-
Content Count
206,280 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya xukunada dilka ah oo ay rido Maxkamada Ciidamada Qalabka sida kuwaa oo intooda badan lagu rido Maleeshiyaadka al-Shabaab iyo Askarta dilalka geysata. Xukunada Maxkamada oo si isdaba jooga u dhaca ayaa waxaan jirin cid lagu fuliyo dilka xukunka ah oo ay rido Maxkamada, taa oo shaki galisay shacabka sharciga u dhaga raacinaaya. Xukunada ugu badan ee dhaca oo dil ah ayaa waxan jirin cid loo toogto Xukunkaasi, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhalinyarada ugu badan ee dilka ku xukuman ay yihiin kuwo geystay xasuuq ba’an sida dilal iyo Qaraxyo. Dadka shacabka ah ayaa xukunka aan qisaasta laheen ka muujiyay shaki ba’an xili Garsoorka dalka lagu tilmaamo mid aan loo marin wadadii loo jideeyay ee cadaalada ku saleysneed. Isaaq Maxamuud Aadan oo kamid ah dadka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maxkamada ciidamada Qalabka Sida ay ka sugayaan in xukunta qisaasta lagu fuliyo boqolaalka Al-Shabaab ee xukunka ku dhacay. Isagoo u waramaayay Caasimada Online ayuu sheegay in shaki ay ka qabaan Xukunka aan fulinta laheen, waxa uuna sheegay in Xabsiga Dhexe ee dalka ay ku xiran yihiin Al-Shabaab farabadan oo lagu xukumay dil toogasho ah, hase ahaatee aan lagu fulin sharciga. Waxa uu sheegay in amniga dalka uu yahay mid ku xiran fulinta xukunka horay u dhacay, waxa uuna carab ***** inay shaki ka qabaan xukunka sida joogtada ah u dhaca ee aan qisaastiisa la maqal. Sidoo kale, waxa uu sheegay in Maxkamada laga doonaayo inay xooga saarto sharci ku fulinta Askarta dowlada ee ku jira Xabsiyada kuwaa oo uu sheegay inay geysteen dilal badan. Dhinaca kale, dadka shacabka ah ayaa Maxkamada ka dalbaday in la dadajiyo Xukunada Al-Shabaabka iyo Askarta u xiran dilalka, si meesha looga saaro ku xadgudubka shacabka aan waxba galabsan ee waddooyinka lagu dilo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa markii horreysay waxa uu sheegay in magalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug uu maamuli doono hal maamul, kaas oo ka shaqeyn doono sugida amniga. Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Xasan Maxamed Abgaalow ayaa sheegay in Gaalkacyo ay haatan amnigeeda ay ka wada shaqeeyaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa isku-dhafka ah ee loo sameeyey, islamarkaana ay wax ka beddeleen amniga magalada. Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in haatan uu socdo qorshe lagu doonayo in hal maamul loogu sameeyo magalada Gaalkacyo si uu u xukumo, kaas oo uusan shaacin Puntland iyo Galmudug maamulka uu noqonayo. Gabagabadii waxa uu ugu baaqay shacabka ku nool magalada Gaalkacyo in sugida amniga ay kala shaqeeyeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa isku-dhafka ah ee magaalada loo sameeyey. Hadalkan weli wax jawaab ah dhankooda kama soo bixin maamulka Galmudug oo maamula Koonfurta Magalada Gaalkacyo. Hoos ka dhageyso hadalka guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/06/Abgaaloow.mp3 Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaar badan oo kamid ah Shacabka magaalada Muqdisho ayaa Munaasabada Ciida owgeyd waxa ay Labadii maalin ee Ciidda ugu horeysay Damaashaad iyo Dalxiis u tageen Xaafada Casriga ah ee Daaru Salaam , xaafadan ayaana ah deegaan qurxoon oo indhaha booqdayaasha soo jiidanaysa. Inta badan shacabka magaalada Muqdisho ayaa Labadii maalin ee Ciidda ugu horeysay si weyn ugu ciideesanayay Xaafada Daaru Salaam, waxa ayna goobtan noqotay halka ugu badan ee u ciideesteen kuna soo damaashaadeen shacabka Muqdisho. Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo iyo Madax kale oo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa kamid ahaa dadkii kala duwanaa ee kusoo ciideestay kuna damaashaaday Xaafada Daaru Salaam. Xaafada Daaru Salaam oo ah xaafad si casri ah loo dhisay ayaa sidoo kale laga hirgaliyay goobo lagu nasto, meelo caruurtu ay ku cayaaraan oo qalab kala duwan yaalaan, iyo goobo kale oo uroon indhaha dadka damaashaadka u taga xaafadaasi. Kumannaan qof oo ka kala yimid Degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir ayaa isugu tagay xaafada Daaru Salaam, Gaar ahaan Beerta Nasiinada loo diyaariyey ee Daaru Salaam, waxaana xaafadaasi noqotay goob madadaalo oo caruurta ay si weyn u jecleesteen. Maamulaha adeega guud Daaru Salaam Maxamed Maxamuud Cali ayaa sheegay in ay hirgaliyeen goobo badan oo loogu tala galay in caruurta iyo dadka kalaba ku madadaalaan iyo sidoo kale goobo ay dadku ku nastaan waqti qurux badana ku qaataan. “Daaru Saalaam waa meel loogu talagalay in caruurtu ay ku ciyaarto,si caruurta maskaxdooda ay u korto, islamarkaana ay isla qabsadaan caruurta iyo waalidiintooda, waxaa yaalaa qalab farabadan oo loogu talagalay in caruurtaasi maskaxdoodi lagu koriyo, marka waxaan rabnaa in caruurta si farxad leh ay wax ku bartaan, maadaama maskaxdooda ay dhismayso,bulshada Soomaaliyeedna waan uga mahadcelinaynaa sida ay uga qeyb qaadanayan damaashaadka beerta Daaruslaam”. Ayuu yiri Maxamed Maxamuud Cali. Xaafada Daaru Salaam ayaa sidoo kale lagu diyaariyay maqaayado casri ah oo laga helo cunooyinka nuucyadooda kala duwan, waxaa sidoo kale sanadkan Daaru Salaam lagu soo kordhiyay qolal qurux badan oo asxaabta booqata isku marti qaadi karaan. Shacabka magaalada Muqdisho ayaana aad u jecel in damaashaad u aadan Xaafada Daaru Salaam xiliyada ciida iyo sidoo kale maalmaha kale ee fasaxa sida jimcaha iyo Khamiista, waxa ayna goobtan noqotay meel sare u qaaday horumarka magaalada Muqdisho.
-
Qeybtii 5-aad, Halkan kala soco qeybtii hore – Maxkamadda Horraantii bishii Laba iyo tobnaad ee 2017 ka ayaa ay maxkamaddu soo gabgabaysay dhegeysiga dacwadda ka dhanka ah Cali Cumar Adeer. Dacwaddaasi waxa ay khusaysay dembiga laga galay Amande Lindhout oo keliya, maadaama oo aanu ninka reer Ustareeliya ee Nigel Brennan isagu soo dacwoon. Waxa ay maxkamaddu ku dhawaaqday in Cali ay ku heshay dembiga loo haystay oo ah in uu kaalin weyn ku lahaa afduubka Amanda sidaa awgeed uu qaadayo dembiga wixii afduubkaas ka dhashay oo dhan, oo uu ugu horreeyo jidh dilka iyo kufsiga gabadhan lagula kacay. Dacwaddan oo uu garsoore ka ahaa Robert Smith, waxaa qaadday maxkamadda sare ee caddaaladda ee dalka Kanada, waxa aanu dhegeysigeedu qaatay 10 fadhi. Isdifaacii Cali iyo dhammaan doodihii uu isku dayey in uu kiiska iskaga jebiy, garsooruhu waxa uu ka soo qaatay been-abuur badheedh ah oo aan mudnayn in ay maxkamaddu tixgelin siiso. Isaga oo ka hadlaya sababta uu sidaas u yeelayna, waxa uu garsooruhu sheegay in dhegeysiga dacwaddan ay uga soo baxday in Cali uu ahaa nin falkan afduubka isaga oo xor ah ka qaybqaatay oo weliba xiise iyo xamaasad u qabay ka qaybqaadashadiisa, “Waxa uu ahaa ka qaybgale xiise u qaba” ayaa ka mid ahaa hadallada garsoore Robert Smith. Ugu dambayntii garsooruhu waxa uu sheegay, farriimaha internet ka (Emailka) soo mariyey ee ay Cali is weydaarsadeen AK iyo hadallada ay is dhaafsadeen Amande Lindhout hooyadeed iyo ninka Soomaaliga ah ee ay marka dambe wakiisheen qoyska Amanda, in intaba aanu mar keliya ku sheegin wax dhibaato ah oo uu ka tirsanayo afduubayaasha kale, ama in qoyskiisu wax hanjabaad ah kala kulmay ragga afduubay Amanda. Taas beddelkeedana mar kasta la arkayey kaalinta muhiimka ah ee uu hawshan afduubka ku leeyahay. Sidaa awgeed ay iska fogeynta eedda ee imiku u muuqato in ay tahay uun muran iyo isdifaac qaldan. Garsoore Robert Smith hadalka uu dhegeysiga dacwaddan ku soo xidhay waxa uu ku sheegay in ‘dembigii’ lagu helay Cali Cumar, xukunkiisana uu ku dhawaaqi doono horraanta sannadka foodda innagu soo haya ee 2019 ka. Dadka aqoonta u leh sharciyada dalka Kanada waxa ay saadaalinayaan in marka la eego dembiga lagu helay Cali, uu xukunka la filan karaa yahay ‘Xabsi madaxaa ha ku furto ah’ (Xabsi daayin). Waxaa xusid mudan in Cali markii uu maqlay hadalka garsooraha ee ah in dembiga lagu helay, aanu wax dareen didmo ama naxdin ah ama shucuur diidmo ah muujin. Dad garanaya Cali Cumar Wargeyska National Post oo ka soo baxa dalka Kanada, ayaa 15kii 2015 ka, waa uu boggiisa Internet ka ku faafiyey, warbixin dheer oo ka warramaysa qisadan. Warbixintaas waxaa ka mid ahaa, xogo dheeraad ah oo la xidhiidha Cali Cumar Adeer, oo uu wargeysku ka helay masuuliyiin Soomaali ah oo Soomaaliya jooga, balse aanu magacyadooda xusin. Xogta uu wargeyska National Post sheegay isaga oo ka warramayana waxa uu qoray, “Masuuliyiin Soomaali ah ayaa sheegay in Adeer uu rasmi ahaan xubin firfircoon uga ahaan jiray ururkii Islaamiga ahaa ee Al-Itixaad Al-Islaami, laakiin muddooyinkii u dambeeyey uu hawlo kala duwan oo kale ka shaqayn jiray. waxaa ka mid ahaa in uu mar magaalada Muqdisho ku haystay rug ganacsi oo adeegga internet ka laga isticmaalo, mar kalana uu magaalada Gaalkacayo ku haystay bakhaar raashinka iibiya.” Mid ka mid ah masuuliyiinta xogta siiyey wargeyska The Niatonal Post ayaa sheegay in Cali Cumar Adeer aanu marnaba xubin ka noqon Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Alshabaab. Laakiin uu marar badan hawl fududayn u sameeyey dhinacyo kala duwan oo ah kuwa awoodda Soomaaliya ku loollamayey. Dhianca kalana Amanda Lindhout ayaa waraysi ay bixisay ku sheegay in muddadii 15 ka bilood ahayd aanay mar keliya Cali ka maqlin ereyka Al-Itaxaad ama koox ka mid ah kooxa Islaamiga ah ee Soomaaliya ka jira in uu xidhiidh la leeyahay, ama wax muujinaya in uu islaamiyiinta ka tirsan yahay. Amanda waxa ay sheegtay in aanu Cali marna ula muuqan nin diimeed iyo wadaad, weligiina aanay ka maqal wax Jihaad la xidhiidha. Waxa ay sheegtay in xitaa marka uu sheegayo dhalinyarada afduubka in uu ku sheegi jiray, ‘Baandada’ (Budhcadda). Cali Cumar Adeer intii dacwaddu ku socotay marnaba laguma soo darin wax eed ah oo la xidhiidha fal argagaxiso, ama in uu Islaamiyiinta ka mid yahay. Dhammaad Fiiro Gaar Ah: Waxa aan ka raalligelinayaa cid kasta oo ka mid ah qoyska Cali Cumar Adeer ama saaxiibbadii iyo dadka ehelkiisa ah, oo qoraalkan ku aragta wax ay dhibsato ama jeclaan lahayd in aan laga qorin arrinta Cali. Waxa aanan qirayaa in xogta uu qoraalkani ku dhisanyahay ay tahay mid laga helay dhinac keliya; oo ah dhinaca dawladda Kanada iyo warbaahinta dalkaas, sidaa awgeed ay suurtagal tahay in qoyska ama cidda kale ee hawshan ku lug lahayd ay hayaan ama sheegi lahaayeen xog taas ka duwan. Waxa aan rumaysnahay, Cali iyo dhammaan Soomaalida kale ee dalalka kala duwan ee dunida, ee aanay sharciga (Dhalasho ama joogitaan) ku lahayn dacwadaha loogu haysto ama xabsiyada ku jira, in ay mudan yihiin in dalkooda gudihiisa lagu maxkamadeeyo, haddiiba ay ciqaab mutaanna dalkooda iyo dadkooda lagu dhex xidho, waa haddii aanay iyagu taas diidanayn ee Mahadsanidin. W/Q: Kamaal A. Cali
-
Xildhibaanad Canab Xasan Cilmi oo ah Xildhibaanad katirsan Baarlamaanka Soomaaliya Kana soo jeedo Gobolka Sool ayaa ka hadashay xaaladaha ka taagan magaalada Laascaanood. Xildhibaanad Canab ayaa sheegatay in dhibaatooyin lagu hayo shacabka Laascaanood loona adeegsaday Ciidamo Milatari ah. Waxa ay sidoo kale sheegtay in Dagaalka ka dhacay Tukaraq laga leeyahay dano siyaasadeed lana doonayo in dadka la Gumeeysto. Xildhibaanada ayaa lamid dhigtay waxa ka socdo Laascaano Gumeeysiga lagu hayo shacabka Dulman ee Reer Falastiin. Magaalada Laascaanood ayaa waxaa ka taagan xiisado u dhaxeeyo Shacabka iyo Ciidamada Soomaaliland baryihii ugu dambeeysay ayaa waxaa laga soo sheegayay dhibaatooyin ciidamada Soomaaliland ay u geeysanayaan shacabka Laascaanood. Hoos ka dhageeyso Codka Xildhibaanada http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/06/Cod-Xildhibaanad-Canab-By-Cowke-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaanad Canab “Shacabka Laasacaanood Waxaa Lagu Hayaa Mid La Mid Ah Gumeysiga Falastiin” appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Talaabadani uu qaaday Ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ah mid shabaheysa talaabo uu horay u qaaday Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyiga Kim Jong Un. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sameeyay qaabkii ilaalada Hoggaamiyaha Kuuriyada ay u garab ordayeen gaadiidkiisa, iyadoo ay noqotay hadal heynta ugu badan ee Baraha Bulshada. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa talaabadani sameeyay xili uu dib uga soo laabtay booqasho uu ku gaaray goobaha ay ku ciidayeen shacabka Soomaliyeed, gaar ahaan Dagmada Dayniile iyo Goobo kale oo kala duwan. Dharka ay ku labisan yihiin ilaalada garab socta gaadiidka Ra’isul wasaaraha ayaa gabi ahaan ku labisan dharka nooca loo yaqaan Suudka oo sida caadada ah ay isticmaalan ilaalada madaxda. Kaamirada maanada ayaa Ra’isul wasaare Kheyre ka qaaday sawirkaan xili uu sii galaayay xarunta Villa Somalia, gaar ahaan afafka hore ee qeybta uu kaga shaqeeyo Madaxtooyada. Kim Jong Un, Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa qudhiisa ceynkaani ku fakiray xili uu la kulmay Madaxweynaha Koofur Kuuriya Moon Jae waxaa kolonyadiisa loo yaqaano Limo dhinac ordayay 12 ka mid ah Ilaaladiisa qaaska ah ee daba ordayay. Kulankii Kim Jong Un iyo Donald Trump ay ku yeesheen Singapore ayay ka soo muuqdeen, markii uu Kim Jong Un gaaray Singapore, si la mid ah sidii markii uu la kulmayay Madaxweynaha Koofur Kuuriya ay u dhinac ordayeen gaarigiisa.
-
Farmajo and Ethiopian PM agree to foster trade and security
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The bilateral talks between President Mohamed Abdullahi Farmajo and Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed Ali on Saturday focused on Trade and regional security. The leaders, who met at Villa Somalia in Mogadishu, emphasised the importance of strengthening cooperation to spur prosperity. Farmajo and Ahmed agreed to introduce measures to allow for the free movement of goods and services by introducing permits. “Recognizing the potential for harmonious economic development for both nations, the two leaders paid singular focus to economic growth, wealth creation and promotion of investment between Somalia and Ethiopia in order to secure a prosperous future for their people, the countries of the Horn of Africa, and ultimately the African Continent,” a joint communique reads. “The leaders, therefore, agreed to remove all trade and economic barriers and deepen and widen economic linkages by first and foremost, the development of critical infrastructure in particular development of ports and key highways linking the two nations.” The leaders said the countries agreed to enhance the economic integration of their two nations. “To fully take advantage of the larger market with more opportunities and greater economies of scale, for business, the leaders agreed to encourage incentivized investments particularly through the private sector in both countries, in order to create jobs and facilitate full economic integration between the two countries,” the communiqué said. The countries further agreed to invest in logistics and service provision especially to leading ports in the continent that can serve both the Indian Ocean and the Red Sea. Both Farmajo and Ahmed reaffirmed AMISOM’s critical role in Somalia’s progress, as the country moved into the next chapter of security ownership across the country. “While appreciating AMISOM’s role in the peace and state-building efforts of Somalia, the leaders expressly stated the need to zealously guard against any risks, both internal and external, to the reversal of the gains achieved in Somalia,” the communiqué highlighted. The leaders called upon friendly countries to contribute positively to Somalia’s peace and state-building efforts,” Hol -
Kadib kulan muhiim ah oo maanta muqdisho ay ku yeesheen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigii uu hoggaaminayay raiisul Wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa lagu heshiiyay ilaa 16 qodob oo muhiim u ah xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya. 1 – Hoggaamiyaasha labada dhinac waxay ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada dal, Gobolka iyo guud ahaan caalamka, intii kulankoodi u usocday ayaa labad mas’uull waxay dib u soo cusboonaysiiyeen balanqaadyadii ahaa xoojinta xiriirka ku dhisan walaltinimo, dhaqanka, derisnimada iyo istixgelinta labada dal. 2 – Waxaa lagu heshisyay in dib loo soo cusboonaysiiyo xoojinta xiriirka ku dhisan wadasheynta guud, xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo iyadoo la dhowrayo madax banaanida labada dhinac. 3 – Labada mas’uul waxay soo dhaweeyeen dhismaha guddi ka shaqeeya iskashiga labada dal oo horey loogu heshiiyay, kaasi oo ah heer wasiiro, kaasi oo ka shaqeyndoona horumarinta ilaaqaadka diblomaasiyadeed iyo midka ganacsi ee labada dhinacaba leh. 4 – Sidoo kale hirgelinta xafiisyo diblomaasiyadeed iyo qunsuliyado ay labada dowladood si is dhaafsi ah uga sameynayaan magaalooyinka gobolada dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, fududeynta isdhexgalka bulshada sida socdaalka, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, ganacsiga, dhaqanka. 5 – Waxaa la isla gartay muhiimadda iskaashiga horumarinta dhaqaalaha, iyadoo loo marayo maalgashi lagu sameysto labada dal, iyadoo hadafka uu yahay sidii barwaaqo loo gaari lahaa labada dal iyo guud ahaan qaaradda Afrika ugu dambeyntii. 6 – Waxaa lagu heshiyay in meesha laga saaro aqabadaha ku horgudban horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha labada dal, si loo xaqiijiyo sugnaanta isdhexgalka dhinaca dhaqaalaha iyo in laga kala faa’idaysto awooda wax soo saar ee dadka, sidoo kale horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida Dekedaha, waddooyinka. 7 – Qodobka todobaad oo la isla soo hadal qaaday ayaa waxaa kamid ah dhiirogelinta maalgaashiga, gaar ahaan ilaa 4 dekedood, waxaa ay isku raaceen in si wada jir ah loo maalgashado ilaa afardekadood oo muhiim ah oo kuyaala Soomaaliya, dhismaha waddooyinka isku xira Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana la dhisidoonaa guddi farsamo oo ka shaqeeya hirgelinta qodobada lagu heshiyay. 8 – In laga faa’idaysto awooda iyo fursadaha dhaqaale ee xagga suuqa, iyadoo la sameynayo maalgelin shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay, taasi oo hadafkeedi uu yahay in fursado shaqo loo abuuro bulshooyinka labada dhinac. 9 – In loo baahanyahay xoojinta nabadda iyo xasilooni waarta oo ay kunoolaadaan shacabka labada dal, la iskana kaashado la dagaalanka argagixisada, waxaana si wada jir ah loo cambaareeyey falalka argagixisanimo nooc kasta oo ay ahaadaanba. 10 – Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay uga mahadcelisay dowladda Itoobiya ciidamadeeda oo qeybta ka ah AMISOM sida ay naftoodi ugu hureen in ay shacabka Soomaaliyeed ay ka difaacaan cadowga Alshabaab. 11 – In mudnaan gaar ah la siiyo dowrka AMISOM ee nabadda iyo dib u dhiska Soomaaliya, waxaa la isla gartay muhiimadda ay leedahay in si wada jir ah looga hortago qatarkasta oo ku wajahan gudaha iyo dibadda, waxayna si wada jir ah ugu baaqeen dowladaha kale saaxiibada Soomaaliya in ay kaalintooda ka geystaan dib u dhiska iyo nabadeynta Soomaaliya. 12 – Waxay si wada jir ah oo cad u sheegeen in dhankasta oo xushmeeyo madaxbanaanida dalka kale, iyo sharafta dhuleed iyo kala madaxbanaanida siyaasadeed, iyadoo loogu baaqay dhamaan hogaamiyaasha Soomaaliyeed in si dhab ah uga wada shaqeeyaan midnimada iyo wada jirka Soomaaliya. 13 – Arrimaha caalamiga ah, waxaa ay ugu baaqeen QM in ay la timaado nidaam waxtar badan oo isku-dhafan oo leh dib-u-habeyn iyo xoojin, Iyadoo sidoo kale isku raacay in loo dodo wadamada Afrika dhibaatooyinka haysat in xal waara loo helo. 14 – Raiisul wasaaraha Itoobiya ayaa ku ammaanay hoggaanka dowladda Soomaaliya sida ay uga dhabeeyeen balanqaadyadodi ahaa in dalka horumar lagu soo dabaalo, waxaana uu xusay in dowladdu ay ku guuleysto in ay ka gudubto aqabado badan islamarkaana ay u jahaysatay dhanka horumarka. 15 – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey raiisul wasaaraha Itoobiya xilka cusub ee loo doortay dhawaan, wuxuuna madaxweyne farmaajo ku booriyay in uu fuliyay qorshihiisa isbedelada ah iyo hadafka dheer, uuna noqdo mid waxtar uleh Itoobiya iyo guud ahaan gobolka. 16 – Madaxweyne Farmaajo oo ku hadlayay magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliya ayaa u mahadceliyay raiisul wasaare Abiy Axmed Cali, kaasi oo dhankiisa madaxweynaha Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyey isaga iyo wafddigiisa. Wafddiga raiiusl wasaare Abiy Axmed Cali ayaa kulanka kadib dib ugu laabtay Dalkiisa Itoobiya, waxaan sagootiyay raiisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda.
-
The vice president of Somaliland H.E Abdirahman Abdillahi Ismael (Sayli’i) was the guest of honor in the award ceremony of Ramadan Football Tournament which is held annually in the holy month of Ramadan. The tournament was held at Hargeisa Stadium where the final match pitted Duco Waliid against Air Arabia teams. The VP was flanked by the minister of internal security, planning and national development and constitutional affairs. After a spirited fight Duco Waliid team won the contest however before they were given their trophy the vice president took the dais to congratulate the winners at the same time encouraging youth to take sports serious since it distracts youngsters from indulging in immoral activities and drug abuse. The deputy president commended the ministry of youth and sport for organizing a successful tournament. He underlined that the government is doing all in her power to see that youths are supported in development of sports in the country. He added that the ministry had done a marvelous job to initiate a very successful tournament. The VP congratulated the winners before handing them the prize a trophy and other sport goodies.
-
The drum beating by the Puntland president Mr. Abdiweli Gaas inciting his countrymen to go to war with Somaliland has taken him to oblivion. This year alone he has attacked Tukaraq in Sool province of Somaliland twice and on both occasion he has suffered a massive defeat. According to political pundits Mr.Abdiweli Gaas wanted to use the sons of Puntland as sacrificial lambs to vouch for his presidential campaign expected to be held in December 2018. The people of Garowe, Bossaso and a section of Qardo are closing monitoring Mr.Abdiweli Gaas move to take Puntland into war at the eleventh hour of his administration tenure, a war his men were outnumbered and outmatched in firepower and manpower. In this respect the tribal propaganda of assembling clan militias has been put on hold because the people have realized the truth of matter since this is Abdiweli war to further his political agenda. According to confidential information I acquired from some top military echelons in Garowe and Hargeisa confirmed what Mr.Abdiweli Gaas feared to be known. The Puntland military was destroyed and the defeated in the Tukaraq war hence cannot dare fight another war and simply cannot sustain a full military offensive against the Somaliland military. It is no secret that the Puntland army defeat against the Somaliland led on the 14 day of this month the Puntland intelligence chief Mr.Abdirisak Issa Hussein also known as Khatumo was sacked alongside the PPS boss Mr.Abdillahi Adan Mohammed (Abdillahi Ulle) were fired because of the Puntland military defeat in Somaliland. The loss was christened the bad luck adventure war. Political commentators in Puntland believe that the four years Mr.Abdiweli has been steering Puntland the country has been on the decline thence his plan B to revive his political capital however the problem is that he lacks experience in military and security affairs. Furthermore president Gaas after realizing that he cannot afford to fight another war he has changed tactics and is trying to use a lot of money to buy support. Some people close the president of Puntland based in Garowe decided to sponsor women and youths of Lasanod town to demonstrate. Some were even given small arms to fight the security men of Sool region. Nevertheless this endeavor failed to materialize hence the second strategy was to use the televisions, radio stations and websites to broadcast ant-Somaliland propaganda misinforming the international community that the Somaliland government is abusing the people of Lasanod. Another ploy of the clandestine plan was to tarnish the reputation of Lasanod and Buhodle legislators in the Somaliland parliament. The president of Somaliland addressing the country during the Eid celebration called for peaceful coexistence with Somaliland’s neighbors whereas the Puntland president called for war. President Abdiweli Gaas has stooped to low up to the extent of using school children and women to fight his war since he cannot sustain a military war following his numerous defeats bat the hand of Somaliland army. By: Omar Mohammed Farah
-
The president of Somaliland H.E Musa Bihi Abdi attended the Eid prayers at Hargeisa’s ancient Jama’a Mosque. The head of state was accompanied by some members of his cabinet, security personnel from the different branches of the armed forces and crème de la crème of the society. The minister of religious endowment Sheikh Khalil Abdillahi Ahmed gave a sermon about the importance of fearing almighty Allah in all undertakings. He also preached about advantages of a united country in fostering development and peaceful consistence. The minister urged Somaliland nationals to foster Islamic principle and live together as brothers. “Today is a happy day since we are celebrating Eid-ul-fitr we have to work together to promote peaceful coexistence between different communities to improve our way of living the government is on the fore front to make sure that the country citizens develop in every aspects of their lives. The president also took to the pulpit to call on the people of Somaliland to unite for peace and development here are his words “I pray for our Lord Allah to accept our endeavors to fast during the holy month of Ramadan. Oh! Allah accepts our prayers. Bless this land and nation with peace and prosperity. And accept this prayer we pray in this congregation.” The president affirmed that Somaliland as a nation is ready to promote peaceful coexistence with her neighbors. He said that whatever conflict that exists internally will be solved amicable. “The Horn of Africa region is not ready for conflicts on her door steps; furthermore the Somalis are tied of war and conflict and aspire for development and a better life for their families.” Traditionally after the Eid prayers the head of state hosted an Eid feast at the presidential palace where by children; youths and the elders were entertained to a sumptuous Somali food. Solnanews.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Ra’isul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ka sagootiyay Wafdiga uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo maanta booqasha rasmi ah ku yimid dalka. Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo booqashadiisa Soomaaliya aheyd hal maalin ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoo si weyn uga hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal,iskaashiga Ammaanka,dhaqaalaha iyo ladagalanka argagixisada. Booqashada Ra’isul wasaaraha Dalka Ethiopia ayaa muujinaysa dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya dowladaha caalamka.
-
MOGADISHU (Reuters) – Somalia and Ethiopia announced they were jointly investing in four seaports to attract foreign investment to their two countries, the latest move in a tussle for access to ports along one of the world’s most strategic waterways. After Somalia’s president Mohamed Abdullahi Farmaajo hosted Ethiopia’s prime minister Abiy Ahmed for a meeting at the presidential palace in Mogadishu, the two leaders issued a joint statement of pledges to cooperate on everything from the development of infrastructure including roads linking the two countries to expanding visa services to promote cultural exchanges. The statement did not elaborate on which ports the two countries would develop. The Horn of Africa’s Red Sea coastline extending north of Somalia through Djibouti and Eritrea toward the critical Suez Canal is already dotted with ports owned or run by countries locked in a regional struggle: the United Arab Emirates and its ally Saudi Arabia on one side, and Turkey which backs Qatar on the other. Landlocked Ethiopia, which has a population of 100 million, has been led since April by 41-year-old former intelligence officer Abiy, who has moved swiftly to assert his nation’s interests on the international stage. “The leaders further agreed to invest in logistics and service provision specially to leading ports in the continent that can serve both the Indian ocean and the Red Sea,” the statement read. The day before Abiy’s visit to Somalia, the United Arab Emirates pledged to give $3 billion to Ethiopia in aid and investments, in a major show of support for the new leadership in Ethiopia. The strengthened partnership between Ethiopia and the oil-rich Gulf monarchy is significant in the context of Addis Ababa’s ties with Mogadishu. Somalia and the UAE have been at odds for months over the broader dispute in the Gulf region. That Middle Eastern feud is driving the desire to control the Horn of Africa and its waters, diplomats, businessmen, scholars and Somali officials have told Reuters. In May, Ethiopian state media reported that Ethiopia had taken an unspecified stake in the port of Djibouti, its main gateway for trade.
-
Muqdisho (PP) ─ Dowladaha Somalia iyo Itoobiya ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ka kooban 16-qodob oo ay ku jiraan kuwo xasaasi ah, waxaana heshiiskan labada waddan u kala saxiixay Madaxweynaha DF, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed. Haddaba, Akhriso Qodobbada heshiiska oo dhameystiran; 1. Hoggaamiyaasha labada dhinac waxay ka wada-hadleen arrimo badan oo khuseeya labada dal, gobolka iyo guud ahaan caalamka, intii kulanku uu socday ayaa labad mas’uul waxay dib u soo cusboonaysiiyeen ballan-qaadyadii ahaa xoojinta xiriirka ku dhisan walaalnimada, dhaqanka, darisnimada iyo is-tix-gelinta labada dal. 2. Waxaa lagu heshisyay in dib loo soo cusboonaysiiyo xoojinta xiriirka ku dhisan Wada-sheynta guud, xiriirka dublamaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya – iyo iyadoo la dhowrayo madax-banaanida labada dal. 3. Labada mas’uul waxay soo dhaweeyeen dhismaha guddi ka shaqeeya is-kaashiga labada dal oo horay loogu heshiiyay, kaasoo ah heer wasiir, kaasoo ka shaqeyn doona horumarinta cilaaqaadka dublaaasiyadeed iyo kan ganacsi ee ka dhexeeya labada waddan. 4. Sidoo kale hir-gelinta xafiisyo dublamaasiyadeed iyo qunsuliyado ay labada dowladood si is-dhaafsi ah uga sameynayaan Magaalooyinka iyo Gobollada Somalia iyo Itoobiya, fududeynta is-dhex-galka bulshada sida socdaalka, gaar ahaan dhinacyada; waxbarashada, ganacsiga, dhaqanka. 5. Waxaa la isku af-gartay muhiimadda is-kaashiga horumarinta dhaqaalaha, iyadoo loo marayo maal-gashi lagu sameysto labada dal, iyadoo hadafka uu yahay sidii barwaaqo loo gaarsiin lahaa labada waddan iyo guud ahaan Qaaradda Afrika. 6. Waxaa lagu heshiiyay in meesha laga saaro aqabadaha ku hor-gudban horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha labada dal, si loo xaqiijiyo sugnaanta is-dhexgalka dhinaca dhaqaalaha iyo in laga kala faa’iideysto awoodda wax-soo-saar ee dadka, sidoo kale horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida dekedaha, waddooyinka. 7. Waxaa la isku raacay in si wadajir ah loo maal-gashado afar dekadood oo muhiim ah oo ku yaala Soomaaliya, dhismaha waddooyinka isku-xira Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana la dhisi doonaa guddi farsamo oo ka shaqeeya hir-gelinta qoddobada lagu heshiyay. 8. In laga faa’idaysto awooda iyo fursadaha dhaqaale ee xagga suuqa, iyadoo la sameynayo maal-gelin shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay, taasoo hadafkeedi uu yahay in fursado shaqo loo abuuro bulshooyinka labada dhinac. 9. In loo baahan yahay xoojinta nabadda iyo xasillooni waarta oo ay ku noolaadaan shacabka labada dal, la iskana kaashado la-dagaallanka argagixisada, waxaana si wadajir ah loo cambaareeyey falalka argagixisanimo nooc kasta oo ay ahaadaan. 10. Dowladda Federaalka Somalia, waxay uga mahad-celisay Dowladda Itoobiya ciidamadeeda qaybta ka ah halw-galka AMISOM sida ay naftooda ugu hureen inay shacabka Soomaaliyeed ka difaacaan kooxda Al-shabaab. 11. In mudnaan gaar ah la siiyo doorka AMISOM ee nabadda iyo dib u dhiska Dalka Somalia, waxaa la isla gartay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga hor-tago khatar kasta oo ku wajahan Gudaha iyo Dibadda, Waxayna si wadajir ah ugu baaqeen Dowladaha kale saaxiibada Soomaaliya in ay kaalintooda ka geystaan dib u dhiska iyo nabadeynta Somalia. 12. Waxay si wadajir ah oo cad u sheegeen in dhan kasta uu xushmeeyo madax-bannaanida dalka kale iyo sharafta dhuleed iyo kala madax-bannaanida siyaasadeed, iyadoo loogu baaqay dhammaan hoggaamiyeyaasha Somalia inay si dhab ah uga wada-shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka Soomaaliya. 13. Arrimaha caalamiga ah; Waxay ugu baaqeen QM inay la timaaddo nidaam wax-tar badan leh oo isku-dhafan oo leh dib-u-habeyn iyo xoojin, iyadoo sidoo kale isku-raacay in laga doodo in dhibaatooyinka haysta wadamada Afrika xal waara loo helo. 14. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ku ammaanay Hoggaanka Dowladda Somalia sida ay uga dhabeeyeen ballan-qaadyadodi ahaa in dalka horumar lagu soo dabaalo, Wuxuuna xusay in dowladdu ay ku guuleysto inay ka gudubto caqabado badan, isla markaana ay u jahaysatay dhanka horumarka. 15. Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya xilka cusub ee loo doortay dhawaan, wuxuuna Farmaajo ku booriyay inuu fuliyay qorshihiisa is-bedellada ah iyo hadafka dheer, uuna noqdo mid wax-tar u leh Itoobiya iyo guud ahaan gobolka. 16. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Cali ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay shacabka iyo dowladda Somalia sidii loogu soo dhaweeyay Muqdisho, isagoo sheegay in isaga iyo wafdigiisa ay aad ugu farxeen soo dhaweyntii ballaarnayd ee loo sameeyay, wuxuuna Somalia u rajeeyay nabad iyo horumar ballaaran. Ugu dambeyn, Wafddiga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed Ali ayaa kulanka kaddib ka dhoofay Muqdisho, waxaana sii sagootiyay xubno uu hor-kacayay Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Somalia. PUNTLAND POST The post AKHRISO: Qodobbada Heshiiskii ay Muqdisho ku kala Saxiideen Farmaajo iyo Abiy Ahmed Ali appeared first on Puntland Post.
-
Farmajo and Ethiopian PM agree to foster trade and security
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The bilateral talks between President Mohamed Abdullahi Farmajo and Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed Ali on Saturday focused on Trade and regional security. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed oo maanta booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho ayaa kala saxiiday heshiis ka kooban 16-qodob, kuwaas oo ay ku jiraan maal-gasho ay Itoobiya ku sameynayso Soomaaliya. Qodobbada ugu muhiimsan heshiiskan ayaa waxaa ka mid ah in itoobiya ay maal-gashanayso afar dekedood oo ku yaalla Somalia, si ay Itoobiya agabka ay dibadda kala imaanayso uga soo dagsato. Sidoo kale, Heshiiska ayaa waxaa ka mid ah in Itoobiya ay dhisayso jidad isku xiri doona labada waddan, waxaa kaloo ka mid ah heshiiskan in labada waddan ay xusheeyaan madax-bannaanidooda qarameed iyo midnimadooda, si looga gaashaanto mad-madow soo dhex-gala. “Anigoo ku hadlaya magaca Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda, Waxaan kugu soo dhaweynaya Soomaaliya,Soomaaliya iyo Itoobiya,waxay wadagana taariikh,dhaqan,booqashadaada maanta waxay xoojinaysa xiriirka naga dhexeeya,majiraan wax kala qeybin kale walaaltinimada labada waddan,waa waajib ina saran in aan xaqiijinayo nabadda iyo horumarka labada dal,iyadoo loo marayo kobada dhaqaale iskaashi bulsho,waxaan doonayaa in aan halkani ugu mahadceliyo ciidamada militariga ee dalkaaga sida ay naftooda inoogu hureen in ay Soomaaliya ka caawiyaan ka hortaga cadowga Al-shabaab oo dhibaato ku haya Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Heshiiska ayaa waxaa ka mid ah in labada waddan ay dhistaan guddiyo ka kala socda golayaasha wasiirrada, kuwaasoo daba-gal ku sameyn doona sidii loo meel-marin lahaa heshiisyada ay labada dhinac kala saxiixdaan. Dhanka kale, Waxaa labada waddan ay ku heshiiyeen in la xoojiyo arrimo ay ka mid yihiin xiriirka dhaqaale iyo midka siyaasadeed ee u dexeeya, kuwaas oo ay ku jiraan heshiisyo ay labada dhinac horay u kala saxiixdeen. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo wadigiisa oo ay booqashadoodu ahayd hal maalin ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo tani ay noqonayso booqashadii ugu horreysay oo uu Abiy Ahmed ku yimaado Xamar. Ugu dambeyn, Qodobada heshiiskan ka mid ah oo aadka loo hadal hayo ayaa ah in Dowladda Somalia ay ogolaatay inay Itoobiya maal-gashato dekedaha Somalia iyadoo la ogyahay in horay ay dowladda Somalia uga hortimid heshiiskii Dekedda Berbera oo ay itoobiya saami ku lahayd. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy oo Muqdisho ku kala saxiiday Heshiis appeared first on Puntland Post.
-
Kadib saacado ay ku jireen kulan albaabada u xiran, ayay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed shaaciyeen waxyaabaha ay ku heshiiyeen. Iyaga oo shir jaraa’id ka hadlaya ayay si wadajir ah u sheegeen in labada dal uu dhex marayo iskaashi dhinacyo badan, kaas oo uu xitaa qeyb ka yahay is dhexgal labada bulsho. Waxa ay madaxda si wada jir ah ugu dhawaaqeen guddi heer wasiir ah oo si dhaqso ah u hawlgalaya oo isku dhaf ah, kaas oo ka shaqayn doona fulinta waxyaabihii lagu heshiiyay. Qodobka 7aad ee heshiiska ayaa ahaa kan ugu culus, wuxuuna ka hadlayay in labada dal ay ku heshiiyeen is ay wada maalgashadaan illaa 4 dekedood, iyo dhismaha waddooyin laami ah oo isku xira labada dal. Waxaa xusid mudan in dowladda Soomaaliya ay horey uga hortimid heshiis lala galay shirkadda DP World oo ay ku maamulayso dekada Berbera, heshiiskaas oo Itoobiya qeyb ka ahayd. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa boggaadiyay dadaalka ciidamadda nabad illaalinta Afrika ee AMISOM oo ay qeyb ka yihiin ciidamada Itoobiya. “Anigoo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda,waxaan kugu soo dhaweynaya Soomaaliya,Soomaaliya iyo Itoobiya,waxay wadagana taariikh,dhaqan,booqashadaada maanta waxay xoojinaysa xiriirka naga dhexeeya,majiraan wax kala qeybin kale walaaltinimada labada dal,waa waajib ina saran in aan xaqiijinayo nabadda iyo horumarka labada dal,iyadoo loo marayo kobada dhaqaale iskaashi bulsho,waxaan doonayaa in aan halkani ugu mahadceliyo ciidamada militariga ee dalkaaga sida ay naftooda inoogu hureen in ay Soomaaliya ka caawiyaan ka hortaga cadowga Alshabaab oo dhibaato ku haya Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Qodobka 12-aad ee heshiiska ayaa sidoo kale xusayay in labada dal ay si buuxdo ugu heshiiyeen in midba midka kale uu xushmeeyo madaxbanaanida, qaranimada iyo xornimada siyaasadeed ee dalalkan. Iyada oo sidoo kale ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa midnimada Soomaaliya. Heshiiska oo u muuqday in muddo laga soo shaqaynayay, kulankana uu ahaa mid munaasabad uun looga gol lahaa, ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay oo labada dal dhexmaro. Kulankan ayaa waxaa la sheegay in uu kasoo shaqeeyay Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre oo dhawaan booqasho ku tagay Itoobiya, balse kulamadii maanta meelna kama uusan muuqanin Kheyre. Ra’isulwasaare Abiy oo ay la socdeen illaalo hubeysan ayaa isla maantana dib ugu laabtay dalka Itoobiya. ISHA BBC Somali
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia soo gaaray Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr. Abiy Axmed Cali. Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali oo lugtiisa ugu danbeysay ku joogay Sacuudiga ayaa la kulmay dhaxal sugaha Dubai ahna taliye ku-xigeenka Ciidamada Mohamed bin Zayed. Abiy Axmed Cali iyo Mohamed bin Zayed, ayaa kawada hadlay xiriirka labada dal, Mandiqada geeska Africa iyo xal u helista Khilaafka Diblumaasiyadeeda ee Somalia iyo Imaaraadka Abiy Axmed Cali, oo dowladiisa galangal Siyaasadeed ku leedahay Somalia isla markaana kumanaan ciidan ka joogan Somalia ayaa la sheegay inuu u kala dabqaadayo Dowlada Somalia iyo Imaaraadka oo isku khilaafsan arrimaha Khiliijka. Shabakada wararka zawya ee kasoo baxa dalka Imaaraadka ayaa qortay in Dowlada Imaaraadka ay Ra’isul wasaaraha Abiy Axmed Cali ku wareejisay lacag dhan ($3bln). Illo xogagaal ah ayaa sheegaya in qeyb kamid ah lacagtaasi loo adeegsan doono dadaalka Ra’isul wasaare Abiy Axmed Cali ku doonaayo inuu wax uga qabto xiisada Diplumaasiyadeed ee ka dhextaagan Somalia iyo Imaaraadka carabta. Diplumaasiyiin codsaday inaan la carabaabin ayaa sheegay in Dowlada Imaaraadka ay dooneyso inay ka faa’iideysato miisaanka Ethiopia ay ku leedahay Gobolka iyo arrimaha Somalia si ay Madaxweynaha Somalia u saran cadaadis ku khasbi kara inuu tanaasul ka sameeyo u-xaglinta dowlada Qadar ee Khilaafka Khaliijka, balse siyaasiyiin ka agdhow Dowlada Federaalka ayaa shaki ka muujiyay in Madaxweyne Farmaajo uu tanaasul dhaba ka muujiyo arrintaas. Haddaba dadaalka Ra’isul wasaare Abiy Axmed Cali ayaa u muuqda mid haatan bilowday kadib markii booqasho aan lasii shaaci maanta ku yimid magaalada Muqdisho, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu kusoo dhaweeyay Garoonka. Labada hoggaamiye waxa ay u gudbeen qasriga Madaxtooyada Villa Somalia halkaasi oo ay ku yeesheen kulan khaasa oo saxaafadu ay ka aheyd dibad joog. Illo la hadlay webseedka Caasimada Online ayaa tilmaamay in qodobada aasaaska u ah dhex dhexaadinta ay kamid tahay: 1-In Imaaraadka ay dhowrto midnimada Somalia. 2-In Imaaraadka ay joojiyaan faragalinta ay ku hayaan Somalia. 3-In Imaaraadka uu joojiyo hurinta colaadaha. 4- In Imaaraadka uu cadeeyo mowqifka uu ka taagan yahay al-Shabaab, iyadoo dowlada Federaalka rumeysan tahay in dalal ay kamid tahay Imaaraadka ay maalgalin hub ah siiyaan kooxdaas. 5- Inay Imaaraadka joojiyaan xiriirada tooska ah oo ay lasameyan maamul Goboleedyada, isla markaana ay dowlada Somalia kala xiriiran qadiyada Somalia. 6- In Imaaraadka ay joojiyaan Saldhiga Militery oo ay ka dhisayaan magaalada Berbera ee Somalia iyo ictiraafka Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Imaaraadka oo aan la ogeyn shuruudaheeda tiirka u ah dhex dhexaadinta ayaa waxaa haddana jira warar muujinaaya in Imaaraadka ay aad u daneyneyso in mar kale miisaan ku yeelato masraxa Siyaaasada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dhoofay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Cali, kaddib booqasho hal maalin oo uu ku yimid Muqdisho. Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Cali, ayaa Garoonka Muqdisho uga dhoofay Diyaaradii keentay oo ku sugneyd garoonka, waxaana garoonka ku sii sagootiyay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre. Farmaajo iyo Abiy Ahmed Cali, ayaa kulan khaasa ku yeeshay Madaxtooyada, waxaana ka soo baxay war murtiyeed qodobo badan ka koobaan. Labada mas’uul oo Shir jaraa’id ku qabtay Villa Somalia, ayaa waxay ku caddeeyeen in xoojinayaan xiriirka labada dal u dhaxeeya, isla markaana uu haatan bog cusub u furmay. Farmaajo ayaa ku ammaanay Ra’isul wasaare Abiy Ahmed Cali is bedelada iyo dib u habeynta uu ku sameeyay siyaasadda dalkiisa. Dhinaca kale, booqashada Ra’isul wasaaraha Ethiopia uu ku yimid Muqdisho ayaa ka mid aheyd, socdaalo uu ku marayay dalalka deriska, sida Jabuuti, Kenya, Sudan iyo Uganda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta booqasho ku imaaday magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Ra’isul wasaare Abiy Ahmed, ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, iyadoo soo dhaweyn kadib loo galbiyay Villa Somala. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul was are Abiy Ahmed ayaa goor dhow si wada jira ula hadlay warbaahinta iyagoo ku sugan xarunta Madaxtooyadda. Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in maanta Ra’isul wasaaraha Ethiopia booqasho uu ku yimaado Magaalada Muqdisho. Waxaa uu sidoo kale sheegay in booqashadda Abiy Ahmed ay tahay mid taariikhi ah oo xoojin doonta xirirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loogu sameeyay Magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in labadal uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah.
-
Ethiopia’s capital of Addis Ababa on Friday saw hundreds of thousands of joyous people performing prayers as part of nationwide Eid al-Fitr celebration in the horn of African country, whose Muslim population is the second largest in Sub-Saharan Africa after Nigeria. Seasonal rains abated to give way to refreshed men, women, children and elders gathered at the city center chanting Allahu Akbar or God is great. The huge gathering was joined by dignitaries from the government and Islamic Affairs Supreme Council. Speaking at the occasion, Mayor Diriba Kuma said Ethiopia – a pluralist nation – has a Constitution that gives religious equality to all. He said that recently the country has embarked upon reconciliation and reform measures aimed at improving living conditions and enhancing national unity. Sheikh Mohammed Sherif, head of the Addis Ababa Islamic Affairs Supreme Council, told the gathering: “This year’s Eid celebration is special as it came at this particular time when the government gave express emphasis to unity after so several years of tensions.” Relative peace prevailed in Ethiopia and people’s hopes revived after the coming to power of Prime Minister Abiy Ahmed two months ago, stressing fast-track reforms and reconciliation including the release of political prisoners and Muslims detained on what many call trumped-up charges. Hope springs Renowned author and journalist Zekeriya Mohammed told Anadolu Agency that this year’s Eid celebration — and the holy month of Ramadan before it — is special in more ways than one. “I can say that this year’s Eid al-Fitr is so special in that it is being observed in an atmosphere of ongoing political changes in our country,” he said. “As with the past couple of years, during this year’s Ramadan the Muslim community were passionately praying towards Allah to help the nation sustain this positive development.” He added: “The Ethiopian Muslim community pioneered a peaceful resistance movement against government interference in religious affairs from 2011 to 2014.” “Although the Muslims’ peaceful resistance movement didn’t achieve its desired results in full yet, I believe it certainly inspired the nationwide Oromo protests that followed and which resulted in the present political changes in the country,” he said. He said that although Muslims’ demands had to do with constitutionally enshrined religious rights, community representatives were thrown into jail with false charges of terrorism and other offenses. “Thanks to Allah, the Most Exalted, all the leaders of the movement have now been released after enduring four years of unjust prison terms,” he said. “That has added to the joy of the Muslim community, and all the Muslim community representatives are celebrating Eid al-Fitr with their community for whose cause they made the dearest sacrifices,” he added. Source: – Anadolu Agency
-
Forces from a Saudi and Emirati led coalition have captured the airport in Yemen’s port city of Hudaida, military officials announced on Twitter. In a post on Saturday, an account associated with the Saudi-alligned Yemeni military said the airport had been “freed from the grip of the Houthi militia” and that de-mining operations were ongoing. Hudaida airport is located just to the south of the city-proper with heavy fighting still ongoing on Hudaida’s southern edges. Houthi sources have not yet confirmed their loss of the airport. Heavy fighting has left at least 39 people dead as of Thursday, including 30 Hourthi rebels, and nine pro-government troops. Rebels have instructed civilians to move away from the outskirts of the city and towards the city centre. Hudaida is home to about 600,000 people and a port responsible for 70 percent of imports into Yemen, raising fears the fighting could ignite a humanitarian catastrophe. The UN Security Council has expressed its “deep concern” over the fighting and UN officials have warned of a risk of famine. Adana Dieng, UN special adviser on the Prevention of Genocide, said the attack on Hudaida could heighten the risk of famine. “The Yemeni port (of Hudaida) is a lifeline for the delivery of aid and the Coalition’s air attacks can kill many more people over time through famine and hunger when damaging such civilian infrastructure,” Dieng said in a statement. More than 22 million people in Yemen are in need of aid, including 8.4 million who are at risk of starvation, according to the UN, which considers Yemen to be the world’s worst humanitarian crisis. Source: – Aljazeera
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in halkaa uu iminka kulan khaasa uga socdo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed. Kulanka Villa Somalia uga socda labada mas’uul ayaa lasoo sheegayaa inuu yahay mid uu albaabada u xiran yahay. Weriyayaasha ku sugan Madaxtooyada ayaa banaan joog ka ah shirka labada mas’uul uga socda Villa Somalia, iyadoo hakat la galiyay isu socodka gudaha Villa Somalia. Warar hoose ayaa sheegaya in kulanka labada mas’uul looga wada hadlaayo arrimo ay kamid yihiin Xiriirka labada dal, Amniga, Khilaafka Somalia kala dhexeeya Imaaraadka iyo In Somalia lagu caawiyo dhameystirka baahiyaheeda. Qodobada sida gaarka ah kulanka diirada loogu saari doono ayaa waxaa kamid ah Khilaafka Imaaraadka iyo Somalia iyo In Ethiopia ay kaalin weyn ka qaadato horumarka Somalia. Warar madax-banaan ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed uu socdaalkiisa Muqdisho yahay mid ku xeeran xiisada Siyaasadeed ee Somalia kala dhexeeya Imaaraadka kaa oo ka dhashay Khilaaf Siyaasadeedka dalalka Khaliijka. Sidoo kale, Wasiiradda ka socda dowladda Ethiopia ee wehlinaaya Abiy Axmed ayaa kulamo kala duwan la leh Wasiiradda xukuumadda Somalia. Wafddiga Ra’isul wasaaraha Ethiopia waxaa ka mid ah Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Ethiopia. Ammaanka Xarunta Madaxtooyadda iyo Xayndaabkeeda ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana amniga iska kaashanaya ciidamada kala duwan ee dowladda. Geesta kale, Kulanka labada mas’uul kadib ayaa lagu wadaa in labada Dowladood ay kala saxiixdan Heshiisyo hor leh oo kala xadidi doona labada dal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com