Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,731
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (Caasimada Online) – At least two government soldiers injured on Wednesday in bomb explosion in the heart of Somali capital Mogadishu. The blast went off at Taleh road in the capital after bomb explosives fitted into car carrying soldiers exploded, a witness said. Mohamed Mohamud, a witness told Caasimada Online that two soldiers on board injured in the bomb blast. He says rescue workers took the victims into hospital. Somali police soldiers arrived at scene of the explosion and started operation, Mohamud said. There was no immediate claim of responsibility for Wednesday’s explosion, but such attacks are often carried out by Al Shabaab group. The group, which once controlled much of Somalia, wants to topple the western-backed government in Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  2. Inkasta oo uu meesha ka baxay maamulkii madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo lagu eedeynayay in uu hurinayo colaadda Soomaalida iyo Oromada ayaa haddane waxaa wali socda rabshadihii u dhaxeeyay labadan qoowmiyadood. Dhacdadii ugu dambeysay waxa ay dhacday 48-dii saac ee ugu dambeysay, waxaana lasoo xaqiijiyay in dad Soomaali ah oo 10 qof ka badan lagu diley deegaanada Baabili iyo Tuli Guuleed kadib markii dad hubeysan oo ka tirsan Oromada ay soo weerareen halkaas. Meydadka dadkii la dilay oo la keenay magaalada Jig Jiga ayaa waxaa ka dhashay dareen shacab oo aad u xoog badan, iyada oo boqolaal qof oo isugu soo baxay isbitaalka hortiisa ay xirteen weer guduudan, islamarkaasna ay diideen in meydadkii la aaso illaa laga soo qabanayo dadkii dilka fuliyay. Dad kala duwan oo Soomaali ah oo aan la xiriirnay waxa ay sheegeen in ciidan hubeysan oo Oromo ah oo abaabulan ay weerar ku hayaan tuulooyinka xudduuda ku yaala ee Soomaalida. Waxaa sidoo kale BBC-da loo xaqiijiyay in magaalada Diridhaba la geeyay dad meyd ah oo Soomaali ah oo dhexda lagu dilay iyaga oo safar ah. Isla Diridhaba waxaa ka dhacay rabshadado dhagaxtuur ah oo dhexmaray Soomaalida iyo Oromada, waxaana kacsan xiisad culus oo labada dhinac u dhaxaysa. Jawaabaha la bixiyay Madaxweynaha ismaamulka Oromada Lema Magarsa oo la hadlay warbaahinta Itoobiya qaarkeed ayaa sheegay in uu ka xunyahay waxa dhacay , wuxuuna ku baaqay in dagaalada la joojiyo. Ninka lagu magacaabo Jowhar Maxamed oo ah nin caan ah oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha Oromada ayaa ka tacsiyeeyay Soomaalida la dilay, wuxuuna sheegay in uu aad uga xunyahay waxa dhacay. Fariin uu kusoo qorey boggiisa Twitter-ka ayuu ku yiri “Waan ka xumahay in dad Soomaali ah la laayay iyada oo uu meesha ka baxay madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo kuwii kale ee dadka isku diri jirey”, wuxuuna intaas ku daray codsi uu u jeediyay Soomaalida oo ah in aysan aarsanin. Taliyaha booliiska Itoobiya Seynu Jamaal oo isna la hadlay laanta Afka Amxaariga ee BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ay xireen illaa 50 oo Oromo ah, kuwaas oo looga shakisanyahay in ay rabshadaha qeyb ka yihiin, wuxuuna intaas ku daray in ay ku raadjoogaan kuwa kale. Balse madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Cumar ayaanan weli ka hadlin rabshadaha soo cusboonaaday, taas badalkeedana waxa uu shalay booqday kaniisad ku taala Jig Jiga oo ay ku jiraan dad ku barokacay rabshadihii ka dhacay magaalada Jig Jiga. Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo uu meesha ka baxeen maamulo lagu eedeyn jiray in ay iyagu sababo siyaasadeed u abaabuli jireen collaada labada qowmiyadood, ayaanan hadda la ogeyn waxa rasmiga ah ee baasiinka kusii shubaya rabshadaha labada dhinac. ISHA BBC
  3. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay heshiis ay la gashay Jabhadda xorraynta Ogaadenia ee loosoo gaabiyo ONLF, taasoo in ka badan Tobban sano dagaalo uu ku daatay dhiig fara badan ka waday dhulka Soomaali Gabeed. Fitsum Arega, oo ah Agaasimaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa sheegay in heshiiskaan ay la gaareen ONLF ay qayb ka yihiin Jabhado kale, kuwaasoo wadankaan Geeska Afrika ku yaala ka waday kacdoon dhiig badan oo ku daartay. Qodobada Heshiiska waxaa kamid ah; Hubka-dhigis, kala diris dagaalyanada ONLF iyo in dhaqan-celin loo sameeyo, kadibna lagu biiriyo Ciidamada dowladda. Hub ka dhigis iyo dib usoo dhex-gelidda shacabka ayuu sheegay Madaxa Shaqaalaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya inuu ku qotomay heshiiska, isaga oo carabka ku dhuftay in la sameeyay Xafiis, kaasoo ka shaqaynaya dar-dargelinta heshiiskaan. Wasiirka Ciyaaraha ee dowladda Itoobiya, Tesfaye Yegezu ayuu sheegay Fitsum Arega inuu hogaamin doono mashruuca Hub ka dhigista loogu samaynayo Jabhadda, isagoo daboolka ka qaaday inuu si toos ah u hoos tegi doono xafiiska Abiy Axmed. Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa wuxuu ku waramayaa in Jabhadda heshiiska ay la gaartay dowladda ay kala yihiin; ONLF, OLF oo ah udagaalamaysa xorraynta Oromadda iyo Patriotic Ginbot 7 [PG7] oo ah urur mucaarad ah oo hubeysan. Saddexdaan kooxood ayaa weeraro culus ka fulin jiray gudaha dalka Itoobiya, laakiin markii uu Abiy Axmed la wareegay xafiiskii bishii April ee sanadkaan ayuu siyaabo kala duwan kulamo gaar-gaar ah ula yeeshay, taasoo soo dadajisay heshiiskaan. Isha: Garowe Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Cabdalla Cabdalle Maxamed oo horey u ahaan jiray taliye ku xigeenka hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA, xilkaasi oo dhowaan laga joojiyey markii dambena laga qaadaym ayaa ka hadlay arrimon badan oo hay’adda ka dhex jira. Jeneraal Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa VOA u sheegay in illaa iyo haatan aanay u sheegin mas’uuliyiinta dawladda iyo kuwa hay’adda sababta shaqada looga qaaday. Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in hay’adda NISA ay ku dhex milmeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, taasna ay sabab u noqotay in kooxdan Shabaab ay hesho xog badan oo ku saabsan hay’adda iyo dhaqdhaqaaqyada ay waddo. Wuxuu intaas ku daray in Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda laga wareejiyey hadafkii loo abuuray oo loo adeegsaday caburinta siyaasiyiinta iyo dano gaara, isagoo madaxda dowladda ku eedeeyay inay burburin ku wadaan hay’adda, iyadoo ciidamadii hubeysnaa ee NISA si habqan ah loogu wareejiyay ciidamada kale, sida uu yiri . Waa markii ugu horeysay ee mas’uul sare oo NISA ka tirsan oo qirta in Alshabaab ay gacan ku yeesheen hay’adda sirdoonka dowladda, waxayna arrintan soo baxeysaa iyadoo guddoomiye ku xigeenka NISA loo magacaabay Fahad Yaasiin. Hoos ka dhageyso wareysigiisa
  5. Axmed Barre, duqa cusub ee Garowe Maanta oo ay taariikhdu tahay 29 August 2018 waxaa duqa caasimada Puntland ee Garowe loo doortay Axmed Siciid Muuse oo loo yaqaan (Axmed Barre), kadib markii uu helay saddex meelood labo meel codadkii golaha deegaanka degmada. Hadabada PUNTLAND POST waxa ay soo bandhigeysaa waxa uu yahay Axmed Barre iyo ballan-qaadyadii uu sameeyay xiligii uu ahaa musharaxa duqa Garowe. Waa kuma Axmed Barre? Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) waxa uu 1968 ku dhashay magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal, 1972 ayaa loo kaxeeyay magaalada Muqdisho oo ku qaatay waxbarashadii asaasiga iyo tan heerka kowaad ee jaamacadda. 1991 markii dowladdii dhexe ee Soomaaliya buburtay Axmed Barre wuxuu dib ugu soo laabtay Puntland gaar ahaan magaalada Gorawe. Waxbarashada 1972-1986 waxa uu waxbarashada hoose, dhexe iyo sare ku qaatay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. 1987-1991 waxa uu heerka kowaad ee jaamacadda ka qaatay maareynta iyo ganacsiga jamamacadii ummada ee Muqdsho. 2009-2010 waxa uu aqoon kororsi dhinaca English-ka ah ka qaatay mac-hadka Kasturi ee ku yaalla magaalo madaxda dalka Malaysia ee Kuala Lumpur. 2011-2013 waxaa uu shahaadada heerka labaad ee jaamacadda ka qaatay jaamacadda caalamiga ah ee Kampala, isagoo bartay maamulka dowlaiga ha. Xirfadiisa shaqo Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) waxa uu leeyahay waayo aragnimo shaqo oo dhinaca gacansiga iyo siyaasada ah. 1998 waxa uu kamid ahaa asaasayaashii shirkadda korantada Garowe ee NECSOM. 1999 waxa uu kamid ahaa asaasayaashii shirkadda biyaha iyo barafka AL-naciim oo xarunteeda ugu weyni ku taallo magaalada Garowe. 1999 -2005 waxa uu ahaa maamulihii guud ee bangigii iyo xawaaladii Dalsan xarunteedii Boosaaso. 2005-2014 waxa uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland, dowladihii Cade Muuse iyo Cabdiraxmaan faroole. 2016 ilaa iyo maanta oo loo doortay duqa caasimda Puntland Axmed Barre waxa uu ahaa maamulihii bangiga Iftin qeybtiisa Garowe. Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) waxa uu degan yahay walina ku sugan yahay dalka gudihiisa gaar ahaan magaalada Garowe. Ballan-qaadkii Axmed Barre Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) waxa uu ballan-qaaday markii uu sharaxnaa dhowr qadob oo u baahan in wax laga qabto, waxaana kamid ahaa Adkeynta nabadgelyada oo uu ka dhigay qorshihiisa kowaad. Badbaadada (safety), xeer u sameynta kaalimaha shidaalka magaalada si looga hortago dhibbaatooyinka dhasha gubashada iyo howl-galinta waaxda dabdemiska dowladda hoose. Ilaalinta faya-dhowrka. Xakameynta dhulka oo ah dhibaatada ugu badan ee keena khilaafka dhiigu ku daato. Bilicda iyo dhireynta magaalada. Hagaajinta iyo daryeel goobaha guud. iyo arrimo kale. Hadaba duqa cusub ee Garowe Axmed Barre waxa shacabku ka sugayaa ballan-qaadyadii uu sameeyay xiligii uu ahaa musharaxa. PUNTLAND POST The post Ballan-qaadkii duqa cusub ee Garowe iyo waxa uu yahay appeared first on Puntland Post.
  6. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Shiinaha oo ay kaga qayb galayaan Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC). Madaxweyne Farmaajo ayaa furitaanka Madasha ka hor waxa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalka Shiinaha Mudane Xi Jinping. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona dardar-gelinta xiriirka taariikhiga ah ee Shiinaha iyo Soomaaliya, kaas oo ku saleysan iskaashi iyo wax wada qabsi, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, diblumaasiyadda iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ka qayb galka DFS ee shirkan uu muhiimad u leeyahay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira dalkeenna. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay kala arrinsan doontaa Shiinaha sidii ay qayb muhiim ah uga qaadan lahayd maalgashiga dalka iyo soo celinta kaalinta soo jireenka ah ee ay ku lahaayeen dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha.” Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Shiinaha waxa ay wadatashi iyo wadahadallo la qaadanayaan dhiggooda ka socda dalalka ka soo qayb galaya Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo u Amba baxay Dalka Shiinaha appeared first on Puntland Post.
  7. MOGADISHU (Caasimada Online) – US military says it carried out drone strike against Al Qaeda linked Al Shabaab group in Somalia, killing 3 militants. The air strike occurred approximately 40km southwest of Somali capital Mogadishu, U.S. Africa Command said in a statement. US conducted on August 27 an air strike in coordination with Somalia’s army forces. US military assesses that no civilians were killed in the airstrike against Al Qaeda linked Al Shabaab group. The Trump administration approved expanded military operations against extremists in Somalia, including al-Shabaab, which is linked to al-Qaeda The U.S. has carried out 20 such strikes this year against the Somalia-based al-Shabab. The al-Qaida-linked group is the deadliest Islamic extremist organization in sub-Saharan Africa and it often targets Somalia’s capital, Mogadishu However, Al-Shabaab fights to topple Somalia’s western-backed central government and impose its a rule based on its own strict interpretation of Islam’s Sharia law. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in DFS ay dhibaatooyin kala duwan u mareyso sida ay kusoo saari laheyd lacagta cusub ee lagu bedeli lahaa tan duuga ah. Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia oo kasoo kabaneysa dhibaatooyinka burburka aysan ku filnaan doonin bixinta dhamaan kharajka lagu sameynaayo lacagta cusub. Mar uu kulan la qaatay xubno aad u daneeya arrimaha Somalia ayuu sheegay in DFS ay dhibaatooyin culeyskooda wata ay u mareyso lacagta cusub. Waxa uu sheegay in lacag ku dhaw $42 Milyan ay ku baxeyso sameynta lacagtaas, isla markaana ay Beesha Caalamka ka doonayaan in ay ka gacan siiyaan fududeynta qarashka intaa la eg. “Dowladu waxa ay ka baxeysaa dhibaatooyin sanado badan ka jiray dalka lacagta cusub waa inoo muhiim, hadana waxaan jirin dhaqaale ku filan oo lagu sameyn karo waa inaan helnaa garab muuqda” Sidoo kale, Kheyre ayaa tilmaamay in soo saarida lacagaha cusub ay ku xiran tahay kaliya lacagaha loogu deeqayo si ay ugu dhaqaaqaan Sameynta ama Daabacaadda Lacagta Cusub. Dhinaca kale, Kheyre ayaa cod dheer ku sheegay in DFS ay ka go’an tahay sameynta iyo howlgalinta lacagta cusub, hase yeeshee ay weli dhex dabaalaneyso duruufo adag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Addis Ababa (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xariga Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha ka tirsanaa maamulkii uu Hogaaminaayay madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo ku jira xabsi ku yaala dalka Ethiopia. Dowlada Ethiopia ayaa sheegtay in xariga Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha ciidamada DDSI uu yahay mid loo maray wado sharci ah. Zeyinu Jemal, oo ah Taliyaha ciidamada Booliska Ethiopia oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in hadda ay xiranyihiin 6 xubnood oo ka mid ah kuwa ugu sareeyay maamulkii hore. Taliyaha Booliska dalka Ethiopia ayaa sheegay in mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha xiran ay yihiin kuwo galay danbi heer Qaran isla markaana ay mari doonaan sharciga. Waxa uu Taliyaha sheegay inay jiraan Mas’uuliyiin iyo Saraakiil kale oo lagu hayo baaritaan ku aadan kiisas loo heysto. Waxaa uu Taliye Zeyinu Jemal, sheegay in Booliska ay baaritaan ku wadaan madaxda dhalinyaro uu sameeyay Cabdi Maxamuud Cumar, kuwaas oo ay Booliska ku eedeynayaan in ay ka dambeeyeen rabshadihii ka dhacay Jigjiga. Sidoo kale, Taliyuhu waxa uu xusay in uu baaritaan ku socdo madaxda Ururka dhallinyarada ee la baxay Heego, kuwaas oo uu Cabdi Maxamuud Cumar abaabulay inta aysan rabshadaha billaaban. Geesta kale, Taliyaha ayaa cod dheer ku sheegay in wixii kasoo baxaa baaritaanka socda ay dib ula wadaagi doonaan madaxda maamulka DDSI. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  10. Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Shiekh Aadan wuxuu geed walba u fuulaya sidii uu ugu soo laaban lahaa xukunka maamulka Koofur Galbeed isagoo hardan badan kala kulmaya qaar ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda koofur Galbeed. Shariif Xasan hadda waa siyaasiga ugu mugga weyn xubnaha kasoo jeeda Baay iyo Bakool, laakiin hadana sidaas oo ay tahay ma heysto taageerada shacabka deegaanka. Bisha November ee sanadkaan Koofur Galbeed waxaa ka dhici doona doorashooyinkii madaxtinimo ee maamulkaas, Shariif Xasan wuxuu ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan inuu mar kale hogaamiyo Koofur Galbeed, hadaba waxaa soo bandhigeynaa saddex waxyaabood oo shariif xassan ka dhigeysa dadka ugu cad-cad doorashooyinka soo aadan. 1. Ciidamada Itoobiya: Baydhabo waxaa ku sugan ciidamo ka socda dowladda Itoobiya, waxey maamulaan Madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha, waxaa loo arkaa iney yahiin cudud xooggan oo halkaas joogta waxeyna saaxiib dhaw la yahiin madaxweyne Shariif Xasan, in laga adkaado waxaa ka horreysa in Itoobiya ay u baahan tahay inuu isbadal ka dhaco Koofur Galbeed, waxaana loo badinayaa iney rabaan inuu Shariif Xasan sii joogo. 2. Dhaqaalaha: Shariif Xasan waxaa lagu tilmaamaaa siyaasiga ugu dhaqaalaha iyo saaxiibada badan Koofur Galeed, hadii ay noqoto in codadka la iibsado Shariif Xasan waa qofka ugu badan ee awooda inuu lacag bixiyo. 3. Guddiga Doorashooyinka: Shariif Xasan wuxuu magacaabay guddiga doorashooyinka Koofur Galbeed kuwaas oo loo arko iney yahiin kuwo khaas u ah madaxweynaha, waxeyna u badan tahay iney u shaqeeyaan sida uu isaga rabo. Siyaasiyiinta kale ee Koofur Galbeed waa masuugsan yahiin guddigaan, waxaana loo badinayaa iney guddigaan ka shaqeyn doonaan sidii uu Shariif Xasan kusoo laaban lahaa. Sadexdaan qodob oo aan la iska indho-tiri Karin waxey Shariif u sahli karaan inuu kusoo laabto xukunka. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
  11. Golaha cusub ee degaanka degmada Garoowe oo shalay la dhaariyay ayaa maanta doortay duqa caasimadda iyo ku xigeenkiisa. Doorashada duqa caasimadda Garoowe ayaa waxa ku tartamay laba musharrax oo kala ah; Axmed Abshir Jaamac(Bakuuke) iyo Axmed Siciid Muuse(Barre),waxaana ku guulaystay Axmed Barre oo helay 18-cod,halka musharraxa labaad ee Axmed Bakuuke helay 9-cod. Sidoo kale ku xigeenka duqa Garoowe ayaa waxaa ku tartamay,Cismaan Maxamuud Siciid oo helay 10-cod iyo Maxamed Cali Maxamed( Xamari) oo ku guulaystay 17-cod,sidaasna ku qoqday ku xigeenka duqa caasimadda Garoowe. Musharrixiinta laga guulaystay ayaa u hambalyeeyay duqa cusub ee caasimadda Garoowe iyo ku xigeenkiisa,waxaana ay ballan-qaadeen in ay si fiican ula shaqeyn doonaan,maadaama weli ay kamid yihiin xildhibaannada Golaha degaanka Garoowe. Dhinaca kale labada mas’uul ee ku guulaystay duqa iyo ku xigeenkiisa ayaa ballan-qaaday in ay wax badan ka qabanayan horumarinta caasimadda Garoowe,gaar ahaanna arrimaha amniga,khilaafka dhulka,iyo arrimaha bulshada. Xildhibaannada Golaha degaanka Garoowe ee duqa iyo ku xigeenkiisa doortay ayaa ka kooban 27 xubnood oo ay ku jiraan labada mas’uul ee la doortay. Halkaan ka daawo sida doorashadu u dhacday. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Sidee u dhacday doorashadii duqa Garoowe? appeared first on Puntland Post.
  12. U.S. forces conducted an airstrike in Somalia on August 27, killing three militants associated with the al-Qaeda affiliate al-Shabaab, U.S. Africa Command said. Source: Hiiraan Online
  13. Addis Ababa (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dhanka maamulka DDSI ayaa sheegaya in Maxkamad lasoo taagayo Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Cumar oo iminka xiran. Cabdi Cumar ayaa la sheegay in maxkamada ay ku wehlin doonaan xubno ka tirsanaa maamulkiisa taa oo maanta ka bilaabatay Ethiopia. Madaxdu ma aysan sheegin nooca Maxkamadda la soo taagay Cabdi Cumar iyo xubnaha kale ee ka soo muuqday maxkamadda kuwaas oo todobaadkan la xiray. Kiiska Maxkamada ee loo heystay Raggan ayaa ah in ay dambi ka dhan ah xuquuqda aadanaha galeen intii ay maamulayeen dowlad degaanka. Warbaahinta Dowladda Itoobiya ma sheegin xukun ama hadal kama dambeys ah oo ka soo baxay Maxkamadeynta maanta, balse waxaa loo badinayaa in Maxkamada maanta ay tahay mid bilow ah. Xubnaha kale ee maanta Maxkamadda ka soo muuqday waxaa ka mid ah: 1-Abdijemal Kelonbi- Wasiirkii Caddaaladda. 2-Rahma Mohammed – Wasiiraddii hore ee Haweenka iyo Carruurta. 3-Ibrahim Mehd- Wasiirkii hore ee Waxbarashada. 4-Dek Abdulahi –Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda Biyaha. 5-Ibrahim Mohammed Mubarek – Guddoomiyihii Jigjiga. 6-Omer Abdi – Madixii Siyaasadda ee Xisbiga Dowlad degaanka Soomaalida. Geesta kale, Maxkamada maanta lasoo taagay Cabdi Cumar iyo Xubnihiisa ayaa lagu wadaa inay kasoo baxdo xukun ku dhaca mas’uuliyiinta xiran. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  14. Marka[Puntland Post]-Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxa Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose la geeyey Ciidamo yar oo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya,kuwaas oo ka qeyb qaadan doona howlaha sugida Amniga. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegeen in ciidamadan hordhac u yihiin Ciidamo kale oo boolis ah kuwaas oo dhawaan Magalada Marka lageyn doono. Qeybo ka mid ah Magalada Marka waxaa sidoo kale ku sugan ciidamo ka tirsan kuwa guutada 14-ka October oo dhawaan degmadaas Al-Shabaab kala wareegay,kadib weerar ay ku qaadeen,waxana hoggaaminayey Abaanduulihii hore ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood. Magalada Marka oo ah Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa dhowr mar ka dhacay dagaalo wajiyo kala duwan leh sida,dagaal beeleedyo soo lab laabtay iyo mid dhexmaray Al-Shabaab iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Ciidamo La Wareegay Amaanka Magalada Marka appeared first on Puntland Post.
  15. Maxkamadda Sare ee dalka Itoobiya ayaa waxaa la horkeenay Cabdi Maxamuud Cumar, madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo afar mas’uul kale oo maamulkiisa horey uga mid ahaan jiray. Sida ay tabinayso warbaahinta dowladda Itoobiya, Cabdi iyo dadka kale oo ay haweenay ku jirto ayaa loo heystaa dambiyo la xiriira ku xad gudubka xuquuqda aadanaha iyo kicin rabshado qoowmiyado ka dhaxeeya. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa laga xirey guri ku yiilay magaalada Addis Ababa 27-dii bisha, kadib markii maalin ka hor baarlamaanka deegaanka uu xasaanaddii ka qaaday isaga iyo 6 mas’uul oo kale. Lama oga in Cabdi qareen loo ogolaaday iyo in kale, balse waxa ay u muuqataa in la mariyay nidaamkii madaniga ahaa ee habraaca garsoorka, taas oo ah in dacwadda marka hore furo xeer illaaliyaha, booliiska xiraan, kadibna maxkamad ka geeyo 24 saac gudahood. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Cabdi Maxamuud Cumar oo maanta Maxkamad la soo taagay appeared first on Puntland Post.
  16. NAIROBI (Caasimada Online) – Roadside bomb explosion targeting an armored vehicle has killed at least 5 Kenyan soldiers near border town along Somalia. Ten other soldiers were injured after an armored vehicle hit a landmine on a road in a village of Kiunga in the coastal town of Lamu. Kenyan military says the explosion targeted its soldiers operating in Lamu, while on a humanitarian civil assignment in the town. “The soldiers were on mission to fetch and distribute water to the residents in the town when explosion went off”, militray statement said. The Kenyan army has for years been present in the area in a bid to disrupt attacks by al-Qaeda linked jihadists from the Shabaab group which is fighting to overthrow the internationally-backed government in Mogadishu. No group says it carried out for Wednesday’s bomb explosion in Kenya’s northeast town of Lamu. Kenyan security officers are regularly killed by roadside bombs planted by the militants in the border areas, most recently earlier this month when five soldiers died in a roadside IED bombing claimed by al-Shabaab. Caasimada Online Nairobi News Desk Caasimada@live.com
  17. Five Kenyan soldiers were killed and 10 injured Wednesday when their vehicle hit a landmine on a road in a coastal area close to the Somali border. Source: Hiiraan Online
  18. A Myanmar government spokesman on Wednesday rejected a report by United Nations investigators that called for top generals to be prosecuted for genocide, saying the international community was making "false allegations". Source: Hiiraan Online
  19. Axmed Barre, duqa cusub ee Garowe Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa ku guuleystay doorashadii duqa caasimada Garowe. Axmed Barre ayaa helay 18 cod, waxaana la tartamayay musharax Axmed Abshir Jaamac (Bakuuke) oo helay 9 cod, waxayna doorashadu ku dhacday cod qaarsoodi. Sidoo kale ku xigeenka duqa caasimada Garowe waxaa ku guuleystay Maxamed Cali Xamari oo helay 17 cod, halka masharaxii la tartamayay oo ahaa Cismaan Maxamuud Siciid uu helay 10 cod. Faahfaahinta doorashada duqa Garowe iyo ku xigeenkiisa goor-dhow ayaan soo daabiici doonaa. PUNTLAND POST The post Axmed Barre oo ku guuleystay duqa Garowe appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Garoonka Muqdisho iyo ka bixitaanka Amisom ee halkaas. Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu CC Shakuur isku dayey inuu wax kama jiraan kasoo qaado bixitaanka Amisom ee garoonka inay ahmiyad leedahay, isaga oo taa beddeleeda dareenka dadka u weecinaya dagaalka dowladda ay kula jirto Al-Shabaab. Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, ayaa sheegaya in waqtigan ay ahayd in Al-Shabaab laga sarao dalka, balse aysan ahayn in loo dabaal dego in Amisom laga xoreeyey garoonka kubadda cagta Stadium Muqdisho. Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Madaxweynaha maalmo ka dib markii uu xilka la wareegay wuxuu isagoo la shiraya saraakiisha sar sare ee AMISOM u sheegay in 2 sano gudahood dalka Alshabaab looga xorayn doono. Labadii sano bilo yar ayaa ka harsan, waxaase maanta loo dabaal degayaa in AMISOM Istaadiyow Muqdisho laga xoreeyey” Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah ah mucaaradka uga weyn ee dowladda, ayaa caadiyan meel un dhaliilo uga raadiya xitaa haddii dowladdu ay qaado tallaabo dadka shacabka ay ku farxaan una arkaan guul, sida midda in Amisom ka baxday garoonka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Maxamed oo kamid ah golaha wakiillada Somaliland ayaa sheegay in calanka Somaliland oo laga taagay qasriga Boqortooyada Sacuudiga ay uga dhigan tahay Somaliland arrin guul ah. Wuxuu carrabaabay xildhibaanku in Wadamada Khaliijka oo ay u horreeyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ku guda jiraan qorsheyaal ay ku aqoonsanayaan Somaliland, isagoo tilmaamay in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka oo xunna ay ka faa’iideysanayaan. “Arrintaas waxay inooga dhigan tahay Ictiraaf, waana heli doonnaa, waxaan leenahay walaalahayo Soomaaliyana ha tuso in aynu nahay laba dal oo walaalo ah” ayuu yiri xildhibaanka. Dhanka kale, xildhibaan Axmed Maxamed oo kamid ah baarlamaanka Somaliland oo sheegay in dhowaan ay sugayaan aqoonsiga guud, wuxuuna ka dhawaajiyay qorshe ay wadaan wadamada Khaliijka. “Waxaa jira qorsheyaal ay wadaan Sacuudiga, Imaaraadka Iyo Cumaan oo ku aaddan in Somaliland ay tahay dal madaxbannaan ay dhowaan ku dhawaaqaan” ayuu yiri xildhibaanka Somaliland ka tirsan. Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo bilihii la soo dhaafay xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya xukuumadaha Muqdisho iyo Abu Dubai uu gaaray meeshii u hooseysay. Dhanka kale, Dalka Sucuudiga oo xiligaan lagu gudo jiro gudashadii Xajka ayaa boqor Salman waxaa uu qaabilaad ugu sameeyey qasriga booqrtooyada dalkaas Madaxdii wadamada Islaamka ah ee kasoo qayb galay gudashada Xajka. Shir ka dhacay boqortooyada Sacuudi Careebiya oo laga soo baahiyay talefishinka afka dowladdaasi ku hadla ayaa waxaa ka soo muuqday calankii Somaliland oo ka babanaya gudaha qasriga boqortooyada. Boqor Salmaanka Sacuudiga ayaa qaabilay madaxdii ka socotay caalamul Islaam waxaana kamid ah oo muuqaalka ka soo muuqday madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Seylici. Xukuumadda Riyadh oo madax u ah isbahaysiga Carbeed ee Khaliijka oo sanadkii la soo dhaafay xiriirka diblumaasiyadeed u jaray dalka Qatar ayaa waxay muddo ka shaqeynaysay sidii dowladda federaalka Soomaaliya ay uga gadi lahayd siyaasadda ah in xiriirka ay u jarto Qatar. Somaliland ayaa la xasuustaa in khilaafkaasi khaliijka markii uu soo shaac baxay in aragti wadaag la noqotay isbahaysigani Sacuudigu hoggaamiyo. Dowladahani Khaliijka ee uu hurmuudka u yahay dalka Sucuudiga ayaan marna ku qanacsaneyn mowqifka madaxda dowlada Federaalka ee ku aadan xiriira ay la leeyihiin xukuumadda Dooxa, iyagoo aamnisan in go’aankooda dhexdhexaadnimida ah uusan aheyn mid daacad ka ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  22. Jigjiga (Caasimada Online)-Madaxweynaha DDSI Mustafe Cagjar ayaa markii ugu horeysay u digay Siyaasiyiinta iyo ciidamada kasoo jeeda dhulka Soomaalida ee xilalka ka haya maamulkiisa. Mustafe Cagjar, waxa uu sheegay inuu u digaayo dhinacyadaasi waxa uuna tilmaamay in saldhig ay u noqon doonaan la xisaabtan. Mustafe Cagjar, waxa uu sheegay in cidii lagu helaa waxyaabo khalad ku ah nidaamka uu mari doono ciqaab, waxa uuna ka digay in la baalmaro sharciga maamulka. Waxa uu madaxweynaha carab ***** inuu la socdo in dhibta ka dhacday deegaanka ay sabab u ahaayen Siyaasiyiin ka cabsi qabay in loo qabsado dambi ay galeen, hase yeeshee ay jiri doonto la xisaabtan. Waxa uu sheegay in xiligaan uu si gaara ugu digayo Siyaasiyiinta, Saraakiisha iyo dhammaan ciidamada Liyuu boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, waxa uuna uga digay inay isku dayaan in loo adeegsado dhibaatooyin. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in looga baahan yahay inay ka feejignaadan,isla markaana amarada ka soo baxa maamulka deegaanka kaliya ay qaataan. Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dad wada boro bagaandada ee ku sugan gudaha deegaanka ay xili hore uga sii digayaan inay ka waantooban dhaqanadooda. Dhinaca kale, shacabka DDSI ayuu ugu baaqay inay la Shaqeeyaan maamulka,isla markaana aysan dhageysan dadka waxyaabaha been abuurka ah u sheegaya. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Afeef; Qormadaan ulama jeedo reer iyo deegaan gaar ah, lkn waxaan rabaa in aan idinla wadaago dhaqan xun oo ragaadiyey 50 sano Qaran-keena iyo mustaqbalka Somaaliya, welina aan wax laga baran. Kali-taliye, Diktator, Qab-Qable, Dagaal-ooge, Hogaamiye-kooxeed iwm, waa magacyo aan baranay 50 kii sano ee lasoo dhaafay lkn lagu qurxiyo mar kasta; Madaxweyne, Hogaamiye, Gudoomiye, Mujaahid, Amiir iwm. Waxaan tusaale kooban u qaadanayaa Markhaati aan ka aruuriyey dadkii ugu dhawaa Tol ahaan Madaxdii Militeriga, Jabhadaha iyo Gobalada ee nasoo maray 50 kii sano ee ugu danbeysay وشهد شاهد من أهلها)؛) 1-Shalay waxaan dhageystay xubin ka tirsan Xizbiga Shacbiga Soamli-galbeed ee uu hogaaminayey Cabdi Ilay isaga oo leh; “Tacadiyadii ugu ba’naa ee laga galo bani’aadam ayaa ka dhacay Jigjiga oo uu geestay maamulkii hore”, Odayaal reer Jigjiga ah ayaa ii sheegay “In Amxaaro aysan u geesan dhibaatadii ay kala kulmeen Cabdi Ilay iyo Tegree oo dhinac ah iyo Jabhada ONLF garabka hubaysan oo dhinac kale ah” waxa Tacadiyada ugu daran ku dhaceen Tolka Cabdi Ilay. 2.Waxaan dhageystay Video uu duubay nin reer Somaliland ah “Xasuuqii ay Jabhadii SNM u gaystay Somaliland mid la mid ah kama dhicin Somaaliya oo dhan” nin reer Hargeysa ah ayaa isna ii sheegay in Hargeysa kaliya ay SNM ku dishay kana qaxisay in ka badan 50 kun qof sanadkii 1994 kaliya. 3-Waxaan wareystay qaar ka mid ah Madaxdii asaastay Jabhadii USC oo yiri “waxaan ka dhiidhinay dulmi iyo tacadi loo geestay Tolkeen lkn waxaan gelinay una geysanay dhib iyo tacadi ka badan toban jibaar kii aan ka xorreynay”. 4-Waxaan waydiiyay qaar ka mid ah xubnihii SSDF maxaa laga faa’iiday halgankii dheeraa? Waxa ay ku jawaabeen “Nama soo marin dhibaato iyo dib u dhac ka daran xilligii SSDF Tol ahaan iyo Deegaan ahaan”. 5-Waxaan waraystay qaar ka mid ah Tolkii Madaxweyne M. Siyad Barre, maxaad kala harteen? Waxa ay ku jawaabeen “Eed, Qax, Qaxooti iyo Gobalkeynii oo ugu liita nolosha Gobalada kale”. Hadaba waxaa iswaydiin mudan: 1-Hadii Tolku uusan ka qaba karin wiilkooda ama wiilashooda dulmiga iyo xad-gudubka ku dhacaya iyaga iyo dadka kale! Maxay u diidayaan in ay doortaan Wiil kale oo Cadaalad ku xukuma?. 2-Haddii Kali-taliyuhu Eeda iyo Dulmiga uu galo uga tegayo Magaca Tolkiis! Maxaa diidaya in laga beri noqdo? 3-Haddii Kali-taliyuhu u fasiro dhibaatada iyo xad-gudubka uu ku hayo Reeraha iyo Gobalada kale Difaaca Kursiga iyo Xuduuda Tolka iyo Iska caabinta Cadawga Tolka iwm, dhibka uu Tolka u geestana ku fasiro; Dagaal sokeeye, Isku-dhac Walaalo iwm, sow dhibka sokeeye kama xanuun badna kan shisheeye?. 4-Dhaqanka Kali-taliye ma jecla in Tolku la qeybsado Talada, Awooda xukunka Iyo Hantida isaga oo ka baqaya in ay la sinmaan ama ay Awood yeeshaan! Tolku maxay u jecelyihiin in uu sii joogo ama mid kale oo Tolka ah lagu bedelo?. 5-Haddii aanan arag 50 sano kali-taliye Ammaan iyo Horumar u keenay Tolkiis magaca uu rabo ha watee! Lkn aan hayno Kali-taliye uga tegay Tolkiis; Magac xumo, Ihaano, Dhimasho, Dhaawac iyo Naafo, Qax iyo Barakac, Facaa ka har iyo Dib u dhac iwm! Diyaar ma u nahay in aan doorano Qof aan tol aheen oo Cadaalad nagu Hogaamiya lalana Xisaabtamo?. 6-Haddii Magacyadii Jabhadaha, Maamul-gobaleedyada, 4.5 yada, Dawlad-deegaanada, Kalitalis-Toleedka iwm lagu hongoobay, laguna Khaaray 50 sano ma wada baadi goobnaa hal-Magac, hal-Calan, hal-Hogaamiye Tolka uu rabo ha noqdee? Hadaba waaya aragnimada iyo aqoonta Somaalida 50 sano kadib waxaan rajaynayaa in laga gudbo “Faqi Tolkii kama Janno tago” “Tolkaa iyo Kabtaa dhexda ayaa looga jiraa” loona gudbo yaa na gaarsii kara: Dawladnimo, Xorriyad buuxda, Karaamo, Cadaalad iyo Sharaf. Korna u qaadi kara Magaca Somaaliyeed oo wada harsado. W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacan) Afeef: Qormadaani waxa ay gaar u tahay qoraaga ku saxiixan, kama turjumeysa qoraalka shabakada Caasimada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Jowhar (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Hir-Shabelle ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka Maxamed Cabdi Waare oo sameynaayo isku shaandheyn. Xildhibaanada aan xogtani ka xiganay ayaa sheegaya in Hogaamiye Waare uu sameyn doono Isku shaandheyn degdeg ah si uu uga hortago Mooshinka laga wado. Waxa ay tilmaameen in Isku shaandheynta uu wado Waare ay tahay mid uu isaga badbaadinayo Mooshin heerkiisa sareeyo oo ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Isku shaandheynta ayaa la sheegay inay tahay mid uu ku kala diraayo Xildhibaanada wada Mooshinkiisa oo horay uu uga baxay ballamo uu ka qaaday. Seddex meelood laba meel iyo bar ayey Xildhibaanada sheegen in Waare uu Golaha Wasiirada u magacaabi doono Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo qeyb ka ah Mooshinka socda. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa socday olole ka dhan ah oo ay wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle,kuwaas oo dhaliilsan Madaxweyne Waare qaarkoodna ay sheegayeen inay mooshin xilka qaadis ah ay ka geynayaan. Si kastaba ha ahaatee, culeyska Siyaasadeed ee saaran Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu wadaa inuu isaga yareeyo isku shaandheynta oo la xaqiijiyay inay dhaceyso maalmaha fooda nagu soo haya, waxaana lasoo warinayaa inay ka dhexmuuqdan Xildhibaano badan. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  25. Four years after announcing its cross-border "caliphate" in Iraq and Syria, a stinging string of defeats has pushed the Islamic State jihadist group to reorganise and change strategy to survive. Source: Hiiraan Online