-
Content Count
206,303 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Taliyaha Ciidamada Xoogga Somalia, Jen. C/weli Jaamac Gorod ayaa uga digay ciidamada Dwladda inaysan isticmaalin waxyaabaha maanka dooriya oo uu ka mid yahay Qaadka/Jaadka. Jen. Gorod ayaa sheegay inay askarta mamnuuc ka tahay daraagiska, gaar ahaan Qaadka xilliyada ay waajibaadka Qaran gudanayaan, isagoo sheegay inaan shaqo loo dirsan karin ciidamada qaadka cuna. “Dhammaan Ciidanka Xoogga dalka waa ka mamnuuc Qaadka ama Jaadka, wixii qaadka cuna ee Villa Somalia ku jira dibadda ayaa looga saarayaa, tuutaha iyo qoriga ay wataanna waa laga reebayaa,” ayuu yiri Jen. Gorod. Taliyaha ciidamada xoogga dalka Somalia ayaa hadalkan ka sheegay xaflad tababar gaar ah loogu furayay boqolaal askari oo ka mid noqonaya ilaalada gaarka ah ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya. Ciidamada kala duwan ee Somalia ayaa lagu dhaliilaa inay jaadka si aad ah u cunaan xilliyada ay gudanayaan waajibaadyadooda shaqo, waxaana taas ay sababtaa mararka qaarkood inay awoodi waayaan inay iska difaacaan kooxaha soo weerara. Sidoo kale, Madaxdii hore ee Somalia ayaa dhawr jeer uga digay ciidamada inay isticmaalaan Qaadka oo sabab u noqda inta badan inay ciidamadu sida la rabo u gudan waajibaakooda, mararka uu qaadku soo dhacana ay gabi ahaan dayacaan hawlahooda shaqo. Waa markii ugu horreysay oo Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Gorod uu si cad uga digo ciidamada xoogga dalka cunista jaadka, waana mrkii ugu horreysay oo la sheego in Askari Qaad cuna uusan ka hawl-geli doonin Villa Somalia. Ugu dambeyn, Magaalada Muqdisho ayaa ah magaalada uu jaadka ugu badan yimaado maalin walba, waxaana Qaadkaas intiisa badan cuna askarta dowladda Somalia, kuwaasoo qaarkood lagu arko waddooyinka iyagoo Qaad Ruugaya. PUNTLAND POST The post Millateriga DF oo looga digay Isticmaalka Maandooriyeyaasha uu ka mid yahay Qaadka appeared first on Puntland Post.
-
Tababar si wadajir ah u wadaqabanayaan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee DFS iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Puntland ayaa maanta lagu qabtay caasimadda Garoowe , Tababarkan oo la xiriira waxbarashada madaniga ah iyo dastuurka. Tababarkan oo socon doona muddo labo maalmood ah, waxaa ka qaybgalaya xubno ka socday , masuuliyiinta labada wasaaradood,madaxda Bulshada Rayidka ah ,Haweenka,Dhalinyarada,Ardayda Jmaacadaha,Aqoonyahano ,lataliyaal iyo Marti sharaf kale. Ku-simaha Agaasimaha Wasaarada arrimaha dastuurka Yuusuf Ibraahim Saalax oo sharaxaad ka bixiyay ujeedada tababarka loo qabtay, wuxuu sheegay in tababarkan tababarayaasha looga dan leeyahay sidii bulshada Puntland lagu gaarsiin lahaa wacyigelinta waxbarashadda Madaniga,iyadoo loo tababaray dad aqoon durugsan u leh shuruucda iyo dastuurada Puntland & kan Soomaaliya. Kulanka waxaa uu si rasmi ah uu furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee DFS Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr isagoo uga mahadceliyay Bulshada Rayidka Puntland sida baaxadda leh ee ay tababarka uga soo qeybgaleen, wuxuuna sheegay in tababarka looga gonleeyahay in lagu daadejiyo dib-u-eegista Dastuurka, dhamaan qaybaha bulshada oo ka soo qaybgalay tababarka maanta ayuu kula dardaarmay inay tababarka sii gaarsiiyaan dhamaan deegaanada. Dhinaca kale, waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka Puntland iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka Dallada ay ku mideysanyihiin Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA, waxayna si wadajir ah u ballanqaadeen in tababarkan ay gaarsiin doonaan dhamaan deegaanada Puntland. Tababarkan ayaa mid noociisa waxa Wasaaradda horay ugu soo qabatay qaar kamid ah magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, waana mid dadka Soomaaliyeed loogu diyaarinayo sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka, sidoo kale, Tababarkn mid la mid ah ayaa loo qaban doono shaqaalaha iyo howlwadeenadda dowladda Puntland,kaasi oo bilaaban maalinta Talaadada oo ku beegan 26 bishan June 2018ka. Halkaan ka eeg sawirada. PUNTLAND POST The post Wasaradaha Dastuurka heer Federaal iyo Puntland oo Garoowe tababar ku qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dhameystirayay soo wareejinta maamulka hawada Soomaaliya. Munaasabadda oo lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaa ka qeyb galay wasiirro, Xildhibaanno, Guddiga labada aqal ee gaaadiidka iyo duulista hawada, gudoomiyaha haweenka qaranka Soomaaliyeed, aqoonyahanno iyo masuulyiin kale, iyada oo dhamaan masuuliyiintii ka hadashay ay ku ammaaneen xukuumadda sida ay dadaalka ballaaran ay u gelisay soo wareejinta hawada Soomaaliya oo ganacta dawladda ka maqneyd waqti dheer. Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa kula dardaarmay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabduulllahi Salaad (Oomaar), iyo dhammaan howl-wadeennada wasaaradda in ay laba jibaaraan dadaallada si loo gaaro guula kale oo wax ku ool ah. “Inkasta oo ay tahay in loo dabbaal dego horumar walba oo aan gaarno waxa aan aaminsanahay in aysan dhameyn wax loo dabaal dego. hase yeeshee in magaalada Muqdisho laga maamulo hawada Soomaaliyeed ay tahay tilaabo bilow ah oo ku aadan dariiqa saxda ah oo aan u socono”, ayuu yiri Ra’iisul Khayre. “Hadafkiinnu haka weynaado guusha aad gaarteen oo ha ahaado Soomaali Airlines aduunyada la tartami karta sidee loo helaa? Sharafta iyo karaamada ummada Soomaaliyeed sidee loo adkeyn karaa? inta yar ee aad qabateen ha idiin noqoto tusaala ah inta leydinka rabo in aad qabataan iyo inta aad qaban kartaan hase yeeshee marnba haku qancina sabata oo ah hadii aad ku qanacdaan waad is dhiganeysaan”, ayuu raaciyay Ra’iisul wasaare Khayre. Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa December 28, 2017 daah-furay maamulka hawada oo dib ugu soo laabtay gacanta Soomaaliya, March 28, 2018 shaqaalihii maamulka hawda Soomaaliya ee saldhiggoodu ahaa Nairobi ayaa Muqdisho la keenay si ay ugu shaqeeyaan, iyada oo 18-kii bishaan June si dhameystiran maamulku ugu soo wareegay Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Kheyre oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhameystirayay soo wareejinta maamulka hawada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Jen. C/weli Jaamac Gorod oo ah Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa soo saaray go’aan culus oo ka dhan ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Taliyaha ayaa si cad ugu sheegay ciidamada in laga mamnuucay isticmaalka waxyaabaha maanka dooriyo taasoo ay isticmaalaan inta ugu badan ciidamada dowladda. Taliyaha ayaa ciidamada dowladda si gaar ah uga mamnuucay qaadka xilliyada lagu guda jiro waabijaadka qaranka. “Dhamaan Ciidamada waa ka mamnuuc Qaadka, wixii Qaadka cuna ee Villa Somalia ku jira albaabka ayay ka baxayaan, Tuutaha iyo Qoriga ayaa laga reebayaa”ayuu yiri Taliye Gorod. Taliyaha ayaa wax aan la aqbali doonin ku tilmaamay inay Askara isticmaalaan qaadka waqtiyada ay shaqada ku jiraan, isagoo arrintaas ku sheegay inay tahay Mas’uuliyad darro iyo mid ka baxsan nidaamka ciidamada dowladda. Hadalka uu taliyaha kaga mamnuucay ciidamada inay isticmaalaan qaadka ayuu ka jeediyay tababar loo furay illaa 100 askari oo ka mid noqonaya Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ee loo yaqaano Koofiyo gaduudda. Inta ugu badan ciidamada dowladda ayaa isticmaalo qaadka, waana aaladda kaliya ay aaminsan yihiin inay ciidan ku ahaan karaan, waxaana la arkaa iyagoo jidadka iyo meelaha koontaroolada ah ku cunayo qaadka taasoo ah mid aan waafaqsaneyn shuruucda ciidamada iyo Anshaxa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra`iisul Wasaaraha xukumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal dagayay la soo wareegitaanka Hawada Soomaaliya oo muddo badan laga maamulayay dalka dibadiisa ayaa sheegay in ay ka midtahay horomarada socda ee dowlada ay ku talaabsaneyso, la soo wareegitaan Hawada. R/W Kheyre oo khudbad ka jeediyay munaasabada ayaa ka hadlay arimo badan wuxuuna RW Kheyre carabka uu ku dhuftay in dowlada Soomaaliya ay ka go`antay in ay dib ay usoo ciliso waxyaabaha ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed ee ka maqan. Xasan Cali Kheyre ayaa amaanay Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Oomaar, kaas oo uu sheegay in uu ka qeyb qaatay dadaaladaan la gaaray. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in waqtiagan dalka Soomaaliya uu dhinac walba ka gaaray horumar,isla markaana taasi ay sabab u tahay shaqa adag oo ay sameeyeen madaxda dalka. Waxa uu sheegay in dalkeena guulaha uu gaarey ay ka mid yihiin dhinacyada dhaqaalaha,Amniga,Siyaasada loo dhan yahay,dhinaca xiriirka Caalamiga ah iyo la-dagaalanka musuq maasuqa,isla markaana cid allaala cidii isku-dayda in dalka dib ay u celiso aan loo dul qaadan doonin. Ra’isulwasaare Kheyre ayaa yiri “Guul walba oo dalkeena uu gaaro waxay ku timaadaa dadaal badan oo la sameeyey,laakin waxaa jira kuwa ay dhibeyso mar walba in kobac dhaqaale iyo in horumar la gaaro laakin waxan leeyahay wuu dhamaaday waqtigii la’idiin dulqaadan jiray” “Inkasta oo ay tahay in loo dabbaal dego horumar walba oo aan gaarno waxa aan aaminsanahay in aysan dhameyn wax loo dabaal dego hase yeeshee in magaalada Muqdisho laga maamulo hawada Soomaaliyeed ay tahay tilaabo bilaaw ah oo ku aadan dariiqa saxda ah oo aan u socono”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre. “Hadafkiinnu haka weynaado guusha aad gaarteen oo ha ahaado Soomaali Airlines aduunyada la tartami karta sidee loo helaa? Sharafta iyo karaamada ummada Soomaaliyeed sidee loo adkeyn karaa? inta yar ee aad qabateen ha idiin noqoto tusaala ah inta leydinka rabo in aad qabataan iyo inta aad qaban kartaan hase yeeshee marnba haku qancina sabata oo ah hadii aad ku qanacdaan waad is dhiganeysaan”, ayuu raaciyay Ra’iisul Wasaare Khayre. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa December 28, 2017 daah-furay maamulka hawada oo dib ugu soo laabtay gacanta Soomaaliya, March 28, 2018 shaqaalihii maamulka hawda Soomaaliya ee saldhiggoodu ahaa Nairobi ayaa Muqdisho la keenay si ay ugu shaqeeyaan, iyada oo 18-kii Bishaan June si dhameestiran maamulku ugu soo wareegay Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Markab weyn oo sida gargaar loogu talagalay dadka ku nool deegaanada Jubbaland ee daadadku saameeyeen ayaa ku xaniban dekadda Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose. Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka Jubaland waxaa dekadda Kismaayo ka socda daabulidda dhuxushii ugu badneed ee dhawaan laga dhoofiyo Jubbaland, waxaana taagan ilaa iyo 24 doomood oo u diyaar ah in ay dhuxusha qaadaan. Ilaa iyo hadda ku dhawaad 10 doon ayaa la raray iyada oo wali shaqadu kusocoto in kabadan 10 kale oo la doonayo in dhuxul la saaro, howshaan ayaana habeenadii ugu dambeeyay si dardar leh uga socotay dekadda Kismaayo. Maamulka dekadda ayaa ku amray shaqaalaha Markabka in sugaan inta ay ka dhammaaneyso shaqada dhuxul dhoofinta, iyada oo xittaa loo diiday in ay dhulka yimaadaan, markabka iyo shaqaalaha saaran ayaana wali ku xayiran meel dhawr mayl u jirta dekadda. 100 baabuur oo ah kuwa Soomaalidu u taqaani indha-tareega oo sida dhuxul ayaana habeen walba gala dekadda kuwaas oo laga soo raro keydka dhuxusha ee maamulka jubaland uu ka sameeya Baar-caleen iyo Via Afmadow oo ku yaala duleedka Kisaayo. Madaxweynaha Maamulka Jubbaland iyo Ganacsato ayaana iska kaashanaya mashruuca dhoofinta dhuxusha iyada oo dadka degaankuna ay cabasho ka muujiyeen xaalufinta dhirta. Degmooyinka Jilib, Jamaame, Bu’aale, Saakow iyo Salagle oo katirsan jubbooyinka oo intaba ay Alshabaab gacanta ku hayaan ayaa laga jaray geedaha ugu badan ee dhuxusha, waxaana taas fududeeyay xiriir dhexmaray Maamulka Jubbaland iyo Alshabaab sida odaaysha dhaqanka ee degaanku xaqiijiyeen. Degaanada Jubbaland ayaa horey Alshabaab uga dhoofi jireen dhuxusha iyada oo waayihihii dambe arrintaas ay istaagtay kadib markii dowladda Soomaaliya iyo dalal Maraykanku ka mid yahay ay faragaliyeen laakiin hadda waxa ay u muuqataa in Jubbaland ay dib u bilaawday xaalufinta dhirta, taas oo keentay in nolosha dadku ay sii adkaato. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Muqdishxo (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada mucaaradka ku ah dowladda dhexe isla markaasna aan ku qanacsaneyn siyaasadda dalka lagu maamulayo ayaa weerar culus ku qaaday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada. Axmed Macalin Fiqi ayaa ugu horeyn sheegay inuusan la yaabaneyn go’aanka ay qaateen madaxda Maamul Goboleedyada isagoo ku tilmaamay inay yihiin xoolo doono. Balse wuxuu sheegay inuu la yaaban yahay dowladda dhexe taasoo uu ku sheegay inay ku shaqeeneyso caqli fooraro oo aan Saliim aheyn. Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay inay dowladda Soomaaliya heshiis la gasho dalka Itoobiya isla markaasna ay is hor istaag ku sameyso deeqo ay dowlado shisheeye siiyaan Maamulka Somaliland taasoo uu ku sheegay inay tahay tallaabo sii fogeeneyso inay midoobaan Somalia iyo Somailand. Hadda halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Axmed Macalin Fiqi soo dhigay bartiisa Facebook: Somaliland waa tan Dawladii dhexe iyo dawlad goboleedyadii ay halka mawqif ka wada istaageen in qorshe gaar ah beesha caalamku u samayso sidii Somaliland qeybteeda uga heli lahayd deeqaha beesha caalamku bixiso. Dawlad goboleedyada lama yaabani, oo laftoodu waa wax doon, laakin dawladda dhexe oo maalmo ka hor dekedahii Soomaaliya ugu deeqaysay dal kale, sababta ku qabsaysa in deeqo Dalal kale ka imaanaya in loo diido walaalaha Somaliland. Mise walaalnimadii Soomaaliyeed tan Itoobiya ayaa noo bedeshay! Arrintani waxay sii fogaynaysaa Somaliland, mana mudna in deeqo Dalal kale ay bixinayaan laga hor istaago dadkaas Soomaaliyeed, waxayna muujinaysaa mas’uuliyad darrada madaxda Villa Somalia iyo qeyb ka qaadashada sii kala fogaanshaha umadda. Itoobiya walalaayso oo Somaliland colaadi waa caqli foorara oo ka fog garashada saliimka ah, waa in go’aankaas wax laga bedelaa, oo caqli kaas ka duwan lala yimaadaa. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Ankara (Caasimadda Online) – Saxaafadda Reer Galbeedka ayaa weerar culus ku qaaday madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ee ku jira ololaha uu doonayo in dib loogu doorto, waxaana wargeysyada caanka ah ee dalalkaasi ay dadka Turkiga ugu baaqeen inay ridaan Erdogan. Faragelinta qaawan ee gaartay saxaafadda lagu tilmaamo inay xor tahay ee dalalka Ingiriiska, Jarmalka, Faransiiska iyo kuwo kale waxay caddeyn u tahay in reer Galbeedku aysan ogoleyn hoggaamiye islaami ah oo horumar gaarsiiyey dalkiisa, isla markaana la tartamaya dalalka reer Galbeedka xitaa haddii uu doorasho ku soo baxayo. Jariirada TIMES ayaa qoraal ay doorashada Turkiga ka qortay ugu baaqday dadka Turkiga inay heystaan fursad ay xukunka uga ridi karaan hoggaamiyaha kelitaliska ah ee ay ugu yeertay SULDAAN si dalkaasi loogu soo celiyo dimoqraadiyad. Wargeyska caanka ah ee Economist oo isna ingiriiska laga leayahay wuxuuna gaaray heer uu dadka codeynaya ee Turkiga u sheego inay Erdogan tusaan albaabkii uu ka bixi lahaa, si aysan awoodda ugu ururin hal shaqsi, dalkaasina looga badbaadiyo kelitalis. Wargeyska Guardian wuxuu qoray maqaal cinwaan looga dhigay: Erdogan wuxuu halis ku yahay Turkiga iyo Caalamka; waxaana qoraha maqaalkan uu ku doodayaa in hadda la gaaray xilligii Erdogan gurigiisa loo diri lahaa. Wargeyska Le point ee Faransiiska ayaa hore madaxweyne Erdogan ugu tilmaamay inuu yahay keligii taliye isku koobay awoodda daka Turkiga, una socdo inuu wada qabsado awoodda dalkaasi. Wargeyska caanka ah ee Jarmalka Der speigel ayaa isna raacay jidkaaasi isagoo Madaxweyanha Turkiga ku tilmaamaya keligii taliye dhibaato ku haya shacabka dalkiisa oo dadka Turkiga laga doonayo inay codkooda ku ridaan. Arrimahan oo dhan waxay caddeynayaan in reer Galbeedku caddow ku yahay cid kasta oo aan iyaga kaba-qaad u ahayn inay kasoo baxdo dalalka Islaamka, haba ku timaado si dimoqraadi ah. Caasimada Online Xafiiska aNKARA Caasimada@live.com
-
Ankara (Caasimadda Online) – Cod bixiyayaasha dalka Turkiga ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta ee lagu dooranayo madaxwaynaha iyo gudoonka baarlamaanka oo waqtigeedii laga soo hormariyay, waxaana loo arkaa in ay tahay doorashadii ugu adkeed ee soo marta dalkaasi Turkiga. Haddii uusan ku guulaysan codad ku filan waxa uu wareeg labaad la gaali doonaa Muharrem Ince, oo ah musharaxa midigta dhexe. Dowladda xisbiga talada haya ee AK ayaa sidoo kale lumen karta aqlabiyadii ay baarlamaanka ku lahaayeen. Waa doorashadii ugu horeysay ee Turkiga ka dhacda tan iyo intii uu dalkaasi ka dhacay afgombigii dhicisoobay. Marnaba taariikhdiisa casriga ah waddanka Turkigu sidaan oo kale doorasho uguma kala qaybsamin. Recep Dayip Erdogan-na weligii dagaal doorasho oo sidan u adag lama aanu kulmin. Hoggaamiyihii taariikhda waddanka Turkiga ugu awoodda badnaa wixii ka dambeeyay aabbihii aasaasay Turkiga ee Ataturk, waxaa uu noqon lahaa mid weli ka awood badan haddii uu doorashada ku guulaysto, isagoo baabi’inaya jagada Ra’iisal Wasaaraha, awoodda baarlamaankana ka dhigaya mid daciif ah. Laakiin haddii uu gaari waayo 50% codadka doorashada madaxweynaha, waxaa uu wajahayaa wareeg 2aad in la galo oo ay isku noqdaan isaga iyo Muxarram Inje, oo ah musharrax xoog leh ee siyaasadda bidix-dhexe, oo isagu ololaha doorasha mid kulul ka dhigay. Codbixinta baarlamaanka, mucaarad mideysan ayaa rajeynaya inay Mr Erdogan kala wareegaan aqlabiyadda baarlamaanka. Madaxweyne Erdogan waxaa uu haatan isu-haystaa nin ay taageerayaashiisu aad u jecel yihiin, mucaaradkiisuna ay aad u neceb yihiin. Cidina ma sheegi karto dhinaca ay doorashadani u dhici doonto. xigasho: BBC Somali Caasimada Online Xafiiska Ankara Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo ay weli taagan tahay doodad ku aadan heshiiskii ay kala saxiixdeen dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa arrintaas ka hadlay Siyaasi Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid oo mar soo noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha xilligii dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf. Xuseen Caydiid ayaa tilmaamay inay tahay wax aan ku cusbeyn Soomaalida inay Itoobiya dooneyso sidii ay ula wareegi laheyd Dekadaha Soomaaliya isla markaasna ay arrintaas isku dayday dhawr jeer sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Xuseen Caydiid ayaa tilmaamay in hadalkii uu waqti hore sheegay ee ahaa inay Soomaaliya iyo Itoobiya hal dal noqonayaan uu ahaa farriin uu u dirayey Shacabka Soomaaliya isla markaasna uu tusinayey in la qasbaday lana doonayo in dalka iyo Dekadaha lala wareegayo. “Hadalka aan iri ee Itoobiya iyo anaga haldal ayaan noqonaynaa Waxaan soomali ku Tusinayay in nala Qabsaday islamarkiina Waan is casilay, Waxaana kad agay Casmara, balse Soomaalidii Shalay joogtay Markaan la hadlay way garowsadeen wayna difaacdeen dalkooda, kuwaanse Maanta iyagaa laga rabaa in dalkooda difaacdaan”. Mar uu ka hadlayey qorshaha dowladda Itoobiya ku dooneyso inay kula wareegto Dekado kamid ah Soomaaliya ayuu Xuseen Caydiid sheegay inay Itoobiya ka go’an tahay isla markaasna ay u qoran tahay sidii ay ula wareegi laheyd Dekadaha Soomaaliya maadaama aysan laheyn wax dekad ah. “ Itoobiya way u qoran tahay sidii ay ula wareegi laheyd Dekadaha Soomaaliya” ayuu yiri. Xuseen Caydiid ayaa dhawr sano ka hor sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya la isku dari doono hadalkaas oo xilligaas guux badan ka dhex dhaliyey Shacabka Soomaaliyeed balse Siyaasigaan ayaa tilmaamay inuu hadalkaas ahaa farriin uu shacabka ugu baaqayey inay is difaacaan oo ay ka hor tagaan Itoobiya. Hadalka Xuseen Caydiid ayaa imaanayo xilli uu dhawaan Magaalada Muqdisho imaaday Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed kaasoo heshiis ka koobnaa 16 qodob la galay Madaxweyne Farmaajo , waxaana heshiiskaas qeyb ka ahaa inay Itoobiya maalgashi ku sameysato ilaa 4 Dekadood oo ku yaal Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Xuseen Caydiid https://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2018/06/Xuseen-Maxamed-faarax-Ceydiid-masuul-hore.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxda Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa ka hor yimid hab-macaamilka gaarka ah ee deeqaha lagu siiyo maamulka Somaliland, iyagoo si buuxda ula saftay dowladda Federaalka Somalia oo dhowaan diiday in la cusbooneysiiyo habkii “Special arrangments” ee deeqadaha lagu siin jiray Somaliland. Qoraal ay soo saareen Golaha Iskaashiga maamul Goboleedyada oo ay ku saxiixan yihiin shanta madaxweyne ee maamullada Puntland, Hirshabelle, Jubbaland, K/Galbeed iyo Galmudug ayaa loo diray beesha caalamka iyadoo lagu caddeeyay in nidaamka gaarka ah ee Somaliland loogu qoondeeyo deeqaha Soomaaliya ka dhaxeeya uu yahay mid halis ku ah qaranimada Somalia, isla markaana looga eexanayo maamullada kale ee dalka ka jira. Qoraalka ayaa lagu cambaareeyay deeq bixiyayaasha qaarkood oo u ololeynayo inuu sii jiro nidaamka gaarka ahaa ee Somaliland u sed burinaya, waxaana looga digay in ka fiirsan doonaan ka sii mid ahaanshaha nidaamka deeq bixiyeyaasha. Haddaba halkaan hoose ka akhriso go’aanka maamul Goboleedyada kasoo baxay Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasaaradda shaqada shaqalaha dhallinyarada iyo ciyaaraha dawladda Puntland oo kaa shanaysa mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda ayaa maanta Garoowe ku qabatay tababar socon doono muddo labo toddobaad ah kaas oo shaqaalaha lagu tababari doono hannaanka kaydinta iyo ilaalinta xogta dawladda (Record and Archive management) Tababarka ayaa waxaa si gaar ah diirradda loogu saari doonaa shaqaalahana loogu fahamsiin doonaa habka isticmaalka iyo fulinta siyaasadda kaydinta xogta dawladda taas oo dhowaan la diyaariyey isla markaana iyadu noqon doonta habraaca rasmiga ah ee hannaanka kaydinta xogta dawladda. Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda shaqada iyo Shaqaalaha Cabdishire Ismaaciil, guddoomiye kuxigeenka hay’adda shaqaalaha rayidka ah Jaamac Xirsi Faarax, Agaasimaha waaxda kaydka Madaxtooyada Yuusuf Cabdi Soome , Agaasimaha Waaxda Maamulka Wasaaradda Shaqada ahna kusimaha Agaasimaha guud iyo Mrs Rosa oo ah khabiir dhanka Arkiifiyada ah oo tababarkaan bixin doonta. Agaasimaha waaxda Arkiifiyada Madaxtooyada Yuusuf Cabdi Soome oo ahaa hal abuurihii hindisey barnaamijkaan baahida loo qabo oo shirk ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu barnaamijkaani u leeyahay guud ahaan dawladda Puntland isagoona ku boorriyey shaqaalaha dawladda inay maskaxda ku hayaan in akiifiyada dawaladdu ay kamid tahay hantida ma guurtada ah ee dawladda. Sidoo kale guddoomiye kuxigeenka hay’adda shaqaalaha rayidka ah Jaamac Xirsi Faarax oo isagu shirka hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu barnaaminkaani leeyahay isagoona xusay in shaqalahaan la tababarayo ay yihiin shaqaale la soo xulay oo kasoo bixi kara shaqadaan loo tababarayo isagoona kula dardaarmay in loo baahan yahay in ay masuuliyad dheeraad ah isasaaraan. Ugu dambayn Wasiir kuxigeenka Wasaaradda shaqada iyo Shaqaalaha Cabdishire Ismaaciil oo shirka furay ayaa shaqaalaha ku baraarujiyey sida ay dawladda uga go’antahay in la sameey o kayd weyn oo mideysan oo ay dawladdu leedahay sidaa awgeedna ay shaqaalahaan tababarka qaadanayaa ay yihiin cidda rasmiga ah ee wakiillada uga ahaan doona dawladda. The post Tababar looga hadlayo hannaanka kaydinta Arkiidiyada dawladda Puntland oo Garoowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
The Intergovernmental Authority on Development has adopted a regional policy framework on a cross-border trade that promises to be a lifeline for the region’s small-scale traders. Source: Hiiraan Online
-
The minister of information, culture and national guidance Mr.Abdirahman Abdillahi Farah Diriye (Guri-Barwaqo) has condemned the president of Puntland Mr.Abdiweli Gaas who has openly called for an all out war against the Republic of Somaliland. This is according to news distributed by Somaliland News Agency (Solnanews.com). The Puntland president was speaking on the floor of the provincial parliament in Garowe town. Minister Guri-Barwaqo press release read. “The provincial administration of Puntland based at Garowe led by warlord Abdiweli Gaas have announced to break international law by attacking the Somaliland province of Sool. The Puntland administration claim to the region is based on tribal connection which goes against the 1964 declaration by the AU in Cairo, Egypt. These naked provocations to expand territory through tribal alliance go against international norms and seek to open a Pandora box of more land cases in the Horn of Africa region. If not nipped in the bud the Puntland scenario will seek to grow tentacles and disturb international boundaries erected by colonial governments. The Puntland president went further to insult the good standing of the people of Sool as people who have sold their future for salary from the Somaliland government. Minister Guri-Barwaqo stated that the people of Sool were at the fore front of fighting for Somaliland independence from the repressive regime of Somalia and at no time will they want anything to do with Somalia. The minister told Mr.Abdiweli Gaas that Lasanod town can never become north Galka’ayo and Buuhoodle can never become Qardo. In this respect the Puntland president needs to stop lying to his people to further his cling to power through anti Somaliland propaganda. Warmonger Abdiweli Gaas while addressing the provincial parliament called on war against Somaliland. The wishful thinking of Abdiweli Gaas is a day dreaming fantasy to try to win support from his countrymen so that they can extend his tenure of office, a stupid ploy to remain in power call it. The government of Somaliland will always promote peace with her neighbors and particularly Somalia which has talks ongoing, following the deliberation of the 2012 London conference. “The talks will only include the former boundaries erected by the two colonial masters to have colonized Somaliland and Somalia the British and Italians respectively.” Solna
-
HARGEISA– A young man who is a Somalilander by birth has married two women on the 22nd of June in the same night in Ahmed Dhagah district particularly in Sinia village. The groom, Bashir Mohamed and and the prides Iqra and Nimo had wedding attended by a large crowd who were surprised by this rare wedding. Although Polygamy is uncommon in Somali culture women oppose men to marry two ladies.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyey dagaal xalay saqdhii dhexe billowday oo u dhaxeeyey ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland. Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay magalada Laascaanood, halkaasi oo ay ciidamada Puntland weerareen, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland Abuubakar Cabdi Geelle. Guddoomiyaha waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidamada Puntland ay qabsadeen laba Saldhig oo fariisin u aheyd Ciidamada Somaliland, isla markaana ay xoog kusoo furteen maxaabiis u xirneyd Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Maamulka Somaliland dhankooda wax jawaab ah weli kama bixin hadalka ka soo yeeray Maamulka Puntland ee ku aadan in Puntland ay xoog kusii deysay dad u xirnaa Somaliland. Sidoo kale si madax banaan looma xaqiijin karo sheegashada Puntland. Arrintan ayaa imaneysan ayada oo Somaliland ay maanta ka jawaabtay hadal shalay kasoo yeeray Cabdi Weli Gaas oo uu ku hanjabayn in Laascaanood aysan sii haysan doonin Somaliland. Labada maamul ayaa waxaa dhowaanahan ka dhex-oogan nxiisad dagaal, ayaga oo dhowr mar ku dagaalamay tuulada Tukaraq, ee gobolka Sool, oo labada dhinacba ay ku baratamayaan gacan ku haynteed. Hoos ka dhageyso codka guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/06/Cod-sool.mp3 Caasimada Onlione Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Istanbul (Caasimada Online) – Cod-bixiyeyaasha dalka Turkiga ayaa saaka oo axad ah u dareeray goobaha cod-bixinta si ay u doortaan golaha shacabka iyo madaxweynaha jamhuuriyadda Turkiga. Dadka codkooda dhiibanaya waxaa lagu qiyaasay 56,322, 632, halka sanaadiiqda codka lagu shubayo ay gaarayaan 180,64 sanduuq. 5 Arrin Oo Ay Tahay Inaad Ka Ogaato Doorashada Turkiga: 1. Nidaam Madaxweyne: Dalka waxaa uu nidaamkiisa maamul u wareegayaa gebi ahaanba mid awoodda ay gacanta ugu jiro madaxweynaha kadib markii sidaas lagu ogolaaday afti-dadweyne oo dhacday April 2017. 2. Xulufeysi: In kasta oo doorashada lagu galayo nidaamka xulufeysiga waxaa ka qeyb galaya 10 xisbi, 2bada xulufo ee ugu muhiimsan waa (1) Shacabka oo ay ku jiraan xisbiga xuriyadda iyo horumarinta, dhaq-dhaqaada Qowmiga ah iyo midnimada weyn (2) Isbaheysiga umadda waa ku jira: Shacabka Jamhuuriga, xisbiga iyi, Sacaada iyo Dimoqoraadiga. Waxaa kale oo jira 3 xisbi oo kale sida: dalka, Huda iyo Shucuubta Dimoqoraadiga ah. 3. Baarlamaanka: Axsaabta yar yar waxaa ay kuraas ku yeelan-doonaan baarlamaanka haddii uu ku guuleysto isbaheysiga ay ku jiraan wax ka badan 10% codadka guud ee doorashada. 4. Tartanka Madaxtinnimada: Madaxtinnimada dalkaasi Turkiga waxaa ku tartamaya 6 murashax oo kala ah: Recep Tayyip Erdoğan oo ah murshaxa isbaheysiga shacabka, Muxaram Ince oo ah xisbiga shacabka jamhuuriga ah, Meral Aksener oo ah xisbiga iyi,Selahattin Dimitas oo ka socda xisbiga shucuubka Dimoqoraadiga ah, Tamel Karamollaglu oo ah xisbiga Farxadda iyo Dogu Princek isna matalaya xisbiga dalka. 5. Nidaamka labada Wareeg: Qofka doorashada ku soo baxaya waa inuu helaa 50%+1 oo ah codadka guud ee la dhiibto, haddii taasi dhici-weyso waxaa la aadayaa wareegga 2aad.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay xiligaan ka maarmi karto ciidamo shisheeye oo qeyb ka noqda amniga dalka. Farmaajo waxa uu sheegay in dowladiisu ay leedahay ciidamo u diyaarsan in ay dalka ka xoreeyaan cid kasta oo cadaw ku ah Qaranimada Somalia. Waxa uu tilmaamay Farmaajo in ciidamada Somalia ay ka duwan yihiin kuwa kale ee Afrika waxa uuna meesha ka saaray in si buuxda ay usoo kabteen ciidanka. ‘’Cidii rumeysneyd Somalia ciidamadeedu wey burbureen waxaan hadda u sheegayaa in Somalia ay dhisatay ciidankeeda’’ ‘’Waxaanu heysanaa ciidamo aad looga amaanay africa waa inaanu ka faa’iideysanaa si aan u gaarno amni iyo xasilooni’’ Farmaajo waxa uu sheegay in ciidamada qalabka sida ay kaalin weyn ka qaateen sugida amniga dalka,iyaga oo weli ay heystaan duruufo adag. Farmaajo waxa uu ugu baaqay ciidamada meel kasta oo ay dalka ka joogaan in ay u diyaar garoobaan howlgallo qorsheysan oo lagu doonayo in lagula wareego deegaanada ka maqan Gacanta dowladda. Sidoo kale, waxa uu Madaxweynuhu qiray in dowladaha Afrika qaarkood ay ka ciidan fiican yihiin, balse ay iska jirto duruufooyin ku xeeran dowlada. Hadalkaan ayaa madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay xilli uu boqolaal askari kula hadlayey Dugsiga tababarka Janeraal golden oo ay ku jiraan Guutada loogu magic daray 14-ka Octoober. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somaliland President, HE Musa Bihi Abdi has condemned the attack in Addis Ababa on Saturday which left one dead and scores wounded. The President has sent his sincere condolences to the families who lost loved ones and those wounded in the attack which was conducted cowardly. Somaliland Head of State has said that his country stands with Ethiopia during this time. Ethiopia, Somaliland share friendly and brotherly ties.
-
Addis ababa (Caasimada Online)-Ra’isul wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa sheegay in Seddexdii sano ee ugu danbeysay ay Ethiopia lasoo baxeysay muuqaalo argagixiso. Hailemariam Desalegn, waxa uu sheegay inaanu suuragal aheyn in Ethiopia ay marti galiso Qaraxyo aan dhaqan u aheyn dadka waxa uuna si caro leh u sheegay in dadka shacabka ah laga doonayo inay kala furan dhahooda. ‘’Maaha in dhaqanka Ethiopia ee nabadda ahaa loo bedelo mid argagixiso, dhibaatadu waa dhexdeena yaanan lagu marmarsiyoonin dad banaanka nooga imaaday’’ ‘’Ethiopia looma adeegsanaayo cadow banaanka ka imaaday waa inaanu garanaa xaqiiqda oo aan beegsanaa kuwa lacagta ku qaadanaaya burburka dalkooda’’ Hailemariam Desalegn, waxa uu sheegay in Ethiopia iyada leysu adeegsanaayo, taasina ay dhabaha wanaagsan ka weecineyso Ethiopia. Hailemariam Desalegn, waxa uu carab ***** in dhibaatooyinka amni daro ay horboodayaan kuwo uu ku sheegay inay ka luntay diirada Nabadda, waxa uuna tilmaamay in dhibaatooyinkaas aan laga soo maleegin banaanka. Sidoo kale, Jihooyinka qaar ayuu ku dhaliilay inay kasoo horjeedan isbedelada ay ku talaabeyso Ethiopia, hase yeeshee waxa uu ka digay in Ethiopia lala meel dhigo Somalia, Liibya, Syria iyo wadamo kale oo ay ka jirto amni darro. Haddalka Hailemariam Desalegn ayaa muujinaaya tuhun la xiriira in Qaraxyada dhifka ah ee kadhaca Addis ababa ay geystaan qowmiyadaha Ethiopia ee kasoo horjeeda Nabadda. Caasimada Online Xafiiska Addis ababa Caasimada@live.com
-
The pompous locution of Somali Pride is a bizarre thought leaped into our minds I would argue. In other words, echoing arrogance and repeating the same phrases (Somali Pride) is an amusement to keep dying Somali men and women from knowing they are dying. The true meaning of pride is to ‘’feel satisfied and pleasure because you have done something marvellous’’. I do not think that one could argue that the people of the Somali Republic and their subsequent governments (the civil and the military) did something marvellous when it comes to governing system and social contract of the state. I am not repudiating the individual pride of the Somali men and the brave Somali women ‘’feeling your own worth and respecting yourself’’, but as a nation Somali Pride is a collective state of euphoria that produces a lot of empty meaningless rhetoric ‘’we used to be the best once’’. Were we? In what comparison and in which way? I am sorry if I hurt the feelings of some of you and went bit to far into this claim ‘’Somali Pride’’ – and I know a lie told often enough becomes the truth – we all need to realise that success doesn’t count unless earn it fair and square. The widely fêted argument of ‘’No Somali is better off today ‘in political/ pride/ world respect/etc’ in respect of how the world viewed us before the collapse’’. This view is not as strong as one would have thought because of the acquisition of the huge amount of empirical sources on the ground, hence such an implicit approach cannot suit how heavily the Somali Republic depended on foreign aid since its formation in 1960. There are evidences of all sorts of aid to the Somali Republic from 1960 – 2018. Wealthy donor states and international humanitarian organisations used to send food, medicine, and tents to the starving, diseased, and displaced millions of underprivileged Somalis same as the other least developed states. It also became difficult for the Somalis to move away from the high level of dependence on foreign aid. The central government in Mogadishu relied too heavily on the support of the international community when it comes to security (Russia training and military equipment supply), humanitarian emergencies (World Bank and International NGOs), development assistance (Europe, America and Russia) and the full cover of the huge national budgetary shortfalls (see the national debt of Somalia). If that is the case, arguing the collation of ‘’Somali Pride’’ and claiming ‘’No Somali is better off today’’ is baseless and I don’t think that is the case. I will rather argue that Somaliland’s overall peaceful nature, state-building, grassroots democracy, traditional reconciliatory, its hybridity of political order with least indirect foreign aid is praiseworthy. I will also argue that Somaliland is better off now than before. If one would ask how and why – empirically the sources are ready to elaborate elaborate bit further. Mohamed Hagi Mohamoud
-
ADDIS ABABA (Reuters) – The deputy commissioner of the Addis Ababa Police Commission has been arrested and is being investigated for shortcomings in security after a grenade attack in the Ethiopian capital killed one person and left scores wounded, according to state-run TV. “Nine individuals, including the Deputy Commissioner of the Addis Ababa Police Commission, are in custody and under investigation over shortcomings” in security, the Ethiopian Broadcasting Corporation said on Saturday. (Reporting by Aaron Maasho; Writing by Omar Mohammed; Editing by Mark Potter) Source: – Reuters
-
Two women accused of being members of Al-Shabaab have told a Mombasa court how they ended up in police cells before being charged with terrorism. Ummulkheir Sadri Abdalla said she left Tanzania to seek internship at the Kenyatta National Hospital (KNH) after breaking for a four-month vacation. She said that at the time of arrest, she was a third year student of medicine at the International University of Africa in Sudan but was in Kenya for a brief internship programme. LANDED AT JKIA She said she left the university aboard an Ethiopian Airlines flight and landed at the Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) on March 23, 2015. “Upon landing at the JKIA, I was taken to the Immigration department for clearance. I then boarded a taxi to River Road where I spent the night in a lodge,” she said. Ms Abdalla, Ms Khadija Abubakar Abdulkadir and Ms Halima Adan have denied organising a meeting in Nairobi to plan on how to cross into Somalia to join the Shabaab militants and conspiracy with their accomplices abroad to carry out terrorist acts in the country. 20 TERROR CHARGES They have also denied 20 terror-related charges including being in possession of videos and pictures of former and current Al-Qaeda leaders Osama Bin Laden and Ayman Al-Zawahiri who were known for organising and committing terror activities. The prosecution said the suspects committed the offence in El-Wak, on the Kenya-Somalia boarder. In her unsworn testimony, Ms Abdalla said she had in her possession an advanced Sumsang mobile phone, a laptop, passport, student ID and university documents which she was going to present to the hospital for the internship consideration. She said after arriving at the lodge, she stayed indoors and left for KNH the following day. VISITED KNH “When I want back to KNH, I waited for the chief executive officer for hours but she didn’t come. I was told to come back the following day so I decided to return to my residence,” she said. The suspect told the court that as she prepared to board a vehicle back to her hotel, she was approached by people in plain clothes who later identified themselves as police officers. “They demanded that I produce my identification documents while threatening me. I was reluctant to produce what they had demanded since I didn’t know them, I was cautious because I knew Nairobi was full of gangsters,” she said. Ms Abdalla said as she was still thinking of what to do, she was arrested and bundled into a vehicle and when she inquired reason for her arrest, she was told that she would be informed later. She said the vehicle was driven off at high speed and since she was not familiar with Nairobi, she couldn’t tell where she was being taken. “It was a long ride. I [later] found myself in a police cell. I was told that I was planning to join terror groups. It was then that I was grilled and informed that I will be charged with being a terrorist,” she told the court. ARRESTED IN THIKA Another suspect, Ms Abubakar, said she was picked from her hostel in Thika Town by officers from the Anti-Terror Police Unit and driven to Mombasa where she was later charged with being a member of a terror group. She said she had a loud bang at her door at 10 pm in the night that was followed by threats of breaking in should she hesitate to open the door. “When I opened the door, I saw people armed with guns. They identified themselves as police officers. I was told I am under arrest but would be informed the reason later,” she said. The suspect who hails from Malindi in Kilifi County said at the time of arrest, she was studying pharmacy at Mount Kenya University’s Thika campus. She had been there for two years. TOOK BELONGINGS Ms Abubakar said detectives took all her belongings including her phone, laptop, student and national ID, bank slips and other school documents. “They covered my face so I couldn’t figure out where I was. I can only remember being driven for a long time. When they finally took off the hood from my face, I realised I was at a police station in Mombasa. I was forced to sign an inventory that they had prepared,” she told Chief Magistrate Evans Makori. She said the detectives demanded to know the whereabouts of her farther and threatened her with unspecified punishment should she refuse to comply. “They ordered me to reveal where my father was and warned that I would suffer on his behalf if I declined to answer them,” she said, adding that while in police custody, she was not allowed to communicate with anyone including her parents. NAME STRUCK OFF She said she cannot continue with her education since her name has been struck off the university’s student portal because of the terror case against her. The suspects asked the court to set them free, saying they are suffering and yet none of the eight witnesses have linked them to the charges against them. They have also told the court that some of the items listed in the inventory were not recovered from them. The suspects, through their lawyers Hamisi Mwadzogo and Chacha Mwita, have also asked the court to conclude their cases soon enough so that, even if they are will be jailed, they will have opportunity to spend some of their hey days with their families at home after serving their sentences. Ms Adan did not give her evidence as she said she was not mentally stable to defend herself following her arrest and detention shortly after the court ruled that they had a case to answer. The case comes up for defence hearing on July 2, 2018. Source: – Daily Nation
-
Ethiopia:Nine arrested in attack on Abiy rally; 165 injured
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
At least one person was killed and 165 injured when an explosion rocked a rally in Meskel Square in Addis Ababa, the Ethiopian capital, as Prime Minister Abiy Ahmed completed his address. “Building an independent nation is not the same as building a free society. What good is a free country, if we don’t enjoy freedom? If we are not free from fear?” Abiy asked, just moments before the blast. Authorities in Ethiopia say they are treating the incident as an assassination attempt, and have arrested nine people in connection with it, according to the Addis Standard. Among them is Girma Kassa, the deputy police commissioner for the city, who was fired earlier in the day. Abiy later visited attack victims in the hospital, praising their courage and saying they represent the true spirit of love, forgiveness and togetherness that were major themes of his speech. There were 54 people admitted for treatment, nine of them in critical condition, according to the Ethiopian health minister. Some estimates put the unconfirmed death toll at four. The attack was swiftly condemned by the African Union, which is headquartered in Addis Ababa. “The Chairperson of the Commission of the African Union, Moussa Faki Mahamat, has learned with shock and dismay of the attack that took place today during a peaceful rally in Addis Ababa in support of Prime Minister Abiy Ahmed’s reform agenda,” the AU statement said. “He strongly condemns this cowardly attack against civilians at a peaceful rally under the banner of peace and reconciliation.” African leaders including President Uhuru Kenyatta of Kenya and President Mohamed Farmaajo of Somalia, also expressed their condolences. Source: Africa Times -
Abdirahman Ibrahim Warsame ‘Qawdhan’, a long-serving, former Assistant Minister of successive Puntland State of Somalia administrations decried unfounded criticism which a Puntland member of parliament fired at the African remittance giant, Dahabshiil, last week, calling the MP to apologize. Mr. Qawdhan described Dahabshiil as a high-achiever and a source of pride for all Somalis all over the world. https://www.youtube.com/watch?v=tkJ_8Ni8_m0&feature=youtu.be Abdirahman Qawdhan oo Dahabshiil ka Xaalmariyey Deelqaafkii Saadiq Garaad Abshir kula Dul kufay www.youtube.com Wasiir ku xigeenki Hore Ee Wasaarada Maaliyada Puntland, mudane Cabdirahman Warsame Qawdhan, oo warbaahinta kula hadlay hoyga uu ka deggan yahay magaalada Ga… “Dahabshiil serves all Somalis well and on equal terms. It is a company that symbolizes all that is good in a Somalia counter-balancing all the negative stereotyping associated with a Somali in these last troubled times,” he said. Mr. Qawdhan stated that not only the company had a global network that served Somalis and Africa well, but it was, too, an example of a conscientious business. “More than a million and a half Somalis either work directly for the different companies of Dhabshiil Group or indirectly benefit from employment generated through financial access provided or services rendered by the companies,” he stated. Dahabshiil, he pointed out, was an icon of social responsibility schemes and an exemplary leader in giving back to communities it served in times of need. The ex-Vice Minister was responding to MP Saddiq Garad Abshir, Chairperson of the House Sub-Committee for Defense, who, without providing much evidence, accused Dahabshiil Group and its owner of providing financial and material support to the Somali army stationed in the Tukkraq area. Puntland and Somaliland armies clashed in the area on several occasions since January 2018 resulting in large casualties. Garad Suleiman Garad Mohamed, the oldest and longest reigning traditional leader of Sool clans, also, defended Dahabshiil from the MP’s verbal attack. “We have no evidence that Dahabshiil owner is involved in what is accused of him,” he said, adding that he was ‘convinced that Dahabshiil could not be associated with Tukkaraq army support in any way’. MP Saddiq Garad Abshir is a nephew of Garad Suleiman – son of the Garad’s brother, and the Crown Garad after his uncle. Attachments area Preview YouTube video Abdirahman Qawdhan oo Dahabshiil ka Xaalmariyey Deelqaafkii Saadiq Garaad Abshir kula Dul kufay Abdirahman Qawdhan oo Dahabshiil ka Xaalmariyey Deelqaafkii Saadiq Garaad Abshir kula Dul kufay