Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,507
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - The death toll in Friday's twin bomb attack has risen to 45, according to senior government officials and hospital sources. Source: Hiiraan Online
  2. Mogadishu (HOL) - The death toll in Friday's twin bomb attack has risen to 45, according to senior government officials and hospital sources. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Munaasabad uu xilka kula waregayay Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho,taasi oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka amniga,taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo mas’uuliyiin kale. Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa kula dardaarmay taliyaha Booliska in uu si hufan u guto waajibaadkiisa shaqo. Taliyaha cusub ee Ciidamada Booliska Jen. Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ayaa horay uga mid ahaa Taliye kuxigeenada Ciidanka Booliska. Golaah Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa 19-kii bishan waxaa ay magacaabeen Taliyeyaasha Booliska,Nabadsugida iyo Asluubta,waxaana sidoo kale dhawaan xilkiisa la wareegay taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka,iyadoo sidoo kale lafilayo in dhawaan uu xilkiisa isna la wareego S/guud Bashiir Maxamed Jaamaca oo loo magacaaby taliyaha Ciidanka Asluubta. xilwareejintaan ayaa imaanaysa xili amaanka muqdisho uu yahay mid aan la isku halaynkarin waxaana shalay galinkii danbe dhacay qaraxyo iyo weeraro oo laga maqlayay magaalada oo dhan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Taliyaha Cusub Ee Ciidamadda Booliska Soomaaliya Oo Maanta Xilka La Wareegay appeared first on Caasimada Online.
  4. Mogadishu (HOL) - At least one government soldier and a civilian have been killed and two others seriously wounded after African Union troops opened fire on a NISA-manned checkpoint in the heart of Mogadishu on Friday evening, Abdulaziz Ali Ibrahim "Xildhiban", adviser of the Internal Security and Spokesman of the Ministry, told HOL. Source: Hiiraan Online
  5. Mogadishu (HOL) - At least government soldier and civilian have been killed and two others seriously wounded after African Union troops opened fire on a NISA-manned checkpoint in the heart of Mogadishu on Friday evening, Source: Hiiraan Online
  6. Jabuuti (PP) ─ Xisbiga haya talada Jabuuti ee UMP ayaa ku guuleystay doorashadii Baarlamaanka dalkaas ee shalay dhacday, isagoo helay in ka badan 81% codadkii ay shacabka dalkaas dhiibteen. Xisbiyada kale ayaa dhankooda helay 18%, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha gudaha dalka Jabuuti, waxaana doorashadan ay noqonaysaa mid ka mid ah doorashooyinka hoggaanka dalkaas. Xisbiga UMP ayaa mar kale sii Xajistay Aqlabiyada Baarlamaanka, iyadoo cododka ugu badan ka helaan degmooyinka Cali Sabiix, iyo Tajourah. Halka mucaaradkuna ay ka oradyeen degmooyika Carta, Obokh iyo Dikhil. Balse, Qaar ka mid ah Xisbiyada Mucaaradka dalka Jabuuti ayaa sheegay in doorashadau ay tiro dhawr jeer codeeyeen ciidamada millateiga dalkaas, inkastoo ay xukuumaddu beenisay. Wasaaradda Cadaaladda Jabuuti ahn sii hayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, ayaa sheegay in eedeymaha kasoo yeeray Mucaaradka ay yihiin kuwo aan sax ahayn, isagoo sheegay in ruux walba oo reer Jabuuti ah uu xaq u lahaa inuu mar keliya codeeyo, iyaguna ay mar qura codeeyeen. “Waa laga wanaagsan yahay in ciidamada la eedeeyo, ciidamadu sida uu sharcigu qabo waxay codeeyeen mar qura, mana jirto askar ku laabatay inay marar kale codeeyaan, ciidankuna waa kuwii aan dartood ku hurdaynay,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka cadaaladda Jabuuti isla markaana ah sii haya xilka wasiirka arrimaha gudaha. Ugu dambeyn, Xisbiga ugu weyn isbaheysiga mucaaradka Jabuuti ee MRD, ayaa horay u Qaadacay Doorashadaan, iyagoo shaki geliyay Xalaalnimada hanaanka doorashada Jabuuti. PUNTLAND POST The post Xisbiga xukuma Jabuuti oo ku Guuleysatay Aqlabiyadda Doorashooyinkii Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  7. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xassan Cali Kheyrre iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maalinta berri ah ku wajahan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta,sida uu xaqiijiyay mas’uul ka tirsan Villa Soomaaliya. Safarka Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa ay ku tegayaan waddanka Imaaraadka Carabta ayaa salka ku haya xoojinta xiriirka labada dal oo mugdi ku jiray tan iyo markii xukuumadda Soomaaliya ay go’aan dhexdhexaadnimo ah ka qaadatay khilaafka Gacanka,sida uu PUNTLAND POST u sheegay sarkaal ku sugan Villa Soomaaliya oo diiday in magaciisa la xuso. Warar qaar ayaa sheegaya in dowladda Imaaraaadka Carabtu ay aad uga carootay askar la sheegay in Qadar ka qoranayso gudaha Soomaaliya,iyadoo aan weli xal laga gaarin khilaafka ka aloosan Gacanka Carabta,taasoo sii xumaysay xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya. Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya magaalada Muqdisho ayaa dhowaan la kulmay madaxweynaha Soomaaliya,waxaana kulankooda looga hadlay wanaajinta xiriirka labada dhinac,sida lagu sheegay qoraal xilligaasi lagu daabacay Wakaaladda Wararka WAM. Sannadkii tegay,qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeeyay in ay xasarad iyo colaad ka hurinayso gudaha Soomaaliya,iyagoo dowladda u soo jeediyay in la eryo safiirka dalkaasi ujooga Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Kheyrre oo berri u safraya Dubai. Waa maxay ujeedka socdaalkiisa? appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho-(Caasimadda Online)-Tirada dadkii ku dhintay Qarax iyo is rasaaseyn xalay ka dhacday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa gaartay 30 ruux. Qaraxyadaan oo loo adeegsaday gawaarida laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa oo ay ka dambeeyeen rasaas aad u xoog badan. Maamulka Isbitaal Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay tirada dhimashada iyo dhaawaca ah ee xalay ilaa saaka la geeyay Isbitaalkaas. Madaxa Caafimaadka Isbitaal Madiina C/Qaadir Xuseen Maxamed ayaa u sheegay Warbaahinta in meydadka 29 Qof oo labo ka mid ah ay Isbitaalka ku dhinteen la geeyay halka dhaawaca hadda ku jira uu gaarayo 11 Qof. Dhimashadan waxaa ay ka duwan tahay tii horay loo shaaciyay oo ahayd 20 qof oo dhimasho ah,iyada oo Isbitaallada kale ee Magaalada Muqdishana la geeyay tiro dhimasho iyo dhaawac ah. Saaka ayey ahayd markii Meydadka ilaa shan qof lagu arkay agagaarka Isgyoska Sayidka ee Magaalada Muqdisho,halkaas oo ahayd meesha uu ka billowday dagaalkii tooska ahaa ee u dhaxeeyay Ilaalada Madaxtooyada iyo ciidamadii Al-shabaab ee weerarka ku qaaday. Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay fashiliyeen qaraxyadaasi oo ay ku tilmaameen in mid ka mid ah uu ka dhacay meesha gawaarida la dhigto ee hoteelka Dorbin oo horey u ahaan jiray Baar FIAT. Dadka ku dhintay weerarradan ayaa isugu jiray, Rayid, Askar iyo xoogag ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Tiradda dadkii ku dhintay qaraxyadii Muqdisho oo sii korortay appeared first on Caasimada Online.
  9. Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa maanta shir wada-tashi ah u qabatay shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlayay sida ugu habboon ee loo hirgelin karo Sharciga Isgaarsiinta Qaranka oo la ansixiyay sanadkii hore. Waxaa shirka lagu soo bandhigay qorshaha dhismaha Hay’adda oo ay ku hawlan yihiin khubaro Soomaali ah, oo farsama ahaan kala talin doona Hay’adda hannaanka dhismaha koowaad. Maamulaha Machadka Heritage, Mudane C/rashiid Khaliif, oo hay’addiisu oo ay shaqo-wadaag yihiin shirkadda caalamiga ah ee Kalba, ay Wasaaradda kala talineyso dhismaha Hay’adda ayaa sheegay in isgaarsiinta Soomaaliya ay maanta haysato fursad qaali ah, sida madax dhinaca Wasaaradda iyo dhinaca Hay’adda oo aqoon iyo karti leh, aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka shaqeynaya dhismaha iyo bahda isgaarsiinta oo u heellan inay la shaqeeyaan. Maareeyaha cusub ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Golaha Wasiirrada, iyo gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda, Md. Eng Cabdi Cashuur iyo ku-xigeennadiisa kalsoonida ballaaran iyo xilka culus ee ay ku aamineen, wuxuuna ballan qaaday in uu si ammaano leh uga soo bixi doono masuuliyaddaas loo xil saaray. Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa u sheegay ka qeybgalayaasha Shirka in Wasaaradda ay dhaqan u tahay inay mar kastaba la tashato bahda isgaarsiinta sidii loo nidaamin iyo horumarin lahaa isgaarsiinta Soomaaliya si wanaagsanna loogu daryeeli lahaa danta macaamiisha iyo dalkaba. Sidoo kale wasiirku wuxuu warbixin ka bixiyay waxyaabaha ay Wasaaraddu ka qabatay ansixinta sharciga, isagoo xusay in hawlaha hadda yaalla ee la xiriira dhismaha Hay’ada Isgaarsiinta Qaranka inaysan ka culeys yaraan doonin hawshii lagu guuleystay ee ansixinta sharciga. Ugu dambeyntii wasiirka ayaa soo dhoweeyay Mudane Cabdi Sheekh Axmed, oo dhowaan uu Golaha Wasiirradu ansixiyay inuu noqdo maareeyihii ugu horreeyay ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, isagoo uga mahad celiyay madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada kalsoonida ay ku aamineen maareeyaha cusub, wuxuuna ballan qaaday in Wasaaraddu la shaqeyn doonto maamulka cusub ee loo soo dhisi doona Hay’adda. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta oo shir wada-tashi ah u qabatay shirkadaha Isgaarsiinta appeared first on Puntland Post.
  10. Taliska nabad galyada wadooyinka Puntland ayaa soo gabagabeeyay baaritaan qaatay 24 saac oo y ku eegayeen masuuliyadda shil geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo shalay subax ka dhacay inta udhexeysa magaalada Garowe iyo tuulada Falaryaale ee gobolka Sool. Shilkaas ayaa waxaa ku dhintay 4 qof halka 7 kale ay ku dhawacmeen, waxaa sidoo kale ku burburay gaari Bas ah oo ay lahayd shirkada safarada Dalmar City. Warsidaha Puntlandi ayaa ogaaday in taliska ciidanka Taraafikada uu masuuliyadda shilkaas dusha uga tuuray mid kamid ah gaadiidka dagaalka Puntland oo ay isku dhaceen gaariga Baska ah, waxayna sheegeen in gaariga ciidanku uu si qalad ah usoo galay Seedka uu lahaa gaariga kale. Wuxuu ahaa mid kamid ah shilkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca wadada xiriirisa Garowe iyo Laascaano oo kamid ah meelaha ugu badan ee shilalku ka dhacaan. Puntlandi.com
  11. HARGEISA–A delegation led by Ethiopia’s minister of transport, Hon. Ahmed Shide arrived in Hargeisa yesterday. The Ethiopian delegation will stay in Hargeisa for couple of days as they will hold bilateral trade talks with Somaliland officials in order to further implement the terms of a deal signed between the two countries. Somaliland authority inked a deal with Ethiopia pertaining to the use of Berbera port which Dubai Ports World assumed managing the port. Ethiopia agreed to take 19 percent share of Berbera port investment where it will bank on its import and export. The transport minister and his delegation were greeted at the airport by country’s foreign minister, Dr. Sa’ad Ali Shire and is due to meet with Somaliland’s Head of State, H.E. Musa Bihi Abdi.
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Turkiga ayaa cambaareysey Weerarradii ugu danbeeyay xalay ka dhacay qeybo ka mid magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka madaxtooyada Soomaaliya. War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in dowladda Turkiga ay ka qeyb qaadan doonto sidii loo caawin lahaa dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyaddaasi. “Turkigu wuxuu sii wadayaa wadashaqeyntiisa adag ee kala dhaxeysa xukuumadda iyo dadka walaalaha ah ee Soomaaliya marka la eego weerarrada argagixisada ee lagu beegsanayo xasiloonida Soomaaliya,” ayaa lagu yiri hadal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Turkiga. Qaraxyada xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa yimid maalin uun kaddib markii ay gollaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ka digeen weerarro laga yaabo in ay ka dhacaan caasimada. Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka iyaga oo sheegay in ay qaateen xoogag iyaga ka tirsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dowladda Turkiga oo war rasmi ah kasoo saartay qaraxyadii iyo weeraradii Xalay Muqdisho ka dhacay appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kursi ka mid ah kuwa ka banaan Golaha shacabka Soomaaliya islamarkaana ay ku tartamayeen musharrixiinta kala ah .Musharax C/raxmaan Axmed iyo Musharax Fatxi Saciid Xasan Baaqashada doorashada ayaa timid kaddib markii muran uu kala dhexgalay Ergada ka qeybgeleysay Doorashada iyada oo 21 ka mid ah Ergada ay ka baxeen doorashada. Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Madaxa banana Xaliimo Ismaaciil( Xaliimo yareey) ayaa shegtay in doorashadaas dib loo dhigay isla markaana waqtiga kale ee la qabanayo ay dib ka soo sheegi doonaan. Ergada Musharrax Fatxi Siciid Xasan oo uu kursigan aabbihii ka geeriyooday ayaa la sheegay in ay isaga baxeen doorashada iyada oo sidaasna ay ku baaqatay. Kursigaan ayaa waxa uu ka mid ahaa laba ka mid ah Kuraasta banaan ee Golaha Shacabka,waxana sidoo kale jira in uu weli banaan yahay kursigii uu ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Marxuum Bootaan Ciise Caalin oo kas oo jeeda deeganada Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Faahfaahin ku saabsan muran xooggan oo ka dhashay Doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya Isgoyka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan Dowlada Soomaaliya uu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo seybiyaano. Ciidamada dagaalamay ayaa ah ciidamo Booliis ah iyo kuwa Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya, kuwaas la sheegay in dagaalkooda uu ka danbeyo kadib markii labada ciidan uu soo kala dhax galay is fahmiwaa kaas oo sababtay in ay isrisaaseeyaan ciidamadaasi. Sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joogayaal oo la hadlay KNN ayaa khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ku sheegeen sedax Askari Booliis ah, majiraan warar intaas dhaafsiisan oo sheegaya in khasaaraha uu intaas ka badan yahay. Saraakiisha ciidamadaan dagaalamay oo aan la xariirnay ayaa inoo suura gali wayday in aan helno si ay noogu xaqiijiyaan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaas iyo waxa dhaliyayba. Ilaa iyo hadda majirto cid ka hadashay dagaalkaas oo u dhaxeeya ciidamadaan kawada tirsan Dowlada Soomaaliya. Waxaana hadda dagan goobihii dagaalka uu ka dhacay oo muddo daqiiqado ah ha kad gilisay ganacsiga iyo isu socodka dadka gaadiidkaba. Waxaa la aaminsan yahay inuu dagaalka sababay dareeskii ay Shabaab xalay soo xirteen markii ay weerarada fulinayeen oo ahaa kuwa Booliska ah, waxaana weli taagan shaki ku aadan inay Shabaab mar kale sidaas sameeyaan; Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Dharkii Booliska oo ay Al-Shabaab xalay soo xirteen oo sababay dagaal Muqdisho ku dhex maray Ciidamo …. appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maalinta berri oo Axad ah lagu wadaa inuu u ambabaxo dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, kaddib casumaad rasmi ah oo uu ka helay Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta. Booqashada Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Imaaraadka Carabta ayaa soo baxday, kaddib ka qeyb galkiisa shirkii Davos ee Switzerland bishii hore oo ay isku arkeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta. Inta uu ku sugan yahay Ra’iisul Wasaare kheyre Imaaraadka ayaa waxa uu la kulmi doonaa Masuuliyiinta dalkaas,isaga oo kala hadli doono xoojinta xiriirka labada dal oo hoos u dhacay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay dowladda Soomaaliya dhex dhexaad ka noqtay Khilaafkii Wadamada Khaliijka. Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay in uu ku lug yeeshay xaalada Siyaasadeed ee dalka,waxaana tani ay sahli kartaa in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu sameeyay furfures Siyaasadeed. Xiriirka Villa Somalia iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxooga mugdi galayay, tan iyo wixii ka dambeeyay markii siyaasiyiin ku xiran Imaaraadka ay mucaarado xooggan ku fureen dowladda Soomaaliya iyo mowqifkii dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka Khaliijka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxay tahay sababta ka dambeyso safarka uu Kheyre Berri ku aadayo dalka Imaaraadka Carabta? appeared first on Caasimada Online.
  16. ONE GOAL tells the inspiring story of a city and its high school soccer team—the Blue Devils of Lewiston, Maine—and how their quest for a state championship title united a city that had undergone dramatic change after thousands of Somali refugees resettled there. Source: Hiiraan Online
  17. NAIROBI - She was christened Samantha, but her delighted Kenyan parents quickly nicknamed their tiny daughter “Pendo,” which in KiSwahili means “Love.” Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Xalay fashilmay weerar qorsheysan oo ay Shabaab kusoo qaadeen Jidadka hormaro Madaxtooyada Villa Somalia iyo Isgoyska Jubba. Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabakadda Caasimadda Online u xaqiijiyey in Ciidamadii ku sugnaa Isgoyska Sayidka iyo agagaarka Madaxtooyada ay si weyn u fashiliyeen Kooxdii ka tirsaneyd Shabaab oo weerarka soo qaaday kuwaas oo doonayey inay weeraradaan Xarunta madaxtooyada. Dabley hubeysan oo saarneyd gaari ayaa ka soo gudbay koontaroolka Sayidka, halkaasoo ay ku dileen askari ku jiray hubinta gaadiidka mara wadadaas, waxaana kaddib gaariga uu u soo dhaqaaqay wadada hormarta Taaladii Dhagaxtuur iyo Masaajidka Isbaheysiga, halkaasoo dabley hubeysan ay uga dageen. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ee ku sugnaa Koontaroolka dhanka Hotel SYL ayaa rasaas ku furay gaariga, kadibna qarxay, waxaana markii dambe is rasaaseyn ay ka bilaabatay inta u dhaxeysa Taalada Dhagaxtuur iyo dhabarka dambe ee Hotel Siyaad. Dableyda hubeysan ayaa la sheegay in qorshahooda ahaa inay Madaxtooyada ka weeraraan dhanka Albaabka xiga Hotel SYL, inkastoo aanay u suura gelin oo iska caabin adag kala kulmeen Ilaaladii ku sugneyd. Is rasaaseyn oo muddo socotay ayaa Ciidamada ammaanka waxay ku toogteen illaa afar dabley hubeysan oo xirneyd dhar loo ekeysiiyay dareyska Ciidamada Booliska. Maxamed Nuur Xuseen oo ah aqoonyahan dhanka Ciidamada ayaa Shabakadda Caasimadda Online u sheegay inay tahay in ciidamada dowladda lagu amaano tallaabada wanaagsan oo ay kaga hortageyn ciidamadii doonayey inay dhibaateeyaan dadka Shacabka ah. ” Waxaa muuqato inay Ciidamada dowladda tallaabo wanaagsan qaadeyn, waxay si geysinimo leh u muujiyeen inay yihiin ciidamo u taagan badbaadinta shacabkooda” ayuu yiri. Wuxuu kaloo sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay abaalmariso ciidamadii ka hor tagay falkaas, si gaar ahna wuxuu ku taliyey inay dowladda kafaalo qaado qoyskii uu ka geeriyooday Labo Alifle Bishaar oo ah askari ku geeriyooday weerarkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Kaalin noocee ah ayey ciidamada dowladda ka qaateen in la fashiliyo weeraradii Xalay? appeared first on Caasimada Online.
  19. Shuayb Harris gave judge heartfelt tribute about "vibrant and loving mum-of-two" who spent all her money on clothes and toys for her children Source: Hiiraan Online
  20. WASHINGTON — After boycotting presidential elections in 2016, Djibouti’s main opposition party, the Movement for Democratic Renewal and Development (MRD), says it will not participate in legislative elections Friday Source: Hiiraan Online
  21. Recently, I was moved from Ministry of Information in the Somali Federal Government where I served as a Minister for Information, Culture & Tourism to a new post as the Mayor of Mogadishu and the Governor of Banadir region, which has at least 3 million residents. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qaraxyo iyo dagaal xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Xarunta Villa Somalia iyo eeryada xarunta weyn ee Hay’adda Nabadsugida Somalia. Maleeshiya hubeysan oo ka tirsan al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday wadada u dhaxeysa isgoyska Sayidka iyo Hotelka SYL, gaar ahaan Taalada Dhagaxtuur oo ku dhow Villa Somalia. Weerarka inta uu socday ayaa waxa dhacday 2 qarax, midka koowaad ayaa ka dhacay Taalada Dhagaxtuur, halka kan kalena uu dhacay isgoyska Jubba, gaar ahaan Hotelka Dorbin oo dhinaca ku haya xarunta weyn ee NISA. Qaraxyada iyo Dagaalka ku dhawaad qaatay saacad ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh. Dhimashada ayaa iminka mareysa 22 qof, halka dhaawacana uu gaaray 24 ruux oo ay ku jiraan ciidamo iyo dad shacab ah. Mid kamid ah Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyay in Saqdii dhexe ee xalay lasoo gaarsiiyay dhaawacyo ay rasaasta ugu tagtay goobahooda Ganacsi. Sarkaal ka tirsan Wasaarada Amniga ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka inta uu dagaalka socday ay toogteen Shan oo uu sheegay in ay ahaayeen raggii weerarka soo qaaday, weerarkana isla xalay la soo afjaray. Sidoo kale, waxaa xalay ilaa Saaka xiran wadooyinka qaar ee Muqdisho,gaar ahaan goobaha ay weeraradu ka dhaceen. Dadka shacabka ah qaarkood ayaanay xalay u suuragelin in guryahooda u soo hoydaan, maadaama ay joogeen goobaha loo dalxiistago, wadooyinkana ay ku xirmeen oo ay waayeen meelo ay soo maraan. Dhinaca kale, waxaa weli jira cabsi laga qabo in maleeshiyaadka al-Shabaab ay weeraro kale ka geystaan magaalada Muqdisho. The post Sawiro: Maxaa kala socotaa saameyntii uu reebay qarixii ka dhacay Isgoyska Jubba? appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) _ Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weeraro isugu jiray is qarxin iyo mid toos ah oo xalay ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana weeraradan ka dhashay khasaaro xoogan. War laga baahiyay Idaacada afka Al Shabaab ku hadasha ayaa lagu sheegay in weerarkii xalay uu ahaa mid isku xirnaa ayna fuliyeen rag hubeesan oo kooxdaasi katirsanaa, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in weerarkaasi ku dileen 35-qof ay ku jiraan saraakiil iyo askar . Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in qaar kamid ah ragii hubeesnaa ee weerarka ka geestay agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyaga oo nool dib uga soo laabteen aagaasi kadib dagaal ay la galeen ilaalada Madaxtooyada. “Ugu yaraan 35 kamid ah saraakiisha murtadiinta ayaa ku dhintay howlgalkii aadka u xooganaa ee xalay mujaahidiintu ka fuliyeen xarumaha Madaxtooyada iyo Nabad sugidda Kooxda Ridada”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab. Al Shabaab waxay xaqiijisay in qaar kamid ah dagaalyahannadii weerarka Fuliyay ay dib uga laabteen goobta “Qaar Kamid ah ciidamadii weerarka fuliyay si nabad gelya ah ayay goobta dagaalka dib ugasoo laabteen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab. Warka kasoo baxay Al Shabaab ee laga baahiyay idaacada afkooda ku hadasha ayaan lagu sheegin tirada ragii weerarka fuliyay iyo sidoo kale dagaalyahanada weerarkaasi ka bad baaday ee dib uga laabtay aagii lagu dagaalamay. Wasaarada Amniga Gudaha ayaa sheegtay in dagaalyahanadii Al Shabaab ee weerarka geestay ay gaarayeen ilaa shan nin lana dilay dhamaantood, waxaana dowlada soo bandhigtay qaar kamid ah meydadka ragaasi la dilay. Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda xaqiijisay inay dishay dhammaan dableydii weerarka soo qaaday ee ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, mana jirto warar madax banaan oo ku saabsan arrintaan iyo waxa ka jiro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Al Shabaab ” Qaar kamid ah ciidamadii weerarka fuliyay si nabad gelya ah ayay dib ugusoo laabteen”. appeared first on Caasimada Online.
  24. MOGADISHU (HOL)- Alshabaab attacks in Mogadishu ended on Fiday night after 30 people were killed in two car bomb blasts followed by gunfire, Security ministry confirmed. Source: Hiiraan Online
  25. UNITED NATIONS/BEIRUT (Reuters) - The U.N. Security Council on Friday delayed a vote on a demand for a 30-day ceasefire in Syria, where pro-government warplanes have been pounding the last rebel bastion near Damascus in one of the deadliest bombing campaigns of the seven-year civil war. Source: Hiiraan Online