-
Content Count
215,061 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa bedeshay qunsulkii u qaabilsanaa Somaliland Brigader General Berhe Tesfaye, ka dib muddo ku dhow toban sannadood oo uu Addis Ababa u joogay Hargeysa. Danjire Berhe, ayaa toddobaadkan dhammaaday wuxuu ka ambo baxay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, isagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalkiisa, waxaana la filayaa inuu dhawaan magaalada Hargeysa soo gaadho qunsulka lagu bedelay oo aan weli si rasmi ah magaciisa loo shaacin. Qunsulka ayaa hawlihii xafiiska uu madaxda ka ahaa ee Addis Ababa wuxuu ku wareejiyay masuuliyiinta kale ee tirsanaa xafiiskiisa, waana nidaamka ay safaariiradu xilka u wareejiyaan, waxaana la filayaa in diblomaasiga lagu bedelay uu dhawaan soo gaadho caasimadda Hargeysa. Danjire Berhe Tesfaye, ayaa mudadaas tobanka sannadood ku siman ee uu ahaa qunsulka Itoobiya u fadhiya Somaliland, wuxuu si weyn uga qayb qaatay xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ee ku salaysan dhinacyada kala duwan. Dawladda Itoobiya ayaa bishii hore ee Oktoobar waxay dib ugu yeedhay in ka badan 90 diblomaasi oo muddo dheer shaqaynayay oo Addis Ababa u joogay dunida, kuwaas oo uu danjire Berhe Tesfaye ka mid ahaa, waxaanay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya talaabadan ku sheegtay inay ka mid tahay firfircooni ay doonayso inay wasaaradu geliso shaqadeeda arrimaha dibadda. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabataynta hubka ee Ereteriya iyo Soomaaliya ee UN Monitoring Group, ayaa shalay soo bandhigay warbixintoodii sannadlaha ahayd. Warbixintaas oo uu Geeska Afrika, soo akhriyay waxa ku jira qaybo Somaliland ka hadlaya, gaar ahaan waxa ay kooxdani aad culayska u saartay saldhiga ay dawladda UAE ka dhisanayso magaalada Berbera iyo dagaaladii dhex maray ciidamada Somaliland iyo maamulka Puntland ee ka dhacay Tukoraq. Waxa warbixintan ka muuqata inuu maamulka Puntland kaga dheereeyay dawladda Somaliland faafinta dacaayadka ka dhanka ah Somaliland, halka ay kooxdu Somaliland ka weyday wax jawaab ah oo ku saabsan dacaayada Puntland. Kooxdan UN Monitoring Group, waxay iyadoo ka hadlaysa saldhiga UAE ee Berbera ay sheegtay inay dawladda Somaliland ka waayeen jawaab celin ku saabsan saldhiga Imaaraadka Carabta ee Berbera oo ay su’aalo ka weydiiyeen. 2 February 2018, ayay kooxdu sheegtay inay Somaliland u soo direen qoraal ay kaga hadlayaan in dhismaha saldhigaas Berbera uu ka hor-imanayo cunaqabataynta hubka, iyadoo kooxdu xustay in caawimo kasta oo dhinaca ammaanka ah ee hay’adaha Somaliland uu u baahanayo inay ogolaansho ka helaan guddiga sida uu dhigayo qodobka 11, farqadiisa (a) ee qaraarka ay golaha ammaanka Qaramada Midoobay soo saareen sannadkii 2013. Waxa kale oo ay UN Monitoring warbixintooda ku sheegeen inay Somaliland sidoo kale weydiiyeen halka uu marayo dhismaha saldhigaasi, “Ilaa hadda, kooxdu may heli wax jawaab ah.” Ayay tidhi warbixinta Qaramada Midoobay. Laakiin kooxda waxa u jawaabtay dawladda Imaaraadka Carabta. Warbixintu waxay tidhi “5 June 2018, waxa ay kooxdu taar u dirtay Imaaraadka Carabta, iyadoo raadinaysa warbixin la xidhiidha aasaaska saldhiga iyo balaadhinta dekedda Berbera. 7 September, Imaaraadka Carabta ayaa ku soo jawaabay sidan, “Imaaraadka Carabtu wuxuu la galay Somaliland heshiis si uu u horu-mariyo oo u maaamulo dekedda Berbera. Dhammaan heshiisyadii lala galay gobolada Soomaalida waxa loo galay iyada oo laga duulayo awoodaha dastuuriga ah ee ay leeyihiin madaxda goboladaasi, iyada oo looga dan leeyahay in lagu guulaysto amni, degenaansho iyo badhaadhe ay gaadho Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo dadkeedu.” UN Monitoring Group, waxa qayb kale oo ka mid ah warbixinteeda ay kaga hadleen dagaaladii ka dhacay tuko-raq, waxaanay sheegeen in Somaliland ay qabatay 14 ka mid ah maleeshiyaadka Puntland, halka ay Puntland qabatay 3 askari oo Somaliland ah. “7 ka mid ah askartaas Puntland waxa lagu daweeyay Hargeysa, halka toddobada soo hadhayna loo dhaadhiciyay xabsiga Hargeysa, sida uu sheegay Madaxweynaha Somaliland, qoyaskooda ayaa loo ogolaaday inay arkaan.” Ayay tidhi warbixintu. Laakiin waxay kooxdu sheegtay inay heshay warbixino sheegaya in la jidh dilay askar Puntland ah oo ay dileen ciidamad Somaliland 24 May 2018, “Iyagoo kaga aarsanaya dilka taliye Somaliland ah.” Ayay tidhi warbixintu, waxaanay iyadoo sheegaysa inay ka weyday Somaliland wax jawaab ah oo ku saabsan eedayntan kooxdu tidhi, “Markii aanu qoraynay, UN Monitoring wax jawaab ah kamay helin taar ay u dirtay Somaliland 6 September 2018,”, taarka ayaa ku saabsanaa inay Somaliland ka jawaabto eeddaas Puntland. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa dawladda Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo ka diiday in Soomaaliya laga khafiifiyo cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya. Laakiin taas bedelkeed waxa ay golaha ammaanku cod aqlabiyad ah cunaqabayntii kaga qaadeen Ereteriya oo ay saarnayd toban sannadood. Qaraar uu golaha ammaanku shalay soo saaray wuxuu cod buuxa ugu ansixiyay in Ereteriya laga qaado cunaqabaynta, waxase ay sheegeen golaha ammaanku inay cusboonaysiiyeen cunaqabayntii hubka ee saarnayd Soomaaliya. Golaha ammaanka ayaa sheegay in kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada cunaqabataynta hubka ee Ereteriya iyo Soomaaliya ay ku guul daraysteen in ay keenaan caddaymo lagu xoojiyo eedaymaha Eritrea loo soo jeediyay. Tallaabadan golaha ammaanka ee Qaraamda Midoobey ayaa meesha ka saaraya cunaqabatayntii Eritrea ka saarnayd soo iibsashada hubka, shaqsiyaad dhaqaalahooda la xannibay iyo xayiraaddii dhanka socdaalka. Laakiin waxay golaha ammaanku sheegeen inaanay ku qancin qaraar ay dawladda Soomaaliya iyo dalal la saaxiib ahi soo hordhigeen golaha oo ah in laga khafiifiyo cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya saaran, waxaanay golaha ammaanku sheegeen inaanay Soomaaliya weli buuxin shuruudo lagaga qaadi karo cunaqabataynta. Talaabadan ayaa faashil diblomaasiyadeed ku ah dawladda Madaxweyne Farmaajo oo weyday awood diblomaasiyadeed oo la miisaan ah dedaalka ay Itoobiya u gashay in Ereteriya laga qaado cunaqabataynta saarnayd. Source
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayo in magaaladaas laga dareemayo taageero uu Shariif xasan Shiikh Aadan oo ahaa mudaxweynihii hore ee Maamulkaas uu u fidinayo Musharaxa Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo dhawaan heshiis la galay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu heshiiskii uu galay ay kamid aheyd inuusan taageeri karin Musharixiinta Koonfur Galbeed. Shariif Xasan ayaa fuliyey laba qodob oo kamid ah Qodobadii uu Dowladda ku heshiiyey oo kala ahaa inuu xilka iska casilo isla markaasna uusan isisoo sharixin, balse wuxuu si cad u jabiyey qodobkii ahaa inuusan taageeri karin musharixiinta Maamulkaas. Wasiiradii iyo Xildhibaanadii sida weyn u taageersnaa Shariif Xasan ayaa la arkayaa iyagoo taageerayo Roobow Abuu Mansuur oo ah wadaad dhawaan kasoo baxay Kooxda Al-Shabaab iskuna soo taagay Xilka madaxweynimo ee Koonfur Galbeed. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegayo inuu Shariif Xasan uu ka taageerayo Roobow dhanka Maaliyadda inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin arrintaan. Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu dhawaan Dowladda Soomaaliya ka qaatay lacag Laba Malyan oo Dollar ah si uu uga haro madaxtinimada Koonfur Galbeed. Dowladda Soomaaliya ayaa wadato Musharax Lafta Gareen, wuxuuna cadaadis xooggan kala kulmayaa Roobow oo heysto tiro badan oo ka tirsan Xildhibaanada Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Shirweynihii sannadlaha ahaa ee Jaaliyada Guud ee Puntland ee Dalka Denmark ayaa lagu qabtay magaalada Århus, kaas oo lagu doortay Gudida iyo Gudoomiyaha Cusub ee hogaamin doona Jaaliyada Puntland ee Denmark mudada 2 sano ee soo socda Mudane Abshir Xasan Sheekhdoon Shirkaas oo looga hadlay laguna soo bandhigay hawlihii iyo qorshayaashi gudiga Jaaliyadu ay soo qabteen mudo xilyeedkii ay gacanta ku hayeen gudoonka Jaaliyada. Gudoomiyihii hore ee Jaaliyada Puntland ee Denmark Mudane Siciid Dhimbiil ayaa hadal uu ka jeediyey madashii shirka ku dheeraaday hawlihii shaqo, samafal, isku xir bulsho ee Gudida iyo dhamaan xubnaha Jaaliyadu soo qabteen, iskana kaashadeen mudadii ay xilka hayeen. Gudoomiye Siciid Dhinbil ayaa sheegay in xilku yahay meerto, dimuqraadiyaduna ina bareyso in shaqada bulshada loo hayaa ku hormari karto, iskaashi, wada-yashi iyo in dhiig cusub iyo xoog cusub oo fresh ah mar walba talada iyo waxqabada lagu kabo. Gudoomiye Siciid Dhimbiil ayaa xusay in mudadii ay xilka hayeen isaga iyo gudigii la shaqeynaayey ay ku guuleysteen in ay Jaaliyada Puntland ee Denmark ku caan baxdo in ay noqto Jaaliyad Samfal, oo mar walba safka hore uga jirta hawlaha isku xirka bulshada iyo Tabarucaadka shacbiga tabaaleysan ee ku dhaqan Puntland iyo guud ahaan Somaaliya. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ku guuleysteen in maamulka Jaaliyada ka leexiyaan dhaqan xumadii Jaaliyadaha Somaalida kuwo Puntlandba lagu yaqaano ee ah in ay noqdeen ” ONE MEN SHOW ” oo ah in Jaaliyadaha shaqsiyaadka maamulaa ka dhigtaan hanti ay iyagu si gaar ah u leeyihiin, oo jeebka ay ku wataan, ama NGO ay ku shaqeystaan, isla markaan kaga tuugsadaan dawladaha loo martida yahay. Gudoomiyaha ayaa sheegay in dhaqan xumadaasi ay keentay in Jaaliyaduhu noqdaan meel laga xoogsado, oo hal qof ama koox gaara ah gacanta ugu jirta mudo aad u dheer,isla markaana Bulshooyinka ka dhex abuura dagaal, Qabyaalad iyo isqabqabsi joogta ah, iyadoo aad arkayso hal magaalo oo yar oo 300 urur ama Jaaliyadood ka dhisan yihiin, oo dhamaantood ku tuugsanaayaa in ay Somalia ka wadaan boqolaal mashruuc oo wada been ah, dhamaantoodana waxay ay tartan ugu jiraan, waxay dhacaan, waxay xadaan, iyo in ay Telefishinada ka soo muuqdaan, si ay xilal uga helaan Dalkii Hooyo. Gudoomiyahihii Hore ee Jaaliyada ayaa soo jeediyey in Bulshooyinka Somaaliyeed ee Qurbuhu u kacaan oo la dagalmaan dhaqan xumadaa iyo ceebta ay magaca Somaaliyeed ku soo kordhiyeen Jaaliyaha daneysiga loo furtay, isagoo xusay in ay muhiim tahay in xitaa xogtooda lala wadaago hayadaha tuugsiga loo tago iyo warbaahinta wadamada loo martida yahay. Sidoo kale wax garadka Jaaliyada oo rag iyo dumarba lahaa ayaa hadalo mahadnaq iyo soo dhaweynba leh uga soo jeediyey munaasibada Gudidii hore ee Jaaliyada iyo Gudida Cusub ee loo dooryay Gudoonka Jaaliyada Puntland, iyadoo goobtaas Shahaado sharaf lagu gudoonsiiyey Gudoomiyihii hore ee Jaaliyada Siciid Dhimbiil iyo dhamaan xubnihii hore ee Gudida Jaaliyada. Gabogabadii waxaa shirka soo xiray oo xilkii lagu wareejiyey Gudoomiyaha Cusub ee Jaaliyada Puntland Mudane Abshir Xasan Sheekh Doon iyo Gudiga Cusub ee Jaaliyada, iyagoo u mahadnaqay Bulshada Jaaliyada ee codkooda kalsoonida ah siiyey, iyagoo balan qaaday in ay hore u sii wadi donaan hawlihii shaqo,isku xir bulsho iyo samfal ee Jaaliyadu ay caanka ku aheyd mudada dheer. Xafladii Doorasha Gudoomiyaha Cusub Jaliyada puntland Denmark Source
-
Golaha shacabka oo kulankooda maanta ay soo xaadireen ilaa 155 xildhibaan ayuu wasiirka maaliyadda ee JFS Cabdiraxmaan Beyle hor-dhigay miisaaniyadda 2019-ka. Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa ugu horeyntii waxaa uu xildhibaannada golaha shacabka u sharaxay miisaaniyadda 2019-ka, isaga sheegay inay noqon-doono $340 Milyan halkii sanadkii hore ka aheyd $274.6. “Miisaaniyadda waa mid isku jaan go’an, waxa na soo gala waxaa ay u qeybsamaan 3 qeybood: Waxaa weeye Canshuuro iyo dakhli kale oo waddankeenna gudahiisa aan ka soo uruurinno,…qeybta xigta waa kabidda oo caawimaad dunida iyo qeybta 3aad oo ah mashaariicda ay hey’adaha caalamiga nagu caawiyaan, marka laga reebo mashaariicda waa wax Xamar laga soo uruuriyey, miisaaniyadda kuma jiraan kuwa dowlad goboleedyada”. Waxaa sheegay Beyle. Mr. Beyle waxaa uu difaacay qoondada ku korortay caafimaadka iyo waxbarashada, oo tan hore ay ku korartay 6 Milyan halka waxbarashada oo lagu kordhiyey 4 Milyan oo iskuullo iyo Macalimiin ku bixi-doonta. Xildhibaan C/rashiid Xidig oo ka mid ahaa xildhibannadii hadlay waxuu soo-jeediyey in la hubiyo mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha kale ee dowladda “2019-ka, miisaaniyaddan Xogta aan heyno, waxaa naloo sheegay ayna ku jirin sidii sanadkii hore oo kale, wax shaqaale cusub ah oo la qorayo”. Guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) oo shir guddoominayey ayaa sheegay in guddiga maaliyadda iyo miiisaaniyadda ee Golaha Shacabka laga doonayo in ay ka soo shaqeeyaan miisaaniyaddan ka dibna aqrinta labaad ay soo diyaariyaan. ” Arrintaan waxaa ka soo shaqeynaya guddiga inoogu xil saaran arrimaha maaliyadda iyo miisaaniyadda oo aan ka sugeyno iney noo keenaan xisaab xirka 2017 iyo meelaha dhaliilaha laga jeediyay ka dib ayaa xildhibaan walbo fursad loo siinaya inuu ka doodo maadaama maanta aqrin koowaad ay tahay”. ayuu yiri guddoomiye Muudeey. Dhanka kale, xildhibaanada golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda dadka naafada ah oo maray aqrinta saddexaad. Haddaba, Goobjoog News, Waxaa Horay Ugu Soo Gudbisay Akhristayaasheeda Faah-faahinta Miisaaniyadda Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa soo saartay qoaraal kale oo la xiriira dilka suxufiga Sacuudiga ee Jamaal Khaashuqji, kaasi oo ay ku taageereyso boqortooyada Qoraalka oo Carabi lagu qoray, islamarkaana lasoo dhigay barta twitter-ka ee wasaaradda ayaa lagu yiri “Dowladda federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweeneysaa baaritaanka dacwad oogaha guud ee Sacuudiga, kaasi oo dad loogu xiray kiiska dilka suxufi Jamaal Khaashuqji” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Soomaaliya waxay tani u aragtaa tallaabo jihada saxan loo qaaday oo lagu raadinayo xaqiiqda kiiskan”. Qoraalkan ayaa ah kii labaad ee Soomaaliya ay ku taageerto Sacuudiga, marka ay timaado kiiska dilka Jamaal Khaashuqji, ayada oo Soomaaliya qoraaal midkan la mid ah bil ka hor uga digtay waxa ay ugu yeertay handaadda ka dhanka ah Sacuudiga. Sida la ogyahay qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa u dhacaya mid boqortooyada Sacuudiga iyo xubnaha xukunka haya loogu dhigayo inaysan wax shaqo ah ku lahayn kiiska. Si kastaba Hay’adda sirdoonka dhexe ee Mareykanka ee CIA, ayaa go’aamisay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu amray dilka suxufi Jamaal Khaashuqji, taasi oo burineysa doodda Sacuudiga ee ah in Bin Salmaan uusan waxba ka ogeyn dilka, waxaa sidaas werisay Washington Post. Qiimeynta ay sameysay CIA-da, ayaa ah tii ugu xoogganeyd ee Bin Salmaan si toos ah ula xiriirineysa dilka Jamaal Khaashuqji, oo labadii October ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Halkan ka aqri warkaas. Hoos ka arag warqadda maanta kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta waxaa uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Maraykanku u soo magcawday Soomaaliya Donald Yukio Yamamoto. Danjiraha Yamamoto ayaa madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyey ka guddoomidda waraaqaha aqoonsiga, isaga oo sheegay in dowladda Maraykanku ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada horumarka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa danjiraha cusub u mahadceliyey, isaga oo ku soo dhaweeyey Soomaaliya, una ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay la shaqayn doonto. Haddaba, Waa Kuma Donald Yukio Yamamoto? Donald Yukio Yamamoto waxaa uu ku dhashay Seattle, Washington 1953-dii, isaga oo ka qalin-jabiyey Columbia University. Shaqo badan ayuu ka soo qabtay arrimaha dibadda waxaa ka mid ahaa: Kaaliyaha xogheyaha arrimaha dibadda September 3, 2017-July 23, 2018 iyo sarkaal sare oo howl-galay Kabul, Afgaanistaan, 2014–2015. Yamamoto, waxaa uu aqoon fiican u leeyahay gobolkan geeska Afrika, waxaa uu horay u ahaa Madaxa howgalka Soomaaliya(2016) , Safiirka Mareykanka ee Itoobiya (2006–2009), Safiirka Mareykanka ee Djibouti (2000–2003), iyo sidoo kae Safiirkooda Eritrea (1997–1998). Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Ciise Axmed Xawar ayaa ku margaday in uu jawaab waafi ah ka bixiyo warbixin qaramada midoobay soo saartay. Warbixintan qaramada midoobay soo saartay ayaa Somaliland ku eedaysay inay jidh-dil u gaystay maxaabiis reer Puntland ah oo lagu soo qabtay dagaalkii Tuke-raq, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa maanta si qarsoodi ah u fureysa dhisme la ballaariyey oo dib loo habeeyey, kaasi oo noqon doona waxa dadka qaar ay ugu yeereen safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Xaruntan ayaa ka dhigi doonta howlgalka diblomaasiyeed ee Mareykanka ee Soomaaliya mid ku sugan Muqdisho, waxaana ka shaqeyn doono shaqaale kooban. Howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa iminka dhex degan safaaradda Mareykanka ee Nairobi. Saraakiisha Mareykanka waa ay diidan yihiin in ka hadlaan ujeedada dhismahan, waxaana ay sidoo kale u muuqdaan kuwa aan ugu yeereen safaarad ama qunsuliyad. Si kastaba, astaan muujineysa muhiimadda dhismahan, ayaa ah imaanshaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, oo fadhigiisu yahay Nairobi, kaasi oo la filayo inuu maanta xariga ka jaro dhismahan. Saacado ka hor, ayaa madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa uu waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Donald Yamamoto. Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa diiday inay weriyayaasha u ogolaato munaasabadda furitaanka. Mareykanka wax safaarad ah kuma lahayn Soomaaliya, tan iyo sanaddii 1991-kii markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Dhismaha Mareykankan ayaa ku dhex-yaalla xarunta Xalane, ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, oo amnigeeda sida aadka ah loo sugo. Mareykanka waa ay diidan yihiin inay dhismahan cusub ugu yeeraan safaarad ama qunsuliyad hase yeeshee waxaa loo dhisay in loo adeegsado hab diblomaasiyeed. Mareykanka, Shisheeyaha iyo Soomaalida ka shaqeysa garoonka Muqdisho iyo Xalane ayaa ugu yeera “safaaradda”. Ma cadda haddii calanka Mareykanka maanta laga taagi doono dibedda dhismahan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Maraykanku u soo magcawday Soomaaliya Donald Yukio Yamamoto. Danjiraha sucub mudane Yamamoto ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey ka guddoomidda waraaqaha aqoonsiga, isaga oo sheegay in dowladda Maraykanku ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada horumarka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa danjiraha cusub u mahadceliyey, isaga oo ku soo dhaweeyey Soomaaliya, una ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay la shaqayn doonto. Madaxweynaha iyo Yamamoto ayaa ku kulmay xarunta Xalane. Inta badan Diblomaasiyiinta Mareykanka ayaa loo ogoleyn inay soo dhaafaan garoonka diyaaradaha Muqdisho, sababo amni awgeed. Kadib la kulanka madaxweyne Farmaajo, Yamamoto ayaa xariga ka jari doono dhisme la ballaariyey oo dib loo habeeyey, kaasi oo noqon doona waxa dadka qaar ay ugu yeereen safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Halkan ka aqri warkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee dowladda Maraykanku u soo magcawday Soomaaliya Mudane Donald Yukio Yamamoto. Danjiraha sucub mudane Yamamoto ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uga mahadceliyey ka guddoomidda waraaqaha aqoonsiga, isaga oo sheegay in dowladda Maraykanku ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada horumarka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhankiisa danjiraha cusub u mahadceliyey, isaga oo ku soo dhaweeyey Soomaaliya, una ballan qaaday in dowladda Soomaaliya ay la shaqayn doonto. The post Madaxweynaha JFS Oo warqadaha ka guddoomay danjiraha Maraykanka appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Laascaanood)-Wasiirka Arrimaha Gudaha JSl Maxamed Kaahin Axmed oo ay Weheliyaan Wafti Wasiiro ah iyo Gudida Nabadaynta golaha guurtida , Maamulka Heer Gobol iyo Heer degmo ee Gobolka Sool ayaa saaka Si rasmiya u Dhagax dhigay Dhismaha Waddo laamay ay oo isku xidhi doonta Madaarka iyo Magaalada Laascaanood. Dhismaha Jidkan Laamayga Ah oo dherer ahaan Dhan 5KM ayaa loogu magac daray Garaad Ismaaciil Ducaale Road. mashruuca dhismaha wadadan ayaa waxaa maalgalintiisa iska kaashaday sanduuqa horumarinta midawga yurub iyo Xukuumada Somaliland kaasi oo dhismihiisa fulin doonto shirkada dhismaha ee shire construction company. Source
-
Boosaaso ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Bari ayaa ku warramaya in maanta Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland Qarax lagul eegtay inta u dhexeysa degmada Boosaaso iyo Buuraha Galgala ee gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsay Gaadiid ay la socdeen Ciidamadaasi. Inta la ogyahay illaa 3 Askari ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan halkaasi. Ciidamada Qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay in ay ka soo ambabaxeen dhanka Buuraha Galgala, kuna soo jeedeen magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxaasi ay ku dileen Askar iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada maamulkaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Inta badan Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro gaadma ah iyo qaraxyo la beegsada Ciidanka Puntland ee ka howlgallo buuraleyda G/ Bari ee Puntland. The post Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay Gobolka Bari appeared first on Shabelle. View the full article
-
Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Ra”iisul wasaaraha dalka Itoobiya Dr.Aby Ahmed ayaa maanta si rasmi ah u furay kulan ay ka qeybgaleen Madaxda dalalka Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Adis-ababa ee dalkaasi. Dr.Aby Ahmed oo halkaasi ka jeediyay khudbaddii furitaanka ,waxa uu soo dhoweeyay madaxdii ka qeybgashay shirkaasi , isagoo ka warbixiyay in la sii ambaqaado qodobada muhiimka ah ee loo baahan yahay in Qaaradda Afrika ay ku tallaabsato . Ra”iisul wasaaraha Itoobiya, waxa uu caddeeyay in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeyn laga yeesho aayaha Qaaradda, gaar ahaan sidii loo abuuri lahaa jewi nabadeed iyo kor u qaadidda dhaqaalaha. Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ahna guddoomiyaha Midowga Afrika ee sanadkaan ayaa sheegay in hadafka isbadalka loo baahan yahay uu yahay in la helo Afrika oo xoogan, isla markaana dadkeedu ay helaan mustaqbal wanaagsan . Kulankaasi waxaa kaloo ka hadlay Moussa Faki Mahamat, oo ka mid ah la guddoomiyaasha guddogga midowga Afrika, isagoo faahfaahiyay dhaqdhaqaaqyada isbadalada loo baahan yahay. The post Shirka Midowga Africa Oo ka Furmay magaalada Addis Ababa appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho,iyadoo uu shir guddoominaayay kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) waxaa soo xaadiray 155 xildhibaan. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda dadka naafada ah oo maray aqrinta saddexaad. Hindise sharciyeedkan ayaa waxaa soo diyaariyay wasaarada Haweenka iyo xuquuql insaanka ee Xukuumada Soomaaliya, waxaa wax ka bedel iyo ku daris ku sameeyay guddiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka. 155 oo madasha fadhiyay ayaa cod wada ogol ah ugu codeeyay, ma jirin xildhibaan diiday ama xildhibaan ka aamusay. Guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xaawa Yuusuf Axmed ayaa xildhibaanada kaga mahad celisay ansixinta iyo go’aanka wada ogolka ah oo ay qaateen. Dhanka kale Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa xildhibaanada Golaha Shacabka sharaxaad ka siiyay miisaaniyadda dowladda 2019 oo ay wasaaradiisu soo diyaarisay. Wasiirka ayaa sheegay in isbadal weyn uu ka muuqdo sanadkan miisaaniyadda, waxa uu soo bandhigay meelaha ay u qorsheeyeen in lagu taageero miisaaniyaddaan. Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyay in miisaaniyaddaan lagu cadeeyo shaqaaleysiinta shaqaale cusub, keenista xisaab xirka 2017 iyo wasaaradda maaliyadda ee golaha horkeento kororka dhaqaale ee la sameeyay. Kusimaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) ayaa sheegay in guddiga maaliyadda iyo miiisaaniyadda ee Golaha Shacabka laga doonayo in ay ka soo shaqeeyaan miisaaniyaddan ka dibna aqrinta labaad ay soo diyaariyaan. ” Arrintaan waxaa ka soo shaqeynaya guddiga inoogu xil saaran arrimaha maaliyadda iyo miisaaniyadda oo aan ka sugeyno iney noo keenaan xisaab xirka 2017 iyo meelaha dhaliilaha laga jeediyay ka dib ayaa xildhibaan walbo fursad loo siinaya inuu ka doodo maadaama maanta aqrin koowaad ay tahay”. ayuu yiri guddoomiye Muudeey. The post Golaha Shacabka Oo ansixiyay hindise sharciyeed muhiim ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay magacyada saddex ka mid ah Al-Shabaab oo ay sheegtay in ay hubeysan yihiin qatarna ku yihiin Muwaaddiniinta Kenyaanka ah. Magacyada raggan ayaa lagu kala sheegay Abdalla Omar Masudi, Ismael John Otieno iyo John Muasya oo ku magac dheer Yahya Muasya. Raggan ayey dowladda Kenya sheegtay in ay ka soo kala jeedaan Gobollada Mombasa iyo Kwale ee dalka Kenya. Booliska waxa ay sheegeen in Guriga Cabdalla ay weerareen 12-kii Bishan, kana soo heleen Qori AK47 ah, iyo 30 Xabbo oo rasaas ah. Ismael iyo Yahya ayey Boolisku sheegeen in markii ugu dambeysay lagu arkay degaanka Bombolulu, ee Magaalada Mombasa, Bishii October ee la soo dhaafay. Sanadkii 2016-kii ayaa lagu xiray Lamu, waxaana la siidaayay muddo kaddib markii lagu waayay caddeymo ku filan, markaas oo lagu helay in ay u safreen Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Caabudwaaq ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka sameeyay gudaga degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa la lagu soo qab qabtay Hub iyo Darees Ciidan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulkaasi. Sidoo kale saraakiishu waxa ay sheegeen in howlgallada u jeedkoodu uu ahaa, sidii loo xaqjiiyeen amniga degmadaasi. Ammaanka Caabudwaaq ayaa maalmihii dambe ahaa mid aan xasilooneen, waxaana ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka magaaladaasi. The post Howlgallo ballaaran Oo laga sameeyay Caabudwaaq appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydgabo ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Baarlamaanka K/ Galbeed Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay 15 xubnood oo loo soo xulay in ay noqdaan guddiga cusub ee qaban qaabada ee doorashada maamulkaasi. Xubnahan ayaa waxaa ku jira Haween, waxaana kulanka maanta ay Baarlamaanku ku ogolaadeen ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed iyo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee deegaanada maamulkaasi. Maxamed Xaaji Xasan Liibaan oo ka mid ah waxgradkii ka qeyb galay kulanka ayaa Shabelle uga warbixiyay magacaabista guddigan cusub oo dardar galin doona qabsoomida doorashada maamulkaasi. Dhawaan ayey aheyd markii ay is casileen xubno ka mid ahaa Guddigii doorashada K/ Galbeed, sababo la xariira fargalin ay sheegeen in lagu hayo. The post Guddiga doorashada Koonfur Galbeed Oo la magacaabay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda Dagaal ee u dhaxeysa Al-Shabaab iyo Daacish ayaa dhibaatada ugu badan waxay kasoo gaartaa dadka shacabka ah, iyadoo labada dhinac ay dhaqalo shacabka ka doonayaan. Wargeyska Al Naba oo ah todobaadle ku hadla Afka Daacishta Syria ayaa warbixin uu ka qoray Al-Shabaabka Soomaaliya, waxaana ay sheegeen inay digniin ugu dirayaan Al-Shabaab. Digniinta ayaa aheyd in Al-Shabaab aysan ishor istaag ku sameyn howlgalada ay ka wadaan dalka Soomaaliya kooxda Daacish, waxaana muuqata in waxyaabaha la isku qabtay ay yihiin dhanka dhaqaalaha. Wargeyska oo soo xiganayay Afhayeen u hadlay Daacish, ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan ku qanacsaneyn dhaqdhaqaaqa Daacish ee Soomaaliya, balse ay sameyn doonaan wax walbaa oo ay isaga difaacayaan weerarada Al-Shabaab. Waxa kale oo uu sheegay in Shabaab ay weeeraro ay ku qaarijiyeen Saraakiil sar sare oo Sooomaaliya wakiil ugu ahaa Hogaamiyaha Daacish Abu Bakar Al Baqdaadi ay kusoo qaadeen balse sida uu sheegay iminka la joogo xiligii ay Daacish ka aargudsan laheyd. Hadalada Daacish ee Digniinta Al-Shabaab ayaa u muuqda mid fursad u ah dowladda Soomaaliya, maadaama haddii dhexdooda isku mashquulaan ay ka faaideysan karto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
