-
Content Count
210,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Sarkaal sare oo ka tirsan Jabhadda la baxday”Dib u-xoraynta Somaliland” ee ku sugan gobolka Sanaag ayaa gebi ahaanba beeniyay in uu ka baxay jabaddaas,islamarkaana la heshiiyay maamulka Muuse Biixi. Korneylkan oo lagu magacaabo,Jamaal Ducaale Maxamed(Jamaal Baaxad)ayaa horay u ahaa,abbaan-duulaha guutada saddexaad ee militariga Somaliland,waxaana uu ka goostay 11 bishii Agoosto ee sannadkaan,isagoo ku biiray jabhad uu gobolka Sanaag ka as’aasay Korneyl kale oo lagu magacaabo,Siciid Cawil Jaamac(Caarre). Hase yeeshee warbixin maalmo ka hor lagu daabacay wargees ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa lagu sheegay, in sarkaalkan lagu magacaabo Jamaal Baaxad uu heshiis la gaaray maamulka haatan ka dhisan Somaliland,islamarkaana dib uga soo goostay jabhadda Caarre. Korneyl.Jamaal Baaxad oo sida uu sheegay xilligaan ku sugan buuraleyda”Hal-dhaagan” ee qiyaastii 30km waqooyi kaga beegan magaalada ceerigaabo ee gobolka Sanaag,ayaa sheegay in si cad loogu been abuurta oo aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in uu heshiis la gaaray xukuumadda Muuse Biixi. Baaxad ayaa dhinaca kale xaqiijiyay in uu diyaarinayo weerarro uu ciidamada Somaliland kaga soo qaado dhanka buuraleyda gobolka Sanaag,isagoo fulinaya amarka hoggaamiyaha jabhadda la baxday”Dib u-xoraynta Somaliland” Korneyl. Siciid Cawil Jaamac(Caarre). Jabhaddaas ayaa la sheegay in ay udub-dhexaad u yihiin saraakiil sare oo dhammaantood ka goostay ciidamada Somaliland,waxaaana kamid ah;Muuse Axmed Yuusuf{Dheereeye),Siciid Cawil jaamac(Caarre) iyo Gamaal Ducaale Maxamed(Baaxad). PUNTLAND POST The post Sarkaal ka tirsan jabhadda Caarre oo beeniyay in uu la heshiiyay Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maanta xarunta golaha shacabka ee Muqdisho ka dhacay kulankooda 2aad, kalfadhiga 4aad. Goobjoog News, waxaa ay akhrisyaasheeda u soo gudbineysaa ajendayaasha kulanka xoogga lagu saaray. Ajendaha: 1-Hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan. 2-Dooda Xeer-hoosaadka golaha Shacabka oo qodob qodob ah. 3-Qeybinta Hindise sharciyeedyada yaala golaha shacabka oo kala ah: 4-Hindise sharciyeedka , Dhismaha Hay’adda dadka Naafada ah. 5-Hindise Sharciyeedka Dambiyada Jinsiga. 6-Hindise Sharciyeedka Wax ka bedelka Sharciga Hanti Dhowrka Guud ee Lr-kiisu yahay 34 ee soo baxay 14 bishii 4-aad ee sanadkii 1972. 7-Hindise Sharciyeedka Wax ka bedelka sharciga Lr 11 ee 5ta Dhish,2006 ee Shaqaalaha rayidka. 7-Warbixinta Xisaab xirka dowladda ee sanadka 2017. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaarisa (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabab ayaa shalay jidka u galay Gaari waday Dadweyne ku safrayay waddo ka baxda Gaarisa,waxaana Gaariga la qabtay isaga oo maraya degaanka Handaro . Dadka Muslimiinta ah ee la socday Gaariga ayaa sheegay in todobo Nin oo aad u hubeysan kana tirsanaa Al-shabaab ay joojiyeen Gaariga, islamarkaana dadka ku amreen in ay u kala baxaan Muslimiin iyo Gaalo. Intaas kaddib saddex qof oo ka mid ah Dadkii Gaariga saarnaa ayaa noqday kuwo aan Muslim ahayn, dadkii Muslimiinta ahaa ayaa loo bixiyay gees halka saddexda kale la weydiiyay su’aalo ku saabsan waxa ay ka yaqaannaan Islaamka. Waxyaabaha la weydiiyay waxaa ka mid ahaa in ay aqriyaan Towxiidka iyo todobada Aayadood ee Suuratul Faatixa,waxaana kaliya ku guuleystay mid ka mid ah saddexdii qof ee aan Muslimka ahayn. Labada qof ee la dilay Midkood oo ahaa Karashbooy-ga Gaariga ayaa lagu magacaabayay Jowhn, waxaa uu ku fashilmay aqirnta Faatixada iyo Towxiidka sidaas ayeyna isaga iyo saaxiibkiis ku dhinteen. Dadka Gaariga saarnaa qaarkood oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhamaan todobada Nin ay si fiican ugu hadlayeen Afka Sawaaxiliga. Isu duwaha Amniga Gobolka Soomaalida ee Kenya Maxamed Biriq,ayaa xaqiijiyay weerarkaas oo dhacay Jimcihii shalay,waxaana uu sheegay in Ciidamada amaanka ay ku daba jiraan raggii weerarkaas ka dambeeya oo uu sheegay in ay baxsadeen. Dadka Gaariga la socday qaarkood ayaa Warbaahinta u sheegay in Raggaas mid ka mid ah uu Ajanabi Carab ahaa inta kalena ay ahaayeen Afrikaan si wanaagsan ugu hadlayay Afka Sawaaxiliga. Weerarkan waxaa uu ku soo aaday iyada oo dowladda Kenya ay sheegtay in ay qoraneyso Ciidamo Madani ah oo ka howlgala dhamaan lixdanka Xarun Boolis ama Baro amni ee Gobolka. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Qoraal ka soo baxay aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa lagu magacaabay ilaa shan guddi oo loo kala diray dowlad goboleedyada dalka,si ay ugu kuur galaan khilaafka iyo is-faham la’aanta u dhexaysa madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada Guddiyadan oo mid kasta ka kooban yahay xubno ka tirsan aqalka sare oo ka soo jeeda degaanka loo diray ayaa loo igmaday in ay qiimeyn iyo xaqiiqo raadin dhab ah ka soo sameeyaan,waxyaabaha uu salka ku hayo khilaafka u dhexeeya madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Guddiga koowaad oo loo diray degaannada Puntland ayaa guddoomiye looga dhigay,Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud(Faroole),halka guddiga labaad ee loo diray dhinaca Galmudug uu hoggaaminayo Cabdi Xassan Cawaale(Qeyb-diid). Saddexda guddi ee kale oo loo diray Hirshabeelle,Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa waxaa kala hoggaaminaya; Maxamed Xuseen Raage(Hirshabeelle),Cabdullaahi Cabdi Garuun(Koonfur Galbeed )iyo Axmed Xaashi Maxamuud(Jubaland). Halkaan ka akhriso guddiyada la magacaabay PUNTLAND POST The post Aqalka sare oo guddiyo u saaray khilaafka dowlad goboleedyada iyo Federaalka appeared first on Puntland Post.
-
Kadib weerar waabarigii saakay kooxda Al-shabaab ku soo qaadeen degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayey soo bandhigeen Agab ciidan oo ay sheegeen in ay ka furteen Dowladda Soomaaliya. Sawiro ay goordhow baahiyeen Al-shabaab ayey ku sheegeen in ay soo furteen hub iyo Agab malatari. Sidoo kale Al-shabaab ayaa baahiyay meydka Nlnin ay ku sheegeen in uu yahay Gaashaanle sare oo ka tirsan ciidamada Dowladda oo ay dagaalkii saakay Afgooye ka dhacay ay ku dileen. Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay halka ay ku soo bandhigayeen Al-Shabaab saanadaasi Ciidan. Afgooye ayaa dhanka koonfur waxa ay Muqdisho ugu beegantahay 30-KM waxaana ku soo laab laabtay dagaalada iyo weerarada ay Al-Shabaab ku soo qaadaan. Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Al-Shabaab oo soo bandhigay saanad ay sheegeen in ay ka soo furteen DFS appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa qoraal turxan bixin ah ka sameeyay muranka dhanka miisaaniyadeed ee kadhex aloosan dowlada Somalia iyo Maamul Goboleedyada ka jira dalka. Xildhibaan Xiddig oo in badan ka tirsan baarlamaanka horay uga soo shaqeeyay Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa xogagaal u ahaa sida ay dowlada Somalia ku bixiso dhaqaalaha loo qoondeyn jiray maamulada. Xildhibaanka waxa uu qoraalkiisan iminka ku xaqiijiyay in dhaqaalaha ay dowlada siiso maamulada ay ku tagrifaleen Hogaamiyayaasha maamulada taasina ay keentay inay beeniyaan dhaqaalaha lasiiyay. Waxa uu qoraalkiisa oo uu kusoo daabacay Bogga uu Facebook ku leeyahay ku muujiyay inay hubaal tahay in dhaqaalahaasi ay bixisay dowlada Somali hase yeeshee ay isdabamariyeen Hogaamiyayaasha. HOOS KA AKHRISO QORAALKA UU XILDHIBAANKA KA SAMEEYAY MURANKA DF IYO MAAMULADA Miisaaniyada Federaalka iyo Muranka Maamul Goboledyada: Markale waxan bulshada u iftiiminaya: Dhaqaale Dowladed heer Federal iyo mid Maamul Goboled intuu doono Hala ekaado waxaa lagama maarmaan ah inu ku baxo Qorshe Cad oo in la maalgeliyo u baahan haday tahay Mushaar, Guno, Dhismo/Dayactir waxbarasho , Caafimaad, Wadoyin, Gargaar, Dib u heshisin iwm: Madaxda Maamul Goboledyadu waxay Qirteen inay Wasaarada Maaliyada Federaalka ay siisay lacago AMA tiraday sheegteen ha shaato AMA haka badnaatee waxaa in lays waydiiyo u baahan: 1-Marki lacagahas la qaadayay maxaa loogu talo galay? 2-Kan La siiyay muxu ku Qaatay? 3-Kan siiyay muxuu ku siiyay ma (Sooryaa)? 4-Ma jirtay Mashruuc AMA Qorshe maamuladu keeneen oo Wasarada maaliyadu ku qanacday kadibna la maalgeliyay? 5-Wasaarada maaliyada federaalku masoo hubisay lacagtii ay bixisay in siday ahayd loogu fuliyay howshi loogu talo galay: hadiiba uu jiray wax masharic ah: 6-Lacagahaas ma la mariyay Bank transfer Mana lagu transfer gareyay Accountiga Official ka ee Maamul Goboledka?. 7-Mise inti Boorso lagu guray ayaa xili habeen ah meel madow laysugu dhiibay? Sida Xaqiiqada ah Madaxda Maamul Goboledyadu waxay Dowlada federaalka ka qaateen lacago farabadan, waxaana hubaal ah inan Madaxda maamul goboledyadu lacagtaas ku fulinin mashaariic Kuna bixinin Ciidamada Amniga ee furimaha ku jira waa sida ay iyaguba qireen inaanay mudo sanad ah wax mushaar ah Qadanin haba yaraatee: Waxaa hubaal ah hadii Madaxda Maamul Goboledyadu Si aan musuqmaasuq ku jirin u maamuli lahayeen dhaqalaha ay Qirteen inay Dowlada federaalku siisay iyo Dhaqaalaha kaso gala kaabayasha Dhaqaalaha ee deegaanadooda iyo taageerada dhaqaale ee ay ka helaan Heyadaha Caalamiga iyo Dowladaha qaarkood inay ku filaan lahayd Ciidamada iyo Siyaasiyinta la sheegay inaysan Sanad ku dhawaad wax mushaar ah Qaadanin: Waxaa cad in Madaxda Maamul Goboledyada lacagaha lagu siiyo sida ku qoran qodobka 7aad ee Qoralkeygan, Hadaba madaxda Maamul goboledyadu ma Waxay u qaateen in lacagtani tahay Baad ay dawladu iyaga shakhsiyan u siisay AMA Sooryo saaxibtinimo Ileen wax mashariic ah oo loogu talogalay oo lagula xisaabtamayo ma jirine ? Hadaba soo ma cada in lacagahas Madaxda Maamul goboleedyadu dano shakhsi ku fushadeen taasina keentay inaan mudo sanad ku dhaw wax mushaar ah lasiinin ciidamada iyo xildhibaanada iwm. Qoraalada xiga Waxan ku cabiri doonaa waxa khaldan iyo sida loo sixi karo: Waxan codsanayaa in 7 Qodob ee ah Suaalaha Qoraalkaygan loo helo jawabo qanciya Shacabka Maamul Gobaledyada ee waxa magacooda lagu soo qaaday hadana lala dhinac maray? Fiiro dheer u lahaada kuwa difaaci doona iyagoo marmarsiiyo u raadinaya? Waa muhiim inaan iftiimino wixi khaldan federal iyo Maamul goboled midkay doonto ha ahaatee ? W/Q. Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Bosaso (HOL) - Two young men have been shot dead in Bosaso on Tuesday near the town's main market. Source: Hiiraan Online
-
Rag hubeysan ayaa xalay waxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku dileen Labo wiil dhallinyaro ah kuwaasi oo kamid ahaa dhallinyarada waxbaratay ee magaaladaasi. Goob jooge ayaa u sheegay Goobjoog News in ragga wax diley ay goobta isaga baxsadeen, iyadoo dhanka kalena la sheegay in halkaasi ay gaareen ciidamada ammaanka. Lama oga sababta ka dambeysay in la dilo dhallinyaradan, iyadoo ay tahay markii ugu horreysay oo fal sidan ah uu ka dhaco Boosaaso. Ciidamada Puntland ayaa waxay sameeyeen howlgallo aan weli wax natiijo ah laga sheegin. Boosaaso ayaa marar badan waxaa ka dhacay dilal iyo sidoo kale qaraxyo, waana magaalada Ganacsiga ee Puntland. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ergeygii gaarka ahaa ee QM u qaabilsanaa arrimaha Somali ee uu xilka ka dhamaaday Michael Keating, ayaa si adag uga hadlay cadaalad daro uu sheegay inay ka jirto Somali. Michael Keating, waxa uu sheegay in Somalia ay ragaadisay cadaalad daro ka jirta dhanka sharciga, waxa uuna tilmaamay in aad ay u hooseyso cadaalada. Waxa uu tilmaamay in awooda Sharciga Somalia uu yahay mid aad u liita taasina xiliyada qaar ay sababto in uu dhaco musuq-maasuq badan. Michael Keating, oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu ka dayrinayo hanaanka Caddaaladda Somalia oo uu carab ***** in sanadihii lasoo dhaafay uu gaaray heerkii ugu hooseeyay. Waxa uu sheegay in hoos u dhaca cadaalada Somalia ay sabab u noqotay in dadka shacabka ah ay fursado dhanka Cadaalladda ah ay ka raadiyaan meelo kale oo ay kamid tahay Shabaab. Waxa uu cadeeyay in cadaaladu ay tahay mid muhiim ah, hase yeeshee markii laga waayay dowlada Somalia ay shacabku ku dhiiradeen inay u raadsadan dhinacyo ay kamid yihiin Al-Shabaabka. “Waa arrin xaqiiq ah uma baahna in qaab kale loo dhigo xeerka sharciga Somalia waa mid daciif ah oo aad u hooseeya, Habka Caddaaladda iyo Xeer-ilaalinta wuxuu ku dhow yahay in uu istaago oo loo waayo dad loogu shaqeeyo” “Awooda ayaa weli ah mid xadidan, dowladdu ma haysato habab lagu hubiyo in xukunka la fuliyo, Inta badan, dadku waxay u jeedaan dhanka Al-Shabaab , halka ay ka aadi lahaayeen dhanka dowladda” “Marka la’eego dhanka cadaalada waxa ay shacabku dowlada kaga kalsooni badan yihiin Al-Shabaab waayo waxan jirin cadaalad loogu shaqeeyo shacabka” Michael Keating, waxa uu sheegay in musuq maasuq daran uu ka jiro Somalia, taasina ay saameyn doonto dadka aan la heyn awoodaha ee Saboolka ah. “Musuqa ka jira dhanka cadaalada Somalia waxa uu saameyn weyn ku yeeshay dadka saboolka ah oo aan heysan dhaqaalihii lagu iibsan lahaa cadaalada, waxa ay doorbidayan cadaalada Al-Shabaab” Bilihii lasoo dhaafay dowladda Somalia ayaa waday dadaallo lagu dagaallamaayo Musuq Maasuqa dalka ragaadiyay gaar ahaan kan ka dhex jira cadaalada iyo xafiisyada dowlada, waxaana jiro xubno dowladda ka tirsanaa oo xabsiga loo dhigay musuqa. Geesta kale, madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhawaan isbedel ku sameeyay Maxkamadaha dalka si loo helo cadaalad ka duwan mida laga cawanayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Shirkada Cargil ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa bixineysa lacago magdhaw ah oo la sheegay inay siin doonto dhalinyaro Soomaali Mareykan ah oo kamid ahaa shaqaalaheeda. Shirkada oo shaqaalahaasi ka hor istaagtay Dukashada Salaada ayaa lagu xukumay bixinta lacag dhan $1.5 Milyan oo dollar-ka Mareykanka ah. Dhalinyarada Soomaali Mareykanka ayaa la sheegay in cadaadis wakhti qaatay kadib ay shaqada ka tageen si ay usii wataan salaadahooda waxaana dacwad ka gudbiyay Soomaalida. Shaqaalaha ayaa dacweeyay shirkada waxaana lagu ganaaxay bixinta lacagta $1,5 Milyan oo magdhow ah kadib markii lagu helay in ay ku xadgudubtay xuquuqda dadka rayidka ah. Shirkadani lagu xakumay magdhawga ayaa waxa ay xarunteeda ku taalla Gobolka Colorado ee Dalka Mareykanka taa oo sameysa Hilibka. Shaqaalaha sida joogtada ah uga howlgala shirkada ayaa tiradooda lagu sheegay 138 shaqaale kuwaa oo ka howlgali jiray baceynta iyo Baakadeynta Hilibka Warshadeysan. Sidoo kale, madaxa Sharikadda Cargil, Brian Sikes, ayaa sheegay in ay u hoggaansameen xukunka Maxkamadda sidoo kalena shaqaalaha ku soo laabanayaan shaqada iyada oo la siinayo waqtiyada salaadda ee ay u baahanyihiin. Inta badan shirkadaha reer Galbeedka ayaa shaqaalahooda muslimka ah ku cadaadisa inay ka tagaan salaadahooda si ay uga sii shaqeeyan shirkada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasaaradda amniga ee maamulka Jubbaland ayaa sheegtay in maxkamad lasoo taagi doono 10 nin oo la sheegay in lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Maxamed Cabdi Kaliil, wasiiru dowlaha wasaaradda amniga ee Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in raggan lasoo qabtay iyaga oo maleegayey falal amniga wax u dhimaya. Waxa uu tilmaamay wasiirka in ragga la hayo loo haysto falal la xiriira qaraxyo dhacay, kuwo ay qorsheynayeen iyo dilal ka dhacay magaaladaasi. “Ciidamada waxay soo qabteen 10 nin oo amni darri wadday, qaarkood qaraxyo ayeey magaalada ka fuliyeen kuwana dilal qorsheysan, waxaa lasoo taagi doonaa maxkamadda si cadaaladda loo waafajiyo” ayuu yiri Kaliil. Ciidamada Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxay howlgallo amni ka wadeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa saakay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Wararka ay Goobjoog News heleyso waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar lama filaan ah kusoo qaadeen xaafadda Buulo Foolyo ee degmadaasi, halkaasi oo fariisin ku lahaayeen ciidanka dowladda. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan oo socday ku dhowaad saacad. Shacabka ku dhaqan degmada Afgooye ayaa waxaa soo wajahay cabsi xooggan inta dagaalka uu socday. Ma jirto wax war ah oo ay soo kala saareen dhinacyada ku dagaallamay degmadaasi. Al-shabaab ayaa marar badan sidan oo kale waxay weerar ugu qaadeen degmada Afgooye ee Shabellaha Hoose. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qaraxa habbeenimadii xalay ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo jugtiisa uu aad u xooganaa ayaa waxaa inta badan laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay Gaari gacan laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo la doonaayay in gudaha loo soo galiyo magaalada. Qaraxa ayaa si gaara uga dhacay meel ku dhow Xawaalada Amal Suuqa bakaaraha waxaana ka dhashay burbur iyo khasaaro hantiyeed. Saraakiisha iyo ciidamada amaanka ayaa ku sugnaa goobta waxaana xusid mudan in Qaraxa uu dhacay wakhti danbe oo xalay aheyd. Waxaa soo baxaaya warar kala duwan oo ku aadan Qaraxa mana la oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxa. Qaraxa noocaas ah ee loo adeegsaday gaari gacan ayaa noqonaaya kii labaad oo lagu soo xiro gaari waxa uuna kii koowaad uu ka dhacay suuqa siinaay asbuucii tagay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
VIENNA/ROME (Reuters) - Italian far-right leader and Deputy Prime Minister Matteo Salvini likened African immigrants to slaves at a European conference on Thursday, drawing an angry response from Luxembourg’s foreign minister, who cursed at him in frustration. Source: Hiiraan Online
-
The county government of Garissa has allocated Sh450 million towards skills training , entrepreneurship and home industries to empower youth and women. Source: Hiiraan Online
-
Suspected Al-Shabaab militants allegedly killed two people on Friday morning after ambushing a bus heading to Garissa town. Source: Hiiraan Online
-
Despite some gains, female politicians face an uphill battle in reaching the country’s 30% quota. By Omar Mahmood Source: Hiiraan Online
-
In an article on Hiiran Online on 17 August 2018, I called on Eritrea, Ethiopia and Somalia who were working to bury the decade old enmity (Ethiopia and Eritrea) and the renewal of the strong ties that existed between Somalia and Eritrea Source: Hiiraan Online
-
Although some say it was too late, the government of Dr. Abiye should be commended for decisive action it has taken against criminals who have wreaked havoc in Jijiga. Many are happy to see Abdi Iley and his murderous gang behind bars for the crimes they have committed against the law abiding citizens of the country. Source: Hiiraan Online
-
Uganda is the most physically active nation in the world, according to a recent report by the World Health Organization. The BBC's Patience Atuhaire went to find out why. Source: Hiiraan Online
-
In early September, the Somali regional leaders met in Kismayo. It was a meeting where the President Mohamed Farmajo was not present, but yet his big portrait was so visible that it covered the pictures of the five regional leaders. Source: Hiiraan Online