Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,384
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa soo saaray wareegto ku saabsan Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka maadaam dhawaan lagu wado in la furo sannad dugsiyeedka Waxbarsho. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Xassan Maxamed Cali ayaa saxaafadda u akhriyay wareegtada ka soo baxday Wasaaradda waxaana kamid ah , si looga fogaado jahawareer ku dhaca caruurta Soomaaliyeed ee dhigta dusgiyada waxbarashada dalka islamarkana loo dhaqan geliyo siyaasadda iyo manhajka qaranka ee ay ansixiyeen golaha wasiirada. Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka 1-Manhajka, dhamaan dugsiyadda waxaa lagu dhigayaa buugagta cusub ee ku saleysan manhajka qaran kuwaasoo dhawaan idin soo gaari doona gaar ahaan fasalada hoose, koowaad iyo afraad oo ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada dalka. 2-Wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada dalka ayaa qaadi doona imtixaanka shahaadiga ee fasalka sideedaad ee loogu gudbo dugsiga dhexe, iyaga ayaana bixin doona shahaada loogu gudbayo. T,Imtixaanka fasaladka afraad waxaa qaadaya wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka. J,shahaadda dugsiyada sare waxaa laga qaadan doonaan xafiisyada wasaaradda ee dowlad goboleedyada iyo xafiiska imtixaanaadka iyo shahaadooyinka oo ay ka heli doonaan ardeyda gobolka Banaadir. 3- Sannad dugsiyeedka xiligiisa. Dhamaan dugsiyada waxay galayaan labo xili oo kala ah xiliga koowaad wuxuu bilaaban doonaa bisha Ogosto sabtida ugu horeysay wuxu dhamaan doonaa todobaadka saddexaad ee bisha December ee sannad walba, sannad dugsiyeedka labaad, wuxuu bilaaban doonaan Sabtiga ugu horeeya ee bisha janaayo wuxuuna dhamaan doona todobaadka ugu dambeeya ee bisha maaj. 4-Afafka lagu baranayo manhajka. Dugsiyada hoose dhexe waxay wax ku baran doonaan afka Soomaaliga. Afka carabiga waxaa maado ahaan laga bilaabayaa fasalka koowaad dugsiga hoose. Afka Ingiriiska maado ahaan waxaa lagu bilaabaya fasaladka sadddexaad dugsiyada hoose. Dugsiga sare waxaa wax lagu baranayaan Afafka Soomaaliga, Carabiga iyo ingiriiska iyadoo la raacayo manhajka qaranka. 5- Fasaxyada sannad dugsiyeedka waxaa la raacayaa kalandarka wasaaradda ay soo saartay sannad dugsiyeedka. Dugsiyada sare wuxuu qaadan doonaa 10 maado. Dugsiga dhexe wuxuu qaadan 8 maado. Dugsiga hoose wuxuu qaadan 8 maado. Dugsiga sare wuxuu qaadan doonaa 10 bilood Dugsiga dhexe wuxuu qaadan doonaa 10 bilood. Dugsiga hoose wuxuu qaadan doonaa 10 bilood. DHAMAAD
  2. Hargeysa (Caasimada Online)-Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka isutaga Imaaraadka carabta ayaa muddo dheer kadib qalabkii ugu horeyay geysay Dekadda Berbera oo idinkii lagu bixiyey uu yahay mid weli lagu muransan yahay. Shirkada DP World oo heshiiska ballaarinta Dekadda uu ka dhamaaday ayaa asbuucii hore dalbatay in loogu darro laba sano oo dheeri, taasi oo keentay inay soo dadajiso qalabka lagu hormarin lahaa Dekadda si wakhti dheeri ah loo siiyo. Qalabka ay Shirkada DP World geysay Dekadda Berbera ayaa waxaa ku jira qalab casri ah oo suuragalin kara in Dekadda ay kusoo xirtaan Maraakiib badan, kuwaa oo la filaayo in lagu hormarin doono guud ahaan Dekadda oo aan sanado badan helin dayactir. Qalabka markii ugu horeysay la geeyay Dekadda ayaa waxaa la socda Injineero la wareegi doona dayactirka Dekadda oo wakhti qaadan doonta. Injineerada ayaa xooga saari doona goobaha loogu tallo galay inay ku xirtaan Maraakiibta rarka sida iyo wax ka bedelka muuqaalka guud ee Dekadda. Hoos ka daawo qalabka ay Shirkada DP World geysay Dekadda Berbera iyo qorshooyinka laga damacsan yahay:
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo sanado badan kadib ay heshiis kala saxiixdeen dowladaha Somalia iyo Eriterea ayaa waxaa heshiiskaasi taarikhiga ah markii ugu horeysay ka hadlay Dowladda Ruushka. Dowladda Ruushka,ayaa sheegtay in heshiiska Somalia iyo Eriterea uu muhiim u yahay xasiloonida Gobolk. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Ruushka ayaa lagu sheegay in xiriirka diblumaasiyadeed ee u biloowday dalalka Somalia iyo Eritrea uu muujinaayo in Africa ay indhaha kala qaadey xili laga deyrinaayay xasiloonida ka jirtay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay. Waxaa qoraalka Wasaarada lagu sheegay in dowladda Ruushka ay baqdin ka qabto in dhexda loo galo isku soo dhawaanshaha dowladaha Africa oo iyagu u kala jabay Khaliijka, hase yeeshee ay aad usoo dhaweynayaan isbedelka ay ku talaabeyso Somalia. Waxaa qoraalka lagu sheegay in xiriirka cusub ee labada dal xitaa ay faa’iido u tahay dalalka deriska la ah Somalia iyo Eriterea. Ruushka waxa ay tilmaantay in Heshiiska labada dal uu horseedi karo is dhexgal labada shacab iyo in la hormariyo xiriirka diblumaasi iyo kan Ganacsi. “Isbedelka dhacay waxa uu mustaqbal wanaagsan u yahay labada dal iyo guud ahaan Gobolka, waxa uu horseedi doonaa iskaashi dhan waliba ah” Dowladda Ruushka ayaa farta ku fiiqday sida ay muhiim u tahay in Dalka Eritrea uu dib ugu laabto xubinnimada Urur Goboleedka IGAD,kaas oo ay muddo dheer ka maqneyd. Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhamaadka bishii la soo dhaafay booqasho 3 cesho qaadatay ku tagay Dalka Eritrea,waxaana uu halkaas heshiis ka koobaan afar qodob kula saxiixday dhiggiisa Eritrea. Geesta kale, todobaadkii la soo dhaafay Wafddi uu hoggaaminayay Wasiirka arrimaha dibadda Erittea Cismaan Salax ayaa booqasho labo cesho qaadatay ku yimid Muqdisho, taa oo Ruushka ay ku micneysay mid kamid ah isbedelada Gobolka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. The digital economy has certainly changed the way business is conducted worldwide and how we live our lives. Source: Hiiraan Online
  5. A Yemeni journalist was killed while covering ongoing clashes between government forces and Houthi rebels in the central Al-Bayda province on Saturday. Source: Hiiraan Online
  6. Human Rights Watch called on the government of Ethiopia to address killings in Somali region, the eastern part of the country and in Oromo region of Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  7. World Food Program (WFP)'s Ethiopia Country Director, Steven Were Omamo and United Nations Children's Fund (UNICEF) Representative in Ethiopia, Gillian Mellsop on Saturday called for scaling up of efforts to those affected by unrest in Somali regional state located in eastern part of Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  8. Prices of sacrificial animals were high at Dubai’s main cattle market on Friday, just days ahead of Eid Al Adha, which starts on Tuesday in the UAE. Source: Hiiraan Online
  9. Masuuliyiin katirsan Kastamka Canshuuraha Dekada Weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa xabsiga la dhigay kadib markii lagu eedeeyay Musuq maasuq. Ciidamada amaanka ayaa xabsiga u taxaabay ku dhowaad 6 Nin oo kamid ah masuuliyada Dekada Muqdisho. Masuuliyiinta la xeray waxaa ku jira Axmed C/llaahi Samow oo ah Gudoomiyaha Kastamka Canshuuraha Dekada Muqdisho iyo ku xigeenkiisii. Axmed Soomoow oo la hadlay Warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in lugihiisa uu ku tagay Xarunta dambi baarista ee CID-da. Soomoow ayaa qiray in lagu heeysto Canshuuro la isdaba mariyay oo si qaldana loo isticmaalay. Baaritaano ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah la marsiiyo islamarkaasina wax laga weeydiiyo eedeeyamaha musuq maasuq ee loo soo xeray. Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wado dadaalo ay kaga hortageeyso Musuq maasuqa. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Faah Faahin Masuuliyiintii Canshuuraha Dekada Muqdisho oo La Xeray appeared first on Puntland Post.
  10. Somali President Abdullahi ‘Farmajo’ Mohamed, has appointed Zakia Hussein to the position of general and deputy chief of the Somali Police Force. Source: Hiiraan Online
  11. A man accused of crashing his car into the security barriers surrounding Britain's Houses of Parliament was charged Saturday with attempted murder, police said. Source: Hiiraan Online
  12. Voters in Tuesday’s primary election put Minnesota’s first all-female U.S. Senate contest on the Nov. 6 ballot and increased the odds that the state will for the first time send a woman of color to the U.S. House, two signs of a national “pink wave” of women candidates running this year. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Fahad Yaasiin oo labo maalin ka hor loo magacaabay talige kuxigeenka hay’addda nabadsugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa sabtidii (18-09-18) kulankii ugu horeeyay la qaatay taliyeyaasha sare ee NISA, saraakiil waaxeedyada iyo shaqaalaha sare ee NISA. Kulankaasi oo ahaa mid isbarasho iyo xog kala qaadasho ayaa saraakiishii kasoo qeybgashay kulankaasi waxaa ka mid ahaa taliyaha guud ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen, iyo taliyeyaasha laamaha kala duwan, wuxuuna Fahad Yaasiin mid mid u bartay saraakiisha iyo shaqaalaha xafiisyada kala duwan ee xarunta NISA. Sidoo kale, wuxuu kormeer ku sameeyay kontoroolada laga soo galo xarunta NISA ee Habar Khadiijo, isla markaana uu si gaar gaar ah ula hadlay taliyeyaasha ku shaqada leh kontoroolada laga ilaaliyo xarunta NISA. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa caasimada u sheegay in waxyaabihii uu kala hadlay taliyeyaasha NISA iyo howlwadeenada NISA in ay ka mid ahaayeen qorshaha uu damacsan yahay in uu kusoo kordhiyo NISA iyo codsi uu hordhigay howlwadeenada isagoo ka dalbaday in lala shaqeeyo. Kulamadaasi kadib,Taliyaha guud ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen iyo kuxigeenkiisa cusub Fahad Yaasiin ayaa kulan gaar ah wada qaatay, iyadoo aan la ogeyn waxyaabihii ay ka wada hadleen. Waxaa la ogsoon yahay in ay jirto fadeexad dhawaan ka dhex dhacday gudaha xarunta NISA, taasoo muujineysay in la jabsaday xafiiskii taliye kuxigeenkii xilka laga qaaday Cabdalla Cabdalla Maxamed, balse baaris la sameeyay kadib lagu ogaaday in uu ka danbeeyay talige kuxigeenkii xilkiisa waayay oo khilaaf uu kala dhaxeeyay taliyaha guud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Whether Mohamed Abdirahman Osman is a refugee who lied about terrorist links to get immigration benefits or if he's been wrongly targeted by a flawed government investigation that matches the Trump administration's rejection of certain refugees is being played out in a Tucson courtroom. Source: Hiiraan Online
  15. Hisham Mostafa briefly forgot the war in Syria and his financial worries as he looked upon Islam’s holiest sites for the first time, standing among hundreds of thousands of white-clad Muslims gathered in Mecca ahead of the haj pilgrimage. Source: Hiiraan Online
  16. The racist white man who was seen in a viral video assaulting a Ugandan worker at Grand Imperial Hotel in Kampala has reportedly been arrested. Source: Hiiraan Online
  17. Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta bilaabay la xisaabtanka wasiirrada ee sannadlaha ah si loo qiimeeyo hawlaha wasaaradaha uga hir-galay qorshayaashii u degsanaa ee ay ahayd in ay fuliyaan. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa shaqsi shaqsi ula fariistay wasiirrada Waxbarashada, Gargaarka, Biyaha iyo korontada, Haweenka iyo Xuquul Insaanka, Caafimaadka, Batroolka iyo Macdanta, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxaana wasiir waliba oo kamid ah lasoo hor-dhigay qorshayaashii lagu ballamay in uu fuliyo, iyada oo wasiirrada ku cusub xukuummadda uu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay diyaarinta qorsha hawleedkooda. Wasiirrada soo gudbiyay qorshayaashii ay ku guulaysteen ayaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxa ay u gudbinayaan qorsha hawleedkooda oo qoran si isla xisaabtanka sannadka xiga loogu qiimeeyo wixii uga qabsooma. La xisaabtanka wasiirrada ee maanta bilaawday waxa uu socnayaa inta dhammaan wasiirrada xukuummadda uu Ra’iisul wasaaruhu ka hubinayo uuna ka qiimaynayo sida mas’uuliyaddii la saaray ay u guteen iyo in la ogaado caqabadaha jira si loo xalliyo. Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka warbixiyay isla xisaabtanka Ra’iisul Wasaaraha ee wasiirrada ayaa yiri, “Waxaa maanta dib noogu billaawday isla xisaabtankii sannadlaha ahaaa, waxa aan dib u eegnay wixii u qabsoomay iyo dadaalkii ay sameeyeen wasiirrada, waxaa kale oo maanta joogay wasiirra cusub oo loogu tala galay in la qabsadaan sifada uu Ra’iisul wasaaruhu ula fal galo si ay u samaystaan qorsha hawleedkooda ku salaysan argatida fog oo ku qotonta wasaaradaha loo dhiibay”. Ra’iisul wasaaraha ayaa sannadkii hore sidaan oo kale mid mid ula fariistay wasiirrada si ay isula ogaadaan qorsha hawleedka wasaarad waliba si loogu korjoogteeyo, waxa uuna isla-xisaabtankaani qayb ka howlaha kor-joogtaynta iyo dabagalka lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha si looga mira dhaliyo qorshaha xukuummadda ee ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Maanta Billaabay La xisaabtanka Sannadlaha Ah Ee Wasiirrada appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in la xiray Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho Axmed C/llaahi Samow kaddib markii maanta Ciidamada Booliska ay xireen kuxigeenkiisa iyo shaqaalaha xafiiskiisa. Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda, ayaa la sheegay inuu isku dhiibay ciidamada Xarunta dambi baarista ee CID, halkaasoo galabta lagu xiray xubnaha kale oo ka tirsan xafiiskiisa kuwaa oo loo xiray musuq ay geesteen. Madaxii Kastamka Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho ayaa Xafiiskiisa ka baxsaday ka hor inta aysan ciidamada xirin mas’uuliyiinta kale, waxa uuna markii danbe is geeyay xarunta baarista ee CID-da. Axmed Samow oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in uusan baxsad aheyn, isagoo xusay in xiliga ay Ciidamada Booliska tageen xafiiskiisa uu ku maqnaa arrimo caafimaad, sida uu hadalka u dhigay. Mas’uuliyiinta Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho oo isugu jira Madaxa Kastamka, kuxigeenkiisa iyo lix kale ayaa iminka lagu baarayaa Xarunta dambi baarista CID, waxaana ku socda baaritaano la xiriira kiiska lagu soo eedeeyay ee musuq maasuq ku saabsan. Si kastaba ha ahaatee, Dekedda Muqdisho ayaa ka mid ah ilaha dhaqaale ee dowladda, waxaana waayadii ugu danbeeysay musuqa ka dhex socday isha ku hayay xafiiska Hanti dhowraha oo howlahaasi qaabilsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa howlwadeeno ka tirsan Dekadda Xamar oo maanta lagu xiray xarunta dambi baarista ee CID-da kuwaa oo lagu eedeeyay inay geesteen musuq. Mas’uuliyiinta iyo Xubnaha la xiray ayaa caawa ku baryaaya xarunta dambi baarista ee CID-day waxaana halkaa caawa ka jira mashquul badan. Xubnahaani oo lix ah kana tirsan waaxda Canshuuraha ee dekadda Muqdisho ayaa su’aalo lagu weydiinayaa xarunta waxaana halkaa ku sugan Taliyayaal iyo Saraakiil ciidan oo qeyb ka ah baarista lagu hayo mas’uuliyiinta iyo xubnaha u xirsan musuqa. Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali kheyre ayaa sidoo kale caawa ku sugan xarunta dambi baarista ee CID-da oo halkaa kulamo kula qaadanaaya Taliyayaasha iyo Saraakiisha wada baarista. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sidoo kale dhageysanaaya mas’uuliyiinta iyo xubnaha maanta loo xiray musuqa kuwaa oo lagu su’aalayo isla xarunta. Wadooyinka gala Xarunta dambi baarista ee CID-da ayaa waxaa Caawa la dhigay Ciidamo ka kala tirsan Booliska iyo Koofi casta ilaalada u ah Ra’isul wasaare Xasan Kheyre. Sidoo kale, Gawaari farabadan oo ay leeyihiin madax ka tirsan dowlada ayaa ku sii qul qulaya xarunta CIDA-da, iyada oo loo sababeynayo arrinta la xiriirta mas’uuliyiinta Gabaldhicii Caawa xaruntaas lagu xirey. Geesta kale, mas’uuliyiinta la xirey ay maalmahaani waxaa baaris ku hayey xafiiska hanti dhowrka qaranka, balse maanta loo xiray musuqa kadib markii uu soo idlaaday dabagalka lagu hayay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Doha (Caasimada Online)-Xukuumada dalka Qatar ayaa markii ugu horeysay ku eedeysay dowlada sacuudiga in muwaadiniin badan oo ka soo jeeda dalkeeda ay si cad uga mamnuucday inay xajiyaan sanadan. Xukuumada Qadar, waxa ay tilmaantay in Sacuudiga uu weli siyaasadeynayo cibaadada, iyagoo sanadkan 2018 ogolaaday in 1,200 xujey ay gutaan waajibaadkooda xajka. Xukuumada Qatar waxa ay sheegtay in aysan suura gal aheyn in la koobo dadka ka qeyb galaya munasabadan diimeed. Dowlada Sacuudiga waxa ay sidoo kale Muwaadiniinta Qatar ee Xajka u taga dalkaas u diiday inay u kala gooshan magaalooyinka dalkaas, balse dowlada sacuudiga ayaa ku andacootay in arimahan aysan shaqo isku laheyn Xujeyda oo tahay wax iska caadi ah. Boqortooyada sacuudiga dowlada imaaratka Bahreyn iyo Masar ayaa xiriirkii ay la lahaayeen Qadar Jaray Bishii June,kadib markii uu fashilmay weerar la doonayay in lagu qaado Maamulka Dooxa. Bishii June ayaa wasaarada Xajka sacuudiga waxay ku dhawaaqday in ay Furtay website ay iska diiwaan galiyaan xujeyda dalkaas waxaana Arintaan mid aan suura gal aheyn ku tilmaamay mas,uuliyiinra Qatar. Dhinaca kale, Abdullah al-Kaabi oo u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa waxa uu sheegay in dowlada sacuudiga ay albaabada isugu dhufatay shirkadihii ka shaqeyn Jiray Xajka ee dalka Qatar. Caasimada Online Xafiiska Doha Caasimada@live.com
  21. Khartoum (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga oo fulinaysa amarka Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa ku wargeliyay sii hayaha safaaradda, dhammaan diblamaasiyiinta iyo u-qaybsanayaasha ka hawl gala safaaradda Soomaaliya inay iska soo xaadiriyan magaalada Muqdisho. Xirooro kala duwan oo aan la sameynay Soomaalida ku sugan dalka Sudan ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in ballanqaadka Ra’isul wasaaraha uu ahaa in laga hor leexin doono dhammaan howlwadeenada ka howlgala Safaarada. Waxa ay sheegen in Ra’isul wasaare Kheyre oo dhawaan ku booqday Sudan ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah maamulka Safaarad, sidaana ay ku timid u yeeridooda. Asbaabaha dhaliyay in loo yeero dhammaan howlwadeenada Safaarada Somalia ee Sudan ayaa waxaa kamid ah:- 1-Ku tagri fal awoodeed ka dhan ah ardayda Soomaalida. 2-iibsashada Minxooyinka Jaamacadaha oo markii hore loogu tallo galay in lasiiyo ardayda oo laga dhigay kuwo laga macaasho. 3-Howl gudasho la’aan joogta ah iyo la dhaqan la’aanta ardayda. 4-Ardayda oo la sheegay inay waayen mas’uuliyiin u sameysa matalaad. 5-Howlwadeeno xad dhaaf iyo howlyari u saaxiib noqotay macaash dhaqaale. Guddoomiyaha Ardayda Soomaalida ee dalka Sudan Cabdulkhaadir Faarax ayaa dhawaan Ra’isul wasaare Kheyre hordhigay in laga bedelo howlwadeenada Safaarada, waxa uuna cadeeyay in dhamaantooda ay yihiin kuwo aan daacad u aheyn howshooda Qaran. Waxa uu sheegay in Safaarada gabi ahaanteeda laga dhigay suuq lagu kala iibsado Minxooyinka, waxa uuna taasi ku micneeyay niyad jab usoo hoyatay Ardayda. Si kastaba ha ahaatee, u yeeridda biblamaasiyiinta iyo hawl-wadeennada safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Khartuum ayaa ka dambeeyay cabsasho ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan ay ka gudbiyeen mas’uuliyiinta safaaradda intii lagu guda jiray safarkii dhawaan uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku tageen Khartuum. Caasimada Online Xafiiska Khartoum Caasimada@live.com
  22. 20 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa maanta guddoonka baarlamaankaasi u gudbiyay mooshin ka dhan ah shirkadda DP world oo gacanta ku haysa dekedda Bossaso. Read More
  23. Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay agaasimaha arrimaha haweenka ee qaramada midoobay, Phumzile Mlambo-Ngcuka, oo markii ugu horaysay socdaal ku timid dalka Soomaaliya kadib casuumaad ay ka heshay wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka XFS. Ra’iisul Wasaara Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay in dawladda federaalka Soomaaliya ay heer wanaagsan kasoo gaarsiisay matalaadda haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin siyaasadda, waxa uuna ballan qaaday in ay sii wadayaan dadaallada lagu garab istaaagayo haweenka, isaga oo ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed dawrkii ay ku lahaayeen badbaadinta qaranka iyo bulshada xilligii burburka. Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka Deeqo Yaasiin Xaaji Yuusuf oo kulanka qayb ka ahayd ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Phumzile Mlambo-Ngcuka ay si qota dheer uga hadleen arrimha haweenka Soomaaliyeed, ka qayb galinta haweenka arrimmaha siyaasadda iyo horumarinta dalka, xooojinta taageerada dawrka haweenka iyo sidoo kale sidii ay u wada shaqayn buuxda u yeelan lahaayeen hay’adda haweenka u qaabishan Qaramada midoobay iyo wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya. Phumzile Mlambo-Ngcuka ayaa hoggaanka dawladda federaalka Soomaaliya ku ammaantay garab istaaga haweenka iyo ka qayb gelintooda siyaasadda iyo guud ahaan dadaallada horumarinta dalka, waxa ayna dhanka kale ballan qaaday in ay hay’addoodu si dhaw ula shaqaynayso wasaaradda haweenka si loo dar-dar geliyo horumarinta arrimaha haweenka. Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh gelisay sidii haweenka Soomaaliyeed ay si buuxda qayb qaadan lahaayeen siyaasadda dalka, horumarinta amniga, iyo dadaallada dib loogu dhisayo dalka si loo celiyo sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed ay ku lahayd dunida.
  24. Garoowe (Caasimadda ONline) – Waxaa maanta Garowe lagu qabtay xaflad lagu sheegay in lagu soo dhaweynayo wasiirka kalluumeysiga ee uu dhawaan magacaabay RW Xassan Cali Kheyre oo ay si weyn uga horyimaadeen beesha Sool clan oo uu ka soo jeedo. Magacaabistii Wasiir-ka oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Cabdullahi Bidhaan Warsame ayey beesha Sool clan u aragtay bahdilaad maadama laga soo magacaabay Garowe oo uu Cabdweli Cali Gaas ku amray Kheyre. Waxaa dhacay shirar hoose oo ay arintaas uga dhiidhiyeen waxgaradka beessha oo uu ku jiray madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay arintaas isku qabteen Cabdweli Cali Gaas. Hase ahaatee, xafladdii maanta ka dhacday Garowe oo uu soo qaban qaabiyey wasiirka kalluumeysiga iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa muuqata in uu ujeedka ahaa in lagu muujiyo in Dhubahante raali ka yahay wasiirka uu Cabdiweli Gaas magacaabay. Marka laga soo tago bahdilaadda uu RW Xassan Cali Kheyre ku sameeyey beesha Sool clan waxaa hadana su’aal ka dhalaneysa la dagaalankii lagula jiray musuq maasuqa, sidoo kale waxa ay digniin u direysa madaxweyne Farmaajo Waxaa lala wada socdaa in uu jiray khilaaf u dhexeeyey maamul gobolleedyada wasaaradahooda kalluumeysiga iyo midda dowladda dhexe oo ku saabsanaa qeybsiga kheyraadka badda. Wasiirkii hore ee kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu iska hortaagay Puntland shatiyo sharci darro ay iyo qandaraasyo ay siin jirtay shirkado shisheeye iyada oo ku xad gudbi jirtay awoodda dastuuriga ah ee dowladda dhexe. Taas waxaa ka dhalatay in wasiirku la wareego qandaraasyo ay si sharci darro ah ku bixisay Puntland, waxaana dhacday in loo ganaaxo maraakiib. Taas waa sababta soo dedejisay in Gaas ku qasbo RW Kheyre keenidda Wasiir iyaga u adeega. Hadaba, haddii ay dhab tahay in dowladdu ay dagaal kula jirto musuq maasuqa, Madaxweyne Farmaajo waa in uu il gaar ah ku hayaa sida ay wasaaradda Kalluumeysiga ula fal galeyso Puntland. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/08/39228610_638246283235421_6206697706631462912_n.mp4
  25. Muqdisho (Caasimadda ONline) – Dowladda Soomaaliya ayaa sare usii qaaday ololihii ay kula dagaalameysay musuq maasuqa ka jiro dowladda dhexdeeda. Wararka hadda soo gaarayo Caasimadda Online ayaa tilmaamayo inay ciidamo ka socday CID-da ay xireyn xubno ka tirsan Kastamka canshuurta ee Dekadda Soomaaliya. Ciidamada booliska dambi baarista ee CID-da ayaa xireyn lix xubnood oo ka mid ah Kastamka Canshuuraha dekada Weyn ee magaalada Muqdisho,kuwaas oo lagu eedeeyey in ay ku kaceyn fal la xiriira musuq maasuq. Dadka la xiray ayaa la xaqiijiyey inuu kamid yahay Maamule kuxigeenka Furdada Dekeda Muqdisho,sidoo kale Maamulaha Furdada Axmed C/llaahi Samow oo la sheegayo inuu ku jiro dadka loo jaray waaran xarig, Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan uu xoogeystay dagaalk dowladda ee ka dhanka ah musuq maasuqa dhulka dhigay hormarka Soomaaliya,. Madaxeyne Farmaajo iyo Ra’iuslwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa horey u ballan qaaday inay meesha ka saari doonaan musuq maasuqa hareeyey hey’adaha kala duwan ee dowladda. Maalmihii ugu dambeeyey dhawr xubno ayaa xabsiga la dhigay halka kuwa kalana xilkii laga qaaday markii lagu eedeeyey inay sameeyeen musuq maasuq.