Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,296
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wadamada Saudi Arabia, Algeria, Libya, Egypt, Kuwait Qatar iyo Indonesia ayaa ku dhawaaqay in ay bari tahay maalinta ciidul Fidriga Sidaasi waxaa Goordhow baahiyay Tv-ga Aljazeera oo soo xiganaya Ururka ay ku mideeysanyihiin wadamada Muslimiinta Caalamka oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (IAC), ayaa ku dhawaaqay in bari ay tahay Maalinta 1-aad ee ciidul Fidriga. Wadamadaasi ayaa sheegay in bishii ay arkeen. Wali dalka Soomaaliya kuma dhawaaqin in bishii laga arkay dalka Soomaaliya Wasaarada Diinta iyo Oowqaafta Dowlada Soomaaliya ayaa laga sugayaa in ay bari ku dhawaaqdo in ay tahay maalin ciid ama la dhameeystirayo 30-ka Bisha Ramadaan. Muslimiinta Dunida ayaa si qilaaf la’aan ah u soo soomay 29-bari waxaana la rajeeynayaa in qilaaf la aan ay ku afuraan. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Inta Badan Wadamada Islaamka oo ku dhawaaqay in ay tahay Bari Ciid appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta magacaabay guddi heer Qaran ah oo ka kooban Toban Xubnood. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa lagu magacaabay Guddiga kuwaa oo ka shaqeyn doona qaban qaabada Xuska todobaadka Maalmaha Xorriyadda, Midnimada iyo Madax-bannaanida Soomaaliya oo ku beegan Sanad guurada 58aad ee 26 Juun iyo 1 Luuliyo ee 2018. Guddigaan, ayaa hawshooda waxay ku eg tahay marka Munaasabadaha ay dhammaadaan, waxayna magacyadooda ay kala yihiin:- 1-Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Warfaafinta. Guddoomiye 2-Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Ganacsiga. Xubin 3-C/raxmaan Ducale Beyle , Wasiirka Maaliyadda. Xubin 4- Xasan Cali Maxamed , Wasiirka Gaashaandhigga. Xubin 5-Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Amniga gudaha. Xubin 6-Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Dhalinyaradda. Xubin 7- Deeqa Yaasiin X. Yuusuf , Wasiirka Haweenka. Xubin 8-Saalax Axmed Jaamac , Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha. Xubin 9-C/raxmaan Cumar Cismaan, Guddoomiyaha G/Banaadir. Xubin 10-Bashiir Axmed Cusmaan , Ag. Gol. was. iyo Xiriirka Baarlam. Xoghaye guud Shaqada laga rabo guddigaan 1-Inay qaban qaabiyaan Xuska maalmaha Xorriyadda 26-ka Juun iyo 1-da Luuliyo. 2- In ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qeybta ku leh qaban-qaabada maalmaha Xoriyadda iyo Midnimada Soomaaliyeed. 3-In ay jaan-gooyaan Kharashaadka ku baxaya xuska Maalmaha xorriyadda. 4-In ay magacaabaan guddi-hoosaadka farsamo ee abaabulka maalmaha Xoriyadda. 5-In ay sugaan Amniga goobaha kala duwan ee lagu qabanayo munaasabadaha 26-ka Juun iyo 1-da Luuliyo ee 2018-ka. 6-In ay kormeeraan sida ay u socdaan hawlaha guddi-hoosaadka farsamo ee abaabulka iyo munaasabadaha Qaran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. London (Caasimada Online) – Abaanduulihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Somaliya Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar, ayaa la xaqiijiyay inuu geeriyooday Magaalada London ee dalka UK. Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa xaqiijiyay geerida Abaanduulihii hore ee ciidamada Xoogga dalka oo ku xanuunsanaayay dalkaasi. Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya Generaal Cabdi Wali Jaamac Gorod, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid abaanduulihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Somaliya. Sidoo kale Taliyeyaasha Ciidamada Somaliya ayaa dhambaal tacsi ah u diray Abaanduulihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Somaliya eheladiisa. Abaanduulihii hore ee Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa la sheegay in muddooyinkii dambe ku xanuunsanaayay dalka UK.
  4. Isbitaalka manhal, Laascaanood Waxaa maanta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ka dhacay rabshado sababay in dad shacab ah ku dhaawacmaan. Inta la qiijiyaya labo dumar ah ayaa dhaawacmay, kadib markii ciidamo ka tirsan Somaliland ay raasaas ku fureen suuqa weyne ee magaalada Laacaanood. Rabshadaha ayaa bilowday sida ay xaqiijiyeen goob-joogaal kadib markii ay is af-dhaafeen ciidan ka tirsan Somaliland oo suuqa ka adeeganayay iyo wiil dhalinyaro ah oo watey baabuur nooca raaxada ah, waxaana halkaas ka dhashay gacan qaad iyo dhagax tuur ay sameyeen dad shacab ah, kadib ciidamada Somaliand ay furay raasaasta ay ku dhaawacmeen labada dumar ah. Dhaawaca labada dumar ah ayaa la geeyay Isbitaalka Manhal ee magaalada Laascaanood, xaalada magaalada oo galinkii hore kacsanayd ayaa haaatan dagan. Dhanka kale Guddiga difaaca Puntland ayaa ka hadlay rabshahada ka dhacay Laascaanood, waxayna ku eedeeyeen Somaliland. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdulahi Axmed Xirsi (Timacade) ayaa sheegay in shacabka Laascaanood ay dhaawaceen askari ka tirsan ciidamada Somaliland sidoo kale ay ka furteen gori AK47 ah. Sidoo kale Wasiir Timacade ayaa sheegay in Somaliland ay diiday dhaawacii labada dumarka ah xaalad caafimaad loogu soo qaado Garowe, ilaa iyo hadana ay ku heystaan magaalada Laascaanood. Magaalada Laascaanood ayaa maalmihihii ugu danbeeyay laga dareemayay xaalad kacsanaan, waxaana magaalada lagu dhex arkayaa dad shacab ah oo hubeysan. PUNTLAND POST The post Rabshado ka dhacay Laascaanood iyo Puntland oo ka hadashay appeared first on Puntland Post.
  5. Qudus (Caasimada Online) – Sheekh Kamal Khadiib oo ah ku-xigeenka madaxa ururka Xamaas ee magaaladda Qudus ayaa sheegay in nin ganacsade ah oo reer Qudus oo ay isku dhow yihiin Maxammed Daxlaan oo kal hore laga saaray ururka Fatax in uu ku hawlan yahay iibsashada aqalada duuga ah ee kuyaala qaybtii hore ee Magaaladda Qudus waxaana uu wakiil uga yahay Maalqabeeno u dhashay dalka Imaaraadka Carabta Waxa sheekh Khadiib oo arrinka ka hadlaya uu ku qoray boggiisa uu ku leeyahay Facebook,ga in nin ganacsade ah oo Imaaraatka u dhashay oo ah kuwa aad ugu dhow in amiirka imaaradda Abu Dhabi Maxammed bin Zayed uu ka shaqaynayo sidii uu iibsan lahaa aqalada iyo daaraha ku dhagan Masjidka Al-Aqsa gaar ahaan,isagoo la kaashanayo ganacsade reer Qudus ah oo ay isku dhow yihiin Maxamada Daxlaan. Al-Khadiib ayaa tilmaamay in qof deggan mid kamid ah aqaladan Qudus loo soo bandhigay in laga siisanayo qiime gaaraya $ 5 million oo dollar aqalkiisa ku dhagan masjidka,laakiinse iska diiday qiimaha loo soo bandhigay in lagaga iibsado. Waxa sheekh Khadiib uu intaa raaciyay in markii uu ka diiday codsigooga kor loo qaaday qiimahan oo laga dhigay $ 20 million oo dollar, laakiin isku daygooga inay kusoo jiitaan isaga uu guuldareystay. Sheekh Khadiib ayaa ka digay in dhaqdhaqaaqyadan ay dadka soo xasuusinayaan “kaalintii taliska Maxammed bin Zayed” uu kulahaa iibsiga aqalo markii dambe gacanta laga galiyay hay’adaha qaabilsan degaamaynta Yuhuuda ee degmooyinka Silwan iyo Wadi Xilwa ee magaaladda Qudus sidii dhacday 2014. Sheikh Kamal Khatib oo wareysi siiayay televishanka “al-Qudus” sanadkii 2015,ayaa sheegay in dadka ka tirsan Imaaraadka Carabta ay khiyaameen dadkii lahaa aqalo kuyaala Qudus iyaga oo u sheegay in ay yihiin dadka iibsanaya iyo maalgashadayaal Carab ah oo damacsan inay dib u dhisaan magaalada Qudus,laakiinse markii dambe la ogaaday in aqaladan laga iibiyey Yuhuuda lagu deegaameeyo dhulka Falastiin,waxana Qudus tii hore qaybo kamid ah ay isku badishay deegaan Yuhuud leedahay. By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) E-Mail: Abdiazizh99@Gmail.Com Xigasho: Middle East Monitor Halkan ka Aqriso
  6. Copenhagen (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heshiis qarsoodi ah kula gashay dowladda Denmark in shaqsiyaad Soomaali ah oo dalka Denmark laga soo masaafurinayo dib loogu soo celiyo Soomaaliya. Heshiiskan ayaa dhigaya in Denmark ay sanadkiiba 12 qof oo Soomaali ah dib ugu celiso Soomaaliya, sida uu qoray wargeyskan Politiken, hase yeeshe heshiiskan ayaan si rasmi ah loo shaacin, lagamana hayo wax faahfaahin. Wasaaradda warfaafinta iyo is-dhexgalka Denmark, ayaa sheegtay in heshiiska Denmark iyo Soomaaliya uu yahay mid sir ah, oo aan wax xog ah laga bixin karin. “Denmark waxay muddo mas’uuliiinta Soomaaliya kala shaqeyneysay sameynta xiriir muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu masaafurinayo dalkooda. Arrintan waa mid ay dowladda Soomaaliya codsatay inay sir ahaato, sidaas darteed wasaaradda kama hadli karto” ayaa lagu yiri qoraal wasaaradda ay u gudbisay talefishinka TV2. Dokumenti ay warbaahinta Denmark heleen ayaa ku cad in heshiiska uu dhigayo in Soomaaliya lagu celiyo dadka Soomaalida ah ee aan sharciga ku haysan Denmark. Xildhibaan ka tirsan xisbiga Red-Green Alliance (Enhedslisten) ee Denmark, Nikolaj Villumsen ayaa ku baaqay in la caddeeyo nooca heshiiska labada dowladood ay galeen. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  7. Shirkii golaha wasiirada Puntland ee Khamiista oo uuu shir guddooominayay Madaxweyne Gaas ayaa looga hadlay arimaha amniga, dhibaatada tahriibka iyo xeerka biyaha. War-saxaafadeed ka soo bxay shirkaas ayaa lagu xusay in si dhow loola socdo tacadiga iyo caburinta joogtada ah ee loo geysanayo birimagaydada iyo waxgaradka gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laacaanood. Sidoo kale golaha ayaa war-saxaafadeedkoodu ku cadeeyay in lala socdo qaswadayaasha ka dhanka ah amniga Puntland, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland, waxayna goluhu fareen shacabka Puntland in ay la shaqeeyaan laamaha amniga gaar ahaan xiliyada ciida lagu gudo jiro. Dhanka kale golaha wasiirada Puntland ayaa ka hadlay aafada joogtada ah ee qulqulka tahriibka waxayna sheegeen in leyska kaashado shacab iyo dowlad sidii loo joojin lahaa waxyeelada tahriibka. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran PUNTLAND POST The post Akhriso:- Maxaa looga hadlay shirkii golaha wasiirada Puntland? appeared first on Puntland Post.
  8. Abdullahi Ali, 39, and his family of 12 are camping out amid the debris of their house that was wrecked by the recent floods in Beletweyne, southern Somalia. Source: Hiiraan Online
  9. Cape Town (Caasimada Online) – Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa nin Somali ah oo weerar loo adeegsaday Mindi ku qaaday Maasjid ku yaalla Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Khasaaraha ka dhashay weerarkan ayay Boolisku ku sheegeen in ay ku dhinteen laba qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen ilaa Saddex ruux oo la dhigay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Cape Town. Saraakiisha Booliska oo arrintan baaritaano ku haya ayaa waxa ay sheegeen in falkan uu dhacay waxyar kadib Salaada Tahjudka, waxay kaloo Boolisku tilmaameen ninka weerarka geystay in madaxa looga jiray ama uu qabay xanuunka dhimirka. Ninka Somaliga ayaa la sheegay in uu muddo ku noolaa dalkaasi, islamarkaana mar uu ka mid ahaan jiray Ganacsatadda Somaliyed ee halkaasi ku nool. Ciidamada Booliska ayaa markii dambe toogtay ninka ku hubeysnaa tooreyda, kaddib markii uu isku dayay inuu soo weeraro. Dhacdadan ayaa waxaa aad u hadal haya jaaliyadda Somaliyed ee ku nool dalkaasi, waxayna tilmaameen in arrintan ay ku noqotay layaab. Caasimada Online Xafiiska Cape Town Caasimada@live.com
  10. In 2010, an octopus named Paul picked the winning team in 12 out of 14 matches World Cup matches, including the final. But it’s not 2010 anymore; we no longer need an octopus, regardless of how good he is at his job. Source: Hiiraan Online
  11. KAMPALA- Over 30 exhibits including a jacket suspected to be used in explosives have been lined up by the Directorate of Public Prosecutions (DPP) that will be used at the trial of eight Al-Shabaab suspects, who are facing charges of terrorism. Source: Hiiraan Online
  12. London (HOL) - The British government has issued a travel advisory on Thursday to its citizens to not travel to Somalia, including Somaliland except for the cities of Hargeisa and Berbera, to which the FCO only advised that citizens should travel only if it is “essential”. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Sonja Nientiet, oo ah haweenayda u dhalatay dalka Jarmalka oo Muqdisho laga afduubtay ayaa la sheegay in lagu haysto Gobolka Mudug ee Bartamaha Soomaaliya, sida laga soo xigtay qaar ka mid ah dadka deegaanka. Haweenaydaan ayaa wararka waxa ay sheegayaan in dableyda hubaysan ay ku haystaan deegaan 5 KM u jira Degmada Hobyo. Nin ka mid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Cali Aadan ayaa Warbaahinta u sheegay dableyda hubaysan oo gaaraya illaa 10 ruux inay haystaan haweenaydaan. Wuxuu sheegay meel godad iyo buuro dhexdooda ah inay ku haystaan haweenayda islamarkaana halkaasi ay ka dhisteen teendhooyin. Ragga afduubtay haweenaydaan ayaa la sheegay inay yihiin qaar ka mid ah illaalo ka diiwaangashnaa xarunta ICRC ay ku leedahay laamiyaraha Zoobe. Kooxaha hubaysan ee haweenaydaan afdubtay ayaa la sheegayaa inay doonayaan lacag madax furasho ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. The government of President Mohamed got a dose of support at an international conference in May, but diplomats worry about its ability to defeat Al-Shabaab Source: Hiiraan Online
  15. Denmark has an undisclosed agreement with Somalia to return individuals to the Northeast African country, according to reports. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa dalka Yemen waxaa la weeraray Markab dagaal oo ay leedahay dowlada Imaaraadka carabta kaa oo maraayay meel ka baxsan Xeebta magaalladda Xudeydah ee Galbeedka Yemen. Markabkaani oo nooca dagaalka ah ayaa waxaa weerar xoogan la sheegay inay ku qaaden Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yemen ee garabka ka hela dowladda iran. Xuutiyiinta Yemen, ayaa markabka ku weeraray gantaalo dhowr ah, iyadoo qasdiga weerarka uu ahaa in la gubo gabi ahaan Markabka. Wargeysyada qaar ayaa qoray in Xuutiyiinta Yemen ay sheegteen inay khasaaro u geysteen Markabka balse aan wali la cayimin tirada Saraakiisha iyo shaqaalaha la socday. Wargeysyada oo xiganaaya illo wareedyo ayaa sheegay in Markabka uu gaaray khasaaro xoog leh, isla markaana uu gubanaayo. Saraakiil ka tirsan Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in Markabka uu ka kacay dab ka dhashay Gantaalada ku dhacay, waxa ayna intaa raaciyeen inay la socdeen dhaqdhaqaaqa Markabka. Saraakiisha Maraykanka ayaa iyagana xaqiijiyay in ay Markabkaasi weerareen Maleeshiyadda Xuutiyiinta, isla markaana uu soo gaaray burbur ballaaran. Warbaahinta Wararka ee Almasdar News ayaa iyadana qortay inuu Markabkaasi haatan Badda quusay. Weerarka ay Xuutiyiinta ku weerareen Markabka Dagaalka ee Imaaraadka waxa uu ku soo beegmay, iyadoo 4 Askari oo Imaaraadka u dhashay shalay lagu dilay duleedka magaalladda Xudeydah ee dalka Yemen. Geesta kale, Dowlada Imaaraadka ayaan weli ka hadal gubashada iyo quuska Markabka sababsaday Gantaalo dhowr ah oo ay ku rideen Xuutiyiinta Yemen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Maintaining a critical eye toward development programs — particularly those with the explicit intent to counter violent extremism — is important, especially given the dearth of rigorous research analyzing their impact over the short and long term. In a recent article in War on the Rocks, Jessica Trisko Darden uses research from our global organization, Mercy Corps, to convey the flaws inherent to development programs seeking to counter violent extremism. We commend Trisko Darden for pushing those seeking to counter violent extremism to be more self-reflective and to ensure that development programs do not exacerbate the very issues they seek to address. Yet, we find her characterization of our research incomplete and in some cases inaccurate. We stand by the conclusions offered in recent Mercy Corps reports on Somalia and Afghanistan: Under certain circumstances, development interventions can decrease support for political violence. Source: Hiiraan Online
  18. etails remain very scarce, but what we do know is that a naval vessel belonging to the United Arab Emirates (UAE) has been successfully struck by Houthi Rebels. Source: Hiiraan Online
  19. The political and military friendship between Qatar and Turkey dates back more than a century when Ottoman troops set foot on Qatari lands to protect them from the fierce claws of British colonization. Now 150 years later, Turkish troops are once again welcomed by the Qataris, who see them as a source of force for stability and security. It was around some 150 years ago, in the late 1860s and towards the early 1870s, that Qatar was engulfed by the notorious threat of British colonization. Once a piece of land came to the attention of the British at the time, that was it. The colonialists would do their very best to blend the prey into the pot of the great empire. Shaikh Mohammed bin Thani had already been forced to pay tremendous amounts of money to Bahrain in 1868, and Qatar was being weakened day by day through the strategy of the British. According to historians, Shaikh Mohammed bin Thani repeatedly expressed the necessity of letting the Ottoman Empire dispatch troops to Qatar to prevent an intervention in his country. Finally in December 1871, the Ottoman administration sent as many as 100 troops and several field guns to Qatar at the invitation of the Qataris. Though looking small in number, the presence of the Ottoman troops led to a twist of fate for the country. The presence of the Ottoman soldiers would delay the British occupation in Qatar for some decades. Fast forward to the present and Qatar faced another traumatizing incident. This time, it was one of the most astonishing challenges in its recent history. The tiny peninsula, surrounded by Bahrain, Saudi Arabia and the United Arab Emirates (UAE), woke up to a life-changing shock on June 5, 2017. Unexpectedly and oddly put on trial for allegedly helping extremist groups and terrorists, Qatar found itself in the middle of a blockade. Sanctions imposed by Saudi Arabia, Bahrain, the UAE and Egypt included a ban on Qatar using the bloc’s ports and airspace. No way in, no way out. Qatar is an oil and gas-rich country. With its Gross Domestic Product (GDP) around $150 billion and $130,000 GDP per capita, it is by far one of the wealthiest in the region. Until that day, the Qataris did not need to worry about their daily life for a second. Yet, things were about to change. In the wake of the blockade, Qataris rushed to supermarkets only to find out that shelves were emptied out in a day as the ban on the country led to the shortage of basic products. The four blockade-imposing countries wanted to dictate a 13-article list of demands to Qatar. One of the demands on the list, though, was truly bizarre. Saudi Arabia, Bahrain, the UAE and Egypt urged Qatar to kick the soldiers of a country out, which was thoroughly out of context. RE-ARRIVAL OF TURKS The story begins in late 2014. Turkish and Qatari authorities inked a deal on Dec. 19, 2014 for the deployment of thye Turkish Armed Forces (TSK) to Qatar. The first batch of Turkish troops arrived in the capital city of Doha on Oct. 4, 2015 and the Turkish flag was hoisted at the military base four days later. Today, a remarkable number of Qataris believe that the 2017 blockade was indeed a coup attempt against their sovereignty. History has a tendency to repeat itself. In fact, many of them feel that the presence of the Turkish military played a key role in scaring the evil away. Turkey was the only country to lend an unbelievably swift helping hand to Qatar at the time of the blockade. Furthermore, the Turkish government quickly sent a couple dozen more soldiers and armored vehicles to Qatar. It sent a very bold statement to the entire world. What prevented the British colonization in Qatar in 1871 was repeated in 2017, many Qataris underline. According to the head of the Qatar-Turkey Combined Joint Force Command (QTCJFC), Colonel Osman İlercil, the presence of the Turkish military on Qatari soil aims to boost Doha’s defense capabilities. “I can express (that) our mission is to support the enhancement of defense capabilities of Qatar through joint and combined exercises and training, and subject to approval by both parties, execute training and exercises with other nations’ armed forces and contribute to counter-terrorism and international peace support operations and any other missions mutually agreed upon by written consent of both parties,” Colonel İlercil said. Unlike Turkey’s military training base in the capital city of Mogadishu in the African country of Somalia, the situation in Qatar is slightly different. Whereas Turkey runs its own base in Mogadishu, built from scratch, the Turkish military is hosted at a Qatari base in Doha. Moreover, the Turkish and Qatari forces operate equally on a mutual level while the training base in Mogadishu is simply aimed at helping the Somali army rise from the ashes by bringing up new troops. “When performing our duty, QTCJFC is always ready to fulfill all tasks with an outstanding understanding of duty, bearing in mind the responsibility of hoisting the Turkish flag in the region after a 100 years,” the colonel said, summarizing Ankara’s mindset. For some, the Turkish state seeks to exert its influence in several parts of the world by setting up military bases and dispatching troops. The mission in Qatar, especially after the feud between Qatar and the aforementioned countries, is one of the most speculated-upon issues. Colonel İlercil stressed that the Turkish military is actively engaged in military drills and the presence of the troops helps both sides gain experience from one another. “We are making efforts to ensure unit and personnel participation at the highest level in the exercises and similar activities planned by the Qatari Armed Forces (QAF). I can also say that the two sides have a common approach to conduct all exercises in a combined and coordinated manner,” he said, adding: “So far we have participated in four exercises at unit level and as observers. Furthermore as TSK units and personnel we take part in activities like sports, shooting and ceremonial events too.” Turkish Military in Qatar: Bonds of mutual trust Turkish soldiers of the Qatar-Turkey Combined Joint Force Command attend their daily training. Turkish military officers believe that their presence in Qatar and interaction with Qatari peers are a beneficial way of enhancing their own military experience as well. The colonel underscored that the army has been able to promote its indigenous defense industry and culture here in Doha, too. “We believe that, in addition to sharing of knowledge and experience in military terms, these activities serve as an introduction of TSK, Turkish national defense industry and Turkish culture. With this in mind, TSK personnel in Qatar are well aware of the fact that they represent the Turkish nation in every activity and at every step, and act accordingly in a way that is committed to strengthening bonds of friendship and brotherhood between the two countries,” İlercil said. The aforementioned Turkish backing to Qatar last year during the blockade and extraordinarily warm ties between the heads of the two states are indeed solid reasons for the people of two countries to build up a reliable bond. İlercil agrees. “As QTCJFC, we are not only participating in military events. We are trying to share our Qatari brothers’ emotions by being with them on national and other special days.” As the Turkish military shares the same base with Qatari troops, the Turkish soldiers, several hundred in numbers, live in fairly good conditions in a building allocated to the TSK. The colonel sounded quite thankful in regard to the living conditions. “Currently we are deployed in two different military bases of QAF in scope of the agreements. Our Qatari colleagues’ hospitality and shared feelings of friendship and brotherhood make us feel at home. In addition, I can express that we really are in good conditions in the sense of daily life and of performing our duty thanks to the special attention of our statesmen and senior commanders, especially the Dear President of the Republic of Turkey [Recep Tayyip Erdoğan] and Chief of General Staff [Gen. Hulusi Akar], as well as our Qatari friend’s sincere efforts to provide us anything needed,” İlercil said. NO DATE SET FOR WITHDRAWAL The Turkish military was invited, the deal was inked and the deployment of the troops was successful. Furthermore, the mood between the two militaries has been exceptionally phenomenal. Yet, the question of how long the Turkish army looks to stay here looms. Colonel İlercil refuses to set a date. As a military man himself, he says it is up to politics and diplomacy. “The matter of the deployment of Naval Component Command and Air Component Command will be formed depending on the future decisions of the two countries, in scope of the Cooperation Agreement dated Dec. 19, 2014. Our coordination and preparations for the completion of the structure of Combined Headquarters with the participation of QAF personnel continue in cooperation with our Qatari colleagues, he said. For the time being, the Turkish forces stand firm in the Qatari capital. Neither Ankara nor Doha, indeed, has any intention to call off the agreement in anyway. For many Qataris the Turkish military is a source of relief after all: Never again when the Turks are here. Source: – Casinowc
  20. Around 600 girls and boys under 16 have been enrolled in a free education programme in various displacement camps in the Somali capital Mogadishu, where they are being taught by young university and school student volunteers. Sulekho Muhydin is a member of the group of 17 volunteer student teachers. She said when she saw how neglected the children in the camps were, without a chance to go to school, she decided with other friends to offer her services as a teacher. The volunteers collect between $30 and $50 a month among them to support the programme. They also get some donations from universities, schools and diaspora communities. The group provides basic education classes on Thursdays and Fridays in makeshift classrooms with no desks and chairs. The children come from camps in Kahda, Daynile, Hodon and Lafole districts of Mogadishu. Mohamed Amin Nur, 12, lives in Hibaaq camp in the city’s KM13 area. “I have never had education before, but now I have got free education!” he told Radio Ergo outside the classroom. “In the future I would like to become a teacher and help poor children using my knowledge,” he added. One of the biggest challenges faced by the volunteer teachers is that many of the children are working in casual jobs to provide for their families, which affects their regular attendance at the school. Sulekho said they take time discussing with the parents and encouraging them to bring their children to school. They sometimes take gifts of food to the parents as an incentive. Most of these families, however, are focused on securing adequate food. They are unable to afford the local private schools that charge fees of $12 a month. Well-wishers have donated some stationery and classroom items. The children do not have any uniform and often lack books. Source: – Radio Ergo
  21. As a result of the most recent round of elections, the Minneapolis Parks and Recreation Board received six fresh, progressive faces on its board of commissioners, including District 3 Commissioner Abdikadir “AK” Hassan. Not only is Hassan one of the six newly elected commissioners, at 27 years old he is also the youngest commissioner and the first Somali American vice president in the board’s 130-year history. In 2009, Hassan joined a project called “Save Peavey Park,” which educated him on the parks system, but it wasn’t until 2011 when he participated in Minnesota Youth in Government that he saw a career in politics for himself. Now, in addition to his park board responsibilities, he is the president of his Venture Village Neighborhood Association and the Chair of the DFL Somali-American Caucus. “At one point I was the citizen complaining. Now that I am in this position, it’s time for me to fix it, so that’s the challenge I am facing,” Hassan said. Growing up just blocks away from Peavey Park, Hassan recalls spending his childhood playing soccer in the parks and forming a great appreciation for them. But, he said he also knows that the parks have historically not been equitable for everyone, a concern that was at the core of his campaign. “The thing that was historical with the parks system is [that] the same resources are going back to the same parks and then forgetting parks with high crime, and we need to evaluate which parks need the most instead of just giving the same funding every year.” While sitting in Peavey Park, he points to the swimming pool and uses it as an example. “Not only is the swimming pool not full,” he said, “but it’s not even one of the new ones that some of the other parks are getting.” To him, this is an example of the historical problem of the parks allocating resources in an inequitable way. While Hassan plans to approach all issues and tasks with a fair mindset, he said one of the most effective ways to make the parks equitable is through drafting an equitable budget. “The budget that we are in right now has been set up by previous commissioners, so it’s a challenge to work forward,” he said. The board is working on a new budget now that will go on record in December. When it comes to the budget, he said, “We need to reevaluate which parks are doing great when it comes to littering, trash, programs for youth – so much stuff we are looking into.” Along with drafting a new budget, the board is also looking to hire a new parks superintendent. They recently voted unanimously to hire the St. Louis Park-based company kpCompanies to carry out the national search. According to the Star Tribune, the board has allocated $80,000 to $100,000 to cover all costs like airfares and community engagement sessions. “We are using a new hiring process to hire the superintendent,” Hassan said, adding, “It’s community-based, where the community is going to be part of hiring the superintendent.” The Minneapolis Parks system just won its sixth consecutive title as the best park system in the country. “It’s exciting news,” Hassan said. “It shows that the work we are doing is something that we can feel proud of as a city and as the park board.” But Hassan said there is still a lot of work to do. “Some of the remaining commissioners think everything is perfect, so it will take some time for us to educate them,” he said. “We have a good park system, but there are always challenges, always things that need to be fixed, always room for improvement.” One of the things Hassan wants to see improved is programming for seniors, which the parks offer very little of right now. He said he is excited to take on these challenges with his new progressive colleagues. He knows that all the pieces are in place to make real change, but noted, “It’s like planting seeds. When you plant seeds, it takes time to grow until we eat.” Looking to the future, Hassan said, “I think we are going in the right direction, but things don’t come easy. We are going to have some challenges ahead, and we are going to have good times ahead of us. We just have to prepare. “I’m hopeful. I’m optimistic that things are going to go well, but I am fearless. I am ready to ask the hard questions.”
  22. Siyaasi Xassan Geerash oo kamida Siyaasiyiinta kasoo jeeda gobalka Sool oo ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobalkaas ayaa sheegay in magaalada uu ka bilowday qax baahsan oo ay samaynayaan dadweynaha magaaladaas. Siyaasigan ayaa sheegay in magaalada laga qaxinaayo dadkii nuglaa sida caruurta iyo haweenka, wuxuuna dadweynaha ugu baaqay inay isdejiyaan ayna joojiyaan qaxa ay wadaan. Siyaasi Xassan Geerash ayaa sheegay inuusan dagaalku weli soo gaarin magaalada Laascaanood aysana jirin sabab xiligan magaalada looga qaxo. Dhinaca kale warar soo gaaraaya Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegaaya in labada ciidan ee isku hor fadhiya gobalka Sool ay wadaan diyaargarow dagaal oo xoogan, waxaana muuqata inay gabi ahaanba guul daraysteen dhex-dhexaadin ay wadeen beesha caalamka iyo wadamada deriska, kadib markii labada dhinac mid weliba soo jeediyey sharuudo adag oo uusan la’aantood wada hadal bilaaban karin. Sidoo kale wararka aan ka helayno magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in gudaha magaaladaas laga dareemaayo saan-saanta collaadeed ayna dadweynuhu bilaabeen inay lasoo baxaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana bartamaha magaaladaas siweyn loogu arkayaa dhalinyaro aan qabin tuutaha ciidanka lagu yaqaan oo ku hubaysan qoryaha fudud. Wararka soo gaaraaya PUNTLAND POST ayaa intaa ku daraaya in Soomaaliland ay bilowday inay hareeraha magaalada Laascaanood ay ka qodato dhufaysyada ay ciidamadu ku dagaalamaan, wana tan cabsida ugu weyn ku abuurtay dadweynaha reer Laascaanood, iyagoo ka baqaaya in aakhirka magaalada lagu kor dagaalamo. Daawo Xassan Geerash oo ka hadlay qaxa Laascaanood PUNTLAND POST The post Wararkii ugu dambeeyey xiisada dagaal ee gobalka Sool appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadiisu ay wado qorshooyin badan oo lagu adkeynaayo amniga magaalada Muqdisho iyo guud ahaan kan Gobolada dalka. Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay in ahmiyada koowaad ee Xukuumadiisu ay tahay mid lasiin doono amniga oo uu tilmaamay inay kula xisaabtami doonaan dhammaan shaqsiyaadka ku magacaaban Hay’adaha amniga. Xukuumada Somalia ayuu sheegay in ahmiyad gaara ay u aragto xasilooni ka dhalata Somalia, si buu yiri shacabka Soomaaliyeed ay u helaan fursado ay uga nasankaraan Qaraxyada iyo wax waliba oo dhibaateynkara amniga. ‘’Xukuumadu waxa ay amniga ka leedahay qorshooyin cadcad, waxaanu wakhtiga ugu badan galin doonaa amniga, xasiloonida iyo in shacabka ay ka badqabaan dhac iyo boob’’ ‘’Qorshaha aan damacsanahay wey adkaan doontaa inuu fulo, si uu u fulo waa in taageero joogta ah aan ka helnaa shacabka’’ Sidoo kale, Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa dadka ka shaqeeya amni darada uga digay inay kusii dhiiradaan waxyaabaha ay ku hanweyn yihiin ee ah dhibaatada ay u maleegayaan shacabka. Haddalka Xasan Kheyre ayaa u muuqanaaya mid ay xukuumada Somalia ku adkeyneyso xaalada amni ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa daboolka ka qaaday sababta ay ciidamadooda uga howlgalaan Somalia tan iyo wixii ka danbeeyay burburka Somalia. Jim Mattis oo ah Xoghayaha Difaca dalka Maraykanka, ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ka jooga Somalia aysan aheyn inay ka qeybqaatan dagaalka. Xoghayaha Difaca dalka Maraykanka, oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in qorshaha ciidamadooda uu yahay keliya inay caawiyaan kuwa Africa, gaar ahaan Somalia. Xoghayaha oo ku sugnaa Xarunta Waaxda Gaashaandhiga ee dalkaasi ayaa sheegay in Milliteriga Maraykanka ka jooga Afrika yihiin kuwo halkaasi u jooga inay Ciiddanka dalalkaasi siiyaan Tababar iyo La talin ku adaan sida ay u socoto Hawshooda, sida uu hadalka u dhigay. Jim Mattis waxa uu carrabka ku adkeeyey inaysan Ciiddanka Maraykanka Somalia u joogin inay dagaalamaan ama ka qeyb gaalaan Hawlgalo. ‘’Qorshaha ciidamadeena ku joogan Africa, gaar ahaan Somalia waa inay la taliyaan ciidamada DF ama ay bixiyaan tababaro ay isaga difaacayaan Shabaabka’’ Sidoo kale, Jim Mattis waxa uu tibaaxay in xiligaani Mareykanka uusan Somalia ka joogin ciidan fuliya duqeyn cirka ah, hase yeeshee ay garanayaan goob ay ka fulin karaan weerarada hadii ay u baahdan. Dhawaan waxaa Somalia lagu dilay Saddex Alifle Alexander Conrad oo ku baxay Weerar ka dhacay Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo, xilli ay Milliteriga Maraykanka taageero siinayeen boqolaal Ciiddamo isugu jiray Somali iyo Kenyan. Lama cadeyn in ciidamadu ay kusii nagaan doonaan Somalia iyo inkale, waxaana suuragal ah inay ku ekaadan xarumo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com