Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,648
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. ASC Ummaddayda reer Somaliland, Muwaaddin kasta oo ay ku weyntahay qaddiyadda dalkiisu tii ku dhici lahayd weeyee caawa aniga oo salaaddii cisha ku jira ayaa waxa igu soo dhacday Fikir ah inan BAAQ shakhsi ah u diro dadkayga reer Somaliland madax iyo muwaaddinba. Markii shaydaankaan iska naaaray laakiin guriga markii aan soo gaadhay baan arrinkii dib u xusuustay oo go’aansaday inaan BAAQ kooban diro aniga oo naftayda mooyee aan cid ku metelin, waana kan: Rabbow eex ma tiraabine aqoon haygu cadaabin. Walaalayaal, Markaynu eegno xaaladda maanta Geeska Africa guud ahaan marayo iyo siyaasadda dawladda cusub ee Ethiopia ka dhalatay ee sida cad uga hor imanaysa madaxbannaanida Somaliland, waxa reer Somaliland dhammaanteen innagu waajib ah arrimo door ah oo ay kamid yihiin: 1- Inaynu isla qirno inay xaalad siyaasadeed oo adagi dalkeenna la soo daristay. 2- Inay tahay mid ku timid isbeddel xagga ALLA ka yimid oo aynaan sababtiisa innagu lug ku lahayn. 3- In qarannimadeennii 27 jirka ahayd markii u horreysay ciddii aynu aqoonsiga ka filaynay si cad u deedifeysay. 4- Inay lama huraan tahay inaynu isku tashanno. Haddaba fikirkayga yar waxan BAAQ ugu soo jeedineyaa Madaxweynaha, Guddoomiyeyaasha 2da xisbi qaran iyo masuuliinta kale ee dalku inay ummadda tusaan hoggaamin waayeelnimo, walaalnimo iyo qarannimo hagayso oo lagu wajaho duruufahan adag ee khatarta ku ah jiritaankeenna qaran. Haa waa xaalad adag oo ina soo wajahday, balse waxa dhici karta inaynu kuba faa’dno haddii aynu la nimaad maskaxo furan oo u heellan ilaalinta qaranimadeena oo haddii ay galbato alla kama dhigee aynu ku wada caano waayeyno. Haddaba waxan u soo jeedinayaa Madaxweynaha iyo labada Guddoomiye xisbi qaran inay waqtigan iska illaawaan khilaaf kasta oo dhexdooda jira, una tafo xaytaan dhismaha Somaliland isku duuban oo mucaarid iyo muxaafid wadajirta. si taa loo helo waa: 1- Inay degdeg isugu yimaaddaan oo ka wada hadlaan khilaafaadka ay hadda ku kala maqan yihiin 3da masuul iyagoon guddiyo diran balse fool ka fool u wada hadlaya, kuna heshiiyaan wax danta guud u adeegaya. 2- Inay meel isla dhigaan arrinta Komishanka iyo arrimaha kale ee ku xidhiidhsan sida saami-qaybsiga iyo muddaynta doorashada. 3- Madaxweynaha oo ah hoggamiyaha qaranka waxan u soo jeedineyaa inu muujiyo dedaal, xammil iyo maarayn bisil oo ay mar walba hagayso danta guud ee QARANKU. 4-Guddoomiyeyaasha mucaardku waa kuwii filayey inay madaxweyne noqdaan ee aan Alla qaderine waa inay iyana waayaha siyaasadeed ee mandaqadda ka jira iyo danta guud dartood ugala shaqeeyaan madaxweynaha wadajirka shacabka iyo dalka una heellanaadaan wixii dan qaran ah ee lagaga bedbaadayo goldaloolooyin cadawgu innaga helo. Ugu dambayn waxan Maxadweynaha iyo Madaxda asxaasbta mucaaridka-ba u soo jeedinayaa inaanay 7da xubnood ee Komishanka doorashooyinka dalkeena iyo nidaamka xisbiyada badan ee aynu qaadannay u burburin ee ay xal keenaan. Dadweynahana waxan ugu baaqayaa meel ay joogaanba inay aaminaan halhayska ah SOMALILAND HORTA (Somaliland first) oo iska diidaan kuwa shaydaanku horsocdo ee kala qaybinteenna ku foogan. Allaha weyni tubta toosan innaga iyo madaxdeennaba ha waafajiyo. Ammaana ALLA, Amb Cali Aadan Cawaalealiaawale1@gmail.com Source
  2. 1- Dalku ma qaadi karo Bandoo lagu soo rogo mar kele iyadoo tii ugu dambaysay ay ahayd 1988 oo casarka la is xerayn jiray. 2- Dalku maaha kii Militarigu xukumayay ee Amarka lagu kala waday ee waa dal sharci kala wado. Wixii u baahan in la mamnuuco ama wax laga bedelo waa in uu jiraa sharci sidaa sheegaya oo Baarlamaanku ansixiyay. Haddii qof waliba meesha uu joogo Amar ka soo saaro waa fawdo iyo is dhex yaac kele iyo xukun kala maroorsi. Fadlan Sharci soo sam ee oo Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka soo mari si laguugu ansixiyo. 3- Haddii aad xataa awood adeegsato oo aad dad iyo meherado soo xidho ma jirto Maxkamad kuu xukumaysaa waayo ma jiro sharci odhanaya saacaddaas meheradaha ha la xidho waana wax adiga uun kugu soo noqonaysa. Taasina waxay keenaysaa uun in aad dadka isku dhacdaan oo aad sumcad xumo ka qaaddo. In aad xilka ku waydaana waaba suuragal oo sidaa lagugu eryo adigoo weliba dadkiina isku diray. 4- Wixii dhaqan xumo ahi waa dhaqan xumo ee ma jirto dhaqan xumo wakhti ku salaysani. Waa in ama la wada mamnuuco ama la iska wada daayaa. Waa aniga oo idhaahda Khamriga iska cabba laakiin wixii 9 ka ka dambeeya waa mamnuuc oo kele uun. Haddii aad goobahaa aad sheegayso leedahay dhaqan xumaa taalla, adiguna dhaqan xumadii uun baad ogolaatay inta 11:50 ka horraysa ee la soco. 5- Maxaa keenay in uu go’aan kani soo baxo 3 maalmood ka dib markii Xamar na uu go’aankanoo kele ka soo baxay ? Maxaa labada go’aan isku beegay ilayn awalba xilka waad haysay oo waad joogtaye ? Ma xidhiidh baa jira ?? 6- Shirkaagii jaraa’id waxa ka muuqday is dhex yaac iyo hadalkaaga oo aan habaysnayn oo kolba la moodayay inaad wax ilowday oo aad dib u gocanayso. Amarkaasina hadal (Oral) mooyaane ilaa hadda inta aan ogahay qoraal kumuu soo bixin si loo tixraaco. Markaa dalka ma hadal baynu ku maamulnaa wasiir ?? 7- Haddii khamri iyo maandooriye laga hadlayo waa la yaqaanaa goobaha suuqa madow ah ee lagu iibiyo iyo dadka keenaba waana wax xuduuddeena ka soo gudba oo si qarsoon dalka loo soo geliyo. Miyaanay markaa muuqan in aad ku fashilantay in aad goobahaa iyo dadkaa keenaba wax laga qabto oo imika la rabo in cadhada lagula dhaco goobo gaar ah oo meherado ah oo aan laguba iibin maandooriyahaa ?? 8- Somaliland 27 kaa sannadood ee ay jirtayba qof waliba xilliguu doono ayuu hoyanayay hudheelada iyo goobaha cawayskuba way furnaayeen amaanka iyo hanaanka guud ee dalkana midna waxba may yeelin oo waataa dalku ammaanka yahay. Maxaa is beddelay ?? 9- Inta aanad amarkan soo saarin goobahaa aad sheegtay ilayn waynu isla garanaynaaye ma la kulantay oo ma ka wada hadasheen ?? 10- Madaxweynuhu ma kula og yahay go’aankan ?? Mahadsanid Source
  3. THE ECONOMIC PROBLEMS OF STAYING UP LATE AT NIGHT AND SLEEP DEPRIVATION!!!! Sleep deprivation and late night behaviours have several economic ramifications and negative productivity that can really damage the over all well being of the country therefore, it is possible to have an be economic justification to close certain business outlets late at night as they do in the US and other major Western nations. Few the possible outcomes of not having enough sleep excluding the health cost not sleeping early will be stated as the following: 1. Not able to get up and go work 2. Being tired and unproductive 3. A lot of yawning and sleepiness 4. Drinking to much coffee that costs money without earning anything 4. Staying up late at night encourages modern begging (Shaxaad). 5. Escalates lying and other bad behaviours. 6. Creates quarrelsome situation between husband and wife 7. Degrades husband’s status in the family since he is sleeping working hours 7. Encourages dependency 8. Staying up late also increases security risks and substances abuse which reduces economic development and productivity in general. Therefore, since the situation is a counterproductive to the over all economic situation of the nation and reduces national GDP it is emparative to support the the ban on if sleep deprivation and other government sanctioned development projects Conclusion. Going to bed early will help to achieve self tranquility, economic and social status since the individual will he be able to work early productive hours if the day. Equally thus will help the person to engage religious acgtivities that may be helpful the hereafter. This newly sanctioned program will create more productive and secured citizens of Somaliland that can compete today’s global knowledge based economy but if only supported by the good progressive people of Somaliland. Source
  4. Xusuus 13/11/018 Somaliland markayga 29/7/017 Dalkeenu waxa uu ku dhisan yahay xisbiyo ku salaysan qabiil , gudoomiye kastan oo xisbina waxaa loo nisbeeyaa in uu qabiilkiisu xisbigaa uu gudoomiyaha u yahay leeyahay, tiiyoo taasi jirto ayaan hadan wax qaran wada leeyahay oo dad ka dhaxeeya aan meesha la soo dhigan, oo gudoomiye kastaa reerkiisa ayuu ku tiirsan yahay, oo taloodada iyo arinkooda uu ku dhaqmaa kuna socdaa ,ismana yidhaah waar waxu waa wax qaran leeyahay, markaa qabiil kasta nasiibkii, markaa waxaanu is idhi tanay waxay wax ku fahmaysaa qabiile bal sidan ugu dhig . Markaa maanta .sadexda xisbi ee jira laba reer baa leh, midna reer baa leh , waana sadexda xisbi ee ku tartamaaya saaxada , hadaba ma laba mise mid , laba xisbi waxaa leh reerka layidhaah West Burco Clan , waan fursad ay heleen ,oo aanan u malaynayo in aanay soomari doonto reer Somaliland aa kale, waayo laba xisbi oo reer wada leeyahay waa awood ,ay wax ku bedeli karaan ,isbedelna ku keeni karaan, Waayo waxaa tusaale uah, markii uu kulmiye xukunka doonanyey , waxaa shir reernimo oo habar xabuusheeda ah lagu qabatay gar adag, waxii ka soo baxayna waxay sababtay in kulmiye ku guulaysto, xukunka .xukumadii udubna uu meesha kasaaro kuna baabiiy, Kulmiye markaa waxa uu ahaa xisbi reer kaliya, ucidna waxay hayd xisbi reer kaliya, udubna waxay ahyd xisbi reero , in kastoo xisbiyo qaran lagu sheegi jiray, laakiin maanta laba xisbi ayaa reer wada leeyahay, oo la odhan karo waa awood ka wayn tan dowladnimada , hadab maxaa la gudboon reerkaa labda xisbi nasiibku siiyey, Reerku waxay leeyahiin ,aqoon yahano, siyaasiyiin,dhalinyaro, haween, odayaal caaqilo.iyo indheergarad, ma waxay garan laayahiin ,waxii habar xabuusho gartay, oo habar kaliya ahi , markaa hadhow laga yeeli maayo, dudmo , waa nalagaga shubtay iyo qas iyo ucid baa ahayad sub station kulmiye .waxaasi idinka socon maayaan, iminkay fursadu gacantiina ku jirtaa . “Taldu waa mar aad garnwaydo iyo mar aad gaadhiwaydo” waliba ku darsoo laba sano kadib doorashada madaxtooyada, waxaa lafuri doonaa xisbiyadii badnaa ,markaa kulmiye isgu wali waa sii taagnaan doonaa ina kaahin baana gudoomiya noqondoona , xisbiyo kale ayaa saaxada soo galaaya, markaa halkaas baad saaxad siyaasada uu kaga bixi doonaa West Burco Clan, oo isku daygaagii hore ku fashilmay , kii labaadna hadad ku fashilto. Sow sidii xuurta dushaas raqda ka eeg maaha , fursad kale oo ay helaan maan sheegin, Gabo gabadii Mowduucan oo aan qoray 29/7/017 kii , markaas oo ololahii madaxtinimada madaxtooyadu meel aad usaraysa marayey , isla malintaa uu hawada galay faysal cali waraabe gudoomiyaha ururka ucid oo radio hargaysa ka hadlaayey waxa uu difaacay siyaasadii jeegaanta , waxaanu dadka ku guubaabiyey in aan somaliland wareegto ahayn oo kolba reer xukunka qabsanayn ee ay tahay tartankaa kii gugulaysta . hadab waxaan leeyahay faysal cali waraabe ka waran maaanta, maanay ahayn somaalilind marakayg ,sidaas darteed cidii iswaasha iyo ciidii boodboodabana dhegaha ayaanu ku dhufanaynaa . taas ha la ogoodo , markaa somaliland marayakaga yaan la carqaladayn , By; khadar adam aw muuse mixile190@gmail.com Source
  5. Galmudug ayaa xukuumadda federaalka ku eedeeysay in ay hurineeyso colaado ka jira gobolka Galgaduud. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa si cad loogu sheegay in dowladda Galmudug ay aad uga xun tahay colaad beeleed ka soo cusboonaatay waqooyiga gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Balanbal. Waxaa sidoo kale qoraalkani lagu sheegay in colaaddaasi ay tahay kuwa ay faraha kula jirto Villa Somalia, islamarkaana la siyaasadeeynayo. Warmurtiyadeedka ka soo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa imaanaya iyadoo wali xiriirka u dhaxeeya qaar kamid ah dowlad goboleedyada sida Galmudug iyo Villa Somalia uu meesha ka maqan yahay. Hoos Ka Daawo Muuqaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Booliska ayaa magaalada Garoowe caasimadda Puntland howlgal ay ka sameeyeen waxay ku soo qabqabteen maandooriyeyaal kale duwan. Ciidamada xasilinta dowladda Puntland ee Garoowe ayaa gacanta ku soo dhigay maandooriyaha Khamriga oo aad u badan iyo sidoo kale maandooriyaal kale. Taliyaha ciidamada Gen. Muxiyadiin Aw Muuse ayaa saxaafadda farriin hanjabaad ah u mariyay kuwa ku howlan arrimahaas isagoo ku hanjabay in dhallinyaro ay ka war hayaan ay soo xiri doonaan dhowaan. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Khamri-aad-ubadan-oo-ay-soo-qabtee-ciidanka-Booliska-Puntland-oo-Garowe-Lagu-soo-bandhigay.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Somaliland ayaa maanta si rasmi ah waxay ushaqaaleysiiyay 954 macalimiin, kuwaasi si bilaash ah ku shaqaynayey muddo sanado ah. Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Somaliland Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle ayaa saxaafadda kala hadlay arrintaasi kaddib markii uu soo dhammaaday kulan ay wada qaateen madaxweyne Muuse Biixi iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirrada oo uu ku jiro wasiirka waxbarashada. Dhanka kale, waxaa isna arrintaa faahfaahin ka bixiyay wasiirka waxbarashada iyo seyniska Somaliland Yaasiin Xiir Faratoon. Hoos Ka Dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Somaliland-954-macalin-oo-bilaash-ku-shaqeynaysay-mudo-oo-mushaar-loo-qoray.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Jilib (Caasimada Online) – Magaalada Jilib, waxaa maanta ka taagan xiisad ka dhalatay dil shalay loo gaystay Sarkaal Ajnabi ahaa oo ka tirsanaa Shabaab, kaasi oo lagu eedeeyay inuu gacan saar la lahaa Kooxda Daacish ee Somaliya qayb ka mid ah ka dagaalanta. Xiisadan ayaa waxa ay u dhaxeysa Shabaab dhexdooda oo ku kala aragti duwanaaday dilka loo gaystay Abu Anas Al-Misri, oo shalay lagu dilay Magaalada Jilib, kaasi oo la sheegay inuu diiday is dhiibitaan, kadib markii ciidamo Shabaab ka tirsan ay ku amreen inuu is dhiibo uuna la soo baxay bambo, kadibna ay toogteen Shabaab. Saraakiisha Shabaab qaarkood ayaa ka carooday falka ninkaasi Ajnabiga ah lagu dilay, waxayna sheegeen in arrintaasi lagu fududaaday, taasi oo keeni karta niyad jab soo wajahda Ajaanibta kale ee Shabaab dhexdooda ku sugan. Wararka ayaa sheegaya in maanta Jilib laga dareemaayey xiisada ka dhalatay arrintaasi oo ka taagan Magalada Jilib, islamarkaana Madaxda Shabaab ay isku dayayaan inay xaliyaan arrintaasi oo si wayn aysan saameyn u yeelan. Sidoo kale waxyaabaha dhaliyay xiisadan ayaa waxaa ka mid ah rag Somali ah oo Shabaab shalay ay xireen, kuwaasi oo looga shakisan yahay inay Daacish xiriir dhaw la leeyihiin. Ragga Shabaab ay xireen, ayaa waxa ay ku jiraan xabsi ku yaallo Magaalada Jilib, waxaana laga cabsi qabaa in xukun ay ku ridaan Shabaab. Al-Shabaab ayaa dadka ay ka arkaan inay ku dhaqmayaan aragtida Daacish, waxa ay ku ridaan xukuno adag, waliba dil ah. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  9. Kismaayo (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa isku shaadhayn ku sameeyay qaar kamid ah xubnaha Gollahiisa Wasiiradda, sida laga soo xigtay Wareegto kasoo baxday xafiiskiisa. Digreetadda oo ku taariikheysan 13-ka bishaan November 2018 ayaa waxaa lagu magacaabay hal Wasiir, afar wasiiro dowloyaal iyo labo wasiiru ku xigeeno, kuwaasi wasaarado kala duwan ah. Laguma shaacin qoraalka masuuliyiinta xilalka laga qaaday iyo sababta ay jagooyinkooda ay ku waayeen. Hoos ka akhriso wareegtada The post Axmed Madoobe oo isku shaadhayn ku sameeyay Wasiiradiisa appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay Shirka toddobaadlaha ah geeddi socodka cafinta daymaha lagu leeyahay Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda. Wasiirka maaliyaddaa, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo natiijada kulanka uga warbixiyay warbaahinta ayaa sheegay intii uu socday in kulankii maanta looga hadlay meesha uu marayo qorshaha dayn cafinta. Bayle ayaa tilmamay in ay ra’iisul wasaare Khayre ay uga warbixiyeen guulaha laga gaaray shuruudaha dayn cafinta ee dawladda lagu xiray iyo shaqooyinka qabyada ah ee dhammaytirka u baahan ah kahor shir dawladda Soomaaliya iyo IMF ay uga wada hadlayaan dar-dar gelinta cafinta daymaha Soomaaliya, kaas oo Nairobi ka dhacaya bisha December ee sannadkaan. Shirka Toddobaadlaha ah ee geeddi socodka dayn Cafinta Soomaaliya oo ay kasoo qayb galaan dhammaan dhinacyada qaybta ka ah geeddi socodka ayaa looga hadlaa qodobada ka fulay heshiiskii Hay’adda lacagta adduunka (IMF) iyo Dawladda Soomaaliya, iyo dar-dar gelinta qorshayaasha fududaynaya in Soomaaliya daynta laga cafiyo. The post RW Khayre oo gudoomiyay shir looga hadlay dayn cafinta Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Wasiir xigeenka wasaaradda amniga Galmudug Mahad Xasan Maxamed ayaa farriin nabadeed u diray malleeshiyo beeleedyo dirirtooda ay ka taagan tahay degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud. Wuxuu sheegay wasiir xigeenka in ciidamo ku baxeen colaaddaasi oo uu ku tilmaamay mid xilligaan aan loo baahnayn. Wasiir Mahad ayaa sheegay in doorka Galmudug yahay sidii loo nabdeyn lahaa degmada Balanbal islamarkaana heshiis loo kala dhex dhigi lahaa dhinacyada dagaallamaya. Malleeshiyada labada dhinac ayuu ugu baaqay in gacan ka hadalka ay ku beddalaan wada hadal. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/GALMUDUG.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-131118.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Waxaa bulshada reer Puntland iyo Soomaali oo dhan aad uga yaabiyey shir jaraa’id oo uu shalay qabtay guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xasan Xirsi Gu’jir ee maamul gobolleedka Puntland. Gudoomiyaha waxa uu shirkaaas jaraa’id ku duray oo uu ku cambaareeyey Ra’iisul Wasaaraha dalka Xassan Cali Kheyre, oo uu sheegay in uu ballamo uga baxay. Eedda waxa ay ujeedkeedu ahayd in Ra’iisul Wasaaraha uusan ka dhabbeyn ballanqaadkiisii ahaa in uu roog dhigi doono gegida cayaarayaha Mire Awaare ee Garowe! Ogow, eedeynta mas’uulka waxa ay ku soo aadeysaa xilli mamaulka Puntland uu xiriirka u jaray dowladda dhexe, Iyaga oo soo saaray in digreetooyin mamnuucaya in dhammaan hay’adeheeda aysan la falgeli karin Federal-ka. Hadaba, maxay muujineysaa eedda uu jeediyey gudoomiyaha? 1- Isdiidooyinka Maamulka Puntland Maamulka Puntland waxa aad moodaa in aysan iska warqabixin oo go’aamada madaxdooda ka soo baxa aysan la socon kuwa hoose. Waxaa taas kuu xaqiijinaya eedda uu gudoomiyaha gobolka Nugaal jeedinayo. Miyeysan Nugaal ka mid ahayn Puntland, maamulkiisa maka madax bannaan yahay Gaas, mise waxaa jiray qeybo ka mid ah oo aysan digreetooyinkii dowladda xiriirka loogu jaray laga reebay? Haddii ay xiriirka u jareen xukuumadda, side u doonayaan gacan qabashadeeda. Tani soo nama tuseyso in Puntland aysan ka maarmin dowladda dhexe iyo taageeradeeda? Dhammaan weydiimahaas waxaa ka jawaabi kara guddoomiyaha gobolka Nugaal. 2 – Hagardamada maamulka Puntland ee uu ku hayo shacabkiisa iyo dowladda dhexe Ma aha markii kowaad oo laamaha maamulka Puntland isku dayaan in ay la falgalaan dowladda dhexe. Gudoomiyaha Garowe waxaa ka horreeyey mas’uuliyiinta gobolka Bari oo qaar ka mid ah ayey Muqdisho u yimaadeen tababar ay dowladda bixineysay. Sidoo kale wasiirada, xildhibaanada iyo Madaxweynaha ku xigeenka waxa ay si joogta ah u yimaadaan Muqdisho iyaga oo la macaamila madaxda dowladda. Haddii sidaas xaalku yahay, soo Gaas dan u gaara uma hagardaameynayo shacabka Puntland, Soomaaliyeed iyo dowladnimadooda? Labadan qodob waxay ku tusayaa in Puntland aysan ka maar-maarin xukuumadda, laakiin olole siyaasadeed aan meel fog jirin lagu kicinayo shacabka. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  14. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland Shaacisay Cidda Dalka Soo Galisa Hubka Sharci-Darradda Ah Iyo Daroogada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) Maxkamada ciidamada gobollada Bari iyo Sanaag ee Puntland ayaa markale dil ku xukuntay Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) madaxii dhaqaalaha iyo saadka Al-Shabaab ugu qaabilsanaa gobolka Mudug. Gudomiyaha maxkamada ciidamada gobollada Bari iyo Sanaag ee Puntlnad G/sare Cawil Axmed Faarax oo wareysi gaara siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in shalay xukun dil ah lagu riday Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) madaxii dhaqaalaha iyo saadka Al-shabaab ugu qaabilsanaa gobolka Mudug. Puntland ayaa 23 /7/ 2017 Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) iyo saddex qof oo kale ku qabatay howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Sirdoonka Puntland iyo Galmudug, kaas oo laga fuliyay Koonfurta magaalada Gaalkacyo. Calool Geel, Maxkamadda ciidamada Puntland 02/03/2013 Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) ayaa markii hore Maxkamadda ciidamada Puntland 02/03/2013 ku xakuntay dil toogasho ah, kadib markii 17/11/2012 lagu qabtay Gaalkacyo isaga oo la sheegay in uu waday boorso ay ku jiraan walxaha qarxa islamarkaana waxaa la sheegay inuu qirtay inuu yahay Al-shabaab, laakiin xabsiga Puntland ayaa laga sii daayay dhamaadkii sanadkii 2014-kii, kadib markii labo muwaadiniin oo reer Puntland ah afduub loogu qabsaday Koonfurta Gaalkacyo, taas oo keentay in qaab nabad ah la isku dhaafsaday Cabdirasaaq Tahliil (Calool Geel) iyo dadkii shacabka ahaa. Calool Geel, Galkacyo 17/11/2012 Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) ayaa lagu eedeeyay sii deyntii sii kadib inuu ka dambeeyay qaraxyo iyo dilal ka dhacay gudaha Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale isku dhacyadii dhexmaray Puntland iyo Galmudug. Sidoo kale Calool Geel ayaa mar la sheegay in lagu dilay weerarkii 28/09/2016 Ciidamada Puntland oo kaashanaya diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen meel bariga uga beegan Gaalkacyo, kaas oo lagu beegsaday koox lagu tuhunsanaa in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab. Koonfurta Gaalkacyo 13/11/2018 Dhanka kale Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug waxaa maanta ka dhacay mudaharaad kooban oo ay dhigeen dad u badan dhalinyaro, kaas oo looga soo horjeeday xukunka Puntland ku riday Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo ay ku sheegeen in uu ahaa nin ganacsade ah. Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo lagu eedeynayo madaxda Al-shabaab ayaa saameyn ku yeeshay is bedelada Puntlnad, kadib markii Madaxweyne Gaas 2014-kii xukun dil oo xukuumaddii Faroole ku riday ka furtay, hadana markale xiliigan kala guurka ah dil lagu riday. PUNTLAND POST The post Puntland oo markale dil ku xukuntay Calool Geel appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa isku shaandheyn ku sameeyay qaar kamid ah golahiisa wasiirada. Xubnaha isku shaandheynta uu ku sameeyay ayaa u badnaa Wasiiru Dowlayaal iyo wasiiru ku xigeeno uu horay u magacaabay, sidoo kalana wuxuu soo magacaabay wasiiro cusub oo ka mid ah xukuumadda. Wasiiru Dowlayaasha isbadalka lagu sameeyay Waxaa kamid ah Madaxtooyada, Amniga, Dastuurka iyo Maaliyada. Hoos ka akhriso Isku shaandheynta Axmed Madoobe Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Toddobo Wasaaradood oo ka mid ah kuwa xukuumadda Soomaaliya ayaa sida ay warar hoose xaqiijiyeen laga goostay korantii kadib markii lacagta ay bixin waayey. Inkasta oo qaar ka mid ah wasaaradaha ay shirkadda BECO dib ugu soo daysay korontada kadib markii warkan uu shaac baxay, ayagana ay codsi waqti kordhin ah dalbadeen, haddana qaar ayaa weli la’ korontada. Ma aha markii ugu horreeysay ee ay sidaan oo kale dhacdo, dhawr jeer oo waxaa biyaha laga goostay qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukumadda. Arrintan waxa ay fajaciso ku noqotay shaqaalahii Wasaaradahaas iyo bulshada Soomaaliyeed kuwaas oo is weydiiyey halka ay iska qaban la’dahay sheegashada Xukumadda ee ah in ay dhistay hannaankii maaliyadda dalka iyo xarumaheeda looga goosanayo adeeggii aas aasiga ahaa. Dhawaan waxa ay xukumadda sheegtay in ay kordhisay miisaaniyadda dalka, haa waa sax, laakiin maxay uga muuqan la’dahay gudeheeda oo ay fadeexadaha ceynkan ah u dhacayaan!? Mise, dhaqaalaha la kobciyey waxa uu ku kooban yahay kaliya in warbaahinta loo sheego. Haddii Wasaaraduhu, ma aha mid iyo laba -7 dhan halmar laga wada goosto koronta oo ay ku xigi karto biyaha, aaway sheegashooyinkii xukuumadda ra’iisul Wasaare Kheyre ee ahaa inay dakhliga kordhiyeen, oo ay hagaajiyeen hanaankii maaliyadda? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) ayaa maanta isku shaandheyn ku sayeeyey golohiisa wasiirrada. Wasaaradaha ay saameeyeen waxaa ka mid ah: Shaqalada iyo shaqaalaha, wasiiru dowlayaasha madaxtooyada, maaliyadda, dastuurka, amniga iyo weliba wasiir ku-xigeennada maaliyadda iyo deegaanka iyo dalxiiska. Halkan Ka Akhriso, Qoraal Kasoo baxay xafiiska madaxweynaha: Source: goobjoog.com
  19. Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland,Axmed Maxamed Islaan(Axmed Madoobe) ayaa isku-shaandheyn kooban ku sameeyay golihiisa wasiirada,sida ku cad digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha. Digreetada oo ku taariikhaysan 13 November 2018 ee talaadada maanta ah ku beegan ayaa lagu magacaabay wasiir,wasiir-kuxigeenno iyo wasiiru-dowlayaal,iyadoo qaarkood la isku’beddelay. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Jubaland ayaa sida digreetada ku xusan loo magacaabay,Maxamed Cali Axmed,halka wasiiru-dowlaha madaxtooyada loo magacaabay Xirsi Jaamac Gani. Sidoo kale Maxamed Ibraahim Amiin,Axmed Cabdiraxmaan Xassan iyo Isaaq Maxamed Xassan ayaa loo kala magacaabay wasiiru-dowlayaasha wasaaradaha;Maaliyadda,Dastuurka iyo Amniga,sida ay u kala horreeyaan. Digreetada waxaa kale oo lagu magacaabay laba wasiir ku xigeen oo kala ah;Saleebaan Maxamed Maxamuud(wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda) iyo Maxamed Cabdinuur Beerxaani(wasiir ku xigeenka wasaaradda Degaanka iyo Dalxiiska. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo isku’shaandheyn ku sameeyay xukuumaddiisa appeared first on Puntland Post.
  20. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Ka Tirsan Barlamaanka Somaliland Oo Shaaciyey In Degaankiisa Ay La Wareegtaypuntland, Xukumadda Muuse Biixi-Na U Fududeysay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Taliska qeybta 21 aad militariga Soomaaliya ee ka hawlgala dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta ku baxay degaanka Hardis oo qiyaastii 25KM galbeed kaga beegan degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud,halkaasoo uu dagaal ku dhexmaray laba malayshiya-beeleed. Taliyaha hawlgallada militariga Soomaaliya qeybtiisa 21 aad ee Galmudug, G/sare Cabdulqaadir Maxamed Cartan ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay ku baxeen degaannada labada malayshiya-beeleed ku dagaallameen,sida ay ka soo xigatay wakaaladda Wararka SONNA. G/sare Cartan wuxuu intaasi ku daray taliska ciidanka xoogga dalku uu amar ku bixiyay in la kala dhex galo malayshiyaadka,si dagaal dambe uusan halkaasi uga dhicin. Dhulka lagu dagaallamay waa miyi ay ku sugan yihiin dad reer guura ah,waxaana dagaalku salka ku hayaa muran ku saabsan dhul-daaqsin iyo aanooyin qabiil,sida ay SONNA sheegtay. PUNTLAND POST The post Ciidamo ku baxay malayshiyaad ku dagaallamay Galgaduud appeared first on Puntland Post.
  22. (SLT-Hargeysa)-Suuragal Ma Tahay In Soomaaliya, Itoobiya Iyo Eriteria Hal Madaxweyne Yeeshaan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Waxaa maanta Huteln Impreil ee magaalada Hargeysa lagu soo gabagabeeyay kulan laba cisho magaalada Hargeysa uga socday beelaha la hayb sooco ee Gabooye, Halkan hoose ka DAAWO Source
  24. (SLT-Muqdisho)-Dabley hubeysan ayaa Magaalada Muqdisho waxa ay dhaawac iyo dil ugu geysteen labo qof oo ka tirsanaa Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud. Dad goobjoogayaal ayaa Dalsan u sheegay in dilka iyo dhaawaca uu ka dhacay Isgoyska Baar-Ubax ee Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, isla markaana loo gestay lab qof oo ka tirsanaa Shirkadda Hormuud. Sidoo kale waxaa la sheegay in falkan uu dhacay xilli ay kusii jeedeen Masjid ku yaalla Isgoyska Baar Ubax si halkaasi ay ugu soo dukadaan Salaada Duhur,waxaana rasaasta lagu furay ragaan ku dhaawacmay Haweeney goobta ka agdhaweyd. Ruuxa la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Daahir Nuur Karaane halka midka la dhaawacay isna magaciisa lagu soo gaabiyay Gurey,waxaana uu ahaa mid kamid ah ilaaladda Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud. Kooxii hubeysnaa ee falkaan geystay ayaa la sheegay in ay durbo goobta ka baxsadeen. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa goobta gaadhay, kuwaas la filayo inay Warbaahinta la hadlaan. Source