Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,298
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somalia’s most dangerous terror group is likely not getting any stronger despite a series of deadly attacks, including one that claimed the life of a U.S. special operations soldier earlier this month. Source: Hiiraan Online
  2. Rahimo Mohamud 15, was expecting to sit this month for the high school entry examinations marking the end of her primary education. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa codsatay in dhaqaalaha laga joojiyo Somaliland, sida laga soo xigtay qoraal uu Wasiirka Qorsheynta, Jamaal Maxamed Xasan u qoray Deeqbixiyaasha Beesha Calaamka. Nidaamkan oo loogu magac daray (Special Arrangement) ayaa la bilaabay sanadkii 2013, xilligaasoo lagu saxiixay shirkii New Deal-ka ee ka dhacay magaalada Brussels. Qoraal ka soo baxay Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga Jamaal Xasan Maxamed ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka aysan cusbooneysin karin nidaamka gaarka ah ee Beesha Caalamka ku taageeri jiray Somaliland. Sida laga soo xigtay qoraalka, heshiiskaas oo la saxiixay 2013-kii, dhaceyna 2017-dii, wuxuu dhigayey in Somaliland ay saami lamid ah maamulada kale ee dalka ku yeelaneyso Deeqaha caalamka laga helo. Laakiin, qoraalkaan uu Wasiir Jamaal uqoray Beesha Caalamka, waxaa si cad loogu codsaday inay joojiyaan guud ahaan taageeradda dhinac walba leh oo ay siiyaan Maamulka Hargeysa, sababo badan darteeda. Sida laga soo xigtay qoraalka, heshiiskaas oo la saxiixay 2013-kii, dhaceyna 2017-dii, wuxuu dhigayey in Somaliland ay saami lamid ah maamulada kale ee dalka ku yeelaneyso Deeqaha caalamka laga helo. Laakiin, qoraalkaan uu Wasiir Jamaal uqoray Beesha Caalamka, waxaa si cad loogu codsaday inay joojiyaan guud ahaan taageeradda dhinac walba leh oo ay siiyaan Maamulka Hargeysa, sababo badan darteeda. Sababaha ayaa waxaa qeyb ka ah: inay wiiqeyso wiiqayo in Soomaaliya laga hir-geliyo nidaamka Federaalka in waxyaabo kale oo loo adeegsado iyo Somaliland ku dhiiro gelineyso inay kasii go’ado dalka. Maamulada ka jiro dalka oo dalbaday in Somaliland ay lamid noqoto Maamul Goboleedyada, haddii kale ay iyagana Beesha caalamka la xiriir doonaan. Arrintan ayaa cirka ku sii shareereysa xiriirka cakiran ee dowladda Federaalka kala dhaxeeya Somaliland, isla markaana ay horseedi karto in Somaliland ay sii fogaato. Halkaan hoose ka akhriso waraaqaha uu diray Wasiir Jamaal Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Nairobi (Caasimada Online) – Faarax Macallin oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ayaa ka hadlay muhiimadda dekadaha Soomaaliya ay u leeyihiin gobolka Geeska Afrika, iyo sida dalal badan ay dhibaato ugu noqon doonaan haddii la hormariyo. Faarax Macallin waxa uu si gaar ah u sheegay in Imaaraadka uu lumin doono ganacsi badan haddii Soomaaliya ay dekadaheeda si wanaagsan u howl galiso. “Dekadda Dubai waxaa sanad kasta yimaada 64 milyan oo konteenar, islamarkaana 99% ayaga ka mid ah ayaa ah kuwa usii gudba dalal kale” ayuu yiri Faarax Macallin oo qoraal soo dhigay twitter-ka. “Marka ay Soomaaliya horumariso dekadaheeda xeebaha bari, kaliya 5% alaabta xamuulka ayaa kasoo degi doona dalalka deriska ah, inta kalena waxaa qaadan doonta Soomaaliya” ayuu yiri Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku taallo goob muhiim u ah marinada badda ee dunida oo idil, sidaas darteedna aysan u baahneyn in dal kale ay kula shirkowdo dekadaheeda. Hadalkiisa ayaa yimid ayada oo dhowaan Soomaaliya iyo Ethiopia ay isla-meel dhigeen in ay si wada jir ah u maal-gashtaan afar ka mid ah dekadaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Heshiiska ay Dowlada Somalia la gashay Dowlada Ethiopia. Aqoonyahan Prof Cabdi Ismaaciil Samatar waxa uu sheegay in Heshiiska uu yahay mid wanaagsan balse uu kasoo horjeedo mideynta Somalia iyo Ethiopia. Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, waxa uu sheegay in Heshiiska uu waxbadan ka bedeli doono mandiqada Geeska, waxa uuna shaki galiyay in Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed uu kasoo fagtay erayga mideynta Somalia iyo Ethiopia. ‘’Laba arrin mid bey noqon doontaa in Ra’isul wasaaraha Ethiopia uu carabka ka dafay erayga mideynta Somalia iyo Ethiopia ama in uu ka damacsanaa inuu sii jeexo jidka leysugu dari lahaa labada dal’’ Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, waxa uu sheegay in haddalka Ra’isul wasaare Abiy uu wanaagsanaa balse uu ku cayaaray erayga danbe ee ah in labada dal la mideynaayo. Waxa uu tilmaamay inaanu wax dhiba uusan ka imaan doonin Heshiiska waa haddii loo wajaho qaabka lagu heshiiyay, waxa uuna shaki galiyay in Heshiiska uu kusii ekaan karo si uu u dhacay. Waxa uu Prof Cabdi Ismaaciil Samatar yiri ‘’waxaan ogahay in dowlada Muqdisho ay tiri waxaas wax kama jiraan taasina ay tahay in waxyaabo badan oo laga hadlay ay yihiin kuwo aan xidido laheyn’’ Sidoo kale, Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, waxa uu sheegay inay banaanka usoo bixi doonaan waxyaabo badan oo iminka qarsoon, balse ay mudan tahay in laga dhowr sugo.
  6. Qiimeyn la sameeyey ayaa sheegeysa in kooxda Al-Shabaab aysan sii xoogeysan, inkasta oo ay dhowaanahan fulisay weeraro dhimasho badan, oo uu ku jiro mid lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Mareykanka. Qiimeyntan oo ay sameeyeen milatariga iyo saraakiisha ka hor-tagga argagixisada Mareykanka, ayaa ka duwan fikradaha dadka arrimahan fallanqeeya, waxayna imaneysaa ayada oo al-Shabaab ay awood milatari muujineysa toddobaadyadii tagey, kuwaasi oo ay tusaale u yihiin weeraro ka dhan ah ciidamada Amisom iyo kuwa Soomaalida. Mid ka mid ah weeraradii ugu caansanaa ayaa ah mid dhacay sideeddii June oo lagu qaaday deegaanka Sanguni ee gobolka Jubbada Hoose. Weerarkaas ayaa kooxdan xiriirka la leh Al-Qacida waxa ay ku ekeysay 800 oo askari oo isugu jira Soomaali iyo Kenyan, ayna wehliyaan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka, oo hal askari looga dilay. Mareykanka waxa uu sheegay in weerarkii sideeddii June uu ahaa mid nasiib ugu fulay Shabaab. Saraakiisha Mareykanka ayaa weli isku dayaya inay go’aamiyaan tirada ciidamada Al-Shabaab ee xilliga weerarka uu dhacay, hase yeeshee waxay rumeysan yihiin in kooxdan aysan helin awood dheeri ah. “Waxa uu ahaa weerar nasiib ah” Waxaa sidaas VOA u sheegay sarkaal Mareykan ah oo codsaday inaan la magacaabin. “Uma arko weerarkaas mid si wanaagsan loo qorsheeyey” ayuu yiri. Sarkaal kale ayaa sheegay in marka si kasta loo eego in weerarkaas uu lahaa astaamaha howlgallada Al-Shabaab. “Taariikh ahaan, Al-Shabaab way dooneysay inay la dagaalanto ciidamo badan, ayada oo inta badan adeegsata xeelad yaab leh, oo aan horey loo aqoon, si ay sare ugu qaado fursadaheeda guusha” waxaa sidaas yiri taliye Desiree Frame, oo ah afhayeen u hadlay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM. “Waxaan filaynaa inaynu aragno dagaallo dheeri ah oo ka dhaca koonfurta Soomaaliya, ayada oo ciidamada Somalia, Amisom iyo kuwa saaxiibada leh, ay ku siqayan dhulka Al-Shabaab ay haysato” Sidaas oo ay tahay, saraakiisha Soomaalida qaarkood ayaa tilmaamaya in ciidamada Al-Shabaab aysan wiiqin joogitaanka ciidamada gaarka ah ee Mareykanka, oo adeegsanaya baabuurta aanay xabaddu karin iyo diyaaradaha drones-ka ee aan duuliyaha lahayn. “Waxay ogyihiin dhaq-dhaqaaqyadeena” Waxaa sidaas VOA u sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaalida oo ku sugan Sanguni. “Waa sir la wada ogyahay” ayuu yiri. Taliye kale oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in A-Shabaab ay ka faa’iideysatay xaaladda dhulka, ayna weerarka fulisay kadib daadad xooggan oo ciidamada Soomaalida, Kenya iyo kuwa Mareykanka ku qasbay inay dhufeysadooda ka sameystaan meelo muuqda. Saraakiisha ka hor-tagga argagixisada iyo kuwa milatariga Mareykanka ayaa sheegay in shaki uusan ku jirin in Al-Shabaab ay weli tahay halista ugu weyn ee amniga Soomaaliya. Hase yeeshee, waxay diideen in weerarada sii kordhaya ee Al-Shabaab ay u sababeeyaan wax ka baxsan ololahoodii ramadaanka. “Uma aragno weerarada kordhay ee Al-Shabaab inay la macno tahay inay awooddooda korodhay ama u diyaar ahaanshahooda inay la dagaalamaan cadowgooda” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay AFRICOM. Sarkaal sare oo ka hor-tagga aragagixsiada qaabilsan oo Mareykan ah ayaa dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ku qeexay kuwo iska joogto ah, isaga oo xusay hadlakii kooxdaas ee ahaa in la qaado oo la kordhiyo waxa ay ugu yeereen jihaadka, inta lagu guda jiro bisha Ramadan. Si kastaba, qaar ka mid ah dadka taxliiliya arrimahan ayaa ka digay inay qalad tahay in la yareysto guulihii Al-Shabaab ay gaareysay tan iyo markii laga saaray magaaladii ugu dambeysay ee weyneyd oo ay haysteen ee Kismaayo, sanadii 2012. “Waa ay caddahay in waxa aan aragnaa aysan ahayn kaliya weeraro kordhay oo la xiriira ololaha ramadaanka, balse kooxda inay sii xoogeysaneyso ayaa muuqata” waxaa sidaas yiri Daveed Gartenstein-Ross, oo ah fallanqeeye sare oo ka tirsan hay’adda difaaca dimqoraadiyadda. Islamarkaana Gartenstein-Ross ayaa rumeysan in inkasta oo Al-Shabaab aysan lahayn awood ay ciidamada Mareykanka kula baranto gobolka, haddana ay muujisay inay u babac dhigi karto ciidamada Somalia iyo kuwa Amisom. “Waxay awoodeen inay dilaan tiro badan, taasna ma ahan wax dhici jiray shan sano ka hor. Mararka qaar waxayba awoodeen inay dar-daraan saldhigyo dhan. Halista ayaa ah in ayada oo lasii dhimayo ciidamada Amisom, ay suurto-gal tahay in Al-Shabaab ay qabsato magaalooyin waa weyn. Waxaan u maleynaa waxaa jirta fursad wanaagsan oo ay taas ku dhici karto” ayuu yiri. Isha: VOA
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Bashiir Ciise Cali oo maanta la hadlay Warbaahinta, ayaa ka warbixiyey Lacagta cusub ee Shillin Soomaaliga ah ee dalka loo soo daabacayo iyo hawlaha lagu horumarinayo Bankiga dhexe ee dalka. Ugu horeyn guddoomiyaha, ayaa sheegay in Lacagta cusub ee dalka loo soo daabacayo ay ka kooban tahay qeybo badan, isaggoo tilmaamay in lacacagtaasi ay tahay mid ay adag tahay in Copy laga sameeyo oo lagu been abuurto. “Lacagta Cusub waxay ka kooban tahay Afar qeybood oo kale ah 1,000 Sh.so, 2,000 Sh.so, 5,000 Sh.so iyo 10,000 Sh.so, Lacagta Cadadka ugu badan ee lasoo daabacayo waa 1,000 Sh.so (Kun Shillin Soomaali), waxaa ku xigga 2,000 Sh.so (Labo Kun Shillin Soomaali), waxaa ugu cadad yar 5,000 Sh.so iyo 10,000 Sh.so (Shan Kun iyo Toban Kun oo Shillin Soomaali ah), Marka ugu horreeysa afartaas qeyb ayaa lasoo saari doonaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Bankiga dhexe. Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Bashiir Ciise Cali, ayaa dhanka kale sheegay in muddadii dib loo howl galiyey Bankiga dhexe ay kasoo wareegtay Toban sano, ayna muddaasi u qabsoontay waxyaabo badan oo horumar ah, isaggoo carabaabay in hadda ay ku guda jiraan Casriyeenta habka shaqo ee Bankiga, si shaqada loo sii dardar geliyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Gaza (Caasimada Online) – Dhalinyaro kasoo jeeda Falastiin ayaa weerar loo adeegsaday ‘’Aabiteey’’ ku qaaday Askar Yahuud ah, kadib markii ay ku rakibeen madfac gacan ku sameys ah. Dhalinyaradan oo inta badan noloshooda Yahuuda kula dagaalameysat dhagxaan, ayaa iminka u gudbay inay ku dagaalaman madaafiic. Xeeladan cusub oo ay ku dagaalamayaan dhalinyarada cusub ayaa ka danbeysay kadib markii ay cadaadis xoog leh kala kulmeen askarta Yahuuda oo toogasho ku raadisa. Xeeladn cusub oo ka hirgashay Falastiin ayaa waxaa lagu qarxiyay tirro Askar ah, kuwaa oo aabiteey ku rakibay madfac fudud kadibna ku qarxiyay askarta. Dhalinyarada ayaa Abiteyda ku xiraan dhalooyin ololaya, suuf iyo isbuunyo iyo dhalooyin ay Baasiin ka buuxiyeen, kadibna ay u sii daayaan dhinaca dhulka Yuhuudda. Saraakiisha ciidamada Yahuuda ayaa sheegay in madfaca gacan ku sameyska ah xitaa lagu weeraray xerooyin ciidan kuwaa oo geystay khasaaro. Qaraxyada madfaca ayaa xitaa sameyn ku yeeshay beeraaleyda Yahuud waxaana dhacdadaasi la kulmay Oday Yuhuudi ah oo ka mid ah Beeraleyda deggan Deegaanka Kibbutz Nir Am. Oday Itzik Ebbo,waxa uu Suxufiyiinta u sheegay inay waxyeello soo gaareen Abuurki ku beernaa beerahooda, isla markaana ay jiraan dhul-kaymeed badaan oo lala beegsaday Abiteyda ololaysa ee ay dadka Falastiin ugu dagaalamaan sidii Diyaaradaha Dagaalka.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa bilowday dadaalo lagu dhex dhexaadinaayo Madaxda maamulka Galmudug ee isku khilaafsan hanaanka kuraas qeybsiga iyo hoggaanka. Xukuumada ayaa la xaqiijiyay inay xiriiro kala duwan la sameysay Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo saldhigtay magalada dhuusamareeb iyo Ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha baarlamaanka oo iyaguna ku sugan magaalada Cadaado. Mas’uuliyiinta uu khilaafka u dhexeeyo ayaa waxaa iminka magaalada Muqdisho ugu yeeray Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia oo labada garab u kala diray warqado. Wasiirka ayaa warqadihiisa labada dhinac ku codsaday in ay Muqdisho isugu yimaadan shir lagu xalinaayo khilaafka. Mas’uuliyiinta uu Khilaafka u dhexeeyo ayaa la sheegay inay aqbaleen codsiga Wasiirka Arrimaha gudaha, waxaana lagu wadaa inay soo gaaran magaalada Muqdisho. Shirka lagu dhex dhexaadinaayo ayaa waxaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre, iyadoo Mdaxweyne Farmaajo uu labada garab la qaadan doono kulamo caadi ah. Geesta kale, waxan la ogeyn natiijada kasoo bixi doonta shirka la doonayo in lagu heshiisiiyo Madaxda labada garab ee kawada tirsan maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa daboolka ka qaaday inay Maxkamadda Caalamiga ICJ u gudbineyso gal dacwadeed ku saleysan cadaymaha lahaanshaha xuduud badeedka kala dhexeeya Somalia. Dowlada Kenya ayaa sheegtay in Maxkamada ICJ ay sugeyso Jawaabta dacwada, hayeeshee ay ku gudbin doonto sida ugu dhaqsiyaha badan. Githu Muigai, oo ah Xeer ilaaliyaha guud ee dowlada Kenya, ayaa sheegay in qoraal cusub u gudbin doonaan Maxkamadda ICJ bisha December 18-da ee sannadkan 2018-ka. Waxa uu Mr Githu Muigai sheegay in Kenya aysan ka dib dhici doonin mudada loo qabtay, waxa uuna cadeeyay inay kaamileen dhammaan qoraalkooda khuseeya kiiska. Githu Muigai,waxa uu sheegay in Kenya ay cariirsan doonto lahaanshiyaha xadkeeda waxa uuna carab ***** inay doonayaan in dib loo calaamadeeyo Xuduud-baddeedka, iyadoo la waafijinayo Xuduudka dhulka ee ay Somalia la leeyihiin. Sidoo kale, Dowlada Somalia waxay horey u sheegtay inay sharci darro tahay Dhaqdhaqaaqa Kenya ee ay ku sahminayso Xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay. Dhinaca kale, murankaan ayaa soo taagnaa tan iyo sannadkii 1964-kii, hal sanno kadib, markii ay Kenya xorriyadda heshay bishii December ee sannadkii 1963-kii. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  11. Odoyaal iyo waalidiin kasoo jeeda Gobolka Sool oo heyb qoys la wadaaga labo gabdhood oo maalmo ka hor gacan ka hadal ku dhexmarey magaalada Garoowe ayaa shir saxaafadeed ay ku qabteen magaalada Laascaano waxay ku beeniyeen war kasoo yeeray masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland oo ku eedeeyay Puntland dhaawac mindi/toori oo loo geystey Gabadh lagu magacaabo Canab Cali Xaaji Aadan oo iminka lagu daaweynayo Hospital ku yaala magaalada Hargeysa. Aabaha dhalay Canab Cali Xaaji Aadan oo kasoo dhex muuqday Odoyaasha la hadlay warbaahinta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymo Somaliland u jeedisay maamulka Puntland, wuxuuna sheegay dhaawaca gabadhiisa Canab inay u geysatey Gabadh kale oo ay ehel wadaag yihiin ka dib dagaal labada gabdhood iskood u dhexmarey. “Gabadheydu Garoowe ayay deganayd, waxayna isku dhaceen Gabdh kale oo ay xaafad ku wada jireen,ma ahayn dhacdadaasi wax maamulo iyo siyaasad kasoo jeeda, Sidaas darteed waxba kama jiraan waa been wararka ay buunbuuniyeen masuuliyiin xilal ka haya maamulka Somaliland” Ayuu yiri Cali Xaaji Aadan oo ah Aabaha dhalay Canab Cali Xaaji Aadan. Sidoo kale waxaa ka hadlay shir saxaafadeedka qaar ka mid ah waalidiinta gabadha nabarka u geysatey Canab Cali Xaaji Aadan oo iminka dhaawaceeda lagu dabiibayo isbitaal ku yaala Hargeysa, waxayna sheegeen in si ka duwan sidey wax u dhaceen uu uga warbixiyay maamulka Gobolka Sool ee Somaliland iyo masuuliyiin xilal sarre ka haya Somaliland,islamarkaana ay siyaasadeeyeen dhacdada hablo ood-wadaaga. “Gabdhahaasi guri bey wada deganaayeen, Ilmo adeer bey ahaayeen, Caruur baa iska laysay oo wey isku yara xanaaqeen dhibaataduna sidaas bey u dhacdey, waxaasna hadda umaba aragno anagu wax dhacey-ba inay yihiin” Ayuu yiri Maxamed Xaaji Jaamac (Dayax) oo sheegay inuu Awoowe u yahay gabadha dhaawaca gaarsiisay Canab Cali Xaaji Aadan. Dhinaca kale Odoyaal iyo waxgarad kasoo jeeda heybta gabdhaha gacan ka hadalku ku dhexmarey maalmo ka hor magaalada Garoowe ayaa eedeymo culus u jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland iyo Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ka dib markey ku eedeeyeen qaab ka baxsan dhaqanka Soomaalida iyo Islaamka inay uga hadleen dhacdadii dhexmartey gabdhaha ehel wadaaga. Isku soo wada duuboo hadalka Odoyaasha ayaa dhabar jab culus ku noqonaya hadalo kasoo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland iyo Masuuliyiin kale oo xilal ka haya maamulka Somaliland kuwaas oo u wajahay dhacdadaas qaab been abuur ah oo aan habayaraatee waxba ka jirin sidey sheegeen waalidiinta dhalay Gabadha dhaawaca oo lagu daaweynayo Hospitaal ku yaala Hargeysa iyo Gabadha kale ee nabarka gaarsiisay oo iminka ku xiran Saldhiga Bartamaha ee Garoowe. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Somaliland oo lagu eedeeyay ka been abuurka gabdho isku dilay Garoowe. appeared first on Puntland Post.
  12. Somaliland has freed a king, Osman Aw Mahmud Burmadow, who was imprisoned in April for attending the inauguration of a monarch in neighbouring Puntland. Source: Hiiraan Online
  13. A combination of food shortages and the collapse of the Somali shilling are making life extremely hard for the most vulnerable families living in Elbarde, southern Somalia’s Bakool region. Source: Hiiraan Online
  14. At least 12 al-Shabab fighters were killed and several others escaped with injuries in a fierce fighting with Somali National Army (SNA) at a location in the southern port town of Kismayo. Source: Hiiraan Online
  15. Mohamed Osman Mohamed, 26, looks successful and self-assured. The 6-foot-6 Indiana University graduate works for Eli Lilly and Co. in Indianapolis, but his heart is thousands of miles away — in a refugee camp in Kenya. Source: Hiiraan Online
  16. The total closure of three extensive refugee camps in Dadaab may not happen soon as numbers of those returning to their countries of origin voluntary have reduced while others have vowed never to return to their homes. Source: Hiiraan Online
  17. Last year, nearly 100,000 migrants entered Yemen, a country gripped by conflict and the world's worst humanitarian crisis. That's 2,000 migrants entering a warzone per week; nearly 300 a day. Source: Hiiraan Online
  18. Patients from Mandhaye mental health centre in the northern Somali city of Burao, in Somaliland’s Togdher region, have been found roaming the streets since being taken off their prescribed medication due to cuts in funding. For the last six years, Sahra Hassan Jama was getting free medication for her 18-year old daughter at the centre. She told Radio Ergo that she cannot afford the $20 a week the drugs would cost her, so her daughter has been off the medication she was prescribed for five months. Her health has been deteriorating. Sahro’s daughter was discharged from Mandahye centre in 2015 when she was recovering and was prescribed medication at home. The family was able to access the drugs free of charge on an out-patient basis from the center. Sahro owns a small stall selling tomatoes earning around $14 a week. She has seven children. Dr Abdi Sudi, the health centre director, said their medicine stocks ran out in January. Somali diaspora funders had been sending about $2,000 a month to support the centre, after financing from the Somaliland administration was cut. The remittances paid for cleaning, water and electricity bills, as well as pay the doctors. The doctors have been working unpaid since January, when the remittances tailed off. The centre has 15 adults, including five women, living in. Their families are managing to buy their own drugs. Other in-patients had to be sent home because the relatives could not afford the treatment. The doctors say some of them have become very sick and have been found roaming in streets and in markets. Farah Ahmed Diriye, 25, has been ill for two years. His family in Ainaba, 120 km from Burao, brought him to Mandhaye hospital in May. The doctors agreed to admit him but said his family had to buy the drugs. Other patients have been arriving from far off places in Togdheer and cannot be treated due to to inability to pay. The centre has been regularly serving more than 2,000 out-patients Radio Ergo
  19. Somali schoolgirl Rahimo Mohamud, 15, was expecting to sit this month for the important examinations marking the end of her primary education leading onto secondary school. But the tropical cyclone that the northwest of Somaliland have left her uncertain about the immediate future. Rahimo is among the 270 school children in Awdal district’s Lughaya district, who were supposed to sit the exams in one of the designated exam centres in Gargara. The storm wreaked heavy damage in Gargara, and the schools serving as exam centres were destroyed or badly damaged. A total of 14 schools were closed down in Awdal due to the storm damage. The education ministry’s coordinator in Awdal, Jeeke Osman Iye, said a group of experts had been sent to assess the damage to the educational infrastructure and the amount of money and time it would take to rebuild the schools. He said classrooms were destroyed, and furniture and equipment including desks, chairs, chalkboards, and books were all lost. Schools in other parts of Somaliland have already started the exams, but Jeeke Osman said there is still no examination plan for the students in cyclone-affected areas. Rahimo feels very nervous not knowing if they will be referred to another examination centre. She lost her all books and has not managed to prepare for the exams. Here family’s house had its roof damaged but no one was injured. Many other students are in a similar position or worse. Some are displaced, others lost parents or family members. The head teacher of Elmi Gaab Suge School told Radio Ergo that some of his students lost their parents while others have been forced to stay at home. He said the students have all dispersed, although the teachers were ready to help them prepare for the exams. Almost 8,000 primary school students in Lughaya, Baki and other parts of Awdal had their education disrupted by the storm. Radio Ergo
  20. She pants from exhaustion, sweat dripping down her forehead and over a bruise or two as practice finishes. Source: Hiiraan Online
  21. She pants from exhaustion, sweat dripping down her forehead and over a bruise or two as practice finishes. Source: Hiiraan Online
  22. Fardowsa Adow Mohamed has not known any other home apart from Hagadera refugee camp since she arrived from Somalia where she was born. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxeynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareysi uu bixiyay kaga hadlay qorsheyaasha horumarineed ay ku tallaabsatay DFS muddadii la soo dhaafay. Waxa uu wareysigiisa kaga hadlay caqabadaha jira, xiriirka laamaha dowladda iyo arrimaha ay muhiimka tahay in loo iftiimiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan heshiiskii dalka Itoobiya. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu waxqabadkiisa ku saleeyey dhaqan siyaasadeed oo mideynaya shacabka Soomaaliyeed kaas oo ka madax bannaan dano shakhsiyadeed, eex iyo qabyaaladda oo uu sheegay in ay yihiin cudurrada wiiqay dowladnimada Soomaaliyeed. Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu adkeeyey Madaxbannaanida iyo ilaalinta qarannimada Soomaaliya, isagoona sheegay in xiriir iyo heshiis kasta ay la galeen caalamka uu ku salaysnaa soo celinta magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo sare u qaadista maqaamka ay ku leedahay dunida. Wareysiga Madaxweynaha oo aad u dheeraa ayaa waxaa siyaabo kala duwan u dhaliilay Xildhibaan iyo Siyaasiyiin ka tirsan Dowlada kuwaa oo aragtiyo is dhaafsan ka bixiyay haddalka Madaxweynaha. Xildhibaan Axmed Fiqi ayaa kamid ah Xildhibaanada dhaliisha ka muujiyay Wareysiga Madaxweynaha isagoo cabiraaya aragtidiisa ayaa waxa uu ka qoray qoraal dheer. Hoos ka akhri qoraalka Xildhibaan Axmed Fiqi uu ka sameeyay Wareysiga dheeraa ee Madaxweyne Farmaajo Waxaan daawaday waraysigii madaxweynaha si buuxda, inkastoo uu u muuqday mid su’aalo uu soo xushay is-weydiiynayey haddana isaga jawaabayey, balse waxey dhaantay aamusnaantii dhici jirtay marka xaalado sidaan oo kale ah dalku galo, waxaa uu hadalkiisu intiisa badan uu ahaa marin-habaabin u badan is-xayaysiin iyo is-faanin u muuqaal eg tii ololaha doorashada uu ku galay oo kale ah, gaar ahaan marka uu ka hadlyayey musuqmaasuqa, kooxaysiga, amniga & siyaasadda arrimaha dibadda iyo dhaqaalaha oo sida uu uga hadlay caksigeeda u jirta, caddaymaheeda la hayo. Madaxweynaha waxaa laga dhowrayay in uu umadda ka dharjiyo heshiiskii degdegta ahaa ee shakiga badan uu ku hareersanaa ee uu la galay walaalkiis Abiy Axmed raysulwasaaraha cusub ee Itoobiya, oo uu ku soo koobay in dekeduhu dhaqaale u baahan yihiin, dhaqaalahaasna aan Soomaaliya iyo Itoobiya midna haysan oo qolo saddexaad laga dhowrayo, oo ah hadal u fasirmaya shirkad ay wada samaysanayaan laba qof oo sabool ah oo qolo kale lacagteeda ku tashanaya. Mudane madaxweyne, Soomaaliya waa la gartay sabool ha ahaato, laakin badda dekedaha laga samaynayo ayey leedahay, Itoobiya oo aad rumaysan tahay in aysan haysan dhaqaale ay dekado ku maalgashatana heshiis ayaad arrinkaas kala gashay, isla markaana aad ku tilmaantay aragtidaas dhaqankii siyaasadeed ee dalka ka jiray oo aad bedeshay, mudane, haddii siyaasadda Soomaaliya lagu eedeynayey Itoobiya in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay jahwareerisay, faragalinna ku haysay, aragtidaadu (vision) ma in dhaqaalihii Soomaaliyana iyo dekedaheediina loogu daraa. Aragtidaada cusub iyo dhaqanka siyaasadeed ee aad bedeshay ma in magaalooyinka Soomaaliya qunsuliyado Itoobiya leedahay aad fasaxdaa in laga furo, xataa haddii magaalooyinkaas uusan ku sugnayn hal muwaadin oo Itoobiyaan, mase arrinta midaynta labada dal ayey qeyb ka yihiin oo waxay siinayaan dadka Soomaaliyeed ee deegaanadaas ku nool dokumintiyada iyo kaararka waddaninimo ee Itoobiya. Waxaa lala yaabay mar madaxweynuhu uu ku faanayey in bishii Ramaadaan aan hal qarax dhicin, waa wax fiican, umaddana Allaha ka haayo, ciidankeenuna waa mahadsan yihiin, laakin waxaa muuqata madaxweynuhu inuu dhibaato ku qabay oo malaha hurdada ay ka qasi jireen qaraxyadu ee aysan u muuqan boqolaalka qoys ee reer Muqdisho ee dadkoodii ay jeclaayeen la laayey bishii Ramadaan oo uusan xitaa u quurin inuu u tacsiyadeeyo. Abiy Axmed markii uu Adis Ababa ku noqday waxa uu sheegay in taariikhda colaadaha ka dhexjira Soomaaliyaa iyo Itoobya uu eedeeda dusha uga tuuray hogaamiyaashii hore ee labadaas dal ee kala ahaa AUN Siyaad Barre iyo Mingisto, ayadoo aad moodid kooxaha sax weeye iyo been ma sheegayaasha villa Somalia in ay arintaas buunbuuninayaan, laakin arrimaha labada dal ka dhexjira waa ay ka qoto-dheer yihiin intaas, tusaale ahaan; dagaalkii 77 -78 tirakoobka khasaarihii nafeed ee ka dhashay sida uu u qorayo buugga dagaaladii Soomaaliya iyo Itoobiya ee uu qoray Prof. Faarax Qare, dhimashada Itoobiya 6,133 qof, dhaawaca 10,563, qabasho/lumis 3867, dhanka Soomaaliya: dhimasho 6,453, Dhaawac 2,409, Qabasho/lumis 275. Haddaba haddii taariikhdaas hore ay sidaas tahay, Abiy Axmed xisbiga uu ka tirsan yahay ee Raysulwasaaraha ka dhigtay ee la yiraa: Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF) intii uu dalkaas ka talinayey wuxuu Soomaaliya ku soo qaaday duulaankii 2006 -2008, khasaaraha nafeed iyo dhibka ay ka geysteen Soomaaliya wuxuu ku shan jibaarmaa midka 77 -78 dhacay, oo waxaa dhimashada lagu qiyaasaa in ay u dhexeysay 20 – 25kun oo qof, dhaawac aan intaas ka yarayn iyo dad ka badan hal malyan iyo bar oo ku barakacay, welina dhibkaas raadkiis waa jiraa, Muqdisho oo aad maanta ku walaalaysanayso hogaamiyaha xisbigii dadkaas xasuuqay ayuuna dhibka ugu badan gaaray, dhibkaas umadda gaaray iyo kuwii ka horeeyeyba kuma soo gabagaboobayo walaal oo aad tiraahdo kuwii ka danbeeyey, ee waxaa lagaaga baahan yahay aragti hogaamineed oo ka turjumaysa dareenka dadka Soomaaliyeed, wadahadal intaas ka qoto dheer iyo ka xisaabtan wixii dhacay!! Hon. Axmed Macalin Fiqi Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyed Gen,Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko,ayaa isbedel iyo isku-shandheyn waxa uu ku sameeyey taliyayaashii saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir. Taliyayaasha uu magacaabay Taliyaha Booliska Soomaaliyed ayaa waxaa ka dhexmuuqda Dumar kuwaa oo booska kala baxay Saraakiil rag ah. HOOS KA AKHRISO QAABKA AY U DHACDAY MAGACAABIDA 1-Gaashaanle Xabad, waxaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee degmada Waaberi. 2-Kabtan Raxma Salaad, waxaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee degmada Shangaani. 3-Gaashaanle Dhexe Macalin Daahir, waxaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee degmada Shibis. 4-Kabtan Saciid oo ahaa Taliyihii Booliska degmada Shangaani, waxaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee degmada Boondheere. 5- Gaashaanle Canjeex oo ahaa Taliyihii Booliska degmada Wartanabadda, waxaa loo magacaabay Taliyaha cusub ee degmada kaaraan. 6- Gaashaanle Jimcaale, waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Xamar Jajab. 7- Kabtan Axmed Baashane ayaa loo magacaabay Taliyihii Booliska degmada C/casiis. 8.Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Xamar Weyne ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Maxamed. Taliyeyaashan cusub ee loo magacaabay qaar ka tirsan saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxa ay u badan yihiin dhalinyaradii wax baratay ee ku biiray Ciidanka Booliska Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. HARGEISA– The country’s Vice President attends the commemoration of World Refugee Day held in Hargeisa today. The VP has called on Somaliland citizens to welcome and treat with dignity with all refugees currently staying in the country. He further said that the refugees must respect the local culture and live in dignity and peace in Somalland. Mr. Abdirahman Sayli has urged refugees to refrain from breaking the country’s laws. World Refugee Day is marked on the 20th of June every year around the globe. Somaliland accommodates 19581 refugees staying in the country with the protection of the govt. Majority of refugees in Somaliland are those that have fled from the war torn country of Yemen which has descended into chaos. There are Ethiopian refugees mainly from the Oromo ethnicity.