Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,298
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay illo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada Villa Somalia u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online waxaa socdo dadaal lagu doonayo in lagu dajiyo xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeyso dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta taasoo gaartay meeshii ugu sareysay. Dadaalka lagu doonayo in lagu xaliyo xiisadaan ayaa waxaa hor boodayo Ra’isulwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed kaasoo dhawaan dalkiisa ku qaabilay Dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Zayed oo booqasho aan lasii shaacin ku tagay Adis Ababa. Dadaalada xalka diblomaasiyadeed ee Itoobiya u raadineyso inay dib u soo celiso xiriirkii Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa isugu afgartay kulankii dhex maray Maxamed Bin Zayed iyo Dr. Abiy Ahmed. Kulankaas kadib ayuu Dr. Abiy Ahmed safar deg deg ah ku yimid Magaalada Muqdisho isagoo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna labada dowladood isla gaareen heshiis dhigayo inay Itoobiya maalgashi ku sameysato ilaa afar Dekadood oo Soomaaliya ku yaal kuwaas oo aan la magacaabin. Sida xogta lagu helayo tallaabada ugu horeyso ee la qaadayo ayaa noqon doonto inay is arkaan Diblomaasiyiin ka kala socda Soomaaliya iyo Imaaraadka kuwaas oo ka wada hadli doono sidii loo soo celin lahaa xiriirka labada dowladood isla markaasna meesha looga saari lahaa Khilaafka jiro. Kulamadaas markay dhacaan kadib ayaa la filayaa inuu wada hadalku gaaro ilaa heer madaxeed, iyadoo uu qorshuhu yahay inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre safar ku tago dalka Imaaraadka Carabta si uu halkaas kulamo ula yeesho madaxda ugu sareyso dalkaas. Imaaraadka Carabta ayaa dowladda Itoobiya u aragtay inay tahay wada kaliya ee loo mari karo dowladda Soomaaliya, waxaana labada dowladood ka dhaxeeyo xiriir aad u fiican kaasoo gaaray inay Imaaradka Carabta siiso lacag gaareysa illaa saddex bilyan oo deyn ah, kaddib markii lacagta Shisheeye ay ka yaraatay Bankiga Dhexe ee Addis Ababa. Imaaraadka Carabta iyo Dowladda Itoobiya ayaa horey heshiiska Berbera la galay Maamulka Somaliland, waxaana dowladda Itoobiya laga siiyey Dekaddaas saami gaarayo ilaa 19%, waxaana heshiiskaas meesha ka saaray oo laalay Baarlamaanka Soomaaliya inkastoo weli uusan saxiixin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa meel xun gaaray kadib markii ay dowladda Somaaliya la wareegtay lacag Malaayiin Dollar ah oo ay Imaaraadka kasoo dajisay garoonka Muqdisho xilli ay taagneyd xiisaddii siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinkii laga keenay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari. Imaaraadka Carabta oo tallaabadaas ka xumaatay ayaa bilo ka hor joojiyay howshii tababarida iyo taageerida Ciidamada Soomaaliya, waxaana Muqdisho uu ka rartay qalabkii iyo agabkii uu u isticmaali jiray agabyadiisa iyadoo xeradii lagu tababari jiray ciidamada ay la wareegtay dowladda Soomaaliya oo halkaas geysay ciidamo cusub. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa culeys weyn saartay dowladda Soomaaliya, waxayna Imaaraadka garab ka heshay Madaxda Maamul Goboleedyada kuwaas oo si cad uga hor yimid go’aankii dhex dhexaadnimada ahaa oo ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay Khilaafka dowladaha Khaliijka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka dhacay xafladda arooska Marwo Ramla Cabdi Cali oo ah gabar reer Puntland ah iyo Mudane Yaasiin Brandon Clem oo ah muwaadin Maraykan ah. Lamaanahan ayaa guukooda kadib ku aqal galay isla magaalada Garoowe, hase yeeshee waxaa hareeyey warar iyo weeraro lagu qaaday, oo aad u qabsaday baraha bulshada, ayada oo si aad ah loo weeraray ninka Mareykanka. Ramlo iyo Yaasiin ayaa ka jawaabay eedaymaha ay dadka qaar ku soo qoreen baraha bulshada oo ku saabsan in wiilka gabadha guursaday uu yahay qof aan wanaagsanayn ama soo galay dembiyo mudo sanado ah ka hor. Haddaba wareysi xasaasi ah oo ay kaga jawaabeen eedeymaha loo jeediyey hoos ka daawo.
  3. Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa qiratay in ay sax tahay warqad deeqbixiyeyaasha looga codsanayey in aan dib loo cusboonaysiin macaamilka gaarka ah ee beesha caalamku siiso jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, sida ku xusan heshiiska “new deal”. Warqadda oo ka soo baxday xafiiska wasiirka qorshaynta ee Soomaaliya, 9kii Juun, ayaa lagu sheegay in heshiisku uu muhiim yahay, tan iyo 2013-na la gaaray guulo wax ku ool ah, balse weli ay jiraan tiro caqabado ah. Kaalmada oo si is le’eg loo qaybsado Caqabadaha ayaa la sheegay in ay ku jiraan sidii xukuumadda federaalka iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka ay u wada dhisi lahaayeen qaab lagu wada shaqeeyo oo waxtar leh, una ogolaanaya dawlad goboleedyada inay yeeshaan awood wax soo saar iyo mid ay adeegyo ku fidiyaan, si uu u adkaado iskaashiga kala dhaxeeya dawladda, halkii uu ka wiiqmi lahaa. “Waxaan rumaysannahay in taageerada dhanka horumarka, ee aan loo eegayn dawlad goboleedkee baa taageero helaya, loo qaybiyo si haboon oo daahfuran, lana xaqiijiyo in dadweynaha oo dhan ay ka faa’iidaan, kaalmadana loo adeegsado horumarin, ee aan arrimo kale loo adeegsan” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska wasiirka Soomaaliya. Kala qoqobnaansho dheeraad ah Sida qoraalka lagu xusay, xukuumadda Federaalka waxay ka walaacsan tahay in hal dawlad goboleed ama gobol oo loo asteeyo macaamil gaar ah ay saamayn aad u daran ku yeelanayso dadaallada dhidibbada loogu aasayo nidaamka federaalka, iyo qaran-dhiska Soomaaliya. “Dawlad goboleedyada kale ee federaalka waxay si furan u muujiyeen in haddii ay sii socoto la macaamilidda gaarka ah ee Somaliland, in iyaguna ay xiriir noocaas ah ka raadsan doonaan deeq-bixiyeyaasha, taasoo saamayn kala jajabnaan ah ku yeelan karta isku xirka deeqaha Soomaaliya, wiiqina karta jiritaanka federaalka, siina murjin karta isu dheellitir la’aanta dhaqaale” ayaa lagu yiri qoraalka. Madaxbanaanida dalka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya waxay qoraalka ku sheegtay in ay soo dhoweynayso talooyinka aan “gorgortanka ka galayn madaxbanaanida dalka”, isla marakaana aan “si kas ama kama’ ah u galinayn maqaam faa’iido la’aan ah mid ka mid ah dawlad goboleedyadooda”. BBC waxay la xiriirtay wasaaradda qorshaynta ee Soomaaliya si ay macluumaad intaa dhaafsiisan uga hesho, laakin mas’uuliyiintii aan la xiriirnay way ka gaabsadeen in ay faahafaahin na siiyaan, waxayse noo xaqiijiyeen in warqaddu ay tahay mid sax ah oo ka soo baxday xafiiska wasiirka. Halkan ka fiiri warqadda oo ku qoran af-Ingiriis
  4. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Warqad cabasho ah u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres taasoo ku saabsan Baaqii uu Ergayga QM ee Soomaaliya, Michael Keating kasoo saarey Dagaalka Tukaraq. Warqadan oo kaso baxday Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi 18-kii bishan June ayaa lagu wargeliyay António Guterres in Somaliland aysan ku faraxsanayn hadalka Keating, oo ay u aragto inuu ahaa mid dhinac-jira, oo aan ka tarjumeynin xaqiiqda colaada gobolka Sool. Somaliland ayaa ka carootey inuu Keating la barbar dhigay Puntland, oo uu ku sheegay baaqii uu kasoo saarey xaaladda gobolka Sool in labada maamul looga baahan yahay inay kawada shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya iyo inay ka qeyb noqdaan hanaanka dowlad-dhisida dalka. Michael Keating ayaa qoraalkii uu kasoo saarey dagaalka Tukaraq 10-kii June ugu baaqay Somaliland iyo Puntland inay joojiyaan colaadda, islamarkaana labada dhinac ay wadahadal ku dhameeyaan khilaafka keenay gacan-ka hadalka. Somaliland ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso Baaqa Keating ee ah in dagaalka la joojiyo, la wadahadlo, islamarkaana kaalmooyinka bini’aanimo loo ogolaado inay gaaraan dadka ku dhibaateysan deegaanada ay colaadda ka taagan tahay. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in Keating uu la wadaagey aragtida Somaliland ee ku aadan Tukaraq markii uu booqashada ku tagey Hargeysa, kuna kulmeen Madaxtooyadda 14-kii May ee sanadkan, xilligaasi oo ku wargeliyeen in cida ay dagaalka kula jiraan aysan ahayn Puntland. Qoraalka uu u diray António Guterres ayuu Muuse Biixi ku sheegay in Somaliland ay nabad ahayd 27-kii sano ee lasoo dhaafay, sidoo kalena nabad kula noolayd deriskeeda, kana soo horjeeday colaad ka dhacda gobolka iyo argagaxisada. “Marka laga hadlayo dagaalka Somaliland iyo Somalia ee Tukaraq, waxaan rabaa inaan sheego in Somaliland ay 70-KM u jirto xuduuda Somalia ee la sameeyay 1894 xilligii gumeysiga,” ayuu ku yiri Muuse Biixi qoraalka uu u diray Guterres. Somaliland ayaa ku celisay in cida ay kula dagaalamayso Tukaraq ay tahay dowladda Federaalka, hadii ay timaado in la wadahadlana ay kaliya kala fariisanayaan arintan Xukuumadda Muqdisho, iyagoo meesha ka saarey Puntland. HOOS KA AKHRI WARQADDA SOMALILAND: Xigasho: Garowe Online
  5. Wax badan ayaan filayaa in aad cagta marisay ama ka adeegatay suuqyada waratada ee gayigeena Soomaaliyeed caanka ku ahaa, kaas oo inta badan loogu haggaagi jiray xaraash iyo xoolo jaban. Suuqayadaa marka aad gudaha u gashid waxaa ku dawaqinaya dhawaaqa gadislayda ku dadaalaya calafkooda maalintaas in ay ku dhacsadaan sir iyo saaqba. Kuwa ugu caansan gadislaydaas waxaa ka mid ah kuwa gada dharka ku dhacda ama Huudhayda loo yaqaan, ee laga soo waaridi jiray wadamada reer Galbeedka. Mujtamaca dunida saddexaad Soomaaliduna ugu horeyso oo u badan kuwo aan awoodin iibsiga dharka qaaliga ayaa ku dadaala sidii ay arad xumida uga bixi lahaayeen, ayagoo aan kala jaclayn cidda lahayd ee ama laga soo waariday dharka uu u quurayo oogadiisa in uu ku arad baxo. Qolladaaas gadislayda ah si ay quutul daruuriga maalintaas u helaan waa in ay been, dhaar, baroor, qaylo iyo halkudhigyo ay ku soo jiidanayaan dhagaha shacabka ku luqeeyaan, waxa ay abuuraan marxalad ay rabaan kor iyo hoosba in ay ku maacaashaan, dadka qaar ayaaba ku sifeeya in ay yihiin qalinshubato, mana ahan kuwo xeerinaya nidaamka iyo sharciga gadislayda, barkood waxa ay gadaanba waa wax la soo xadday. Waase jiri karaan in badan oo xalaal quudato ah kuna jira ganacsigan. Sababta aan u xusayo gadislayda waratada ah, ayaa waxa ay tahay markaan arkay dhaqankaas rag leh sifaha nimankaas jadiinkooda wax ay mariyaan uun ka fakaraya, ayagoo kolkaan waxa uu suuqa waratada la soo galay ay noqotay sidii CIIDDA iyo CALANKA Soomaaliyeed uu u xaraashi lahaa, tanoo ah sababta ay u soo buuxiyeen gidaaradii waratada, waxaa dadkaan ku jira kuwo aysan baahiye u gaynin in ay siyaasadu warato la gasho, waxaa ku jira kuwo aqoon yahan sheeganaya, lagana yaabo in ay barreyaal waawaynba yihiin, dhalinyaro aad fursado ka fiican ayayba helilahaayeen is lahayd, culumo aad is weydiinaysid ayana hadmay kutubadii xooreen, Odayaal aad ka filaysay in ay waayo soo noolaayeen, wax uunbayna xeerinayaan aad is lahayd waxa ay ku jiraan. Waxa ay dagaal kula jiraa Dowladnimada Soomaaliya, oo ay aaminsanyihiin in ay hayso dantii ummada iyo dib u yagleelida Qarrannimada Soomaaliya, waana tan ku qasbaysa fikradaha aan asalka iyo raadka lahayn in uu sidii ku dhacda ugu qalaado har iyo habeen, asagoo ka faa’idaysanaya shacabkaaa baahida qaba, dibindaabyaduna la hartay 28 sano ee la soo dhaafay. Waxa ay xaladeeyaan fikradaha raqiiska ah, una xiraan dhar xariir ah, oo laga soohay dunta midabbada badan ee QABYAALLADDA. Marka aad mid ku diidid isla ayadii oo midab kale leh ayuu inta kugu soo tuuro ku leeyahay lafihii iska celi, inta uu todoba iyo toban dhaar oo uu macal ku godgalinaya asaga iyo waxii awlaad ahaa ee uu dhalay, waalidiintiis oo hore u dhintayna ku leeyahay illaahow hadda iga qaad, mar marka qaarkoodna waaba la is oohinayaa. Shacabka masaakiinta ah ayaga oo madaxoodii mijo loo rogay, cagajiidna ah ayaa wax walba inta laga furto laga dhaqaaqaa. Waa qalin shubato sir iyo saaqba raba in ay wax kugu shubtaan, ayagoo biyodhacoodu yahay wax uu jadiinka mariyo,asagoo aan dal iyo dadba eegayn. Dhibbaatooyinka hortaagan dowladnimada Soomaaliyana waxaa kow ka ah Siyaasiyiintaas waratada ah, waana kuwo usoo jiiday ama damaca gashay quwadaha aduunka si ay xaraashka iyo yabooha Siyaasiyiinta waratada qayb uga noqdaan. Waxa ay shacabka ku baqagashaan waa nala qabsanayaa iyo waa baaba’aynaa hadaynan dal hebel iyo dal hebel kabaha u qaadin. DFS waxaan kula talin lahaa in Siyaasiyiinta Waratada ah iyo fikradahooda ku dhacda ah, ay indhaha ku hayso, aysanna siinin fursado ay dhaar beennaad ku maraan iyo baroor aan jirin oo ay bulshada kula dhex madiixaan, marka ay waayaan gidaar ay dabada la gaalan, waa marka Dowladnimadu Soomaali taam u noqonayso. W/Q Muxyadiin Xusseen Ciid Alcarab1@yahoo.co.uk Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  6. Siduu u yimid raysulwasaare Abiy, dalka Itoobiya waxaa ka socdo isbaddaal xawaare dheereeyo ku socdo. Isbaddalka uu wado mudane Abiy waxaa ka mid ah kuwo aanan la filayn saamayn weyna ku yeelan karo guud ahaan Geeska Afrika. Tusaale, go’aanka uu ka qaatay qadiyadda Baadhame oo ay Eritareeya isku hayeen. Haddaba maxaa keenay isbaddalkaan dad badan ula muuqdo qar iska-tuur qaarna ula muuqdo mid aad loogu baahi qabay? Labo arrimood ayaa sabab u ah isbaddalka mudane Abiy: Culaysyo siyaasadeed oo gudaha ah iyo mid dhaqaale oo soo foodsaaray. Siyaasadda gudaha Mudane Abiy wuxuu ka dhashay qowmiyadda Oromada oo ah tiro ahaan kuwa ugu badan dalka Itoobiya laakiin waligood aan hanan hoggaanka dalkaas. In la doorto waxaa keenay kacdoonno waaweyn oo uu qabiilkiisu sameeyay kuna dalbanayeen xuquuq siyaasadeed iyo mid xorriyad. Imaanshaha mudane Abiy waxay ahayd guul usoo hoyatay Oromo iyo musiibo u billaabatay Tikre iyo kuwa saaxiibka la ah. Tikre oo hastay xukunka muddo 30 sano ku dhow, waqti aad u dheerna guumaysan jiray qowmiyadaha dalkaas ayaan qaadan karin inay ku hoos noolaadaan xukun Oromo. Sidoo kale, Axmaaro oo ah qabiil aad u ballaaran muddo badanna ka talin jiray dalkas ayaa iyaguna rabo inay boos helaan ay markale dalka madax ooga noqdaan. Dhammaan qabaa’illada aan soo sheegay waxay hoosta ka wadaan tallaabooyin lagu minjo-xaabinayo Abiy iyo diyaar garow ay ku doonayaan inay xukunka ooga qaaataan. Tusaale, asbuucii hore waxaa magaalada Bahar-Dar ee gobalka Axmaraada looga dhawaaqay urur siyaasadeed ay ku midaysan yihiin Axmaaarada dal iyo dibadba. Ururkaan ayaa loo yakleelay siduu u raadin lahaa xuquuda Axmaarada ka maqan sida ayqabaan. Ururkaan waxaa hoggaminayo rag xag-jir ah oo aaminsan sarraynta Amxaarada iyo dowlad dhexe oo qur sidaas maamul-goboleedyada meesha looga saaro. Tikreegu waa la mid oo waxaa u muuqdo inay ka bixi doonaan daaqadda maadaama ay yihiin qabiil yar haddii aysan hadda ka hor tagin inta aysan Oromo xididaysan. Soomaalida uu Cabdi Illeey horjoogaha u yahay waxay aaminsanyihiin in Oromo oo dalka haysato ay la mid tahay iyadoo lala wareegay dhulka Soomaliyeed waxayna si toos ah ula shaqaynayaan guumaystaha Tikree oo ay isu xulufaysanayaan sidi ay u ridi lahaayeen Abiy. Mudane Abiy waxaa uu ogyahay weerarrada iyo dhibaatooyinka bilowga ah ee kusoo socdo. Wuxuu ka dharagsan yahay inuusan nabad kusii joogi doonin haddii uusan hadda qaadin tallaabooyin u ogaalanayo inuu waddanka hanto. Tallaabooyin usoo baxay ayaa ah inuu iska soo xiro colaadaha kala dhaxeeyo waddamada dariska ah si uu ugu firaaqo noqdo kuwa gudaha. Wuxuu ka tanaasulay kuwa ugu daran ee u baahnaan lahaa ilaalin joogta ah sida Baadhame iyo wabiga Niil oo Masar ay isku hayaan. Lama saadaalin karo sida ay u shaqayn doonto ballaan-qaaduadiisa maadaama dalka ay hasytaan rag kusoo naaxay dhibaataynta dalalka dariska laakiin haddii uu ka dhabeeyo waxay u badan tahay in Geeska Afrika nabad looga noolaado. Waxaa suuragal ah in xukunka laga tuuro isagoon meel gaarin. Arrimaha Dhaqaalaha. Dhaqaalaha Itoobiya waxay ka heshaan labo dhinac marki laga reebo canshuurta yar ee ay qaaddo dadkeeda saboolka ah. Dhinaca koowaad waa deeqda badan ee ay ku hesho waxa lagu sheegay la dagaallan argagixisada oo ahayd laynta Soomaalida iyo burburinta dalkeeda. Laga soo billaabo qarixii sarahi Maraykanka, Itoobiya waxay helaysay deeq ballaaran oo uu siiyo Maraykanka. Intii u dhaxaysay 1999-2001-di, Itoobiya waxay Mararkanka ka heshay $928000 (sagaal boqol iyo labaatan iyo siddeed kun) oo kaliya. Qarixi ka dib lacagtaas waxay u sara kacday si aan caadi ahayn. Inti u dhaxaysay 2001-2004-ti waxay Maraykanka ka heshay $16.7 milyan. Sanadki 2005-ti kaligiis wuxuu Maraykanku siiyay $7 milyan oo doolar oo deeq militiri ah. Xasuuso wixii dhacay sanadki kaas ka danbeeyay! Galiddii Somaaliya ka dib, xisaabta kor ayay usii socotay waxayna helaysay dhaqaale xad dhaaf ah oo ku filnaa ciidamadeeda joogo Soomaaliya, kuwa gudaha iyo waliba kuwa furinta ooga jiro Baadhame. Xisaabta Maraykanka mid aan wax badan ka yarayn waxaa siinayay Yurub oo ilaa iyo qarnigi lix iyo tobnaad taageero la garab taagnaa. Hadda waxaa bilowday joojinta lacagtaas. Ree Galbeedku intii uu mashquulsanaa dagaalka muslimiinta waxaa gacantooda baxay hoggaanki adduunka. Waxay arkeen Shiine iyo Ruush oo dhaqaale ahaan dhaafi rabo cudud ahaanna ku dhow. Waxaa u muuqatay inaysan ku wada jiri karin laba dagaal oo dhinac ay kula jiraan wiilal yar-yar oo wax ka lumayaa aysan jirin dhimashana aan dan ka lahayn, dhinacna ay kula jiraan dowlado awood badan. Taraam maamulkisa ayaa garawsaday inay khalad ahayd waqtigii iyo dhaqaalihii ku baxay dagaalka muslimiinta ee aan laga guul-gaari karin. Wuxuu ku dhaqaaqay yaraynta lacagti halkaas loo qoondayn jiray. Wuxuu qaaday tallabaooyin lagu dhimayo ciidamada Maraykanka ee joogo dhammaan waddamada Afrika oo ay Soomaliya ku jirto. Sida aad u dareensantihiinba idaacadaha reer Galbeedku waxay billeebeen joojinta isticmaalka erayga ‘argagixiso’ iyo hadal haynti joogatada ahayd ee ay kaga hadli jireen Islaamka iyo Muslimiinta. Dhowr sano gudahooda si buuxdo ayuu u istaagi doonaa dagaalki argagixisada ee awalba ahaa mid siyaasadeed. Waxaa furmay mid qabow lagana yaabo inuu mid kulul isu baddalo. Isbaddalkaas wuxuu walwal dhaqaale ku keenay Itoobiya oo xaqiiqsatay inaysan heli doonin lacagti uu bixin jiray Maraykan waqti dhow. Lacagtaas oo istaagto waxay ka dhigan tahay ciidanka oo dhaqaale waayo sidaas darteedna laguma hayno karo waddamo kale dhexdooda iyo furimo colaadeed. Dhinaca labaad ee uu dhaqaalaha itoobiya ka imaan jiray wuxuu ahaa deyn maalgashi oo uu bixin jiray Shiinaha. Itoobiya waxay heli jirtay maalgashiga ugu badan ee Shiinahu ku bixiyo waddamada saxaraha ka hooseeyo. Inti u dhaxaysay 2006-2015, wuxuu Shiinihu daymiyay Itoobiya adduun gaarayo $13 bilyan oo doolar. Horranti bishaan ayuu Shiine ku dhawaaqay inuu joojinayo maalgashigi uu ka waday Itoobiya. Labo arrimood ayaa keenay joojinta. Tan hore deynti oo xaddhaaf noqotay oo gaartay heer aysan Itoobiya awoodin inay bixiso waana sababta rasmiga ah ee uu Shiinahu sheegay. Laakiin mid kale ayaa jirto oo ah in Shiine naftiisu culays dhaqaale soo food saartay inuu dib u fakerana ku qasabtay. Dagaalkan qabow ee ka dhex bilowday Shiine iyo Maraykan wuxuu ku bilowday mid dhaqaale wuuna sii ballaaran doonaa. Asbuucaan ayay ahayd markuu Maraykan sheegay inuu canshuur badan saari doono badceeco badan oo Shiine laga keeno. Jawaabti Shiine bixiyay ayaa marka kale Maraykan ka caraysiiyay wuxuuna sheegay inuu badeeco qiimaheedu gaarayo 200 oo bilyan oo doolar oo Shiine laga keeno uu saari doono canshuur badan. Taas waxay ka dhigan tahay in Shiine ku cuslaato dhoofinta alaabaha lagu sameeyo dalkiisa, taasoo dhaawac weyn u gaysan doonto dhaqalihiisa. Sidaas darteed inuu ka faekero meelaha uu maalgashanayo ayaa qasab noqotay. Dal Itoobiya oo kale ah oo aan haysan wuxu dayn isaga bixiyo suuragal uma aha inuu ku sii wado. Arrimaha dhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee horyaallo mudane Abiy ayaa keenay isbaddalka saaran Xiin-faniin. Meeluu caga-dhigan doono lama oga laakiin waa mid hadda lasoo dhaweeyay. Maxaa Soomaalida la gudboon? Qof nabad iyo wanaag kuugu yeeray xumaan looguma jawaabo. farriinta nabadeed ee kasoo yeertay mudane Abiy waxay mudan tahay in lasoo dhaweeyo. Laakiin waa inaan niyadda ku hayno dhowr arrimood. Kow, nabaddu waxay u badan tahay inay tahay mid ku meelgaar ah oo lagu doonayo in lagu badbaado inta uu xididdaysanayo. Sidaa darteed iyadoo nabadda lasoo dhaweeyay waa in tuhun lagu jiifaa loona diyaar-garoobaa sidii looga hortagi lahaa weerarrada ka imaan doono marki uu sal dhigto. Ogow in Mena Zanaawi Soomaaliya laga abuubulay iyadoo la filayay inuu ka fiicnaan doono Mingiiste, waadna wada ogtihiin abaalkeenni inuu ka dhigay guumaysi iyo layn. Sidoo kale, mashquul siyaasadeed oo Itoobiya muddo ka socdo dan weyn ayaa Soomaaliya oogu jirto. waayo iyagaa isku mashquuli intay nagu mashquulsanaan jireen, inta uu mashquulkaas socdana waxaan helaynaa fursad aan ku kabanno. Sidaas darteed iyadoo nabadda la qaadanayo haddana waa inaan loo fududayn soo afjarridda muranka siyaasadeed ee gudaha ah. Ugu danbayn, waa inaan ku jiifnaa in aan maanta nahay dal tabar daran oo aan ilaashan karin xudduudihiisa, gali karin gorgortan adag, la xisaabtami karin waddamada dariska ah sidaa darteed innagoo nabadda qaadanayno waa inaan ku dhahnaa kuwa na leh wax nala qaybsada ma joogno waqti aan wax inukla qaybsanno ee na suga intaan dhismayno. W/Q: Ibrahim Aden Shire Ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/ Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  7. Ra’iisul wasaaraha Somalia oo ku sugan dalka Norway ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay baaritaan ku sameyn doonto caruurta Soomaaliyeed ee dhigta dugsiyada qur’aanka, kuwaasi oo dowladda Norway ay sheegtay in jirdil loogu geysto iskuulada diiniga ah ee qur’aanka lagu baro. Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa hadalkaan ka sheegay telefishinka NRK xili uu ay barbar fadhiyeen xoghayaha qaramada midoobay António Guterres iyo wasiirka arrimaba dibada Norway Ine Marie Eriksen Søreide, isagoo tilmaamay in dowladdiisa xoogga saari doonto baaritaan dhab ah oo arrintaasi ku saabsan. Telefshinka ayaa sidoo kale sheegay in caruur fara badan oo Soomaaliyeed oo laga celiyay Norway jirdil loogu geystay dugsiyada qur’aanka. Xasan Cali Kheyre oo dhalasho ka haysto dalka Norway ayaa sheegay in wixii kasoo baxa baaritaankaasi ay la wadaagi doonaan Norway oo uu tilmaamay in markii hore ay kusoo wargeliyeen hase ahaatee uu isagu tilmaamay in wax badan uusan kala socon eedaasi balse baaritaanka kadib la ogaan doono. Wasiirka arrimaba dibada Norway Ine Marie Eriksen Søreide, Xoghayaha qaramada midoobay António Guterres iyo RW Kheyre “Waxaan bilownay baaritaan ku saabsan kiiskaan markii dowlada Norway nala soo xariirtay, waxaana sameyn doonaa wax kasta oo loo baahan yahay si caruurtu ay u helaan Xuquuqdooda Somalia iyo Norwayba” ayuu yiri RW Kheyre. “Waxaan ra’iisul wasaare u ahay dal u baaahan in wax badan dareen loo yeesho oo 24 saac aysan kugu filneyn, sidaas darteed wax badan kalama socdo, laakin intaan ka ogahay waxaan ka helay dowlada Norway oo wada shaqayn fiican naga dhexayso , sidaas Darteed Waan hubi doonaa Arinkaan Anagoo u marayna Wadada Saxda ah” Telefishinka dalka Norwey ee NRK ayaa horay usoo ban dhigay Caruur lagu celiyay Soomaaliya oo qaarkood sheegeen in lagu jir dilay Xarumihii lagu baraayay Qaraanka ee gudaha Soomaaliya. Ra’isul Wasaare Kheyre oo ka qayb galaya madasha Oslo ( Oslo Forum) ayaa sidoo kale u sheegay TV NRK in Dowladiisu ay Sameysay hormar ay kamid tahay Deganaasho Siyaasadeed iyo in dhaqaalaha dalka ay kor usoo qaaday.
  8. Subaxnimadii Talaadada ee 21-kii Octoobar 1969-kii waxaa talada dalka afgembi aan dhiig ku daadan kula wareegay dowladdii Kacaanka ee uu hogaaminayay Sarreeye-gaas Maxamed Siyaad Barre. Kacaankii 21-kii Octoobar wuxuu Todobadii sano ee ugu horeysay ku talaabsaday horumar la taaban karo. Wuxuu dalka ka hirgeliyay Hanaan Dowladnimo oo dhameystiran, wuxuu dhisay Ciidamo tayeysan, wuxuu hirgeliyay Ololahii Hirgelinta Farta Soomaaliga iyo Horumarinta Reer Miyiga, wuxuu Lacag la’aan ka dhigay Waxbarashada iyo Caafimaadka, wuxuu xoojiyay kaabayaashii dhaqaalaha, wuxuu kordhiyey wax-soo-saarkii dalka, wuxuuna abuuray shaqooyin badan oo ku dhisan “Maxaad taqaan?” Todobadaas sano kadib, Soomaaliya waxay lugaha la gashay burbur iyo dib-u-dhac wiiqay awooddeedii oo ay ka dhaxashay halka ay maanta joogto. Haddaba, maxaa sababay burburkaas waaray? Prof. Maryan Xaaji Cilmi oo aheed Marwada Madaxweyne-ku-xigeenkii dowladdii Kacaanka Ismaaciil Cali Obokor oo Su’aashaas la waydiiyay waxay tiri: “Bilowgii Todobaatameeydii ayaan kasoo laabtay Talyaaniga oo aan kusoo bartay Cilmiga Siyaasadda, waxaana Macalin ka noqday Waxbarashadii sare ee dalka. Sanadkii 1972-dii waxaa la aasaasay gudmoomiyena la iiga dhigay Ururkii Haweenka Soomaaliyeed. Bishii December 1972-dii Qaramada Midooday ayaa soo saartay baaq caalami ah oo ay Sanadkii 1975-tii ugu aqoonsaneyso Sanadka Caalamiga ah ee Haweenka, waxaana annaga oo taas ka duuleyno 11-kii Jannaayo ee sanadkaas oo ku beegneed Maalinkii Xaawo Taako la dilay ka dhigannay maalinka Haweenka Soomaaliyeed. Maalinkaas ayaan xaflad aan si heersare ah usoo agaasinnay oo ay isugu yimaadeen dumar badan ku qabsannay garoonka Koonis, waxaana kasoo qeyb-galay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Aniga ayaa furay madasha, waxaana igu xigsaday Xasan Abshir oo ahaa duqa magalaada Muqdisho, wuxuuna kusoo dhoweeyay Madaxweyne Siyaad. Maxamed Siyaad wuxuu si fiican u ammaanay Haweenka Soomaaliyeed, kadibna ka hadlay xeerkii qoyska iyo Sinnaanta Ragga iyo Dumarka. Xeerkaas wuxuu sabab u noqday in 26-kii Janaayo 1975-tii la dilo culimadii arinkaas kasoo hor-jeesatay. Culimada la laayay shacabka Soomaaliyeed dembi ayay ku lahaayeen waayo ma jirin cid ka hadashay” Maryan Xaaji Cilmi oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri: “Waxaana aaminsanahay in ay haweenka Soomaaliyeed sabab u yihiin buburka iyo dib-u-dhaca ilaa maanta na heysta ee aan ka dhaxalnay dilka culimadaas ka hor-timid xeerkii qoyska ee dumarka lagula simayay ragga, xeerkaas oo meel-mari waayay lagana dhaxlay caro Alle. Waxaan gabdhaha Soomaaliyeed kula talinayaa in ay sinnaanta ay rabaan ku gaaraan Karti iyo aqoon, ayna meel iska dhigaan waxa ay reer-galbeedku noo meeriyeen ee aan horay ugusoo xiiqnay, ayna ogaadaan in uu Islaamku shalayto tirtiray dhaqankii gaalada ee ahaa in gabadha nolosha lagu aaso, aysanna jirin wax xaquuq ah oo ay diinteenna muqadaska ah kala maqantahay haweenkeenna” Waxaa qoray: Eng. Hussain Sabrie
  9. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeybgalay Shirka 32aad ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD kaasoo lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada isku haya South Sudan. Shirkan aan caadiga ahayn oo dib loogu soo nooleynayo wada hadallada Madaxweynaha South Sudan Mudane Salva Kiir Mayardit iyo Madaxweyne K/Xigeenkiisa hore Mudane Riek Machar ayaa Madaxda IGAD waxa ay dadaal dheeri ku bixinayaan sidii looga mira dhalin lahaa. Madaxweynaha oo shirka keddib kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa South Sudan Mudane Salva Kiir Mayardit ayaa ku bogaadiyay labada dhinac sida ay u aqbaleen in ay soo fariistaan miiska wada hadallada. Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay garab taagantahay walaalaha South Sudan sidii ay uga bixi lahaayeen kala qeybsanaanta iyo dagaallada, wuxuuna kula dardaarmay in ay labada dhinac fursaddan uga faa’iideeystaan sidii dalkooda uu uga bixi lahaa dagaallada sokeeye. “Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad ka fa’iideysataan khibradda aan ka barannay Soomaaliya oo dowlad la’aantii iyo colaadihii aan uga gudubnay isu tanaasul, wada hadal iyo is qancin. Waxaan rajaynayaa inaad idinkana jidkaas oo kale qaadaan oo aad dib ugu soo celisaan South Sudan xasillooni, wadajir iyo horumar.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Kiir ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka muuqda ee ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku tallaabsatay iyo xasilloonida siyaasadeed ee haatan ka jirta Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in ay dowladdiisu xoojineyso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya. Dhanke kale, Madaxweyneyaasha Suudaan iyo Kenya Cumar Xasan Al Bashiir iyo Uhuru Kenyatta ayaa loo xil saaray in ay sii dardargeliyaan wada hadallada, waxaana dhammaadka bishan kulan kale oo loogu kala dab qaadayo dhinacyadan lagu qabanayaa magaalada Khartuum ee dalka Sudan.
  10. The image, taken by photographer John Moore, showing a girl crying as her mother is searched has instantly become the touchstone of the family separation crisis. That scared little girl juxtaposed against the towering Trump --- looming over her in a black suit -- is a startling image. Source: Hiiraan Online
  11. International partners supporting Somalia and Somaliland on a number of reconstruction, security, and governance programmes in Somalia, and on development and democratization processes, among others, in the case of Somaliland, softly – and in diplomatically cached terms – reminded Villa Somalia that aid relations were not the same as scoring political kudos and, as such, need not be politicized. Responding to a letter the FGS’s young Minister of Planning, Gamal Mohamed, gunned at partners on June 9, 2018, calling for an end to the Special Arrangement aid deal with Somaliland, the partners said the arrangement was well in line with the ‘spirit of transparency and equity’ which they believed was ‘both necessary and desirable, and in the interests of all Somalis’, and, so accordingly, that ‘the arrangements that have worked so well since 2013 be continued’. Partners recalled that at the time the new deal was put into effect, both donors and ‘Somali government partners’ recognized that the ‘situation was different in a number of ways from that of Puntland and what at that time was describes as “South Central Somalia”‘. The partners would certainly act in accordance with the kind of response their view of the Somaliland deal garners in Villa Somalia. Their response may not be as gentle and courteous as it is in this first communication with the FGS team. The partners’ response is a slap in the face to a rash, diplomatically uncultured young team at the helm of Somalia smelling blood since they have succeeded to lasso in ICAO, a UN body, to unilaterally hand over Somali airspace management despite the fact that issue was a contentious, most contested central point to the internationally-chaperoned Somalia-Somaliland talks since they started in 2012. What is striking in this response, however, is that it does not directly or indirectly address the minister whose communication inspired it, completely ignoring him. Find a copy of the partners’ letter below:
  12. For more than a year, a Saudi-led bloc has staged a boycott of Qatar, accusing the Persian Gulf state of sponsoring terrorism and committing other misdeeds. As the months have dragged on, however, Qatar has proved surprisingly resistant to those punitive economic measures. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Somalia ayaa xaqiijisay in si rasmi ah ay ula wareegtay maamulka Hawadeeda, kadib markii Somalia loo aqoonsaday dal maamulan kara hawadiisa. Dowladu waxa ay sheegtay in marnaba aan la aqbali doonin in hawadda Somalia ay si khaldan usoo gasho diyaarad aan fasax ka heysan laanta hay’adda Duulista Hawadda Yuusuf Cabdi Cabdulle ‘’Yuusuf Jaalle’’, oo ah Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Somalia ayaa sheegay in DFS ay xaqiiqsatay in Hawadeeda ay maamusho. Waxa uu Yuusuf Jaalle, sheegay in howsha la soo wareegida Maamulka Hawada uu soo bilowday mar hore ilaa bishii December sanadkii 2017 oo Madaxweyne Farmaajo uu daah furay qalabka lagu maamulayo hawada. Yuusuf Jaalle ayaa sheegay in labada Xafiis ee Muqdisho iyo Nairobi ay wixii mudadaas ka dambeeyay ay iska garab shaqeynayeen, isla markaana ay socotay qeyb shaqaalaha lagu tababarayay. Waxaa uu sheegay in xafiiska Nairobi shaqada ka soo dhamaatay, lana soo xiray 18-kii bishan June, isagoo xusay in Muqdisho hadda ka socdaan howsha, isla markaana shaqaalihii Nairobi joogay ee ay maamuleysay ICAO ay u soo guureen Muqdisho. Dhinaca kale, Yuusuf Jaalle ayaa meesha ka saaray inay jiraan jihooyin kale oo Somalia xiligaan la maamula Hawadeeda, balse ay Somalia dib u hanatay maamulkeeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Somali President Mohamed Abdullahi (Farmajo) left the country on Thursday for Ethiopia to join other East African leaders to help shore up South Sudan peace process. A statement from the presidency said Farmajo was due to attend an extra-ordinary Inter-Governmental Authority on Development (IGAD) summit in Addis Ababa that will review the progress made in the South Sudan peace process. South Sudan’s rebel leader Riek Machar arrived in Ethiopia on Wednesday for a meeting with South Sudan’s President Salva Kiir, as part of efforts to try to broker a deal to end the nation’s civil conflict. Officials said the two leaders later held talks in Addis Ababa on Wednesday evening for the first time in two years. Details of the Wednesday meeting were not divulged. IGAD is an eight-member economic bloc that brings together Ethiopia, Eritrea, Djibouti, Kenya, Somalia, Sudan, South Sudan and Uganda. Source: Xinhua
  15. Muqdisho (PP) ─ Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay Muqdisho, kaasoo warbixinno kala duwan looga dhageystay guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka Somalia, waxaana shir-guddoominayay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dhismaha ka socda xarunta guddoonka iyo gudiyada ee villa Hargeysa, waxaana inta uu kulanka uu socday laga dooday dhibaatooyin ka jira waddada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo Baydhabo oo dadka shacabka ah ay kala kulmaan dhibaatooyin kala duwan. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxa ay sheegeen in Waddadaas kufsi loogu geystay gabdho ka badan toban, kuwaasoo qayb ka ahaa dad ku safrayay waddadaas. Sidoo kale, Guddoomiyaha Baalamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa kormeeray dayacir lagu sameynayo xarunta baalamaanka Somalia oo hadda heer gaba-gabo ah maraya. Marka la dhameystiro dhismaha xaruntan xildhibaanada Golaha Shacabka waxay u soo wareegayaan xaruntooda, waxaana dhismo lagu billaabayaa xarunta weyn ee golaha shacabka. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa guddiyadii uu la kulmay kula dar-daarmay iney halkooda howsha ka sii wadaan iyo in ay xoojiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa Wasaaradaha ay shaqo wadaaga yihiin. PUNTLAND POST The post Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka FS oo Maanta ka Dooday Qodobbo Xasaasi ah appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (PP) ─ Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Somalia, Yuusuf Cabdi Cabdulle ayaa shaaca ka qaaday in si rasmi ah Muqdisho loogu soo wareejiyay Maamulka Hawada, iyadoo la soo xiray Xafiiskii Nairobi laga maamulayay 20-kii sano ee u la soo dhaafay. Yuusuf Jaalle ayaa wareysi uu siiyay VOA-da ku sheegay in howsha lasoo wareegida maamulka Hawada uu si tartiib-tartiib u soo socday illaa bishii December sannadkii lasoo dhaafay oo Madaxweyne Farmaajo uu daah-furay qalabka lagu maamulayo hawada. Sidoo kale, Maareeyaha ayaa xusay in labada xafiis ee ku kala yaalla Xamar iyo Nairobi ay wixii mudadaas ka dambeeyay ay iska-garab shaqeynayeen, isla markaana ay socotay qeyb shaqaalaha lagu tababarayay. Maareeyaha ayaa hadalkiisa ku daray in xafiiska ku yaalla Nairobi ay kasoo dhamaatay shaqadii, lana soo xiray 18-kii bishan Juun, wuxuuna xusay in Muqdisho hadda ka socdaan howsha, isla markaana shaqaalihii Nairobi joogay ee ay maamuleysay ICAO ay u soo guureen Muqdisho. “Waxaa xilligan socda in dhamaan shaqaalaha Xafiiska Nairobi joogay inay u soo guuraan Xafiiska Muqdisho, shaqaalihii ama qubarada ajnabiga, iyagana tababaro gooni ayay siinayaan shaqaalaha kala wareegi lahaa ee maamulayaasha noqon lahaa,” ayuu yiri Yuusuf Jaalle. Maareeye Yuusuf Jaalle ayaa isagoo sii hadlaya wuxuu intaas ku daray in si tartiib-tartiib ah dhaqaalaha Hawada kasoo gala ay Dowladda Federaalka ula wareegi doonto, isla markaana sanduuqeeda ku soo dhaceyso. Dhanka kale, Mar uu maareeyaha Saadaasha Hawada Somalia ka hadlayay shuruucda diyaaradaha soo maraya hawada, wuxuu xusay in markii hore aanay jirin diyaarad aan ogolaansho haysan inay soo gasho hawada dalka, wuxuuna xusay in diyaarad kasta oo dal ajnabi ka soo duuleysa inay marka hore ogolaansho soo weydiisaneyso hay’adda Duulista & saadaasha hawada ee Dowladda Federaalka. Ugu dambeyn, Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Yuusuf Jaalle ayaa dadaal badan u galay sidii Maamulka Hawada Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa Soomaaliya, iyadoo muddadii uu howshaas ku jiray ay dhibaatooyin kala duwan ka soo gaareen safaradii uu dibadda ugu aadayay ee la xiriiray howsha la soo wareegida maamulka Hawada Somalia. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo Hawadeeda uga Digtay Diyaaradaha aan Ogolaashaha ka Haysan appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Hantaani oo aad u weyn ayaa kusoo caarisay xeebta sugunta liido degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir. Hanta oo gabi ahaan qufulan ayaa ayaa waxaa laga cabsi qabaa inay ku jiraan waxyaabo Kiimiko ah oo halis galinkara xaalada caafimaad ee dadka deegaanka. Dadka qaar ee u damaashad tagay xeebta sugunta liido ayaa sheegay inay baqdin ka muujinayaan Hanta oo halkaa taala maalmo. Dadku waxa ay saacadihii ugu danbeeyay bilaabeen inay ka cararaan haantaas oo loo badinaayo inay ku jiraan waxyaabo kiimiko ah. Dadka kaluumeysatada oo cabsi ka muujiyay haanta ayaa wargaliyay Hay’adaha amaanka, hase ahaatee waxaan jirin ilaa iyo hadda cid ka jawaab celisay. Sidoo kale, Maamulka degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir, ayaan qudhiisa kawarheyn hanta iyo waxa ku jira.
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi dheer siiyey TV-ga qaranka Soomaaliya ayaa kaga hadlay guud ahaan xaaladaha ka taagan dalka Soomaaliya. Intiinii la socotay Shabakadda Caasimadda Online ayaa waday qoraalo kala duwan oo ay ka sameeneyso wareysigaan, waxaana markaan soo qaadaneynaa rajada uu Madaxweyne Farmaajo ka qabo inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tibaaxay inay dowladiisa xilli hore bilowday shaqooyin lagu doonayo in dalka lagu gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna tilmaamay inuu aaminsan yahay haddii ay wax walba sidaan kusii socdaan inay dalka ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021. “ Shaqooyink aan hadda bilownay runtii waqti fiican ayaan bilownay, wax kasta aan qorsheyn karno, dadka aan la tashan karno, aqoonyahanada aan ka qeyb gelin karno howshaan, hadii ay noqon laheyd qaabka ay doorashada u dhici karto iyo dhameystirka dastuurka, haddii sidaan aan hadda ku wadno kusii wadno waxaan aaminsanahay inaan dalka gaarsiin karno doorasho qof iyo cod ah” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inay Shacabka Soomaaliyeed gaarsiin doonaan awood buuxda oo ay ku doortaan cidda ay doonayaan isla markaasna aysan mar dambe dhihin waxbaa nagala haleeyey maadaama ay iyaga dooranayaan cidda ay doonayaan, wuxuuna yiri: “ Shacabka Soomaaliyeed ayaa talada dib ugu celin doonaa, mar kale aysan sheegan karin in wax laga haleeyey, maxaa yeelay iyagaa iska leh go’aanka, iyagaa dooran doonaan cidda ay rabaan, marka in aan gaarsino awoodaas shacabka ayaan rabnaa ayna keensadaan qof ay is leeyihiin waa qof wadaninimadiisa ay fiican tahay, amaanada adkeeyo, Masuuliyadda na saaran waa inaan keeno qaabka ugu fiican, waxaana arrintaas lagala tashan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada” . Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadayo xilli dhawaan ay dowladda dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ku heshiiyeen inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2021 kadib shirkii ka dhacay Magaalada Baydhabo oo qaatay ku dhawaad Asbuucc. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Madaxweyne https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/06/Doorashooyinka-2021.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. MOGADISHU (Xinhua) -- Somali President Mohamed Abdullahi (Farmajo) left the country on Thursday for Ethiopia to join other East African leaders to help shore up South Sudan peace process. Source: Hiiraan Online
  20. Isbadalka xagga ammaanka ah ee laga dareemayo magaalada Muqdisho ayaa ah mid ku yimaaday qorshaha hagaagsan ee xagga ammaanka ah ee uu la yimid maamulka Gobalka Banaadir oo kaashanaya laamaha ammaanka ee dowladda. Mudane Maxamed C/laahi Tuulah Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka gobalka Banaadir ayaa saraakiisha ammaanka ee gobalka iyo kuwa degmooyinka aad iyo aad ugu ammaanay dadaalka badan oo ay ku bixiyeen Sugidda amniga caasimadda. Dhanka kale Guddoomiye ku xigeenka Dhinaca amniga ee maamulka Gobalka Banaadir ayaa fariin aad u muhiim ah u diray dhalinyarada Muqdisho, isagoo sheegay in loo baahanyahay in dhalinyarada ay u kacaan sugidda ammaanka magaaladooda sidoo kalana ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka. Waxaa cajiib ahaa Bishii Ramadaan ee la soo dhaafay oo dhan wax Qarax ah ama dhibaato ah aysan ka dhicin magaalada Muqdisho, taas oo ku Alle ka sakow dadaalka badan ee la galiyay amniga magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhawaajiyey asna inay wax lagu farxo ay tahay in magaalada Muqdisho haatan isbadal wayn oo xagga amaanka ah laga dareemayo. “Bishii hadda lasoo dhaafay oo noqotay 10 sano kadib Bishii Ramadaan ee ugu horeysay oo uusan qarax dhicin runtii maaheyn wax shil ah oo dhacay waa howl aad looga shaqeeyey iyo qorshe la dajiyey oo aan ku amaanayo ciidamadena amniga ,oo runtii si hufan oo wanaagsan oo karti badan u shaqeeyey, oo habeen iyo maalin usoo jeeday sidii ay shacabkooda uga difaaci lahaayeen qolooyinka hororka ah oo dhibaatada maalin kasta ku hayo umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Maamulka Gobalka Banaadir ee hadda shaqeeya ayaa ah maamulkii ugu horeeyay ee ku guulaysta in maamulka ciidanka ammaanka heer degmo loo daadajiyo, isla markaana Guddoomiye kasta loo xilsaaranyahay ammaanka degmadaasi, kaas oo ku yimid dadaalka badan oo maalin iyo habeen ammaanka caasimadda uu ugu jiro Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobalka Mudane Maxamed C/laahi Tuulah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Oslo (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khaye, ayaa magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddankaasi ku dhaqan, kadib munaasabad ballaaran oo ay u sameeyeen wafdiga Ra’iiul Wasaaraha oo maalmihii u danbeeyey halkaasi ku sugnaa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeyb galayaasha Munaasabadda u jeediyay khudbad dhinacyo baadan taabanaysa oo khuseysa xaaladda dalka, horumarrada la gaaray iyo rejada wanaagsan ee laga qabo in Soomaaliya ay mar kale cagadeeda isku taago, isaga oo u sheegay in looga baahanyahay bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas in ay ka qayb qaataan horumarka dalka. Munaasabaddaan ballaaran ee lagu soo dhowaynayey Ra’iisul Wasaaraha, ayaa waxaa soo agaasimay ururka ardayda Soomaaliyeed ee dalka Norway oo aasaasayaashiisii uu kamid ahaa Ra’iisul Wasaare Khayre sannadku markuu ahaa 1994-kii, sidoo kalana uu gudoomiye ka soo noqday. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay inuu aqoon wanaagsan u leeyahay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Norway maadaama uu in badan ku noolaa dalkaasi, waxuuna tilmaamay in ay yihiin bulsho hadii ay dawladda taageeraan wax badan ku soo kordhin kara horumarinta dalka iyo dawladnimada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid uga jawaabay Su’aalo ay weydiiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Norway, waxuuna ku boorriyay inay dadaalaan, oo ay taladooda, aqoontooda iyo waaya-aragtinamadooda u biiriyaan dawladda. Wasiirka maaliyadda Xukuummada Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo munaasabadda ka hadlay ayaa faahfaahiyay horumarka dhanka dhaqaalaha ee laga sameeyey dalka muddadii ay jirtay xukuummadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Khayre. Ugu dambeyn, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Nowray ayaa iyana waxa ay Dawladda Soomaaliyeed ku ammaaneen waxqabadka muuqda, iyaga oo ugu duceeyey in Illah uu ku guuleeyo hawlaha qaran ee loo igmaday. PUNTLAND POST The post RW Khayre oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Jaamacadda Soomaaliyeed ee Dalka Norway appeared first on Puntland Post.
  22. Washington DC (Caasimada Online) – Inkasta oo ay jirto diidmada congress-ka Mareykanka, ayaa Turkiga waxa ay heli doonaan toddobaadkan qeybtii ugu horreysay ee diyaaradaha dagaalka F-35 ee Mareykanka, sida saraakiil ka tirsan pentagon-ka iyo socdaalka ay sheegeen. Shirkadda Lockheed Martin ee sameysa diyaaradaha F-35 ayaa maanta waxa ay xaflad arrintaas ku saabsan, oo diyaaradaha loogu wareejinayo Turkiga ku qaban doontaa magaalada Fort Worth ee gobolka Texas, sida uu sheegay afhayeen u hadlay shirkadda. Sharciga ansixinta difaaca qaranka ee NDAA ayaa labadiisa qeyb ee aqalada wakiilada iyo senate-ka Mareykanka waxaa ku jira xanibaado diidaya in Turkey ay qeyb ka noqoto barnaamijka F-35. Sharci dejiyayaasha Mareykanka ayaa ka walaacsan xariga Ankara ay kula kacday baadari Mareykan ah iyo qorshaha ay kusoo iibsaneyso barnaamijka difaaca gantaalaha Ruushka ee S-400. Si kastaba, sharciga NDAA ayaa dhaqan-geli doona kaliya marka ay ansixiyaan labada aqal ee congress-ka Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda federaalka ah ayaa qorsheyneysa in AMISOM ka guurto tuulada cayaaraha ee Mogadishu Stadium inta u dhaxeysa January -June ee sanadka soo socda. La-taliyaha amniga ee madaxweyne Farmaajo Cabdi Saciid ayaa sheegaya in arrintan ay qeyb ka tahay qorshaha amniga qaranka wajigiisa 1aad oo lagu wado inuu ka koobnaado: Ka Bixitaanka AMISOM ee Mogadishu Stadium, 2. Isu furista jidka Xamar ilaa Baydhabo iyo 3. la wareegista Leego. Dhinaca kale, waxaa uu Saciid ka hadlay inay diyaar yihiin mashaariic lagu dhisayo Mogadishu Stadium iyo jidadka u dhow kuwaas oo ay diyaarisay dowladda federaalka ah. “La wareegitaanka Mogadishu Stadium waxa wehliya dhismaha waddooyin, waxaa soo dhan waa diyaar, dhammaan hey’adihii ka shaqeyn lahaa iyo lacagihii” sidaasi waxa yiri la-taliyaha madaxweynaha. Mashaariicdan waxaa qeyb ka ah: hey’adaha iyo dalalka deeqda bixiya, wasaarado ay ku jirto midda cayaaraha, gobolka Banaadir iyo hey’ado kale. Mogadishu Stadium waxaa muddo 10 sano uu dhufeys u ahaa AMISOM, qorshaha waxaa uu yahay in laga dhigo sidii uu ahaa iyo meel ay dhalinyarada ku cayaari karaan. Dowladda federaalka ah qorshayaasheeda waxaa ka mid ah inay Hoteello iyo goobo lagu nasto ka hirgeliso aagga Mogadishu Stadium. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Netflix has optioned the rights to make a film or TV series out of the book “One Goal,” which chronicles the Lewiston High School boys soccer team and its mix of native-born and Somali refugee players. Source: Hiiraan Online
  25. A pregnant Somali woman on Nauru, who is the victim of female genital mutilation (FGM), has won a legal bid to come to Australia for an abortion. Source: Hiiraan Online