-
Content Count
214,751 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa eedeyn u jeediyay wasiirradii ka horreeyay wasiiraddii u soo magacaabay oo sheegay inay burburin ku haayeen Wasaaraddaha kala duwan ee dowladda. Wuxuu sheegay in asaga ka hor in wasiir kasta uu keensan jiray qabiilkiisa, taasina ay tahay mid halis ku ah jiraanta wasaaradaha iyo shaqooyinka caadiga ah ee ka socda. Sidoo kale, Wasiiradda ayuu sheegay inuu ku amray in aysan shaqaaleysiin karin cid uusan ogeyn, maadaama dhibaatooyin badan ay ka jiraan dalka, kuwaasoo uu sheegay inay dagaal kula jiraan. Khayre ayaa Wasiiraddii ugu wanaagsanaa ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo si aan loo fahmin midba midka kale Qabiilkiisa uu ku beddeli jiray si ay shaqo u siiyaan dadka ay isku heybta yihiin. Dhanka kale, Dowladda Federaalka Somalia ayuu sheegay inay joojisay hab-dhaqankaasoo ahaa mid si weyn u ragaadiyay Dowladnimada Somalia, ayna la dagaalantay musuq-maasuqa. Ugu dambeyn, Inkastoo Madaxda Dowladda Somalia ay sheegayaan inay la dagaalamayaan musuqmaasuqa, ayaa haddana waxaa jira warar fara badan oo sheegaya in xildhibaanno la siiyay lacago aanay mushaar ahaan u lahayn. DHAGEYSO: Codka Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/DHAGEYSO_Dhaliisha_Khayre.mp3 PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha DF oo si adag u dhaliilay Wasiirradii ka Horreeyay Xukuumaddiisa appeared first on Puntland Post.
-
Wiilasha Jamaal Khashoggi oo markii u horeysay warbaahinta la hadlay,Maxayse k ayidhaahdeen Meydkii aabahood Salah iyo Abdulla waa labada wiil ee uu dhalay Wariyihii lagu dhax dilay Qunsuliyada Sacuudi Arabia magaalada Istanbul ayaa sheegay in wax kaliya oo ay hadda doonayaan tahay in ay helaan laguna soo wareejiyo meydka Aabahood Jamaal Khashoggi. ‘’Dhamaanteen waxa kaliya oo aan hadda dooneyno ayaa ah meydka lagu aaso xabaalaha Al-Baqi magaalada Madiina halkaa oo ay ku nool yihiin qoyska oo idil, ayuu Salah u sheegay TV CNN oo uu wareysi siinayay. Labada wiil oo siweyn uga xun sida loola dhaqmay Aabahood ayaa sheegay in uu ahaa geesi deeqsi ah, iyaga oo intaa ku daray in dowladda Sacuudiga arintan ka dalbadeen, islamarkaana jawaab ka sugayaan si loo xabaalo. Jamaal Khashoggi ayaa 02dii October lagu waayay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul, hasse ahaatee labo todobaad oo diidmo ah kaddib Boqortooyada ayaa 19kii October sheegtay in Khashoggi uu ku dhintay gacan ka hadal ka dhacay gudaha dhismaha Qunsuliyada ee Istanbul, hasse ahaatee arintaa waxaa siweyn uga qeyliyay kuna tilmaamay sheeko aan la aqbali karin madaxda caalamka intooda badan. Falka dilka ah ayaa la sheegay in ay ku lug lahaayeen ilaa 18 ruux oo ay ka mid yihiin saraakiil sar sare oo tirsan sirdoonka Sacuudiga iyo xubno ku dhaw dhaw dhaxal sugaha Boqortooyada oo hadda inta badan eeda dalka dusha looga tuurayo. Turkiga ayaa aaminsan in meydka Jamal Khashoggi la jarjaray si aan loo arag, balse wali waxaa soconaya baaritaan. Qaran News
-
Xildhibaan Hore Daahir C/qaadir Muuse ayaa uga digey dowladda dhexe iney farogelin ku sameyso doorashada la filayo iney ka dhacdo Puntland. Ugu horreyn waxa uu wareysigan kaga hadlay khilaafka ka dhaxeeya DFS iyo dowlad goboleedyada, wuxuuna sheegay in Labada dhinacba ku fashilmeen in shacabka wax u qabtaan. Dhanka kale, dowladda ayuu u sheegay in laga doonayo iney dhex dhexaad ka noqoto doorashooyinka ka dhici doona Puntland sanadka soo aadan 2019. Dowladda ayuu sheegay in marar badan isku dayday iney farogeliso doorashooyin dhacay iyo kuwo dhici doona oo ay ka mid tahay tan K/galbeed. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Wareysi-Daahir-Ciiro.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (PP) ─ Maxkamadda ciidanka Qalabka sida ee Dowladda Somalia ayaa xukunno dil ah ku ridday laba eedeysan oo makamadda lasoo taagay, kuwaasoo la sheegay inay ka tirsanaayeen askarta ciidamada dowladda ayna horay u geysteen dilal. Maxamed Xaashi Waasuge Cosoble (Oday Daalay) ayaa loo heystaa inuu dil bareer ah u geystay marxuum Saciid Cusmaan Maxamed oo ay ciidamada amniga kawada tirsanaayeen, dilkaaso ka dhacay dugsiga Tabbabarka Jen. Shirbow 30-kii bishii Ogoosto ee 2018-ka. Xafiiska Xeer-ilaalinta CQS ayaa fadhiga maxkamadda hor keenay afar ruux oo markhaati ahaa, kuwaasoo dambiga ku caddeeyay inuu Maxamed Xaashi Waasuge si bareer ah u dilay Marxuum Saciid Cusmaan Maxamed markii uu isku dayay inuu carqaladeeyo shaqo amaanka ah oo uu Marxuumka haayay, isla markaasna uu isku dayay inuu baxsado, laakiinse ay ciidanka oo ka tira-badnaa ay hareereeyeen sidaasna qoriga uu dilka ku geystay looga qaaday. Sidoo kale, eedeysanaha labaad oo ahaa C/risaaq Maxamed Jimcaale ayaa isna loo heystaa dilka Qeys Khaliif Salaad oo ay ka wada tirsanaayeen CXD, dilkaasoo ka dhacay xerada Laanta-buure 27-kii bishii July ee 2018-ka. Dambiilahan la xukumay ayaa waxaa ku markhaati kacay laba ruux oo ay xeer-ilaalinta maxkamadda ciidamadu keentay goobta, kuwaasoo ay ka wada tirsanaayeen ciidamada, iyagoo sheegay in eedeysanuhu uu si jees-jees ah u diay marxuumka. Intaas kaddib, Garsoorayaasha Maxkamada ayaa si wadajir ah ugu xukumay dil tooasho Maxamed Xaashi Waasuge Cosoble (Oday Daalay) iyo C/risaaq Maxamed Jimcaale , kaddib markii ay ku qanceen caddeymaha labada kiis ee Maxkamadda la hor-keenay. Ugu dambeyn, Labada askari ee la xukumay ayaa haysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan haddii aysan ku qancin xukunka Maxkamaddu ay ku ridday. PUNTLAND POST The post Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida oo Xukuno ku Riday Laba Askari oo Dambiyo lagu helay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Deeganka Dararweyne oo dhinaca bari kaga began magaalada Ceel Afweyn ayaa xalay fiidkii waxaa lagu dilay nin ka soo jeeda mid ka mid ah beelihii dhawaan halkaas ku degaalamay ee lagu heshiiyey. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Marxuum Saleebaan Xuseen Maxamed kana mid ah dadka ku noola deeganka Darar weyne Deeganka Darar weyn ee xalay qofka lagu dilay ayaa waxaa ku suugan ciidamada qaranka Somaliland oo mudooyinkii ugu danbeeyey halkaas deganaa. Source
-
Bidix: Madaxweyne Xaaf, Sheekh Shaakir Madaxa Xukuumada Galmudug oo fadhigiisu yahay Dhuusamareen….. Khilaafka hareeyey Maamulka Galmudug ayaa sababay in Ergayga Gaarla ah ee Qaramada Midoobey uu booqan waayo Cadaado ama Dhuusamareeb taas badalkeeda Wuxuu Madaxda Galmudug kula kulmayaa Xaafada Baraxley ee Magaalada Gaalkacyo. Madaxweyne Xaaf ayaa shalay shir uu la qaatay Golihiisa Wasiirada iyo Xildhibaano reer Galmudug ah oo Federaalka ka tirsan ayaa waxay wada diyaariyeen Qoraal dheer oo ka dhan ah Xukuumada Federaalka kasoo loo gudbinayo Beesha Caalamka. Madaxweyne Xaaf wuxuu kulanka uu maanta la qaadan doono Ergayga Gaarka ah uu si kulul ugala hadli doonaa in Galmidug ay Xiriirkii u jartay Villa Soomaaliya ayna si buuxda uwada shaqeeyaan Maamulada kale. Shiikh Axmed Shaakir Xaaji oo fadhigiisu yahay Dhuusamareeb kana mid ah Masuuliyiinta sarsare ee Galmudug ayaa isna wuxuu ku sugan yahay Xaafada Baraxley si uu uga qayb galo kulamada. Puntlandi.com Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xarunta xuquuqul insaanka madaxa-bannaan ee Somaliland ayaa walaac ka muujisay amar ay sheegtay in uu cabudhin ku yahay warbaahinta kaasi oo uu soo saaray wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo. Qoraal ay soo saartay xaruntu ayaa lagu yidhi: “Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay u soo jeedinaysaa Wasiirka Warfaafinta ee Jamhuuriyadda Somaliland inuu joojiyo amarada is-daba joogga ah ee xanibaadda ku ah xorriyadda warbaahinta oo ay ilaaliyeen dastuurka iyo Xeerka Saxaafaddu. 1 November 2018 wuxuu Wasiirka Warfaafinta, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax, u qoray waraaq Xeer-ilaaliyaha Guud oo uu ka codsaday inuu “talaabo sharci ah” ka qaado labada telefiishan ee kala ah Saab iyo Star. Wasiirku wuxuu ku eedeeyey labada telefiishan inay jebiyeen amar hore oo ku waajibinayay warbaahinta “inaanay wax xidhiidh ah la samayn kooxda budhcadda ah ee Caare,” sida waraaqda wasiirka oo ay aragtay Xaruntu lagu sheegay. Waraaqda Wasiirku waxaay ka hadlaysaa sarkaal hore uga tirsanaan jiray Ciidanka Qaranka oo ka tegay, sheegayna inuu samaystay waxa uu ugu yeedhay “jabhad hubaysan oo mucaarad ah.” Wasiirku wuxuu sheegay in labada telefiishan ay “si badheedh ah u baahiyeen 27 October 2018 war dhaawac ku ah Qaranimada,” wuxuuna ka codsaday Xeer-ilaaliyaha Guud inuu talaabo ka qaado Saab iyo Star si “looga hortago in warbaahin kasta fidiyaan warar khalkhal gelinaya amaanka iyo xasiloonida dalka.” Maamulka mid ka ah telefiishanada wasiirku magacaabay ayaa u sheegay Xarunta Xuquuqal Insaanka inaanay jebin shuruucda Somaliland, balse ay sii daayeen war uu tebiyay “sarkaalka ka goostay ciidanka.” Source
-
Xoggo Culus oo ay bixiyeen Darawalada wada Gaadiid Hub & Saanad Ciidan lagu qabtay la shaaciyey inay ka tageen Berbera & Jabuuti oo lagu hayo Cadaado Masuuliyiinta maamulka Galmudug ee magaalada Cadaado ayaa faahfaahin ka bixiyay gaadiidkii dhawaan lagu qabtay magaalada Cadaado oo gaadhayay ilaa lix gaadiidka xamuulka qaada. Wasiirka madaxtooyada ee dhawaan uu magacaabay madaxweynaha lagu doortay magaalada Cadaado Cumar Maxamed Diiriye, ayaa sheegay in wali gaadiidkaasi ay ku xaniban yihiin magaalada oo baadhitaano ay ku socdaan. Wasiirka ayaa sheegay in laamaha amaanka aysan wali dhameyn baadhitaanka ay ku sameynayaan gaadiidka gaadhaya ilaa lix Candho-meed oo looga shakiyay inay hub u wadeen magaalada Dhuusomareeb. Wararka qaar ayaa sheegaya in gaadiidka ay wadeen gawaadhida aan xabadda karin oo loo waday magaalada Dhuusomareeb halkaasi oo wafuud ka socoto Qaramada Midoobay la filayay inay gaadhaan. Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in la wareystay qaar ka mid ah darawalada waday gawaadhida ayna sheegeen in ay ka yimaadeen dalka Jabuuti, islamarkaana ay u socdeen Magaalada Muqdisho. Laakiin wasiirka ayaa sheegay in arintaasi aysan macquul aheyn maadaama Cadaado iyo Muqdisho inta u dhaxeysa lawada ogsoon yahay meelaha qaar ee lasoo marayo inay Al Shabaab ku sugan yihiin. Darawalada ayaa siyaabooyin kala duwan u hadlay waxay qaarkood sheegeen inay ka yimaadeen Berbera iyo Jabuuti, laakiin iyo hadda si cad looma sheegin waxa gaadiidka saaran, taasina shakiga ayay sii kordhineysaa. Qaran News
-
(SLT-Ankara)-Wargeyska ka soo baxa dalka Turkiga ee Sabah ayaa lagu daabacay cadadkiisii Axada in meydka Jamal Khashoggi la jarjaray laguna ridey shan boorso kadib markii lagu dhex ceejiyay bil kahor qunsuliyada Sacudi Carabiya ee magaalada Istanbul. Iyadoo uu wargeysku soo xigtey mas’uul uusan magacaabin oo ka tirsan maamulka dalka Turkiga ayuu qoray in shanta boorso ee lagu ridey meydka Jamal Khashoggi la geeyay guriga uu ka degenaa qunsulka Turkiga magaalada Istanbul isla maalintii la qaarijiyay Khashoggi. Sarkaalka uu soo xigtey wargeyska Sabah ayaa sidoo kale sheegay in Maher Mutreb, Salah Tubeigy iyo Thaar al-Harbi ay ahaayeen saddexda ruux ee hoggaaminayay kooxda ka koobneyd 15ka xubnood ee la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen dilka Khashoggi. Inkastoo ay weli soo baxayaan warar horleh oo ku saabsan dilka Khashoggi ayaan illaa iyo hadda la helin halka lagu qariyay meydka saxafiga. Mutreb ayaa ah gacan yaraha dhaxalsuge Maxamed Bin Salman,Tubeigy ayaa ah aqoonyahan ku taqasusay kimikooyinka halka uu Al-Harbi yahay sarkaal ka tirsan ciidamada ilaalada boqortooyada. Alwaleed bin Talal oo sheegay in baaritaanka Khashoggi ay salfan doonto Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacudi Carabiya Amiir Alwaleed bin Talal oo ah maalqabeen ganacsade caan ah kana soo jeeda qoyska reer Boqor ee Sacudi Carabiya ayaa sheegay in baaritaan rasmi ah haddii lagu sameeyo dilka Jamal Khashoggi ay salfan doonto hogaamiyaha Boqortooyada Sacudi Carabiya. “Waa in Sacudi Carabiya ay shaacisaa baaritaanka dilka Khashoggi taasoo la hubo inuu xilka ku weyn doono hogaamiyaha Boqortooyada.”ayuu yiri Alwaleed oo la hadlayay taleefishinka Fox News. “Waxaan hubaa boqolkiiba boqol in dhaxalsugaha oo ah hadda hogaamiyaha boqortooyada ay salfan doonto natiijada ka dhalata baaritaanka dilka Khashoggi.”ayuu sii raaciyay maalqabeenkan ka tirsan qoyska reer boqor. Amiir Alwaleed ayaa ka mid ahaa tobanaan ruux oo amiiro iyo maalqabeeno isugu jira kuwaasoo uu xirey Dhaxalsuge Maxamed Bin Salman balse Alwaleed ayaa ka mid ah qaar ka mid ah amiirada oo la sii daayay. Maalqabeenkan Alwaleed ayaa ah qofkii ugu horeeyay oo ka tirsan qoyska reer Boqor oo si toos ah uga hadla dilka Khashoggi isla markaana farta ku fiiqa Dhaxalsugaha laga baqanayo ee haatan hogaamiya siyaasadda Boqortooyada Sacudi Carabiya. Xigasho; Aljazeera,Reuters Source
-
Gobol Faransiiska ka tirsan oo xornimo diiday Waxaa aftidan codkooda ka dhiibtay 80% dadkii xaqa u lahaa in ay codeeyaan Codbixiyeyaasha dhulka New Caledonia ee dalka Faransiiska ayaa diiday afti lagu doonayay madax bannaani. Natiijada codaynta ayaa muujinaysa in 56.4% ka mid ah dadkii codeeyay ay go’aansadeen in ay ka sii mid ahaadaan Faransiiska, halka 43.6% ay u codeeyeen in ay xoroobaan, waana natiijo isu dhaw marka la fiiriyo saadaalintii horay loo sameeyay. Dadka codadkooda dhiibtay ayaa ahaa ku dhawaad 81%, codayntan ayaa la ballan qaaday 1988, markaas oo la galay heshiis lagu soo afjaray rabshadihii lagu dalbanayay madaxbannaanida. Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa sheegay in ay muujinayso kalsoonida lagu qabo jamhuuriyadda Faransiiska. “Waa in aan idiin sheegaa sida aan ugu faraxsanahay in ugu dambayn aan horray u wada qaadnay tallaabadan taariikhiga ah,” ayuu intaas ku daray. Aftida ayaa si nabad galyo ah u dhacday, balse rabshado ayaa la soo sheegay markay codayntu dhammaatay. Gawaari iyo dukaamo ayaa dab lagu qabadsiiyay caasimadda Noumea, sida warbaahinta guduhu ay ku warrantay, dad mudaaharaadaya ayaana waddooyin xiray. Xornimo doon New Caledonia waxaa ku jira kayd badan oo macdan ah, nooca macdantaas ayaana muhiim u ah samaynta waxyaabaha elektaroonigga ah, Faransiiskana waxaa looga arkaa mid muhiim u ah siyaasadda iyo dhaqaalaha gobolka. Waxay ka mid tahay 17 deegaan ee Qaramada Midoobay ay u aqoonsan tahay in aysan ismaamulin – hannaankii ka xoroobidda gumaysigana aan la dhamaystirin. 175,000 oo ruux ayaa xaq u lahaa in ay codkooda ka dhiibtaan aftidii Axaddii ka dhacday New Caledonia oo ku taalla bariga Australia, halkaas oo qawmiyadda Kanaks ee asalka u daganyd ay bulshada ka yihiin 39.1%. Ka sii mid ahaan shaha Faransiiska ayaa ku waynayd dadka asal ahaan ka soo jeeda Yurub ee halkaas ku nool, waxayna bulshada ka yihiin 27.1%, Dadka darsa arrimaha gobolkaasna waxay sheegaan in qaar ka mid ah qowmiyadda Kanaks ay laftirkoodu taageersan yihiin ka sii mid ahaanshaha Faransiiska. Rabshado ayaa la soo sheegay markay natiijadu kala caddaatay Saddex meelood meesha dhiman bulshada New Caledonia oo lagu qiyaasay 268,000 ayaa la sheegay in intooda badan ay ka soo horjeedaan in ay madax bannaani qaataan. Jasiiraddan durugsan ayaa sannad walbe Faransiiska ka hesha 1.5 bilyan oo doolar. Markii madaxweyne Macron uu booqday Nouméa bishii May wuxuu sheegay “in Quruxda Faransiisku ay kala qaarmayso haddii New Caledonia ay dalka ka go’do”. Faransiiska ayaa jasiiraddan sheegtay markii u horraysay 1853. 1980-yadiina Faransiiska iyo qawmiyadda Kanaks waxaa dhex maray dagaal xun. Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa ammaanay natiijada Markii uu dagaalkaasi meeshii ugu xumaa gaaray waxay ahayd markii dad ka tirsan qawmiyadda Kanak ee madaxbannaanida raba ay dileen afar askari oo ciidammada Faransiiska ka tirsan 23 kalana ay afduub ula galeen bohol. Dagaal rogaal celis ah oo ciidammada Faransiisku qaadeenna waxaa ku dhintay 19 ruux oo qawmiyadda Kanaks ka tirsan iyo labo askari. 1988 ayay ergo ka kala socota qaybta madaxbannaanida rabta iyo kuwo ka sii mid ahaanshaha Faransiiska raba ku heshiiyeen in colaadda la so oaf jaro lana qabto afti aayo ka tashi. Diidmada madaxbannaanida ayaan dhaqdhaqaaqyada xornima doonka meesha ka saari doonin, labo afti ayaana la qaban karaa inta ka horraysa 2022. Haddii haa loo codayn lahaa New Caledonia wuxuu noqon lahaa dalkii u dambeeyay ee madax bannaani ka qaata Faransiiska tan iyo 1977 oo Jabuuti ay ka xorowday iyo Vanuatu oo madax bannaani ka qaadatay 1980. Qaran News
-
(SLT-Geneva)-Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa lagu wadaa in maanta magaalada Geneva ay guddi Qaramada Midoobay ah hortiisa ku difaaci doonto heerkeeda xuquuqda aadanaha. Kulanka dib u geesta oo ah mid joogta ah ayaa waxaa qasab ah in dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay soo gudbiyaan herkooda xuquuqda aadanaha kuwaas oo afartii sanaba mar la baaro. Hasayeeshee dib u eegistan Sucuudiga ayaa waxa ay imanaysaa xilli dalkiisa loo soo jeediyay dhaleecayn caalami oo ku aaddan dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, iyo dagaalka ay ka waddo dalka Yemen. Guddiga Qaramada Midoobay ayaa inta ay socoto dib u eegista waxa uu sidoo kale eegi doonaa xaaladaha xuquuqda aadanaha ee dalalka Shiinaha, Nigeria, Mexico iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika. Sucuudi Carabiya waxa ay filan kartaa in la weydiyo su’aalo adag, xitaa ka hor dilka Jamaal Khaashuqji, ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ka dhigay in xukumadda Riyaad ay iska dhaga tiraysay talooyinka Qaramada Midoobay ay soo jeedisay ee ahaa inay soo afjarto ciqaabta iyo jirdilka maxaabiista loogu geysanayo xabsiyada, inay ogolaato mucaarad siyaasadeed oo si nabad ah ku howlgala iyo in sare u qaado xuquuqda haweenka. Lahaanshaha sawirkaREUTERSImage captionMalaayiin qof oo ku nool dalka Yemen ayaa qarka u saaran in macluul ay wajahaan Hay’adaha gargaarka ayaa sheegaya in dagaalka Yemen, halkass oo xulafada uu horkacayo Sucuudiga ay dagaal kula jiraan fallaagada Xuutiyiinta uu horseeday in malaayiin qof ay qarka u fuulaan in macluul ay wajahaan iyadoo Qarama Midoobya-na ay hayso caddaymo muujinaya in dambiyo dagaal la geystay. Kulankan dib u eegista ee maanta ayay suuragal tahay in xitaa saaxibadii dhawaa iyo kuwii saadka milateri ka iibin jiray ay Sucuudiga ka dalbadaan jawaabo cad cad. Kulankan su’aalaha Sucuudiga lagu weydinayo ayaa si toos internetka loogu baahin doonaa markaas oo qofkasta meeluu rabo dunida haka joogee uu daawan karo. Dabayaaqada todobaadkanna waxaa miiska la soo saari doona arrimaha xuquuqul insaanka ee dalka Shiinaha xilli weliba uu sii kordhaayo walaaca laga qabo caddeyma ah in Beijing ay sameysay xeryo lagu soo uruuriyay oo lagu xiray hal milyan oo qof oo ah Muslimiinta Uighur. Source
-
Sucuudi Carabiya oo maanta su’aalo laga waydiin doono herkeeda xuquuqda aadanaha Sucuudi Carabiya oo maanta su’aalo laga waydiin doono herkeeda xuquuqda aadanaha Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa lagu wadaa in maanta magaalada Geneva ay guddi Qaramada Midoobay ah hortiisa ku difaaci doonto heerkeeda xuquuqda aadanaha. Kulanka dib u geesta oo ah mid joogta ah ayaa waxaa qasab ah in dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay soo gudbiyaan herkooda xuquuqda aadanaha kuwaas oo afartii sanaba mar la baaro. Hasayeeshee dib u eegistan Sucuudiga ayaa waxa ay imanaysaa xilli dalkiisa loo soo jeediyay dhaleecayn caalami oo ku aaddan dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, iyo dagaalka ay ka waddo dalka Yemen. Guddiga Qaramada Midoobay ayaa inta ay socoto dib u eegista waxa uu sidoo kale eegi doonaa xaaladaha xuquuqda aadanaha ee dalalka Shiinaha, Nigeria, Mexico iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika. Sucuudi Carabiya waxa ay filan kartaa in la weydiyo su’aalo adag, xitaa ka hor dilka Jamaal Khaashuqji, ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ka dhigay in xukumadda Riyaad ay iska dhaga tiraysay talooyinka Qaramada Midoobay ay soo jeedisay ee ahaa inay soo afjarto ciqaabta iyo jirdilka maxaabiista loogu geysanayo xabsiyada, inay ogolaato mucaarad siyaasadeed oo si nabad ah ku howlgala iyo in sare u qaado xuquuqda haweenka. Malaayiin qof oo ku nool dalka Yemen ayaa qarka u saaran in macluul ay wajahaan Hay’adaha gargaarka ayaa sheegaya in dagaalka Yemen, halkass oo xulafada uu horkacayo Sucuudiga ay dagaal kula jiraan fallaagada Xuutiyiinta uu horseeday in malaayiin qof ay qarka u fuulaan in macluul ay wajahaan iyadoo Qarama Midoobya-na ay hayso caddaymo muujinaya in dambiyo dagaal la geystay. Kulankan dib u eegista ee maanta ayay suuragal tahay in xitaa saaxibadii dhawaa iyo kuwii saadka milateri ka iibin jiray ay Sucuudiga ka dalbadaan jawaabo cad cad. Kulankan su’aalaha Sucuudiga lagu weydinayo ayaa si toos internetka loogu baahin doonaa markaas oo qofkasta meeluu rabo dunida haka joogee uu daawan karo. Dabayaaqada todobaadkanna waxaa miiska la soo saari doona arrimaha xuquuqul insaanka ee dalka Shiinaha xilli weliba uu sii kordhaayo walaaca laga qabo caddeyma ah in Beijing ay sameysay xeryo lagu soo uruuriyay oo lagu xiray hal milyan oo qof oo ah Muslimiinta Uighur. Qaran News
-
(SLT-Muqdisho)-Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in iyaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya ay weerar diyaarado loo adeegsaday ay ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyntan laga fuliyay deeganka Arare. Weerarka oo dhacay shalay ayaa sida bayaanka ku cad waxaa lagu dilay afar xubnood oo ka tirsan Al-Shabab. Warka qoraalka ah ee ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) aya lagu xusay in imika ay qiimaynayaan in weerarkaasi ay dad rayid ah ku dhinteen ama ku dhaawacmeen iyo in kale. Bayaanka ayaa laga sheegay in duqeynta la fuliyay ka dib markii koox mintidiin ah oo hubaysan ay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo ay ku doonayeen in ay ku weeraraan ciidamo bahwadaag la ah kuwa Mareykanka. Ma jiro wax khasaaro ah oo ka soo gaaray ciidamada Mareykanka howlgalkan oo ay hormuud ka ahaayeen Soomaalida sida bayaanka ku xusan. Warka qoraalka ah ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka ay sii wadi doonaan dhammaan tallaabooyiinka sharciga ah ee ay ku difaacayaan muwaadiniinta Mareykanka ayna ku minjaxaabinayaan argagixisada,iyaga oo kaashanaya Ciidamada Amisom iyo kuwa qaranak Soomaaliya. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxamed Xaashi Waasuge Cosoble (Oday Daalay) ayaa loo heystaa in uu dil bareer ah u geystay Marxuum Saciid Cusmaan Maxamed oo ay kawada tirsanaayeen Ciidamada Amniga dilkaasi oo ka dhacay dugsiga taba-barka Jen. Shirbow 30-ka bishii sideedaad ee sanadkan. Hey’adda dambi baarista Boliiska CID ayaa codsatay in la siiyo waqti ku filan oo ay ku soo dhameystiraan eedda loo heysto Oday Daalay, waxa ayna Shan Cisha Kadib ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side. Xeer Ilaalinta ayaa weydiistay garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada in loo gudbiyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan Maxamed Xaashi Waasuge Cosoble (Oday Daalay) 6-da bishii sagaalaad si’ay u soo dhameystireen baarista eedda ka dhanka ah eedeysanaha ee xafiiska soo gaartay. 18-ka bishii tagtay ayay markale weydiisteen Garsoorayaasha in la muddeeyo waqtia dacwad qaadisata eedeysane Maxamed Xaashi Waasuge Cosoble (Oday Daalay) oo ay sheeeen in ay ku filantahay caddeymaha ay u hayeen kiiskiisa, waxa ayna Maxkamadda aqbashay laba maalin uun kadib. Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa fadhiga Maxkamadda hor keenay Afar markaati oo dhammaantood isku raacay in Maxamed Xaashi Waasuge Cosoble Oday Daalay uu si bareer ah u dilay Marxuum Saciid Cusmaan Maxamed kadib markii uu isku dayay in uu carqaladeeyo shaqo amni uu haayay Marxuumka isla markaasna uu isku dayay in uu baxsado balse ay ciidamada oo ka tir badnaa ay hareereeyeen sidaasna qoriga uu dilka ku geystay looga qaaday. Abuukatayaasha u dooday eedeysane Maxamed Xaashi Waasuge Cosoble (Oday Daalay) ayaa iyagana ku dooday in loo fududeeyo ciqaabta lagana qaado magta Marxuumka. Cabdirisaaq Maxamed Jimcaale ayaa isagana loo heystaa dilka Qeys Khaliif Salaad oo ay kawda tirsanaayeen Ciidamada Xooga Dalka, dilkaasi oo ka dhacay xirada Laanta-buure 27-ka bishii todobaad ee sanadkan. 30-bishii todobaad ayay ku soo wareegtay eediisa xafiiska xeer ilaalinta, waxaana xilligaas ay maxkamadda u ugudbisay xabsiga dhexe gar-suge ahaan. 10-ka bishii tatay ayay xeer ilaalinta codsatay in la muddeyo dacwad qaadista eedeysane Cabdirisaaq Maxamed Jimcaale 15-ka bishaas ayay aqbashay Maxkamadda, waxaana shan cisha kadib loo fariistay dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha. Laba markaati, Warqadda dhimashada, sawrika marxuumka iyo qorigiis uu dilka ku geystay ayay ku soo bandhigeen xeer ilaalinta, waxa ayna markaatiyaasha oo ay kawada tirsanaayeen ciidanka xoogga dalka ee isku goobta ay yihiin cadeyn in si jees-jees ah uu u dilay Marxuumka halka dhanka qareenada ay ku doodeen in laga qaado diyo maadaama ay wada kaftamayeen marxuumka sidaasna ay sababtay dhimashadiisa. Garsoorayaasha ayaa si wada jir ah ugu xukumay dil Maxamed Xaashi Waasuge Cosoble (Oday Daalay) & Cabdirisaaq Maxamed Jimcaale kadib markii ay ku qanceen cadeymaha labada kiis ee Maxkamaddal la hor keenay sida uu u sheegay dhamman dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow) oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada. Xukunsanayaasha ayaa heysta Fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad. The post Maxkamadda CQS Oo xukun dil ah ku riday labo Askari appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Musharixiinta Koofur Galbeed ayaa la hordhigay Sharuudo badan oo ay kaga mid noqon karaan doorashada 12 maalin kadib la filayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Qaar kamid ah Musharixiinta oo saxaafadda la hadlay ayaa walaac ka muujiyay mid kamid ah sharuudaha la hordhigay Musharixiinta maamul goboleedka Koofur Galbeed ee la tartameysa Shariif Xasan. Musharax Xasan Xaaji Ibraahim, ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay Sharuuda qeexeysa cadadka dhaqaale ee laga doonayo musharaxa u taagan qabashada xilka madaxweynaha Koofur Galbeed. Xasan Xaaji, ayaa sheegay in Musharaxa uusan u tartameynin xilka madaxweynaha Soomaaliya islamarkaana Sharuudaasi ay tahay mid adag, maadaama qofka ragga laga doonayo 20,000 oo doolarka halka Dumarka laga doonayo 10,000 oo doolar. 12 Maalin kadib sida qorshaha uu yahay waxaa magaalada Baydhabo la filayaa iney ka dhacdo doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed oo musharixiin badan ay u taagan yihiin. Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa dareemaya culees kaga imaanaya doorashada sanadkaan maadaama ay la tartamayaan shaqsiyaad la tuhunsan yahay inay dowladda taageero ka helayaan iyo Shaqsiyaad kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wefdi ka socda QM oo uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr Nicholas Haysom ayaa lagu wadaa in uu Isniinta maanta ah gaaro magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wefdiga ayaa la filayaa in uu koonfurta Gaalkacyo kula kulmo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) iyo madaxa xukuumaddiisa Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo shalay gaaray magaalada Gaalkacyo. Suxufiyiinta ku sugan koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegaya in wefdiga Qaramada Midoobay uu mas’uulitiinta Galmudug kala hadli doono xal u-helidda arrimaha khilaafka xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ku midaysan madasha iskaashiga. Sidoo kale socdaalka wefdiga ayaa ku soo beegmaya xilli khilaaf gudaha ka dhex jiro dowlad goboleedka Galmudug,kaasoo u dhexeeya laba garab oo ku kala sugan Cadaado iyo Gaalkacyo. Dhinaca kale waxaa la filaa in ay Gaalkacyo soo gaaraan wefdi ka socda xubnaha Aqalka sare ee Soomaaliya u matela maamulka Galmudug,kuwaasoo u imaanaya xallinta khilaafka fogaaday ee kala qeybiyay madaxdii sare ee maamulkaasi. PUNTLAND POST The post Wakiilka QM oo la kulmaya garabka Xaaf iyo Shaakir appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Cod dheer ku sheegay in caqabadaha hortaagan kobaca Dhaqaale ee Dalka uu yahay Musuq-maasuq la dagay muddo dheer hay’adaha kala duwan ee dowliga ah. R/Wasaare Kheyre ayaa xusay in Musuqu uu yahay cudurka kaliya ee ragaadiyay horumarka Soomaaliya. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa intaasi ku daray in loo baahan yahay in si dhab ah loola diriro Musuq-Maasuqa iyo wax isdaba marinta, si looga gudbo arrintaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli laba maalin ka hor Maxkamadda gobolka Banaadir ay xukuno Xabsi ah ku riday mas’uuliyiin lagu eedeeyay Xatooyo Xoolo dadweyne. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Kheyre-1.mp3 The post Kheyre “Musuqu waa Cudurka kaliya ee ragaadiyay dalkeena” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xubno ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee BFS iyo wafdi kale ee uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa maanta ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wararka laga helayo magaaladaasi ayaa sheegaya in diyaar garow xoogan loogu jiro soo dhaweynta mas’uuliyiintani oo saacadaha soo socda tagi doona halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnahan ka socda Aqalka Sare iyo QM ay kala hadli doonaan madaxda sare ee Galmudug xaaladda cakiran ee maamulkaasi. Ammaanka ayaa loo adkeeyay, iyadoona Ciidamo badan saaka lagu arkayo Waddooyinka waa weyn magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Shalay waxaa Gaalkacyo gaaray Madaxweyne Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir, kuwaas oo xalay ku hoyday gudaha magaaladaasi. The post Xubno ka socda Aqalka Sare iyo QM Oo ku wajahan Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP iyo Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,waxa ayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin u diyaargarowga doorashooyinka soo socda ee uu dalka geli doono iyo hirgelinta shuruucda doorashooyinkaasi muhiimka u ah. Waxyaabaha aadka looga hadlay waxaa ka mid ah maalgelinta geedi socodka doorashooyinka dalka ,qorshayaasha diiwaan gelinta cod bixiyaasha. Kulanka ayaa sidoo kale inta uu socday waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ah sidii Qaramada Midoobay ay taageero dhaqaale iyo mid farsamo uga geysan laheyd doorashooyinka iyo shuruucda muhiimka u ah . Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdikariim Xaaji Buux ayaa sidoo kale sheegay in kullanka la iskula soo hadal qaaday arrinta dhammeystirka dastuurka dalka oo muhiim u ah doorashooyinka dalka ka dhici doona. The post Guddoomiyaha BFS Oo la kulmay xubno ka socday UNDP appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-051018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Cadaado (Caasimada Online)-Masuuliyiinta maamulka Galmudug ee magaalada Cadaado ayaa faahfaahin ka bixiyay gaadiidkii dhawaan lagu qabtay magaalada Cadaado oo gaarayay ilaa lix gaadiidka xamuulka qaada. Wasiirka madaxtooyada ee dhawaan uu magacaabay madaxweynaha lagu doortay magaalada Cadaado Cumar Maxamed Diiriye, ayaa sheegay in wali gaadiidkaasi ay ku xaniban yihiin magaalada oo baaritaano ay ku socdaan. Wasiirka ayaa sheegay in laamaha amaanka aysan wali dhameyn baaritaanka ay ku sameynayaan gaadiidka gaaraya ilaa lix Candho-meed oo looga shakiyay inay hub u wadeen magaalada Dhuusomareeb. Wararka qaar ayaa sheegaya in gaadiidka ay wadeen gawaarida aan xabadda karin oo loo waday magaalada Dhuusomareeb halkaasi oo wafuud ka socoto Qaramada Midoobay la filayay inay gaaraan. Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in la wareystay qaar ka mid ah darawadda waday gawaarida ayna sheegeen in ay ka yimaadeen dalka Jabuuti, islamarkaana ay u socdeen Magaalada Muqdisho. Laakiin wasiirka ayaa sheegay in arintaasi aysan macquul aheyn maadaama Cadaado iyo Muqdisho inta u dhaxeysa lawada ogsoon yahay meelaha qaar ee lasoo marayo inay Al Shabaab ku sugan yihiin. Darawalada ayaa siyaabooyin kala duwan u hadlay waxay qaarkood sheegeen inay ka yimaadeen Berbera, Boosaaso iyo Jabuuti, laakiin iyo hadda si cad looma sheegin waxa gaadiidka saaran, taasina shakiga ayay sii kordhineysaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xiisad dagaal oo u dhexaysa laba beelood ayaa saaka laga soo sheegaya degaanka Dararweyne oo hoostaga degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag. Xiisadda ayaa sida la sheegay qaraxday kadib markii xalay koox hubaysan oo hab beeleed u abaabulan ay degaankaasi ku dileen nin u dhashay mid kamid ah labadaasi beelood. Wararku waxay intaas ku darayaan in kooxdii dilka gaysatay aan weli gacanta lagu soo dhigin,balse ehelada ninka la dilay ayaa diiday in la aaso ilaa laga soo qabto kooxdii dishay. Sidoo kale malayshiyaad u dhashay beesha wax laga dilay ayaa hub uruursi bilaabay,waxaana ay ku hanjabeen in ay dagaal ridayaan,haddii aan la soo qaban kooxdii dilka gaysatay,sida ay soo weriyeen dad ku sugan Dararweyne Dagaallo qaraar oo ku salaysan aanooyin qabiil ayaa hore degaankaasi ugu dhexmaray labada beelood,hase yeeshee dhowr bilood ka hor ayaa la sheegay in laga heshiiyay. PUNTLAND POST The post Xiisad dagaal oo ka aloosan Dararweyne appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay halkaasi dagaal mudda socday ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo ciidamo u dhashay gobolka Sool oo taageersan dhinaca Puntland. Dagaalka oo ambush ahaa ayaa bilowday kadib markii cutubyo ka tirsan ciidamo degaankaasi u dhashay ay weerar ku qaadeen laagta lagu magacaabo”Laagta–Xagarta” oo kamid ah degaanka Tukaraq,halkaasoo talis ciidan u ah militariga Somaliland,sida ay sheegeen goobjoogayaal. Ciidamada weerarka qaaday ayaa sida wararku sheegayaan waxaa hoggaaminayey Korneyl Faysal Falaalug oo ah sarkaal u dhashay gobolka Sool,si adag u diiddan joogitaanka Somaliland ee gobolkaaasi. Ma jirto wax faahfaahina oo laga hayo khasaaraha kala gaaray labada dhinac ee dagaallamay,hase yeeshee saraakiil ka tirsan ciidamada weerarka qaaday ayaa laga soo xigtay in ay khasaare gaarsiiyeen dhinaca Somaliland,balse Somaliland dhankeeda weli kama hadlin,mana jirto cid si madax-bannaan u xaqiijin karta khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay. Wixii faahfaahin ah oo ka soo kordha kala soco:Puntland post The post Dagaal xalay ka dhacay Tukaraq appeared first on Puntland Post.
