Adis Ababa (Caasimadda Online) – Maalmihii u danbeeyay waxaa sii xoogeysanayay falalka amaan darri ee ka jira gudaha dalka Itoobiya xilli xukuumadda dalkaasi ay isku dayeysay iney soo afjarto kala duwanaanta ka dhex taagan qowmiyadaha kala duwan ee dalka.
Wararka maanta naga soo gaaraya magaalada Gambela ee galbeedka caasimadda Addis Ababa ayaa sheegaya in Ciidamo fara badan saaka lagu soo daadiyay xaafadaha iyo waddooyinka isla markaana ay bilaabeen qabqabashada dadka ka dib markii magaaladasi ay ka dhaceen falal dilal ah.
Sida aan ka soo xigannay ilo wareedyo xagga saxaafadda ah, koox hubeysan ayaa gsaaka udaha magaaladasi ku dishay wiil dhalinyaro ah iyadoona arrinkaas loo sababeynayo aanooyin qabiil.
Ciidamada Booliska ee sida Milatariga u tababaran ayaa xiray goobaha ganacsiga iyo waddooyinka qaar, waxaana ay qabqabteen tiro badan oo dhalinyaro ah.
Dhanka kale, isla magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka soconayay howlgallo raaf ah ka dib markii dhalinyaro loo maleynayo iney taabacsan yihiin xisbiyada Oromada ay ku kaceen falal ka dhan ah qowmiyadaha kale.
Falalkaas ayaa sidoo kale loo sababeeyay khilaaf ka dhex oogan xisbiyada Oromada iyo kooxaha Mucaaradka ee dhawaan nabadda qaatay, waxaana la soo sheegay in axsaabta qaar ay labo u kala jabtay isla markaana hadda ay ku loollamayaan deegaanada dhaca mandiqadda Addis Ababa.
Dalka Itoobiya oo dhawaan ay ka dhaceen isbadallo siyaasadeed oo waaweyn ayaa hadane la rumeysan yahay in wali ay aasan yihiin aanooyinka u dhexeeya qowmiyadaha, waxaana hadda billowday dhalleeceymo loo jeedinayo R/Wasaare Abiy Axmed oo la xiriira inuu dhinac la noqday qowmiyadda uu ka soo jeedo ee Oromada.
Bosaso[Puntland Post]-Ciidamada amniga ee Magaalada Bosaso ayaa soo qabtay ragii geysatay weerarkii saaka ka dhacay Boosaaso, oo lagu dilay Askar ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Amniga ayaa u xaqiijiyey Puntland Post in la qabtay Ragii dilka geystay islamarkan ay goor dhow saxaafad ay u soo bandhigi doonana.
wixii ku soo kordha dib ayaa idinku soo gudbin’doonaa.
Muqdisho (Caasimada Onlnie) – Waxaa sii xumaanaya amniga magaalada Muqdisho oo gaaray heer ay sii xoogeysato cabsida bulshada ku dhaqan caasimadda Soomaaliya. Qaraxyada, dilalka qorsheynsan iyo baabuurta lagu dhajiyo waxyaabaha qarxa ayaa noqday kuwo faraha ka bixiyey amnigii magaalada.
Waxaa ugu dambeeyey isku daygii dil ee sabtidii loo geysan rabay Professor Yaxye Caamir oo bedelkiisa uu dhintay walaalkiis ka yar, kaasi oo watay baabuurkiisa oo qarax loogu xiray.
Hase ahaatee, Yaxye Caamir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka wax dila ee ku sugan Muqdisho aysan ahayn Al Shabaab oo kaliya balse ay jiraan qeybo kale oo siyaabo kala duwan wax u khaarajiya.
Yaxye Sheekh Caamir oo sheegay 7 koox, ayaan magacaabin balse waxaa jira in ka badan 7 dhinac oo Muqdisho isku dila, Hadaba, yey noqon karaan?
1 –Al-Shabaab – Shaki cidna ugama jiro in Al-Shabaab yihiin kuwa dilka ugu badan geysta, ee ku sugan magaalada, iyagu xataa taas ma difirsana oo ay weyba sheegtaan marka ay dad dilaan. Sidoo kale inta badan qaraxyada magaalada Muqdisho ayaga ayaa fuliya oo sheegta.
2 –Ciidamada Dowladda – Ciidamada Dowladda Soomaaliya waxa ay kaalinta koowaad ee dilalka ku haystaan Al-Shabaab. Waxay dhacaan shacabka oo mararka qaar dilaan, waxay rasaas isaga furaan baabuurta rayidka. Ayaga dhexdooda ayaa is-dila oo ku dagaalama lacagaha baadda ah ee ay dadka ka dhacaan.
3 – Sirdoonka shisheeye – Muqdisho waxaa ku dhex jira dad u shaqeeyaa sirdoon shisheeye, oo ayagana dila sirdoonka kale ee u shaqeeya dalal kale. Arrimahan waxaad ugu lug leh sirdoonka u shaqeeya dalal ay ka mid yihiin Imaaraadka, Qatar, Sacuudiga, Turkey, Ethiopia, Kenya, Mareykanka iyo dalal kale.
4 – Ganacsatada – Ganacsatada ayaa iyaguna ah kuwo geysta dilal ay la bartilmaameedsanayaan ganacsatada kale ee uu kala dhexeeyo loolanka ganacsi! Kiisaskan ayaa inta badan dhaca marka ganacsi uu ku taajiray qof, uu qof kale lasoo gala ama suuqa ka saaro, taasi oo mararka qaar kuwooda aan iimaanka lahayn ku hogaamisa falal aan la mahdin.
5 – Shaqaalaha – Shaqaalaha ka tirsan hay’adaha kala duwan sida shirkadaha, dowladda iyo UN-ta ayaa iyaguna is bartilmaameedsada oo kala disha shaqooyinka. Arrintan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah kala dilashada xilalka dowladeed, oo mararka qaar xitaa ay isku sameeyaan dadka aadka isugu dhow, xitaa xildhibaanada ayaa kala disha boosaska.
6 – Aanooyin – Waa arrin soo jireen ah in qabiilada ay isu dilaan aanooyin iyo utumo hore iyaga oo kala aarsanaya dhacdooyin dil oo muddo hore dhacay. Waxaa jira kiisas la xaliyey, oo dadkii dadkooda laga dilay aysan weli ka sabrin, ama qabiilo waagii hore laga awood badnaa, oo aan aarsan karin balse hadda fursad helay, ayaga oo kusoo gabanaya magaca Al-Shabaab kadibna sidaas ku aarsada.
7 – Amisom – Ciidamada Amisom waxay sidoo kale kaalintooda ku leeyihiin dilalka Muqdisho, ayaga inta badan dilalkooda waxay dhacaan marka ay baabuur jiirsiiyaan shacab ama rasaas aan loo meel-dayin furaan.
Arrimaha yaabka leh ayaa ah dhammaan in dilalkan markay dhacaan aan laga war-hayn, oo badanaa la yiraahdo un qof shacab ah ayaa la dilay, maadaama xogtooda hoose aan laga-warhayn. Waxaa sidoo kale durba dusha loo saaraa Al-Shabaab.
Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah Soomaaliya ayaa maanta kulankooda 6aad ee kalfadhiga 4aad uga dooday xad gudubkii banii’aadnimada ka baxsanaa ee lagu gubey Axmed Mukhtaar Saalax.
Guddiga arrimaha bulshada golaha shacabka oo ka hadlay arrimihii quurkasiga ahaa ee ninkii todobaadkii hore lagu gubey Muqdisho ayaa soo jeediyey in cadaaladda la marsiiyo dakii ka dambeeyey. Xildhibaan Cabdi Shire waxaa uu dalbaday in lammaanihii loo dhigo aroos qaran.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo isna goobta hadlay waxaa uu yiri “Baarlamaanku waa in hayb sooca ay ka curiyaan ama ka sameeyaan sharci adag, Waxaan ka codsanaynaa hey’adaha dambi baatista waa in nidaam cadaaladeed ay ku baaraan dhacdii lagu dilay ninkaas, oo aaney wax u dhicin sidii aan arki jirnay
Xildhibaan Maxamed Nuur Iftin oo ka mid ahaa xildhibaannadii arrintan ka hadlay waxaa uu yiri ” Maxaa naloo dilaa, maxaa naloo dhacaa, maxaa naloo kufsanaa haddii aan nahay Jareer, dadka ayaan la mid nahay, oo diinta ayaa na walaaleysay! Haddii Guurka Jareer la isku dilaa, waxaan leeyahay idinku is guursada gabdho qurxoon waa inaga buuxaane.
Xildhibaan Maxamed Nuur Iftin(Shambaro) oo sii hadlaya waxaa halladiisa ka mid ahaa “Jareerteena Mareykanka joogta waxaa loo ogol yahay iney guursdaaan gabdhaha caddaanka ah, Soomaalideenna nalooma ogola, oo waa la is gubaa.
Jamaal Qaasim Mursal oo ah xogheyaha joogtada ah ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanka kaas uu shaqao joojin ku sameeyey Cabdirashiid Maxamed Axmed oo ah wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanka ayaa tillaabadaas ku tilmaamay mid sharci darro ah, oo aan loo marin waddo sax ah.
Jamaal Qaasim Mursal, oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa waxaa uu yiri “Aniga waxaa isoo magacaabay ra’isul wasaare, 3 sano ayaan joogaa wasaaradda Batroolka, xataa inta aanan noqon xoghaya joogtada ah waxaa soo ahaa la-taliye, agaasime waaxeedka qorsheynta iyo agaasime waaxeedka maaliyadda, shaqo badan ayaa soo qabtay ilaa maanta aan gaarsiinno halka ay joogto”.
Jamaal Qaasim Mursal, oo xil ka qaadistiisa qaabka ay ku timid ka hadlayey waxaa uu yiri “Xil ka qaadista waxaa ay soo socotay 3 bil, wasiirka waxaa uu wasaaradda keenay agaasime guud, isaga oo leh waxaa isoo dhiibay madaxweynaha, oo waa amar madaxweyne, si qasabna ugu wareejiyey maamulka iyo maaliyadda wasaaradda, hadda agaasimahaas waa joogaa, sifo sharci ah kuma joogo, ee rabitaan shakhsiga ah ee wasiirka ayuu meesha ku joogaa”.
Mar aan wax ka weydiiney waxa laga yeelayo shaqo joojintiisa, Jamaal Qaasim Mursal waxaa uu yiri “Aniga sidaan kuu sheegay ra’isul wasaare ayaa isoo magacaabay, waxaan xafiiska uga tagi karaa Dekereeto uu isaga soo saaray, inta ka horeysa shaqadeyda waan wataa, wasiir xil igama qaadi karo, oo sharci kuma saleysna.
Ugu dambeyntii, xogyaha joogtada ah ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanka Jamaal Qaasim Mursal waxaa uu wasiirka wasaaradda Cabdirashiid Maxamed Axmed ku eedeeyey inuu dhibaato ka dhex wado wasaaradda Batroolka, isla markaana uu ka shaqeynayo lugooyo iyo inuu rabitaankiisa shakhsiga ah iyo sida uu rabo ka yeesho wasaaradda.
Boosaaso (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in askari ka mid ah Ciidanka gaarka ah ee Madaxweynaha Puntland lagu dilay magaaladaas, mid kalena lagu dhaawacay.
Dilka iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri.
Kooxda dilka geysatay ayaa waxaa la sheegay in goobta ay ka baxsadee.
Ciidamada Puntland ayaa durba howlgal ka bilaabay magaalada Boosaaso, iyadoo weli aanay jirin cid howlgalka lagu soo qaban.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in koor dhow ay rag hubeysan dileen askari ka mid ah ciidanka ilaalada madaxtooyada Puntland ee magaaladaasi, mid kalena ay dhaawaceen.
Askartan ayaa ku sugnaa meel aan ka fogeyn madaxtooyada, waxaana la sheegay in dilkooda ka dib ay halkaasi isaga baxsadeen raggii falkaasi ka dambeeyey.
Ciidamada Puntland ayaa durba howlgal ka bilaabay magaalada Boosaaso, iyadoo weli aanay jirin cid howlgalka lagu soo qaban.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
NAIROBI (Caasimada Online) – Kenya’s military says its forces have launched a dawn operation against Al Qaeda inspired group of Al Shabaab.
KDF Colonel, Public Affairs, Paul Njuguna said the militaray forces killed 10 Al-Shabaab militants and recovered seven AK47 rifles, ammunition during in Lamu operation
Njuguna says 3 Kenyan military officers sustained injuries from the raid and were airlifted to Nairobi for medical treatment.
“Our Kenyan army pursues other terrorists who fled with injuries in Taksile area, North of Pandanguo”, he said.
He uged locals to participate in weeding out lurking Al Shabaab elements in their midst, in order to assist in the progressive pacification of Lamu.
There was no immediate comment from the group over the claims made by Kenyan military.
In 2011, Nairobi sent its troops into Somalia to thwart deadly border cross attacks and kidnappings allegedly carried out by Al Qaeda inspired group Al Shabaab.
Kenya has soldiers serving under African Union peacekeeping mission in Somalia to help the weak-western backed government battling against Al Shabaab.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliand, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xalay ka qayb galay xaflad ballaadhan oo loo qabtay jaaliyadda Sucuudiga ee ku nool Somaliland, xafladani oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa ka qayb galay wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland, Guddomiyaha Xisbiga UCID, Maayirka, maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa, Guddomiye xigeenka koowaad ee baarlamaanka Somaliland, masuuliyiin iyo Siyaasiyiin kala duwan.
Xaflada waxa kale oo loogu hambalyaynaayay xuska aas-aaska boqortooyadda sucuudiga, waxaana si weyn uga war bixiyay xidhiidhka siyaasadeed ee u bilaabmay sucuudiga iyo Somaliland Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, waxaanu sheegay in dawladda sucuudiga ay kala hadlayaan sidii loogu xaji lahaa baasaaboorka Somaliland, waxaanu wasiirku xusay in sucuudigu uu danaynayo xidhiidh wanaagsan oo uu la yeesho dalkani Jamhuuriyadda Somaliland. Guddomiye ku-xigeenka baarlamanka Somaliland, iyo guddomiyaha xisbiga UCID ayaa iyaguna halkaasi kusoo ban dhigay fursadaha Somaliland ugu jira xiisaha caalamku u hayo gobolka geeska afrika, waxaana ay bogaadiyeen wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.
Madaxda Gal-Mudug ayaa isku qilaafay ka qeeybgalka shirkaasi iyadoo madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ka soo horjeeystay.
Madaxda Gal-Mudug ayaa waxaa ka dhexjira qilaaf aad u baahsan iyaga dhowaan labo xildhibaano oo kala joogo Cadaado iyo Dhuusamareeb ay xilalkii ka qaadeen madaxda sare ee maamulkaasi.
Kenya (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaya weerarada ay Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadan Saldhigyada iyo Goobaha muhiimka ah oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM.
Weerarada ugu badan ayey maleeshiyada u adeegsataa ku dhuf oo ka dhaqaaq, halka qaarna ay ku qabsadaan Hub, Gaadiid iyo Maxaabiis.
Maleeshiyada ayaa weerarada si simin ugu qaado wadamada Somalia iyo Kenya oo daris ah, isla markaana si wada jira ula dagaalama Al-Shabaab.
Dowlada Kenya oo ka duuleysa weerarada sii xoogeysanaaya ee Al-Shabaab ayaa sheegtay in Maleeshiyada looga adkaan karo hal talaabo.
Kenya waxa ay sheegtay in talaabada keliya ee looga guuleysan karo Al-Shabaab ay tahay in deegaanada ay heystaan, gaar ahaan Keymaha ay ku dhuumaaleystan loo adeegsado Diyaaradaha suntan buufiya.
Taliyaha ciidamada Booliska dalka Kenya Joseph Boinnet oo magaalada Nairobi kulan guud kula qaatay Saraakiisha Booliska ayaa sheegay inay adag tahay in laga guuleysto Al-Shabaab.
Joseph Boinnet, waxa uu sheegay in arrinka ugu sahlan ay tahay in la rusheeyo goobaha ay keli ku yihiin Al-Shabaabka sidaana loogu fuliyo howlgalka.
Waxa uu Mr Joseph Boinnet tilmaamay in xalka ugu dhow uu yahay in Keymaha ay ku jiraan Al-Shabaabka lagu tijaabiyo Sunta loo isticmaalo diyaaradaha yaryar ee meelaha fog taga, wuxuuna carab ***** in sidaa ay tahay qaabka looga guuleysan karo Al-Shabaab.
Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in rusheynta ay u sahleyso inay soo gurtaan Al-Shabaabka ka hor inta aysan ka bixin suntan, hase yeeshee Kenya ayaan laheyn diyaaradaha Sunta buufiya.
Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Kenya ayaa walaac xoogan ka qabta in weerar uu uga imaado Al-Shabaab waxaana xusid mudan in asbuuc gudahiisa ay laba mar ka digeen weeraro.
Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Gaas ayaa daboolka ka qaaday inuu doonaayo in uu shakiga ka saaro xukunada iyo maxkamadeynta dhalinyarada ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish.
C/weli Gaas, waxa uu sheegay in qorshaha shaki ka saaridiisa ay tahay in Maxkamada iyo xukunada kala duwan lagu hubsado Al-Shabaabka iyo Daacishta dhibta kawada deegaanada maamulkiisa.
Waxa uu sheegay in Maxkamadaha maamulk aysan ridin xukunada looga bartay waxa uuna cadeeyay in taasi ay mugdi galinkarto dagaalka lagula jiro waxa uu ugu yeeray argagixisada.
“Cidna kama yeeli doono in Al-Shabaab iyo Daacish ay ku nooladan deegaanadeena, taasi bedelkeeda waxaanu diyaar u nahay in si is dabajooga loo xukmiyo Al-Shabaabka iyo Daacish”
C/weli Gaas oo kulan la qaatay Saraakiisha amniga ayaa sheegay in arrin muhiima ay tahay in danbiyada ay galeen dhalinyarada Al-Shabaabka iyo Daacish lagu qaado waxa uuna tilmaamay in Puntland aysan ka raali noqon doonin argagixisada.
Waxa uu Gaas Saraakiisha amniga u sheegay in muujin la’aanta Al-Shabaab iyo Daacishta joogta deegaanada maamulka iyo kuwa ku jira Xabsiyada ay far ku godeyso howsha Saraakiisha waxa uuna ku baaqay in sharciga la horgeeyo.
Waxa uu carab ***** in Maxaabiista ku jirta Xabsiyada ay mudan yihiin in dhamaantooda la taago Maxkamada si buu yiri dhinac loogu tuuro kiiskooda
Sidoo kale, Afhayeenka madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac waxa uu sheegay in Hogaamiye Gaas uu faray hay’addaha amniga in sharciga la marsiiyo dhalinyarada Al Shabaab iyo Daacish ka tirsan ee xabsiyada ku jira.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Gaas uusan raali ka ahayn in Al Shabaab gacanta lagu soo dhigay iney xabsiyada Puntland isaga sii jiraan.
Dhinaca kale, Gaas ayaa shacabka gobolka Bari ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’addaha ammaanka Puntland si looga hortaggo dilalka qorsheysan iyo weerarada Al Shabaab iyo Daacish.
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in mar kale uu dib u dhac ku yimid shirkii uu ku baaqay madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Shirkaani ayaa waxa uu qorshuhu ahaa in lagu dhex dhexaadiyo madaxda Galmudug ee uu ka dhaxeeyo khilaafka xoogan.
Shirkan oo qorshaha uu ahaa inuu furmo maanta oo bisha September ay tahay 24, ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa sidii loo soo afjari lahaa khilaafyada raagay ee maamulka ka dhexeeya.
Waxaa sidoo kale si gaar ah loogaga doodi lahaa shirka sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee joogtada ka dhex noqday madaxda maamulka iyo dagaalada soo noqnoqday ee ka dhaca deegaanada Galmudug.
Dib u dhaca shirka ayaa loo sababeynayaa kadib markii Hogaamiyaha maamulka Galmudug uu si cad u diiday ka qeybgalka shirka wuxuuna tilmaamay dhibaatada Galmudug in laga soo abaabulay madaxtooyada Somalia.
Sidoo kale, Hogaamiye ku-xigeen Maxamed Xaashi Cabdi Carabey iyo Garabka isaga taabacsan ayaa soo dhaweeyay baaqa madaxweyne Farmaajo, waxayna dhankooda tilmaameen inay diyaar u yihiin ka qeyb galka shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya wallow uu wakhtiga maanta ku egyahay.
Si kastaba ha ahaatee, khilaafaadka ka jira Galmudug ayaa wuxuu soo maray marxalado kala duwan, mar walbana dowladdu waxa ay u taagan tahay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti duwaanshaha siyaasadeed ee ka jira deegaankaas.
Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose.
Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii Al-shabaab ayaa weerar lama filaan ah kusoo qaadeen fariisin ay ciidanka DFS ku lahaayeen duleedka degmadaasi.
Inta la xaqiijiyey Saddex qof ayaa ku dhaawacantay dagaalkan, iyadoo khasaarahana intaasi ka badan karo.
Saraakiil u hadashay ciidanka dowladda ayaa sheegay iney ka war hayeen dagaalkan, islamarkaana ka hortageen ciidankii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.
Xaaladda guud ee degmada Qoryooley ayaa manta deggan, iyadoo Al-shabaab ay dib uga laabteen halkii ay soo weerareen.
Ethiopia and Eritrea didn't pen their peace agreement in Addis Ababa or Asmara, but in Saudi Arabia with the Emirates alongside. Are economic and military interests increasingly binding Gulf states and the Horn together?
Ronald Melly, the fake doctor from Nandi County, performed eight successful operations at the Kapsabet County Referral Hospital before he was transferred to head Meteitei Sub-County hospital, a report shows.
Wararkii ugu dambeeyey ee qalalaasaha Addis Ababa iyo dhimasho badan oo jirta
in News - Wararka
Posted
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Maalmihii u danbeeyay waxaa sii xoogeysanayay falalka amaan darri ee ka jira gudaha dalka Itoobiya xilli xukuumadda dalkaasi ay isku dayeysay iney soo afjarto kala duwanaanta ka dhex taagan qowmiyadaha kala duwan ee dalka.
Wararka maanta naga soo gaaraya magaalada Gambela ee galbeedka caasimadda Addis Ababa ayaa sheegaya in Ciidamo fara badan saaka lagu soo daadiyay xaafadaha iyo waddooyinka isla markaana ay bilaabeen qabqabashada dadka ka dib markii magaaladasi ay ka dhaceen falal dilal ah.
Sida aan ka soo xigannay ilo wareedyo xagga saxaafadda ah, koox hubeysan ayaa gsaaka udaha magaaladasi ku dishay wiil dhalinyaro ah iyadoona arrinkaas loo sababeynayo aanooyin qabiil.
Ciidamada Booliska ee sida Milatariga u tababaran ayaa xiray goobaha ganacsiga iyo waddooyinka qaar, waxaana ay qabqabteen tiro badan oo dhalinyaro ah.
Dhanka kale, isla magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka soconayay howlgallo raaf ah ka dib markii dhalinyaro loo maleynayo iney taabacsan yihiin xisbiyada Oromada ay ku kaceen falal ka dhan ah qowmiyadaha kale.
Falalkaas ayaa sidoo kale loo sababeeyay khilaaf ka dhex oogan xisbiyada Oromada iyo kooxaha Mucaaradka ee dhawaan nabadda qaatay, waxaana la soo sheegay in axsaabta qaar ay labo u kala jabtay isla markaana hadda ay ku loollamayaan deegaanada dhaca mandiqadda Addis Ababa.
Dalka Itoobiya oo dhawaan ay ka dhaceen isbadallo siyaasadeed oo waaweyn ayaa hadane la rumeysan yahay in wali ay aasan yihiin aanooyinka u dhexeeya qowmiyadaha, waxaana hadda billowday dhalleeceymo loo jeedinayo R/Wasaare Abiy Axmed oo la xiriira inuu dhinac la noqday qowmiyadda uu ka soo jeedo ee Oromada.
Caasimada Online
Xafiiska Adis Ababa
Caasimada@live.com