Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,561
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidamada Daraashiinta dowlad goboleedka Jubaland oo kaashanaya cutubyo ka tirsan Xoogga dalka ayaa maalmahan hawlgallo ka wada degaanno hoosyimaada degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose. Hawlgallada ayaa lagu baacsanayaa malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ku sugan tuulooyin iyo degaanno hoostaga degmadaasi Jamaame,waxaana la soo sheegaya in khasaare kala gaaray labada dhinac,inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin khasaarahaasi. Wakaaladda Wararka SONNA oo xiganaysa saraakiil ciidan ayaa saaka soo werisay in ilaa 12 ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab lagu dilay meel u dhow degaanka Araare oo kamid ah meelaha hawlgalku ka socdo. Sidoo kale wakaaladdu waxay intaasi ku dartay in saanad ciidan laga furtay Al-shabaab,hase yeeshee ma sheegin khasaaraha gaaray dhinaca ciidamada militariga Soomaaliya iyo Jubaland. Ciidamada xoogga dalka oo ay wehliyaan Daraawiishta Jubbaland ayaa ku wajahan degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose, halkaas oo ay Al-shabaab mudda sannado ah ka talinaysay. PUNTLAND POST The post Hawlgallo ka socda nawaaxiga degmada Jamaame ee Jubada hoose appeared first on Puntland Post.
  2. Baydhabo (Caasimadda Online) – Caadiyan siyaasi u carareya mansab siyaasadeed hadal macaanidu waa xeeladda helitaanka hiwaayadiisa, laakiin qormadan gaaban waxaa ugu gol leeyahay in aan tilmaamo fahamkeyga khudbadii Mukhtaar Roobow uu u jeediyay dadweynihii u badnaa dhalinyarada Baydhabo. Siyaasiyiinta ku jir olole, khubadbadahooda waxaa ka buuxa ereyo macaan oo ay kamid yihiin; balan qaad, yabooh iyo qorshiyaal inta badan loogu talo gelin in la fuliyo laakiin lagu dabanayo maskaxda codbixiyeyaasha, waxaana dhibaato ku noqota sidii u fulin lahaayeen balamihii ay qaadeen ka hor helitaanka mansabkaas siyaasadeed ama jagadaas. Dhibaatada ka dhalata balan qaadyo been ah oo ay sameeyeen xilliga ololaha doorashada ayaa maanta caqabad ku ah siyaasiyiin badan oo xilal kala duwan haya ama soo qabtay Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka, taasina waxaa keeni karto labo arrimood; in uu siyaasiga xil doonka ahi uusan wax badan kala socon deegaanka uu xilka ka raadinayo uu waxyaabo badan ku fududaayo ama in uu kast u sameeyo oo ay ka tahay aad ku gaartid dantaada. Hadal gaaban oo u jeedo leh ayuu Mukhtaar Roobow u mariyay dadkii halkaas ku sugnaa, iigama muuqan balan qaadyo mucziyo ah ama waali ah, marka aan sidaa leeyahay waxa u jeedaa Roobow waxaa uu diiradda saaray mowduuca waxbarashada maadaama uu la hadlaayay bahda waxbarashada. Taasi ayaana I bidhaamisay in uu yahay hoggaamiye hadal yaqaan ah. Diiradda Intii uu la hadlaayay dadkii goobta joogay waxaa uu khudbadiisa ku kooban waxbarashada iyo waxaa uu ka damacsan yahay, marka uu ku guuleysto xilka madaxweyne ee Koofur Galbeed, isagoo sheegay in uu arday iyo macalinba yahay isla markaana qorshihiisu yahay kobcinta iyo baraarinta waxbarashada deegaanada Koofur Galbeed. Waxaa uu tilmaamay in waxbarashadu tahay waxa keliya lagu gaaro horumar adduun iyo aakhiro ayna ka go’an tahay u adeegida iyo adeegsiya aqoonta, in la sameyn doono maktabad weyn oo laga heli karo duruusta Diiniga iyo tan maadiga iyo tayeynta waxbarashada sare ama jaamacadaha magaalada Baydhabo. Aqoonta iyo xukunka Mukhtaar Roobow, waxaa uu balan qaaday marka la doorto in uu u yeeri doono dhammaan aqoonyahnada reer Koofur Galbeed dal iyo dibad meel kasta oo ay joogaan isla markaana dowladdiisa ay hogaamin doonaan dad aqoon yahno ah oo ummaddu aaminsan tahay kuna kalsoon tahay. Waxaa uu xusay in qof kasta kaalintiisa ka ciyaari doono dowladda uu yegleeli doono marka la doorto, “qofkii qalin wax ku tari kara waa rabnaa, qofkii qori ku dagaalami kara waa rabnaa qofkii talo ama qorshe wax ku difaaci karana waa diyaar,” ayaa hadaladiisa kamid ahaa Roobow. Waxayna tahay arrin xiiso badan sababtana waxaa weeye, maamulka Koofur Galbeed iminka haya ayaan looga baran soo dhoweynta aqoonyahnada, Roobow wuxuu fahamsan yahay qiimaha aqoonta iyo cilmiga, haddii balantaas ka dhameeyo waa hubanti in uu guuleysan doono hogaankiisa. Libanta dadka kale Intii uu hadlayay waxaa ka muuqatay kalsooni iyo isla weyni la’aan, waxaa uu u mahad naqay dadkii magaalada Baydhabo ka bilaabay iskuulaadka wax laga barto iyo jaamacadaha, waxaa uu magac ***** shakhsiyaadka arrintaas ka dambeeyay, waana arrin muujinayso ahmiyadda uu siinayo in dadka bulshada ka tilmaaman loogu mahadceliyo wax ka qabadkooda, taas oo ah wax siyaasiyiinta Soomaalida badankooda looga baran. Roobow marna ma isticmaalin ereyga aniga ee waxaa uu carrabkiisa ku soo laa laabanayay ereyga ah “anaga haddii aan guuleysano” oo laga dhadhansan karo in haddii uu guuleysto la micno tahay guusha bulshada isla markaana uu rabo dadka in ay sidaa u fahmaan. Waxaa uu si aan la leex leexad laheyn, u codsaday in garabkiisa la taagnaado, isagoo tusaale u soo qaatay Ayadii SUURATUL MAA’IDA ee reer Banii Israa’iil Nabi Muuse CS ay ku dhaheen Muusow adiga iyo Rabigaaga baxa oo soo dagaalama anaga halkaan ayaa fadhineynaa, taas oo aan aheyn dhaqanka wanaagsan oo bulshada madaxdeeda la hor tagi karto. Sidoo kale, Roobow, waxaa uu u muujiyay dadka lahaansho in ay dareemaan in dalkooda ilaashan karaan madaxdooda toosin karaan haddii khalad jiro isla markaana qof hogaamiyaha ah laga rabo aragti jaheyn karta bulshada oo lagula shaqeyn karo. Waxaa kale oo aad uga muuqatay hadalkiisa in kurtiisanaanta ALLE ay fure u tahay gaaritaanka yoolka labada daarood, waana waxa looga baahan yahay in qofka hoggaamiyaha ahi uu bulshadisa u jaheeyo waddada saxda ah keeni kartana guul deg deg ah. Hadal deeqsiin Mukhtaar Roobow, waa nin aad ugu wanaagsan jeedinta khubadbado aan lagu caajisin, badanaa ma jeediyo ereyo meel ugu qoran, waxaa uu adeegsadaa xikmado iyo maahmaahyo oo uu ugu duur xulayo u jeedadiisa si loo fahmo waxa uu dadka kala hadlayo. Waxaa kale oo aad u yaqaanaa fahaamsan yahayna dhaqanka dadka Soomaaliyeed taasi ayaana u sahasha in uu markasta isticmaalo tusaalooyin kala duwan oo u jeedada hadalkiisa iftiiminaya, waxaa uu mararka qaar aad ugu qoshliyaa dadka uu u khudbadaynayo marka uu ereyo kaftan ah ku laro hadalkiisa. Roobow, waxaa uu durba muujiyay in uu la shaqeynayo marka la doorto qof aan isaga aheyn, waxaana uu ku kaftamay “ Aniga ma ahi Yaasiin anan ku jirin aqbal ma ahan” “haddii aan ku guuldareysto isla markaana la doorto qof ummadda dad u ah waan la shaqeynaynaa” ayuu yiri. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  3. Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay ciyaartooyda loo soo xulay in ay matalaan Gobolka Banaadir tartanka kubbadda cagta maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2018 oo aan wali la shaacin waqtiga iyo goobta lagu qabanayo Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo ciyaartoyda iyo macallimiinta hogaamin doonta kula hadlay xarunta Dowladda Hoose ayaa sheegay in maamulka Gobolka diyaar ula yahay xaquuqda iyo wax kasta ay u baahanyihiin xirfadlayaasha sanadka nasiibka u yeeshay in matalaan calanka iyo shacabka maamulka Gobolka Banaadir “Waxaa idin saran waajib adag sababtoo ah sanadkan ma qaadan karno in aan ku harno heerka Groupy-ada waayo labadii sano ee nasoo dhaaftay ayaa sidaas samaynay,balse sanadkan waxaan rajaynaa in aan ka farxino shacabka gobolka Banaadir”sidaas waxaa Goobjoog News u sheegay gudoomiyaha ciyaaraha Gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish Macalimiinta sanadkan horkacaysa Gobolka Banaadir waxa ay kala yihiin Cabdi Wali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon), Cabdullahi Aweys Laash iyo Maxamed Abuukar Nuur Cabdi Wali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) waa tababaraha kooxda Horseed,horayna waxa uu usoo maamulay kooxaha Elman iyo Dekedda,isagoo sanadkan iyo kii hore fiinalaha koobka jeneraal daa’uud soo gaaray,isagoo kala tababarayay naadiyada Elman iyo Horseed Cabdullahi Aweys Laash waxa uu ka mid yahay tababarayaasha ugu wanaagsan ee lagu arkay tartanka kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir afartii sano lasoo dhaafay horomar wacan ka sameeyay,sanadii 2014 ayuu koobka degmooyin u qaaday degmada Boondheere oo kolkaa fiinalah la dheeshay degmada Waaberi oo iminka ah horyaalka degmooyinka G.Banaadir Tababare Cabdullahi Laash waa qurbajoog waxa uu ka yimid dalka Mareykanka,isagoo sanad kasta inta u dhaxaysa bisha May ilaa December dalka u yimaado in uu caawiyo isboortiga gudaha sanadkan 2018 kooxda degmada Shibis ayuu soo gaarsiiyay heerka fiinalka ciyaaraha degmooyinka afartano sano ka dib,iyadoo bulshada reer Shibis ayay ugu Mahad celiyo darajada uu kooxdooda keenay Maxamed Abuukar Nuur waa layliyaha degmada Waaberi u sahlay labadii sano lasoo dhaafay in ay hantaan koobka degmooyinka,iyagoo ka guulaystay kooxaha Hodan iyo Shibis dadka qaar ayaa qaba saddex Macalin uu is raacay in wax badan ka badali doonaa Gobolka Banaadir “Waxa ay inoo tahay sharaf sida wanaagsan ay maamulka Gobolka Banaadir noogu dhiibney kooxda ayaa anaga si wadajir u rajaynaynaa in aan soo bandhigo wax wanaagsan oo ka farxiya maamulka,iyo taageerayaasha tirada badan ee Gobolka” waxaa sidaas inoogu waramay tababarayaasha laylinaya kooxda Gobolka Banaadir ee isku diyaarinaysa ciyaaraha Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2018 Tartanka kubbadda cagta Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo labadii sano lasoo dhaafay caasimada Muqdisho lagu qabtay ayay kooxda Gobolka dhaafi waasay heerka rubac dhamaadka ama (Semi-Finaalka),balse ifaalada iyo rajada ah ayaa ah in olalahan ay tiigsadaan meel wacan W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)- Khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka Soomaaliya ayaa muddadii uu jiray wuxuu sababay inuu Yaraado wada shaqeynta dhexdooda ah. Wakiilka Ergayga Gaarka ah ee QM u Qaabilsan Soomaaliya oo qeyb ka ah dadaalada la doonayo in lagu heshiisiiyo dowladda iyo maamulada dalka ayaa sheegay in khilaafka uu sababay inuu saameeyo horumarka dalka. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo horumarinta dalka Soomaaliya iyo sidii si wadajir ah la iskula meel dhigi lahaa hanaanka doorashooyinka dalka Soomaaliya ka dhacaya sanadka 2021. Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo matala dowlad goboleedyada ayaa dhankiisa wada dadaalada lagu dhexdhexaadinayo dowladda Soomaaliya, waxaana la ogeyn sida xaalka uu noqon doono. Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo Koofur Galbeed oo culeesyo doorasho ay heystaan ayaa qiil kasii dhiganaya khilaafka dowladda kala dhaxeeya, waxayna taasi horseeday in musharixiin badan lagu tuhmo in dhanka dowladda ka socdaan. Ergeyga UN-ka Nicholas Haysom iyo midka Afrika Francisco Madeira ayaa todobaadkii tagay waxaa ay bilaabeen kulamo ay la yeesheen aqalka sare iyo maamullada Jubbaland, Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle, iyaga oo iska xil saaray sidii loo xalin lahaa khilaafka dowladd dhexe iyo dowlad goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Nicholas Haysom oo haatan ku jira socdaalka wada hadallo lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa sheegay in khilaafka labada dhinac uu caqabad ku yahay horumarka Soomaaliya. Nicholas Haysom waxaa uu intaasi ku daray in ay wadaan dadaallo lagu dhisayo dowladnimada Soomaaliya, lana doonayo inay mar kale cagaheeda isku taagto, laakin khilaafkan uu arrimahaas caqabad ku yahay. Ergeyga UN-ka Nicholas Haysom iyo midka Afrika Francisco Madeira ayaa todobaadkii tagay waxaa ay bilaabeen kulamo ay la yeesheen aqalka sare iyo maamullada Jubbaland, Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle, iyaga oo iska xil saaray sidii loo xalin lahaa khilaafka dowladd dhexe iyo dowlad goboleedyada. Dowlad gobleedyada ayaa aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ka dalbaday inay qeyb ka noqdaan xalka isla markaana dhexdhexaadiyaan iyaga iyo dowladda dhexe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Guddoomiyaha xisbiga Wadajir, Kamaal Guutaale ayaa sheegay in madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo uu yahay shaqsi kala hadlay, sidoo kalena uu sameeyey balan ka baxyo. Waxa uu tilmaamay in madaxweynaha waxyaabihii uu ballanqaaday ka mid hayad dib u dhiska meelaha qaraxyada ku burburaan, dadka soo sheega Al-shabaab oo lacago la siin doono, balse aanu waxbo ka qaban. Sidoo kale, waxa uu sheegay in madaxweynaha dadka uu xilalka u dhiibto ay tahay dad kasoo horjeeda waxyaabihii uu sheegayey. Dhanka kale, Kamaal waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu hub badan geeyey magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/WAREEYSI-KAMAAL-GUUTAALE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, ayaa shaaciyay inuu wanaagsan yahay xiriirka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya, sidii loo doortay madaxweyne Farmaajo. Somalia iyo Kenya waxaa ka dhaxeeya dacwad dhanka Badda ah oo ay furtay dowladii ka horeysay tan hadda dhisan, waxaana xildhibaan Aadan Barre uu sheegay in laga wanaagsanaa in dacwadda horey maxkamad lala aado. Wuxuu sheegay in dowladdaha aduunka ay isku qaban karaan dhanka xuduuda badda iyo dhulka, laakiin wuxuu sheegay in loo baahnaa in lagu xaliyo hanaan diblumaasiyadeed. Xuduuda u dhaxeysa Somalia iyo Kenya ayuu sheegay inay tahay mid cad oo muru uusan ka imaan karin, balse hadda waxaa jiro murun badeed u dhaxeeya dowladaha Somalia iyo Kenya. “Somalia iyo Kenya maanta mey noqonin dad jiiraan ama ah deris ah, Intaan aan garanayo badda Somalia iyo Kenya meel ayay isaga imaanayeen, xuduuda Kenya ama dhul iyo bad ha ahaado, waa mid sida maalin iyo habeen loo kala garto isaga cad” “Wadanka Somalia iyagaa dacwadda aaday waana soo dhaweyneynaa, waxaana diyaar u nahay inaan hab diblumaasiyadeed u xalino, murunka badda ee labada dowladood u dhaxeeyo”ayuu yiri Aadan Barre Ducaale. Xildhibaanka ayaa sheegay inay wali diyaar u yihiin in hanaan diblumaasiyadeed loo xaliyo khilaafka dhanka badda ee u dhaxeeya labada dowladood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Putland ayaa digniin u diray musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland ee la tartameysa madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo C/Welli Maxamed Cali Gaas. Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xersi Qarjab oo warbahinta la hadlayay ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn musharax gaadiid badan la yimaadan magaalada Garowe inta olalaha doorashada lagu jiro. Wasiir Qarjab, ayaa sheegay inay iyaga masuul ka noqonayaan amaanka musharaxa doonaya inuu la tartamo C/Welli Gaas, balse aysan aqbaleyn musharax ciidamo beeshiisa ah la taga magaalada Garowe. Musharixiinta ayuu ugu baaqay inay ilaaliyaan xeerarka u degsan maamulka Puntland, isagoo sidoo kale ka digay in musharixiinta ciidamo badan yeeshaan, taasi oo uu ku micneeyay in amniga wax u dhimi karaan. “Ninkastaa oo musharax waa lasoo dhawenayaa, amnigiisa dowladda masuul ka ah, waardiyahiisa gaarka ah waa loo ogol yahay, laakiin baabuur isdaba yaacayo oo reerahiisa daba yaacayaan lama ogola, halkaan reera xukumi maayaan, waan idin soo dhaweyneynaa laakiin saxmad lama ogola” Taasi badalkeeda wasiirka warfaafinta ayaa ugu baaqay inay ka qeyb qaataan ilaalinta amaanka xuduudaha,waxaana uu sheegay inaysan aqbaleyn in musharax dhaqaalo soo qaatay inuu wax ka badalo amaanka deegaanada Puntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay deegaanno ka mid ah gobolkaasi ka bilaabi doonaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Isbaarooyinka. C/fitaax Cumar oo ah guddoomiye ku dhaanka maamulka Sh/hoose ayaa u sheegay Goobjoog, iney soo gaartay cabasho badan oo ay soo gudbiyeen dadka shacabka ah. Waxa uu sidoo kale sheegay guddoomiye ku xigeenka in meelaha ay yaalaan jidgooyinka ee lagu dhibaateeyo shacabka ay sida ugu dhaqsiyaha badan cagta ku marin doonaan. Shacabka ku dhaqan gobolka Shabellaha Hoose ayuu ka codsaday iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga sifeeyo gobolkaasi kooxaha shacabka dhiba. “Howlgallo ka dhan ah kooxaha dadka jidka u gala ee isbaarooyinka dhigta ayaan dhowaan bilaabeynaa, waxaana ka bilaabi doonaan guud ahaan gobolka, shacabka waxaan rabnaa iney gacan siiyaan ciidamada ammaanka” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka. Rag hubeysan, kuna labisan dareeska ciidanka ayaa mararka qaar dhibaato u geysta shacabka ku safraya waddooyinka gobolka Shabellaha Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Waxgaradka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ugu baaqay Puntland iyo Somaliland iney kaalin ka qaataan sidii lagu dhammeyn lahaa colaadda gobolka Sool. Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool oo ka mid ah waxgaradkan ayaa sheegay in dagaal sii socdaa aanu waxbo soo kordhineyn. Waxa uu sheegay garaadka in sidoo kale la doonayo iney Somaliland iyo Puntland ay dhankooda ka shaqeeyaan sidii xiisadaha jira loo qaboojin lahaa. “Somaliland iyo Puntalnd waxaa haboon iney xalliyaan colaaddan soo noqnoqotay, waxaana waajib ka saaran yahay cid walbo oo Soomaali ah” ayuu yiri Garaadka. Beello walaalo ah ayaa ku dagaallamay deegaanno ka mid ah gobolka Sool, iyadoo weli aanay jirin xal rasmi ah oo laga gaaray dagaalladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanadii ugu badnaa ee ka tirsan baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa kusugan magaalada Muqdisho oo seddexdii maalin ee ugu dambeysay ay soo gaarayeen. Inka badan 50 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana seddexdii habeen ee u dambeysay ay kulamo la qaadanayeen guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ka tirsan. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in kulanka xildhibaanada loogu farmuuqayay musharaxa ay dooranayaan, waxaana shaki badan uu ka dhashay cidda bixisay dhaqaalaha badan ee xildhibaanada looga keenay magaalada Baydhabo. Wararka qaar ayaa sheegaya in xildhibaanadaan loo gacan geliyay dhaqaalo cadadkiisa wali Caasimada Online aysan xaqiijin, taasi oo hordhac aheyd si ay u doortaan musharaxa dowladda dooneyso inuu kusoo baxo doorashada. Qaar kamid ah xildhibaanada oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay u yimaadeen kulamo ay kaga hadlayaan waxyaabaha u dan ah shacabka Koofur Galbeed. Magaalada Baydhabo waxaa ka socdo kulano gaar gaar ah oo ay yeelanayaan xildhibaanada tirada yar ee kusugan magaalada, waxaana ay kaga tashanayaan doorashada ka dhaceyso magaalada Baydhabo. Waa Markii ugu horey oo xildhibaano maamul goboleed oo tiridaasi gaaraya yimaadaan magaalada Muqdisho xili doorasho ay dhaceyso. Shariif Xasan ayaa dareemayaa culees badan oo kaga imaanaya dhanka dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  12. WASHINGTON — The United States and Turkey have lifted sanctions against top officials in each other’s government in a mutual sign on Friday of warming diplomatic relations between the two NATO allies after last month’s release of an American pastor. Source: Hiiraan Online
  13. Local Islamic State affiliate claims responsibility for attack on three buses carrying Christian pilgrims Source: Hiiraan Online
  14. A satellite office of the Center for Victims of Torture will soon open in St. Cloud to serve Somali refugees affected by decades of civil war. Source: Hiiraan Online
  15. The former president has called for decency and honesty. It follows US President Donald Trump's plan to send several thousand troops to the US border in response to what Trump called a migrant "invasion." Source: Hiiraan Online
  16. "He's toast". "He's toxic". "He's my hero". "We love him". Opinions are clearly divided on the man they call MBS - Saudi Arabia's controversial Crown Prince Mohammed bin Salman. Source: Hiiraan Online
  17. A former al-Shabab commander has been cleared to run for public office in Somalia in this month's regional election. Source: Hiiraan Online
  18. Washington (CNN)When the Trump administration first asked the Pentagon to send troops to the southern border, the administration wanted the troops to take on duties that Department of Defense officials viewed as law enforcement functions, CNN has learned. Source: Hiiraan Online
  19. The body of the journalist Jamal Khashoggi was “dissolved” after his murder and dismemberment at the Saudi consulate in Istanbul, an adviser to the Turkish president has said. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Dowladda SoomaaliyaXasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha ay isku qabteen ra’iisul wasaarayaashii lasoo shaqeeyay. Isaga oo ku hadlayay Luqadda English-ka ayuu mid mid u sharaxay waxyaabaha keenay inay isla shaqeyn waayaan seddexdii ra’iisul wasaare ee uu magacaabay inta uu hayay xilka madaxweynaha Soomaaliya. Ra’iisul wasaarihiisii ugu horeeyay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayuu sheegay inay wada shaqeyn waayeen kadib markii uu qiimeeyay muddada sanadaha ah ee horyaala iyo shaqooyinka laga rabay oo badan, ayna suurogal noqon weysay inay isla fahmaan howlaha horyaalay, laakiin waxa uu qiray in Saacid uu ahaa nin daacad ah. Ra’iisul wasaarihiisii Labaad Cabdiwali Axmed Maxamed ayuu sheegay inuu ahaa ruux awood u lahaa qabashada shaqooyinka loo xilsaaray, balse uusan aqbalsaneyn kala sareyta awoodaha Hayadaha dowladda, uuna is-biday awood gaar ah. Wuxuu Saacid ku amaanay wanaaga uu lahaa iyo Daacidnimada ka muuqatay, laakiin culeesyo badan oo jiray ay sababeen inay wada shaqeeyaan. “Ra’iisul wasaarihii xigay Nasiib daro, wuxuu lahaa awooda, laakiin waxaan dhihi lahaa inkastoo awood u lahaa shaqada wuxuu ahaa qof aan ixtiraamin kala duwanaanshaha awoodaha Hay’adaha dowladda oo Somalia ay leedahay”ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud. Kadib waxaa yimid ra’iisul wasaarihii seddexaad oo ahaa Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, wuxuuna sheegay inuu ahaa ruux aqbali karo howlaha horyaala ayna isku fahmeen inay wax wada qabtaan mudadii u harsaneyd. Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa magacaabay seddex ra’iisul wasaare, waxaana dowladda ku xigta ay balanqaatay inay ku dadaali doonaan inay iska dhameysan doonaan ra’iisul wasaarihii la magacaabay bishii Febraayo ee sanadkii 2017. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo hore u soo noqday Wasiirkii arrimaha gudaha Somaliya iyo Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Somaliya, ayaa wada olole saf ballaaran leh oo ka dhan ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele (Xaaf). Sida ana xogta ku helnay, Cabdi Samad, ayaa ah shaqsiga Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ku cadaadiyay, inuu la safto dowladda dhexe, kana soo hor jeesto mowqifka Madaxweyne Xaaf. Ninkan, waxaa dhalay Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax waana Gudoomiyaha guud ee Ahlu-Suna Wal Jamaaca, iyadoo aan jiri karin shaqsi ka hor iman kara rabitaanka wiilkiisa. Madaxa Xukuumada Galmudug, ayaa talaadadii ka hor ka soo horjeestay in la hakiyo xiriirka dowladda dhexe iyo Galmudug, wuxuuna taageeray gogosha uu fidiyay Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), taasoo uu isugu yeeray maamul goboleedyada dalka ka jira. Cabdi Samad Macalin Maxamuud oo la rumeysan yahay inuu yahay ruuxa go’aanada Siyaasada ee Ahlu-Suna iska leh, ayaa khadka tilifoonka kula hadlay Sheekh Shaakir, wuxuuna u sheegay inuu meel iska dhigo qodobada ka soo baxay shirkii 24-ka bishan ku soo dhamaaday Garoowe ee golaha iskaashiga dowlad goboleedyada. Cabdi Samad Macalin, ayaa wararku sheegayaan inuu saaxiib dhow la yahay xukuumadda Soomaaliya. Xukuumadda ayaa lagu warramayaa inay Cabdi Samad u ballan-qaaday in hadii uu ku guuleysto dagaalkan ka dhanka ah Madaxweyne Xaaf, lagu abaal-marin doono xil wasiir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ahna wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somalia, Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa ka hadashay masuuliyadda baarlamaanka ka saaran meel marinta sharciyada dalka. Khadiijo Diiriye, ayaa sheegtay hadal ku aadan in sharciyadda iska yaala xafiiska madaxweynaha ay keeni karaan mooshin xildhibaanada ka diyaariyaan madaxweynaha Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay. Hadalka waxay jeedisay xili ay sharaxaad ka bixineysay muddada loo baahan yahay in xafiiska madaxweynaha ay yaalaan sharciyadda u baahan saxiixa u dambeeya ee madaxweynaha dalka. Khadiijo Diiriye, ayaa sheegtay in sharciyadda iska yaala xaafiiska Madaxweynaha ee aan wali lagu soo saarin Faafinta rasmiga ah ee dalka ay ka dhalan karaan dambiyo ay ka mid yihiin Mooshin laga keeno Madaxweyne Farmaajo, waxayna sheegtay in xildhibaanada looga baahan yahay la xisaabtam arrintaas loo galo. Xildhibaan Khadiijo, ayaa saaxiib dhow la ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweyne Farmaajo, waxaana hadalkaan ay sharaxaad dheeri ah kaga bixineysay waxyaabaha ka dhalan kara sharciyada iska yaala xafiiska madaxweynaha. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa jiray warar soo baxayay oo ku aadan in xildhibaanada qaar ay wadaan mooshin ka dhan madaxweynaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Baydhabo (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, ayaa heysta dhowr Fursadood oo uu ku noqon karo madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed, kadib doorashada 17 Bishaan ka dhaceyso magaalada Baydhabo. Wuxuu shaaciyay waxyaabaha uu qaban doono haddii loo doorto madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana uu sheegay inuu xooga saari doono iskuulada wax lagu barto iyo goobaha diinta lagu faafiyo. Fursadda koowaad ee Roobow uu ku noqon karo madaxweynaha koofur Galbeed ayaa ah Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo madaxweyne Shariif Xasan, oo sababi kara in labada dhinac “Shariif Xasan iyo Musharaxa DF taageersan tahay” aysan heli fursaddaha codadka xildhibaanada. Waxay taasi siin kartaa Fursad uu ku heli karo codadka ugu badan, maadaama Shariif Xasan uusan heysan taageero badan, Xildhibaanadana ay dhaqaalo qaadan karaan kadibna dooran karaan Musharax ay talo ku yeelan karaan go’aanadiisa. Fursadda labaad ee Roobow uu ku noqon karo madaxweynaha Koofur Galbeed, ayaa ah inuu kasoo jeedo Beesha Mirifle gaar ahaan Leysaan, Xildhibaanada Leysaan ayaa horey u taageersanaa Shariif Xasan oo Abti ay u yihiin, maadaama ay yaraayeen musharixiinta beeshaasi kasoo jeedo oo codadkooda ay siin karaan. Maadaama hadda ay heystaan nin kasoo jeedo Leysaan oo taageero badan heysta, waxay taasi keeni kartaa in xildhibaanadii horey ugu codeyn jiray Shariif Xasan inay codkooda siiyaan Muktaar Roobow, waxaana ay heystaan tiro xildhibaano ah. Arinta seddexaad ee keeni karta in Roobow madaxweyne noqdo ayaa ah, inuu horey u balan qaaday in Goobta dhibaatada ugu badan ay ka jirto Koofur Galbeed oo ah Shabeelaha Hoose inuu wax badan ka qaban doono isbaarooyinka qabiileed ee yaala Shabeelaha Hoose iyo Al Shabaab. Balanqaadkaasi ayaa u sahli kara iyo xildhibaanada ugu badan ee Digil inay taageeraan oo codkooda ay siiyaan, maadaama uu lasoo shaqeeyay Al Shabaab, uuna yaqaano xogo badan iyo hanaanka loola dagaalamo, maadaama Al Shabaab ay dhibaato badan ku hayaan Shabeelaha Hoose. Wuxuu sidoo kale heli karaa taageerada beelaha kala duwan ee Koofur Galbeed oo doonaya in deegaanadooda ay noqdaan goobo nabdoon, waxaana xildhibaanada qaar ay u balanqaadeen taageero badan. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii ugu dambeeyay kusoo kordhay labo dhacdo oo mid kamid ah walaac badan ku abuuray dhalinyarada iyo dadka Garka iska jari jiray. Askarta cusub ee lagu daadiyay waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho oo ay la socdaan dad dhar ah ayaa bilaabay inay timaha ka jaraan dhalinyarada sida xun tinta u jarta oo aad ugu badnaa magaalada Muqdisho. Askartaan ayaa sidoo kale u diga dadka gerka iska xiira ee Shaarbaha deysta, waxaana dad badan ay isweydiinayaan dadka amarka siiyay dhalinyarada sidaasi sameyneysa iyo ujeedada laga leeyahay. Dhalinyarada ayaa inta badan lagu qabtaa Bakaaraha iyo degmada Waaberi, halkaasi gaadiidka ugu badan ee dadweynaha ay adeegsadaan, waxaana ciidamada ay amraan in dhalinyarada sida xun timaha u jarta ay kasoo dagaan gaadiidka. Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdisho kusoo kordhaya dadka iska dhigaya inay lugaha la’yihiin, kuwaasi oo dadweynaha tuugsanaya, waxaana la arkay kuwo mararka qaar ka cararaya maqribadii goobta ay joogeen. Dhacdooyinkaan ayaa ku badan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana hadda muuqata in isgoyska Km4 iyo meelo kale lagu arkayo dad sidaasi ku dawarsanaya, waxaana qaarkood ay kuu sheegayaan inay shaqo la’aanta ku sababtay inay sidaasi sameeyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Dad badan oo ila soo xidhiidhay ayaa igu dhiirigaliyey qoraallada aan u bixiyey Odhaah-siyaasadeedka Maanta in aan ku soo daabaco mareegta WardheerNews, si uu qoraalka u gaadho dad badan. Waanan qaatay. Abiy Axmed, RW Itoboya, oo awoodda dalka ugu sarreysa si fudud ku helay waxa uu ilaa hadda ina tusay in uu noqon karo “IS-BADAL KEENE.” ama waxa afka qalaad lagu yidhaa ‘REFORMER,” Intuu RW Abiy talada la wareegay waxyaabo aad loogu qushuuco ayuu ina tusay: awooddii TPLF oo la dhimay, maxaabis la siidaayey, kooxihii hubaysnaa (OLF, GINBOT 7, TPDM, ONLF) oo soo galay waddanka, collaadii Eriteriya oo la soo afjaray, tirada wasiirrada dawladda dhexe oo la dhimay (28 laga dhigay 20), iyo Cabdi M. Cumar dawladdiisii oo noqotay ta kaliya ee Abiy afgambiyey. Cabdi Muxumed Cumar dhib xad-dhaaf ah ayuu dadkiisa ku hayay, waxuuna noqday “Loma ooyaan” dambiyo uu geystay iyo kuwo aanu geysan intaba lagu soo oogay. Dhibta uu Soomaali u geystay ayaan marnaba la hilmaami karin. Waxaan ka daalacan kartaan caddaynta ay diyaarisay Hay’adda Human Right Watch. Dood macquul ah waa laga keeni karaa sababta Deeganka Soomaalida oo kaliya afgambigu uga dhacay. Waxaanse innaba doodi ka taagnayn in tacadigii iyo xadgudubka ka jiray Deeganak Soomaalida uu ahaa wax aan adduunka lagu arag. Dawladdan cusub ee uu soo dhisay bishan Okotober horraanteedii iyo badhtamaheedii tallaabooyin aad loogu qushuuco ayuu qaadday. Boosas muhiimad leh ayuu u qoondeeyay haweenka Itoobiya. Marwo Sahle-Work Zewde, 68 jir kana soo jeedda qowmiyadda Amxaarada ayuu Madaxweyne ka dhigay (Waa markii ugu horreysay ee haweeney ka noqota madaxweyne dalka Itoobiya oo ku caan baxay nidaam iyo mamul xumo. Intaa waxa dheer in golaha wasiirrada kala badh(50%) uu u magacaabay haween; wasaarado muhiim ah sida Difaaca (Aisha Mohameed – Canfar) iyo Mufria Kamal (Nabadaynta iyo Sirdonoka – Koonfur) iyo qaar kale. Gole ka kooban 20 wasiir iyo 55 Wasiru-Dawlo iyo Wasiir-xigeeno ayuu RW Abiy soo dhammaystiray. Waxaa aad la isla dhexmarey saami qaybsigan iyo waxa Soomaali ka soo gaadhey. Sida la isku raacay, Soomaali qaybta ay ka heshay saami qaybsigan wax lagu qanci karo ma aha. Waxa, haddaba, isweydiin mudan waxa uu RW Abiy u arki la’yahay Soomaalida isla markaana aanu sharfin? Taariikhdu markay ahayd 1921kii, waxa Ingiriisku ka adkaaday, isagoo kaashanaya Soomaali askar ah, Daraawiishtiii iyo Hoggaankii halganka gobinimadoonka waday. Sayid Maxamed Cabdille Xasan waxa uu u qaxay gobolka Caruusi. Markii uu Dhaxal Suge Xayle Selaase maqlay in Sayidkii jabay isla markaana Duumo ku cuntay miyiga Caruusi, fariin ayuu diray: “Sayidow kaalay oo aan heshiino, Gobolkan Harargeena oo ah kan ugu qiimo badan ee dalkan boqortooyada waxaan kaaga dhigi Ras, ama Amir.” Fariintan ka hor waxaa Ras ka ahaa gobolka Hararge Ras Mokenen oo ahaa Xayle Selaase Aabihiis. Fiiro xurmada Xayle uu siiyey Sayidka, laakiinse uu Sayidku ka diiday! Sharfta ayuu ka raacay Sayid Maxamed Cabdile Xasan Sidoo kale taariikhdu markay ahayd 1947kii, waxa uu Xayle Selaasie ka qayb galay heshiiskii soo afjaray Dagaalkii Adduunka ee Labaad (WWII) oo ka dhacay magaalada Paris ee Faransiska. Boqor Xayla Selaasie waxa uu sii kaxaystay Afar oday. Sheeikh Al-Ahzara oo Soomaali ahaa ayaa afartaas oday ka mid ahaa. Waxa Boqorku rabay in uu adduunka tuso in Itoobiya ay tahay dal dadkiisuu qowmiyado kala duwan yihihiin. Soomaali badani waxay qabaan in aanu R/W Abiy Soomaalida cisaynin. Soomaali hal wasiir kama badsan karto miyaa? Meles iyo Xalyle Mariamba hal wasiir ayey u oggolaayeen Soomaalida. Sidoo kale, Mengistuna hal wasiir ayuu siinjiray. Boqor Xayle Sellase qudhiisuna intaa ayuun buu u oggolaa Soomaalida. R/W Abiy waxaad moodaa in ay Soomaalidu xaashida Qoomiyaduhu ugu qoranyihiin halka ugu hooseysa kaga jirto. Markii uu Mareykanka yimid, inta badan hadalladiisa magaca Soomaali ku ma jirin. Intuu illoobo ayaa gadaal looga sheegi jiray. Tan kale, markii uu ka hadlay Jabhadaha soo xerooday ee nabadda qaatay, ONLF wuu ka tagay ama maanu xasuusan. Isla markaas waxaad moodaa in uu sheegay magacda jabhado aan laba aqoon sida tan la yidhii dhinaca Tigreega ayey ka dagaalantaa. Qoraa la odhan jiray Ralph Ellison oo ahaa nin u dhashay Mareykanka Modow (African American) ayaa buug qoray la yidhaa “The Invisible Man,” ama “Ninka aan La Ariki Karin.” Waxa uu buuggu tibaaxayaa sida ay u adag tahay in qofka madow la arko ama la sharfi karo inkasta uu sameeyo wax alla waxii laga rabay. Sidoo kale, Soomaalida Itobiya ku hoos jirtaa, waxa kasta oy samayso, R/W Abiy kari waa in uu arko. Waxa uu kari waayey in Soomaalidu dhulka ugu baaxad weyn leedahay arko; waxa uu arki kari waayey in tacadiga ugu badani soo gaadhay Soomaali; waxa uu iska indhasaabay in Soomaalidu tahay qowmiyadda saddexaad ee ugu tirade badan; waxa laga dhaadhicin kari waayey ama maskaxdiisu sawiri kari wayday in ONLF kawada cimri dheertahay OLF, Ginbot 7 iyo Jabhadda Tigrey ee dhawaan billoowday in ay ka hortimaad TPLF. Waxa uu iska indha saabay in khayraadka ugu badan (petroleum iyo natural gas) ay ku jiraan dhulka Soomaalida. Cadduur dhawdhawdu uma dhacsana, R/W Abiyna diid in uu arko Soomaali. Waxaad moddaa in sidii Meles oo kale qabo. Sayid Khaliifa oo ahaa Suudaani Suxufi ah ayaa Mele waydiiyey su’aal ah “maxaad Soomaalida ugu yareysay Saami qabsiga dawladdaada iyagaaba soo kifaaxee.” Meles waxa uu ku jawaabay “Soomaalidu waa xoolo dhaqato oo maamulka ma taqaan.’ Xilligiaasi waxay ahayd 1991kii. 2018ka, tolow maxay wax isku badali waayeen? Maxaa Soomali loo arki la’yahay ooy u noqdeen sidii Ralph Ellison ku tilmaamay Mareykanka Modow, oo ah “The Invisible Man,’ ama “Ninka aan La’arki karin?” Faysal C. Roble, Los Angeles, California Email: faisalroble19@gmail.com Wardheernews.com