Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,699
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan Cali Khayre, ayaa shir-guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada oo maanta looga hadlay sharciga doorashooyinka 2020-ka, dib-u-habaynta maaliyadda iyo ololaha is-xilqaan. Ugu horrayn wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa golaha wasiirrada warbixin faah-faahsan ka siiyay diyaarinta sharciga doorashooyinka 2020-ka oo heer gebagebo ah maraya dhowaanna wadatashi lagala samaynayo bulshada qaybaheeda kala duwan iyo dowlad gobaleedyada, kahor inta aan la hor-gayn golaha wasiirrada. Wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliya Dr. C/iraxmaan Ducaale Bayle ayaa isna golaha uga warbixiyay qorshaha cafinta daymaha, SMP3 oo gebagebo maraya, daabacaadda Shilin Soomaaliga iyo guud ahaan qorshaha dib u habaynta hannaanka maaliyadda dalka. Xukuummadda federaaka Soomaaliya ayaa ajandayaasheeda ugu waawayn waxaa kamid ah hir-gelinta doorasho qof iyo cod ah oo sannadka 2020-ka ah ka dhacda dalka si awoodda maamulka loogu celiyo gacanta shacabka oo ay uga taliyaan aayahooda, go’aanna ay uga gaaraan hoggaanka mustaqblka. Ugu dambayn, Golaha ayaa war-bixin la xariirta barnaamijka “Is-xilqaan) ka dhagaystay ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuummada, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo madax ka ah guddi loo xil-saaray dardar-gelinta ololaha is-xilqaan oo dib loogu dhisayo xarumaha dawladda, goobaha taariikhiga ah iyo waddooyinka. PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay Shirkii Toddobaadlaha ahaa ee ay yeesheen Golaha Wasiirrada DF? appeared first on Puntland Post.
  2. Cudurka Ebola ayaa lagu dhawaaqay inuu ka dillaacay Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo oo ku taal bartamaha qaarada Afrika, waxaana la sheegay in markii ugu horaysay 1-dii August lagaga dhawaaqay gobalka Kivu oo ku yaalla waqooyiga Bari ee Dalkaasi. Xanuunkan ayaa la ogaaday inuu soo laba-kacleeyey 19-kii bishii July ee sanadkan markii haweeney ku nool wadanka Congo ay u geeriyootey qandhadda Ebola sida ay sheegeen ururka dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn ee MSF, kadib geeridii haweenaydaas ayaa qaar kamida qoyskeedii lagu arkay isla qandhadan dhiig baxa wadata taas oo ah callaamadaha xanuunka Ebola. Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhaaruyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa ka codsatay ururka dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn inay sameeyaan dadaallo dheeraada oo lagu xakamaynaayo cudurkan halista oo u muuqda mid kusii fidaaya qaybo kamida Dalka. Laga soo bilaabo sadexdii bishan September ururka dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn ee MSF waxay daaweeyeen illaa 65-qof oo uu halleelay xanuunka Ebola kuwaas oo la dhigay xarumaha caafimaadka ee lagu dabiibaayo dadka uu xanuunkaasi soo ridinaayo. 337-Shaqaalle ayey MSF hawlgelisay si ay uga shaqeeyaan xakamaynta iyo daaweynta xanuunkan dillaaga ah. Illaa 121-qof ayaa la xaqiijiyey inuu haleelay cudurka Ebola, waxaana u geeriyoodey 51-qof, 17-kamida shaqaalaha caafimaadka ayuu sidoo kale xanuunkani asiibay sida ay sheegtay wasaarada Caafimaadka ee Congo. Xanuunkan ayaa boqolaal qof ku diley sanadihii 2014-2015 bartmaha iyo galbeedka Qaaradda Afrika, aduunka ayaana si aada uga wallaacsan inuu mar kale kasoo laba-kacleeyo wadanka Congo oo horayna uga mid ahaa wadamadii uu saamaynta ku yeeshay. PUNTLAND POST The post Cudurka Ebola oo mar kale faro kulul ku haya Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo appeared first on Puntland Post.
  3. Jannaale (Caasimada Onlien) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saraakiil shisheeye oo wehliyay ayaa weerar ku qaaday subaxii hore ee arbacadii guri uu lahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u raxmadee Aaden Cabdulle Cismaan, oo ku yaalla magaalada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada ayaa guriga ka ka xeystay seddex wiil oo ka mid ahaa ehelka madaxweyne Aaden Cabdulle. Cismaan Caddow oo ah hooyada dhashay laba ka mid ah wiilasha la xirey iyo Sucaad Cabdullaahi Xaaji, oo wiilasha la xirey ay walaalo yihiin ayaa sheegay in ciidanka ay ahaayeen sided askari oo isugu jira Soomaaliya iyo caddaan. Waxay sheegeen in ciidanka ay diyaarad uga soo dageen meel u dhow beerta Aadan Cadde, oo guriga uu ku dhex-yaallo, kadibna ay guriga soo galeen, ayaga oo khasaare burbur u gaystay. Ciidamada weerarka soo qaaday ayaa guriga kala baxay boorso xiran, oo la sheegay inuu lahaa allaha u naxariistee madaxweyne Aadan Cadde. Boorsada ayaa qoyska ay sheegeen inay iyaga xitaa aqoon waxa ku dhex jira. Waxa ay sidoo kale shaaca ka qaadeen in la weydiiyey amiiro Al-Shabaab ah, oo ay sheegeen in ciidamada weerarka soo qaaday ay ku tuhmayeen guriga ay weerarka soo qaadeen. Saddexda wiil ee ciidamada ay wateen ayaan la ogeyn illaa iyo hadda meesha ay la aadeen ciidamada. Qoyska ayaa sheegay inay warar aysan hubin ku maqleyn in wiilasha lagu hayo Villa Somalia. Hoos ka dhageyso wareysi ay VOA la yeelatay qoyska. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Aadan-Cadde.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday Xarunta Degmada Howl-wadaag, gaar ahaan Masjidkii ku burburay Ismiidaamintii lagu qaaday Xarunta Degmada. Madaxweynaha oo galabta dalka dib ugu soo laabtay Safarkii Beijing ee Madasha Shiinaha iyo Afrika iyo kulankii saddex geesoodka ahaa ee Asmara, ayaa markiiba gaaray goobta la Qarxiyay. Madaxweynuhu waxa uu halkaa kula kulmay qaar kamid ahaa ehelada carruurtooda ku waayay Qaraxa iyo qoysas ku waxyeelooway Qaraxa ,isaga oo sheegay inuu xanuunka la qeybsanayo ehelada dadkii ku dhintay qaraxaasi. Madaxweynuhu waxa uu booqday sidoo kale dugsigii ku bur buray weerarkii lagu qaaday isla Xarunta Degmada. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dadka goobta ku sugnaa kula dardaarmay inaan laga niyad jabin la dagaalanka dhaqanka Al-Shabaab. Farmaajo waxa uu sidoo kale sheegay in la dhisi doono Masjidka iyo Dugsiga Qur’aan ee ku burburay Qaraxa.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxwaynihii hore ee dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxweyihii hore ayaa iska xog-waraystay xaaladda dalka, intaa kadib ayaa ra’iisul wasaauhu waxa uu madaxwaynihii hore geeyay waaxyada kala duwan xafiiska ra’iisul wasaaraha oo dib u habayn ballaaran ay ka socoto. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay horumarka la gaaray, wuxuuna xusay dhammaan bulshada Soomaaliyeed in looga baahan yahay inay taageeraan dowladnimada Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa horay hoygiisa ugu booqday madaxwaynihii hore ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay.
  6. Residents in Hiiran region have agreed to embrace community policing to counter cases of crime and violent extremism. Source: Hiiraan Online
  7. Iyadoo dagaal beeleedyo ka dhacay degaanka dhumay ee gobalka Sool ay ku dhinteen in ka badan 10 qof ayaa waxaa arintan baaq ka diray qaar kamida xildhibaanada baarlamaanka Puntland, waxayna beelahaas walaalaha ka codsadeen inay xabadda joojiyaan soona fariistaan miiska wada hadalka. Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo nasiib darro ku timaamay dagaalka ka soconaaya koonfurta gobalka Sool ayaa dhanka kale ku eedeeyey maamulka Somaliland inay ku lug leedahay collaada ka alloosan gobalka Sool, wuxuuna xildhibaanku tilmaamay inay Somaliland isku hubayso ciidan beeleedyadda ku dagaalamaaya degaanadaas. Dhanka kale degaankii maanta lagu dagaalamay ayaa laga dareemayaa saasaan collaadeed, mana jirto cid isku taxalujisay illaa hada sidii loo dhex gala lahaa beelahaa walaalaha ee dhiigooda isku daadanaayo. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in dagaal beeleedka degaanka Dhumay ay ku lug leedahay Somaliland appeared first on Puntland Post.
  8. Foreign ministers from Ethiopia, Eritrea and Somalia arrived in Djibouti Thursday to initiate talks on the resolution of the border dispute between Asmara and the host nation. Source: Hiiraan Online
  9. Asmara (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ka qeyb ka ahaa shirkii saddex geesoodka ahaa ee ay Asmara ku yesheen madaxda Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa caawimaad weydiistay madaxweyne Farmaajo. Sida uu Caasimada Online u sheegay xubin ka mid ah wafdiga la socda madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Dr Abiy Ahmed waxa uu dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay gacan ka siiyaan fududeynta heshiis waara oo ay gaadhaan Itoobiya iyo ONLF. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu madaxweyne Farmaajo mar labaad kula kulmay madaxda ONLF magaalada Asmara, isaga oo sidoo kale ku casumay in in ay yimaadaan magaalada Muqdisho. Arintan waxa ay caddeyneysaa saameynta sii xoogeysaneysa ee ay Soomaaliya ku yeelaneyso siyaasadda Geeska Africa. Waxaa xusid mudan, in Soomaaliya ay sidoo kale hormuud ka tahay dadaalada lagu dhex dhexaadinayo dowladaha Jabuuti iyo Eritrea oo uu dagaal ku dhexmaray xuduudda labadaas dal muran dhuleed awgiis. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii labaad magaalada Asmara ee dalka Eritrea kula kulmay jabhadda xoreynta Soomaali Galbeed ee ONLF, sida xubno ka mid ah waftiga madaxweynaha ay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Madaxweynaha ayaa Asmara ku jooga booqasho, si uu uga qeybgalo kulan saddex geesood ah oo ay lee yihiin Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya. Hase ahaatee sida Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka mid ah wafdiga dowladd Soomaaliya, madaxweyne Farmaajo waxa uu ONLF ku marti qaaday in ay yimaadaan magaalada Muqdisho. Casuumaddan ayaa ku timid kulan Asmara ku dhex-maray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo guddoomiyaha Ururka ONLF Maxamed Cumar Cismaan. Arrintan ayaa imaneysa kaddib markii ay isu soo dhawaadeen dowladda Soomaaliya iyo ONLF oo uu khilaaf ku saabsan u dhiisbistii Itoobiya ee Cabdikarrin Shikeh Muse Qalbi Dhagax u dhexeeyey. Socdaalkii kaan ka horreeyey ee uu Farmaajo ku tagey Asmara, ayay sidoo kale madaxda ONLF ku sheegeen inuu raali-gelin buuxda uga bixiyey dhiibistii Qalbi-Dhagax, inkasta oo dowladda Soomaaliya aysan xaqiijin taas. Dowladda Soomaaliya ayaa dhalleeceyn xooggan kala kulantay dhiibistii Qalbi-Dhagax oo warbixin uu soo saaray baarlamanka Soomaaliya ay sheegtay in madaxda sare ee dalka aysan ka war-hayn, laguna eedeeyey taliyihii hore ee NISA, Cabdulllaahi Sanbaloolshe. Sanbaloolshe ayaa isna sheegay inuusan qaadin tallaabo aysan madaxdu ogeyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Waxaa muuqata saameynta soo koreysa ee ay Soomaaliya ku yeelaneyso mandiqadda Geeska Africa muddooyinkii ugu dambeeyey. Soomaaliya sida laga garaabi karo waxa ay saaxadda ka maqneyd muddo ku siman rubuc qarni kaddib markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe 1991-kii. Hase ahaatee, tan iyo markii uu Itoobiya ka dhacay is beddelka siyaasadeed, la wiiqay saameyntii jahbadda TPLF ee gundhigga u ahayd degenaansho la’aantii siyaasadeed ee waqtiga dheer regeedisay gobolka, waxa ay faraj kheyr qaba u noqotay deegaanka oo dhan, gaar ahaan Soomaaliya. Soomaaliya waxa ay kow ka ahayd kuwa ay sida xun u saameysay siyaasadeed qaska ku dhisneyd ee Itoobiyadii TPLF. Hadda waxaa muuqata in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay siyaasadda gudaha walow aysan le’ekeyn intii la rabay, waxaa sare u kacay meeqaamkeeda diblomaasiyadeed ee mandiqadda, waxaana wali u furan in ay fursadaas uga faa’ideysato shanta arrimood ee hoos ku xusan. 1 – Xasillinta siyaasadda gudaha Dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon mar haddii laga reystay faragalintii TPLF, in ay awoodda isugu geyso sidii ay xasilloonida siyaasadda dalka ahmiyadda kowaad, labaad iyo saddexaad u siin lahayd. Tusaale, maadama lagu heshiiyey in dowladaha gobolka ay qadariyaan madax banaanidda kuwa kale, yeysan dhicin in hoggaamiyeyaasha maamul gobolleedyada sidoodii hore ugu dhuuntaan Addis Ababa iyo kuwa kaleba. 2 – Ciribtirka Al Shabaab Waa in ay dowladda uu hadda xiriirkooda halkii ugu sarreeysay in uu joogo u muuqdo ay ka hesho wax ay uga bedelato – Waa in ay hadda Itoobiya daacad ka noqoto la dagaalanka Al-Shabaab si waqtiga ugu dhaqsiyaha badan looga sifeeyo dalka. Ethiopia waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo badan oo weliba ku sugan gobollo Shabaabku ku xooggan yihiin. 3 – Somaliland Dowladda Somaliya waa in qadarinta soohdinta iyo badax banaanida lagu heshiiyey aysan noqon mid ay iyadu oo kaliya tixgaliso, dalalka deriska ah siiba Itoobiya iyo Djibouti waa in ay ka fogaadaan in ay Somaliland ula macaamilaan sida dowlad ka madax banaan Soomaaliya. Dabcan, Somaliland in arinteeda sida ugu quruxda badan loo xaliyo waa himilada qof walba oo Soomaaliyeed, loogana fadhiyo in ay dar dar galiso dowladda Soomaaliya, sida ugu habboon ee loogu hoyan lahaa Hargeysa, looga raaligalin lahaa wixii militarigii u geystay ilaa lagu xaalmariyo wax walba oo ay ku qancaan. 4 – Jabuuti Dowladda Soomaaliya waa in ay mar walba qadiyadda Jabuuti miiska saartaa oo ay ku dartaa ajandayeesha ay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya isugu yimaadaan, dabcan, waxaa qasab ah in ay ku dadaasho sidii ay Asmara uga bixi lahayd dhulka ay ka haysato Jibuuti, una joojin lahayd colaadda, taas la’aanteed, Soomaaliya qeyb kama noqon karto kulamada looga hadlayo masiirka gobolka. 5 – Dhisidda ciidamada qalabka sida Walow ay iminkaba socoto, hadana, dowladda Soomaaliya waa in ay uga faa’ideysato culeyska ka dagay iyo heshiiska bilowga ah ee mandiqadda Geeska Afrka ka bilowday in ay ku soo celiso cududii dalka. Waa ina y xoogga saarto sida ugu dhaqsiyaha badan ee ay ku dhisi lahayd ciidamo suga xuduudaha dalka oo dhan si heshiisyada aynu geleyso hadhow noogu noqon middi calool ku carartay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Waxaa muuqata saameynta soo koreysa ee ay Soomaaliya ku yeelaneyso mandiqadda Geeska Africa muddooyinkii ugu dambeeyey. Soomaaliya sida laga garaabi karo waxa ay saaxadda ka maqneyd muddo ku siman rubuc qarni kaddib markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe 1991-kii. Hase ahaatee, tan iyo markii uu Itoobiya ka dhacay is beddelka siyaasadeed, la wiiqay saameyntii jahbadda TPLF ee gundhigga u ahayd degenaansho la’aantii siyaasadeed ee waqtiga dheer regeedisay gobolka, waxa ay faraj kheyr qaba u noqotay deegaanka oo dhan, gaar ahaan Soomaaliya. Soomaaliya waxa ay kow ka ahayd kuwa ay sida xun u saameysay siyaasadeed qaska ku dhisneyd ee Itoobiyadii TPLF. Hadda waxaa muuqata in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay siyaasadda gudaha walow aysan le’ekeyn intii la rabay, waxaa sare u kacay meeqaamkeeda diblomaasiyadeed ee mandiqadda, waxaana wali u furan in ay fursadaas uga faa’ideysato shanta arrimood ee hoos ku xusan. 1 – Xasillinta siyaasadda gudaha Dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon mar haddii laga reystay faragalintii TPLF, in ay awoodda isugu geyso sidii ay xasilloonida siyaasadda dalka ahmiyadda kowaad, labaad iyo saddexaad u siin lahayd. Tusaale, maadama lagu heshiiyey in dowladaha gobolka ay qadariyaan madax banaanidda kuwa kale, yeysan dhicin in hoggaamiyeyaasha maamul gobolleedyada sidoodii hore ugu dhuuntaan Addis Ababa iyo kuwa kaleba. 2 – Ciribtirka Al Shabaab Waa in ay dowladda uu hadda xiriirkooda halkii ugu sarreeysay in uu joogo u muuqdo ay ka hesho wax ay uga bedelato – Waa in ay hadda Itoobiya daacad ka noqoto la dagaalanka Al-Shabaab si waqtiga ugu dhaqsiyaha badan looga sifeeyo dalka. Ethiopia waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo badan oo weliba ku sugan gobollo Shabaabku ku xooggan yihiin. 3 – Somaliland Dowladda Somaliya waa in qadarinta soohdinta iyo badax banaanida lagu heshiiyey aysan noqon mid ay iyadu oo kaliya tixgaliso, dalalka deriska ah siiba Itoobiya iyo Djibouti waa in ay ka fogaadaan in ay Somaliland ula macaamilaan sida dowlad ka madax banaan Soomaaliya. Dabcan, Somaliland in arinteeda sida ugu quruxda badan loo xaliyo waa himilada qof walba oo Soomaaliyeed, loogana fadhiyo in ay dar dar galiso dowladda Soomaaliya, sida ugu habboon ee loogu hoyan lahaa Hargeysa, looga raaligalin lahaa wixii militarigii u geystay ilaa lagu xaalmariyo wax walba oo ay ku qancaan. 4 – Jabuuti Dowladda Soomaaliya waa in ay mar walba qadiyadda Jabuuti miiska saartaa oo ay ku dartaa ajandayeesha ay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya isugu yimaadaan, dabcan, waxaa qasab ah in ay ku dadaasho sidii ay Asmara uga bixi lahayd dhulka ay ka haysato Jibuuti, una joojin lahayd colaadda, taas la’aanteed, Soomaaliya qeyb kama noqon karto kulamada looga hadlayo masiirka gobolka. 5 – Dhisidda ciidamada qalabka sida Walow ay iminkaba socoto, hadana, dowladda Soomaaliya waa in ay uga faa’ideysato culeyska ka dagay iyo heshiiska bilowga ah ee mandiqadda Geeska Afrka ka bilowday in ay ku soo celiso cududii dalka. Waa ina y xoogga saarto sida ugu dhaqsiyaha badan ee ay ku dhisi lahayd ciidamo suga xuduudaha dalka oo dhan si heshiisyada aynu geleyso hadhow noogu noqon middi calool ku carartay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Asmara (Caasimada Online) – Markabkii ugu horeeyay ee ganacsi ee ay Itoobiya leedahay ayaa 20 sannadood markii u horaysay shalay si rasmi ah ugu xidhay dekedda Musawac ee dalka Ereteriya. Markabka caanka ah ee “The Mekelle” oo labaatankii sannadood ee u dambeeyay ku xidhanayay Djibouti, ayaa shalay markii uu gaadhay dekeddaas waxa ka dul babanayay labada calan ee Itoobiya iyo Ereteriya, waxaana markabkaas dekedda ku qaabilay Madaxweynaha Ereteriya iyo Raysalwasaaraha Itoobiya oo sugayay. Wuxuu ka yimid Sucuudiga, waxaanu 11,000 Zinc gayn doonaa dalka Shiinaha sida ay warbaahintu baahisay. In Markabkaas caanka ah ee Itoobiya uu tago Ereteriya waxa ay muujinaysaa in ganacsigii Itoobiya ee u xidhnaa Djibouti uu hadda geedi u yahay dalka Ereteriya. Waa calaamad muujinaysa isbedelka ku yimid istaraajiyadii ganacsi ee gobalka Geeska Afrika. Waxa maanta uu magaalada Asmara uu shir uga furmayaa madaxda dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya, waxaana Asmara ku sugan Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, waxaana shirkan qaban qaabisay dawladda Ereteriya, waxase shirkan u furmaya dalalka gobalka Geeska Afrika ka maqan Madaxweynaha Djibuoti Ismaaciil Cumar Geele. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu kaga hadlay shirkan iyo ujeedadiisa waxaanu yidhi “Shirkan waxa uu gogol xaadh u yahay sidii la’isugu xidhi lahaa xaaladda amni iyo kobaca dhaqaale ee waddamada gobolka oo dhan. Maadaama dunidu hadda u soo jeedsatay fursadaha maalgashiga ee Geeska Afrika, waxaa lagama-maarmaan ah in aan door mug leh ka qaadanno isbeddelka iyo horumarka dhaqaale ee ka socda gobolka. Somaaliya waxay diyaar u tahay in ay qaadato doorkii ay horey u lahaan jirtay, iyada oo si firfircooni leh uga shaqeyn doonta ka faa’iideysiga fursaddaha cusub ee iskaashiga gobolka, isu soo dhawaanshaha iyo xallinta khilaafaadka geeska Afrika.” Shirarka noocan ahi waxay hore uga dhici jireen Djibouti oo qaban qaabin jirtay, waxaana ka maqnaan jirtay Ereteriya oo ku jirtay go’doon diblomaasiyadeed, laakiin maanta waxa shirkan qaban qaabisay Ereteriya waxaana ka maqan Djibouti. Tanina waa calaamad muujinaysa isbedel ku yimid diblomaasiyadii gobalka Geeska Afrika. Soomaaliya oo ay siyaasadeeda ku xidhnaan jirtay Djibouti, ayaa hadda u muuqatay inay u baydhay dhinaca ay u socoto dabaysha gobalka ka socota, oo ay dooneyso inay la jaan qaado isbedelada socda. Si kastaba ha ahaate, waxa ay diblomaasiyiintu dareensanyihiin inay socdaan isbedelo aan la filayn oo uu hormuud u yahay Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, waxaanay ka sokow gobalka Geeska Afrika saamayn ku yeelan karaan bariga Afrika, waxaanay dadka siyaasadda iyo xidhiidhka caalamka falanqeeyaa aaminsanyihiin inay isbedeladan qayb ka yihiin quwado shisheeye oo doonaya inay adkeeyaan danahooda gobalka Geeska Afrika. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamed Cumar ayaa ka dalbatay ra’iisul wasaaraha Itoobiya in cafis u fidiyo wiilkeeda. Diib Mahad Colow ayaa sheegtay in wiilkeeda ku xanuunsan yahay xabsiga uu ku xiran yahay, iyada oo ku baaqday in kaalin laga qaato siideysmadiisa. Cabdi Iley ayaa is casilay 6 bishii Ogoosto kadib markii ay deegaanka Soomaalida Itoobiya ay ka dhaceen rabshado lagu dalbanayay in uu baneeyo xafiiska. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa 27 Agoosto xabsiga la dhigay kadib markii laga kaxeeyay gurigiisa. Hey’adaha xuquuqda aadanaha ayaa Cabdi Iley ku eedeeyay in uu lahaa ciidamo gaar ah, isla markaana uu amri jiray falal dil, dhac, kufsi iyo barakicin qasab ah. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/hooyo.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. MOGADISHU (Caasimada Online) – Somalia is actively working to initiate a dialogue to resolve a border dispute between Eritrea and Djibouti. Foreign Ministers of Somalia, Ethiopia traveled to Djibouti to start a dialogue as they seek to resolve a border dispute ownership, the communications director in the office of the Somali president. The disputed land in question is the Dumeira mountain and Dumeira island which Djibouti claims is being illegally occupied by Eritrea. Somali President and leaders of Ethiopia and Eritrea who were meeting in the Eritrean capital of Asmara, had agreed to resolve the impasse in the interest of peace and development in the Horn of Africa region Both Somalia and Ethiopia have been actively working to achieve the normalization of relations between Djibouti and Eritrea. The Djibouti – Eritrea standoff is seen by most political and security analysts as the final rift needed to be solved to restore durable peace to the Horn of Africa region. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  16. MOGADISHU (Caasimada Online)—The present report, submitted pursuant to paragraph 28 of Security Council resolution 2408 (2018) and paragraph 55 of resolution 2431 (2018), provides information on the implementation of both resolutions, including on the mandate of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) and the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS). The report covers major developments in Somalia during the period 25 April to 22 August 2018. Political, security and economic overview Political developments The inauguration on 10 May of the new Speaker of the House of the People, Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman, following his election in April, marked the end of the political impasse of the previous months. At his inauguration, Mr. Mursal outlined his legislative priorities for the House, including the delivery of a legal framework for multiparty elections, an intergovernmental relations bill a nd the completion of the review of the Provisional Federal Constitution. Parliament began its recess on 9 July and will resume on 10 September. The National Security Council, comprising the leaders of the Federal Government and federal member states, met in Baidoa from 3 to 5 June. They reached a political agreement in principle on an electoral model based on a proportional representation and closed party list system, in addition to an agreement on ownership, administration and sharing of revenues from petroleum and minerals. At the meeting, federal member states continued to express their concern at the lack of resources allocated to them by the Federal Government. Prior to the meeting of the National Security Council, the Presidents of the federal member states had held the second meeting of the Council of Interstate Cooperation from 13 to 16 May in Baidoa. While welcoming the transition plan and recognizing the progress made in discussions on elections and resource-sharing, they urged the Federal Government to provide support for regional forces and indicated their desire to retain the right to seek external support. On 16 June, the Prime Minister of Ethiopia, Abiy Ahmed Ali, made a first official visit to Mogadishu, which resulted in a joint commitment by the two countries to strengthen cooperation, including through joint investments in four seaports in Somalia. The release on 28 June of the senior commander of the Ogaden National Liberation Front, who had been arrested in Somalia and transferred to Ethiopia on 28 August 2017, was a further indication of improved bilateral relations. Prompted by improved relations between Eritrea and Ethiopia, the President of Somalia, Mohamed Abdullahi “Farmajo”, at the invitation of the President of Eritrea, Isaias Afwerki, visited Asmara for the first time. On 30 July, the two leaders agreed to establish diplomatic ties and promote bilateral relations. In Galmudug, a division in the leadership, with State President Ahmed Duale Gelle “Haaf” and Chief State Minister Sheikh Mohamed Shakir on one side, and State Vice-President Mohamed Hashi Abdi “Arrabey” and state assembly speaker Ali Gaal Asir on the other side, deepened owing to a disagreement over the implementation of the power-sharing agreement signed in Mogadishu on 6 December 2017. The key concerns are that the new assembly violates the regional clan balance and that several contentious articles feature in the new State Constitution. The State Vice -President remained in Adado, maintaining a parallel governance structure, while President Haaf and the Chief Minister ran the state government from Dhusamareb, the official capital. On 13 July, the President of Somalia facilitated talks between the two parties in Mogadishu, where they reached a mutual understanding on the necessity to observe the power-sharing agreement. Further negotiations between the two sides, facilitated by the Federal Government, were ongoing. On 22 July, my Special Representative for Somalia and the Commissioner of the Somali Police Force visited Gaalkacyo, where the Somali-owned peace process, along with Gaalkacyo joint police patrols and the work of the peace committee formed by prominent clan elders and civil society representatives, have contributed to establishing peace and restoring security. Meanwhile, political tensions continued between the President of Jubaland, Ahmed Mohamed Islam “Madobe”, and the Federal Government. On 13 July in Lower Juba, the newly appointed commander of the Somali National Army 43rd Division, General Ali Mohamed Mohamoud “Bogmadow”, was denied entry into Kismaayo by the Jubaland Administration, which contested his appointment by the Federal Government, claiming that the Jubaland Administration was not consulted. On 14 August, the newly appointed National Intelligence and Security Agency commander for Jubaland and his deputy were also denied entry into Kisma ayo and deported for the same reason. Political rivalry intensified in the South-West state ahead of the 17 November 2018 state presidential election. Opposition blocs raised concerns that the President of South-West state, Sharif Hassan, had been planning to hold the election in Barawe, Lower Shabelle region, instead of Baidoa, Bay region, which is the current seat of the administration. They warned that shifting the venue could split the state assembly and lead to parallel elections. Responding to those concerns, the speaker of the state assembly affirmed that the election would take place in Baidoa and requested the assistance of the United Nations and AMISOM in providing training and temporary shelter for police units tasked with securing the process. The speaker further stated that he would appoint an electoral committee composed of state assembly members to draft the rules of procedure and oversee the election. Little progress was made on efforts to restart talks between the Federal Government and “Somaliland”. The distancing of the two was triggered by a full transfer on 30 June of air space control from the International Civil Aviation Organization office in Nairobi to Mogadishu, and the Federal Government’s objection letter to donors regarding the “Somaliland” special arrangement — which had been put in place in 2013 alongside the New Deal Compact to ensure a certain share of international support was allocated to “Somaliland”. On 1 July, during the fifty-eighth Independence Day celebrations, President Farmajo reiterated his call for talks between Somalia and “Somaliland”. The Federal Government, Sweden and the European Union hosted the Somalia Partnership Forum in Brussels on 16 and 17 July. The Forum brought together representatives from 58 countries and 6 international organizations. Key outcomes included the endorsement of the political road map for Somalia by international partners, support for the transition plan, approval of the updated mutual accountability framework and support for the efforts of Somalia to strengthen its resilience against humanitarian shocks, as manifested by the recovery and resilience framework. Participants underscored the need to finalize the electoral model and make progress towards finalizing the constitutional review, ensure greater political participation of women, young people and marginalized groups and build trust through reconciliation. Side events also took place on displacement and durable solutions; women, peace and security; and innovative financing mechanisms for development. The Forum agreed to reconvene in early 2019. Press Release
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, ayaa shir-guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada oo maanta looga hadlay sharciga doorashooyinka 2020-ka, dib-u-habaynta maaliyadda iyo ololaha is-xilqaan. Ugu horrayn wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa golaha wasiirrada warbixin faah-faahsan ka siiyay diyaarinta sharciga doorashooyinka 2020-ka oo heer gebagebo ah maraya dhowaanna wadatashi lagala samaynayo bulshada qaybaheeda kala duwan iyo dowlad gobaleedyada, kahor inta aan la hor-gayn golaha wasiirrada. Wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa isna golaha uga warbixiyay qorshaha cafinta daymaha, SMP3 oo gebagebo maraya, daabacaadda Shilin Soomaaliga iyo guud ahaan qorshaha dib u habaynta hannaanka maaliyadda dalka. Xukuummadda federaaka Soomaaliya ayaa ajandayaasheeda ugu waawayn waxaa kamid ah hir-gelinta doorasho qof iyo cod ah oo sannadka 2020-ka ah ka dhacda dalka si awoodda maamulka loogu celiyo gacanta shacabka oo ay uga taliyaan aayahooda, go’aanna ay uga gaaraan hoggaanka mustaqblka. Ugu dambayn golaha ayaa war-bixin la xariirta barnaamijka “Is-xilqaan ka dhagaystay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuummada, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo madax ka ah guddi loo xil-saaray dardar-gelinta ololaha is-xilqaan oo dib loogu dhisayo xarumaha dawladda, goobaha taariikhiga ah iyo waddooyinka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Sayladda Xoolaha Garowe ayaa waxaa saamayn ku yeeshay sicir bararka ka jira Garowe , iyadoo dollarku oo kor u kacay. Yusuf Taleex oo ka mid ah dalaaliinta Waaweyn ee ka shaqeya salayadda Xoolaha Garowe ayaa ka warbixiyay Qiimaha Xoolaha iyo sida uu dollarka kacay uu sameeyay dadka iyo dhaq dhaqaaqa Ganacsiga. Yuusuf waxaa uu tilmaamay in qiimaha xoolaha ay la socdaan sicirka meesha ay mareyso markaas lacagta dollarka iyo alaabaha kale, waxaa uu hoosta ka xariiqay in sicirka lacagta dollarka ee Suuqyada Garoowe ay tahay mid aan u sarreysa. Waxaa uu ka dalbaday Maamulka Puntland iyo dowladda dhexe in Jaangown lagu sameeya Sarifka Lacagata dollarka si ay isku keenaa badeecadaha iyo nolosha dadka. Z0000047 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Kismaayo (Caasimadda Online) – Iyadoo ay muran badan ka taagneyd sababta keentay in Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya ee waqtigiisa sii dhamaanayo Michael Keating uu ka qeybgalo kulanka madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya oo ka dhan ah dowladda Federaalka ayaa waxaa arrintaas ka hadlay Michael Keating oo sharaxay sababtii keentay inuu kulankaas ka qeybgalo. Ugu horreyn Michael Keating ayaa ku sheegay sababtii uu kulankaas uga qeybgalay inay aheyd inuu macsalaameeyo Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda Dhexe isla markaasna uu ka shaqeeyo sidii la isugu soo dhaweyn lahaa. Michael Keating oo ka jawaabayey su’aal aheyd inuu dowladda Soomaaliya ogeysiiyey ka qeybgalka kulankaas ayaa ku jawaabay “Haa waxaan casuumaad ka helnay Golaha Iskashiga Dowlad Goboleedayda caadiyan kulamadaan oo kale kama qeyb geli jirin balse waxaan ugu talo galay inaan ku macsalaameeyo dhamaan hoggaamiyeyaasha siyaasada Soomaaliya maadaama aan Shaqada” Michael Keating ayaa shirka Kismaayo ka hor sheegay inuu Madaxda Maamul Goboleedyada kala hadlay sidii loo xallin lahaa khilaafka kala dhaxeeyo dowladda dhexe isla markaasna looga heshiin lahaa sidii loo wada qeybsan lahaa kheyraadka dalka iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa amniga. Sidoo kale waxa uu sheegay in uu Kismaayo u joogo in uu dhageysto hadalada Madaxda Soomaalida inta uusan ka qeyb gelin Shirka Amniga ee Qaramada Midoobey oo 10 Maalin kadib ka dhacaya Magalada Newyork ee dalka Mareykanka,isla markaana uu la kulmi doona Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay si aan ugu gudbiyo hadalada hoggaamiyeyaasha Siyaasada Soomaalida. Dhanka kale Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada ay kulamo gaar gaar ah ku yeesheen magaalada Kismaayo. Ilo ku dhow dhow madaxda ayaa sheegay in kulamada xalay ay gaareen ilaa waqti dambe, maadaama madaxda ay aad u gorfeynayeen waxyaabaha diirada lagu saarayo Warmurtiyeedka laga soo saarayo Shirka. Madaxda qaar ayaa qabay in Ahmiyadda la siiyo sidii dowladda Soomaaliya ay ka madax banaanaan laheyd doorashooyinka ka dhacaya maamulada qaar, halka madaxda kalana ay qabeen in ahmiyadda la siiyo xaaladaha amaanka iyo xalinta tabashooyinka ay qabaan. Maanta ayaa la filayaa in shirka lasoo gabogabeeyo, laakiin jadwalka shirka ayaa ku asteysan inuu dhamaanayo maalinta beri ah oo 7 bisha September ku beegan tahay. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  20. Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in muhiim ay tahay dhammeystirka heshiiskii Nabadeed ee magaalada Gaalkacyo. Waxa ay sheegeen waxgaradkan in nabadda ay tahay furaha nolosha, Gaalkacyo dadka degganna u baahan yihiin nabad sal adag leh. Suldaan C/Casiis Beyle oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la dhameystiro heshiiska nabadeenta ee Magaalada Gaalkacyo, waxaa uu tilmaanay in dhameystirka heshiiskaas ay ku jirto danta dadka ku dhaqan gobolka Mududg. “Waxaa aad iyo aad ugu baahan nabadeynta dadka Gaalkacyo oo dagaal soo noqnoqday uu ka jiro nabadeytsaa oo cid walba ay gashay kuna guuleysan weyday, in la dhameystiro heshiiskaas waa uu muhiim u yahay dadka degan halkaasi waxaana ku jira horumarkooda”. Dhanka kale waxaa jira gobollo badan oo ay ka jiraan khilaafaad u dhaxeeya dad deegaannadaasi wada dega, wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay dhameystirka heshiiska nabadeynta ee magaalada Gaalkacyo. “Go’aamn fiican oo wax tar leh ayaa ka socda dhameystirka heshiiska dib u heshiisiinta Gaalkacyo, waxaa rabaa In aan intaas ku daro Gaalkacyo dadkeeda deegaanka oo labada dhinac ah iyo labada maamul ee magaalada labada dhinac ka kala taliyo labadaba dadaal xoog leh ayay galiyeen in la helo nabad iyo dib u heshiisiin “. Dhinaca kale Caaqil Gariig ayaa qaba in dowladda Soomaaliya dhammaan gobollada dalkaAy ka hirgaliso dib u heshiisiin si xal loogu helo khilaafaadka jira. Gaalkacyo waxaa horay looga hirgaliyey heshiis nabadeed kaasi oo sababay in la sameeyo ciidamo isku dhaf kana wada tirsan Maamullada Galmudug iyo Puntaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Minister of State for Foreign Affairs Sultan bin Saad Al Muraikhi yesterday received copies of the credentials of Abdul Razak Farah Ali, Ambassador of the Federal Republic of Somalia; Nathapol Khantahiran, Ambassador of the Kingdom of Thailand; Edgar Dorig, Source: Hiiraan Online
  22. Wasiirka Arrimaha debadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa duhurnimadii maanta ka dhoofay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea,isagoo ku sii jeeda waddanka Djibouti,sida ay daabacday Wakaaladda Soomaaliya ee SONNA. Wasiirka ayaa waxa socdaalka ku weheliya,wasiirada Arrimaha debadda dalalka Ethiopia iyo Eritrea,waxaana mas’uuliyiintan ay magaalada Jibouti u tegayan,wada-hadal lagu soo af-meerayo xurgufta u dhexaysa Djibout iyo Eritrea,sida ay sheegtay Wakaaladdu. Dowladaha Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa ku hawlan xallinta khilaafka u dhexeeya Eritrea iyo Djibout oo ku salaysan soohdinta ay wadaagan labada dal,halkaasoo dagaal ku dhexmaray sannadkii 1998. PUNTLAND POST The post Wasiirka Arrimaha debadda Soomaaliya oo u dhoofay Djibouti appeared first on Puntland Post.
  23. Kismaayo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada dalka ee halkaasi ku shirsan ay weli sii wadaan kulamo kala gaara oo uga socda magaalada Kismaayo. Madaxda maamul Goboleedyada ayaa labadii habeen ee ugu danbeysay waqti dheer ku qaatay falanqeynta arrimaha kala dhaxeeya dowladda Federaalka oo ay eedo badan ka tirsanayaan, waxaana dooda ugu weyn ka taagan tahay War-murtiyeedka laga soo saarayo shirka Kismaayo. Ilo ku dhow shirka ayaa sheegay in qaar ka mida madaxda maamul goboleedyada ay wadaan dadaal ay ku doonayaan in lagu xaliyo khilaafka ka dhex taagan madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka, waxaana markii hore arrintan ku dhex jiray madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo qorshihiisa socon waayey. Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la xaqiijiyey inuu isga dab qaadayo labada dhinac, ujeedkuna yahay inuusan shirka ka soo bixin war-murtiyeed sii xumeyn kara xiriirka aan fiicneyn ee dowladda Federaalka iyo madaxdaasi. Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug ayaa ugu xag jira khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka iyadoo mowqif adag ka taagan arrinta, laakiin waxaa mowqif debacsan la yimid madaxweynayaasha Puntland iyo K/Galbeed. Maanta ayaa la filayey in shirka lasoo gabogabeeyo, waxaase jadwalka shirka ku qoran inuu dhamaanayo maalinta beri ah oo 7 bisha September. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  24. Degmada Gaalkacyo ee Galmudug waxaa lagu soo gunaanaday koobkii degmooyinka Galmudug, kaasoo ay soo agaasintay wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyarada iyo xiriirka kubbadda cagta ee dowlad goboleedka Galmudug. Ciyaartii ugu dambeeysay waxaa wada ciyaaray degmooyinka Gaalkacyo iyo Balanbale waxayna ciyaarta ku dhammaatay barbaro, balse gool ku laadyo waxaa koobka ku qaatay wiilasha marti geliyay ee Gaalkacyo. Waxaa kulankii fiinaalka ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed, madaxweyne ku Xigeynka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Macalinka xulka qaranka 20-jirada Maxamed Cabdulle Farayare,taliyihii hore Ciidanka xooga Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) iyo sidoo kale boqaal shacab ah oo kala taageerayay labada degmo ee kama dambeysta wada dheelay. Senator Abshir Axmed oo goobta ka hadley ayaa bogaadiyay cayaaraha kusoo idlaaday Galmudug, wuxuuna dhiiri-geliyey ciyaartooydii ka qeyb gashay iyo dadkii sida wanaagsan usoo qaban-qaabiyay. Guddoomiye Abshir Axmed, waxaa uu ka hadlay in loo baahanyahay in sanadka kasta tartamo kala duwan loo qabto xirfadlyaasha ku dhaqan goobta isaga laga soo doortay si ay ula falgaan magaalooyinka kale ee dalka kuwaas oo iminka ay ka socdaan dhismayaal garoomo iyo ciyaaro badan. “Tani waa ifafaalo wanaagsan oo ku aadan hafanka bulshada iyo maamulka ciyaaraha Galmudug si ay ula tartamaan maamulada kale ee dalka ka jira kuwaas oo inta badan qaban qaabiya tartamo kala duwan halkan wixii lagu arkay maalihii lasoo dhaafay waxa ay astaan u yihiin guulaha xiga ee degaanka” waxaa sidaas Goobjoog News u sheegay Dr. Mahad Caabi Ciise oo ka mid ah dhalinyarada Gaalkacyo. Dhinaca kale guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Galmudug Cabdi Fitaax Cabdullahi Warsame – Koolis oo goobta ka hadley wuxuu yiri “Sida ay waxa noogu soo dhammaadeyn waa 100%, waxaan u mahad celinaynaa shaqsi kasta oo ka qeyb qaatay tartankii degmooyinka Galmudug 2018, waana taariikh lama iloobaan ah oo aan xasuusandoono sanadaha soo aadan u jeedkan waa in sanadkan is badal kusoo bandhigno tartanka Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Ethiopia reopened its embassy in the Eritrean capital Asmara on Thursday, the state-affiliated Ethiopian Fana Broadcasting said, a further sign of improving ties after the Horn of Africa neighbours signed a peace accord on July 9. Source: Hiiraan Online