Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,328
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kenyan police on Sunday sought help from the International Criminal Police Organization (Interpol) for the arrest of three suspected drug barons who are believed to have sneaked out of the country in June. Source: Hiiraan Online
  2. The sugar wars that are threatening to unravel the Jubilee ruling coalition have focused mostly on the product that is imported by scores of licensed traders. Source: Hiiraan Online
  3. The Deputy Chief of Defence Forces Lt. Gen. Wilson Mbadi has said violent extremism requires tackling through joint trainings of armies across the globe. Source: Hiiraan Online
  4. Qatar Charity’s (QC) office in Somalia, in co-operation with the Benadir Regional Administration opened a dispensary in Wadjer, an impoverished neighbourhood in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiisha CXD ayaa gacanta ku dhigay Horjooge ka tirsan Al-Shabaab iyo dagaalyahan kale oo ka tirsan maleeshiyada. Horjoogahan ayaa lagu qabtay degaanka Baar-sanguuni oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, xili uu ku guda jiray shaqooyinkiisa argagixiso. Horjoogahan ayaa lagu magacaabaa Cali Cabdullaahi Sadiiq, waxa uuna sheegay in xiliga uu ku biiray maleeshiyada laga joogo sanado badan. Saraakiisha CXD ayaa sheegay in horjoogahan uu ahaa wakiilka Al-Shabaab u qaabilsanaa degaanka Xaaji Muuse oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Laba xidigle C/fitaax Ibraahim Maxamed oo ah Taliyaha ururka 58-aad, Guutada 11-aad ee qeybta 43-aad ciidanka xoogga dalka,ayaa warbaahinta u sheegay in Tuulada Muuse Xaaji ay kula dagalameen Al-shabaab, waxaana uu tilmaamay inay ka dileen 11 Dagaalame. Sidoo kale, waxa uu intaa ku daray Taliyaha in mudada lagu guda jiray dagaalka ay gacanta ku dhigeen Horjoogaha Tuulada Muuse Xaaji u qaabilsanaa Al-shabaab.
  6. Danish think-tank study describes the smuggling as a “dangerous, lucrative and highly political business.’’ Study blames official neglect of the sugar sector in western Kenya and marginalisation of the country’s northern region for the smuggling. It names a former governor and a leading politician from northern Kenya as some of the top politicians involved in the trade. Source: Hiiraan Online
  7. LOS ANGELES -- LeBron James' next NBA chapter will be set in the West Coast. James will be playing for the Los Angeles Lakers on a four-year,...... Source: Hiiraan Online
  8. Dowladda Ethiopia ayaa dhowaan xabsiga kasii daysay Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax, oo ah sarkaal ka tirsan ururka ONLF oo bishii August ee sanadkii tagey ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay xukuumadda Addis-Ababa. Cidda ka dambeysay sii daynta Qalbi-Dhagax, ayaa waxaa weli ka taagan dood badan. Odayaasha beeshiisa waxay sheegeen in ayaga ay dadaal u galeen in lasii daayo, halka safiirka Ethiopia ee Soomaaliya Jamaaludiin Mustaf Cumar uu sheegay inay kusii daayeen codsi ka yimid dowladd Soomaaliya. Qalbi-Dhagax oo hadlayna, hadalkiisa ma kala caddeyn. Haddii aan tixraacno hadalka safiirka, side ayay isku qabaneysaa in dowladda ay markii hore gacan gelisay Qalbi-Dhagax, haddana ay soo deysay. Waxaan dhihi karaa laba arriin midkood ayaa suurto-gal ah: 1 – In Dowladda Soomaaliya ay garwaaqsatay inay gashay qalad weyn, oo ay taageero badan ku lumisay, sidaas darteedna ay u istaagtay inay saxdo qaladkaas, oo sidaas ay dadaal ugu gashay in lasoo daayo Qalbi-Dhagax. 2 – Inaysan dowladda wax gacan ah ku lahayn sii daynta Qalbi-Dhagax, sida ay odayaasha beeshiisa sheegeen, balse ay aragtay fursad ay magac ku kasban karto, sidaas darteedna ay uga codsatay safiir Jamaaludiin inuu hadalkaas u sheego warbaahinta Soomaaliya. Haddii ay midda koowaad tahay, dowladda waxaa la gudbooneyd in maadaama codsigeeda lagu sii daayey, in dowladda Ethiopia ay ka codsato in qoraal rasmi ah la raaciyo sii daynta Qalbi-Dhagax, oo la shaaciyo doorkii ay ku lahayd, taasi oo sida muuqata aan dhicin, haddii ay tahay arrin ay dowladda ahmiyadeeda garan weyday iyo haddii kaleba. Sidoo kale waxay ahayd inay qoraal soo saarto kuna sheegto in qalad uu ka dhacay, dibna ay u saxday oo ay cafis dalbato. Haddii arrintu tahay midda labaad, waxaa muuqata in dowladda ay kasii dartay qaladkii horey u dhacay, waayo safiirka Ethiopia cid aamineysaa waa yar tahay, dowladda inta hadashay ma aysan ku taageerin qoraal. Midkii ay tahayba arrinta waxaa muuqata in sheekadu weli ay halkeeda joogto, dad badanna ay dowladda taageeradii ay ugala laabteen arrinta Qalbi-Dhagax aysan usoo celin. W/Q: Saadaq Xuseen Ciise Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  9. Garoowe (Caasimada Online)-Colaado u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland ayaa waxa uu wali ka taagan yahay Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Colaadani oo muddo bilo ah taagan ayaa waxaa ku naf waayay shacab badan, halka kuwo intaa kasii badan ay ku barakaceen. Dadka ugu badan ee ku barakacay colaada ayaa ahaa kuwa ku nool guryaha ku dhow dhow jiida uu dagaalka ka socdo. Peter De Clerk, oo ah ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa sheegay in QM ay diiwaanka ku darta tirada dadka ku barakacay dagaalka oo aad u badan. Peter De Clerk, waxa uu sheegay in colaada ka taagan degaanka Tukaraq darteed ay u barakaceen dad ka badan (12 Kun) oo qof. Ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud QM Mr. De Clerk ayaa dhinacyada is horfadhiya ugu baaqay in ay ka fogaadan baacsiga ay isku hayaan si ay nabad u helaan dadka deegaanka. Mr. De Clerk oo ka hadlaayay barakaca ka dhashay dagaalka ayaa yiri “Ugu horeyn gobolada Sool iyo Sanaag waa meelo ay ka jiraan xaalado bani’aadanimo, sidaasi darteed weli waxa ay ka mid yihiin meelaha ay colaadaha ka jiraan, khilaafkan waxaa ka dhashay inay ku barakacaan 12 Kun oo qof” “Waxan ugu baaqayaa dhinacyada in aysan colaad kale hurin, sababtoo ah taasi waxay abuureysaa qalalaase kale” Sidoo kale, Mr. De Clerk ayaa sheegay inay telefoonka kula hadleen Madaxda labada maamul, isaga oo tilmaamay in dadaalkooda halkaasi uusan ku ekeyn balse Hargeysa iyo Garowe uu u tagay sidii loo sii wadi lahaa xabad joojinta. Dhinaca kale, dalal iyo hay’ado kala duwan ayaa horey baaqyo nabadeed ugu diray Somaliland iyo Puntland, waxaana ka mid ah UN, African Union, European Union, (IGAD), Belgium, Denmark, Ethiopia, Finland, Germany, Ireland, Italy, the Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, the United Kingdom iyo the United States. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkada DP World oo laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraadka carabta ayaa ku dhawaaqday inay sameyneyso sal balaarsi dhinaca alaabaha uga soo daga Africa. Maamulka Shirkada DP World ayaa sheegay inay saldhig cusub ka sameysanayaan dalka Ethiopia si alaabaha kasoo dega Dekadda Berbera ee Somaliland looga sii qeybiyo Ethiopia iyadoo la gaarsiinaayo dalalka kale ee xadka kala dhexeeya Ethiopia. Agaasimaha shirkada DP World Sultan Ahmed bin Sulayem, oo u waramaayay WAM ayaa sheegay in Ethiopia 95% ay alaabaha kala imaado dalka Djibouti, taasina looga maarmi doono dadaalka ay DP World ku dooneyso sal balaarsiga. Sultan Ahmed bin Sulayem, waxa uu sheegay in qorshuhu yahay in Saldhig lagu daabulo Kunteenarada laga hirgaliyo Ethiopia, waxa uuna tilmaamay inay sameynayaan waddooyin waaweyn oo la mariyo alaabaha uga soo daga Dekadda Berbera ee la gaarsiin doono Ethiopia. Waddooyinka ayuu sheegay inay dhaqaale ku bixin doonto shirkada DP World si meesha looga saaro dadaalka ay Ethiopia alaabaha uga soo dagsaneyso Dekadaha Djibouti. Agaasimaha shirkada DP World Sultan Ahmed bin Sulayem oo ay isku dhacsan yihiin dowlada Djibouti ayaa doonaya inuu dhexda ka jaro xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya dowladaha Ethiopia iyo Jabouti si hoos u dhac uu ugu imaado Ganacsiga kasoo daga Dekada Jabouti ee dhawaan laga eryay DP World. Shirkada DP World, ayaa doneysa in go’doon ganacsi ay galiso Djibouti iyadoo la adeegsanaayo Dekadda Berbera, wallow ay Jabouti sheegtay inay ka gaashamaneyso shirkada DP World. Dowlada Ethiopia oo dhawaan Imaaraadka ka gudoontay lacag dhan 3 bilyan ayaa u muuqaneysa mid ka weecan doonta ganacsiga kala dhexeeya Djibouti. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Sida lawada ogsoonahay Ummad kasta oo dunida ku nooli waxay leedahay taariikh u gaar ah oo lagu qoro Diiwaankeeda, taasoo ka turjumaysa maraaxilkii kala duwan ee ay soo mareen, si ay ummaduhu uga faa’idaystaan dhib iyo dheef wixii ay lahayd, uguna dabakhaan horumarkooda dhaqan dhaqaale iyaga dib u milicsanaya sixitaanka hadba wixii hagardaamo soo maray si ay uga taxadaraan casharadii ay ka barteen waqtigiyadii la soo maray. Haddaba, Ummada Somaliland waxay soo martay maraaxil kala duwan oo taariikheed oo qadhaadh iyo macaanba lahaa loona baahan yahay in looga faa’idaysto masiirkeena hadda taagan. Taariikhduna iyadaa is qorta ee lama qoro, waxana hore loo yidhi; “Been ma sheegto Taariikhdu, Ma Bukooto Taariikhdu, Mana Baqato Taariikhdu”. Ingriisku ilaa 20 sano ayuu rabay inuu qabsado Somaliland,1825 ayaa lagu gubey Markab uu Ingiriisku leeyahay lana odhan jirey MARY ANNE Berbera agteeda,laga bilaabo maalinta xeebaha Somaliland waxa la saarey CUNA-QABATEYN wax soo gali kara kana bixi kara ma jirin Berbera,Saylac,Maydh,Bula-xaar,Laasqore arintaasi toban sano ayey cuna-qabateyntu saarneyn xeebaha Somaliland dooni iyo markab imana kamanaa bixin. Haddaba markii culumadda iyo wax garadkii Somaliland arkeen inuu Boqorkii Itoobiya ee MENELIK soo qabsaday Casimadii Diinta Islaamka ee Herar iyo Diridhaba una soo jeeda xeebaha Somaliland ayaa degdeg loola galey Ingiriiska inuu yimaado Somaliland ilaaliyana dhulka Somaliland waxaana loo bixiyey SOMALILAND PROTECTORATE Macnaheeduna yahay Somalilandtii la ilaalinayey ama maganta ahayd. Mudo 80 sano waxaynu ahayn Maxmiyadda United Kingdam 26 JUN 1960 Ayaa xoriyadeena ka qaadaney United Kingdam.Mudaba waxaa socdey cudur duufan wado oo Soomaali-weyn,cudurkaasi wuxuu ku dhacay ummadda Somaliland,inuu ahaa cudur jirey oo xumad badan waxaa inoo sheegey dalkii aan ku biirney ee koonfurta Soomaaliya markiiba wacay inoogu yeedheen SOMALI QALDAAN runna wey ahayd.Arintan Cudurkan SOOMAALI-WEYN ee Shanta Soomaali leysku keenayey oo ah: 1 – Somaliland oo maammulka Ingiriiska ku hoos jirtey muddo 80 sano ah waxayna ka xoroowdey 26 Jun 1960. 2 – Soomaalilda koonfureed oo iyana Talyaanigu gumeysan jirey ilaa 1 July 1960 ` 3 – Jabbuuti oo Faransiisku gumeysan jirey oo 27 Jun 1977 ka xorowdey. 4 – Soomoali galbeed oo ilaa maanta cagta xabashidda ku hoos jirta. 5 – NFD (Wajeer) oo xukuumaddii Ingiriisku siisay Kiiniya,walina gumeysi ku hoos jirta. In Shanta Soomaali leysku keeno waxay noqotey hawo beena iyo cudur ku dhacay Somaliland’ Waxa iyana xoroowdey Soomaalidii talyanigu gumeysanayey 1 July 1960 isla maalintiina waa isku biireen Somaliland waxaana abuurmey JAMUURIYADA SOOMAALIYA. Ummadda Somaliland si bilaa shuruurada ayey isugu biireen Soomaaliya. Gobannimo daryeel iyo xil iyo daacadnimo weydey Markii Somaliland iyo Somalia isku darsadeen 1 july 1960 markiiba koonfurtu waxay inoo aragtey inaan dad waalan nahay oo waxba garaneyn iyadoo sanad la gaadhin kolkan isku darsaney waxay bilaabeen howshan xaq daradda ah: 1-Magacii Soomaaliya la qaatey oo kii Somaliland waa la tuurey 2-Markii Jamuuriyadda Somalia la dhisey waxa loo dhisey sidan. -Madax-weyne wuxu ahaa koonfurta. -Ra’iisal Wasaaraha wuxu ahaa Koonfur. -Wasiirka Arimaha gudaha,Arimaha iyo Dibada waxay ahayeen koonfur. -Taliyaha ciidanka qalabka sida,Taliyaha Booliska,Taliyaha waardiyaha dhaqaalaha waxay ahayeen Koonfur. -Magaalo madax koonfur. -Dakadii Somalia waxay noqotey Xamar iyo Kismaayo. -Sharcigii Wadanka lagu xukumayey wuxu noqdey kii koonfur. -Barlamaankii 90 ayuu ahaa waxay qaateen 70. Adigu wadan wadan kale qabsadey oo gacanta u galey maafiyadii talyaanig ka soo qaad. 3 – Markeynu lix bilood wada joogney koonfurtu waxay biloowdey in la raro wax ala wixii qalab dowladeed lahaa ee yaalley dalkii cusbaa Somaliland oo xamar loo raro waxay babuur isjiid ah socdeen 11 bilood ayuunba wax laga gurayey Somaliland oo xamar loo gurayey.waa bililiqadii ugu horeysa ee Somaliland ay konfuurtu ay bililiqaysato. UmmaddiibSomaliland waxay bilowdey halgan hubeysan oo lagu hoobtey,xiddida ayaa loo soorey qoloysatadii xamar,waxaana cudurkii Soomaali-weyn dawadiisa ku kacay qiimo aad u sareeya oo ah: -Boqol kun ayaa naftoodda u hurey in laska daweeyo cudurkii Soomaali-weyn iyo Somaliland Madax-bannaanideeda dib ula soo noqoto, -Cudurkaas Soomaali-weyn wuxuu dhulka la simey dhamaan Magaalooyinkii Somaliland Hargeisa,Burco,Gabily,Ceerigaabo,Berbera,Garadag,oodweyne,Baligubadle,sheekh iyo Ceelafweyn.waxaana ku khasaarey ilaa 60 Bilyan USDollar. 18 May 1991 Tan iyo intii ay Jamhuuriyada Somaliland Madax-bannaanideeda dib ula soo noqotay waxay buuxisay dhamaan shuruudihii Dawlad-nimo, waxay leedahay Calan, Lacag, Xudduudo iyo Ciidan Qaran. Shuruudaha ugu muhiimsan ee lagu qiimeeyo dhismaha dal kasta oo buuxiyey astaamihii haykalka Dawlad-nimo waxa ka mid ah Inaad sugto xuduudahaagga oo ayna cid kale ka talin Si kastaba ha ahaatee waxa waajib inugu ah in la isku ixtiraamo nidaamka dawladeed ee aynu samysanay oo aan ahayn mid hadiyad la inoo siiyay balse ku yimi halgan dheer oo naf iyo maalba loo huray. Dagaalkii,Cudurkii ay inoo keentey midnimadii walaal tinimada inoogu muuqatey waxaan ka bogsaney 18 May 1991,horumar la taaban karo ayey Somaliland gaadey ilaahayna how siyaayido.Amiin,Amiin…… Wabilaahitawfiiq. W/Q: Mahad Ali-Salaan Bristol mahadpobox@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa daboolka ka qaaday in Kooxaha xagjiriinta Somalia ay maleegayaan dhibaatooyin kala duwan. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xagjiriinta Somalia ay marka hore ka go’an tahay inay cuuryaamiyan shacabka Soomaaliyeed ee doonaya isbedelka ka dhashay dalka. Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in cadowga Dowlada Somalia aysan ku koobneen keliya Al-Shabaab balse ay jiraan dhinacyo kale sida Daacish iyo Kooxo kale oo uu sheegay inay aad uga soo horjeedan Nabadda iyo isbedelada ka jira Somalia. Kooxaha xagjiriinta Al-Shabaab iyo Daacish ayuu sheegay inay sameysteen Odayaal dhaqmeedyo ku shaqeeya rabitaankooda kuwaa oo dadka uga sheekeeya waxa u roon Al-Shabaab, balse dowlada Somalia ay simi doonto Odayaasha ceynkaasi ah iyo Al-Shabaab. Al-Shabaab iyo Daacish ayuu sheegay inay ka shaqeynayaan sida ay Somalia dib ugu celin lahaayen halkii ay kasoo gudubtay mar hore. “Waanu la socnaa in dhagarta Al-Shabaab ay gaartay heer Odayaasha qaar ay ku shaqeystaan anagu wixii aan u aragno inay kasoo horjeedan Horumarka iyo Nabadda waa inoo cadow” Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu dadka shacabka ah uga digay inay ku qaldamaan kuwa doonaaya inay qalqal amni iyo mid Siyaasadeedba galiyaan dalka, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Somalia ay leedahay Soomaali. Dhinaca kale, dowlada Somalia ayuu ballanqaaday inay dhabar jabin doonto wax waliba oo caqabad ku ah midnimada iyo jiritaanka Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha Dibada maamulka Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Somalia ay xiligaan ka daba shaqeyneyso Somaliland. Wasiir Shire, waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ee hadda jirta ay caqabad ku tahay howlo badan oo horay ugu socday Somaliland. Waxa uu sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo ay ka hor istaagtay dowlada Somalia, waxa uuna arrin aad u fool-xun ku sheegay in xiligan dib loo istaajiyo dadaaladii ay kusoo jilbo muruxday Somaliland. “Dowlada Somalia maaha inay isku khalado waxyaabaha qaar waa inaan lagu degdegin talaabooyinka qaar iyadoo ay furan tahay in laga wadahadlo wixii jira” Wasiir Shire waxa uu DFS ku eedeeyay in wixii kala dhexeeyay Somaliland ay gaarsiisay heer caalami, waxa uuna cadeeyay inay muhiim aheyd in wixii tabasho ah lagu xaliyo miiska, iyadoo aan loo rogin dhinac kale. “Dowlada Somalia waxa aan ku dhaliileynaa in wixii kala dhexeeyay Somaliland ay fogeysay isla markaana noola dhaqantay sida shisheeye, waa inay wax reebato oo aysan sii fogeyn Isfahan darada jirta” Sidoo kale, Wasiir Shire waxa uu xaqiijiyay in Somaliland ay dib u furfuri doonto dhammaan waxyaabaha ay dowlada Somalia sababta u aheyd hakintooda, waxa uuna cadeeyay in tani ay gali doonto taariikhda. Haddalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaaya iyadoo ay dowlada Somalia ku dhawaaqday inay dib usoo celineyso wadahadalka kala dhexeeya Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  14. Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdiga ka socday Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo Muqdisho kaga qeyb galay xuska maalinta xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luuliyo. Madaxweynaha ayaa tilmaamay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo himilooyinka wadajirka ah ee ay xambaarasanyihiin, isagoona sheegay in farxad-wadaaga, iska warqabka, dheef iyo dhib isla qeybsiga labada dal uu ku saleeysan yahay taariikhda qotoda dheer ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Jabuuti. Madaxweynaha ayaa yiri; “Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan idinkaga mahadcelinaynaa sida walaaltinimada leh ee aad noogala soo qeyb gasheen sanad guurada 58aad ee ka soo wareegtay xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo midwoga labada gobol. Jabuuti waa dal aanu walaalo nahay, mar walbana garab iyo taageero noo ah.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kaalintii uu ka geystay nabadeynta iyo dowlad dhisidda Soomaaliya, wuxuuna qiray in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan hiilka walaaltinimo. Wafdiga ka socday dalka Jabuuti ee la kulmay Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirrada Difaaca iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho, fannaaniin ka tirsan Kooxda Xarbi ee Ciidamada Qalabka sida ee dalka Jabuuti iyo saraakiil ciidan. Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliyana waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida.
  15. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in isbahysiga uu sacuudiga hogaamiyo uu joojiyay weerarada ka dhanka ah mucaaradka Xutiyiinta ee ku sugan magaalada Hodeida. Imaaraadka ayaa qeyb ka ahaa isbaheysiga taageerayay dowlada Yemen markii ay qabsanayeen magaalada Hodeida. Wasiirka arrimaha dibedda ee Imaaraadka Anwar Gargash ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in xabad joojintaan looga gol’leeyay in ay meel maraan dadaallada wadahadallada nabadeed ee ay waddo Qarama Midoobay. Ergeyga gaarka ah ee qaramada midobay u qaabilsan Yemen Martin Griffiths ayaa kulama la yeelanayay dhinacyada isku haya dalka si loo joojiyo dagaalka. Mr Gargash ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo dadaalada lagu doonayo in xoogagga Xutiyiinta looga saaro magaalada Hodeida. Dekadda magaalada Xudeydah ayaa ah goob laga soo dajiyo gargaarka bina’aadanimo ee la gaarsiiyo dadka reer Yemen ee tabaalaysan. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
  16. Midowgii Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya sanadii 1960-kii oo hadda laga joogo 58 sano wali waxaa socda in soomaalida cadaw geedu doonayo in uu dhulkooda la wareego sidaasi waxaa yiri Danjire Maxamed Caalim oo la hadlay barnaamji toos ah oo siyaasadda lagu falanqeeyo. Jamhuuriyaddii Soomaaliya waxay abuurmatay markii ay midoobeen labadii Gobol ee ka kala xuroobay gumaysigii Talyaaniga iyo kii Ingiriiska sanadkii 1960kii, xorriyadda iyo israaca labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur waxaa saldhig u ahaa Soomaalinimo, Jacayl iyo Hilow ay isu qabeen walaalihii gumeysigu kala qoqobay. Dareenka wadaniyadduna waxa uu ahaa xilligaa mid aad u sareeya, ummadda Soomaaliyeedna waxaa ka go’nayd inay mar uun ka hoos baxaan nidaamka adoonsiga ee dhiig miiradka ah. Waxay kaloo ku haminayeen Soomaalidu sidii loo xoreyn lahaa gobollada wali gumeysiga ku hoos jira ee NFD, Somali Galbeed iyo Xeebta Jabuuti, waxaana ka go’neyd in aan halganka la joojin tan iyo inta Soomaali-weyn la xoreynayo oo la midaynayo (The Greater Somalia). Maxaa xal inoo ah markaad dib u tixraacdo Taariikhdii xornimada soomaaliyeed 1-7.1960 iyo Midowga dadka soomaaliyeed ee xiligaas. Jamhuuriyadda Soomaaliya ama dokumenti qeexaya qaabka awood qaybsiga midowga kadib, lagama fakarin waxa dhici kara haddii khilaaf yimaado, saameynta uu ku yeelan karo midnimada, iyo qaabka khilaafka loo maarayn lahaa, xalna looga gaari lahaa si loo badbaadiyo midowg dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Fikirkii. (One State One City) wuxuu dhintay 1991dii taasina waa inay ogaadaan mas’uuliyiinta dowlada Faderaalka hogaamisa. Falanqeyn taydu waxay Farta ku fiiqaysaa maxaa xal u ah dadka ku nool dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Dawlad dadkeedii anuu heshiis ahayn oo hal magaalo dagan inay tiraahdo midnimada Soomaaliya ayaan masuul ka nahay waa nasiib daro iyadoo wax midaysan aaney jirin waqtiga aan hadda joogno. Waa in su’aal la iska waydiiyaa maxaa khaldan oo dadka shacabka soomaaliyeed beenta loogu sheegayaa Iyadoo wax midnimo heshiis lagu ahayn, sanad walbana waxaan u dabaal dagnaa 1-da luulyo oo been ah, inagoo mideysan, heshiis ah, islamarkaana maamul uu naga dhaxeeyo ayeey tahay inaan u daabal dagno 1-da Luulo,waa maalin ka turjumeysa midnimo iyo wax wada qabsi iyadoo xor laga yahay nuuc walbo oo gumeysi ah. Waa in dib loogu noqdaa in la saxo dawladnimada shacabka soomaaliyeed doonayaan iyo nooca midnimo ee ay doonayaan. Khiyaanada dowladaha deriska ah gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya waa in hagardaamada iyo dabinka ay inoo dhigayaan inaan ka hortgano qorshahoodu waa boobka dhulka Soomaaliyeed waa inaan ka hor tagnaa anagoo heshiis ku ah dhincyada aasaasiga ah ee aan soo xusay. Muhiimadda waxaa weeye, in 58 sano guurada ka soo wareegatay xornimadii inaynu ka baranno in laga fogaado isqabqabsiga siyaasadeed iyo colaadda dhammaadka lahayn ee Soomaalida dhexdooda taalla ku dhowaad 30 sano, Annagoo waqtiga ka faa’iideysanayna waa in fataraaruqa aan ku beddalnaa in la wada hadlo, hadii dadka degan dhulka la yiraah jamhuuriyadda soomaaliya ay isku afgartaan in xalka nabada lagu helayo Somaliland ma go’deen in dawladnimo loo aqoonsadana ma raadiseen. Midnimo dadka soomaaliyeed waa mid si buuxda kaga hortageyso cadaawada iyo dhul boobka ah ay hogaaminayaa dowladaha kenya iyo itoobiya waa inaan Qaadano Go’aan Geesinimo leh si aan awoodeenii u soo ceshano. W/Q: Danjire Mahamed Caalim Email: Caalim68@hotmail.com https://www.facebook.com/GaarhayoowGeyigaIlaali/videos/2563217877236205/?t=0
  17. MOGADISHU (Xinhua) -- Britain has donated 47 heavy machinery to help boost the capacity of African Union Mission in Somalia (AMISOM) in its fight against extremist group, al-Shabab as part of efforts to stabilize the Horn of African nation. Source: Hiiraan Online
  18. Several world leaders Sunday congratulated Somalia as it marked 58 years of independence. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir lagu gowracay Ganacsade magaciisa lagu sheegay Xuseen Cali Cumar oo ka mid ahaa ganacsatada Suuqaasi. Ganacsadaha la gowracay ayaa la xaqiijiyay inuu kamid ahaa kuwa ugu caansan Degmada gaar ahaan Suuqa Xoolaha, waxa uuna sababsaday gacanta Ganacsade kale oo ay wada shaqeyn kala dhexeysay. Dadka ku sugnaa suuqa uu gowraca ka dhacay ayaa sheegay in marxuumka iyo ruuxa wax gowracay uu ka dhexeeyay muran aan la ogeyn waxa uu ka bilowday. Mid ka mid ah ehelada Marxuumka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Marxuumka uu ka tagay waxyar un ka hor,isla markaana wax ka yar saacad loogu keenay meydkiisa. Waxa uu sheegay in maalmahaani marxuumka uu dacwad ka ahaa ruuxa wax gowracay, hase yeeshee maanta uu dhacay falkaasi foosha xun. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo kordhaaya dilalka gowraca oo ay isku geysanayaan ragga uu ka dhexeeyo muranka sida dhulka iyo ganacsiga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Ethiopia’s cabinet has passed a resolution to remove three armed groups from a terror list as part of sweeping reforms under a new prime minister. The groups, operating mainly from neighboring Eritrea, had opposed the government that ruled Ethiopia for close to three decades. Source: Hiiraan Online
  21. On this day in 1960, Somalis thronged the stadium to celebrate the independence of the country. It marked the unification of the Italian Somalia and British Somalia to form the Republic of Somalia. Source: Hiiraan Online
  22. MOGADISHU, July 1 (Xinhua) -- The United Nations top envoy in Somalia on Sunday lauded impressive political, economic and security achievements made by leaders in the past 12 months in the Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
  23. At least five civilians were killed and more than 10 others wounded after al-Shabab militants fired mortars in a residential areas of Somalia's capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  24. The 31st AU Summit has officially kicked off with at least 30 heads of state present committing to strengthen development in ending the war on corruption in Africa, in line with its’ theme sustainable development to Africa. Source: Hiiraan Online
  25. UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA (UNSOM) MABAADII’DA QARAMADA MIDOOBAY: DAACADNIMO, XILKASNIMO, IXTIRAAMKA KALA DUWANANSHAHA DADKA BOOSKAN WAXAA UU U FURAN YAHAY OO KELIYA DADKA U DHASHAY SOOMAALIYA MANA LAHAN FAA’IIDOOYINKA LA MID AH KUWA CAALAMIGA AH HAWEENKA SI GAAR AH AYAA LOOGU BOORRINAYAA IN AY CODSADAAN TAARIIKHDA KAMA DAMBEYSTA AH: 24 JULY 2018 TAARIIKHDA SOO SAARISTA: 25 JUNE 2018 MAGACA JEGADA: KAALIYAHA LUUQADDA EE GOOBTA HEERKA: GL-5 QAYBTA: GUDDIGA ARRIMAHA SIYAASADDA IYO DHEXDHEXAADINTA GOOBTA: BELETWEYNE MUDDADA HESHIISKA: HAL (1) SANO OO GO’AN LAMBARKA OGEYSIISKA BOOSKA BANNAAN: UNSOM/PAMG/030/2018/SM Warbixin Gaar ah: Booskan waxaa la maalgelinayaa muddo hal sano oo hordhac ah kaliya, muddo kordhintana waxaa ay ku xirnaan doontaa sida loo ansixiyo miisaaniyadda. Booskan waa mid maxalli ah. Shakhsiga booskan codsanaya ayaa mas’uul ka ah dhammaan kharashka ka bixi doono si uu ula wareego booskan. Dhammaan dadka daneynaya shaqadan waxaa si weyn loogu boorrinayaa in ay codsiyadooda ku soo gudbiyaan ka hor inta aan la gaarin taarikhda kama dambeysta ah ee xayeysiinta ku xusan. Dadka daneynaya in ay codsadaan shaqadan kuwaas oo la shaqeeyo qandaraasleyda UN waa in ay fuliyaan waajibyada heshiiska ay la galeen qandaraasleyda UN si ay u noqdaan dad u qalma in ay codsadaan booskan bannaan. Qaabeynta hay’adda iyo Xiriirka Warbixinta: Booskan waa boos ka bannaan Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Beledweyne. Xil-hayaha waxaa uu hoos imaan doona Madaxa Xafiiska. Mas’uuliyadaha: Kaaliyaha Luuqadda ee Goobta waxaa uu mas’uul ka noqon doona waajibaadyada soo socda: In uu turjumaad af ah oo waadax ah isla markana kooban uu u fidiyo mas’uuliyiinta hay’adda iyo bulshada maxalliga ah, iyada oo taasi lagu taageerayo hawlgallada iyo hawlaha guud ee hay’adda. In uu dukumiintiyo iyo xiriir heer sare ah oo ku saabsan mowduucyo kala duwan ee la xiriira arrimaha ay ku lug leedahay Qaramada Midoobay u kala fasiro luuqadaha Af-Soomaaliga iyo Ingiriiska. In uu kala kaashado dhiggiisa ka tirsan waaxyada kale arrimaha la xiriira diyaarinta jadwalka iyo qorshayaasha maamul. . In uu si dhow ula socdo wararka ka baxaya Warbaahinta uuna ogeysiiyo Kormeerayaasha iyo asxaabta kale macluumaadka muhiimka ah ee habboon. In uu waraaqo u diyaariyo Kormeeraha. In uu mas’uuliyiinta ka caawiyo diyaarinta qabyo qoraallo, qoraallo kooban iyo macluumaad kooban iyo macluumaad ku saabsan dalka. In uu fayl gareeyo, uuna soo saaro dukumiintiyada xafiiska. In uu qabto waajibaadyada kale, oo ay ka mid yihiin wadista baabuurta xafiiska, markii loo baahdo. Kartida: Xilkasnimo: In uu ku faano shaqadiisa iyo guulaha; in uu muujiyo xilkasnimo iyo in uu aqoon buuxda u leeyahay shaqada; In uu yahay qof feejigan oo ku wanaagsan ka soo bixidda ballanqaadyada, in uu dhowro muddada kama dambeysta ah uuna ku guuleysto natiijooyinka; halkii uu dhiiriggelin ka heli lahaa arrimo shaksiyeed oo asaga u khaas ah in uu dhiiriggelin ka helo arrimo ku saabsan shaqo; in uu dhabar-adeyg muujiyo markii uu la kulmo dhibaatooyin ama caqabado; In uu noqdo qof deggan markii ay asiibto xaalado walaac ku abuura. Xidhiidhka: In uu si wanaagsan oo fasiix ah u hadli karo waxna u qori karo; In uu dhagaysto dadka kale, in uu si sax ah u fasirto farriimaha dadka kale isla markana uu si habboon uga jawaab celiyo; In uu su’aallo weydiiyo si uu u helo faham sax ah, iyo in uu muujiyo in uu daneynayo wada-hadal labo dhinac ah; In uu saxo luuqadda, codka, habka iyo qaabka uu u hadlayo, si waafaqsan dadka dhageysanayo; In uu muujiyo furfurnaan dhanka is dhaafsiga macluumaadka iyo in uu mar kasto wargeliyo dadka. Wada-Shaqayn: In uu si wadajir ah ula shaqeeyo shaqaalaha kale si loo gaaro yoolka hay’adda; In uu afkaarta uruuriyo asaga oo si dhab ah u qiimeynayo fikradaha iyo khibradaha dadka kale; in uu yahay qof diyaar u ah in uu dadka kale wax ka barto; In uu danaha kooxda uu ka horumariyo danaha shakhsi; In uu taageero uuna ku dhaqmo si waafaqsan go’aanka kama dambeyska ah ee kooxda, xata haddii go’aannadaas aysan is waafaqsaneyn go’aankiisa; in uu amaanta guulaha la gaaray uu la qaybsado kooxda uuna aqbalo in uu qayb mas’uul ka yahay dhammaan gaabiisyada kooxda. Aqoonta: Waxbarasho: Shahaaddada dugsiga sare ayaa loo baahan yahay. Waxaa loo baahan yahay in uu qofka awoodo in uu shaqeeyo kaddib wakhtiga shaqada, fasaxa dhammaadka toddobaadka iyo kaddib qofka tookadiisa shaqo. In uu awoodo in uu u safro goobaha ay hay’addu hawlaha ka waddo, iyo in marba meel la geeyo. Khibrad: Ugu yaraan afar (04) oo uu qofka khibrad shaqo ka haysta bixinta adeegyada turjumidda/fasirka. Luuqad: Ingiriis iyo Faransiis ayaa ah luuqadaha shaqada ee Qarammada Midoobay. Booskan waxaa loo baahan yahay qof fasIIx ku ah luuqadaha Ingiriiska iyo Af-Soomaaliga. Aqoonta luuqadaha kale ee Qaramada Midoobay waa mid wax tar leh. Habka Qiimeynta: Qiimaynta dadka u qalma boosaskan ayaa waxaa ka mid noqon karaa layli qiimeyn ah kaas oo ay daba socon doonto warreysi ku saabsan kartida. Macluumaad Dheeraad ah: Dadka codsiga soo gudbiyay oo aan la soo qaadan balse xilliga uu socday imtixaanka ku soo baxay in ay u qalmaan shaqo la mid ah waxaa lagu hayn karaa diiwaanka muddo toddoba sano. Dadka diiwaanka la geliyay tixgelin ayaa la siin doonaa markii ay mustaqbalka soo baxaan isla shaqadan iyo heerkan shaqo. Sida loo gudbiyo codsiga: Dadka u qalma shaqadan waxaa ay ku soo gudbin karaan codsiyadooda oo ay qayb ka tahay foomka Taariikhda Shakhsiyeed ee Qaramada Midoobay (P.11) cinwaanka hoose markii la joogo taariikhda kama dambeysta ah ama ka hor. Foomka P11 waxaad ka heli kartaa https://unsos.unmissions.org/jobs. Codsiyada la soo gudbiyo kaddib wakhtiga kama dambeysta ah ee 24, Luulyo 2018-ka lama aqbali doono. Warqadaha taarikh nololeedka dadka (CV) lama aqbali doono. Email-ka: recruitment-unsoa@un.org Lambarka Ogeysiiska Shaqada Bannaan iyo Magaa Jegada ka dhig cinwaanka email-ka. Fadlan ku lifaaq nuqulka foomka P11, Shahaaddada, Baasaboor iyo/ama Teesaraha Aqoonsiga. Kuwani waa loo baahan yahay, waxaa ay qayb ka yihiin codsigaaga waxaana loogu talagalay in lagu qiimeeyo in aad shaqada u qalantid. Fadlan la soco in Shahaadooyinka Waaxda Dembi Baarista (CID-da) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda (NISA) loo baahan doono qaybaha dambe ee hannaanka shaqaaleynta. Qaramada Midoobay marnaba ma xaddideyso xaq u yeelashada dhinaca ka qaybgalka ee ragga iyo dumarka maadaama ay mabaaddii’deedu iyo tan hay’adaha la xiriira xusayaan sinnaan jinsi. QARAMADA MIDOOBAY MARNABA MA QAADATO WAX LACAG AH INTA LAGU GUDO JIRO HANNAANKASHAQAALEYNTA (CODSIGA, KULAN WAREYSIGA, DIYAARINTA AMA TABABARKA)