-
Content Count
212,085 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday howlgalo lagu baadi-goobayo Askar ka tirsan ciidamada Kenya kuwaa oo aan lagu heyn nolol iyo geeri. Askartan ayey dowlada Kenya sheegtay in lagu waayay weeraro iyo dagaalo toosa oo ay la galeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ka dhex dagaalanta Somalia iyo Kenya. Howlgalka lagu raadinaayo Askarta oo ay ku dhawaaqday Wasaaradda Difaaca Dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay inay muhiim tahay in la helo meel loo raaco Askartaas. Qoraalka ay Wasaarada ku amreyso raadinta Askarta ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Askartaas oo gaaraya Saddex la waayay 24kii July 2011kii, xilligaas oo ay wadeen sahay. Askartaasi ayaa xiliga ugu war danbeysay dowlada Kenya sahay u siday ciidanka Kenya ee jooga sohdinta Somalia, waxaana la cadeeyay inay ka lumen Jihada isla markaana 60km gudaha u galeen Somalia. Wasaarada Difaaca Kenya ayaa Saddexda Askari magacyadooda ku kala sheegtay:- 1- Said Abdulaziz Haji, oo ahaa Darawalka gaariga. 2-Jonathan Kipkosgei Kangogo. 3-Evans Mutoro oo isna ahaa Saad wadayaasha. Kenya ayaa rumeysan in Seddexdaasi Askari ay gacanta u galeen ciidankii dowladdii KMG ahayd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Darawalka oo Soomaali ahaa ayaa go’aansaday in uu la joogo Ciidanka Soomaaliya,waxaana labada Askari kale ee Kenyaanka ah ay go’aansadeen in ay baxsadaan sidaas ayeyna ku dhuunteen. Wasiirkii hore ee Amniga gudaha Kenya Joseph Nkaiserry,ayaa sheegay in Siciid C/Casiis ay Dowladda Soomaaliya isaga iyo Gaarigiisiiba ku wareejisay Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya, labadii Askari ee kalena ay sidaas ku maqanyihiin. 2013kii Al-shabab ayaa sheegtay in ay dishay Kangogo,kaddib markii Dowladda Kenya ay dib uga dhacday muddo ay u qabatay in ay Ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya. Waxaana ilaa hadda aan nolol iyo geeri lagu heyn Askarigii kale ee la baxsaday mr Kangogo,waxaana dowladda Kenya ay raadineysaa halka uu ku dambeeyo. Dhinaca kale, Kenya ma rumeysno in Al-Shabaab ay si sahlan ku dili karto Askarteeda, waxaana jiray dhaqaale qoondo ah oo Kenya ay siin jirtay Al-Shabaab taa oo markii la jaray ay maleeshiyadu bilaabeen inay weeraro ku qaadan Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Great Britain's Mo Farah claimed his maiden marathon win in only his third race with victory in Chicago. The 35-year-old, who was third in this year's London Marathon... Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa ku faanay in xukuumaddiisa ay ku guuleysatay inay 21 bilood oo xiriir ah si joogto ah u bixiso mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda, xitaa ayada oo aan dib u dhigin oo waqtigii saxda ahaa laga helay. Kheyre ayaa hadalkan ka sheegay kormeer uu maanta ku tegay Bangiga dhexe ee dalka, halkaas oo uu kula kulmay guddoomiye ku-xigeenka bangiga iyo wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliya. Kulan uu labada mas’uul la yeeshay, ayaa looga hadlayay dardar-gelinta hagaajinta maamulka maaliyadda, ilaalinta hantida dadwaynaha, qorshaha cafinta daymaha dalka lagu leeyahay, kordhinta dakhliga, daahfurtaanta, isla xitaabtanka iyo daabacaadda lacagta cusub ee dalka. “Dawladda waxaa sharaf u ah in 21-kii bilood ee lasoo dhaafay ay bil waliba mushaharka shaqaalaha iyo ciidanka ay joogtaysay. Waxa aan idinku amrayaa in mushaarkaas aad ku bixisaan waqti sax ah, joogto ah oo aan laalaab lahayn”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Raiisul wasaare Khayre oo mas’uuliyiinta wasaaradda iyo bangiga ku ammaanay dib-u-hagaajinta hannaanka maaliyadda dalka, ayaa ku boorriyay sii xoojinta shaqada si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale oo dhammaystiran, isaga oo si gaar ah ugu sheegay in bixinta mushaarka shaqaalaha iyo ciidanka qaranka ay muhiimmad gaar ah u leeyihiin xukuummadda. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale ka qayb galay kulan ay xarunta bangiga dhexe ku lahaayeen madaxda bangiyada gaarka loo leeyahay iyo guddoonka bangiga dhexe kaas oo looga hadlay sidii shaqooyinka bangiyada gaarka loo leeyahay loogu salayn lahaa Sharciga maaliyadda dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ay joojiyeen kulan magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal uu uga qeybgali lahaa Wasiir Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan. Kulanka oo ahaa mid maalmahaani la abaabulaayay ayaa waxa uu u dhaxeyn lahaa Wasiir Qorshaynta iyo ardayda Jaamacadaha Garowe. Kulanka ay hakiyeen ciidamada Puntland oo uu ka danbeeyay maamulka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Yarey iyo Cabdiqani Cabdi Jaamac oo Wasiir kasoo noqday Jubbaland, hadana ah la taliyaha Ra’iisal Wasaare Kheyre. Wasiirka Qorshaynta Jamaal Maxamed Xasan, ayaa kulankaasi ka jeedin lahaa Khudbad lagu dhiiri galinaayo ardayda, hase yeeshee warar hoose oo aan ka heleyno dhanka laamaha amaanka ayaa sheegaya in hakinta kulanka uu yahay mid daba socda go’aanka ay maamul Goboleedyada dalka ku hakiyeen la shaqeynta dowlada Dhexe. Mid kamid ah Saraakiisha amaanka Garoowe ayaa inoo xaqiijiyay in amarka lagu hakiyay kulanka uu ahaa mid kaga imaaday dhanka Taliska Booliska, waxa uuna carab ***** in go’aankaasi uu yahay mid xoojinaaya qodobadii kasoo baxay shirka Kismaayo ee sida KMG ah loogu hakiyay xiriirka dowlada Dhexe. Sidoo kale, waxaan arrintan ka hadal maamulka Puntland, waxaana lasoo sheegayaa in Hoolka iyo kulanka qabsoomidiisa ay dhaqaale xoogan ku bixiyeen ardayga Jaamacadaha. Si kastaba ha ahaatee, go’aanka ay Puntland ku hakisay kulanka dhexmari lahaa Wasiir Jamaal Maxamed Xasan iyo Ardayda ayaa cirka kusii shareeri doona khilaafka dowlada Dhexe iyo Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) oo dalka ka maqan ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo,kulan uu soo agaasimay wasiirka Qorshaynta iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee Soomaaliya oo Garoowe lagu qaban lahaa,sida ay xaqiijiyeen saraakiil ku sugan madaxtooyada Puntland. WasiirJamaal oo maanta Garoowe loogu doortay xubin ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sida wararku sheegayaan caawo kulan ku qaban lahaaa xarunta jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe,kulankaas oo la qorsheeyay in ardada jaamacadda ay khudbado ugu jeediyaan,wasiirka iyo mas’uuliyiin kale oo heer Federaal ah. Mas’uuliyiinta kulanka laga joojiyay ayaa kala ah;WasiirJamaal oo ka hadli lahaa deeqaha Caalamku siiyo Soomaaliya iyo sida loo maamulo,Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa-bannaan ee Soomaaliya,kana hadli laheyd geedi socodka doorashooyinka Soomaaliya ee sannadka 2020 iyo Cabdiqani Cabdi Jaamac oo ah la taliyaha Ra’iisalwasaare Xassan Cali Kheyre,islamarkaana ka warbixin lahaa waxqabadka xukuumadda Soomaaliya. Wasiirka iyo mas’uuliyiinta la socotay ayaa la sheegay in ay xidhiidh la sameeeyeen, madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay ka codsadeen in kulanka loo fasaxo,hase yeeshee ma suurta-gelin dalabkaas,sida ay xaqiijiyeen ilo xog’ogaal ah. Sidoo kale wararku waxay intaas ku darayaan in go’aanka madaxweyne Gaas ee kulanka lagu joojiyay uu salka ku hayo,khilaafka madaxda Villa Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ee hakiyay xidhiidhka wada-shaqeynta Federaalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo kulan ka joojiyay mas’uuliyiin heer Federaal ah appeared first on Puntland Post.
-
-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka Ingiriiska ee arrimaha Afrika, Harriett Baldwin, oo Muqdisho ku timid socdaakii ugu horreeyay. Ra’iisul wasaare Khayre iyo wasiir Harriett Baldwin ayaa ka wada hadlay xariirka labada dawladood, horumarrada laga gaaray siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo taageerada dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wasiirka uga warbixiyay horumarrada ay dawladdu ku tillaabsatay, waxa uuna dawladda Ingriiska uga mahadceliyay taageerada iyo is-garab istaagga dadka iyo dawladda Soomaaliyeed. Harriett Baldwin ayaa ku ammaantay dawladda guulaha ay ka gaartay dib-u-qaabaynta maaliyadda iyo siyaassada, waxa ayna ku celisay in dawladda ingiriiska ay ka go’antahay taageerada dadaallada dib-u-habaynta, hagaaajinta amniga, doorashooyinka, iyo horumarka dhaqaalaha si loogu gogol xaaro hagaajinta nolosha dadka Soomaaliyeed. Booqashada wasiir Harriett Baldwin ayaa qeyb ka ahayd qorshaha dhamaystirka taageero dhaqaala dheeraad ah oo ra’iisul wasaaraha Ingriiska, Theresa May, ay Soomaaliya u ballan qaaday intii ay ku gada jirtay socdaal ay ku timid qaaradda Afrika. The post Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiirka Ingiriiska Ee Arrimaha Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen Ganacsatada gobolka Banaadir,kuwaa oo ka cabanayay dhac iyo boob ay Suuqa ku hayaan rag hubeesan ku labisan dareeska Ciidanka dowlada. Ganacsatada ayaa sheegay in xaalada suuqa Bakaaraha uu xiligan meel xun marayo, waxa ayna cadeeyeen in Suuqa kusoo bateen burcad hubeesan oo wata dareeska ciidanka, kuwaa oo dhac u geesanaya ganacsatada iyo dadka kale ee Suuqa usoo adeeg doonta. Waxa ay sheegeen Ganacsatada Suuqa Bakaaraha in ay kasoo baxeen waajibkooda ayna bixiyaan canshuurta dowlada ka rabto, hasa ahaatee dowladu dhankeeda gabtay in ay ilaaliso amaanka Suuqa iyo nolosha ganacsatada . Gudoomiyaha Ganacastada Suuqa Bakaaraha Xasan Mirre Dhiif ayaa sheegay in amaanka Suuqa Bakaaraha uu sii xumaaday, waxa uuna sheegay in ganacsatada mar waliba wajahayaan dhac ,boob iyo cabsi galin ay kala kulmayaan kooxo burcada ah. Waxa uu ugu baaqay Dowlada Soomaaliya in il gaar ah kusoo fiiriso xaalada Suuqa Bakaaraha uu sheegay in ay tahay halka ugu badan ay isugu yimaadaan bulshada Muqdisho, waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah xaaladan wax looga qabto. Inta badan Ganacsatadii ka hadashay shirkan maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay si weyn uga cabanayeen dhibaatada mudooyinkii dambe kusoo korortay Suuqa, waxa ayna ganacsatada sheegeen in Suuqa halis ugu jiro in uu xirmo hadii aan deg deg wax looga qaban burcada hubeesan ee xiran dareeska ciidanka dowlada. Suuqa Bakaaraha ayaa noqday goob ay usoo shaqo tagaan kooxo burcad ah oo wata dareeska ciidanka kuwaa oo inta badan wata gawaari yar yar iyo mooto bajaaj, waxa ayna dhac u geestaan ganacsatada Suuqa iyo sidoo kale dadka usoo dukaameesiga taga.
-
MOGADISHU (Caasimada Online)– Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed has received credentials from ambassadors of Germany and France at his office in the state house in Mogadishu In a statement released by the presidency, Somali President Farmaajo welcomed received the new Ambassadors of France and Germany Aline Kuster-Menager and Annett Gunther. Mr. Farmaajo wished the heads of diplomatic missions success in their work and expressed confidence that their work would contribute to strengthening ties and developing cooperation between the countries. The President assured his readiness to contribute to deepening of friendly relations between Somalia,of France and Germany, after meeting at his office in the state house in Mogadishu. “President Farmaajo today receives credentials from the new French and German Ambassadors to Somalia Aline Menager and Annett Günther respectively. HE Farmaajo encouraged them to work closely in improving the bilateral ties between Somalia and their respective countries”. Germany and France have joined the western countries reestablishing their long absence diplomatic presence in Somalia as the Horn of Africa country is recovering decades-long bloody conflict. French Ambassador Aline Kuster-Menager expressed her gratitude for his welcome and good wishes, stressing that she would exert maximum efforts to raise the Somali-French friendly relations to a qualitatively new level. The trio sides discussed the strengthening of bilateral relations and cooperation between their nations and means of enhancing them to serve the common interests of the two friendly countries and peoples. Somalia has been on its way to make a diplomatic come back across the world after more than two decades of war and extremists violances by Al Qaeda linked Al Shabaab group. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Faransiiska iyo Jarmalka oo baddalaya danjireyaashii hore ee dalalkaas u joogay Soomaaliya. Danjiraha Dalka Faransiiska Marwo Aline Kuster-Menager ayaa Madaxweynaha u gudbisay farriiin ay uga sidday Madaxweynaha Dalkeeda Mudane Emmanuel Macron, taas oo ku saabsan bogaadinta guulaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay iyo dhiirri gelinta qorsheyaasha horumarineed ee la higsanayo. Danjire Aline ayaa tilmaamtay in dalkeedu uu kaalin ka qaadanayo dhammaystirka dadaallada cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida. Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Annette Gunthe si ay dalkeeda Jarmalka ugu matasho Soomaaliya, isagoona kula dardaarmay in ay sii xoojiso xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal. Danjire Gunthe ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka taageeri doonaan kobcinta xirfadaha iyo barashada farsamada gacanta, taas oo lagu xoojinayo fursadaha shaqo ee dhallinyarada Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso dhismaha ciidanka, kobcinta dhaqaalaha, dhammeystirka hannaanka dimuqraadiyadda, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kor-u-qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, dhammaan qorsheyaashaasna ay gacan ka geystaan Midowga Yurub oo ay hormuud u yihiin dalalka Jarmalka iyo Faransiiska. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo Maanta Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirada France iyo Germany appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo kormeer ku tegay Bangiga dhexe ee dalka ayaa guddoomiye ku-xigeenka bangiga iyo wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliya la yeeshay kulan looga hadlayay dardar-gelinta hagaajinta maamulka maaliyadda, ilaalinta hantida dadwaynaha, qorshaha cafinta daymaha dalka lagu leeyahay, kordhinta dakhliga, daahfurtaanta, isla xitaabtanka iyo daabacaadda lacagta cusub ee dalka. Guddoomiye ku-xigeenka Bangiga dhexe iyo wasiirka maaliyadda ayaa ra’iisul wasaare Khayre uga warbixiyay tilaabooyinkii ugu dambeeyay ee loo qaaday horumarinta hannaanka maaliyadda, caqabadaha jira iyo hannaanka lagu xallin karo. Ra’iisul wasaare Khayre oo mas’uuliyiinta wasaaradda iyo bangiga ku ammaanay dib-u-hagaajinta hannaanka maaliyadda dalka, ayaa ku boorriyay sii xoojinta shaqada si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale oo dhammaystiran, isaga oo si gaar ah ugu sheegay in bixinta mushaarka shaqaalaha iyo ciidanka qaranka ay muhiimmad gaar ah u leeyihiin xukuummadda. “Dawladda waxaa sharaf u ah in 21-kii bilood ee lasoo dhaafay ay bil waliba mushaharka shaqaalaha iyo ciidanka ay joogtaysay. Waxa aan idinku amrayaa in mushaarkaas aad ku bixisaan waqti sax ah, joogto ah oo aan laalaab lahayn”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale ka qayb galay kulan ay xarunta bangiga dhexe ku lahaayeen madaxda bangiyada gaarka loo leeyahay iyo guddoonka bangiga dhexe kaas oo looga hadlay sidii shaqooyinka bangiyada gaarka loo leeyahay loogu salayn lahaa Sharciga maaliyadda dalka. Ra’iisul wasaaraha ayaa madaxda bangiyada kula dardaarmay in si wadajir ah ay uga qayb qaataan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo hir-gelinta sharciyada, waxa uuna xasuusiyay in horumarinta shaqooyinka bangiga dhexe ay sidoo kale awoodaynayso bangiyada gaarka loo leeyahay. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mduane Xasan Cali Khayre ayaa kormeeray wasaaradaha dekadaha iyo duulista hawada oo uu kala hadlay fulinta qorshayaasha hor-tebinta leh si loogu guulaysto dhammaystirka ajanyaasha qaran ee fududaynaya soo kabashada dalka. PUNTLAND POST The post Kulan looga hadlay Hannaanka Maaliyadda Somalia oo Maanta lagu qabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta la kulmay wafdi ay hoggaamineyso Harriett Baldwin oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska iyo Wasiiru-dawlaha Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika. Kulanka oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Somaliland ayaa lagu soo qaaday arrimo badan, oo u badnaa sida UK ay gacan u siiyo Somaliland. Wasiiru-dawlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika Harriett Baldwin oo iyadu goobta ka hadashay ayaa ammaantay horumarka dhinacyada badan leh ee ay Somaliland tallaabsatay, waxana ay shaacisay dhaqaale horleh oo ay dawladdeedu ugu deeqayso wejiga labaad ee sanduuqa horumarinta Somaliland. “Aad baan ugu faraxsanahay inaan imaaddo caasimadda Hargeysa, maantana waxa aan indhahayga kusoo arkay qaar kamid ah mashaariicda uu dalkaygu maalgeliyo ee loogu talo galay dadka reer Somaliland” ayey tiri. Waxaa sii raacisay “ Sanduuqa horumarinta Somaliland (Somaliland Development fund) waxa uu gacan siinayaa mashruuca biyo ballaadhinta Hargeysa, waxana aan aad ugu faraxsana inaan maanta halkan kaga dhawaaqo bilowga wejiga labaad ee mashruuca horumarinta Somaliland oo aannu ugu deeqaynno 25-Milyan oo bound oo wax lagaga qabanayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka Somaliland.”. Caasimada Online Xafiisaka Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hawaasa (Caasimadda Online) – Magaalada Hawaasa ee wadanka Itoobiya waxaa lagusoo gaba gabeeyay shirkii ay lahaayeen madaxda Xisbiga talada haya waxaana looga arrinsanayay sida laga yeelayo maamulka hadda jira. Xisbiga EPRDF ayaa su’aalo adag weydiiyay xukuumadda uu hoggaaminayo Abiy Axmed R/wasaaraha Itoobiya oo bilihii lasoo dhaafay isbedello dhanka maamulka ay ku tallaabsanaysay. Khudbado ay madasha shirka ka jeediyeen afarta Xisbi uu ku mideysan Hoggaanka Talada Itoobiya haya ayay ku dhaliileen qaabka uu Abiy Axmed dalka u maamulayo balse waxay taageereen in uu talada sii hayo. Shirkii ka dhacay magaalada Hawaasa ayay dhinacyadu isku raaceen in labada sano ee soo socota uu Abiy Axmed sii hoggaamiyo xisbiga taas oo ka dhigan in uu R/wasaare kasii ahaanayo Itoobiya. Talooyinka xukuumadda loosoo jeediyay waxaa kamid ahaa in mucaaradka ay xukunka ka qeybgeliso islamarkaana ay waxka qabato dagaalka u dhaxeeya qowmiyadaha ee kasii holcaya wadanka Itoobiya. Siyaasiyiin ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in meesha ay ka baxday cabsidii laga qabay in Abiy Axmed uu waayo guddoominta Xisbiga EPRDF. Sanaddii lasoo dhaafay ayay Itoobiya qarka ufuushay dagaal sokeeyay kadib kacdoon shacbi ah oo ay dhigeen qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo ah kuwa ugu waaweyn wadanka balse iscasilaadii R/wasaarihii hore iyo maamul isbedel layimid ayaa baajiyay burburkii lafilayay in uu ku yimaad dowladda Itoobiya. Caasimada Online Xafiisaka Adis Ababa Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta la kulmay wafdi ay hoggaamineyso Harriett Baldwin oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska iyo Wasiiru-dawlaha Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika. Kulanka oo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Somaliland ayaa lagu soo qaaday arrimo badan, oo u badnaa sida UK ay gacan u siiyo Somaliland. Wasiiru-dawlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika Harriett Baldwin oo iyadu goobta ka hadashay ayaa ammaantay horumarka dhinacyada badan leh ee ay Somaliland tallaabsatay, waxana ay shaacisay dhaqaale horleh oo ay dawladdeedu ugu deeqayso wejiga labaad ee sanduuqa horumarinta Somaliland, waxana ay tidhi “Aad baan ugu faraxsanahay inaan imaaddo caasimadda Hargeysa, maantana waxa aan indhahayga kusoo arkay qaar kamid ah mashaariicda uu dalkaygu maalgeliyo ee loogu talo galay dadka reer Somaliland. Sanduuqa horumarinta Somaliland (Somaliland Development fund) waxa uu gacan siinayaa mashruuca biyo ballaadhinta Hargeysa, waxana aan aad ugu faraxsana inaan maanta halkan kaga dhawaaqo bilowga wejiga labaad ee mashruuca horumarinta Somaliland oo aannu ugu deeqaynno 25-Milyan oo bound oo wax lagaga qabanayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka Somaliland.” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
On the morning of July 24, 2011, three Kenya Defence Forces soldiers were on routine supply duties at military bases on the Kenya-Somalia border in Wajir County when they lost their way and found themselves deep inside Somalia. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (Caasimada Online) The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, Ahmed Isse Awad, has received a copy of the credentials of the new Ambassador of France to Somalia. Mr. Awad welcomed France Ambassador Aline Kuster-Menager at his office in Mogadishu, discussing diplomatic relations between Somalia and France. He hoped that Aline Kuster-Menager will contribute with her activities to the development of Somali-French relations. French Ambassador Aline Kuster-Menager expressed her gratitude for Somali FM’s welcome and good wishes, stressing that she would exert maximum efforts to raise the Somali-French friendly relations to a qualitatively new level. The two sides discussed the strengthening of bilateral relations and cooperation between the Somalia and France and means of enhancing them to serve the common interests of the two friendly countries and peoples. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururka AL-Shabaab ayaa lacago ay ku sheegtay inay yihiin Zako u qeybisay dadka Muqdisho dagan sida ay Al-Shabaab baahisay. Dadka wax lo qeybiyey ayaa waxaa loo qabtay xaflad ay kasoo qeyb galeen xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo uu ku jiro Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere. Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin in Meesha ay wax ka dhaceyn tahay Muqdisho, haddana waxaa muuqato inay tahay halka ay wax dhaceyn meel tuulo ah iyo Xarun wax lagu barto oo loo maleenayo inay Al-Shabaab dadka wax ku baraan. Dadka loo qeybiyay lacagaha Zakada waxay gaarayeen inka badan 200 oo ruux, waxayna lacaguhu kala ahaayeen saddex qeybood oo kala ah 1000$, 500$ iyo qeybta ugu yar oo ahayd 200$. Dadka sakada qaatay waxay isugu jireen rag iyo dumar, waxaana kamid ahaa dad waayeello ah kuwaas oo qaarkood xitaa naafo ahaa, waxaana dhamaan dadka qaatay Zakada ay ka sinnaayeen iney ahaayeen dad fuqaro ah. Cali Maxmuud Raage Sheekh Cali dheere afhayeenka Xarakada Al-Shabaab oo la hadlay dadka Zakada la siiyay ayaa u sheegay in lacagahan laga soo qaaday dadka muslimiinta ee hantida leh, lana siinayo dadka fuqarada ah. AL-Shabaab ayaa baahisay in dadka wax loo qeybiyey ay ahaayeen kuwa dagan Muqdisho inkastoo aysan sheegin meesha uu kulankaas ka dhacay. Inta uu khudbeenayey Cali Dheere wuxuu kusoo celcelinayey in dadka wax loo qeybinayo yihiin kuwii daganaa Muqdisho isla markaasna ay duruufta u saacidi weysay inay guryahooda ugu tagaan halkaas oo laga dhadhasan karo in dadkaan ay joogeenn meel aan Muqdisho aheyn. Halkaan hoose ka daawo Sawirada:
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee France ee Soomaaliya Marwo Aline Kuster-enager. Mr. Cawad ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo soo magacaabay, una rajeeyey in Danjirad Aline horumarin doonto xiriirka Soomaaliya iyo France. Safiiradda France Aline Kuster-Menager waxa ay ka mahadcelisay habka uu u soo dhoweeyay iyo yididiillada uu u muujiyay, waxa ayna carabka ku adkeysay in dadaal ballaaran ku bixin doonto sidii ay sare ugu qaadi lahayd xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo France u dhexeeya oo ay gaarsiiso heer aad u sarreeya. Intii kulanka qaabilaada uu socday waxa ay labada dhinac kaga wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda France sidii lagu horumarin lahaa wax u adeegaya dana wadaagga labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — Somalia’s radical Islamist group Al Shabaab has warned country’s educational institutions to work closely with government of Somalia. In an audio recording aired by Radio Andalus, al-Shabab’s mouthpiece, group’s spokesman Ali Dhere said it would take firm action against leaders of educational institutions if not stop working with government of Somalia and other foreign agencies. Mohamoud accused the educational agencies of working closely with the federal government of Somalia. He says the educational agencies started to express support and work with government of Somalia, warning them not work with Somali government. The group says foreign agencies target schools and universities in the country to propagate their views to the students. Over its 11-year existence, al-Shabab has often moved to shut down non-Islamic schools and replace them with schools that teach a strongly religious curriculum. A report by the United Nations Population Fund (UNFPA) said 3 million Somali children between the ages of six and 18 were not in school, mostly in central and southern Somalia. In 2013, the government launched a program called Go-2-School (G2S) to break the cycle of illiteracy and poverty in Somalia by sending one million children to free public schools. But the program failed a year later due to insecurity and lack of funding. The group was ousted from the capital, Mogadishu, in August 2011, but still has a presence in large areas of southern Somalia and often stages attacks across Somalia. Somalia has remained in the grip of on-again, off-again violence since the outbreak of civil war in 1991. Al-Shabaab, which is waging an insurgency against the Somali government, has recently suffered several significant blows, losing most of its strongholds in southern and central to Somalia army and and African Union troops. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)–UN says Somali migrants are heading to Mogadishu capital after returning voluntarily from Tanzania, where they had been detained. UN Migration Agency (IOM), assisted up to 17 Somali migrants in returning voluntarily from Tanzania, as the migrants embarked on an unsuccessful journey to South Africa. Tanzania’s Commissioner General of Immigration (CGI), Gerald Kihinga, has hailed latest efforts by IOM for its continuing support in managing migration. Kihinga welcomed the collaboration and coordination between Tanzania and Somalia in attending to the increasing numbers of Somali migrants entering Tanzania irregularly. IOM’s intervention was made under the auspices of the EU-IOM Joint Initiative for Migrant Protection and Reintegration in the Horn of Africa. The latest return will bring the number of Somalis assisted by IOM under the EU-IOM Joint Initiative to 82 since March 2017. Tthe EU-IOM Joint Initiative aims to assist at least 1000 Somali returnees before March 2020. The assistance was provided in close coordination with the governments of Somalia and Tanzania and will enable the Somali returnees to build a future back home. UN says the migrants will receieve medical check-ups, housing, group and psychosocial counselling, along with longer-term support towards developing job skills. The EU-IOM Joint Initiative facilitates orderly, safe, regular and responsible migration management through the development of rights-based and development-focused procedures and processes on protection and sustainable reintegration. Southern Africa is still a preferred destination for migrants from East and the Horn of Africa. However, the southern route – largely to South Africa – also has its share of hazards, including the risk of arrest for those without the requisite documentation, or for those who overstay their welcome in the transit countries. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — The UN Refugee Agency (UNCHR) said it has facilitated the voluntary return of more than 2,000 Somali refugees from Yemen, through a program called Assisted Spontaneous Returns (ASR) it started in 2017. Since the start of this year, 1,321 migrants from Somalians living in Yemen have returned home. The most recent trip took place August 6, with 116 refugees sailing from the port of Aden, in Yemen, to the port of Berbera, in Somalia. The program is administered by UNHCR in cooperation with the International Organisation for Migration (IOM) and the authorities of Yemen and Somalia. 270,000 refugees in Yemen The ASR program began in 2017 in response to demand from refugees for UNHCR help in returning home. Yemen currently hosts over 270,000 refugees, the vast majority of whom (256,363) are Somali. Some 45 per cent are hosted in the south of the country, in Kharaz refugee camp – Yemen’s only refugee camp – and in the Basateen urban settlement in Aden. The most recent transfer in August was delayed for two months due to inclement weather conditions. Among the refugees on board were female heads of households, several students who are hoping to resume their educations, and a critically ill patient who travelled with his son, family members and a medic. Refugee assistance program UNHCR said the ongoing conflict in Yemen has affected not just Yemenis but also refugees living in the country. It said refugees are particularly vulnerable to early marriage, child labour, and detention. Through the ASR programme, UNHCR provides an assistance package to refugees both in Yemen and Somalia. In Yemen, the package includes a multi-purpose cash grant to procure basic necessities for the journey and consolidate any outstanding debts or financial obligations. In-country and international transport assistance is provided by IOM, as well as medical care. UNHCR also facilitates exit permits and travel documentation in cooperation with the Yemeni and Somali authorities. On arrival in Somalia, returnees receive a reinstallation cash grant and an allowance, together with a package consisting of household items, food assistance through WFP, and an education allowance for primary school children. PRESS RELEASE
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayo inuu soo dhamaaday kulankii u dhaxeeyey xubno ka socday Dowladda Soomaliya oo uu hoggaaminayey Taliyaha Nabadsugidda Qaranka Xuseen Cismaan xuseen (Calool Kuus) iyo Musharaxa u taagan xilka Maamulka Koonfur Galbeed Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Kulankaan oo soo bilowday Xalay isla markaasna bilowgiisii aan si fiican la iskula fahmin ayaa daqiiqado ka hor kusoo dhammaaday Magaalada Baydhabo. Sida uu Caasimadda Online u xaqiijiyey mid kamid ah xogheynta Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, Dowladda iyo Musharaxa ayaa gaaray heshiis iyo isfagarad. Kulanka oo lahaa qeybo kala duwan ayaa ugu dambeyntii waxaa lagu heshiyey inuu Roobow sii wato musharaxnimadiisa isla markaasna uu noqdo hoggaamiye hoos imaado Dowladda Dhexe kuna shaqeeyo amarada Dowladda sida ay xogta hoose ku heshay Shabakadda Caasimadda Online. Dowladda Soomaaliya ayaa Mukhtaar siisay raaligelin ku aadn warqaddii kasoo baxday Dowladda inkasto arrintaan aan la hubin. Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay soo saarto waraaq kale oo ay ku caddeyneyso inay ka laabatay go’aankii hore ee ahaa in Abuu Mansuur laga joojiyo musharaxnimadiisa. Ilo ku dhow labada Dhinaca ayaa xaqiijiyay in Hotelka uu Wafddiga degay ay gacanta ku hayaan ilaalada Mukhtaar Roobow,waxaana uu Mukhtaar u sheegay taageerayaashiisa in uusan dhib jirin sidaas darteedna ay nabad ku seexdaan. Kulan ay xalay goor dambe yeesheen ayaa Mukhtaar loogu sheegay in aysan jirin waxa suuqa la geliyay ee ah in la xirayo. Wafdigii Dowladda ka socday oo ay ku jireen qaar ka tirsan Xildhibaanada Koonfur Galbeed ku matalo Dowladda Dhexe ayaa la filayaa inay saacadaha soo socdo kasoo duulaan Magaalada Baydhabo maadaama uu soo dhammaaday kulankii labada dhinac u dhaxeeyey. Dhanka kale Sida ay ogaatay Caasimadda Online, madaxda dalka ayaa isla ogeyn waraaqdii kasoo baxday Wasaaradda Amniga, waxaana la xaqiijiyey in waraaqdaas laga soo qoray Xafiiska Ra’isulwasaare Kheyre uusan xataa war u heyn Wasiirka Amniga. Sidoo kale waxaa soo baxayo warar kala duwan oo ku aadan in Waraaqdaas cadaadiskeeda ay ka timaaday Beesha Caalamka, iyadoo warar aan la hubin sheegayaan in Beesha Caalamka aysan lug ku laheyn isla markaasna aysan ka warqabin waraaqda kasoo baxday Wasaaradda Amniga. Wixii warar ah ee kusoo korhda waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah Caasimada Online Xafiisaka Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa digniin culus u diray Dalladaha Waxbarashada ee dalka, iyagoo ku eedeeyay inay wada shaqeyn toos ah la leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya. Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa uga digay goobaha waxbarashada inay iska ilaaliyaan inay xiriir la sameeyaan dowladda Federaalka. Waxaa uu sheegay inay ka war hayaan in manhajka cusub ee Waxabarshada ee dhowaan dowladda soo bandhigtay, kaasoo uu xusay inay ka hor imaaneyso Diinta Islaamka. Cali Dheere ayaa sheegay in Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Waxbarashada ee UNESCO ay faafineyso manhaj Waxbarasho oo khaldan, kaasoo ka ka hor imaanaya Diinta Islaamka, isagoo caddeeyay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan. Hadalka ka soo yeeray Afhayeenka Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhowaan dowladda la wareegto Iskuul, isla markaana la soo bandhigay Manhaj Waxbarasho oo ka bilaabanaya Dugsiyada Hoose illaa Dhexe. Digniinta ugu Dambeeysay ee Dhinaca wax barashadda ee Al-shabaab waxay ku soo aadeysaaa iyadoo Dowladda faderalka ah ee Soomaaliya ay horumar ka sameysay Nidaaminta manaahijta waxbarashadda ee lagu dhigo Dugsiyadda hoose, dhexe iyo sare. Dalladaha Waxbarashadda oo muddo fog iyo xilligaan la joogaba tiir muhiim ah u ah Waxbarashadda Soomaaliya ayaa Dowladda kala shaqeeyay Hagaajinta Waxbarashadda Dalka. Go’aanka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa u Muuqda mid lagu curyaaminayo waxbarashada maadaama ay u muuqatay inay dalka ka hirgeli rabto waxbarasho tayo leh oo keeni karto inay dadka fahmaan Qorshayaasha ka baxsan Diinta Islaamka oo ay Kooxdaan ka waddo Gudaha Soomaaliya. Sidoo kale Dhawaan Dowladda Soomaliya ayaa la wareegtay qaar ka tirsan Iskuuladii Dowladda laheyd ee Caasimadda ku yaalay oo gaarayo ilaa 24 Iskuul, iyadoo ilaa 13 kun oo arday loo diyaarinayo inay helaan waxbarasho lacag la’aan ah, waana qeyb kamid ah sababta keentay hadalka Al-Shabaab. Ma jiraan Weli wax war ah oo ka soo baxay madaxda Dalladaha waxbarashada ee ka howgala Dalka. Caasimada Online Xafiisaka Muqdisho Caasimada@live.com