Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,028
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. War-saxafadeed…. Xisbiyada UCID iyo WADDANI iyagoo oo la jaanqaadaya dareenka shacbiga reer Somaliland, iyagoo og in dalku u baahan yahay is-bedel doorasho oo ku yimaada Golayaasha Dawladda ee dhammaantod wakhtigii ka dhacay marka laga reebo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, sida Guurtida, Wakiilada iyo Golayaasha degaanada , iyagoo ku qanacsan in is-bedelku ku yimaado hab dimuqraadi ah iyo codbixin, waxay ugu baqeen Madaxweynaha Somaliland Mud. Muuse Biixi Cabdi inuu qabto Doorashooyinka looga fadhiyo, inuu qodax tiro duruufaha ku geedaaman ee Koomiishanku kowga ka yahay ee Saamiga kuraasta Goboladu laba ka tahay ee kala xadaynta Degmooyinku saddexda yihiin. Waxa yaab leh Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo tallada Waddanka hayay muddo sannad kodhaw, soo jeedimihii Mucaaridka kumuu raacin rayi saddexaadna muu keenin, tallabo aan garnaqsi ahayna lamuu shir iman. Ummadda Somaliland waxa la gudboon inay doorkooda qaatan una diyaar garoobaan sidii ay Dalkooda uga dhici lahayd doorasho u qabsoonta si nabad ah oo dimuqraadi ah oo waliba dulqaad ku jiro, gacan buuxdana ay siiyaan Axsaabta Mucaaridka ah. Tabashada Axsaabta Mucaarid ah ee WADDANI Iyo UCID Ee Ku Aadan Koomiishanka & Xukuumadda Isku Milmay. Walaalayaal, Sida curfiga dawladnimo yahay ee caalamku ku dhaqmo Qaran kasta oo Dimuquraadi ahi wuxu ka koobanyahay Xisbiyo kala aragti duwan oo Mucaarid iyo Muxaafidba leh, Somaliland oo ay ka jiraan saddex Xisbi Qaran waxa lagu tartamayaa waxa weeye sida loogu kala wanaagsanyahay u adeegida shacbiga iyo barnaamijka Xisbi kasta soo bandhigo, ma jirto colaad intaas ka gun dheer oo Xisbiyada ka dhaxaysa, waxaase nasiib darro ah in Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddu colaad iyo dagaal dhaawac ku ah dimuquraadiyadda ku hayaan Axsaabta Mucaaridka ah iyo cid kasta oo ka rayi duwanaata, taas oo aan meelna ka soo galin tartankii Axsaabta ka dhaxeeyay iyo Dimuquraadiyadda, waxa kale oo nasiib darro ah inaynu 27-sanno kadib humaag galino sharciyada aynu dhiganay. 10-sanno muddo kudhaw waxaynu ku murmaynaa shuruuc ilaa 2008-kii waxaana taas sabab u ah marba Xukuumadda joogta oo aan diyaar u ahayn in la dhiso hay’adihii dhexda inoo noqon laha Sida Garsoorka oo aan madax banaanyn marka ma jirto meel laysula tagaa oo aan ka ahayn xeer jajab. Maanta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sida shuruucdu dhigayso halkii uu guddi u saari laha eedaha Koomiishanka Doorashooyinka ayuu isagii Garyaqaan u noqday shahaadooyin wada shaqada ahna gudoonsiiyay, waa odaygii Somaliland waa Madaxweynahii Qaranka misana taasi ficilada laga arkay kama muuqato. Maxaa la gudboon Axsaabta Mucaaridka ah. Xisbiyada Mucaaridku iyagoo eegaya oo xeerinaaya xaaladda nugul ee ay ku sugan tahay Somaliland oo ummaddii ay hadheyeen abaaro riiqdheeraaday iyo sicir –barar danyartii saamayn xun ku yeeshay, iyagoo xog-ogaal u ah culayskii Ummadda ka soo gaadhay halgankii dib-u-xoreynta dalkan, iyaga oo eegaya mustaqbalka da’yarta dalkan curdinka ah, iyaga oo ilbuuxda ku haya colaadaha ka taagan geeskan Afrika, waxa la gudboon inay mar kasta dulqaad wayeelnimo kaga falceliyaan talaabo kasta oo daan daansi iyo deelqaadba leh oo Axsaabta Mucaaridka kaga timaada Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE. Garashada toolmooni waxay ahayd in Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadu ay xidhiidh wanaagsan, wada tashi iyo wada shaqayn la yeelato Xisbiyada Qaranka iyo shacbi weynaha. Nasiib darro Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadu waxay dagaal qaawan oo af iyo addin ah ku soo qaadeen Dimuquradiyaddii iyo wada tashigii ay ku caano maaleen shacbigii Somaliland. Walaalayaal, waxaad markhaati ka ahaydeen 45-daqiiqo oo Madaxweynaha Somaliland Mud. Muuse Biixi Cabdi hadlaayay inuu ku bilaabay kuna dhammeeyay, garnaqsi, dib u noqosho doorasho dhammaatay, gocasho iyo isdifaacid dhammaantood ku guroraayay Eragyii Abwaan Dheeg ee aha “Nin Dulyari Ma Madaxbaa “. Ummadda reer Somaliland waxaynu marag ka wada nahay, in maanta Xaalada Dalkeena gaar ahaan Gobolada Bari ay marayso “Alamtarana soo dhaaf “. Dhahar iyo Sanaag Bari waxa ka doobyaysa Puntland oo waxqabad ku kasbatay degaanadi Waddan keena ka tirsanaa, Dhuumay iyo Koonfurta Sool coladii ka dhacday waxa inooga soo dheereeyay Dawladdaha Soomaliyeed ee jaarka oo deeqihii Gurmadka ka sokow Saaka ciidamo nabad ilaalin ah kala dhex dhigay, Tukaraq qadiyadeeda waad la socotaan markii horena Madaxweynuhu tallo Qaran kuma galin dacwayntii caalamkana waa laynooga dheereeyay.. Warbaahinta Qaranka ee Xukuumadu gacanta ku haysaa umma adeegaan Xukuumadda oo keliya ee waxay baahiyaan fidno abuur sidii warbaahintii Rwanda iyo Bosnia markii ay ka soo hurayeen dagaaladu “Afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda kaa jara”. Walaalayaal balaayadu waxay ka dhacdaa qof gardaran oo cid joog tidhaahda la waayey, Radio Hargeysa iyo TV-ga qaranka wixii ka baxaayey sanadihii u dambeeyey waxaynu kaga badbaadnay dulqaadka shacbiga iyo bisaylka Xisbiyada mucaaridka ah, wuxuu maanta ku daray Wasiirkii Warfaadintu isagoo ku shaqaynaaya siyaasadda Madaxweynaha inuu aasaaso qayb dabagssha war-baahinta Madaxa banaan ee lagu ladnaa, taas oo la macno ah wixii nidaamkii Millatariga aha ee Maxamed Siyaas Barre u yaqaanay “Faafreebka “.. Isgaadhsiintii in lays dhagaysto ayay Xukuumaddu wadaa oo kadib dadkuba Telefoonada ka aaminka baxaan. Dhammaan deel qaafyada cidda dabri lahayd waa Golayaasha sharci dajinta ee fadhiidka noqday, doorashooyin koodina uu Madaxweynuhu hortaagan yahay isagoo ka cabsi qaba In isla xisaabtan yimaado. . TALO SOO JEEDIN: Waxaan ku talinayaa gaar ahaan asxaabta Siyaasiga ah in loolanka Siyaasadeed ee Xisbiyadu uu ku ekaado fikrado kala duwan oo shacbiga loo bandhigo iyo doodo danta ummaddu ku jirto. Mucaaridku iyaga oo ka duulaya mabda’a dimuqraadiyada iyo dood wadaaga, waa inay u dhabar adaygaan gardarooyinka ka imanaya Xukuumadda KULMIYE intii suurtagal ah si loo gaadho danta guud, waana inay la yimadaan qorshe Mucaarid oo maangal ah si Dalka looga badbaadiyo in awoodu ku uruurto meel kaliya. Xisbiyada Mucaaridku waa inay u taag naadaan doorasho iyo nabad, kana soo horjeestaan fidno, afxumo iyo wax kasta oo carqaladayn kara doorashooyinka. Axsaabta Mucaaridka ahi , waa inay dhexdooda wada shaqayn fiican yeeshaan kana hawl galaan sidii loo heli lahaa Guddidii doorashooyinka Qaranka ee qaban laha doorashooyinka muddo dhaafay..” Muniir Axmed Cigaal Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa goobjoog ka ahaa halkii uu isku casilay madaxweyne hore Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuuna ka jeediyay hadal kooban markii maanta uu halkaas booqasho ku tagay wasiirka. Qoraal kasoo baxay Sharifi Xasan, ayuu maanta sidoo kale ku sheegay inuu ka haray tartanka doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo la waqtiyeeyey 17-ka bishan November. Shariif Xasan ayaa sheegay inuu go’aanka, qaatay “isaga oo eegaya arrimaha ka dhex taagan dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed, si uu ugu turo dadka, dalka iyo maamulka Koonfur Galbeed” Mudane Sabriye ayaa tilmaamay inuu u mahadcelinayo una hambalyeeynayo madaxweynihii hore Shariif Xasan. “Walaalayaal annagu waxaa ku nimid, arrin u baahnayd inaan u imaanno oo aan wax ka fariisinno oo maamulka Koonfur Galbeed ka jirtay iyo arrimaha hadda uu madaxweyne Shariif ku hormaray” ayuu yiri wasiir Sabriye. Dhageysi hadalka Sabriye https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Wasiirka-arimaha.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar____-Qubanaha-Shabelle-07112018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka xukuumada Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay is casilaadii madaxweynaha Koonfur galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan. Eng Sabriye wasiirka arimaha gudaha ee xukuumada Soomaaliya oo maanta goobjoog ka ahaa is casilaadii Shariif Xasan Sheekh ayaa ku aamanay doorkii muhiimka ahaa ee uu ka soo qaatay dhismihii maamulka Koonfur galbeed. Waxa uu sheegay in Shariif Xasan uu qaatay tanaasul muhiim ah oo laabanyahay uu qaatay xaalad adagna ay wajaheeysay maamulka Koonfur galbeed. Wasiir Sabriye ayaa sheegay inay deg deg ugu soo baxeen Qalalaasaha ku yimid Doorashada la filayo inay ka dhacdo Baydhabo 17 Bishaan oo 10 Cisho ka harsan tahay. Koonfur galbeed ayaa galeeysa waji cusub oo siyaadadeed kadib is casilaadii Shariif Xasan Sheekh Aadan madaxweynihii maamulkaasi Koonfur galbeed. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/wasiir-sabriye.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Wasiirka Arimaha Gudaha” Shariif Xasan Waxaa uu qaatay tanaasul muhiim oo loo baahnaa” appeared first on Puntland Post.
  5. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho Xasan Cali ayaa ka hadlay mowqifka xukuumaddiisa ee khilaafka dowladaha Khaliijka. Wuxuu sheegay in dowladda federaalku ay gaartay go’aan la mid ah mowqifyo ay qaateen dowlado badan oo uu ka carrab ***** dowladaha dariska, Ingariiska iyo Faransiiska. “Waxaan ku soo beegannay iyadoo wadamada Khaliidka dhexdooda uu khilaaf ka jiro, waxaan isku daynay inaan gaarno go’aan dhexdhexaad ah oo ay gaareen dowladaha dariska ah oo ay kamid yihiin Itoobiya, Kenya, Uganda, Tanzania, Norwey, Ingariiska oo Faransiisku gaaray.” Ayuu sheegay RW Kheyre. “Waan naga la diiday annaga ama waa la aamini waayay in la aqbalo sababtoo ah waxay iyaduna salka ku heysay dhaqan horey oo la soo dhaafay, iyaduna waxay salka ku heysay musuqmaasuq, iyaduna waxay salka ku heysay qaab dhaqameed ah in dunida ay aaminsan tahay in go’aan walba oo aad gaarto lagaa beddali karo, sababtoo ah si uun baa laguu musuqmaasuqi karayaa” ayuu yiri Raysal Wasaare Cali Xasan. Mudane Xasan Cali ayaa intaas raaciyay in qorshahaasi uu ku saleysnaa in madaxda qaranka la kala qeybin karo. Hadalka wasiirka koowaad ee xukuumadda FS Xasan Cali ayaa imaanaya iyadoo wali khilaafkii Khaliijka uu sidiisa u taagan yahay, kaasoo saameyn ku yeeshay siyaasadda arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Maxaa kamid ah saameynta khilaafka Khaliijka? Saameynta, uu yeeshay khilaafkaasi waxaa kamid ah kala qeybsanaan soo kala dhex gashay dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah ee gobollada kuwaasoo illaa maanta khilaaf soo jiitamaya uu ka dhaxeeyo walina aan loo helin xal. Waxaa sidoo kale saameynta kamid ah in xiriirka Villa Somalia ay la leedahay dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga uu meeshii u hooseysay gaaray, tusaale in horraantii sanadkani 2018-ka bishii April dhacdadii garoonka diyaaradaha lagu xayiray lacag ay wateen Diblumaasiyiin ka tirsan xukuumadda Abu Dubai taas aad uga carreysiisay Imaaraadka iyo saaxiibadiis gobolka. HOOS KA DHAGEYSO CODKA: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Khayre-oo-ka-hadlay-mowqifka-DFS-ee-khilaafka-Khaliijka.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Siyaasi Cabdi Xaashi Cabdisalaan oo ka faallooda siyaasadda dalka ayaa Goobjoog News ay wax ka weydiisay iscasilaadda Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan Khilaafka dowladaha Khaliijka ayaa si baaxad leh u saameeyay siyaasadda arrimaha gudaha ee Soomaaliya waxaana Madaxweyne Shariif Xasan uu salfaday dagaal siyaasadeed ka dhaxeeyay muddooyinkii dambe xukuumadda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah. Xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed oo loo doortay Shariifka 2014-ka ka hor wuxuu ahaa xildhibaan gollaha shacabka ka tirsan, waxaa sidoo kale uu ka sii hor soo noqday wasiirka maaliyadda iyo guddoomiyaha baarlamaanka. Siyaasi Cabdi Xaashi ayaa qaba in saameyntii uu ku lahaa siyaasadda Shariif Xasan isbedalkeeda la arki karo bilaha ina soo aaddan. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/SIYAASI-CABDI-XAASHI-07-11-2018-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa goobjoog ka ahaa halkii uu isku casilay madaxweyne hore Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuuna ka jeediyay hadal kooban markii maanta uu halkaas booqasho ku tagay wasiirka. Mudane Sabriye ayaa tilmaamay inuu u mahadcelinayo una hambalyeeynayo madaxweynihii hore Shariif Xasan. “Walaalayaal annagu waxaa ku nimid, arrin u baahnayd inaan u imaanno oo aan wax ka fariisinno oo maamulka Koonfur Galbeed ka jirtay iyo arrimaha hadda uu madaxweyne Shariif ku hormaray” ayuu yiri wasiir Sabriye. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Wasiirka-arimaha.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Ilaa 124 dhalinyaro tahriibayaal Soomaaliyeed oo in mudda ah ku dhibaataysnaa dalka Libya ayaa maanta gelinkii dambe dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho Waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho dhalinyaradaasi kusoo dhaweeyey Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Qaar ka mid ah dhallinyaradda Mudada dheer ku xirnaa Xabsiyadda Liibaya ee nasiibka uu yeeshey in Dalkooda dib loogu soo celiyo ayaa ka hadlay Dareenkooda, iyagoo sheegay in ay si weyn ugu faraxsan yihiin in ay dalkooda dib ugu soo laabtan. Dhalinyarada ayaa waxaa soo celintooda iska kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha IOM iyo UNHCR,sida uu sheegay safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi. Safiirka aya shalay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in 150 dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku dhibaataysan dalka Libya dib loogu celin doono Soomaaliya,balse dadka hadda la soo celiyay ayaa dhan 124 ruux oo keliyah. PUNTLAND POST The post Dhalinyaro ku dhibaataysnaa Libya oo dib loogu soo celiyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  9. Madaxweynihii ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii madaxtinimada kana haray tartankii doorashada hoggaanka Koonfur Galbeed oo loo madlan yahay 17-ka bishani Shariif Xasan ayaa ka hadlay sababaha ku riixay inuu tanaasulkani sameeyo. Hadalkani hoose ayuu maanta jeediyay markii uu ku dhawaaqay iscasilaaddiisa. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Shariif-xasan.mp3 GOOBJOOG NEWS Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynihii Koonfur Galbeed ahaana guddoomiyaha gollaha iskaashiga dowlad goboleedyada Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa galabta waxaa magaalada Baydhabo uu kaga dhawaaqay inuu iska casilay xilkii madaxweynenimo. Waxaa sidoo kale wareegtada uu iscasilaaddiisa kaga hadlay sababaha keenay inuu iscasilo iyo sidoo kale dardaaran uu u jeediyay reer Koonfur Galbeed shacab iyo siyaasiba. Wasiirka warfaafinta Xasan Cabdi ayaa saxaafadda u akhriyay qodobada uu ku sababeeyay Madaxweyne hore Shariif Xasan iscasilaaddiisa. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Wasiirka-warfaafinta.mp3 Goobjoog Source: goobjoog.com
  11. Waxaa goor dhaweyd xaqiijiyey in uu doorashada Koonfur Galbeed si rasmi ah uga haray Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee maamulkaas Shariif Xassan Sheekh Aadan. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Baydhabo ayuu uga dhawaaqay tallaabadan oo maalimihii dambe oo dhan la’isla dhexmarayey saxaafadda. Wuxuu sidoo kale iska casilay 10-ka maalmood ee xilkiisa waqtigan uga harsan. Tallaabdan ayaa imanaysa kadib markii ay jahwareer gashay doorashada la filayo in 17-ka November ka dhacdo Koonfur Galbeed kaddib markii ay is casileen inta badan gudigii doorashada haka odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ay sheegeen in ay dib u dhigeen doorashada. Go’aanka Shariif Xasan ayaa laba guul u ah madaxweyne Farmaajo Midda koowaad: Madaxweyne Farmaajo iyo Shariif Xassan in ay isku wajahaan loolan siyaasadeed ma aha markii ugu horreeysay, waxaa aad loo xasuustaa 2011 iyo Kampala Accord (Heshiiskii Kampala) Farmaajo oo ah Ra’iisul Wasaarihii xukumaddi KMG ahayd ee xillgaas ayaa waxaa lagu qasbay in uu is-casilo, waxaana dhacdooyinkaas qeyb ka ahaa oo waliba wax ka saxiixay Shariif Xassan oo xilligaas ahaa gudoomiyihii baarlamaanka. Is-casilaadda maanta ee Shariifka iyo inuusan dib ugu soo noqon hoggaanka Koonfur Galbeed, waa guul shaqsi, ama ugu yeeray aargudasho, oo Farmaajo uu ka gaaray Shariifka. Midda labaad: Iyada oo ay saddex bilood uun ka hartay laba sano in ay jirsato xukumadda Nabad iyo Nolol, hadana waxa ay u muuqataa in markii ugu horreeysay tan iyo bur burkii dowladdii dhexe Villa Somalia looga arrimin doono inta badan gobolada Soomaaliya (Maamul Gobolleedyada). Dolwadan ay hadda madaxda ka yihiin Farmaajo iyo Kheyre iyo kuwii ka horreeyey ee bur burkii kaddib, waxaa dowlada dhexe caqabad ku ahaa maamulada oo mar walba uu khilaaf u dhexeeya uga dhammaan jiray waqtiga. Hadda oo ay laba sano uga harsan tahay waqtiga ay talada hayaan, waxaa muuqata in inta badan ama dhammaan maamulada noqon doonaan kuwo ku siyaasad ah Villa Somalia. Waxaa hadda dowladda gacanta ugu jira HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, waxaana xiga Xaaf. Rajada Axmed Madoobe ma fiicna, waxaana haray oo kaliya Puntland. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. Madaxweeynihii hore ee maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xilkaasi maanta iska casilay ayaa ka hadlay sababihii uu xilkaasi isaga casilay. Shariif Xasan ayaa eedeeyn u jeediyay dowlada Soomaaliya isaga oo ku eedeeyay in faragalin ay ku sameeysay hanaanka doorashada ee maamulka Koonfur galbeed. Waxaa uu sheegay in dowlada ay xildhibaanada Baarlamaanka Kuunfur galbeed u daabushay Muqdisho si dowlada ay u maamusho doorashada Koonfur Galbeed. Shariif Xasan ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay isaga u isricmaashay awood hayeeshee uu u tanaasulay shacabka Koonfur Galbeed. Waxaa uu ugu baaqay musharixiinta u tartamaya xilka madaxtinimo ee Koonfur galbeed ugu baaqay in ay meel iska dhigaan wax kasta oo keeni kara qalalaaso iyo nabadgalyo daro. Ugu dambeeyntii shacabka Kuunfur galbeed ayuu u rajeeyay hormar iyo bash bash isaga oo u mahad ciliyay cid kasta oo ka qeeyb qaadatay hormarka Koonfur galbeed isaga oona u mahad naqay ciidamada maamulkaasi. Hoos ka Dhageeyso Codka. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/shariif-xasan.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Shariif Xasan ” Waxaan isku casilay kadib markii aan u dul qaadan waayay faragalinta Dowlada” appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Turkey ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho gelinkii dambe ee maanta, waxaana soo dhaweeyay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya. Taliyaha ciidamada Qalabka sida ee Turkey iyo masuuliyiin kale ayaa qeyb ka ah wafdiga maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaasi oo wadahadalo la yeelanaya madaxda dowladda Soomaaliya. Masuuliyiintaan ayaa sheegay in ujeedada ay u yimaadeen magaalada Muqdisho ay tahay dardar gelinta taageerada dowladda Turkey ay siiso ciidamada Xooga dalka Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Difaaca dawladda Turkiga iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inta ay ku sugan yihiin Muqdisho in kulamo kala duwan ay la qaataan Madaxda sare ee dalka iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, kulamadaasi oo looga hadli doono dib u dhiska Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed.
  14. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga, Hulusi Akar ayaa galabnimadda maanta oo Arbaco ah waxay soo gaareen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Difaaca Soomaliya iyo xubno kale oo ay ku jiraan saraakiil ciidan ayaa Wasiirka iyo masuuliyiinta kale waxay si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde. Wafdiga ayaa soo dhawaynta kadib loo galbiyay gudaha magaalada gaar ahaan Madaxtooyadda halkaasi oo la filayo inay kulan kulan yeeshaan madaxda dalka, si ay uga wada hadlaan arrimo badan. Turkiga ayaa kamid ah dalalka taageerada joogtada ah la garab-taagan Soomaaliya, xili ay Muqdisho ka dhiseen sanadkii hore Saldhiga ugu wayn oo ay ku leeyihiin meel ka baxsan dalkooda, kaasi oo lagu tababaro ciidamo Soomaaliyeed ah. The post Wasiirka Gaashaandhiga Turkiga oo booqasho ku yimid Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-07112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Sharif Hassan Sheikh Aden has resigned as leader of southwest regional administration ahead of the presidential election slated for next week. In a statement, Mr. Adan announced that he was stepping aside following weeks of a political rift with the federal government. “From today, 17th of November, I hereby announced that I resigned from my post as the president of Southwest state,” reads the statement. Mr. Sharif who has been ruling the state since its inception in 2014 has also shelved his ambition to seek the second term. The immediate leader of Southwest has handed over power to the speaker of the regional assembly Abdikadir Sharif Shekhuna who will be holding office until a new president is elected. Many political analysts say the resignation and drop out of the president from the race is a big success to the federal government. The development comes barely a day after Somali federal government underscored the need to hold presidential elections in the Southwest State for the scheduled time The post Southwest state president steps resigns appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Madaxweynaha doladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Arbacada maanta ah ee ku beegan 07 Nov 2018 kulan la qaatay saraakiil ka socota xafiiska UNODS iyo diblamaasiyiin shisheeye oo ka socda dalal badan oo wadashaqayn dhaw laleh Puntland. Saraakiishan oo ay hogaaminaysey Francesea Caonero oo ka tirsan hay’adda UNODC ayaa waxa ay kala ahaayeen diblamaasiyiin ka socda dalalka Netherland, Italy, Sweden, Holland, Canada iyo sidoo kale saraakiil kale oo ka socda hay’adda UNODC. Kulankan oo ka qabsoomay qarniga Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa looga hadlay arrimaha xabsiyada Puntland, gaar ahaan xabsiyada dhexe ee dawladda, siidaynta maxaabiista burcad badeedda Soomaalida ee ku xidhan dalka dibeddiisa iyo arrimo kale oo muhiim ah. Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn Puntland kusoo dhoweeyey saraakiishan ka socdey hay’adda UNODC iyo diblamaasiyiinta kale, waxaana uu Madaxweynuhu ku bogaadiyey masuuliyiintani wadashaqaynta wanaagsan ee ay la leeyihiin Puntland gaar ahaan Wasaaradda Cadaaladda iyo ciidamada Asluubta Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa saraakiisha hay’adda UNODC iyo diblamaasiyiinta kaleba kala hadlay xaaladda maxaabiista burcad-badeedda Soomaalida ee ku xidhan dalka debeddiisa, waxaana uu Madaxweynuhu u sheegay in dowladda Puntland u gudbinayso cid kasta oo ay arrintaasi khusayso in maxaabiista si dhaw loo eego xaaladdooda, dibna loosiiyo xuriyaddooda maadaama ay wakhti dheer xidhnaayeen dibna ula jaanqaadikaraan bulshada. Dhinaca kale hogaamiyaha weftigani Francesea Caonero ayaa dhankeeda tilmaamtay inay Madaxweymaha Puntland iyo masuuliyiinta kaleba uga mahadcelisey qaabilaadda iyo gorfaynta arrimahakani muhiim ka ah, waxaana ay xaqiijisay in arrinta maxaabiista burcad badeedda ay tahay muhiim in waxbadan laga qabto oo laga arrinsado siidaynta maxaabiistaasi, maadaama ay muddo badan ku jiraan xabsiga, Isla markaana waxay ay Puntland ku amaantay si wanaagsan wanaagsan ee ay u maamulaan xabsiyada iyo maxaabiistaba. Ugu danbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa masuuliyiintani ku booriyey inay dardargeliyaan shaqooyinka baaxaddale ee ay ka hayaan Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya, Isla mar’ahaantaana ay fiira gaara uu yeeshaan xal u helidda maxaabiista burcad-badeedda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Deblomaasiyiin Caalami ah appeared first on Puntland Post.
  18. Baydhabo (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa soo baxaysa go’aanka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta sheegay inuu xilkaasi iska casilay. Qoraal kasoo baxay Sharifi Xasan, ayuu sidoo kale ku sheegay inuu ka haray tartanka doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo la waqtiyeeyey 17-ka bishan November. Shariif Xasan ayaa sheegay inuu go’aanka, qaatay “isaga oo eegaya arrimaha ka dhex taagan dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed, si uu ugu turo dadka, dalka iyo maamulka Koonfur Galbeed” Si kastaba, xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in Shariif Xasan uu dowladda federaalka ah ka qaatay lacag dhan afar milyan oo dollar, si uu xilkaasi uga dego. Shariifka ayaa la sheegay in isaga oo eegaya xaaladda Koonfur Galbeed, oo ah maamul dhaqaale ahaan liita iyo xaqiiqda ah in laga yaabo in doorashada looga adkaado uu go’aansaday inuu qaato lacagta dowladda. Warar aan la xaqiijin ayaa dhinaca kale sheegaya inaysan meesha ka marneyn hanjabaad ay ujeedisay dowladda iyo ciidamada Itoobiya ee jooga maamulkiisa oo saraakiishooda ay dhageysteen madaxda dowladda dhexe, kadib isku soo dhowaanshiii madaxda Ethiopia yo Soomaaliya. Lama yaqaan tallaabada xigta ee Shariif Xasan oo ahaa siyaasi saameyn weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  19. Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa goordhow ka bilaawday dibad baxyo balaaran oo ay sameeynayaan dadka ku dhaqan magaaladaasi Baydhabo. Dibad baxayaasha ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kuwaasi oo ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah Shariif Xasan. Banaanbaxayaasha ayaa taageerayay dowlada Soomaaliya ee uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo. Dibad baxayaasha ayaa magaalada ka fujinayay boorarka uu isku soo sharaxay Shariif Xasan Sheekh aadan oo maanta is casilay islamarkaasina ku dhajinayay boorar uu ku xardhanyahay Madaxweyne Farmaajo. marqura waxaa is badashay jawiga doorashada maamulka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya kadib is casilaadii Shariif Xasan Sheekh Aadan. Hoos Ka Daawo Muuqaalka Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Dibad Baxyo Caawa Ka socdo Baydhabo kadib iscasilaadii Shariif Xasan appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (PP) ─ Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Somalia ku sugan [AMISOM], ayaa markii ugu horreysay ka hadlay afar qof oo la sheegay in ciidamadeedu ay shalay ku dileen degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, kuwaasoo dhammaantood ahaa shacab. War-saxaafadeedd ay AMISOM soo saartay ayay ku sheegeen inay aad uga xun yihiin dadka shacabka ah ee lagu dilay ex-koontarool Balcad, waxayna intaas ku dareen in dhacdadan lagu sameyn doono baaritaan dhameystiran. “Baaritaan ayaan ku sameynaynaa dhacadan, innagoo la kaashan doonna dowladda federaalka Somalia, natiijada kasoo baxda baaritaankann waxaan la wadaari doonnaa shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay AMISOM. Sidoo kale, Taliska AMISOM ayaa sheegay inay xanuunka la qaybsanayaan ehellada dadkii naftooda ku waayay falkaas, iyagoo sheegay in cid walba oo ku lug yeelata falkan lala tiigsan doono sharciga. “Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa in AMISOM inta ay ka hawl-galayso Somalia ay ka go’an tahay inay ilaalin doonto Xuquuqda Shacabka Soomaliyeed, iyadoo la tixraacayo sharciga xuquuqda aadanaha ee Dunida iyo kuwa u dagsan dadka Soomaaliyeed,” ayaa mar kale lagu yiri Bayaanka kasoo baxay AMISOM. Dhanka kale, Taliska AMISOM ayaa sheegay in baaritaanka dhacadan aysan ka hari doonin illaa ay xaqiiqda soo taabato, isla markaana ay natiijada kasoo baxda u soo bandhigto shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Hadalka kasoo baxay AMISOM ee ku aaddan Afarta ruux ee shalay ay ciidamada Burundi ku dileen isgoyska Ex-koontarool Balcad ayaa wuxuu imaanayaa xilli Dowladda Soomaaliya ay ka codsatay AMIOSM inay falkan ku sameyso baaritaan dhameystiran, sharciga la horkeeno cid walba oo ku lug yeelata. PUNTLAND POST The post AMISOM oo ka hadashay dad shacab ahaa oo ay ciidamadeedu ku Toogteen Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. November 06, 2019 – Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee doorashada 2019 Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye, oo wali ku sugan magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa maanta booqday xeryaha Ciidamada Daraawiishta ee Godad iyo Caano-ka-dhan. Ugu horrayn, Musharraxa iyo wafdigiisa ayaa booqday deegaanka Godad oo 30 KM magaalada Gaalkacayo dhanka bariga kaga beegan, wuxuuna kulan xog waraysi ah la qaatay sarakiisha hoggaamisa ciidamada Godad, isagoo ballan qaaday haddii loo doorto xilka madaxwaynaha iyo haddii kaleba in mar walba uu mudnaan gaar ah siin doono ciidamada har iyo habeen heeganka ugu jira difaaca dalka iyo dadka. Booqashada Xerada Godad kaddib, Musharrax Maxamuud Khaliif wuxuu kormeer ku tegay xerada Caano-ka-dhan, goobtaas oo qiyaastii 10 KM galbeedka kaga beegan magaalada Gaalkacayo, fariisinna u ah cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland. Musharraxa ayaa ammaan iyo dhiirigelin u jeediyey ciidamada xeradaas ku sugan, isagoo xusay inay yihiin halyeeyo wax kasta u huray sidii ay ammaanka Puntland u sugi lahaayeen, islamarkaana mudan yihiin in la siiyo qaddarin dheeri ah iyo daryeel u qalma shaqada culus ee ay bulshadooda u hayaan. Ballan qaadyo dhowr ah ayuu Musharrax Jebiye u sameeyey ciidamada uu maanta la kulmay, waxaana kamid ahaa in haddii Madaxwaynaha Puntland loo doorto uu kordhin doono mushaharaadka ciidamada, joogtana ay u heli doonaan iyo waliba in uu hirgelin doono xarumo lagu xannaaneeyo agoonta ciidamada iyo dugsiyo u gaar ah ubadka askarta. Madaxa Ololaha Karti iyo Hufnaan ee Gobolka Mudug Axmad Cillal, ayaa gabagabadii kormeerka wuxuu shir-jaraa’id u qabtay warbaahinta, isagoo shaaciyey in musharraxu ciidamada ku sugan labada xero ee uu maanta booqday ugu deeqay lacag dhan 15,000 (shan iyo toban kun oo doolar ), taasoo Musharraxu ugu talo galay in martiqaad loogu sameeyo ciidamada xoolana loogu qalo. Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa wali ku guda jira socdaalka loogu magac daray Tashi iyo Tabasho, kaasoo uu ku marayo qaybo kamid ah gobollada Puntland, si uu ugu kuurgalo xaaladda dhabta ah ee dalka ka jirta, shirar wadatashi ahna ula soo qaato qaybaha kala duwan ee bulshada. The post Musharrax Jebiye oo booqday xeryaha Ciidanka Daraawiishta ee Godad iyo Caano-Ka-Dhan appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa shir guddoomiyay kulan ku saabsan barnaamijka Horumarinta Dawladaha Hoose. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyay dhammaan ka qeyb-galayaasha waqtigooda iyo wada shaqaynta ay la leeyhiin Maamulka Gobolka Banaadir. Isagoo ku dheeraaday aragtida maamulka ee ku aaddan kor u qaadista adeegyada bulshada, Tayeynta Shaqaalaha, hagaajinta xeer nidaamiyaasha iyo habraacyada shaqo ee D/Hoose, gaar ahaan maamulka Maaliyadda iyo tan shaqaalaha. “Waxaa shirka looga dooday waxyaabihii ka soo baxay Warbixin ku saabsanayd Qiimeynta maamulleed ee D/Hoose, taasoo la sameeyay 4 bilood ka hor, si ay aas-aas ugu noqoto qorshooyinka maamulka ee lagu horumainayo waxqabadka D/Hoose. Waxaa sidoo kale shirka laga soo jeediyay Qorshe Hoowlleedka Barnaamijka Horumarinta D/Hoose ee sanadka 2019, taasoo maamulka Gobolka Banaadir ku hoowlgali doono si ay dadweynaha dagan Mqudisho u helaan adeeg tayo leh”. Duqa Muqdisho ayaa adkeeyey in ka maamul ahaan ay balan-qaadayaan in sidii loogu talagalay ay u fulaan qorshayaasha barnaamijka horumarinta Dawladaha Hoose qaybta Muqdisho. Ugu dambeyn, Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay guddoomiye ku xigeenada, Agaasimayaasha guud iyo Agaasimeyaal kale ee D/Hoose. Waxaa sidoo kale shirka goob joog ka ahaa Wakiilo ka kala socday ilaa 5 hey’adood oo UN ah ee ku bahoobay barnaamijka Horumarinta Dawladaha Hoose. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Maanta soo Bandhigay Qorshaha Horumarinta Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  23. Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta sheegay inuu xilkaasi iska casilay. Qoraal kasoo baxay Sharifi Xasan, ayuu sidoo kale ku sheegay inuu ka haray tartanka doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo la waqtiyeeyey 17-ka bishan November. Shariif Xasan ayaa sheegay inuu go’aanka, qaatay “isaga oo eegaya arrimaha ka dhex taagan dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed, si uu ugu turo dadka, dalka iyo maamulka Koonfur Galbeed” Muddada 10-ka maalmood ah ee ka harsan xilka Shariifka, ayaa waxaa xilka madaxweyne sii hayn doona guddoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye. Sida uu qoraalkiisa ku sheegay Shariif Xasan, guddoomiyaha baarlamanka iyo wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ka wada shaqeyn doona qabashada doorashada. Xubnihii guddiga doorashada ee is-casilay ayaa la filayaa in la beddelo, islamarkaana 10-ka maalmood ee soo aadan lagu diyaariyo doorashada, oo dhacaysa 17-ka November. Lama yaqaan sababta rasmiga ah ee dhalisay isbeddel siyaasadeedka deg degga ah ee Shariifka uu ku dhawaaqay. Go’aankii ayaa yimid laba maalin un kadib markii ay is-casileen 12 ka mid ah xubnaha guddiga doorashada, taasi oo jahwareer siyaasadeed ka abuurtay Koonfur Galbeed. Shariif Xasan ayaa xubin ka ahaa golaha Iskaashiga Dowlad Gobolleedyada, oo ah isbaheysi khilaaf xoggan uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe ee Muqdisho, waana madaxweynihii labaad ee golahaas uu lumiyo kadib markii madaxweynaha HirShabelle uu heshiis la gaaray dowladda.
  24. Baydhabo (Sh.M.Network) – Shariif Xasan Aadan ayaa kaga dhawaaqay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed inuu iska casilay xilka Madaxwaynaha ee dowlad goboleedkaan. Sidoo kale, Shariifka ayaa shaaciyay inuu gabi ahaanba isaga haray tartanka doorashada ee maamulkaan, taasi oo la filayo inay qabsoonto 17-ka bishaan November, xili ay naga xigto kaliya maalmo. Shariif Xasan ayaa xilka Madaxwaynaha wuxuu ku wareejiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, kaasi oo xilkaan sii hayna inta laga doonayo Madaxwaynaha xiga. Shariifka ayaa xilka Madaxwaynaha wuxuu hayey tan iyo sanadkii 2014-kii, markaasi oo loo doortay jagada ugu sareysa Koonfur Galbeed oo ka kooban saddex gobol oo kala ah; Shabellaha Hoose, Bay iyo Bakool. Tani ayaa ka dhigan in doorashada Madaxwaynaha maamulkaan ay haatan ku loolami doonan murashaxiin ay ku jiraan Mukhtaar Roobow, Cabdi Casiis Lafta Gareen, Xuseen Calool-kuus iyo xubno kale. Maalmo kahor ayay ahayd markii xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ay ku dhawaaqeeen inay is-casileen, taasi oo hubanti la’aan iyo jahwareer siyaasadeed abuurtay. Hoos ka akhriso warqada is-casilaadda The post Shariif Xasan oo is-casilay, kana tanaasulay tartanka doorashada appeared first on Shabelle. View the full article