Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,018
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The government of South Sudan intends to resume oil production from the main oil wells in Unity and Upper Nile states by September 2. Source: Hiiraan Online
  2. Colonel Zakia Hussen Ahmed has been promoted to the rank of a brigadier general in the Somali Police Force. Source: Hiiraan Online
  3. Days after news of appointment of new acting president to Ethiopia Somali region, the regional council passed a decision to lift immunity from prosecution rights of seven members of Somali Regional State Councils, reported Ethiopian State Media – Ethiopian Broadcasting Corporation. Source: Hiiraan Online
  4. Qalabi Dhagax wuxuu qaadey talaabooyin badan oo u muuqda dagaal ku talo gal ah oo uu ku qaadayo reer Puntland, marka loo eego sida uu dhinac ula noqday Somaliland. Talaabooyinka sida qaldan uu u qaadey waxaa ka mid ah:- 1 – Xafladii ugu horeysay oo loogu sameeyey Nairobi, wuxuu muddo aan ka yareyn 15 daqiiqo ka sheegkeynayey oo xayeysiinayey hor u mar uu sheegay inay gaadhey Somaliland, Dimoqraadiyad, doorashooyin iyo cadaalad bulsho oo ay sameeyeen. Wuxuu meesha ka saarey xasuuqa iyo qabsashada Laascaanood, iyo weerarka qaawan ee Tukaraq. 2 – Wuxuu qaabilaad rasmi ah iyo isla sawir u sameeyey Feysal Cali Waraabe oo la ogyahay meesha uu ka taagan yahay gaar ahaan reer Puntland iyo guud ahaan Somalia. 3- Ugu dembeyntii wuxuu qaabilaad rasmi ah iyo isla sawir la sameeyey wafdi ballaaran oo Somaliland darteed u soo dirtey, oo casuumad u wadey isna ka aqbalay inuu Hargeysa ka degayo. Amaanta aanay lahayn Somaliland, Qaabilaada Feysal iyo wufuudii ka dembeeyey weliba waqtigan xasaasiga waxay muujinaysaa daandaansi siyaasadeed iyo inuu taageersan yahey waxa Muuse Biixi ka sameynayo arriamaaha sool, Sanaag iyo Tukaraq. Waxa kale ee ay muujineysaa sida aanu u aaminsanayn midnimada iyo wada jirka Somalia. Mar rag saaxiibo la ah ay arrintaas wax ka weydiiyeen Qalbi dhagax, wuxuu ku jawaabey Puntland-ta aad ka hadleysaan waa dhulkii Cabdillaahi Yusuf iyo Faroole ONLF-ta ka dhiibi jireen oo waxaan u aqaana “xabaalihii ONLF”. Soomaliyada aad sheegeysaana waa tii Farmaajo iga dhiibey. 2 – Axmed Madoobe. Madaxweyanaha Jubaland isagoo ka hadlaaya garoonka Diyaarada ee Kisamaayo isagoo ka soo laabtey Safar uu ugu maqnaa debeda, wuxuu ka hadlaayey Dagaalka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland, wuxuuna u hadalaayey sidii inuu yahay QM. Wuxuu yiri “Dadka Soomaaliyeed maanta uma baahna dagaal iyo barakcin. Waa in la joojiyaa dagaalka. Tukaraq uma baahna barakicin iyo xabad ee waa in caqligu shaqeeyo”. Waa hadalkii UN-ka. Soo ma arko in Muuse Biixi goor habeen soo weerarey Tukaraq oo dad shacab ah ku xasuuqey isagoo weliba sheeganaya meel 10 KM u jirta Garoowe, maa arrintaasaa dhex-dhexaad laga noqon karaa? Somalidu waxay ku maahmaahdaa meeshaad nin ka qaadatey, nin ayaa uga tegtay. Waxaana muuqata ragaas oo dhan iney la jiraan Muusa Biixi iyo weerarkiisa. Bal aan aragno waxay dhasho. W/Q: Aamina Aadan Xersi Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. Shirkad saldhiggeedu yahay jasiiradda Qubrus oo horay 2013-kii heshiis kula gashay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya dhismaha 6 markab oo kuwa roondada xeebaha ah ayaa sheegtay in Soomaaliya ku dacweyn-doonto hey’adda kala saarta dacwadaha oo ku taalo dalka Holland kadib markii ay Muqdisho ixtiraami-weysay heshiiska labada dhinac. Warqad la soo gaarsiiyey Caasimada Online, oo ku taariikheysan August 22, 2018 waxaa loo diray wasiirka gaashaandhigga Xassan Maxamed iyo safiirka Soomaaliya ee midowga Yurub Cali Faqi. Shirkadda Amo Shipping Company (AMOSC), waxaa ay qoraalka ku sheegtay inay dowladda ku wergeliysay inay dacwadda la aadeyso hey’adda ku shaqada leh arrimaha rarka iyo u kala gar-qaadidda arrimaha badda ee loo yaqaano Transport and Maritime Arbitration Rotterdam-Amsterdam (TAMARA) ee Holland , waxaa loo gudbinayaa sidoo kale nuqulka heshiiskii ay AMOSC iyo dowladda Soomaaliya wada galeen July 29, 2013. Maxay Shirkadda AMOSC Rabtaa? Shirkadda AMOSC, waxaa ay dooneysaa inay hesho € 132 million oo lagu daray dul-saar dhan € 24.6 million, lacagtaas oo aheyd in la bixiyo intii u dhaxeysay July 29, 2013 ilaa March 2018, lacagta dollar ahaan waa $183 Milyan. AMOSC waxaa ay rabaa mar hore hey’adda ku qasabto Soomaaliya inay bixiso € 66 million oo ahey lacag aayar loo bixinayey, marka 2baadna inay soo saaro warqad aan dib loo celin oo deyn oo ku qorantahay €132 million ah ama haddii ay lacagtaas €132 million-ka ah ay Soomaaliya toos u bixineyso keliya ku lifaaq €66 million sida ku qorneyd heshiiska ay markii hore 2bada dhinac wada galeen. Sida ku qoran heshiiska, Soomaaliya waxaa ay aheyd in ay qorto warqad ay lacagta uga deynsaneyso Bank of Geneva, Switzerland, laakin weli ma qorin, waa iska aamustay. Heshiikan 6da markab ah, waxaa dowladda federaalka ah u saxiixay 2013-kii wasiirkii gashaandhigga Cabdixakim Xaaji Fiqi, waxaana goobjoog ka ahaa Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), shirkadda waxaa ay dhameysay shaqada 2 weji oo midkiiba ku kacayo €33m, xiriir badan oo dowladda la soo sameysayna waxaa ay sheegeysaa in aan laga jawaabin, oo ballantii looga baxay. May 6, 2018 iyo Dalabkii €90.6m: Warqad digniin ah oo ay AMOSC soo gaarsiisay Goobjoog News waxaa ay soo dirtay March 13, 2018, shirkadda waxaa ay dowladda federaalka ah ka dalbatay xilligaas lacag dhan €66 million iyo lagu daray €24.6 million oo dul-saar ah oo muddo lix sano ah, warqadda oo la soo mariyay safiirkeenna midowga Yurub Dr. Ali Said Faqi waxaa gacanta laga saaray wasiirkii gashaandhigga Maxamed Mursal laakin kama jawaabin. Shirkadda AMOSC, waxaa ay ku doodeysaa in heshiiska uu labo dhinac ahaa, sidaasi darteedna aaney ka bixi Karin dowladda federaalka ah. Dhankooda, wasiirro iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ah oo la hadlay Goobjoog News, waxaa ay qireen inuu jiro heshiiskaas, laakin waxaa ay diideen inay ka hadlaaan.
  6. Kismaayo (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu wado qorsho ciidamo cusub lagu geynayo Degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo. Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamada uu qorsheynaayo Axmed Madoobe ay qeyb ka noqon doonaan kuwa Kenya, halka kuwa ugu badan ay noqon doonaan Militeriga maamulka. Ciidamadan oo uruurintooda ay socto ayaa loo diyaarinayaa in la geeyo Baardheere iyo Garbahaarey oo ay ku yaalan xarumaha ugu waaweyn ee maamulka Gobolka. Ciidamada uu Axmed Madoobe doonaayo inuu geeyo Gobolka Gedo ayaa waxaa Garoonka magaalada Kismaayo looga daadgureyn doonaa Diyaarad laga leeyahay dalka Kenya. Degmada Baardheere iyo Garbahaarey ayaa waxaa kusii kordhaaya kacdoonada ka dhanka ah maamulka Jubbaland, waxaana halkaasi dhawaan looga dhawaaqay in Axmed Madoobe iyo maamulkiisa aanu ka shaqeyn doonin Gobolka Gedo. Axmed Madoobe, ayaa doonaaya in ciidamadaasi uu u adeegsado hakinta kacdoonka ka socda magaalada Garbahaarey oo ay ku sugan yihiin Siyaasiyiin kasoo horjeeda maamulka. Ciidamada uu Madoobe geyn doono Gobolka ayaa halis ku ah Gobolka Gedo, waxaana suuragal ah in halkaa uu ka dhaco dagaal u dhexeeya dadka deegaanka oo diidan maamulka Jubbaland iyo ciidamada. Dadka kasoo jeeda Gobolka Gedo ayaa diidan gabi ahaan Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa, waxa ayna arrintaasi ka danbeysay kadib markii Hogaamiyaha maamulka uu dhaleeceeyay Dowlada Somalia ee uu Hogaamiyo Farmaajo. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Jubbaland ayaa u diyaar garoobaya doorasho heer Madaxweyne, waxa uuna Axmed Madoobe baqdin ka muujinayaa in lala gadiyo doorashada. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  7. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay ka jawaabay wararka sheegaya inuu xanuunsan yahay. Abiy Axmed oo u muuqday mid su’aasha kadis looga dhigay ayaa sheegay inuu maqlay warar muujinaaya in xanuun uu ku qabsaday dalka Mareykanka xili uu halkaa ku joogay booqasho. Waxa uu Abiy Axmed sheegay inuu yahay mid caafimaad qaba isla markaana aan ku xanuunsan dalka Mareykanka, sida uu haddalka u dhigay markii la hadlaayay saxaafada. Waxa uu tilmaamay in shaqsi ahaantiisa uusan aheyn dadka isticmaala dawooyinka misna ku degdega goobaha caafimaadk, isagoo taa bedelkeeda sheegay inuu aad u jecelyahay jimicsiga. Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Aniga maba ihii dadka isticmaala dawooyinka mana soo gato dawo, waxaan aaminsanahay jimicsi iyo sporti oo ah aasaaska caafimaadka” Abiy waxa uu sheegay in baraha bulshada lagu soo bandhigo wax waliba oo shaki galinkara xaqiiqda, sidaa aawgeed waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya inuu ku xanuunsaday dalka Mareykanka oo uu dhawaan gaaray. Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta qaar ayaa qoray in Ra’isul wasaare Abiy Axmed lagu sumeeyay raashiin ay u leeyihiin Hido iyo dhaqan, hase yeeshee waxa uu hadalkaasi noqonayaa mid beenoobay. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararka ku heleyno waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda mooshin la doonayo in xilka looga qaado Hogaamiyaha Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare. Mooshinka la doonaayo in xilka looga qaado Hogaamiye Waare ayaa waxaa magaalada Muqdisho kawada Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka oo ay wehlinayaan tiro Wasiiro ah oo ka tirsan maamulka. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Hir-shabeelle ayaa inoo xaqiijiyay in Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka uu iminka soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana lasoo sheegayaa inuu qeyb ka yahay mas’uuliyiinta hor boodaya mooshinka. Mooshinka xil ka qaadista Hogaamiye Waare ayaa salka ku haya howlgudasho la’aan iyo inuu ka meermeerayo in lagu shaqeeyo magaalada Jowhar, kadib markii uu saldhigtay magaalada Muqdisho. Mooshinka oo markiisa hore ka socday magaalada Jowhar ayaa iminka loo soo wareejiyay magaalada Muqdisho waxaana lagu wadaa in la horgeeyo Baarlamaanka oo galay fasax ciidda 19-08-2018, dibna u furmi doono 1-September-2018 Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka ayaa sheegay in xubno badan oo ka mid ah Baarlamaanka ay Mooshinka kusoo saxiixeen magaalada Jowhar, halka kuwa kale ay ku saxiixayaan magaalada Muqdisho. Mooshinkan ayaa la sheegayaa in ay gadaal ka riixeyso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,waxaana sidoo kale Magaalada Jowhar ka socda qorshe uu Hogaamiyaha Hirshabelle uga hortagayo Mooshinka isaga ka dhanka ah ee ka socda Muqdisho. Sidoo kale, Hogaamiye Maxamed Cabdi Waare ayaa la sheegayaa in uu Jowhar ka wado qorshe uu isku shaandheyn ugu sameynayo Golihiisa Wasiirrada,waxaana uu xildhibaannada qaar u ballanqaaday in uu ka dhigayo Wasiirro sidaas darteedna ka laabtaan mooshinka isaga ka dhanka ah. Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa kalfadhigii 4aad ee Baarlamaanka ay kula xisaabtamayeen Golaha Wasiirrada ku eedeeyay Waare in uu curyaamiyay shaqada Maamulka Hirshabeelle islamarkaana aysan kulmin Golaha Wasiirrada,sidoo kalena uu musuq maasuqay dhaqaalah Hirshabeelle. Si kastaba ha ahaatee, Waare ayaan la ogeyn sida uu ka yeeli doono Xildhibaanada Mooshinka kawada ee ku sugan magaalada Muqdisho waxaana xusid mudan in Mooshinkaan uu ka duwan yahay kuwii hore. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Labadii sano ee lasoo dhaafay waxay dowladu dadaal badan ugu jirtay sidii soomaaliya looga dhigi lahaa dal amaan ah gaar ahaan caasimada muqdishu, waxaa muuqata in aysan dowladu dadaal yaraysan lkn ay wali Meesha ka maqan tahay taladii saxda ahayd wadadii ku haboonaydna aan loo marin. Dadaalo farabadan ayaa la sameeyey malaayin dollar ayaa lagu bixiyay tijaabooyin kala duwan oo ay ugu damaysay fikradii ciidanka xasilinta ee dhowaan lagu hungoobay, sidaa awgeed waxaan maqaalkan u qoray inaan dowladda ugu iftiimiyo talaabooyin hadii ay ku dhaqaaqdo ay guul kama dambays ah ka gaari doonto amniga iyo kalamdambyanta dalka oo dhan, ma aha wax aan maskaxdayda ka keeney waa tijaabooyin horey loogu guuleystay oo laga sameeyey gobolo dalka kmaida iyo dalal horey amni darro uga dhacday. Tallaabooyinkan waa kuwa ka kharash yar kuwii hore kana waxtar badnaan doona hadii lagu dhaqaaqo daacadnimana lagu daro insha’allah, waxaana ugu horeeya talaabooyinkaas:- 1. Awoodsiinta Degmooyinka si ay Sugaan amnigooda. Gadoomiye walba waa inuu mas’uul ka noqdaa amniga degmadiisa, saldhiga degmadu waa inuu keydiyaa xogta degmadiisa, soddon kii guri waa in loo sameeya qof horjooge ah oo u report gareeya saldhigga degmada, qof walba oo xaafadda kusoo biira waa in lala socodsiiyaa qofka horjoogaha ah lana diiwaan galiyaa, qof walba oo degmada dagan hadii uu gurigiisa ka kiraynayo qof cusub waa inuu waydiiyaa damiin, qofka cusub oo guriga kiraysanaya iyo damiinkiisa waa in laga diiwaan galiyaa saldhigga degmada, hadii qofka guriga leh uuna sidaa samayn oo gurigiisa lagu qabtoh qof nabad diid ah gurigiisa waxaa la wareegeysa dowladda isaguna waxa uu noqonayaa dambiile gabaad siiyay sharwade, talaabadaas waxay ku adkaynaysaa nabad diidku inay helaan gabaad iyo meelo ay kasoo abaabulaan howlohooda nabad diidnimo Sidaas waxaa la samayn karaa oo kaliya marka sugidda amniga loo daadajiyo heer degmo. 2. Diiwaan galin ta iyo Keydinta xogta Gawaarida soo dagaysa iyo kuwa yaal dhamaan. Wasaarada howlaha guud iyo Gobolka banaadir waa inay iska kaashadaan uruurinta xogta gawaarida magaalada taal oo dhan, xogta la uruurinayo ma aha taarikada gaariga oo kaliya sida hadda la sameeyo, taarikadu waa wax fudud oo gaariga laga furi karo mana noqon karto tixraac marka gaariga lagu sameeyo fal amni daro, xogta ugu muhiimsan ee gaariga laga diiwaan galinayo waa:- i. VIN (Vehicle identification number) Gaari walba oo dunida yaal wuxuu leeyahay number u gaar ah kaas oo shirkadaha gawaarida sameeya ugu talagaleen, majirto laba gaari oo isku VIN number ah, xitaa hadii uu gaadhigu qarxo ama gubto wali waa la arki karaa numberka waxaana laga dhigan karaa tixraac lagu ogaado asaal ahaan cidii gaarigaan ku qornayd ee dakadda kala soo dagtay kadibna si fudud ayaa lagu heli karaa ciddii falka gaysatay hadii uu isaga yahay ama qofkale oo uu kasii iibiyay. Badanaa numberkaan wuxuu ku qoran yahay marka la furo kabarka hore ee gaadhiga afkiisa hore, ama halka isu xirta daaqada iyo gaadhiga, shirkadaha qaar waxay ku qoraan shaaga korkiisa, marka gaariga dakadda laga soo dajiyo ama marka la canshuurayo waa in macluumaadka la diiwaan galinayo lagu daraa numberkaas iyo numberka taarikada kadib hadii gaadhigaas la qarxiyo isagoo aan taariko lahayn waxaad helaysaa numberkiisa kadibna si fudud ayaad ku ogaan taarikada iyo magaca qofkii lahaa hadii ay xogtu horey kuugu kaydsanayd. ii. Xogta qofka gaariga lasoo dagay, kii uu kasii iibiyay iyo damiinkooda dhamaan. Qof walba oo gaari canshuuranaya saddexdii biloodba mar waa in magiciisa lala keydiyaa macluumaadka kale sida shaqadiisa, VIN ka iwm iyadoo ay keydinayso cida canshuurta ka qaadaysa, sidoo kale na waa in qof walba leeyahay damiin loo raaci karo hadii uu isagu dambi sameeyo, damiin kaasi wuxuu caddaynayaaa in qofkaasi yahay qof bulshada sumcad kuleh oo falalka amni darrada aan lagu aqoon uuna ka mas’uul yahay wixii uu ku geysto gaarigaa, taasi waxay yaraynaysaa in kooxaha nabadiidku ay si fudud gaari ku helaan maadaama aysan xiriir fiican lalahayn odayaasha ama ganacsatada reerkooda aysanna heli kerin cid damiinata hadii ay helaanna uu dambiile noqonayo qofkii damiintay, hadii uu qofku gaadhiga sii iibinayo waa inuu tagaa nootaayo sax ah, nootaayadu waa inay keydisaa magaca laga iibsadaha, iyo iibsadaha cusub magiciisa iyo damiinkiisa iyo halka uu ka shaqeeyo, qofna waa in uu san gaari ka iibin qof uusan hubin, hadii gaarigaas lagu gaysto amni xumo dowladdu waxay la xiriiraysaa qofkii gaariga ku qornaa kadib isna waxa uu dowladda geynayaa nootaayadii kaydisay xogta ninkii ka iibsaday halkaas waxa laga soo helayaa ninkii falka gaystay hadii la waayo waxaa la helayaa ganacsadihii ama nabadoonkii damiintay isagaana mas’uul ka noqonaya wixii uu gaystay (Ma dhacayo qarax dhaca oo aan cidi mas’uul ka noqon loona raacin) iii. Taarikada gaadhiga, Modelkiisa, xilligii la farsameeyey iyo xilliga lagasoo dajiyay dalka, dhamaan xogtaas waa inay haysaa wasaarada ku shaqada leh si gaadhi walba oo amni darro sameeya si fudud loogu helo cidii lahayd. iv. Sawirka qofka iska leh gaadhiga sidoo kale waa in la kaydiyo sababtoo ah hadii xitaa la waayo qofkaas markii fal amni darro gaadhigiisa lagu gaysto ama xitaa damiinkiisii la waayo waxaa si fudud warbaahinta loogu faafin karaa sawirkiisa si dadkoo dhan u arkaan soo qabashadiisana ugu fududaato laamaha sirdoonka 3. Samaynta numberka Police ka 999 Qof walba oo arka nabadiidka ama xog ka hela waa inuu heli karaa number si fudud uu ula xiriiri karo, degmo walba saldhigoodu waa in xilli walba ay jirtaa cutub ciidan ah oo u diyaarsan howlgal, qofku marka uu la xiriiro saldhigga, police ku waxa ay waydiinayaan xaafadiisa iyo qofka horjoogaha ka ah, horjooguhu waa in uu yaqaan soddonkiisa guri dadka dagan si fududna ku garan karaa halka dhibka laga sheegayo, police ka waa inuu ka caawiyaa inay halkaas ku gaaraan si fudud, tani waxay heerka ugu sarreeya ka dhigaysa amniga caasimadda hubaal waxa ay noqonaysaa mid kamida caasimadaha ugu amniga badan lkn waxay u baahan tahay shaqo iyo u adkaysi inta uu ka hirgalayo dadkuna baranayaan. 4. Xoojinta sirdoonka iyo tayayntooda. Waxaa laga yaabaa in qaar police ka kamid ah, ama laamaha sare ee amniga ka tirsan ay la shaqeeyaan nabad diidka, waxaa jira dad si dadban ula shaqeeya nabaddiidka oo ay ku jiraan mas’uuliyiin sare, cidda kaliya oo dabagali karta oo kashifi karta siraha cadawga waa sirdoon xoog leh oo il dheer, mar marka qaar waxaa dhacaysa in qof shacab ah oo dowladda kusoo wargaliyay fal nabadiidku wadeen in la dilo, markaas waa in sirdoonku shaqadiisa qabsadaa oo qofkii bixiyay xogta qofkaa shacabka ah aan laga harin ee lasoo qabtaa, waxa badanaa kalsoonida shacabka lumiyay waa in dad badan oo dowladda la wadaagay xogo xasaasiya oo nabadiidka ku saabsan ugu dambayn la dilay, sababtu wax kale maaha ee qof dowladda katirsan ayaa nabad diidka ugudbiyay in qofkaa shacabka ahi xogtooda soo gudbiyay, dowladuna talaabo kama qaadin, mana baarin lkn hadda waa inay noqotaa howl aan la iskaga harin shacabkana loo damaanad qaadaa xogtay soo gudbiyaan inaysan dowladda dhaafayn hadii ay dhaaftana aan la iskaga harayn ee qofkii gudbiyay sirdoonku shaqadooda ka qabsanayaan. Sidoo kale waxaa dhacda in dad badan laga shakiyo lkn aan caddayn sax ah lagu hayn sirdoon keennu waa inuu daba galaa, taleefanadooda dhagaystaa, dhaqdhaqaaqooda lala socdaa cid walba oo laga shakiyo oo ay soo gudbiyaan horjoogaha xaafadda ama shacabku, degmo walba waa inay lahaataa cutub sirdoon ah oo u gaara oo la shaqeeya saldhiga degmada iyo hay’ada NISA, fahad yaasiin iyo taliyaha NISA waxaan ka rajaynayaa inay ku guuleystaan dhisidda sirdoon tayo leh. 5. Diiwaan galinta hubka iyo kantaroolkiisa. Dowladdu waa inay bixisaa shatiga hubka siisaana dad ay hubto inay ilaalinkaraan shuruucdiisa, gabi ahaan ba waa in la xiraa suuqa hubka ee caasimadda, mamnuuc na laga dhigaa in la iibiyo rasaasta iyo hubka labadaba, qof walba oo loo sharciyeeyo qori ama bastoolad waa in uu haystaa in cayyiman oo rasaas ah, lagulana xisaabtamaa hadii laga waayo rasaastaas ama hubkaas, hadii uu ibinayo hubka waa inuu ka iibiyaa qof damiin leh dowladdana ku wargaliyaa iibsadaha cusub, shattigana loo badalaa. 6. Baaritaanka xaafadaha oo loo sameeyo si kadis ah. Saldhigga degmadu waa inuu habeen baa aag u baaraa si kadis ah oo aan horay loo sii shaacin, guri walba waa in laga hubiyaa in uuna joogin qof uusan ogayn horjoogaha xaafaddu, sidoo kalena inuu yaal hub sharci darro ah oo aan dowladda u diiwaan gashanayn, ama sidoo kale gaari aan diiwaan gashanayn oo stickerkii wasaaradu ku dhaganayn, dhamaan wax yaabahaasi waxay hubinayaan in sharciyada dowladda la fuliyay qofkastana yahay mid u hogaansan, qofkii hub sharci darro ah haysta, ama gaarigiisa uusan diiwaan gashanayn ama qof aan la ogayn guriga ku haystay waxaa lagu samaynayaa baaritaan dheeraad ah oo lagu hubinayo, hadii waxba lagu waayo waxaa lagu ganaaxayaa sharciga uu jabiyay. Ugu dambayn waxaan dowladda kula talinayaa dadaalladaas lagu sugayo amniga caasimdda lagu dhinac wado xoreynta dalka oo dhan waayo inta nabad diidku haystaan hal degmo oo dalka katirsan taas macneheedu waxay tahay wali waxay heli karaan meel ay canshuur ka qaadaan askar ka qortaan kuna soo abaabulaan falalkooda amni darro. Gunaanad. Shacabka waxaan ka rajaynayaa inay dowladda u noqdaan, dhego, iyo indho ay wax ku aragto, dowladduna noqoto gacantii shacabka ka qaban lahayd dhibka W/Q: Abdullahi Ciid. Email: Seaman700@gmail.com Mogadishu, Somalia.
  10. Garoowe (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas oo madaxtooyada maamulka kulan kula qaatay tiro mas’uuliyiin iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka ayaa ka hadlay suuragalnimada in Puntland ay dib usoo ceshato Gobolka Sool. C/weli Gaas, ayaa sheegay in ahmiyad gaara ay u leedahay inay dib usoo ceshtaan Gobolka Sool, waxa uuna cadeeyay in Gobolka Sool uu uga duwan yahay Gobolada kale. Gaas, waxa uu mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha u cadeeyay in sumcada Puntland ay tahay mid ku jirta soo cesashada Gobolka Sool, waxa uuna ku baaqay in waddo waliba ay u qaadi doonaan sida ciidamada Somaliland looga saari lahaa Gobolka. Waxa uu Gaas tilmaamay in ciidamada maamulka ay muddo kabadan 24saac ku qaadan doonin inay xoreeyan Gobolka Sool, waa haddii ay qaadan duulaan niyad leh. Waxa uu sheegay in ciidamada maamulkiisa ay ka tababar wanaagsan yihiin kuwa Somaliland, sidaa aawgeedna ay qaadi doonaan dagaal lagu xoreynaayo Gobolka. Sidoo kale, mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha uu la kulmay ayaa ku dhiiragaliyay inay kawada shaqeeyan dib u hanashada Gobolka, isagoo ku baaqay inay wada sameeyan xiriir iyo wada shaqeyn. Haddalka C/weli Gaas,ayaa u muuqanaaya mid Puntland ay ku diyaarineyso dagaal kama danbeyn ah oo ay kula wareegto Gobolka Sool, wallow ciidamada Somaliland ay heegan ku jiran. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale daboolka ka qaaday in dowladiisa ay sii laba jibaari doonto xariga shaqsiyaadka ku kaca Musuq-maasuqa. Ra’isul wasaaraha xukuumada ayaa sheegay inuusan garan karin sabab looga aamuso shaqsi musuqaaya Hanti Qaran iyo mid shacab, waxa uuna laamaha amaanka dowlada faray inay xiran cid waliba oo lagu soo oogo musuq, isla markaana loo jaro warqada xariga. Waxa uu Ra’isul wasaaraha ku cel celiyey in dowladda ay tallaabo cad ka qaadeyso mas’uulkii ka tirsan dowladda ee sameeya musuq maasuq xilkuu doonaba ha hayee, sida uu hadalka u dhigay. Kheyre, waxa uu mar kale uga digay mas’uuliyiinta xilalka ka haya Dowladda Federaalka Somalia inaysan musuq maasuq ku sameyn hantida lagu aaminay oo ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed. Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Hadii aad tahay mas’uul Soomaliyeed oo lagu aaminay xoolaha Ummadda ha isku musuq maasuqin ha isku-xadin,lagaa yeeli maayo waa lagaaga daba imaanayaa, hadii Ummadda Soomaaliyeed hantidooda ee laguugu aaminay kasoo bax, hadii aad ka soo bixi weyso waa lagu qabanayaa” Waxa uu tilmaamay inay muhiimad gaara u leedahay dowlada Somalia in la ilaaliyo hantida Shacabka, waxa uuna cadeeyay in Somalia ay dhibaatada koowaad u keentay musuqa. Hadalka Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ku soo aadaya xilli Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ciidan ay u xiran yihiin eedeyn la xiriirta musuq-maasuq. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo ka mid ah Xildhibaanada BFS ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Somalia ee hadda jirta ay qorsheyneyso inay sameyso muddo kororsi. Waxa uu Xildhibaanka sheegay inay jirtay rajooyin muujinaayay in dalka ay ka dhacdo doorasho xiligeeda ah, balse ay dhici karto wakhti kororsi, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaanka oo wareysi gaara siinaayay Telefeshinka Dalsan xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in arrintaasi ka hortageeda laga doonaayo gudiyada loo xilsaaray arrimaha doorashooyinka. Waxa uu Xildhibaan C/qaadir Cosoble soo hadalqaaday in xitaa doorashada ay usii diyaar garoobayaan Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira waxa uuna carab ***** in rajo weyn ay ka qabaan doorashada. Xildhibaanka waxa uu tilmaamay in dowlada hadda jirta ay sabab la’aan dib ugu dhigtay kulamada baarlamaanka oo ku dhawaad afar bil aan si wanaagsan u qabsoomin, waxa uuna cadeeyay in wakhtiga looga dilay Mooshin iyo burbursiga Guddoomiyihiii hore ee baarlamaanka Jawaari. HOOS KA DAAWO MUUQAALKA COSOBLE
  13. Waxaan ku noqoday Jigjiga bartamihii 2017kii kadib markii aan muddo 50 sanno in ka badan aan qaxootinimo aan uga maqnaa magaaladda Qalaafe oo ka tirsan gobolka Shabeela, waxaana magaalada Jigjiga aan soo joogay muddo dhowr bilood ah oo ahayd xiligii uu Source: Hiiraan Online
  14. Jigjiga (Caasimada Online)-Baarlamaanka maamulka DDSI ayaa maanta go’aan ka gaaray Madaxweynaha cusub ee DDSI Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar), kadib kulan gelinkii dambe ee maanta ay ku yeesheen magaalada Jigjiga. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa codka kalsoonida siiyay Madaxweynaha cusub, kadib markii uu hortooda ka jeediyay Khudbad ku saabsan talaabooyinka uu qaadi doono. Xildhibaanada Baarlamaanka intaa kadib waxa ay isla kulanka ku ansixiyeen in xisbiga dhexe laga saaro 7 xubnood oo ka mid ahaa xisbiga, kuwaa oo loo soo jeediyay eedeymo kala duwan. Xildhibaanada baarlamaanka waxa ay sidoo kale sheegen in sharci daro ay tahay dhammaan Gobolada iyo Degmooyinka uu magacaabay Madaxweynihii hore Cabdi Cumar wixii ka danbeeyay 1-dii August, islamarkaana la doonayay in lagu burburiyo nidaamka dawliga ah, loogana soo horjeeday ammaanka. Sidoo kale, Baarlamaanka DDSI ayaa isla kulanka ka sheegay in Madaxweynaha cusub ee maamulka Mustafa xiligaani wixii ka danbeeya uu yahay xubin sare oo ka mid noqonaya xisbiga talada haya ee EPDRF oo ah kan haya talada Ethiopia. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha cusub ee DDSI Mustafa Muxumed Cumar ayaa lagu wadaa inuu soo dhiso xukuumad ka tayo badan kuwii hore waxa uuna xiligaan wixii ka danbeeya u guda gali doonaa shaqooyinkiisa. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  15. Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudne Xasan Cali khayre oo wakiil ka ah madaxweynaha jamhuuriyadda, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa darajada Sarreeye Guuto u xiray Zakiya Xuseen Axmed oo noqotay gabadhii ugu horreysay ee darajadaas ka gaarta ciidanka Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jiraan dib u dhiska dalka, isaga oo sheegay in waqti dheer ay dadaal ugu jireen horumarinta qarannimada dalka, muhiimna ay tahay in loo qiro, si guusha qarannimada loo xaqiijiyo. “Qaran quulaysanaya ma jiro haddii aan qayb waliba oo bulshada kamid ah xuquuqdeeda la siinin. Haddii gabdhaha Soomaaliyeed ay bulshada ka yihiin boqolkiiba konton oo aan duudsiinno xuquuqdooda, ma dhisi karayno Soomaaliya la tartami karta waddamada deriska ah”, ayuu yiri ra’iisul wasare Xasan Cali Khayre. “Gabar walba oo Soomaaliyeed waxa aan leeyahay haku fekerina in aad noqotaan gabdho garaadda qaata, ee noqda madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaarayaasha soo socda”, ayuu ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa raaciyay. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale darajooyin u xiray saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliyeed oo tababarro ku qaatay gudaha iyo dibadda dalka si ay qayb uga qaataan dardar gelinta dadaallada adkaynta amniga dalka. Agoosto 16, 2018 ayaa Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu darajada Sarreeeye Guuto u dallacsiiyay Zakiya Xuseen Axmed una magacaabay taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliyeed, iyada oo noqotay gabadhii ee ugu horreysay ee derejadaas ka gaarta ciidamada ammaanka dalka. Darajada S.Guuto Oo Loo Xiray Gabadhii Ugu Horreysay Ee Soomaaliyeed
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Xukuumada Somalia ayaa markii ugu horeysay digniin kasoo saartay lambero dibadda ka imaanaya kuwaa oo qalqal galinaaya shacabka. Qoraal ay wasaarada soo dhigtay barteeda Facebooka ayaa waxa ay ku sheegtay inay soo gaartay cabashada dadweynaha oo ku saabsan lambaro ka imaanaya dalka dibaddiisa oo wata furaha +43 oo ujeedadooda ay tahay in lagu dhaco shacabka. Wasaarada waxa ay shacabka Somaliyed uga digtay in aysan ku degdegin lambarada dibadda ka imaanaya, kuwaasi oo ujeedadooda ay tahay in ay dhacan shacabka. Waxa ay sheegtay Wasaaradda Boostada in ay xiriir la sameyneyso dalka laga leeyahay lambaradan, iyada oo kala shaqeyneysa sidii arrintan wax looga qaban lahaa. Halkan hoose ka akhriso qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Boostada Soomaaliya. Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada waxaa soo gaaray cabashada dadweynaha oo ku saabsan taleefoonno ka imanaya dalka dibeddiisa oo wata furaha +43 kuwaas oo loogu talo galay in lagu dhaco shacabka Soomaaliyeed. Wasaaraddu waxay la xiriireysaa dalka laga leeyahay lambarradan, iyadoo kala shaqeyneysa sidii arrintaan wax looga qaban lahaa. Hase yeeshee, waxaan dadweynaha uga digeynaa inay ku kadsoomin lambarrada noocaan oo kale ah oo aysan dib u wicin maadaama ay lacag badan goosanayaan.
  17. Addis Ababa (Caasimada Online)-Waxaa maanta gelinkii danbe gaaray magaalada Jigjiga Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustaf Muxumed Cumar oo dhawaan loo doortay xilka. Madaxweyne Mustaf Muxumad Cumar ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qeybqaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo boqolaal ruux oo ka mid ah shacabka magaalada Jigjiga. Saraakiil ka tirsan Jabhada mucaaradka ONLF ayaa sidoo kale ka qeybqaatay soo dhaweynta hogaamiyahan cusub iyagoo sheegay inay isku mowqif yihiin. Madaxweynaha DDSI Mustaf Muxumad ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Addis Ababa oo xarun u ah dalka Ethiopia tan iyo markii loo doortay xilka madaxweyninimo. Madaxweynaha ayaa waxaa gaaristiisa magaalada Jigjiga kadib la dejiyay Madaxtooyada Jigjiga oo ay dhowaan ammaankeeda la wareegeen ciidamo Milatari ah. Sidoo kale, Madaxweyne Mustafa ayaa lagu wadaa in uu shir guddoomiye kulan loogaga hadlayo mustaqbalka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya kaasoo la filayo in uu dhowaan ka furmo magaalada Jigjiga.
  18. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa warbixin ka siiyey Waxqabadka maamulka Gobolka ee lixdii bilood ee la soo dhaafay. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay dar-dar gelinayeen dadaallada horumarinta adeegyada muhiimka u ah dawlad wanaagga, iyadoo la isku soo dhaweeyey maamulka iyo bulshada. “Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaan warbixin ka siinay waxyaabaha maamulka Gobolka Banaadir u qabsoomay Lixdii bilood ee ugu danbeeyey, gaar ahaan, ammaanka, arrimaha bulshada, dhismaha Golleyaasha deegaanka, maamul wanaagga, koboca dhaqaalaha iyo siyaasadda, Arrimaha Barakacayaasha oo mudnaan siinay iyo shaqo abuurka dhalinyarada”. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa dhankiisa boggaadiyey waxqabadka muuqda ee maamulka Gobolka Banaadir la yimid mudadii koobneyd ee uu jiray, waxuna tilmaamay muhiimadda ay bulshada u leedahay in maamulka loo dhaweeyo. Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho C/raxmaan Yarisow ayaa qaabilay Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Amb. Qin Jian, waxana ay ka wada hadleen sidii ay door uga qaadan lahaayeen dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda. PUNTLAND POST The post Wasiir Sabriye iyo Eng. Yariisow oo ka Wada-hadlay Dardar-gelinta Adeegyada Bulshada appeared first on Puntland Post.
  19. British Somali teenagers are being taken back to their parents’ homeland under the pretence of a holiday and then kept in detention centres before being forced into marriages. Source: Hiiraan Online
  20. Madaxda Hay’adda Faya-dhawrka ee Badeecadaha iyo raashinka ee dawladda Puntland ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay xaafiiskan la asaasay, waxayna ka hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhibaatooyin ay ka badbaadiyeen Shacabka Soomaaliyeed. Tayadhawrka Puntland ah ayaa mid loogu talo-galay Hubinta badeecadaha soo galaya gudaha dalka iyo kuwa ay sameeyaan warshadaha yar yar ee kuyaala gudaha mandiqada, iyadoo ay marar badan qabtaan Agabyo waqtigooda dhaafay ama ugu yaraan tayo ahaan liitay. Agaasimaha Waaxda Faya-dhawrka ee Badeecadaha iyo raashinka ee dawladda Puntland Salaad Aadan Maxamuud ayaa sheegay in ay sii wadayaan dadaalka ay ku badbaadinayaan shacabka, wuxuuna ugu baaqay ganacsatadu in ay qeyb ka noqdaan dadaalada horumarineed. Xoghayaha guud ee Hay’adda Tayadhawrka Badeecadaha Puntland Abdirahmaan Aadan Ibraahim oo ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay ayaa sheegay in ay shaqo badan qabteen, isagoo sheegay in ay dadaalkooda kusii bixinayaan sidii ummadda looga badbaadin lahaa aafooyinka ku hareerysan cuntada dhacday iyo agabyada aan saxda aheyn. Sawirro. Puntlandpost.net The post DAAWO:Wax qabadka Waaxda Taya Dhowrka Badeecadaha & Raashinka soo gala Puntland appeared first on Puntland Post.
  21. MOGADISHU (Caasimada Online) – Hundreds of protesters have descended on Bardere town in a huge show of opposition to Somalia’s Jubaland State president Ahmed Mohamed Islam. Islam’s administration based in the coastal town Kismayo town, some 500km south of Somali capital Mogadishu, has been rocked by allegations for the past months. The protestors took streets of the town as the demonstration was taken part by angered crowd of students, men, women and young families. “Not my president,” chanted some of the protesters, while others waved signs with the same message. President Islam was accused of incompetence, according to Faisa Hussein, who is among hundreds of people took streets of Bardere town. Hussein has also blamed the president Islam of not contributing to political stability in the town. “We decided to hold peacefully demonstration against Islam’s administration, we call on the president to step down”, she said. She says hundreds of people, including students, elderly men and women gathered into main streets of Barder town to protest against Jhubaland administration. Bardere is an important agricultural town in Gedo region of Somalia. It is also the second most populous town in the Juba Valley. Last week, hundreds took to the streets to protest against the arrival of a ministerial delegation led by Jubaland’s Minister of Planning, Aden Ibrahim Aw Hersi. The delegation was attacked with stones thrown by angry demonstrators while the security guards fired bullets to disperse the mob. The rally comes amid strained relations between Somali government and Jubaland leaders over newly appointed army commanders for country’s forces to Juba and Gedo regions to join in fighting against Al Shabaab. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa wali magaalooyinka Kismaayo Iyo Garbahaareey oo ka tirsan maamul Jubaland ka socda shirar iska soo horjeeda oo midi lagu diidan yahay maamulka Axmed Madoobe. Shirka ka socda Garbahaareey ayaa u dhexeeya Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka oo iyagu aad uga soo horjeeda jiritaanka maamulka Axmed Madoobe, waxa ayna ku dhaleeceynayan inuu kala geeyay qabaa’ilada ku hoos nool maamulka. Shirka oo siyaabo kala duwan ay khudbado dhaliil xanbaarsan uga jeediyeen dhinacyada kulmay ayaa waxa inta uu socday leystusay in ay muhiiimtahay in meel looga soo wada jeesto nidaamka Jubaland. Siyaasiyiinta iyo waxgaradka magaalada Garbahaareey ayaa isku raacay in deegaanka aysan soo gaarin mas’uuliyiin ka socda Jubbaland, isla markaana la qaadaco go’aan waliba oo kasoo baxa Xafiiska Axmed Madoobe. Sidoo kale, Nabadoonada iyo siyaasiyiinta reer Jubaland gaar ahaan magaalada Kismaayo ayaa iyaguna isku dayayo in xal loo helo tabashada reer Garbahaareey ay ka tirsanayaan Jubaland, waxa ayna taageero u muujinayan Axmed Madoobe. Dhowr maalmood kahor ayey aheyd markii Garbahaareey dhowr Wasiir oo Jubaland ka socday lagu dibadbaxay oo qaarkood dhaawac fudud loo geystay. Dhinaca kale,magaalada Garbahaareey waxaa maanta ka dhacay banaanbax kale oo looga soo horjeedo Hogaamiyaha Jubbaland, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in Axmed Madoobe uu ku sugan yahay xaalad adag oo uu ku weyn karo kalsoonida dadka ku nool magaalada Garbahaareey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com