Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,298
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Ethiopian Parliament is to grill on Monday Prime Minister Abiy Ahmed on recent border and economic liberalization decisions made by the ruling coalition. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Garabka warbaahinteed ee maleeshiyada Al Shabaab ee Al-Kataa’ib ayaa soo saartay Filim cusub oo muuqaal guud ka bixinaya dagaallada Al-Shabaab ay ka waddo gudaha wadanka Kenya. Filimka oo ladaawan karo qadar 52 daqiiqo ah ayaa lagusoo bandhigayaa dagaallo culus iyo weeraro dagaalyahannada Al Shabaab ay ku qaadeen saldhigyo ciidamada Kenya ku leeyihiin gobollada Lamu iyo Waqooyi Bari Kenya. Waxaa filimkan uu banaanka soo dhigayaa ciidamada Al Shabaab oo howlgallo dhiig badan ku daatay ka fulinayay gobollada Waqooyi Bari iyo Laamu, muuqaallada lagu daawan karo filimka waxaa kamid ah dagaalyahannada Al-Shabaab oo gaadiid dagaal qabsanaya iyo iyagoo tooganaya ciidamo isugu jira Boolis iyo Melleteri. Hoos ka daawo qaar ka mid ah sawirrada filimka.
  3. Istanbul (Caasimada Online) – Dadka Turkiga ayaa codbixin u dareeri doona 24-ka bishan, waxaana la saadaalinayaa in dhaqaalaha dalkaas dartiis uu doorashada ku guuleyso xisbiga madaxweyne Erdogan ee AKP. Dhaqaalaha ayaa la filayaa inuu noqdo qodobka go’aamiya doorashada, ayada oo Turkiga uu ka gudbayo nidaamka baarlamaaniga ah, una gudbo mid madaxweyne kadib is-beddelkii lagu sameeyey dastruukii dalkaas sanadkii tagey. Doorashada ayaa ku dhici doonta xaaladda deg degga ee dalka ka jirtay tan iyo afduubkii fashilmay ee la isku dayey bishii July ee sanaddii 2016, kaasi oo lagu eedeeyey wadaadka degan Mareykanka ee Fethullah Gulen. Marka ay timaado dhaqaalaha, doorashada ayaa imaneysa ayada oo dhaqaalaha dalkaas uu sanaddii tagtayna kordhay 7.4%, taasi oo aad loola dhacay. Dadka ayaa aaminsan in Erdogan iyo xisbigiisa kaliya ay joogteyn karaan guulaha noocaas ah. “Isbeddel lagu sameeyo dowladda waxay sii xmeyn doontaa un xaaladda iyo kalsoonida Turkey, sidaas darteed ma jiri doonto maal-gelin iyo shaqooyin” Waxaa sidaas yiri dukaanle lagu magacaabo Kus. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
  4. Boosaaso (Caasimada Online) – Shirkadda Dahabshiil ayaa gaashaanka u daruurtey eedeyn uga timid mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Puntland oo lagu magacaabo Saadiq Abshir Garaad. Maamulaha Dahabshiil ee qeybta Boosaso Yaasiin Beeldaaje ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka Xildhibaanka ee ah in Shirkadda ay Somaliland ku taageerto dagaalka ay kula jirto Puntland. Yaasiin oo warbaahinta kula hadlay maanta Xafiiskiisa Boosaaso ayaa caddeeyay in Dahabshiil ay tahay Shirkad Ganacsi oo sharciyeysan, islamarkaana ka madaxbanaan siyaasadda, kana howlgasha dalal badan oo caalamka ah. Maamulaha ayaa ugu Gudiga Anshaxa ee Baarlamaanka Puntland inuu xasaanadda ka qaado Xildhibaan Saadiq, maadama uu ku baaqay in la dhaco hanta shacab, aflagadana u geystay shirkada ganacsi. Yaasiin Beeldaaje ayaa hadalka Xildhibaanka ku tilmaamay mid ku saleysan kicin dadweyne, oo naceyb iyo heeb-sooc xambaarsan, kaasi oo ka hor-imaanaya qodobo kamid ah Dastuurka dowladda Puntland. Xildhibaan Saadiq, oo ah Gudoomiyaha Gudiga difaaca Baarlamaanka Puntland, ayaa dhawaan ku eedeeyay Shirkadda Dahabshiil inay Somaliland ku taageerto dagaalka ay kula jirto Puntland. Lama oga jawaabta Baarlamaanka Puntland uu ka bixin doono hadalka Saadiq oo ah mudane kasoo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag, kaasi oo dhawaan sheegay in Dababshiil qeyb ka tahay colaadda Sool, oo dhaqaale siiso mamaulka Muuse Biixi. Dahabshiil oo ah Shirkad ka shaqeysa dhinaca xawilaadda lacagaha in ka badan 140 dal, ayaa waxaa iska leh Ganacsade reer Somaliland ah, iyadoo eedeynta loo jeediyay noqoneyso mid culus, oo lid ku ah sumcadeeda. Xigasho: Garowe Online
  5. Kampala (Caasimada Online) – Dowlada Uganda ayaa wada qorsho lagu kordhinaayo mudada ay ciidamadeeda kusii nagaan doonaan dalka Somalia oo ay u joogan howlo nabad ilaalineed. Ruhakana Rugunda oo ah Ra’isul wasaaraha dalka Uganda ayaa sheegay in dowladiisu ay aad u dhaliilsan tahay qorshaha lagu doonaayo in ciidamada Midowga Africa looga saaro Somalia oo aan weli ka bogsan amni darada iyo hujuumka Al-Shabaab. Ruhakana Rugunda, waxa uu tilmaamay in ciidamada AMISOM ay u baahan yihiin in Somalia ay kusii nagaadan sanado hor leh, maadaama amniga Somalia uusan aheyn mid wali ku fadhiya caga wanaagsan. Ruhakana Rugunda, waxa uu sheegay in howlgalka ay ciidamada Ugandha kawadaan Somalia ay la kaashan doonaan dowladda China oo ku han weyn xal u helida Somalia. Ruhakana Rugunda, waxa uu sheegay in China aan looga maarmi doonin Marka ay timaado ka qeyb qaadashada xalinta ammaanka Somalia. Ra’iisul Wasaaraha Uganda Mr Rugunda ayaa ugu baaqay dowladda China inay ku caawiso dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia sidii QM ay ugu noqon lahayd qorsheheeda ku aadan dhisidda ciidamada AMISOM ee ka howlgala Somalia. Dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia ayaa saluugsan qorshaha QM ee ku aadan ka bixitaanka Ciidamadooda Somalia xiligani iyagoona ku celceliyay cawaaqib xumo ka dhalandoonta Qorshahaasi Hadii aan wax laga badalin. Qaramada Midoobay ayaa horey u meel marisay qaarar Qeexaya kabixitaanka Ciidamaad AMISOM ee ka howlagla Somalia iyo in ay guud ahaan amaanka dalka ku wareejiyaan Ciidamada dowoladda Somalia. Haddalka Ra’iisul wasaaraha Uganda Mr Rugunda ayaa u muuqanaaya mid ay Ugandha ku dooneyso inay ku dheereysato xiliga ay ciidamadeeda kusii nagaanayaan Somalia. Caasimada Online Xafiiska Kampala Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen wargeysyada kasoo baxa dalka Mauritania Xukuumadda dalkaasi ayaa hoggaamin doonta shir Madaxeedka Midowga Afrika oo ka qabsoomi doona magaalada Nouakchott. Wargeysyadu waxa ay qoreen in Xukuumadu ay xaqiijisay in shirka ay kasoo qeybgali doonaan hoggaamiyeyaasha 30 dal ee qaaradda Afrika. Xukuumadu waxa ay sheegtay in shirkaasi lagu qabanayo 30-ka bishan June magaalada Nouakchott ee xarunta dalka Mauritania. Maxamed Amiin oo ah Afhayeen u hadlay xukuumadda ayaa sheegay in madaxweynayaasha 30 dal ee Afrika ay tilmaameen inay ka soo qeyb-galayaan shir madaxeedka Afrika. Maxamed Amiin, waxa uu tilmaamay in Xukuumada Mauritania ay bixisay warqadaha casuumadaha si Madaxda Africa ay usii ilaaliyaan xiliga shirka, kaasi oo lagu wado in lagu qabto caasimadda Nouakchott dhamaadka bishan. Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in shir madaxeedka Nouakchott ay ka soo qeyb gali doonaan madax kala duwan oo ka imaanaya qaaradaha dunida oo uu ka mid yahay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, kaasi oo Marti sharaf ahaan uga soo qeybgalaya shirka ay martigelineyso Nouakchott. Sidoo kale, Xukuumada oo arrinta shirka si hordhac ah uga hadashay ayaa sheegtay in ajendayaasha ay ka midka yihiin xaaladda amni ee gobolka xeeba Afrika, Xaaladda amni ee wadanka Afrikada dhexe iyo Dadaalladii lagu soo celin lahaa deganaashaha dalkaasi. Si kastaba ha ahaatee, Shir madaxeedkan qaaradda Afrika oo 30-ka bishan June lagu qaban doono magaalada Nouakchott, ayaa waxaa Khudbado ka jeedin doona Madaxda lagu marti qaday shirka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex qof oo dhammaantood ahaa rag isla dhashay, ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, dhacdadan oo naxdin iyo aragagax ku reebtay magaalada. Falkan ayaa ka dhacay garaash ku yaalla xaafada Gumareey ama Al-Cadaala oo ka tirsan degamda Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxana la sheegay in ninka wax dilay uu goobta ka baxsaday. Ehelladas addexda Ruux ee la dilay ayaa idaacadda Dalsan ee Muqdisho ku taalla waxay u sheegeen in ninka dilka geystay uu ka mid ahaa askarta ciidamada dowladda Soomaaliya, isla markaana ay qaraabo dhow ahaayeen saddexda ragga ah ee uu dilay. Qof ka mid ah ehelka dadka la dilay ayaa waxa uu sheegay in ninka askariga ah ee dilka geystay iyo saddexda ruux ee la dilay ay ahaayeen dad Ilmo adeer ah, Isla markaana arrintan loo sababeynayo mid la xiriirta isqabqasbi dhul. Sidoo kale waxa uu sheegay in markii uu dilka geystay uu baxasaday, haatana ay weli baadi goob ku hayaan askarigaas laamaha amniga Soomaaliya. Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in meydadka saddexda ruux haatan lagu haayo Xarunta Dambi barista CID-da ee Muqdisho. Dhacdadan weli kama aysan hadlin maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, balse xiriir aan la sameynay nooma suurta-gelin. إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ‎ Hoos ka dhageyso codka mid ka mid ah ehellada dadka la dilay. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/06/Wareysi-Qof-Ka-Mid-ah-Ehelada-Ragga-isla-dhashay-ee-la-dilay.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. At least eight security personnel were Sunday killed after a vehicle they were traveling in hit a set improvised bomb in Bojigaras area, Wajir County. The victims included five Administration Police Officers and three police reservists. Police authorities said the vehicle that the deceased were using ran over an Improvised Explosive Device which sent it flying. Witnesses said the vehicle was badly damaged killing the victims who are on board. North Eastern regional coordinator Muhammad Saleh said those behind the attack escaped soon after the incident. He said preliminary findings pointed to Somalia’s Al-Shabaab terror gang. “The attackers escaped soon after the blast and we suspect Al-Shabaab is behind it,” he said. A reinforcement was immediately sent to the scene but nothing was salvaged in terms of life. It came in the wake of warnings of planned attacks by the terror group. Authorities had last week warned the terrorists planned to stage attacks ahead of the end of Ramadan period. On June 6 at least 6 paramilitary personnel were killed and three others injured when their vehicle ran over an explosive at Liboi, Garissa County. The scene of the attack in Harhar area is less than two kilometers from the main Kenya-Somalia border. The General Service Unit officers were patrolling the border aboard a truck when it ran over the Improvised Explosive Device (IED). Witnesses said the explosive killed the five and badly damaged the vehicle. The three who survived were badly wounded. They were all from Harhar GSU camp. Other reports said they were pursuing contraband sugar when they were hit. The deaths were the latest and came after a long lull from terror related incidents that has been experienced in the area at large. There were indications of imminent attacks in the area. Locals reported to authorities of movements that indicated Al-Shabaab terror group was planning an attack. “The indications were there because among others, elderly people had been moved from the area to Garissa and a number of youths had not returned to the area. Al-Shabaab militants were also sighted there,” said an official based in the area. Police had issued a security alert over possible attacks in the country by the Somalia based terror group during the Ramadhan season. Police spokesman Charles Owino, said security agencies had obtained credible intelligence suggesting that Al-Shabaab are planning to carry out attacks in various parts of the country during the World Cup period and after the Ramadan period. The Liboi incident was the first one since the beginning of the Ramadan period. He asked Kenyans to be extra vigilant especially in populated public places such as hotels, church, bus stages and schools during the World Cup period. “Though the capability of Al-Shabaab has been greatly downgraded over time, we have credible intelligence suggesting that the militia group is planning to carry out further attacks in the coun… Source: Standard Digital
  9. Kenya’s President Uhuru Kenyatta has intensified his war on graft by announcing that all public servants will undergo a compulsory lifestyle audit to account for their sources of wealth. This latest announcement follows financial scandals that have rocked the country with revelations that millions of dollars were lost in various government agencies through corrupt deals that involved government officials. Kenyatta offered himself to be the first leader to undergo the audit that seeks to identify corrupt public officials, saying the lifestyle audits would control the misuse of public funds. He said public servants would be required to explain their sources of wealth with an aim of weeding out those found to have plundered government funds. “You have to tell us, this is the house you have, this is your salary, how were you able to afford it? This car that you bought, (don’t try to put it under your wife’s name or son’s name, we will still know it is yours), where did you get it? You must explain and I will be the first person to undergo the lifestyle audit,” he said. Scandals uncovered In the past month, various corruption scandals involving tenders and suppliers in government agencies have been unearthed. The corruption scandals as revealed have exposed the theft of hundreds of millions of shillings by state officials from several government bodies. So far, more than 40 government officials, including businesspeople, have been arrested over the recent scandals. Kenyatta has continued to express his frustration about the graft, which seems to have spiraled out of control since he came into office in 2013. “This issue of people stealing what belongs to Kenyans, I swear to God it has to come to an end in Kenya,” Kenyatta said. Establishing accountability The president said the lifestyle audit will be key among other measures also put in place by the government to curb the vice. Earlier in the week, Kenyatta issued an executive order requiring all government entities and publicly owned institutions to publish full details of tenders and awards beginning July 1, 2018. “For example, if this road is being built, we want to know: Who won the tender for the construction? How much was the tender? Who came in second and third? Why was the first person awarded instead of these two? All these reasons, we need to know. Kenyans need to know so that it is out there, that this company was awarded this tender, belongs to a certain person, these are the directors, these are the shareholders. There will be no more hiding,” he said. On June 1, Kenyatta ordered that all heads of procurement and accounting units be vetted again. He said the vetting would include subjecting the officers to polygraph tests to determine integrity. Kenya scored 28 points out of 100 on the 2017 Corruption Perceptions Index reported by Transparency International. The Corruption Index in Kenya averaged 22.62 points from 1996 until 2017. Source: VOA
  10. Wariye ka shaqeeya raadiya ku yaala dalka Maraykanka oo lumiyay codkiisa labo sano ka hor ayaa dib u bilaabaya shaqadiisa, kadib markii lagu rakibay cod aaladeed oo ku shaqeeya waxa loo yaqaano Garaadka Macmalka ah. Jamie Dupree, 54 jir ah ayaa ka hawlgala Cox Media Group, waxaana ku dhacay xanuun dhif iyo naadir ah oo ku dhaca neerfaha, kaas oo keenay in uu codka ka lumo. Shirkadda CereProc oo laga leeyahay Scotland ayaa usoo saartay qalab codka qofka kasoo saara oo ku shaqeeya Garaadka Macmalka ah, waxayna taas u suurtogalisay wariyahan in uu shaqadiisa dib ugu laabto labo sano kadib. Ninkan ayaa codkiisii hore la baray aalada, taas oo u abuurtay kayd dhan oo hadal ah, kaas oo ay ku dhisi karto hadba hadalka uu soo hinqado. Waa barnaamij aad qaali u ah, wuxuuna halkii cod joogaa kumanaan kun oo doolar. Seynisyahano badan oo xaga kumbuyuutarka ah ayaa meelo ka mid ah adduunka isku dayaya in ay maskaxda bini’aadamka ku guuriyaan ama ku raraan aaladaha casriga ah oo la doonayo in ay sidii maskaxda ama u dhow u shaqeyn karaan. Mr Dupree ayaa arrimaha siyaasadda Maraykanka ka faaloon jirey 35tii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna barnaamijyo iyo warar usoo saarayay illaa 6 idaacadood, codkiisana waxa uu udub dhexaad u ahaa shaqadiisa. Sanadkii 2016-kii ayuu bilaabay in uu codkiisa lumiyo, balse waxbo kama aysan qaldanayn dhuuntiisa, dhamxanaga iyo waliba xididaha codka qaada. Baaritaano kala duwan kadib, waxaa markii dambe laga heley cudur ku dhaca carrabka oo dhif iyo naadir ah. Waxaa dhacaysa in uu carrabka banaanka usoo boxo, dhuuntana ay is xirto, taas oo aanan suurtogal ka dhigaynin in la maqlo codkiisa. Halkii uu shaqadiisa joojin lahaa, waxa uu door bidey in uu su’aalaha ku diyaarsado taleefoonka weyn ee Tablet, kadibna iyada oo qoraal ah uu hor dhigo siyaasiyiinta, wuxuuna markaas duubi jiray jawaabaha ay bixiyaan, sidaasna raadiyaha uga siideyn jiray. Inkasta oo uu shaqadiisa watay, haddane hawada ayuu ka baxay gabi ahaanba, maadaamaa uusan hadli karayn. Bishii Diseembar, xubin ka mid ah Aqalka Congresska Maraykanka ayaa hadal ninkan ku saabsan ka jeediyay gudaha Aqalka, taas oo keentay in shirkadda uu u shaqeeyo ay cusboonaysiisay dadaak codkiisa loogu soo celinayo. Marka la gaaro 25 bishan June, Mr Dupree hawada ayuu ku laaban doona, waxaana dhagaysan doona dhagaystayaasha Raadiyaha WSB ee Atlanta, iyo raadiyeyaal kale oo ku kala yaala Orlando, Jacksonville, Dayton iyo Tulsa. Haddii erey ama labo u shaqayn waayeen, waxa uu riixayaa batoon, oo uu ku badalanayo erey la micno ah ama u micno dhow, sidaasna wuxuu ku heli karaa codkiisa oo dhamaystiran. Mr Dupree waxa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu codkiisa usoo laabto inkasta oo uu fahamsanyahay in uusan ahayn kiisii rasmiga ahaa. ISHA BBC Somali
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Magalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal Puntland, waxaa maanta gaaray waxgarad ka mid ah odayaasha dhaqanka deegaanada Maamulka Somaliland, ayada oo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyey. Waxgaradkaas oo ka tegay deegaano ka tirsan gobolka Awdal ayaa waxaa hoggaaminaya Suldaan Cabdi Gahayr Maxamud oo ka mid ah ddayaasha dhaqanka ee ugu caansan deegaanada Maamulka Somaliland. In kastoo uusan faah faahin ka bixin sababta ka dambeysay safarkiisa ayaa hadana wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in uu doonayo xalinta xiisada dagaal ee u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland taas oo ka taagan deegaanada Tukaraq. Arrinta cajiibka ayaa ahayd in in Suldaan Cabdi oo garoonka Garoowe kala degay calan cad, taasi oo dad badan ay aad usoo dhaweysay. Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu kulamo kala duwan uu la qaato waxgaradka magaalada Garoowe si xiisadaas loo qaboojiyo, isla markaana ciidamada loo kala qaado.
  12. At least eight security personnel were Sunday killed after a vehicle they were traveling in hit a set improvised bomb in Bojigaras area, Wajir County. The victims included five Administration Police Officers and three police reservists. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Bada Somalia ayaa Digniin kasoo saartay isticmaalka Badda xili lagu guda jiro bad xiranka. Wasaaradu waxa ay sheegtay in Kaluumeysatada ay suura galtahay inay dhibaatooyin kala kulmaan gudaha bada. Wasaaradda ayaa uga digtay Dhammaan kaluumeysatadda Soomaaliyeed in ay badda galaan inta lagu guda jiro bad xiranka. Wasaaradu waxa ay dhalinyarada ku amartay inay ka feejignaadan tagida meelaha fog-fog ee Bada gudaheeda. Wasaaradda ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in Kalluumeysatadda Soomaaliyeed aysan heysan qalab ku filan sidaasi darteed in laga doonaayo in ay muujiyaan feejignaan. Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in inta lagu guda jiro xiliga Bad xeranka ay kaluumeysatada Soomaaliyeed la kulmaan qasarooyin isugu jira Naf iyo Maal. Waxaa lagu sheegay in hada gudaha Bada lagu waaysanyahay 3 Doomood iyo dhamaanba dadkii saarnaa oo tira ahaan lagu qiyaasay 10 ruux. Dhinaca kale, Digniinta Wasaarada ayaa kusoo beegmeysa xili dowlada Somalia ay tuhun ka muujineyso dhameystir la’aanta qalabka kaluumeysatada oo aan ka bixi Karin tagida meelo fog fog. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay facebook uga hadlay arrin uu sheegay in ra’iisul wasaraaha Ethiopia, Abiy Ahmed uu u sheegay dadkiisa kadib booqashadii Muqdisho. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi. “Raysulwasaaraha Itoobiya asagoo sidii nin soo guulaystay u warramaya ayuu dadkiisa u sharraxay faa’idadii uu kala soo noqday booqashadiisii saacadaha kooban qaadatay ee Soomaaliya ku tagay, wuxuuna hadalkiisa ku daray sida dadka luqada amxaarada yaqaana ay noo sheegeen in la isla gaaray in uu kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya sidii labada dal la isugu dari lahaa mustaqbalka dhow.!!! Si la mid ah sidaan bishii August 2017 markii Qalbi dhagax madaxda Villa Somalia ay dhiibeen, wasiir Itoobiyaan ah ayaa noo sheegay in Qalbi Dhagax lagu soo wareejiyey, taasoo keentay toban casho ka dib in xukuumaddu war aan maangal ahayn ay arintaas ka soo saarto.!!! Soomaalida ayaa ku maahmaahda “ Xaglo geel wax gunti lagu qariyo ka weyn”, madaxweynaha waxaa xaq loogu leeyahay inuu umadda u faahfaahiyo weliba si aan mugdi ku jirin heshiis ku sheegga shalay uu la gaaray Abiy Axmed, kaasoo u muuqda mid ka hooseeya hankii Soomaaliya, taariikh kumanaan sano soo socotayna 4 saacadood oo kaliya lagu soo gabagabeeyey. Abiy Axmed wuxuu la yimid fikirkii Mingisto Haille Mariam uu bartamihii todobaataneeyadii uu soo bandhigay ee ahaa in Somalia iyo Ethiopia ay midoobaan oo hal dal ay noqdaan, laakin fikirkaas ma noqon mid laga soo dhoweeyo taliskii mileteriga ee Dalka u talinayay, waxaana jawaabtii noqotay in dagaalkii 77 dii uu qarxo .. balse hogaanka dalka oo ay ku dhib tahay In uu nabad ka dhigo gobolka Banaadir oo xukunkiisu ku eg yahay weliba dadkii Muqdisho Cadaab wadareed ay kala kulmayaan maamulka villada, waa la yaab awoodda uu ku bixin karo dekedo isla markaana uu ku gali karo wadahadal in Ethiopia lala midoobo halka ay ka imaanayso waa wax mudan in la is weydiiyo.. Taariikhda dalka iyo dawladnimadiisu ma ahan mid hal ruux marti looga yahay, heshiis kasta oo cid kale lala galana waa in la horkeenaa hey’adaha sharci-dejinta..”
  15. Kenya’s President Uhuru Kenyatta has intensified his war on graft by announcing that all public servants will undergo a compulsory lifestyle audit to account for their sources of wealth. Source: Hiiraan Online
  16. Garissa Governor Ali Korane has put contractors on notice, saying none of them will be paid for shoddy work. Engineers are under firm instructions not to sign certificates.... Source: Hiiraan Online
  17. Ceel-Cadde (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya ay duqeyn ka geysteen deegaankaasi. Diyaaradahan ayaa dhowr madfac ku tuuray deegaankan waxaana wararka ay sheegayaan in waxyeello aysoo gaartay dad shacab ah, oo aan waxba galabsan. Inta la hubo ugu yaraan Saddex qof ayaa dhaawaca kasoo gaartay duqeyntan, iyadoo sidoo kalena ay jirto waxyeello soo gaartay xoolo u badan ari. Lama oga sababta ka dambeysay duqeyntan, waxayna dadka deegaanka ay sheegeen in meelaha gantaalada ku dhaceen ay shacab ku sugnaayeen. Dowladda Kenya weli wax war ah kama aanay soo saarin duqeyntan ay ka fulisay Gedo.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa goordhow ka Ambabaxay Magaalada Muqdisho, waxaana ay kusii jeeddaan dalka Norway sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda. Kheyre iyo Wafdigiisa ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan Shir looga hadlaayo Arrimaha Maaliyadda, kasoo ka furmaya dalka Norway, loona yaqaan Osolo Forum ama Madasha Oslo. “Maanta waxaan safar shaqo u raacey Reysulwasaare Mudane Xasan Ali Kheyre waxaan u soconaa sida aan aduunka ugu qanci laheyn isbedelka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha wadanka mudada ay jirtey xukuumada ” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo qeyb ka ah Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha. Shirka ayaa la filayaa inay ka qeyb-galaan madax ka socota dalalka deeqda bixiya, waxaana sida ay Caasimada Online xogta ku heshay ay dowladda qorsheyneysaa inay u bandhigto hindisayaal ku saabsan sidii ay u caawin lahaayeen Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo lagu horumarinaayo Kaabayeyaasha dhaqaallaha, waxaana dowladda ay qarka u saaran tahay in laga Cafiyo deymaha lagu leeyahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Shirkadda Dahabshiil ayaa ka jawaabtay eedeyn uu u jeediyay G/guddiga Difaaca ee Baarlamanka Puntland Saadaq Abshir Garaad, kaas oo ku aadana in shirkada Dahabshiil ay Somaliland ay ka taageerto dagaalka ay kula jirto Puntland. Maamulka Shirkada ayaa waxaba kama jiran ku tilmaamay hadalka ka soo yeeraya xildhibankaasi iyagoonka ku tilmaamay wax laga xumaado. Maamulaha Shirkadda Dahabshiil qeybteeda Boosaso Yasin Beeldaje oo shir jaraa,id warbaahinta ugu qabtay xafiiskisa Bosaso ayaa ugu baaqay Guddiga anshaxa ee Baarlamanka Puntland in arintaasi Raali galin ay ka bixiyaan, Xasaanadana laga qaado Xildhibaankaasi. Aniga oo ah Maamulaha Shirkadda Dahabshiil Qeybteeda Bosaso waxan cadaynayaa in shirkadu aya tahay mid aduunka dhan si siman uga shaqeysa oo aan kooxaysi iyo cid ay taageerto aysan jirin. waxanu wax laga xumaado ku tilmaamayna hadlka ka ka soo yeeray Xildhibaan Saadaq Abshir Garaad ,gudiga anshaxa barlamaanka Puntland ayan ugu baaqeyna in ay Xasaanada ay ka qaadan Xildhibankasi maadama uu wado kicin shacab aflagadana u geystay shirkada bulshada caalamka dhexdhexaad u ah, sidaas waxa yiri Maamulaha shirkada Dahabshiil Qeybteeda Bosaso Yaasiin Beeldaje. Ugu danben waxa uu shacabka Puntland u sheegay ineysan waxba ka jirin, Taageero iyo Faragalin ay shirkadda Dahabshiil ku leedahay Colaada ka dhaxeysa maamulada Puntland iyo Somaliland. Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Maamulka Shirkada Dahabshiil oo waxaba kama jiran ku tilmaamay hadal ka soo Yeeraya Xildhibaan Saadaq Abshir Garaad appeared first on Puntland Post.
  20. Ra’isilwasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow ka amba baxay garoonka Magaalada Muqdisho. RW Kheyre iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin wasiiro ayaa u socdaalay Magaalada Oslo ee Dalka Norway. Ra’isilwasaaraha ayaa halkaasi uga qeeybgali doono shir heerkiisu uu sareeyo oo sanadkiiba mar la qabto oo ay soo qaban qaabiso wasaarada Arimaha dibada ee dalka Norway. Shirkaasi ayaa waxaa ka soo qeeybgalaya Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters. Shirkaan ayaa ayaa bilaaban doono 19-ka bishaan ilaa 20-ka isla bishaan ayaa la soo gaba gabeeyn doonaa. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ra’isilwasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo u Amba baxay Nowray appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa jiro dhibaatooyin badan oo laga dhexlay xirnaanshiyaha Waddooyinka magaalada Muqdisho, halka ay sidoo kale jiraan faa’iidooyin laga helay xirnaanshaha. Dadka magaalada Muqdisho ayaa intooda badan qaba in waddooyinka xiran ee magaalada Muqdisho ay saameen ku yeelatay baadi-goobka nolol maalmeedkooda maadaama aysan u shaqo tagi Karin goobihii ay ka xamaalan lahaayen. Dadka qaar ayaan u shaqo tagin goobahooda tan iyo wixii ka danbeeyay 20ka danbe ee bisha ramadaan ilaa iyo iminka, sababo la xiriira xirnaanshiyaha waddooyinka Muqdisho. Mooto Bajaajleyda ayaa waddooyinka magaalada Muqdisho kuwooda xiran ku mara lacago baad ah oo ay siiyan ciidamada waddooyinka ku sugan taa oo la sheegay inay gaareyso (Nus Dollar) Haddaba faa’iidooyinka laga dhexlay waddooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah: 1-Adkeynta guud ahaan amniga magaalada Muqdisho. 2-Ka hortaga Qaraxyada bisha ramadaan looga bartay xagjiriinta Al-Shabaab. 3-Gacan ku dhigista Hub sharci darro ah oo ay wateen dhalinyaro aan u sharciyeysneen dowlada. 4-Xaqiijinta iyo la socodka dhaqdhaqaaqa gaadiidka dhifka ah ee isticmaala waddooyinka. 5-Ka hortaga weeraro dhowr ah oo ay maleegen Al-Shabaab, sababo la xiriira waddooyinka ay mari lahaayen oo xiran. Khasaaraha laga dhexlay waddooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah: 1-Shacabka magaalada Muqdisho oo aan niyad furnaan ku dhameysan bisha Ramadaan. 2-Shacabka oo Seddexda maalin ee ciida aan ku ciidin farxad tusaale; A)-Maalinta koowaad ee ciida Madaxweyne Farmaajo ayey u xirneed waddooyinka isagoo booqasho ku tagay Isbitaalada waaweyn ee Muqdisho, halka Rw Kheyre uu ku ciidaayay Beerta Nabadda iyo Daaru-salaam oo ah halkii ay u dalxiis tagi lahaayen shacabka. B)-Maalinta labaad ee ciida waxa ay magaalada Muqdisho u xirneyd Ra’isul wasaaraha Ethiopia oo booqasho taariikhi ah ku imaaday magaalada Muqdisho. C)-Maalinta Seddexaad ee ciida oo maanta ku beegan waxaa weli xiran waddooyinka Muqdisho oo shacabku ay u mari lahaayen goobaha loo dalxiis tago. 3-Shaqaalaha dowlada qudhooda oo aan u shaqo tagin xarumahooda, kadib markii ay waayen waddooyinkii ay mari lahaayen sababo la xiriira zaxmada waddooyinka xiran. 4-Gaadiidka gurmadka ee wada dhaawacyada oo aan helin waddooyin ay u maraan goobaha caafimaadka sababo la xiriira waddooyinka oo xiran iyo in waddooyinka qaar ay tuban yihiin gaadiid iyo mootooyin ku xanibad oo loo diiday inay maraan. 5-Gaadiidka Garumadka ee loo yaqaan dabdamiska oo aan heysan waddooyin ay u maraan goobaha gubta ama dabku ka kaco, sababo la xiriira waddooyinka waaweyn oo xiran iyo kuwa loo mari lahaa xaafadaha oo lagu jaray dhagxaan iyo carro tuur. 6-Dadka muqdisho oo gabay booqashooyinkii ay isugu tagi jireen sababo la xiriira waddooyinka oo aan suuragal aheyn inay ku kala gooshan. 7-Allaabihii kasoo dagaayay Dekadda oo aan loo helin meel la mariyo, waddooyinka xiran aawgood. 8-Ardayda oo aan u waxbarasho tagin iskuulada, jaamacadaha iyo goobaha kale ee wax lagu barto, gaadiidka ay isticmaali lahaayen oo aan loo fasaxeynin waddooyinka. 9-Bukaanada ka ballansan goobaha caafimaad oo xirnaanshiyaha waddooyinka aawgeed helin caafimaad. 10-Dadka dan yarta oo laga cuuryaamiyay wadooyinkii ay ku raadin lahaayen qutul yoomkooda. Haddaba Dowlada Somalia, gaar ahaan Hay’adaha amaanka waxaa la gudboon in shacabka Muqdisho ay u helaan xal ka duwan kan iminka lagu xiray waddooyinka maadaama aysan muddo ku dhow bil helin xoriyad ay ugu kala gooshan waddooyinka.
  22. Derna (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo milatari ayaa u sheegay taleefishinka Al-Arabiya in ciidamada dalka Libya ay maanta xiraan Abu Sufyan bin Qamu kadib weerar lagu qaaday xaafad ay ku xooggan yihiin mintidiinta oo ku taalla magaalada Derna. Sarkaalka milatari ayaa sheegay in Abu Sufyan Bin Qamu la xiray kadib markii kooxdiisa ay rasaasta ka dhammaatay dagaal culus kadib. Abu Sufyan bin Qamu oo 59 jir ah ayaa ka mid ah hogaamiyayaasha ugu caansan Al-Qacida, wuxuuna dalka Libya ka tagey sanadihii sideetamaadkii. Waxa uu dalka Afghanistan tagey kadib markii uu soo maray Sudan, wuxuuna tababar ku qaatay xerooyinka Al-Qacida ka hor inta uusan noqon mid ka mid ah xubnaha sare ee kooxda. Xilligii Osama Bin Laden ee Sudan, Abu Sufyan waxa uu ahaa darawalka gaarka ah ee hoggaamiyaha Al-Qacida, ka hor inta aysan qaban ciiamada Mareykanka oo aysan ku xirin Guantanamo Bay. Waxaa dalka Libya loo masaafuriyey sanadii 2007, halkaasi oo uu ku galay xabsiga Abu Salim. Sanadii 2011 ayuu xabsiga ka baxsaday kadib markii ay burburtay dowladdii Qadafi, wuxuuna ku laabtay magaaladiisa Derna, halkaasi oo uu ka aas-aasay kooxda Ansar Al-Sharica. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  23. Dubai (Caasimada Online) – Shirkadda fadhigeedu yahay Dubai ee DP World ayaa beenisay warar sheegaya inay isku dayeyso inay dowladda Jabuuti heshiis ka baxsan maxkamadda kala gaarto muranka la xiriirra maamulka dekadda Doraleh. DP World ayaa Jabuuti la kortay maxkamad, kadib markii ay ka baxday heshiis ay horey ula gashay shirkaddan Imaaraatiga ah oo la xiriira maamulka dekadda Doraleh. “Waxaa wararka qaar lagu sheegay in DP World ay ka fakareyso in heshiis ka baxsan maxkamadda ay Jabuuti kala gaarto, go’aankii sharci-darrada ahaa ee ay kula wareegtay maamulka Doraleh” ayaa lagu yiri hadal qoraal ah oo kasoo baxay DP World. Afhayeen u hadlay DP World ayaa sheegay in heshiiska ogolaansho uu weli meel yaallo, islamarkaana tallaabooyinka ay qaadday dowladda Jabuuti la geeyey maxkamadda caalamiga ah ee dhexdhaaxdinta ee London. “Waxaan sugeynaa natiijada ka dhalata arrintan, waxaana naga go’aan inaan ka howlgalno dekadda Doraleh sida ku cad heshiiska, mana sameyn doonno wax taas ka baxsan” ayuu yiri afhayeenka DP World. Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa horey u sheegay inuu heshiiska ka baxay kadib markii uu ogaady in DP World aysan daacad ka ahayn horumarinta dekadda Doraleh, balse ay dooneyso inay wiiqdo, ayada oo u daneyneysa dekadda Jabal Ali ee Dubai. Halkan ka aqri warkaas iyo sirta dekadaha Imaaraatka ee uu kashifay Geelle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Dubai-based DP World has denied media reports stating that the company was looking for an out of court settlement with respect to the dispute with the Djiboutian Government over their illegal action in taking control of the port at Doraleh. “It has been noted in some reports that DP World may consider an out of court settlement with respect tot the dispute with the Djiboutian Government over their illegal action in taking control of the port at Doraleh,” the company said in an emailed statement. A DP World spokesperson said that the concession agreement remains in place, and the action taken by the Djiboutian Government is subject to legal process in the international court of Arbitration in London. “We await the outcome of this process. We remain committed to operating Doraleh port as per original the original agreement of the concession, and we will not consider any other alternative settlement option” Source: – CPiFinancial
  25. Today, Finnish passports are issued to foreigners six times more often than in the 90s, and almost all new holders are dual citizens. This is more than in any given year since Finland’s independence, a development the leader of the right-wing Finns Party finds worrisome. Over the past two decades, the number of new citizens has been rising exponentially. While only 2,000 people a year gained Finnish citizenship in the 1990s, in 2017, the figure exceeded 12,000, a record high. The right-wing Finns Party is worried over the development. Party chairman Jussi Halla-aho said that Finnish citizenship should “show recognition of one’s successful integration” and one’s commitment to Finland and “Finnishness.” “It cannot be a gift you get easily, it’s no way of coaxing immigrants to integrate,” Jussi Halla-aho said, as quoted by the newspaper Hufvudstadsbladet. insidenewsHalla-aho also argued that the rapid distribution of Finnish citizenship to foreigners makes it difficult to monitor how integration is progressing. This, he ventured, was a way of concealing failed integration and mistakes in the nation’s migration policy. “Somalis and Iraqis belong to the most disadvantaged in Finland, if one looks at the employment figures. The fact that they are among those who get Finnish citizenship the most is a big controversy,” Halla-aho said, demanding stricter immigration rules and nationality policies. Lastly, Halla-aho also stressed that several people of foreign descent were internationally suspected of terrorist offences, thus undermining the credibility of the Finnish passport and Finns as low-risk entrants. A record 12,219 non-Finnish applicants were granted passports in 2017, according to Statistics Finland. This marks an increase of 30 percent over the previous record year, 2016. The majority of the new Finnish citizens are aged 30-32 years, and women outnumber men. Russians account for the largest number of new Finnish passport holders, followed by Somalis, Iraqis and Estonians. Almost all of the applicants for Finnish citizenship also strive to retain their previous nationality. Last year, 98 percent of new passport recipients held dual citizenship. In 2017, there were a total of 117,024 dual passport holders living in Finland, 11 percent more than the year before. According to Statistics Finland, 365,000 people living in Finland, a nation of 5.5 million, had a foreign background in 2016. The Finns Party, previously known as the True Finns, which is still the party’s official name in Finnish and Swedish, is a nationalist-oriented party founded in 1995. Having spent two decades in opposition, they joined the coalition government in 2015. In 2017, the party suffered a schism, as half of the party’s MPs (including former party leader and Foreign Minister Timo Soini) left the parliamentary group and subsequently forfeited their membership, forming the Blue Reform party. Source: – Sputnik News