-
Content Count
211,114 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
As a youngster Somali-born Liban Abdi dreamed of playing for Norway but now hopes things improve in the country of his birth so he can play for them. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusa Mareeb (Caasimadda Online) – Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug,kuwaas oo kulankooda uga hadlay inay gudbiyeen mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Cali Gacal Casir. Xildhibaanada shiray oo tiro ahaan lagu sheegay 89 ayaa waxa ay mooshinka ay ka wadaan guddoomiye Cali Gacal Casir waxa ay u gudbiyeen ku xigeenkiisa koowaad Xareed Cali Xareed,waxana lagu soo waramayaa in uu aqbalay. Sidoo kale waxaa la sheegay in mooshinka laga keenay Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug laga doodi doonaa,isla markaana la horgeyn doonaa Baarlamaanka Maalinta berrito ah sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed. Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo goordhaw la hadlay saxaafadda ayaa kahor yimid Mooshin ay ka gudbiyeen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug. Waxa uu sheegay in aan Xildhibaano aheyn Dadka ka gudbiyay Mooshinka, Maadaama aan aqoonsaneen kamid ahaanshiyaha Xildhibaanada iyo Habkii ay kusoo galeen sida uu hadalka u dhigya. Cali Gacal ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay waday Waanwaan gabo-gabo mareysay oo lagu xalinayay Labada garab ay u qaybsameen Madaxda Galmudug, hayeshee waxa uu tilmaamay in ay burburiyeen dad uu ku sheegay in aan sharci ku imaan. Gudoomiye Gacal ayaa sheegay in aan Sharci aheyn in isaga oo Dalka ku sugan Kulanka Baarlamaanka uu shir gudoomiyo ku xigeenkiisa, waxa uuna ku tilmaamay foodo iyo dhibaato loo horseedayo Dadka Galmudug sida uu hadalka u dhigay. Waa uu sii hadlay waxa uuna sheegay in tallaabadaan lagu bur-burinayo Heshiisyadii Jabuuti iyo Muqdisho lagu gaaray ee looga hadlayay Sameynta Maamul ka hana qaada Gobolada Galgaduud iyo Mudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Afgooye (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu caawa ka socdo qeybo kamid ah magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaalka oo leysu adeegsanaayo hubka culus ayaa waxa uu u dhexeeya ciidanka dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab. Dagaalkan ayaa wuxuu yimid kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar culus ku qaaden degmada Marko. Dadka deegaanka oo xiriir kala duwan aan la sameynay ayaaa soo sheegaya in xiligan ay dagaalamayaan ciidanka dowladda iyo Shabaabka weerarka qaaday. Waxa ay sheegen dadku inay arkeen maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab, kuwaasi oo ka dhex dagaalamaya gudaha xaafadaha magaalada. Hubka culus iyo Qaraxyo bam gacmeed ayaa laga dhex maqlayaa gudaha degmada, waxaana socda difaac dagaal oo ay muujinayaan ciidamada dowlada. Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka wali socda waxaase lasoo sheegayaa in xaafadaha qaar ay ku dhacayaan xabado wiifto ah maadaama xabadu aanay joogsan oo rasaas ay dhaceyso. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
-
Jowhar (Caasimada Online)-Dagaal u dhexeeyay ciidamo uu watay Wasiiru dowlaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda maamulka Hir-Shabeelle iyo ciidamo kale ayaa waxa uu ka dhacay Deegaanka Ceel-Macaan ee Gobobka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka oo socday ku dhawaad saacad ayaa ka danbeeyay kadib markii Wasiiru dowlaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cusmaan Xaadaale uu isku dayay in lacago baada uu ka qaato God carada laga qodo oo ku yaala deeganka. Ciidamada la dagaalamayay kuwa uu watay Wasiiru dowlaha ayaa diiday in lacago baada laga qaado Godka, waxaana lasoo sheegayaa in sidaa uu ku bilowday dagaalka. Inta la xaqiijiyay 4 qof oo kamid ahaa Xoogsatada kaawada ayaa geeriyootay, waxaana dhaawacmay 7 kale oo kamid ahaa dadka kaawada sida wararku ay sheegayan. Dhaawacyada ayaa la dhigay Isbitaalka Keysaney ee Duleedka magaalada Muqdisho si loogu daweeyo, halka Meydadka durbadiiba ay goobta ka qaaten eheladooda. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Hir-Shabelle ayaan wali ka hadal dagaalka iyo dhiiga ku daatay weerarka uu Wasiiru dowlaha ku qaaday deegaanka. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – The African Union Mission in Somalia (AMISOM) and the United Nations Mine Action Service (UNMAS) have pledged to strengthen their collaboration to effectively counter the threat posed by Improvised Explosive Devices (IEDs) to the country’s stability. The pledge was made on Tuesday at a meeting between the Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia Ambassador Francisco Madeira and the new Head of UNMAS Somalia, Qurat-ul-Ain Sadozai. Ambassador Madeira and Ms. Sadozai also promised to work closely with the Federal Government of Somalia (FGS) to tackle the use of Vehicle-Borne Improvised Explosive Devices (VBIED), which has become Al-Shabaab’s weapons of choice in the capital, Mogadishu, and other parts of the country. The two officials noted that tackling the threat posed by IEDs was crucial to the implementation of the transition plan which will transfer responsibilities from AMISOM to the Somali government from 2018 to 2021. “I look forward to us working together to tackle and eliminate the threat posed by IEDs. We are happy to join forces with UNMAS,” SRCC Madeira observed. On her part, Ms. Sadozai reiterated UNMAS’ continued support to AMISOM and briefed the SRCC on initiatives being undertaken to counter the use of IEDs. “There is need for us to work together to develop a more comprehensive approach to defeat the threat,” Ms. Sadozai who assumed office in July, this year, stated. UNMAS is a section of the Department of Peacekeeping Operations, formed in 1997, to serve as the United Nations focal point for mine action. It seeks to rid the world of the threat of landmines and unexploded ordnances. PRESS RELEASE
-
Somalia ended last week with the news from Kismayu of the Interim Regional Administrations decision to severe ties with the Federal Government of Somalia until its grievances are assuaged. Whereas anyone adult in their right mind who has some little understanding of Somalia’s situation would see this in terms of the bigger picture of the strenous, murky, turns-and-twists of state building process, one Mukhtar Ainanshe went berserk to heartily celebrate the sad news with his blog post by ranting “FGS has collapsed today.” He insensitively used imageries of death without any care that it’s a terrifying tool and weapon used by terrorissts to cripple the aspirations of a whole nation (the Nation of Somalia). Inside the arena of his own warped, fickle mind Ainanshe sponsored a tournament where he competed President Farmajo and Fahad Yasin against President Ahmed Madoobe and he crowned the latter the winner. Without referencing any evidence to back his claims and to the pigue of most people, I guess, he asserted “president Ahmed Madoobe of Jubbaland came out as a skilled politician with a sense of unparalleled Somali patriotism, putting his country and his people first.” Bill Ainanshe refuses to underatand there’s nothing really skillful or patriotic about claiming your president is putting his people and country last. Am not sure President Ahmed Madoobe himself would want to be singled out or would appreciate the fact that Ainanshe has singled him out for unscientific praise against their own President. As is common with most Somali politicians and Ainanshe offered no solutions. The personality attacks that he writes portrays volumes about who Ainanshe really is. Overcome by his quixotic ways Ainanshe could ill-afford to commiserate the political plight of Somalia leaving him take the all too easy route of excoriating FGS for it’s failures without offering any solutions. Ainashe’s vitriolic meltdown portrays two things: 1). He’s someone possesed of subjectivity to the extent of throwing the baby (Somalia) with the birth water and, 2) He’s a bitter man, whatever the source of his bitterness. Maybe because his shady deals and peddling around bogus projects have come to naught with advent of Farmajoism on Feb.8, 17. Bill Ainanshe’s inability to see through the situation clearly caused him to forget that his celebrating the plight of Somalia could have the potential to leave him a marked man in terms of how Somalia’s future leaders would perceive of him. I don’t think he would get a respite from Ahmed Madoobe himself if he ever becomes the FGS president. Who wants to be associated with a negative person full of destructive negative energy. It’s a natural human disposition to want to shun persons with such flawed personalities. If Ainanshe, at his age, can couldn’t figure out that the worth of person lies with his ability to offer solutions to a problem (s) he surely has exposed himself to ridicule because he’s anything but clever. That Ainanshe is not clever is clear in Eldridge Cleaver’s (I am sure Bill would be helpless to distinguish the adjective “clever” from the proper noun “Cleaver” which he’ll definitely also pronounce the same) famed quote, “there is no more neutrality in the world. You either have to be part of the solution, or you’re going to be part of the problem.” Asuming Ainanshe is right when he labels Fahad Yasin “Qatar’s intelligence operative showering millions of dollars” to key conference participants, what has Ainanshe ever offered to his country for his being variegated inttelligence operative much of his adult life? Ablolutely nothing. For Ainanshe is known to have been auctioning his soul in exchange for cheap hand-to-mouth hand outs in the name of consultancy, as he clearly exibits on profile of his blog (mukhtarainanshe.org) for Ethiopia, Djibouti, counterterrorism, United Nations, UNSOM, United States, Kenya, PM, in Somalia as compared to only Qatar in the case of Fahad Yasin. Ainanshe has it! Ainanshe sounded even unreasonably meldramtic and sillier with his parachuted wishful conclusion calling on the people to “select a new president and constitute a new federal government.” If this is not senselessly sadistic enough what is? If Bill Ainanshe couldn’t have the decency to accord respect to the person of Farmajo, why is that that he couldn’t respect the position of the that he holds? It’s because decency is foreign to him. Little does Ainanshe contemolate how all his hypocritic vile against others leaves him as a cunt griping about the speck in other people’s eyes while being oblivious to the log in his eyes. Such are the signs of narcissists! Is projection a phsychlogical coping mechaniam or a common trait inherent in most Somalis as they seem to have the proclivity to accuse of others of what/who they themeselves are. As the Somali saying aptly puts “tuugu intaanan tuug lagu odhan ayuu tuug kugu yidhaahdaa” had the likes of Bill Ainanshe in mind. War Bill Ainanshow qof adigu ka jaajuus-xume badan lamaba abuurin ama wuu yaryahay ee dadka faraha indhaha ha ka gelinin. Muckracker Bill Ainanshe. That’s who he really is. He can never change. You can never do better, Bill. His ranting and mumbling is akin to the simile of one who celebrates the news of his patents’ marriage hitting the rocks. By: Mohamed Jama Ali
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay weerarada loo adeegsado gaadiidka ee lagu qaado xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir. Maamulka ayaa sheegay in laba todobaad gudahood weeraro loo adeegsaday Gaadiid noocyada raaxada ah lagu qaaday xarumaha degmooyinka sida Howlwadaag iyo Hodan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cumar Cismaan Yariisow oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay sababaha loo weerarayo Xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir. Waxa uu Guddoomiyuhu sheegay in sababta ugu weyn ee loo weeraraayo xarumahaasi ay tahay in la diidan yahay dedejinta howlaha Maamulka,isla markaana la diidan yahay horumarka, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu sheegay in cadawga kaliya ee waqtigaan uu yahay Al-Shabaab loogana baahan yahay in Shacabka Soomaaliyeed ay siwadajir ah uga soo wada horjeestaan. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Runtii maalmahaan waxaa la beegsanayey Xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir sababtuna waxa ay tahay waxan bilaawnay howlaha dedejinta Maamulka,waxana ku lug leh Al-Shabaab oo diidan horumarka ayuu yiri duqa Muqdisho. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in Qarax waliba oo loo geysto xarumaha maamulka aysan ku joojin doonin shaqooyinka ay hayaan. Geesta kale, Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in inta badan iminka aad loo adkeeyay amniga Xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir sababo la xiriiro dhinaca Amniga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada Puntland ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhaqan gelinta heshiiskii madaxda maamul goboleedyada, wada heshiisiinta shacabka Sool iyo qodobbo ku saabsan Somaliland, Al Shabaab iyo Daacish. Xukuumadda Puntland oo ka mid ah maamul goboleedyada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in ay si rasmi ah u dhaqan galineyso heshiiskii ka soo baxay shirkii ay madaxda maamul goboleedyada ku yeesheen magaalada Kismaayo. Golaha wasiirrada oo shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Garowe ayaa dhammaan hay’adaha dowliga ah iyo shaqaalaha xukuumadda Puntland ka mamnuucay iney ka qeyb galaan shirarka ka dhaca magaalada Muqdisho. Afhayeenka madaxtooyada Puntland ahna wasiirka xiriirka goleyaasha, Cabdullaahi Quraan ayaa sheegay in goluhu uu taageero buuxda u muujiyey go’aannadii ka soo baxay shirkii dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Kismaayo. “Shirkii Kismaayo oo uu horayba uga qeyb galay madaxweynaha ayey Puntland si buuxda u taageertay, waxaa kale oo laga hadlay sidii loo wajihi lahaa cadawga faraha badan ee ay Puntland leedahay, sida Al-Shabaab, Daacish iyo Somaliland.” Ayuu yiri Quraan Jecel oo la hadlay BBC-da. Dhammaan madaxda maamul goboleedyada ayaa dhawaan warmurtiyeed ay ka soo saareen Kismaayo ku sheegay iney hakiyeen xiriirkii xukuumadda dhexe, taasoo qeyb ka ah khilaafaad u dhexeeya labada dhinac ee in dhawaaleba soo jiitamayay. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
DP World says to pursue all legal means in Djibouti dispute
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
DP World said on Tuesday it would continue to pursue all legal means in its dispute with the government of Djibouti which seized a port terminal operated by the company earlier this year. Source: Hiiraan Online -
Warar laga helayo ehelada madaxweynihii hore ee Dowlad-deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa sheegaya in ay la kulmeen “ayadoo Cabdi lagu jirdilayo xabsiga uu ku xiran yahay”. Xaaska, iyo hooyada dhashay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa labaduba ka hadlay “inay arkeen” jirdilkaasi. Eedeynta qoyska Xaaska Cabdi Maxamuud Cumar, Sadiiqa Cabdi Ismaaciil, ayaa sheegtay in iyagoo cuno u geeyey ay arkeen askar garaacaysa Cabdi Maxamuud, kana soo tuurtay jaranjarada dhimsaha halkii uu ku xirnaa. “Qolkii uu deganaa ayaan ku aragnay labaatan nin oo bustayaashii uu ku jiifay intay u dhibeen ku yiri ka kac meesha, markaan weydiinay halka ay u wadaana waxay noo sheegeen inay qolka u baddalayaan. Ka dibna waxay ka tureen jaranjaradii guriga. Wey dileen burar ayayna la dhaceen” ayey tiri Sadiiqa. Diib Mahad Colow oo ah Cabdi Maxamuud hooyadiis ayaa mar ay BBC u warramaysay tiri “way jiideen, wuuna miyir belay, meel wasaq ah ayayna ku tureen, warna kama hayo inuu dhintay iyo in kale, waanan isaga soo tagnay”. Jawaabta Booliska Itoobiya Dawladda Itoobiya ayaa ku gacan sayray eedeyntaas. Taliyaha Booliska federaalka ee Itoobiya, Jeneraal Zeyinu Jemal wuxuu BBC u sheegay “inay been tahay. Ma jirto cid garaacday. Inkastoo lagu eedeeyey dambiyo culus, si wanaagsan oo ah sidii madaxweyne hore ayey ula dhaqmayaan ayuu yiri”. Isagoo ka hadlayey in isbitaal loo ogolaaday iyo in kale ayuu yiri Jeneraal Zeyinu Jemal “Isbitaal marka la aadayo waa in bukaan socod eegtada xabsiga ku dhex taalla ay u dirto. Haddii uu xanuunkiisa weyn yahayna isbitaal ayaa loo dirayaa. Nidaamka ayaa sidaas ah, cid si gaar ah wax loogu samaynayo ma jirto” ayuu sii raaciyey. Maxkamadda Cabdi Maxamuud Cumar Jimcaha soo socda ayaa loo ballansan yahay dhagaysiga labaad ee dacwadda ka dhanka ah Cabdi Maxamuud Cumar iyo dadka la xiran. Ehelka Cabdi ayaa sheegay in loo diiday inay qaataan damaanad uu banaanka ku joogo inta dacwaddu ay socoto. Maxkamaddii hore ee la saaray ayaa ogolaatay in 14 maalmood xabsiga lagu hayo inta la dhamaystirayo caddaymo ay dacwad oogayaashu maxkamadda hor keeni doonaan. Maxaa loo haystaa? Taliyaha Booliska itoobiya, Zeyinu Jemal, ayaa hore u sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar loo haysto rabshadihii magaaladda Jigjiga ka dhacay afartii bishii Agoosto, rabshadahaas oo dad badan ay ku dhinteen laguna gubay dhismaha kaniisad magaalada ku taalla iyo hanti kaleba. Rabshadahaas ka sokow, dacwad oogayaashu waxay diyaarinayaan eedeymo kale oo dheeraad ah. Yaa la xiran Cabdi Maxamuud Cumar? Shan xubnood oo maamulkii hore ka tirsanaa maamulka dawlad-deegaanka ayaa la xiran Cabdi Maxamuud Cumar, Mid ka mid ah xubnahaasina waa Raxmo Maxamuud Haybe oo muddo dheer ahayd Wasiirka Haweenka. Dhamaan xubnahan ayaa loo haystaa sida horay loo sheegay kicinta dhalinyaro Jigjiga joogta oo gaystay “dhibaato, dil iyo khasaare kaleba leh”. Baraha Bulshada Baraha Bulshada ayaa waxaa ka socda olole xoogan oo iska soo horjeeda. Dadka qaar ayaa aaminsan in Cabdi Maxamuud Cumar uu mudan yahay in dacwadahan lagu qaado, halka kuwo kalena ay aaminsan yihiin inay qalad tahay in Cabdi Maxamuud Cumar sidan loola dhaqmo. Ra’yi kala duwanaanshaha dadweynaha ayaana keenay in si weyn loogu doodo baraha bulshada, walow maamulka Dowlad-deegaanka uusan weli ka hadlin dawcada ka dhanka ah Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnaha kale ee la xiran. Eedihii hore Cabdi Maxamuud Cumar oo Dowlad-deegaanka madaxweyne ka ahaa mudo tobon sano kudhow ayaa marar badan waxaa lagu eedeeyey xadgudubyo xagga xuquuqul insaanka ah. Warbixintii u dambaysay ee hay’adaha xuquuqul insaanka ay soo saareenna waxaa lagu sheegay in jeelka weyn ee Jeel Ogaadeen loo yaqaano laga gaystay dhib badan oo maxaabiista ku dhacay. Ka dib waxaa xaaladda faragelin ku sameeyey mileteriga dowlada dhexe, waxaana la beddelay inta badan maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar la soo shaqeeyey. Dowlad Deegaanka waxaa hadda sii haye Madaxweyne ka ah Mustafa Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) oo ka mid ahaa ragga sida weyn uga soo horjeeday xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar. Dowlad Deegaanka Maxaa muhiim ka dhigay? Deegaanka Soomaalida ayaa muddooyinkan dambe waxaa laga helay shidaal, gaar ahaan deegaanka gobollada Shabeelle iyo Qorraxeey, shidaalkaasina waxuu deegaanka ka dhigay in loo hanqal taago. Inkastoo aan weli heshiis cad laga gaarin sida khayraadkaasi loo wadaagayo hadana isbeddellada xagga maamulka ee guud ahaan Itoobiya ka dhacay ayaa keenay in deegaanka uu muhiimad gaar ah yeesho. Waxaa sidoo kale heshiis nabadeed uu u socdaa ururka ONLF oo muddo dheer deegaanka dagaal ka waday iyo dowladda Itoobiya. Balse waxaa wax walba la kala ogaan doonaa muddada sannadka iyo barka ah ee doorashada guud ee dalkaasi ka dhiman. Isha: BBC Somali
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa jawaab culus ka bixiyey eedeymihii ay u soo jeediyeen madaxda Maamul Goboleedyada ee dhowaan ku shiray magaalada Kismaayo iyo xildhibannada qaarkood. War-saxaafadeed ka so baxay Hanti dhowrka Guud ayaa lagu faahfaahiyey shaqada iyo madax bannaanida hantidhowrka, iyadoo loogu cudurdaaray tuhunkii ay geliyeen madax bannaanida Hanti dhowrka Qaranka, sida lagu yiri war-saxaafadeedka. Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka uu ku casuumayo cid kasta oo mas’uul ah oo raba inuu warbixin dheeraad ah ka helo Xafiiska Hanti dhowrka, isla markaana albaabadiisa u furan yihiin. Hadalka Hanti dhowrka uu ka jawaabayo ayaa ah midkii ay maamul Goboleedyada ku sheegeyn in la siyaasadeeyay hey’adihii madaxa banaanaa sida Garsoorka, Hanti dhowrka Guud iyo Amniga. Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Bankiga Horumarinta Islaamka ayaa hakiyey mashruuc ku saabsan horumairnta dadka reer guuraaga ah oo uu ka waday Soomaaliya kadib markii ay soo baxday in mashruucaas si xun loo maamulay. Dawladda Soomaaliya waxay isku dayday inay wax ka qabato walaaca bankiga islaamka, iyadoo xabsiga u taxaabtay sarkaalkii maamulayey mashruucaas, oo illaa iyo hadda xabsiga ku jira, islamarkaana sugaya in la maxkamadeeyo. Mashruucan, oo hoos imanayey wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa waxaa laga fulinayey gobollada Mudug, Gedo iyo Baki, waxaana uu ku kacayey lacag dhan shan milyan oo dollar, oo sida la sheegay shan boqol oo kun oo dollar oo ka mid ah la xaday. Kiiskan ayaa la sheegay inuu yahay kiiska ugu weyn musuq-maasuqa ee kiisaska ay dadka u xirtay dowladda Soomaaliya, waxaana tallaabada ay qaaday dowladda ay qeyb ka tahay isku day la doonayo in mashruuca dib loo billaabo. Waxaayaba yaabka leh ee dhacay ayaa waxaa ka mid ah lacag caddaan ah oo mashruuc loogu talo-galay oo lagala baxay bankiga dhexe, rasiit la’aan, alaabo lasoo gaday oo lagu qoray lacag ka badan lacagta laga soo bixiyey iyo arrimo kale. Haddaba sidee ayey wax u dhaceen oo loo maamulay mashruucan? Waa mowduuca Barnaamijka Galka Baarista idaacadda VOA, waxaana soo jeedinaya oo arrintan baaritaan ku sameeyey Haaruun Macruuf. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/ce9153a8-3a06-4cba-949d-4fc19eba7596_48k.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Golaha Wasiirada Maamulka Puntland ayaa si buuxda u taageeray go,aankii ay madaxda Maamul Goboleedyada xiriirka ugu jaraan dowladda Federaalka Soomaaliya Kadib war murtiyeed kasoo baxay shirkii Kismaayo. Golaha wasiirada Puntland oo dood badan arrintaan ka yeeshay ayaa ugu dambeyn isku raacay in la taageero go,aankii Maamul Goboleedyada. Qaar ka tirsan golaha wasiirada iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa diidan wixii Kismaayo kasoo baxay. Go,aankaas ayaa Golaha wasiirada Puntland ku tilmaameyn inuu ahaa mid dan ugu jirto dadka Soomaaliyeed. Haddaba halkaan hoose ka akhriso
-
Sida qorshuhu yahay Puntland 8-da Janaayo 2019 waxaa ka dhacaysa doorasho madaxtinimo oo Wakiilo ay soo xuleen odayaasha dhaqanku ku dooranayaan Madaxweyne iyo ku xigeen, ballantu waxay ahayd shan sano kahor in doorashada 2019 ku dhacdo nidaamka xisbiyada ee qof iyo cod, balse ballantii oo aan la fulin ayaa sababtay in ay qaabkaas ku dhici weydo. Musharixiinta u tartamaya doorashada Puntland 2019 ayaa u muuqda kuwo diyaargarow xoogan u soo galay musharaxnimdooda, isla markaana wata maalgalin xoogan, mid walba wuuxu la yimi qorshe uu ku maarayn karo ololahiisa doorashada, waxaana dalka iyo dibadaba wali ka socda munaasabadaha ay musharixiinta ku shaacinayaan damacooda siyaasdeed ee 2019, sidii caadada ahayd in ka badan saddex meelood labo meelood waa qurba-joog ka timi dalka dibadiisa. Musharixiinta waxaa weheliya siyaasiyiin badan oo uu damac kaga jiro haddii musharaxa ay taageerayaan ku guuleysto Puntland 2019 ka heli doonaan mansab siyaasdeed, halka qaarka ay doonayaan in ay saladooda u soo qaataan hantida Puntland ee iska baylahan. Mid kamid ah walaacyada ugu weyn ee laga qabo doorashada Puntland 2019 ayaa ah musuqmaasuqa, wax isdaba marin ayaa ka dhici karta xulista Baarlamaanka, musharaxiinta qaar ayaa faragalin ku haya beelaha, waxayna wadaan qorshe ay ku xulanayaan xubnaha Baarlamaanka, halka qaarna ay rabaan in ay lacago farabadan ku badashaan cododka, sidoo kale waxaa jira shaki ah in doorashadu dib uga dhaci karto xiligii la qorsheeyay ee 8-da Janaayo , waayo waxaa jirta arrin saameyn ku leh oo ah mushkilada Tukaraq oo aan wali xal loo helin. Doorashada 2019 waa mid ka duwan doorashooyinkii hore ee Puntland, saansaanta jirta marka dhinac kasta laga eego waxaa si cad u muuqata in aysan fursanayn faragin ka madax banaan Puntland. Yaa ku loolamaya doorashada Puntland 2019? Siyaaasada Puntland oo halka khadka ka xariiqo ay ahaan jirtay arrimaha qabiilka ayaa doorakan taas ka duwan, waxaana doorashada 2019 daaha dabadiisa kaga loolami doona xisbiyo siyaasadeed, dowladda federaalka, dalal shisheeye, ururo diimeedyo, ganacsato iyo kooxa kale oo dano gaara leh. Federaalka iyo faragalinta Puntlansd Mashruuca musuqmaasuqa ee lagu maal-gaalinayo Puntland 2019 waxaa ka qayb qaadanaysa dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, iyada oo ay sii kordhayaan dadka ay u xirto eedeymaha musuqmaasuqa, doorashooyin dhowr ah ayaa ka dhici doono maamul goboleedyada Soomaaliya 2018 iyo 2019, dowladda federaalka waxay u baahan tahay in ay sii waddo taageeridda iyo lacag siinta dadka ay is leedahay taageero ayay kuu yihiin, taariikhda haddii dib la eego xubnaha ay dawladdu taageerto haddii ay guuleystaan uma badna in ay raacaan siyaasadeeda, iyadoo saas tahay waxay hadana taageero siinaysaa dhowr musharax oo maamul walba ah, si ay u ciqaabto madaxda maamul goboleedyada ee diiday in ay ka dambeeyaan. Ilaa labo musharax oo Puntland ah ayaa federaalka taageero ka heli kara, kuwaas oo kala ah Asad Cismaan Diyaano iyo Faarax Cali Shire, Asad waa Agaasimaha ciidamada PSF Puntland waa nin dhalinyaro ah, sidoo kale Farax Cali Shire waa Wasiirkii maaliyadda xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole, wuxuu saaxiib dhow la yahay Xildhibaano federaalka ah oo galaangalka hoose ku leh Villa Somalia oo uu kamid yahay Cali Yusuf Cali Xoosh, labada musharax waa labo shakhsi oo fuhan taas ayaana moodaa inay ku saleysan tahay xulashada federaalka. Madaxweyne ku xigeen Puntland Cabdixakiim Camey ayaa ah ninka kaliya oo faderaalka baariga u ah oo Puntland xil ka haya taagero ayuu ka heli karaa hadii ay ku jirto damac dambe oo ah Madaxweyne ku xigeen, sidoo kale federaalka ayaa Puntland ka sameystay kooxo dhalinyaro ah oo Internet-ka wax ku qora kuwaas oo taageera siyaasadeeda, waxay dhaleeceeyaan madaxda Puntland marka uu yimaado khilaafyada dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada, ciidamada Internet-ku maalinba maalinta ka dambeysa waa sii kordhayaan, Puntland ayaa mararka qaar u geysata xarig iyo shaqo ka ceyrin. Xisbiyadda mucaaradka Soomaaliya Iyadoo doorashada Soomaaliya 2020 ay ku saleysnaan doonto gobalo, waxay xisbiyada siyaasaddu rabaan in ay saameyn ku yeeshaan is bedelada ka dhacaya dowlad goboleedyada, sidaas darteed waxay doorashooyinka daahadabadiis u gali doonaan musharaxiinta ay taageerada ka heli karaan. Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho looga dhawaaqi doonaa xisbi siyaasadeed aad u baabulan oo uu hogaanka u qaban doono Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, xisbigaas waxaa ku midoobi doona dhowr xisbi oo uu kamid yahay Damu-jadiid, doorashada Puntland 2019 waxaa hubaal ah in uu ku yeesho saameyn, waxaana jira isku xirnaasho ka dhaxeysa qaar kamid ah musharaxiinta iyo Xasan Shiikh Maxamuud. Siciid Cabdulaahi Deni oo kamid ah musharaxiinta ugu cadcad Puntland ayaa taageero ka heli kara xisbigaas sida ay u badan tahay, Deni iyo Xasan waa saaxiibo soo wada shaqeeyay, sidoo kale waxay xulufo wada ahaayeen doorashadii uu ku guuleystay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Xisbiga RAJO: Faragalinta doorashada Puntland 2019 waxaa si bareer ah oo aan gabasho la hayn u cadeystay xisbiga RAJO, Dr. Cabdicasiis Takar oo kamid ah xubnaha xisbigaas oo maalmo ka hor la hadlayay qaar ka mid ah taageeyaasha xisbigaas ee Puntland waxa uu qeexay cida ku loolami doonta doorashada Puntland 2019, waxa uu sheegay in qabiil iyo afraad aysan midna ku tartamayn, balse ay u dhaxeyso labo koox oo kala ah koox ay ku jiraan kuwa horey kartidooda loo tijaabiyay oo xumaan iyo musuqmaasuq lagu yaqaan oo ah kooxdii sharka iyo koox ay hormuud u tahay RAJO oo badbaadin doonta Puntland. Dr. Cabdicasiis Takar waxa uu sheegay in kooxda sharku ay faafiyeen been ah in lacag ay bixin doonaan, ilaa iyo hadana ay kaga adkaadeen magacyada yar ee Xildhibaanada la soo xulay, wuxuu si laab lakac ah u xusay in RAJO hadii ay guuleysato ay xabsiga Garowe dhigi doonto musharaxiinta ay ku cadaato in ay ka qeyb qaateen musuqmaasuq. Ganacsatada: Doorashada Puntland 2019 waxaa ka mid ah dhinacyada saameynta ku yeelan kara ganacsatada Puntland, gaar ahaan kuwa wax kala soo dega dekadda Boosaaso oo sanadihii ugu dambeeyay aan xiriir fiican iyo wada shaqeyn ka dhaxeyn dowladda. Ganacsatadu iyagoo dhowraya danta ganacsigooda waxay taageero siin karaan qaar kamid ah musharaxiin, ninka kaliya ee ay luuqadiisa akhriyi karaan ayaa ah Deni oo xiriir fiican ay leeyihiin. Dalalka Shisheeye: Doorashooyinkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya waxaa saameynayay hardanka Shisheeye, kuwii 2012 iyo 2017 waxaa faragalintoodii ku guuleystay dal yaraha Qadar, Imaaraadka ayaa kamid ahaa dalalkii looga awood roonaaday, taas waa tan keentay in dowladda federaalku dhexdhexaadkii ay sheegtay in ay ka qaadatay khilaafkii Khaliijka uu run noqon waayo oo ay u janjeersatay dhanka Qadar, taasi waxay sii sababtay in Imaaraadku yareeyo taageeradii uu siin jiray dowladda ee dhanka Koonfurta. Imaaraadka iyo Puntland waxay leeyihiin xirii soo jireen ah, sidaas darteed Dubai iyada oo difaacanaysa danaheeda gacanka waxay faragalin ku sameyn doontaa doorashada 2019, bishii June ee sanadkan ayay ahayd markii wafdi Imaaraadka ah ay Qardho iyo Badhan kula kulmeen qaar kamid ah Issimada Puntland, xogo hoose waxay sheegayaan in ay mid ahaayeen arrimihii ay kawada hadleen doorashada 2019, ma cada cidda uu garab siin karo, Qadar faragalinta Puntland 2019 waxay uga dambeyn doontaa dowladda federaalka Soomaaliya oo ay dhanka dhaqaalaha ka taageeri doonto is loogu guuleysto in uu soo baxo qof la siyaasad ah Nabad iyo Nolal. Qorshada Cabdiwali Gaas 2019 Deegaanada Puntland waxaa ka socda hadal hayntii ugu badnayd oo ah Madaxweynaha Puntland Cadiwali Gaas ma tartami doonaa doorashada soo socota ee 2019 mase maya?, Madaxweyne Gaas oo xil-hayntiisa ay uga dhiman tahay wax aan ka badnayn boqol maalmood ayaa wali cadeyn in uu tartami doono doorka dambe iyo in kale, balse xog hoose oo ay heshay PUNTLAND POST ayaa sheegaysa in uusan Dr. Gaas qabin damac dambe oo ah hogaaminta Puntland. Cabdiwali Gaas, Madaxweynaha Puntland Dr. Gaas waxa uu xasuusan yahay waayo aragnimadii uu u soo joogay khasaarooyinka laga dhaxlo Madaxweyne mar labaad isu soo taaga xilkii ka dhamaaday isagoo aan shaqadiisii lagu qanacsanayn, wuxuu goobjoog ka ahaa doorshooyinkii ay ku guuldareysteen Shariif Xasan 2012, Cadbiraxamaan Faroole 2014 iyo Xasan sheikh Maxmuud 2017, labo kamid doorashooyinkaas tartanka ayuu ku jiray, sidaas darted wuxuu fahan san yahay in aan Puntland mar dambe Madaxweyne loogu dooranayn wax walba oo dhaca. Sida muuqada arrinta ahmiyada kowaad u leh Dr. Gaas ayaa ah doorashada Soomaaliya 2020, oo sida la rumeysan yahay uu u hanqal taagayo kursiga Villa Somalia, si taasi ugu suurto gasho Cabdiwali Gaas wuxuu maagan yahay labo shorshe. Midda kowaad ayaa ah inta xilka uga hartay in uu gacanta ku dhigo gobolka Sool oo muddo dheer ay ka talinaysay Somaliland, taas oo hadii ay u suurto gasho uu teegeero badan kaga heli karo gobolada SSC ,uuna fuliyay ballantiisii ahayd “Laascaano Faataxo laguma qabsan”, taasi waxay iman kartaa iyadoo dagaal ka dhex qarxo ciidmada isku hor-fadhiya Tukaraq. Midda labaad ayaa ah in uusan u taratmin doorashada Puntland 2019, balse uu dhabarka ka soo riixo musharaxa uu ka dhex arko dantiisa, uuna fuliyo ballantiisii ahayd “Shan sano waa igu filan tahay” taas waxa uu ku heli karaa sumcad weyn wuxuu noqon karaa Madaxweynihii ugu horeeyay Puntland oo doorasho qabta isaga oo aan tartamayn. Musharaxa uu ku taageeri karo doorashada Puntland 2019 ayaa xog hoose sheegaysaa in uu yahay Eng. Maxamuud Khaliif Xasan (Jabiye) oo ay si isu xiran yihiin, Eng. Jabiye waa nin saaxadda siyaasadda ku cusub oo ah ganacsade qurba-jooga ma ahan nin wax badan laga yaqaano gaar ahaan Warbaahinta. Xasuustii Dr. Gaas 2014-2018 Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaa hogaanka Puntland loo dhiibay 8-dii Jaanyo 2014 mudadii uu xilka hayay wuxuu hogaamiye ka ahaa musuqmaasuq ballaaran oo dhacay, isla xisaabtan la’aan iyo hogaamin xumo. iyadoo uusan fulin wax badan oo kamid ah ballamihiisii dhanka siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, waxaana la orankaraa waxa uu ahaa “Hillaacii lagu hungoobay”. Dr. Cabdiwali Gaas mudadii u xilka hayay waxaa Puntland soo wajahay duruufo adag oo aan inta badan waxba laga qaban, iyadoo siyaasada Dr. Gaas lagu bartay ay ahayd in uu dhegaha ka fureysto arrimaha qalafsan ee ka hor-yimaada maamulkiisa, isagoo aaminsan oraahda dhaheysa “Wax walba iyagaa isa saxa“. Dr. Cabdiwali Gaas waxaa arrimaha uu ku fashilmay ugu waaweyn in uu fulin waayay ballantiisii ahayd in uu 2019 Puntland gaar siin doono doorasho qof iyo cod ah, sidoo kale fashilkiisa waxaa laga xusi karaa mashruucii dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo oo ay ku ka ceysay lacag dhan 30 milyan oo doolar, oo fashilmay kadib markii la musuqmaasuqay, sida ay sheegtay dowladii maal-galinaysay. Madaxweyne Cabdiwali Gaas intii uu joogay Puntland wuxuu ka sameeyay xaalufin ba’an oo dhaqaale uruursi ah, waxaa la aamin san yahahy in dhaqaalle farabadan oo uu doorshada Soomaaliya 2020 ku gali karo ka meelaysatay mudadii uu xilka hayay. Cumar Cabdirishiid hankiisu ma yahay Puntland? Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waa siyaasi caan ah, hadana waa dhal madaxeed oo waxaa dhalay AUN Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ahaa Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya ahaana Ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay ee dalka. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke waa ninkii labaad oo labo jeer nodo Ra’iisul wasaare Soomaaliya, doorashadii 2017 waxa uu u tartamay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana u ahaa musharaxii saddexaad oo ugu codadka badnaa, hadana waa Senator ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Sida aan xog ku helnay Cumar Cabdirashiid qorshada uguma jirto in uu isu soo taago doorashada Puntland 2019, balse waxaa dhici karta in uu uga qeyb galo si dadban oo ah in uu garab siiyo mid kamid ah musharaxiinta, sidoo kale waxaa dhici karta in uu banaanka ka is taago oo uusan wax faragalin ah ku sameyn Puntland. CC Sharmake,Faroole,Gaas iyo Juurile oo shir xasaasiya ku yeeshay Garowe,12 December 2016. CCC Sharmarke ayaa ah siyaasiyiinta ka quuldareynaysa doorshada Soomaaliya 2020, wuxuuna hankiisu yahay Madaxweyne ama Ra’iisul wasaare, sidoo kale waxaa jirta kala fogaansho siyaasadeed oo u dhaxeysa isaga, Cabdadiwali Gaas iyo Cabdiraxamaan Faroole, taas oo soo bilaamatay doorashada Soomaaliya 2017 oo ay ku kala aragti duwanaayeen. Doorka dadweynaha iyo doorashada Dadweynaha Puntland waxaa labaatan sano kadib wali ku albaaban odayaal dhaqameedyo ku matala masiirkooda siyaasadeed iyo siyaasi ratigiisa ku kacsada, taas waxay kala mid yihiin gobolada kale ee Soomaaliya marka laga reebo Somaliland. Xulista Xildhibaanada Puntland wax go’aana kuma laha dadweynuhu, waxaa u madax banaan odayaasha dhaqanka oo mararka qaar xeeriya danahooda gaarka ah ama dano siyaasi ama kooxi leedahay, dadweynuhu mar kale ayay daawadayaal ka noqdaan go’aanka uu ku yimaado Madaxweynuhu oo mararka qaar iib ah, waxayna ugu dambeyn dhibane u noqdaan go’aanka iibka. Xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole ayaa 2013-kii markii ugu horeysaty isku dayday in ay Puntland ka hirgaliso nidaamka xisbiyada badan, balse qeyb kamid ah dadweynaha oo ay adeegsadeen siyaasiyiin dano lahaa ayaa ka hor-yimi arintaas, intii ka dambeysay ma jirin cid isku day-day nidaamka xisbiyada. Si kastaba ha ahaatee dadka reer Puntland waxay iminka rajo ka qabaan in doorashada 2019 ay keeni doonto is bedel dhaama midka hadda , balse waxay moogyihiin in marka hore in la helo Xildhibaano, Madaxweyne iyo xukuumad shaqeeya. PUNTLAND POST GAROWE The post Faallo:- Doorashada Puntland 2019 waa daaha dabadiisa! appeared first on Puntland Post.
-
Cadaado (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug, Cali Gacal Casir ayaa Maanta laga gudiyay mooshin, kaasoo gacanta loo geliyay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug. Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Galmudug, Xareed Cali Xareed ayay wararku sheegayaan inuu aqbalay mooshinka laga keenay guddoomiye, Cali Gacal Casir, inkastoo aanay horay u jirin khliaaf u dhexeeya labada mas’uul. Xildhibaannada Mooshinka ka gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ku sababeeyay inuu gabay shaqadii loo igmaday, ayna lagama maarmaan tahay in lala xisaabtamo. Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Galmudug, Xareed ayaa sheegay in xildhibaano tiradoodu ku dhawdahay 90-xubnood ay ka keeneen mooshinka guddoomiyaha ayna tahay sharci in laga doodo maalmaha soo socda. Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal ayaa ka hor-yimid mooshinka laga gudbiyay wuxuuna ku tilmaamay mid been abuur ah aysanna sax ahayn xildhibaanada la sheegay inay ka gudbiyeen mooshinka. Dhanak kale, Mooshinka laga gudbiyay Guddoomiye Casir, ayaa la sheegay inuu salka ku hayo khilaafka ka dhex-jira madaxda ugu sarreysa maamulka Galmudug, iyadoo guddoomiyuhu uu diiday go’aankii dhawaan ay madaxda maamul-goboleedyadu kasoo saareen Kismaayo. Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreeyay oo mooshin noocan oo kale ah laga gudbiyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, iyadoo la xusuusto in bishii Jannaayo ee sannadkii 2017-ka mooshin laga gudiyay Casir, inkastoo xilli dambe si hoose loo xalliyay. PUNTLAND POST The post Mooshin laga Gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaano ka tirsan Hirshabelle ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan go,aankii maamul gobaleedyada ay ku qaateen magaalada Kismaayo ee jubbballand. Waxa ay sheegeen in Madaxweynaha maamulka Hirshabelle go,aankaas uu kaligiis qaatay oo aysan jirin cid uu kala tashtay,sidaasi darteedna iyagu ay qaadacsan yihiin war murtiyadeedkii ka soo baxay shirkii Kismaayo. Xildhibaannadan waxaa ay sheegeen in go’aanka uu qaatay Madaxweyne Waare islamarkaasna uusan kala tashan baarlamaanka iyo guddoonka Hirshabelle labadaba sidaas daraateedna waxaa ay ka dalbadeen madaxweynaha in uu arrinkaasi raali gelin ka bixiyo. War-murtiyeed laga soo saaray shirkii golaha iskaashiga ee dowlad goboleedyada sideedii bishan ayaa lagu sheegay in lagu hakiyey xiriirkii ka dhaxeeyey dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Waxa ay dowlad goboleedyada sidoo kale ku eedeeyeen dowladda dhexe farogelin gudaha maamullada ah. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Xildhibaannada-Hirshabelle.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (PP) ─ Guddi hoosaadka Golaha Wasiirada ee Arimaha bulshada (Tubta Arimaha Bulshada) oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka hadlay qorshaha yaraynta faqriga iyo horumarinta waxbarashada dalka. Wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, Cabdiraxmaan Maxamuud C/lle (Jaabir) ayaa sheegay in kulanka lagu ansixiyay qorshaha wax ka qabashada faqriga oo uu soo bandhigay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada. Qorshaha yaraynta faqriga ayaa waxaa kamid ah hir-gelinta hannaan isku xir loogu samaynayo hay’adaha gargaarka iyo in la sameeyo cilmi baaris lagu ogaanayo heerka nolosha dadka danyarta ah iyo sida deeqaha ay bixiyaan hay’adaha gargaarku ay wax uga bedelaan nolosha bulshada. Kulankan oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sidoo kale looga hadlay qorshaha horumarinta hannaanka waxbarashada, gaar ahaan in iskuulaadkii dawladdu maamuli jirtay lagu soo celiyo gacanta dawladda, in macallimiin iyo maamulayaal ay dawladdu mushaarkooda bixiso loo shaqaalaysiiyo iskuulaadka dawladdu maamusho, in la helo guddi qiimayn iyo kormeer ku sameeya tayada waxbarashada iyo in manhajka cusub ee waxbarashada la gaarsiiyo iskuulaadka. Ugu dambeyn, Tubta Arrimaha Bulshada ayaa oggolaatay in wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dalka ay qorshayaashaan u fulis0 sida ay usoo diraarisay si hannaanka loo teyeeyo waxbarashada dalka. PUNTLAND POST The post Guddi Hoosaad ka hadlay Yareynta Faqriga iyo Horumarinta Waxbarashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Shir deg deg ah oo Golaha xukuumadda Puntland ay maanta ku yeesheen magaalada Garoowe ayaa lagu taageeray qodobadii ka soo baxay shirkii magaalada Kismaayo. Madaxweynaha dowladda Puntland,Dr.Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) oo guddoomiyay shirkan deg deg ah ayaa xukuumadda faahfaahin ka siiyay qodobadii lagu go’aamiyay shirkii madasha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ee lagu qabtay magaalada Kismaayo. Golaha xukuumadda ayaa warbixinta kadib si buuxda u taageeray dhammaan qodobadii ka soo baxay shirkaasi,sida lagu sheegay war-murtiyeed ay soo saartay madaxtooyada Puntland. Dhinaca kale shirka ayaa looga hadlay dhismaha wadada laamiga ah ee xiriirisa tuulada Jalam iyo magaalada Gaalkacyo,Waxaana war-murtiyeedka lagu sheegay in dhismaha wadadaasi u socdo sidii loogu tala-galay,islamarkaana ku dhammanayo wakhtiga loo qorsheeyay. PUNTLAND POST The post Golaha xukuumadda Puntland oo taageeray shirkii Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka ayaa Qiimeyn Ku Sameeyay Khasaarahii Ka Dhashay Weerarkii Xarunta Degmada Hodan. Waxa ay sheegeen in guddoonka golaha shacabka usoo direy iney soo qiimeeyaan khasaarihii ka dhashay qaraxii shalay lagu weeraray xarunta degmada Hodan. Xildhibaannada waxaa ay sheegeen in dowladda Federaalka looga baahanyahay in amniga shacabka ay wax badan ka qabato si loo yareeyo dhibatooyinka soo gaara. Shalay ayey aheyd Markii baabuur walxaha qaraxa laga soo buuxiyay lagu weerar xarunta degmada Hodan waxaana ka dhashay burbur xooggan oo soo gaaray dhismaha xarunta iyo guryo ka ag dhowaa. Qaraxa waxaa sidoo kale ku dhintay dad gaaraya 6 qof halka dhaawacuna uu ahaa ku dhowaad 16 qof waxaana sheegtay mas’uuliyadda weerarka Alshabaab. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/khasre.mp3 Source: goobjoog.com
-
A senior jihadist operative has been killed in Mogadishu, official said. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – Somalia’s security forces launched an operation to tighten the overall security of the capital city of Mogadishu, amid deadly attacks by Al Shabaab. The move comes after suicide car bomb hit Mogadishu’s Hodan district headquarters on Monday, leaving 10 people dead. Big stones and sand bags were reportedly placed to all roads leading to local government offices in Somali capital Mogadishu, in a bid to avert orchestrated attacks. Fears are high that the al-Qaeda-linked Al Shabaab group will seek to disrupt security by carrying out an attack on the capital, according to a source, who asked to be anonymous. He says heavily armed security personnel patrolled the streets of the capital, while several main roads leading to the local government offices were blocked off with sand berms. The troubled Horn of Africa nation, which has not had an effective central government in three decades, had been promised a one-person, one-vote election in 2020. However, political infighting and insecurity, mainly due to al-Shabaab militants who control swathes of countryside and strike at key areas in Mogadishu. The group claimed Monday’s suicide car bomb that destroyed Hodan district headquarters in the capital. The killed 10 people, mostly civilians and injured 18 others, according to medical officials. Last week, six people were killed and 18 others, including six children injured in an Al-Shabaab suicide bomb attack at local government office in Somali capital Mogadishu. The group has been waging insurgency for more than 10 years in Somalia. Al-Shabaab has been in decline since 2011 but still launches regular, deadly attacks against government, military and civilian targets in the capital and elsewhere. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com