Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,384
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas oo madaxtooyada maamulka kulan kula qaatay tiro mas’uuliyiin iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka ayaa ka hadlay suuragalnimada in Puntland ay dib usoo ceshato Gobolka Sool. C/weli Gaas, ayaa sheegay in ahmiyad gaara ay u leedahay inay dib usoo ceshtaan Gobolka Sool, waxa uuna cadeeyay in Gobolka Sool uu uga duwan yahay Gobolada kale. Gaas, waxa uu mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha u cadeeyay in sumcada Puntland ay tahay mid ku jirta soo cesashada Gobolka Sool, waxa uuna ku baaqay in waddo waliba ay u qaadi doonaan sida ciidamada Somaliland looga saari lahaa Gobolka. Waxa uu Gaas tilmaamay in ciidamada maamulka ay muddo kabadan 24saac ku qaadan doonin inay xoreeyan Gobolka Sool, waa haddii ay qaadan duulaan niyad leh. Waxa uu sheegay in ciidamada maamulkiisa ay ka tababar wanaagsan yihiin kuwa Somaliland, sidaa aawgeedna ay qaadi doonaan dagaal lagu xoreynaayo Gobolka. Sidoo kale, mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha uu la kulmay ayaa ku dhiiragaliyay inay kawada shaqeeyan dib u hanashada Gobolka, isagoo ku baaqay inay wada sameeyan xiriir iyo wada shaqeyn. Haddalka C/weli Gaas,ayaa u muuqanaaya mid Puntland ay ku diyaarineyso dagaal kama danbeyn ah oo ay kula wareegto Gobolka Sool, wallow ciidamada Somaliland ay heegan ku jiran. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale daboolka ka qaaday in dowladiisa ay sii laba jibaari doonto xariga shaqsiyaadka ku kaca Musuq-maasuqa. Ra’isul wasaaraha xukuumada ayaa sheegay inuusan garan karin sabab looga aamuso shaqsi musuqaaya Hanti Qaran iyo mid shacab, waxa uuna laamaha amaanka dowlada faray inay xiran cid waliba oo lagu soo oogo musuq, isla markaana loo jaro warqada xariga. Waxa uu Ra’isul wasaaraha ku cel celiyey in dowladda ay tallaabo cad ka qaadeyso mas’uulkii ka tirsan dowladda ee sameeya musuq maasuq xilkuu doonaba ha hayee, sida uu hadalka u dhigay. Kheyre, waxa uu mar kale uga digay mas’uuliyiinta xilalka ka haya Dowladda Federaalka Somalia inaysan musuq maasuq ku sameyn hantida lagu aaminay oo ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed. Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Hadii aad tahay mas’uul Soomaliyeed oo lagu aaminay xoolaha Ummadda ha isku musuq maasuqin ha isku-xadin,lagaa yeeli maayo waa lagaaga daba imaanayaa, hadii Ummadda Soomaaliyeed hantidooda ee laguugu aaminay kasoo bax, hadii aad ka soo bixi weyso waa lagu qabanayaa” Waxa uu tilmaamay inay muhiimad gaara u leedahay dowlada Somalia in la ilaaliyo hantida Shacabka, waxa uuna cadeeyay in Somalia ay dhibaatada koowaad u keentay musuqa. Hadalka Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ku soo aadaya xilli Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ciidan ay u xiran yihiin eedeyn la xiriirta musuq-maasuq. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo ka mid ah Xildhibaanada BFS ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Somalia ee hadda jirta ay qorsheyneyso inay sameyso muddo kororsi. Waxa uu Xildhibaanka sheegay inay jirtay rajooyin muujinaayay in dalka ay ka dhacdo doorasho xiligeeda ah, balse ay dhici karto wakhti kororsi, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaanka oo wareysi gaara siinaayay Telefeshinka Dalsan xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in arrintaasi ka hortageeda laga doonaayo gudiyada loo xilsaaray arrimaha doorashooyinka. Waxa uu Xildhibaan C/qaadir Cosoble soo hadalqaaday in xitaa doorashada ay usii diyaar garoobayaan Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira waxa uuna carab ***** in rajo weyn ay ka qabaan doorashada. Xildhibaanka waxa uu tilmaamay in dowlada hadda jirta ay sabab la’aan dib ugu dhigtay kulamada baarlamaanka oo ku dhawaad afar bil aan si wanaagsan u qabsoomin, waxa uuna cadeeyay in wakhtiga looga dilay Mooshin iyo burbursiga Guddoomiyihiii hore ee baarlamaanka Jawaari. HOOS KA DAAWO MUUQAALKA COSOBLE
  4. Waxaan ku noqoday Jigjiga bartamihii 2017kii kadib markii aan muddo 50 sanno in ka badan aan qaxootinimo aan uga maqnaa magaaladda Qalaafe oo ka tirsan gobolka Shabeela, waxaana magaalada Jigjiga aan soo joogay muddo dhowr bilood ah oo ahayd xiligii uu Source: Hiiraan Online
  5. Jigjiga (Caasimada Online)-Baarlamaanka maamulka DDSI ayaa maanta go’aan ka gaaray Madaxweynaha cusub ee DDSI Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar), kadib kulan gelinkii dambe ee maanta ay ku yeesheen magaalada Jigjiga. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa codka kalsoonida siiyay Madaxweynaha cusub, kadib markii uu hortooda ka jeediyay Khudbad ku saabsan talaabooyinka uu qaadi doono. Xildhibaanada Baarlamaanka intaa kadib waxa ay isla kulanka ku ansixiyeen in xisbiga dhexe laga saaro 7 xubnood oo ka mid ahaa xisbiga, kuwaa oo loo soo jeediyay eedeymo kala duwan. Xildhibaanada baarlamaanka waxa ay sidoo kale sheegen in sharci daro ay tahay dhammaan Gobolada iyo Degmooyinka uu magacaabay Madaxweynihii hore Cabdi Cumar wixii ka danbeeyay 1-dii August, islamarkaana la doonayay in lagu burburiyo nidaamka dawliga ah, loogana soo horjeeday ammaanka. Sidoo kale, Baarlamaanka DDSI ayaa isla kulanka ka sheegay in Madaxweynaha cusub ee maamulka Mustafa xiligaani wixii ka danbeeya uu yahay xubin sare oo ka mid noqonaya xisbiga talada haya ee EPDRF oo ah kan haya talada Ethiopia. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha cusub ee DDSI Mustafa Muxumed Cumar ayaa lagu wadaa inuu soo dhiso xukuumad ka tayo badan kuwii hore waxa uuna xiligaan wixii ka danbeeya u guda gali doonaa shaqooyinkiisa. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  6. Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudne Xasan Cali khayre oo wakiil ka ah madaxweynaha jamhuuriyadda, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa darajada Sarreeye Guuto u xiray Zakiya Xuseen Axmed oo noqotay gabadhii ugu horreysay ee darajadaas ka gaarta ciidanka Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan dib u dhiska dalka, isaga oo sheegay in waqti dheer ay dadaal ugu jireen horumarinta qarannimada dalka, muhiimna ay tahay in loo qiro, si guusha qarannimada loo xaqiijiyo. “Qaran quulaysanaya ma jiro haddii aan qayb waliba oo bulshada kamid ah xuquuqdeeda la siinin. Haddii gabdhaha Soomaaliyeed ay bulshada ka yihiin boqolkiiba konton oo aan duudsiinno xuquuqdooda, ma dhisi karayno Soomaaliya la tartami karta waddamada deriska ah”, ayuu yiri ra’iisul wasare Xasan Cali Khayre. “Gabar walba oo Soomaaliyeed waxa aan leeyahay haku fekerina in aad noqotaan gabdho garaadda qaata, ee noqda madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaarayaasha soo socda”, ayuu ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa raaciyay. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale darajooyin u xiray saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliyeed oo tababarro ku qaatay gudaha iyo dibadda dalka si ay qayb uga qaataan dardar gelinta dadaallada adkaynta amniga dalka. Agoosto 16, 2018 ayaa Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu darajada Sarreeeye Guuto u dallacsiiyay Zakiya Xuseen Axmed una magacaabay taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliyeed, iyada oo noqotay gabadhii ee ugu horreysay ee derejadaas ka gaarta ciidamada ammaanka dalka. Darajada S.Guuto Oo Loo Xiray Gabadhii Ugu Horreysay Ee Soomaaliyeed
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Xukuumada Somalia ayaa markii ugu horeysay digniin kasoo saartay lambero dibadda ka imaanaya kuwaa oo qalqal galinaaya shacabka. Qoraal ay wasaarada soo dhigtay barteeda Facebooka ayaa waxa ay ku sheegtay inay soo gaartay cabashada dadweynaha oo ku saabsan lambaro ka imaanaya dalka dibaddiisa oo wata furaha +43 oo ujeedadooda ay tahay in lagu dhaco shacabka. Wasaarada waxa ay shacabka Somaliyed uga digtay in aysan ku degdegin lambarada dibadda ka imaanaya, kuwaasi oo ujeedadooda ay tahay in ay dhacan shacabka. Waxa ay sheegtay Wasaaradda Boostada in ay xiriir la sameyneyso dalka laga leeyahay lambaradan, iyada oo kala shaqeyneysa sidii arrintan wax looga qaban lahaa. Halkan hoose ka akhriso qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Boostada Soomaaliya. Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada waxaa soo gaaray cabashada dadweynaha oo ku saabsan taleefoonno ka imanaya dalka dibeddiisa oo wata furaha +43 kuwaas oo loogu talo galay in lagu dhaco shacabka Soomaaliyeed. Wasaaraddu waxay la xiriireysaa dalka laga leeyahay lambarradan, iyadoo kala shaqeyneysa sidii arrintaan wax looga qaban lahaa. Hase yeeshee, waxaan dadweynaha uga digeynaa inay ku kadsoomin lambarrada noocaan oo kale ah oo aysan dib u wicin maadaama ay lacag badan goosanayaan.
  8. Addis Ababa (Caasimada Online)-Waxaa maanta gelinkii danbe gaaray magaalada Jigjiga Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustaf Muxumed Cumar oo dhawaan loo doortay xilka. Madaxweyne Mustaf Muxumad Cumar ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qeybqaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo boqolaal ruux oo ka mid ah shacabka magaalada Jigjiga. Saraakiil ka tirsan Jabhada mucaaradka ONLF ayaa sidoo kale ka qeybqaatay soo dhaweynta hogaamiyahan cusub iyagoo sheegay inay isku mowqif yihiin. Madaxweynaha DDSI Mustaf Muxumad ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Addis Ababa oo xarun u ah dalka Ethiopia tan iyo markii loo doortay xilka madaxweyninimo. Madaxweynaha ayaa waxaa gaaristiisa magaalada Jigjiga kadib la dejiyay Madaxtooyada Jigjiga oo ay dhowaan ammaankeeda la wareegeen ciidamo Milatari ah. Sidoo kale, Madaxweyne Mustafa ayaa lagu wadaa in uu shir guddoomiye kulan loogaga hadlayo mustaqbalka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya kaasoo la filayo in uu dhowaan ka furmo magaalada Jigjiga.
  9. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa warbixin ka siiyey Waxqabadka maamulka Gobolka ee lixdii bilood ee la soo dhaafay. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay dar-dar gelinayeen dadaallada horumarinta adeegyada muhiimka u ah dawlad wanaagga, iyadoo la isku soo dhaweeyey maamulka iyo bulshada. “Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaan warbixin ka siinay waxyaabaha maamulka Gobolka Banaadir u qabsoomay Lixdii bilood ee ugu danbeeyey, gaar ahaan, ammaanka, arrimaha bulshada, dhismaha Golleyaasha deegaanka, maamul wanaagga, koboca dhaqaalaha iyo siyaasadda, Arrimaha Barakacayaasha oo mudnaan siinay iyo shaqo abuurka dhalinyarada”. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa dhankiisa boggaadiyey waxqabadka muuqda ee maamulka Gobolka Banaadir la yimid mudadii koobneyd ee uu jiray, waxuna tilmaamay muhiimadda ay bulshada u leedahay in maamulka loo dhaweeyo. Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho C/raxmaan Yarisow ayaa qaabilay Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Amb. Qin Jian, waxana ay ka wada hadleen sidii ay door uga qaadan lahaayeen dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda. PUNTLAND POST The post Wasiir Sabriye iyo Eng. Yariisow oo ka Wada-hadlay Dardar-gelinta Adeegyada Bulshada appeared first on Puntland Post.
  10. British Somali teenagers are being taken back to their parents’ homeland under the pretence of a holiday and then kept in detention centres before being forced into marriages. Source: Hiiraan Online
  11. Madaxda Hay’adda Faya-dhawrka ee Badeecadaha iyo raashinka ee dawladda Puntland ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay xaafiiskan la asaasay, waxayna ka hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhibaatooyin ay ka badbaadiyeen Shacabka Soomaaliyeed. Tayadhawrka Puntland ah ayaa mid loogu talo-galay Hubinta badeecadaha soo galaya gudaha dalka iyo kuwa ay sameeyaan warshadaha yar yar ee kuyaala gudaha mandiqada, iyadoo ay marar badan qabtaan Agabyo waqtigooda dhaafay ama ugu yaraan tayo ahaan liitay. Agaasimaha Waaxda Faya-dhawrka ee Badeecadaha iyo raashinka ee dawladda Puntland Salaad Aadan Maxamuud ayaa sheegay in ay sii wadayaan dadaalka ay ku badbaadinayaan shacabka, wuxuuna ugu baaqay ganacsatadu in ay qeyb ka noqdaan dadaalada horumarineed. Xoghayaha guud ee Hay’adda Tayadhawrka Badeecadaha Puntland Abdirahmaan Aadan Ibraahim oo ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay ayaa sheegay in ay shaqo badan qabteen, isagoo sheegay in ay dadaalkooda kusii bixinayaan sidii ummadda looga badbaadin lahaa aafooyinka ku hareerysan cuntada dhacday iyo agabyada aan saxda aheyn. Sawirro. Puntlandpost.net The post DAAWO:Wax qabadka Waaxda Taya Dhowrka Badeecadaha & Raashinka soo gala Puntland appeared first on Puntland Post.
  12. MOGADISHU (Caasimada Online) – Hundreds of protesters have descended on Bardere town in a huge show of opposition to Somalia’s Jubaland State president Ahmed Mohamed Islam. Islam’s administration based in the coastal town Kismayo town, some 500km south of Somali capital Mogadishu, has been rocked by allegations for the past months. The protestors took streets of the town as the demonstration was taken part by angered crowd of students, men, women and young families. “Not my president,” chanted some of the protesters, while others waved signs with the same message. President Islam was accused of incompetence, according to Faisa Hussein, who is among hundreds of people took streets of Bardere town. Hussein has also blamed the president Islam of not contributing to political stability in the town. “We decided to hold peacefully demonstration against Islam’s administration, we call on the president to step down”, she said. She says hundreds of people, including students, elderly men and women gathered into main streets of Barder town to protest against Jhubaland administration. Bardere is an important agricultural town in Gedo region of Somalia. It is also the second most populous town in the Juba Valley. Last week, hundreds took to the streets to protest against the arrival of a ministerial delegation led by Jubaland’s Minister of Planning, Aden Ibrahim Aw Hersi. The delegation was attacked with stones thrown by angry demonstrators while the security guards fired bullets to disperse the mob. The rally comes amid strained relations between Somali government and Jubaland leaders over newly appointed army commanders for country’s forces to Juba and Gedo regions to join in fighting against Al Shabaab. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa wali magaalooyinka Kismaayo Iyo Garbahaareey oo ka tirsan maamul Jubaland ka socda shirar iska soo horjeeda oo midi lagu diidan yahay maamulka Axmed Madoobe. Shirka ka socda Garbahaareey ayaa u dhexeeya Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka oo iyagu aad uga soo horjeeda jiritaanka maamulka Axmed Madoobe, waxa ayna ku dhaleeceynayan inuu kala geeyay qabaa’ilada ku hoos nool maamulka. Shirka oo siyaabo kala duwan ay khudbado dhaliil xanbaarsan uga jeediyeen dhinacyada kulmay ayaa waxa inta uu socday leystusay in ay muhiiimtahay in meel looga soo wada jeesto nidaamka Jubaland. Siyaasiyiinta iyo waxgaradka magaalada Garbahaareey ayaa isku raacay in deegaanka aysan soo gaarin mas’uuliyiin ka socda Jubbaland, isla markaana la qaadaco go’aan waliba oo kasoo baxa Xafiiska Axmed Madoobe. Sidoo kale, Nabadoonada iyo siyaasiyiinta reer Jubaland gaar ahaan magaalada Kismaayo ayaa iyaguna isku dayayo in xal loo helo tabashada reer Garbahaareey ay ka tirsanayaan Jubaland, waxa ayna taageero u muujinayan Axmed Madoobe. Dhowr maalmood kahor ayey aheyd markii Garbahaareey dhowr Wasiir oo Jubaland ka socday lagu dibadbaxay oo qaarkood dhaawac fudud loo geystay. Dhinaca kale,magaalada Garbahaareey waxaa maanta ka dhacay banaanbax kale oo looga soo horjeedo Hogaamiyaha Jubbaland, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in Axmed Madoobe uu ku sugan yahay xaalad adag oo uu ku weyn karo kalsoonida dadka ku nool magaalada Garbahaareey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Hargeysa ( Sh. M. Network )-Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Soomaaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta shaaciyay in ay dib xuriyadooda u heleen laba wasiir oo ka tirsanaa Xukuumadii Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar. Ibraahim Aadan Mahad Ibraahim Sacad Wasiirkii Waxbarashada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Cabdi Jamaal Axmed Qaloombi oo ahaa Wasiirkii Cadaaladda ee Ismaamulkaasi ayaa 21-kii bishan lagu xiray magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland. S/land ayaa mas’uuliyiintaasi ku eedeysay in ay si sharci daro ah ku soo galeen, ugana dhoofayeen Garoonka diyaardaha Cigaal ee magaalada Hargeysa. Balse Soomaaliland ma cadeyn sababaha rasmiga ee ka dambeeyay sii deynta Wasiiradaasi. The post S/land Oo sii deysay wasiiro ka tirsanaa maamulkii DDSI appeared first on Shabelle. View the full article
  15. MOGADISHU (Caasimada Online) – Somali police soldiers have foiled a suicide bomb attempt at National University campus in the capital of Mogadishu. Police captain, Hussein Mohamed said car with filled with explosives parked outside the national university campus in the capital. He says bomb disposal experts had defused the bomb explosives. “Our police soldiers discovered a car laden with explosives parked near National University campus”, he said. Somali security forces launched security operation to hunt down suspected Al Shabaab members in the capital of Mogadishu. No arrests have been reported. Mogadishu has been witnessed deadly suicide explosion claimed by Al Shabaab for the past months. The group also carried out similar attacks on neighboring countries. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  16. Hargeysa (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa xariga Wasiiro ka tirsanaa maamulkii hore ee DDSI kuwaa oo muddo asbuuca u xirnaa maamulka Somaliland. Wararka soo baxaaya ayaa sheegaya in maamulka Somaliland uu sii daayey laba wasiir oo ka tirsanaa maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar ee DDSI. Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in go’aanka ay qaateen uu yahay in lasii daayo labada Wasiir. Waxa uu Mr Maxamed Kaahin Axmed, tilmaamay in go’aankaasi ay qaaten saacadihii ugu danbeyay waxaana sidaa dib xoriyadooda loogu siiyay Ibraahim Aadan Mahad (Ibraahim-Sacad), wasiirkii hore ee waxbarashada, iyo Cabdijamaal Axmed Qaloombi, wasiirkii hore ee cadaaladda oo maanta la sii daayey. Labada wasiir waxaa laga qabtay garoonka dayaaradaha ee Hargaysa, 21kii bishan Agoosto, ayagoo doonayey inay halkaa ka dhoofaan. Sidoo kale, Golaha Wasiirada maamulkii dhacay ee Cabdi Maxamuud Cumar ayaa badankood hadda waxay yihiin kuwo aan shaqayn, ama shaqooyinkii ay hayeen isaga tegey, waxaana lagu eedeynayaa inay xadgudubyo gaysteen, inkastoo aysan jirin cid weli eedahaas maxkamad loo soo taagay. Dhinaca kale, maamulka Somaliland ayaa isla maanta dowlada Ethiopia ku wareejisay gaadiid lagala soo baxsaday maamulka DDSI kuwaa oo tiradoodu dhan tahay 12 baabuur oo kala duwan, Waxaana lagu soo kala qabtay Gobolada Togdheer, Awdal, Gabilay iyo Maroodi-jeex. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa kulan saacado qaatay magaalada Muqdisho ku yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow). Kulanka ayaa ka dhacay xafiiska Guddoomiyaha waxaana looga wadahadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan wada shaqeynta, iyadoo Yariisow uu waxqabadkiisa uga warbixiyay Wasiirka. Yariisow waxa uu si gaara uga warbixiyay Waxqabadka maamulka Gobolka ee lixdii bilood ee la soo dhaafay, waxaana sidoo kale laga wadahadlay arrimo kale oo ku saleysan xilal uu magacaabay Guddoomiyaha Gobolka. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay dar-dar gelinayeen dadaallada horumarinta adeegyada muhiimka u ah dawlad wanaagga, iyadoo la isku soo dhaweeyey maamulka iyo bulshada. Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaan warbixin ka siinay waxyaabaha maamulka Gobolka Banaadir u qabsoomay Lixdii bilood ee ugu danbeeyey, gaar ahaan, ammaanka, arrimaha bulshada, dhismaha Golleyaasha deegaanka, maamul wanaagga, koboca dhaqaalaha iyo siyaasadda, Arrimaha Barakacayaasha oo mudnaan siinay iyo shaqo abuurka dhalinyarada”. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa dhankiisa boggaadiyey waxqabadka muuqda ee maamulka Gobolka Banaadir la yimid mudadii koobneyd ee uu jiray, waxuna tilmaamay muhiimadda ay bulshada u leedahay in maamulka loo dhaweeyo. Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Gudaha uu Eng. Yariisow kala hadlay arrimo la xiriira isbedel kusoo fool leh maamulka, waxa uuna sidoo kale kala hadlay isbedelkaasi iyo saameynta uu ku yeelan karo Gobolka. Sidoo kale, warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka uu wajahaayo xil ka qaadis lagu sameyn doono, halka warar kaa ka duwan ay sheegayaan in lagu cadaadinaayo is casilaad, maadaama ay kororta xil ka qaadista ay sameyneyso dowlada. Lama oga waxyaaha hoose oo ay kawada hadleen labada mas’uul oo markii danbe yeeshay kulan gaar ah oo albaabada uu u xirnaa, waxaana jira warar muujinaaya in Wasiirka Arimaha Gudaha la faray in Guddoomiyaha uu ku qanciyo is casilaada maadaama ay isku dhowyihiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. The government has issued a security alert after al Shabaab militants were allegedly dispatched to an undisclosed premise in Meru, Kenya. Source: Hiiraan Online
  19. Across the country, and now at home, urban school districts are drawing on door-to-door ground games not unlike those of political campaigns to recruit kids and improve the bottom line. Source: Hiiraan Online
  20. Bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay ayaa xukuumadda Soomaaliya waxay sheegtay in tartan loo gali doono, xilka agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya. Agaasinka wasaaradda waa shaqsigga fuliya howlaha iyo siyaasadda wasaaradda oo ay dajiyaan wasiirka, ku xigeenka iyo wasiiru dowlaha isaga oo kaashanaya shaqaalaha wasaaradda. 14 October ee sanadkii tagay ayaa ra’iisul wasaare Kheyre wuxuu magacaabay guddi ka koban 11 xubnood oo la soconayo tartan loo galayo xilalka 26 agaasime guud ee wasaaradaha xukuumadda. Waxaa guddigaasi Madax looga dhigay Mahdi Maxamed Guuleed Qatar, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, waxayna ka koobnaayeen shan wasiir iyo shan xubnood oo ka socday ururada bulshada Rayidka iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka. In xiligaasi lagu dhawaaqo tartan u gelidda xilalka agaasimayaasha ayaa timid kadib heshiis dhex maray Bank adduunka iyo dowladda Somalia, sida xogta aan ku helnay, waxaana la doonayay inay agaasimayaasha ku yimaadaan tartan daah furan. Guddiga oo magacaaban muddo ku dhow 10 bilood ayaanan ilaa iyo hadda qaban wax shaqo ah, lamana hayo hal agaasime oo tartan u galay wasaaraddaha xukuumadda kuna guuleystay. Maxaa isbadalay ? Sida ilo xog ah inoo xaqiijiyeen Asad Yuusuf Afrax, oo ahaa la taliyaha wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, ayaa loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta, Magacaabistan waxaa soo jeedinteeda lahaa wasiirka qorsheynta, waxaana lagu wargeliyay xafiiska Ra’iisul wasaaraha, inkastoo aan si cad loo shaacin, haddana xubno ka tirsan xafiiska wasaaradda qorsheynta ayaa inoo xaqiijiyay. Taasi wey ka duwan tahay tartankii Ra’iisul wasaare Kheyre uu u magacaabay guddi ka kooban 11 xubnood. Magacaabista shaqsiyaadka ee xilalka dowladda, ayaa ku saleysan nidaamka awood qeybsiga Beelaha, laakiin xulashada shaqsiga xilka loo magacaabayo ayaa ku imaan kara aqoon gaar ahaaneed oo loo leeyahay, haddii aan loo tartamin. Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in la qorsheynay in si farsameysan loo magacaabo agaasimayaasha wasaaradaha, waxaana hadda la filayaa in todobaadyada soo socdo la magacaabo afar agaasimayaal haddii aysan wax is badalin. Magacaabidda xilalka agaasimayaasha ayaa gabi ahaanba meesha ka saari doonto hamigii laga lahaa in tartan loo galo xilalka agaasimayaasha wasaaraddaha. Arrinta kale ee meesha ka saareyso tartanka wasaaradaha ayaa ah in shaqsi Si KMG ah loogu magacaabo xilka agaasimaha wasaaradda, kadibna isaga uu kusii shaqeeyo muddo sanado ah xilka loogu dhiibay Sida KMG ah, kadibna isaga la magacaabo. W/D Mohamed Isse Mohamud mcmaxamuud1@gmail.com
  21. Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudne Xasan Cali khayre oo wakiil ka ah madaxweynaha jamhuuriyadda, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa darajada Sarreeye Guuto u xiray Zakiya Xuseen Axmed oo noqotay gabadhii ugu horreysay ee darajadaas ka gaarta ciidanka Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan dib u dhiska dalka, isaga oo sheegay in waqti dheer ay dadaal ugu jireen horumarinta qarannimada dalka, muhiimna ay tahay in loo qiro, si guusha qarannimada loo xaqiijiyo. “Qaran quulaysanaya ma jiro haddii aan qayb waliba oo bulshada kamid ah xuquuqdeeda la siinin. Haddii gabdhaha Soomaaliyeed ay bulshada ka yihiin boqolkiiba konton oo aan duudsiinno xuquuqdooda, ma dhisi karayno Soomaaliya la tartami karta waddamada deriska ah”, ayuu yiri ra’iisul wasare Xasan Cali Khayre. “Gabar walba oo Soomaaliyeed waxa aan leeyahay haku fekerina in aad noqotaan gabdho garaadda qaata, ee noqda madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaarayaasha soo socda”, ayuu ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa raaciyay. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale darajooyin u xiray saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliyeed oo tababarro ku qaatay gudaha iyo dibadda dalka si ay qayb uga qaataan dardar gelinta dadaallada adkaynta amniga dalka. Agoosto 16, 2018 ayaa Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu darajada Sarreeeye Guuto u dallacsiiyay Zakiya Xuseen Axmed una magacaabay taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliyeed, iyada oo noqotay gabadhii ee ugu horreysay ee derejadaas ka gaarta ciidamada ammaanka dalka. PUNTLAND POST The post Darajada S.Guuto Oo Loo Xiray Gabadhii Ugu Horreysay Ee Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
  22. Addis Ababa (Caasimada Online)-Dowlada Ethiopia ayaan wali go’aan muuqda ka gaarin khilaafka ka dhextaagan dowladaha Eriterea iyo Jabuuti oo heerkii ugu xumaa gaarsiisan. Dowlada Ethiopia ayaa hamineysa inay dhex dhexaad ka noqoto khilaafka labada dal, isla markaana xal ka dhex abuurta si loogu wada noolado deganaanshi. Ethiopia oo dhawaan sheegtay inay qaadeyso talaabo lagu dhex dhexaadinayo labada dal, ayaa waxaa hadana soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in go’aanka ay ku dhex dhexaadin laheyd ay caqabad ku tahay dowlada Sacuudiga. Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed Bin Salman, ayaa Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ka hortaagan xalinta khilaafka labada dal, waxa uuna ku cadaadinayaa inuu faraha kala baxo Khilaafka Eriterea iyo Jabuuti. Mohammed Bin Salman,ayaa la sheegay in khadka teleefanka uu kula hadlay Ra’isul wasaare Abiy Axmed oo ay ka go’an tahay dhex dhexaadinta labada dal waxa ayna kawada hadleen qaab waliba oo lagu joojin karo dhex dhexaadinta, wallow Abiy Axmed uusan wali qaadan wax go’aan ah. Mohammed Bin Salman, ayaa Siyaasad ahaan la safan dowlada Eriterea oo dhul baaxad weyn iyo maxaabiis ka heysata Jabouti, waxa uuna aad uga soo horjeeda in wadahadalka labadaasi dal ay Jabuuti ku hesho dhulka iyo maxaabiista ay ka heysato Eriterea. Sidoo kale, Dowlada Sacuudiga ayaa arrinta lagu cadaadinaayo Jabuuti kula gol leh is garabtaag ay u muujineyso dowlada Imaaraadka iyo Eriterea oo ka mideysan inaan lala heshiin Jabuuti. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Ethiopia oo culeys weyn kala kulmeysa dowlada Sacuudiga ayan la ogeyn waxa kala gudboon dhex dhexaadinta dowladaha Eriterea iyo Jabuuti, wallow ay muuqaneyso in arrinta dhex dhexaadinta loo soo weeciyay Somalia oo la filaayo inay u kala dabqaado labada Madaxweyne ee Afwerki iyo Geele. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com