Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    200,356
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Posts posted by Deeq A.


  1. mudaarahaadka-Itoobiya.jpg?resize=600%2CIn kasta oo ayna Soomaalidu qayb ka ahayn xisbiga haya talada Itoobiya ee (EPRDF), haddana waxay Soomaalidu shacab iyo dowladba aad u taageertaa nidaamka federaaliga ah ee uu waddanku ku socdo. Taasna waxaa sabab u ah xasuustii xumayd ee ay ku reebeen dowladihii hore ee boqortooyooyinkii dad- qalka ahaa iyo kii dhergiga. Sidaa daraadeed waxa ay Soomaalidu u arkaan inay is- gaabiyaan kana faa’iidaystaan nidaamkan u saamaxaya maamul-hoosaadka ay haatan ku haystaan.

    Dhinaca kale waxaa muddooyinkii u danbeeyeyba kacdoonno waday qowmiyadaha shucuubta Koonfureed (Dhabuub), Amxaarada iyo Orommada, waxayna saddexdan is-maamulba ka mid yihiin afarta xisbi (TPLF, ANDM, OPDO, SEPDP) ee isu tagay kuna bahoobay xisbigii aan soo sheegnay ee EPRDF, waxayna saddexdooduba mucaaradsan yihiin qowmiyadda Tikreega oo ay u arkaan inay ka badsadeen dhinacyo badan. Soomaalidu waxay fursad u heshay inay xisbiyadan ka mid noqoto xilligii ay siyaasiyiinta aan qaan-gaadhin ee ONLF ay talada dhinaca Soomaalida hayeen, taas oo noqotay kabbo oo saydh.

    Kacdoonku wuxuu socdaba, qowmiyadda Orommada ayaa intii kale oo dhan ku tidhi bal idinku iska fadhiista annagaa kacdoonka keliganno wadaynee!

    Orommadu waxa ay rabto maxaa ka mid ah?

    Shaki kuma jiro inay Orommadu sida Soomaalida ka faa’iidaysteen nidaamkan hadda jira. Weliba in aad uga badan inta ay Soomaalidu ka faa’iidday. Haddana waxay la noqotay inayna intaa ku joogsannin ee ay kacdoon ku raadiyaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin:

    1. Qowmiyaddani maadaama ay tiro ahaan tahay qowmiyadda ugu tirada badan, waxay u aragtaa inay laga maarmaan tahay inay ka dhex muuqato oo ay hoggaamiso siyaasadda iyo cududda waddanka

    2. Waxay rabaan in ardaydooda tirada badan ee shaqo-la’aantu haysto ay helaan shaqooyin

    3. Waxay sheegeen inay rabaan in dheriga uu ku karsamayo dhaqaalaha waddanku ayna iyagu noqonnin dhar-dhaarka uu dherigaasi saaran yahay uune ay waxa ku jira wax ka leefaan.

    Kacdoonka Orommada oo saameeyey Itoobiya, gaar ahaan dhinaca Bari ee waddanka ayaa sababay inuu kursiga banneeyo af-hayeenkii baarlamaanku iyo inay dowladdu sii daayaan maxaabiis badan, Hase ahaatee intaas kuma uusan joogsannin, waxaana ugu danbayn isna inuu kursigiisa bannaynayo ku dhawaaqay wasiirkii koowaad ee waddanka.

    Kolkii uu wasiirka koowaad ku dhawaaqay inuu kursiga bannaynayana, waxa uu ciidanku baahiyey inuu waddanku galay xaalad deg-deg ah muddo lix bilood ah. Arrinkaana waxaa aad uga hor yimid waddamada reer galbeedka, wuxuuna safiirka Maraykanka u jooga Adis-ababa uu aad ugu adkeeyey inay dawladdu ka noqoto mowqifkeeda iyo inay maqasho shacabkeeda, isla markaana ayna cidhiidhi gelinnin xorriyada hadalka…

    Illaa iyo waqtiganna EPRDF, ma ayna soo magacaabin wasiirkii koowaad ee la sugayey, waxaana aad la isu waydiinayaa qowmiyadda uu noqon doono, Waxaa loo badinayaa inuusan noqon doonin qowmiyadda wasiirkii koowaad ee is-casilay oo ahaa shucuubta koonfureed iyo qowmiyadda tuhunka laga qabo ee Tikreega, ayna ku tar-tami doonaan qowmiyadaha Amxaarada iyo Orommada, illeen sida aan soo sheegnay afartaa ayuu xisbiga talada hayaa ka kooban yahaye!

    Haddii ay sidaa noqoto, waxay u badan tahay inuu wasiirka koowaad noqon doono mid ka imaanaya qowmiyadda Orommada oo uu u sharraxan yahay nin uu Aabihii muslim ahaa laguna magacaabo AbiyAhmed.

    Haddaba su’aashu waxay tahay haddii wasiirka koowaad la siiyo qowmiyadda Orommada ma laga yaabaa inay arrinkaa ku qancaan oo ay joojiyaan kacdoonka, mise way sii wadi doonaan illaa ay ka xaqiijayaan dalabaadkooda oo dhan.

    Haddiise uu kacdoonku sii socdo, waddankuna uu ku jiro xaaladdan deg-degta ah oo internet-kii muddoba maqan yahay, maantana uu xidhan yahay telefoonku maxaa xigi doona? Ma milleteri ayaa iman? Ma dowladdan ayaa dibu-habayn siyaasadeed la imaan iyo fur-furnaan kasii badan siday tahay? Ma Amxaaro boqortooyo iyo dhergi soo celisa ayaa imaan? Ma sida Ex-Yuguslavia iyo kala goo- go’ ayaa dhici? Allow sahal.

    W/Q: Abdirahman Sheikh Bihi

    The post Maqaal: Xaaladda kulul ee Itoobiya iyo kacdoonka Orommada appeared first on Puntland Post.


  2. Garowe (Puntlandi) Dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigtay 8 kamid ah maxaabiistii Shabaabka ahayd ee habeeno kahor ka baxsaday harun lagu dhaqan celinayay oo kutaala magaalada Garowe, sida aan warar lagu kalsoon yahay ku helnay.

    Maxaabiistaan fakatay oo markii hore tiradoodu ahayd 13 ruux, ayaa haatan waxaa maqan shan kamid ah, kuwaas oo ciidanka ammaanku raadinayaan, loona xilsaaray ciidamo gaar ah.

    Dowladda Puntland waxay sidoo kale xabsiga dhigtay askar katirsan ciidanka asluubta iyo ciiidanka madaxtooyada oo loo haysto inay kaalin kuleeyihiin maxaabiista Shabaabka ah ee baxsatay.

    Askartaan la xiray ayaa kamid ahaa kuwii goobta ku sugnaa marka uu falkaan dhacayay, waxaana haatan ku socda baaritaano ku saabsan inay wax ka ogaayeen maxaabiiista qaabka ay ku fakadeen.

    Maxaabiiista lagusoo celinayay goobta ay ka baxsadeen, ayaa isugu jira kuwo lagasoo qabtay magaalada banaankeeda iyo kuwa iyaga iskood ugusoo noqday xarunta markii ay garan waayeen meel aadaan, sidaasi waxaa Puntlandi u xaqiijiyay sarkaal katirsan ciidanka asluubta.

    Puntlandi.com


  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa bishii February ee aanu soo dhaafnay magaalada Muqdisho ka dhacay Qaraxyo kooban markii la eego Qaraxyadii dhacay bilihii kasii horeysay.

    Qaraxyada dhacay bishii February ee lasoo dhaafay ayaa u badnaa Qaraxyo miino iyo kuwo loo adeegsaday Gawaari Ismiidaamin ah oo siyaabo kala duwan uga dhacay bartamaha magaalada Muqdisho.

    Qaraxyada bishan ka dhacay magaalada Muqdisho ee aanu diiwaan galinay ayaa tirro ahaan ah 9 Qarax oo mid weliba uu ka dhashay khasaaro xoogan.

    HOOS KA AKHRISO TIRADA QARAXYADA KA DHACAY MUQDISHO BISHII FEBRUARY 

    1-February 4, 2018, Qarax ayaa waxa uu ka dhex dhacay Hooy ku yaala Xaafada oodweyne degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, waxaana ku dhintay laba ruux oo Hooyga degnaa.

    2-February 9, 2018, Weerar loo adeegsaday laba Bamgacmeed ayaa waxaa lagu qaaday Hooyga uu magaalada Muqdisho ka degnaa Taliyihii hore ee howlgalinta ciidamada Nabadsugida Maxamed Abuukar Jacfar.

    3-February 13, 2018, Miino ay ku cayaarayeen Carruur Darbi Jiif ah ayaa ku Qaraxday Isgoyska KM4 gaar ahaan aagga Aargada, waxaana ku dhintay hal ruux.

    4-February 15, 2018, Qarax gaari ayaa ka dhacay degmada Waaber ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadda Via Liberia ee Waaxda Horseed, waxaana Gaari nooca Spacio ahaa loogu xiray Askari ka tirsanaa NISA oo ka badbaaday.

    5-February21, 2018, Qarax lagu soo xiray Gaari nooca Raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay afafka Hore ee ‘’The Village Hoteel’’ waxaana loogu soo xiray Askari ka tirsan NISA oo magaciisa lagu sheegay Bile, kaa oo ka badbaaday.

    6-February 23, 2018, Qarax loo adeegsaday Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay Agagaarka Taalada Dhagaxtuur oo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya xili gaarigaasi ay la socdeen al-Shabaab hubeysnaa oo doonaayay inay galaan Villa Somalia.

    7-February 23, 2018, Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa ku Qarxay Isgooyska Ceelgaabta Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir, kaa oo ay is hortaageen ciidamo ka tirsan dowlada xili uu doonaayay inuu soo aado Villa Somalia.

    8-February 23, 2018, Gaari HOAH laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa ku Qarxay Afaafka hore ee Hotel Dorbin oo ku yaalla Isgooyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

    9-February 23, 2018, Maleeshiyaad la socday Mooto Bajaaj ayaa Bam gacmeed ku weeraray Ciidamo ka tirsan NISA oo ku sugnaa barkoontarool oo ku taal Isgooyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho.

    Caasimada Online

    Xafiiska Muqdisho

    Caasimada@live.com

    The post Imisa Qarax ayaa bishii February ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.


  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa weli ku guda jira howlo shaqo oo uu ku tagay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

    Ra’isul wasaare Kheyre ayaa saacadihii ugu danbeeyay kulan uu albaabada u xirnaa la qaatay dhaxal sugaha Imaaraada Abu Dhab ahna ku-xigeenka Taliyaha guud ee ciidamada Qalabka sida Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan.

    Ra’isul wasaare Kheyre iyo Sheekh Maxamed Bin Zayed ayaa si qoto dheer uga wadahadlay arrimaha Somalia, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Amniga, Isgarabtaaga iyo arrinta CC Shakuur oo xubin ka ah Siyaasiyiinta Mucaaradka ee sida dhow ula shaqeeya dowlada Imaaraadka Carabta.

    Kheyre ayaa Sheekh Maxamed Bin Zayed u sheegay in Somalia ay ku taameyso inay dib ula soo noqoto dhinacyada Dhaqaalaha, Ganacsiga, Madax-banaanida  iyo Amniga oo uu sheegay in ilaa iyo xad ay wax muuqda ka qabteen.

    Waxa uu Kheyre u sheegay Sheekh Maxamed Bin Zayed inay muhiim tahay in Imaaraadka uu kaalin muuqda ka qaato Amniga, isla markaana ay Somalia u madax-baneeyaan Xoriyadeeda.

    Intaa kadib Ra’isul wasaare Kheyre iyo Sheekh Maxamed Bin Zayed. ayaa isla soo hadalqaaday arrinta CC Shakuur iyo xanibaada ay weli ku heyso dowlada Somalia, waxa uuna Sheekh Maxamed Bin Zayed ka dalbaday Ra’isul wasaaraha in cadaadiska Siyaasadeed ay ka qafiifiyaan CC Shakuur.

    Sheekh Maxamed Bin Zayed, waxa uu Kheyre usoo jeediyay in CC Shakuur laga dulqaado xanibaada dhanka Safarka, Koontaroolka dhaqdhaqaaqyadiisa iyo in loo madaxbaneeyo wixii aragtidiisa Siyaasadeed.

    Sheekh Maxamed Bin Zayed, waxa uu sheegay in CC Shakuur ay u arkaan inuu yahay mid ay u muuqato siyaasad degan, hase ahaatee uu dayacan yahay.

    Sidoo kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Sheekh Maxamed Bin Zayed u sheegay in arrinta CC Shakuur ay tahay mid u taal dowlada Somalia, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Xubno gudiyo ah oo loo xilsaaray arrimaha uu ku eedeysan yahay, balse waxa uu u ballanqaaday in xal laga gaari doono.

    Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa dhaqaale xoogan ku bixisa Siyaasiyiin ku eedeysan danbiyo kala duwan oo ay ka galeen Qaranka.

    Si kastaba ha ahaatee, Talaabooyinka Imaaraadka ee Somalia ayaa u muuqaneysa mid lagu cuuryaaminaayo awoodaha dowlada.

    Caasimada Online

    Xafiiska Muqdisho

    Caasimada@live.com

    The post Xog: Kheyre iyo Imaaraadka oo kawada hadlay arrinta CC Shakuur? appeared first on Caasimada Online.


  5. Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha dowladda Puntland, Carbdiraxmaan Axmed Cabdulle, ayaa sheegay in loo baahan yahay gabdhaha aqoonta leh ee ku Puntland ku nool in ay helaan cadaalad ay kaga dhex muuqdaan goobaha shaqada.

    Imtixaan dhawaan loo galay shaqooyinkii ka banaanaa wasaraadda duulista hawada iyo garoomada Puntland ayaa dadkii kusoo baxay kaalimaha sare waxay 50% noqdeen gabdho  aqoonleh, taasoo muujinaysa heerka waxbarashada gabdhaha.

    Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa sheegay inay dowladda Puntland xoogga saarayso sidii loo heli lahaa Koonto ugaar ah dumarka, si ay kaalin mugkeh uga qaataan shaqooyinka waddanka laga qabanayo, kuwaas oo hadda raggu u badan yahay.

    “Runtii dumarkeenii waxbay barteen, waxay booga baahan yihiin oo kaliya waa cadaalad.” ayuu yidhi wasiirka shaqada iyo shaqaalaha, Mr Cabdulle.

    Puntland ayaa ah meesha ee ugu badan ee aydumarku u dareeraan goobaha waxbarashada, kadib tiro-koob lagu sameeyay tirada gabdhaha ee sannad walba u dareera ka qeyb galka imtixaanada.

    Puntlandi.com


  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa bishii February ee 2018 marti galisay dilal farabadan oo loo geystay dadka shacab iyo kuwa la shaqeeya dowlada.

    Dilalka bishii February ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si siman u geystay ciidamada dowlada iyo maleeshiyada al-Shabaab.

    Dilalka ugu badan ayaa waxaa loo geystay Askar iyo  Shacab, waxa ayna dilalka ugu badan ka dhaceen Degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Wada jir iyo Waabari.

    HOOS KA AKHRISO TIRADA DILALKA LA OGYAHAY EE MUQDISHO KA DHACAY BISHII FEBRUARY

    1-February 3, 2018, Kooxo hubeysnaa ayaa degmada Waabari gaar ahaan Agagaarka Buundooyinka ku toogtay mid ka mid ah Shaqaallaha Shirkadda Hormuud xili uu kusii jeeday shaqadiisa.

    2- February 7, 2018, Maleeshiyaad hubeysnaa ayaa Xaafadda Jaamacadda Gaheyr, ee Degmada Hodan ku dilay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Militariga oo lagu magacaabi jiray Farxaan Xuseen Barqadle.

    3- February 13, 2018, Maleeshiyaad hubaysan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa Degmada Wadajir ku dilay nin magaciisa lagu sheegay Maxamed Tima Jilic oo la sheegay inuu ahaa tababare ciidanka dowladda.

    4- February 15, 2018, Maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado ayaa Isgoyska Baar-ubax ee degmada Howlwadaag dhanka Masjidka Xareed ku toogteen Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    5- February 15, 2018, Ciidamada AMISOM ayaa bar-kontorool oo ku taalla wadada aada Garoonka Diyaaradaha gaar ahaan halka loo yaqaano Biyo dageenka ku dilay 3 Ruux oo midi uu yahay Askari.

    6- February 25, 2018, Ciidamada Somalia ee tababareen Imaaraadka ayaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmada Hodan ku toogtay Bajaajle lagu magacaabo Hanad Maxamed Xasan.

    7- February 26, 2018, Askari ka tirsan ilaalada Gudoomiyaha degmada Kaxda ayaa magaalada Muqdisho ku dilay Darawalka gaariga u kaxeynaayay Guddoomiyaha Degmada.

    8- February 27, 2018, Maleeshiyaad Hubeysnaa ayaa Xaafada Sarkuusta ee duleydka magaalada Muqdisho ku dishay mid kamid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya.

    9- February 28, 2018, Askari ka tirsan dowlada ayaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan eeryada Shaqaalaha ku dilay wiil Mooto Bajaajle ahaa.

    Caasimada Online

    Xafiiska Muqdisho

    Caasimada@live.com

    The post Akhriso: Dilalka Bishii February ee 2018 ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.


  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahiyeen wakaaladaha wararka adduunka waxaa magaalada Riyadh gaaray Ra’isul wasaraha dalka Lubnaan sacad Xariiri.

    Sacad Xariiri, ayaa magaalada Riyadh ku gaaray safarkii ugu horeeyay oo uu halkaasi ku tago tan iyo markii bishii Novembar ee sanadkii hore uu sheegay inuu iscasilay ka hor inta uusan go’aankaasi ka laaban markii uu dib ugu laabtay dalkiisa.

    Sacad Xariiri, ayaa waxaa magaalada Riyadh kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Sacuudiga, waxaana ujeedka lagu sheegay mid ku xeeran arrimo Siyaasadeed.

    Sacad Xariiri, oo aan booqashadaasi aheyn mid rabitaankiisa ah ayaa waxaa ku cadaadinaaya dowlada Imaaraadka Carabta oo xulafo la ah Sacuudiga.

    Dowlada Sacuudi Carabiya ma rabto in Lubnaan ay raacdo waddada Ciraaq, “oo ay falanqeeyayaasha qaarkood u arkaan in lubnaan ay tahay wadan laga maamulo Iiraan.

    Dhinaca kale, Sacuudiga ayaa la sheegay in xiligaan ay diyaar u tahay inay hagaajiso xiriirka kala dhexeeya Lubnaan, waxa ayna arrin khatara u aragtaa in Lubnaan ay cagta saarto dhabaha ay Ciraaq martay.

    Caasimada Online

    Xafiiska Muqdisho

    Caasimada@live.com

    The post Sacad Xariiri oo looga yeeray dalka Sacuudiga tan iyo markii uu is casilay kadib appeared first on Caasimada Online.


  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo ka howlgala barkontorool ku yaalla wadada shaqaalaha ayaa la xaqiijiyay in si bareera uu u toogtay wiil Mooto Bajaajle ah, kadib markii uu dhexmaray muran afka ah.

    Askarigaan ayaa la sheegay in Seddex baalooto uu wiilka Bajaajlaha uga dhuftay qeybaha sare ee Jirka, waxa uuna u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray rasaasta lagu dhuftay.

    Mid kamid ah bajaajlayaasha ayaa sheegay in wiilkaasi loo dilay lacago shaxaad ah oo uu diiday, waxa uuna intaa ku daray in dowlada Somalia laga doonaayo inay cadeyso in ciidamada ay adeegsaneyso ay yihiin waxa uu ugu yeeray ******** ama ay yihiin ciidamo Qaran oo sharci u taagan.

    Dilka labaad ayaa goordhow oo saaka ah ka dhacay degmada Hilliwaa ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Ex-control Balcad oo lagu dilay ruux shacab ahaa.

    Dilkan oo loo geystay wiil dhalinyaro ah ayaa waxaa geystay koox ku hubeysan Bastoolado, kuwaasi oo dilka kadib ka baxsaday goobta.

    Wiilka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Cumar ayaa waxaa dadka degaanka ay sheegeen inuu ka mid ahaa dhalinyarada degmada ee sida aadka ugu wanaagsan abaabulka gaar ahaan xilliyada ay jiraan Ciyaaradaha iyo Banaanbaxyada.

    Ciidamada ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaano la xiriira qaabka uu dilka u dhacay, waxaanan jirin cid loo soo qabtay dilka ka dhacay degmada Hilliwaa.

    Dilalka dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa u muuqda kuwo ay ku loolamayaan ciidamada dowlada iyo al-Shabaab.

    Si kastaba ha ahaatee, dilalka ugu badan ee ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa geysta al-Shabaab iyo ciidamada dowlada, mana jirta cid fal celin ka sameysa dilalkaas.

    Caasimada Online

    Xafiiska Muqdisho

    Caasimada@live.com

    The post Ciidamada DF iyo Al-Shabaab oo ku loolamaaya dilalka Shacabka & dilal ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.


  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa inta badan Saaka xiran Isgooysyada ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, halkaa oo la tubay ciidamo ka tirsan Hay’adaha amaanka.

    Isgoosyada Saaka xiran ayaa waxaa kamid ah sida Isgooyska Sanca, Siinaay, Darjiinka iyo Xeraryaale iyo Tarbuunka ee magaalada Muqdisho.

    Isgoosyada xiran ayaa waxaa jooga ciidamo ka kala tirsan NISA iyo Booliska, kuwaa oo celinaaya dhammaan Gaadiidka Raaxada iyo kuwa BL-da ee isticmaala Isgoosyada aan kor kusoo xusnay.

    Isgoosyada qaar ayaa waxaa ku go’an Gaadiidka dagaalka, waxaana lasoo sheegayaa inay jirto cabsi ku aadan weeraro ay maleeshiyada al-Shabaab ka geystaan magaalada Muqdisho.

    Gaadiidleyda iyo dadweynaha wadooyinkaasi isticmaalaya ayaa si goos goos ah wadooyinkaasi u maraya, waxayna qaarkood isticmaalayaan jidcadayaasha xaafadaha.

    Si kastaba ha ahaatee, magaalada Muqdisho sanadihii dambe waxaa caado ka noqday waddooyinka ay isticmaalan shacabka oo si maalaayacni ay u jartaan ciidanka.

    Caasimada Online

    Xafiiska Muqdisho

    Caasimada@live.com

    The post Isgoosyada Muqdisho oo intooda badan Saaka u xiran hal arrin appeared first on Caasimada Online.


  10. Shirkada DPWorld waxay ku fashilantay dhamaan qalabeyntii iyo horumarintii Dekeda Berbera 

    Heshiiska DPWorld iyo Somaliland wadagaleen taariikhdii 9/5/20016 ayaa laysku wada raacay in uu ahaa heshiis lagu deg-degay oo xaqul qalin yar la siistay. Heshiiskaas oo lagu heshiiyey in Shirkada DPWorld Dekeda Berbera ku maalgeliso lacag dhan $430 million dollar mudo 30 sanadood ah iyada oo ka fuudhyeelaysa dhismaha wadada Berbera Corridor ee isku xidhi doonta Wajaale iyo Berbera. Heshiiskaa ayaa hada qarka u saran in uu burburo maadaama ay shirkada DPWorld  ay diidan tahay in ay dhamaan tunka uridato dhaqaalaha ku bixi doona dhismaha wadada Berbera corridor oo lagu qiyaasay lacag dhan $240 million.
     
    Shirkada DPWorld waxaa Dekeda Berbera lagu wareejiyey taariikhdii 1/03/2017 taa soo ilaa iyo maanta aanay ka qaban hawl muuqata oo la taaban karo oo maalgelin lagu tilmaami karo. Hadaba su’aasha qarnigu waxay tahay maxay shirkadu ka qabatay Dekeda Berbera mudadaa sanadka ah ee ay maamulaysay Marsada berbera?   Jawaabta oo koobani waa waxba. !! ee Xaalku wuxuu iska ahaa ”  Aan ka Fuudee Allow Fii haa ”  !!
     
    Shirkada DPWorld waxay ku fashilantay dhamaan qalabeyntii iyo horumarintii Dekeda Berbera waxaana aad hoos ugu dhacay intii ay maamulka Dekeda hagaysay bedeecadii iman jirtay iyo heerkii hawl gudashada adeega bulshada ee Dekeda, Waxaana dekeda ka dhacay mudadii ay DPW dekeda maamuleysay khasaare badan oo naf iyo maalba leh, waxaa isku duqeeyey maraakiib Dekeda dhexdeeda, waxaa dab qabsaday Dekeda iyo Maraakiib ku xidhan, waxaana ku dhintay barxada Dekeda laba shaqaale, waxaana ku dhaawacmay shaqaale badan oo aan xaq la siin.Waxaa iyana shaqadoodii iyo xuquuqdoodiiba ku waayey shaqaale tiro badan oo mudo dheer Dekeda ka xoogsan jiray.
     
    Shirkadan lagu magacaabo Dubai Port World ( DPW ) Waa shirkad weyn oo macaash doon ah oo ku caan baxday in ay laba listo oo maalgashato Dekedaha dayacan ee qaaradaha aduunka ku filiqsan  ka soo bilow Brazil ilaa iyo Shiinaha, laakiin waxay ku fashilantay oo fadeexad qaawani ka raacday Dekado badan oo mandaqadeena ku yaala sida: Dekeda  Daaroole ee Jabuuti ,Dekeda Sinigaal,Dekeda Lubnaan iyo Dekeda Cadan ku waas oo ay dhamaan maxkamado  caalami ah isla galeen oo lagaga guuleysatay dacwadii  shirkada DPW.
     
    Shirkada DPWorld  waxay ku caan baxday in ay kala xado oo kala laaluushto madaxda ay heshiisyada la galaan waxaa kale oo ay ku caan baxday in ay dabino u daadiso madaxda ay kala xaajoonayso heshiisyada iyada isticmaalaysa mar kasta xaqul qalin iyo kala laaluush ay xadhkaha ugu soohanayso si kasta oo ay heshiisyada u kala khiyaamayn karto sida ay Jabouti ku samaysay hadana ay damacsan tahay in ay Somaliland ku sameyso. Bal ka warama durba lacagtii $240 million ee ay ku balan qaaday in ay ku maalgeliso mashruucii dhismaha wadada Berbera ilaa Wajaable ( Berbera Corridor ) oo ay ku leedahay waxaan awoodaa $80 million dollar oo keliya?  Bal ka warama iyada oo aan Somaliland weli u dhisin Dekedii 40 ka mitir aheyd iyo Airportkii madaniga ahaa ayey iska dhisteen dhismaha  Dekad Ciidan iyo Airportkii Saldhiga Ciidamada intay sidii lagu yaqaanay ay gacmaha is dhaafsadeen xubno shidhka ugu jiray heshiiska  waqtigii dawladii Siilaanyo ay sii dhacaysay ee ay danta guud iyo duunyadaba carabka sii marinayeen.
     
    Heshiiska Somaliland la gashay shirkada DPWorld wuxuu ahaa heshiis aan laga fiirsan oo shaqsiyo aan la mahadin oo  gaar ahi ku macaasheen kuna taajireen.Wuxuu ahaa heshiis meel ka dhac ku ah qaranimada iyo qowmiyada Somaliland  sidaa daraadeed waa in Xukuumada cusubi dib u sax buuxa ku sameysaa qalalaadkaa faraha badan ee ku gedaaman heshiiskaas.
     
    Madaama aan sife sharci ah markii horeba loo soo marin ansixinta heshiiskan ee la wada ogaa in lacag laaluush ah oo gaadhaysa $10 kun oo doolar loo laabay Xil-madhibeyaashii tirada badnaa ee ansixiyey heshiiskaas iminka iyo haatana ay Xukuumada cusubi ka qaylisay kana dhawaajisay in weli heshiiskaa uu mugdi iyo mad-madow badani ku gedaaman yahay, waxaa Xukuumada cusub looga fadhiyaa in ay Laasho ama hakiso mashruucaa ama ay ummadda u soo bandhigto mudo cayiman ( time line ) taa soo  ay Shirkada DPW mashaariicda  maalgelinta heshiiskaa ku qoran ay ku bilaabayso kuna dhameynayso.
     
    A/rahman fidhinle
    United Kingdom
    London

  11. Waa dhacdo ugub ah oo aan gayiga Soomaaliyeed inta badan lagu aqooni jirin, sida uu kusoo waramayo wariyaha BBC-da ee Hargaysa.

    Maxkamadda rafcaanka Hargaysa, ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland ayaa labo qof oo lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xasan iyo Khadra Cabdullaahi Maxamed midkiiba ku xukuntay labo sano iyo lix bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu heley in ay ilmo ka xadeen qoys.

    Waxaa la sheegay in qof ka mid ah dadka la xukumay uu ilmo ka kaxaystay magaalada Hargeysa, ilmaha waxaa dhalay reer ay qaraabo ahaayeen qofkan, wuxuuna geeyay magaalada Abaarso, kadibna waxaa la qabtay iyaga oo ilmaha yar dalka dibedda uga dhoofinaya.

    Lama oga ujeedka rasmiga ah ee ku kaliftay in ay ilmaha wataan, balse waxaa la qabaa tuhun ah in uu jiro suuq madoow oo carruurta looga ganacsado, waxaana arrintan sii xoojinaya Guuleed Dafac oo ah madaxa hay’adda xuquuqda aadanaha oo yiri “Marka laga qiyaas qaato cabashooyinka dadka ka imanaya, dhoofinta carruurta waa ay badatay, waxayna ku dhacdaa dadka ciyaalka ah ee ka yar 15 jirka, dhibta jirtaa waxaa weeye sharcina noogama dagsana, wacyiga dadkana aad ayuu u liitaa”.

    Balse taliyaha booliiska Somaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan ayaa BBC-da u sheegay in aysan ka warhaynin wax suuq madoow ah oo jira oo carruur looga ganacsado.

    Hooyadii dhashay ilmahan yar ee la xaday ayaa iyadu lafteeda ku baraarugsan suurtogalnimada in ilmaha dalka dibediisa loo dhoofiyo, waxayna muddo bil ah ka raadinaysay meelaha dadka laga tahriibiyo sida Boosaaso oo kale.

    “Garowe ayaan maray, Boosaaso ayaan tagay, 18 cisho ayaan meel buuro ah ku sugnaa oo aan wiilka ka raadinayay meelaha dadka laga tahriibiyo” ayay tiri hooyada ilmaha dhashay.

    Sida uu sheegayo Aadan Salaad Seed oo ah xeer illaaliyaha dacwadan gacanta ku hayay , ma jiraan xeerar u gaar ah dambigan oo kale oo loo cuskado xukunka, sidaasi darteed ayaa laga yaabaa in ay ugu wacantahay xukunka dbacsan ee ku dhacay dadkan.

    Hooyada dhashay ilmaha ayaanan ku qanacsanayn xukunka, waxayna sheegtay in aysan suurtogal ahayn in 2 sano iyo 6 bilood oo kaliya lagu xukumo dad ay sheegtay in ay doonayeen in ay ka ganacsadaan xubnaha jirka wiilkeeda.

    Ma jiraan wax tirakoob ah oo laga hayo carruuraha la xaday, waxaana ugu wacan “waalidiinta oo marka ay ilmaha waayaan, raadiya, kadibna ka quusta, dowladana aanan u sheegin” sida uu sheegay Guuleed Dafac.

    Dhawaan gobolada Somaliland waxaa laga mamnuucay ugaarsiga iyo dhoofinta diinka, kaas oo loo dhoofinayay dalal ku yaala Aasiya oo dadka ay aaminsanyihiin in uu dawo yahay. Balse lama oga xiriirka Ka dhaxayn kara dhoofinta xayawaanka iyo tan carruurta oo hadda soo shaac baxaysa.

    Hase yeeshee ka ganacsiga xubnaha carruurta waa arrin adduunka meelo badan ka jirta, waana mid ka mid ah ganacsiyada sharci darrada ee ugu halista badan.

     Xigasho: BBC

    The post Suuq madow oo carruurta lagu iibiyo miyaa ka jira Somaliland? appeared first on Caasimada Online.


  12. 227974887300.jpg

    ABU DHABI, 28th February, 2018 — Prime Minister of the Federal Republic of Somalia, Hassan Ali Khayre, has visited Abu Dhabi’s Wahat Al Karama, the national landmark built to immortalise the sacrifices of the UAE’s brave heroes.

    Khayre was received by Sheikh Khalifa bin Tahnoun bin Mohammed Al Nahyan, Director of The Martyrs’ Families’ Affairs Office at the Abu Dhabi Crown Prince Court.

    The visit began with the Honor Guard performing a ceremony, after which the Somali Prime Minister laid a wreath before the Memorial, the monument made up of 31 massive aluminum panels leaning on one another to symbolise solidarity between the people, the leadership of the UAE and the brave soldiers.

    Accompanied by Sheikh Khalifa bin Tahnoun, the Prime Minister of Somalia toured the site’s prominent areas. He concluded his visit by signing the visitors’ log and lauded the UAE’s heroes for their noble sacrifices and inspiring bravery in the face of adversity.

    WAM


  13.  

    Somaliland_ERP_Halimo-portrait_Cana-Butt

    OLYMPUS DIGITAL CAMERA

    SOS Children’s Villages helps hundreds of at-risk families weather a region-wide emergency

    When Halimo and her family arrived at Hargeisa, Somaliland’s capital, she sold their last goat for $US10. The rest of the family goats, sheep and camels died in the drought that, for the fourth year, is ravaging the region. Like hundreds of other internally displaced families in Somaliland, the family has been helped through of the emergency relief they receive from SOS Children’s Villages.

    “When our livestock died because of the drought, we decided to travel to the city to find work,” says Halimo Dahir.

    Halimo, her husband and their six children – who range in age from two to 14 – now live in a small shelter in a displacement camp two hours away outside the city. The door of the little home is a curtain made of old relief bags that have previously been used to store sugar and rice. The home is just big enough for the family’s only piece of furniture, a mattress where they all sleep. The air is full of sand and dust. Halimo’s two-year-old daughter Aisha coughs constantly.

    “I miss our old home,” Halimo says. “It was beautiful. We had built it ourselves and we owned it. The house we live in now is one we borrow from another family and I’m afraid we’ll be thrown out at some point.”

    “We travelled to Hargeisa to find work. My husband now earns $US50 a month, but it’s far from enough for us to buy food for the whole family,” adds Halimo.

    The family once owned livestock and lived close to the Ethiopian border, where their home was a traditional cottage made of braided grass and large pieces of colourful fabric. They would move about so their camels, goats and sheep could graze. Then came drought. The animals gradually died and there was no milk and meat for the family to eat or trade.

    Help from SOS Children’s Villages

    SOS Children’s Villages has provided support through an emergency relief programme so the family can purchase food. “Before we received help from the SOS Children’s Villages emergency programme, we did not eat every day and we never had more than one meal a day,” says Halimo.

    Authorities in the Somaliland region estimate that one million people, in a territory of more than 3.5 million, are affected by the drought. Some 59% of the inhabitants in the worst-affected areas have lost all domestic animals and have had to leave their homes in search of work in urban areas. Large stocks of livestock have died, while others have been sold in a hurry to get money for food and water, which have become increasingly expensive because of the drought conditions. Many people rely solely on the community and international relief.

    Halimo and her family have lived in their temporary shelter for just over a year. Halimo spends her days taking care of her children and cooking. The days are so similar that they melt together. On Friday, the family goes to mosque. Halimo prays for a better life.

    Somaliland_ERP_Halimo-daughter_Cana-Butt
    Halimo [top] and her family have supplemented their food supplies with vouchers provided by SOS Children’s Villages. One of her six children [above] stands outside the family’s shelter near the capital Hargeisa. Photos by Cana Buttenschoen / SOS Children’s Villages Denmark.

    More about our work in Somaliland

    SOS Children’s Villages began working in Somaliland in the 1990s, and today works to strengthen families, care for children, and provide educational support. Our emergency response programme began in mid-2017 with an immediate goal of providing food vouchers to families in Somaliland facing severe nutritional needs because of a prolonged drought.

    Nearly 900 households in the Hargeisa, Gabilay, Sheikh and Berbera districts have received food vouchers. SOS Children’s Villages also provided nutritional screening for more than 270 children under the age of five and for 70 pregnant women or breastfeeding mothers, launched a nutrition education campaign, and provided training to 160 caregivers in how to improve hygiene during the food preparation process.


  14. Duqa_Muqdisho_Xamar-3.jpg?resize=815%2C5Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xarunta dawladda hoose kulan kula yeeshay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR), Ms.Caroline Van Buren.

    Duqa Muqdisho Inj. Yariisow iyo madaxa Hay’adda UNHCR ayaa ka wada hadlay xaaladda barakaceyaasha iyo dadka danyarta ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

    Waxaa uu Guddoomiye Yarisow si gaar ah ugala hadley wafdiga UNHCR qaabka ugu haboon ee shaqo abuur loogu sameyn karo dhallinyarada gobolka, si looga hor tago tahriibka iyo xag-jirnimada, isagoona u soo bandhigay Madax UNHCR in ay kaalintooda ka qaataan sidii nolol munaasab ah loogu yagleeli lahaa dadka barakacayaasha ah.

    “Waxaan u mahadcelinayaa Laanta Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ee UNHCR shaqada wanaagsan ee dhinaca taakuleynta barakacayaasha. Waxaan UNHCR iyo beesha caalamka ka codsanayaa inay gacan weyn ka geystaan sidii xal waara loogu heli lahaa Barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Inj. Yariisow.

    Sidoo kale, Caroline Van Buren ayaa sheegtay in UNCHR ay ka go’an tahay inay kaalmo dheeri ah u fidiso barakacayaasha ku sugan xeryaha ku yaalla Muqdisho, iyadoona sidoo kale ballan qaaday in ay kala shaqeeynayaan Gobolka kor u qaadista heerka nolashooda.

    Ugu dambeyn, Kulankan waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socotay.

    Duqa_Muqdisho_Xamar-1.jpg?resize=815%2C4 Duqa_Muqdisho_Xamar-2.jpg?resize=815%2C5

    PUNTLAND POST

    The post Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Madaxa Hay’adda UNCHR ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.


  15. 6E346C0E-DF1A-41A6-9488-5B56139DB985_cx0

    Xsibiyada mucaaradka ee Jabuuti, gaar ahaan kuwii qaaddacay ka qeyb galka doorashaddii baarlamanka ee dalkaasi ka dhacdey 23-kii bishan Febraayo, ayaa maanta soo saaray qoraal ay kaga war-bixinayaan aragtidooda ku aaddan natiijada doorashada iyo hadalkii kor-joogayaasha Midowga Afrika ay ka soo saareen doorashada.

    Duqii hore magaalada Jabuuti oo ka mida ah madaxda mucaaridka siyaasadda ee ku suggan gudaha dalka Jabuuti, Cadiraxman Maxamed Geelle, ayaa warbixinta mucaaradka uga waramay Ramadan Muuse.

    https://www.voasomali.com/a/4274486.html

    Xigasho : Voasaomali


  16. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Isbeyn u qaabilsan Soomaaliya Mudane Javier Garcia De Viedma.

    Madaxwaynaha iyo Safiirka oo ay weheliyaan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Diblumaasiyiin ka tirsan labada dal ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo Arrimaha ay ka rajaynayso Dowladda Federaalka Soomaaliya in dowladda Isbaanishku ay kala shaqayso.

    Madaxwayne Farmaajo ayaa tilmaamay in mudnaanta ay siineyso Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka caalamiga ah, kaas oo dhabaha u xaaraya sidii Soomaaliya ay u kasban lahayd saaxiibo caalami ah oo kala shaqeeya xaqiijinta hiigsiyada la xiriira dabar-goynta argagixisada, iskaashiga dhaqaalaha iyo dhisidda ciidan Qaran oo hanan kara amniga guud ee dalka.

    Danjire Javier Garcia De Viedma ayaa Madaxwaynaha u soo gudbiyey farriin uu uga siday Boqorka dalka Isbeyn Mudane Felipe Juan Pablo oo dhigeysa in ay garab taaganyihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

    unnamed19.jpg?resize=1000%2C667 unnamed20.jpg?resize=1000%2C667 unnamed17.jpg?resize=1000%2C667 unnamed18.jpg?resize=1000%2C667 unnamed17-1.jpg?resize=1000%2C667

    Puntland Post

    The post Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha dalka Isbaanishka appeared first on Puntland Post.


  17. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waraaqaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Isbeyn u qaabilsan Soomaaliya Mudane Javier Garcia De Viedma.

    Madaxwaynaha iyo Safiirka oo ay weheliyaan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Diblumaasiyiin ka tirsan labada dal ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo Arrimaha ay ka rajaynayso Dowladda Federaalka Soomaaliya in dowladda Isbaanishku ay kala shaqayso.

    Madaxwayne Farmaajo ayaa tilmaamay in mudnaanta ay siineyso Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka caalamiga ah, kaas oo dhabaha u xaaraya sidii Soomaaliya ay u kasban lahayd saaxiibo caalami ah oo kala shaqeeya xaqiijinta hiigsiyada la xiriira dabar-goynta argagixisada, iskaashiga dhaqaalaha iyo dhisidda ciidan Qaran oo hanan kara amniga guud ee dalka.

    Danjire Javier Garcia De Viedma ayaa Madaxwaynaha u soo gudbiyey farriin uu uga siday Boqorka dalka Isbeyn Mudane Felipe Juan Pablo oo dhigeysa in ay garab taaganyihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

    -DHAMMAAD-

    Farmaajo-1-1-640x427.jpg?resize=640%2C42 Farmaajo-2-1-640x427.jpg?resize=640%2C42 farmaajo-3-640x427.jpg?resize=640%2C427 Farmaajo-4-640x427.jpg?resize=640%2C427

    The post Sawirro: Farmaajo oo warqadaha ka gudoomay Danjiraha cusub ee Isbaanishka appeared first on Caasimada Online.


  18. Kismaayo (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa maanta Madaxtooyada maamulkiisa ku qaabilay Safiirka Dowlada Talyaaniga u fadhiya Somalia Carlo Campanile.

    Hoggaamiyaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee Somalia, Dagaalada ay ciidamada maamulka kula jiraan al-Shabaab, Tababarada ciidamada iyo xoojinta amaanka deegaanada Jubbaland.

    Waxaa kulanka labada Mas’uul diirada lagu saaray maalgashiga Talyaaniga oo wakhtigii Dowladii Dhexe maalgalin xoog leh ku sameeyay dalka iyo suuragalnimada in dib loo soo celsho hanaankii hore.

    Hoggaamiye Axmed Madoobe, oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Danjiraha sidii dib boorka looga jafi lahaa mashruucyo iyo ilo maalgashi oo Talyaanigu kal hore ka hirgaliyay deegaanka si gaar ahna in ganacsatada Talyaanigu ay u furan tahay in ay deegaanka maalgashadaan.

    Waxa uu Madoobe sheegay in Danjiraha uu ku booriyay inay xooga saran arrimaha nabadgalyada iyo inay laban laabto tageeradeeda dhinaca amaanka si xasiloonidu u noqoto mid adag oo aan liiq liiqan.

    Danjire Carlo Campanile ayaa amaanay dadaalka Jubbaland ee nabadgalyada iyo dib u dhiska isagoo sheegay in ay maalgalin ku samayn doonan deegaanka isla markana dhinaca amaanka ay Soomaaliya oo dhan wax weyn kala qabanayaan.

    Safiirka ayaa booqday Xarumo kala duwan oo ku yaala Magaalada Kismaayo oo ganacsato iyo shirkado Talyaani ah ay gacanta ku hayeen wakhtigii Dowlada dhexe ay talada haysay.

    3-20.jpg?w=696

    1-27.jpg?w=696

    2-23.jpg?w=696

    The post Sawiro: Muxuu ku saabsanaa kulanka saacadaha badan qaatay ee dhexmaray Axmed Madoobe & Carlo Campanile appeared first on Caasimada Online.