-
Content Count
213,688 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Islamabad : Khadija Mohamed Almakhzoumi, Ambassador of Somalia to Pakistan has thanked Pakistan for hosting Somalian students adding the role of HEC was also laudable in this respect. Source: Hiiraan Online
-
Today is the one-year anniversary of one of the darkest days in Somalia’s history. On 14 October 2017, al-Shabaab suicide bombers drove a truck full of explosives into a crowded junction in the nation’s capital, Mogadishu. They killed approximately 600 people. Around 100 of those were children. The bomb scene was so large it resembled a canyon. For days, it was a crater of horror and tragedy. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saaka gaaray magaalada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa kulamo xog wareysi ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi. Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa ah in uu dhiirrigeliyo Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku hirgashay baaqii Madaxweynaha ee ku aaddanaa in dhallinyaradu ay u istaagaan difaaca dalkooda, kaddib xasuuqii Soobbe ee 14-kii Oktoobar sannadkii 2017kii. Guutadan ayaa haatan ku guda jirta hawlgallo ciidan oo ka dhan ah Al Shabaab, iyadoona bartilmaamsanaysa in ay meleyshiyaadkaas ka sifeeyaan guud ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey bulshada ku dhaqan magaalada Marka sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna ku dhiirrigeliyey in ay ilaashadaan nabadgalyada haatan ka jirta magaalada Marka kaddib markii ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka saareen Al Shabaab. Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo la tashi ah waxa uu la qaatay waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka, isagoona kala hadlay in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada deegaanka. Kaddib aragti wadaag ku saabsan caqabadaha la xiriira dib u heshiisiinta magaalada, dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo talooyin ay soo jeediyeen waxgaradka uu la kulmay Madaxweynuhu, waxa ay isla garteen in la xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxaysa odayaasha dhaqanka, bulshada iyo cutubyada ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ee halkaas ka wada hawlgallada dalka lagaga sifaynayo Alshabaab.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshadda DFS ayaa magaalada Muqdisho soo gaarsiisay dhaawacyo daran oo laga soo qaaday magaalada Baydhabo. Dhaawacyadan oo wax looga qabanwayay Isbitaalada magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu soo daadgureeyay diyarad khaasa oo ay dirtay dowlada Somalia waxaana la socday dhaawacyo aad u liitay. Dhaawacyada oo ay ku jireen kuwo xubnaha go’ay ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Digfeer, halka qaarna la geeyay Isbitaalada kale ee magaalada Muqdisho. Dhaawacyada qaar ayaa waxaa oogadooda ku yaala rasaas loo maleynaayo inay ku dhufteen ciidamada goobaha Qaraxa ka dhacay ka agdhawaa balse Saraakiisha Caafimaadka ee kusugan Isbitaalada la dhigay dhaawacyada ayaa ballanqaaday in lala tacaalayo. Sidoo kale, dhaawacyada la keenay qaarkood ayaa la filayaa inay u baahan doonaan caafimaad dibadd ah waxaana xusid mudan in dhaawacyada qaarkood ay waxyeelo kasoo gaartay madaxa.
-
Beirut (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee ururka Xizbullah, Sheekh Xasan Nasrallah ayaa shaaca ka qaaday inaysan jirin wax xaddidaya, marka a timaado dadaallada madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku boobayo hantida dalalka Carabta. Nasrallah ayaa sheegay in ku cabsi-gelinta Iran ay tahay habka Trump u adeegsado inuu ku dal-dasho xoolaha Carbeed. Khubad uu taageerayaashiisa uga jeediyey taleefishinka, isaga oo ku sugan magaalada Beirut ee caasimadda Lebanon, ayaa Nasrallah waxa uu sheegay in hadalkii ugu dambeeyey Trump ee ahaa in Iran ay qorsheysay inay 12 daqiiqo ku qabsato Bariga Dhexe, loga dan lahaa in madax Carbeed lagu dabo inay iibsadaan hubka Mareykanka, si ay xukunka ugu sii nagaadaan. “Sida uu horey u yiri hoghaamiyihii geeriyooday ee Kacaanka Islaamiga ah ee Iran Imam Khomeini, maamulka Mareykanka waa tuugo, xitaa madaxii hore ee Mareykanka ayaa tuugo ahaa balse si cad uma sheegi jirin. Si kastaba, midka hadda xukunka haya wuxuu boobayaa madaxdii carbeed, isaga oo islamarkaana bah-dilaya” ayuu yiri Nasrallah. Sheekh Xasan Nasrallah waxa uu intaas ku daray “Trump wax xushmad ah uma hayo anshaxa, xuquuqda aadanaha iyo caddaaladda. Waxaan arkaynaa in Mareykanka aysan ka xishoon inay cid kasta bah-dilaan, xitaa kuwa xulufada la ah.” Trump ayaa dhowaan sheegay in haddii uusan Mareykanka ahayn, uusan boqorka Sacuudiga xukunka sii joogeyn xitaa laba toddobaad, oo Iran ay ku qabsan lahayd 12 daqiiqo. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—A traditional elder Adan Muse Hassan’s day started with optimism on October 14th of 2017. He predicted another rewarding day, as he carried out the challenging task of resolving disputes and encouraging reconciliation, within the capital Mogadishu. The sunny morning coupled with the gentle breeze from the imposing waters of the Indian Ocean, was the perfect weather he had hoped for, to enable him carry out his tasks. On the fateful day, Adan left his house in Hamar Jajab district early in the morning to meet a group of elders from two feuding clans at Kilometre 4 area. He had barely brokered a peace deal, when he received a call asking him to rush to Digfeer hospital to resolve a quarrel between two individuals, who had been involved in a road accident. “I managed to resolve the conflict and we agreed that the accident victim be compensated for the injuries he sustained, and I decided to rush back home to attend to other matters,” he explains. By that time, the afternoon temperatures had sored beyond 33 degrees centigrade and to avoid the scorching sun, Adan boarded a rickshaw, locally known as Bajaaj, to take him home but got stuck in the traffic jam as he approached the busy and crowded Zoobe intersection. Suddenly, the afternoon calm was disrupted by twin explosions which tore through people and buildings. The powerful blast swept the rickshaw off the road and into the air, before it landed on its side, and reduced to smithereens by the impact of the explosion. “I saw my left leg break just below my knee when the Bajaaj landed on its side. My right eye was also injured after I fell on the ground. I could not trace where my driver was,” recalls the father of 10 children. He tried to free himself from the mangled wreckage but toxic fumes that engulfed the area not only blurred his vision but also made breathing difficult. “My mouth, ears and nose were full of dust particles from collapsed buildings. I was gasping for air and I felt like it was the end of the world,” he says. Despite being weak and in pain, Adan refused to give up and managed to free himself from the wreckage after several attempts. He crawled on the hard surface evading human body parts strewn on the road. Adan was saved by a team of rescuers and rushed to Daru Shifa hospital, before being flown to Turkey the following day for specialised treatment. The 62-year-old spent three months at Polatli state hospital in the capital city, Ankara, where doctors managed to fix his broken leg and also operated on his injured eye. Adan no longer walks or travels long distances due to constant pain on his left leg and uses a special pair of eyeglasses to improve his sight. His health condition in the aftermath of the blast impeded his movements, and he can no longer resolve as many cases as he used to before the explosion. “My life has drastically changed. I now use a walking stick to support myself and my income flow is irregular. I can earn today and go home with nothing the following day,” notes Adan. The elderly man still experiences flashbacks and has difficulties sleeping at night. He dreads cold nights – as they aggravate his body pains. As Somalis mark the first anniversary of the October 14th bomb attack, which killed over 600-people and maimed tens of others, Adan urges his fellow Somalis to forgive each other and reconcile for the sake of achieving lasting peace and security. The bomb blast, one of the deadliest in the country’s history, attracted mass condemnation from the international community who rallied behind the people of Somalia. The African Union Mission in Somalia (AMISOM), in coordination with the Somali security forces acted swiftly after the attack, to secure the area and help in recovery efforts. The AU Mission remains committed to finding a lasting solution to the indiscriminate use of improvised explosive devices (IEDs) by anti-government elements in Somalia, and is working with the Somali government and partners to put a check on the IED menace. To date, a lot of progress has been made, with several IEDs recovered and safely detonated. PRESS RELEASE
-
Muqdisho (PP) ─ Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, Danjire Francisco Caetano Madeira ayaa maanta ka hadlay sannad-guuradii dadki lagu dilay weerarkii 14-kii October ee sanadkii 2017, isagoo sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dad shacaba ah sidan loo laayo. “Maanta waa maalin aan xusuusanayno 587 qof oo lagu dilay weerarkii 14-kii Oktoobar ee sannadkii hore ka dhacay Muqdihso, weerarkaas oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 316-qof oo wiilal iyo gabadho Soomaliyeed ah,” ayuu yiri Danjire Madeira. Sidoo kale, Ergayga ayaa wuxuu ALLE uga baryay intii weerarkaas lagu dilay inuu u naxariisto, inta dhaawacyada weli qabana uu caafimaad deg-deg ah siiyo. Wuxuuna weerarkan ku tilmaamay mid arxan-darro ah. “Iyadoo 12-bilood laga joogo markii sida naxariis-darrada ah ay Kooxda Al-shabaab ugu laysay shacabka Soomaaliyeed, ayna weli sii wadaan laynta shacabka Soomaaliyeed, waxaan ku talinaynaa in laga hortago fal walba oo noocan oo kale ah,” ayuu Danjiruhu hadalkiisa ku daray, isagoo sheegay inay mar kale ku celinayaan cambaareyn kale oo ka dhan ah weerarada Al-shabaab ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed. Ergayga oo sii hadlaya ayaa wuxuu sheegay in dadkii weerarkaas lagu dilay ay mudan yihiin in la xusuusto oo duceeyo, balse loo baahan yahay in loo midoobo kooxaha argagaxisada ah ee dhibaatooyinka aan kala joogsiga lahayn ku haya shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. Dhanka kale, Wakiilku wuxuu carrabka ku dhuftay inuu uga mahad-celinayo ciidamada xoogga Somaila sida ay uga go’an tahay inay Al-shabaab ka hor-joogsadaan inay dibaatooyin noocan oo kale ah ka geysataan Somalia, inkastoo uu xusay inay jiraan weli dhibaatooyin ay kooxdu geysanayso. Ugu dambeyn, Danjire Francisco Madeira ayaa sheegay in AMISOM ay ka go’an tahay inay si waddo garab-istaagga ay garab-taagan tahay Dowladda Federaalka Somalia sidii looga adkaan lahaa Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ku taliyay in laga Hor-tago Falalka Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Marko (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saaka gaaray magaalada Marka ee gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa la qaatay kulammmo xogwareysi ah qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi. Ujeeddada safarka Madaxweynaha ayaa ah in uu dhiirrigeliyo Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku hirgashay baaqii Madaxweynaha ee ku aaddanaa in dhallinyaradu ay u istaagaan difaaca dalkooda, kaddib xasuuqii Soobbe ee 14kii Oktoobar sannadkii 2017kii. Guutadan ayaa haatan ku guda jirta hawlgallo ciidan oo ka dhan ah argagixisada Al Shabaab, iyadoona bartilmaamsanaysa in ay meleeshiyaadkaas ka sifeeyaan guud ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey bulshada ku dhaqan magaalada Marka sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna ku dhiirrigeliyey in ay ilaashadaan nabadgalyada haatan ka jirta magaalada Marka kaddib markii ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka saareen maleeshiyaadkii Al Shabaab. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo wada-tashi ah wuxuu la qaatay wax-garadka iyo odayaasha dhaqanka, isagoona kala hadlay in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada deegaanka. Ugu dambeyn, Kaddib aragti wadaag ku saabsan caqabadaha la xiriira dib u heshiisiinta magaalada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab iyo talooyin ay soo jeediyeen Wax-garadka uu la kulmay Madaxweynuhu, waxay isla garteen in la xoojiyo wadashaqeynta ka dhaxaysa odayaasha dhaqanka, bulshada iyo cutubyada ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ee halkaas ka wada hawlgallada dalka lagaga sifaynayo argagixisada Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Booqashadii Farmaajo uu ku tagay Marko iyo Kulammo uu la qaatay Dhinacyo kala Duwan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumaadda federaalka Soomaaliya iyo Midawga Yurub ayaa maanta kala saxiixsay €100 (Boqol milyan oo Yuuro) oo midawga Yurub si toos ah ugu taageerayo miisaaniyadda dawladda. Heshiiskaan oo lagu saxiixay munaasabad lagu qabtay xafiiska ra’iisul wasaaraha uuna goob joog ka ahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu dhigayaa in midawga yurub ay bangiga dhexe ee dalka ku shubaan lacag €100. Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan iyo agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, ayaa si wadajir ah ugu saxiixay heshiiska. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in heshiiskaani uu yahay fursad wayn oo horseedi karta in daynta laga cafiyo dalka iyo in loo gudbo isku filnaansho dhaqaale, waxa uuna u mahad celiyay shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed oo dawladda ku taageeray kasbashada aaminaadda beesha caalamka iyo hay’adaha lacagaha adduunka. “Maanta waa maalin wayn, munaasabaddaan waxa ay ka tarjumaysaa soo laabashada aaminaada u dhexsaysa dawladda iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah, aaminaadda iyo kalsooniada ay shacabka Soomaaliyeed dawladoodda ku qabaan iyo aaminaadda bulshada caalamku ay ku qabto hay’adaha dalwladda”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre. Midowga Yurub oo go’aan ku gaaray in dawladda si toos ah loo taageero sababo la xariira in ay la timid hufnaan iyo dib-u-habayn ballaaran oo dhanka dhaqaalaha ah ayaa dhawaan ansixiyay bixinta €100 (Boqol Milyan oo Yuuro) oo u dhiganta $120 (Boqol iyo Labaatan Milyan oo doolar) taas oo si toos ah loogu shubayo qasnadda dawladda. Beesha caalamka, bankiga adduunka iyo hay’adda lacagta adduunka ayaa garaawsaday in Soomaaliya ay lasoo baxday isbedel wanaagsan oo ay kasoo gudubtay xilligii dhaqaalaha loo soo marsiin jiray cagmo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxbarasho lacag la’aan ugu yaboohday caruurtii ku agoontinimowday qaraxii Soobbe, ballanqaad lagu tilmaamay inuu yahay mid aad uga dib dhacsan waqtigii ay ahayd in la sameeyo. Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayrre oo ka qaybgalay munaasabadda xuska qaraxii October 14, 2017 oo maanta ka dhacday isgoyska Soobbe, ayaa amar ku siiyay wasaaradda waxbarashada in waxbarasho lacag la’aan ah la siiyo dhammaan caruurtii waalidiintood ay ku dhinteen qaraxii Soobbe. “Waxaan ku amrayaa wasaaradda waxbarashada in caruurtaa la siiyo waxbarasho lacag laaan ah si ay u helaan fursadaha ay caruurta kale hesho. waxaan codsanayaa guddiyadii gurmadka inagala shaqeysay in caruurtii ay waalidiintood dhinteen magacyadooda (soo gudibyaan), si wasaaradda waxbarashadu ay uga caawiso iney helaan waxbarasho lacag la’aan ah.”, ayuu yiri; Ra’isul-wasaare Khayrre. Dhanka kale, xildhibaan Cabdi Barre oo aan la xiriirnay ayaa si aad ah u dhaliilay ballanqaadka Khayrre oo uu ku tilmaamay mid xilligiisii ka dib dhacsan in halagaa sheego un loo yiri: “Sanad ka hor wixii la fulin waayay, maanta fulin maayaan, waa hadal ay dadka ku madadaalinayaan, daryeelkii ay agoonta siin waayeen sanad ka hor, xaaladoodana ay agaan waayeen, waxey maanta u sheegayaan waa halagaa sheego, waana hadal malaggii galay.” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa maanta kafaalo qaaday 350 ka mid ah caruurtii ku agoontowday xasuuqii ka dhacay sandkii hore Isgoyska Zoobe, kadib munaasabad ay ka qeyb galeen wasiirro, maamulka gobolka Banaadir iyo kuxigeenka safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya taas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. C/nuur Xaaji Cali Mursal oo ah madax Hay’adda Qatar ee Soomaaliya ayaa goobta ka faah faahiyay daryeelka nololeed oo ay dowladda Qadar u fidinayso agoontani. “Hay’adda Qadar Charity halkaasi ugama harin howlihii gurmadka Qarixii Zoobe, 500 oo caruur ah ayay horey u kafaalo gaaday, kuwaasi oo ka mid ah agoontii 14 October, waxaan maanta halkani aan u joognaa in aan siino lacagihii loo balan qaaday agoontaasi, sidoo kale waxaan u sameyn doonaa daryeel nololeed waxbarashadooda, caafimaadkooda, ilaa ay ka qaan gaaraan hadii ay weynaadaan waxaan u raadinaynaa waxbarasho Jaamacadeed”. ayuu yiri Cabdi Nuur Xaaji Cali Wasiiradii ka qeyb galay munaasabadda ayaa sheegay in dhankooda ka xukuumad ahaan dadaal u gali doonaan sidii loo garab istaagi lahaa caruurta agoonta Soomaaiyeed, waxaana ka mid ah mas’uuliyiintaasi C/laahi Xaamud wasiiru dowlaha xafiiska raiisul Wasaaraha iyo C/rashiid Axmed Maxamed Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Xukuumadda Soomaaliya. Guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dhamaan laga wada qeyb qaato sidii loogu gurman lahaa caruurta agoonta Soomaaliyeed, isagoo sheegay in loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto dibaatooyinka Al Shabaab. Muddo hal sano ayaa ka soo wareegatay markii qarax bahalnimo ah uu ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay in ay agoontoobaan boqolaal caruur ah, dhacdadaasi ayaan noqotay mid dareen xanuun badan ku beertay umadda Soomaaliyeed.
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—Somalia is marking the first anniversary of Oct. 14, 2017 bombing, country’s deadliest ever attack which left 500 people dead in Mogadishu capital. Somali PM and other hundreds of people have gathered at a new memorial with a minute of silence in Mogadishu. Memories of the bombing are still raw in a country that has faced decades of deadly warlord-led chaos and attacks by the al-Qaida-linked al-Shabab extremist group. The US says it stands with the people and government of the Federal Republic of Somalia to commemorate the victims of the horrific October 14, 2017 terrorist attack in Mogadishu. “We continue to extend our deepest condolences to the families and friends of the victims and injured in the country’s deadliest attack”, said in a memo obtained by Caasimada Online. “We denounce such senseless acts and will continue to provide our assistance to overcome terrorism and promote stability and prosperity for the people of Somalia”. United States remains committed to collaboration with the people and government of Somalia who want peace, a bright future for the country’s youth, and opportunities to thrive and promote development. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
NEW YORK (Caasimada Online)—UN Secretary-General Antonio Guterres has on Sunday strongly condemned Saturday’s suicide attacks in Baidoa town, about 250km southwest of Somali capital Mogadishu. The bomb attack killed at least 22 people and injured 35 others after suicide bombers targeted popular hotel and coffee shop in the town. Mr. Guterres extended his condolences to the families of the victims and to the people and government of Somalia. The secretary-general reiterated the full support of the United Nations to the Somali authorities in their fight against terrorism and their pursuit of a peaceful and stable Somalia, said the statement. Saturday’s suicide bomb explosions claimed by Al Qaeda linked Al Shabaab. The al-Qaeda-linked al-Shabaab extremist group often carries out deadly bombings in high-profile areas of Somalia’s capital, Mogadishu, and elsewhere. The Islamist militant group al-Shabaab, which battled for control of the capital from 2006 on-wards, banned forms of public entertainment like movies and musical ringtones in areas under their sway. Somalia has been mired in turmoil since warlords toppled dictator Mohamed Siad Barre in 1991, leaving militants, militia groups and clan leaders all fighting for control of parts of the anarchic country. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Xukuumaadda federaalka Soomaaliya iyo midawga Yurub ayaa maanta kala saxiixsay €100 (Boqol milyan oo Yuuro) oo midawga Yurub si toos ah ugu taageerayo miisaaniyadda dawladda. Heshiiskaan oo lagu saxiixay munaasabad lagu qabtay xafiiska ra’iisul wasaaraha uuna goob joog ka ahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu dhigayaa in midawga yurub ay bangiga dhexe ee dalka ku shubaan lacag €100. Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan iyo agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, ayaa si wadajir ah ugu saxiixay heshiiska. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in heshiiskaani uu yahay fursad wayn oo horseedi karta in daynta laga cafiyo dalka iyo in loo gudbo isku filnaansho dhaqaale, waxa uuna u mahad celiyay shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed oo dawladda ku taageeray kasbashada aaminaadda beesha caalamka iyo hay’adaha lacagaha adduunka. “Maanta waa maalin wayn, munaasabaddaan waxa ay ka tarjumaysaa soo laabashada aaminaada u dhexsaysa dawladda iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah, aaminaadda iyo kalsooniada ay shacabka Soomaaliyeed dawladoodda ku qabaan iyo aaminaadda bulshada caalamku ay ku qabto hay’adaha dalwladda”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre. Midowga Yurub oo go’aan ku gaaray in dawladda si toos ah loo taageero sababo la xariira in ay la timid hufnaan iyo dib-u-habayn ballaaran oo dhanka dhaqaalaha ah ayaa dhawaan ansixiyay bixinta €100 (Boqol Milyan oo Yuuro) oo u dhiganta $120 (Boqol iyo Labaatan Milyan oo doolar) taas oo si toos ah loogu shubayo qasnadda dawladda. Beesha caalamka, bankiga adduunka iyo hay’adda lacagta adduunka ayaa garaawsaday in Soomaaliya ay lasoo baxday isbedel wanaagsan oo ay kasoo gudubtay xilligii dhaqaalaha loo soo marsiin jiray cagmo kale. Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)— EU and Somalia signed on Sunday an agreement to provide €100 million to the Somali budget over the next 2.5 years. These funds will support the Federal Government’s reforms to build a unified, federal state. Somalia is on a positive track towards stability and growth. The EU’s move to budget support is a token of the partnership with Somalia to develop a viable federal system and fostering long-term recovery. The date of signature coincides with the first anniversary of Somalia’s worst terror attack, which killed over 500 people in Mogadishu. On this occasion, EU Commissioner for International Cooperation and Development, Neven Mimica, said: “Budget support shows the EU’s trust in Somali institutions. It gives the Government resources to implement reforms and build a stronger State able to deliver basic services to its people. Those 100M€ show the EU delivers quickly, a few months after the Somali Partnership Forum. It comes at a time where the Horn of Africa is going through unprecedented changes. And Somalia can seize this momentum for its own domestic transformation. The EU plays a leading role amongst the international community supporting Somalia. It co-hosted the Somalia Partnership Forum in Brussels in July 2018, when over €1 billion was mobilised to support the country. In September, the World Bank also agreed a $80 million pre-arrears clearance package. The engagement of the EU, IMF and World Bank will not only help accelerating national reforms, but also the process towards concessional loans and debt relief. The financing agreement signed in Mogadishu today is a €100 million package dedicated to Somalia’s state and resilience building, which will also support access to basic services. Up to €92 million will go to the federal government through budget support. The remaining €8 million will support capacity building to the federal and states’ governments and oversight institutions. The disbursement of funds will be sequenced and closely monitored through political dialogue, regular assessment of progress achieved against indicators and dedicated safeguard measures. The agreement was signed today in Mogadishu by European Commission’s Director-General for International Cooperation and Development, Stefano Manservisi, and the Prime Minister of Somalia, Hassan Ali Khayre. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—At least 22 people have been killed and dozens injured when suicide explosions hit popular eateries in Baidoa town, some 250km southwest of Somali capital Mogadishu The blasts took place late on Saturday after suicide bombers blew themselves up at busy restaurant and hotel in the town, leaving 22 people dead, a policeman said. Hussein Mohamed said 35 other people had been injured, some seriously. The attack was claimed by Al Qaeda linked Al-Shabaab through its website. The group says it has killed 20 people, mostly soldiers. The al-Qaida-linked al-Shabab extremist group, which controlled Baidoa between 2009 and 2012 before being driven out by Ethiopian-backed government forces, still holds parts of southern and central Somalia. The blasts came a day before Somalia marks the first anniversary of the deadliest attack in its history, a truck bombing that killed more than 500 people in Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay gudaha Magaalada Baydhabo oo xarun Kumeel gaarka u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Qaraxa koowaad oo ahaa mid bambo gacmeed ah ayaa waxaa lagu weeraray mid kamid ah hotelada ku yaalla Baydhabo, halka kan kale la lagu weeraray maqaaxi ku taalla gudaha Magaalada,isla markaana waxaa ku dhintay dad u badan Shacab oo ku sugnaa goobaha la weeraray. Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxyadii ka dhacay Baydhabo,waxaana ku dhaawacmay dad ku dhow 30 ruux oo kale ,kuwaasi oo ahaa dad shacab ah oo iska fadhiyay Xarumaha weerarka lagu qaaday. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen inay qaraxyadaasi ay waxyeelo kazoo gaartay dad shacab ah,isla markaana la dhigay goobta caafimaadka ee ku yaalla Magaalada Baydhabo. Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shafiir Xasan Sheekh Aadn oo ka hadlay qaraxyadii shalay ayaa waxa uu tacsi u diray Ehelada dadkii waxyeelada ay kasoo gaartay qaraxyadaasi Waxaa uu Alle Shariif Xasan ugu baryay intii ku dhimatay in uu Alle u naxariisto,kuwa dhaawaca ahna uu Caafimaad deg deg ah siiyo. Qaraxyadii shalay ka dhacay gudaha Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa mas’uuliyadiisa sheegatay Ururka Al Shabaab. Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ah seddex Nin oo isku aabo iyo isku hooyo ah kuwaas oo ku sugnaa meesha uu Qaraxa ka dhacay. 1 – CABDI XASAN CABDI 37 jir ah 2 – XUSEEN XASAN CABDI 35 JIR 3 – ISGOOWE XASAN CABDI 24 JIR AH Caasimada Online Xafiiska Marka Caasimada@live.com
-
Maanta oo kale 14-kii Octobar ee sanadkii hore ee 2017 Waxa Muqdisho ka dhacay mid kamid ahaa qaraxyadii ugu waxyeelada badnaa ee dunida ka dhaca. Wali Dadka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha iyo dibada ayaa dareemaya saameeynta qaraxaasi uu ku yeeshay. Hadda Warbaahinta Puntland Post ayaa halkaan idin kaga soo gudbineyso warbixin la xariirto sanad kadib iyo qaraxaasi oo wali aan ka go’in qalbiyada umadda Soomaaliyeed. Wariyaha Puntland Post ee Muqdisho Xasan Maxamed Samatar Cowke ayaa diyaariyay warbixin arintaasi la xariirta. Hoos ka dhageyso https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Warbixin-Cowke-PP-Qaraxii-14-ka-Octobar-maanta-oo-kale-Muqdisho.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post, Muqdisho The post Warbixin: Dadka Soomaaliyeed oo wali ay ka go’in xusuustii qaraxii Soobe appeared first on Puntland Post.
-
Xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo midawga Yurub ayaa maanta kala saxiixsay €100 milyan (Boqol milyan oo Yuuro) oo midawga Yurub si toos ah ugu taageerayo miisaaniyadda dawladda. Heshiiskaan oo lagu saxiixay munaasabad lagu qabtay xafiiska ra’iisul wasaaraha uuna goob joog ka ahaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu dhigayaa in midawga yurub ay bangiga dhexe ee dalka ku shubaan €100 milyan. Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan iyo agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiiska. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in heshiiskaani uu yahay fursad wayn oo horseedi karta in daynta laga cafiyo dalka iyo in loo gudbo isku filnaansho dhaqaale, waxa uuna u mahad celiyay shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed oo dawladda ku taageeray kasbashada aaminaadda beesha caalamka iyo hay’adaha lacagaha adduunka. “Maanta waa maalin wayn, munaasabaddaan waxa ay ka tarjumaysaa soo laabashada aaminaada u dhexsaysa dawladda iyo dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah, aaminaadda iyo kalsooniada ay shacabka Soomaaliyeed dawladoodda ku qabaan iyo aaminaadda bulshada caalamku ay ku qabto hay’adaha dalwladda”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre. Midawga Yurub oo go’aan ku gaaray in dawladda si toos ah loo taageero sababo la xariira in ay la timid hufnaan iyo dib-u-habayn ballaaran oo dhanka dhaqaalaha ah ayaa dhawaan ansixiyay bixinta €100 mliyan (Boqol Milyan oo Yuuro) taas oo si toos ah loogu shubayo qasnadda dawladda. PUNTLAND POST The post Soomaaliya Iyo Midawga Yurub Oo Kala Saxiixday €100 Milyan Oo Lagu Kabayo Miisaaniyada Dowlada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabadda xasuusta qaran ee musiibadii October 14, 2017, ayaa faray wasaaradda waxbarashada in waxbarasho lacag la’aan ah ay siiso dhammaan caruurtii waalidiintood lagu laalay weerarkaas. Ra’iisul wasaaraha ayaa ka dalbaly guddiyadii ka qayb qaatay gurmadka loo fidiyay dadkii dhibaatadu kasoo gaartay weerarka in ay wasaaradda waxbarashada u gudbiyaan liiska caruurta waalidiintoodii ku waayay weerarkaas argagaxisadu ay fuliyeen. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in kooxda arxanlaawayaasha, diinlaawayaasha ahi aysan oggolayn in naftooda qarxiyaan, sidoo kale caruurtooda aysan u ogolayn in ay is-qarxiyaan hase yeeshee caruurta Soomaaliyeed ay u adeegsadaan fulinta qaraxyada iyo weerarada ay ku daadinayaan dhiigga ummadda Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in diinlaawayaashu aysan ka shaqayn diin ee ay ka shaqaynayaan dullinnimo iyaga oo fulinaya dano shisheeye, taana ay ummadda Soomaaliyeed ku fahamtay, meelna uga soo jeesatay oo mar kale aysan ku qaldi karin fikirka gurracan ee ay ku bannaysanayaan dhiigga ummadda Soomaaliyeed. Dhinaca kale, Xildhibaan hore, Cabdi Barre oo aan la xiriirnay ayaa si aad ah u dhaliilay ballanqaadka Khayrre oo uu ku tilmaamay mid xilligiisii ka dib dhacsan in halagaa sheego un loo yiri: “Sanad ka hor wixii la fulin waayay, maanta fulin maayaan, waa hadal ay dadka ku madadaalinayaan, daryeelkii ay agoonta siin waayeen sanad ka hor, xaaladoodana ay agaan waayeen, waxey maanta u sheegayaan waa halagaa sheego, waana hadal malaggii galay.”
