-
Content Count
210,018 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hiiraan (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaaro geystay oo lala eegtay ciidamo ka tirsan AMISOM qeybta Jabuuti kaa oo ka dhacay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan. Qaraxaan oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay kolonyo ay la socdeen Saraakiil iyo Ciidamo Jabuuti ah,waxaana la sheegay in uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh. Qaraxa ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada Jabuuti, halka laba kale ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay Saraakiisha ciidamada maamulka Hiiran. Qaraxa kadib sida caadaduba aheyd waxaa halkaa gaaray ciidamo ka tirsan maamulka Hiiraan kuwaa oo gurmad u fidiyay kuwa Jabuuti. Sidoo kale, Wadada ciidamada qaraxa lagula eegtay ayaa dhawr mar oo hore sidan oo kale waxaa uga dhacay qaraxyo, kuwaasi oo khasaare geystay, islamarkaana ay masuuliyadooda sheegteen Shabaab. Dowlada Jabuuti iyo Taliska ciidamada Jabuuti ee Somalia ayaan wali ka hadal Qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana suuragal ah in khasaaraha uu intaa kasii badan yahay. Caasimada Online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
-
A few eyebrows were raised when French football club Toulouse announced that the Brazilian midfielder, Somalia, has joined the Saudi football team, al-Shabab. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau oo la hadlaayay warbaahinta dalkiisa ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay qorshooyin ay xukuumada Sacuudiga la damacsan tahay shaqsiyaadka u xiran ee u ololeeya xuquuqda aadanaha. Ra’isul wasaare Justin Trudeau, waxa uu tilmaamay in maalmahaani uu helaayay fariimo aan lagu farxin kuwaa oo muujinaaya in Xukuumada Sacuudiga ay xukuno dil toogasho ah ku fulineyso xubnaha u dooda xuquuqul insaanka ee ku jira gacanta Sacuudiga. Justin Trudeau, waxa uu sheegay in arintaan ay dowladiisa cabsi ka muujineyso, balse ayna difaaci doonaan shaqsiyaadka u ololeeya xuquuqda aadanaha iyaga oo la qeyb sanaya wax walba oo suura gal ah sida uu sheegay Trudeau. “Cidna kama yeeli doono in sifo sharci daro ah lagu dilo dad aan waxba galabsan oo hadana u ololeeya xuquuqda aadanaha Sacuudiga kama yeeli doono waana ku celcelin doona in talaabadaasi tahay mid khaldan”. Justin Trudeau, waxa uu cod dheer ku sheegay in Sacuudiga ay ku xisaabtami doonaan talaabo waliba oo khaldan, waxa uuna ka digay in la waxyeeleeyo xubnaha u dooda xuquuqul insaanka. Dowladaha Sacuudiga iyo Canada ayaa tan iyo bilowga bisha aan ku jirno dhaliilo isu marinaayay hawada ilaa iyo markii danbe uu xumaaday xiriirkoodii diblumaasiyadeed kadib markii safiirkii canada u fadhiyay magaalada Riyaad uu dhaleeceyay howlgalada dowlada sacuudiga ee ka dhanka ah kooxaha u ololeeya arimaha bulshada ee u dhashay dalkeeda. Hadalkaan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo war ka soo baxay hey’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights lagu sheegay in dowlada sacuudiga ay dalbatay in dil toogasho lagu xakumo shan ruux oo u xiran oo u ololeeya xuquuqda aadanaha. Dhinaca kale, dadkaan ayaa dowlada ku eedeysay in ay wadeen banaanbaxyo ka dhan ah maamulka boqortooyada sacuudiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
A study of drinking around the world warns that even an occasional glass of wine can increase your chances of disease and an early death. Scientists say there's no such thing as a "safe level" of alcohol consumption. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumad Cumar, waxaa la sheegayaa iney jiraan caqabado uu la kulmi karo. Dhowr dhinac ayaa la sheegayaa in ay caqabadahaas kaga imaan karaan. Qormadan ayaan mid mid ugu eegi doonnaa caqabadahaas, waxa ay yihiin, iyo dhinacyada ay uga imaan karaan. Liyuu Boolis Caqabadda ugu horreysa ee uu la kulmi karo madaxweynaha ayaa waxaa lagu tilmaamay iney noqon karto mid uu kala kulmo ciidamada Liyuu Booliska deegaanka oo uu aasaasay, daacadna u ahaa madaxweynihi hore ee deegaanka ee xilka iska casilay, Cabdi Maxamuud Cumar. dadka wax indha indheeya waxay u aanaynayaan dhowr arrimood middood. – Ciidanka oo aan loo diyaarinin nidaam qumman oo lagu hagi karo, laguna beddeli karo dhaqanki hore ee lagu eedeeyo inay lahaayeen ee ku saleysnaa dilka, dhaca, boobka iyo ku tumashada xuquuqda aadanaha. – Ciidanka qaar ka mid ah, gaar ahaan saraakiisha ugu sarreeysa oo ah kuwo lagu tilmaamo inay dambiyo badan shacabka ka galeen oo lama huraan ay noqonayso in lala xisaabtamo, ciddi dambi lagu helana sharciga la horkeeno. Qodobkan wuxuu imaan karaa haddii aysan dhicin is cafin iyo dib u heshiin. – Qaar ciidanka ka mid ah oo weli daacad u ah madaxweynihi xilka ka tagay ee Cabdi Maxamuud Cumar oo diiddan isbeddelka deegaanka ka socda. Qaab dhismeedka deegaannada Caqabadda kale ee uu la kulmi karo waa degmooyinka iyo ismaamul loo sameeyey magaalooyinka cusub, kuwaasoo uu Cabdi Maxamuud Cumar ku dhawaaqay maalmihi ugu dambeeyey ee uu xilka ka sii tagayey. Haddii uu isku dayo madaxweynaha inuu qaab dhismeedka deegaanka lagu soo kordhiyey wax ka beddelo waxay dadka wax indha indheeya sheegayaan inay keeni karto in bulsho badan oo degmooyinka iyo ismaamul magaalooyinka la sameeyey ku faraxsanaa ay ka hor yimaaddaan maamulka Mustafe Cagjar. Haddaba isbeddelka dhinaca maamulka guud ahaan ee heer deegaan, gobol, degmo iyo tuulo ee uu madaxweynaha ku dhawaaqay inuu isbeddel ku samaynayo maxay noqon kartaa mushkiladda kala dhalan karta? Isbeddellada guud ee dhinaca maamullada ee uu madaxweynaha cusub samayn doono haddii ay noqoto in dhammaan dadkii xilalka u soo hayey maamulki hore la dareeriyo iyada oo aan loo kala saarin cidda khaldan, aqoon iyo khibrad ku filan aan lahayn iwm, waxay keeni kartaa in xog badan oo dowladeed oo ay maamulladii hore gacanta ku hayeen la waayo, ama ay sababto boob hanti iyo arrimo la mid ah, taasina ay caqabad ku noqon karto isbeddelka uu doonayo inuu madaxweynaha cusub sameeyo. Xiriirka Dawladda Federaalka Dhinaca siyaasadda la xidhiidha, xiriirka uu maamulka madaxweyne Mustafe a yeelanayo Dowladda dhexe waxyaabaha madmadowga soo gelin karo oo u baahan in aad looga taxaddaro sida go’aannada ay ka midka yihiin magaca deegaanka ee la beddelay DDSI loo beddelay DDS, heesta astaanta deegaanka u ahayd oo lagu beddelay tii hore ee ahayd Soomaaliyeey Toossoo Toossoo iskku tiirsada…, Calanka degaanka ee la beddelay iwm. Dhammaan qodobbadaa iyo kuwa la midka ah dadka arrimaha gobolka aadka ugu dhuun daloola waxay ku talinayaan in madaweynuhu uu aad uga fiirsado, sababtoo ah tillaabbooyinka qaar waxay keeni karaan inuu xumaado xiriirka uu la leeyahay dowladda dhexe, “maadaamaa arrimahaasi oo dhan inuu sameeyo Cabdi Maxamuud Cumar ay dowladda dhexe lafteeda kaalin ku lahayd”. Waxaa kaloo caqabad culayskeeda leh noqon karta arrimaha dhulka iyo hantida ma guurtada, ayadoo dad badan ay sheeganayaan in dhul ay milkiyad u haystaan xoog looga qaaday. Soo celinta hantida la aaminsan yahay in deegaanka iyo qasnadda dowladda ay leeyihiin oo la soo celiyo, oo ah waxyaabaha uu ku dhawaaqay madaxweynaha cusub inuu sameeynayo ayaa iyagana waxaa ka dhalan kara mucaaradad iyo kooxo isaga diiddan inay degdeg u sameeysmaan, sidaa darteedna uu isbeddel xowli ah samayn waayo, taasina waa waxyaabaha caqabadda ay ka dhalan karto oo u baahan si taxaddar leh inuu u fuliyo. Dadka sida aadka ah ugu kuurgala siyaasadda deegaanka Soomaalidana waxay sheegayaan iney Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ay horyaallaan howlo aad u badan oo 11kii sano ee ugu dambeeyey qarribmay in la saxo, kuwaasoo noqon kara kuwo aan sahlanayn oo mixnad uu kala kulmi karo. ONLF iyo Kooxaha mucaaradka Jabhadda ONLF oo ah jabhadda keli ee hubeysneyd ee muddo dagaal kula jirtay dowladda Itoobiya si ay gobolka ay Soomaalidu degto oo hoos taga Itoobiya ay “uga xoreyn lahayd”, iyo ururrada mucaaradka ee ka abuurmay cadaadiska maamulka Cabdi Maxamuud Cumar sida Dulmidiid iyo SRAJ waxay doonayeen iney maamulka Cabdi markay ka takhalusaan ay xilka iyagu la wareegaan. Waxaana isbahaysi ku heshiiyey ururrada Dulmidiid iyo SRAJ oo madaxweyne Mustafe uu ka tirsan yahay iyaga oo haddana aad ugu kala aragti duwanaa xagga aragtida mucaaradnimada, misna ONLF waxay kaga duwan tahay ayadoo dooneysa iney gobolka gabi ahaantiisba uu madax bannaani ka qaato Itoobiya. Xisbiga talada deegaanka haya ee X D SH S I oo isaguna siyaasadda deegaanka miisaan ku leh ayaa ka mid ah dhinacyada loollanka siyaasadeed ee adag uu ka dhaxeeyo. Haddaba, dhinacyadan siyaasadeed haddii uusan madaxweynaha sida ku habboon ula dhaqmin, qaab dhismeedka dowliga ee la dhisi doonana aan si buuxda looga qayb gelinin, waxaa adkaaneysa iney xaaladda siyaasadeed ee deegaanka degto, waxay taana ka mid ah caqabadda uu madaxweynaha la kulmi karo haddii uusan sida ugu munaasabsan u maareynin. Isku dhacyada soo noqnoqda Oromada iyo Soomaalida Arrin kale oo laga sugayo, ishana lagu hayo sida uu u wajaho ayaa ah xiisadda u dhaxaysa Soomaalida iyo Orommada, taasoo gaartay meel aad u xun, saamaynna ku yeelatay magaalooyin ay labada qowmiyadood wada degaan ama xuduud ka leeyihiin. Dhowrki sano ee u dambeeyey qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo derisnimo qarniyo badan ku soo wada noolaa ayaa waxaa ka billaabatay colaad daba dheeraatay oo ka duwan khilaafki horay labadaasi qowmiyadood u dhex mari jiray. Haddaba dhibaatooyinka qowmiyadahaasi oo sanadihii ugu dambeeyey ahaa kuwa siyaasadeysan, sidii loo joojin lahaa, labada shacab ee xadka dheer wadaagana dib looga walaaleyn lahaa, ayaa waxay ka mid tahay caqabadda uu wajihi karo madaxweynaha cusub maxaa yeelay Soomaalida waxay tirsanayaan in dad badan laga laayey, dhulna laga qabsaday, Oromaduna waxay aaminsan tahay inuu dhul ka maqan yahay, Boqollaal kun oo qowmiyaddaasi ka tirsanna deegaanka laga soo barakiciyey oo hantidooda laga dhacay. Labadaasi aragti ee kala fog isku keenidooda oo ah mid aad u adag ayaa waxay ka mid noqon kartaa caqabadaha uu wajihi doono madaxweynaha Cusub. ISHA BBC Somali
-
Zimbabwe's top court on Friday dismissed an opposition bid to have presidential election results annulled over alleged rigging in favour of Robert Mugabe's successor, Emmerson Mnangagwa. Source: Hiiraan Online
-
Sida ay warbaahinta PUNTLAND POST u xaqiijiyeen illo lagu kalsoonaan karo tiro maxaabiisa ayaa ka baxsaday maalin kahor xabsiga dhexe ee magaalada Garowe oo ah xabsi weyn oo loo dhisay si casri ah. Xabsigan oo ku yaal duleedka waqooyi ee magaalada Garowe waxaa ku xiran maxaabiis fara badan oo isugu jira Burcad badeed, gacan ku dhiiglayaal iyo dambiilayaal kale oo isugu jira kuwo maxkamadi xukuntay iyo kuwo weli xukun suge ah. Maxaabiista ka baxsaday xabsiga dhexe ee magaalada Garowe waxaa ku jirey rag gacan ku-dhiiglayaal ah oo horay degaanada Puntland uga geystay falal dil ah, lamana oga sida ay uga baxsadeen xabsigan sida casriga ah u dhisan kuna yaala meel aad uga fog magaalada. Mid kamida saraakiisha ciidanka Asluubta Puntland ayaa u sheegay PUNTLAND POST in wax yaabaha ugu waaweyn ee sababay baxsashada maxabiistan ay kamid tahay musuq-maasuq ka jira xabsiga ayna sabab u tahay xaquuqihii iyo mushaaraadkii ciidanka oo si aada dib u dhacay waayadan danbe. Waa markii labaad oo sanadkan gudihiisa ay maxaabiisi ka baxsato xabsigan mana jirto talaabooyin dadweynaha lala wadaagey oo ay Dawladu qaaday si loo ilaaliyo tayada iyo kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan xabsiyada Puntland oo u muuqata mid hoos u dhacday. PUNTLAND POST The post Baxsashada maxaabiista oo kusoo badanaysa xabsiga Garowe appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – A roadside bomb explosion targeting African Union peacekeeping forces has on Friday killed a soldier in central Somalia. The explosion hit an armored personnel carrier with Djibouti-an soldiers in Jalalaqsi town, some 369 km away from Somali capital Mogadishu. Two other soldiers also injured in the bomb attack, according to a policeman Mohamud Hanad Hussein. He says a soldier died and two others injured after an IED explosion targeted Djibouti soldiers on board. Hussein added the explosion occurred as soldiers were on mission to petrol to the town. The bomb blast was claimed by Al Qaeda linked Al-Shabaab. The group says it killed several African Union soldiers. There was no immediate comment from AU mission over the claims. Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government in fighting against the al-Qaeda-linked militants. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)– The al Qaeda linked Al Shabaab in Somalia has detailed a deadly raid on a country’s army camp in southwest of Mogadishu. The attack took place last year, after Al Shabaab fighters overran army base in Barire town, some 50 km southwest of Mogadishu, leaving 30 soldiers dead. The group detailed the attack in a video and displayed weapons and military vehicles believed to be recovered from country’s army forces. The video, which was released, included dramatic footage of massive suicide bombing, and Al-Shabaab fighters entering into the base. In a statement aired by Radio Andalus, al-Shabab’s mouthpiece in Somalia, the group claimed to have overrun the base and killed 30 government soldiers. The group also said its fighters seized battlewagons — pickup trucks with weapons mounted on the back. Al-Qaida-linked al-Shabab is attempting to overthrow the government and install a strict form of Islamic law throughout Somalia. Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government in fighting against the al-Qaeda-linked militants. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Waxaa soo idlaaday kulankii u dhexeeyay Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed iyo hoggaanka Siyaasada dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia kaa oo ka dhacay magaalada Addis Ababa. Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa waxgarad laga soo kala xulay dhammaan deegaanada ay ku sugan yihiin Soomaalida kuwaa oo waxbadan is weydaarsaden Ra’isul wasaaraha. Waxaa madasha kulanka ku sugnaa Madaxweynaha cusub ee DDSI oo maalin un ka hor la doortay, iyadoo si wada jira looga wada hadlay sidii xal dhameystiran looga gaari lahaa rabshadihii ka dhacay dowlad deegaanka soomaalida Ethiopia. Ra’isul wasaare Abiy ayaa dhinacyada uu la kulmay ka dalbaday inay u hogaansamaan awaamiirta dowlada iyo kan maamulka, waxa uuna ugu baaqay inay la imaadan qorshooyin ka duwan kan iminka laga soo gudbay. Waxa uu Abiy Axmed u sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay in si wanaagsan ay ula shaqeyso maamulka, hase yeeshee dhanka dadka deegaanka laga doonaayo inay muujiyaan jilicsanaan. Abiy Axmed waxa uu Siyaasiyiinta iyo waxgaradka kale ka dalbaday saddex qodob oo kala ah in Sharciga lagu dhaqmo,dadku inay dulqaad yeeshaan iyo in Cadaalad la sameeyo. Sidoo kale, Siyaasiyiinta iyo waxgaradka ayaa dhankooda Ra’isul wasaare Abiy ka dalbaday in mar walba ay helaan cadaalad iyo sinaanta maamulka. Waxa ay sidoo kale ka dalbadeen in cadaalada la horkeeno dad ku lug lahaa tacadiyo ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo lagu waayay naf iyo maalba. Ra’isul wasaare Abiy Axmed iyo dhinacyada kulanka qeybta ka ahaa ayaa isla fahmay in si wada jira leysaga kaashto Nabada, Hormarka iyo u hogaansamida amarada maamulka iyo dowlada. HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay muuqaal iyo sawirro laga soo qaaday weerarkii bishii August ee sanadkii hore ka dhacay deegaanka Bariire kaa oo ka dhashay khasaaro kala duwan. Muuqaalka iyo sawirada weerarka ayaa waxaa baahiyay Mu’asasada Alktaa’ib, garabka warbaahineed ee Al-Shabaab waxaana ka muuqda gaadiid kala nooca oo maleeshiyada ay ku qabsatay weerarka. Filimka ay baahisay maleeshiyada ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa qaabkii uu ku bilowday weerarka, sida maleeshiyada ay ku galeen gudaha xerada ciidamada iyo sida uu dagaalka uga dhex dhacay xarunta. Muuqaalkan oo la daawan karo in ka badan 30 daqiiqo ayaa waxaa lagu arkayaa qiic iyo olol ka baxaaya xerada wallow ay ciidamada xiligaa iska caawiyeen maleeshiyaadka duulaanka qaaday.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Somalia ay la’ dahay midabka saxda ah ee uu leeyahay calanka Somalia. Wasiir Maareeye waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay hadda ku howlan tahay baadi goobka midabka calanka Somalia, waxa uuna xaqiijiyay inay adag tahay helida midabka saxda ah. Maareeye, waxa uu sheegay in meel waliba oo ay joogan Soomaalida laga isticmaalo calamo ay midabkooda kala duwan yihiin, waxa uuna tilmaamay in dhibka ugu badan ay ku qabaan shirarka caalamiga ah oo lagu arko calamo kala nooc ah. “Waxaa hadda la raadinayaa midabka saxda ah ee calanka Somalia, waxaan ku wareersanahay calamo kala duwan midabkood oo aan uga qeybgalno shirarka iyo munaasabadaha kale, waa inaanu helnaa midabka xaqiiqda ah” Xarumaha dowlada qaarkood ayuu sheegay xitaa in lagu arkaayo calamo kala midab ah, waxa uuna taa ku sheegay dhibaato xal u baahan, maadaama uu adduunka ku wareersan yahay midabka saxda ah ee calanka Somalia. Sidoo kale waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay iminka wado qorsho ah in la helo midabka saxda ah ee Calanka,isla markaana ay jiraan shirkado tartan u galaya in ay soo helaan,dhawaana tartankaas ay Wasaaradu qaban doonto. Docda kale, Wasiir Maareeye ayaa madaxda dowlada ugu baaqay in qudhooda ay qeyb ka noqdan dhinacyada xulaaya midabka saxda ah ee Calanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jalalaqsi (PP) ─ Askari ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah hawl-galka AMISOM ee Somalia, ayaa ku geeriyooday Qarax miino oo maanta ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala eegtay gaadiid ay wateen ciidamada Jabuuti, waxaana qaraxan ku dhaawacmay laba askari oo kale oo ka tisranaa ciidamadii Jabuuti ee qaraxa lagu weeraray. Sidoo kale, Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda Somalia ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan, loona soo qabqabatay dhawr qofood oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen weerarkan khasaaraha sababay. Inkastoo aysan jirin cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkan, ayaan waxaan sidoo kale ka hadlin ciidanka Jabuuti ee AMISOM ka tirsan iyo sidoo kale maamulka cushb ee degmada Jalalaqsi. Jalalaqsi oo ka tisran gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka hawl-gala ciidammo ka tirsan kuwa ka socda Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM, iyadoo tani ay kusoo beegmaysaa iyadoo xaaladda gobolka Hiiraan uu u muuqday xilliyadii dambe mid soo hagaagaya. Dhanka kale, Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo muran aan la xallin weli uu soo dhex-galay Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti, kaasoo ka dhashay hadallo uu madaxweyne Farmaajo ka sheegay magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea oo uu dhawaan booqday. PUNTLAND POST The post Askari ka tirsan Ciidamada Jabuuti ee Qaybta ka ah AMISOM oo lagu dilay Qarax ka dhacay… appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Gobalka Soomaali-galbeed waxa uu saameyn ku leeyahay Siyaasada, Dhaqaalaha, Amniga, Dhaqanka, magaca, sumcada iyo Dawladnimada Soomaaliya iyo qof kasta oo Soomaali ah halka uu dunida ka joogo. Cumriga dawlad-deegaanka Soomaali-galbeed waxa uu jiraa 25 sano oo Tegree xukumaysay dalka Ethiopia, waxaana isbedelay mudadaas 12 Madaxweyne oo qaarkood joogay 4 bill kaliya, mana jirin mid dhameystay xilligiisa markii laga reebo Cabdi Maxamuud oo dhameystay 9 sano. sababtuna waxa ay aheyd Tegree oo raadinaysay qof ay is famaan oo u fuliya qorshihii ay ka rabtay Soomaaliya. 17 sano kadib markii ay ku daashay kana siib, kana saar ayey ka heshay Cabdi Maxamuud sumadihii ay raadinaysay, waxa ayna siisay kalsooni buuxda, dhaqaale iyo maleyshiya farabadan oo uu ugu fuliyo ujeedooyinkeeda. Hadaba casharada iyo fariimaha uu dirayo Qaraxa siyaasada iyo isbedelka 360 Digree wareegay mar kaliya ee ku kooban Gobalka Soomaalida maxaa sababay; 1-Dulmigii,Tacadiyadii iyo Caburintii dadka Gobalka oo xadkii dhaaftay kadibna dhalisay Qarax aan loo dul-qaadan karin, lana aamini karin mar danbe xubnihii ku jiray maamulkii Cabdi Ilay. 2-Haraadigii Tegree oo weli raba in uu ku adeegto maamulkii hore ee Jigjiga, colaadna dhex-dhigo Soomaali iyo Oromo. 3-Soomaalidii Gobalka oo Qabiil-Qabiil iyo Degaan-Deegaan loo kala qeybiyey, fitnana la dhex-dhigay, halka ay Qowmiyadaha kale mid mid yihiin. 4-Madaxweyne-yaashii soo maray Gobalka oo u badnaa hal beel markii laga reebo laba, hadana Tacadiyadii ugu badnaa ay ku dhaceen beeshaas oo isku qaadatay eedii difaaca nidaamka iyo dulmigii ugu xumaa ee ku dhaca shucuubta Geeska Afrika. 5-Halgankii ONLF oo ku soo dhamaaday mira la’aan kadib markii ay hana waayeen maamulka Gobalka ayna lumiyeen kalsoonidii dadka Gobalka. 6-Kooxaha iyo Axzaabta kale ee Gobalka oo aan abaabulnayn, diyaarna u aheen in ay buuxiyaan kaalintii maamulkii rajiimka. 7-Dawladda Federaalka oo isbedelka ay ka rabto Gobalada ku tijaabinaysa Gobalka Soomaalida, haddii ay ku guulaysatana si fudud ugu gudubto kuwa kale. Sababahaas ayaa keenay dood iyo is jiid-jiid kadib in Madaxweynaha Gobalka loo doorto Mudane Musdhafa Cagjar oo aan ka tirsanayn Xisbiyada Gobalka iyo ONLF, uuna noqday qof aan loo hayn eedo hore, laguna midoobi karo, dejina kara kacdoonka iyo guuxa Gobalka, isla maanta ayuuna bilaabay laba qodob oo saldhig u ah, Astaamaha Somaalinimada, midnimada iyo kalsoonida Somaalida Gobalka iyo rajada Soomaalida kale sida: 1-Bedelida magacyadii “Soomaalida Ethiopia” “Gobalka Ogadenia” “Kilinka 5 aad” iwm, loona bedelay “Dawlad-deegaanka Soomaaliya” “Soomaali-galbeed” “Qowmiyadda Soomaaliyeed” Iwm. 2-Calankii oo lagu soo celiyey kii ay Tegree-gu bedeshay oo lahaa astaanta Calanka iyo Xidigta 5-ta Somaaliyeed. Inkasta oo aad loo soo dhaweeyay doorashada M. Musdhafe hadana waxaa horyaal; 1-Fursado badan oo uu ku guulaysan karo sida:-dadka oo ka daalay dulmi iyo caburin una ooman nabad iyo xorriyad, kooxihii dulmiga iyo caburinta oo fashilmay, isbedelada Gobalka iyo dadka Somaaliyeed oo rabta xasiloonida Soomaali-galbeed iwm. 2-Caqado fashili kara haddii aan laga hor-tigin sida;- kooxihii dulmiga iyo caburinta oo ku jira xididada dawlada fedaraalka welina jooga Gobalada kale, Soomaali yar oo weli rabta; gobalaysi, qabiilaysi, xukun marooqsi, eex iyo qof jaclaysi iwm. Waxaa laga bartay doorashada M. Musdhafe:- 1-In uusan dulmi daa’im noqon-karin awood iyo magac kasta oo uu yeesho. 2-In halgan kasta oo aan lagu dhisin aragti dheer iyo wada sax ah uu ku dhamaado mira la’aan. 3-In Xisbi ama koox kasta ee wayda kalsoonida dadka uu ka qiima badan yahay hal qof oo kalsooni haysta. 4-In qofkii ku adkeysta mabda’ iyo Mowqif hufan oo cad ugu danbeynta lasoo raadinayo kaligiisba ha noqdee. 5-In Gobalka Soomaali-galbeed uu xuddun iyo laf-dhabar u yahay Gobalada kale ee Soomaaliya, lana qeybsanayaan guul iyo guul-daro, col iyo nabad, dhib iyo dheef iwm. W/Q:- Dr. Mohamed Gacal (Dr Gacal) Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika Lindiwe Sisulu ayaa sheegtay sida ay uga xun tahay in Maraykanku uu ku guul darraystay in uu adeegsado wadooqooyinka dublamaasiyadeed, markii uu soo bandhigayay walaaca uu ka qabo siyaasadda dhulka ee Pretoria, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Lindiwe ayaa dareenkeeda la wadaagtay dublamaasi sare oo Maraykan ah oo ay u yeertay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, taas oo ku saabsan muranka sii xoogaysanaya ee labada dal ka dhaxeeya oo salka ku haya qorshaha ay Koonfur Afrika ku doonayso in ay ku qaadato qaybo ka mid ah dhulka ay leeyihiin beeralayda caddaanka ah iyaga oo aan wax magdhaw laga siinaynin. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in siyaasaddaasi ay Koonfur Afrika u weecinayso jid khaldan, fariin uu Twitterka soo dhigay Trump-na wuxuu ku sheegay “in beeralayda Koonfur Afrika dhul laga qaadanayo, tiro badanna laga laynayo” Sikastaba ha ahaatee wakaaladda arrimaha beeraha ee Koonfur Afrika oo magaceeda loo soo gaabiyo AgriSA ayaa sheegtay in dilalka ka dhaca beeraha uu gaaray meeshii u hoosaysay muddo 24 sano ah. ISHA BBC
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Madaxweynaha cusub ee DDSI Mustaf Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) ayaa si adag uga hadlay dagaalka u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada. Mustaf, waxa uu sheegay in dagaalka labada Qowmiyadood uu soo laalaabtay, hase yeeshee ay ka qaadan doonaan go’aan adag oo lagu hakin doono colaadaha sii baahaya. Mustaf, waxa uu sheegay in isagu qorshihiisu uu yahay dhowrista,dhaqanka diinta iyo waxkasta oo nabada ka soo horjeeda, waxa uuna cod dheer ku sheegay in gacan bira ay ku qaban doonaan cid kasta oo Soomaalida loona arko inuu hurinaayo colaada Oromada. Waxa uu Mustaf carab ***** inuu ka shaqeyn doono mideynta Soomaalida degan dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, iyadoo la ixtiraamayo shacabka Oromada ee deriska la ah Soomaalida. Madaxweyne Mustaf, waxa uu sigaara u sheegay inaysan ogolaan doonin in marnaba la dagaalamo,balse dadka dhaliilaya maamulkiisa uu u ogolaanayo inay keenaan aragtiyo ka duwan siyaasadiisa. “Maaha inaanu noqono kuwo mar waliba usoo jeeda colaad iyo dhiig daadin anigu ma aqbali doono dagaal ooge, waxaan doonayaa in halkii laga dagaalami lahaa laga noqdo kuwo horseed u noqda nabadda, waxaanu aqbali doonaa in maamulkeyga la dhaliilo” Sidoo kale, dagaalka u dhaxeeya qowmiyada Oromada iyo Soomaalida Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopi ayaa ah mid waqti badan soo socday,waxaana weli ku guuleysan in xal laga gaaro dagaalkaas madaxda soo martay deegaanada. Geesta kale, Dowlada Ethiopia ayaa dhankeeda kaalin weyn ka qaadan doonta xal u helida colaada u dhexeysa Soomaalida iyo Oromada. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Xoghaye yaasha arimaha dibeda mareykanka iyo kenya ayaa la filayaa in kulan degdeg ah ay ka yeeshan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Kulanka Xoghaye yaasha ee looga hadlaayo la dagaalanka Al-Shabaab ayaa gogol xaar u ah fadhiga ay yeelan doonaan isniita madaxweynaha mareykanka Donald Trump iyo dhigiisa Kenya Uhuuro Kenyatta. Kulanka ay yeelanayaan Michael Pompeo iyo Monica Juma ayaa looga hadlayaa waxyaabaha ay labada madaxweyne diirada saari doonaan is araga kulankooda oo ka dhacaya dalka mareykanka. Madaxweynayaasha mareykanka iyo Kenya ayaa waxay isla soo qaadi doonaan xoojinta xiriirka fog ee labada dhinac u dhaxeeya arimaha ganacsiga iyo amaanka qaarada Africa, Soo afjarida dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Shabaab laga sifeeyo dalka Kenya. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa doonaya in Al-Shabaabka ku sugan Kenya lasoo afjaro iyadoo lala gali doona dagaal cirka iyo dhulka ah. Dowlada Kenya oo ciidamo nabad ilaalineed ay ka joogaan Soomaaliya ayaa dagaal waxay kula Jirtaa kooxda Al-Shabab oo sanadihii ugu danbeeyay weeraro ka geysaneysay gudaha dalkeeda,halka maamulka Trump uu xoojiyay weerarada dhanka cirka ee kooxdaas tan iyo markii uu xilka qabtay. Dowlada Mareykanka ayaa horay u sheegay in uu kenya ka taageerayo dagaalka lagula Jiro kooxaha Argagixisada gaar ahaan ururka shabab. Si kastaba ha ahaatee, kulankaan ayaa dhanka kale waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo diyaarada qaran ee kenya Airweys ay bilaabi doonto bisha October ee nasoo aadan dulimaad toos ah oo ay ku tageyso Nairobi iyo Newyork,kadib heshiis labada dowladood ay gaareen. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed Ali ayaa maanta lagu wadaa inuu bilaabo la kulanka 1,000 qof oo Soomaalida kasoo jeeda dhulka Soomaalida. Abiye Axmed waxa uu si gaar ah ula kulmayaa hoggaanka siyaasadda dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia oo ay wehlin doonaan waxgarad iyo dhalinyaro lasoo xuli doono. Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa dadka uu la kulmayo waxa ay iminkaba ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, waxaana laga soo uruuriyey deegaannada Soomaalidu degto ee Ethiopia. Dowlada Ethiopia ma aysan sheegin waxyaabaha uu kala hadlayo Abiy Axmed Soomaalida, balse waxaa la fahansan yahay inay la xiriirto xaalada iyo isbeddellada ka socda Dowlad deegaanka Soomaaliada Ethiopia. Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed Cali ayaa maalmo kahor ku hanjabay inuu gacan bir ah ku qaban doono xaaladaha amni darro ee ka taagan qaybo ka mid ah dalkaasi. Arrintan waxa ay imaaneysaa iyadoo Guddiga fulinta ee shacabka Dimuqraadiyadda Dowlad deegaanka Soomaalida ay maalin un kahor Madaxweyne KMG ahna Madaxweyne Ku xigeenka u doortay Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar). Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Thirty five Ethiopians have been returned to their country after completing their one month jail sentence at the Wajir prison, where they were being held after being found in Kenya illegally. Source: Hiiraan Online
-
Know anyone who decided to study teaching or art for the money? Didn't think so. TIME, using data from work done by the Georgetown University Center on Education and the Workforce, entitled "What's It Worth: The Economic Value of College Majors", report some of the lowest earning majors an undergrad can pursue. (For more, see: The Declining Value of a College Degree.) Source: Hiiraan Online
-
On August 14, Ilhan Omar, a five-foot-tall Somali immigrant who moved to the United States from a refugee camp when she was 12, became the second Muslim woman to win a major party primary in a federal election. Source: Hiiraan Online