Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,677
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Residents in Jilib district in Middle Jubba region say Al-Shabaab has executed a foreign jihadist on suspicion of having links with the Islamic State branch in the Horn of Africa country. The foreign fighter identified as Abu Anas Al-Misri from Egypt was killed in bomb attack on a mosque in the rebel-held town on Monday night, according to sources. The militant group has also arrested several Somali and foreign Al-Shabaab members during an operation which is part of a clampdown on elements trying to join ISIL affiliate. Reports from the region suggest that a tension is brewing between fighters within the Al-Qaeda-affiliated Al-Shabaab group fighting to topple the UN-backed Somali Federal Government in Mogadishu. Al-Shabaab has been driven out of key areas in southern Somalia, including Mogadishu in 2011, but, the group still capable of staging attacks in the country’s capital. The post Al-Shabab executes foreign fighter in southern Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaraddo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay in korontada laga goostay, kaddib markii lagu yeeshay lacago. In ka badan 7 wasaarad oo ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmo koronto la’aan ah, waxaa laga goostay korontadii kadib markii ay muddo 4 bil ah iska bixin waayeen lacagtii. Wasaaradaha koronto la’aanta ah waxaa ka mid ah: Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Wasaaradda howlaha guud, Wasaaradda tamarta, Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo wasaarado kale oo muhiim ah. Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradahaasi, waxaa jirtay inta aan korontada la goosan ay shirkadda korontada digniin siisay xarumahaas wasaaradaha si ay u bixiyaan, laakin ay guul-dareysteen , kadibna laga goostay. Mar aan weydiiney sababta waxaa ay sheegeen inay tahay arrimo la xiriira maaliyadda, iyaga oo waayey qarashkii howlahan oo kale lagu socod-siin lahaa ee “running costs”, wasaaradda maaliyadda ayaana mas’uul ka ah arrimahaas. waxaa kale oo la ogaaday in dhibka aanu koronto keliya aheyn, oo wasaaradaha loogu hanjabay inay biyaha laga goosan-doono. Qaar ka tirsan wasiirrada xukuumadda federaalka ah ayaa ku qasbanaaday inay shirar ku galaan Hoteellada u dhow xarunta, mugdiga iyo koronto la’aanta awgeed. Dhinaca kale, Shirkadda BECO ayaa sheegtay inay jiraan wasaarado dhowr bil lacag bixin waayey, oo ay ka jareen, iyaga oo intaasi raaciyey inay qaarkood u soo daayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug Garabka magaalada Cadaado lagu doortay ayaa eedeyn kulul u jeediyay Golaha iskaashiga maamul Goboleedyada oo khilaaf uu kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha Galmudug ee lagu doortay Cadaado kadib Khilaaf yimid Axmed Maxamuud Baasto, ayaa sheegay in Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada ay la mid yihiin Al Shabaab oo caqabad ay ku yihiin horumarka Soomaaliya. Axmed Baasto, wuxuu sidoo kale sheegay in Al Shabaab iyo Golaha Iskaashiga ay yihiin caqabada kaliya ee hortaagan Soomaaliya, sida uu sheegayna loo baahan yahay in labadaasi laga guuleysto. “Soomaaliya waxaa caqabad ku ah Al-Shabaab,waxaa caqabad ku haaya Golaha sharta ah ee Golaha Iskaashiga diidayana Nasiino shacabka Soomaaliyeed helaan oo mar walba boobaya,runtii waxaan leenahay dhibaato ka weyn majirto Golahaas marka laga reebo Al-Shabaab”ayuu yiri Axmed Baasto. Dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Mudug iyo Galgaduud ayuu sheegay inay ka dambeeyaan golaha Iskaashiga oo Madaxweyne Gaas uu hogaaminayo, waxaana uu sheegay inaysan dooneyn xasiloonida Shacabka. Gaba gabadii waxa uu soo hadal qaaday shirkii Garoowe ugu qabsoomay iyo Go’aankii ay ku gaaren inay Ciidamo gaar ah sameystaan,waxana uu sheegay in ciidamaas ay ku baaqeen ay durba bilaabeen dhibaatooyin Cusub sida uu hadalka u dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Xulka kubbadda cagta dalkeena oo iminka ku sugan Ethiopia ay si wanaagsan isku diyaariyay ka qeybgaka is reebreebka ciyaaraha Olimkada qaarada Afrika waxayna kulankooda kowaad la dheelidoonaan maalinta beri xidigaha Ethopia waxaana labada xul ka dhaxeeyo xifaaltan adag “Himilada iyo rajada xulka ayaa ah in ay lasoo laabtaan guul muhiim oo ay ku farxaan taageerayaasha,balse dhalinyarada waxa ay kawada simanyihiin dal jaceyl iyo in ay kor u qaadaan sharfka calankooda baluuga ah” waaxaa Goobjoog Sports u sheegay Maxamed Cabdule Farayare oo ah macalinka xulka qaranka 23-jirada 23-jirada Soomaaliya ayaa laga sugayaa natiijo wanaagsan sida ay kal hor sameeyeen xidigaha 17-jirada ee kaalinta ka galay tartankii Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka dhacay wadanka Burundi bishii April 2018 Halkan Ka Baro Magacyada 23-Jirada Ee Matalaya Soomaaliya Ee Iminka Ku Sugan Dalka Ethopia Source: goobjoog.com
  5. In ka badan 5 wasaarad oo ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmo koronto la’aan ah, waxaa laga goostay korontadii kadib markii ay muddo 4 bil ah iska bixin waayeen lacagtii. Wasaaradaha koronto la’aanta ah waxaa ka mid ah: Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta iyo wasaarado kale oo muhiim ah. Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradahaasi, waxaa jirtay inta aan korontada la goosan ay shirkadda korontada digniin siisay xarumahaas wasaaradaha si ay u bixiyaan, laakin ay guul-dareysteen , kadibna laga goostay. Qaar ka tirsan wasiirrada xukuumadda federaalka ah ayaa ku qasbanaaday inay shirar ku galaan Hoteellada u dhow xarunta, mugdiga iyo koronto la’aanta awgeed. Mar aan weydiiney sababta waxaa ay sheegeen inay tahay arrimo la xiriira maaliyadda, iyaga oo waayey qarashkii howlahan oo kale lagu socod-siin lahaa ee “running costs”, wasaaradda maaliyadda ayaana mas’uul ka ah arrimahaas. Goobjoog News waxaa kale oo ay ogaatay in dhibka aanu koronto keliya aheyn, oo wasaaradaha loogu hanjabay inay biyaha laga goosan-doono. Mas’uuliyiinta wasaaradahaasi waxaa ay leeyihiin, waxaa is-qaban la’a in ay wasaaradda maaliyadda JFS dhahdo waxaa kordhay dakhliga gudaha iyo canshuur bixinta isla markaana ay iska bixin weyso qarashkii korontada iyo biyaha xarumaha ay deggan yihiin. Dhinaca kale, Goobjoog News waxaa ay iskudeyday inay la xiriiro wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle iyo shirkadaha korontada, laakin ma gaarin, qaarna kama helin jawaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Daaawada ilkaha ee lagu cadaydo ee loo yaqaan Colgate ayaa baaritaano la sameeyay waxaa lagu ogaaday in ay leedahay saameyn caafimaad. Maado Chemical ah oo ku Jirta boomaatada Colgate oo lagu magacaabo Triclosa ayaa xeel dheerayaal caafimaad oo u kuur galay waxay sheegeen in ay keento xanuuno kala duwan oo sababi kara in Cudurka Cancer-ka uu ka Dhasho. Cilmi baarayaasha ayaa dhanka kale tilmaamay in daraasadan aysan aheyn midii ugu horeysay oo lagu ogaado saameynta caafimaad oo ay leedahay kiimikada Triclosan in ay kor u qaado cudurka Canser-ka,ama ay kordhiso in ay unugyada jirka qaadaan. Arintaan ayaa waxaa lagu daabacay wargeys ka faalooda kiimikada ee lagu magacaabo Toxicology journal. Dadka ugu nuqul ayaa ah kuwa sida joogtada ah u isticmaala boomaatada lagu nadiifiyo afka ee loo yaqaan Colgete in ay u keeni karto halis caafimaad ku timaada qeybaha kale ee Jirka. Maadada sunta ah ee Triclosan ayaa awood u leh in ay saameyn ku yeelato unugyada Jirka bani aadamka iyo wax soo saarkaa hormone-da. Daraasaad ceynkani oo kale oo la sameeyay sanadkii 2008-dii oo lagu daabacay wargeyska Environmental Health ayaa lagu qeexay saameyn la mid baaritaankan oo la sameeyay bishan. Arintaan ayaa waxaa lagu ogaaday wareysiyo iyo baaritaano lagu sameeyay 2517 oo da’dooda u dhaxeyso 6 sano iyo wixii ka sareeya,taasi oo la micno ah 75 boqolkiiba in ay tahay ra’yi aruuntan. Soomaali badan oo ku nool gudaha iyo dibeda ayaa la aaminsan yahay in ay si weyn daawadan ay u isticmaalaan,iyadoo dhanka kale qaab ganacsi ah loo keeno gobolada dalka. Source
  7. Cadaado ( Sh. M. Network )-Axmed Maxamuud Xasan ( Axmed Baasto ) oo dhawaan Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay u doorteen Madaxweynaha maamulkaasi ayaa si kulul uga hadlay xiisadaha ka soo cusboonaaday gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Axmed Baasto ayaa ku eedeeyay golaha iskaashiga dowlad goboleedyada daka in ay dhibaato amnia ka abuurayaan gudaha maamulka Galmudug. Waxaana uu tilmaamay in ay hurinayaan xiisadaha colaadeed ee haatan ka soo cusboonaaday deegaanada maamulkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Baasto.mp3 The post GIDG Oo lagu eedeeyay xiisadaha ka taagan G/ Galgaguud appeared first on Shabelle. View the full article
  8. (SLT-Jigjiga)-Dhalinyaro ka kala socota qowmiyadaha Oramada iyo Soomaalida dalka Itoobiya ayaa waxay dhawaan ku heshiiyeen in khilaafka iyo isku dhacyada labada qowmiyadood u dhaxeeya ay iska kaashadaan sidii loo xalin lahaa. Dhalinyarada labada dhinac ayaa waxa ay shirar ku qabteen meel kala duwan iyaga oo labada shacab ku boorinayay in ay nabadda ka shaqeeyaan. Shirkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay dhalinyarada qowmiyadaha Oramada iyo Soomaalida ay ku qabteen magaalada Jigjiga. Dagaalada u dhaxeeya Soomaalida iyo qowmiyada Oromada ayaa ah kuwa soo lab laabtay,isla markaana sababay dhimasho dhaawac iyo barakac intaba. Source
  9. (SLT-Hargaysa)Waxaan halkan akhristayaasha ugu soo gudbinayaa Mid ka mid ah hadalladii ugu adkaa ee uu wakhti hore Muuse Biixi Cabdi ku naqdiyey Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (IHU) oo uu wakhtigaasi ku dhaliilsanaa sida Madaxweyne Cigaal xilalka ugu miisaamka weyn ee xukuumaddiisa ugu taxay beesha uu ka soo jeeday oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Taliyihii Ciidanka Qaranka, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyihii Guud, iyada oo wakhtigaasna uu Muuse Biixi mucaarid ku ahaa dawladii Marxuun Cigaal. Akhriste bal waxa aad isla akhridaa hannaanka uu Madaxweyne Muuse Biixi oo wakhtigaa ahaa nin Mucaarad ahi ku dhaliilayay Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo qaabka ay u taallo shaxdiisa wakhtigan ee Golaha Xukuumaddiisu. Laba wakhti keebuu Muuse Biixi saxsanaa ama qaldanaa. Waa isla laba dhacdo oo uu midna diidayo midna maanta ku dhaqmay taasi oo wakhtigan dhalinaysa doodda ugu badan ee Bulshada ee la xidhiidha saami qaybsiga iyo dareenka ka dhashay, iyada oo ay ugu dambaysay qaabkii Xulasho ee Madaxweyne Muuse Biixi ku tallaabsaday dorraad oo Sabti ahayd. Muuse Biixi Cabdi oo saxaafadda kula hadlayay Magaalada Hargeysa maalmihii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal khilaafka culusi soo kala dhex galay golihii salaadiinta Somaliland ayaa waxa hadalladii Muuse Biixi ee aadka u kululaa ka mid ahaa kuwan: “Madaxweyne Cigaal Mid baan leeyahay. Mudane Madaxweyne maanta ma 80 jir baad tahay?, ma 40 sano ayay Somaliland talo ku mooday. Ma 9 sano ayaad Somaliland hor fadhiday?, ma maantaad dhufeys gurigaagii ka qodatay?. Ma maantaad taangiyo u dalbatay Salaadiintii adiga ku dooratay. Ma maanta ayaad awooddii qaranka ku soo ururisay in aad isku Suldaan tihiin?. Wasaaraddii Daakhiliga, Maxkamaddii Sare, Xeer Ilaaliyihii, Taliye Ciidan. Ma maantaad awooddii ku soo ururisay in Suldaan idin wada xukumo. Maanta 80 sano oo siyaasaddaadii ahi haddii ay halkaa ku soo ururtay waxaan kugula talinayaa wixii hore laguu yidhi anoo og in aanad aqbalayn. Maanta waxa ay danta Somaliland ku jirtaa oo aad Somaliland wax ugu taraysaa adiga oo ka baxa tartanka siyaasadeed. Waxaad wax ugu taraysaa adoo halka fadhiista mooyi in aad qaadan doonto, waayo Alle kuma tuso talada toosan inta badan balse waxa aynu eegi doonaa halka ay ku damayso”. Ayuu maalintaasi yidhi Muuse Biixi Cabdi oo maanta Madaxweynaha qaranka ahi. Source
  10. Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhaceen banaanbaxyo rabshado wata oo ay dhigayaan dadka deegaanka. Haween badan iyo dhalinyaro ayaa ka qeyb galay banaanbaxa, waxaana la sheegayaa inay kasoo horjeedaan dil maxkamad ku taala Puntland ay ku xukuntay C/risaaq Xuseen Tahliil oo horey ciidamada Puntland ay kala baxeen guriga uu ka degenaa Gaalkacyo. Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa saacado kooban xiray isku socodka gaadiidka ee magaalada Gaalkacyo, iyaga oo ku dhawaaqayay inay kasoo horjeedaan xukunka Maxkamadda. C/risaaq Tahliil, ayaa sida wararka aan ku heleyno wuxuu kasoo jeedaa dhinaca Koofureed ee magaalada Gaalkacyo, waana sababta banaanbaxa dadka deegaanka ay u dhigayaan. Taayarada gaadiidka ayay gubayeen, waxayna muujinayeen sida ay kaga soo horjeedaan xukunka maxkamadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. (SLT-Gaza)-7 qof oo reer Falastiin ah iyo askari Isra’iili ah ayaa ku dhintay weerar qarsoodi ah oo ay xalay ku qaadeen ciidamada Israel deegaanka Khan Yunis ee ka tirsan Marinka Gaza. Koox ka tirsan ciidamada khaaska ah ee Israel oo watay gaadiid ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen 3km marinka Gaza iyagoo weerarkooda la beegsaday mid kamid ah hogaamiyayaasha militari ee ururka Xamaas oo lagu dilay weerarkii xalay. Nuur Baraka oo ahaa 37 sano jir hogaamin jiray ciidamada Al Qassam ee Xamaas ayaa la sheegay in lagu dilay weerarkan kadib iska horimaad dhexmaray isaga iyo ciidamada komandooska Israel. Weerarkan ayaa sidoo kale lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada komandooska Israel oo weerarkaasi fuliyey, kuwaasi oo dib uga baxsaday goobta iyagoo taageero ka helay diyaaradaha dagaalka ee Israel. Kadib weerarkan ayey dhowr gantaal oo laga soo tuuray Gaza kusoo dhaceen dhulka ay Israel maamusho, walow duqeyntaasi aysan geysan wax khasaaro ah. Hawlgalkan ayey Israel kusoo beegtay xili xukuumada Maraykanka ee Donald Trump sheegtay inay ku dhawaaqi doonto qorshe cusub oo lagu heshiisiinayo Falastiiniyiinta iyo Israel, balse qorshahaasi ayey horey u diideen Falastiin oo sheegtay in Maraykanka uusan dhex dhexaad ka ahayn arrintan. Bilihii lasoo dhaafay ayey xaduuda Gaza iyo dhulka la heysto ka socdeen banaanbaxyo ay shacabka Falastiin doonayaan inay dhulkooda dib uga noqdaan isla markaana la qaado xayiraada Gaza saaran, mudaharaadyadaasi oo ay ciidamada Israel ku dileen in ka badan 200 Falastiiniyiin aan hubeysneyn oo kacdoonkaasi ka qeyb qaadanayey. Source
  12. (SLT-Addis-ababa)Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya waxay sheegayaan in xabsiga loo taxaabay tiro kamid ah saraakiisha ammaanka dalkaasi kaddib markii lagu eedeeyay musuq maasuq iyo inay ku xadgudbeen xuquuqda aadanaha. Ciidaammada la xidhay waxay ka badan yihiin 60 sarkaal. Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Berhanu Tsegaye ayaa shir ja’raaid ka sheegay inay tacaddiyada ay gaysteen saraakiisha la xidhay ay kamid yihiin kufsi iyo inay jirddileen dad dambiyo lagu soo eedeeyay oo gacantooda ku jiray. Waxaa la sheegay in saraakiisha ay dadka ku ciqaabayeen xabsi ku yaalla god hoostiisa oo sharci darro ah. Xidhitaanka saraakiishan ayaa imaanaya xilli baadhitaanno ay ku socdaan saraakiil ka howlagaleysay shirkadda Metec, qaar kamid ah shaqaalaha shirkadda ay maamulaan militariga ee Metec ayaa kamid ah dadka la xiray. Bishii Agosto ayay ahayd markii ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu ku baaqay in meesha laga saaro qanddaraas la siiyay mid kamid shirkadaha dalkaasi oo dib uu dib dhac ku yimid fullinta mashruuca dhisitaanka biyo xireen halkaasi ku yaalla. Source
  13. (SLT-Washington) Waardiye hubaysan oo ilaalinayay baar ku yaalla Chicago ayay booliisku dileen isaga oo qabtay nin hubaysan oo laga shakiyay, sida ay sheegeen saraakiil iyo dad goobjoogeyaal ahi. Markii ay dhawaq rasaastu yeedhay Axaddii saacadu ahayd 04:00 xiliga deegaankaas ayuu Jemel Roberson oo 26 jir ah eryaday ninka weerarka soo qaaday jilbaha ayuuna dhulka ku hayay tan iyo intii ay booliisku ka imaanayeen. Sidaadii ay booliisku u soo gaadheen goobtii uu dhibku ka dhacay mid ka mida ah askartii ayaa toogtay Roberson oo madaw ah sidaasna ku dilay. Saaxiibbadii waxay sheegeen in Roberson uu ahaa muusikiiste uuna ku hamiyaay in uu booliiska ku biiro. “Dadkii uu rabay in uu ka mid noqdo ayaa qudha ka jaray,” ayuu yidhi Patricia Hill oo baadari ka ah kiniisadda Purposed Hill oo Chicago ku taalla oo la hadlay warbaahinta told WGN-TV. Roberson ayaa muusiga u garaaci jiray kiniisado dhawr ah oo deegaankaas ka dhaw. Source
  14. Muqdisho ( Sh. M. Network )-C/raxmaan Ducaale Beyle wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka hor hadlayay Golaha Shacabka ee BFS ayaa shaaca ka qaaday in Beesha Caalamka ay jarteen mushaaraadkii ay siin jireen Ciidanka Xoogga dalka. Wasiir Beyle ayaa xusay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku filan tahay bixinta musharaadka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. Waxaama uu tilmaamay in haatan wixi ka dambeeya XFS ay si toos ah u bixin doonto Mushaaraadka Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Abdi-Qani-1.mp3 The post Beyle “DFS way ku filan tahay bixinta muushaaraadka Ciidamada Xoogga dalka” appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Jilib ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Dhexe ayaa ku warramaya in xalay Al Shabaab sarkaal Ajnabi ahaa ay ku dileen gudaha degmada Jilib ee gobolkaasi. Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Abuu Anas Al Misri ayaa uu dhashay wadanka Masar, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Dilka sarkaalkani ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Masjid uu ku sugnaa oo ku yaalla gudaha degmadaasi. Waxaana la sheegay in sarkaalka Ajnabiga ee la dilay uu diiday in isku soo dhiibo Xarakada Al Shabaab. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in Al Shabaab ay xabsiga dhigeen Rag Soomaali iyo Ajaaniib isugu jira, kuwaas oo looga shakiyay in ay xariir la leeyihiin Kooxda Daacsh. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona degmada Jilib ay ka taagan tahay xiisad ka dhex aloolsan xubno sare oo ka wada tirsan Al Shabaab. The post Sarkaal Ajnabi ahaa Oo lagu dilay degmada Jilib appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Saadaam Axmed Caadle waa 25 sano jir wax ka bartay mid ka mid ah jaamacaha ku yaalla magaalada Muqdisho, waxa uu haatan ku nool yahay magaalada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe. Waxa uu Saadaam muddo Labo sano laga joogo ku fekeray in uu dhaqdo shinnida, nasiib wanaag waa uu ku guuleystay hadafkiisa. Jaamacadda uu Muqdisho ka dhigtay ayuu ku bartay cilmiga beeraha, wuxuuna dhaqashadan u lahaa aqoon badan. Waxa uu sameystay in ka badan 20 Sanduuq oo uu ku hayo shinnidan, isaga oo tilmaamay sidoo kale in hadda faa’ido badan uu ka helo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/WAR-JOWHAR-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho ( Sh. M. Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-131118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Maamulka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay iney wadaan dedaallo badan oo lagu xallinayo dagaal beeleed ka dhacay degmadaasi iyo deegaanno ku dhow. Xuseen Liibaan oo ah guddoomiyaha degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog, in ka maamul ahaan ay isku dayayaan sidii loo qaboojin lahaa xiisaddan, wax walbana lagu dhammeyn lahaa wadahadal iyo is faham. Waxa uu tilmaamay Xuseen, in sidoo kale dedaalladan ay kaalin mug leh ka qaadanayaan waxgaradka ku dhaqan degmada Balanballe. Ku dhowaad 10 qof ayaa ku geeriyootey dagaal qaab beeleed u abaabulan oo shalay iyo maalintii ka horreysay ka dhacay degmada Balnballe ee gobolka Galgaduud. Weli waxaa jirta xiisad u dhaxeysa dhinacyadii dagaallamay, wallow uu socdo dedaal ay wadaan waxgaradka degmadaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay dhameystirka sii deynta Maxaabiis muddo Afar sano ah ku xirnaa xabsi ku yaala dalka Uganda. Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in maxaabiistaan oo dambiyo kala duwan loo heystay, Wadahadal dheer kadib lagu guuleystay in xabsiga laga sii daayo. Waxaana Qaarkood la sheegay in maxaabiista Soomaaliyeed loo heystay falal la xiriira argagixiso, walow qaarkood ay beeniyeen dhamaan eedeymaha loo heystay maxaabistaan. Maxaabiista ayaa kala ah:- 1-Mohamed ahmed gele 2-Abdi abdulahi bootan 3-Mohamed abdulqaadir xirsi 4-Mohamed yuusuf faarah 5- Yuusuf osman hussen 6-Xasan abdiwali mohamuud calanwade. Dowladda Soomaaliya ayaa horay wadamo ay ka mid yihiin,Ethiopia,Libya,Kenya, Seychelles iyo kuwo kale waxa ay ka soo deysay muwaadiniin mudo dhowr Sano ah ku xirneyd halka kuwo kale la qorsheynayo in la soo daayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Wararka ka imaanaya degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal ku dhex maray malayshiyaad ka wada tirsan Al-shabaab. Koox hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadday masaajid ku yaalla degmada Jilib oo ay ku sugnaayeen xubno kale oo isla ururka kamid ah,balse looga shakiyay in ay xiriir hoose la leeyihiin Daacish. Xubnaha masaajidka lagu weeraray ayaa waxaa kamid ahaa sarkaal sare oo ajnabi ah,kaasoo ka amar diiday Al-shabaab,islamarkaana looga shakiyay in uu xiriir la leeyahay malayshiyaadka kale ee Daacish. Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Abu Anas Al-Misri,una dhashay waddanka Masar ayaa masaajidka lagu dhex dilay kadib markii uu dagaallamay,sida laga soo xigtay dadka degaanka. Sidoo kale waxaa la sheegayaa in masaajidka lagu dhex qabtay xubno kale oo Al-shabaab ka tirsanaa,hase yeeshee ay Daacish uga shakiyeen. PUNTLAND POST The post Dagaal ka dhex qarxay Al-shabaab iyo sarkaal sare oo ku dhintay appeared first on Puntland Post.
  21. Riyadho (Caasimada Online) – Koox Sucuudiyaan ah oo isula baxday ‘Isbahaysiga dowlad wanaagga” ayaa ku baaqay in Ahmed bin Abdul Aziz al-Saud in uu awood Sucuudiga si KMG ah ula wareego. “Waxaan ku dhawaaqeynaa taageerada aan u haynno Axmed in uu xafiiska si KMG ah oo hal sano ah ula wareego, taas oo ah mid dastuuri ah ilaa ay dadka reer Sacuudi Careebiya go’aan uga gaadhayaan aayhooda,” ayey warbixintoodii ugu horreysay ku yiraahdeen kooxda. Kooxdan waxaa ka mid ah lix dhaq dhaqaaq siyaasadeed iyo todobo madax bannaan. Dhaq dhaqaaqyadan siyaasadeed waxaa ku jira Dhaqaaqa Karama oo uu hoggaamiyo Maan al-Jarba, Ahrar Yam iyo Dhaqaaqa Hamdan, oo uu hormuud u yahay Abdul Hadi al-Yami, Kooxda Xoreynta Jasiiradda Carabta oo uu majaraha u hayo Dakhil bin Nasser al-Qahtani, iyo Kooxda Mideynta Qaranka, Al-Otaibi, iyo Dhaqaaqa Runta iyo Cadaaladda oo uu hoggaankiisu yahay Mana bin Mahdel. Xubnaha ururada madaxda bannaan waxa ay kala yihiin Harun Amin Ahmed, Abdul Aziz Al Moayad, Khalid Bin Farhan Al Saud, Amin Abdul Ilah Ali, Faisal Nasser Al Rashaidan, Ali Al Ammar iyo Hassan Al Kanani. Waxa ay ku nuux nuuxsadeen taageerada ay u hayaan Axmed oo uu dhalay boqorkii hore ee Sacuudiga Cabducasiis Ibn Saud, ayagoo yiri “Waxaan ka aragnay sida uu ugu dhiifoon yahay badbaadinta dowladda. Iyada sida uu uga cago jiidayo maamulka oo uusan qeyb uga hayan xadgudubyaddii dhacay waayihii hore.” “Afartii sano ee la soo dhaafay waxa ay caddeeyeen boqor Salmaan iyo dhaxal sugaha in aysan awood u lahayn dowladnimada, nidaamka maamulka ayaa ceebaha boqortooyada bannaanka soo dhigay, kaaramadeedii, dadkeedii iyo kheyraadkeedii waa lagu tagrifalay,” ayaa lagu yiri warbixinta. Warbixinta oo la soo saaray kaddib markii si baahsan ay uga talo bixiyeen qeybaha kala duwan ee Sacuudiga, dadka, ciidamada qalabka sida iyo amniga, waxaa lagu yiri: “Siyaasadda mas’uuliyad daradda ah iyo qaladaadka….tan iyo markii uu yimi Maxamed Bin Salmaan waxa ay dalka galisay ismariwaa taariikhi ah.” “dilalkii masiibada ahaa ee loo geystay shuhadaddii: Saxafi Jamal Khashoggu, Turki al-Jasser Suleiman al-Dweish, iyo baahinta xadgudubyada, waxa ay Sucuudiga galiyeen xasarado.” Isbahaysigu waxa ay dhalleeceeyeen “Ficilada Bin Salmaan ee ka imanaya siyaasadaha mas’uuliyad daradda ah, taas oo looga awood badanayo isbedel doonka oo lagu xir xirayo carruurta, waayeelka iyo haweenka, dagaalka Yaman, go’doominta Qadar iyo wadahadaladda heerka sare gaaray ee lagula jiro Israel.” Waxa ay ku baaqeen baahida loo qabo in “In lagu dhiso xiriir wanaagsan oo darisnimo oo lala wada wadaago dalalka Bariga Dhexe, la joojiyo xanafta saxaafadda iyo calaamadaha dagaalka ku jiheysanaya dalalkan iyo hoggaamiyeyaashooda”. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  22. ..Madaxweyne Biixow si Xirfadaysanbaad uga Jawaabay Go’aankii Gacan-libaax, ee Mar hadaad Madaxtooyadiina Galbeedka u Rartay Wasiiradii Maqnaana soo celisay Magaca jamhuuriyadana badal”. Siyaasi Axmed Like oo ka tirsan Xisbiga Waddani. “.Madaxweyne Biixi oo si Xirfadaysan uga Jawaabay Go’aankii Gacan-libaax, kadib markii dhan uu isu raacshay cabashadda Beeshii halkaa ku shirtay, taasoo kolkii hore wax ka dhinaayeen, balse hadda kamilan ama dhamaystiran. Sidaana Madaxweynuhu waxa uu ku sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska maanta, kaasoo uu xilkii Wasaaradda Maaliyadda uu kaga qaaday Wasiirkii hore ee Maaliyadda oo kasoo jeeday deegaan ahaan beeshii halkaa ku shirtay. Waxaan ku xasuusinayaa M/weyne Mar hadaad Madaxtooyadiina Galbeedka u Rartay Wasiiradii Maqnaana soo celisay Magaca jamhuuriyadana badal. Waanad Asiibtay baanu ku leenahay”. Siyaasi Axmed Cali yare (Åxmed Like). Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab oo dagaal kula jiro Dowladda Soomaaliya ayaa wali saameyn ku leh deegaanada ay maamusho dowladda Federaalka, iyadoo ay ugu wacan tahay amaanka la’aanta Shacabka. Al Shabaab ayaa inta badan xiray salaxyadii kubadda lagu ciyaari jiray ee ku yaalay magaalada Muqdisho, waxaana furan salaxyo kooban oo canshuur ay ka qaadaan, sida aan xogaha ku heleyno. Salaxyada la xiray lagu amray inay bixiyaan canshuur laga qaadayo ciyaar walbaa oo Saacadii lagu ciyaarayo, iyadoo taasi ay ku adkaatay meelaha qaar oo Albaabada la iskuugu laabay. Al Shabaab ayaa amaro kale oo ay soo saareen waxay ka dhaqan galeen magaalada Beledweyne, sida xogta aan ku heleyno, waxaana ay ka dambeysay arinta ka dib markii milkiilayaasha looga yeeray saldhigyada Al Shabaab. Waxaa lagu amray dhalinyarada inaysan xiran karin buumo ka koreysa Jilbaha, iyadoo loo ogolaaday inay qaataan Buumo ka hooseyso Jilbaha. Waxaa sidoo kale lagu amray dhalinyarada inaysan iska siibi karin funaanada marka ay gool iska dhaliyaan, waana nooc kamid ah xifaaltanka dhalinyarada, iyadoo la sheegay in dhamaan amaradaasi ka dhaqan galeen magaalada Beledweyne. Haddii aysan fulin amarada Al Shabaab waxay la kulmaan dil qorsheysan, maadaama aysan heysan amni ku fulan oo ay ku diidi karaan amarada Al SHabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Ethiopia ayaa maanta ku dhawaaqay in xubno sar sare oo ka tirsan laamaha amaanka ay amreen weerar ka dhan ah ra’iisul wasaaraha dalkaasi, isaga oo sheegay inay xabsiga dhigeen saraakiishaasi islamarkaana baaritaan lagu sameyn doono. xeer ilaaliyaha Ethiopia Berhano Tsegaye, ayaa sheegay in cadeymo la helay ay muujinayaan in “Saraakiil sare oo ka tirsan Hay’adda amaanka Qaranka” ay ku wargeliyeen xubno ku qabiil ah ra’iisul wasaare Abiy Axmed kana soo jeeda Oromada inay qorsheeyeen inay weeraraan Ra’iisul wasaaraha Bishii June ee sanadkaan. Xeer Ilaaliyaha ayaa intaasi ku daray in lasoo saaray amar lagu xirayo 36 sarkaal oo ka mid ah laamaha amaanka oo lagu eedeeyay inay ku xad gudbeen maxaabiis, iyadoo inka badan 30 oo ka tirsan Meletariga la sheegay in lagu hayo dambi ah maamul xumo. Bishii June Bam gacmeed oo la tuuray ayaa labo ruux ku dilay magaalada Addis Ababa, wax yar kadib markii Abiy Axmed uu ka tagay goob uu khudbad ka jeedinayay, waxaana la sheegay in shan ruux bishii September loo xiray. “Cadeymaha aan soo ururinayay waxay muujinayaan in saraakiil sare oo ka tirsan Hay’adda amaanka Qaranka, ay jiheynayeen Oromada inay weerarka fuliyaan, maxaa yeelay waxay ka damacsanaayeen in Ra’iisul wasaaraha oo Oromo ah Oromo ayaa dishay”ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Ethiopia. Xeer ilaaliyaha ma uusan shaacin magacyada saraakiisha, sidoo kale si cad looma xaqiijin tirada dadka loo xiray kiiskaan, laakiin wuxuu sheegay in dad kale oo arintan ku lug leh inay isaga carareen Ethiopia, halka kuwo kalana ay is qarinayaan. Qaran News
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle ayaa maanta golaha shacabka ka dalbaday inay ansixiyaan $22 Milyan oo degdeg ah oo mushaarka ciidanka Soomaaliya ah kadib markii dalalkii bixin jiray ay jareen. Cabdiraxmaan Beyle oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri “Sida aad ogtihiin ciidamo ku dhawaad ilaa 8,000 oo askari ayaa mushaarkooda waxaa bixin jiray dowlado kale, dowladihaasina waa ay joojiyeen lacagahaas ay ciidanka ku bixin jireen, waxa ayna noqotay annaga inay nagu soo wareegto, waxa ayna noqotay inaan samayno waxa aan sameyn karno, aanana wax uraadino:. Waxa uu intaas ku daray “Sidaas darteed lacagbaa ku soo biirtay misaaniyadii sanadkaan 2019-ka, cadadkeeduna waxa uu gaarayaa 17 milyan, cadeentana waxa ay ku cadahay warqadii aan idiin soo gudbinay ama dheeli tirka 17 milyan ayuu nuxuxkeedu yahay” Dhinaca kale waxaa uu Beyle sheegay 5.5 milyan oo ah RCF. “Waxaa kaloo jira lacagaha RCF oo aad kawada warheysaan World Bankiga, qoladan shirka ka imaanaysa kuwaas oo aan miisaaniyadda noogu jirin oo ilaa 5.5 milyon ah, 5.5milyan waa inay ka muuqdaan maaliyada waraaqadeena , waan ubaahanahay labadas arrimood, kaliya ayaan maanta ajandaheenu ku kooban yahay, waxaan ubaahanahay in ciidankii mushaarkoodii isu taagno, sidaan u bixin laheen adinkoo aad umahadsan sharafweyna aniga iga mudan iyo wasaaradda maaliyada in intaas yare qajacdaa aad noo ansixisaan maantaoo aanan isugu soo noqon “ Wasiirka maaliyadda ma sheegin dalalka ciidamada mushaharka siin jiray ee iminka joojiyey, balse waxa ahorey loo ogaa in dowladda Mareykanka ay ka joojisay ciidamada xoogga dalka lacag ay ku caawin jirtay, sababo lagu sheegay musuq-maasuq. Xildhibaannada golaha shacabka oo goobta ka hadlay ayaa ogolaaday in ciidamo mushaar la siiyo, iyaga oo su’aalo badan ka keenay, halka ay joogaan ciidamadaasi, kuwa ay yihiin, qoodada ka maqan midkiiba waa imisa iyo guud ahaan tiradooda, su’aalahaas oo aanu ka jawaabin wasiir Beyle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com