-
Content Count
206,298 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online)- Maamulka Somaliland ayaa si kulul uga jawaabay haddal kasoo yeeray maamulka Puntland kaa oo ku saleysnaa dagaalka ka socda gobolka Sool. Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in C/weli Gaas uu ololinaayo colaada Sool, waxa ayna ku tilmaameen mid colaad u joog ah. Xukuumada Somaliland waxa ay tilmaantay in C/weli Gaas uu u gafay jiritaanka dadka Gobolka Sool, isagoo meel uga dhac ku sameeyay culimada iyo dadka kale. AKHRISO WARBIXINTA AY SOMALILAND KASOO SAARTAY HADALKA GAAS Maamul goboleedka Soomaaliya ee Garoowe ee uu ka taliyo Cabdiweli Cali Gaas, ayaa ka hor xaqiijiyey Baarlamaanka gobolkiisa inay ka go’an tahay inuu si sharciga ka baxsan oo xad-gudub ah duullaan ugu qaado gobollo ka mid ah dhulka Somaliland ee ku suntan xuduudaha caalamiga ah ee uu ka tagey isticmaarku, isla markaana hore u ayideen ururka midnimada afrika shirkoodii ka dhacay Qaahira 1964kii, isagoo ku andacoonaya xuduud ku dhisan reernimo, taasi oo haddii si heer caalamiya iyo mid goboleedba wax laga qaban waayo daandaansiga iyo gardarada Cabdiweli ay horseedi doonto in xuduudaha dalalka Afrika aanay ahaan doonin sida ay maanta yihiin, gaar ahaanna kuwa mandaqada Geeska Afrika. Cabdiweli Gaas wuxuu fadeexadeeyey oo ceeb aanay geyin dusha u saaray dadka reer Sool ee Sheekh iyo shariifba leh, isagoo ku tilmaamay inay yihiin dad mushahar ku beddesha masiirkooda, iyadoo marka dib loo dhugto taariikhda ay dadka reer Sool yihiin kuwo door shariif ah kaga jira sooyaalka taariikheed ee xornimo u dirirkii Soomaalida, gaar ahaan Somaliland iyagoo taas mid la mid ah ka qaatay halgankii dib u dhiska qaranimo iyo difaaca JSL. Sidaas awgeed, waxaanu leenahay dadka xurmada iyo sharafta leh ee reer Sool xaal ka sii deelqaafkaaga joogtada ah, sidoo kale sidaad ku sheegtay maaha dad ciil qabayaal ah ee waa dad gob ah oo aan weligood yeelin wax cid kale ku sandullayso. Waxa kale oo aanu u sheegaynaa Cabdiweli Gaas in Laascaanood aanay noqonaynin waqooyiga Gaalkacayo, Buuhoodlena noqonayn Qardho, sidaas darteed waxaa u habboon inuu dadkiisa ka daayo beenta iyo beerlaxowsiga uu kursigiisa ku xejisanayo ama uu ku sallaxanayo muddo korodhsi ku salaysan marmarsiiyo colaadeed oo ah dagaalka uu kaga dhawaaqay maanta baarlamaanka Garoowe hortiisa. Riyada beenta ah ee maamul-goboleedka Garoowe, waxaanu kor iyo hoosba ugu bayaaminaynaa, uguna celcelinaynaa in gobollada uu sida gardarada ah ugu taamayaa ay ka mid yihiin, kana mid ahaan doonaan waligood dhulka JSL, Cabdiweli iyo cid kale oo wax ka beddeli karta xuduudahayagana aanay jirin, annagoo ciidan iyo shacbiba heegan u ah inaanu dacar leefsiino cid kasta oo nagu soo xadgudubta. Ugu dambayn, waxaanu xasuusinaynaa maamulka Garoowe in Somaliland ay marwalba diyaar u tahay in wada-hadal nabadeed lagu dhammeeyo arrinta u dhexaysa Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo la raacayo qoddobadii hore labada dhinac ugu heshiiyeen ee ka soo baxay shirkii London ee Feberwari 2012kii, qoddobadaasi oo ka fuli waayey dhinaca Soomaaliya, sida “in wadahadallada labada dhinac xuduudahoodu noqdaan sidii labadii dal ee ay kala xukumi jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.” Wixii ka horreeyey 26kii June 1960kii.” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Ethiopia:Nine arrested in attack on Abiy rally; 165 injured
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
At least one person was killed and 165 injured when an explosion rocked a rally in Meskel Square in Addis Ababa, the Ethiopian capital, as Prime Minister Abiy Ahmed completed his address. Source: Hiiraan Online -
Kismaayo-[Puntland Post]-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa cambaareeyay Qaraxii lala eegtay dad dibadbax ka dhigayay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaas oo uu tageerayaashiisa kula hadlayay Ra”iisul Wasaaraha dalkasi Dr Abiy Axmed. Madaxweynahu wuxuu sheegay in falkaasi uu ahaa xadgudub iyo danbi weyn oo loo gaystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan isagoo sheegay in Cadaalada la horkeeno kuwii falkaas ka danbeeyay. Madaxweynahu wuxuu eheladii iyo qaraabadii dadkii ay dhibtu gaartay uga tacsiyeeyay isagoo hoosta ka xariiqay in uu la qabsanayo Xanuunka iyo Tiiranyada kuwa halkaas ku waayay Saxiibadood iyo dadkii ay Jeclaayeen. Waa Madaxweynihii Ugu Horeeyey Ee Maamul Goboleed Oo Ka Hadlay Qarixii Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya shalay ka dhacay. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Axmed Madoobe oo ka hadlay Qaraxii ka dhacay Addis Ababa appeared first on Puntland Post.
-
Ka aqoonyahan ahaan wax dhib ah uma arko in wixii dhacay (somaliya iyo itooboiya dhexdooda) 100 kii sano ee ugu dambeysay laga heshiiyo si hore loogu socdo oo adduunka wax loola qabsado, Laakiin waa in lagu dhiso xiriirka cusb hab isu dheeli tiran oo aan markale cidna u saamaxeyn in ay ku xadgudubto cidda kale. Waxaa jira waxyaabo badan oo ay dhici karto in laga wada shaqeyn waayo taasoo ka imaaneyso in aan isfahamku caddeyn oo mugdi badan ku jiro, waxyaabo badan oo muhiim ahna aan qoraalka lagu muujin, ayna tahay in marka la kala saxiixanayo heshiisyada ugu dambeeya ee is afgaradkaan la caddeeyo mugdigana laga saaro, loona gudbiyo golayaasha qaran ee sharci dejjinta. Waxaa ka mid noqon karo wax yaabaha qarsan kow iyo tobanka shey ee soo socota iyo kuwa kale: In sida Itobiya u difaacaneyso midnimadeeda somaliyana u difaacato, ayna Itobiya caddeyso mowqifkeeda ku aadan soomaliya midnimadeeda iyo sifada joogitaankeeda iyo xafiisyada ay hadda ku leedhay meela badan oo somaliya ka mid ah, marka laga reebo ciidamada qaybta ka ah nabad ilaalinta somaaliya ee AMISOM. Itoobiya in ay boqol milyan ka badan tahay shacab ahaan xaq ma u siineyso in ay hesho sami ka badan ka soomaliya heleyso, marka wax la wada qaybsanayo ama maalgashi dhacayo. Maxaayeelay dhulka Somaaliyaa iska leh ciddi maalgashi sameysato waqti ayaa loo qabanayaa uu ku soo dhamaanayo maalgashigeedu taasi waa arin muhiim ah. Soomaaliya shuruuc maalgashi shisheeye ma’u diyaarsan tahay oo gorgortan ma gelikartaa ay ku guuleysan karto, jawaab ayey u baahan tahay, haddii jawaabtu maya noqoto heshiiska waa in dib loo dhigo si aan dalkaan khatar loo gelin. Waxaa iyaduna aad muhiim u ah in adduunka isbeddel xoog leh ee xagga technolojiyada uu ka socdo, sidaas aawgeed hishiisyada muddada dheer aad ayey mustaqbalka khatar u yihiin, waana in la xusaa heshiis kasta waqtigiisa oo lasoo gaabiyey, lana cusbooneysiinkaro. Haddii Itoobiya bad u baahan tahay Somaliya bad uma heyso Itoobia waxaysa u dhib yareyn kartaa in ay si sahlan wax ula soo degto ama u dhoofsato, taas oo ah maslaxad laba geesood ah. Waxaa Soomaliya u muhiim ah in ay heshiis kasta oo ay Itobiya la geleyso lagu caddaayo xaqa soomaliya u leedahay biyaha webiyada Jubba iyo shabeelle oo hadda dhib ka jiro ayna waddo (ITOOBIYA) barnaamijyo biyahooda lagu kontroolayo, waa in heshiiska lagu caddeeyo in aan Soomaliaya Biyaha lagu ciriiryin oo siyaasadda laga saaro, is fahamkii dhacay kama muuqan arrintaani. Arrinka khatarta badan leh ee is fahamka ku jira waa kan lagula gelayo Itoobiya in ay magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya qunsuliyado ka furato, taas oo u muuqata baahi aan jirin laakin dan qaas ah laga leeyahay, una baahan in laga digtoonaado. Waxaa dowladda Nabad iyo Nolol kula tali lahaa in ay ka fiirsato arrimaha khuseeya amniga dalka iyo amniga wax soosaarka. Ganacsiga ka dhexeeynaaya labada waddan waa in uu noqdo mid isku miisaaman, haddii kale waxa la weyn doonaa Soomaali wax soo saara, taas oo lagu heli karo kaliya in waxa la’isu dhoofo la’isu miisaamo liisna lagu qoro, lagana fogaado waxa soomaalidu soo saarto in la ragaadiyo oo suuqa laga saaro. Dowladda waxa la sugayaa in ay maalgashi iyadu raadsato ee aan laga maamulin daaha gadaashiisa, ciddii aan ferderalka soo marinna aan aqoonsi la siin, si qarannimadeenu u nabadgasho. Dhulka waxa iska leh jiilal aan dhalan, kuwa hadda jooga ka hor, waa in looga tago dhaxal aan muran ku jirin. GUNNAANAD Dowladda waxa looga fadhiyaa in ay la timaado siyaasad isu dheeli tiran oo ka tarjumeysa midnimada qaran u madax bannaan danaha dadkiisa dalkiisa iyo diintiisa, oo aan loo yeerin waxa uu u baahan yahay dalkoodu. Dhulkeennu waa qani waana heli karnaa maalgeshadayaal aan qarankeenna duulaan ku aheyn. W/ Q. Dr. Inj. Axmed Cumar Calasow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga mucaaradka ah C/raxmaan C/shakuur ayaa qoraal ku muujiyay sida uu uga soo horjeedo dowlada Ethiopia oo heshiis la gashay Somalia, isla markaana saaxiib isaga dhigta Somalia. C/raxmaan C/shakuur waxa uu sheegay in Ethiopia ay tahay dowlad cadow ah waxa uuna tusaale usoo qaadanayaa cadeymo uu horay usoo arkay. HOOS KA AKHRISO QORAALKIISA OO DHAMEYSTIRAN. Siyaasigga Soomaaliyeed markii uu mucaaradka yahay, Itoobiya waa cadow soo jireen ah oo aan ogolayn in ay Soomaaliya lugaheeda ku istaagto, waa dawlad Kirishtaan ah oo rabta in ay aduunka afhayeen inooga noqoto, laakiin markii uu xukunka helo, Itoobiya waa deris lama huraan ah,waa walaal, waa dal Muslinku badanyahay, waa bog cusub, waa taariikhi. Sababta durbadii soo muuqata waa kursi xajisasho iyo xukun jacayl, laakiin mid kale oo aan ka dhicin ayaa jirta. Professor Eritrean ah oo Jaamacada London wax ka dhiga oo aan dhowr iyo toban sano hoteed sheeko wadaag ahayn, aadna u daneeya siyaasada Geeska Afrika, ayaa maalin maalmaha ka mid ah wuxuu i waydiiyey, imisa xarun cilmi baaris ayaa Soomaaliya ku taala oo Arrimaha Itoobiya lagu derso? waxaan ku iri fili maayo in ay hal xarun xitaa jirto. Dagaaladii ka horna ayuu I yiri ? Ma maqal meel Arrimaha Itoobiya lagu derso ayaan ugu jawaabay. Inta uu aad u yaabay ayuu yiri oo hadaba sideed Itoobiya u fahamtaan? Waxa dagaal idin dhexmaray, xiriirka nabad iyo colaadba leh muxuu ku salaysanaa?. Waxaan ugu jawaabay, xaallada xiligaa taagan iyo wixii Ilaaheey naga garadsiiyo. Wuxuu igu yiri Cabdiyow, sidaan caqli gal maaha ee Itoobiya waa dal aad deris tihiin shar iyo kheyrba waa in aad derastaan Itoobiya oo aad si fiican u fahamtaan. Maalintaas ka dib waxaan shakhsi ahaan si aad ah isugu hawlay in aqriyo, lana socdo arrimaha Itoobiya iyo dhacdooyinka siyaasadeed ee dalkaas. Itoobiya si fiican ayey inoo taqaaan, laakiin inagu ma naqaan. Shucuubta Geeska Afrika waxay dani ugu jirtaa nabad ku wada noolaasho, is ixtiraam iyo is qadarin, taasina ma dhici karto inta go’aanka siyaasiga uu ku dhisanyahay dantiisa gaarka ah, caadhifad iyo aqoon la’aan. Haddaba, waxaan u soo jeedinayaa bahda Akadeemiyada Soomaaliyeed meel kasta oo joogaan in ay arrinkaas gacan ka gaystaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Tunis (Caasimada Online) – Golaha midowga Imaamyada dalka Tuunisa ayaa ugu baaqay muftiga weyn ee dalkaas, inuu dadka ku dhiiri-geliyo inaysan sanadkan xajka aadin, sababo la xiriira qiimaha sare iyo xaqiiqda ah in lacagta xajka loo adeegsado dagaallada Sacuudiga uu ka wado dalal badan oo muslim ah. Warbahainta dalka Tunisia ayaa ku warramay in xogahayaha guud ee golaha Imaamyada Fadhel Ashour uu yiri “Waxaa wanaagsan in lacagta lagu bixiyo in lagu hormariyo xaaladda nololeed ee dadka Tunisia”. “Sacuudiga waxay lacagta ay ka helaan xajka u isticmaalaan gardarrada ka dhanka ah dalalka Islaamka sida Syria iyo Yemen, taasi oo ka hor-imaneysa shareecada islaamka” ayuu yiri. Wasiirka arrimaha diinta dalka Tunisia, Ahmed Adhoum ayaa horey u sheegay in sanadkan ay xajka soo codsadeen 236,000 oo qof, hase yeeshee ay bixi doonaan kaliya 10,892 qof. Sacuudiga ayaa faro-gelin xooggan ku haya dalal badan oo islam ah sida, Falastiin, Soomaaliya, Lubnaan, Yemen, Qatar iyo Suuriya. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa waxaa ay dib u bilowday dhoofinta Malayga 30 sano burburkii xukuumaddii dhexe J.D ee Soomaaliya. Ganacsatada gudaha Soomaaliya ayaa bilaabay in ay malayga u dhoofiyaan dalka aan dariska nahay ee Kenya, arrintan ayaa waxaa timid sidoo kale markii ay yaraatay burcad badeeddii xeebaha. Ganacsatada Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegaya in daggaallada sokeeye iyo warshado la’aan ay markii hore ka hor istaageen dhoofinta balse hadda ay heleen warshado cusub, qaboojiyeyaal iyo qalabkii loo baahnaa si ay malayga u dhoofiyaan. Soomaaliya malayga caan ku ah waxaa ka mid ah Kingfish iyo tuna, taasi oo haddii dib loo bilaabo suuq badan yeelan-doonta. Kenya waxaa ay bilowday dhowaan inay malayga ka keensato dalka Shiinaha, kadib markii ay wax ku tari waayeen malayga uga yimaada xeebteeda iyo Lake Victoria. Ganacsatada Soomaalida ayaa helay fursad qaali ah oo malayga ku geyn karaan gudaha Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Juabbaland ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada AMISOM ay ku fashilmeen sugida amniga deegaanada maamulka kadib markii ay dayaceen howlihii loo igmaday. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa qiray in ciidamada AMISOM ay aad uga hoos mareen heerkii laga filaayay waxa uuna cadeeyay inay u muuqaneyso in AMISOM ay la soo daristay mas’uuliyad xumi dhanka amaanka ah. Wasiiru dowlaha waxa uu sheegay in ciidamda AMISOM ay howlaha amni kusii daayen keliya ciidamada maamulka, waxa uuna cadeeyay in taasi ay ka dhigan tahay in AMISOM ay sabab u tahay awoodaha ay lasoo baxayaan Al-Shabaab. Wasiiru dowlaha, waxa uu tusaale usoo qaatay weerarada jid galka ah oo Shabaab ay kageysanayaan deegaanada Jubbaland, kuwaa oo uu cadeeyay in inta badan ay la kulmaan ciidamada maamulka halka ay AMISOM ka jiifatay aminiga. ‘’Waxan xaqiijinayaa in AMISOM ay sabab u tahay awoodaha ay lasoo baxeen Al-Shabaabka maadaama aysan qaadin weeraradii loogu tallo galay inay ku ugaarsadaan Shabaabka’’ ‘’AMISOM waxa ay nagu cidleysay howlgaladii waa nasiib daro ineysan la shaqeyn ciidamada maamulka maadaama ay sii kordhayaan weerarada Shabaabka’’ Waxa uu sheegay in awooda ay Al-Shabaab weerarada ku geystaan ay keentay abaabul xumo dhinaca dagaalka ah,taasina ay sababtay in Al-Shabaab ay awoodooda xoogeysato. Maamulka gobolka Gedo ayaa horay u sheegay in degaanada Gobolkaas ay ku soo qul quleen Al-Shabaabkii ugu badnaa,isla markaana ay ka soo weerar tagaan. Haddalka Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil, ayaa muujinaaya inaanu jirin wada shaqeyn wanaagsan oo maamulka kala dhexeysa ciidamada AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Women in Saudi Arabia have been eagerly waiting for this day for a long time. Starting June 24 at midnight local time (today at 10pm London time, 5pm New York time)…. Source: Hiiraan Online
-
The Djibouti Consular to Somaliland, Hon. Hussein Omar Kawaliye has announced that the consulate will start registering all Djibouti retired nationals currently residing in nationwide. The Djibouti representative has called on its citizens to come and get registered at consulate office and the registration will start on the 23rd of June, 2018. Hon. Kawaliye has said the mission behind the registration is about strengthening the cooperation between the consulate and Djibouti nationals. It is informed that all retired Djibouti citizens must show their identification upon arrival at the embassy so as to get registered. The Consulate said that it all suspended its other duties and embarked on the registration of pensioners in Somaliland.
-
ADDIS ABABA, Ethiopia (AP) - A thwarted attempt to hurl a grenade at Ethiopia's reformist new prime minister led to a deadly explosion Saturday at a massive rally in support of sweeping changes in Africa's second most populous country. Nine police officials were arrested, state media reported. Source: Hiiraan Online
-
WAJALE– Minister of Agriculture, Hon. Ahmed Mumin Seed flanked by the ministry’s Director General Hon. Ahmed Ali Maah toured on Saturday Wajale government run farming initiative. The ministry of Agricultural Development is spearheading a campiagn across the nation which is encouraging farming community to plant more so that the nation reaches self sufficeincy in food production and discourage the country importing food from overseas. The minister speaking said that the mission is to spur food production in Somaliland and reduce the country’s banking on imported food from abroad. The ministry planted beans, sorghum, maize and sesame in the farm. There are three farming projects that the ministry of agriculture is running including Beer, Wajale and Xaaxi.
-
Qaar kamid ah culumadda Puntland Furitaankii kalfadhigii 41-aad ee baarlamaanka Puntland ee maanta ayaa ka duwanaa kuwii hore marka la eego ka soo qeyb galayaasha. Isimadda Puntland ayaa maanta ka soo muuqan xarunta baarlamaanka Puntland, iyadoo badalkooda xarunta lagu dhex arkay qaar kamid ah culumada Puntland oo aan horey loogu arki jirin kalfadhiyada baarlamaanka Puntland. Warar xog ogaal ah oo ay heshay warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegaya in qaar kamid ah Isimadda Puntland ugu miisaanka culus oo lagu casumay furitaanka kalfhiga 41-aad ee baarlamaanka Puntland ay ka gaabsadeen in ay ka qeyb galaan. Sababta Isimadda Puntland uga qeyb gali waayeen furitaan khalfadhigii ugu danbeeyay ee baarlmaanka Puntland ayaa lagu sheegay, kadib markii maalmihii dambe ay soo baxeen warar sheegaya in baarlamaanka iyo xukuumadda ay doonayaan muddo kororsi, inkastoo aan arintaas maanta looga hadlin furitaankii baarlamaanka. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa horey u sheegay in doorashada Puntland ay shaceyso xiligeedii oo ahaa 8-da Janaayo ee sanadka 2019-ka, waxaana arintaas soo dhaweeyay siyaasiyiin u taagan madaxtinimada Puntland. Golaha baarlamaanka Puntland ayaa muddo xiliyeedkoodii dastuuriga ahaa ee 5 sano waxaa uga dhiman wax ka yar 5 bilood, halka golaha xukuumadda ay u dhiman tahay muddo 6 bilood ah, waxaana dagaal ka furan yahay gobolka Sool, kaas oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland Dastuurka Puntland qodobkiisa 29-aad ayaa qoraya in golaha xukuumaddu ay si ku meel gaar ah xaalada deg deg ah u galin karaan Puntland muddo 30 beri ah, haddii ay dhacaan dagaal dalka lagu soo qaado, masiibooyin dabiici ah, cudurada faafa, gadood iyo xasilooni darro. Sidoo kale dastuurka Puntland ayaa dhigaya in haddii 30 beri kadib ay wali taagan yihiin xaaladihii deg dega keenay ee ay soo rogeen golaha xukuumaddu in muddo kale oo 30 beri aan ka badnayn ay kordhin karaan baarlamaanka Puntland. Tan iyo asaaskii Puntland 1998-dii waxaa dhacayay muddo kororsi ay sameynayeen dhamaan madaxdii soo martay Puntland. PUNTLAND POST GAROOWE The post Isimadda Puntland oo aan ka qeyb galin furitaankii baarlamaanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Qarax xooggan ayaa lala eegtay Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa. Emmerson Mnangagwa, ayaa Qaraxa lala eegtay xili uu ku sugnaa garoonka kubadda Cagta Bulawayo halkaasi oo uu ka jeedinaayay Khudbad. Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa ka dhacay meel u dhow halkii uu taagnaa Madaxweynaha Zimbabwe, waxaana la sheegay in Madaxweynaha uu badbaaday oo aysan waxyeelo soo gaarin. Khasaaraha ka dhashay Qaraxa ayaa la sheegay inuu ku kooban yahay taageerayaasha Madaxweyne Emmerson Mnangagwa. Dhaawacyada ayaa la xaqiijiyay inay kor u dhaafayaan ilaa Lix kuwaa oo kamid ahaa taageerayaasha Madaxweynaha. Qaraxan ayaa sidoo kale ku soo aadayo xilli maanta qarax uu ka dhacay Goob uu hadal ka jeedinaayey Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.
-
Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer kadis ah ku tagay Dugsiga Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Janaraal Gordon ayaa sheegay in dowladdu ay dejisay qorsheyaal muhiim u ah dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida. Madaxweynaha waxa uu hadal u jeediyey Guutada 14-ka Oktoobar ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona ku bogaadiyey Saraakiisha Soomaaliyeed ee u istaagay in ay soo saaraan geesiyaal dhallinyaro ah oo ay ka go’antahay xoreeynta dalka iyo in ay shacabka Soomaaliyed ka dul qaadaan dhibaatada ay ku hayaan argagixisada Alshabaab. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhiirri geliyey ciidankan oo dhawaan ku wajahan furimaha dagaalka, sida ay u ajiibeen baaqiisii ku saabsanaa difaaca dalka “Waxaan idin ku ammaanayaa in aad ajiibteen codsigaygii ku saabsanaa in la helo mutadawiciin ka qeyb qaata difaaca dalka, Waxaan rajeynayaa in aad noqotaan kuwii ka xoreeyn lahaa dalkan nabaddiidka caadeeystay in ay si arxan darro ah u daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.” Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan talisyada kala duwan ee Guutada 14ka Oktoobar, kaydka saanadda iyo saheyda ciidanka, rugta caafimaadka ee dugsiga Janaraal Gordon iyo goobaha ay ku tababartaan ciidanku. Kormeerkan waxaa Madaxweynaha ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Mudane Xasan Cali, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod, Taliye Ku Xigeennada iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka.
-
An explosion rocked a stadium in Zimbabwe where President Emmerson Mnangagwa was addressing a political rally on Saturday, his spokesman said, adding the head of state was unhurt and taken to safety. “There has been an incident at Bulawayo (White City Stadium) where the president was addressing a rally. This is now a police issue but the president is safe at Bulawayo State House,” spokesman George Charamba told Reuters. “We are still to get information on what exactly happened as we understand that some people could have been injured as this happened in the VIP tent.” Police were not immediately available for comment. Footage from Zimbabwe state television showed the explosion took place near Mnangagwa as he waved to supporters. Mnangagwa was speaking at his first rally in the second city of Bulawayo, an opposition stronghold where the ruling ZANU-PF has not won in national elections since 2000. Zimbabwe holds its presidential election on July 30, with 75-year-old Mnangagwa and 40-year-old Nelson Chamisa, the leader of the opposition Movement for Democratic Change, the main contenders. Source: – Reuters
-
A blast was heard at a rally in Ethiopia’s capital Addis Ababa on Saturday following a speech by the country’s new Prime Minister Abiy Ahmed, a Reuters witness said. The rally was being held in support of the 41-year-old leader, who took office in April. “It was a grenade. Someone tried to hurl it to the stage where the prime minister was in,” Seyoum Teshome, a member of the organizing committee, said. Source: – Reuters
-
The Africa Union Mission in Somalia (AMISOM) on Saturday dismissed media reports that its troops are not working closely with Somali forces to degrade extremist group al-Shabab. The AU mission said the reports claiming that AMISOM troops are not fully committed to work together with Somali Security Forces to defeat and downgrade the militants are not true. The AU mission said its peacekeeping force is collaborating with the Somali security forces to build capacity and bring stability in the Horn of Africa nation by setting up governance structures in areas AMISOM had liberate. “AMISOM reiterates its commitment to support the government eliminate al-Shabab and continue building capacity of the Somali Security Forces to ensure that all gains achieved so far are well secured and consolidated by the Federal Government of Somalia,” AMISOM said in a statement. The pan African troops are expected to relinquish the security of the key towns to the Somali forces, through a conditions based transition plan, to allow them to take the lead responsibility as part of the planned exit. Source: – Xinhua
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa war-saxaafadeed wuxuu ka soo saaray jaridda dhirta dhoofinta dhuxusho, waxaana uu digniin u diray dadka ku howlan dhoofinta Dhuxusha. HALKAN HOOSE KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA. Soo saaridda iyo dhoofinta dhuxushu waxay saamayn laxaad leh ku leedahay xaalufinta deegaanka, nabadgalyada iyo dhaqaalaha. Waxayna il wayn oo dhaqaale u tahay maleeshiyaadka iyo ururada argagixisada sida Al-Shabaab. Inkastoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay mamnuucay soo dejinta iyo dhoofinta dhuxusha Soomaaliyeed haddana wadamada Imaaraadka Carabta Midoobay, Baxrayn, Kuwayt, Cummaan iyo Iiraan ayaa u ah suuq muhiim ah dhoofinta dhuxusha Soomaaliyeed. Dhoofinta dhuxusha waa fal-dambiyeed lagu ciqaabi karo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed. Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka isagoo la kaashanayaa Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka wuxuu baaris qoto-dheer ku hayaa ka ganacsiga dhuxusha sharci darrada ah. Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu adkaynayaa in si buuxda loo fuliyo Sharci Lr. 6 (25/10/1969), Qaraarka Golaha Wasiirada Lr. 30 (19/04/2018), Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay S/RES/2036 (2012) iyo ee ku saabsan mamnuucidda, dhoofinta iyo soo dejinta dhuxusha Soomaliyeed si dadban ama si toos ah xataa haddii aanay dhuxushaasi Soomaaliya toos uga imaanin. Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu uga digayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa ama dibaaddiisa kuna lug leh dhoofinta dhuxusha sharci darrada ah inay joojiyaan faldanbiyeedkaa waxeyna wajahayaan ciqaabta ka dhalata faldanbiyeedkaas sida ku xusan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed. Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu la kaashanayaa baarista fal-danbiyeedkan iyo fulinta shuruucdaba hay’adaha sharci-fulinta caalamiga ah sida Afripol, Interpol iyo dalalka kale ee aan xiriirka wada shaqayneed leenahay. Dawladda Soomaliyeed waxay waydiisanaysaa ciidamada Caalamiga ah ee ka hawlgala badaha Soomaaliya ee la dagaalama burcad-badeedka iyo kalluumaysiga sharci-darrada ah inay hawlgaladooda ku darsadaan la dagaalanka dhuxusha sharci-darada ah. Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu ku adkaynayaa Hay’adaha Amniga Soomaaliyeed iyo AMISOM inay ku baraarugsanaadaan falalkaas sharci darrada ah wuxuuna ku boorrinayaa inay ka qaybqaataan baarista iyo fulinta Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay S/RES/2036 (2012) ee ku saabsan mamnuucidda dhoofinta iyo soo dejinta dhuxusha Soomaliyeed iyo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed. Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu amrayaa doomaha iyo maraakiibta lagu raro dhuxusha iney ka waantoobaan fal dambiyeedka wuxuuna caddeynayaa in lala wareegayo iyadoo loo marayo sida ay qabaan shuruucda dalka. DHAMMAAD Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
An explosion rocked a stadium in Zimbabwe where President Emmerson Mnangagwa was addressing a political rally on Saturday, his spokesman said, adding the head of state was unhurt and taken to safety. Source: Hiiraan Online
-
Bosaso[Puntland Post]-Shacabka ku dhaqan Magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari ayaa argtidooda ka khudbadii tay uu Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu ka jeediyey kala fadhigii Barlamanka Puntland ee Maanta. Hadalka Madaxweynaha oo u badnaa waxqabadka dawladiisa ayaa waxa sida oo kale ku jiray xoreynta gobalada ka maqan gacanta Maamulka Puntland. Shacabka Puntland ee ku dhaqan Bosaso ayaa qaar ka mid ah waxa ay qaban in uu wax badan qabtaya inta uu xilka hayey Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas halka qaar kalena ay qaban in uu ka gabiyeye baahiyo badan oo ay Puntland xiligan u baahantahay. Hoos ka dhageyso Codka shacbka Bosaso http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/06/DAHGEYSO-CODKA-SHACBKA-BOSASO-PUNTLAND-POST.mp3 CABDIQANI BOOS PUNTLAND POST The post ”SHACABKA BOSASO MAXAY KA YIRAHDEEN QUDBADII MADAXWEYNE GAAS EE MAANTA” appeared first on Puntland Post.
-
Qarax ayaa laga maqlay goob uu ka socday isu soo bax olole doorasho ah oo uu ka qeyb galayay Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa magaalada Bulawayo. Warbaahinta ayaa soo tabineysa in Madaxweynaha aanay waxyeelo ka soo gaarin qaraxa, isla markaana si degdeg ah looga saaray garoonka White City Stadium oo uu ka socday isu soo baxa. Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow meeshii uu taagnaa Madaxweynaha Zimbabwe, waxaana la sheegay in Madaxweynaha uu badbaaday oo aysan waxyeelo soo gaarin. “Madaxwayne Mnangagwa lama dhaawicin waxaa uu ku sugan yahay Aqalka Madaxtooyada Bulawayo,” afhayeenka madaxweyne George Charamba ayaa wargeyska u sheegay. “Baaritaannada ayaa socda oo faahfaahin dheeraad ah ayaa la siin doonaa dadweynaha” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Mnangagwa ayaa talada dalka la wareegay bishii November ee sanadkii hore, kaddib xukunka ka degay Robert Mugabe oo muddo soo xukumayay dalkaas 30-ka bisha July ayaa la filayaa inay ka dhacdo Zimbabwe doorasho, taasoo noqoneysa markii u horeysay oo aanu Mugabe xukunka aheyn tan iyo 1980-kii markii madax banaanida uu qaatay dalkaas. Qaraxaan ayaa kusoo aadayo xilli saacado ka hor la qarxiyey barxad uu ka khudbeenayey Ra’isulwasaaraha Itoobiya, iyadoo wararka laga helayo Adis Ababa ay sheegayaan inay dhinteen ilaa 4 qof halka in ka badan 100 kale ay ku dhaawacmeyn.