoona sheegay tan iyo waqtigaasi in horumaro balaaraan ay ka sameeyeen hawl galadooda Somalia. Waxaa xusid mudan in ciidamada AMISOM ay isku diyaarinayeen qorshe ay uga baxayaan dalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post AMISOM oo Dalbatay in Loo Kordhiyo Waqtiga ay Sii Joogayaan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Tiro kabadan 24 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Qaraxyada iyo dagaalkii ka dhacay agagaarka Xarunta Villa Somalia iyo Isgooyska Jubba ee magaalada Muqdisho. Weerarka ayaa waxaa qaaday maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab oo rasaas ku bilaaway ciidamada Koofi casta ee ka howlgala Taalada dhagaxtuur oo ku taalla wadada Sayidka, waxaana halkaasi ay kala kulmeen iska cabin. Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle oo booqday dhaawacydii xalay ayaa sheegay inay sii kordhayaan khasaaraha ka dhashay qaraxyadii xalay. Wasiirka Amniga ayaa xaqiijiyay in khasaaraha ugu badan uu ka dhashay qaraxii ka dhacay agagaarka xarunta weyn ee NISA, gaar ahaan afafka hore ee Hotelka Dorbin. ‘’Waxaan qireynaa in khasaaraha ugu badan uu ka dhashay Qaraxii ka dhacay Isgooska Jubba, waxaana ku dhamaaday dhalinyaro ka imaaday liido oo hoyaad u ahaa guryahooda’’ Waxa uu Wasiirka sheegay in khasaaraha ugu badan ee ka dhashay Qaraxa ka dhacay afafka hore ee Hoteel Dorbin uu dhacay xili halkaasi ay marayeen dadweyne u badan dhalinyaro, kuwaasi oo u jimceystay Xeebta Liido, xilligaasina soo hoyanayay. Waxa uu intaa ku daray in dadka ku dhamaaday ay u badnaayen dhalinyaro kasoo laabatay kubad iyo badda, waxa uuna cod dheer ku sheegay Wasiirka in Ciidamada ammaanka aysan marnaba ka niyad jabi doonin weerarada Shabaab. Waxa uu intaa kusii daray Wasiirka in dhaawacyada daran loo qaadi doono dalka dibadiisa, wuxuuna carab ***** inay soo arkeen dhaawacyo aad u liita oo u baahan caafimaad dibada ah. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa baraha ay ku faafiyaan wararkooda ku sheegay in dhalinyaro iyaga daacad u ahaa ay fuliyeen weeraradii ka kala dhacay Sayidka iyo Jubba. Maleeshiyadu waxa ay sheegeen inay beegsadeen meel ku dhow Madaxtooyada iyo Hotelka Dorbin oo ay ku tilmaameen goobo muhiim u ah. Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyada al-Shabaab ayaa inta badan beegsada goobaha ay ku sugan yihiin dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan iyagoo qasdigooda uu yahay koror ku imaada khasaaraha markaasi ay geystaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wasiirka Amniga oo xaqiijiyay Qaraxyadii dhacay kan ugu khasaaraha badnaa ee dhimashada ugu badan geystay appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Iska hor imaad dhexmaray Ciidamada Dowladda gaar ahaan Nabad sugidda iyo kuwa AMISOM. Iska hor imaadkan ayaa ka dhacay wadada isku xirta Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Iska hor imaadka oo muddo badan qaatay ayaa si gaar ah ugu dhacay goob lagu baaro gawaarida gasha garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho. Ciidamada Dowladda ayaa xiligaas wadada u xirnayd, waxayna Ciidamada AMISOM u sheegen in wadada ay xiran tahay, isla markaana amar lagu siiyay inaan la furi karin. Ciidamada NISA ayaa kuwa AMISOM ku amray inay dib u laabtaan, maadaama wadada ay xirnayd, waxaana ka dhago fureystay amarkaas AMISOM. Intaa kadib waxaa bilawday iska hor imaadka ciidamada Nabad sugidda iyo AMISOM oo ka dhashay khasaaro kala duwan. Iska hor imaadkaasi ayaa waxaa ku dhintay askari ka tirsanaa ciidamada NISA, waxaana sidoo kale ku geeriyooday laba ruux oo shacab ah oo wadada maraayay. Askariga iyo labada qof ee halkaasi lagu dilay ayaa maydkooda waxaa la geeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Xilliga iska hor imaadka uu dhacaayay ayaa waxa ay aheyd xalay fiidkii waqtigaasi oo Magaalada ay ka jirtay xaalad amni iyo baqdin, kadib qaraxyadii dhacay. Dhinaca kale, Hay’adaha amniga dowlada ayaan weli ka hadal daandaansiga ay ciidamada AMISOM ku sameeyen ciidamada NISA ee joogay barta koontarool ee ku dhow Isgoyska KM4. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Ciidamada NISA iyo kuwa AMISOM oo ku dagaalamay meel ku dhow Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  8. The Somalia-based extremist group al-Shabab is claiming responsibility for the twin blasts in Mogadishu that have killed at least 18 people and injured 20 others. Source: Hiiraan Online
  9. The Somalia-based extremist group al-Shabab is claiming responsibility for the twin blasts in Mogadishu that have killed at least 18 people and injured 20 others. Source: Hiiraan Online
  10. Suspected Somali pirates attacked a Singaporean-flagged chemical tanker on Friday but were repelled by guards on board, the European Union’s Naval force said, the first such incident in several months. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xalay saqdii dhexe ku booqday isbitaallada lagu dabiibayo dhaawacyadii ka dhashay qaraxyadii fulaynimada ahaa ee kooxaha nabad diidka ah ay ku beegsadeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan maqribkii xalay. Guddoomiyaha oo kormeeray qeybaha kala duwan ee isbitaalka oo la dhigay dadka qaba dhaawacyada, ayaa caafimaad u rajeeyey dadka ay dhibaatadu soo gaartay, isagoo tilmaamay in qaraxyadani ay calaamad u yihiin cadowtinimada baahsan ee ay kooxaha nabad-diidka u hayaan shacabka Soomaaliyeed, waxuna tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada dadkii falkaas ku geeriyooday. “Waxaan isbitaalka ku booqanay dhaawacyada ka dhashay qaraxyadii caawa dhacay, waxaana u mahadcelinayaa dhakhaatiirta ku howllaneyd qalliinka iyo daweynta. Hay’adaha Amniga iyo kuwa gurmadkana door weyn ayey ka qaateen badbaadada shacabka”.Ayuu yiri guddoomiye Yarisow oo intaas raaciyey in qaraxa ka dhacay isgoyska baar FIAT ku soo beegmay xili ay dhalinyaro badan ka yimaadeen xeebta Liido maadaama ay Jimco aheyd. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa waxaa booqashada uu ku tagey Isbitaallada ku weheliyey Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Benaadir. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo booqday dhaawacyo la dhigay Isbitaallada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qaraxyo iyo dagaal xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Xarunta Villa Somalia iyo eeryada xarunta weyn ee Hay’adda Nabadsugida Somalia. Maleeshiya hubeysan oo ka tirsan al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday wadada u dhaxeysa isgoyska Sayidka iyo Hotelka SYL, gaar ahaan Taalada Dhagaxtuur oo ku dhow Villa Somalia. Weerarka inta uu socday ayaa waxa dhacday 2 qarax, midka koowaad ayaa ka dhacay Taalada Dhagaxtuur, halka kan kalena uu dhacay isgoyska Jubba, gaar ahaan Hotelka Dorbin oo dhinaca ku haya xarunta weyn ee NISA. Qaraxyada iyo Dagaalka ku dhawaad qaatay saacad ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh. Dhimashada ayaa iminka mareysa 22 qof, halka dhaawacana uu gaaray 24 ruux oo ay ku jiraan ciidamo iyo dad shacab ah. Mid kamid ah Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in Saqdii dhexe ee xalay lasoo gaarsiiyay dhaawacyo ay rasaasta ugu tagtay goobahooda Ganacsi. Sarkaal ka tirsan Wasaarada Amniga ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka inta uu dagaalka socday ay toogteen Shan oo uu sheegay in ay ahaayeen raggii weerarka soo qaaday, weerarkana isla xalay la soo afjaray. Sidoo kale, waxaa xalay ilaa Saaka xiran wadooyinka qaar ee Muqdisho,gaar ahaan goobaha ay weeraradu ka dhaceen. Dadka shacabka ah qaarkood ayaanay xalay u suuragelin in guryahooda u soo hoydaan, maadaama ay joogeen goobaha loo dalxiistago, wadooyinkana ay ku xirmeen oo ay waayeen meelo ay soo maraan. Dhinaca kale, waxaa weli jira cabsi laga qabo in maleeshiyaadka al-Shabaab ay weeraro kale ka geystaan magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Khasaaraha Qaraxyada & Dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho oo kordhay (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  13. Wafdi balaaran oo ka socday dowladda Puntland isugan jiray Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa gaaray Degmada Caluula ee Gobolka Garda Fuu. Ujeedada ay utageen Wafdigan Degmada Caluula ayaa ahayd in ay xariga ka jaraan dhismaha Bangi dhawaan laga hirgaliyay degmada oo ay dhismihiisa iska kaa shadeen Dowladda Puntland iyo shacabka Degmada , laguna dhisay halku dhigii Madaxweyne gaas ee ahaa Puntland ha isku tashato. Dhismaha Bangigan ayaa waxaa ku baxay lacag gaaraysa 48 kun oo doolar, wuxuuna dhismihiisa uu socday mudo ku siman sadax sano . Waa markii ugu horaysay Bangi dowli ah laga hirgaliyo degmada Caluula ee Gobolka Garda Fuu . Gudoomiyaha Gobolka Garda Fuu Maxmuud Axmed Caynab Busul ayaa Puntlandi uga waramay sida uu kuyimid dhismaha Bangigan . Halkan hoose ka dhagayso. Caynab
  14. Garowe (Puntlandi) Duqa degmada Garowe ee caasimadda Puntland, Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir) ayaa lagu wadaa inuu galo safar uu ugu ambo baxayo magaalada Dubai ee xarunta isku taga Imaaraatka Carabta, sida uu warsidaha Puntlandi wararka ku helayo. Safarkaan oo la filayo inuu ahaado maanta ama berrito, ayaa la xiriira sidii uu Duqa caasimaddu u heli lahaa Dab damisyo badan oo ay yeelato magaalada Garowe, kadib casharkii dhawaan laga bartay Dabkii Garowe ka kacay ee geystay khasaaraha nafeed iyo midka Hantiyeed. Xasan Goodir ayaa doonaya inuu arrinta helitaanka Dab damiska la kaashado jaaliyadda reer Puntland ee dalka Imaaraatka ku dhaqan, kuwaas ballanqaday inay kaalinta mug leh ka qaadandoonaan in caasimadda loosoo iibiyo Dab damis. Xildhibaano katirsan golaha degaanka Garowe oo la hadlay Puntlandi ayaa ka codsaday ganacsatada Puntland inaysan dowladda kaigeed ku halaynin in iyadu qabato wax walba, iyagoo u sheegay in looga baahan yahay inay dowladda ku biiriyaan taageeradadooda dhaqaale, si looga gudbo caqabadaha soo noqnoqday ee Dab damisku ugu horeeyo. Puntlandi.com
  15. Muqdisho (PP) ─ Inta la ogyahay in ka badan 30-qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna waxay ku dhaawacmeen qaraxyo is-xigay iyo weerarro xalay ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo mas’uuliyadooda ay sheegatay kooxda Al-shabaab. Wasaaradda Amniga Somalia ayaa sheegay in dadka dhintay ku jiraan shan qof oo ay sheegeen inay soo qaadeen weerarkii lagu doonayay in lagu galo gudaha xarunaha madaxtooyada Somalia. Xaaladda goobihii ay dagaalladu iyo qaraxyadu ka dhaceen ayaa saakay ah kuwo deggen, iyadoo aanay jirin wax dhaqdhaqaaqyo ah oo ka socda, balse waxaa goobta ku sugan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya. “Weerarkan waxaan soo qaaday Al-shabaab, waxaana lagu guuleystay in la fashiliyo, runtiina guul weyn ayay noo ahayd inaan dilno kooxihii weerarkan soo qaaday,” ayu yiri Afhayeenka wasaaradda amniga Qarnka, Cabdicasiis xildhibaan oo warbaahinta la hadlya. Mas’uuliyiinta Dowladda Somalia ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay gacan ku siiyaan ciidamada amniga sidii looga hor-tegi lahaa weerarrada noocan oo kale ah. Dhanka kale, Kooxda Al-shabaab oo ka hadashay weerarradan ayaa sheegtay inay ku beegsadeen saraakiil sare oo ka tirsan kuwa Dowladda oo ku sugnaa hoteelka Doorbin oo dhawaan laga furay agagaarka FIAT oo ah halka loo yaqaan KM-0. Kooxda ayaa sheegtay inay weerarkooda ku dileen tiro saraakiil ah oo ka tirsan dowladda Somalia, balse ma aysan carrabaabin tiradooda, waxaana weerarradan ay imaanayaa iyadoo xalaadda amni ee Muqdisho ay ahayd mid deggen muddo bil ka badan. Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa wuxuu ka mid noqonayaa weerarrada ay Kooxda Al-shabaab ka geysato Muqdisho, iyadoo la xusuusto in weerarkii ugu khasaaraha badnaa uu ahaa midkii dhacay 14-kii Oktoobar 2017-kii oo ay ku dhinteen 512-qof. PUNTLAND POST The post Khasaarihii ka dhashay weerarradii Muqdisho oo kordhay iyo Dowladda oo ka hadashay appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (PP) ─ Wariye idaacadda VOA-da uga warrami jiray Muqdisho oo lagu magacaabi jiray Axmed Xasan Colaad ayaa xalay si lama filaan ah ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir. Marxuum Colaad ayaa la sheegay inuu u geeriyooday xanuun kaddis ah oo kusoo booday gellinkii dambe ee shalay, waxaana wararku ay sheegayaan in uu dhiig kaga furmay madaxa. “Allaha u naxariistee Axmed Xasan Colaad, wuxuu ka mid ahaa suxufiyiinta ka hawlgala VOA-da, isla markaana wararka uga diri jiray Muqdisho, xalay ayuuna si lama filaan ah ugu geeriyooday isbitaalka Kulmiye oo degmada Boondheere ku yaalla,” ayuu yiri mid ka mid ah ehellada marxuumka oo la hadlya warbaahinta. Sidoo kale, Wariye Colaad ayaa barnaamijkii ugu dambeeyay ee uu ka sii daayo VOA-da wuxuu ahaa barnaamij 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka baxay idaacadda, sida ay sheegeen qaar ka mid ah hawlwadeennada idaacadda. Dhanka kale, Wariye Colaad ayaa wuxuu kasoo shaqeeyay idaacado kala duwan oo ku yaalla Muqdisho, waxaana ka mid ahayd Idaacaddii HornAfrik oo ahayd idaacadii ugu horreeyay oo FM ah oo laga hirgeliyo Muqdisho xilliyadii sagaashameeyadii. Ugu dambeyn, Marxuumka oo ifka uga tagay laba gabdhood iyo laba wiil ayaa la filayaa in maanta lagu aaso Muqdisho, waxaana geeridiisa ay si aad ah uga nixisay asxaabtiisii iyo qaraabadiisii. PUNTLAND POST The post Wariye Colaad oo Idaacada VOA-da uga warami jiray Muqdisho oo Xalay Geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  17. Jigjiga (Puntlandi) Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa aheegay maxaabiistii uu cafiska ufidiyay ee lagasoo daayay xabsiyada Jigjiga in loo samayndoono shaqo abuur ku salaysan xirfadihii ay barteen mudadii ay ku jireen xarumaha dhaqantoosinta deegaanka. Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu la qaatay Odayaal dhaqameedka deegaanka, kuwaas oo horey uga codsaday in lasoo daayo maxaabiistii ku xir xiran dowlad degaanka si ay xoriyadooda u helaan. Maxaabiista cafiska loo fidiyay oo gaarayay 1500 maxbuus, ayaa isugu jiray nabadiid katirsanaa ONLF iyo kuwo galay danbiyo kala duwan kadib markuu gudiga cafiska heer deegaan xaqiijiyay inay saxmeen ayuu madaxweynuhu cafis guud ufidiyay. Odayaal dhaqameedka deegaanka ayaa sidoo kale dowladda dhexe ee federalka Ethiopia ka codsaday in maxaabiista deegaanka Soomalida ee u xidhan heer faderaal lasiidaayo dambi kasta oo ay uxiran yihiin, maadaama oo maxaabiistii qowmiyadaha kale ee kadambi badnaa lasiidaayay. Puntlandi.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaalia Xasan Cali Khayre ayaa shalay sanad uu u buuxsamay tan iyo markii xilkan loo magacaabay, 23-kii February 2017-kii. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa aroor Khamiis ah Xasan Cali Khayre u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha dalka. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa mudada sanadka ah qabtay howlo kala duwan waxaana lagu amaanaa in Xukuumadiisa ay dhabar jabisay Musuqa, Nin jecleysiga iyo Cadaalad darada oo laga cabanaayay. Dadka qaar ayaa ku kala aragti duwan shaqooyinka uu qabtay Kheyre Mucaaradka ayaana qaba inaanu Kheyre qaban wax muuqda, halka shacabka ay ka rumeysan yihiin inuu sameeyay isbedel. Kheyre ayaa sanadka uu magacaaban yahay dalka Safar uga baxay 6 Safar oo uu ku aaday dalalka Yurubta iyo Carabta. Haddaba Safarada uu Ra’isul wasaare Kheyre ugu baxay dalka dibadiisa ayaa ah:- SAFARADA RA’ISUL WASAARAHA EE DALKA DIBADIISA 1-13 May 2017, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa u dhoofay dalka Qadar oo uu kaga qeybgalaayay shir. 2-June 12 2017, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa u dhoofay dalka Ethiopia oo uu kaga qeybgalaayay shirka IGAD. 3-July, 02, 2017, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia. 4-September 18, 2017, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka halkaasi, oo uu kaga qeyb galaayo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey. 5-October 25, 2017, Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u ambabaxay dalka Turkiga oo uu ka casuumaad rasmi ah. 6- January 22, 2018, Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa u ambabaxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre oo iminka hal maalin ka qaadanaaya sanadka labaad ee uu magacaaban yahay ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay ku guuleysatay fulinta ballanqaadyada. Waxa uu tusaale usoo qaatay waxyaabaha uu wax ka qabtay sida arrimaha ammaanka, arrimaha dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka. Geesta kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa lagu wadaa in dhawaan uu Safar shaqo ugu baxo dalka Imaaraadka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso: Tirada safarada uu dalka uga baxay Kheyre tan iyo markii xilka loo magacaabay appeared first on Caasimada Online.
  19. Itoobiya, oo ah dalka labaad ee uggu dadka badan qaaradda Afrika, dhaqaalihiisuna waa yadan danbe si xoog leh u soo kobcayey, ayaa gilgishay toddobaadkii lasoo dhaafey. Ra’iisal wasaarihii ugu horeeyey ee dalka Itoobiya Hailemariam Degalegn, ayaa si lama filaan isu casiley. Wuxu talada dalkaasi hayey shantii sano ee lasoo dhaafey. Maalintii is casilaadda ka danbeysana, waxaa dalkaasi lagu soo rogey xaalad deg dega. Qoraal laga aqriyey iddaacadda dowladda, ayaa lagu sheegay in talaabadda la qaadey loo arkey, iney lagama maarmaan u tahay in lagu hor istaago mowjadaha dibadbaxyada lagaga soo horjeedo dowladda Itoobiya ee dalkaasi ka socda. Boqolaal qof ayaa ku dhintey qulqulatooyinka kasocda dalkaasi saddexdii sano ee uggu danbeeyey, waana amrkii labaad oo xaalad deg dega dalkaasi la geliyo labadii sano ee lasoo dhaafay. Maxey xaaladda degdega baajin kartaa? Diyaarinta ama daabacaadda warar keeni kara rabshado iyo shaki. Soo bandhigista ama xayeeysiinta astaamo kicin kara qalalaase. Banaanbax noocuu rabo ha noqdee ay sameeyeen koox abaabulan. In dibedbaxayda ay sababaan in adeegyada dowladda ay hakad galaan. In banaanbax yada loogga soo horjeedo dowladda ay carqaladeeyaan habsami u socodka ganacsiga maalinlaha ah. Dowladda ayaa sidoo kale xor u ah inay xirto warbaahinta kuna soo rogta dadweynaha Bandow. Inta ay socoto xaaladda deg degga ah, qofkii lagu arko inuu ku qasbayo goobaha ganacsiga iney xiraan, inuu wajihi doono maxkamadeyn. Maxaa xaaladda degdega looggu dhawaaqey? Dowladdu waxay sheegtay saddex arrimood: In la hubiyo xasilinta nabadda iyo siyaasadda. In laga fal celiyo is casilaaddii ra’iisal wasaraha. In la fududeeyo xiliga kala guurka habkii awoodda lagula kala wareegi lahaa. Si kastaba ha ahaatee, khuburada qaadaa dhigta siyaasadda, ayaa tilmaamey in xaaladda deg dega aaney ku qotomin sharciyad, halka sheegashada dajintuna ay tahay mid aan sax aheyn. Dadka arrimaha bulshada u dhaq dhaqaaqa ee dalkaasi u dhashey, ayaa ka walaacsan in dowladdu talaabadan ay qaadey ay uga sii darto xaaladdii awalba cakirneyd. Bishii January, mas’uuliyiinta ayaa kasii daayay xabsiyada 3,000 oo maxaabiisa, kuwaasoo isugu jira siyaasiyiin iyo wariyeyaal, waxaa qeyb ka ahaa hoggaamiyeyaal mucaarada sida Bekele Gerba, Merera Gudina iyo Andualem Arage. Laakiin madaxda ayaa sheegtay in cafiska loogga jeedo abuuridda jawi wanaagsan oo la isla jaan qaadi karo, taasoo lagu gaaro kaqeyb gal dimuqraadiyadeed oo balaaran. Dad kasoo horjeeda Itoobiya, ayaa wax kama jiraan ku tilmaamey sheegashada dowladda, iyadoo ku andacoodey in taasi tahay hadal macaan oo aan afka baarkiisa dhaafsiisneyn. Maxaa iska badalay nolosha tan iyo markii la soo rogay xaaladda degdega ah? Guud ahaan dalka inta badan nolosha waxba iskama badalin. Caasimadda Addis Ababa, dukaamadu wey furan yihiin, dadkuna waxey ku mashquulsan yihiin soo dhacsashada quutul daruuriga. Laakiin meelaha qaarkood ee ismaamulka Amxaarada, dadku way ku gacan seyreen iney u hoggaan samaan amarka dowladda, iyagoo xir xirey goobahooda ganacsiga, hakiyeyna adeegyadii isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga. Dowladda ayaa falkan ka jawaabtey, iyadoo ku qasabtay ganacstada inay dib u furan dukaamadooda. Sidoo kale, is maamulka Oromia ayaa isna dadka ku dhaqan waxey iska diideen iney u hoggaan samaan awaamiirta dowladda, iyadoo dad tiradoodu badan tahay ay isugu soo baxeen si ay usoo dhaweeyaan maxaabiistii la sii daayey. Muxuu ra’iisal wasaaruhu isu casiley? Isbaheysiga haya talada ee EPRDF, waa mid hawlihiisu yihiin qarsoodi, waxaana aad u adag dhabtii in aad ogaato waxa ka dhex socda xisbiga dhexdiisa. Ha yeeshee illaa iyo intii uu qabtay talada dalkaasi Hailemariam Desalegn, qaar kamid ah madaxda dalkaasi ee ay isku xisbiga yihiin, ayaa ku eedeeyey inuu ahaa nin jilicsan hoggaamintiisuna wanaagsaneyn. Is casilaaddiisa waxey u gogol xaari kartaa in isbaheysiga salka balaaran ee talada haya ay keenaan hoggaamiye ad adag, ama waxaa soo shaac bixi karta kala qeyb sanaan ka dhex jirta isbaheysiga, oo ku saleysan goboleysi. Waxey si gaar ahaaneed xifaaltanka ugga dhex muuqdaa dhinacyada xisbiga Tigreega (TPLF), kaasoo loo arkey mid wiiqayey xisbiyada kale galaan gal weyna leh, halka kan kale ee Oromada (OPDO) isna uu noqday waa yadan danbe mid ay isa soo tareyso sare u kaca kuyimid awooddiisa. Ku badalidda Mr Hailemariam qof kale oo u dhashey qowmiyadda Oromada, waxey noqon kartaa mid kamid ah talaabooyinka lagu xalin karo dalabka banaan baxayaasha Oromada, kuwaasoo ku eedeeyey dowladda iney gacan bidixeysay. Itoobiya waligeed muusan hoggaaminin ra’iisal wasaare Oromo ah, inkastoo ay yihiin qowmiyadda ugu tirada badan dalka Itoobiya. Qowmiyadaha ay Ethiopia ka kooban tahay: Oromo – 34.4% Amxaara – 27% Soomaali – 6.2% Tigray – 6.1% Kuwa kale – 26.3% Source: CIA World Factbook estimates from 2007 Yaa noqon doona ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya? Lemmy Megersa, oo ah madaxa is maamulka Oromada, sidoo kalana hoggaamiya xisbiga OPDO, wuxuu kamid yahay dadka ugu cad cad ee laga yaabo inuu noqdo ra’iisal wasaare. Kuwa kale ee la filayo, waxaa iyana kamid ah Debretsiyon Gebremikael oo katirsan xisbiga TPLF, iyo Demeke Makonnin oo kasocda dhaq dhaqaaqa qaran ee Amxaaradda ee dimuqraadiyadda iyo Abiyi Ahmed, oo isna katirsan OPDO. Dhammaan saddexdan xisbi waxey katirsan yihiin isbaheysiga balaaran ee xukunka dalkaasi haya ee EPRDF. Maxey dadweynuhu u banaan baxayaan? Waxaa jira tabashooyin dhawr ah oo keenay banaanbaxyada ka socda Itoobiya saddexdii sano ee ugu danbeeyey. Oromo badan ayaa qabta in siyaasad, dhaqaale iyo dhaqan ahaanba la gacan bidixeeyey sanado aad u tiro badan, iyagoo haddana ah qowmiyadda wadanka uggu tirada badan. Sidoo kale, qaar kamid ah qowmiyadda Amxaarada, ayaa iyaguna ka cawdey in qowmiyadda tirada yar ee Tigreega ay intii badneyd xukunka marooqsatey. Kooxaha mucaaradka iyo kuwa u ololeeya xuquuqda aadanaha, ayaa ka doonaya isbaheysiga EPRDF awoodaha badan ee ay gacanta iyagu kuheystaan qaarkood iney wareejiyaan, una oggolaadaan hey’addaha kala duwan iney si xor ah u shaqeeyaan, oo aan juujuub iyo caga lugleyn lagu sameyn. Dadka kudhaqan dalka ayaa ka cawdey xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka, sida xarig, jirdil iyo dil ka baxsan hannaanka garsoorka, oo lagula kaco siyaasiinta mucaaradka. Dhulka la dhaco iyo barakicinta dadka, iyagoon la siin magdhaw. waa mid kamid ah arrimaha kiciyey banaan baxyada, ka gadaal markii lagu dhaqaaqey qorshe lagu balaarinayey soohdimaha caasimadda Addis Ababa, kaasoo u talaabay is maamulka Oromada, inkastoo markii danbe qorshaha balaarinta laga noqday. Isha: BBC The post Yaa noqon doona ra’iisal wasaaraha xiga ee Itoobiya? appeared first on Caasimada Online.
  20. Dowlad walbo oo caalamka ah waxaa ay u baahantahay in ay siyaadiso dakhliga soo galo, waxayna arrintaas u leedahay awood sharciyeed, qaab ka mid ah qaababka ay ku kordhin kaarto dowaladu dakhliga soo galo waa canshuurta. Canshuurtaas, ku waajibka ah muwaadinka iyo hey’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn, , waa ay qeybo badantahay, taasi oo aan qormadan uga hadli-doonno. Qaybaha cashuurta Cashuurta waxa bilawga hore loo kala qaybiyaa labo qaybood. Midi waa Cashuurta Berriga (Inland Revenue), tan kalena waa Cashuurta Kastammada (Custom Tax). Canshuurta Berriga Cashuurta Berriga waxa qaadda waaxda Cashuuraha Berriga, waxayna u kala baxdaa labo qaybood. Labadan qaybood waxa lagu saleeyey cidda culayska cashuurta qaadaysa ama ay ku danbaynayso. Canshuur Toos ah (Direct Tax): noocani waa tan isla qofku bixinayo ama qaadayo culayska cashuurta ee aan cid kale u gudbayn. Waxa tan tuusale u ah cashuurta dakhliga qofka (personal income tax), cashuurta dakhliga hantida (property income tax), IWM. Qaybtan waxa soo hoos gelaya saddex qaybood oo kale: Cashuurta Dakhliga (Income Tax): cashuurtan waxa la saaraa dakhliga soo gala qofka muwaadinka ah. Cashuurta la saaro faa’idada maalgelinta (capital gain tax): waa cashuur la saaro faa’idada qofku ka helo lacagta uu meel ku maalgashaday. Cashuurta Dhaxalka (Inheritance tax): waa cashuur laga bixiyo hanta uu qofku dhaxlo. Canshuur aan Toos ahayn (Indirect Tax: cashuurtani waa tan qof uu bixinayo balse culayskeedu ku dhacayo qof kale. Tusaale ahaan, cashuurta iibka (sales tax). Qofka dukaanka haysta ayaa marka uu badeecad soo iibsanayo cashuurta bixinaya, balse isna waxa uu saarayaa qofka alaabta ka gadanaya. Qaybtan aan tooska ahayn ayaa iyana u sii kala baxda ilaa lix qaybood oo kala ah: Cashuurta Diiwaangelinta (Registration tax): cashuurtan waxa la qaadaa marka shirkad ama qof uu samaynayo diiwaangelin nooc kastaba ha ahaatee, sida diiwaangelinta shirkad cusub, gaari, heshiisyo, kiro IWM. Cashuurta Shaambadda (Stamp Tax): cashuurtani waxa ay la xiriirtaa dukumantiyada sharciga ah sida shirkad kala wareejin, kiro, liisan, caddayn guur IWM. Cashuurta Waddo-marista (Road Tax): cashuurtan waxa laga qaadaa gawaarida iyo gaadiidka kale, waxana looga adeegsigooda waddooyinka waddanka. Cashuurta Iibka (Salex Tax): Cashuurtan sida magaceeda ka muuqata waxa laga qaadaa alaabaha iyo adeegyada la gadayo. Cashuurta laga qaado badeecado gaar ah (excise tax): cashuurtan waa mid loogu talagalay badeecado gaar ah sida sigaarka, qaadka, khamriga iyo wixii lamid ah. Cashuurtan badanka xaddigeedu waa uu sarreeyaa maaddaama oo badanka loogu talagalay in lagu yareeyo isticmaalka badeecooyinka lala beegsanayo. Cashuurta Maxkamadaha (Courts fee): kiis kasta oo maxkamad la horkeeno waxa laga qaadaa cashuur loo yaqaanno Cashuurta Maxkamadaha. Canshuurta Kastamada Cashuurtani waa mid muhiim u ah dakhliga dawladda, waxana la saaraabaa alaabaha waddanka la keenayo iyo kuwa laga dhoofinayo labadaba. Cashuurtan waxa u xil-saaran Waaxda Kastamada. Cashuurtan waxa loo qaybiyaa labo qaybood: b) cashuurta dhoofinta (export tax): cashuurtan waxa la saaraa waxsoosaarka dalku uu u dhoofiyo dibedda sida khudaarta, kalluunka, xoolaha iyo badeecad kasta oo dibedda loo dhoofiyo. t) cashuurta soo-dejinta (import tax): cashuurtan waxa lagaa qaadaa badeecadaha waddanka dibeddiisa laga keeno sida daawada, bagaashka, dharka, taleefoonnada iyo wax kasta oo waddanka dibeddiisa laga keeno. The post Wax ka baro qeybaha canshuuraha iyo hababka loo qaado!! appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Beatrix, Cornelia oo iyada shaqada ka beddeli doonta maalmo gudahood iyo aniga ayaa subax ka dhaqaaqnay Muqdisho. Waxaan sii marnay Afgooye, Wanla Weyn. Waxaa kale oo aan sii marnay Leego iyo Yaaq-Beri-Weyne oo ah degaan aad u qurux badan oo beryahaas ay dad awood u lihi ay isaga daydeen in guri labaad oo Kahmiista iyo Jimcaha la tago ay ka sameystaan. Mar xillligaas in yar ka horreysay ayay ahayd markii iigu horreysay ee caana geel oo aniga oo arkaya la lisay oo kulul aan halkaa ku cabbo mar aan degaankaas u soo raacay saaxiibbo iyo walaalo. Waxay ahayd markii iigu horreysay ee caano geel oo sidaa u cusub aan cabbo. Waxaan arkay in ay aad uga dhadhan wanaagsan yihiin dhaayda geela ee aan makhaayadaha ka cabi jiray ama xataa guriga marka suuqa laga soo iibiyo ka dib kuwaas oo aan dhibsan jiray cabiddooda. Waan ka gudubnay oo dhowr tallaabo meel ka sokeysa buundada saaran togga Buur Hakaba ka sokeeya ayaa waxaa nagu joojiyay ciidammo meesha deggan. Waxay baaraan baabuurta u tallaabeya Buur Hakaba iyo kuwa ka soo baxaya ama ka soo gudbaya. Qaddar kooban markii su’aalo uu na weydiiyay aan uga jawaabnay ayuu askari goobta taagnaa noo fasaxay in aan socodkeenna sii wadanno. Waxaan wadannaa gaari kiro ah oo aan ka soo qaadannay sharikadda Meryl. Gaarigu waa Land Cruiser. Beatrix oo gaariga wadday waxaa u geli weyday marsha kale oo dhan marka laga reebo midda dib u celisa gaariga. Si kasta haddii aan yeelnay oo aan isu beddelnay oo la demiyay oo la daaray marnaba gaarigu waa diiday marsha hore. Waxay kalliftay in gaariga ay gadaal u dhaqaajiso oo isaga oo gadaal u socda ay kala fireyso oo aan Buur Hakaba ku galno annaga oo fuushan baabuur gadaal-gadaal u socda oo magaalada oo dhami ay na soo eegeyso. Ma ahayn sida ugu qurxoon ee lagu tago magaalo aad howl ugu socoto, laakiin waxay ahayd sida markaas ay dantu nagu kalliftay. Anigu isla markiiba waxaan ku soo dhacay bas meesha taagnaa oo Xamar u soo socda. Markii aan Xamar imidna Taksi ayaan qaatay oo waxaan tegey xafiiska hey’adda oo ku yaallay meel aan ka fogeyn Sayidka oo ku beegan Wasaaradda Dalxiiska dhabarkeeda. Madaxa hey’adda ayaan uga warramay xaaladda. Waxaan halkaas ka soo kaxeystay Land Cruiser kale. Xarig ka sameysay fiilooyin bir ah oo gaariga kale aan ku soo jiidno ayaan hore u soo qaatay. Inta aan qorraxdu dhicin ayaan Buur Hakaba ugu imid labadii gandhood oo Hotel degay anna qol ii qabtay. Halkaas ayaan ku hoyannay. Habeenkaas waxaan Buur Hakaba isku aragnay Macallin ka mid ah Macallimiinteydii Dugsiga Hoose ee Buulo Burte, Gary Cooper, oo weli Wasaaradda Waxbarashada ka tirsan. Waxaan ka xumahay in aanan Macallinkeyga aqoon magaciisa rasmiga ah. Inkasta oo magacaan loo yiqiin waa Macallin Soomaali ah. Waxaa kale oo aan wakhti isla qaadannay saaxiib aan isku horin ahayn Ururka Shanaad, waardiye ama santari aan habeenno dhowr ah wada qabannay markii aan ku jiray Dugsiga Tababbarka Xalane. Isaguna macallin ayuu markaan ka yahay Buur Hakaba isaga oo soo dhammaystay Kulliyadda Waxbarashada ee Lafoole. Buur Hakaba waa buur aad u weyn, laakiin ka duwan buurihii aan ku soo arkay Hiiraan, Bari, Shiikh iyo Borama. Buur dhagxaan ah ma aha ee waa hal dhagax oo aad u weyn oo is-haysta oo keligiis buur ah. Degaanka intiisa kale waa dhul siman oo beeraleey ah. Waagu markii uu baryay ayaan labadii baabuur isku soo daba xirnay waxaanna ku soo laabannay Muqdisho xilliga qadada. Gaari kale ayaan isla markiiba diyaarsannay, waxaanna ku ballannay in aan berri subax mar kale u baxno safarkeenna Luuq ee naga dhicisoobay. W/Q. Yuusuf Garaad The post Buur Hakaba – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Afar iyo Tobnaad appeared first on Caasimada Online.
  22. The post Video: Wariye soo gudbiyay dhaqan xumida Soomaalida iyo Turkish Airlines appeared first on Caasimada Online.
  23. Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay labaatan kalana waa ay ku dhaawacmeem labo qarax iyo weerar toos ah caasimadda Soomaalida ee Muqdisho, Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Maxamed Abuukar Isloow waxaa uu goor dhow sheegay in la soo afjaray howlgal looga hortagay maleyshiyaad weerar iyo qaraxyo ka geystay magaalada Muqdisho, wuxuu sheegay inta uu howlgalka socday inay ciidammada amniga toogasho ku dileen illaa shan dagaalame oo ka tirsan kooxdii weerarka geystay. Wasiir Isloow wuxuu caddeeyay khasaaraha ka dhashay qaraxyada iyo weerarka inay dib ka soo sheegi doonan, weerarka ayaa ku bilowday qarax koowaad oo ka dhacay Barkinkga gawaarida ee Dorbin Hotel,EX Baar FIAT, sidoo kale Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa isku dayay in uu xoog ku soo gudbo Barkantrol oo ay ciidammadu ku leeyihiin Sayidka, ciidamada ayaa waxaa u suuro gashey in ay rasaas kala hortagaan iyagoo lugaha ka banjaryay gaariga,waxaana la socday ugu yaraan saddex dagaalame ,iyadoo daqiiqado kaddib uu gaarigaasi uu ku qarxay aga-gaarka Taalada Dhagaxtuur. Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay inay mas’uul ka yihiin weerarka ka dhacay caasimadda Muqdisho, waxaana qaraxyadan ay ku soo beegmeen, xilli shalay Wasiirka Amniga uu digniin ka soo saaray gaadiid qaraxyo inay ku jiraan Muqdisho. Puntlandi.com
  24. The Republic of Somaliland’s state-owned, state-run University of Hargeisa (UOH) goes under the official Somalia Federal Government domain DotSo (.so). Permission for use of FGS domain was granted UOH by the Somalia National Information Commission – SONIC – and the contact address is retained by it, with the technical email remaining under the official admin@sonic.gov.so (the gov standing for the Somalia Federal government). The University of Hargeisa has in the past used domains ending with DotCom or DotNet, maintaining its independence and identity as a Somaliland university. Inexplicably, the UOH chooses to share the official Somalia domain .So with the University of Somalia (www.uniso.edu.so), Mogadishu University (www.mu.edu.so), SIMAD (www.simad.edu.so), Kismayu University (www.ku.edu.so), and all the rest of Somalia-owned universities. Unlike the UOH, Puntland universities, which rightly fall under the Somalia Federal Government, choose to remain with their .Com and .net domains: PSU (Garowe): www.puntlandstateuniversity.com, East Africa University (Bossasso): www.easafricauniverrsity.net. The University has been on the up-and-up since 2003 stepping on to an upward-inching path to excellence which led to the new leadership taking the reins following a sputtering period the university suffered. Under the new administration that has taken over the university helm some three years ago, the university has made a number of changes most of which, hitherto, going the right direction. It, to cite but one example, joined African and international university associations to lend credence to its accreditations. It also stepped up its postgrad programs and gave a complementing facelift to its main campus. Of late, a great deal of shady, little-known developments had been surfacing that none of which has been submitted to or approved by a hodge-podge university council that, itself, hardly comes together. An investigation into how many other deals has the UOH going with Mogadishu is, certainly, in order. The current UOH leadership, in this latest development, crosses the education border over to an area that squarely lays them bare to criminal litigation and a possible indictment on high treason. The Republic of Somaliland restored its 1960 independence in May 1991, following a thirty-year domination and untold of suffering in the union it joined with Somalia on 1 July 1960. Somaliland towns and cities were totally demolished, hundreds of thousands fled over to Ethiopian refuge centers and equal numbers died, were maimed or suffered irreparable traumas under the brutal Somalia-dominated, military regime of General Siyad Barre.
  25. When Halimo and her family arrived at Hargeisa, Somaliland‘s capital, she sold their last goat for $10. The rest of the family goats, sheep and camels died in the drought that, for the fourth year, is ravaging the region. Like hundreds of other internally displaced families in Somaliland, the family has been helped through of the emergency relief they receive from SOS Children’s Villages. “When our livestock died because of the drought, we decided to travel to the city to find work,” says Halimo Dahir. Halimo, her husband and their six children – who range in age from two to 14 – now live in a small shelter in a displacement camp two hours away outside the city. The door of the little home is a curtain made of old relief bags that have previously been used to store sugar and rice. The home is just big enough for the family’s only piece of furniture, a mattress where they all sleep. The air is full of sand and dust. Halimo’s two-year-old daughter Aisha coughs constantly. “I miss our old home,” Halimo says. “It was beautiful. We had built it ourselves and we owned it. The house we live in now is one we borrow from another family and I’m afraid we’ll be thrown out at some point.” “We travelled to Hargeisa to find work. My husband now earns $50 a month, but it’s far from enough for us to buy food for the whole family,” adds Halimo. The family once owned livestock and lived close to the Ethiopian border, where their home was a traditional Somali cottage made of braided grass and large pieces of colourful fabric. They would move about so their camels, goats and sheep could graze. Then came drought. The animals gradually died and there was no milk and meat for the family to eat or trade. Help from SOS Children’s Villages SOS Children’s Villages has provided support through an emergency relief program so the family can purchase food. “Before we received help from the SOS Children’s Villages emergency program, we did not eat every day and we never had more than one meal a day,” says Halimo. Authorities in the Somaliland region estimate that one million people, in a territory of more than 3.5 million, are affected by the drought. Some 59% of the inhabitants in the worst-affected areas have lost all domestic animals and have had to leave their homes in search of work in urban areas. Large stocks of livestock have died, while others have been sold in a hurry to get money for food and water, which have become increasingly expensive because of the drought conditions. Many people rely solely on the community and international relief. Halimo and her family have lived in their temporary shelter for just over a year. Halimo spends her days taking care of her children and cooking. The days are so similar that they melt together. On Friday, the family goes to mosque. Halimo prays for a better life. How You Can Help SOS Children’s Villages is responding to disasters and humanitarian emergencies across the globe. Please help us continue to care for children and families who are in the direst of need. Donate now to the SOS MAYDAY Emergency Relief Fund. Somaliland facts and figures In a region with an estimated 3.5 million people, 91 out of every 1,000 children die before they reach five years of age, compared to the overall Africa rate of 76.5 per 1000 live births. 75% of all young people are unemployed. 11% of children in Somaliland have lost one or both parents, and in the capital Hargeisa, with around one million people, there are an estimated 3,000 children living on the street. Although Somaliland operates as a self-governing entity, it is not internationally recognised as an independent state. Background SOS Children’s Villages began working in Somaliland in the 1990s, and today works to strengthen families, care for children, and provide educational support. Our emergency response programme began in mid-2017 with an immediate goal of providing food vouchers to families in Somaliland facing severe nutritional needs because of a prolonged drought. Nearly 900 households in the Hargeisa, Gabilay, Sheikh and Berbera districts have received food vouchers. The vouchers can be used only to buy food. The voucher system is preferred over distribution because it better addresses daily nutritional needs of vulnerable families while also supporting local growers and markets. SOS Children’s Villages also provided nutritional screening for more than 270 children under the age of five and for 70 pregnant women or breastfeeding mothers, launched a nutrition education campaign, and provided training to 160 caregivers in how to improve hygiene during the food preparation process.