-
Content Count
206,330 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Absent parents who refuse to contribute towards their children's care face being 'banned' from taking foreign holidays. Source: Hiiraan Online
-
The Ambassador of Somaliland in Uganda, Hemse Abdul said it’s high time, that the international community recognised Somaliland as an independent state to allow them deal with their problems effectively. “We need to strongly unite for the welfare of our nation, peaceful coexistence and defence in a united voice as one wherever we are in the world,” Abdul said. Ambassador of Somaliland in Uganda, Hemse Abdul He praised what he called a flourishing relationship with Uganda that has allowed them settle in peacefully. Majority of Somalis from Somaliland living in Uganda are students studying from different institutions. Others are businessmen who have lived in Uganda for a long time including others who were born here. Somaliland, which is located in the horn of Africa; celebrates two independence days in a year – one in May and the other in June. They gained their independence from the British protectorate of North Ireland on June 26 1960 but were later amalgamated with neighbouring Somalia. However after the fall of long-time dictator Said Barre that saw Somalia plunge into a long civil war that persists to this day, in 1991 Somaliland broke away unliterary declaring independence on May 18. “Due to various political and social issues the fruits of the reunion didn’t turn out positively, people of Somaliland suffered systematic discrimination, injustice, characterised with massive killings. We couldn’t continue with the marriage,” Hamse said. He adds that the position to dissolve the reunion and regain their independence, 27 years ago has seen unprecedented levels of improvement in peace and stability, private sector development, human rights infrastructure development among others. The ultimate objective for the past 27 years of the sparsely populated nation of four million people has been getting international recognition and Hemsi says it will remain so until they acquire it. Observer
-
Ten Somali students were arrested inTurkey’s southern Mersin province over alleged links to the Fethullahist Terror Organisation (FETO), the group suspected to be behind the coup attempt in 2016, Garowe Online reported yesterday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Dowladda Britain ayaa qalab ay qiimahooda gaaraysa 5.6 milyan oo Bound ugu deeqday ciidamada AMISOM ee ka hawl-gala Somalia, si ay gacan uga geystaan nadiifinta waddooyinka muhiimka ah. Qalabkan oo ay ka mid yihiin gaadiidka xamuul, cagaf-cagaf iyo kuwokale ayaa waxaa laga adeegsan doonaa hawlaha ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ka wadaan Muqdisho. Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya, David Concar ayaa markii uu qalabka wareejinayay sheegay in Dowladdiisa ay ku faraxsan tahay inay AMISOM kala shaqeyso dadaalka ay ku dooneyso inay xasiliso Somalia, ayna nabad iyo amni waara ka dhaliso. “Kaalmadan aan ku wareejinayno AMISOM wuxuu qiimahoodu ku fadhiyaa 5.6 milyan oo Bound, waxaan rajeynaynaa inay si weyn gacan ka siiyaan AMISOM inay nadiifiyaan waddooyinka muhiimka ah iyo inay sii wadaan xasilinta Somalia. Waxaan kaloo doonaynaa inay hawshaan la kaashadaan ciidamada Somalia ee ay awooddoodu dhismayso,” ayuu yiri David Concar. Sidoo kale, Danjiraha ayaa ayaa uga mahad-celiyay ciidanka nabad-ilaalinta iyo waddamada ciidamada ku deeqay dadaalka ay geliyeen inay xaqiijiyaan Somalia oo xasillooni hesha. “Waan idin kaga mahad-celineynaa AMISOM wax walba oo aad qabateen iyo waddamada ciidamada deeqay, iyo gaar ahaan ciidamada meelaha halista ku sugan ayaga oo naftooda u hura xasilloonida iyo horumarka aan aragnay,” ayuu raaciyay danjiraha Britain u fadhiya Somaila. Taliyaha ciidanka AMISOM, Jen. Jim Beesigye Owoyesigire oo qalabkaan kala wareegay Britain ayaa sheegay in qalabkan uu wax badan tari doonaan ayna gacan ka geysan doonaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa goobaha ay weli ku harsan tahay. “Dowladda Britain waxaan uga mahad-celinayaa taageerrada ay Ciidamada AMISOM siiso, waxaana si gaar ah ugu amaanayaan qalabkan faraha badan ee ay nagu taageertay,” ayuu yiri Jen. Owoyesigire. Mar uu ka hadlayay sida ay ugu shaqeyn doonaan qalabkan ayaa wuxuu ku yiri hadalkiisa. “Waanu garanaynaa qalabka, awooddeenna waanu wanaajin karnaa, sidoo kale waxay naga caawin doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo dhibaatooyin badan ka wada Soomaaliya.” UGu dambeyn, Sanadkii lasoo dhaafay ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu meel mariyay in si tartiib-tarrtib ah loo dhimo tirada guud ee ciidamada AMISOM ee Somalia ku sugan, isla markana ciidamada amniga Somalia lagu wareejiyo mas’uuliyadda wax ka qabashada ammaanka dalka. PUNTLAND POST The post Dowladda Britain oo Qalab kala duwan ugu deeqday Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliiya ayaa xirtay qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho, qaarkood waxaa lagu jaray dhagxaan halka kuwa kalana la dhigay ciidamo inkastoo maanta la furay qeybo badan oo kamid ah. Dadka Muqdisho ku nool ayaa siyaabo kal duwan uga hadlay arrintaan, kuwa way soo dhaweeyeen halka kuwa kalana ay dowladda ku eedeeyeen inay caburin ku heyso shacabka isla markaasna ay ka hor taagan tahay inay raadsadaan nolol maal meedkooda. Haddaba waxaan warbixintaan ku falanqeyn doonaa dowladda Soomaaliya oo ay heysato laba daran mid dooro. Haddii ay dowladda Soomaaliya furto jidadka Muqdisho waxay u badan tahay inay Al-Shabaab fuliyaan qaraxyo maadaama hadda lagu hayo caburis weyn, waxaana maalmihii dambe laga nastay qaraxyadii Muqdisho wareeriyey, haddii uu qarax dhaco oo ay dhammaadaan shacab badan waxaa dowladda Soomaaliya lagu eedeenayaan inay dayacday amniga . Haddii ay dowladda Soomaaliya xirto jidadka Muqdisho si looga hortago kuwa naftooda haligayo oo ay u muuqato dhimasho isla markaasna aan ka naxeyn shacabka Soomaaliyeed waxaa dowladda lagu eedeenayaan inay dadka caburisay isla markaasna ka hor taagan tahay irsaaqadooda. Dowladda Soomaaliya ayaa noqotay dhari labada dhinac ka gubanayo oo aan meelna ku baxsaneyn, waxaase muuqato inay dowladda Soomaaliya qaadatay go’aanka ah in la badbaadiyo shacabka Soomaaliya. Ururka Al-Shabaab ayaa muddo dhawr bil ah laga hor istaagay inay sameyso qaraxyo taasoo ay ugu wacan tahay ciidamada dowladda Soomaaliya oo dadaal dheeri ah ku bixiyey sidii loo sugi lahaa amniga Muqdisho. Dadka Falanqeeyo siyaasadda ayaa aaminsan inay jirto sabab kale oo yareysay qaraxyadii Shabaab fulin jireen waxayna ku sheegayaan inay Shabaab soo wajahday dhaqaale xumo isla markaasna ay awoodi la’yihiin inay qaraxyo isku dayaan. Dhagaha dadka Muqdisho ayaa muddooyinkaan ka nastay qaraxyada, waxaana la dareemayaa nafis yar oo ku aadan muhiimada ay leedahay in xoogga la saaro sidii Shabaab loogu badin lahaa cadaadiska lagu hayo. Jidadka ugu muhiimsan Muqdisho ayaa lagu arkayaa ciidamada Xasilinta oo baarayo gawaarida, inkastoo ay mararka qaar sameeyaan qaldaad ay kamid tahay inay toogasho ku dilaan shacab aan waxba galabsan haba ugu badnaadaan dhallinyarada Bajaajyada ku shaqeysto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii Hore ee Soomaaliya, hadana ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Maxamed Cumar Carte Waxaa uu dowladda dhexe uu ku eedeyay in ay burburisay Wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Somaliland. Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in dowladdii rasmiga aheyd ee la soo dhisay 2012 ay wada hadal la bilowday Somaliland, isagoo xusay in heshiiskii bishii January sanadkii 2014 lagu saxiixay Istanbul uu qeexayay in la sii wado wada hadalada, lagana dheeraado wax kasta oo abuuri kara khilaaf, isla markaana aan la siyaasadeyn barnaamiyada horumarinta iyo kuwa bani’aadanimada. Xildhibaanka waxaa uu sheegay in Dawladdu qaadato mas’uuliyadda ka saran sii wadidda heshiisyadii horrumarineed ee beesha caalamku ku taageeraysay Shacabka Somaliland, meeshana laga saaro caqabadaha jira. “Waxaa wax laga xumaada ah, in maanta iyada oo dedaal badan la geliyey in la soo gaadhsiiyo heer laga wada hadli karo midnimada, in ay dawladda maanta jirta mijaxaabisay dedaalkii loogu jiray in Somaliland iyo Somalia ka heshiiyaan wada-hadaladaas ka dib markii ay ka gaabisay sii wadidda wada-hadaladii, isla markaana joojisay mashaariicdii horumarineed ee waxtarka u ahaa nolosha Shacabka Somaliland. Ka dib markii aan la tashaday siyaasiinta iyo shacabka midnimo-doonka ah, ee muddada badan u soo dhabar-adaygay dib-u-soo-celinta qarankii” ayuu yiri Maxamed Cumar Carte. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sophia, the famous humanoid robot, has finally met Ethiopia’s prime minister after her lost body parts were found. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Ciidamada Xasilinta Muqdisho ayaa toogasho ku dilay wiil dhallinyaro ah oo ka mid ahaa kuwa kexeeya mootooyinka loo yaqaan Bajaaj-ta ee saddexda lugood leh. Askari ka tirsan ciidamada xasilinta oo ku sugnaa agaaarka dhismaha Say-biyaano ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa toogtay wiilkan oo la sheegay inuu ka gudbay bar ay ku koontaroolayeen gaadiidka. Mooto Bajaaj-ta ayaan inta badan lagu baarin baraha ay ciidamada xasilintu ku sugan yihiin, balse waxaa xilliyadii dambe soo kordhayay dilalka ay qaar ka mid ah ciidamada dowladdu u geysanayaan dhallinyarada kexeeya mooto Bajaaj-ta. Goobjoogayaal ku sugan halka uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in askarigu uu amar siiyay wiilka mootada watay, balse uu maqli waayay, taasoo keentay in askarigu uu xabbadeeyo wiilka geeriyooday. “Wiilka dhallinyarada ah ee geeriyooday wuxuu watay mooto kuwa saddexda lug leh ee loo yaqaan Bajaaj-ta, waxaana toogtay askari ka tirsan ciidamada xasilinta, kaddib markii uu maqli waayay amarkiisa,” ayuu yiri ka mid ahaa dadkii goobjoogga ka ahaa falkan. Sidoo kale, Goobjoogaha ayaa sheegay in wiilkan ay laba xabbadood uga dhaceen dhabarka, uuna u geeriyooday dhaawac soo gaaray, waxaana falkan uu qayb ka noqonayaa falalka iska-soo-daba-noqday ee xilliyadii dambe ka dhacayay Muqdisho. Darawallada kexeeya Mooto Bajaaj-ta ayaa dhawr jeer ooh ore ka cawday sida ay ula dhaqmaan ciidamada dowladda, iyagoo sheegay in lacago badan laga qaado, sidoo kalena loo diido waddooyinka muhiimka ah inay maraan. Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo darawal Mooto Bajaab lagu dilo Muqdisho, iyadoo dilkan uu imaanayo xilli dhawr darawal oo sidan oo kale ah lagu dilay qaybo ka mid ah Muqdisho, mana jirto wax war ah oo laga soo saaray dilalka lagula kacay. PUNTLAND POST The post Ciidamada Xaslinta oo Muqdisho ku toogtay wiil dhalliniyaro ah oo watay Mooto Bajaaj appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waa wax la fili karo in aad aragto waxaad la yaabto inta aad adduunyada joogto, Sidaa Darteed Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay arrin dad badan ka yaabisay kadib markii uu Sac uu lahaa nin deegaanka ka tirsan uu liqay Mobile uu lahaa nin kale. Lo’da Muqdisho oo lagu yaqaan in ay wax walba cunto sida Xaanshiyaha , Bacda iyo Baakadaha ayaa waxaa dhacdey in nin bac Qaad ah sitey isla markaana waxaa Bacda Qaadka ugu dhex jirey Mobile wuxuuna reer sac u joogey ka codsaday in la siiyo Musqul si uu ugu soo xaajoodo waxa uuna qaadkiisii saartay meel darbi ah, dadkii guriga joogeyna wax feejignaan ah ma siin qaadka uu ninku meesha saartay, waxaana dhacday intii uu musqusha ku jiray in Sacii reerku lahaa soo galay daaraddii kadibna uu afka si fiican ula helay Qaadkii darbiga saarnaa oo uu ku dhex jiray Mobile-ku, wuxuuna Mobile-ka ahaa mid yar oo aan sidaa u weyneyn waxaana Sacii u suuragashay in uu ku liqo caleentii Qaadka.Mobile-kii Ninkii markii uu soo dhameystay xaajaddiisii Musqusha ayuu dibadda u soo baxay, waxa uuna arkay haraadigii qaadka oo ka sii laalaada afka Saca, inta uu naxay oo afka labadii yeeray ayuu ku dhawaaqay “Alla Mobile-keygii……Alla Qaadkeygii”. Reerkii guriga ayaa qaylo dhaantii ku soo baxay, waxa uuna ninkii u sheegay in Sacaan uu ka cunqay qaadkii uu watay iyo waliba Mobile ku dhex jiray bacda qaadka. Odeygii reerka oo yaaban ayaa yiri “Qaadka garanay laakiin maxaa caddeyn kara in Sacu uu liqay Mobile”, waxaa la wacay Mobile-kii waxa uuna yiri “Lama heli karo, Waa mashquul, Qadka ayuu ka maqan yahay iyo wixii la mid ah”, meeshiina waxaa ka bilowday muran xoogan oo u dhexeeyay ninkii socotada ahaa iyo reerkii, mid ka mid ah dadkii ku soo baxay ayaa yiri “Saca hadduu Mobile liqay si sahal aha ayaa loo helayaa waxaa la siinayaa Burgaanti oo waliba dhowr xabo ayaa la isugu darayaa” waa lagu wada qoslay waxaase ka biyo diiday ninkii lahaa saca oo isagu soo jeediyey in haddii uu Sacaan laqay Mobile waxaa lagu kala baxaa in Raajo la saaro Saca, Murankii ayaa sii dheeraaday, qolo kale ayaa soo jeedisay in saca laga qabto ilaalo gaar ah si saxaradiisa loola socdo. Mar kale waxaa la soo jeediyey in saca la qalo qarashka uu bixiyo ninka Mobile-ka leh, hase yeeshee ninkii waa uu diiday, waxay Odoyaashii meesha isugu yimid ayaa go’aamiyey in ninkii Mobile-ka lahaa loo celiyo wax xooggaa lacag ah, sidaa ayaana markii dambe lagu kala baxay. W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk Tel 00252615532494
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo la kulmay guddiyada heer gobol ee qaban qaabada xuska maalmaha xoriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo ayaa uga mahad celiyey shacabka gobolka kaalinta mugga weyn ee ay ka qaateen dabbaal degyadii lagu xusayey sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegtay xorriyadda gobollada koonfureed iyo midowga labada qeybood ee dalka. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in shacabka Gobolka Banaadir ay taariikh dheer ku leeyihiin sooyaalka xornimo-doonka dalka iyo qaban qaabada munaasabadaha taariikhiga ah ee heer qaran. “Waxaan ku bogaadinayaa guddiyada kala duwan ee 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir dadaalka ay ugu jireen maalmahaan oo idil qabsoomidda munsaabadaha todobaadka xorriyadda, iyagoona muujiyey dareenka wadaniyeed ee ay u qabaan dadkooda iyo dalkooda,” ayuu yiri Yariisow. Sidoo kale, Guddoomiye Yarisow ayaa bogaadiyey sida shacabka Gobolka Banaadir ay ula shaqeeyeen hay’adaha ammaanka iyo Maamulka Gobolka oo xaqiijiyey in si nabad ah ay ku qabsoomaan dhammaan munaasabadihii ku aaddanaa todobaadka xurriyadda. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kula dardaarmay bulshada in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka si looga hor tago falalka falalka gurracan ee argagixisada Alshabaab u maleegayaan shacabka. “Amniga Caasimadda ee soo hagaagay waxaa ka dhashay horumar iyo isku-xirnaan bulsho iyo Ciidan, sidaas darteed, argagixisadu waxay bilowday hoobiye in ay ku garaacaan goobaha shacabka, waan ka xunnahay falkii argagixiso ee degmada Wadajir, waana la qeybsanaynaa murugada ehellada dadkii dhibaatadu soo gaartay maamulkuna gurmadka qeybtiisa ayuu ka qaadanayaa,” ayuu yiri hadalkiisa daba-dhigay. Kulankan waxaa ka qayb-galay Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur, Xoghayaha Guud ee Gobolka Cumar Cabdirisaaq Xuseen, Agaasimeyaal iyo qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo guddiga qaban-qaabada ee heer gobol. PUNTLAND POST The post Shacabka ku nool XAMAR oo lagu Ammaanay Kaalintii ay ku lahaayeen Xuska Maalmihii… appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Xildhibaan Maxamed Cumar Carte Qaalib oo horay u soo noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigee, ayaa ku eedeeyay Dowladda Somalia in ay ganafka-ku-dhufatay Wada hadaladii soo socday ee u dhexeeyay DF iyo maammulka Somaliland. Maxamed Qaalib ayaa sheegay in Dowladdii hore ay wadahadal la billowday Somaliland, isagoo sheegay in heshiiskii bishii Jannaayo sannadkii 2014-kii lagu saxiixay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uu Qeexayay in lasii wado wada-hadalada, lagana fogaado wax walba oo abuuri kara khilaaf, isla markaana aan la siyaasadeyn barnaamiyada horumarinta iyo kuwa bani’aadanimada “Waxaa wax laga xumaada ah in maanta iyadoo dadaal badan la geliyay in la soo gaarsiiyo heer laga wadahadli karo midnimada – inay Dowladda maanta jirta majaxaabisay dadaalkii loogu jiray in Dlowladda Somalia iyo Somaliland ka heshiiyaan wada-hadalladaas, kaddib markii ay ka gaabisay sii wadidda wada-hadaladaas, ayna joojisay mashaariicdii horumarineed ee wax-tarka u ahaa nolosha Shacabka Somaliland,” ayuu yiri Mudane Qaalib. Madaxweynaha iyo Xukuumadda maanta jirta tallooyin ka kooban saddex qodob oo kala ah; In Dowladdu dib-u-bilwdo oo dar-dargeliso wada-hadalladii socday ee u dhexeeyay Somaila iyo Somaliland. In Dowladdu qaadato mas’uuliyadda ka saaran sii wadidda heshiisyadii horrumarineed ee Beesha Caalamku ku taageeraysay shacabka Somaliland, meeshana laga saaro caqabadaha jira. In xallinta collaadda ka taagan Tukaraq Dowladdu u marto wada-hadal iyo hab-nabadeed. Ugu dambeyn, Hadalka xildhibaankan ka tirsan baarlamaanka Somalia eek a soo jeeda gobollada Waqooyi [Somaliland], ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay dowladda federaalka ah beesha caalamka ka dalbatay inaan Somaliland laga fulin mashaariic aan iyada loosoo marin. Taasoo caro badan abuurtay. PUNTLAND POST The post Xildhibaan ka hadlay Go’aankii Dowladda FS ee ka dhanka ahaa Maamulka Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Adis Ababa (Caasimadda online) – Iyadoo dhawaan laga sii daayey xabsi ku yaal dalka Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi, dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay iyada Mas’uul ka tahay amnigiisa. Dowlada Ethiopia ayaa la xaqiijiyay in si rasmi ah ay ula wareegtay amniga Sarkaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax. Danyel Musami oo ah Sarkaal ka tirsan Booliska Ethiopia ayaa saxaafadda u sheegay in ka warqabka xaalada amni ee Qalbi dhagax ay tahay mid dusha ka saran dowlada Ethiopia inta uu ku sugan yahay dalkeeda. Sarkaalkaan ayaa sheegay in kiiska Qalbi Dhagax uu weli furan yahay isla markaasna ay ka sahlan tahay inta hartay kuwa laga soo gudbay, wuxuuna hadalkaan keenay shaki weyn oo ku aadan inay Itoobiya xiran karto Mas’uulkaan haddii ay usoo baahato maadaama kiiskiisa la sheegay inuu furan yahay. Booliska Itoobiya ayuu sheegay inay la socdaan xaaladda amni ee Qalbi Dhagax, wuxuuna sidoo kale sheegay in arrintiisa loo xil saaray ciidamo dharcad ah. Dowladda Itoobiya sharaxaad rasmi ah kama bixin sida amnigiisa loo sugayo iyo sababta keentay, wuxuuna kusii jeedaa dalka Kenya iyadoo laga cabsi qabo in mudada uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa uu caqabado kala kulmo dhinacyada kasoo horjeeda dowlada ee doonaaya waxyeeleynta Qalbi Dhagax si isku dhac uu uga dhex dhasho ONLF iyo Itoobiya. Arrintaan cusub ayaa kusoo aadeyso xilli mar hore Qalbi Dhagax la siiyey waraaq fasax ah oo u ogolaaneyso inuu dalka ka dhoofi karo ama uu si xor ah u joogi karo, waxaana lala yaaban yahay hadalka cusub ee kasoo yeeray dowladda Itoobiya. Qalbi Dhagax ayaa muddo bilooyin ah ku xirnaa dalka Itoobiya kadib markii dowladda Soomaaliya ay u dhiibtay dowladda Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
American special operations teams are playing a more direct role in military actions against suspected terrorists in Africa than the Pentagon has publicly acknowledged, planning and participating in combat raids by African troops in multiple countries including Somalia, Kenya, Tunisia and Niger, under a set of classified programs. Source: Hiiraan Online
-
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax ayaa Shalay markii ugu horeysay ka hadlay sababtii loo xiray iyo cidda ka dambeysay xarigiisa kadib markii dhawaan laga sii daayey xabsi ku yaal dalka Itoobiya oo uu ku xirnaa dhawr bilood. Haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa Lix (6) waxyaabood oo laga bartay hadalkiisa: Inuu yahay Nin ay ka go’an tahay Soomaalinimo: Qalbi Dhagax hadalkiisa wuxuu dhawr jeer kusoo celceliyey inay Soomaaliya midowdo isla markaasna khilaafka iyo is kooxeysiga laga tago, waxaana ka muuqatay inay ka go’an tahay sidii loo heli lahaa Soomaaliya oo hal ah, C/kariin Qalbi Dhagax ayaa sheegay inuu xoojin doono Midnimada, isku duubnimada iyo sidii Umadda Soomaaliyeed loo mideyn lahaa, isla markaana dib loogu walaaleyn lahaa. In la kala qariyey isaga iyo Madaxda ugu sareyso markii la xirayey: Qalbi Dhagax oo wareysi siiyey Wariye Coldoon ayaa sheegay inay jirto koox yar oo Muqdisho ku sugan taasoo kala qarisay isaga iyo madaxda ugu sareyso markii la xirayey, wuxuuna hadalkaas muujinayaa inaysan madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya aysan waxba kala socon xarigiisa. Inuu si weyn ula socday taageerada ay shacabka u muujiyeen: Qalbi Dhagax ayaa tilmaamay inuu si weyn ula socday taageerada ay shacabka Soomaaliyeed uu muujiyeen markii la xiray isagoo yiri “Shacabka Soomaaliyeed ee aad uga dhiidhiiyay jariimadii ay ashqaas yar i geysatay, waxay muujiyeen damiir walaalnimo oo Soomaali oo dhan mideeyay oo runtii taariikh lama ilaawaan ah, oo ku tuseysa in dadka Soomaaliyeed ay walaalo yihiin meel kasta ay joogaan” Inuu ka gaabsaday cidda xirtay: Inkastoo Qalbi Dhagax uu sheegay inay koox yar ka dambeysay xarigiisa taasoo ku sugan Muqdisho, haddana si rasmi ah ugama hadlin cidda xirtay iyo magacyadooda taasoo muujineyso inuu ilaa xad ka gaabsaday. Marnaba Itoobiya uma mahad celin: Qalbi Dhagax intii uu hadlayey marnaba uma mahadcelin dowladda Itoobiya oo xabsiga kasii deysay taasoo muujineyso inuu jiro kala fogaansho u dhaxeyso isaga iyo Itoobiya, waxayna arrintaan meesha ka saareysaa hadal heyntii ku aadaneyd inuu la shaqeyn doono dowladda Itoobiya. Taxdar iyo Daganaansho: Qalbi Dhagax intii uu hadlayey oo dhan waxaa ka muuqatay inuu ka fiirsanayo hadalada uu dhahayo, wuxuuna muujinayey taxadar aad u weyn si toos ahna ugama hadlin waxyaabo badan oo laga filayey inuu kashifi doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Intiinii la socotay waxaan dhawaan idiin soo gudbinay qeybta Labaad warbixino musalsal ah oo aan uga hadli doono sida ay Beelaha Soomaaliyeed u qeybsadeen xilalka Ururka Al-Shabaab kuwooda ugu sareeyo, kowooda dhexe iyo kuwa Hoose. Qeybtii koowaad ee warbixintaas waxaa kusoo qaadanayey 220 xubnood ee Al-Shabab ugu sarreeya iyo beelaha sida ay u kala qeybsadeen, sidoo kale qeybtii labaad ee warbixintaan waxaan kusoo qaadanay 10-ka xubnood ee golaha shuurada Shabaab iyo sida ay beelaha Somalia u kala qeybsadeen. Haddaba Waxaana Maanta qeybta Sedexaad kusoo qaadan doonaa 27 Mas’uul ee ugu sareyso Amniyaadka Shabaab iyo sida ay beelaha u qeybsaden Waxaa mar kale muuqato in Beesha Mogadishu Clan ay ugu badan tahay 27 Mas’uul ee ugu sareyso waxaana ku cad sawirka hoose inay Hawiyo Mas’uuliyiintaas ku leedahay wax ka badan 50% taasoo ah inay ku dhawaad 18 Mas’uul kasoo jeedan Beeshaas. Beesha Daarood ayaa ah Beesha kusoo xigto Mogadishu Clan, waxayna leedahay 20% xubnaha ugu sareyso amniyaadka Shabaab. Sidoo kale waxaa kusoo xigta Beesha Digil iyo Mirifle oo iyana leh 18% , halka 4% ay leedahay Beesha Dir. Ugu dambeyntii Beelaha Shanaad ama (Others) ayaa leh 2%. Waxaa si weyn u muuqato in Beesha Mogadishu Clan ay ku xoogan tahay dhammaan dhinacyadii aan kusoo qaadanay Warbixintaan Tixanaha ah. Halkaan hoose ka arag sawirka arrintaan muujinay. La socoto qeybta xigta oo aan uga hadli doono : Sida ay beelaha u qeybsadeen Mas’uuliyiinta Jabhadda Haddii ay ku dhaaftay warbixinadi hore halkaan hoose ka akhriso: 220 xubnood ee Al-Shabab ugu sarreeya iyo beelaha sida ay u kala qeybsadeen 10-ka xubnood ee golaha shuurada Shabaab iyo sida ay beelaha Somalia u kala qeybsadeen (Yaa u badan) Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxaa uu kusii jeedaa gobolada Barri ee maamulkaas kuwaasoo kala ah, Sool iyo Sanaag, sida ay u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online, illo xog ogaal ah. Muuse Biixi ayaa wuxuu ugu horeyn tegi doonaa deegaanka Ceel Afwayn ee gobolka Sanaag, halkaasoo maalmihii ugu dambeeyay ay ka taagneed xiisad colaadeed oo u dhaxeysa labo beelood oo katirsan kuwa degan deegaanka. Safarka uu Madaxweyne Muuse Biixi ku tegayo halkaas wuxuu kusoo beegmayaa maalin uun kadib markii Askar ka tirsan Somaliland lagu dilay halkaas, islamarkaana lagu dhaawacay Shan kale iyo labo rayid yihiin. Ujeedka sodcaalka Muuse Biixi ayaa lagu sheegay inuu salka ku hayo sidii uu usoo afjari lahaa colaadda muddo soo jirtay halkaas ka taagan, taasoo dad badan ku dhinteen, ayna ku barakaceen Kumanaan kale. Dhinaca kale, Muuse Biixi ayaa la sheegay in sodcaalka Ceel Afwayn kadib uu usoo ruqaan-san doono dhanka Tuuladda Tukaraq, gaara ahaan Jiida hore ee dagaalka si uu niyada ugu soo dhiso ciidamada Somaliland ee dagaalka kula jira kuwa Puntland. Dhanka kale Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool ayaa waxa ay sheegayaan in deegaankas lag maqlay jugta dhawaqa Madaafiicda oo ay isku-ridayeen Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntlnad. Ciidamada labada dhinac ayaa weli isku-horfadhiya deegaanka Tukaraq,waxaana saacadihii la soo dhaafay deegaanka ay labada dhinac ay ku sii daabulayeen ciidamo ad u farabadan taas oo abuurtay xiisad Cusub. Dadka tirada yar ee ku haray deegaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegeen in Barqanimadii maanta mar qura ay maqleen dhawaqa Madaafiicda oo ay iksu-ridayeen Ciidamada labada Maamul,ils amarkaana ay cabsi dareemeen. Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa deegaanka Tukaraq gaaray boqolaal ka mid ah Ciidamada Puntland iyo Xubno ka socda Golaha Wasiirada Maamulkaas kuwaas oo sheegay in uusan dagaalka kala dhaxeeya Soomaaliland joogsan doonin ilaa Ciidamada Soomaaliland ay ka baxaan Gobolka Sool. Khasaaraha ka dhashay madaafiicda ay tukaraq isku-weeydaarsadeen Maanta Ciidamada Soomaaliland iyo Puntland wali lama cadeyn,balse wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro dhaawacyo soo gaaray dad rayid ah. Qaramadda Midoobey ayaa sheegtay in ka badan 100,000 ay saameysay colaadda Tukaraq, iyadoo ugu baaqay dhinacyadda isku haya inay ka baaqsadaan colaad kale oo dhiig ku daato. Waa markii ugu horeysay oo Madaxweyne Muuse Biixi uu sodcaal ku kala bixiyo deegaano ka tirsan goboladda Sool iyo Sanaag, oo Somaliland Berri uga yaala, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay. Hay’adda Xasaradaha Adduunnka [ICG] ayaa dhawaan warbixin ay soo saartey ku sheegtay in Somaliland iyo Puntland ay qarka u saaran yihiin inuu dagaal aan dhamaad lahayn ku dhexmaro gobollada waqooyi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka digay in qeybaha mucaaradka lagu fiirsado dhibaatooyinka ay u maleegayaan dalka. Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay inay jiraan dhagaro ay dalka u maleegayaan mucaaradka waxa uuna tilmaamay inay khalad tahay in dadka shacabka ah ay marqaati ka noqdaan burburinta dalka. Madaxweynuhu waxa uu cadeeyay in dhagarta mucaaradka ay tahay mid ku saleysan burburinta dalka iyo in Somalia laga saaro qaarada Africa, sidaa aawgeed ay muhiim tahay in laga gaashaanto kuwa ku sifoobay burburinta Somalia iyo is hortaaga hanaqaadkeeda. “Shacabku waa inuu noqdaa kuwo u taagan difaacashada dalkooda, Somalia waad la soctaan in mudada ay burbursaneed laga masaxay aduunka, waa inaan iminka garanaa waxa noo dan ah, maaha inaan u daneyno shaqsi gaara iyo danihiisa’’ Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay in dadka shacabka ah uu uga digaayo inay ku kadsooman Sida Mucaaradka iyo Al-Shabaab oo ay ka go’an tahay in Somalia ay ka hirgaliyaan keliya wixii rabitaankooda ah. “Dadku waa inay kala furan indhahooda oo ay ogaadan waxa u wanaagsan, dalkaan waxaa caqabad ku ah laba jiho oo kala ah mucaarad iyo xagjir, waa inaanu ka shaqeynaa sida aan uga ilaashan laheynay dalkeena’’ Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo waxa uu cadeeyay in dhinacyada Al-Shabaab iyo Mucaaradka ay ka mideysan yihiin carqaladeynta dalka , waxa uuna cod dheer ku sheegay inay soo dhaweynayaan mucaarad dhisaaya dalkiisa isla markaana jeedinaaya dhaliil ka fog qalqal amni. Haddalka Madaxweyne Farmaajo ayaa imaanaya xili la quusiyay awoodaha mucaaradka iyo Al-Shabaab, inkastoo ay weli jiraan dhagaro ay maleegayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)Waxaa bishii Jun ee aanu soo dhaafnay magaalada Muqdisho ka dhacay Qaraxyo kooban markii la eego Qaraxyadii dhacay bilihii kasii horeysay. Qaraxyada dhacay bishii Jun ee lasoo dhaafay ayaa u badnaa Qaraxyo miino iyo kuwo loo adeegsaday Gawaari Ismiidaamin ah oo siyaabo kala duwan uga dhacay bartamaha magaalada Muqdisho. Qaraxyada bishan ka dhacay magaalada Muqdisho ee aanu diiwaan galinay ayaa tirro ahaan ah 7 Qarax oo mid weliba uu ka dhashay khasaaro xoogan. HOOS KA AKHRISO QARAXYADA IYO XILIYADA AY KALA DHACEEN 1-Jun 7, 2018, Qarax lagu xiray gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay Xaaafada suuqa Xoolaha ee degmada Yaaqshiid, waxaana lagu dilay Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka degmada Yaaqshiid kaas oo lagu magacaabi jiray Cali Cabdi Geedi Farayare. 2- June 15, 2018, Qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa uu ka dhacay degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Isgoyska Ifka Xalane qeybta degmada Dayniile. 3- Jun 20, 2018, Qarax lagu soo xiray Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay Isgooska Xaaji Baasto wadada Makka Al-Mukarama ee degmada hodan,waxaana ku dhaawacmay Qaraxa Wiil iyo Gabar wada socday. 4- Jun 22, 2018, Koox hubeysnaa ayaa bamgacmeedyo ku weeraray xarunta degmada Waabari ee Gobolka Banaadir xili halkaa ay ka soctay munaasabad. 5-June 23, 2018, Qarax lagu xiray Gaari nooca raxada ah ayaa waxa uu ka dhacay degmada Waabari gaar ahaan waaxda Hanti Wadaag, qaraxa ayaa waxaa gaariga loogu xiray Sarkaal ka tirsan Booliska. 6- June 30 2018, Qarax bambaano ayaa waxaa lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ku sugnaa Isgoska Baar ubax ee Magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay 4 Qof oo 3 kamid ah shacab yihiin. 7- Jun 30, 2018, Qarax miino ayaa lala eegtay Gaari dagaal oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan NISA kaa oo ka dhacay deegaanka Xaawa-Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxyada dhacay Bishii Jun ee lasoo dhaafay ayaa aad uga yar Qaraxyadii dhacay bilihii hore ee tagay waxaana muuqaneysa in hoos u dhac uu ku imaanayo Qaraxyadii badnaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The president of Somalia’s province of Puntland Mr.Abdiweli Mohammed Ali Gaas has lamented about the existence of a tribal militia that has refused to take orders from him. The militia the president of Puntland is complaining about recently joined the Puntland militia that waged a war against Somaliland government forces based at Tukaraq. According to reliable sources close to the realms of power, confirmed that a cabinet meeting was held on Thursday this week. In the meeting the president of Puntland addressed his ministers confirming the presence of a tribal militia that had converged in Qardho, in Karkaar region of the country. The president said that the tribal militia do not take orders from his government and have been mobilized by some people with political interest in mind, and opposed to his administration. He went further to reveal that the aforementioned militia have not communicated with Puntland commanders on the ground and have joined another mercenary force en route to attack Somaliland armed forces based in Tukaraq hamlet. Provincial Puntland leader said that the mentioned militia had a political agenda that he did reveal however he stated that they want to ruin the war he waged against the Republic of Somaliland. Meanwhile the minister of livestock and animal husbandry Mr.Abdillahi Sheikh Ahmed addressing the Puntland Press stated that the militias were answering the call of help from the Puntland administration which was asking for foot soldiers. President Gaas said that the tribal militia is a threat to Puntland internal security because they take orders from elsewhere. He asked the minister of livestock to make sure that the militia joins the government command, since they have formed their own command and bases parallel to the government of province of Puntland. Mr.Gaas added that the militia takes order from some politicians he did not name, but the media confirmed that they are the same people who will run for the presidency come electioneering time. He added that if the current militia is not disbanded other will imitate and form more tribal militias in the region hence the province becoming a militia’s playground. According to information circulating in the Puntland press confirm that Mr.Gaas is worried that the tribal outfit from Qardho may be used to fight a political war against his administration, since he wants cling to power by extending his tenure which is opposed by some politicians from Garowe who have put their foot soldiers at a place on a hill overlooking Garowe town. Puntland politicians accuse Mr.Abdiweli Gaas for lacking a political agenda for the nation concerning the Tukaraq war since he does not want the war to end a war that has cost many lives. The Qardho militia whose is number estimated to be more than 200 have armored mounted vehicles and when they went to join the Puntland militia they did not mix but made their own barracks and command centre
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdiga ka socday Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo Muqdisho kaga qeyb galay xuska maalinta xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luuliyo. Madaxweynaha ayaa tilmaamay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo himilooyinka wadajirka ah ee ay xambaarasanyihiin, isagoona sheegay in farxad-wadaaga, iska warqabka, dheef iyo dhib isla qeybsiga labada dal uu ku saleeysan yahay taariikhda qotoda dheer ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Jabuuti. Madaxweynaha ayaa yiri; “aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan idinkaga mahadcelinaynaa sida walaaltinimada leh ee aad noogala soo qeyb gasheen sanad guurada 58aad ee ka soo wareegtay xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo midwoga labada gobol. Jabuuti waa dal aanu walaalo nahay, mar walbana garab iyo taageero noo ah.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kaalintii uu ka geystay nabadeynta iyo dowlad dhisidda Soomaaliya, wuxuuna qiray in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan hiilka walaaltinimo. Wafdiga ka socday dalka Jabuuti ee la kulmay Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirrada Difaaca iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho, fannaaniin ka tirsan Kooxda Xarbi ee Ciidamada Qalabka sida ee dalka Jabuuti iyo saraakiil ciidan. Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliyana waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wafdi Jabuutiyaan ah appeared first on Puntland Post.
-
Riding a wave of populist anger fueled by rampant corruption and violence, the leftist Andrés Manuel López Obrador was elected president of Mexico on Sunday, in a landslide victory that upended the nation’s political establishment and handed him a sweeping mandate to reshape the country. Source: Hiiraan Online
-
Rift Valley Fever cases have hit 80 in Wajir County since the outbreak on June 7 this year. Source: Hiiraan Online