-
Content Count
208,899 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (PP) ─ Wararka laga helayo deegaanka Leego ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in dyaarado dagaal oo aan la garaanyn dalka iska leh ay duqeymo ka geysteen, iyagoo beegsaday saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayd deegaankaas. Mas’uuliyiinta gobolka Shabeellaha Hoose oo la hadlay Warbaahinta, ayaa xaqiijiyay in duqeyntan lala beegsaday Al-shabaab, inkastoo aysan sheegin khasaaraha ka dhashay duqeyntan oo ahayd mid culus. Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Leego ayaa sheegay inay maqleen hub aad u culus oo ku dhacaya qaybo ka mid ah deegaaka, laguna weeraray Al-shabaab oo xarumo ciidan ku leh deegaankaas. Xarumaha Al-shabaab ee la weeraray ayaa la sheegay inay ka mid tahay bar-koontarool oo ay Al-shabaab ku lahaayeen mid ka mid ah irridaha laga galo deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose. “Duqeynta waxaa lala beegsaday goobo ay Al-shabaab ku sugnaayeen oo ku yaalla deegaanka Leego, ma garanayno khasaaraha ay geysteen weli, balse waxaa socda baaritaanno aan doonayno inaan ku ogaanno khaasaraha inta uu le’eg yahay,” ayuu yiri sakaal ka tirsan maamulka gobolkaas. Sidoo kale, Inkastoo aan la garanayn diyaaradaha duqeynta la beegsaday Al-shabaab, ayaa haddana inta badan waxaa duqeymaha noocan oo kale ah geysta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanku leeyahay. Ururka Al-shabaab ayaan weli ka hadlin duqeytan lala beegsaday maanta iyo khasaaraha ay geysteen, waxaase tani ay qayb ka noqonaysaa duqeymo is-daba-joog ah oo dhawaanahan lala beeganayay Al-shabaab, kuwasoo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa waxay ka talisaa deegaanno ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta Somalia, inkastoo ay ciidamada Dowladda Somalia, kuwa AMISOM iyo kuwa kale ee Somalia ku sugan ay wadaan qorshayaal ay doonayaan inay kaga saaraan deegaannadaas. PUNTLAND POST The post Diyaarado Duqeyn culus ka Geystay Deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose appeared first on Puntland Post.
-
AdisAbaba (Caasimadda Online) – Bogga Twitter-ka ay ku leedahay ha’yadda caafimaadka adduunka ayaa fadeexad ka dhatalay kaddib markii mid kamid ah shaqaalaha ha’yadda uu kusoo bandhigay qoraallo uu kaga hadlayo ismari-waaga siyaasadeed ee ka taagan dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya. Qoraalka ayuu ku yiri: “Dadka dhibaatada ka wado dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya waxaa maalgelinaysaa dowladda federaalka Itoobiya”. Qofka kusoo qoray hadaladan ayaa intaasi ku daray in dadkaasi ay doonayaan inay dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya ay ka huriyaan dagaal qabaa’il islamarkaasna uu qorshuhu yahay in kicinta qabaa’ilka la doonayo in xilka looga tuuro Cabdi Maxamuud Cumar. Waxaa qoraalkan ka hor yimid qaar kamid ah dadka isticmaala barta Twitter-ka oo sheegay inuusan xaq u lahayn qofkaasi in dowladda federaalka uu ku leexiyo rabshadihii ka dhacay dowladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya. Qoraalkan ha’yadda WHO wuxuu u horseeday in lagu eedeeyo inay faraha la gashay siyaasadda dalka Itoobiya. Ha’yadda caafimaadka adduunka ayaa ka qoomamaysay qoraalkan oo ay ku sheegtay inuu ka dambeeyay qof kamid ah shaqaalaheeda oo fikraddiisa ku cabbiray siyaasadda Itoobiya. WHO waxay sidoo kale sheegtay in qoraalkani uu khalad yahay ayna baaritaanno ku samayn doonaan dhacdadaasi. Ugu dambayn ha’yadda caafimaadka adduunka waxay sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay arrimaha siyaasadda. Dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya waxaa dhawaan ka dhacay rabshado ay dad badna ku dhinteen kaddib markii militariga federaalka Itoobiya ay la wareegeen magaalada Jigjiga. Rabshadahaasi waxaa lagu gubay Kansiido iyo bililiqo loo gaystay bangiyo ku yaalla halkaasi. Waxaa xilka ka degay madaxweynihii dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuuna xilka si kumeel gaar ah ugu wareejiyay Axmed Cabdi Maxamed. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa Caasimada@live.com
-
Jabuuti (PP) ─ Warbaahinta dalka Itoobiya qaarkeed ayaa baahisay Sabtida maanta ah in lix qof oo kasoo jeeeda Qowmiyadda Oroma ee dalka Itooiya lagu dilay Magaalada Jabuuti ee xarunta Dalka Jabuuti. Sidoo kale, Warbaahinta ayaa sheegay in la bililiqeystay dukaamo ay dadkan ku lahaayeen Jabuuti iyo weli ganacsiyo kale oo ay lahaayeen dad Itoobiya u dhashay, inkastoo aanay tiradooda sheegin. Falkan ayaa dabaca socday 12-qof oo kasoo jeeda dalka Jabuuti oo dhawaan lagu dilay Magaalada Diri-dhabe ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kaddib rashado halkaas ka dillaacay, kuwaasoo ay ku jireen hooyo iyo dhawr ilmood oo ay dhashay. Dhanka kale, Sarkaal u hadlay booliiska Jabuuti ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay falkan dilka iyo boobka ah ku lug lahaayeen, inkastoo tirada dadkan aan la sheegin. Toddobaadkii hore ayay ahayd markii laba qof oo kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada lagu dhaawacay gudaha dalka Jabuuti, kaddib caro ka dhalatay dad Jabuutiyaan ah oo lagu dilay magaalada Diri-dhabe. Xiisadaha u dhexeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada kuwada nool dalka Itoobiya oo soo billaabatay dhawr bilood ka hor ayaa waxay haatan u muuqataa mid ku fidaysa deegaannada ay Soomaalidu degto oo dhan. Ugu dambeyn, Itoobiyaan u badan Qowmiyadda Oromada ayaa ku nool dalka Jabuuti iyo Somalia, gaar ahaan Somaliland iyo Puntland, kuwaasoo la sheegay inay lasoo daristay cabsi aad u xooggan tan iyo markii ay qarxeen colaadaha u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada. PUNTLAND POST The post Dad Itoobiyaan ah oo lagu Laayay Jabuuti iyo Ganacsiyo ay lahaayeen oo la Bililiqeystay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Koofi gaduuda ee ka tirsan Madaxtooyadda Somaliya, ayaa gacanta ku dhigay ruux laga shakiyay, kaasi oo ciidanka ay ku qabteen agagaarka Hotelka SYL ee Madaxtooyadda u dhaw. Ninkaan ayaa la sheegay inuu maraayay meel ku dhaw Hotelka SYL, gaar ahaan Koontarool ciidanka Koofi gaduuda halkaasi ku leeyihiin, waxaana u yeeray askari oo ka shakiyay. Ninka laga shakiyay, ayaa markii loo yeeray, kadib su’aalo la waydiiyay, waxaana wararka ay sheegayaan in jeebkiisa laga helay dhawr aqoonsi kala duwan oo uu watay. Warar ayaa sheegaya inuu sii batay tuhunka ninkaan laga qaaday, kadibna loo kaxeeyay Madaxtooyadda Somaliya gudaheeda, halkaasi oo Saraakiisha ciidamada Koofi gaduuda ay ku wareysanayaan. Ninkaan ayaa la sheegay inuu yahay dhalinyaro, qaab ahaana meelaha uu eeg eegaayay xilliga ciidamada ay qabanayeen, waxaana laga shakiyay eegmadiisa meelaha. Feejignaanta ciidamada Koofi gaduuda ayaa la kordhiyay wixii ka dambeeyay isku dayadii weerar ee Shabaab ay ku sameeyeen xayndaabka Madaxtooyadda Somaliya. Badanaa dadka shacabka ah ma maraan aagga Madaxtooyadda, waxayna ka cabsoodaan in ciidamada ay qabsadaan oo laga shakiyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The Turkish lira has collapsed to an all-time low against the dollar, but the country's leader has brushed aside concerns, telling Turks "we have our God." The Turkish President Recep Erdogan then followed those comments up Friday by urging Turks to sell dollars and gold and buy lira. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Dowladda Federaalka ah ee Ethiopia ay kala direyso ciidamada Liyuu Boolis ee maamulka Soomaalida Ethiopia. Qorshaha lagu kala diraayo ciidamada oo leysku khilaafsan yahay ayaa muran ka dhex abuuray maamulka iyo dowlada kadib markii la sheegay in halis dhanka amaanka ah ay ka dhalankarto ciidamo tababaran oo lagu sii daayo magaalada. Warar kaasi ka duwan oo kasoo baxay dowlada Ethiopia ayaa sheegaya in ciidamada Liyuu Boolis ay sii shaqeyn doonaan waxa ayna dowlada wax kama jiraan ku sheegtay wararka sheegaya in la kala diraayo ciidamada. Dowladu waxa ay beenisay qoraalo kusoo baxay qaar kamid ah warbaahinta maxaliga oo qortay in guud ahaan la kala dirayo Ciidanka Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia ee loo yaqaan Liyuu Booliska. Warbaahinta maxaliga ah ayaa warkaasi markiisa hore kasoo xigtay telefashinka ETV oo laga leeyahay dalka Ethiopia, inkastoo markii danbe laga laabtay warkaasi. Wargeyska Adis Standard oo soo xiganayo Saraakiil sar sare oo ka tirsan Milatariga Ethiopia ayaa sheegay in warkaasi been yahay markii horena laga qaatay ilo aan sax ahayn. Saraakiisha Milatariga Ethiopia ayaa sheegay in warkaas uusan laheyn masdar sax ah oo laga soo xiganaayo sidaa aawgeedna uusan waxba ka jirin. Sarkaalkan ayaa sheegay inay muhiim tahay in warbaahinta ay ka fiirsato warbixinada aan xaqiiqda ku saleysneen, sidoo kale Wargeyska Adis Standard ma sheegin magaca Sarkaalka ay ka soo xigteen beeninta hadalkan. Sidoo kale, Degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa waxaa wali ka howlgala ciidamada Liyuu Boolis oo shaki la galiyay sii shaqeyntooda mustaqbalka dhaw. Ciidamada Liyuu Boolis ayaa tiro ahaan lagu qiyaasa inay gaarayaa ku dhawaad 45,000 oo Askari. Dhinaca kale, taliyaha Ciidanka Ethiopia ee Taliska Koofur Bari Jeneraal Belay Seyoum, ayaa sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono ciidamada Liyuu Boolis. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Afar bilood kahor, markii uu RW Itoobiya soo fuulay saaxadda siyaasadda mandiqadda Gees Africa wax walba weji cusub ayey yeeshen. Waxyaabaha lama filaanka noqday waxaa ugu weyneyd in Itoobiya ay hoggaan Oromo ah, markii ugu horreeysay xulato, Dr Abiy Ahmed oo ay iska dhaliyeen hooyo amxaar ah iyo aabe Oromo ah. Hase ahaatee, durbadiiba waxaa loo qaatay in hoggaamiyaha cusub la dejinayo kacdoonkii ay Oromadu waday isna noqon doono maqaar saar (Window Dressing) aan baal marin siyaasaddii xisbiga EPRDF. Abiy Ahmed sheekada dhinaca kale ayuu u rogay isaga oo ka bilaabay fur furidda siyaasadda arimaha dibedda ee Itooiya isaga oo jeexay tub siyaasadeed oo uu ku xasillinayo Geeska Africa waxaana tusaale la taban karo ah heshiiskii uu la galay Eritrea. Yeelkeede, waxa uu muuqdaa mid weji gabax kala kulmay isku daygiisii kowaad ee dib u qaabeynta siyaasadda arimaha gudaha Itoobiya. Waxa uu kacdoon ka abuuray Soomaali Galbeed oo uu riday nidaamkii ka jiray 10kii sano ee ugu dambeeyey isaga oo xiray hoggaamiyihii deegaankaas Cabdi Maxamuud Cumar oo sababay in xiisad collaadeed ifafaaleheedu ka muuqdo dhulkaas taas oo ku fidi karta gobolada kale ee Itoobiya. Aniga oo Tixraca maqaal aan dhawaan ka sameeyey waxyabaha soo dedejin kara guuldarro siyaasadeed oo soo food saarta hoggaamiyaha uguda’da yar qaaradda Africa, Abiy Ahmed ayaan waxaan jimcihii hoyga uu Muqdisho ka dagan yahay General Jaamac Maxamed Qaalib ku booqday si aan uga xog wareysto dhaq dhaqaaqii ugu dambeeyey ee siyaasadda Geeska Africa. General-ku waxa uu ii sheegay in wali hadda ay xilli hore tahay marka ay timaado qiimeynta halka ay ku dambeyn doonto siyaasadda Abiy Ahmed iyo Itoobiya, laakiin la sugo muddo sanad ama laba ah. Waxa uu ii sheegay in Abiy Ahmed noqon karo Maxamed Mursiga Geeska Africa lagana yaabo in uusan sanad ka badan sii hayn takada Itoobiya. LABA MID AYEY KU DAMBEYN DOONTAA ITOOBIYADA UU HOGGAAMIYO ABIY AHMED 1.Oromada oo awoodda Itoobiya si weyn ula wareegta General-ka oo aan si qotodheer uga wada sheekeysaneyno arinta Itoobiya iyo xiisadaha hadda ka taagan Gobolka Soomaali Galbeed waxa uu ii sharraxay in hoggaanka cusub ee Oromada ah, Abiy Ahmed sababi karo in qoomiyadda uu ka soo jeedo ay talada si buuxda gacanta ugu dhigaan taasna ay sahasho in uu xukunkiisa ku dheereysto. 2.In dalka galo xassilooni daro Qodobka labaad ayaa ah, in Abiy Ahmed iyo Oromada ay dalka Itoobiya u horseedaan xassilooni darro siyaasadeed sidaasna uu ku fashilmo. W/Q: Mohamed Muse Aden (Mohamed Kaafi) Email: Muhamedkaafi@gmail.com
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Iyadoo inta badan xubnaha xisbiga ka arimiya dhulka Soomaalida Ethiopia looga yeeray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa waxaa soo baxaayo warar sheegaya in dowlada Ethiopia ay ugu caga jugleyneyso inay talaabo ka qaadi doonto. Xubnahaani ayaa waxaa la sheegay in lagu wargaliyay in mid waliba si gaara loo marin doono baaritaan, maadaama qaarkood lagu eedeeyay inay ku lug lahaayen dhibaatooyinka ka dhacay dhulka Soomaalida. Xubnahaani oo wadahadal wada jira la yeeshay Wasiiro iyo Saraakiil ciidan oo ka tirsan dowlada Ethiopia ayaa waxaa lagu eedeeyay inay khaladaad dastuuri ah ka galeen dowlada iyo inay khalkhal galiyeen amniga, sidaa aawgeedna mudada ay ku sugan yihiin Addis Ababa ay marayaan baaritaano degdeg ah. Wasiirka Arriamah Gudaha Federaalka Ethiopia oo kamid ah mas’uuliyiinta ku jira wadahadalka ayaa eeda ugu badan Xubnahaasi u jeediyay kadib dhageysi lagu sameeyay Teleefanada gacanka oo ay isticmaalan, sida aan xogta ku heleyno. Wasiirka oo dhacdooyinka Jigjiga ka duulaya ayaa yiri “Dowladu cidna ugama aamusi doonto inay khalad ka gasho dalka waxaanu wadnaa baaritaano waxa ayna cid waliba ay qaadan doontaa wixii kasoo baxa baaritaanada” Wasiirka ayaa sidoo kale la sheegay in Xubnahaasi uu ku amray in Madaxweynihii hore ee maamulka DDSI Cabdi Cumar ku qanciyaan inuu la shaqeyn doono maamulka hadda jira, iyadoo haddii uu diido muteysan doono xabsi. Sidoo kale, kulamada iyo baaritaanada socda ayaa waxaa kaalin weyn ka qaadanayo Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka gaar ahaan kuwa Militeriga oo iyagu lahaa talaabada lagu soo qabtay Cabdi Cumar. Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn miraha kasoo bixi doona kulamada u dhexeeya dowlada Federaalka Ethiopia iyo xubnaha xisbiga gacanta ku haya maamulka Soomaalida Ethiopia, iyadoo ujeedka ugu weyn ee kulankaasi la sheegay inuu yahay wada shaqeyn lala sameeyo maamulka cusub iyo baaritaan lagu sameynaayo xubnaha qaar. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caassimada@live.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in halkaa lagu dilay dhalinyaro kasoo jeeda dalka Ethiopian oo deegaan ku ahaa dalkaasi. Ethiopian-ka la dilay ee Meydkooda lagu arkay goobo kala duwan ayaa la sheegay in tirro ahaan ay dhanyihiin 6 qof, kuwaasi oo la tilmaamay in loogu aar guday dhalinyaro Jabuutiyan ah oo dhawaan lagu dilay Ethiopia. Wargeyska Ethiopia Observer ee kasoo baxa dalka Ethiopia ayaa qoray in lix qof oo kasoo jeeda Ethiopia lagu dilay dalka Jabuuti. Waxa uu sheegay in dadkaasi loo dilay qaabab silac ah, hase yeeshee markii danbe magaalada lasoo dhigay Meydadkooda. Dadka Ethiopian-ka ah ee ku nool Jabuuti oo uu soo xiganaayay Wargeyska ayaa sheegay in Lixda xubnood oo iyaga ka mid ahaa la dilay, halka kuwo kalena la dhaawacay. Waxa ay sheegen in ay ku suganyihiin nolol cabsi leh isla markaana dowladda Jabuuti ay kaliya cambaareysay waxa dhacay, iyadoo aan qaadin waxtalaabo ah. Qoraalka Wargeyska waxaa lagu muujiyay in dilalka dadka Ethiopian-ka ah ee ku nool Jabuuti ay inta badan dhacaan xiliyada Habeenkii isla markaana aysan Booliska qaadin waxtalaabo ah. Wargeysku waxa uu intaas raaciyay in weerarada ka dhanka ah dadka Ethiopian-ka ay yihiin kuwo aargoosi aan loo meel dayin. Dad shacaba oo kasoo jeeda dalka Jabuuti ayaa todobaadkii hore lagu dilay magaalada Diridhaba,waxaana xigay in Dowladda Jabuuti ay dadkeeda diyaarado kula baxdo. Ethiopian-ka ku nool magaalada Jabuuti iyo Gobolada dalkaasi ayaa intooda badan kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada oo hadda uu dagaal wajiyo badan kala dhexeeyo Soomaalida Ethiopia, waxa ayna tani cabsi lixaad leh ku abuurtay Oromada. Dhinaca kale, Dowlada Jabuuti ayaan wali ka jawaab celin qoraalka Wargeyska ee lagu sheegay in gudaha Jabuuti lagu laayay dad kasoo jeeda dalka Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online)-Hoggaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar (Cameey), ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababta hortaagan in xal waara laga gaaro colaada ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Cameey, waxa uu sheegay in marka hore Puntland aysan ka sabri doonin deegaanada ka maqan ee kujira gacanta Somaliland. Camey, waxa uu sheegay in mar walba Somaliland ay ku celceliso Nabad,hase yeeshee aysan dhab ka aheyn in Nabad laga gaaro colaada iyo dhiiga ku qubanaayo deegaanka Tukaraq. Camey, waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee hortaagan xal u helida colaada Tukaraq ay tahay in Somaliland ay adduunka ku indha sarcaadiso inay dooneyso Nabad, hase yeeshee waxa uu tilmaamay in haddalka Somaliland uu yahay mid qoor qabad ku ah. Waxa uu tilmaamay in Nabadda deegaanka Tukaraq aysan aheyn mid ku imaaneysa haddal kasoo yeeray af oo aan ficil laheyn. Intaa waxa uu raaciyay in Somaliland ay ku doodeyso in dhul uu siiyey Ingiriiska,taasina ay tahay wax lala yaabo oo hortaagan xalka Tukaraq. Sidoo kale, deegaanka Tukaraq ayaa weli waxaa ka jira xiisad u dhexeysa maamulada Puntland iyo Somliland kaasi oo aan wali loo helin xal. Haddalka Camey ayaa u muuqda eedeyn ku foorarta Somaliland oo intabadan ku celcelisa Nabad iyo wada noolaanshi. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Weerarka oo dhacay 7 Bishii July ayaa waxaa burbur xoogan oo dhimaca dhismaha uu kasoo gaaray Xarunta Otto Otto oo ay degan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka. Weerarka ayaa isku furay qeybo kamid ah dhismooyinka Wasaaradaha waxaana xusid mudan in wixii ka danbeeyay weerarkaasi aan dhismo lagu sameyn xarunta. Dhismaha xarunta ayaa waxaa wali ka muuqda Burbur kasoo gaaray Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaden, iyadoo dowlada Somalia ay ka caajistay dib u dhiska xarunta. U shaqo taga Xarunta ayaa waxaa ugu danbeysay saacado ka hor inta aanu weerarka dhicin, iyadoo wixii ka danbeeyay weerarka ay xaruntu aheyd mid haawineysa. Weerarka ayaa waxaa laga jooga In ka badan 30 Cisho, waxaana ilaa iyo hadda dadweynaha ay isweydiinayaan sababta dayactir loogu bilaabi la’yahay Maadaama ay muhiim u yihiin shaqadda Qaranka. Xarunta Ote Ote ee Wasaaradahan ay degan yihiin, sidoo kale waxaa ku yaalay talis ay leeyihiin ciidanka Booliska, kaasi oo loo adeegsan jiray Isgaarsiinta. Xarunta ayaa halboole u ah shaqooyinka Xukuumada iyadoo labada Wasaarad ee ugu shaqada badan ay saldhig u tahay, marka laga soo tago xafiisyada ay ku leeyihiin Booliska. Sidoo kale, waxaa xarunta dhex yaalla gaadiid bur bursan oo ku dhex bur buray qaraxii lagu weeraray, iyadoo mid ka mid ah albaabada Wasaaraddahana uu bur bursan yahay, maadaama qaraxa gaariga uu halkaasi gaaray. Si kastaba ha ahaatee, waxaan ilaa iyo hadda cadeyn sababta madaxda Wasaaradahan ay isugu mashquulin waayeen dhismaha xarumahan, maadaama labada Wasaaradood ee amniga iyo arrimaha gudaha ay yihiin kuwa aanan laga maarmin, marka loo eego shaqooyinka ay bulshada u hayaan. Ujeedka weerarada Al-Shabaab ayaa ah mid lagu doonaayo in marba lagu xiro xarun dowladeed inta laga gaarayo xarun la’aan wajahda dowlada, waxa ayna arrintaani muujineysaa inuu hirgalay qorshaha Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Tribal clashes in southern Ethiopia has left Kenya’s border town of Moyale in a blackout for the last six months. Source: Hiiraan Online
-
Witnesses in Djibouti say six people of Ethiopian origin have been killed in alleged revenge attacks over the past three days. Source: Hiiraan Online
-
"It would have been an easier option to stay in Nairobi, practise law and earn some good money, drive a cool Mercedes-Benz. But I just wanted to come back home." Source: Hiiraan Online
-
The administrator of an east-end mosque whose charitable status was yanked following a Canadian Revenue Agency audit says the organization is appealing the decision. Source: Hiiraan Online
-
A Canadian tweet in a Saudi king's court crosses a red line
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
For years, Canadian pressure on human rights in Saudi Arabia had elicited no more than a standard rejection. But all that changed last week, when a Canadian complaint was translated into Arabic and set off a diplomatic row. Source: Hiiraan Online -
Berlin (Caasimada Online) – Wargeyska caanka ee Die Welt ee ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa qoray inay DFS diiday in Baasaboorka Somalia la siiyo 5 Soomaali ah oo dhamaystay Xabsi ay muteysteen fal Burcad-baddeednimo. Baaritaan cusub ayaa lagu sheegay in 5 ka mid ah 10 Soomaali oo lagu helay inay qafaasheen Markab laga leeyahay dalka Jarmalka dhamaysteen Xabsigooda, isla markaana ay Jarmalka ka codsadeen Magangelyo Qaxootinimo. Wararku waxay sheegayaan in 5taas nin haatan ku nool yihiin Jarmalka, iyadoo la hakiyey qorshe loogu soo masaafurin lahaa dalkooda hooyo ee Somalia. Wargeyska Die Welt waxa uu xusay inay Dowladda Jarmalka la soo xiriireen DFS si raggaasi loogu sameeyo Baasabooro ay dib ugu soo laaban karaan Somalia, balse, DFS wey ku gacan-sayrtay arrintaasi, inkastoo aan la faahfaahin waxa sababay in rag Soomaali ah loo diido in la siiyo Baasaboorkooda Soomaaliga ah si ay ugu soo safraan. Hay’addaha Garsoorka iyo Socdaalka ee dalka Jarmalka waxay amreen inay raggaasi sii joogi karaan Jarmalka, iyadoo ay raggaasi codsadeen in la siiyo Magangelyo Qaxootinimo. Tobanka Burcad-baddeed waxaa sannadkii 2012-kii lagu helay inay qafaasheen Markab nooca Kontaynarada xambaara ee MV TALPAN sannadkii 2010-kii. Eedeysanayaasha waxaa lagu kala xukumay Xabsiyo kala duwan, waxayna Dowladda Jarmalka dacwadaasi ku kharaj garaysay in ka badan Hal million oo EURO, sida uu qoray Wargeyska Die Welt . Dhinaca kale, sida laga soo xigatay Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Maamul gobaleedka magaalladda Hamburg ee dalka Jarmalka waxa uu tilmaamay in 5ta kale ee Burcad-baddeedii Soomaalida uu mid ka mid ah u socdaalay dalka Sweden, halka 4 kalena ku laabteen Somalia. Si kastaba ha ahaatee, Wargeyska Die Welt waxa uu qoray in 5ta ku harsan Jarmalka loo diiday Codsigooda Magangelyo-doonka, balse aysan wajihi doonin Masaafurin, maadaama aysan Baasaboor lahgayn, isla markaana ay DFS diiday inay Baasabooro siiyaan raggaasi, iyadoo aysan jirin Duullimaad Toos oo Jarmalka ka soo baxa, oo taga Somalia. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da ayaa sheegtay inay 150 maleeshiyo ka tirsan Kooxda Daacish ku sugan yihiin gudaha Somalia. Warbixinta CIA-da waxaa lagu xusay in tirada ugu badan Kooxda Daacish ku sugan yihiin Buuraha Galgala ee duleedka magaalladda Bosaaso ee Gobalka Bari ee Puntland. Tiro-koobkaasi ayaa waxa uu ka hooseeyaa tiro ay horey Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM ku sheegeen in ay 220 Dagaalamayaal Daacish ku sugan yihiin gudaha Somalia, gaar ahaan Goballadda Puntland. Amiirka Kooxda Daacish ee Puntland, Sheekh C/qaadir Muumin waxa uu bishii October ee sannadkii 2015-kii ku dhawaaqay aasaaska faraca Kooxda Daacish ee Somalia kadib markii uu ka soo goostay Alshabaab. Hoggaamiyaha Daacish-ta Somalia oo horay u heystay dhalashada Ingiriiska balse lagala laabtay ayaa 2016 waxa ay dowlada Mareykanka xayiraad dhanka dhaqaalaha ah kusoo rogtay C/qaadir Muumin oo ah Hoggaamiyaha Kooxda ee Somalia. Dhowrkii asbuuc ee ugu danbeysay ayey Kooxdaani magaalada Muqdisho ka geysteen dilal, halka Qaraxyo dhowr ahna ay ka fuliyeen Gobolka Bari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com