Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,280
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qeybtii 3-aad, Halkan kala soco qeybtii hore – Maxkamadda Gudaheeda iyo Maraggii dacwadda Arrinta xiisaha lihi waxa ay ahayd in maxkamadda gudaheeda ay markii ugu horreysay dib ugu kulmeen Cali iyo Lindhout, muddo ku dhowaad toddoba sano ah kaddib, afduubkii ay isku soo barteen xaalad aad uga duwan tan ay hadda isku arkeen. Lix sano ka hor ay Amanda maxbuus ayaa ay u ahayd koox uu Cali ka mid yahay ama ugu yaraan la shaqaynayey, maanta isagii ayaa maxbuus u ah maxkamad ka shaqaynaysa in ay soo celiso sharafta Amanda oo ay tusto in meel ka dhici lagu sameeyey garsoor helayo. Amanda Lindhout waxa ay taagnayd meel dhowr tallaabo oo keliya u jirta edegga eedaysanaha ee maxkamadda gudaheeda. Waxa aanay ka sheekaysay wixii ku qabsaday duleedka Muqdisho iyo kaalinta ay iyadu ku doodayso in uu Cali Cumar Adeer ku lahaa waxa dhacay. Amanda waxa ay ugu horreynba caddaysay in ay si fiican u garanayso eedaysanaha, oo aanay aqoon garasho ahi isugu laabnayn, laakiin magaca Cali Cumar Adeer aanay hadda ka hor maqlin. Waxa uu magaciisa ku sheegi, oo ay u taqaanna Aadam. Amanda Lindhout waxa ay sheegtay in, si ka duwan sida uu sheegtay, aanu Cai ahayn nin goobtii afduubka marti ku ahaa ama qasab ku joogay oo afduubnaa. Balse uu ahaa taliyaha hoggaaminayey kooxda afduubka. Afduubayaasha oo dhamina si ixtiraam iyo ka dambayn leh ayaa ay ula dhaqmayeen Aadam. Amanda waxa kale oo ay meesha ka saartay doodda Cali ee ahayd in aanu isagu ogeyn in la jidh dilay ama la kufsaday gabadhan, waxa aanay hoosta ka xariiqday in isaga laftiisu uu ka mid ahaa dadka ciqaabaya, iyada oo si gaar ah u xustay mar uu ugu hanjabay in qafaalashadeedu ay tahay ficil diini ah, “Allaah ayaa I faray in aan madaxfurasho ka qaato Lindhout iyo Brennan.” Ayaa sheegtay in uu ku yidhi. Waxa kale oo ay maxkamadda ka hor sheegtay in Cali uu marar badan u iman jiray isaga oo u sheegaya in uu doonayo in uu guursado. “Sida hanti yar oo ay leeyihiin ayaa ay ii arkayeen” Ayaa ay ku calaacashay Amanda. Oo iyada oo aad u ooyeysa maxkamadda u sheegtay in muddadii ay kooxdan gacanta ugu jirtay ay kula kaceen garaacis iyo kufsi aanay u kala hadhin. Xaalad silic iyo uskag ahna ay ku hayeen. Marka ay saxariirkaas ka sheekaynaysayna waxa ay tusaale u soo qaadatay in qolalka lagu xidhayey ay ahaayeen kuwo qudhun ah oo jiir ka buuxo, illaa xad uu xitaa jidhkeeda dul yaaci jiray, badnida awgeed. Amanda buuggeeda ‘A House in the Sky’ oo ay wada qareen Sara Corbett waxa ay ku sheegtay in Aadam uu u sheegay in uu marka hore macallin ahaan jiray, ‘Ka hor inta aanu ku lug yeelan jihaadka’ ayaa ay tidhi. Waxa uu ahaa aabe dhalay laba carruur ah, waxa aanu inta badan ka shaqayn jiray meelaha ka baxsan Muqdisho. Intii uu socday dhegeysiga dacwadda Cali Cumar Adeer, waxa ay maxkamaddu marag ahaan ugu yeedhay, Nigel Brennan, oo ah ninkii Amanda la’ la afduubay ee reer Ustareeliya. Kaas oo isaguna sheegay in isla maalintii la afduubayba uu Cali u yimi oo is baray. Nigel waxa uu sheegay in uu u arkayey nin waxoogaa waxbarasho ah leh, oo aanay xaaladdiisa nololeed xumayn. Waxa uu afka ingiriisiga ugu hadlayey si ka fiican dhammaan raggii kale ee afduubka u haysay. Ayaa uu sheegay. Sawirqaade Nigel intii uu gacanta ugu jiray kooxda afduubtay waxa uu aqbalay in uu muslim noqdo, isaga oo arrintaas ka warramayana waxa uu sheegay in Muslimnimadaasi ay naftiisa badbaadisay, waayo waxa ay ka caawisay in uu la qabsado duruufta ku xeeran. Islaamnimadaas ayaa ka caawisay in uu yeesho jadwal maalmeed habaysan, oo maalintii shan jeer uu tukado, hawlihiisana shantaas jeer ku kala qorsheeyo. Waxa kale oo uu ka faa’iiday in ay intii hore isaga soo dhowaadaan afduubayaasha, iskagana faham fiicnaadaan. Nigel waxa uu sheegay in kooxda afduubku ay siisay kitaabka Qur’aanka Kariimka ah o oafka Ingiriisiga ku macnaysan, isaga oo ka hadlaya waxa uu ka faa’iiday kitaabkaasna waxa uu yidhi, “In aan helo Kitaabka Qur’aanku waxa ay ii ahayd awood aanay wax loo dhigaa jirin. Waxa aan ka helay aqoon la xidhiidha diinta Islaamka iyo in aan fahmo dadka aan la macaamilayey” ayaa uu yidhi Nigel Brennan. Isaga oo sababta uu u muslimay ka sheekaynayana waxa uu ku andacooday in uu doonayey, “In ay afduubayaashu u arkaan in uu bani’aadam yahay, iyo in ay ku adkaato in ay dilaan, maadaama oo uu muslim yahay, dilkiisuna xaaraan ka noqonayo” Kooxda afduubku waxa ay keeneen kitaab keliya oo ah Qur’aan lagu hoos qoray macnihiisa oo afingiriisi ah, kaas ayaa labada maxbuus marba mid loo geyn jiray. Amanda iyo Nigel kitaabkan in ay akhriskiisa waqtiga isku dhaafiyaan, aqoonna kala baxaan oo keliya kama ay faa’iidin. Waxaa u dheeraa in ay ka dhigteen aalad ay ku xidhiidhaan, oo sida uu Nigel sheegay, mid kastaa marka kitaabka loo geeyo, waxa uu hoosta ka xariiqi jiray ereyada ingiriisiga ah ee ku jira macnaha Qur’aanka ee la midka ah waxa ay doonayaan in ay isu sheegaan. Ka kale marka uu soo arko, ee fahmo isna ujeedka ereyadan calaamadsan, jawaabta waxa uu isna ka dhigi jiray in uu calaamadiyo kelmado filqan oo ujeedkiisa gudbin kara. Mid kastaa ereyada uu isticmaalay bogagga ay ku yaallaan tiradooda ayaa uu ku qori jiray jaldiga hore ee buugga, si ka kale uu u raadsado. Si kastaba ha ahaato ee, oo marka hore ahaan jiray kiristaan aan ku camal falin diintiisu, imika marka la weydiiyo, waa uu ka gaabsaday in uu caddeeyo in uu weli muslimnimadii haysto iyo in markii la soo daayey uu ka noqday. Waxa se’ uu caddeeyey in uu cafiyey afduubayaashii, oo aanu doonayn in Cali loo xukumo dembiga uu isaga Nigel ahaan ka galay. “Cafisku waa habka ugu sarreeya ee lagu cabbiri karo jacaylka, waxa aanu bulshada ka dhigaa mid horusocod ah.” ayaa uu Nigel sheegay. Isaga oo mar kale Cali ugu cudur daaraya duruufaha Soomaaliya ka jirana waxa uu yidhi, “Waxaa dhici karta in aniguba haddii aan duruuftaas nololeed oo kale ku jiri lahaa, oo qoys biil iyo nolol iga sugaya aan ku dhex haysan lahaa dal sidan u qasan, aniga oo aan wax lacag ah xoogsan karin, ay dhici karto in aan sidooda oo kale yeeli lahaa” ayaa uu yidhi Nigel. Nigel Brennan oo sannadkii 2011 soo saaray buug uu u bixiyey, ‘The Price of Life’ waxa uu sheegay in markii uu afduubnaa aanu sidan u fikirayn oo uu ku hammiyi jiray in uu mar uun arko kooxdan oo dhammaantood dhintay, oo weliba si silic ah u dhimanaya. Laakiin hadda waa uu isbeddelay. Nin Soomaali ah oo Cali ku marag furay Intii dhegeysiga dacwaddu socday, waxaa kiiska soo galay nin Soomaali ah oo isagu deggen Kanada, ninkaas waxaa sheekada soo geliyey Amenda Lindhout hooyadeed, oo ka codsatay in uu soo dhexgalo iyada iyo ninka Soomaaliya ka soo hadlaya ee Aadam (Cali Cumar). Amande hooyadeed waxa ay ku fikirtay in ninkan Soomaaliga ahi uu iyada kaga fiicnaan doono la xaajoodka afduubayaasha, maadaama oo uu afkooda kula hadlayo, lagana yaabo in dhaqanka uu garanayaa ka caawiyo in uu waxbadan ka fahmo nimankan iyo waxa laga yaabo in uu u qarsoon yahay. Ninkan Soomaali-Kanadiyaanka ah oo aanay ii suurtagelin in aan magaciisa helo ayaa marka uu Cali iyo kooxda afduubka la soo hadlo, waxa duubi jiray hadallada ay isweydaarsadaan. Markii dambe ee maxkamaddu hadalladaas dib u dhegeysatayna waxaa soo baxay in Cali aanu sida uu sheegayo afduubnayn, balse runtu tahay tii uu markii hore sheegay ee ah in uu kaalin fiican ku lahaa go’aamada iyo qorsheyaasha ay ku socdaan kooxda afduubku. Isaga oo mararka qaarkood ninkan Soomaaliga ah u muujinaya in aanu kooxda afduubka ka mid ahayn, balse uu saamayn awood badan ku leeyahay, ayaa waxa uu isticmaalayey ereyo uu ku muujinayo in uu isagu qolada afduubka cadaadis saaray, intii awooddiisa ah. “Waa ay I maqlaan aniga … Marmarka qaarkood waa aan ku qayliyaa, oo aan u sheegaa in ay waqti i yara siiyaan, si aan fursad ugu helo wadaxaajoodka aan kula jiro qoysaska lahaystayaasha oo aan heshiis la gaadho.” Ayaa ka mid ahaa hadallada uu Cali ninka Soomaaliga ah ku yidhi, ee marka dambe maxkamadda lagu dhegeystay. Hadalka taleefanka uu Cali kagala soo hadlay ninka Soomaaliga ah ee caawinayey qoyska Amanda Lindhout, ayaa waxa kale oo ku jira Cali oo leh, “Mar hore oo caawa ahayd, waa aan la hadlay, [Afduubayaasha] oo weliba aan ku qayliyey. Xitaa qayladayda awgeed waa ay xanaaqeen oo ay igu yidhaahdeen, xaq uma lihid in aad nagu qayliso, adiga oo aan lacagtii madaxfurashada ahayd noo haynin” Hadalladan ayaa ahaa kuwo Cali uu doonayey in uu ninka Soomaaliga ah iyo qoyska uu wakiilka ka yahay ku dhiirrigeliyo in ay dhaqso hawsha bixinta madaxfurashada u soo dhammaystiraan. Isdiidooyinka ku jira hadallada Cali waxa kale oo aad loo dareemay, mar maxkamadda dhexdeeda su’aalo talantaalli ah lagu boobay, kaddibna uu sheegay hadallo burinaya kuwii uu hore u sheegay. Inkasta oo marka hore uu sheegay in qori caaradii uu kula soo hadli jiray qoysaska afduubayaasha, waxa uu odhanayaana ahaayeen waxa ay u sheegaan oo keliya, haddana markan dambe waxa uu qirtay in aanu ahayn maxbuus u xidhan nimankan. Waxa kale oo uu sheegay in aanu meel la deggenayn afduubayaasha, iyo haddana mar kale in ay fasixi jireen marka uu maqaaxiyaha ka soo cuntaynayo, iyo xitaa marka uu ka soo shaqaynayo xafiiskiisa oo ahaa xafiis wakaalad socdaal oo tigidhada diyaaradaha jara. Maxkamadda Horraantii bishii Laba iyo tobnaad ee 2017 ka ayaa ay maxkamaddu soo gabgabaysay dhegeysiga dacwadda ka dhanka ah Cali Cumar Adeer. Dacwaddaasi waxa ay khusaysay dembiga laga galay Amande Lindhout oo keliya, maadaama oo aanu ninka reer Ustareeliya ee Nigel Brennan isagu soo dacwoon. Waxa aanay maxkamaddu sheegtay in Cali ay ku heshay dembiga loo haystay oo ah in uu kaalin weyn ku lahaa afduubka Amanda sidaa awgeed uu qaadayo dembiga wixii afduubkaas ka dhashay oo dhan, oo uu ugu horreeyo jidh dilka iyo kufsiga gabadhan lagula kacay. Dacwadda waxaa qaadday maxkamadda sare ee caddaaladda ee dalka Kanada, waxa uu dhegeysigeedu qaatay 10 fadhi, waxa aanu garsooraha dacwaddu ahaa Robert Smith. La soco qeybta xigta insha allah… W/Q: Kamaal A. Cali
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Prof:Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland iyo Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa sheegay in wax aad loola yaabo tahay in Somaliland oo xadkeedii joogto in haddana laga dhigo inay Puntland ku tacadiiday, kuna xad gudubtay, waxaanu xusay inay Somaliland xaq u leedahay inay xadkeeda gaadho, isagoo soo jeediyey in xaalada ka taagan Gobolka Sool, gaar ahaan Tuko-raq, inay Somaliland iyo Somaliya ay ka wada hadlaan. Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dhoofka xoolaha ee uu u Sucuudigu furay, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Somaliland waxay leedahay xadkaygii baan doonayaa in aan gaadho, Puntland waxay ku doodaysaa abtirsiimo, waana laba arimood oo aan is liqi karayn, arimahaas oo kalena ma wanaagsana inay noqdaan mindi mindi ku taag, waxaana wanaagsan in si degan arintan loo galo, Somaliland xaq bay u leedahay inay xuduudeeda gaadho, wax loo baahan yahay maaha in Somaliland oo xuduudeedii ku jirta in laga dhigo inay Puntland ku soo tacadiday, kiiska ay Puntland ka hadlaysana waxaan u arkaa inuu yahay kiis aanu Caalamku fahmi karayn, waxayna ila tahay in arinkan ay Somaliland iyo Somaliya ka wada hadlaan iyadoo cid dhex joogto”. Mar uu ka hadlaayey sida uu u arko dhoofka xoolaha ee uu Sucuudigu furay ayuu yidhi “Waa loo baahan yahay oo xoog baynu ugu baahan nahay in dhoofka xoolaha la inoo furo, waana in laga faa’iidaystaa, waana in la hubsadaa in xoolaha inaga dhoofayaa inay yihiin xoolo tayo leh, oo caafimaad qaba, waayo dhaqaalaheenii oo dhan baa ku xidhan, oo sicir bararka baa ku xidhan, dakhliga dawladda ayaa ku xidhan, waana in la joojiyo wax alaale wixii dhibaato ku ah dhoofka xoolaheena”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  3. Brussels (Caasimada Online) – Midowga Europe waxay shalay shaaciyeen Kaalmo Dhaqaale oo cusub oo lagu maalgelinayo sidii Nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya iyo dalalka kale ee ay colaadaha ka jiraan. Hadal-qoraal oo shalay ka soo baxay Xarunta EU-da ee magaalladda Brussels ee dalka Belgium aya lagu sheegay inay EU-da ku kharaj garanayso lacag dhan 10.5 Billion oo EURO oo u dhiganta 12.4 Billion ee Dollar-ka Maraykanka sidii Qalab Milliteri oo ay ku jiraan Hub loogu iibin lahaa dalalka ay wada shaqeynta leeyihiin ee ku yaalla Deegaanadda ay Colaaduhu halakeeyaan ee ay ka mid yihiin dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika. Kharajka cusub ee EU-da ee Tas-hiilaadka Nabadda ( The new European Peace Facility (EPF) waxa loo baahan yahay sidii Hawlgallo Tababar looga fulin lahaa 4 dal oo Afrikaan, si ay awood ugu yeeshaan inay gacan ka geystaan dadaalka Nabad-ilaalinta ee meel kasta o oka mid ah Caalamka. Madaxa Arrimaha Siyaasadda Dibedda ee Midowga Europe, Federica Mogherini waxay difaacday Kharajka Cusub ee la siinayo dalalka Somalia, Maali iyo Afrikada Dhexe, kadib, markii laga digay in Hubkaasi siyaabo kale loo adeegsado, gaar ahaan dalalka ay Xiisadaha Siyaasadeed iyo Tacadiyadad Xuquuqda Aadanah ka jiraan. Federica Mogherini waxay sheegtay in Kharajkaasi Cusub ee Adeegga Nabadda (EPF) oo u baahan inay mar hore ansixiyaan dhamaan dalalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Europe waxa uu aad u sahli doonaa sidii Deganaansho loogu soo dabaali lahaa Waddamo ay ka mid yihiin dalalka Somalia, Mali iyo Afrikadda Dhexe. Guddiga Garabka Fulinta ee Awoodda badan ee Golaha Europe (European Commission) oo soo bandhigay Hindisaha Kharajka Cusub ee Nabadda waxay arki doonaan Taageeradda xooggan ee dalalka xubnaha ka ah EU-da siiyaan, iyadoo Deeqdaasi Cusub ku jiri karaan Hub. Dalalka xubnaha ka ah EU-da waxay go’aan ka gaari karaan sida loo kharj gareynayo Lacagta EPF, iyadoo loo sii marsiinayo Golaha Europe. Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan EU-da oo la hadlay Wakaalladda Wararka AP waxa uu tilmaamay in Hubka qeyb ka yahay Xirmadda la bixinayo ee dhinac socda Tababaradda, mana noqon doonto muhiimadda ugu weyn ee Kharajka Maalgelinta ee EPF. Sarkaalku waxa uu rajo ka muujiyey in Maalgashigaasi xaqiijin doono guul laga gaaro Hawlgalladda Tababaradda ay EU-da ka wadaan gudaha Dalalka Afrika. Sarkaalka waxa uu ugu dambeyntii hoosta ka xariiqay in Hawlgalka Somalia ay jiraan Kiisas ku aadan Ciiddanka Maxaliga oo iyagu aan awoodi Karin inay ku hawl-galaan Tababaradii la siiyey, sababo la xiriira iyagoo aan haysanin Qalabka asaasiga, sida Kabaha Ciiddamadda ee Buutka. Caasimada Online Xafiiska Brussels Caasimada@live.com
  4. Garowe (Caasimada Online)- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, C/weli Cali Gaas ayaa ka hadlay colaada weli ka taagan Tukaraq, isagoo ku eedeeyay Somaliland inay wado dhibaato, isla markaana dab kusii hurineyso xaalada taagan. Wuxuu sheegay in Puntland ay u bannaan tahay in ay is-difaacdo, maadaama buu yiri duulaan cad lagu soo qaaday, isagoona dagaalka Puntland kula jirto Somaliland ku tilmaamay jihaad cad, Puntland-na ay diyaar u tahay difaac. “Gabadha reer Sool ee Laascaano ku barooraneyso, waxaan u sheegayaa in ilmadeeda dhulka ku dhacaysa ay xiddido hor leh goyneyso oo geeri wayn abuurayso” ayuu yiri C/weli Gaas oo ka hadlayay munaasabada ciidul fidriga. Wuxuu kaloo fariin u diray dad uu ku sheegay inay horgallo u yihiin qorshaha Somaliland ku joogto deegaanada Sool,. “Horgalayaasha dhalashana sheeganayana, dhaqan ahaan waxay yihiin aan garanayno, horta qofka bini-aadamka arsaaqdiisa waa la qoray waana helayaa, laakiin waxay ku kala duwanyihiin qofna inuu meel xun u maro, qofna meel wanaagsan u maro, laakiin waxaan leeyahay wixiii la idiin qoray waad helaysaan, hadaa diidaan waxaad ka helaysaan ayaan ogaan doonaa inshaa allaah inaad Adduunyada ceeb ku noolaataan Aakhirana aad cadaab gashaan ayaan idiin rajaynayaa.” “Mouse Biixi iyo jeegaantiisa, waxay qatar ku yihiin ma ahan Puntland iyo Sool kaliya, ee waxay qatar ku yihiin idinka laftigiina, waad og tihiin dad dhan oo reer Somaliland ah ayaa dhib hor leh uu la yimid, waa in la qabto, isaga naftiisana qatar ayuu ku yahay inta la noolna qatar ayuu ku yahay” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo fariin u diray shacabka Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com
  5. Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng Cabdixakiim Cabdulaahi Camay ayaa weerar afka ku qaaday dadka loogu yeero wakiiladda beesha caalamka, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin dad u wareegaya danahooda gaarka, Islamarkaana aysan waxba ka bedeli doonin mowqifka Puntland ee ku aadan xoreynta Gobolka Sool. Eng Camay ayaa ku eedeeyay wakiiladda beesha caalamka inay iska indho tireen dhibaatadda maamulka Somaliland uu u geysanayo shacabka Gobolladda Sool,Sanaag iyo Cayn wuxuuna sheegay inaysan beesha caalamku ka hadlin maalin qudha dibad baxyadda ka socda Laascaano iyo Deegaano kale kuwaas oo uu sheegay maamulka Somaliland inuu dhibaato ugu geystey shacab tiro badan. Ugu dambeyntii Madaxweyne Camay oo la hadlaya kumanaan qof oo uu salaadii Ciidul fidriga kula tukaday Garoonka Kubbadda Cagta ayaa ka codsaday inay ku garab istaagaan Ciidamadda iyo Dowladda Puntland dadaalka ay ugu jiraan soo celinta Laascaano iyo Deegaano kale oo iminka ay ka taliso Somaliland. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo eedeyn u jeediyay beesha caalamka. appeared first on Puntland Post.
  6. Alarmed by the worsening human and trade union rights situation in Somalia, the Chair of the Subcommittee on Human Rights, Mr Pier Antonio Panzeri made the following statement: Source: Hiiraan Online
  7. There were no words needed when the two strangers, one Russian, the other Egyptian, crossed paths on a downtown street here late Friday morning. Source: Hiiraan Online
  8. Colladda ka dhex jirta awgeed labo beelood oo walaalo ah waxaa maanta labo goobood oo kala duwan ay ku tukadeen shacabka ku nool degmadda Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag. Ciidaan oo noqonaysa middii saddexaad oo sidaan oo kale ay ugu kala tukadeen labo masjid shacabka Ceel-Afweyn ayaa misna tilmaamaysa inay noqotey degmadda kaliya oo maanta si ka duwan guud ahaan dalka Soomaaliya looga ciiday. Muuqaalo ay soo gudbiyeen wariyaal madax banaan ayaa lagu arkayaa saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Somaliland oo halkaaas u jooga hawlgalo la xiriira kala dhexgalida dirirta deegaankaas ku dhexmarta labo beelood oo walaalo ah oo kasoo jeeda waqooyiga dalka Soomaaliya. Isku soo wada duuboo colaadda ka jidha deegaanka Ceel Afweyn oo aan weli loo helin xal heshiis waxay sababtey dhimashada dad kor u dhaafaya 40 qof oo isugu jira rag iyo dumar kuwaas oo kasoo kala jeeda dhinacyadda colaaddu u dhaxeyso. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST. The post Degmo ka tirsan Gobolka Sanaag oo maanta looga ciiday si ka duwan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  9. Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maanta kormeeray Isbitaallo ku yaala Muqdisho gaar ahaan Madiina iyo Rajab Dayib Erdogan ayaa sheegay inay dowladdiisu kaalin mug leh siinayso horumarinta iyo dib u habeynta goobaha iyo adeegyadda caafimaad ee ciidamada qalabka sida. Madaxweynaha oo warbixino ka dhageystay Agaasimayaasha iyo dhakhaatiirta Isbitaalladda ayaa gaarsiiyay qalab caafimaad oo loogu talagalay gargaarka deg dega iyo agabyo kale wuxuu gaarsiiyay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho. “Intii uu ku guddo jirey kormeerka wuxuu isdul taagay Mudane Farmaajo xaaladda bukaannadda iyo dhaawacyo ka tirsan ciidanka Dowladda Federalka wuxuuna yiri isagoo la hadlaya “ dhaawacani waxay idin soo gaareen idinka oo difaacaya qarankeena, dadnimadeena, sharafteena, waana arrin ay idin ogsoon yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo dowladuba, sidaas darteed waxaan idin xaqiijinayaa inaan mar kasta dadaal u galayo daryeelkiina” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Muqdisho:- Madaxweyne Farmaajo oo maanta la ciiday bukaano jiifa Isbitaallo appeared first on Puntland Post.
  10. A US drone strike in eastern Afghanistan has killed Mullah Fazlullah, one of the world’s most wanted terrorists and chief of the Pakistani Taliban, sources in Afghanistan reported Friday. A tribal leader from Afghanistan’s Kunar province, Jahan Sardar, said that “five people including Mullah Fazlullah were killed on 13 June, at 10 pm (1730 GMT). Another four Pakistani Taliban were killed in the attack, which was carried out by a drone.” A spokesman for the Afghan Defense Ministry confirmed the information, citing US sources. However, a spokesman for the US forces in Afghanistan on Friday would only confirm that a “senior leader of a designated terror organization” had been targeted in a drone strike in Afghanistan’s Kunar province on Wednesday. A spokesman for the Pakistani army said it could not confirm that Fazlullah was killed in the drone strike. Mullah Fazlullah was elected to lead the Pakistani Taliban in 2013 after the death of his predecessor, Hakimullah Mehsud, in a US drone strike. He ordered the attack on the world’s youngest Noble Laureate, Malala Yousafzai, in 2012. In March, the US State Department announced a 5-million-dollar reward for information leading to Fazlullah. Pakistani political and military leaders have demanded that international and Afghan security forces take firmer action against Fazlullah’s group, which is currently said to be based in Afghanistan. Source: Daily Sabah
  11. Madaxda ugu sareysa Puntland ayaa maanta qobolaal shacabka magaalada Garowe ah kala qeyb galay tukashada salaadii ciidul fidriga. Salaada Ciida oo lagu tukadey garoonka kubada cagta Mire Awaare ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Gudomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi iyo ku xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha, saraakiisha ciidamada Puntland, isimo, cuqaal, nabadoono, waxgarad, siyaasiyiin, aqoon yahano, culumo iyo shacab weynaha caasimada Puntland. Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo munaasabada ka hadlay ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan midnimada sidoo kalena Dowladda ka codsaday in ay sii wadaan howlgalada cadowga looga xoraynayo goobaha ay ku hareen. Dhinaca kale Madaxweyane ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cumar Camey oo hadal kooban munaasabada ka jeediyey ayaa ku dheeraaday difaaca Puntland, isagoo shacabka ugu baaqay in ay ka qayb qaataan xoraynta golbolka Sool iyo guud ahaan difaaca dalka isagoo dhanka kale hambalyo u diray ciidanka Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa hambalyo u diray ummada Soomaaliyeed iyo shacabka reer Puntland meelkastay joogaan munaasibada ciidul fidriga darteed, waxaana uu madaxweynuhu sheegay in Puntland ka jirto nabad gelyo sugan oo boqlkiiba boqol laysku halayn karo. Sidoo kale Madaxweyana Puntland ayaa ka hadlay colaada gobolka Sool oo uu ku eedeeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo uu ku sheegay nin waalan. “Shacabka reer Puntland mid baan dhahayaa, shacabka gobolka sool iyo horgalayaasha Soomaali diidkana mid baan dhahayaa, dadka reer waqooyi galbeedna mid baan dhahayaa, dadka reer Puntland waxaan dhahayaa, dalka waa lagu soo duulay, haddii lagu soo duulay naftaadii maalkaagii iyo dhulkaagii waxa kaliya ee lagaa rabaa waa inaad is difaacdo, waxaa la rabaa in aan marmarsiiyo loo samayn nabadda waan jecel nahay waligayana waan ka shaqayn jirnay, laakiin haddii la garan waayey oo duulaan bareer ah lagugu soo qaaday waa inaad is difaacdaan, waxaan isku difaacanaa midnimo iyo wadajir, jihaadka la galayaa waa mid sax ah oo dhab ah, nin gar darana ma guulaysanayo, dadweynaha reer Sool waxaan u sheegayaa in Puntland ay diyaar u tahay difaacooda iyo xorayntooda gabadha reer Sool ee barooranaysa waxaan u sheegayaa, in ilmadeeda dhulka ku dhacaysaa ay xidido hor leh qoynayso, in ay geedo weyn abuurayso, horgalayaasha jeegaanta waxaan leeyahay cunadiina wadada wanaagsan u mara, waad helasaane haddaad diidaana waxaad ka heshaan ayaan ogaan doonaa, in aad adduunka ceeb ku noolaataan aakhirana ciqaab mudataan ayaan idiin rajaynayaa, ummadda waqooyi galbeed waxaan leeyahay anagu dad meel degan kuma aanu duulin mana rabno ee Muuse iyo jeegaantiisa waxay khatar ku yihiin waa idinka jiritaankiina, ma ahan kaliya anaga xataa wuxuu dhibaato u gaystay dad reer Somaliland ah, qofka waalani naftiisa iyo umaddaba khatar buu ku yahay, waxaa waajib idinku ah in aad iska qabataan si aad ummadda kale wadajir iyo deris wanaag ugula noolaataan” ayuu yiri Madaxweyne Gaas. Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamede Cali Gaas ayaa Alle uga baryey shacbka reer Puntland in ay sanadkan sanadkiisa ay ku gaadhaan rajo wadajir, midnimo iyo amni waara. PUNTLAND POST The post Madaxda Puntland oo salaadii ciida la tukaday shacabka Garowe appeared first on Puntland Post.
  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray Isbitaallada Xoogga Dalka, Madiina iyo Rajab Dayib Erdogaan ayaa sheegay in dowladdu ay kaalin mug siineyso horumarinta iyo dib-u-habeynta goobaha iyo adeegyada caafimaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Madaxweynaha oo warbixinno ka dhageystay Agaasimeyaasha iyo dhakhaatiirta Isbitaallada uu booqday ayaa qalab caafimaad oo loogu tala galay gargaarka deg-degga ah iyo agabka wax lagu baaro waxa uu gaarsiiyay Isbitaalka Madiina. Madaxweynaha ayaa inta uu ku guda jiray kormeerkan waxa uu dul istaagay xaaladaha bukaannada iyo dhawaacayada ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo shacabka lagu dabiibayo Isbitaallada Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliiska Soomaaliyeed. “Dhaawacyadani waxa ay idin soo gaareen idinka oo difaacaya qarankeenna, dadnimadeenna iyo sharafteenna, waana arrin ay idiin ogsoon yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo dowladduba. Sidaas darteed, waxaan idiin xaqiijinaya in aan markasta dadaal ugu jirno daryeelkiinna caafimaad.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo askar dhaawac ah kula hadlay Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka. Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha qalliinka, raajada, bukaan-jiifka iyo kaydka ee Isbitaallada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Madiina iyo Rajab Dayib Erdogaan, isagoona sidoo kale dul istaagay qeyb cusub oo dhawaan loo dhameystiray Isbitaalka Xoogga Dalka oo ay u idil yihiin agabyada qalliinka, bukaan-jiifka iyo daaweynta. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey dhakhaatiirtii uu kula kulmay Isbitaallada uu kormeerka ku tagay shaqada wanaagsan ee ay bulshada u hayaan, isagoona kula dardaarmay in ay sii dardargeliyaan daryeelka caafimaad ee ay u fidiyaan bukaannada.
  13. The Galaxy Note 9 has some significant upgrades, but it has lost its headline feature and will be an incremental update at best. The reason is that Samsung is working on something far more exciting and now we know it will also be far more expensive… Source: Hiiraan Online
  14. National Assembly Majority Leader Aden Duale has refuted claims that most Somali businessmen are involved in illegal trade. Source: Hiiraan Online
  15. A US drone strike in eastern Afghanistan has killed Mullah Fazlullah, one of the world's most wanted terrorists and chief of the Pakistani Taliban, sources in Afghanistan reported Friday. Source: Hiiraan Online
  16. Oral arguments were made before a three-judge panel from the Eighth Circuit Court of Appeals, June 18, in Saint Paul on behalf of Guled Omar, Mohamed Farah and Abdirahman Daud, who were found guilty of conspiracy to commit murder abroad in 2016. Source: Hiiraan Online
  17. A unique idea is about to become reality for Minneapolis Police Chief Medaria Arradondo. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Noocyada kala duwan Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaan saakay isticmaali karin dhammaan Isgoyska Banaadir ee Muqdisho. Ciidanka tuban waddooyinka ayaa gaadiidleyda ku amraya in ay isticmaalan waddooyinka kale. Ciidanka ayaa gaadiidka ka celinaya isgoosyda Banaadir, Dabka, Faralonsa, Sanca, Shaqaalaha iyo dhammaan wadooyinka kale. Dadka Muqdisho ayaa cagtooda maalaya maadama wax gaadiid ah aanu ka soo gudbi karin Isgoysyada aan soo sheegnay. Ciidamada qaar ayaa lacago sharci darro ah ka qaadanaaya Mootooyinka ay la socdaan shacabka ciidaya ee u kala gooshaya waddooyinka xaafadaha ee u dhexeeya isgoosyada. Dadka Muqdisho ayaan bisha ramadaan ilaa manta oo ciid ah aan helin farxad ay ku caweeyan, waxa ayna dadka qaar tani ku sifeeyen caburin. Madaxweynaha dowladda federaalka soomaaliya ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay in si degdeg ah loo furo waddooyinka xiran oo shacabka loo daneeyo. Xirnaashaha saakay ee waddooyinka qaar ayaan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa iyo waxa gadiidka aanan u isticmaali karin waddooyinka qaar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweyne Donald Trump ayaa hadalkaasi ku sheegay Qoral uu dhawaan u diray Afhayeenka Aqalka Wakiiladda iyo Afhayeenka KMG ee Senedka Maraykanka, oo uu kaga warbixinayey daad-gureynta Ciiddamadda Maraykanka ee Hawlgalladda ka wada dalal ka tirsan Caalamka. Webssaytka Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ee whitehouse.gov oo lagu soo daabacay Khudbadii Donald Trump oo dhamaystiran ayuu ku sheegay inay Maraykanka sii wadaan sidii ay Saaxiibadooda ku sugan Calaamka kala shaqeyn lahaayeen La-dagaalanka Kooxaha Daacish iyo Alqaacida Waxa uu intaasi ku daray in si gaar ah diiradda loo saarayo Deegaanadda ay Talisyadda Dhexe iyo Afrika mas’uul ka yihiin. Mar uu Warbixintiisa kaga hadlayey Bariga Afrika waxa ku shaaciyey inay Ciiddamadda Maraykanka weli wadaan dagaalka looga hortagayo Khatarta Daacish iyo Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay. Qoraalka uu Donald Trump u gudbiyey Kongareeska waxa kale oo uu ku muujiyey inay Ciiddamadda Maraykanka taageero, La-talin iyo Dagaal-gelin siiyaan Ciiddamadda Gobalka, oo ay ku jiraan Ciiddanka DFS iyo kuwa Hawlgalka AMISOM. Dhinaca kale, Donald Trump waxa uu xaqiijiyey inay Ciiddamo dheeraad ah u daad-gureeyeen dalka Somalia, si ay taageero uga geystaan Hawlgalladda Dagaal ee La-dagaalanka iyo kuwa kale ee laga wado Mandiqadda Bariga Afrika, waa sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, Donald Trump waxa uu sheegay inay sii wadayaan Wada-shaqeynta ay Dowladda Jabuuti la leeyihiin, oo iyadu u fasaxday Ciiddamadda Maraykanka inay isticmaali karaan Xuduudaha Jabuuti. Dhinaca kale, Donald Trump waxa uu tilmaamay inuu Ciiddamo dagaalama u diray Talisyadda dhowr goobood oo ku yaalla Bartamaha Maraykanka, Europe, Afrika iyo Passific. Donald Trump waxa kale oo xusay inay Ciiddamadda Maraykanka hawlgallo ka wadaan dalalka Bariga Afrika, Iraq, Lubnaan, Syria, Gacanka Carbeed, Turkiga, Urdun, Libya, Afganistan iyo Cuba. Si kastaba ha ahaatee, Warbixinta uu Donald Maraykanka u gudbiyey Afhayeenka Aqalka Wakiiladda iyo Afhayeenka KMG ee Senedka dalkiisa waxay ku soo beegantay, iyadoo uu Senator ka tirsan Kongareeska Maraykanka ku baaqay in la joojiyo Dhaqaalaha la siiyo Ciiddanka DFS. Senator Rand Paul oo ah Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka La-socka Kharashaadka Federalka iyo Maareynta Gurmadka ee Aqalka Senedka Maraykanka waxa uu ku eedeeyey inay qaar ka tirsan Ciiddanka DFS xubhno ka yihiin Alshabaab iyo in 920 carruur ah la askareeyey, laguna khasbo inay dagaalamaan, waa sida uu hadalka u dhigay. Xukuumadda Federalka Somalia weli kama jawaabin Eedeymaha uu u soo jeediyey Senator Rand Paul Source: whitehouse Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo khudbad kooban uu kaga hadlayay Hambalyeynta Munaasabadda Ciidul Fidriga ayaa ku soo hadal qaaday ammaanka Magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in amniga dalka ay caqabad ku yihiin xoogaga ururka Al-shabaab, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ciidamada, si looga hortago weerarada Shabaab. “Waxaan u mahadcelinayaa ciidamada qalabka sida oo ah ciidamada xasilinta, oo habeen iyo maalin u taagnaa sidii shacabka ay uga difaaci lahaayeen qolooyinkan hororka ah oo caadeystay in ay qaraxyo ka geystaan magaalada Muqdisho oo ay ku laayaan shacab, Culimo, Ciroole iyo Dumarba.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Dowladda federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in ay ka shaqeyneyso sidii ay magaaladan ugu soo dabaali laheyd ammaan iyo xasilooni, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nolol wanaagsan. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ururka Al-shabaab uga digay in ay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna uga baaqay in ay ka waantoobaan arrimahaasi, oo ay joojiyaan daadinta dhiigga. “Waxaan uga digayaa qolooyinka argagixisada ah oo nabadiidka ah oo caadeystay in ay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed, in ay ka waantoobaan oo ay joojiyaan dhibka ay shacabka ku hayaan, waxay dowladda ka shaqeyneysaa sidii ay uga hortagi laheyd falalkaasi argagixisada ah,” Ayuu markale yiri Madaxweynaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Munaasabadda Ciidul-Firdiga ugu Hambalyeeyay dhammaan Muslimiinta gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed ee soo dhameystay bisha Barakeysan ee Ramadaan, isaga oo u rajeeyay in Allah uu ka aqbalo acmaasha Soonka. Ra’iisul wasaaraha ayaa hambalyo taa lamid ah u diray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed gaar ahaan ciidamada Sugayay amniga caasimadda ee suurageliyay in bisha Barakeysan ee Ramadaan si nabad ah looga soomo caasimadda dalka. “Waxa aan Hambalyo u dirayaa Muslimiinta oo dhan gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed oo aan la wadaagayo farxadda Munaasabadda Ciidul-Firdiga. Waxa aan sidoo kale hambalyeynayaa una mahadcelinayaa ciidanka qalabka Sida ee Soomaaliyeed si gaar ah ciidanka sugidda amniga caasimadda oo suura geliyay in si nabad ah lagu dhameysto bisha Barakeysan ee Ramadaan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed u rajeeyay in sanadka danbe ay ku gaaraan barwaaqo iyo horumar. Bisha Ramadaan ee dhamaatay ayaa noqoneysa bishii ugu horeysay ee si nabad ah looga Soomo caasimadda Dalka Taariikhda dhaw, iyada oo arintaas amaanteeda ay leeyihiin laamaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed ee iska kaashaday sugidda amniga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. My uncle, Abdulrahim Abby Farah, who has died aged 98, progressed from the back streets of Barry, in south Wales, to become, by the time of his retirement, the United Nations assistant secretary general for special political questions. Source: Hiiraan Online
  23. At least 53 people were killed and some 229,000 others affected by tropical cyclone Sagar that caused heavy rains and flooding in Somaliland and Puntland in northern Somalia in May, the UN humanitarian agency said on Thursday. Source: Hiiraan Online
  24. The Somali Community Board of South Africa claims the man behind a mosque attack in Malmesbury had a history of mental illness. Source: Hiiraan Online
  25. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa shaaciyey in maalinimada berrito ay tahay ciid, hambalyona u diray ummada Muslim ka ah iyo shacabka Soomaliyeed munaasibada ciidul Fidriga darteed. Madaxweynaha ayaa si gaara ula wadaagey farxada ciidul fidriga shacabka reer Puntland meelkastay joogaaan, waxaana u dhammaantood ilaahay uga baryey inuu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo farxad, caafimaad qab, nabad gelyo, horumar iyo wadajir. “Ciid Mubaarak, ciid wanaagsan dhamaantiin meelkasta aad joogtaan, waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo shacab weynaha Soomaaliyeed bilashada ciida soonfur gaar’ahaan shacab weyanha Puntland meelkasta oo ay joogaan, mid difaac ku jira, mid nabad gelyada ilaalinaya, mid sharwadayaasha dalka ka ilaalinaya, meelkasta aad joogtaan waan idin salaamayaa, waan idiin hambalyeeynayaa hadaad culimo tihiin, haday dhaqan yihiin, haday dhalin yaro yihiin, haday dumar yihiin, dadka Puntland meelksta ay joogaan, waxaan leeyahay sandka sandkiisa barwaaqo ku gaara, kugaara wadajir, kugaara midnimo, ku gaara inaad dalkiina difaacataan, Alle hanaga aqbalo acmaasha aan sameeysanay bishii Ramadaan meelkasta aad joogtaaan, waxan idin leeyahay Hamblyo caafimaad Alle ha’idinku gaarsiiyo nabad gelyo Guul, Midnimo iyo Horumar ayaan idiin rajeeynayaa, Waad Mahadsan tihiin”Ayuu yidhi Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Ugu Danbeyn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si gaara hambalyo ugu diray ciidanka qalabka sida ee Dawladda Puntland, kuwaas oo uu xusay inay yihiin kuwa sugaya amaankeena xiliga aan gudanayno waajibaadka Alle ina faray =Dhammaad= PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo ku dhawaaqay in Bari ay tahay Ciid appeared first on Puntland Post.