-
Content Count
206,298 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mudisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi dheer siiyey TV-ga dowladda ayaa ka hadlay waxyaabo badan, waxaana wadnaa warbixino aan uga hadleyno qeybaha kala duwan ee uu kaga hadlay wareysigiisa. Warbixintaan waxaan kusoo qaadaneynaa su’aal muhiim aheyd oo la waydiiyey madaxweynaha kuna saabsaneyd haddii uu kulan is cafin ah ku casuumayo Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladiisa, maadaama uu isaga dhawaan ka qeybgalay kulan ay isku cafinayeen Madaxda dowladda Kenya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay inuu jiro farqi u dhaxeeyo Kenya iyo Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay Kenyanka gaareen heer ilaa ay laba madaxweyne ka yeeshaan taasna aysan weli Soomaaliya gaarin isla markaasna ay Soomaaliya ka dhacday doorasho cad. “ Waa Su’aal wanaagsan, anaga qaabkeena iyo qaabkooda waa kala yara duwan yahay, ayaga doorashadooda waxay gaartay inaysan is aqoonsan oo uu caalamka soo kala dhexgalo oo ay mar gaareen in laba madaxweyne meesha looga dhawaaqo ilaa markii ugu dambeysay xaaladooda ay aad u cakirneyd, anaga doorashadeena waa ka duwaneyd, wuxuu ahaa mid cad oo banaanka yaal, markuu dhamaadana waa tii aan anaga gacmaha is qabsanay oo caalamka runtii arkeen oo wadamo badan oo filayey in Soomaaliya aad u dambeyso qiray inaan taaganahay meel aad u fiican oo aan iyaga badankood ka horeyno, sidaas ayey ku dhamaatay doorashadeena” ayuu yiri Farmaajo Madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in howlaha ay wadaan mucaaradka Soomaaliya ay tahay dhaqan soo jiray isla markaasna aysan wax weyn aheyn in mooshin Kenya iyo Somalia laga abaabulo iyadoo aysan dowladda 3 bil xataa jirin. “ Wixii doorashada ka dambeysay, laba bil iyo seddex iyadoo la joogo waxaa bilowday wixii dhaqanka u ahaa Soomaaliya, waana wax iska caadi ah, in Kenya lagu shiro oo la yiraahdo Xukuumadaa la ridayaa oo mooshinaa laga keenayaa waxay iska aheyd wax iska dhaqan ah, iyado la sugayo aniga iyo Ra’isulwasaaraha inaan is qabano muddo yar dhexdeeda haddana dowlad kale la dhiso oo haddana dowlad kale la dhiso, Marka Al Xamdulillaahi waxaa kuu sheegayaa dowladda waa fadhisaa” ayuu yiri Farmaajo. Wuxuu sidoo kale tilmaamay inay dowladiisa u baahan tahay mucaarad wax ka sheego, balse ay fiican tahay inay noqdaan mucaarad wax dhisa ee aan wax dumin “Waan u baahanahay dad wax naga sheego, Mucaarad waan u baahanahay, iyadoo looga baahan yahay inay noqdaan mucarad wax dhiso, haddii looga barto iyaga laftooda dad iska qeyliyo sumcadda ayaa ka lumeyso, marka waxa weeye wax aan oran karo caqabad ah oo dowladda dhexdeeda heysto ma jiro, saas ay tahay waan ku dadaaleynaa inaan raadino cid kasta aan ku qancin karno inay dowladnimada nagala shaqeeyaan, dalkeena wuxuu marayaa xaalad aad u adag, Shabaab ayaan la dagaalameynaa, dhaqaalaheena weli sooma kaban, dalkii wuu kala maqan yahay, cid kasta oo aan ku tuhmeyno mas’uuliyad Iyo maslaxad waan ku qasbanahay inaan raadino oo aan la shaqeyno sida shirkii ugu dambeeyey ee Baydhabo ka dhacay waana ku qasbanahay inaan raadino cid kasta oo tabasho qabto oo ay ku jirto wadaniyad iyo Mas’uuliyad” ayuu kusoo gabagabeeyey Madaxweynaha. Hadalka madaxweynaha ayaa imaanayo xilli siyaasiyiinta mucaaradka ay bilaabeen inay waji kale u yeelaan heshiiskii is afgaradka ahaa ee u dhaxeeyey dowladda Soomaaliya iyo Dalka Itoobiya. Halkaan hoose ka dhageyso Jawaabta Madaxweynaha https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/06/Farmaajo-kulan-is-cafis-ma-ku-casuumayaa-mucaaradka.mp3 Caasimada Onlne Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay qaab la yaab leh uga jawaabay sababta uusan mar kasta uga hadlin Xasaradaha dalka ka jiro kadib wareysi dhinacyo badan taabanayey oo uu siiyey telefishinka Qaranka SNTV. Madaxweyne oo jawaabayo Su’aashaas ayaa sheegay inuu isaga yahay qofka leh go’aanka ugu dambeeyo isla markaasna saxo qaladaadka ay sameyso xukuumadda, balse aysan macquul aheyn inay isaga wax kasta ka bilowdaan. Madaxweynaha ayaa is waydiiyey su’aal aheyd haddii isaga uu wax kasta bilaabo cidda saxeyso qaladaadka dhaco iyo waxyaabaha la isku qabto. “Madaxweynuhu wax kasta kama billowdaan ee waa ay ku dhammaadaan. Madaxweynuhu ma hor-ordi karo shaqada, maxaa yeelay haddii asaga wax walba uu hor ordo oo ay wax halaabaan xaggee lagu noqonayaa, macnaheeda waxay tahay madaxweynuhui wuxuu leeyahay oo ah halka ay wax ka bilowdaan magacaabista Ra’isulwasaaraha, taas macnaheeda waa Ra’isulwasaaraha ayaa iska leh Mas’uuliyadda xukuumadda?” ayuu yiri Madaxweynaha. “ Ra’sulwasaaraha waxaa la shaqeeyo Wasiiro oo loo baahan yahay in shaqada lafteeda lagula xisaabtamo oo iyagu howsha ka xigsadaan, wasiirada waxaa la rabaa inay agaasimayaasha guud ka xigsadaan ilaa meesha ugu hooseyso qeybta oo ay howshu ka bilaabato, marka waa dhaqan cusub oo aan dhaqan siyaaasadeedka Soomaaliya horey looga baran, laakiin waa sida saxda ah Madaxweynuhu waa meesha ugu dambeysa oo la tagayo, macnaheeda waxay tahay inaan aruuriyo xog , inaan xaqiiqda ogaado, meesha wax ka qaldan yihiin iyo meesha loo baahan yahay in wax laga saxo oo aan talo badan geliyo kadib iyadoo la diyaarsan yahay aan aniga xalkii keeno” Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay Ra’isulwasaare Kheyre isla markaasna uu aaminsan yahay inuu yahay Ra’isulwasaare wanaagsan wuxuuna yiri isagoo arrintaas ka hadlayo “ Al Xamdullilaah, Ra’isulwasaare wanaagsan oo aan ku kalsoonahay ayaa shaqeeya, isagana wuxuu keenay wasiiro, qof walba waxaa laga rabaa shaqadiisa ee loo xilsaaray inay gutaan”. Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadayo xilli ay taagneyd su’aalo badan oo la iska waydiinayey heshiiskii ay kala saxiixdeen isaga iyo Ra’isulwasaaraha Itoobiya kaasoo ay tashuus iyo marin habaabin ka sameeyeen shakhsiyaad mucaarad ku ah dowladda Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Madaxweynaha https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/06/Sababta-uusan-uga-hadlin-xasaradaha-iyo-ammaanta-Kheyre.mp3 Caasimada Onlne Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah mudanayaasha Golaha shacabka baarlamaanka Somalia ayaa ka hadlay dhacdadii shalay Garoonka Aadan cadde ku qabsatay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Somalia Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo loo diiday inay ka dhoofan garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho. Xildhibaan Mahad Salaad, waxa uu taageray go’aanka ay ciidamada AMISOM ku celsheen mas’uuliyiintaas oo doonayay inay ka dhoofan Garoonka. Mahad Salaad waxa uu tilmaamay in ficilka lagula kacay Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka uu yahay mid munaasib ku ah mas’uuliyiinta. Waxa uu tilmaamay in mas’uuliyiintaas horay looga waayay la xisaabtanka ciidamada AMISOM oo uu sheegay inay ka gudbeen xadka loogu tallo galay. Hoos ka akhriso qoraalka kooban ee Xildhibaan Mahad Salaad uu ku taageray ficilka AMISOM: Gudoonka Goleyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka) maanta in ay ka hadlaan tacadiyada Amisom ceeb ayay ku tahay ee ha iska aamuseen, sababtoo ah: 1-Shalay markii baabuurta Amisom dadka shacabka ah ku dardarayeen dariiqyada magaalada Mogadishu ee aan laga hadleyn mararka qaarna iyaga qaarkood cudurdaarka u sameynayeen tacadiyadooda Amisom ma saxneyd?! 2-Shalay markii ciidamada Amisom ay ku laynayeen KM4 ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya (NISA) ee cid ka hadasha iska dhaafe xitaa cid usoo tacsiyeyday aysan jirin Amisom ma saxneyd?! 3-Shalay markii Xildhibaanadii u doortay iyaga gudoon in ay u noqdaan inta baabuurta laga dajiyo iyaga iyo baabuurtoodaba eeyada lagu baarayay Amisom ma saxneyd?! Maanta in ay ka hadlaan wadada ayaa naloo diiday iyo askartii ayaa nalaga reebay ceeb ayay ku tahay ee ha iska aamuseen. Sababtoo ah iyaga ayaa shalay ka gaabiyay in ay sharciyada ilaaliyaan. Amisom na lala xisaabtamo! Hon. Mahad Salad Caasimada Onlne Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dooda beryahaan ka dhex socota Somaalida ee ku aadan Ethiopia-yada cusub iyo booqashadii RW Abiy Ahmed ee Dalka Somaliya ayaan ku darsanayaa aragti kooban! Waxaa haboon markii laga hadlayo ama laga doodayo arrinta labadaan Dal ee deriska ah, cadaawad dheerna soo martay ilaa 500 sano uuna sugayo mustaqbal dheer inta dunidu jirto in meel la iska dhigo 3 arrimood; A)-Aragtida Negative100% ah ee weli joogta 1977 iyo wixii ka horeeyay ama dawladihii Amxaarada iyo Tegreega. B)-Aragtida Posative 100% ah ee ku dhisan Jadbada iyo is dhiibka xisaab la’aanta ah. C)-Ku xummeynta Dawladda Nabad & Nolol; Farmaajo iyo Khayre ka hor ayey jirtay cadaawada iyo xiriirka Ethiopia iyo Somaaliya kadibna waa jiri-doontaa, waana Qadiyad Umadeed ee ma aha arrimo Shakhsi. Waxaana habboon in aragtida lagu cabiro; 50% Fursadaha jira oo la horumarin karo iyo 50% Caqadaha iyo Cabsida jirta oo ka dhalatay Taariikhdii hore ee lasoo maray, una baahan in loo hawl-galo sidii loo bedeli lahaa iyo Is-faham ama Is-afgarad bilaw ah oo u baahan dhameystir. Waxaa cad oo marag ma doonto ah; in Ethiopia uu ka dhashay Kacaan cusub oo wax ka bedelay kana bedeli-doona Taariikhdii iyo Xukunkii Ethiopia ee gudaha iyo dibadda. Waxaana cadeyn u ah sida uu ku yimid Abiy Ahmed iyo Talaabooyinka is-bedel ee uu qaaday gudaha iyo dibadda ee ayasan raali ka noqon Qawmiyadihii Xukunka haysan-jiray ee Amxaaro iyo Tegree. Hadaba Su’aalahaan ayey tahay in ay is-wadiiso Somaalidu marka ay ka hadlayso xiriirka Ethiopia iyo Somaaliya: 1-Oromo ma tahay Tegree iyo Amxaaro oo kale? Mise arrimo badan ayaan wadaagnaa sida; Taariikh gaar ah, Islaamnimo, Dhalyo, Dhul, Derisnimo, Dulmi iyo kala qeybin naloo wada geystay, Abaal hore iyo soo dhawayn 77 aan ku leenahay iwm. 2-Hadii aan Ethiopia ka xirano Badayna maxaa u diidaya in ay naga xirato labada Webe ee Jubba iyo Shabeelle? Sida Masar ay maanta uga baqeyso Biyaha Niil, gaar ahaan labada Webi oo noo ah Nolosha barkeed ama ka badan waxa ayna soo wada maraan dhulka Oromada, Teknoojida maantana waxa ay sahlaysaa in la xiri karo ama la leexin-karo. 3-Haddii 6 Maamul-gobal oo uu ugu danbeeyay Hirshabeelle ay galeen heshiisyo xisaab la’aan ah welina diyaar u yihiin! Maxaa loogu diidayaa Fedaraalka?. 4-Haddii Siyaasiyiinta Somaalida ay rabaan in ay Xildhibaan, Wasiir iyo Madax marba mid ka noqdaan Somaliya, Kenya, Ethiopia iyo DJibouti maxaan ku diidnaa in aan toos wax iskugu darsano? 5-Hddi Siyaasigii, Ganacsadihii iyo Aqoonyahankii saf ugu wada jiraan, kharash badana ku bixinayaan Passborka iyo Dhalashada Ethiopia, Kenya iyo DJibouti, markii laga reebo inta haysata dhalashada Europe iyo America! Xageen ka helaynaa cid Madaxbanaan oo Matasha Somaaliya?. 6-Haddii Ganacsatadii Somaalida ay marti u yihiin Dekedda Mombasa si ay Ganacsiga u gaarsiiyaan Wadamada aan Badda lahayn ee Uganda, Burundi, Ruwanda, South Sudan, Centaral Africa iwm, Mar kastana jidka iyo Wadamadaas lagu dhaco ama lagu dilo maxaa loogu diidaa haddii ay Baddooda ka degsan karaan gaarsiina karaan ilaa Afrikada dhexe? 7-Haddii Sudan, Eritrea iyo DJibouti ay diyaar u yihiin in ay Badd iyo Dekedo siiyaan Ethiopia maxaa noo diidaa in aan la tartano?. 8-Haddi Ethiopia ay haystaan Mashaakil; Siyaasadeed, Amni, Dhaqaale, Gobalaysi, Qabyaalad, Welina ay ka jiraan Gobala raba in ay go’aan iyo Jabhado hubaysan, maxaan u aaminay in ay naga xoog badantahay ama ay na liqi karto? Arintu Tiro miyaa! Mise waa Tayo? 77 anaga oo ka tiro iyo hub yar ayaan ka xoog badinay Libaaxyadii Afrika ilaa Nato iyo Warso u soo gurmafaan, hadana waa ka tiro iyo waaya aragsanahay 77, waana soo jeednaa!. 9-Haddii Ethiopia dal dhan ay qaadan karto Eritrea ayey qaadan laheed oo Somaaliya uga muhiimsan ee sidey Somaaliya oo ka tiro iyo xoog badan Eritrea ku qaadan kartaa?. 10-Haddii xilligii Tegreega ee Somaaliya dayacneed gacantana ay ku hayeen Madaxdii Jabhadaha, Maamuladii Gobalada iyo Dawladihii ku meel-gaarka ahaa qaadan kari waayeen? Sidee maanta oo Oroma ka taliso Ethiopia, lana eryay Taliyaashii Naas-nuugin-jiray Madaxda Gobalada ku qabsan karaa dalka Somaaliya oo leh Dawlad la aqoonsanyahay?. Ugu danbayn waxaan kusoo koobayaa:- 1-Haddii RW Abiy Ahmed uu ka dhabeeyo talaabooyinka uu bilaabay waa guul u soo hoyatay Somaaliya iyo Ethiopia, hadiise uu maro jidkii Tegree iyo Amxaaro Ethiopia waxaa sugaya burburkii Somaliya oo kale. 2-Dawladda Fedaraalka waxaa laga rabaa in ay dadka u caddeeyso heshiis kasta iyo talaab kasta oo loo qaadayo dhanka Ethiopia laguna bilaabo mar kasta Madaxbanaanida iyo Midnimada dalka, heshiiskana lagu daro Biyaha labada Webe, Khubaro iyo Farsamo yaqaanno na ay adeegsato, lana mariyo Golayaasha Fedaraalka si looga bogsado xanuunadii hore. 3-Siyaasiyiinta iyo Aqoon yahanka Somaaliyeed waxaa laga rabaa in ay joojiyaan Yasida Dalkooda iyo Dawladooda iyo Ceebaha Dalkooda oo ay u Tarjumayaan Ajnabiga, kuma helayaan Magac iyo Sharaf e !!!. W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal) Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Late last week, a report suggested that wanted terrorist leader Mokhtar Belmokhtar, who has been declared dead at least three times, might still be alive. In this latest twist, a Saudi magazine based in London, El Majaala, is reporting that two militant Islamist leaders arrested in Algeria said Belmokhtar is living somewhere along the lawless border areas of Mali, Niger or Chad. Experts on Islamist radical movements in Africa said such reports cannot be dismissed. “I think it’s quite possible he’s still alive,” said John Campbell, a former U.S. ambassador to Nigeria, and a senior fellow for Africa policy studies at the Council on Foreign Relations in Washington. “There is absolutely no clear confirmation of his death from governments or jihadists, so you cannot rule out that he is alive,” said Jacob Zenn, an expert on extremism at the Jamestown Foundation in Washington. A spokeswoman for the U.S. military’s Africa Command, Samantha Reho, said AFRICOM is aware of allegations that Belmokhtar is still alive. “However, we have no clear indications of his continued activity,” she said in a statement to VOA. Notoriety Belmokhtar is best known for the hostage crisis he masterminded in January 2013 at the Ain Amenas gas facility in Algeria, where more than 800 people were taken hostage by his newly formed terrorist group, al-Mulathameen (Masked) Brigade. Thirty-nine of the hostages were killed before the rest were rescued. A few months later, Belmokhtar’s group attacked a French-owned uranium factory near the town of Arlit in northern Niger, an attack he later said was retaliation for France’s intervention in Mali. “He is among the most significant terrorist leaders in Africa because of his operational range from Algeria and Libya to Nigeria and his long-time loyalty to al-Qaida, despite his record of being an independent-minded terrorist who has clashed with AQIM leadership and hierarchies,” said Zenn. ‘Mystique’ With the possible exception of Boko Haram’s Abubakar Shekau, no African terrorist leader has been declared dead as many times as Belmokhtar. Belmokhtar was first declared dead in March of 2013 by Chadian state television, which reported that Chadian soldiers in Mali had killed the terrorist leader at a base in northern Mali. This was later repeated by Chadian President Idriss Deby, despite a denial from by al-Qaeda and Belmokhtar’s spokesman. In June 2015, the Libyan government announced that Belmokhtar had been killed in a U.S. air raid in Libya. The U.S. did confirm that Belmokhtar was targeted in the air raid, but never confirmed his death. In November 2016, French warplanes targeted Belmokhtar in air raids over southern Libya, based on intelligence from the U.S. “He … gained a mystique for being declared dead, yet resurfacing to be alive many times,” said Zenn. ‘Unique threat’ According to Campbell, Belmokhtar presents a particular challenge as a terrorist leader. “He’s a very good example of how a person can be a criminal (a smuggler or a kidnapper), can be a jihadi radical, and can be a revolutionary all at one time, and depending on what the circumstances are,” he said. Zenn said Belmokhtar’s real contribution to jihadism has been his ability to bridge insurgent elements all the way from Nigeria and other parts of the Sahel to Algeria and Libya. He has extensive connections with the local tribes in the Sahel through marriage. “So, his versatility at the local and international level makes him a unique threat,” said Zenn. “If anyone could work with both IS (Islamic State) and AQ (Al-Qaida) elements, it would also be him.” US not deterred Campbell said there is a good reason for counterterrorism officials to be worried about reports that Belmokhtar is still alive. “If he’s still alive, he can conduct an operation against a government or privately owned facility anywhere across a large swath of West Africa,” he said. “He could carry out operations in the future, not dissimilar to those that he did in the past. And after all, some of them were really quite significant,” he added. But the U.S. will not be deterred by these reports in its fight against terrorists and terrorist networks said AFRICOM spokeswoman Reho. “Our mission in the region has not changed,” she said. “The United States will not relent in its mission to degrade, disrupt and destroy terrorist organizations … and bring stability to the region. We are committed to maintaining pressure on the terror network and preventing terrorists from establishing safe havens,” she added. Source: VOA
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa in maalmaha fooda nagu soo heysa uu gaaro degaanada maamulka ee colaadu ka jirto. Muuse Biixi, ayaa safarkiisa ugu horeeya ugu bixi doona magalada Burco, waxa uuna isku mari doonaa ilaa Seddex deegaan oo ay ka jiraan colaado uu dhiig ku daatay. Biixi ayaa deegaanada ay colaadu ka jiraan ku gaari doona safar dhinaca dhulka ah, waxaana ku wehlin doona mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee uu ka kooban yahay maamulka. Illo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa xaqiijiyay in safarka Hoggaamiyaha uu qaadan doono maalmo kooban. Deegaanada la filaayo inuu ku nagaado ayaa waxaa kamid ah deegaanka Ceel-afweyn oo ay weli ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa laba beelood oo dagaal uu dhexmaray. Warar madax-banaan ayaa sheegaya in Hoggaamiye Biixi uu socdaal qarsoodi ah ku tagi doono qeybo kamid ah Gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan ciidamada ciidamada Somaliland iyo Puntland, waxa uuna ka booqan doonaa qeybaha ay ku sugan yihiin ciidamada maamulkiisa, sida aan xogta ku heleyno. Sidoo kale, wafdi hordhac u ah safarka Hoggaamiye Muuse Biixi ayaa lagu wadaa inay gaaran deegaanada uu ku wajahan yahay Hoggaamiyaha. Safarka Biixi ee deegaanada ay colaada ka jirto ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay ee uu ku baxo tan iyo markii loo dhaariyay xilka. Dhinaca kale, Safarka Biixi ee deegaanada ay colaadu ka jirto ayaa noqonaaya kan ugu halista badan, waxaana xusid mudan in walwal laga qabo socdaalkiisa. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Waxaa magaalada Garowe soo gaaray wafuud ka socota maamulka la baxay united States of Somaliland oo dhawaan lagaga dhawaaqay Dalka dibadiisa, sidoo kalena waxaa isla Garowe kusoo wajahan Madaxweynaha maamulkaas Mustafe Maartin. Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaas, salaadiin iyo xubno kale oo siweyn u taageersan ayaa iminka ku sugan caasimada Puntland ee Garowe iyagoo kulamo la qaadanaaya qaybaha kala duwan ee bulshada. Mustafe Maartin oo ah madaxweynaha Maamulkaas ayaa dhawaan xaflad sagootin ah loogu sameeyey Dalka Maraykanka isagoo sheegay inuu Dalka dib ugu laabanaayo. Masuulkan ayaa sheegay in maamulkiisa la asaasay kadib markii la majara habaabiyey dariiqii ay ku socotay Somaliland ayna dad gaara isku koobeen taladii umada Soomaaliland, wuxuuna waxba kama jiraan kasoo qaaday Maamulka Madaxweyne Muuse Biixi, isagoo siweyn ugu eedeyey mid ku dhisan eex, uuna yahay maamul aysan u dhamayn bulshada reer Soomaliland. Siday doontaba ha ahaate lama oga in masuuliyiinta maamulkani ay la kulmi doonaan madaxda sare ee Puntland mudada ay ku sugan yihiin Garowe iyo in kale, wuxuuse imaanshahoodu kusoo aadaysa xili ay cirka isku sii shareerayso xiisaada dagaal ee ka dhex aloosan maamulada deriska ee Puntland iyo Somaliland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha maamul la baxay united states of Somaliland oo kusoo wajahan Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo la hadlay Telefishinka ku hadla afka Dowladda Somalia ayaa sharraxaad ka bixiyay nuxurka heshiiskii uu maalmo ka hor kula saxiixday Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo qodobbo kale oo ay ka mid yihiin mucaaradka dowladda. Farmaajo ayaa wargeysigiisa ku sheegay inaanay jirin dekedo la bixiyay, balse ay jiraan dad doonaya inay carqaladeeyaan isku-day walba oo la rabo in horumar lagu gaarsiiyo dalka. “Ma jiro deked dal kale la siiyay, waayo dekedaha waxay ku yaallaan Somalia, maal-gelinta lagu sameynaya ma ahan mid Itoobiya ama Somalia ka imaanaysa, waxayse ka imaan karaan meelo kale,” ayuu si taxadar leh u yiri madaxweynaha Somalia. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay in Somalia ay haatan ku tallaabsatay heer ay dalalka caalamka kala hadasho sidii maal-gashi loogu sameysan lahaa dalka, isla markaana laga gudbay in dunida ay kala hadlaan amniga oo keliya. “Xilliyadii hore waxaan caalamka kala hadli jirnay amni oo keliya, balse hadda waxaan kala hadlaynaa waa sidii aan dhaqaalaha u kobcin lahayn, waana guul lagu tallaabsatay,” ayuu hadalkiisa daba-dhigay. Mar la weydiiyay madaxweyne Farmaajo faa’iidad heshiiskan ugu jirta dadka Soomaaliyeed ayaa wuxuu sheegay inuu aamisan yahay in heshiiskan mira-dhalkiisu uu muhiim u yahay shacabka Soomaaliyeed maadamaada dalkaas uu suuq weyn u noqon karo ganacsatada Soomaaliyeed, isagoona meesha ka saaray cabsida laga muujiyey heshiiskan. Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa la weydiiyay mowqifkiisa ku aadan mucaaradka, wuxuuna sheegay in dalka uu u baahan yahay kooxo mucaarad ah, balse la doonayo in mucaaradkaas ay noqdaan kuwo wax-dhisaya oo aysan noqon kuwo wax duminaya. “Annagu mucaarad waan u baahannahay, balse waa inay noqdaan kuwo wax dhisaya, balse kuwa iska qaylinaya oo aan waxba dhisayn wax dumin mooyee ma oran karno waa mucaarad,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Waxaa kaloo wax laga weydiiyay xiriirka ka dhexeeya dowladdiisa iyo maamul-goboleedyada dalka ayuu sheegay in qodobbadii kasoo baxay shirkii Baydhabo ay soo jiiteen indhaha caalamka iyo dalaka dariska ah, maadama ay ahaayeen qodobbo taariikhi ah oo ku saabsan Qaybsashada khayraadka dalka. Ugu dambeyn, Hadallada Madaxweyne Farmaajo ayaa waxay imaanayaa iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay walaac xooggan ka muujiyeen dekedaha la sheegay inay Dowladda Itoobiya maal-gashanayso iyo hadalkii uu dalka Itoobiya ka sheegay RW Abiy Ahmed oo ahaa in Somalia iyo Itoobiya ay noqonayaan hal dal. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo sharaxaad kooban ka bixiyay Heshiiskii lagu Saxiixay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
A travel advisory to 13 countries has been issued by authorities in the UAE, while warning Emiratis against travelling to three countries including Qatar, Lebanon and the mountainous area of Karabakh. Source: Hiiraan Online
-
Late last week, a report suggested that wanted terrorist leader Mokhtar Belmokhtar, who has been declared dead at least three times, might still be alive. Source: Hiiraan Online
-
Mauritius is offering foreigners the chance to obtain Mauritian citizenship in exchange for a non-refundable contribution of $1m (£757,400) to the national sovereign wealth fund. Source: Hiiraan Online
-
Global icon Oprah Winfrey is among 350 celebrities and notables who will accompany former US President Barrack Obama to Kenya on July 16. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay wareysi uu siiyay TV-ga dowladda wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, colaada Tukaraq, shirkii Golaha amniga Qaranka ee Baydhabo iyo arrimo kale. Farmaajo ayaa marka hore ka hadlay wixiii u qabsoomay mudada uu xilka hayo wuxuuna tusaale u soo qaatay in ay bedeleen dhaqan siyasadeedka, wax badana ka qabteen arrimaha musuq maasuqa iyo dhaqaalaha iyo in ay soo celiyeen sharafkii ummadda Soomaaliyeed. AMMAANKA Madaxweynaha ayaa soo hadal arrimaha ammaanka wuxuuna sheegay Hay’adaha ammaanka in ay si adag u shaqeeyeen gaar ahaan bishii Ramadaan oo aanay Muqdisho ka dhicin wax qarax ah, sidaasi darteed wuxuu umahadceliyay shacabka Sooomaaliyeed oo la shaqeynaya ciidamada ammaanka. Waxa uu sheegay in dhismaha dalka uu ku imaankaro wax wada qabsi waxa uuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay ku wanaagsan yihiin hanaanka wada shaqeyneed ee dowlada. DIB U HESHIISIINTA IYO KAABAYAASHA DHAQAALAHA Mar uu soo hadal qaaday arrimaha dib u heshiisiinta ayuu sheegay inay wax badan ka qabteen, welina ay hawlo kale oo arrimahaasi ku saabsan ay harsan yihiin, sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay kaabayaasha dhaqaalaha, wuxuuna tusaale u soo qaatay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo dhawaan dhismo lagu bilaabayo, wuxuuna tilmaamay in ay meel wanaagsan mareyso. SHIRKII BAYDHABO Shirkii Baydhabo ee Golaha Amniga Qaranka ayuu sheegay inuu qiimo weyn ugu fadhiyo shacabka Soomaaliyeed, maadaama lagu heshiiyay in la wada qeybsado kheyraadka, Madaxda isugu timid halkaasi ayuu sheegay inay muujiyeen dulqaad iyo in horey loo sii socdo, wuxuuna tilmaamay in ay ka wada hadleen sameynta in la wada qaato masuuliyad wadareed, si jiilka soo socda ay u helaan wax ay dhaxlaan. HESHIISKII SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA Farmaajo oo si faah faahsan uga hadlay booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay ujeedkiisa inuu ahaa xoojinta xiriirka labada dal iyo in labada dal ay is ixtiraamaan, kaasi oo ku dhisan iskaashi dhaqaale iyo mid amni. “Runtii shirkaasi wuxuu ahaa mid labada dowladood muhiim u ah, booqashada uu Ra’iisul Wasaaraha ku yimid Muqdisho wuxuu ujeedka ahaa in labada dal ay xoojiyaan wada shaqeyntooda, horey amni ayaan uga hadli jirnay, balse hada waxaan fursada u helnay inaan ka hadalno arrimo dhaqaale, Ra’iisul Wasaaraha booqashooyin ayuu ku tagay dalal Afrika ka mid ah, balse midka annaga uu inoogu yimid wuu ka duwanaa, labada dal waxay ka faa’ideysanayaan xiriirka ganacsi ee dhexmaraya, waxaan heysanaa xeebta ugu dheer ee Afrika, iyaguna shacab badan ayay heystaan,” Ayuu yiri Madaxweynaha. Madaxweynaha ayaa ka jawaabay warar maalmahan la isla dhexmarayay baraha bulshada, kaasi oo ahaa in labada dal la mideynayo, Dekedaha Soomaaliyana lagu wareejinayo Itoobiya. Wuxuuna yiri “Dhaqan ayaa jira oo ah inaan la dooneyn in horey loo socdo, Dekad cid la siiyay malahan Dekadaha Soomaaliya ayay ku yaalaan, dhaqaalahaas Soomaaliya iyo Itoobiya ma lahan waxay ka imaan karaan Afrika, Asia, Yurub iyo ganacsatada Soomaaliyeed, arrintan waxay mareysaa sharci, waxaana la horgeynayaa Baarlamaanka, aragtida dowladda waxay tahay sidii Soomaaliya looga saari lahaa faqriga. COLAADA TUKARAQ Maxamed C/aahi Farmaajo ayaa ka hadlay colaada Tukaraq, wuxuuna sheegay in nasiib daro ay tahay in weli 28 sano uu dalka ku daato dhiig bilaa macno daro ah, wuxuuna colaada Tukaraq ku tilmaamay wax laga xumaado, wuxuuna sheegay inuu si joogto ah ula xiriiro labada dhinac, marna ku guuleystay in xabada la joojiyo, balse uusan sii shaqeyn wada hadalkaas, labada maamul ayuu ugu baaqay in ay wada hadlaan. DAGAALKA SHABAAB Dhalinyarada ka tirsan ururka Al-shabaab ayuu ugu baaqay in ay dowladooda isku soo dhiibaan oo ay ka soo baxaan fikirka qaldan ee ay ku jiraan, “Waxaan ugu baaqayaa dhalinyarada la qalday in ay dowladooda u soo laabtaan, dhistaana mustaqbalkooda, dowladdu waxay balan qaadeysaa in ay dhalinyaradaasi siin doono Waxbarasho, Shaqo abuur iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin, Shabaab waa cadowga koowaad ee ummadda Soomaaliyeed, waxaana u dagaalamaya dhalinyaro mustaqbal leh oo la qalay.” Geba-gebada:- Madaxweynaha ayaa waxaa la weydiiyay su’aal aheyd inuusan si deg deg ah u hadlin marka ay dalka ka jiraan xaalado adag, wuxuuna ku jawaabay “Madaxweynaha waxba kama bilowdaan, wayse ku dhamaadaan, xagee loo noqonayaa hadii Madaxweynaha uu marka hore hadlo, Ra’iisul Wasaaraha ayaa masuuliyadda xukuumadda iska leh, waxaana la shaqeeya Wasiiro, iyaguna ka hoos shaqeeya xubno kale, shaqada sidaasi ayay ku socon kartaa, Ra’iisul Wasaare aan ku kalsoonahay ayaa shaqeeya, dad badan ayaa ku fekeraya in Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ay is qabanayaan, balse taasi ma dhaceyso,” W/Q:- Abdirashiid Ali Dubbad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu goordhow ka dhacay wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa waxaa la xaqiijiyay in gaariga loogu xiray wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inuu ahaa arday, kaa oo ku dhaawacmay Qaraxa. Qaraxa ayaa dhacay xili uu gaariga maraayay agagaarka isgooska xaaji baasto ee wadada Makka Al-Mukarama,waxaana la sheegay inay ku dhaawacmeen laba ruux oo uu ku jiray wadaha gaariga. Gaariga oo afafka hore looga xiray Qaraxa ayaa waxaa soo gaaray burbur xoogan, waxaana sida caadaduba aheyd Qaraxa kadib goobta gaaray ciidamada amnaanka. Sidoo kale, Gaariga ay wateen ayaa ahaa nooca Raaxada ee loo yaqaano isbaashiyo,iyada oo dhaawaca Gabadha iyo Wiilka la geeyey Isbitaalka Daaru Shifaa ee Magalada Muqdisho si loogu daweeyo. Qaraxaani ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo magaalada Muqdisho ka dhaca tan iyo markii la galay Bisha Ramadaan ilaa iyo hadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dowladad Sacuudiga ayaa billowday inay soo-jeedinno ka qabato shirkadaha ku loolamaya inay fuliyaan mashruuca Kanalka biyaha Salawa, oo noqon doona mid dalalka Sacuudiga iyo Qatar kala qeybiya. Hamiga Sacuudiga ee mashruucan ayaa ah in kanal biyo ah la mariyo xuduudda dalkaas uu la wadaao Qatar, taasi oo dalka Qatar ka dhigi doonta jasiirad. Sida ay ku warrameen warbaahinta Sacuudiga dhismaha kanalkan ayaa lagu soo geba gebeyn doonaa muddo sanad ah. Isniintii ayaa Saud al-Qahtani oo ka mid maxkamadda boqortooyada Sacuudiga, islamarkaana la-taliye u ah Maxamed Bin Salman, wuxuu yiri “Waxaan billaabaynaa qodista kanalka Salwa. Hambalyo dadka Sacuudiga, mashruucan wuxuu dalka yar ee argagixisada ah ee Qatar ka dhigi doonaa jaziirad”. Kanalka ayaa dhererkiisa noqon doonaa 60 km, ballaciisa 200 oo mitir iyo quus dhan 15-20 mitir, waxaana laga qodayaa qeybta dalka Sacuudiga ee jaziiradda Salwa. Mashruucan ayaa waxa uu ku kici doonaa 750 milyan oo dollar, waxaana maal-gelinaya shirkado gaar loo leeyahay, iyo dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshe lagu sii go’doominayo dalka Qatar oo xulufada Sacuudiga ay horey u saareen go’doomin xagga bariga, badda iyo hawada ah. Caasimada Online Xafiiska Jeddah Caasimada@live.com
-
Aqoonyahan Prof Abdi Ismail Samatar oo wareysi gaar ah siiyey Tv-ga Universal xaruntiisa Maraykanka ayaa kaga hadlay is afgaradkii dhawaan ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya kaasi oo uu ku tilmaamay mid aanan la qaadan karin. Prof Samatar ayaa aad u dhaliilay siyaasada Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre kuwaasi oo uu ku sheegay in aysan u diyaar garoobin heshiiskii ay la galeen Reysul wasaaraha itoobiya Dr Abey Ahmed, markii arintaasi ka hadlayey “ iminka waxaa arkaysaa Reysul Wasaaraha Itoobiya waa nin himilo dheer leh oo dardar ku socda, nin nasanaya ma ahan oo waxaa u muuqda in uu horseed ka noqdo itoobiya ka duwan tii hore balse waxaa is leeyahay qolooyina Xamar joogo meel uma muuqato oo waxaa u muuqda madaxnimadooda, halka Dr Abey ay u muuqato in Itoobiya laga maamulo gobolka oo dhan, Mar uu ka hadlayey in Itoobiya ay leedahay hanti ay ku maal gashan karto Soomaaliya ayaa waxa uu yiri “Itoobiya 100 Milyan ayey ku dhaw yihiin laakiin 80 Milyan oo ka mid ah waa fuqaro sidaasi daraadeed Dr Ahmed wuxuu shaqo u raadinayaa dadkaasi oo Oromo u badan. Dhanka kale mar uu ka hadlayey Baarlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay in si deg deg ah ay arintani u joojiyaan, “ Baarlamaanka laba uun bay mid noqon doontaa, dad jeebka la gashaday oo inta shilimaad loo tuuray oo sida la doonayo laga yeesho, waxay ahayd in Afhayeenka Baarlamaanka uu warqad deg deg ah u qoro baarlamaanka arintaasi laga shiro.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shir jaraa’id oo maanta ku qabtay magalada Muqdisho, ayaa siyaasiga Salaad Cali Jeelle waxa uu marka hore kaga hadlay, kuna soo dhoweeyey heshiiskii sabtidii ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Itoobiya. Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in uu yahay heshiiskaas mid wanaagsan, oo loo baahan yahay in la taageero maadaama dowladda hadda jirta ay tahay mid horey u socota. “Waxaa muhiim ah in heshiisyada ay galeyso dowladda la taageero, la iskana daayo dadka si kale wax u dhigaya oo argagaxisada u shaqeeya, annaga haddii aan nahay siyaasiyinta iyo shacabka intaba waxaa nagala rabaa in aan farta ku fiiqno dadka diidan dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle. Heshiiskii ay wada saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa qeyb ka ahaa in dowladda Itoobiya ay maagashato 4 ka mid ah dekadaha Soomaaliya, taas oo ay dhaliileen qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo shacabka intaba. Hoos ka dhageyso codka Salaad Cali Jeelle https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/06/Codka-Salaad-Cali-Jeelle.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID ee maamulka Somaliland Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Heshiiska magaalada Muqdisho ku dhexmaray Dowladaha Somalia iyo Ethiopia. Eng. Feysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Heshiiskaasi uu yahay mid ku ek keliya Somalia, isla markaana Somaliland ay tahay mid ka madaxbanaan. ‘’Somaliland waa gaar inagu Madaxweynaheenu iyo Hay’adaheenu waa kuwo noo gaar ah Ethiopia jaar ayey nala tahay’’ ‘’Somaliland heshiis seddex geesood ah ayey la gashay Ethiopia oo Dakadaheena ah, hadaba heshiiskaasi waxa uu u gaaryahay Somalia, anagu Somaliland ayaa nala yiraa’’ ‘’Madaxweynaheenu waa Muuse Biixi, kan Somalia waxaa la yiraa Farmaajo yaan leysku khaldin lama magacaabin afarta Dekadood ee lagula heshiiyay Ethiopia’’ ‘’Somalia xaq bey u leedahay inay gasho heshiis laakiin kuma jirto Somaliland, adduunku wuu isku soo dhawaanayaa heshiisna waa la kala gali karaa’’ Waxa uu Eng. Feysal Cali Waraabe sheegay in Social Media-yaha ay wareegayaan warar uu ku sheegay in Ethiopia ay tahay cadowga Somalia, waxa uuna ku baaqay in meesha laga saaro Uqdada maadaama uu yiri Somalia ay ku baxsatay Ethiopia. Eng. Feysal Cali Waraabe, waxa uu ku celceliyay in Somalia ay dan ugu jirto wada shaqeyn ay la yeeshan Ethiopia, si buu yiri loo gaaro nabad iyo kala danbeyn.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Iyadoo ay Hay’adda ICAO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Hawada ay shaaca ka qaaday in maamulka Hawada Somalia si toosa loogu wareejiyay DFS, ayaa waxaa taasi ka hor imaaday Xisbiyada mucaaradka maamulka Somaliland. Go’aanka ay Hay’adda ICAO Dowlada Somalia ugu wareejisay Hawada ayaa waxaa qaadacay Guddoomiyayaasha Xisbiyada mucaaradka UCID iyo Waddani ee maamulka Somaliland. Guddoomiyayaasha ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin in Hawada Somalia laga maamulo magaalada Muqdisho, waxa ayna arrin khaldan ku tilmaameen go’aanka ICAO. Xisbiyada ayaa sheegay in go’aanka ICAO uu ka dhigan yahay in Somaliland laga maamulo magaalada Xamar, waxa ayna Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ay ku tilmaameen mid ku fashilmay Siyaasada gooni isu taaga Somaliland. Xoghayaha guud ee Xisbiga mucaradka ah ee UCID Eng. Axmed Xirsi Ducaale oo la hadlay warbaahinta ayaa isna sheegay in maamulka Muuse Biixi uu luminaayo Siyaasada Somaliland ay ku hiigsan laheyd gooni isutaaga. Waxa uu sheegay in ka xisbi ahaan ay aad uga soo horjeedan go’aanka ICAO, waxa uuna Biixi ugu baaqay inuu qaado talaabo ama uu xilka baneeyo. Sidoo kale, hay’adda ICAO ayey ku eedeeyen inay ku degdegtay go’aanka ay Hawada ugu wareejiyeen Dowlada Somalia. Haddalka Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa kusoo beegmaaya iyadoo ay hay’adda ICAO soo idleysay qorshaha hawadda loogu wareejin lahaa Dowlada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Faa’iidooyinka Qaabka Is-kaashi & is-faham Geeska Afrika wuxuu ka mid yahay goobaha xagga istiraatijiyadda caalamka ugu muhiimsan maadaama ay maraan marinnada ganacsi ee isku xira qaaradaha Yurub, Aasiya, iyo Afrika. Gobolku wuxuu leeyahay khayraad dabiici ah oo aan weli laga faa’iidaysan, iyadoo waddamada gobolku yihiin kuwa ugu faqrisan caalamka, uguna nabadgelyo xun. Ka hor imaatinkii guumaystayaashii reer Yurub, gobolka Geeska Afrika dadkiisu waxay ku noolaayeen nolol degan, isku-filaansho xagga dhaqaalaha iyo sancada, ay ka jirto nabadgelyo buuxda, iyadoo jawiga hawadu iyo degaankuba ay ahaayeen isla kuwa ay maanta ku nool yihiin. Kaddib imaatinkii guumaystayaashii reer Yurub gobolku wuxuu isu rogay goob colaadeed, faqri, iyo dhaqaale xumo joogto ahi haraysay. Waxay guumaystayaashii burburiyeen dhammaan qaababkii dhaqan-dhaqaale, bulsho-horumarineed, wada-deganaansho iyo walaaltinnimo ee soo jireenka ahaa. Waxayna kala qoqobeen qoysas iyo caa’ilooyin, iyagoo xuduudyo beeneedyo u sameeyay, halkaasna ilaa maanta gobolku uu ku jiro nolol-xumada ugu daran caalamka. Haddaba, waddamada Geeska Afrika waxay ku soo ceshan karaan karaamadoodii, noloshoodii, xoriyadoodii, kulana qabsan karaan waddamada horumaray ee qarnigan 21-aad waa iyagoo iska kaashada xag dhaqaale, ganacsi, iyo bulsho, iskuna fura xuduudyo beeneedyada. * Soomaaliya: baaxadda dhul: 637,657 sq km; Tirada dadka: qiyaas 12 milyan * Ethiopia: baaxadda dhul: 1,127,127 sq km; Tirada dadka: 107 milyan * Kenya: baaxadda dhul: 582,650 sq km; Tirada dadka: 48 milyan * Eriteria: baaxadda dhul: 121,320 sq km; Tirada dadka: 6 milyan * Djibouti: baaxadda dhul: 23,000 sq km; dadka: 1 Milyan *waa qiyaasta Juulaay 2017, The World Fact Book. Waddamada Soomaaliya, Ethiopia, Kenya, Djibouti, iyo Eriteria waxay ku fadhiyaan dhul baaxaddiisa lagu qiyaasay 2,491,754 sq km, iyadoo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay 174 milyan, tiradaas oo ku dhow midda dadka Ingiriiska, Jarmalka iyo Faransiiska. Khayraadka waddamada Geeska Afrika waa mid ku filan, amaba ka badan haddii laga faa’iidaysto. Waxaa laga helaa macdamaha qaaliga ah sida Gold, Uranium, Platinium, Copper, Natural Gas, oil reserves, iyo waliba khayraadka beeraha iyo xoolaha, iyadoo gobolka ay ku nool yihiin xoolaha ugu badan Afrika. Gobolku wuxuu leeyahay badaha iyo wabiyada ugu muhiimsan Afrika xag wax soo saar iyo xag ganacsiba. Waxaase nasiib-daro ah in caalamku ku tilmaamo sannad walba in ay dadkiisu u dhimanayaan gaajo iyo cudurro, gurmad deg-deg ahna loo sameeyo. Is-kaashiga Gobolku wuxuu ka hortagayaa, xalna u helayaa dhaqaale-xumida iyo faqriga hareeyay dadkiisa. Haddii aan soo qaadanno Soomaaliya maxaa faa’iido ugu jira is-kaashigan? Waxaa dhici karta in lala yaabo fakarkan oo la yiraahdo sidee is-kaashi noo dhex mari karaa cadowgeenii soo jireenka ahaa, nagana haysta weli dhul Soomaaliyeed. Waa arrin gar ah in xal loo helana u baahan. Soomaaliya waa dal muslim ah 100%, iyadoo tirada dadka ku nool lagu qiyaasay 12 milyan oo kuwa qurbaha iyo qaxootigu ku jiraan. Shacabkaasi waxay halgan dheer oo taariikhi ah ugu jireen sidii ay diintooda u difaacan lahaayeen, tan iyo markii Islaamku soo gaaray. Waxaa colaad fogaatay dhextiil/taalaa kuwa Ethiopia oo maamulayaashoodu ay diinta kiristaanka haysteen/taan. Hase Yeeshee maanta Ethiopia waxaa ku nool dad lagu qiyaasay 107 milyan. Tiradaas waxaa muslim ah in ka badan 43 milyan. Dadkaas muslimiinta ah waxay la qiimo iyo sharaf yihiin kuwa Soomaaliya, iyagoo waliba tira ahaan aad uga badan Soomaaliya. Intaas waxaa dheer iyadoo dadkaasi ku nool yihiin nolol aad u liidata marka loo eego shacabka kale ee Ethiopia, gaar ahaan kuwa Amxaarada iyo Tigreega. Is-kaashiga Geeska Afrika wuxuu keenayaa in tiro lagu qiyaasay 65.5 milyan muslimiin ah ay isu furmaan. Shucuubtaas Islaamka ah waxay ku nool yihiin xeebaha iyo dekadaha Geeska Afrika, taasoo u suurto gelinaysa inay hoggaamiyaan dhaqaalaha iyo ganacsiga Geeska Afrika. Arrintaasi waxay faa’iido wayn ugu jirtaa ummadda Soomaaliyeed oo ah dad aad u fir-fircoon, kartina u yeelan kara inay hoggaamiyaan awoodda dhaqaale ee Geeska Afrika. Tusaale ahaan Kenya Soomaalidu waxay ku leedahay ganacsi xooggan, kaasoo u gudba bariga iyo bartamaha Afrika. Kenya waxaa ku nool dad lagu qiyaasay 48 milyan, iyadoo 7.5 milyan ay muslimiin yihiin. Hase yeeshee tirada dad ee muslimiinta ah ee Ethiopia waxay wax badan ka badan yihiin kuwa kale ee Geeska Afrika. Kenya oo sida la ogyahay haysata dhul Soomaaliyeed ayaa ka faa’iidaysatay fir-fircoonida Soomaalida una furtay suuqeeda. Waxaa hubaal ah haddii Ethiopia suuqeeda furto, kana qayb qaadato is-kaashiga Geeska Afrika in Soomaalidu si fir-fircoon uga faa’iidaysanayaan suuqaas wayn, iyagoo walaalahooda muslimiinta ahna u furaya indhaha. Taasi waxay keenaysaa iskaashi dhexmara shacabka faraha badan ee Ethiopia iyo kuwa Soomaaliya. Fikraddan, oo laga yaabo inay hadda curdan tahay, waxay badeli kartaa qaabkii hore ee labada waddan u wada dhaqmi jireen, iyadoo Soomaalidu si dagaal la’aan ah ku soo ceshan karto dhulkii ka maqnaa, saaxiibbana ka dhex samaysan karta shacabka Itoobiya. Is-kaashiga Geeska Afrika wuxuu meesha ka saarayaa xoogga iyo caburinta ay Amxaarada iyo Tigreegu ku hayaan inta badan ee kale ee shacabka Itoobiya. Marka la soo koobo faa’iidooyinka uu is-kaashigan u leeyahay Soomaaliya waa mid aad u wayn xag dhaqaale, ganacsi iyo bulsho-horumarineed wuxuuna keenayaa: In diinta Islaamku fido xag dad iyo aqoonba; In Soomaalidu xag ganacsi iyo dhaqaaleba la wareegto Geeska Afrika; In Soomaalida Geeska Afrika ay midoobaan, kaddib marka shucuubta Geeska Afrika la is fahmo; In Soomaalidu ka faa’iidaysato xag xadaarad, wadanninimo iyo wada noolaansho shucuubta kale ee Geeska Afrika; In Soomaalidu is jeclaato, illowdana colaadda dhexdeeda ah, maadaama ay la dhaqmayaan dadyoow kale, halkii ay ayagu isu muuqan lahaayeen; In magaalooyinka Soomaaliyeed ay noqdaan xarumo ganacsi oo isku xira Afrika iyo Aasiya; In aqoonta la isku gudbiyo, aqoonyahanka Geeska Afrika ee dunida kale jiraana ku soo laabtaan gobolka; In maalgashiga shirkadaha shisheeye uu gobolku xarun u noqdo; iyo In nabadgelyo waarta ay ka dhalato Gobolka Geeska Afrika. Gabagabadii, Gobolka Geeska Afrika fikraddani waa ka suurtoobi kartaa haddii dadka gobolka laga kala qaado caqabadaha horyaalla iyo xuduudyo-beeneedyada. Waxaa aad uga faa’iidaya ummadda Soomaaliyeed iyo muslimiinta Geeska Afrika. Waxaana habboon in Soomaalidu noqoto kuwa hoggaamiya fikraddan, una ol-oleeya sidii loo heli lahaa is-kaashi ah xag-dhaqaale, ganacsi, iyo bulsho, loona jihayn lahaa fallaarta colaadeed ee Soomaali dhexdeeda ku jihaysan. Xigasho Buugga: Maxaa Hortaagan Dawladnimada Soomaaliya? Geeska Afrika iyo Danaha Is-diidan. (1999), Qoraa: Abdiweli Hassan Mohamed (ISBN: 9966-05-189-9 ama 978 9966 05 189 9 Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
The Democratic Republic of Congo (DRC) has received a joint bid for its ambitious 11, 000megawatts hydropower project and expressed plans to kickstart the long-delayed project this year. But as elections draw near and tensions continue to rise about the possibility of the current president extending his 17-year reign, the political environment still poses a big risk. Source: Hiiraan Online