Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,688
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. When he hosted last October’s glittering global investment conference in Saudi Arabia, Crown Prince Mohammed bin Salman had the world at his fingertips Source: Hiiraan Online
  2. Baydhaba (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyadii mataanaha ahaa ee casar liiqii shalay galab ka dhacay bartamaha magaalada Baydhaba ee xarunta gobolk Baay, halkaasi oo olole doorasho ay ka socdaan. Qaraxyada oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen 17 qof, ayada oo 50 kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay badankood ayaa ah dad shacab ah, oo ku sugnaa goobihii la qarxiyey. Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in mid ka mid ah qaraxyada oo ka dhacay maqaayadda Badar loola dan lahaa Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed. Roobow ayaa degan hotelka Guuraaw ama Bayern Munich ee Baydhaba, waxaana hotel uu aad ugu dhow-yahay maqaayadda qaraxa uu ka dhacay. Ammaanka hotelka iyo meelaha ku dhow ayaa aad loo adkeeyey, waxaana la sheegay in qofka is-qarxiyey ay joojiyeen ciidamo inta uusan gaarin hotelka kadibna is-qarxiyey. Roobow oo horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa markii uu is-sharxay waxa ay Al-Shabaab ku tilmaameen inuu yahay “murtad diinta ka baxay” Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada waxay tiri in hotelka Bilan uu leeyahay wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti, waxaana macquul ah in labada weerar lagu kala beegsanayey Roobow iyo Fargeeti. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
  3. Ayaan Daradda siyaasadeed ee dadka bartamaha iyo koofurta soomaalia kunool waxay noqotay dhaxal wadaag ah jiilba jiilka kadanbeeyo ugudbiyo, duruufaha dhaqaale iyo amni darada ka jirta waxaa kusoo wajahan masiibo siyaasadeed oo cawaaqibteeda aysan ka kabsan doonin 50 sanno ee soo socda, waxaana daliil u ah heshiiska nooca doorashooyinka noqonaayo sanadka 2021, ee lagu gaaray magaalada Baydhabo taariikhdu markey ahayd 9-Juun-2018, looguna magac daray (PR-CLOSED LIST SINGLE CONSTITUENCY) heshiiskan oo kamuuqata hagardaamo qote dheere weliba u nidaamsan qaab sharciyeysan, waxaan halka faahfaahin doonnaa ujeedka laga leeyahay weliba u iftiimin doonnaa hab fudud ay dadka fahmi karaan. Sida lawada ogsoon yahay duruufaha dalka ka jira waxaa ugu weyn mida amni oo saamaysay dhamaan nolosha dadka kunool bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya, oo ay ugu horeysa dhibaatooyinka kajira goobaha argagaxisada ka taliso oo ah dhul balaaran oo ay kunool yihiin dad fara badan, caqabadaha dadka haysta waxaa kaloo kamid ah isusocodka dadka kunool deegaanada Dowlada Federalka ka taliso iyo Deegaanada argagaxisada haysato, iyo horumar iyo wacyi la,aan guud ee ka jirkan waxaa usii wehliya hogaamadooda siyaasada oon ku baraarugsanayn hanaanka geedi socodka siyaasada dalka. Nidaamka doorashooyinka lagu heshiiyay wuxuu ku dhisan yahay habka qaybinta boqolleyda, iyo deegaan doorashoyin isku xiran, iyadoo tirada cod bixiyaasha oo dhan ayaa loo qaybinayaan tirada kuraasta loo codeeyay, xisbi walbana wuxu saami u heleyaa tirada cood uu helay kuraas u dhiganta, nidaamkan waa nidaam aad looga isticmaalo wadamada horu maray, mabaa,dii,da guud ee habkan waxaad ka fahmi kartaa tusaalahan. Hadii aan tusaale usoo qaadano. Waxaa tartamaya 5 xisbi waxayna u tartamayaan 100 kursi, oo hal deegaan doorasho ah, dadka codka bixiyayna waa 10,000 qof macnaheedu yahay qiimaha 1 kursi wuxuu ku fadhiyaa 100 cod. Xisbiyada codadka ay heleen wuxuu kala noqday. 1, Xisbiga A wuxuu helay 3,000 cod 2, Xisbiga B wuxuu helay 1,000 cod 3, Xisbiga C wuxuu helay 3,000 cod 4, Xisbiga D wuxuu helay 2,000 cod 5, Xisbiga E wuxuu helay 1,000 cod Marka codadka xisbiyada loogu qiimeeyo kuraast ay saamiga u helayaan wuxuu noqonayaa sida. 1, Xisbiga A wuxuu helay 30 kursi 2, Xisbiga B wuxuu helay 10 kursi 3, Xisbiga C wuxuu helay 30 kursi 4, Xisbiga D wuxuu helay 20 kursi 5, Xisbiga E wuxuu helay 10 kursi Doorashooyinka Nidaamkan waxay ka dhaceysaa deegaan doorashooyin kuraas badan lagu tartamaayo, xisbiyada ayaa utartamaaya kuraasta la dhigay dalka oo dhan, nidaamka wuxuu si cad uqeexayaa xisbiga ku guuleysta tirada codadka ugu badan inuu heli doono kuraasta xildhibaanada ugu badan. Marka aad fahamto tusaalaha kor ku xusan waxaa isweydiin mudan, dhowr su,aal oo ah, 1. Dadka kunool goobaha bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya kamidka ah ee Argagaxisa haystso sidee uga qaybgali karaan hanaanka doorashooyinka si ay codkooda ku dhiban doonaan? Waxaa si cad umuuqata in aysan awoodi karin in ay ka qayb galaan hanaanka doorashooyinka waxayn waayi doonaan xuquuqda matalaada siyaasada, maadaama, taas oo macnaheedu tahay in tirada ugu badan Xildhibaanada Baarlamaan Federaalka ka imaan doonaan maamulada shabaabka gacanta ugu jirin sida Puntland iyo goobaha lamidka ah. Heshiis Siyaasadeedka waxaa ka muuqda hab-dhaqinki siyaasadihii Musuq-Maasuqa ee 1960..yadii jiray, waxaa xusid mudan 60 sano kadib in dib loo askumo Baarlamaan ay tusarufaan Beel gaar ah ee beelaha Soomaaliyeed kamid ah, iyadoo loo marayo HESHIIS QIYAANO DOORASHO AH, Waxaa kaloo ayaan daro kasii weyn ah in dhaqan galka heshiiskan ay hormuud ka yihiin siyaasiyiin kasoo jeeda DEEGAANADA KOONFURTA SOOMALIYA. Gunaanad. Waayaha iyo waqti lajooga waxaa dadka ka mas,uul ah inta damqashada iyo damiirka leh, kuma koobna masuuliyada shaqsiyaadka xilalka siyaasada haya kaliya, ee waxaa WAAJIB ku ah dhamaan inta wax garato in ay ka hortagto, HAGARDAAMADAN SIYAASADEED EE KUSOO FOOL LEH DHAMAAN UMADDA KU NOOL KOONFURTA IYO BARTAMAHA SOOMALIYA. Qore Abdirahim Ahmed dhageey Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Weeraro argagixiso ayaa laga cabsi qabaa in lala beegsado garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay ku digeen qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah iyo dalalka safaaradaha ku leh magaalada Muqdisho. Mareykanka iyo QM ayaa labadaba 48-kii saac ee lasoo dhaafay soo saaray digniinno xooggan oo ku saabsan in halis amni ay kusoo fool-leedahay garoonka caalamiga ah, waxayna ku baaqeen taxaddar dheeri ah. Waxa ay shaqaalahooda u direen in marka ay ka baxayaan garoonka ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, islamarkaana fishaan in waqti dheer ah ay garoonka uga baxaan maadaama baaritaan dheer la marayo. Hay’adaha amniga Soomaaliya ayaa sidoo kale ka war-haya halis kusoo wajahan garoonka, iyo qaraxyo ay qorshaynayaan Shabaabka, waxaana aad loo adkeeyey garoonka. Digniinahan ayaa imanaya ayada maanta la xusayo sanad guuradii koowaad ee qaraxii 14-ka October, 2017, oo ahaa qaraxii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya iyo Afrika. Waxaa qaraxaas ku naf waayey dad ka badan 600 oo qof. Waxaa maanta wada xiran dhammaan waddooyinka ka ag dhow ama gala garoonka, ayada oo sidoo kale amniga loo adkeeyey xuska maalintan. Isgoyska Zoobe ee qaraxa uu ka dhacay ayaan ka fogeyn garoonka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Baydhabo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Labo qarax oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaraxa Koowaad waxaa fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa, waxaana uu isku qarxiyey Hotelka Bilan oo dad badan ay ku sugnaayen, halka Qaraxa labaad uu ka dhacay maqaayadda Beder. Idaacada VOA oo xiganeysa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ayaa sheegtay in ku dhowaad 22 qof ay ku dhinteen Qaraxa, dhowr iyo soddon kalena ay ku dhaawacmeen. Wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbed Xasan Eelaay ayaa ciidamada ammaanka faray inay galaan feejignaan dheeraad ah, wuxuuna tilmaamay in lagu daba jiro raggii falkan soo qorsheeyay. “Ciidamada ammaanka waxaan fareynaa inay feejignaan dheeraad ah sameeyaan, waxaan ku daba jirnaa raggii falkan soo maleegay, ummadda magaalada Baydhabo waxaan ka codsaneynaa inay isku gurmadaan, qaraxyadan marna ma hakin doonaan horumarka degaanada Koonfur Galbeed.” Shabaab oo sheegtay masuuliyada qaraxyadii ka dhacay Baydhabo, waxey ku faaneen iney beegsadeen saldhig ciidan iyo hoteel uu leeyahay masuul horey uga tirsanaa dowladda Soomaaliya oo ay magaciisa ku sheegeen Fargeeti oo ka mid ah musharixiinta Koonfur Galbeed. Dhinaca kale, Ciidamada ammaanka Baydhabo ayaa wada howlgallo ballaaran oo ammaanka ay ku xaqiijinayaan, waxaana socda sidoo kale baaritaanka qaraxyadii dhacay. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkad diyaaradeed oo laga helay dalka Ethiopia ayaa shalay duulimaadkii ugu horreeyey muddo 41 sano ah ku tagtey magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya,taasi oo astaan u ah xiriirka soo xoogeysanaya ee labada dal. Diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopia National Airways [Ma ahan shirkadda weyn ee Ethiopia Airlines] ayaa cago-dhigatay garoonka Aadan Cadde, waxaana ay hadda kadib magaalada tagi doontaa afar maalmood toddobaadkiiba, sida ay saraakiil sheegeen. “Waa maalin taariikhi ah, innaga oo aan billownay duulimaad toos isugu xiraya Addis-Ababa iyo Muqdisho. Ma ahayn wax fudud, muddo badan ayaan isku dayeynay balse ugu dambeyn waan ku guuleysanay” waxaa sidaas yiri ninka iska leh shirkadda oo lagu magacaabo Abera Lemi. Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xariga ka jaray Duulimaadka cusub ee isku-xiraya Muqdisho iyo Addis Ababa. Duqa Muqdisho ayaa furitaanka kadib, tilmaamay in duulimaadkani uu yahay kii ugu horreeyey muddo afar sanno ah ee si ganacsi ah iskugu xiraya labada dalka. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa boggaadiyey ganacsatada ka shaqeysay howshan, isagoo xusay in tallaabadani ay wax weyn ka tarayso isku xirka labada dalka iyo horumarka ganacsiga. “Duulimaadkan isku xiraya Addis Ababa iyo Muqdisho waa mid baahi-weyn ay u qabeen shacabka Soomaaliyeed, waxaa ammaan iyo boggadin mudan dadkii ka shaqeeyey howshan, ka maamul ahaana waxaan mar walba garab taagannahay cid walba oo horumarka Caasimadda ka shaqaynaysa”.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka golaha iskaashiga maamul goboleedyada Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha HirShabelle ee ahaa in shir uu isaga ka maqan yahay oo ay yeeshaan madax goboleedyada uusan sharci ahayn. Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in Waare uusan hadda taagneyn boos uu kaga hadlo arrimaha maamul goboleedyada, maadaama maamulkiisa uu ka baxay golaha. “Waare isaga oo aan cidna ka saarin, ayuu ka baxay golaha iskaashiga, goluhuna waa ay aqbaleen, soona dhoweeyeen go’aankiisa shaqsiyeed, marka umaba banana inuu ka hadlo arrimaha golaha” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Xasan. Hoos ka daawo muuqaalka.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AMISOM Ambassador Francisco Madeira, ayaa sheegay in dowlada Somalia aysan wali dhameystirin cadadkii loogu tallo galay inay gaarsiiso ciidamada AMISOM kala wareegi lahaa amniga. Ambassador Francisco Madei, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay u muuqato mid culeysyo kala kulmeyso diyaarinta ciidamada AMISOM ay ku wareejin lahaayen amniga waxa uuna cadeeyay in baaritaano ay sameeyen ay ku ogaaden inuu hakat galay barnaamijydii lagu diyaarinaayay ciidamada. Francisco Madei oo ka hadlaayay shir khuseeyay amiga ayaa yiri “Amisom diyar ayey u tahay inay wareejiso amniga Muqdisho balse ma aragno dadaalkii aan fileynay ee ahaa in lala socdo diyaarinta ciidamada aan ku wareejin laheynay amniga” “Waxaa noo muuqda caajis iyo ka gaabin lagu sameynaayo dhameystirka ciidamada Somalia ee aan u gacan galin laheenay amniga waxaanu dooneynaa in lasii wado howsha maadaama uu wakhtiga nahaayo” Ambassador Francisco Madei, waxa uu tilmaamay in Somalia ay yeelatay ciidamo badan oo uu sheegay inay sugi karaan guud ahaan amniga dalka, balse ay u baahan yihiin in lasii xoojiyo tababarada ay heystaan. Sidoo kale, dowlada Somalia ayuu ugu baaqay inay la imaado qorsho ay ku xoojineyso ciidamada u sugi lahaa amniga, waxa uuna hubaal ku sheegay in AMISOM ay ka bixi doonaan Somalia. Haddalka Madei ayaa kusoo beegmaya xili ay dowlada Somalia ka gaabineyso qorshaha la wareegida amniga guud ahaan Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa magacaabay Xubnaha Golehiisa Wasiirada Cusub. Golaha Wasiirada Cusub ee maamulka Galmudug ee uu soo magacaabay Madaxweyne Xaaf ayaa ka kooban 25 Wasiir. Magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xili Madaxda ugu sareeysa Galmudug uu ka dhexjiro Khilaaf xoogan, kuwaasi oo haatan kala degan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud. Hoos ka akhriso magacyada wasiirada Maamulka Galmudug.
  10. Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa goordhow ku dhawaaqay golihiisa wasiirada ee maamulkaasi Gal-Mudug. Dhowr jeer oo ay dib u dhacday ayuu ugu dambeeyn madaxweyne Xaaf ku dhawaaqay goordhow golihiisa wasiirada ee maamulka Gal-Mudug. Madaxweyne Xaaf ayaa magacaabay 25 Wasiir. Hoos ka aqriso magacyada wasiirada la magacaabay. 1-Mudane Maxamuud Maxamed Samatar (Duran) Wasiirka wasaarada arimaha Gudaha Dib heshiinta iyo Dowladaha Hoose 2-Mudane Cabdi Maxamed Fiidow :Wasiirka Cadaalada iyo arimaha Garsoorka . 3-Mudane Saciid Siyaad Shirwac : Wasiirka Maaliyada iyo Hormarinta Dhaqalaha 4-Mudane Saadaq Sheikh Yuusuf Ibraahim: Wasiir Wasarada Amniga Gudaha 5-Mudane Cabdikaafi Maxamed Maxamuud: Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Xariirka Caalamiga ah 6-Mudane Cabdi Cabdimaciin Amaan Sheikh Cali: Wasiirka Dib u dajinta iyo daryeelka Agoonta iyo Naafada 7-Mudane Sharaf Maxamed Cali: Wasiirka Wasaarada Kaluumeysiga iyo kheyraadka Badda 8-Mudane Mahad Cabdulahi Xuseen: Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo guriyeenta 9-Mudane Ibraahim Xuseen Guurey: Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo warshadaha 10-Mudane Maxamuud Aadan Cisman :Wasiirka Wasaarada Warfaafinta 11-Mudane-cabdulaahi Cali Maxamed: Wasiirka Wasaarada Gadiidka cirka iyo Dhulka 12-Mudane Maxamed deeq cabdi Falko: Wasiirka Wasaarada Waxbarshada 13-Mudane Aadan Xasan Gardheere:Wasiirka Wasarada Boostada iyo isgaarsiinta 14-Mudane Axmed Dhiblaawe Casir:Wasiirka Wasarada Beeraha iyo xanaada xoolaha 15-Mudane Maxmed Xuseen Maxamed:Wasiirka Wasaarada biiada dhirta iyo daaqa 16-Naciimo Maxamed Maxmuud :Wasiirada Wasaarada Caafimaadka 17-Dahabo Cabdi Maxamed :Wasiirka Wasaarada Haweynka iyo Xaququl insaanka 18-Bashiir Maxamed aw cali Maxamed:Wasiirka Wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha 19-Abshir Cabdi Shiiqow :Wasiirka Wasarada Dastuurka 20-Axmed shire Maxamuud :Wasiirka Wasarada Biyaha iyo korontada 21-Daahir Shidane Cabdi:Wasiirka wasaarada Wasaarada Shaqada iyo Shaqalaha 22-Feysal Abshir Nuur :Wasiirka wasaarada Dakadaha iyo Gadiidka Badda 23-Cabdiraxiim Xaaji Faarax Xirsi :Wasiirka wasaarada Qurba Joogta dalxiiska iyo dhiiragalinta iyo maalgashiga 24-Asad Badal Cilmi Xaashi:Wasiirka wasaarada Gargaarka iyo Maareynta musiiboyinka 25-Abdishakuur Macalin Ciise Xashi:Wasiirka wasaarada Owqaafta iyo arimaha Diinta DHAMAAD Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxweynaha Gal-Mudug oo ku Dhawaaqay Golihiisa Wasiirada (AKHRISO) appeared first on Puntland Post.
  11. At least 16 people have been killed in Somalia in bombings that targeted a restaurant and a coffee shop, police say. Source: Hiiraan Online
  12. Canada is contributing $50-million to the United Nations Palestinian refugee agency – after the United States decided to stop funding what it called an “irredeemably flawed” organization. Source: Hiiraan Online
  13. Baydhaba (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu wali kasoo baxayaa laba Qarax oo ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Qaraxyada ayaa galaaftay dad isugu jiray shacab iyo shaqaalaha maamulka kuwaa oo xiliga Qaraxa ku kala sugnaa laba goob oo aad u mashquul badnaa. Qaraxa koowaad ayaa lagu weeraray Hoteel la yiraahdo Bilan, halka midka kale uu ahaa nin isku soo xiray walxa qarxa uu isku qarxiyay Goob maqaaxi ah oo lagu magacaabo Beder isla markaana ku taalla bartamaha magaalada Baydhabo. Afhayeen Maamulka Koonfur galbeed Somalia oo goordhow lahadlay idaacada Knn ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in dhimashada ay korortay oo ay tahay 17, isla markaana ay ku dhowdahay labaatan ruux, halka dhaawaca uu gaaray 50 qof. Waxa uu Afhayeenka intaa raaciyay inay jiraan dad goobta looga qaaday garaab ahaan oo markii danbe ku geeriyooday xarumaha Caafimaadka waxa uuna sidoo kale sheegay inay suuragal tahay in khasaaraha dhimasho uu sii kordho. Waxa uu ka gaabsaday in dadka la beegsaday ay ku jireen mas’uuliyiin ama shaqaale maamul, waxa uuna si dadban u tilmaamay in Qaraxa loo siman yahay. Qaraxyadan waxay ku soo aadeen xilli galabta magaalada Baydhabo kulan taageero uu ku qabsanayay musharax madaxweyne Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.
  14. Kismayo (HOL) - A consultative conference between two major clans living in Jubaland was concluded this week at Hawo-Tako Hotel in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  15. Baydhabo (PP) ─ Ugu yaraan 15-qof ayaa ku dhintay, in ka badan labaatan ruux oo kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo is-xigay oo maqribnimadii caawa ka dhacay magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay. Qaraxyadan ayaa waxay kala ahaayeen mid uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo lala beegsaday maqaayad laga cunteeyo iyo bam ah kuwa gacanta laga tuuro oo isna lagu weeraray hoteel halkaas ka dhawaa. “Waxaan arkay dhimashada in ka badan 15-qof, waxaana jiray dhaawacyo kala duwan oo la dhigay isbitaalka Baydhabo, runtii Qaraxyadan aad ayay u argagax-geliyeen shacabka Baydhabo ku nool,” ayuu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah saraakiisha amniga maamulka Koonfur-galbeed. Baydhabo oo ah xarunta maamulka Koonfur-galbeed Somalia ayaa 245-km dhanka galbeed kaga beegan Muqdisho, waxaana magaaladaas ay xilliyadii ugu dambeeyay isku diyaarinaysay inay ka dhacaan doorashooyin lagu soo xulanayo madaxweynaha cusub ee maamulka ay xarunta u tahay. Ururka Al-shabaab ayaa durba sheegtay inay mas’uul ka yihiin weeraradii ka dhacay Baydhabo, iyagoo sheegay inay ku dileen xubno muhiim ah, inkastoo aysan xusin magacyadooda iyo darajadooda. Maamulka Koonfur-galbeed ayaan weli ka hadlin weerarkan iyo khasaaraha kasoo gaaray shacabka, waxaana tani ay imaanaysaa iyadoo Rooboow oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee Al-shabaab balse kasoo goostay uu Baydhabo ka wado olole uu ugu ordayo hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed. Doorashada lagu wado inay ku tartamaan xubno ay ka mid yihiin Sheekh Rooboow iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka dhici doonta magaaladaas 17-ka bisha soo socota ee November, iyadoo ololayaal is-barbar-socda ay ka socdaan magaaladaas. Ugu dambeyn, Amniga Guud ee magaalada Baydhabo ayaa caawa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la hakiyay isku socodka gaadiidka iyo dadka, iyadoo ay ku sugan yihiin goobihii ay qaraxyadu ka dhaceen ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur-galbeed iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM. PUNTLAND POST The post FAAHFAAHIN: Khasaarihii ka dhashay labadii Qarax ee ka dhacay Magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  16. A suicide bomber detonated in the middle of a restaurant in the Somali town of Baidoa, leaving at least seven people dead, police said Saturday. Source: Hiiraan Online
  17. At least three people were killed when two suspected suicide bombers struck separately in the southern Somali city of Baidoa on Saturday, police said. Source: Hiiraan Online
  18. Baydhabo (Caasimadda Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda silsilado qaraxyo ah oo caawa maqribkii ka dhacay magaalada Baydhabo. Al Shabaab waxay sheegtay in laba weerar ay ku beegsatay Saldhig ciidan iyo Hoteel uu lahaa Mas’uul horay uga tirsanaa dowladda Federaalka hadane ah siyaasi uu damac uga jiro qabashada xilka madaxweynanimada Dowladda Federaalka Soomaaliya. “Laba weerar ayay Shabaab ka fuliyeen Magaalada Baydhabo kan koowaad waxaa lagu beegsaday hotel uu leeyahay Nin lagu magacaabo Fargeeti oo ka tirsan mas’uuliyiintii soo maray Dowladda Soomaaliya hadana u sharaxnaa xilka hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed halka weerarka kale lagu beegsaday saldhig ku dhow Afar Irdoodka Baydhab” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab. Wararka ayaa intaas ku daraya in khasaara lixaad leh ay ka dhasheen qaraxyo is xigxigay oo gabaldhicii maanta ka dhacay bartamaha Baydhabo, goobta qaraxyado ka dhaceen waxaa gaaray ciidamo aad u farabadan oo katirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed. Al Shabaab waxay sheegtay in dad ka badan 20 qof oo ay kamid yihiin saraakiil caan ah ay ku dhinteen qaraxyadii Baydhabo ka dhacay, weeraradan ayaa imaanaya xilli xarunta gobolka Bay ay la ciir ciirayso siyaasiyiin xildoon ah oo u taagan xilka Madaxweynimo ee Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
  19. The Norwegian Government announced a commitment of NOK 450 Million ($54.3 million) to support the reconstruction, reform and development process in Somalia. Source: Hiiraan Online
  20. Baydhaba (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa laba Qarax oo ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay. Jugta qaraxyada, waxaa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada, waxaana la maqlayay sidoo kale rasaas culus iyo dhawaqa Gawaarida Ambalaaska. Labada qarax ayaa midi waxa uu ka dhacay meel ku dhow Hotel-ka Bilan, halka qaraxa labaad uu ka dhacay bannaanka maqaayadda Badar. Labada goob ee qaraxa uu ka dhacay ayaa waxay isku jiraan qiyaastii 5km. Dadka ku sugan Baydhabo, waxey soo sheegayaan in qaraxyada oo aan daqiiqado badan u dhexeyn ay dhaliyeen khasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawacba leh. Warar dheeraad ah ayaa soo sheegaya inuu kordhay khasaaraha dhimasho ee Qaraxyada waxaana ku dhintay inta la ogyahay 15 Qof, halka dhaawacana uu intaasi ka badanyahay. Qaraxyadan waxay ku soo aadeen xilli galabta magaalada Baydhabo kulan taageero uu ku qabsanayay musharax madaxweyne Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur. Qaraxyadan ayaa muujinaya heerka amni ee magaalada Baydhabo iyada lagu guda jiro abaabulka iyo diyaar garowga ku aadan doorashada la qorsheeyay inay dhacdo 17-ka November ee sanadkan. Geesta kale, xaalada Magalada baydhabo ayaa Caawa ka duwan sidii saakay waxaana lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa booliska Koonfur Galbeed oo goob walba xiray. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
  21. MOGADISHU (Caasimada Online)—At least ten people have been killed and 15 others injured in twine bomb explosions in Baidoa town, some 250km southwest of Somali capital Mogadishu. The first explosion went off a suicide bomber blew himself up at Badar restaurant in Baidoa town in southwestern Somalia, killing ten people, a witness said. He says the 2nd blast was heard after unknown gunmen hurled grenade bombs into Bilan hotel in the town, causing untold number of casualty. Heavy bursts of gun shots could be heard through the town, he said. The victims are being carried by ambulances, after arriving at scene of the explosions. There was no immediate claim of responsibility for Saturday’s explosions. The al-Qaeda-linked al-Shabaab extremist group often carries out deadly bombings in high-profile areas of Somalia’s capital, Mogadishu, and elsewhere. The Islamist militant group al-Shabaab, which battled for control of the capital from 2006 onwards, banned forms of public entertainment like movies and musical ringtones in areas under their sway. Somalia has been mired in turmoil since warlords toppled dictator Mohamed Siad Barre in 1991, leaving militants, militia groups and clan leaders all fighting for control of parts of the anarchic country. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  22. War deg deg ah oo goordhow naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi goordhow ay ka dhaceen labo qarax. Labadaan ayaa qarax ayaa lagu kala weeraray goobo Hoteel iyo maqaaxi ah magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Qaraxyada ayaa mid kamid ahaa ruux isi soo miidaamiyay oo isku qarxiyay goob maqaaxi ah bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi oo dhacay goordhow. Sawiro laga soo qaaday goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa qoorkood mudneeyn in bulshada la la wadaago oo dad goo go’an oo u badan shacab ayaa muuqanayay. Wixii ku soo kordha dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Labo Qarax oo ismiidaamin ah oo ka dhacday Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (PP) ─ Qaraxyo aad u culus ayaa la sheegay inay goor-dhaw ka dhaceen maaalada Magaalada Baydabbo ee xarunta maamulka Koonfur-galbeed, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen. Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadan ay ahaayeen laba, kuwaasoo mid ka mid ah loo adeegsaday gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay, iyagoo ka Hoteel caan ah iyo maqaayad ay shacabku ku badnaayeen. Sidoo kale, Wararka ayaa waxay sheegayaaan inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay Qaraxyada, inkastoo aysan jirin cid ka hadashay Qaraxyadan iyo khasaaraha ay geysteen. Qaraxyadaan, ayaa imaanayaa iyadoo xilliyadii u dambeeyay uu ammaanka magaalada Baydhabo ahaa mid aad u wanaagsan, iyadoo goobta ay labada qarax ka kala dhaceen ammaankeeda la adkeeyay, mana jirto cid illaa hadda sheegatay mas’uuliyadda Qaraxyadan. Ugu dambeyn, Qaraxyadan ayaa lagu soo beegay iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay Baydhabo ka billowdeen ololaha Doorasho madaxnimo oo dhici doona bisha soo socda, ayna ku tartamayaan xubno uu ka mid yahay Sheekh Mukhtaar Rooboow oo ka mid ahaa madaxdii hore ee Al-shabaab. Wixii warar ah ee kasoo kordha Qaraxyadan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee Puntland Post haddi ALLE idmo. PUNTLAND POST The post Qaraxyo Ismiidaamin ah oo goor-dhaw ka dhacay Magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA, Xuseen Cusmaan Xuseen (Uurkuus), ayaa si rasmi ah isaga casilay xilka, sida ay goor-dhow shaacisay hay’adda. Qoraal ay soo dhigtay barta twitter-ka ayey NISA ku tiri “Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13/10/2018, sababo asaga u gaar ah owgeed warqadiisa iscasilaada u gudbiyay Madaxwaynaha JFS.” Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13/10/2018, sababo asaga u gaar ah owgeed warqadiisa iscasilaada u gudbiyay Madaxwaynaha JFS. — NISA (@HSNQ_NISA) October 13, 2018 Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in taliye Xuseen Cusmaan Xuseen la filayo inuu isku sharxo xilka madaxweynaha maamullka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, oo doorashadiisa ay dhici doonto bisha soo socota. Taliye Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa toddobaadkii tegay gaaray Baydhaba, halkaasi oo uu kula kulmay Mukhtaar Roobow kana codsaday inuusan is-sharxin. Si kastaba, Roobow ayaa ku gacan seeray, taasi oo dhalisay in dowladda ay fasaxdo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhagax dhigay xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka ayaa ku ammaanay shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda sida ay u soo ajiibeen baaqiisa ku saabsanaa in laga wada qeyb qaato Olalaha Isxilqaan ee dalka dib loogu dhisayo. Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay karti iyo awood u leeyihiin dib u soo celinta xarumihii danta guud iyo bilicdii uu ku tilmaamnaa dalku. “Maanta waa maalin weyn oo muujinaysa sida ay nooga go’an tahay in aan dalkeenna dib u dhisanno. Macno weyn ayey leedahay in halkan ay ka bilaabato howlaha dib u dhiska Xarunta Golaha Murtida, isla markaasna aan u gudubno dayactirka iyo dib u dhiska goobaha kale ee guud ahaan dalka.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay Tiyaatarka Qaranka, isagoona kula kulmay qaar ka mid ah hormuudka bahda fanka iyo Hobollada Waaberi. Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay sugaanyahannada Soomaaliyeed in ay kaalintooda ka qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ee caadaystay dhibaataynta dadka Soomaaliyeed, maadaama suugaantu ay wacyi gelin iyo dhaxal reebba u tahay shacabka. Ugu dambeyn, Munaasabadda dhagax dhigga dhismaha Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka waxaa ka soo qeyb galay Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo: Dhamaanteen waxaa naga go’an inaan dalkeenna dib u dhisanno appeared first on Puntland Post.