-
Content Count
210,018 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
More Americans are going to college than ever before. But even as students attend college at record-breaking rates, the country continues to fall behind other nations. Source: Hiiraan Online
-
It's called Project Oxygen. Beginning in 2008, Google researchers wanted to understand what makes a manager great at Google. Here's what they found. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa magaalada Muqdisho ku kulmay Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Kheyre ayaa hoygiisa ku booqday Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay 18 Bil kadib oo uu ku maqnaa wadamada Turkiga iyo Tanzania oo ay labadiisa qoys ku kala nool yihiin. Sawirran la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya Kheyre iyo Xasan Sheekh oo wada fadhiya, iyo iyagoo is gacan qaadaya, si ay farxadi ka muuqato, marka la ictimaado dhoola cadeyntooda. Wali si faahfaahsan loogama hadlin waxyaabaha ay ka wada hadleen labada masuul, waxeyse dad ku dho dhow kulanka soo sheegayaan iney la xiriirtay oo kaliya is xog wareysi, ayna jiraan kulamo kale oo lagu balamay. Kheyre, ayaa ka hor inta aan loo magacaabin Ra’iisul wasaarinimada Somaliya, waxa uu kamid ahaa dadka ugu dhodhow Madaxweyne Xasan Sheekh, waxeyna dadka qaar ku sheegeen inuu ahaa ruuxa labaad ee ay ufurnaayeen Albaabada Xafiiskii Xasan sheekh, marka laga reebo Faarax Sheekh C/Qaadir, iyadoo dadka qaarna kaalinta koowaad Kheyre keena.
-
Heesaaga caanka ah ee reer Uganda , isuna badalay siyaasiga, Bobi Wine ayaa laga hor istaagay in uu dalka ka dhoofo si baaritaan caafimaad ugu aado dalka dibediisa. Bobi Wine oo ah xildhibaan mucaarad ah ayaa xabsiga loo taxaabay markale, waxaana todobaadkii hore lagu soo oogey dacwad qaran dumisnimo ah. Tani ayaa waxa ay ka dambaysay kadib markii la dhagaxyeeyay madaxweyne Yoweri Museveni oo la socday kolonyo baabuur ah. Maalintii isniinta, xaakim ayaa u ogolaaday damaanad kadib markii uu sheegay in uusan filanaynin in uu baxsado. Robert Amsterdam oo ah garyaqaanka Bobi Wine ayaa sheegay in dib loo xirey, lagana xiray garoonka caalamiga ah ee Entebe. Lama oga halka la geeyay, balse waxa uu Garyaqaanka sheegay in si xoog ah loogu ritey gaariga gargaarka degdega oo ay booliiska leeyihiin. Bobi oo ku socda ulaha curyaamiinta ayaa isniintii kasoo muuqday maxkamadda, balse booliiska ayaa sheegay in aysan waxbo ka jirin sheegashooyinka ah in la jirdilay. Ka hor xiritaankiisa, waxa uu Bobi Wine faafiyay sawir muujinaya darawalkiisa oo toogasho lagu diley, wuxuuna sheegay in isaga loo malaynayay. Waxaase la xirey kadib markii uu isu soo bax ku qabtay magaalada Arua, halkaas oo sidoo kale dhagxaan lala dhacay kolonyo baabuur ah oo uu madaxweynaha la socday. Waa kuma Bobi Wine? Heesaagan caanka ah ayaa intii muddo ahba ahaa qodax dhinac kaga taagan madaxweyne Museveni, iyada oo markii lasoo doortay sanadkii hore ay taasi horseeday in 3 xildhibaan oo kale oo madaxbanaan lasoo doortay, kuwaas oo ka adkaaday dhammaan musharixiintii madaxa banaanaa. Waxa uu sidoo kale hormuud ka ahaa ololihii looga soo horjeeday kordhinta sanadaha uu madaxweynaha xilka hayn karo. Waxa uu sidoo kale qeyb ka ahaa olole lagu diidanaa sharci cusub oo ay dowladda kusoo rogtay baraha bulshada. ISHA BBC
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxaa caawa laga maqlay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kaa oo ka dhashay Miino loo aasay gaadiid ay la socdeen ciidamada AMISOM. Qaraxa oo jugtiisa laga wada maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa caawa maqribkii ka dhacay xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Heliwaa ee Gobolkaan Banaadir Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan AMISOM oo ku socdaalayay Xaafada Suuqa Xoolaha waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan. Ciidamada AMISOM ayaa Qaraxa kadib ooda ka qaaday rasaas geysatay waxyeelo, waxa ayna horay usii wateen socdaalkooda. Qaraxa ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen ilaa laba ruux, halka hal ruux oo shacabana uu ku dhintay. Qofka dhintay ayaa la sheegay inuu ahaa Oday dhaqmeed lagu magacaabi jiray Hilowle, sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal. Qaraxa ayaa kusoo beegmaya xili bilowga todobaadkan Qarax ceynkaasi ah ciidamada AMISOM lagula eegtay degmada Heliwaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dad ka careysnaa dilka Darawalka Mooto Bajaajle ayaa maanta xiray isgoyska Sanca ee Magalada Muqdisho. Dadkan oo ka careysnaa dilka darawalka ayaa xiray isgoyska kuwaa oo jidka ku jaray dhagxaan iyo taayaro. Dadkan ayaa xiray Isgoyska Sanca oo kala qeybiya Degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid waxa ayna diideen in Gaadiidka iyo Mootooyinka ay halkaa maraan, iyagoo ku qeylinayay dooni meyno gacan ku dhiigle. Shacabkaan oo isgoyska ku gubay taayaro ayaa dowlada Somalia ka dalbaday inay tiirka u geyso Askariga ka danbeeyay dilka Mootoolaha oo ka tirsanaa qeybta Minishiibiyada. Askariga dilka geystay oo ka tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada ayaa la sheegay in durbaba uu goobta ka baxsaday,waxana Darawalka mooto Bajaajta uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaasii uu ku dhuftay askariga. Dilka Darawalka mooto Bajaajta weli kama hadlin Maamulka degmada Yaaqshiid iyo laamaha amniga Soomaaliya,waxana Muqdisho caadi ka noqtay dilalka loo geysto Darawalada mooto Bajaajta.
-
JOHANNESBURG – (Caasimada Online) – At least three people have been killed in xenophobic-linked violence during looting in Johannesburg’s sprawling town of Soweto Lungelo Dlamini, police spokesman said at least 3 people had been killed in the latest violance in Soweto town. Dlamini says its police soldiers arrested 27 people in connection with violance and looting in the town, following an operation. “We have nabbed 27 people in the xenophobic-linked violence”, he said. Many of the small shops selling basic goods in South Africa’s townships are owned by nationals from other African countries, including Somalis, Ethiopians, Mozambicans and Zimbabweans. Somali shop owners, say they lost as many as 20 shops worth hundreds of thousands of dollars. The shop owners called for government to protect the violance. The latest violance was strongly condemned by South African government, urging police to take firm action. South Africa has recurrent spates of xenophobic attacks – with particularly bad examples in 2008 and 2015 – and more than 60 people have been killed in the past decade. Caasimada Online Johannesburg News Desk Caasimada@live.com
-
MINNEAPOLIS (WCCO) — A second child in a month has been diagnosed with measles in Minnesota. Neither child was vaccinated. Source: Hiiraan Online
-
The US Navy seized hundreds of small arms, including AK-47s, from an unflagged boat in the Gulf of Aden, a US defence official said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre, ayaa ballan qaaday in garoonka ciyaaraha Muqdisho lagu dhisayo barnaamijka Is-xilqaan oo ay xukuumaddu ugu tala gashay dardar-gelinta dib-u-dhiska dalka iyada oo ay shacabku ka qayb qaadanayaan. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo maanta ka qeyb-qaadanayay ololaha nadaafadda Khamiislaha ah ee is-xilqaan oo lagu nadiifinayay garoonka ciyaaraha Muqdisho ayaa sheegay in barnaamijkan lagu dhisi doono xarumaha dowladda ee burbursan iyo waddooyinka iyada oo laga billaabayo garoonka ciyaaraha Muqdisho, xarunta xisbiga, golaha Mudritida iyo madadaadala iyo maktabadda Qaranka. “Haddii aad sugaysaan in uu idiin yimaado ajnabi, idiin dhiso garoonkaan waa in aad iska ilaawdaan, waa in aad is abaabushaan, xaaqataan, dhissataan garoonkiinna si uu u shaqeeyo”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayr oo kula hadlayay dadwayne Soomaaliyedd oo isugu yimid gudaha garoonka. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia, ayaa horay u ballan qaaday in sannadkaan gudihiisa garoonka dib loogu soo celinayo gacanta dawladda, waxaana Ciidanka AMISOM ay banneeyeen garoonka iyaga oo fulinaya amarka madaxda Qaranka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Sharaxay Qorshaha DF ee Dayactirka Muqdisho Stadium appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan shan qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa ku dhaawacmay saddex madfac oo maanta galabta ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, iyadoo sidoo kalena uu askari minishiibiyo ah toogtay wiil ku shaqeysanayay mooto Bajaaj. Madaafiicdan oo aan la ogeyn halka lala damacsanaa ayaa waxay ahaayeen hoobiyeyaal meelo fog-fog laga soo tuuray, waxaana loo maleynayaa in lagu weerarayay madaxtooyada Somalia oo ku taalla degmada Wardhiigley. Dadka goobjoogayaal ah ayaa sheegay in madfac ka mid ah madaafiicdan uu kusoo dhacay laamiga waddada Geed-jacayl, kaasoo ahaa kii ugu khasaaraha badnaa, iyadoo goobta uu ku dhacay ku sugnaayeen shacab aad u fara badan. “Geed-jacayl waxaa kusoo dhacay madfac hoobiye ah oo ka mid ah saddex madfac oo ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Wardhiigley, tiro dad ah ayaana ku dhaawacmay,” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa halkaas. Isbitaalka Madiina ee Muqdisho ayaa la dhigay dhaawacyada dhowr qof oo ku dhaawacmay duqeyntan, inkastoo aan lasoo warin wax dhimasho ah oo ay dhaliyeen madaafiicdan. Dhanka kale, Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ku toogtay maanta barqadii agagaarka isgoyska Sanca ee Degmada Yaaqshiid wiil mooto bajaajle ah, iyadoo la sheegay in askariga iyo wiilkan uu muran soo dhex-galay ka hor inta aanu dilka dhicin. Goobta ayaa waxaa dibadbax ka dhigay dhallinyarada ku shaqeysna mooto Bajaajta, kuwaasoo sheegay in askariga iyo wiilka la dilay uu muran soo dhex-galay, kaasoo keenay in ug dambeyn uu askari dil u geysto wiilkan oo maydkiisa goor-dambe laga qaaday goobta. Maamulka Degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in askariga dilka geystay uu ka baxday goobta, balse ay ciidamada ammaanku ku daba-jiraan, waxaana tani ay qayb ka tahay dilal soo laalaabtay oo ay askarta dowladdu u geystaan wiilasha ku shaqeysta Bajaajta. Ugu dambeyn, Hay’adaha Ammaanka Dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin dilka uu geystay askariga ka tirsan minishiibiyada Xamar iyo dhwarka madfac ee maanta ku dhacay degmada Wargdhiigley. PUNTLAND POST The post Madaafiic lagu duqeeyay Muqdisho iyo Askari toogasho ku dlay Wiil watay Mooto Bajaaj appeared first on Puntland Post.
-
Baardheere (Caasimadda Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgal ka dhacay Gobolka Gedo ay ku qabteen xubno ka tirsan Alshabaab oo ay ku jiraan Ajaaniib. Howlgalkan ayaa ka dhacay magaalada Baardheere, waxaana la sheegay inuu ahaa mid qorsheysan oo lagu soo qabtay koox Amniyaadka Alshabaab ah oo lagu eedeeyay inay dilal qorsheysan ka fuliyeen gudaha magaalada Baardheere iyo Shabakad qaraxyada diyaariya. Taliyaha ururka 49-aad ee guutada 10Aad Xiddigle Faarax Maxamed Turbac ayaa Idaacada ciidamada Dowladda u sheegay in ragga ay ciidamada kusoo qabteen ay Al-shabaab u qaabilsanayeen Amniyaadka dilalka qorsheysan fuliya iyo shabakad qaraxyada Maleeyshiyada Al-shabaab u diyaarisa oo ka kooban Ajaanib iyo Soomaali, ayna gacanta ku dhigeen 10 xubnood oo ka tirsan maleyshiyada Al-shabaab Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Alshabaab iyo cid xaqiijisay sheegashadan iyadoo wararka idaacadda ciidamada ee xarunteedu tahay magaalada Muqdisho aan loo helin xaqiijin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – In muddo ah, siyaasiga caanka ah ee reer Kenya Farax Macallin Dawaar waxa uu ku soo noq noqonayey Muqdisho. Siyaasiga ayaa sido kale taageero weyn u muujiya xukumadda uu madaxda ka yahay Xassan Cali Kheyre isaga oo marar badan tallaabooyinka dowladda ku soo amaana bartiisa Twitter-ka. Waxaa sidoo kale xusad mudan in soo dhaweyn loogu sameeyey dhawr bil kahor Hotel Xaawo Taako halkaas oo uu kula hadlay qaar ka mid ah xubnaha ka tirsan dowladda. Su’aasha la’is weydiiyey ayaa ah maxay tahay saameynta intaa le’eg ee ay dowladdan ku leedahay hoggaamiyaga aan afkaartiisa la gabban ee reer Keya? Caasimadda Online oo u kuur gashay arinta ayey ilo ka ag dhaw xafiiska Raisul Wasaaraha u sheegeen in Faarax Macallin Dawaar yahay la taliyaha gaarka ah ee Xassan Cali Kheyre. Waxaa xusid mudan in Faarax Macallin iyo Xassan Cali Kheyre ay saaxiibo isku dhaw muddo ahaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) – UK’s Royal Air Force (RAF) has on Thursday imported a huge stash of weapons and ammunition at airport in Somali capital Mogadishu. The weapons were reportedly heading to African Union peacekeeping forces in Somalia, amid UN army embargo, security sources said. The AU soldiers were seen loading heavy and slight weapons to its military trucks at the airport in Mogadishu. “I have seen a huge stash of weapons and ammunition that were loading to African Union army trucks after British Royal Air Force landed in Mogadishu”, sources said. It remains unclear if the weapons from Britain has been imported under UN security council’s approval. The U.N. Security Council has partially lifted its arms embargo on Somalia in 2013 to equip government forces fighting against al Qaeda-linked al Shabaab militants. The relaible sources said the RAF had flown to Balidogle airfield where US especial forces train country’s army troops fighting against Al Shabaab. Balidogle, an airbase located some 70 miles northwest of Somali capital Mogadishu. There was no immediate comment from the Western-backed government of Somalia over the weapons importation claims in the capital. Last year, Somalia’s president Mohamed Abdullahi Farmajo called on the international community to lift an arms embargo on his country as government soldiers battle to regain territory from the armed group al-Shabab. Speaking at a Somalia conference held in London and attended by world leaders, Farmajo said government forces would defeat the al-Qaeda-linked group in “a few years” – but troops had to be better equipped. In Mogadishu, Many guns imported by the Somali government with U.N. approval are being resold by arms dealers on the black market, according to Western diplomats. The diplomats said poorly-paid soldiers are known to have sold their weapons to buy food to feed their families. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Shirkii golaha wasiiradda Puntland Shirkii khamiis laha golaha Wasiiradda Puntland oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Gaas ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah. War-murtiyeed ka soo baxay shirkaas ayaa lagu sheegay in looga hadlay amniga Puntland, xeerka waddo marista iyo warbixin laga dhageystay mid kamid ah Wasaaradaha. Amniga Puntland ayaa war-murtiyeedka lagu sheegay in uu yahay mid leysku hakeyn karo, ayna socdaan howl-galo baaxad leh. Shir walba oo khamiisle ah ayay Puntland ku sheegtaa in amnigu yahay mid leysku haleyn karo, iyadoo mararka qaar ay dhacaan falal lid ku ah amniga. Hoos ka akhriso war-murtiyeedka PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay shirkii golaha Wasiiradda Puntland? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dhismaha Garoonka Kubada Cagta ee Stadiom Muqdisho aysan mar danbe dhisi doonin ajaaniib. Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay in dhismaha Garoonka iyo goobaha kale ee dowlada ay uga dhamaatay inay dhaqaale dhismo ku bixiyaan dalal shisheeye, waxa uuna tilmaamay in dhaqaalaha lagu dhisaayo uu yahay mid laga doonaayo dowlada iyo shacabka. Garoonka Kubada Cagta ee Stadiom Muqdisho ayuu sheegay inay ku cayaari doonaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana la doonaayo inay dhistaan Garoonkooda. Kheyre ayaa yiri “Shacabka ha iska ilooban in ajnabi u dhiso Garoonka balse la doonayo inay iyagu dhistaan” Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in Soomaalida ay ka xorooban gacan u hoorsashada shisheeye, waxa uuna ku baaqay in shacabka ay kaalintooda ka qaatan dhismaha Garoonka. Kheyre ayaa hadalkan ka sheegay gudaha Garoonka Kubada Cagta ee Stadiom Muqdisho xili uu halkaa maanta ku tagay booqasho, waxa uuna rajo ka muujiyay in dowlada Somalia ay jawaab degdeg ah ka bixin doonto howlaha uu u baahan yahay Garoonka.
-
British Prime Minister Theresa May on Thursday became the first UK leader to visit Kenya in 30 years, bringing security and development funding to East Africa's commercial hub and neighboring Somalia as Britain seeks to boost economic ties ahead of a bumpy exit from the European Union in March. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay illo wareedyo dhanka amaanka ah ayaa sheegaya in diyaarad siday Hub ay ka degtay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Illo wareedka aan xogtaani ka helnay oo ka tirsan Garoonka qeybta amniga ayaa sheegay in diyaarada Hubka keentay oo laga lahaa dalka Britain lagu magacaabo Royal Air. Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ee ka howlgala Garoonka Muqdisho ayaa inta ay diyaarada ku howlaneed dajinta isku gadaamay, iyadoo Hubka lagu raray Gaadiid waaweyn oo Garoonka qeybta AMISOM kusii diyaarsanaa. Hubka laga dajiyay diyaarada ayaa isugu jira noocyada culus iyo kuwa fudud, waxa uuna Hubkaasi u socday AMISOM. Diyaarad ayaa sidoo kale qeyb kamid ah Hubka u duulisay degaanka Bali-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay degan yihiin ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida oo garab ka helaaya AMISOM. Ciidamada AMISOM oo bilihii ugu danbeysay ka cawanaayay taageero la’aan ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaan ay duulan ku qaadan Saldhigyada Al-Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose. Si kastaba ha ahaatee, Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa xiliyada habeenkii waxaa ka daga diyaarado aad u waaweyn kuwaa oo la tilmaamo inay saanad u wadaan ciidamada reer galbeedka iyo kuwa AMISOM ee jooga Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu Aqalka Cad ka tagayo garyaqaankiisa Don McGahn bilaha soo socda. Madaxnaha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in go’aankan uu ka dambeeyay kadib markii la ansixiyay magacaabistiisa ee maxkamadda sare. Balse waxaa la sheegayaa in Aqalka Cad uusan ku qanacsanayd wada shaqaynta uu ninkan la yeeshay guddiga baaraya fadeexadda Ruushka ee Robert Mueller. Waa iska caadi ah in abukaatayaasha Aqalka Cad ay yimaadaan, kadibna tagaan maamulada Maraykanka. Balse Mr McGahn waxa uu ka mid tahay dad badan oo ka tagay Aqalka Cad , madaxweynaha awgiis. Qof ku dhow garyaqaankan ayaa wargeyska Washington Post u sheegay in uu qorsheynayay in uu tago, balse uusan la wadaagin madaxweynaha, aadna ula yaabay in madaxweynaha uu hadalkan kasoo fulay. Waxaa la sheegay in muddo 30 saacadood ah uu fadhiyay illaa 3 wareysi oo waaxda caddaalada Maraykanka kala yeelatay farogalinta Ruushka. Sida uu ku waramayo wariyaha BBC-da Anthony Zurcher, tagitaanka garyaqaankan oo ka ahaa dadkii udub dhexaadka u ahaa maamulka Trump ayaa muujinaysa in aysan ciddina ku badgali doonin sii haynta xilalka, kana sii hoos shaqayn kara Trump si kasta oo uu qofkaas u adagyahay. Don McGahn ayaa la sheegay in ay madaxweynaha isugu dhaceen arrimo badan oo muhiim ah oo xagga sharciga ah, kuwaas oo garyaqaanka ku adkaystay aragtidiisa, madaxweynaha uu rabay siyaabo kale. Dad badan oo garabka Trump ayaa ka xumaaday warka ah in uu ninkan ka tago xilka, waxaana xitaa ka mid ah hoggaamiyaha xisbiga jamhuuriga ee Aqalka Congress-ka Mitch McConnell , kaas oo ku tilmaamay arrin murugo leh.